-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf aya ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya ee Jabuuti, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu ahaan doono mid xoog leh ka sokow dib u dhicii dhowaan soo wajahay, wuxuuna intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Farmaajo ku joogo Jabuuti iyo wadahadallada uu la leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay xaqiijinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dal. Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay maalintii labaad ku sugan yihiin dalka Jabuuti si xal loogu helo madmadow soo dhex galay labada dal oo yimid kadib socdaalkii Farmaajo ee dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in Q/Midoobay ay cunaqabateynta ka qaado dalka Eritrea. Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in wadahadal toos ah u socdo madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyadoo lagu wado in maanta gelinka danbe laga soo saaro War-murtiyeed. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - An Ethiopian based private airline has announced that it plans to start regular scheduled commercial flights to Mogadishu, Somalia as early as next week, according to the airline's management. The route would be the first of its kind between Somalia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan madaxda maamulada Somalia waxaa kusoo wajahan doorashooyin waxaana jirta walaac xooggan oo ku aaddan in Dowladda dhexe ay la timaado xubno ay gadaal ka riixeyso. Madaxda shanta maamul goboleed ee Somlia ayaa ku heshiiyay iney Hagbad ama Ayuuto sameystaan taas oo lagu caawinayo musharax kasta oo iyaga ka mid ah oo doorasho galaya. Maamul walba wuxuu bixin doonaa hal milyan oo dollar waxaana la siin doonaa musharaxa markaas doorashada galaya si uu ugu guuleysto inuu dib usoo noqdo. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Koonfur Galbeed maamula wuxuu noqon doonaa midka koowaad ee lacagtaa la siiyo madaama ay doorashadiisu soo dhowdahay. Arrintaan waxaa ka shaqeeyay xoghayaha guud ee golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdi Cali Rage, wararka ayaa sheegayaan in dhammaan madaxda maamuladu ay aqbaleen qorshahaan iskaashiga dhaqaale ee u sahalaya inuu mid walba dib usoo laabto markii la gaaro xiligiisa doorashada. Xogtu waxey intaaa ku dareysa in sidoo kale lagu heshiiyay in madaxweyne goboleedkii mooshin laga keenno la isugu dari doono min shan boqol oo kun oo dollar si uu mooshinka isaga difaaco. Arrintaan waxey muujineysa ayaa la lee yahay culeeska heysta madaxda maamulada Soomaaliya ka jira. Dadka deegaanka yo odayaasha dhaqanka ayaa badi damacsan is badalo laakiin waxaa ragga talada haya ka go`an iney boosaskooda kusoo laabtan. Hagbadda ay sameysteen shanta maamul goboleed ee ka jirta Somalia ayaa dhanka kale cules ku noqon karta qorshaha ay Dowlada federaalka ah ku raadineyso is badalo ka dhaca maamul goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu khilaaf dhasho hadii ay doorashooyinka qaar fara galiyaan. Sido kale talaabadan waxey muujineysa in dowlada dhexe aaney wali kala fur furin midnimada madaxda maamul goboleeyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sudan and Ethiopia agreed to deploy a joint force along their common border during a Thursday meeting held in capital Khartoum attended by the military chiefs-of-staff of both countries. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ay ku jirtay xaalad kacsan iyadoo ay adkaatay iney wada shaqeeyaan xubnihii loo dhiibay hoggaanka NISA. Hay`adddani waa mida ugu badan ee caalamku lacago ku bixiyaan. Wax badan ayey amnig Xamar ka badaleen muddadii ay jireen inkastoo dhinaca kalana ay dhib badan lee yihiin. Taniyo markii maamulkeeda loo mgacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen waxaa dhalatay dood ah qaabka ay u shaqeyso hay`adda sirdoonka Somalia. Dadka caasimaddu waxa ay arki jireen ciidamada NISA oo leh dhar lagu yaqaano, hub xoogan wadooyinka la taagan ,oo dadkana u sheegaya iney sirdoon yihiin, taas oo fashil badan abuurtay. Sida uu qoray Wargeyska Muqdisho Evening News , taliyaha cusub ee NISA Xuseen wuxuu soo jeediyay in la badalo guud ahaan hannaanka sirdoonka Somalia oo loo badalo qaab dharcad u badan iyo xog aruurin , oo la joojiyo ciidamadan jidadka dhooban balse arrintaas la iskuma waafaqin, oo waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan isaga iyo kuxigeenkiisa ah, sidoo kale waxaa jiray doodo ka abuurmay maamulka dhaqaalaha, hubka iyo amarrada oo is garab yaac badan uu ka jiray waxaana ay taasi keentay inuu khilaafkoodu bannaanka yimado. Xuseen oo la aaminsanaa inuu awood iyo garab buuxa ka heystay xafiiska madaxweynaha ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, laakiin Jaamac iyo Cabadala Cabadala oo iyaguna ku tiirsanaa xafiika Ra`iisul wasaare Kheyrre ayaa isku dayay iney arrintaas ka biyo diidaan iyadoo ay doodo ka dhasheen sharciga arrintaa la xiriira. Si walbaba madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo afjaray dagaalkii Nisa markii uu xilalkii ka qaaday labadii kuxigeen ee Cabadala Cabdala iyo Jaamac waxaana uu soo magacaabay Fahad Yaasiin oo laga dhigay taliye kuxigeenka NISA. Hada waxaa la hadal hayaa iney NISA dhinac isu raaci doonto, waxaa loo baahan doonaa in dib loo helo ciidamo gaar ah oo fuliya howlgalada, oo sidoo kalana la tacalaali kara amniga caasimadda. Waxaa dood la galin kara qibrada Amni ee Fahad Yaasiin iyo Xuseen oo hadda ah labbada nin ee ugu sareysa sirdoonka Somalia balse dadka yaqaana Fahad Yaasiin waxey sheegeen inuu yahay nin u saldhigi kara NISA. Waxa ugu weyn ee la filanaayo waa inuu taliyaha NISA dhaqan galin doono falsafaddiisa cusub ee sirdoon ka oo