Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marka-[Puntland Post]Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa shalay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya halkaas oo inta badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Ciidamada ka tirsan Dawladda soomaliya ee la wareegay Marka ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulihii xilka laga qaaday ee Ciiddanka xoogga dalka Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood,waxana haatan la qorsheynayaa isbedelo dhinac walba ah oo laga sameeyo degmadaas. Guddoomiyaha degmada Marka ee maamulka koonfur Galbeed Cumar Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab inta badan kala wareegeen xaafadaha Magalada Marka,isla markaana aysan jirin ilaa iyo hadda goobo ay ka taliyaan. Waxa uu sheegay in maamulku uusan aqbaleyn in maalin walba lagu dul dagaalamo Shacabka dushiisa,isla markaana isbedel dhanka Maamulka ah ay sameyn doonaan si amniga Magalada uu u noqdo mid hagaaga. waararkii ugu danbeyey ay helayso Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya in ay saaka dagan tahaya xaalada magaaladu waxana jira hawlagalo ay ciidamada dawaldu ay ka wadan xafadaha Magaalada Marka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Hawlgalo Saaka ka socda Magalada Marka ee gobalka shabeelada Hoose appeared first on Puntland Post.
  2. Maanta oo ku beegan 9-ka Carafo ayaa Malaayiin Muslimiin ah oo isaga kala timid dunida daafaheeda waxa ay taaganyihiin Buurta Carafo. Xujeeyda Ayaa gudanaya Mid kamid ah argaanta ugu muhiimsan ee xajka oo ah rugniga labadaad istaaga buurta Carafo. Muslimiinta ayaa saaka Subixii hore Gadaadiidka basaska ah looga soo qaaday Magaalada Mina. Xujeeyda sanadkaan alle uu u suurtagaliyay in ay xajka gutaan ayaa taagnaan doona Buurta Carafo ilaa Gabaldhaca caawa. Dhinaca kale Muslimiinta kale ee aan sanadkaan xajineeynin ayaa sooman Maanta Maadaama Nabiga Csw uu ku sheegay in Soomka Carafo lagu dhaafo dunuubta Sanadkii hore iyo kan Soo socdo. Maalinta bari ah oo ay Bisha Hijriyada Islaamka ku beegantahay 10-ka Carafo ayaa Muslimiinta dunida waxa ay u dabaaldagi doonaan maalinta 1-aad ee ciidul Adxaa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Taagan Buurta Carafo appeared first on Puntland Post.
  3. Ankara (Caasimada Online)-Waxaa mar kale magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan uu ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka oo muddo socday kadib Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo ay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo isbedelada jira. “Maanta waxaan magaalada Anakara kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya iyo qaabka dowladda Soomaaliya ay u sameyn karto horumaro balaaran”. Ayuu yiri Xasan Sheekh. Labada mas’uul waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xaalada gobolka geeska iyo is bedelada ka dhacaya, gaar ahaan nidaamka siyaasadda juquraafiga ee gobolka oo xilligan Soomaaliya saameyn ku yeelaneyso. Waxa ay isla soo qaaden mas’uuliyiintan muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeyn dhexmarta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay labada mas’uul isku raaceen in si wada jira looga wada shaqeeyo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana kulankooda labaad kasoo baxay in culeyska lawada saaro wadatashi iyo isla shaqeyn joogta ah si indho loogu noqdo Umadda Soomaaliyeed ee aanu dhowr sano helin nidaam rasmi ah. Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo labada Madaxweyne yeesheen, iyadoo bishii hore ee July ay ku kulmeen magaalada Ankara, xilli Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayay caleema saarka Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo dib loo doortay. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana uu u degan yahay dalka Turkiga. Dhinaca kale, kulanka Ankara ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay la hadal haayey in uu ku soo wajahan yahay Magalada Muqdisho si uu u sameeyo Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
  4. Qardho [Puntland Post]-Dhallinyarada gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho ayaa munaasabad ay ku taageerayeen musharax Siciid Cabdullaahi Deni ku qabtay magaalada Qardho, waxaana xafladdaasi ka qayb galay qayabaha kala duwan ee dhallinyarada gobolkaas. Kalmado kala duwan oo munaasabadda laga soo jeediyay ayaa lagu tilmaamay taariikhda Siciid Deni iyo tallaabooyinkii uu qaaday xilliyadii uu kamid ah bahda tacliinta Puntland iyo bahda ganacsiga, waxaa sidoo kale la ceddeeyay inuu masuuliyado kala duwan kasoo qabtay DFS. Dhallinyarada munaasabada soo agaasimay ee gobolka Karkaar waxaa ay sheegeen inay diyaar u yihiin garab istaaga iyo la shaqaynta Musharaxa Siciid Deni, iyagoo tilmaamay inay ku raja weyn yihiin inuu guulo la taaban karo kasoo hooyo doorashada Madaxtinimo ee Puntland 08 Jan, 2019. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharax Siciid Deni oo laga taageeray Qardho appeared first on Puntland Post.
