Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — The Chinese Embassy in Somalia announced on Wednesday that it will offer financial awards to the top 50 students in Somalia's National Examinations in 2024. The awards, ranging from $1,000 to $400, aim to enhance the friendship between China and Somalia and invest in Somalia's future, according to Chen Wendi, Chargé d'Affaires of the Chinese Embassy. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare ee dhaqaalaha. Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi Cali, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Aweys Cabdullaahi ayaa sidoo kale ah agaasimaha waaxda qorsheynta dhaqaalaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. La-taliyahan cusub ayaa qeyb ka noqonaya la-taliyeyaal dhowr ah oo horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha, xilli qaarkood ay dood xooggan dhaliyeen, maadaama ay jiraan wasaaraddo ku shaqo leh arrimaha loo magacaabay. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna leh la-taliyeyaal badan tan iyo markii uu xilka la wareegay, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan. Balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha. The post Ra’iisul Wasaare Xamza oo xil sare magacaabay maanta appeared first on Caasimada Online.
  3. Attorney General Keith Ellison's office said the cases involve false documentation, billing for services not provided and taking kickbacks, among other crimes. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — Somalia's economy is expected to grow by 3.1% in 2023, rebounding from a 2.4% increase in 2022. The recovery is driven by improved weather conditions and policy reforms aimed at reaching the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Completion Point. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - Somali Ministry of Education has deployed exam staff and materials to designated school locations throughout the country, amid hundreds of Somali students in Adan-Yabal, Harardhere, and Elder, recently liberated districts will set exams for the first time in 33 years. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahimo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhaawac xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Axmed Abshir Geedi oo ah nin dhalinyaro ah oo u ololeeya arrimaha qoyska iyo waxbarashada. Axmed ayaa waxaa la dhaawacay isaga oo ku sugnaa gudaha Beerta Banaadir, waxaana ku dhacday xabad aan la garaneyn halka ay ka timid. Dhaawaca Axmed Abshir Geedi ayaa ah mid fudud, waxayna xabadda uga dhacday gacanta midig, sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay. “Xalay 7:00 fiidno aniga oo joogo Beerta Banaadir, isla markaana dhex socdo ayaa qadartan la kulmay waxaan ka war helay gacanta midigta ah oo ay xabad qabsatay oo aad u dhiig baxeyso jiho ay ka timid ma garan karo” ayuu yiri Axmed Abshir Geedi oo la hadlay Telefishinka Shabelle. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad, isla markaana lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. “Isla markii waxaa la’iila cararay isbitaalka, haddana xaaladdeyda caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay” ayuu sii raaciyay Axmed Abshir Geedi. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in arrintiisa ay la wareegeen laamaha amniga, ayna wadaan baaritaano, si loo ogaado cidda la dambeysay falka lagu dhaawacay. “Qolada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa howsha ku jiro aniga ma kala garan karo sida ay wax ahaayeen, aniga oo dhex socdo Beerta ayay xabaddu i haleeshay” ayuu mar kale yiri. Axmed Abshir Geedi ayaa si wayn looga yaqaanaa baraha bulshada, wuxuuna ku caan baxay arrimo qoyska, waana mid kamid ah aas aasayaasha xarunta qoyska ee Guryosamo. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dhaawaca Axmed Abshir Geedi appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida wararku xaqiijinayaan maanta oo Khamiis ah safar ugu baxay dalka dibaddiisa. Madaxweyne Siciid Deni oo ku sii jeeda waddanka Imaaraadka Carabta ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Hamaan. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu safarkiisa ku sii mari doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya. Dhinaca kale Madaxtooyada Puntland weli kama hadlin ujeedka safarka madaxweyne Deni uu ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  8. Nairbo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ka kaxeystay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday gudaha magaaladaasi. Xildhibaanada la watay ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Cabdinuur iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo labaduba ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana gaari ku ritay rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin laamaha ammaanka dalka Kenya. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in labada xildhibaan oo kasoo baxay hoteelka lagu hor-jaray gaari, kadibna lagu qasbay inay xoog ku raacaan, waxaana halkaas lagu waydiiyau su’aallo dheeraad ah. Intaasi kadib waxaa lasoo wariyay in labada xildhibaan lasii daayay oo ay dib u heleen xoriyaddooda, laakiin ragga watay iskuma sheegin waxa ay ahaayeen iyo ujeedkooda. Su’aalaha wax laga waydiiyay ayaa ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inay uga soo horjeedaan hoggaanka dowladda federaalka, ayna ku howlan yihiin abaabulka mooshin, sida ay ku warrameen ilo xog ogaal ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Kenya iyo dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan falka lagula dhaqaaqay xildhibaannadaasi. Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay xildhibaannada iyo xubnaha ku sugan dalka Kenya oo qaarkood dagan gudaha dalkaasi. Nairobi ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin badan, waxaana magaaladaan shirar ku qabsada xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxda sare ee dowladda dhexe. The post Rag hubeysan oo hoteel ku yaalla Nairobi ka kaxeystay xildhibaanno ka tirsan BF appeared first on Caasimada Online.