aheyd mid uu ka dhaadhicin waayay kuxigeenadiisii hore, sidoo kale waxa laga cabsi qabaa iney dhacaan jilaafooyin amni oo ka yimaada NISA madaaama la isku qabsaday xukunka sirdoonka. NISA oo ciidan muhim ah u aheyd taliskii madxweyne Xasan Shiikh ayaa hada ahmiyadeedii hoos u dhacday base waxaa laga yaabaa in dib boorka looga jafo. Waxaa kaloo la hadal hayaa iney hada si fiican ugu milmi doonaan siyaasada. Tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaan NISA ay ku eedeyeen xoogaga mucaaradka ee Somalia iney NISA ku milantay siyaasadda iyadoo Soomaalidu ku heshiisay inaan ciidanka lagu lifaaqin is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta iska hor imaad bulsho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xukuummadda Somalia, ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada ee maanta kaas uu uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. “Kulnka golaha wasiirrada waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hay’adaha dawliga ah iyo wasaarahuba ay ugu dhaqmaan. Sharcigaas waxa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hase yeeshee waxaa jirta in lagu amray in wasaaruhu ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada la gelayaan hay’adaha caalamiga ah”, ayuu yiri wasiir Xaamud. Wasaaradda maaliyadda ayaa marka ay soo dhamaystirto Sharciga iika qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Kulanka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga iyada oo warbixnno laga dhagaystay wasiirrada difaaca iyo amniga gudaha kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu danbeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo. PUNTLAND POST The post Hay’adaha Dawlada Somalia oo lagu amray in ay dhaqan-geliyaan sharciga iibka Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda. Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda. Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta. Ugu dmabeyn, Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Injineer Yarisow oo Xarunta Dowladda Hoose kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka PL appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo mudooyinkii dambe socdaalo howlgalo ka sameynayay deegaano kamid ah Puntland gaar ahaan gobolka Bari ayaa agab waxbarasho gaarsiiyay deegaanka Ceelaayo oo ka tirsan Gobolka Bari. Agabkan waxbarasho oo ciidanka kumaandooska Puntland ay gaarsiiyeen deegaanka Ceelaayo e gobolka Bari ayaa timid kadib markii kulan is xog wareysi ah ay saraakiisha hogaaminaysay ciidanka PSF-ta la qaateen qeybaha kala duwan ee bulsho kunool deegaanka Ceelaayo kuwaasoo sheegay inay baahiyo xoogan u qabaan helida adeegyo la xiriira waxbarashada taasoo markii dambe ay ka dhabeeyeen ciidanka difaaca Puntland ee PSF kuna wareejiyeen agabkaasi masuuliyiinta waxbarashada deegaanka Ceelaayo. Nabadoon Mursal oo kamid nabadoonada deegaanka Ceelaayo ayaa uga mahadceliyay saraakiisha iyo ciidanka difaaca Puntland sida ay uga jawaabeen baahiyaha ka jira deegaanka iyo qalabeynta ay ku sameeyeen iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Ceelaayo. Saraakiisha iyo ciidanka difaaca Puntalnd ee PSF oo ugu dambeyntii ka hadlay madasha wareejinta agabka waxbarasho ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihin ka qeyb qaadashada haqabtirka baahiyaha asaasiga ee nolasha iyagoona tilmaamay in ay sii wadayaan horumarada xaga amaanka iyo nolosha dadka deegaankaasi. Ciidanka xooga Puntland ee PSF ayaa had iyo jeer u taagan ka shaqeynta amaanka,waxayna taas ku kasbadeen taageero badan oo dhinaca shacabka. Bosaso PUNTLAND POST The post Ciidanka PSF Puntland oo deeq waxbarasho gaarsiiyay bulshada deegaanka Ceelaayo appeared first on Puntland Post.
-
The UN Refugee Agency (UNCHR) said it has facilitated the voluntary return of more than 2,000 Somali refugees from Yemen, through a program called Assisted Spontaneous Returns (ASR) it started in 2017. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay cunna qabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga oo uu ku eedeeyey inay muddo badan ka faa’ideysaneysay Mareykanka, wuxuuna hadalkaan kusoo aaday xilli Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin uu ku hanjabay inay cunaqabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga haddii aysan si deg deg ah usoo deyn Baadariga dalkeeda u dhashay ee lagu magacaabay Andrew Brunson kaasoo muddo u xiran. Taas badalkeeda Wasiirka Arrimaha Debadda Dalka Turkiga ayaa sheegay inaan khilaafka labada dal lagu xallin karin sida ay wax u wado Mareykanka isla markaasna aysan u arkin inay tahay saaxiib dhow oo aan laga maarmi karin. Madaxweyne Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inay dowladda Turkiga xiratay nin aan dambi laheyn isla markaasna ay arrintaas tahay afduub, wuxuuna xusay inaysan Mareykanka wax ku badalan karin shakhsi uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan dambi gelin isagoo ku hanjabay inay ceejin doonaan. Trump oo inta uusan qoraalkaas soo dhigin bartiisa Twitterka kulan xasaasi ah la qaatay xubnaha ugu sareeyo dalkiisa ayaa u sheegay in Turkiga uusan weli kala caddeyn haddii uu Mareykanka u yahay saaxiib fiican. Kulankaas ayuu Trump sidoo kale ku xusay inay dowladda Mareykanka ka caawisay Turkiga sii deynta muwaadin uga xirnaa wadan uusan magacaabin, wuxuuna tilmaamay in wadanka ay iskala tirsan yihiin NATO uusan abaal uga heyn arrintaas. Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inay Turkiga u qorsheeyeen cunna qabateyn dheeraad ah haddii aan si deg deg ah loo soo deyn Baadariga laga heysto. Dowladda Turkiga ayaa Jawaab kulul ka bixisay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka kadib hadal uu jeediyey wasiirka Arirmaha Debadda Turkiga Hakan Çavuşoğlu. Hakan Çavuşoğlu ayaa aaminsan in khilaafka labada dowladood lagu xallin karo qaab fudud balse aysan waxba ku socon karin qaabka uu Mareykanka hadda wado isagoo si cad u sheegay inaysan Mareykanka u arkin Saaxiib xaqiiq ah. Wasiirka oo la hadlayey xubnaha Safaaradaha dowladaha shisheeye ee ku yaal Ankara gelinkii dambe ee Khamiistii Shalay ayaa sheegay in Turkiga uusan rabin inay sii jirto dhibaatada kala dhaxeyso Mareykanka , isagoo tilmaamay in Ankara ay dhawr jeer Washington u gudbisay xallinta khilaafkaan sidoo kalana ay ku wargeliyeen in cunna qabateyn aysan waxba soo kordhineyn. “ Waxaa Waajib ku ah Mareykanka inoo ogaado in arrinta aysan aheyn filimka Cowboy, anaga ma jileyn mana diiwaan gelineyno Filimka Cowboy, waxaana nahay laba dowladood oo awood leh waxaana haboon xiriirka inuu noqdo mid wanaagsan, isla markaasna ay noqdaan kuwa yaqaan sidii la isku qadarin lahaa, is ixtiraamka kuma imaado cadaadis balse wuxuu ku imaadaa isku soo dhawaansho” ayuu yiri Hakan Çavuşoğlu. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa carabka ku dhuftay inaysan jirin wax dambi ah oo ay Turkiga ka gashay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
National Airways (Ethiopia) (NAE, Addis Ababa) has announced plans to start scheduled passenger services to Mogadishu, Somalia by the end of this month. Source: Hiiraan Online
-
William H. McRaven, a retired Navy admiral, was commander of the U.S. Joint Special Operations Command from 2011 to 2014. He oversaw the 2011 Navy SEAL raid in Pakistan that killed al-Qaeda leader Osama bin Laden. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho dhowr ujeedo xambaarsan ku tagey shalay Jabuuti, kadib markii uu ka xumaaday hadal uu dhawaan isaga Asmara ka jeediyay. Safarka Farmaajo ayaa dhalilay hadal-heyn badan, maadaama uu kusoo beegmay xilli xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu meeshii ugu hooseysay gaarey kadib booqashadii Madaxweynaha ee Eritrea bishii July. Jabuuti ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii Muqdisho, wax yar kadib markii uu Farmaajo uu Qaramada Midoobey ugu baaqay inay xayiraadda ka qaadaan Eritrea, hadalkaasi oo Xukuumadda Jabuuti sheegtay inay ka naxday, oo lama filaana ku noqday. Siyaasiga Maxamed Cabdi Wahaab, oo wareysi siiyay Radio Garowe ayaa si qoto-dheer u falan-qeeyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku micneeyay mid loo baahnaa, oo waqtigeeda yimid. Mar wax laga waydiiyo in booqashada Jabuuti ay tahay mid uu doonayo Farmaajo inuu kasooo raali-geliyay Ismaaciil Cumar Geelle, hadii uu ka jeediyay Asmara ee ku baaqay in Cunaqabateynta, ayuu ku jawaabey “Waa noqon kartaa.” Maxamed oo horey usoo noqday Agaasiimiha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, gaar ahaan dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in Jabuuti ay tahay walaal aan la lumin karin. “Aniga waxaan u arkaa in Madaxweyne Soomaaliya haddii markii uu joogay Eritrea ay hoos baxday in hadda inuu ka odiyeeyo waa arin mudan, waana arin u baahan in lagu bogaadiyo,” ayuu yiri Maxamed. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay door ka qaadan doonto islamarkaana dedaal ay ku bixinayso in heshiis la dhex-dhigo Eritrea iyo Jabuuti, maadaama gobolka Geeska Africa hadda uu ka socdo Isbedel. Siyaasiga ayaa aaminsan in Soomaaliya ay mudan tahay inay dhex-dhexaadan ka noqoto khilaafka Jabuuti iyo Eritrea, maadaama labada dal uu kala dhaxeeyo xiriiro taariikhi ah, oo midna lala safan karin. Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelley ayaa ka arrinsadeen kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Warbixin lagu baahiyey Tv-ga Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay Haween Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo looga faa’iideestay dhaqaalo xumo heysata in rag ka yimaada dalka dibadiisa ay sixun ula dhaqmeen. Warbixinta oo aheyd mid dokometeri ah ayaa waxaa diyaariyey Wariye Jamaal Cusmaan,waxana lagu soo bandhigay Haween sheegayey in Rag ka yimid dalka dibadiisa ay ku maran habaabiyeen Guur beenaad iyo haween kale oo sheegayey in Waalidiintooda ay deyriyeen. “Waxaan la kulanaa Rag iskula socda Saddex Saddex oo mid ka mid ah Wadaad iska-dhigaya,waxana meesha ka dhaca in ay nagu mehehrsadaan guur been abuur ah,markii raga qaarkood ay qurbaha ku laabtaan la iska iloobo Guurkii oo loogu magacdhabo’Guur Dalxiis’ ayay qaarkood ku sheegeen Warbixinta. Muuqaalka Warbixinta qaarkood ayaa waxaa lagu arkayaa Haweenka Soomaalida qaarkood oo ilmeynaya,iyaga oo sheegay in Noloshooda ay naceyn. Warbixinta oo aad u dheer Hoos Ka Daawo Waxaana diyaariyey Wariye Jamaal Cusmaan. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay (Soomaaliya iyo Baahida Siyaasad Dibadeed Fogaan-Arag ku Qotonta). Warbixintaas oo aad u dheereyd ayaa qeyb kamid ah waxaa looga hadlay dowladda Somalia oo 40 sano kadib dib usoo celineyso dhibaato ay Soomaaliya waligeed la daala dhaceysay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta Machadka uu qoray: Marar badan, Soomaaliya waxa ay eersanaysay, farsamo-xumadeeda xiriirka dowliga ama caalamiga ah. Ilaa markii xorriyadda la qaatay sanadkii 1960-kii, dalka Soomaaliyeed waxa uu ku baraarugayey isaga oo ay is-xulufaysi caalami ah uu kala jiidanayo. Dowladihii rayadka ahaa, waxay ku dadaaleen in ay si taxaddar leh ugu taag-taagsadaan xiriirada dowliga ah oo danaysan. Sidaas oo ay tahay, waxaa jiray xaalado ay ku fashilmeen in ay xanaf-tiraan xiriirka ay la-lahaayeen dowladaha xoogga leh qaarkood, sida Ingiriiska oo ay xiriirka u jareen iyo iyaga oo faraqa ku xirtay Midowga Sofiyeeti oo ay ka quud-darraynayeen in uu ka caawiyo in Soomaalidu ay Itoobiya cagta mariso. Sidoo kale, saraakiishii awoodda dalka kula wareegay