-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Osman Saleh, Eritrea’s Foreign Minister, said his country is “perplexed” by what it called Ethiopia’s “misguided and outdated ambitions” for maritime access and a naval base “through diplomacy or military force.” He urged the international community to press Ethiopia to respect “the sovereignty and territorial integrity of its neighbors.” Source: Hiiraan Online
-
Geopolitical Prize of the Horn: Why #US recognition of #Somaliland matters In an op-ed analyzing U.S. recognition of Somaliland, Adam Daud Ahmed, a political security analyst in the Horn of Africa, argues that the decision “provides a welcome chance to reshape the geopolitical realities within the Horn of Africa, with enormous strategic, economic, and security benefits.” The piece contends that Somaliland, which “gained independence in 1991,” has maintained “comparative political stability and democratic rule,” unlike #Somalia, which “is still plagued by violence, insecurity, and a weak central government.” The writer highlights Somaliland’s strategic position, stating, “The strongest argument for United States recognition of Somaliland may be its strategic position at the intersection of vital maritime trade routes.” He describes #Berbera Port as being on the Gulf of Aden with “direct access to the Bab el-Mandeb Strait, a significant maritime chokepoint that joins the Red Sea with the Gulf of Aden and the Arabian Sea.” The article argues that “a Berbera base would offer a forward presence to defend and monitor these vital maritime corridors,” enabling the U.S. to “take a more active role in guaranteeing the free flow of commerce, discouraging adversary powers from menacing them, and enhancing maritime security in one of the most important areas of the globe.” Beyond security concerns, the op-ed also discusses economic opportunities, stating, “Somaliland is replete with untapped natural resources, which also translates to immense economic opportunities for both Somaliland and the U.S.” Ahmed argues that recognition would place the U.S. “at the head of the line in securing supply chains for critical minerals,” which are essential for technology and defense industries. The article further asserts that “Somaliland recognition would enable the U.S. to offset China’s expanding influence in East Africa” and “forestall China’s monopoly of strategic infrastructure and seaborne trade routes in the region.” Qaran News
-
Madaxweyne Donald Trump, ayaa warqad uu u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, asagoo ka dalbaday wada xaajoodka heshiis cusub oo ku saabsan Nukliyeerka ah dalkaasi sameysanayo. Trump waxa uu si cad u sheegay in Iran ay haysato laba bilood oo kama dambays ah oo ay ku gaari karto heshiis, sida uu ilo xog ogaal ahi ay u sheegeen warbaahinta gudaha Mareykanka. Ergeyga Trump ee Bariga Dhexe Steve Witkoff ayaa warqadda u gudbiyay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Mohamed bin Zayed Al Nahyan, xilli uu ku sugnaa Abu Dhabi todobaadkii tagey, ayadoo Imaaraadkuna warqaddaas gaarsiiyay Wasaaradda arrimaha dibadda Iran. Si kastaba ha ahaatee lama oga jawaabta ay Iran arrintan ka bixin doonto, balse Trump wuxuu sheegay in Tehran haddii ay labadaas bilood heshiis oggolaan wayso ay tillaabo kale miiska u saarantahay. Source: goobjoog.com
-
Hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Maxamed Aadan Jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor iidda bisha Ramadaan dhammaystirayaan wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka argagixisada Daacish. “Hawlgalkii Hillaac ee Taliska guud uu qorsheeyay in lagu qaado ceelka Miiraale oo ah meeshii u danbaysay ee ay ku sii harsan yihiin firxadka argagixisada Daacish, waxa hawlgalkaasi u fulay dhammaan sidii loo qorsheeyay, ilaah baa mahadleh, dhammaan qorshe kasta oo la diyaariyay waa fulay.” ” Waxaa la burburiyay dhammaan difaacyadii ilaalada ee ku meersanaa ceelka Miiraale waxaana halkaasi ciidamadu ku dileen in ka badan 35 dagaallame oo ka tirsanaa argagixisada kaddibna waxaan kala wareegnay dhammaan Talisyadii ku wareegsanaa waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada difaaca dowladda Puntland” ayuu yiri S/Guuto Maxamed Degelle. “Hawlgalkii wejiga saddexaad baa socda oo hadda geba-gebo ah, waxaa noo qorshaysan ilaahay idankii intaan iidda la gaarin in aan dhammaan sifayno meel kasta oo ay ku dhuumanayan firxadkooda, waxaan rajaynayaa in iidda ka hor aan dhammaystirno wejiga saddexaad ee hawlgalka” ayuu sii raaciyay hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Degelle. PUNTLAND POST The post Puntland: Wejiga saddexaad ee dagaalka Calmiskaad wuxu dhammaan iidda Ramadaan ka hor appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland administration President Abdirahman has been blindsided by the comments of his foreign minister on the planned displacement Palestinians in Gaza. Hargeisa (PP News Desk) — Prominent political leaders and civil society organisations in Hargeisa have expressed dismay over comments made by Somaliland administration foreign minister, Abdirahman Dahir, about the proposal by President Donald Trump and the Israeli government to uproot Palestinians in Gaza. “We are open to discussion on any matter, but we do not want to speculate on matters that have not yet been discussed. All countries that are interested in discussing certain issues with us must first establish working relations with us and open diplomatic missions in Somaliland” Dahir told KAN, operated by the Israeli Public Broadcasting Corporation. Dahir: “All countries that are interested in discussing certain issues with us must first establish working relations with us and open diplomatic missions in Somaliland.” “If this is true that the Somaliland government has been approached for the resettlement of thousands/ millions of Gazans, is beyond belief, truly ridiculous. It is a repeat of the old colonial/ imperialist history of cleansing people from their homelands …” tweeted Mohamed W. Dualeh, former foreign adviser envoy of the former president of Somaliland administration. Last year, a major fundraising for Gazans took place in Hargeisa. Al Jazeera breaking news on the comments of the Somaliland administration foreign minister. Somaliland administration President Abdirahman Abdullahi has been accused of damaging the reputation of his new administration. “Unlike Britain which has diplomatic presence in Somalia and maintains an office in Hargeisa, Israel cannot have a diplomatic mission in Hargeisa. The Taiwan Office in Hargeisa could be closed soon given the protests made by the Federal Government of Somalia about Taiwan because Somalia subscribes to one China policy” said a journalist in Hargeisa. Somaliland administration claims to have unilaterally seceded from Somalia in 1991. Last week, the Foreign Minister of the Federal Republic of Somalia Ahmed Mo’alim Fiqi rejected the suggestion that Gazans could be resettled in parts of Somalia to implement the displacement plan proposed by the President of the United States, Donald Trump and the Israeli Government. © Puntland Post, 2025 The post Somaliland President Faces Backlash Over Foreign Minister’s Comments on Displacement of Palestinians in Gaza appeared first on Puntland Post.
-
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Hargeysa, 19.03.2025 Fadhigii 13-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa: * Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay. • Hab-sami u socodka iyo kobcinta Dakhliga Maaliyadda iyo Ururinta Cashuuraha iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST); waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in ay hawluhu meel fiican marayaan. * Warbixin la xidhiidha Kormeerka Xabsiyada Dalka iyo Furitaanka Xabsiga Mija-Caseeye: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay xaaladaha nololeed ee maxaabiista ku xukuman iyo arrimaha u baahan in la hagaajiyo sida hoyga, caafimaadka iyo waxbarashada maxaabiista ku jira 14-ka Xabsi ee dalka. * Warbixin la xidhiidha Xaaladda Dhoofka Xoolaha: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga. * Warbixin qoto dheer oo la xidhiidha hawlaha ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada ay Qaranka uga masuulka tahay, waxana Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada. Sidoo kale Wasiirku waxa uu si guud uga warbixiyey mashaariicda ka socda iyo kaalmooyinka Maaliyadeed ee ay hesho iyo heerarka ay marayaan. Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlan tahay ururinta, kaydinta iyo ilaalinta xogaha Qaranka (National Data Centre). * Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa sharraxay Himilada iyo Hiigsiga Wasaaradda taasi oo ku qotonta: Somaliland ku xidhan Dunida, Dhaqaale ahaan Kobcaysa, leh kaabayaal Madaaro iyo Adeegyo Duulimaad oo ku sifaysan Bad-qab, Amni iyo Hufnaan. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha warbixin ka siiyay waxqabadka 100-ka cisho ee Wasaaradda Duulista Hawada, sidoo kalena Golaha u soo gudbiyey Hab-raaca Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu si qoto dheer u faahfaahiyey Tiirarka 5-ta ee Istaraatijiyadda 5-ta sano ee soo socda hagi doonta Wasaaradda. * Hab-raaca ururinta 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda iyo isku-dubbaridka iyo qaaabaynta xogaha hawl-gallada ay Wasaaraduhu kaga qayb galayaan 100-ka maalmood ee ballanqaadyada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada. • Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay Qorshaha Istaraatijiyadda ee 5-ta sano ee soo socda ay ku hawl geli doonto Wasaaraddu. Sida oo kale Wasiirku waxa uu ku taliyey in si dhaw loola socda Mashaariicda ay Hay’adaha caalamiga ah iyo NGO-yadu ka fuliyaan degmo Doorashooyinka balse aan soo marin Wasaaradda. * Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Shirka Nabadaynta Ceel-Afweyn oo maanta ka furmay Ceel-Afweyn. Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan, hawlahaasi oo ku dhaw gabagabo, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisuna waxay ay hawlaha Qaramaynta ka sii wadi doonaaan meelaha kale ee Qaranka u qorshaysan. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
SOOMAALIYA MEEL QASHINKA NUKLIYEERKA BADDEEDA LAGU SHUBAY AHAYD IMMINKANA HUBKAA LAGU TIJAABIYAA !!!. Dadka hiraabka muqdisho ee adeegsada dawladnimadii fashilantay ee soomaaliya waxay waqtiyo fasax ku siiyeen dawlado shisheeye inay qashinka NUKLIYEERKA ka hadha u fasaxaan in lagu shubo dhinaca badweynta hindiya ee xeebaha xigta, taasoo sababtay inay xayawaankii badda ku jiray dhintaan oo yaraadaan. Waqtigan aynu joognno way kasiii dareen ma maqli jirtay HOOYADEEN INDO LA’AN MA KU OGAYD IYO HAAYOO DADCUNNIMAY KU DARSATAY maanta waxay marayaan hubka cusub ee uu turkigu sameeyo in lagu tijaabiyo dadkii DIYAARAD cusub oo ay iyagu buunbuuninayeen ayaa lagu tijaabinayaa dadka soomaaliya iyadoo loogu qiilbanaystay waxa lagula dagaallamayaa ARGGAGIXISO horta xaggay joogtaa arggagixisadau, miyaanay ahayn ta ku dhexmilan ee ay xidhiidhka iyo ganacsigaba leeyihiin dawladda xasan shiikh. Waa ayaan darro madax dadkoodii SODDON sano ka badan halaagaysay inay kuwii tashaday boqonta goyso sida gobollada bariga s. land oo ay weli dab ka hurinayaan.. Adduunyadu maanta way aragtaa meeqaamka ay kala joogaan s. Land iyo soomaaliya waana la aqoonsanayaa dalka soomali land ee mucaarid iyo muxaafidbba ilaalinta dalka meel hallooga soo jeesto, laba gardaaqana GAMCO bir ah hallagu qabto s. Guul. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa waxa uu maanta ka qayb galay Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska. Waxa xusid mudan in Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Diwaangelinta, Tayaynta, Casriyeynta iyo Xaq-siinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga Diwaangelinta Casriga ah ee Taariikhiga ah ee Ciidamada kala duwan ee JSL (𝐁𝐢𝐨𝐦𝐞𝐭𝐫𝐢𝐜 𝐑𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧) taas oo ah tallaabada koowaad ee hirgelinta dib-u-habaynta iyo Casriyeynta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwan Qaranku ay yihiin Haybadda iyo Udub dhexaadka Amniga iyo Xasiloonida Qaranka JSL iyo gaashaanka ilaaliya Qarannimadeenna, Difaaca Xuduudaheenna iyo xaqiijinta bad-baadada muwaadiniinta reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ciidamada Qaranku ay yihiin Hayy’ad Dastuuri ah oo u igman difaaca madax bannaanida dalka, xagga Dhulka, Badda iyo Cirka iyo guud ahaanba ilaalinta danaha Qaranka JSL. Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddida Wasiirada ah iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee uu Madaxweynuhu u xilsaaray Diwaangelinta iyo Casriyeynta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka. Sida oo kale waxa iyaguna Munaasibadda ka qayb galay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo Xubnaha Guddida Farsamo ee fulinaya Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada Qalabka sida. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Jurors began deliberations Wednesday morning in the high-profile Feeding Our Future fraud case, following six weeks of testimony and closing arguments from both prosecution and defence attorneys. Source: Hiiraan Online
-
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Shiikh Shakhbuud Bin Nahyan, ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya, isaga oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka kooban saraakiil iyo diblumaasiyiin. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo wafdiga uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. labada dhinac ayaa ka wadda hadlay fulinta ballanqaadyadii Imaaraadku sameeyay kaddib booqashadii uu madaxweynuhu ku tegay Abu Dhabi. Source: goobjoog.com
-
Dowladda soomaaliya ayaa dhowaan la wareegtay diyaaradda Bayraktar Akıncı oo ah diyaarad dagaal oo aan duuliye laheyn, waa nooc joog sare ku duusha, isla markaana adkeysi xooggan leh, waxaa horumarin ku sameeysay shirkadda tukiga ee Baykar, taasoo ah tallaabo ciidamada soomaaliya u horseedeysa kor-u-kac muuqda oo xagga dagaallada ah Diyaaradan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn ayaa loogu talagalay in ay sameeyso hawlgallo kala duwan oo ay ka mid yihiin ilaallo adag, sahmin iyo fulin Astaamaha iyo Awoodaha gaarka ah Waxay hawada sare ku jiri kartaa waqti aad u dheer oo ah (24 illaa 25 saacadood) iyadoo ay intaas sii dheer tahay in ay sameyneyso indha-indheyn iyo sahmin dhul baaxaddiisu ballaaran tahay Duulimaad horumarsan iyo xog-uruurin AI ah Diyaaraddan Waxaa loo qaabeeyay hab duulimaad horumarsan oo AI ku shaqeeya, kaasoo suurtagelinaya in ay dareento dhacdada isla wakhtiga dhabta ah ee ay wax dhacayaan, sidoo kale in ay si madax-bannaan u qaadato go’aanno wax-ku-ool ah, iyo in ay ku shaqeeyso wacyi sare, iyadoo fulineysa hawlgal waxtar leh Adeegsiga Culeysyo kala duwan Diyaaraddan dhererkeedu waa 12.2 mitir, ballaca baalasheedu waa 20-mitir, halka culeyskeedu uu yahay ugu badnaan 6,000 kg, diyaaradda Akıncı markiiba waxay qaadi kartaa in kabadan 1,350 kg oo culeys ah – ha ahaato rasaasta caaqilka ah ama bambooyinka la hago Hab Raadaar oo Horumarsan Diyaaraddan waxay sooc la tahay Tiknolojiyad Raadaar oo horumarsan, taasoo markiiba si fudud ku heleysa bartilmaameedka loo baahan yahay, weliba awood u leh in ay ku shaqeyso cimillo iyo xaalado kala duwan ayadoo si ogaal buuxa iyo wacyi sare ah u hawlgaleysa Isgaarsiin isku dhafan Waxay adeegsaneysaa xiriirka dayax-gacmeedka ha ahaato mid la xiriirta khadka aragg (LOS) ama mid ka baxsan khadka aragga (BLOS), si loo ilaaliyo xakameyn joogto ah iyo in xogaha loo kala gudbiyo masaafooyin aad u kala fog Saameynta ay ku yeelan karto Hawlgallada Soomaaliya La socoshada iyo xoojinta sahanka Diyaaradan aan duuliyaha lahayn waxay bixisaa xog sirdoon oo ku saleysan waqtiga dhabta ahayadoo si isku mid ah uga soo gudbisa Berriga iyo badda, taas oo muhiim u ah la socodka dhaq-dhaqaaqyada kuwa dowladda kasoo horjeeda sida Al-Shabaab iyo daacish. Awoodda Duqeyn sugan (in ay abbaarto bartilmaameedka) Waxay awood u leedahay in ay rasaas ku toogato isla markaana bambooyin ku duqeyso goobaha bartilmaameedka u ah, weliba in ay si sugan hadafka u toogato, taasoo wax weyn ka tareysa hawlgallada lagu sifeeynayo argaggixisada Iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan La wareegidda ay dowladda soomaaliya la wareegtay diyaaraddan ayaa hoosta ka xarriiqaysa xiriirka qotoda dheer oo dhanka difaaca ah ee u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, kaasoo gacan ka geysaneya xasilloonida iyo