  9. Ethiopia’s prime minister Abiy Ahmed visiting Sudan in June 2019. Photograph: Ashraf Shazly/AFP/Getty Images “ I am sorry, I don’t know anything about Abiy Ahmed.” The message flashed up from someone I had been told to call Napoleon. It was the middle of 2023, six years after I had first arrived in Ethiopia, and one year after I had left, in the midst of a war which was tearing it apart. Ethiopia was lurching from crisis to crisis, and behind each of them loomed one figure larger than any other: the prime minister, Abiy Ahmed. Napoleon was in the US. He had known Abiy when the two of them had worked together as cyber-intelligence officers in the 2000s. A mutual contact had prepared him for my call, and assured me that he was ready and willing. Just one day earlier, Napoleon had told me himself, via text message, that he would share with me what he knew of the character of the man who, five years earlier, had won control of the Ethiopian state. Now, though, Napoleon was having second thoughts. When I tried to ring, he blocked my number. Read more here The post From Nobel peace prize to civil war: how Ethiopia’s leader beguiled the world appeared first on Puntland Post.
  10. Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab ka sameyey Deegaano hoos yimaada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, xilli dhowaan gobolka saraakiil lagu dilay. Intii ay socdeen howl-galladu ciidanka ayaa burburiyey goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo fariisimo u ahaa sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu. Howlgalka waxaa hoggaaminayay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Sandheere Xasan Aadan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka koofur galbeed. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo dhowaan la filayo inuu billow wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab. https://www.youtube.com/@AdaliaRoseBudd Source: goobjoog.com
  11. Somalia's government is seeking to slow the withdrawal of African peacekeepers and warning of a potential security vacuum, documents seen by Reuters show, with neighbouring countries fretting that resurgent al Shabaab militants could seize power. Source: Hiiraan Online
  12. Hoggaamiyaha ururka Xisbullah ee Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin duulaan kasta oo uga yimaada Israel, isagoo sidoo kale digniin u diray dowlada Jasiiradda Qubrus (Cyprus) oo uu sheegay inay gacan siinayaan Israa’iiliyiinta. Digniinta kasoo baxday hogaamiyaha Xisbullah ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii ururkaasi uu soo bandhigay Muuqaal 10 daqiiqo ah oo ay diyaaradahooda sirdoonka ee Drone-ka ay kasoo qaadeen saldhigyada militariga Israel iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaal gudaha magaalada xeebta saaran Xayfah, taasi oo muujineysa in difaaca cirka Israel uusan awood u lahayn inuu xakameeyo dhaq dhaqaaqa diyaaradaha dronka ee Xisbullah. Nasrallah ayaa sheegay in hadii Israel kusoo duusho Lubnaan ay bilaabi doonaan dagaal aan wax xad ah lahayn isagoo sheegay inay heegan ugu jiraan ciidamo ka badan 100 kun oo askari, wuxuu intaasi ku daray in ay heystaan hub ku filan oo ay qaarkood gacantooda ku sameysteen. Wuxuu hogaamiyaha Xisbullah ku eedeeyey jasiirada Qubrus inay saldhigyadooda cirka iyo badda ay u fasaxeen militariga Israel, taasi oo ka dhigan in maamulka Qubrus uu qeyb ka noqon doono dagaalka ayna jawaab ka bixin doonaan hadii uu bilowdo dagaalkan laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Israel iyo Xisbullah. Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo bishii Oktoober ee sanadkii hore is dhaafsanayey duqeynmo ay ku dhinteen in ka badan 400 qof, xisbullah ayaa sheegtay inay wadi doonto duqeymaha Israel inta uu socdo duulaanka iyo xasuuqa ay ku wado Gaza. Maamulka Israel ayaa shalay shaaca ka qaaday inay hada qorsheenayaan duulaan ay ku qaadaan dalka Lubnaan, arrintaasi oo soo dadajisay jawaabta kasoo baxday Xisbullah. Xiisadan sii xoogeysaneysa ayaa kusoo beegantay xili Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Lubnaan uu safaro ku tagay Lubnaan iyo Israel si loo qaboojiyo xiisada, safarkaasi oo u muuqda mid lagu fashilay. Source
