-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baarlaamanka Puntland, ansixintii DP World Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ayaa mooshin ka keenay shirkada DP World oo sanadkii hore lagu wareejiyay maamulka dekadda magaalada Boosaaso. Xildhibaanadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa sheegay in shirkadda DP World ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Puntland, maadaama aysan wax shaqo ah ka qaban dekadda Boosaaso muddo labo sano ah, waxayna ugu baaqeen in ay si deg deg ah uga baxdo dekadda. Xildhibaanadan oo tiradooda ku sheegay 18 ayaa sheegay in mooshinka ay ka keeneen shirkada DP World u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka Puntland oo ay sheegeen in uu ka qabtay. Heshiiskii Puntland iyo DP World Puntland iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta ayaa 6 April 2017 magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo dekadda magaalada Boasaaso. Heshiiskaas waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka dekadaha Siciid Maxamed Raage, halka dhinaca DP World uu usaxiixay maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman. Lacagta lagu maalgalinayo mashruucan ayaa lagu sheegay in ay dhan tahay $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo sodon iyo lix milyan), iyadoo shirkadda DP World ay wajiga kowaad ee mashruucan ku bixinayso 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo doolar. Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayay in dhismaha dekadda lagu dhamays tiri doono mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, wuxuuna socon lahaa muddo 30 sanadood ah oo ka bilaamaysay taariikhda heshiiska la saxiixay, sidoo kale DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 milyan oo hormarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ku bixisay laaluush ay siisay baarlamaanka hadda mooshinka keenay, kadib markii ay rideen Golihii wasiirada sanadkii hore. Ansixintii Baarlamaanka heshiiskii DP World Baarlamaanka Puntland ayaa 27 July 2017 kal-fadhigoodii 39-aad ku ansixiyey heshiiska shirgadda DP World iyo Puntland, iyagoo ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weydiiyey Wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage, 56 Mudane oo k aka tirsan Baarlamaan Puntland ayaa maalintaas cod gacantaaga ugu codeeyey heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland ee ballaarinta iyo casriyeynta Dekada magaaalada Boosaaso. DP World iyo la wareegidii Dekadda Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka dekadda Boosaaso, waxaana munaasabadii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, maamulka goboka Bari, nabadoono iyo waxgaradka gobolka iyo wakiilo ka socday shirkadda. Intaas kadib ganacsatada wax kala soo dega dekadda Boosaaso ayaa muranka ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacey mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas. Muddo isqab-qabsi ah kadib waxaa murankaas soo dhexgalay qaar kamid ah issimadda Puntland oo ka soo saarey go’aamo lagu dhexdhexaadiyay labada dhinac, waxaana ilaa xiligaas dekadda ka shaqeynayay go’aamadii issimadda. DP World ilaa xiligii ay heshiiska la gashay Puntland wax shaqo ah kama aysan qaban dekadda, waxaana loo aanaynayaa isqab-qabnsiga dowladda iyo ganacsatada oo saameeyay heshiiska. Muxuu yahay qorshaha Baarlamaanka Puntland? Baaralamaanka Puntland ee hadda oo mudadii uu jiray lagu bartay la xisaabtan la’aan iyo laaluush qaadasho ayaa la aaminsan yahay in ay wadaan dano gurracan oo aan shacabka loogu danaynayn kuna raadinayaan dhaqaale. Waxaana sawirka laga bixin karo mooshinka ay baarlamanka Puntland hadda ka keeneen shirkadda DP World uu yahay “Baroortu orgiga ka wayn” uuna lamid yahay kii ay sanadkii hore ku direen Golihii xukuumadda. Baarlamaanka Puntland ee hadda jira oo muddo xiliyeedkiisii ay ka dhiman tahay wax ka yar labo bilood ayaa lagu xilmaamaa in uu yahay kii ugu xusuusta xumaa tan iyo asaaskii Puntland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland:- “Baroortu orgiga ka wayn”! appeared first on Puntland Post.