  5. Newly appointed Northeastern regional commissioner Mohamed Birik has warned bus companies and transporters against ferrying aliens from Somalia to Nairobi. Source: Hiiraan Online
  6. Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka nasoo garaya ayaa sheegaya in isbaheysi cusub looga dhawaaqay Ethiopia kaa oo ay ku mideysan yihiin ururrada ONLF iyo SRDA. Ururadan oo muddo fog shaqeynaayay ayaa ku dhawaaqay isbageysi cusub oo ay ku sheegeen in uu ka shaqeynayo horumarinta iyo danaha dadka Soomaalida ah ee ku hoos nool dowladda Ethiopia. Isbaheysiga oo loogu wanqalay “Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF)”, ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin miisaan ku leh Siyaasada dalka Ethiopia, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka shaqeyn doono dhammaan dalka Ethiopia. Sida lagu muujiyay qoraal lagu daabacay boga Twitter-ka ee ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in labada urur ay ku heshiiyen in si wada jira looga shaqeeyo aayaha dadka iyo dhulka Soomaalida. Waxaa lagu sheegay in labada urur ay isla garteen dhismaha Isbaheysiga Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF) oo saldhig u noqon doona xasilinta iyo hormarinta dhulka Soomaalida. Waxaa la sheegay in Isbahaysiga cusub xoogiisa uu yahay mid ka shaqeyn doona xoriyadda iyo caddaaladda Soomaalida dalka Ethiopia, si loo helo jawi xasiloon oo saldhig u noqon doona cadaalada. Sidoo kale, qorshooyinka ugu waaweyn ee isbaheysiga ayaa waxaa kamid ah sidii Soomaalida ku hoos nool dowladda Ethiopia ay u heli lahaayen Garowsi gaar ah, maadaama isbedel Siyaasadeed laga dareemayo Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, ONLF oo fac weyn isla markaana muddo dheer u dagaalamayay madaxabanaanida Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa iminka u muuqda inuu ku talaabayo isbedelo iyo siyaasado la dhaqan u ah dowlada Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  7. Garoowe (Caasimada Online)-Waxa ay saaka xiisad colaadeed ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland. Xiisa laga dareemayo deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay timid kadib markii Gaadiid dagaal oo ay leedahay Puntland saaka ay gudaha u galeen deegaanka Tukaraq. Ciidamada Puntland ee saaka galay deegaanka ayaa durba bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ciidan waxa ayna saaka gaaren jiida hore ee dagaalka taa oo sababtay xiisadda halkaa ka taagan. Dadka deeganka waxa ay soo sheegayaan in rasaas goosgoosa ay xalay ilaa saaka ka dul dhaceysay taa oo ay ridayeen ciidamada maamulka Somaliland oo difaac ku jiray. Sidoo kale, waxaa shalay deegaanka gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland iyo saanad ay wateen kuwaa oo sabab u noqday dhaqdhaqaaqa sii xoogeysanaaya ee saaka laga dareemayo Tukaraq. Docda kale, Xiisadan ayaa imaaneysa iyada oo maalinimadii shalay aheyd, guddiga difaaca Puntland ay sheegeen in dagaal uu ka dhici doono, deegaanka Tukuraq, nabadna aysan jiri doonin inta gobollada Sool iyo Sanaag ay Somaliland ku sugantahay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. Kenya is demanding more compensation this year from the United Nations (UN) for its troops fighting Al-Shabaab in Somalia as it signalled to start withdrawing the soldiers from next July. Source: Hiiraan Online
  9. Three Somali-Americans are lacing their boots to contest for legislative elections in the United States. The Minnesota trio are gunning for two House of Representative seats and a historic seat in Congress. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo ku guda jira barnaamijka la dagaalanka musuqa ayaa sheegay inaanu xiriir kala dhexeyn mas’uulkii musuqa hantida Qaranka. Kheyre waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalaman cid waliba oo isku daydaa inay musuqdo hanta Qaran, waxa uun cadeeyay in mowqifkiisa dhanka musuqa uu yahay ciqaab iyo fadeexeyn. Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre tilmaamay inaysan calaaqo kala dhexeyn cid waliba oo musuqda hantida, waxa uuna ku goodiyay in cid waliba oo loo xiro arrinta musuqa ay mari doonto 3 ciqaab oo kala ah:- 1-Mas’uulka lagu helaa musuqa inuu weyn doono xilka ama shaqada uu u hayo Qaranka. 2-In dowlada Somalia ay la wareegi doonto hantida uu mas’uulkaasi ka tacbay musuqa Qaranka, maadaama lacagtaasi ay tahay mid laga dhacay shacabka. 3-Inay shacabka la wadaagi doonaan ceebta mas’uulkii lagu helaa musuqa hanta Qaran, waxa uuna ballanqaaday inay la dagaalami doonaan cid walba oo ku kacdaa musuq. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyay inay ku adkaan doonto inay qariyaan ama difaacan shaqsiga u bareeray musuqa, waxa uuna si gaara ugu digay mas’uuliyiinta Golayaasha iyo kuwa dowlada Hoose. Dhinaca kale, Kheyre ayaa dadka shacabka iyo kuwa ka shaqeeya xafiiisyada dowlada ugu baaqay inay faramuuqan kuwa is qarinaaya ee dhaca u geystay Hantida Qaranka, waxa uuna hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Chief Kadhi Ahmed Muhdhar has faulted CS Fred Matiang’i for declaring Tuesday as the public holiday to mark Idd-ul-Adha. Source: Hiiraan Online
  12. The Turkish Aerospace Industries (TAI) has built the country’s first prototype of a new generation, twin-engine multi-purpose helicopter that will perform its test flight later this year. Source: Hiiraan Online
  13. Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlgalo ay ciidamada uu hoggaaminaayo Abaanduulihii hore ee ciidanka milateriga ee Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood ay kawadaan magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada ay burburiyeen Saldhigyo ay lahaayen Alshabaab kuwaa oo isugu jira kuwa lagu tababaro dhalinyarada iyo kuwo kale oo laga qaadi jiray duulaanka. Ciidamada oo howlgalada gaarsiiyay duleedka magaalada Marko ayaa sidoo kale banaanka usoo saaray Qaraxyo ay maleeshiyada ku aaseen dhulka kuwaa oo loogu tallo galay in lagu qarxiyo gaadiidka dagaalka oo ay isticmaalayaan ciidamada. Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen Alshabaab farabadan oo ay ku jiraan Saraakiil iyo dagaalamayaal baxsad ka ahaa howlgalada ay wadaan ciidamada. Waxa ay sheegen inay gacanta ku dhigeen hub ay isticmaalayeen maleeshiyaadka ka cararay Saldhigyada ay burburiyeen ciidamada dowlada. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalada ay gaarsiin doonaan deegaano dhowr ah oo la sheegay inay ku dhuumaleysanayaan Alshabaabka ka cararay magaalada Marko. Geesta kale, Alshabaabka ka baxay qeybo kamid ah magaalada Marko ayaa saldhigtay deegaano duleedka ah magaalada Marko oo aan wali gaarin howlgalka. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  14. Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida ayaa sheegaya in la xiray ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo isku dayay boob hantiyadeed. Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu helay danbiyo la xiriira in mudada ay shaqaaqada ka soctay deegaanada maamulka ay isku dayeen inay la goostan Booyado iyo Gaadiid ciidan. Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa faramuuqay askarta la xiray kadib markii ay kusii dhiiradeen inay la baxsadaan Hub. Ciidamadan oo qeyb ka ahaa garabka Madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Cumar ayaa iminka la dhigay xabsi, waxaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad. Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa inay qirteen falka loo xiray, wallow ay ku cudur daaranayaan inay badbaadin ahaan u wateen gaadiidkaasi. Arrintaan ayaa imaaneysa xili dhawaan maamulka uu kiisas noocaasi ah u xiray shaqsiyaad ka tirsanaa maamulka oo lagu eedeeyay kicin dadweyne. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  15. The government of Ethiopia should commit to an in-depth, independent fact-finding mission into many years of rights abuses and violations of the laws of war in eastern Ethiopia’s Somali region, Human Rights Watch said today. Source: Hiiraan Online
