Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa. Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga uga warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda. “Xafiiskeyga hawlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena waan ku daba jirnaa”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka. “Sidoo kale waxaan idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka. Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanti dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado Hanti dhowraha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka. “Aad baa u bogaadinaya hawsha wanaagsan ee ka socota xafiiska Hanti dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga Hanti dhowraha waan ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah waan ku biirineynaa”. Ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.
  2. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidanka Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir. Shirkaan oo billaaw u ah kulamo bille ah oo looga hadlayo garsoorka iyo cadaallada ayaa muhiimmaddiisa ugu wayn waxa ay ahayd in laga wada tashado xallinta cabashooyin cadaaladeed oo ay qabeen bulshada Soomaaliyeed, horumarinta cadaalladda iyo hannaanka ay wada shaqayn buuxda u yeelan karaan garsoorka, cadaalladda iyo booliiska, si xukun caddaalad ah uu dhoco, si cadaallad ahna loogu fuliyo. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha garsoorka, caddaaladda iyo taliska booliiska ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan, hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda. Taliyaha booliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo natiijada shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirarka soo socda lagu soo bandhigi doono horummarrada caddaaladeed ee laga gaaray qodobada kulankii maanta la iskula gartay iyo caqabadaha jira si xal looga gaaro oo looga dhabeeyo Barnaamijka dawladda oo ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed loo simanyahay. PUNTLAND POST The post Khayre Oo La Kulmay Hay’adaha Garoorka, Cadaaladda, Amniga iyo Maamulka G.Banaadir appeared first on Puntland Post.
  3. Hant-dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya,Maxamed Maxamuud Cali(Afgooye) oo maanta warbixin siiyay guddiga maaliyadda ee Golaha shacabk ayaa sheegay in xafiiskiisu baaris adag ku hayo qaar kamid ah hay’adaha dowladda Soomaaliya oo musuq looga shakisanyahay. Hanti-dhowraha ayaa guddiga maaliyadda Golaha shacabka u sheegay in mas’uuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda Soomaaliya ay hadda u xiran yihiin arrimo musuq maasuq oo ay baaris ku socoto,islamarkaana uu xafiiskiisu ku daba jiro mas’uuliyiin kale oo lagu tuhmayo wax is-daba marin iyo musuq. “Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yiri Afgooye. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in isla-xisaabtanka iyo barista lagu samaynayo hay’adaha kala duwan ee dowladda uu gaari doono xafiisyada ugu sarreeya dalka,sida xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha,si looga hortago in musuq maasuq dhaco. “ Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda” ayuu raaciyay. Dhinaca kale Hanti-dhowraha Qaranka,Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanta dhowrka oo Golaha wasiirada ay ansixiyeen. Hadalka Hanti-dhowraha ayaa ku soo beegmaya xilliay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dardar-gelinayso, la-dagaallanka musuq maasuqa,ayna kor u qaadayso isla-xisaabtanka iyo daag-furnaanta hay’adaha dowladda. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya oo musuq laga baarayo appeared first on Puntland Post.
