-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si adag u dhaliilay Siyaasada dowlada Somalia kadib markii uu sheegay inay tahay habeen guur oo aan meel loo raaca laheyn. C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn oo loogu sameeyay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa tilmaamay in Siyaasada ay ku dhaqmeyso dowlada Somalia ay xiligan tahay mid ebar ah una baahan in hadda iyo bilow lasoo dhiso. Nuqul kamid ahaa khudbadiis ayaa aheyd “Siyaasadda Arrimaha Dibadda waxay noqotay habeen guur meel loo raaco lama yaqaan, waxaa luminay saaxibkii iyo walaalkii ugu weynaa ee ay Soomaaliya laheyd dalka Jabuuti” Waxa uu intaa raaciyay C/raxmaan C/shakuur “Anagoo waxba ku bedelan, maalin hore warqad ayay dowladda soo saartay oo ay ku taageereyso Sacuudiga oo ay dowladda Canada is khilaafeen, maalin dhexdaas Sacuudiga oo wafdi Somalia ay tageen waxay ka codsadeen inay la saftaan oo aanay Qadar la safan” Waxa uu intaa raaciyay “Waxaa is weydiin leh xaggee dowladda loo raacaa, haddii walaaltinimo la isku taageerayo oo la leeyahay Sacuudiga walaaltinimo lagu taageeray Jabuuti ayaa mudneyd, haddii dan la isku taageerayana maalintii Sacuudiga danta naga rabay ayaa mudneyd” C/raxmaan C/shakuur, oo inta badan hanaan aan wanaagsaneyn u dhaliila dowlada Somalia aya sheegay in Somalia ay weli ku jirto marxalad kala guur ah, balse aysan garan madaxda Soomaalida. Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur waxa uu cadeeyay in Siyasada kala guurka ee dalka ka jirta looga bixi karo in marka hore Ciidamada Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan Ciidamada AMISOM, taasna ugu horeyn looga bixi karo KMG Amniga.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Abaanduulahii ciidanka xoogga dalka ayaa shaqada laga eryay isagoo ku maqan hawlgal qaran, tani waxey keentay tuhun badan oo la xiriira waxa uu xaalka ciidanka militariga ku dambeyn doono, 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Waxaa la baahiyay warar sheegaya in taliye Caanood uu la gadooday ciidan wata 40 tikniko ah, ma jirto cid xaqiijin karta in arrintu gadood tahay iyo inuu baacsanaayo Al-Shabaab, laakiin sax ma tahay sidii xilka looga qaaday?. Shabakadda Caasimadda Online waxay la xiriirtay quburo ciidan markii ay soo baxday in Caanood uu shaqadiisa waayay isagoo hawl qaran jira, waxeyna quburadaas noo sheegeen in markii la doonayo in taliye xilka laga qaado ay muhiim tahay in loo yeero oo amar lagu siiyo iney isaga iyo ciidankiisa soo xaroodaan. Sida caadiga ah markii la rabo in qof mas’uul ah xilka laga qaado wuxuu xaq u leeyahay wargelin si la mid ah markii xilka loo magacaabayay, laakin taliska Farmaajo waxyaabaha uu soo kordhiyay waxaa ka mid ah in qofka shaqada laga eryo isagoo aan loo sheegin. Xeel-dheerayaasha ciidanka waxey aaminsan yahiin inaan askarta iyo siyaasiyiinta isku sii loola macaamilin, waxey sheegeen inuusan dhib badan ka imaan karin marka siyaasiyiinta xilka laga qaado iyadoo aan loo sheegay balse uu culeysa amni ka imaan karo marka madaxda ciidamada xilka laga qaado iyadoo aan la wargelin, waxaa la aaminsan yahay in Caanood si aan munaasab aheyn loola macaamilay. Muddooyinkii