-
Mashruucii Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Kooxo Dhaqaale Raadis Ahi Ku Hirdamayaan, Madaxtooyada Oo Joojisay Tartankii Loo Galayay Iyo Su’aal Ka Taagan Cidda La Siinayo Mashruucaasi Kooxo Shirkaddo Ajaanib ah degta ku sita ayaa ku hirdamaya Hanashada Mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa,kadib markii ay Madaxtooyaddu meesha ka saartay qorshihii markii hore loo dejiyay ee tartanka loogu galayay,waxaanay su’aali ka taagan tahay Cidda Mashruucaasi hanan doonta iyo qaabka mashruucan ay Madaxtooyaddu ku bixin doonto. Hore ayaa loo shaaciyay in Mashruucaasi tartan loo galayo waxaana codsaday shirkado door ah oo u badan kuwo ajaanib ah oo ay hoosta kaga jireen islamarkaana ay wateen dilaaliin xidhiidh la leh Madaxtooyadda,Balse waxa ay hawshii isbadeshay kadib markii uu Dhawaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysi Maxamed Cali Axmed (Daarood) uu soo saaray warqad qoraal ah oo lagaga noqday tartankaasi taasi oo uu ku socodsiiyay dhamaan shirkadihii soo codsaday Mashruucaasi waxaanu u sheegay in gabi ahaanba la joojiyay tartankaasi,isagoo shirkad kasta u celiyay Macluumaadkeedii ay kaga qayb galaysay tartanka. Illaa iyo hadda lama garannayo qaabka loo maamulayo Mashruucaasi,cidda la siin doono iyo sida loo bixinayo, waxaana ku dul gaaf wareegaya madaxtooyadda kooxihii ee hore dilaaliinta uga ahaa shirkadahaasi hore ee ajaanibka ahaa kuwaasi oo imika qaab waji garasho ah iyo ehelnimo ah ku baadi goobaya inay mashruucaasi ku helaan. Qaar ka ah dilaaliinta ayaa weel u sii samaystay mashruucan islamarkaana Xafiisyaddii kasii furtay magaalada Hargeysa,iyagoo shaqaale iyo maasuuliyiintii ka maamuli lahaydna sii dhistay balse waxaan la ogayn halka uu mashruucaasi ku dambayn doono iyo cidda ay Madaxtooyaddda oo gacanta ugu weyn ku lehi ugaran doonto inay mashruucaasi hawshiisa la wareegto. Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo dhawaan ka hadlay mashruucaasi iyo kooxan ku hirdamaya ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan aad iyo aad ugu boorinayaa maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Waad ogtihiin lacagta la inoogu deeqay ee Hargeysa Biyaha loogu samaynayo,waxa jira dilaaliin yar yar oo hadda doonaysa in Mashruucii kastaba ay dilaalaan,oo aan dadka ka naxayn,Mashruucaasi lacagtiisa waxaa bixiyay Dalka Jarmalka, Dawladda Jarmalku waa Dawladda ugu deeqda badan dhinaca Somaliland, waxay inoosoo wadaa iskuulo lagu baranayo Farsamada Gacanta “Technical Schools””. Waxa kale oo uu yidhi: “Waxaan leeyahay halaga daayo maareeyaha Musuq Maasuqa iyo Dilaalista meeraysanaysa, waxaan leeyahay Madaxweynaha waa in bird-kaasi la samaynayo si cadaalad ah loo sameeyaa. Nin waliba waxa uu soo kaxaysanayaa Shirkad yaroo aanay aqoonteedu geedkan gaadhsiisayn, oo odhanaya lacag ayaan idin siinayaaye ii ololeeya. Dhalin yartan yar yar ee hadda Hunguriga lasoo baxday Waxaan leenahay adeerayaal Xishooda, Madaxtooyaddan aad soo dhego dhegaynaysaa joojiya ayaa idin leenahay”. Sikasta ha noqotee, shacabka ku dhaqanka Magaalada Hargeysi waxa ay naawilayaan inay maruun helaan Biyo ay ka haqab baxaan, iyadoo maalmiihi u dambeeyay uu qiimaha foostada biyaha ahi kor dhaafay 25000-Kun Oo Shilinka Somaliland ahi. Sidoo kale waxa gacantii Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ku fashilmay mashruucii Biyo Balaadhinta Xumbo Weyn oo la doonayay in Biyo loogu soo saaro Magaaladda Hargeysa,kaasi oo lagu lunsaday Maalaayiin dollar oo Somaliland lagu Caawiyay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si deg deg ah u amray inay dalka ugu soo laabtaan dhammaan Diblamaasiyiinta Soomaaliya u joogo wadanka Suudaan eek u yaal Qaaradda Africa. Ra’isulwasaaraha ayaa wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ku amray inay deg deg ugu yeerto dibloomaasiyiintaas oo Ra’isulwasaaraha loo soo gudbiyey musuq maasuq ay ka wadaan Safaaradda halkaas ku taal ee Soomaaliya. Dadka la amray inay dib ugu soo laabtaan dalka ayaa kala ah sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan . xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 August ka soo saaray waraaq lagu amrayo inay dalka ug usoo laabtaan dinlamaasiyiintaas isla markaasna ay ilaaliyaan waqtiga loo qabtay. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawan tagay Magaalada Khartuun ayaa waxaa dacwad ka dhan safaaradda Soomaaliya usoo gubdiyey iyadoo ka cabanayey dhibaato ay sadaaradda ku heyso ardayda Soomaaliya iyo muwaadiniinta kale ee safaaradda dano kasoo yeesho. Qaar kamid ah ardaydaas ayaa Ra’isulwasaare Kheyre u sheegay in haddii u ka tago isagoo aan wax qaban dhibaatada taagan ay ogaan doonaan inuusan dalka laheyn madax ka danqaneyso dhibataada heysato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ka aqbalay mooshin ka dhan ah Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo dhisaysa Dekedda Boosaaso. Baarlamaanka Puntland ayaa gudbiyey Mooshin ka dhan ah shirkada P & O oo qeyb ka ah DP WORLD, horeyna loogu wareejiyey dekeda magaalada Boosaaso. Mudanayaasha oo mooshinkooda u gudbiyey guddoonka golaha ayaa ku sababeeyey in ay shirkadan ilaa hadda waxba ka qaban xaaladda Dekeda Boosaaso, una muuqato in ay u haysato sidda ay sheegeen Dano siyaasadeed. Xildhibaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay raaceen go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka uga mamnuuceen in ay ka Shaqeyso dalka Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,isla markaana dekada Boosaaso ay ku maamusho sisharcidarro ah. Tiradda Xildhibaanada Mooshinka gudbisay ayaa ah 21 xildhibaan. Qaar kamid ah Xildhibaanada oo la hadlay wariyayaasha ayaa sheegay in talaabada ay mooshinka ku keenen ay ka dambeysay markii ay mudo labo sanno ah ka war sugayeen DP WORLD iyo shirkadeeda yar ee P & O in ay meelmariyaan waxyaabihii lagu heshiiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Maxamed Rashiid Isaaq oo ahaa, Afhayeenkii Baarlamaanka ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu iska casilay xilkii hayey, sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu isana ka tegay shaqadda. Ma cadda sababta ay Jagooyinkooda uga tageen, balse, waxay kusoo beegmaysaa xili siyaasadda degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka jirto isbedalo waa wayn oo hogaanka maamulka ku dhacay. Labadaan masuul oo kamid ahaa Sharci-dejiyaasha ugu muhiimsan gobolka ayaa waxay ka tirsan yihiin Xisibiga taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loosoo gaabiyo magaciisa ESPDP. Arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmaya xili kulamo looga arrinsayo mustaqbalka gobolka ay ka soconayaa Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo xubno badan ay joogaan. Cabdi Cumar Maxamed oo ahaa Hogaamiyaha Xisbiga taladda haya ee DDSI, iyo Madaxwaynaha ayaa is-casilay, waxaana loo doortay madaxa Xisbiga Axmed Shide oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee dowlada Federaalka Itoobiya. Axmed Cabdi Maxamed [Ilka Case] ayaa loo xushay inuu noqdo Madaxwaynaha dowlad degaanka kadib is-casilaadda Cabdi Illey, waxaana uu horey usoo ahaa Ilka Case Wasiirka Maaliyada gobolka. Ilka Case iyo Axmed Shide ayaa waxaa la fahansan yahay inay xulufo dhow la yihiin Cabdi Ille. Waxaa la filayaa in doorasho ka dhaco maamulkaas dhowaan. Is-casilaada Afhayeenka Baarlamaanka ee dowlad degaanka iyo Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee gobolka ayaa waxay wali yihiin kuwa boosaskooda uu banaan yahay, inkasta oo dhowaan la filayo in la xusho dadkii lagu bedali lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeed kasoo saartay dhibaatada lagu shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Hormuud. Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada Xuduudda ayaa dhibaato xoog leh ku hayey mudooyinkii dambe Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxayna gubeyn illaa lix xarun oo ay shirkadda ku laheyd Gobolka Gedo. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamtay mid aan la qaadan karin isla markaasna loo baahan yahay in si deg deg looga hortaggo. Rugta ayaa sheegtay inay dowladda Soomaaliya dhawr jeer u gubdiyeen dacwad ka dhan ah Ciidamada Kenya ee dhibaatada ku hayo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud balse aysan jirin ila hadda tallaabo laga qaaday falkaas guracan ee lagu hayo shirkaddaas. Ugu dambeyntii Rugta ganacsiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg arrintaas wax looga qabto si aan loo curyaamin Ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo shirkdda Hormuud. Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