amniga gobolka Waxqabadyada Muuqda Adkeysiga ay u leedahay in ay sameeyso duulimaad 24-25 saac oo xiriir ah in ay ku hawlgasho duulimaad joog sare ah oo gaaraya 40,000 oo feet In ay dayax gacmeedka xiriir kala sameeyn karto meel 5,000 km ka shisheeysa In dowladda soomaaliya lasoo gaarsiiyo diyaaradda Bayraktar Akınci waxay ka dhigan tahay horumar weyn oo laga gaaray dhanka tignoolajiyada difaaca la xariirta. Diyaaradda sida adag ee loo farsameeyay, Culeysyada kala duwan ee ay xambaari karto, iyo muddada fog ee ay shaqeyn karto ayaa ka dhigaysa hanti qiimo leh oo lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada iyo astaan muujineysa xoojinta madax-bannaanida qaranka—iyadoo xaqiijinaysa doorka wax-ku-oolka ah ee Dowladda Turkigu ay ka qaadaneyso dagaalka casriga ah ee loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin Source: goobjoog.com
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQNPmE7y61ofV-8mCiiUKM2kP5SUoxLRGOsLhUHB6C5VdsC0fcdWvo5Dc0f4_2EtaDSzJJkUqIFRWLlUiW4iHmg0.mp4 Qaran News
-
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, kuwaas oo lagu fududeynayo wadahadalka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Jamhuuriyadda Rwanda. Kulankii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Dooxa ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida bariga DRC iyo guud ahaan gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay go’aanka ay dhinacyadu ku gaareen xabbad-joojin degdeg ah iyo shuruud la’aan, taasoo lagu adkeeyay shirkii EAC-SADC ee ka dhacay Dar es Salaam. Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay sida ay u aqoonsan tahay muhiimadda geeddi-socodyada nabadeed ee Luanda iyo Nairobi, iyadoo sheegtay in wadahadalladii ka bilowday Dooxa ay gogol-xaar u yihiin xal waara oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarka gobolka Harooyinka Waaweyn. Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay nabadda iyo iskaashiga gobolka, waxayna ku celisay taageerada ay u hayso dadaalladan diblomaasiyadeed. Sidoo kale, waxay garab istaagtay shacabka DRC iyo Rwanda si loo gaaro nabad waarta. Waxay dowladda Soomaaliya u mahadcelisay Dowladda Qatar doorkeeda firfircoon ee ay ku leedahay dhexdhexaadinta iyo dhiirrigelinta wadahadallada wax dhisaya. Waxay intaa ku dartay in ay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo xoojiyo dadaallada nabadeed ee dhowraya madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka, isla markaana lagu xoojinayo xasilloonida iyo iskaashiga gobolka. Source: goobjoog.com
-
Kani waa Sawirka Laahoor Dowladda Puntland oo War rasmi ah soo saartay ayaa shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay meydka maxbuus, Cabdiraxmaan Shirwac Siciid Laahoor, kaasi oo ku dhintay xabsi ciidan oo ay maamusho hay’adda PMPF. Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) oo warbaahinta u akhriyay natiijada ka soo baxday baaritaan uu sheegay in isbitaalka Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso ku sameeyay meydka Laahoor ayaa shaaciyay xanuunnada uu u geeriyooday maxbuuskaasi ee baaritaanka lagu ogaaday. “Baaritaan ay ku sameeyeen dhaqaatiirta isbitaalka Bender Qaasim ee Boosaaso waxay caddeeyeen Laahoor in uu u dhintay xanuunnada kala ah; Wadnaha oo hawlgab noqday, beerka oo hawlgab noqday, kelyaha oo hawlgab noqday, sambabada iyo dhiig-kar” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari oo warbaahinta u akhriyay nattiijada baaritaankii meydka Laahoor Guddoomiye Shaahdoon oo beeniyay wararka ku saabsan in maxbuus Laahoor xabsiga lagu dilay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaasi, waxaana uu sheegay in haddii dowladdu dilayso ay si toos ah tiirka u geyn lahayd, maadaama uu horay dil toogasho ah ugu xukunnaa. Laahoor oo amiir u ahaa shabakad dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanayd argagixisada Daacish oo dad badan ku dishay magaalada Boosaaso ayay Puntland dil ku xukuntay 2022-kii isaga oo maqane ah, balse wuxu gacanta dowladda soo galay horraantii bishii Febraayo ee sannadkan 2025. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay meydka maxbuus Laahoor appeared first on Puntland Post.
