Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Wefdi ka socdey urur goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa booqasho ku kala bixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaana ay kulan la qaateen madaxda labada maamul, wada hadalka ayaa la xiriirey in ay labada dhinac oggolaadaan qorshe IGAD iyo UNSOM ay soo dejisey oo xaaladda lagu dejinaayo. Sida aan ogaanay waxaa qorshahan si weyn u soo abaabuley dowladda Ingriiska, waxaana uu dhigayaa sidii dagaal danbe aanu u dhici lahayn, qorshahan ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya dowladda Ingriiska. War saxaafadeed ka soobaxay UNSOM iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay la kulmeen, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas, ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Camey, Isimada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Sool, sidoo kale waxay Hargeysa kula kulmeen, Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalland Dr. Sacad Cali Shire, Golaha Wasiirada, Xildhibaano, hoggaamiyaasha UCID iyo Waddani. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka labada dhinacba waxay soo dhaweeyeen in nabad lagu dhameeyo xaladda, waxaana ay soo dhaweeyeen qorshaha IGAD-UNSOM, warka ka soo baxay ergada qorshaha nabadda wada ayaa sheegay in todobaadyada soo socda wadahadalku sii socon doono. Wararka ayaa sheegaya in qorshahan cusub ee xaaladda lagu dejinayaao uu dhigaayo in isu socodka labada maamul, ganacsiga iyo is-dhexgalka sidii hore uu ahaa loo soo celiyo, in dadka uu saameynta ku yeelatey colaadu loo oggolaado in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo, in ciidamada la kala qaado oo Somaliland ay dib ugu laabato xeryahoodi hore, gobolka Soolna laga dhigo mid ka caagan ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay aad usoo dhaweysato Somalia oo uu sheegay inay wadaagan dhaqan isa shabaha. Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu xaqiijiyay in marka la eego wadamada kale ee afrikaanka ah ay aad uga soo dhaweystan Somalia, waxa uuna sababta ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo dhib badan isla markaana lala noolaankaro. Abiy Axmed oo ka qeybgalaayay kulan ay Madaxtooyada Addis Ababa ku yeelanayeen qaar kamid ah Xildhibaanada dalkaasi oo ay ku jireen kuwo asal ahaan kasoo jeeda Somalia ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay inay u faa’iideyso Somalia oo xiligaan u bisil nabadda iyo midnimada. Waxa uu sheegay in Ethiopia aysan ka raali noqon doonin in la kala jaro, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan sida ay Somalia dib ugu midoobi laheyd. “Ethiopia baalmadow kama gali doonto Somalia waxaanu horay u ballanqaadnay ka shaqeynta horumarka Somalia, haddana waxaan xaqiijinayaa in Somalia iyo Ethiopia ay isugu imaan doonaan wadada wanaaga”. “Waayo Soomaalida waan kasoo dhaweysanaa wadamada kale waxaana u sabab ah inaanu wadaagno dhaqan, midab iyo diin” Sidoo kale, Abiy Axmed waxa uu kulankaasi ka cadeeyay in mudada uu hayo xilka ay xooga saari doonaan ka shaqeynta nabadda, horumarka iyo midnimada Somalia. Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqda mid lagu dhiirigalinaayo dowlada Somalia oo iminka ku dadaaleysa dib u hagaajinta arrimaha horumarka dalka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Boqoro iyo qaar ka mid ah gudida beesha West Burco Clan ayaa canbaareeyay Mr. Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex-dhexaad ka ahayn goob jooganimada doorashadii madaxtooyada oo uu hogaaminayay goob joogayaasha caalami ah. Waxa ay madax dhaqameedkani beesha caalamka ay ka codsadeen in aan mar danbe goob jooge nimo ugu soo dirin Somaliland Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex ka ahayn arimaha doorashada iyo qabaalika ee Somaliland. Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ahaa odayaasha hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta waxaanu halkan ku canbaaraynaynaa, ku ceebaynaynaa, ku dhaleecaynaynaa saancadaalii Michael Walls oo ku xad gudbay xuquudayada magacayaga iyo shirkayagaba.” Boqor faysal waxa uu sheegay in aanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn samayntii filimkii ‘Baadigoob’ laakiin waxa uu sheegay in eedaha filimkaas ku jiray in ay run ahaayeen uu caddeeyey Michael Walls, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Barnaamijkii baadigoob isaga [Michael Walls] ayaa u furay inuu ahaa barnaamij run ah oo sax ah oo xaqiiqo ku salaysan, waxa cadaatay in aanu ahayan goob jooge ee uu ahaa garba jooge cid gaar ah u adeegayay, waxa cadaatay in aanu ka mid ahayn daneeyayaasha doorashadii dalka ka socotay ee uu ahaa danayste cid gaar ah u adeegaya, sida qaran dumisku u jiro, ayaa waxa jira qabiilo dumis ninkaas waxaanu leenahay meel kasta oo uu aduunka ka joogo cid kasta oo magaca nala wadaagtaa waa inay gacan bir ah ku soo qabtaa haduu Yurub tago iyo haduu meel kale tagoba oo maxkamadaha dunida la hor geeyaa” Dhinaca kalana, boqorka oo Michael Walls ku xidhiidhinaya xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi, “Waxa aan leeyahay xarunta dhaqanka ee uu waxaas faxshiga ah ka sheegay, waa in haayada wanaagfarista iyo xumaan reebhista la geliyo waxa aanu haynaa warar aan diinteena ku wanaagsanayan, dhaqankeena ka baxsan. Michael Walls arimaha dhaqankeena meel buu kaga dhacay, kuwa diinteena meel buu kaga dhacay waana isku keen dilayaa waana isku keen dirayaa, jeegaantiina haday laba geesood ahayd waxay u baahatay gees sadexaad oo saanbuus sadex gees ah la samaynaayo, dalka hadii aan laga dayn saanbuuskaas sadex geeska ah waxaanu keeni doonaa mid afar gees ah oo aan waligiiba hore loogu arkin.” Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu shirkaas jaraa’id ee ay warbaahinta kula hadleen uu ka seegay”Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanaynaa arintii yaabka lahayd ee fajicisada lahayd ee gaal iyo islaamba ka yaabisay ee ninka cadaanka ah ee beesha West Burco Clan shirkeedii soo farogaliyay, arimahaas waxa galiyay aad ayaanu ula yaabnay taariikhda la qarinaayo ee West Burco Clan oo aan qarsoomayn oo baryahanba ay ka shaqaynaysay jeegaantu, waxaanu u sheegaynaa wax la qarin karo in aanay ahayn. Waxaanu ka doonaynaa beel weynta West Burco Clan meel kasta oo ay ku nooshay in sidii Saleebaan Rushdi ninkaas loo raadiyo oo la horkeeno maxkamada caalamiga ah, waxaanuna leenahay haayad kasta oo uu u shaqeeyo ama jaamacada uu ka shaqeeyo waxaanu u sheegaynaa in aanu ninkaasu waxa uu sheegay aanay waxba ka jirin, beeshaas iyo Somaliland-na meel kaga dhacay.” Guddoomiye ku xigeenka guddida beesha West Burco Clan ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay “Ninkaas ahaa madaxa goob joogayaasha waxa uu soo farogaliyay wax ka duwan waxii shaqadiisu ahayd oo ah inuu qabaalika Somalilad farogaliyo, oo uu ku sheegay shirkii beelweynta West Burco Clan ay ku qabsatay Gacanlibaax iyaga oo aan soo hadalqaadin doorashooykii iyo goobjoogayaashii oo ka hadlay dantooda gaarka ah, waxa uu ku soo daray inuu West Burco Clan ku lug lahaa barnaamijkii Baadigoob, waxaanu arintaas u aragnaa inuu si dhaqan xumo ah ugu milmay beelaha Somaliland oo uu wax ka sheegooda ku soo dhiiraday, waxaanu u gudbin doonaa dacwad oo aanu looyaro u qaban doonaa cid kasta oo ay arintiisu xidhiidh la yeelato hadii ay tahay Jaamcadii soo dirsaday iyo cid kasta oo ay arintiisu gasho, waxaanu leenahay hadii uu ka tagay dalka intuu kalmadahaas foosha xun ee loo dhiibay sii yidhi kuma soo noqon karo, sababta aanu ugu soo noqon karina waa amaankiisa ilaa iyo uu soo cadeeyo oo uu keeno xaqiiqooyin, hadii u soo cadayn waayaana isaga ayaa la kulmi doona talaabo waafaqsan talaabooyinkii uu qaaday.”