af-ganbiga mileteri waxay iyana ku dheceen dabinada siyaasadaha caalamiga ah ee isa-suran. Todobaatameeyadii, xilligii uu cirka ku shareernaa Dagaalkii Qaboobaa, dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, waxa ay si fiiro-dheeri la’aan ah marba gacan-saar ula yeelanaysey Midowga Sofiyeeti iyo NATO. Weliba xilligii ugu darnaa, markii dalka Soomaaliya isku diyaarinayey in uu dagaal uga xorreeyo dowladda Itoobiya dhulkii Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliyeed, looma arag, dal saaxiib la ah Midowga Sofiyeeti iyo reer galbeedka midna. Xeel-dheerayaasha, ayaa u tiiriya fashilka Soomaaliya ka raacay dagaalkaas iyo hungowgii lagala soo rogmadey, guul-darraysiga ay dowladda Soomaaliyeed ku guul-darraysatay in laba quwadood oo markaas adduunka ugu tun-buurnaa ay mid gaashaan-buursato. Waayadaas, in waddan soo korayo uu qaado dagaal, iyada oo aan la dugsan mid ka mid ah dalalka xoogga leh, waxa ay ahayd fiiri-gaabni siyaasadeed oo fashil sababa. Dhab ahaantiina, dalka Soomaaliya aakhirkii waxa uu eeday in uu u dhaqaaqay in uu hirgeliyo siyaasad arrimo dibadeed oo aan jiho layaqaan u socon. Haba noqoto ayaan darada Soomaaliya’e, Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykankuba, waxay labaduba u ekaadeen kuwo dagaalkii 1977-dii ku midaysan taaageridda Itoobiya, in kasta oo go’aankooda iyo sababaha ay u taageereenba ay kala duwanayd. Waxaa Soomaaliya intaas uga sii xanuun badnaa, in waddamadii Carbeed ee taariikh ahaan Soomaaliya la jaalka ahaa sida Sacuudiga, Liibiya iyo Koofurta Yemen, ay dhammaantood sababo kala duwan Itoobiya u taageereen sida lagu qeexay xog ay siiddeysey Wikileaks. Dhanka kale, Itoobiya, waxay si xirfadaysan ugu guulaysatey inay ka faa’iideysato aragtigaabnida siyaasadeed ee Soomaalida, iyada oo markaas ku guulaysatey in ay Maraykan iyo Midowga Sofiyeeti u mideeyaan in Soomaaliya la maquuniyo. Guul-darradaas ayaa badanaa loo aaneeyaa in ay sababtay hakadka galay xawaarihii Soomaaliya ku socotey ee ahaa in ay noqoto waddanka ugu awoodda badan Afrika. Taliskii miletariga ee Maxamed Siyaad Barre, kama soo kaban jabkaas, kaas oo fududeeyey inay abuurmaan jabhado beeleedyo, badankooda ay Itoobiya xarun u ahayd. Afartan sano kaddib, waxaad mooddaa in taariikhdu ay dib u qormayso, iyada oo saaran waddadii hore wel-welna wadata. Mar kale ayaa waddamo xoog leh u kala jiidanayaan Soomaaliya jihooyin is-weydaarsan. Sidoo kale, mar kale ayaa hannaanka ay dowladdu isugu dayday inay u furdaamiso xiriiradaas, waxay keeni karaan khatar lamid ah siriqdii horay loogu dhici jirey. Nasiib wanaag, dalku maanta waxa uu leeyahay hay’ado qaran oo awooda in ay aragtiyo kala duwan miiska soo saaraan, kuna dhaqaaqaan habab wax toosin kara, haddii loo baahdo. In qaranka Soomaaliyeed doortay hannaan dimoqraadi ah ayaana soo dhaweyneysa in fikrado iyo aragti-wadaag la sameyn karo. Balse, in talaabo horay loo qaado waxay u baahan tahay in la helo dowlad xog-ogaal u ah khataraha ka dhalan kara aragti gaabnida siyaasadda dibadda ogna ahmiyaada ay leedahay siyaasad lagu dhan yahay, gaar ahaan dal sida Soomaaliya oo kale ah oo nidaam federaal ah doortay, dagaalana ka soo kabanaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Machakada Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa soo saaray warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Soomaaliya iyo baahida siyaasad dibadeed fogaan-arag ku qotonta. Warbixintaan ayaa looga hadlay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay wadamada Caalamka, waxayna warbixinta muujisay walaac ku aadan inay Soomaaliya dib ugu soo laabatay jahwareer dhanka xiriirka Caalamiga ah oo muddo 40 sano ka hor ay la tacaaleysay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixintaas oo dhameystiran: Kaddib tobannaan sano oo ay Soomaaliya ahayd dal adduunka ka haray kuna astaysan dagaalo sokeeye, macaluul, burcad-badeed, argagixiso, ayay beryahaan Soomaaliya is aragtay iyada oo dhextaagan wax lagu tilmaami karo mawjado iyo hardan siyaasadeed ugub ku ah gobalka Geeska Afrika. Dhaxtaal-nimada Soomaaliya ee loolanada iyo is-xulufeysiga Geeska Afrika, waxay noqdeen kuwo Soomaaliya aanay mahadin. Kala ir-dhowga boqortooyooyinka shidaalka ka hodmay ee Carbeed iyo is-afgaradka dalalkii kala gadoodsanaa ee gobolka Geeska Afrika, waxay u dhaweeyeen Soomaaliya oo awalba nugleyd, in ay ku dayaanto duufaanaha socda, dib-u-dhacna uu ku yimaado guulihii la gaaray tan iyo sanadkii 2000, kolkaas oo qorshayaashii nabaddaynta iyo qaran-dhiska la bilaabay. Ilaa iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ bishi Febraayo ee sanadkii 2017-kii, labada gobol ee Soomaaliya ugu muhiimsan xagga xasilinta iyo ganacsiga – Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe – waxaa ka dhex socda is-badello ugub ah oo aan la odorosi karin meesha ay ku danbayn doonaan. Taariikh ahaan dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhisan waxay xoogga saari jirtey in ay waddamada Geeska ka kaalmaysato amniga iyo xasilinta halka ay saaxiibadeeda Bariga Dhexe ka dugsato soo kabashada dhaqaale. Labadaas arrimoodba waxa ay u eg yihiin kuwa ka talin-tooda aanay gacanta dowladda ku jirin, maamulka Faramaajana waxa uu u eg yahay mid la daalaa-dhacaya, fahmidda, iskadaa, ka fal-celinta siyaasadahan caalamiga ah ee foolanaya. Arrimo ku bilowday wax u ekaa fahmo-darro ay keentay curdan-nimo siyaasadeed ee Xukuumadda Farmaajo ayaa u xuub-siibtay fashillo siyaasado arrimo dibadeed oo keeni kara amaba keenay in ay Soomaaliya ugu kacaan in ay bur-buraan xiriiradii ugu wanaagsanaa ee ay dalal saaxiib ah la lahayd. Gaar ahaan xilli adduunku u batay mid aan xasilnayn, halkaas oo hannaankii sharciga ku salaysnaa iyo in dowladuhu sharciga caalamiga ah ku