lasoo dhaafay wuxuu hawlgal ka waday gobolka Shabeelada Hoose, waxaana lala yaaban yahay in madaxda sare ay awoodi weysay iney u yeerto ugana mahad celiso dadaalkiisa kadibna ay u sheegaan iney xilka ka qaadeen, hadiise ay dhab tahay in Caanood iyo ciidanka ay gadood ku maqan yahiin waxey cashir u noqon doontaa Farmaajo iyo Kheyre marka ay timaado in xil laga qaado saraakiil ciidan, waxaa sidoo kale aad loo masuugsan yahay waaya-aragnimada abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybta loo yaqaan dharcadka ayaa Caawa fiidkii Xabsi dhigey Cali Mire Ducaale oo sheegtay inuu yahay Taliyaha NISA ee jubbooyinka. Cali Mire Ducaale, ayaa todobaadkii tagay dhamaadkiisa waxaa Garoonka magaalada Kismaayo kasoo celiyay Nabadsugida maamulka Jubbaland. Ninkaani lagu magacaabo Cali Mire Ducaaale ayaa xilligii laga soo celinayey garoonka Kismaayo watay Warqado uu ku sheegayey in dowladda Somalia ay taliye ugu Magacaawday Nabadsugida Jubbaland, waxana la socday nin kale oo ku xigeen u ahaa. Qoraal lagu daabacay bogga Tweeter-ka NISA ayaa waxaa lagu xaqiijiyay xariga Cali Mire Ducaale oo la sheegay in Warqado been abuur ah ka sameeyay NISA taa oo uu la tagay Kismaayo. Cali Mire Ducaale, ayaa markii loo diiday inuu galo magaalada Kismaayo maamulka Jubbaland ugu goodiyay inuu ku shaqeyn doono magaalooyinka kale ee maamulka isla markaana Jubbaland aysan aheyn Kismaayo oo qura. Dhinaca kale, Cali Mire Ducaale ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad, iyadoo wax laga weydiin doono falka been abuurka ah ee uu ku kacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa sii socda ismaandhaafka u dhaxeeya dowladda Turkiga iyo tan Maraykanka, waxayna arrimaha salka ku hayaan labo wadaad oo midna masiixi yahay, midna muslim yahay. Fatxullaah Gulen Madaxweyne Erdogan iyo dowladda Turkigaba waxa ay Maraykanka ka dalabayaan in ay kusoo wareejiyaan wadaad lagu magacaabo Fatxullaah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania. Waxa wadaadkan lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay. Erdogan oo maqaal ku qorey wargeyska New York Time ayaa yiri “Maraykanka waxa ay ku guuldareysteen in ay fahmaan waxa ay qabaan dadka reer Turkiga, illaa inta Maraykanka ka fahmayaan muhiimadda ay leedahay in ay xushmeeyaan qaranimadeena, ilaa inta taas dhacayso iskaashigeena mugdi ayuu ku jiraa”. Waxa kale oo uu Erdogan Maraykanka ku eedeeyaa in aysan cambaareynin isku daygii afgembiga Turkiga ee sanadkii 2016-kii. Maraykanka waa uu diiday in uu wareejiyo Gulen. Andrew Brunson Ninkan waa baadari ka tirsan diinta masixiiga, waxa uu hoggaaminayay kaniisad ku taala magaalada Irsim ee dalka Turkiga. Labo sano iyo dheeraad ayuu ku xirnaa Turkiga, waxaana lagu eedeeyay in uu taageere siiyay kooxo Turkiga uu u aqoonsanyahay argagixiso, kana mid yihiin kuwa Kurdiyiinta. Arrinka micnaha samaynaya ayaa ah in mad-habta uu ka tirsanyahay baadariga ee ah Prostestan-ka ay yihiin dadkii aadka u taageeray madaxweyne Donald Trump, waxayna hadda xerta kaniisadan Trump ku cadaadinayaan in uu soo daayo Mr Brunson. Trump oo fariin kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Bruson “afduub loogu heysto