  13. Taangiyada Israa’iil oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka, ayaa kusii siqay gunta dhinaca galbed ee degmada Rafax ee koofurta Marinka Gaza. Saraakiisha caafmaadka iyo dad goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada Isra’il ay Arbacadi shalay Rafax ku dileen ugu yaraan siddeed qof, kuwaas oo intooda badani ku dhintay madaafiicda cirka iyo kuwa taangiyada ee ay labeegsadeen xaafadda Al-Mawasi. Al Mawasi oo u dhaw dhinaca xeebta Gaz ayaa waxaa u qaxay boqollaal kun oo qoys oo ka cararay Rafax, kaddib weerarki ay ciidanka Isra’il ku qaadeen Rafax. Dadka xaafadda Al-Mawasi ayaa sheegay in ciidanka Isra’il ay gubeen dhowr guri oo ku yaalla galbeedka Rafax, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan kala bar dadka rayidka ah ee u qaxay Rafax. Duqeymo kale oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsadeen koofurta Gaza Arbacadi shalay, ayay ku dileen ilaa 12 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay wakaaladda wararaka ee Reuters u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka. Dadka lagu dilay duqeyntaasi ayaa la sheegay in ay sugayeen kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday Gaza, kuwaas oo laga soo gudbiyay marinka Karem Shalom ee jidka Salaaxuddiin ee waqooyibari ee Rafax. Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday Gaza oo soo billowday bishii October, kaddib weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israa’iil, ayaanan u muuqan mid dhawaan soo gaba gaboobayo, kaddib marki ay fashilmeen dhowr isku day oo lagu rabay in xabbad-joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas. Source
  14. Sanadkaan dadka ka tagay Soomaaliya ee gudanaayay xajka waxay ahaayeen 11,500 sida uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim oo BBC-da u warramay, aduunyadana 1.83 milyan oo ruux wax ka badan ayaa tagay xajka. Balse kulaylka darran ee sanadkaan ka dhacay Sacuudiga ayaa sababay dhimashada xujeey gaaraya 550 ruux, waxaana la sheegay in Soomaali ay ka mid tahay dadka dhintay. Dadyoow badan oo kale ayaana sidoo kale la’a eheladooda oo aaday xajka. Heer kulka cimilada ee Sacuudiga oo gaadhay meelsare ayaana sababay dhimashada faraha badan ee dadkaan. Wasaaradda diinta iyo awqaafka Soomaaliya ayaa BBC da waxa ay la wadaagtay inta ay la egtahay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday kulayka sanadkaan, inkasta oo ay sheegtay wasaaraddu in mid kami dihi ku dhintay shil dhacay. ‘‘Xujeyda Soomaaliyeed waa badqabaan way fiicanyahiin, lix xaaji baa dhimatay, inta hadda la xaqiijiyay waa lix qof sabaha dhimashada hal qof unbaa shil ahaa” Ayuu yidhi agaasimaha Wasaaradda diinta iyo awqaafta Maxamed Xaaji Ibraahim oo ka war bixinaya xaaladda xujeyda Soomaaliya ee sanadkaan. “Dadka cimilada kulaylaha ka yimid oo dalkoodu yara kulaylaha iska ahaa, adkaysigoodu waa badnaa,” ayuu dhahay Maxamed Xaaji Ibraahim oo aaminsan dadka Soomaalida ah ee sanadkaan xajka ku dhintay in ayna keliya kulayle bas ah u dhiman. In ka badan 550 qof ayaa ku dhimatay sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, illaa iyo hadda dadka lama shaacin wadamada ay sida tooska ah ugasoo kala jeedaan balse diblumaasiyiin Carab ah oo wakaalada wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay in dadkaas 323 qof oo kamid ah ay kasoo jeedaan wadanka Masar 60 kalena ay u dhasheen dalka Jordan. Wadamada Induneesiya, Iraan, Sinigaal, Tuniisiya iyo gobolka isxkuma ee Kurdistaan ayaana sidoo kale sheegay in ay jirto geeri dadyoowgii halkaas kasoo xajiyay ah. Waloow tirada rasmiga ah ee halkaas kaga dhimatay xajka ayna qeexin. Diblumaasi Aasiyaan ah ayaa AFP u sheegay in ay jiraan dad ku dhow 68 qof oo kasoo jeeda Hindiya oo dhinatay kuwo kalena illaa haddeer la la’ yahay. Dowladdu Sacuudigu mayna bixin xogo ku saabsan dhimashada laakiin waxay werisay in ay jiraan in ka badan 2,700 oo dhacdo oo dad kulayl soo ritay ah. Sanadkii lasoo dhaafay tirada xujayda ku dhimatay gudashada xajka ayaa kor u dhaaftay 200 oo qof, kuwaas oo badidood ay ka imaadeen dalka