wada shaqeeyaan aad mooddo in uu harqiyey is-bar-baryaac la isla og’ yahay. Si kastaba ha noqotee, in kasta oo xukuumadda Farmaajo talada gacanteeda ku jirta ay xaddidan tahay, haddana xukuumadda Farmaajo waxaa la gudboon in ay dhagax-dhigto, oo hirgeliso qorshe siyaasad arrimo-dibadeed cilmiyaysan, taas oo dhidibada u aasta danaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana xiriirradii jirey sii xoojisa. Farsamo xumadii xiriirka caalamiga Marar badan, Soomaaliya waxa ay eersanaysay, farsamo-xumadeeda xiriirka dowliga ama caalamiga ah. Ilaa markii xorriyadda la qaatay sanadkii 1960-kii, dalka Soomaaliyeed waxa uu ku baraarugayey isaga oo ay is-xulufaysi caalami ah uu kala jiidanayo. Dowladihii rayadka ahaa, waxay ku dadaaleen in ay si taxaddar leh ugu taag-taagsadaan xiriirada dowliga ah oo danaysan. Sidaas oo ay tahay, waxaa jiray xaalado ay ku fashilmeen in ay xanaf-tiraan xiriirka ay la-lahaayeen dowladaha xoogga leh qaarkood, sida Ingiriiska oo ay xiriirka u jareen iyo iyaga oo faraqa ku xirtay Midowga Sofiyeeti oo ay ka quud-darraynayeen in uu ka caawiyo in Soomaalidu ay Itoobiya cagta mariso. Sidoo kale, saraakiishii awoodda dalka kula wareegay af-ganbiga mileteri waxay iyana ku dheceen dabinada siyaasadaha caalamiga ah ee isa-suran. Todobaatameeyadii, xilligii uu cirka ku shareernaa Dagaalkii Qaboobaa, dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, waxa ay si fiiro-dheeri la’aan ah marba gacan-saar ula yeelanaysey Midowga Sofiyeeti iyo NATO. Weliba xilligii ugu darnaa, markii dalka Soomaaliya isku diyaarinayey in uu dagaal uga xorreeyo dowladda Itoobiya dhulkii Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliyeed, looma arag, dal saaxiib la ah Midowga Sofiyeeti iyo reer galbeedka midna. Xeel-dheerayaasha, ayaa u tiiriya fashilka Soomaaliya ka raacay dagaalkaas iyo hungowgii lagala soo rogmadey, guul-darraysiga ay dowladda Soomaaliyeed ku guul-darraysatay in laba quwadood oo markaas adduunka ugu tun-buurnaa ay mid gaashaan-buursato. Waayadaas, in waddan soo korayo uu qaado dagaal, iyada oo aan la dugsan mid ka mid ah dalalka xoogga leh, waxa ay ahayd fiiri-gaabni siyaasadeed oo fashil sababa. Dhab ahaantiina, dalka Soomaaliya aakhirkii waxa uu eeday in uu u dhaqaaqay in uu hirgeliyo siyaasad arrimo dibadeed oo aan jiho layaqaan u socon. Haba noqoto ayaan darada Soomaaliya’e, Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykankuba, waxay labaduba u ekaadeen kuwo dagaalkii 1977-dii ku midaysan taaageridda Itoobiya, in kasta oo go’aankooda iyo sababaha ay u taageereenba ay kala duwanayd. Waxaa Soomaaliya intaas uga sii xanuun badnaa, in waddamadii Carbeed ee taariikh ahaan Soomaaliya la jaalka ahaa sida Sacuudiga, Liibiya iyo Koofurta Yemen, ay dhammaantood sababo kala duwan Itoobiya u taageereen sida lagu qeexay xog ay siiddeysey Wikileaks. Dhanka kale, Itoobiya, waxay si xirfadaysan ugu guulaysatey inay ka faa’iideysato aragtigaabnida siyaasadeed ee Soomaalida, iyada oo markaas ku guulaysatey in ay Maraykan iyo Midowga Sofiyeeti u mideeyaan in Soomaaliya la maquuniyo. Guul-darradaas ayaa badanaa loo aaneeyaa in ay sababtay hakadka galay xawaarihii Soomaaliya ku socotey ee ahaa in ay noqoto waddanka ugu awoodda badan Afrika. Taliskii miletariga ee Maxamed Siyaad Barre, kama soo kaban jabkaas, kaas oo fududeeyey inay abuurmaan jabhado beeleedyo, badankooda ay Itoobiya xarun u ahayd. Afartan sano kaddib, waxaad mooddaa in taariikhdu ay dib u qormayso, iyada oo saaran waddadii hore wel-welna wadata. Mar kale ayaa waddamo xoog leh u kala jiidanayaan Soomaaliya jihooyin is-weydaarsan. Sidoo kale, mar kale ayaa hannaanka ay dowladdu isugu dayday inay u furdaamiso xiriiradaas, waxay keeni karaan khatar lamid ah siriqdii horay loogu dhici jirey. Nasiib wanaag, dalku maanta waxa uu leeyahay hay’ado qaran oo awooda in ay aragtiyo kala duwan miiska soo saaraan, kuna dhaqaaqaan habab wax toosin kara, haddii loo baahdo. In qaranka Soomaaliyeed doortay hannaan dimoqraadi ah ayaana soo dhaweyneysa in fikrado iyo aragti-wadaag la sameyn karo. Balse, in talaabo horay loo qaado waxay u baahan tahay in la helo dowlad xog-ogaal u ah khataraha ka dhalan kara aragti gaabnida siyaasadda dibadda ogna ahmiyaada ay leedahay siyaasad lagu dhan yahay, gaar ahaan dal sida Soomaaliya oo kale ah oo nidaam federaal ah doortay, dagaalana ka soo kabanaya. Saamaayna khilaafka Khaliijka Iyada oo ay jirtey khilaafka dabada dheeraaday ee waddamada Khaliijka iyo Iiraan (tiiyoo 2015-kii Soomaaliya ay xiriirka u jartay Iiraan iyada oo la safanaysa Sacuudiga), ayaa haddana is-qoonsiga kharaaraadey ee Imaaradaha Khaliijku dhibaatooyin waaweyn u geystey Soomaaliya. Foodda isku-diirka Qatar oo dhan ah iyo dhanka kale oo ay kala hardamayaan is-bahaysi Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ah. Khilaafkan waxa ay Soomaaliya ka qaadatay mowqif aaney cidna filayn. Soomaaliya waxay dhexda ugashay Sacuudiga oo u bartay in madaxda Soomaaliyeed iyaga oo aanba iska calalin in ay iska qaataan siyaasadooda arrimaha dibadda, iyo Qatar oo xarga-goosi ah sina ugu daabnayd dowladda Faramaajo. Bilowgii isku-dhaca Qatar iyo xulafada kale Khaliijka bishii Juun 2017, is-bahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadku waxa ay cadaadis dul-dhigeen dhammaan waddamada Carabta iyo kuwa Afrikaanka si ay xiriirka ugu jaraan Qatar. In yar ayaa sidaas yeelay, laakiin badankooda dalalkaasi uma aysan bixin dalabkaas, si tartiib ah ayayna u wateen xiriirkooda kala dhaxeeyey Qatar. Soomaaliya ayaase ka mid ahayd dhowr dal oo doorbiday in ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaataan. Sababtu siday doontaba ha ahaatee Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay dhex-dhexaad ka tahay is-qab-qabsiga waddamada Khaliijka, go’aankaas oo ahaa mid Soomaalida shacab badanna soo dhaweeyey, siyaasiyiin badanna ay dureen. Is-bahaysiga Sacuudigana, dhex-dhexaadnimada Soomaaliya waxa uu u xaqiijiyey tuhun ay qabeen oo tilmaamayey in xukuumadda Farmaajo ay Qatar la xulafo tahay. 