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonnaa warbixin Kooban oo aan ka qornay Guddoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka Soomaaliya laga soo billaabo 1960-2018. Waa muhiim in la haayo xogta Garsoorka annagoo u kuur galeyna inaan helno war bixin wax ku ool ah oo wax tar u leh Shacabka Soomaaliyeed ,gaar ahaan bahda garsoorka. Waxaan si hor dhac ah idiinla wadaagi doonnaa warbixin kooban oo aan ka helnay Xafiiska warfaafinta ee Garsoorka Gobolka Banaadir. Gudoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka (Hogaanka Garsoorka). Alto Boronaajo (Talyaani 1960) raxman Sh.Cali Siciid (1968) Maxamud Sh.Axmed (1969) Axmed Shire (1974) Xasan C.laahi Faarax (1976) Maxamed Axmed Xuseen (1985) Axmed Xasan C.le Xasan (1988-1991) Adan Gaab (2000) Sh.Maxamuud Sulaymaan (2002) Yuusuf Haaruun (2004) Maxamuud Cumar (indhabuur 2007-2011) Caydiid Ilka xanaf (2011-2016) Garyaqaan Ibraahim iidle Suleyman (2016-2018) Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed (2018). Xafiiska Warfaafinta Garsoorka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya ee Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ka dalbaday in la hakiyo musuq uu sheegay in lagu hayo hantida Qaranka. Raila Amolo Odinga, waxa uu Kenyatta u xaqiijiyay in boob lagu hayo hantida Qaranka, gaar ahaan kuwo ku jira Bankiga. Odinga, waxa uu Kenyatta qudhiisa ku eedeeyay inuu lunsado dhaqaale xad-dhaaf ah, balse ugu baaqay inuu qirto musuqa uu ka galaayo Qaranka. “Hantida Qaranka waxa ay u dhexeysaa Kenyatta iyo madaxda ka hooseysa waxaa nagu adag inaanu indhaha ka qabsano waxa dhacaaya”. “Waa inaan banaanka keena musuqa lagu hayo hantideena si meesha looga saaro tuhunada iyo boobka lagu hayo hantida”. Sidoo kale, Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweyne Kenyatta u xaqiijiyay in boobka socda ay u hayaan cadeymo sidaa aawgeed la doonaayo in la xaqiijiyo boobka tagan. Haddalka Raila Amolo Odinga, ayaa imaanaya xili uu dib usoo noqonaayo khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Uhurro Kenyatta. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Kidnapped by Somali pirates, journalist Michael Scott Moore spent two and half years in captivity. At times he was held on land, other times at sea. Once, when he was on a 160-foot tuna boat, he tried to escape by jumping over the side at night. Source: Hiiraan Online
  7. DAKAR, Senegal (AP) — The U.S. military in Africa has taken steps to increase the security of troops on the ground, adding armed drones and armored vehicles and taking a harder look at when American forces go out with local troops, the head of the U.S. Africa Command says. Source: Hiiraan Online
  8. KAMPALA, July 31 (Xinhua) -- The Ugandan military on Tuesday welcomed the UN Security Council's extension of the mandate of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), noting that the move will help it achieve some strategic objectives. Source: Hiiraan Online
  9. India was braced for unrest in its north eastern Assam state on Monday after the authorities declared some four million residents to be foreigners, effectively stripping them of their citizenship and raising fears of deportation. Source: Hiiraan Online
  10. Eritrea, which signed on Monday a deal with Somalia to establish diplomatic ties, has long been accused of supporting Islamic militants who are seeking to topple the interim government in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. Moyale was once again the epicentre of carnage as a week’s worth of it left around 50 people dead earlier this month. The town and its environs, hotly contested between the Borana Oromo and Garri Somali peoples who inhabit the area, often sees disputes lead to communal clashes. However, the severity of what has transpired goes beyond the templated shootout among pastoralists. Civilian areas have been targeted, women and children have died, infrastructure has been damaged. The federal government has been slammed for what is deemed to be its lackadaisical approach to the conflict. Source: Hiiraan Online