Turkiga, tahayna in la siidaayo”. Hadda waxa uu ku jiraa xabsi guri, dowladda Turkigana waxa ay diidday dalab kasta oo ah in ay ku siidayso, waxayna qabtaa in nidaamkeeda garsoorka uu go’aan ka gaaro sida laga yeelayo ninkan. Dowladda Maraykanka oo taas ka carootay ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Turkiga, waxana canshuuro dheeraad ah la saaray birta iyo naxaasta Turkiga ee loo dhoofiyo Maraykanka. Arrimaha kale ee ay isku hayaan Labadan nin oo kaliya ma ahan waxa ay isku hayaan labadan dal, waxaase jira arrimo kale oo dhawr ah. Waxaa ka mid ah taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiyiinta ee ka dagaalama Suuriya. Inkasta oo ay ka wada tirsanyihiin gaashaanbuurta NATO, haddane sanooyinkii dhawaa si wanaagsan uma aysan wada jaanqaadin. Isu dhawaanshaha Turkiga iyo Iran ayaa kasii caraysiiyay Maraykanka, waxaana jirta in wasaaradda maaliyadda Maraykanka ay u yeertay bangi weyn oo laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Halkbank, kaas oo loo heysto eedeymo la xiriira in uu macaamil ganacsi la sameeyay Iran si khilaafsan cunaqabataynta dhaqaale ee dalkaas lagu soo rogey. ISHA BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dad badan layaab ayey ku aheyd iney arkaan xildhibaan iska casilaaya baarlamaanka soomaaliya sanadkaan 2018, laakiin xildhibaan C/qaadir Gaafow ayaa iska casilay xilkiisii baarlamaanka sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Qaranka. Kursiga Gaafow wuxuu ka mid ahaa kuraas muran badan dhalisay oo ay doorashadooda ka dhacday Cadaado, laakiin markaan waxaa in la dhigo Dhuusamareen oo si cadaaad ah loogu tartamo. Sida ay xogta ku heshay MEP, wuxuu C/qaadir Gaafow isku casilay inuu booska u baneeyo walaalkiis C/llaahi Gaafow kaas oo markii kursigaan loo tartamayay ahaa taliyaha NISA, waxaa la aaminsan yahay inuu C/laahi Gaafow qaadan lahaa kursigaan hadii uusan markaas ahaan laheyn taliyaha NISA. Wararka waxey intaas ku darayaan in C/qaadir Gaafow lagu qanciyo inuu kursiga u baneeyo walaalkiis ayna arrintaas ka shaqeeyeen odayaasha dhaqanka ee beesha ay kasoo jeedaan. Dad ku dhaw dhaw ilmo Gaafow ayaa u sheegay inuu C/llaahi Gaafow diyaar u yahay inuu kursigaas ku fariisto inkastoo ay dhici karto inuu shaqsiyaad aan hadda la aqoon tartan adag kala kulmo. C/Qaadir Gaafow Maxamuud wuxuu noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee si iskiis ah isaga casila baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Fahad Dahir Ahmed (pictured above) also known as Fahad Yasin in Somalia was appointed the Deputy Director of National Intelligence Security Agency (NISA), last week, igniting heated debate. Source: Hiiraan Online
-
He narrowly escaped death when his tuck shop was set alight, allegedly by residents, but Somalian businessman Mohamed Ali is not giving up. Source: Hiiraan Online
-
Somalis who graduated from Turkish universities on Monday condemned the U.S. sanctions on Turkey and urged their compatriots to help the Turkish nation go through their difficult times. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Chairman of the Council of Inter-state Cooperation, President Abdiweli Mohamed Ali Gaas of Puntland invited his regional counterparts to attend the council’s third meeting, to be held in Kismayo on September 3rd. Source: Hiiraan Online