  4. Police in Kampala have arrested a man identified as a US national on accusation of assaulting a Grand Imperial Hotel worker on Friday morning. Source: Hiiraan Online
  5. There are more trees in Mogadishu than you might expect, at least in August. From above, the city is knots of green punctured by blue, red and beige roofs rolling into a strip of bright white sand before falling into the sea. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shaaciyay shir ay yeelan doonaan golahaas. War qoraal ah oo ka ka soo baxay Guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa lagu sheegay in 03/09/2018 shirka 3-aad ee golahaas lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunt KMG maamulka Jubbaland. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkaas looga tashan doono danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa qaranka Soomaaliya. Warar hoose oo aan helnay ayaa ku ogaanay in shirkaas looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka madaxtinimo ee dowlad goboleedyada oo inta badan dhici doona sanadka soo socda ee 2019. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan kara ayaa PUNTLAND POST u sheegay in golahaasi ay doonayaan in doorashada madaxtinimada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada isku ma la qabto. Waa shirkii labaad oo golaha iskaashiga dowlada goboleedyada dalka ay ku qabsataan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland. PUNTLAND POST The post Cabdiwali Gaas oo shir u iclaamiyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  7. MOGADISHU, Somalia (Caasmada Online) – Somali police soldiers have arrested 10 government officials in an operation in Mogadishu over alleged corruption scandal. The detainees, working at seaport customs office in Mogadishu, were reportedly arrested after being accused of losing public funds, according to security officials. The all members of staffers at Mogadishu sea-port were taken into Criminal Investigation Department headquarters in the capital for further questioning over corruption allegations. Ahmed Ali Samow, Head of port tax authorities, was among those who were taken into CID for probing fraud embezzlement in Somalia’s busiest port in Mogadishu. Somalia’s CID chief, Bishar Abshir Gedhi told journalists that up to 10 officials had been arrested over fraud allegation, adding that an investigation relating to case had also been stated. “We have started an investigation over alleged corruption scandal, after police soldiers arrested 10 members of staffers at Mogadishu sea-port”, he said. For his part, Somali PM Hassan Ali Khaire has welcomed the arrest of government officials and investigations over the alleged fraud allegations. Khaire commended the renewed anti-corruption drive that has led to unprecedented arrests of government officials in suspicion of losing public funds. “We are committed to fight against corruption”, Khaire said. He asked for all mandated organizations to work closely to ensure the fight against corruption. Somali leaders pledged that it would continue eradicating widespread nepotism, favoritism, bribery, public fund fraud and aid embezzlement which became a commonplace across all sectors in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan warbaahinta dalka hadal hayaan warar sheegaya in Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood la goostay ciidamo ka tirsan dowlada, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Caanood. Abaanduulihii hore ee Ciidanka oo arrintaas ka hadlaayay ayaa sheegay inuu aad ula yaabanyahay halka laga keenay wararkaasi. Caanood ayaa beeniyay in uu goostay oo uu waddo Abaabul Jamhadeyn ah, waxa uuna sheegay inuu u baxay howl markii horaba qabyo u aheyd. Caanood, mar ay BBC wax ka weydiisay inuu ka carooday magacaabista abaanduulaha cusub oo uu doonayo inuu dagaal jabhadayn ah bilaabo ayuu yiri “Waxaasi waxba kama jiraan, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba’day, ilaahna naguma jirrabo”. Wuxuu kaloo jeneraalku waxba kama jiraan ka soo qaaday inuu Balli doogle kula kulmay Askar Maraykan ah. Sidoo kale, Jeneraal Caanood, wuxuu sheegay in maanta uu dagaal ku dhex maray magaalada Marko ayaga iyo Al Shabaab, kaasoo uu sheegay in ay iyagu bilaabeen, balse Al-Shabaabna is difaacen, iminkana ay wadaan howlgalo kale. Caanood, oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dagaalku uu ahaa mid sii qorshaysnaa ka hor inta aan la magacaabin abaanduulaha cusub, hase yeeshee ay soo afmeeri doonaan maadaama ciidamada ay maanta si buuxda ula wareegen degmada Marko. Geesta kale, wuxuu intaa ku daray Jeneraal Caanood inuu xilka wareejin doono marka hawlgalka la soo afjaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia ayaa maamul KMG ah u magacawday Furdada Canshuuraha Dakadda Muqdisho. Maamulkii hore ee Furdada iyo xubno kale ayaa waxaa shalay loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq, waxaana xilka si KMG ah usii heyn doona maamulka cusub. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe) u magacaabay in uu noqdo Maamulaha cusub ee KMG Furdada Xamar. Wasiiru-Dowlaha ayaa isla maanta ka qeybgalay dhaarinta maamulaha cusub,waxa uuna kaga digay inuu maro halka ay mareen kuwii hore. Maamulka cusub ayaa sii wadi doona shaqooyinka hakat-ka galay ee ka socday Xafiiska, waxaana suuragal ah in maamulka cusub si rasmi ah looga dhigo mid buuxa. Docda kale, dhamaan Xafiisyada Shaqada Canshuuraha ee Dakadda Muqdisho ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya iyadoona maamulaha cusub uu si toos ah shaqada u guda galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)—Head of United Nations’ WFP Steven Were Omamo, and UNICEF, Gillian Mellsop have paid a visit Somali-Ethiopia region after deadly violance killed dozens of people. Omamo and Mellsop arrived in Jigjiga town to see firsthand how people affected by recent violence and civil unrest. The UN’s representatives assessed what further support was needed and emphasized the importance of strong partnerships in improving the situation. A humanitarian coordination committee comprising both government and humanitarian partners has been established to identify food distribution points in the city, after thousands of people were forced from their homes amid the disturbances. Omamo says WFP would continue supoorting to the people in the town, who are facing enormous challenges. He added “It is encouraging to see how the situation is stabilizing through the efforts of the Ethiopia and the support of humanitarian partners”. For her part, UNICEF’s chief in Ethiopia, Gillian Mellsop said children and women still face enormous challenges in accessing basic services such as water and health. Mellsop stated “we are doing our best to ensure that support continues to reach them even as we restore currently-suspended programmes for other vulnerable populations.” UNICEF is providing high-energy biscuits to children and women, buckets, blankets, soap and water-treatment chemicals. UNICEF was supporting the treatment of approximately 132,000 children and 110,000 pregnant and breastfeeding women for moderate malnutrition and 8,500 children for severe acute malnutrition. The support is expected to resume once the situation improves. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  11. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) — Somali army forces have taken control of the coastal town of Marka, some 91km southwest of Mogadishu, following fierce fighting against Al-Shabaab. The fighting erupted after Somali forces launched military offensive against Al Qaeda-linked Al-Shabaab fighters in the town, a witness said. He says both warring sides had used heavy and slight weapons during the fighting, adding that the Al-Shabaab militants had withdrawn from the town. Four soldiers were reportedly killed in the latest clash in the town. The military offensive is reportedly led by Somali army commander, Gen. Abdullahi Ali Anod, who was fired in a degree announced by Somali president Mohamed. Gen. Anod says the military forces had taken control of the town, following pushing Al-Shabaab out of the town. He added the forces would continue operations against militants until the group’s fighters are eliminated. There was no immediate comment from Al-Shabaab over the military claims. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Garoowe (Caasimada Online)-Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ka tirsan dowlada Federaalka oo uu ku saxiixan yahay Hogaamiyaha maamulka Puntland ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa lagu martiqaaday Hoggaamiyayaasha kale ee Gobolada. Qoraalk ayaa waxaa maamulada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed lagu wargaliyay inay ka soo qeyb galaan shir ka dhacaya Kismaayo 3-da bisha soo socota ee September. Waxaa lagu sheegay qoraalka in Shirka looga tashan doono danaha maamul goboleedyada iyo kuwa Qaranka, iyadoo la sheegay in Xogheynta Golaha ay soo diyaarin doonaan ajandaha shirka. Shirkan degdega ah waxa uu dhacayaa xili qaar ka mid ah Maamul goboleedyada ay wajahayaan doorashooyin ku soo fool leh iyo loolan siyaasadeed oo ay kala kulmayaan siyaasiyiin iyo dowladda Dhexe. Sidoo kale, Shirka 3aad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo dhamaadka sanadkii la soo dhaafay la dhisay ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu u dhaxeeyo mad-madow siyaasadeed