  16. Ethiopia on Sunday inaugurated a power plant which converts waste into energy, next to a filthy open-air dump in Addis Ababa where a landslide last year killed more than 110 people. Source: Hiiraan Online
  17. Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dalkiisa uu qafiifinaayo ku dhaqanka sharciyada adkaa ee dalkaasi u degsan. Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladiisa marka hore aysan dooneynin inay ku dhaqanto sharci caburis ah, hase yeeshee haddii ay dhacno in laga maarmi waayo ay ku dhaqmi doonaan. Waxa uu sheegay in maamuladii ka horeeyay ay ku dhaqmi jireen sharciyo adag oo xitaa dadka shacabka qaarkood ku qasbi jiray inay ku nooladan dalka dibadiisa, balse ay iyagu inbadan ka duwanaan doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Sharciyada adag ayuu tilmaamay in dalka ay u horseedi karto dhibaatooyin iska kacdoono, sidaa aawgeed aysan diyaar u aheyn inay ku dhaqmaan shaci adag oo cadaawad ka dhex abuuri kara dowlada iyo shacabka. Sharciyada adag ayuu tilmaamay keliya inay u adeegsan doonaan isla markaana ku ciqaabi doonaan kuwa halista ku ah dalka, waxa uuna yiri “Sharciga cidna ugama baqan doono cidii halis nagu ah ayuu maareyn doonaa sharciga adag” “Ethiopia uma baahna caburin iyo in la dhibaateeyo shacabka, waa inaan garanaa waxa wanaagsan iyo waxa xun ee dhibaatada noo horseedi kara” Sidoo kale, Abiy ayaa ku goodiyay in dhibaatooyin kala duwan ay marin doonan cid waliba oo halis ku ah dowladiisa, waxa uuna ku baaqay in lagu wada noolaado xoriyada ay siiyeen shacabka iyo dhinacyada mucaaradka. Haddalkan ayuu ka sheegay kulan uu Xafiiskiisa kula qaatay xubno Siyaasiyiin ah kuwaa oo dhawaan dalka dib ugu laabtay sanado badan kadib. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  18. Madaxwaynaha dalka, Ashraf Ghani ayaa ku ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban. Xabad joojintani ayaa madaxwaynaha sheegay in ay billaabanayso Isniinta ka hor dabaaldaga ciidda ee maalinta Talaadada. Mr Ghani ayaa sheegay in xabbad joojinta ay socon doonto muddo saddex billood ah waa haddii kooxda Taliban xushmeeyaan. Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay kooxda Taliban oo ku saabsan xabbad joojinta uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Afqanistan. Balse Talibaan ayaa munaasabadda ciidda darteed siideyn doonta dhowr maxaabiis ah. Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani. Mr Stoltenberg ayaa sidoo kale ugu baqay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta. Xabad joojinta ayaa imanaya ka dib maalmo uu dagaal qaraar ka socday magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan. Labada dhinac ayaa fuliyay saddex maalmood oo xabbad joojin ahayd oo ay wada gaareen bishii June xilligaasi oo sidoo kale loo dabaaldagayay ciidda ciiddul Fitriga. ISHA BBC
  19. Somalia's Minister of Foreign Affairs Ahmed Eissa Awad and Qatar's ambassador Hassan bin Hamza Hashim on Sunday placed the cornerstone of the project to build the diplomatic institute, which is financed by Qatar Fund for Development. Source: Hiiraan Online
  20. President Donald Trump's lawyer Rudy Giuliani said Sunday that the June 2016 Trump Tower meeting between senior Trump campaign officials and Russians "was originally for the purpose of getting information about (Hillary) Clinton," but denied any collusion between Russia and the Trump campaign. Source: Hiiraan Online
  21. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal katirsan Maxkmadaha Dalka. Garyaqaan Baashe Gudoomiyaha Maxkmada sare dalka ayaa shaqada ka joojiyay Garsooyaal gaaraya ilaa 9 xubnood oo ka hawlgala maxkamadaha darajada 1-aad iyo 2-aad . “Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. Gudoomiyaha ayaa sheegay in sababta Xilka looga qaaday garsoorashaasi ay yihiin cabasho katimid shacabka iyo dacwado ay soo gudbiyeen. ” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan”. ayuu markale yiri Gudoomiyaha Maxkmada Sare. Dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay waday dar dar xoogan oo looga soo horjeedo musuq maasuqa iyo wax isdamarin ka dhexjirta laamaha kala duwan ee