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya deegaanada Puntland, oo Juxa uu kasoo jeedo. Juxa ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Kheyre uu Puntland u quuri waayo, sida uu hadalka u dhigay, qaaddo shamiito ah, isaga oo kaga jeeda inuu diiday dhagax dhigga dekadda Garacad ee Puntland. Kheyre ayaa maanta ka baaqday munaasabaddii dhagax dhigga dekaddaas, ayada oo sida la sheegay uu cadaadis uga yimid siyaasiyiinta Galmudug oo dekaddaas u arkay inay halis ku tahay dekedda Hobyo, oo dhismaheeda uu socfo. Juxa ayaa qoraalkii uu soo dhigay Facebook, oo uu cinwaan uga dhigay “Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”. ku yiri “Raysal wasaare Khayre markii ugu horraysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimi Puntland. Si weyn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer. Nasiib darro Raysal wasaare Khayre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah. Waxaa la is-weydiinayaa maxaa hadaba safarkiisa Puntland ku saabsanaa, muxuuse Madaxweyne Gaas ka bedeshay?” Kheyre iyo Juxa ayaa horey ay xiisad uga dhaxeysay, ayada oo Juxa xilka wasiirka arrimaha gudaha ku waayey, markii ay is-qabteen Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa xoghayihii joogtada wasaaradda, oo sida la sheegay la wareegay shaqadiisa, isaga oo tagaeero ka helaya Kheyra, inkasta oo markii dambe loo beddelay xafiiska Kheyre. Yaxye iyo Kheyre ayaa isku beel ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  13. BERBERA:The Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation has concluded its third relief operation in Somalia's Berbera region, distributing food aid packages to 10,000 families affected by the drought. Source: Hiiraan Online
  14. Over ten thousand supporters of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed gathered to hear him and celebrate in song and dance/RICHARD TSONG-TAATARII, MINNEAPOLIS STAR TRIBUNE Thick bass thundered through the arena as thousands of people shook flags of red, yellow and green. On the second deck of the Target Center, Addisalem Yosef, 36, waved her arms and stepped to the beat, celebrating the arrival of the new Ethiopian prime minister and hope for peace in the country she left eight years ago. “It’s the most beautiful day of my life,” she said. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed visited Minneapolis on Monday to share reform developments with the country’s diaspora. The event was hosted by the Oromo Community of Minnesota. It is the first time an Ethiopian prime minister has come to Minnesota, which has the United States’ largest Oromo diaspora. Oromos are the largest ethnic group in Ethiopia, and Abiy is the first of them to lead the country. Since his election by the parliament in April, Abiy has made peace a priority in a country marred by violence. In addition to releasing political prisoners and opening previously restricted internet access, he accepted peace deals with Ethiopia’s northern neighbor Eritrea 20 years after a war that killed nearly 100,000 people. Now he’s traveling the United States asking Ethiopians here to help the move country ahead. It’s a break from the repressive narratives of past leaders, said Tadesse Nigatu, a member of the Coalition of Ethiopians in Minnesota. “It’s just a dream-come-true type of occurrence,” he said. Crowds formed outside Target Center hours before its doors opened. On the sidewalk, people sold bracelets, keychains and even umbrella hats with Abiy’s image. Some wore T-shirts with the prime minister’s slogan: “Break the wall, build a bridge” — a reference to re-establishing connections with his nation’s scattered people. Shirts sporting his image read “We support U,” or simply “The Legend.” Betty Mekuria, 27, said her family had planned to travel to Ethiopia just to see Abiy and were floored to find he was coming to them. “It’s something I never thought would happen,” she said. While many cheered Abiy, others challenged him to address ongoing violence. Recent clashes between Ethiopia’s Oromo and Somali communities have left hundreds dead and thousands displaced. Last week, Minneapolis City Council Member Abdi Warsame introduced a resolution asking Abiy to end the “humanitarian crisis.” On Tuesday, several Somalis stood in the entrance of Target Center with signs calling for justice. Others said Abiy needs to go beyond rhetoric. Investigating torture practices, reforming repressive laws against media and encouraging victims of abuse to step forward should all be on his to-do list, said Maria Burnett, an associate director of Human Rights Watch’s Africa Division. Investigators from Human Rights Watch came to Minnesota to interview victims who alleged they were tortured in Jail Ogaden in Ethiopia’s Somali region. “Abiy has made some really important steps,” she said, “but there’s a lot of concrete work to be done to reform laws and hold abusers accountable and move forward if this is going to be a new chapter.” But the progress Abiy’s already made has given many hope. For Yosef, Abiy has done the impossible. It used to be her daily news from home was about dead children and families. Now it’s about change, peace talks and hope. “Everything is changing,” she said. “I hope it stays like that.” Source: – Star Tribune