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha taliska ciidamada Booliska qeybta Hoggaamnka Canshuuraha ayaa ka hadlay xariga mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan Kastamka Dekadda Muqdisho. Saraakiishu waxa ay sheegen in xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha uu yahay mid xili hore la bilaabay baaritaankiisa, hase yeeshee ay ku dhaceen kiiska. Taliyaha hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dadka loo xiray musuqa ay yihiin 10 qof oo ka shaqeynayey Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho kuwaa oo loo xiray musu maasuq. Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay dhowr jeer ka digtay musuqa, hase yeeshee ay iminka usoo jeesatay inay ka hortagto kuwa caadeystay musuqa. Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise waxa uu uga digay cidkasta oo ka shaqeysa Hay’adaha kala duwan ee dowladda in ay ku kacdo musuq maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne,waxa uuna sheegay in ciddii lagu arkaa tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Waxa uu sheegay inaan laga aamusi doonin qofkii isku dayaa inuu qaato canshuur laga qaado dad masaakiin ah, waxa uuna soo jeediyay in qof waliba ay iimaansato mushaarka uu ka qaato dowlada. Todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay waday dowlada Somalia la-xisaabtan dhanka mas’uuliyiinta ah,waxana xiran in ka badan 15 Mas’uuliyiin kala dwuan oo ka Shaqeeya Hay’adaha dowladda. Marka la’eego Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed mas’uuliyiinta iyo xubnaha loo heysto musuqa ayaa ku eedeysan qodobada kala ah 366, 368, 370, 240 iyo 7, oo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in raggaasi ay hadda yihiin kuwo eedeysanayaal ah, balse haddii lagu helo danbiga ay u xiran yihiin ay noqon doonto mid heer qiyaano dal iyo mid shacab. Baaritaanka ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu cagaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka shaqeysa Dekkada Muqdisho oo qeyb ka noqon kara shabakadan. HOOS KA DAAWO BOOLISKA OO KA HADLAY BAARITAANKA SOCDA
  14. Guddiga difaaca ugu magacaaban Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa hadlay warar laga faafiyay iyo xaalada gobolka Sool. Wasiirka warfaahinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa been abuur ku sheegay warar maalmihii dambe laysa dhexmarayay oo sheegaya in ciidamada Tukaraq la kala qaadayo, kadib waan-waantii IGAD iyo Qaramada Midoobay ay ka dhexwaday Somaliland iyo Puntland. Dhanka kale Wasiirka aarimaha gudaha Puntlnad Cbdulaahi Cali Timacade ayaa sheegay in dowladda iyo issimada gobolka Puntland ay u sheegeen IGAD iyo Qaramada Midoobay hadii ay rabto wadahal Somaliland in ay tagaan deegaanka Oog ee gobolka Sool, wuxuuna intaas ku daray oo yiri “Wallaahi, billaahi, tollaahi dagaal wuxuu dhacayaa, haddii aysan Somaliland bixin”. Hoos ka dhageyso codka Wasiiradda https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/08/909329245928946_001.mp3 Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana wali jirta cabsi laga qabo dagaal mar kale dhexmara. PUNTLAND POST The post Wasiir Timacade:- “Wallaahi, billaahi, tollaahi dagaal wuxuu dhacayaa” appeared first on Puntland Post.
  15. Sheikh Cismaan Barre Maxamed wuxuu noqday gudoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaan goboleed ee shahaado sharaf ka hela mudanayaashiisa, waxeyna noqotay mid ay aad u hadal hayaan dhamaan dadka kasoo jeeda maamul goboleedka Hirshabeele. Guddi ka koobnaa 16 xubnood ayaa abaalmariyay Mudane Shiekh Cismaan iyagoo uga mahad celinaya doorkii uu kulahaa la xisaabtanka golaha wasiirada ee maamulka Hirshabeelle. Muddo 18-bilood ah wuxuu waday gudoomiyaha baaramaanka Hirshabeelle isla xisaabtan xooggan kaas oo sababay in qaar ka mid ah golaha wasiiradda shaqooyinkooda hakad la galiyo kadib markii la ogaaday iney sameeyeen wax isdabamarin. Waxyaabaha xiisaha leh ee la xusi karo waxaa kamid ah in shaqadii laga joojiyay guud ahaan garsoorkii Hirshabeelle kadib markii la ogaaday iney ku kaceen eex iyo wax isdabamarin, sidoo kale xubno ka tirsan golaha Wasiiradda ayaa aad loogu dhaleeceeyay shaqo xumo, waxeyna sheegeen iney isbadal deg-deg ah la imaan doonaan. Maamulka Hirshabeele oo ah midkii ugu dambeeyay ee laga hirgaliyay Soomaaliya ayuu baaramaankiisa u muuqdaa mid diyaar u ah in wax loo qabto bulshada deegaanka, waxaana arrintaas ku amaanan gudoomiyaha baarlamaanka Shiekh Cusmaan Barre Maxamed. Wuxuu xildhibaanada baarlamaanka uga mahad celiya iney u garteen shahaado sharaftaa, isagoo sheegay inuu joogteyn doono isla xisaabtanka xukuumadda, xildhibaanadda ayaa iyaguna si guud u amaanay tilaabadaan.