-
GUUGUULAHA SIR-DOONKA: Sirdoonku ma fan baa mise waa cilmi-saynis? Maya, ee waa labadaas oo wada jira, bilowgii hore waxaa la falkiyey qaybta fanka ah ee “The art of intelligence”. Maanta oo la joogona, sir-doonku waa cilmi Saynis buuxa “Scientific and Technical Intelligence”. Dawladaha adduunku si joogta ah ayay isu basaasaan iyaga oo ilaashanaya danahooda amnni iyo kuwa dhaqaale. Farsamooyinkii hore waxaa ku soo biiray kuwo hor leh oo maanta ay tiknaloojiyaddu hormuud u tahay. Taariikhda cusub ee Soomaaliya waxay xasuusantahay, 12 sano oo nabad sugiddu aad u xoog badnayd, xilligaas oo uu madax ka ahaa S/Guuto #Axmed_Saleebaan_Dafle oo isagu aasaasay Nabad Sugiddii Soomaaliya NSS. Nabad sugiddaasi, shishe iyo duluc bay lahayd, wixii dumey bay lahayd. Maanta, Afarta waaxood ee sir-doonku ku hawlgalaan, midna cago fiican kuma taagnna, waxaa badan kuwa la iibsan karo ee dalkooda basaasa. Ma maqashay doodda odhanaysa, Qalbi Dhagax waxaa galaaftay xog khaldan oo madaxda qaranka la siiyey? Haddii aad maqashay! Ogow kolkaas laamaha ammaanka oo dhammi dib-u-eegid qoto dheer ayay u baahnaayeene! Fahad_Yaasiin, nabad sugidda uma uusan iman in uu ku “fara-macaysto” – Fara macaysigu waa maxay? Waa marka qof meel dan la’aan la fadhiya loo keeno shaqo fudud oo isaga oo fadhiya uu faraha ka qaban karo, sida xadhig la soohayo oo kale – Ee waxaa loogu magacaabay in uu shaqadaas ka soo dhalaalo. Sanadkii hore, waxaan jaanis u helay in aan muddo saddex bilood ah si iskaa-wax-u-qabso ah ula shaqeeyo qaybaha kala duwan ee ciidanka, durba waxaa ii muuqatay dhaliilo caad yaal ah oo laamaha ammaanka ku fidsan, waxanse ogaa dadaalka Madaxwaynuhu ugu jiro sidii uu dalku ku helilahaa ciidan xoog leh oo gaashaan u noqda ciidda iyo calanka Soomaaliya. Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya tan iyo maalintii uu ka tagay Axmed S. Dafle lama sheegin wiil kale oo isaga oo shaadh cad galay, misna shaadh cad kaga baxay! Waxaanse ku male waynahay ninkii labaad in uu yahay #Fahad_Yaasiin oo inta aan ka aqaanno u diyaarsan in uu hoggaamiyo sir-doonka dalkeenna. Magacaabistiisu, waxay qaydar qodaxdii kaga qadhaadhahay wadankeenna kii dhibaya, dhagartiisa kii galaya. W/ Qoray Abdirashid M. Hashi
-
The number of Ethiopians who are returning from Djibouti weeks after the unrest in Dire Dawa city has reached over 6,400, The Reporter has learnt. Source: Hiiraan Online
-
BAIDOA, Somalia (Caasimada Online) — A fierce gun battle broke out between government forces and Al Qaeda linked Al-Shabaab fighters near Baidoa town, about 250km southwest of Somali capital Mogadishu. The clash flared up when heavily armed militants launched an ambush attack on army bases manned by government soldiers in Daynunai area near the town, a policeman Nour Hussein said. Hussein says two soldiers were killed in an ambush attack carried out by Al-Shabaab fighters near Baidoa town. He said that military forces repulsed the attack. Saturday’s attack was claimed by Al-Shabaab. The group says heavy loses had inflicted upon the soldiers during the attack. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in ay ka dhex tafatay madaxweynaha Puntand Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey. Warar ay Caasimadda Online heleyso aya xaqiijinaya in ay Cabdiweli Cali Gaas uu ku amray Camey in uu dib ugu soo laabto Garowe kaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Muqdisho. Hase ahaatee, sida ay ilo wareedyada oo ku ag dhaw madaxtooyada Puntland ku warramayaan Eng Camey waxa uu diiday dalabkii ahaa in uu ku soo noqdo Garowe taas oo dhalisay in ay isaga iyo Gaas Telefoonka hadal adag isugu weydaarsadaan. Arintan ayaa imaneysa xilli la sheegay in Camey uu Muqdisho u yimi si uu taageero uga helo dowladda Federal-ka maadama uu dhawaan ku dhawaaqi doono murashaxnima xilka madaxweyne ee Puntlnad. Madaxweyne ku xigeenka Puntand oo lagu tilmaamo kii ugu xumaa ee xilkaas ka qabta Puntland ayaa hadda dagan mid ka mida Hotel-lada Muqdisho isaga oo soo dayacay shaqadiisii. Xogo hoose ayaa ku warraaya in uu Muqdisho ku casumat Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo si gaar ah u doonaya in uu ku taageero tartanka sanadka dambe bilowgiisa ka dhici doona Puntland. Hase ahaatee, waxaan la saadaalin karin haka uu ku biyo shuban doono dagaalka siyaasadeed ee ka dhex kharxay Cabdiweli Gaas iyo Camey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – A roadside bomb explosion targeting government soldiers on board, has left at least 4 people wounded in Somalia’s capital Mogadishu. The explosion went off in the city’s Hodan area, targeting a vehicle carrying government soldiers, a witness, who asked to be anonymous, said. He says the blast injured 4 civilian people on board while passing through Taleh area in the capital. The victims were taken into Madina hospital for medical treatment. The bomb explosion was immediately claimed by Al Qaeda linked Al-Shabaab. The group says it had targeted senior government officials on board in Somali capital Mogadishu. There was no comment from security officials over the claims. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xil cusub u magacaabay taliye ku xigeenkii NISA ee dhowaan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo. Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Taliye ku xigeenkii labaad ee Hay’adda NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) loogu magacaabay la-taliye sare oo xafiiska guddoomiyaha golaha shacbaka ah. Magacaabiddan ayaa imaaneysa muddo 72 saacadood gudahood ah, taasoo muujineya in Guddoomiyaha Baarlamaanka ka horjeeday xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale waxa su’aal ka taagan tahay inuu Guddoomiye Baarlamaan xil ku magacaabi karo magaciisa isagoo ku-sime madaxweyne ah. Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen ayaa horay shaqo joojin ku sameeyay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac. Waa masuulkii ugu horeeyay oo ka mid ah xubnihii saraakiisha ee xilka laga qaaday khamiistii lasoo dhaafay oo maalmo kadib xil loo magacaabo.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya iyo siyaasiga kasoo jeeda W/Bari Kenya Faarax Macallin ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ay bil kasa dhaqaale siiso maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe. Faarax Macalin oo ka mida taagerayaasha dowladda Farmaajo oo si weyn uga horjeeda maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo madaxdooda ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu ku sheegay in dowladda Kenya ay bil kasta siiso Maamulka Jubbaland ay bixiso mushaarka ciidamada maamulka Jubbaland, iyadoo siisa lacag dhan Hal Milyan iyo Bar doolar. Wuxuu is weydiiyay siyaasiga Faarax Macalin in Jubaland ay leedahay 7,000 oo Askari, sidoo kalena ay halkaasi joogaan 4,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, 5,500 ciidan oo Kenyaan ah, 3,000 Itoobiyaan ah iyo 1,000 Askari oo Burundi ka socda, sidaasoo ay tahayna ay ka adkaan waayeen Alshabaab oo tiradooda dhan tahay 1,500 maleeshiyo, kana saari la’ yihiin degaanada Jubbooyinka. “Dowladda Kenya waxay bil kasta 1.5 milyan oo dollar siisaa Maamulka Jubbaland oo mushaar ahaan u siiyo Ciidamada Jubbaland oo gaaraya 7,000 askari”ayuu yiri Faarax Macalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa geeriyooday isagoo 80 ahaa. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 – 2006. Wuxuu ku guulaystay abaalgudka nabadda Nobel ee dhanka bani’aadminimada. Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.