  15. The closure of the Kenya-Somalia border in Mandera at the height of insecurity five years ago could be costing the country at least Ksh2 billion ($20 million) annually, as smugglers have a field day sneaking substandard goods in and out the country. The Kenya Revenue Authority, immigration and Kenya Bureau of Standards offices at the border post are deserted, with the walls dotted with bullet holes. This has allowed smuggling to thrive, with local traders saying the goods from Mogadishu and Kismayu ports are relatively cheaper since they are not taxed and their quality is not tested. The porous border is 360 kilometres long, and efforts by the Kenya government to stop movements between the two countries have not borne fruit. A border wall meant to curb insecurity is still under construction. The border post, which was built in 1981 and “rehabilitated in 2009” is home to goats and dogs. The staff quarters for Customs officials are also deserted by non-locals due to fear of raids by Al Shabaab fighters. Unregulated trade According to Mandera Governor Ali Roba, the country is losing at least Ksh 2 billion ($20 million) per year due to unregulated cross-border business, that also exposes the country to importation of contrabands. “If this border was open, we could control quality and also get revenue for the national government and county government,” said Mr Roba. On the Kenya-Ethiopia Suftu border, it is a different story. River Dawa is busy as traders transport their goods on rafts. Kenyan traders transport bottled water, sugar and timber to Ethiopia, while Ethiopians transport onions, cement and other farm produce to Mandera, where distributors transport them to other parts of the country including Nairobi. Unlike the Kenya-Somalia border, Mandera County revenue officers collect revenue from traders. Traders using donkey carts part with Ksh500 ($5) to be cleared by county revenue officers to access markets in Mandera town. Hassan Mohamed, a local trader says the cross-border business is a source of revenue and offers employment to the youth who ride the rafts across River Dawa. The goods from Ethiopia are also cheaper. For example, a bag of cement costs Ksh800 ($8) compared with Ksh 1,200 ($12) for the same amount produced in Kenya. Source: – The East African
  16. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), has intensified plans to enhance twenty of its Forward Operating Bases (FOBs), over the next six months, to bolster military operations. The enhancement of the selected FOBs, will be implemented in line with the Transition Plan. A team of AU and UNSOS engineering support teams; technical experts from the UK Mission Support Team (UKMST), the Joint Support Operation Centre (JSOC) and the United Nations Mine Action Service (UNMAS), is meeting in the capital Mogadishu, to map out a strategy for the enhancement programme. Deliberations which will focus on a wellness programme for the FOBs, will also develop a list of bases in need of enhancement and reconstruction: “As AMISOM prepares to handover the security responsibility to the Somali security forces, this conference will come in handy to ensure that 20 FOBs meet the required international standards for security,” Col. Yinka Awolola, the AMISOM Force Engineer said at the official opening of the engineering logistics conference today. Critical in ensuring effective engineering support to the AU Mission prior to the handover of security responsibilities to the Somali National Security Forces, the conference is expected to come up with firm recommendations to improve future operations. “You are so crucial because you actually determine the operating environment; you shape it; you enable the forces to perform in a better way. You are a force enabler, you are a force multiplier and so, without your skill, without your dedicated support, our forces cannot actually succeed,” the Deputy Head of AMISOM Mr. Simon Mulongo told participants. He challenged them to ensure adequate technical support to all military activities being undertaken. “With this transition, we need you much more than ever before, so that when we bequeath to the government of Somalia, we have some assets that will remain, as a signature of AMISOM in this country,” he said. The Head of Mission Support Maj. Gen. Fidza Dludlu underscored the importance of ensuring well-fortified military bases. “We need to improve our FOBs; that is non-negotiable. You as sector engineers play a vital role in ensuring that this is complied with.” Source: – AMISOM