  16. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Marko ee Caasimadda Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa laga maqlaayo Qaraxyo xoogan. Qaraxyada oo kala danbeeyay ayaa la sheegayaa inay geysteen khasaaro kala duwan, waxa ayna kusoo beegmayaan ka dib markii ciidamo uu Hoggaaminaayay Abaanduulihii hore ee CXD Caanood ay saaka gudaha u galeen magaalada. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Qaraxyada dhacay ay garayan ilaa laba Qarax oo laga dhexmaqlay gudaha magaalada Marka, kuwaa oo lagu weeraray ciidamada uu wato Caanood, sida ay wararka nagu soo garayaan. Ciidamo ka tirsan Militeriga ayaa lasoo warinayaa in Qaraxyada uu kasoo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan la xaqiijin Karin tirada khasaaraha. Qaraxyada ayaa ka danbeeyay kadib markii Ciidamada uu Hogaaminaayo Caanood ay isku dayeen inay baaritaano ka sameeyan goobo ay saaka faarujiyeen Al-Shabaab. Ciidamada ayaa hadda ku sugan dhammaan baraha laga galo magaalada iyo kuwa laga baxo, waxaana xadidan dhaqdhaqaaqa dadka ku nool magaalada. Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxyo ay degmada Marko kula beegsadeen Ciidamada dowladda ee magaalada qabsaday, isla markaana ay dileen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal Qaraxyada goordhow laga maqlay gudaha magaalada Marko. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  17. More than two million Muslims from around the globe on Sunday started the hajj pilgrimage at Islam's holiest sites in Saudi Arabia, one of the world's largest annual gatherings. Source: Hiiraan Online
  18. Garoowe (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Cabdullaahi Timacade, oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay qaadeyso dagaal kama danbeyn ah. Waxa uu Wasiirka sheegay in dagaalka uu yahay mid ay ku qaadi doonaan Gobolka Sool, kaa oo la doonaayo in lagu xoreeyo gabi ahaan Gobolka oo intiisa badan xiligan ku jira gacanta Somaliland. Shir degdeg ah oo ay isugu yimaaden Guddiga difaaca Puntland ayaa waxaa lagu iclaamiyay dagaalka ay qaadeyso Puntland. Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe ayaa shaaciyey in maalmaha fooda nagu soo haya ay qaadi doonaan dagaal loogu magac daray (Xoreynta Sool) oo lagu qaadayo deegaano ka tirsan gobolka Sool. Guddiga waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in dagaalka ka hor la xiro dhammaan xuduudaha uu leeyahay maamulka iyadoo laga hortagaayo dhaqdhaqaaqa xuduudaha. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Timacade oo ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa ugu baaqay Hoggaamiyaha maamulka C/weli Gaas in uu amar ku bixiyo dagaalka lagu xureynayo Gobolka Sool, isla markaana dhammaan xuduudaha Puntland lasoo xiro. Timacade, waxa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Beesha Caalamka ay u sheegayaan in xalka kaliya ee Puntland heyso uu yahay xoreynta deegaanada ka maqan Puntland ee ku yaalla Gobolka Sool. Sidoo kale, Guddiga ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada faray inay u diyaar garooban dagaalka (Xoreynta Sool) oo qaadan doono inta ay Puntland ka maamuleyso Gobolka. Si kastaba ha ahaatee, iclaaminta dagaal ee Guddiga ayaa kusoo beegmeysa xili Somaliland ay cadeysay inaysan ka bixi doonin Gobolka Sool, isla markaana uu yahay Gobol ay iyaga leeyihiin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska casilay xubunimadii Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiqaadir Gaafoow oo laga soo doorto deegaanada Galmudug ayaa is casilaadiisa waxaa shaaciyay Guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya. Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey) oo shir jaraaid ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Cabdiqaadir Gaafoow uu iska casilay jagadii Baarlamaanka. XaliimoYarey ayaa sheegtay in ilaa 3 kursi ay ka banaanyihiin Baarlamaanka Soomaaliya doorashoodana dhowaan la qaban doono. Kuraastaan 3-da ah ayaa waxaa baneeyay Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan , iyo Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Allaha u naxariistee Ex, Xildhibaan Khaliif Cabdullahi. Kursigaan uu baneeyay Xildhibaan Cabdiqaadir Gaafoow ayaa horay muran badan dhaliyay iyada oo doorashada Xildhibaanka ay ka dhacday Cadaado hayeeshee markale dib loogu ciliyay Muqdisho markalena uu ku guuleystay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan ka tirsan BFS oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  20. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan. Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daah-furay xarunta hoggaanka baarista Danbiyada (CID) oo lagu qabtay gudaha xarunta ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Amniga, taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, ku-simaha taliyada hoggaanka baarista danbiyada iyo saraakiil kale. Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) ayaa lagu dhisay barnaamijka Is-xilqaan ee uu iclaamiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kaas oo fududaynaya in bulshadu ay dhisato xarumaha muhiimka u ah horumarka dalka, iyada oo dhammaan masu’uuliyiinta kasoo qayb gashay munaasabadda daah-furka ay soo dhaweeyeen in xaruntu ay noqotay xaruntii ugu horeysay ee lagu dhiso Barnaamijka Is-xilqaan. Xarunta hoggaanka baarista danbiyada waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qalab casri ah loo adeegsado ka hor tagga qaraxyada iyo fal denbiyeedyada abaabulan kaas oo fududaynaya shaqada hoggaanka baaristu uu uga qayb qaadanayo adkaynta amniga dalka. Hoggaanka baarista danbiyada oo kamid ah hoggaannada ugu muhiimsan sugidda amniga dalka, ayaa ka masuul ah dhammaan qorshayaasha baaritaanka guud oo ay kamid yihiin kiiska gacan ku dhiiglayaasha iyo qiyaanada qaran, waxaana dib u dayactirka xaruntaan iyo qalabanteeduba ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu hagaajinayo hannaanka sugidda amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Xarunta CID-da Oo Lagu Sameeyay Dayactir appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto deegaanada maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay kursigiisa. Xildhibaanka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay tahay mid isaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka uu u gudbiyay is casilaadiisa. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud uu iska casilay xubinimadiisa baarlamaan oo muddo sanad iyo bar ah uu hayay. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismail ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranayo Beydhabo iyo Dhuusamareeb. Xaliima Ismail, waxa ay carab dhawday in kuraasta loo tartami doono ay baneeyen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Somalia Xuseen Cusmaan, Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi. Ex Xildhibaan C/qaadir ayaa la dhashay Taliyihii hore ee Nabadsugida C/llaahi Gaafoow, waxana doorashadiisa ka dhashay muran badan oo ugu dambeyn sababtay in Cadaado laga soo wareejiyo oo lagu doorto Muqdisho horaanta sanadkii 2017. Sidoo kale, kursiga uu iska casilay Ex Xildhibaan C/qaadir, ayaa la soo sheegayaa inuu u tartami doono C/llaahi Gaafoow oo ah Taliyihii hore ee Nabadsugida. Si kastaba ha ahaatee, inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilalka usii haya kuwo ay isku heeb yihiin oo u muuqda inay dhaxal ka dhigteen kuraasta leysku bedbedelaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo garay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ay galeen Ciidamo uu wato Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood. Ciidamadan ayaa la sheegay in gaadiidka qaar ay ku wateen sahay iyo fuustooyin shidaal kuwaa oo markii ay galeen magaalada la wareegay dhufeysyo badan oo ay ku sugnaan jireen ciidamo ka tirsan dowlada. Ciidamada ayaa goortii ay galeen magaalada waxa ay bilaabeen rasaas, waxaana ilaa iyo hadda la maqlayaa rasaas goos goosa oo ay ridayaan ciidamada uu wato Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood. Dadka deeganka waxa ay soo sheegayaan in dhammaan jidadka magaalada ay maanta yihiin kuwo xirxiran isla markaana ay waddooyinka intooda badan ay ku sugan yihiin ciidamada Caanood. Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood iyo ku dhawaad afartan seddex gaadiid dagaal uu wato ayaa shalay ku nastay degmada Shalaalbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo xalay halkaasi ku hoyday,isla markaana saakey ay galeen degmada Marka. Ciidamada ayaa fariisin waxa ay ka sameysteen xaafado ka tirsan Marka,sida Ayuub,Beytu-raas, Owbaale iyo Xarunta Maamulka degmada Marka oo bilihii u dambeysay aheyd mid aan Shaqeyn. Sidoo kale, Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa laga soo xigtay inay ku nagaan doonaan magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana shaki xoogan laga muujinayaa qorshaha dhaqdhaqaaq Jeneraal Caanood iyo ciidamadiisa. Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ina soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in abaanduule Caanood uu ka careysan yahay xilka qaadistii uu kala kulmay Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman ayaa xil cusub u magacaabay Taliye kuixgeenkii hore NISA Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo dacwad ay kaga furan tahay Maxkamada. Guddoomiye Mursal ayaa Jaamac u magacaabay la taliye sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana wareegtada magacaabidiisa ku xusneyd inuu leeyahay Khibrad iyo Waayo aragnimo. Jaamac, ayaa xilkaasi loo magacaabay hal maalin kadib markii laga qaaday xilka, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu Jaamac u abuuray xil uu isku difaaco. Dadka ku dhow dhow Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magacaabida Jaamac ku micneeyay arrimo dhowr ah waxa ayna badi isku raaceen in xilka cusub uu yahay mid Jaamac loogu sameynaayo awood uu ku difaacdo Naftiisa iyo Hantidiisa oo dayacmeysa haddii uu yahay xil la’aan. Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxa uu horay usoo ahaa mid lasoo shaqeeyay Al-Shabaab qeybta Amniyaadka, halka afartii sano ee ugu danbeysay uu kasoo shaqeeyay Madaxtooyada Somalia iyo Safaarada Somalia ee dalka Turkiga oo markii danbe lagu eedeeyay inuu ka ganacsado Fiisooyinka, waxa ayna su’aashu tahay halka Jaamac uu ka keenay Khibrada iyo waayo aragnimada uu sheegay Guddoomiye Mursal inuu ku xushay si uu uga mid noqdo La-taliyayaasha sare ee Xafiiskiisa? Illo ku dhow dhow Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa inoo xaqiijiyay in xilka cusub uu Mr Jaamac sii heyn doono muddo aan sidaa usii fogeyn, waxaana lagu wadaa in loo magacaabo xil Safaaradeed inta laga magacaabayana uu sii heyn doono xilka la-taliyenimo. Haddaba Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la xaqiijiyay in 3 sababood loogu magacaabay xilka la-taliyenimo kuwaa oo kala ah:- 1-In xilkaasi uu uga gaashanto dhinacyada mucaaradka ee uu ka danbeeyay weerarka lagu qaaday Hooyga ay ka degnaayen Muqdisho. 2-In xilka cusub uu kusii sugo xil kale oo la filaayo in dhawaan loo magacaabo, kaa oo noqon doona Safaarad. 