-
The government is investigating how a senior official in the government of Somalia acquired multiple Kenyan passports and a national identity card with conflicting dates of birth and which he has been using whenever he travels abroad. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Aug. 20 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Monday said that it has wrapped up a two-day training for Somali youth to partner with security institutions to deter crime and counter violent extremism in the country. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu, Somalia's capital, has been described as the most dangerous city in the world. But some people there are trying to bring life back to the place. During her regular visits, BBC Africa editor Mary Harper came to know one of them - an entrepreneur named Mohamed Mahamoud Sheikh. Then she received some bad news. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Madaxda Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna Xildhibaanka laga soo doortay bartamaha degmada Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa ku hanjabay in dacwad uu u gudbin doono Guddiga garsoorka Kenya. Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dacwadaasi ay tahay mid lidi ku ah qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar oo uu ku tilmaamay qaadi bilaa anshax ah. Aadan Barre Ducaale, waxa uu sheegay in qaadiga uusan garan howshiisa, isla markaana caqabad ku yahay howlaha ay gudanayaan mas’uuliyiinta dowlada. Aadan Barre Ducaale, waxa uu tilmaamay in qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar uu muran ka keenay hadal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Kenya Mr Fred Matiang’ oo isagu sheegay in maalinta Talaadada oo ku began bari fasax yihiin shaqaalaha Kenya sababo la xiriira dabaal dega Muslimiinta. Qaadiga ayaa dhaleeceeyay isla markaana wax kama jiraan ka dhigay fasaxa kasoo baxay Xafiiska Wasiirka, hase yeeshee Aadan Barre Ducaale, ayaa arrin khalad ah ku tilmaamay in qaadiga uu u gafo hadalka Wasiirka. Aadan Barre Ducaale, waxa uu sheegay in haddalka qaadiga uu yahay mid kala qeybinaaya muslimiinta Kenya, sidaa aawgeed aysan ka aamusi doonin dhaliisha uu jeediyay qaadiga. “Anigu waxaan kasoo horjeeda in qaadigii dhan uu ka shaqeeyo kala qeybsanaanta muslimiinta Kenya, isagu shaqo kuma laha xiliga ciida, keliya waa in uusan dhibaato ka dhex abuurin dadka muslimka ah” Sidoo kale,qaadiga ayaa maalin ka hor ka soo horjeestay in muslimiinta Kenya ay dabaal degaan maalinta talaadada waxaa uuna tibaaxay in ciida carafo ay tahay maalinta arbacada, taasi oo ka careysiisay Xildhibaanka. Haddalka Aadan Barre Ducaale, ayaa imaanay xili muslimiinta Kenya ay ku kala aragti duwan yihiin dhaliilaha ay Aadan Barre Ducaale iyo Qaadiga isku marinayaan hawada. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. Hoos ka Daawo Muuqalka Madaxweynaha Soomaliya Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray Hambalyo ku aaddan Munaasabadda Ciidda Carafo appeared first on Puntland Post.