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay in dowlada Somalia ay ahmiyada koowaad siineyso dadka shacabka ah. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo khudbad ka jeedinayay magaalada Qardho ee gobalka Bari ayaa ku dhawaaqay in awooda dalka loo gacan galin doono dadka shacabka ah. “Waxaan hortiina ka cadeynayaa in wixii maanta ka danbeeya awooda dalka loo gacangalin doono shacabka Soomaaliyeed oo aan kala sooc laheyn” “Dowladu waxa ay raacda shacabka shacab aan awood laheyn waa dal aan awoodiisa muuqan, waa inaanu shacabka ku wareejinaa awoodooda” Kheyre, waxa uu sheegay in ay soo labatay rajadii umadda Soomaaliyeed waxaana uu ka digay in la dhagaysto dadka dhahay Soomaaliya waa ay burburtay waana adagtay in ay soo laabato. “Kuwa sidaa dhahaaya waxaanu ka adeejin doona muwaadiniinta diyaarka u ah dhisida dalkooda meel waliba waxanu ku buuxin doonaa kuwa wanaagsan ee u danqanaaya dalkooda” Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay in dowlada iyo maamulada jira ay talo waliba la wadaagi doonaan dadka shacabka ah. Haddalka Kheyre ayaa u muuqanaaya mid lagu doonayo in lagu soo nooleeyo rajada shacabka Shacabka Soomaaliyeed oo sanadihii danbe aheyn mid burburtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Mogadishu, 30 July 2018 – A delegation of officials of the African Committee of Experts on the Rights and Welfare of the Child (ACERWC), is on a two-day working visit to Somalia to solicit the support of Somali authorities in the ratification of the African Charter on the Rights and Welfare of the Child. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Heshiis Ganacsi ay la geyso shirkadaha sameeya daabacaada ee Awooda u leh in ay naqshadeeyaan Calanka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in tartan daah-furan loo sameeyn doono shirkadaha soo buuxin kara shuruudaha uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo ku qoran Warqada. Wasaaradda Ganacsiga ayaa qandaraaskaan shuruud uga dhigtay seddex qodob oo kala ah: In lasoo sameeyo Calanka Somalia oo sax ah lana yaqaan walxaha Kiimiko ahaan uu ka kooban yahay In cidda sameeneyso ay awood u leedahay inay furto xarumo laga helayo calanka guud ahaan dalka In cidda qandaraaska la siinayo ay awood u leedahay inay sameyn karto noocyada kala duwan ee calanka Somalia sida kuwa la surto Madaxtooyada, Safaaraha, kuwa dadweynaha ku xafladeeyaan, kuwa Baabuurta madaxda la suro, kuwa miisaska xafiisyada la saarto, Calamada Birta ah ee lagu dhajisto suudadka, Bilad Sharafyo iyo hadiyado la dhex geliyey oo lagu qurxiyey Calanka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Ra’iisul wasaare Kheyre waxaa socdaalka ku wehliyay, qaar ka mid ah Madaxda Golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya,Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ,ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Magaalada Qardho,Maamulka Gobolka Karkaar kan degmada Qardho, Duubabka dhaqanka iyo Dad weyne aad u tiro badan, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan,calanka Puntland iyo kan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa markii ay halkaas gaareen ayaa la kulmay boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka Soomaaliya. Boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ku dhiirri geliyay shaqada wanaagsan ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed. “Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah kusoo gaaray Qardho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawaynta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada. PUNTLAND POST The post Warbixin:- Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ee Qardho appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sool ugu magacownaa Somaliland,Cabdi Khayre Dirir. Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi oo ku taariikhaysan 31 July eek u beegan arbacada maanta ah ayaa lagu yiri”Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool”. Digreetada xilka looga qaaday,Cabdi Khayre Dirir ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool loogu magacaabay,Cabdirashiid Xuseen Cabdulle(Gargaar),waxaana guddoomiyihii hore lagu amray in uu si niyad-sami ah xilka ugu wareejiyo ninka cusub ee la magacaabay” Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool”,ayaa lagu yiri digreeta. Gobolka Sool oo ay isku-haystaan Puntland iyo Somaliland ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka socday kacdoon ay bulshada gobolkaasi ku diiddan yihiin maamulka Somaliland,islamarkaana ay uga dalbanayaan in ay ciidamadooda kala baxaan gobolka,gaar ahaanna magaalada Laascaanood ee xarunta ah. Muddaharaadyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Laascaanood iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool ayaa shacabku ku muujiyeen sida ay u diiddan yihiin joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolkaasi,waxaana sidoo kale dagaallo culus ka dhaceen degaanka Tukaraq oo weli ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland. Colaadda gobolka Sool ka aloosan ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq 8 jennaayo ee sannadkaan 2018,xilligaas uu madaxweynaha Soomaaliya booqanayay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Somaliland ayaa qabsashada Tukaraq qiil uga dhigtay safarka madaxweyne farmaajo uu ku yimid Puntland iyo socdaal ka horreeyay oo wasiirka Qorshaynta Soomaaliya uu ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo uu ka soo jeedo. Somaliland ayaa xilligaas dowladda Federaalka ku eedaysay in ay daan-daansi ka waddo degaannada SSC. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay hadal kale oo yaab leh oo ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal toos ah la yeesho Iran. Shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Trump waxaa lagu weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani. “Waxaan aaminsanahay kulamada” ayuu ku jawaabay Trump, oo intaas ku daray “In lala hadlo dadka kale, gaar ahaan marka ay timaado halista dagaalada, dhimashada iyo macluusha, waa inaad kulamo sameysaa, ma jiro wax dhib ah oo ku jira in la kulmo” Trump ayaa xusay inuu kulamadii fool-ka-foolka ahaa ee uu dhowaan la yeeshay hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay tusaale u yihiin diblomaasiyad toos ah oo lala yeesho dalal loo arko inay cadow ku yihiin danaha Mareykanka. “Sidaa darteed waan la kulmayaa Iran, haddii ay doonayaan inaan kulano. Ma aqaan haddii ay diyaar u yihiin. Waxaan filaa in hadda xaalka ku adag yahay, balse watqi kasta oo ay diyaar yihiin waan la kulmayaa” Madaxweyne Trump ayaa dhowaan ka baxay heshiiskii lixda dal ee Mareykanka uu ka midka ahaa ee sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijka Nuclear-ka Iran, isaga oo ku sheegay heshiis hal dhinac ah oo aan dan ugu jirin Mareykanka. Warkan oo muuqaal ah iyo wararkii ugu dambeeyey hoos ka daawo.
  23. Mogadishu (HOL) - The General Secretary of Somalia’s National Chamber of Commerce, Shafi Rabi Kahin, was reportedly detained by officers at Mogadishu’s Aden Adde International Airport on Tuesday as he flew in from Brussels. Source: Hiiraan Online
  24. Xaflad si ballaaran loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay degaanka Garacad ee hostaga degmadda Jarriiban ee Gobolka Mudug,taasoo lagu dhagax-dhigay dhismaha deked Cusub oo degaankaasi laga hirgelinayo. Munsabadda waxaa kasoo qaybgalay madaxweynaha dowladda,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) gudoonka Golaha wakiiladda,xildhibaanno,wasiiro,xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah,kuwa maxaliga ah,saladiinta dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali oo dhagax-dhagay dekedda cusub ayaa sheegay in dhismaha dekadaani qayb kayahay mashaariicda horumarineed ee bulshada Puntland ku dhisanayaan isku tashi & wax wada qabsi. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa dhankiisa munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta soo ajiibtay munasabadda dhagax dhiga dhismaha Dekedda cusub ee Garacad,waxaana uu ku dhiiriyey howlwadeenadda iyo guddiga gacanta ku haya dhismaha dekedda in looga bahanyahay taabagelinta howlaha socda. Dhammaan mas’uuliyiinti dowladda iyo madaxdii dhaqanka ee munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka isku-tashiga ah ee lagu dhisayo dekedda cusub ee degaanka Garacad,waxaana ay bulshada ku dhiiriyeen in si fiican looga qayb qaato dhismaha dekedda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo deked cusub ka dhagax-dhagay Garacad appeared first on Puntland Post.
  25. Djibouti (HOL) - The Djibouti President, Ismail Omar Guelleh is expected to visit the Eritrean capital Asmara later this week to engage in direct bilateral talks with his Eritrean counterpart President Isaias Afwerki, Hiiraan Online has learned. Source: Hiiraan Online