Indoneesiya. Sanadkii lasoo dhaafay sida uu warsaxaafadeed ku sheegay wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya Mukhtaar Rooboow, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay xajka ugu yaraana 60 kalena waa ay ku xanuunsadeen kulaylkii jiray.. Xilligaas wuxuu ku tilmaamay dhimashadaas mid aan badnayn marka loo eego tirada guud. Wadamada caalamka ee Islaamka ayaa sanadkaan waxaa isaga kala yimid 1,833,164 qof oo doonayay in ay sanadkaan gutaan rugniga xajka .221,854 qof oo dalka Sacuudiga gudahiisa ka yimid ayaana ka mid ah xujayda sanadkaan. Halka 1,611,310 oo kale ay ka kala yimaadeen dunida kale ee Soomaaliya ku jirto. Dadkaas sanadkaan gudanaaya xajka 958,137 oo ka mid ah waa rag halka 875,027 ee kalena ay yahiin dumar, sida ay baahisay dawladda Sacuudi Carabiya. Tiro ay dawladda sacuudigu ku sheegtay 4,714 oo kamid ah dadkaas xujeyda ah ayaa ku yimid dalka Sacuudiga gaadiidka badda, 60,251 qofna waxay kasoo galeen jidadka dalalka kale kasoo gala, halka 1,546,435 oo dadkaas ka mid ahina ay kasoo galeen Sacuudiga garoomada diyaaradaha. 63.3% kamid ah dadkaasi waxay ka yimaadeen wadamada dhaca qaaradda Aasiya ee aan kamid ahayn carabta, 11.3% waxay ka yimaadeen wadama qaaradda Afrika e aan ka tirsanayn jaamacadda Carabta, halka 3.2% dadkaasi ay ka yimaadeen Yurub, koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika iyo Australia. Xilliga gudashada acmaasha xajka ee sanadlaha ah ayaa aalaaba la soo tabiyaa geeri ku timaada xujeyda qaar inkasta oo sababuhu kala duwanaadaan marar badan. Source
  15. Garowe (HOL) - Puntland regional state of Somalia refuted reports indicating that the Islamic State poses a growing threat in Puntland following a recent U.S. airstrike targeting the group's leader in Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Filibiin ayaa ku eedaysay Ilaalada Xeebaha Shiinaha inay u dhaqmaan sidii burcad-badeed, iyadoo sheegtay in ciidan ku hubaysan mindiyo iyo warmo ay qalqal geliyeen maraakiibtooda iska horimaadkii ugu dambeeyay ee badda lagu muransan yahay ee Koonfurta Shiinaha. Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida General Romeo Brawner ayaa sheegay in falkani uu dhacay 17-kii Juunyo, iyadoo askarta Filibiin ay isku dayayeen in ay dib u soo celiyaan badmaaxiin ku sugan badda Sierra Madre, oo Manila ay maamulaysay tan iyo sanadkii 1999-kii. “Ilaalada Xeebaha Shiinaha waxay ciidankeena kula dagaalameen gacmo qaawan,” ayuu ku Taliyaha Ciidanka Filibiin ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Wuxuu intaa ku daray”Annaga ayaga ayaa naga tiro badnaa, hubkooduna wuxuu ahaa lama filaan, balse ciidankeenu waxay ku dagaalameen wax kasta oo ay haystaan.” Filibiin ayaa sheegay in mid ka mid ah badmaaxayaashooda uu si xun ugu dhaawacmay, doomahana ay waxyeelo soo gaartay. Taliyaha ciidanka ayaa tilmaamay in ilaalada xeebaha shiinuhu ay u dhaqmeen sidii burcad badeed, isagoo tibaaxay in cidda keliya ee burburinta maraakiibta, dhibaataynta badmaaxyada, iyo waxyeelaynta qalabkoodu ay tahay burcad badeed. Soohdin biyeedkan lagu muransanyahay oo la yiraahdo badda koofurta shiina ayaa waxaa isku haysta dalalka shiinaha, taywaan, Filibiin, Maleesiya, Vietnam iyo Bru Source: goobjoog.com
  17. Warbixin kasoo baxday Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza “laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka.” Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in baaritaan lagu sameeyay ilaa lix duqeyn oo cirka ahaa oo ay ciidamada Isra’il ka fuliyeen Gaza inti u dhaxeyay bilihii October iyo December ee 2023-ki, lagu xaqiijiyay dilka in ka badan 200 oo ruux. Duqeymahaas ayay warbixintu sheegtay in lala beegsaday dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuulli, suuqyo iyo xerooyin qaxooti oo dhammaantood ku yaalla Gaza. Madaxa xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM Volker Türk ayaa sheegay in ay u muuqatay in Israa’iil aysan samayn isku day ah in ay si wax ku ool ah u kala soocado rayidka Falastiiniyiinta iyo dagaalyahanada Xamaas. “Nolosha rayidka iyo kaabayaasha waa la ilaaliyaa” marka loo eego sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, ayuu yiri Turk. “Sharcigani waxa uu si cad u qeexayaa waajibaadka cad ee dhinacyada iskahorimaadyada hubeysan ka saaran in ay mudaanta siiyaan dhowrista rayidka.” Source: goobjoog.com