2017-kii xiriirkii is-bahaysiga Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanayey. Kulamo dhowr ah oo ay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad ku tageen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Khayre ma noqon kuwa xiriirkii soo wanaajiyey. Dhanka kalana, xiriirka xukuumadda Farmaajo iyo Qatar-na si muuqda ayuu u sii karaar-qaatay, kaasoo gaaray in Madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah ku tagey Qatar, taas oo keentay in Qatar ay Soomaaliya ugu deeqdo boqolaal milyan oo doollar oo mashaariic iyo kaalmo ah. Waxaa filan-waa ku noqday is-bahaysiga Sacuudiga, xiriir furashada dowladda Soomaaliyeed oo taariikh ahaan ku daab-naan jirtey Sacuudiga. Waxay u qaadan waayeen in dal sabool ah oo Khaliijka ugu tiirsan dhammaan ganacsigooda in ay qaadan karaan siyaasad arrimo dibadeed oo u muuqatey mid madax-bannaan. Oo waa iyada, Imaaraadku yihiin waddanka 1-aad ee Soomaaliya la ganacsato, Sacuudiguna waa kan dhoofsada dhammaan xoolaha Soomaaliya dhoofiso. Masar qudheedu muddo dheer ayay xarumaheeda ku tababareysey ciidamada Soomaaliya iyo ardayba. Dhanka kale ma jirin xiriir qoto-dheer iyo ganacsi baahsan oo ka dhaxeeyey Qatar iyo Soomaaliya. Sidaas darteed su’aasha ay is-weydiinayeen is-bahaysiga Sacuudiga iyo xeel-dheerayaasha daraaseeya xiriirka arrimaha dibadda waxay noqotay mid taagan: Xukuumaddu waxay ku andacootay in xiriirkeeda Qatar uu yahay arrin la xiriirta mabda’ ee aan dhuuni ku salaysnayn. Waa suurtagal, in dooddaas wax ka jiraan, aysanse ahayn sababta keli ah. Sii xumaanshaha xiriirka is-bahaysiga Sacuudiga iyo Soomaaliya waxa uu gaarey meesha ugu sarraysey bishii April 2018 markii masuuliyiinta Soomaaliya ay qabteen lana wareegeen toban milyan oo doollar oo Imaaraadku ay diyaarad ku keeneen kana soo dajiyeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Imaaraadku waxay ku adkaysanayaan in lacagta loogu tala galay ciidamada amniga ee Soomaaliya. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxay ay sheegtay in ay tuhuntey in lacagta loo isticmaalayey khilaaf baarlamaanka Soomaaliya ka dhextaagnaa xiligaas, kaas oo aakhiritaankii keenay in xilkii laga xayuubiyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka. Intaas kaddib, Imaaraadku waxay joojiyeen taageeradii dhaqaale ee ay ku bixin jireen ciidamada amniga ee Soomaaliya, isbitaalna waa ay xireen. Inkasta oo xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu gaarey abid meeshii ugu hoosaysay, Sacuudigu isagu albaabada cilaaqaadka ma xirin. Cidse kama ay dahsoonayn in Sacuudigu uu caadi ka ahaanayo is-fahan waaga iyaga iyo dowladda Soomaalida. Waxaa la tuhunsanaa in markay doonto ha noqotee mar uun ay bannaanka imaan doonto fal-celinta Sacuudiga ee madax-taagga Soomaaliya. Bishan aan ku jirno ee Agosto,boqortooyada Sacuudigu waxay soo celisay 27 kun neef arri ah oo Soomaaliya laga dhoofiyay, waxyar ka hor xilliga xajka, iyaga oo ku sababeeyey in ay xoolahaas qabaan cudurka Rift Valley ayna khatar ku yihiin caafimaadka dadka Sacuudiga, in kasta oo dhakhaatiir xoolaad oo madax bannaan ay markii ay dhoofayeen fayo-qab ku fasaxeen. Ga’aankaas ayaa yimid laba berri kaddib markii Soomaaliya ay Sacuudiga ku taageertay, khilaaf kale oo kala dhexeeyey Canada; go’aankaas la kala safashada Sacuudiga iyo Canada ayaa si aad ah loogu tilmaamay mid muujinaya dhaqanka ka fiirsasho la’aanta iyo ku soo booddada ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda. Dooddii dowladda ee ahayd siyaasad dhex-dhexaadnimo arrimo dibadeed ayaan ku shaqaynaa, ayaa waxaa xigtay dhex-bood is-qab-qabsi dalal kale. Waxaa kale oo soo celinta xoolaha Soomaaliyeed ay muujineysaa sida xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya uu u yahay mid aan dheelli tirnayn, awooduna ay jirto dhanka Sacuudiga, Soomaaliduna ay isha-ka-dhawrayso waxa dhacaya. Isbaddelka deg-degga ah ee Geeska Afrika Dabaylaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa dhex yaalla dowladaha Khaliijka, ayaa ku soo butaacay Geeska Afrika. Markii dhinacyo badan laga eegana waxaaba la oran karaa, gobalka Geesku waxa uu noqday goob ay ku fal-tamaan waddamada Gacanka Carbeed. Imaaraadka ayaadna mooddaa inay tahay midda ugu dhaq-dhaqaaqa badan, iyada oo ku guulaysatey in ay xarumo ciidammo ka samaysato Yemen, Eriteriya iyo Soomaaliya. Imaaraadku waxaa kale oo ay xiriir hoose la samaysteen Somaliland (gobal doonayay in uu Soomaaliya ka go’ ilaa sanadihii sagaashamaadkii) iyo inta badan maamul-goboleedyada Soomaaliya. Dhawaan, dowladda Imaaraadku waxa ay tilmaantay in ay dowladda Soomaaliya uga fadhido in ay raalli gelin ka bixiso tobanka malyan ee ay ka qabsatay iyo diblomaasiyiinta ay sheegtay in lagu xadgudbey. Dhanka kale, iyada oo ay weheliso Sacuudigu, Imaaraadku saamayn ayay ku lahayd xal-u-helidda khilaafkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Eriteriya. Hirgelinta taasina, waxay u eg tahay in is-bahaysiga Sacuudigu uu ballaaranayo, halka ay faquuqayaan dalalkii ku madax adkaaday ama ay ka aamin baxeen. Labada waddan oo ishu ku dhacaysana waa Jabuuti iyo Soomaaliya. Jabuuti isku dhac ayaaba uga horreeyey Imaaraadka oo waa iyagii isku seegay dekadda Dooraale. Sanadkii hore ayayna ahayd markii Jabuuti ay kala noqotay idankii DP World oo Dubia laga leeyahay u fasaxayey in ay maareeyaan dekaddaas Dooraale. DP World waxay kaloo heshiisyo la saxiixatay maamullada Soomaalida si ay u maareeyaan dekadaha Berbera iyo