3-In xilka cusub uu ku sharciyeysto sii heysashada Gaadiidka aanu xabada kari, Cabdi-bilayaasha iyo ciidamada uu kala tagay Hay’adda NISA. Jaamac ayaa inta uu Taliye ku-xigeenka ka ahaa Hay’adda NISA magaalada Muqdisho ka geystay weeraro badan oo lagu qaaday Hooyga Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowlada, taasi oo sabab looga dhigay in looga faa’iideysan karo xil la’aanta maadaama xilkii uu hayay uu waayay, sidaana xilka la-taliyenimo loogu magacaabay. Si kastaba ha ahaatee, jaamac ayaa xiligan loo arkaa inuu leeyahay mucaarad badan oo ka dhashay weeraradii lagu qaaday Siyaasiyiinta oo kaalin weyn uu ka qaatay abaabulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ka tirsan Dekadda Muqdisho kuwaa oo loo heysto arrimo la xiriira musuq-maasuq. Xubnaha loo xiray musuqa oo ku dhow 10 xubnood ayaa waxaa ku jira Madaxii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed Samow oo saacadihii ugu danbeysay isku dhiibay ciidamada xarunta CID-da. Xariga iyo baaritaanka lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha kale ayaa waxaa ka hadlay ku-simaha Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in xeerilaainta ay amartay in lasoo xiro 10 ruux oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen Xoolo dadweyne, sidaana lagu xiray. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in ciidamada CID-da oo fulinaaya amarka Xeer ilaalinta ay xireen xubnaha oo uu sheegay in lagu hayo kiisas cadcad oo musuq ah. Bishaar waxaa uu sheegay in ay yihiin dadkaasi eedeysanayaal, islamarkaana hadda ay ku socoto Baaris lagu kala saarayo sida ay u kala danbi badan yihiin. “Xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha waxa uu qeyb ka yahay qorshaha lagula dagaalamaayo musuqa oo ay wado xukuumada Somalia, ma jirto cid la maagayo qofkii lagu helaa musuqa ciqaabteeda ayuu qaadan doonaa” Waxa uu Bishaar Abshir Geedi, tilmaamay in dowlada Somalia aysan khalad ku maagi doonin qof wanaagsan hase yeeshee ay wado keliya baaritaan lagu kala saarayo danbiilayasha iyo kan danbi la’aanta ah. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada CID-da ay habbeenimadii xalay qabteen Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow, kaddib markii shalay Ciidamada Booliska ay xireen ku-xigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo xubno kale ayaa xalay ku hoyday Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan. Waxaa sidoo kale la xiray xubno lagu eedeeyay Musuq maasuq oo ka tirsanaa Ciidamada Ilaaladda degaanka Xamar. Talaabadan ayaa imaaneysa xili dowlada Somalia ay dhawaan ku dhawaaqday ciribtirka shaqsiyaadka musuqa ku bahoobay ee cuuryaamiyay horumarka ka jira dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan. Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daah-furay xarunta hoggaanka baarista Danbiyada (CID) oo lagu qabtay gudaha xarunta ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Amniga, taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, ku-simaha taliyada hoggaanka baarista danbiyada iyo saraakiil kale. Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) ayaa lagu dhisay barnaamijka Is-xilqaan ee uu iclaamiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kaas oo fududaynaya in bulshadu ay dhisato xarumaha muhiimka u ah horumarka dalka, iyada oo dhammaan masu’uuliyiinta kasoo qayb gashay munaasabadda daah-furka ay soo dhaweeyeen in xaruntu ay noqotay xaruntii ugu horeysay ee lagu dhiso Barnaamijka Is-xilqaan. Xarunta hoggaanka baarista danbiyada waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qalab casri ah loo adeegsado ka hor tagga qaraxyada iyo fal denbiyeedyada abaabulan kaas oo fududaynaya shaqada hoggaanka baaristu uu uga qayb qaadanayo adkaynta amniga dalka. Hoggaanka baarista danbiyada oo kamid ah hoggaannada ugu muhiimsan sugidda amniga dalka, ayaa ka masuul ah dhammaan qorshayaasha baaritaanka guud oo ay kamid yihiin kiiska gacan ku dhiiglayaasha iyo qiyaanada qaran, waxaana dib u dayactirka xaruntaan iyo qalabanteeduba ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu hagaajinayo hannaanka sugidda amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.