-
US and Israeli officials reportedly reached out to officials of three East African governments to discuss the potential transfer of displaced Gazan Palestinians. The de facto African state of Somaliland does not rule out absorbing Gazan residents, the state’s Foreign Minister, Abdirahman Dahir Adan, told Israel’s public broadcaster KAN on Wednesday morning. Somaliland’s foreign minister told KAN in a written statement, “We are open to discussion on any matter, but we do not want to speculate on matters that have not yet been discussed. All countries that are interested in discussing certain issues with us must first establish working relations with us and open diplomatic missions in Somaliland.” The most important thing for us is to receive recognition after showing the world that we are a peace-loving and democratic country, which has been independent for 33 years.” On March 14, the Associated Press reported that US and Israeli officials had reached out to officials of three East African governments to discuss the potential transfer of displaced Gazan Palestinians to their territories. Source Jpost Qaran News
-
Dowladda Ingiriiska ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, Muqdisho, kaas oo lala beegsaday kolonyada gaadiidka Madaxweynaha Soomaaliya. Weerarkan ayaa sababay dhimashada askar, wariyeyaal, iyo dad shacab ah. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay safaaradda UK ee Muqdisho, dowladda Ingiriiska waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qaraabada dadka ku naf waayey weerarkan. Sidoo kale, waxay xaqiijisay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah. Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale ku celisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa kulan kula qaatay magaalada Moqokori Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada. Madaxweynuhu ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynuhu uu ku suganyahay furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa u kuurgalaya xaaladda ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sida ay howgalladu uga socdaan furimaha hore ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqaaqo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Mandera, taas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa booliska Kenya, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi. Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Mandera, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradoodu lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay. Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaasoo gacanta u galay kooxda NISA. Jubbaland oo haatan ka hadashay falkan xiisad ka abuuray xadka ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, waxayna tacsi u dirtay dowladda Kenya iyo shacabkeeda. “Arrinta dhacday aad iyo aad ayaan uga xunahay waa wax aanu qorsheysanin, ugana tacsiyeyneyno dowladda Kenya iyo shacabkeeda,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland. Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa weerarkaasi la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay inay abaabuuleen siyaasiyiin dan gaar ah leh, sida uu hadalka u dhigay. “Wax walba sabab ayay leeyihiin is afgaran-waaga ka jira dowladda Soomaaliya dhexdeeda oo mar walba niman siyaasiyiin ah oo dan leh ay abuurayaan ayay arrimahan salka ku hayaan, maxaa yeelay maamulkii degmada Beledxaawo oo nidaamka dastuuriga ahaa ku dhisnaa waa loo diiday inuu shaqadiisa qabsado” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Cidda ku lugta leh iyo annaga waxaa la rabaa intaan dib u wada fariisano inaan deegaankeenna hormarkiisa iyo amnigiisa ka shaqeyno, ayna naga nabad-galaan dadka aan dariska nahay”. Dhinaca kale wuxuu farriin u culus u diray dowladda Kenya oo uu ka dalbaday in xaaladda la qaboojiyo, isla markaana aan la dhibaateyn shacabka ku nool deegaannada dhaca xuduuda, gaar ahaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera. “Dowladda Kenya ee aan walaalaha nahay iyo shacabkeeda waxaan ka codsaneynaa dadka aan waxba galabsanin ee ku nool Beledxaawo ama Mandera in iyagana ilaaliyaan xaquuqdooda,oo dhacdadan dhacday wax la xiriira aan dhib loogu gaysanin” ayuu yiri. Horay dowladda Soomaaliya ayaa iyana u qaatay tallaabo ay uga fal-celisay dhacdaasi, waxaana ay dib ugu celiyay dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerarkii ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera. Si kastaba ha ahaatee, raggiiii weerarka fuliyay weli lama hayo. Dhankooda ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan eedeysaneyaasha, si gacanta loogu soo dhigo, kadibna looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
-
Garowe (HOL) — Puntland has rejected the Federal Government of Somalia’s National Identification Card registration initiative, calling it politically motivated and a threat to the region’s autonomy. The administration warned residents against participating in the program, which it described as legally questionable and a financial burden on citizens. Source: Hiiraan Online