Boosaaso. Asbuucaan, Imaaraadku waxay shaaciyeen in ay dhisi doonaan dhuumo shidaalka qaada oo caasimadda Itoobiya ku xira dekedda weyn ee Casab ee dalka Ereteriya. Inta badan is-bedelada xawliga ku socda ee Geeska Afrika waxaa hormuud ka ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Bishii Juun safar afar saac qaatay ayuu ku tagey caasimadda Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya ay wax ka maal-gelin doonto isticmaalina doonto afar dakadood oo ay Soomaaliya leedahay. In kasta oo faah-faahinta heshiiskaas aan la ogeyn, haddana baaqaas waxa uu welwel ka abuuray Soomaalida dhexdeeda, taas oo mar kale abuurtay su’aal ka taagan in dowladda Soomaaliya ay si farsamaysan u falkin karto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo danaha ganacsi ee dunida dalka kala dhexeeya. Su’aalaha badan ee la is weydiiyey waxaa ka mid ahaa: Dekaduhu ma Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berberaa? Itoobiya ma haysataa awoodda dhaqaale iyo aqooneed oo ay dekado ku maal-gashato ama ku maamusho, mise is-bahaysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga ayay wakiil u tahay? Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki waxaacaasimaddaImaaraadkabilladdaugusarraysa ee dalkaasi ku guddoonsiiyey Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Maxamed Bin Zayed, ‘geesinimadooda si loo dhammeeyo calaadda loona furo xilli cusub oo nabad iyo horumar’ u ah Geeska Afrika. Maalmo kaddib, madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki oo dawladdiisa ay Qaramada Midoobey u saartay cunaqabatayn in ay taageerto kooxaha xag-jira ee Soomaaliya iyo in ay Djibouti dhul ka haysato, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay Asmara. Isaga oo aan Jabuuti – oo ah waddanka ay Soomaaliya isugu dhow yihiin Eriteriyana colaadi ka dhaxayso – latashiyo la samayn ayuu Madaxweyne Farmaajo u duulay caasimadda Eriteriya, booqashadii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu Asmara ku tago. Intii uu halkaas joogeyna waxa uu ku dhawaaqay in la qaado cunaqabataynta Qaramada Midoobey ee Eriteriya, taas oo si weyn uga carraysiisay Jabuuti, oo ku tilmaantay talaabada madaxweynaha mid yaab leh masuuliyaddarana ka muuqato, iyaga oo weliba abaal la’aan ku tilmaamay in Madaxda Soomaalidu afhayeen u noqdaan Eriteriya oo Jabuuti ugu duulay 2008 in ay Soomaali u qabatay shir nabad iyo dowlad dhisid ah. Qayla dhaanta Jabuuti iyo hadalkeeda caradu ka muuqatey waxa uu ahaa mid ka sii fur-caddaa, kana adkaa xitaa si ay u wada hadlaan saaxiibbo isku dhow. Weliba waxaad mooddaa in Jabuuti ay dareentay in Madaxweyne Farmaajo ula-kac ama ogaal la’aan uu qayb ka yahay qorshayaal istaraatiiji ah oo dalal kale ku doonayaan in ay Jabuuti ku go’doomiyaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Ilaa hadda, dowladda Soomaaliyeed waa ay ka aamusan tahay fool-xumada dhacday Hirgelinta siyaasad dibadeed fogaan-arag ku fadhida Maaddaama ay tahay dal aad u nugul oo ka soo ka-banaya calaad sanooyin badan jirtey, Soomaaliya tabar uma hayso in ay ku socoto siyaasad salka ku haysa fudayd iyo kafiirsasho la’aan. Dalkanina uma baahna cadow, umana haboona in uu dhumiyo saaxiibbo dhow sida Jabuuti. Adduunkan ku shaqeeya nin wal-bow naftaa, in xiriirada caalamiga ah la isku miisaamo, danahaagana la ilaashado waa hawl u baahan xariif-nimo. Haddaba si taas loo gaaro, maamulka Madax-weyne Farmaajo waxaa u habboon in uu dhagax-dhigo siyaasad arrimo dibadeed fogaan-arag ku qotonta, ayna xayndaab u yihiin mabaa’diidan hoose: 1) Ha uga darin. Soomaaliya tabarteed ma laha ay cidna isku liqdaarto. Dalkanina waxa uu u baahan yahay in uu xiriirada uu leeyahay adkeeyo, kuwa kala-na kobciyo. Qaranka Soomaaliyeed si aad u weyn ayuu u nugul yahay, oo waa dal dagaalo ka soo kabanaya. Saaxiib cusub oo sida Eriteriya ah laguma badelan karo saaxiib hore oo sida Jabuuti ah. 2) Madax-bannaani. In la raaco siyaasad madax-bannaani ku salaysan dal sida Soomaaliya oo kale ah uma fududa. Si kastaba ha ahaatee, dalalka asalba, waa dantood yaqaan, ku fara adayga dantooda kana hormariya danta cid kasta oo kale. Diblomaasi-yaddu waa farsamada la isugu dheeli tirayo xiriirada kala duwan sida kuwa saaxiibada iyo kuwa cadowga, dhiiri-gelinta danaha, kana war-wareegidda colaadaha, taas oo ah mid aan sahlanayn una baahan xisaabtan taxadar wata oo ay hormuud ka yihiin hay’ado dow-ladeed aysanna la babanahayn siyaasiyiin buubaal ah iyo gacan-yarayaal bar-barad ah. 3) Diblomaasiyadda ganacsi: Maaddaama ay Soomaaliya tahay dal hadda sabool ah, balse hodon ku ah khayraadka dabiiciga ah, ku yaalla goob istraatiiji ah, shacabkeedu yahay dad dhiifoon, dhugna u leh ganacsiga, falsafadda iyo fiirada dowladda ee hageysa xiriirka caalamiga ah waa in ay hagtaa horumarinta ganacsiga Soomaalida. Dadka Soomaaliyeed waxaa u fudud in ay ganacsadaan, waxaana dalka ku hareeray-san boqolaal milyan oo dad ah oo dakhligoodu korayo oo ganacsi uu Soomaalida dhex mari karo. Waajib-ka dowladda Soomaaliya waa inay taas fududeyso. Taasaana keenaysa in isku-dhac dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga uu khasaare u yahay danta fog ee dadka Soomaaliyeed, xiriirkaasna waa in dib loo dhisaa iyada oo aanay khasab ahayn in xiriiro dalal kale la lumiyo. 