Dowlada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Maxkmada Sare oo Shaqadii ka Joojiyay Garsoorayaal Maxkamadeed appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa waxaa shaqada looga joojiyay howlwadeeno ka kala tirsan maxkamadaha darajada koowaad iyo labaad ee dalka. Wareegtada ayaa waxaa shaqada looga joojiyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawl gala Maxkamadaha degmooyinka, Gobolka iyo Rafcaanka oo loo heysto cadaalad daro. Waxaa wareegtada lagu sheegay inay korortay cabashooyinka laga qabo shaqooyinkooda Kaaliyayaasha, iyadoo ay dacwado dhowr ah ka gudbiyeen dadweynaha u cadaalad doonta Maxkamadaha. Guddoomiyaha Maxkamadsa Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka jawaabaya balan qaadkiisa ahaa inuu la dagaalami doono Garsoorayaasha laga cawdo shaqooyinkooda ayaa shaqo joojin ku sameeyay Kaaliyayaasha maxkamada. Sidoo kale, Baashe Yuusuf Axmed, waxa uu sheegay in baaritaano lagu sameeynayo kaaliyeyaashi shaqad laga joojiyay, waxa ayna baaritakooda qaadan doontaa muddo, si looga sal gaaro cabashada laga gudbiyay. Dowlada Somalia, ayaa Seddexdii asbuuc ee ugu danbeysay xabsi dhigeysa mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan dowlada kuwaa oo loo heysto arrimo la xiriira musuq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. en the Taliban regime in Afghanistan collapsed in November 2001, journalists who had been waiting in parts of the country outside the Islamist regime’s authority or in neighbouring Pakistan rushed to bombed-out and deserted training camps where al-Qaida had built the strike force that had carried out the 9/11 attacks. Source: Hiiraan Online
  24. Majority Leader in the National Assembly Aden Duale has threatened to petition the Judicial Service Commission to take disciplinary action against Chief Kadhi over his stand on matters of Idd ul Adha celebrations. Source: Hiiraan Online
  25. Kulan tan iyo 8dii Agoosto magaalada Addis Ababa uga socday xubnaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa sida uu sheegay guddoomiyahooda cusub oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda Federaalka ee Itoobiya, Axmed Shide, waxaa lagu go’aamiyey in xisbiga laga saaro xubno lagu tuhmay in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay deegaanka. Shir jaraa’id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis ababa, ka dib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga. Talaabadaas ayuu ku tilmaamay inay tahay go’aan siyaasadeed oo xisbigu ka qaatay dadkaas oo wax laga saarayo rabshidihii horraantii bishan ka dhacay deegaanno ka tirsan DDSI. Waxaa shirka la fadhiyey madaxweynaha cusub ee DDSI, Axmed Cabdi Maxamed iyo xubnaha xisbiga. Wuxuu kaloo intaa ku daray inay jirto talaabo xagga sharciga la xiriirta oo laga qaadayo dadka dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, “kuwaasoo ay hay’adaha dambi baaristu gacanta ku hayaan”. Ma uusan sheegin magacyada xubnahaas laga saaray xisbiga. Waxaa la filayaa in ay qaban qaabiyaan shirweyne ay isugu keeni doonaan “dadka deegaanka”, laakinse ma aysan sheegin goorta uu dhici doono, halka uu ka dhici doono, iyo cidda ka qayb galaysa toona. Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha 11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka, iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI. Wararku waxay sheegayaan in ayaguna ay ka arrinsanayaan sidii meel loogu yeeli lahaa rabshadihii dhacay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd. Wararka ayaguna naga soo gaaraya deegaannada is maamulka Soomaalida waxay sheegayaan in shirar waaweyn ay ka dhacayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Jigjiga oo ah halka ay shirarka ugu badan ka socdaan, dhagaxbuur, Qabridahar, Godey iyo meelo kale. Shirarkaas ayaa la sheegay in ay ku salaysan yihiin sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddellada haatan socda, waxaana dib ugu soo laabanaya deegaannadaas dadkii markii hore uga cararay khilaafaadka siyaasadeed iyo mabaadii’da ay aaminsanaayeen daraadood. ISHA BBC