Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ilhan Omar is almost all the things Donald Trump has demonized and demeaned rolled into one person. Omar, for starters, is an outspoken woman. Clearly Trump, who has ridiculed the #MeToo movement, called women who accused him of sexual misconduct Source: Hiiraan Online
  2. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageyso weerar lagu qaado goobaha laga helay shidaalka ee Gobolka Soomaalida. Dowlada ayaa tilmaantay in ciidamo aad u xoogan ay geyn doonto Gobolka Shilaabo ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia halkaas oo dhawaan laga helay ceelal shidaal. Ciidamo hordhac u ah kuwa la geyn doono Goobaha laga helay Shidaalka ayaa iminka ka baxay Magaalada Jigjiga kuwaa oo kusii jeeda Gobolka Shilaabo. Ciidamadan ayaa wata Hubka noocyadooda kala duwan iyo Gaadiid dagaal, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in cabsi laga qabo weerar ka imaankara ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee maamulka Soomaalida Cabdi Cumar. Ciidamada ayaa xeryo ka sameystay Gobolka,halkaas oo ay ka waardiyeyn doonaan amniga Ceelasha iyo shaqaalaha. Saraakiil ka tirsan Liyuu Booliska oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa in ay weeraro jabhadeyn ah gobolka ka billaabayaan iyada oo laga baqayo in ay weeraraan Ceelasha shidalka sida uu qoray wargeyska Ezega. Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis ay ku maqan yihiin gadood kuwaa oo daacad u ah Cabdi Cumar oo xiligaani u xiran dowlada Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  3. Kenya’s president has lost friends and allies in recent weeks—many, many of them.Uhuru Kenyatta recently said his administration’s war on corruption cost him supporters but vowed nonetheless to continue efforts to stamp out graft. In the last few weeks, the public prosecutor Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimadda Online)- Cabdiraxmaan cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi si weyn u dhaliishan siyaasadda dowladda soomaaliya ayaa ka hadlay xilalkii la magaacabay iyo kuwii laga qaaday hey,adaha amniga. Cabdiraxmaan ayaa magacaabistaan ku micneeyey laba arrin midkood. Halkaan hoose ka akhriso farriinta uu soo diray Magacaabista iyo xil ka qaadista hay’adaha nabad gelyada ma aha kuwo xulasho xirfad, aqoon iyo waaya aragnimo lagu doortay. Mana aha talaabo u adeegaysa ujeedkii ahaa dhismaha ciidan Qaran oo nabadgelyada xajiya, Alshabaab ka guulaysta, AMISOM na kala wareega masuuliyada Amniga. Waxaa ka muuqata qof jeceleysi, iska indha tir waaqaca deegaan ee laga hawlgelayo iyo u dabac sanaan Alshabaab, maadaama xubnaha qaar la oran karo waa taliyayaal labada dhinac. Waxaa muuqata in ay laba midkood tahay, 1- Quus iyo jahwareer, maadaama isbdelka caynkaan ah uu markii afraad yahay 2- ama tijaabo san ka taabasho oo la mid ah tii Jubaland lagu dayey, dhinaca kartana in la qaado talaabooyin dad badan lagu beegsanayo, taasoo colaad hor leh hurin karta.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray. “Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka dalkaas.” Ayuu yiri Wasiirku. Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoona isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiisyada hore ay u kala saxiixdeen labada dal. Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.
  6. Shirkii Golaha wasiirada Puntland Shirkii khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland oo uu shir guddoominyay Madaxweyne Gaas ayaa maanta looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen amniga, xeerka Guddiga shaqaalaha rayidka ah iyo qodobo kale. Golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay in xaalada amniga Puntland degan tahay, waxayna shacabka Puntland fareen in ay gacan siiyaan ciidamada howlgalada kawada xuduudaha iyo magaalooyinya waaweyn. Dhanka kale wasaaradda dastuurka iyo arrimaha Federaalka Puntland ayaa sheegtay in hadda qaadbka dowladda Federaalku wax u wado ay baal marsan tahay guud ahaan shuruucda dalka. Hoos ka akhriso war-murtiyeedkii ka soo baxay PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii Golaha wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray. “Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka dalkaas.” Ayuu yiri Wasiirku. Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoona isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiisyada hore ay u kala saxiixdeen labada dal. Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Jabuuti lana Kulmay Madaxweyne Gelle appeared first on Puntland Post.