  18. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay inuu dib u habeyn ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda, islamarkaana wax badan laga badeli doono. Wasiir fiqi ayaa faray dhammaan danjireyaasha muddo howleedkooda safaaraduhu idlaadeen in xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay, laguna kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Danjireyaal isugu jira safiirro, qunsulllo, iyo ergooyin joogto ah, kuwaas oo muddo howleedkoodii safaaraduhu ay soo dhammaadeen oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay ku dhawaad 10 sanadood Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalalka caalamka qaarkood u fadhiyeen. Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradaha, loogana baahanyahay inay hore u socod sameeyaan, isagoo caddeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay xeeldheereyaasha iyo aqoonyahannadu dowladda ugu baaqeen inay danjireyaal tayo leh u dirsato golahaas iyo guud ahaan dunida si ay uga Faa’iidaysato xubinnimadeeda, islamarkaana ay u xoojiso saameynteeda diblumaasiyadeed. Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kulanka oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Kulankooda ayey diiradda ku saareen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha, xilligaan oo Soomaaliya soo kabasho ay ku jirto. Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika, waxaana uu kamid yahay madaxda ugu xukunka dheer. Source: goobjoog.com
  20. London, UK (HOL) — An employment tribunal has ruled that used car seller Stellantis & You discriminated against two sales advisers, who were subjected to racial slurs, including being called a "Somali pirate" and a "Black bastard." Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Bilan, Somalia's only all-women news team, has won the 2024 One World Media Press Freedom Award, marking the first time a Somali media team has received this prestigious honor. The award recognizes Bilan's courageous and groundbreaking reporting over the past two years. Source: Hiiraan Online
  22. Djibouti (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on Wednesday to meet with his counterpart, Ismail Omar Guelleh. Source: Hiiraan Online
  23. Afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari ayaa xalay si layaab leh u qirtay in aysan suragal ahayn Israa’iil inay burburiso oo meesha ka saarto Xamaas. Wuxuuna ku sheegay waraysi uu siiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 13 ; “Xamaas waa fikrad, mana dhimato fikrada, waxayna ku jiraan quluubta Falastiiniyiinta… wayna nagu adagtahay in aan meesha ka saarno.” Wuxuu intaa ku daray “Marna ma soo celin karno dhammaan dadka la afduubay annagoo adeegsanayna qaab ciidan … Qiimaha aan ku bixinay dagaalkan waa mid aad u sarreeya…marna ma aamusi karno.” Hadalkaasi wuxuu gilgilay Israa’iil, iyadoo oo uu soo baxay Netanyahu oo sheegaya ; “Burburinta Xamaas waa hadafka dagaalka…ciidamada Israa’iilna waxaa ka go’an inay gaaraan hadafkan.” Wargeysyada iyo telefishinnada Israa’iil ayaa hadda ka dhigtay ciwaannada kore ee wararkooda , soo shaac bixista khilaaf u dhaxeeya militariga iyo Netanyahu. Tan ayaa sare u qaadaysa doodda Israa’iiliyiinta , gaar ahaan qoysaska maxaabiista oo sheegaya in Netanyahu uu dagaalkan u dheereynayo si indho la’aan ah, sababo u gaar ah oo uu ku doonayo inuu kursiga ku sii joogo. PUNTLAND POST The post Afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay in aysan ka adkaan karin Xamaas appeared first on Puntland Post.
  24. Italian coast guard officials and U.N. agencies said eleven people died and more than 60 were missing following two migrant shipwrecks off Italy's southern shores. Source: Hiiraan Online
  25. The UN World Food Programme (WFP) said Wednesday that it received a substantial donation of $37 million from the US for crucial food and nutrition assistance to refugees in Kenya. Source: Hiiraan Online