-
Itoobiya XUKUNKII BOQOR MENELIK. Kolkii ay Itoobiya u kala jajabtay maamulada yaryar, reer Menelik waxa ay ka talin jireen gobalka Shawo oo mar ahaan jirey dawlad islaama. Nugus Wosan Sagad ayuu ahaa ninkii aasaasay dawladaan sanadkii 1808, kabacdina waxaa ka dhaxlay wiilkiisii Sahle Selase oo asna uu ka sii dhaxlay wiilkiisii Hayle Malakut oo ahaa Menelik aabihiis, Boqor Tedros ayaa ku duulay shawo xilligii uu midaynayey Itoobiya ee uu maamulada yaryar la dirirayey. Kolkii uu Tedros Shawo qabsaday, xukunkiina ka tuuray Hayle Malakut waxa uu maxbuus ahaan u kaxaystay Menelik oo markaas ahaa inan yar. Waxa uuna xabsi guri ugaga dhigay caasaimaddiisii Magdala. Markii uu daciifay xukunkii Todros ayuu Menelik ka fakaday xabsi-gurgii. Waxa uu dib ugu noqday gobalkiisii, halkaas oo uu xukunkii aabihiis mar labaad ka soo ceshay. Kolkii Yohanas uu xilka boqortooyada guud ee Itoobiya uu la wareegay Menelik waxa uu xiriir fiican la yeeshay Yohanas oo ay xidid noqdeen. Waxa uu kala qayb galay dagaaladii Masaarida iyo kuwii lagula dirirayey qabaa’isha Oromada. Waxa uu ahaa ninkii wakiilka ugaga ahaa Yohanas fidintii xukunka iyo diinta. Waxa uu ahaa ninkii cagta mariyey qabaa’shii oromada muslimiinta ahayd ee Wollo iyo Yajju. Waxa uu ahaa ninkii diinta ka saaray kumannaan muslimiina oo ay ku jiraan madaxdii qabaa’isha sida Iimaam Mohamed Ali Iyo Abba Watta oo inta la gaaleeyay magacyadii laga badaley. Waxa uu ahaa ninkii cagta mariyey maamuladii Jimma, Siddamo, Gurage, kaffa, Bale, Hadiya iyo kuwo kale oo badan. Waxa uu ahaa ninkii sababta u ahaa in maanta malaayiin Oromaa ay diinta masiixiga haystaan. Boqortooyadii Jimma oo ahayd boqortooyo Islaama uuna ka talin jirey Abba Jafar ayaa ahayd meesha uu iska caabinta ugu wayn uu kala kulmay illaa aakhirkii lagu khasbay reer Jimma inay u hogaansamaan xukunkiisa, diintooda iyo maamulkana loo amaan galiyo. Jimma waa gobalka uu kasoo jeedo Raysal Wasaaraha iminka ee Abiya Ahmed. Menelik waxa uu reer Jimma kula heshiiyey inaan dhulkooda diinta masiixiga lagu faafin doonin kaniisadana aan laga dhisi doonin, laakiin markii uu Abba Jafar oo ahaa geesigii iyo boqorkii reer Jimma uu dhintay ballantaas waa looga baxay. Kolkii uu Menelik kasoo jeestay shucuubtii galbeedka iyo koonfurta ayuu usoo jeestay dhankii bariga oo aan iyagu marna ku milmin xukunkii Xabashida. Waa dhulkii Harar ugu magaca dheerayd ee Soomaalida iyo canfartuba ka midka ahaayeen. QABSASHADII HARAR IYO GOOBTII CHALANQO. Harar oo ahayd magaaladii Iimaan Ahmed Gurey iyo saldhiggii dawladdii Adal ayaan wax horumara samayn wixii ka dambeeyey geeridii Amiir Nur. Boqolaal sano ayay Harar u go’doon sanayd qabaa’shii Gallaha. Sanadkii 1875 ayaa baashigii Masaaridu la wareegay taladii magaalada kadib kolkii ay Masaaridu qabsatay xeebaha badda cas. Inkasta oo xukunkii Masaaridu uu yareeyey khatartii Gallaha, in badan oo Gallihii ka midana ay islaamka qaateen haddana masaaridii Harar kuma aysan nagaan ee waxay ka guureen sanadkii 1885, kadib markii ay Ingiriiska ku wareejiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen badda cas iyo gacanka cadmeed. Wax yar kabacdi guuritaankii masaarida, Menelik waxa uu usoo diray Harar ciidan xoog leh oo ka koobnaa soddon kun oo toban kun oo ka midihi ay hub culus wateen. Kolkii masaaridu ay harar ka guureen ugama aysan tagin wax maamula iyo hub ay isku difaacaan toona. Reer Harar waxay hoggaan u doorteen Amiir Abdullahi Amir Mohamed oo ahaa wiil uu dhalay amiirkii ay Masaaridu magaalada kala wareegtay. Amiir Abdullahi waxa uu abaabulay reer Harar si uu uga hortago Menelik iyo ciidankiisa. Amiirku waxa uu isla helay saddex kun oo nin oo kun ka midihi ay hubaysnaayeen. Dhamaadkii sanadkii 1886 dii ayaa ciidankii amiirku ku hor istaageen guutooyinkii boqorka halka la yiraahdo Chalanqo oo galbeed uga toosan magaalada Harar. Nasiib daro, in kasta oo ay muslimiintii reer Harar dagaal kharaar dagaalameen haddana waa loo awood sheegtay, waxayna goobtaas ku waayeen kun nin oo todobo boqol oo kamidihi aysan wali curan. Jabkii muslimiinta ka soo gaaray Chalanqo waxa uu soo dadajiyey in Menelik uu si fudud ula wareego Harar. Harar oo ahayd Caasimaddii Iimaan Ahmed ayaa markii ugu horaysay si rasmiya gacanta Xabashida ugu wareegtay. Menelik waxa uu Harar u magacaabay Ras Mokanen oo ahaa boqor Hayle Salaase aabihii ahaana ninkii hoggaaminayey ciidankii magaalada qabsaday. Sanadkii 1896 ayaana Itoobiya si rasmiya Harar dhulkeeda ugu darsatay. Menelik iyo wakiiladiisii waxay Harar ka bilaabeen siyaasaddoodii isir sifaynta, kala sooca iyo diin baddalka ee ay horay uga soo fuliyeen gobaladii kale ee muslimiinta. Waxaa la gumaaday kumaan kun oo muslimiina, waxaana lagu xukumay reer Harar inay bixiyaan magdhaw ku aadan kharashkii dagaalka ku baxay. Waxaa lala wareegay dhamaan hantidii ay lahaayeen amiiradii iyo askartii dagaalka ka qayb gashay. Waxaa loo qaybiyey madaxdii reer Shawo ee magaalada qabsatay dhamaan dhulkii qodaalka ku wanaagsanaa, ka dib markii laga xoogay dadkii iska lahaa. Goobaha lala wareegay ayaa waxaa kamid ahaaa mid ka mida masaajidadii magaalada ugu waynaa oo la oran jirey Sheikh Bazik oo inta la dumiyey lagu badalay kaniisadda Madhem Alem. Menelik oo iminka ah boqorka boqorada Itoobiya waxa uu markii ugu horaysay u tilaabay dhulkii Soomaalida iyo Canfarta isaga oo kalsooni ka haysta dawladihii reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska. Waxa uu isku balaariyey gobalkii Ogaden illaa uu ka gaaray labada Wabi. Marakan waxa uu bilaabay inuu si toosa u weeraro dadkii Soomaalida ahaa ee xoola dhaqatada ahaa isga oo ku soo rogay baad joog taa ama Gibir. Waxa uu gudaha u galay gobalka Gado ilaa uu ka dhaafay Luuq oo markii dambe Talyaanigu ka saaray. Dhanka kalana waxa uu kusoo fogaaday wabiga Shabeele illaa uu mar soo garaay magaalada Balcad. Waxaa la yiraahdaa haddii uusan Talyaanigu imaan lahayn koonfurta Soomaaliya, maanta xudduudda Soomaalidu si kale ayay u ekaan lahay. Talyaaniga oo kusoo jabay dagaalkii Adwa ee uu Xabashida la galay, qaybsigii Afrikana koonfurta Soomaaliya dhaxal u helay ayaa hakiyay is