4) Talo-wadaag: In kasta oo siyaasadda arrimaha dibaddu ay tahay mid hoos timaadda dowladda federaalka ah, haddana maamulka Farmaajo iyaga ayay dani ugu jirtaa in ay talada badiyaan, gaar ahaan go’aamada Qaranka oo dhan saamaynta ku leh. In talada lala wadaago inta mudan, waa hirgelin iyo ictiraaf fahamka guud ama nuxurka nidaamka federaaka, iyo la noolaanshaha xaqiiqada ah in xukuumadda Farmaajo aysanba Muqdisho wada xukumin iska daa, jamhuuriyadda inteeda kale’e, iyo in maamul goboleedyadu ay adduunka xiriir la leeyihiin ama raalli haka ahaato dowladda dhexe ama yaysan ka ahaane. Si mabaaddii’da kore loo hirgeliyo, Xukuumadda Farmaajo, waxaa la gudboon, in ay is-badal ku samayso sida ay arrimaha qaar uga hawl-gasho, gaar ahaan kuwan hoose: Hor iyo horraantii, Xukuumadda Farmaajo waxay u baahan tahay in ay dhinto xawaaraha ay go’aamada ku qaadato. Dowladuhu ma xamili karaan khatarta uga imaan karta inay gudcur ku gudaan, weliba waddooyinka xiriirada dowliga ah ay maraan oo ah kuwa aan lahayn shuruuc wax kala hagta. Duruufaha dalkaan haysta waxa ay Soomaaliya u ekaysiinayaan gaari aan muraayad haadyo dhinacyada iyo gadaale toona ku lahayn, taas oo keenaysa in la weheshado, xirfad dheeri ah iyo u-dhabba-gal. Maaddaama uu yahay masuul loo doortay hoggaaminta dalka, Madaxweynaha waxaa saaran mas’uuliyad sharci iyo mid qofeed oo amraya in uu ilaaliyo masaalixda dalka oo badan, mar-marka qaarkoodna ay dhici karto in ay iska horyimaadaan. Taasina waxay u baahan tahay qiimayn xasil-naan salka ku haysa iyo taxliil qodan, laba arrimood oo aad mooddo in ay go’aan-qaadashada dowladdu si u baal-marsan tahay. Laba, Dowladda Federaalka ah, in kasta oo aysan u suura-geli doonin in ay helaan siyaasad arrimo dibadeed oo is-qab-qabsi ka maran, haddana waa in aysan dalna isku dhiibin, waa in ay doontaa heshaana xurmadda dalalka kale ay u hayaan, waana in ay raadisaa danaha qaranka Soomaaliyeed. Arrimahaasna waxaa lagu xaqiijin karaa oo kaliya, haddii dowladdu si cilmiyaysan isu garab dhigto go’aan kasta faa’iidada iyo khataraha uu leeyahay, ayna go’aanka ku qaadato danta dalka ee aysan eegin danta dowladda, iyo in ay go’aamadu noqdaan kuwo hay’ado gaaraan ee aan shakhsiyaad ku talo bixin, laguna saleeyo xayndaabyada iyo xudduudaha sharciga. Aragti noocaas ah iyo hawl-gal ku salaysan aragtidaas ayaa u sahli kara qaranka Soomaaliyeed, si kasta oo u luudayo, in uu u adkaysto, iskana caabiyo culaysyada bannaanka uga imaanaya iyo isku day kasta oo lagu doonayo in looga muraadsado. Saddex, Madaxweyne Farmaajo waa in uu fahmo in dhammaan go’aamada masiiriga ah ee Qaranka ay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwa loo dhan yahay, wada tashi ballaaranna la galiyey. Dastuurka dadkii qoray waxay ku naqshadeeyeen aragti muujinaysa talo-wadaag, taas oo daawo u ah kala ir-dhowga iyo kala shakiga bulshada Soomaaliyeed hayey. Si dareenkaas dastuuriga ah ee isla tashiga iyo tala-wadaagga ah si cilmiyaysan oo caqliyaysan loogu hirgeliyo, Madaxweynuhu waa in uu talada badiyaa marka uu go’aano qaranka saamaynaya uu gaarayo. Xaaladda dagaal iyo dumis-kasoo-doogsiga ee dalka ayaa iyana khasbaysa in dowladdu ay raadiso aqbalka iyo taageerada maamul goboleedyada iyo talo-leyda kale ee Qaranka sida Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada. La tashigoodu, waa run oo waa uu xoojinayaa hay’adahaas iyo masuuliyiintaas, laakiin sinaba Madaxweynaha uga wareejin mayo awoodihii dastuurku u oggolaa. Hal cilmi oo taariikhda laga kororsan karo waxa ay tahay, go’aamadii lagu tala baxaa, waxay la kulmaan hor-istaag, iyo fashilin. In awoodda xukuumaddan ay Xamar ku eg tahayna waa mid keenaysa in hanaanka wadar-ogol la iimaansado, markii go’aan qarameed la qaadanayo.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Tan iyo markii uu Korneel Caarre ku dhawaaqay Jabhadda cusub ee uu ka dhisay Somaliland gudeheeda waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo in uu halkaas ka qarxo dagaal saameyn ku yeesha mandiqadda Gees-ka Africa. Korneel Caarre oo ka soo jeeda beesha West Burco Clan, gaar ahaan Habar Yoonis oo in muddo ahna ay siyaasadda isku hayeen madaxweynaha Madaxweynaha Somailand Muse Biixi Cabdi ayaa ku cel celiyey sida ay uga go’an tahay la dagaalanka waxa uu ugu yeeray “Jeegaanta”. Hadaba, saameyn intee le’eg ayey yeelan kartaa Jabhadda Caarre iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira goboladda waqooyi ee Soomaaliya? Tukaraq Waxaa Tukaraq isku horfadhiya ciidamo kala taabacsan Maamulada Hargeysa iyo Garowe kuwas oo isku haya gacan ku haynta goboladda lagu muransan yahay ee Sool, Sanaag iyo magaalada Buuhoodle. Dagaaladaas waxa ay wiiqeen awooddii Puntland oo intii ay ku mashquulsanaayeen Tukaraq ay dhawr jeer weeraro guuleystay ku soo qaadeen dagaalyanada Daacish eek u jira buuraha galgala. Sidoo kale, waxa Iyana sii diciifeysa awooddii ciidan ee Somaliland maadama ay ciidankeedu oo dhan joogaan jiidda dagaalka ee Tukaraq. Tukaraq oo aan xal loo helin, waxaa ay keeni kartaa in dagaalyahanada Al Shabab iyo kuwa Daacish ay si fudud ugu baahaan goboladda Puntland. Dhinaca Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Berbera waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo ay wadaan kooxaha argixisada ah oo aan muuqan balse sida ay ka war qabaan khuburada iyo dadka deegaanka in muddo ahba wey ku xoogeysanayeen kooxahaas goboladda Somaliland. Haddii Jabhadda cusub ee Kornel Caarre ay sii waddo dhaq dhaqaaqyada ciidan waxaa halkaas ka bixi doona awooddii maamul ee Somaliland taas oo fursad u siin doonta kooxaha argagixisada ah in ay buuxiyaan awoodda banaanaatay (The Vacuum). Waxaa iyada meesha aan ka marneyn collaada Puntland iyo Somaliland oo mar wala qarxi karta, marka lagu daro Jabhadda Somaliland ka aas aasantay, Daacish iyo Shabaab oo dhaq dhaqaaqyadooda xoojiyey waxaa muuqata haddii aan il gaar ah loo yeelan in degenaanshaha mandiqadda Geeska Africa ceel ay adag tahay in laga soo saaro ku dhici doono. Waxaa tusaale weyn u ah qarixii is miidaanta ahaa ee Buuhoodle lagula beegtay siyaasiyiin reer Khaatumo ah iyo dhawrka mar ee ay gacanta Al Shabab gashay deegaanka Af Urur ee aan Bosaso ka fogeyn. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com