-
Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, oo kal horena ku guuleeystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa geeriyooday. Anan ayaa ku ku geeriyooday da’da 80-aad xili maanta oo sabti ah xoogaa xanuun ah uu dareemay kadibna uu geeriyooday. Kofi Annan ayaa ahaa ninkii ugu horeeyay ee Madow ah oo gaara heerka ugu sareeya ee siyaasi laga soo bilaabo 1997 ilaa 2006. Kofi Annan ayaa Qaramada Midoobay sidoo kale uga soo shaqeeyay meelo badan oo ah kamid tahay Syria isaga oo ka shaqeeynayay xalinta xaalada Siiriya, wuxuuna ka tagay xaaskiisa Nane, iyo 3 caruur ah oo uu dhalay. Qaramada Midoobaya ayaa muujisay sida ay uga murugootay dhimashada Kofi Annan iyaga oo sheegay in uu ahaa hogaamiye wax badan soo qabtay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Kofi Annan, the former UN secretary-general who won the Nobel Peace Prize for humanitarian work, has died aged 80, international diplomats say. He "passed away peacefully on Saturday after a short illness", the foundation named after him said on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ku khasbay inuu taageero dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Salaad Cali Jeelle oo u waramaayay telefashinka Dalsan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu u taageeray dowlada hadda jirta ay tahay inay ka fogaatay waxyaabihii lagu dhaliili jiray dowladii hore. Salaad Cali, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay inta badan xooga saarto baahiyaha Shacabka iyo qabashada howlaha loo igmado, taasina ay ku khasabtay in la taageero, sida uu hadalka u dhigay. Salaad Cali oo wax laga weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin dowladii hore ee uu mucaaradka ku ahaa iyo dowladani, ayaa sheegay in Dowladii Xasan Sheekh uu ku ahaa mucaarad isaga oo sabab ka dhigay inay caqabad ku aheyd xisbigiisa iyo arrimo kale oo u gaar ahaa. Salaad Cali oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in dowlada Somalia ee hadda jirta uu ku taageeray lacago joogta ah oo bil waliba ay siiso ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid ay faafiyeen mucaaradka iyo kuwo uu ku tilmaamay Qaran dumis. Waxa uu sheegay inay jiraan dad Qaran dumis ah oo sida ay doonaan u dhiga hadalka, hase yeeshe waxa uu tilmaamay inaanu xaqiiq aheyn warkaasi, waxa uuna isku sifeeyay inuu yahay wadani. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Runtii dadka Soomaaliyed labo ayay u qeybsan yihiin, hadii adiga aad wadani noqoto dad qaran dumis ah ayaa dadka Soomaaliyeed waxay dhahayaan Wadani, qaar wanaagsana oo wadaniyiina oo dalkaan qaranimadiisa doonayana,waxaa dhici karta in qaladaad loo yeelo, aniga mar ayaan mucaarad ku ahaa dowladii Xasan oo waxay isbaaro u dhigatay xisbiyada Siyaasadeed” Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay mudan tahay in lala shaqeeyo, isaga oo carab ***** in Somalia aysan xiligaan u baahneyn dhibaato. Geesta kale, Salaad Cali waxa uu sheegay inay u muuqato rajo wanaagsan oo ka dhalankarta dadaalka ay wado dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Ra’isul wasaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Kheyre uu wado qorsho maxkamad lagu soo taagayo Saraakiil ka tirsan Hay’adda amaanka dalka. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in si hordhac ah uu qorshahaani latashi kala sameeyay Taliyayaal ka kala tirsan Hay’adda amaanka kuwaa oo qudhooda aan la dhacsaneyn Saraakiisha qaar. Saraakiisha uu Ra’isul wasaare Kheyre la damacsan yahay maxkamadeynta ayaa loo heystaa tuhuno la xiriira ku lug lahaanshiyaha Qaraxyo dhowr ah oo dhacay. Qaar kamid ah Saraakiish ayaa loo heystaa amar diido ka dhan ah Taliyayaashood, halka qaarna ay ka macaashan Hubka ciidanka loogu tallo galay oo ay iibsadan. Ra’isul wasaare Kheyre oo iminka lagu wareejiyay liiska tiro Saraakiil ah ayaa doonaya in kiisaska musuqa ee loo xiraayo Wasiir ku-xigeenada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha ay qeyb ka noqdan Saraakiisha, waxa uuna rumeysan yahay in amniga dalka uusan wanaagsanaan doonin iyadoo aan la arag Saraakiil iyo ciidamo uu xukun ku dhacaayo. Sidoo kale, Kheyre ayaa horay u sheegay in mudada ay hayaan xilka ay si weyn ula dagaalami doonaan waxa uu ugu yeeray musuqa ragaadiyay Somalia. Arrintan ayaa imaaneysa xili mas’uuliyiin dhowr ah ay u xiran yihiin falal ay kamid yihiin musuqa hanta Qaran iyo mid shacab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare in uu ku guul dareeystay Hogaaminta Maamulka Hir Shabelle. Xildhibaanadaan oo kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa dhaliilay Madaxweyne Waare. Xildhibaadana ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Waare aanu waxba ka qaban dhibaatooyin ka taagan Hir Shabelle. Maxamuud Siyaad Barqadle oo kamid ah Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa sheegay in sanadka uu madaxweynaha yahay Mudane Waar aynan mooqan Waxqabad Muuqda. Xildhibaanadka ayaa sheegay in Golaha wasiirada Hir Shabelle tan iyo markii la magacaabay aanay waxba qaban isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uu joojiyay in ay kulmadaan Xildhibaanada. Ugu Dambeeyntii xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Madaxweynaha uu is Casilo. Qilaaf ayaa ka taagnaa baryihii ugu dambeeysay Maamulka Hir Shabelle. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/08/Xildhibaan-Hir-Shabelle.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xildhibaanada Hirshabelle” Ha is Casilo Madaxweyne Waare” appeared first on Puntland Post.
-
War kasoo baxay Golaha Xuquuqda aadanaha ee hay’adda qaramada midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay Alshabaab sare u qaadeen dilalka ay ka geesanayaan magaalada muqdisho islamarkana in ka badan 44 qofood lagu dilay siyaabo kala duwan. Hay’adu ayaa waxaa ay sheegtay in dadka la dilay ay u badnaayeen ergooyinkii soo doortay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo iyadoona bishii February ee sanadkii hore la bartilmaameedsaday 29 ruux oo qeyb ka ahaa doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday. Dhinaca kale hay’adu ayaa carabaawday in inka badan 14,000 oo kamid ahaa ergooyinkii soo dooranayay xildhibaanada ay la kulmeen handadaad oo sida la sheegay ay kala kulmayeen Xarakada Alshabaab. Tobankun oo ruux ayaa ku geeriyooday sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan soomaaliya iyo dalka Kenya iyadoona tiro intaas kabadana ay isaga barakaceen. Tan iyo sanadii 2011-kii dalka Kenya ayaa wajahaya dagaalo xoogan kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay usoo talaabeen soomaaliya kuwaa oo qeybka ah howlgalka midowga Africa Amisom ee dowlada kataageeraya ladagaalanka al-shabaab halkaa oo ay intii ay kusugnaayeen cidamadooda gudaha somaliya uu dalka Kenya kadhacay weeraro xoogan oo uu kamid ahaa weerarkii sanadii 2013kii lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westigate Mall iyadoona ay kugeeriyoodeen inka badan 67 qofood oo kusugnaa xaruntaasi. PUNTLAND POST The post Qaramad Midoobay oo War Kasoo Saartay Beegsiga Shabaab ay Ku Hayaan Dhaqanka iyo Ergada appeared first on Puntland Post.