balaarintii Menelik. QAADASHADII DHULKA SOOMAALIDA Kolkii la furay kanaalka Suways sanadkii 1869kii waxaa is badalay qaab siyaasadeedkii gobolka, dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska oo ahaa kuwii maal galiyay kanaalka ayaa doonayey inay gacanta ku dhigaan marinkiisana. Waxa uu qorshahaasi sii fududaaday kolkii Afrika Barlin lagu qaybsaday sanadkii 1884. Masaarida oo sidaan horay usoo sheegnay lahayd damac ay ku qabsanayso xeebaha badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa riyadeedii dib uga noqotay kolkii iyada laftigeedii si dadban loo qabsaday. Dhamaan dhulkii xeebaha ahaa ee ay masaaridu haysatey laga soo ilaabo Zawakin iyo Musawac illa Barbara ayay ku wareejiyeen Xoogaggii reer galbeedka iyaga oo lacag ugaga badalanaya. Ingiriiska ayaa qabsaday xeebaha gacanka cadmeed si uu u ilaaliyo badeecadaha isga gooshayey Hindiya oo uu horay u qabsaday iyo qaaradda yurub. Waxa uu saldhig ciidan ka samaystay magaalada Cadan. Si uu ciidankiisii Cadan joogay calaf ugu helana waxa uu qabsaday marsada Barbara oo ka mid ahayd dhulkii Soomaaliyeed ee uu qaybta u helay. Barbara ayaa ciidankiisa looga qaadi jirey hilibka,caanaha,subagga iyo wixii kale oo daruuriya. Wixii ka dambeeyey dagaalkii Adwa ee ay xabashidu uga guulaysatay dawladdii Talyaaniga waxaa jirey heshiisyo Menelik iyo dawladdiisu ay la gashay xoogaggii reer galbeedka ee damaca lahaa. Heshiisyadaas waxaa ugu waynaa midkii dagaalkii Talyaniga lagu soo afjaray iyo kuwii ay Ingiriiska iyo Faransiiskaba ay la galeen. Nuxurka heshiisyadaas ayaa ahaa in Itoobiya loo xaqiijiyo inaan dhulkeeda iyo xoriyadooda toonna aan duulaan lagu ahayn. Dhanka kalana heshiiska ummadda Soomaaliyeed sida tooskaa u taabanayay ayaa ahaa kii ay wada galeen Menelik iyo Ingiriisku. Heshiiskaas ayaa dhigayey in dawladda Xabashidu ka qayb qaadato mashruucii dhul-boobka, iyada oo la gudoonsiiyey dhulka Soomaalida ee iminka loo yaqaan kililka Shanaad. Ingiriiska ayaa dhulkaas kor joogto uga ahaa Xabashida inta laga gaarayey xilliga ay Itoobiya ka xoogaysanaysay. Gadaalkiina Ingiriisku kolkii uu dhulkaan kala wareegay Talyaaniga dagaalkii labaad ka bacdi, waxa uu toos ugu wareejiyey Xabashida. BOQORKII ISLAAMAY (LIJ IYASU RAS MAKAIL) Horay waxa aynu u soo sheegnay in Oromadu ay la wareegtay dhul badan oo dhulkii Xabashida ka mid ahaa kolkii ay qarnigii 16aad sidii daadkii ugu soo jabeen. Meelaha ay qabsadeen ayaa waxa ka mid ahaa dhulka sare ee koonfurta iyo galbeedka bari ee Itoobiya. Qabaa’isha Wollo iyo Yajju ayaynu soo sheegnay inay ahaayeen qabaa’shii xoogga ku lahaa Gonder iyo aga gaarkeeda. Qabaa’ishaan iyaga oo xoog iyo awood leh ayay haddana islaamka qaateen. Waxa aynu soo xusnay in xilligii Boqorada Tedros,Yohanes iyo Menelik, dadkaan la dabar gooyey idiintii islaamkana laga saaray. Dadkii la gaalaysiiyey waxaa ka mid ahaa odaygii Wolloda Ras Mohamed Ali Liban oo magacii islaamkana loogu badalay Ras Makail. Kolkii uu Menelik talada la wareegay waxa uu garab ka dhigtay Ras Makail waxa uuna u guuriyey gabadhiisii Aragash taas oo u dhashay wiil la oran jirey Li Yajju. Mohamed Ali marna kama uusan suulin diintiisii islaamka ee waxa uu u haystay si qarsoodiya, mar walbana waxa uu sugayey fursad soo marta. Maxaa yeelay wali waxaa ka amar qaadanayey qabiilkiisii oo in badan oo kamida ay islaam nimadooda qarsanaysay. Kolkii uu Boqor Menelik dhintay sanadkii 1913 waxa uu xukunkii ku wareejiyey wiilkii uu awoowaha u ahaan ee Iyasu oo markaas ahaa toban iyo todoba jir. Sababta uu ugu wareejiyey ayaana ahayd boqorka oo aan lahay wiil uu isagu dhalay. Iyasu markii uu talada qabsadayba waxa uu bilaabay inuu aabihiis la tashado isaga oo ka dhigay Nuguskii Wollo, Amhara iyo Tigray oo laysku daray. Boqor Iyasu waxa uu bilaabay in uu islaamkii iyo muslimiintii u gargaaro. Waxa uu caasimadiisii u soo rartay Harar. Waxa uu xirtiir la sameeyey dawladihii islaamka ahaa, isaga oo ugu bishaaraynaya nasriga Xabsha ka soo socda. Waxa uu calankii dawladda ku daray bisha calaamadda u ah muslimiinta. Waxa uu badalay labiskii ay boqorada xabashidu qaadan jireen isaga oo ku badalay mid islaamiya. Waxa uu isgarab taagay halgankii Daraawiishta ee uu Sayid Mohamed hoggaaminayey, isaga oo xiriir wanaagsan la yeeshay kuna taageeray hub iyo saanad ba. Xiriirka sayidka ayaa waxaa wakiil ugaga ahaa maal-qabeenkii waynaa ee reer Harar Xaaji Cabdullahi Cali Sidiiq. Waxa uu codsaday in dadkii soomaaliyeed usoo shiraan isaga oo booqasho ugu tagay magaalada Jigjiga, halkaas oo uu uga codsay inay ku taageeraan jihaad uu doonayo inuu lagalo masiixiyiinta. Arintaasi waxay aad uga caraysiisay wadaadadii diinta masiixiga iyo dabaqaddii sare ee xabashida gaar ahaan kuwii ka soo jeeday qoyskii Sulaymaaniyiinta, oo u qaatay in dhaxalkii awoowayaashood si fudud looga takhalusayo. Waxaa la abaabulay shirqoolo loogu tala galay in talada looga tuuro boqorka. Waxaase kii ugu waynaa uu dhacay kolkii baadarigii diinta masiixiga ugu sareeyey uu ku dhawaaqay in uu xilkii iyo maqaamkiiba ka xayuubiyey boqorkii 27 september 1917, taladiina uu ku wareejiyey gabadh uu dhalay Menelik oo la oran jirey Zawdeto. Zawdeto waxaa dhaxal suge u noqday Tafare Ras Mokanen oo markii dambe la baxay Hayle Salase. Inkasta oo Boqor Iyasu aabihiis soo weeraray Shawo iyo halkii lagu caleema saaray Zawdeto,hadana isaga iyo ciidan kiisiiba waa la jabshey. Iyasu waxa uu u cararay dhanka Canfarta laakiin gadaalkii dambe waxaa laga soo qabtay gobalka Tigray, waxaana lagu xiray xuduuda Kenya halkaas oo uu ku dhintay wax yar ka hor intaan Talyaanigu Itoobiy qabsan. La soco qaybta 6aad Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 5aad appeared first on Puntland Post.
-
London - British athletics legend Mo Farah is hoping to win a record fifth Great North Run when he competes in the half marathon event in Newcastle on September 9. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Aug. 20 (Xinhua) -- Seven humanitarian workers have died so far this year and another 10 have been injured in Somalia, the UN top relief official in the Horn of Africa said. Source: Hiiraan Online