  8. Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida. Go’aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir-gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakiibka ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidayaa in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda. Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dawladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa’iido dhaqaale. PUNTLAND POST The post Dawladda Soomaaliya Oo Tirakoobaysa Ajaanibta ku Sugan Gudaha Dalka appeared first on Puntland Post.
  9. A militant group associated with Daesh in Syria and Iraq has started levying taxes on businesses in Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Halkan waxaan idinkugu soo gudbinaynaa macluumaad kooban oo la xiriira shakhsiyaadka uu madaxweynaha Soomaaliya xilalka u magacaabay, oo aan si dulmar ah u eegi doonno taariikh nololeedkooda oo kooban. S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarsho): Wuxuu aqoon iyo tababar ciidan ku soo qaatay dalalka Maraykanka, iyo midowgii Soofiyeeti dabayaaqadii sannadihii lixdameeyada. Wuxuu kaloo tacliin iyo tababarro guud iyo kuwo gaar ah ku qaatay dalka gudihiisa. Wuxuu ka soo shaqeeyey qaybaha milateriga Soomaaliya, wuxuuna darajo ahaan ka gaaray ilaa iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, oo markan ay tahay markii labaad ee loo magacaabayo. Wuxuu haystaa billad dahab ah oo uu guddoonsiiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, taasoo lagu siiyey doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya. S/guuto Odawaa Yuusuf Raage: Waa ninka ugu dhallinta yar saraakiisha ragga ah ee uu madaxweynuhu magacaabay. Degdeg ayuu ku dallacay. Wuxuu ka tirsanaa ururka 60aad ee madaxtooyada, ama loo yaqaanno koofiyad guduudda. Darajadiisa waxay ahayd gaashaanle markii uu xilka kala wareegayey taliyihii ururkaas uga horreeyey Axmed Maxamed cali (Af-caddeey). In yar ka dib waxaa loo dallacsiiyey G/dhexe, darajadaas ayuuna ku ahaa taliyaha ciidanka madaxtooyada. Magacaabiddan ayuu madaxweynaha laba goor mar qura ku dallacsiiyey Odawaa oo ah nin uu aad ugu kalsoon yahay. Marka la fiiriyo khibradda iyo aqoonta laga rabo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, waa jago u baahan aqoon iyo khibrad aad u ballaaran. S/guuto Zakiya Xuseen Axmed: Waa gabadhii ugu horraysay ee Jeneraal ka noqota booliska Soomaaliya. Dhowr sano gudahood ayey darajada ugu sarraysa ku gaartay. Waxay muddo ku noolayd qurbaha, gaar ahaan UK iyo Sweden, waxayna dalka ku soo noqotay 2014, markaasoo ay la shaqaynaysay hay’adda cilmi barista ee Heritage iyo jaamacadda Soomaaliya. Waxay shahaadada darajada 2aad ka haysataa xiriirka caalamiga, waxayna kaloo baratay diblomaasiyadda islaamka. Dhowr xil oo xagga maamulka la xiriira ayey ka soo qabatay ciidanka booliska Soomaaliya, waxayna sidoo ka shaqaysay dhanka xiriirka dadwewynaha. S/guuto Siciid Axmed Kadiye: Wuxuu tacliintiisa badankeed ku soo qaatay dalal uu talyaanigu ka mid yahay sannadihii 70-meeyadii, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha booliska ee khibradda fog leh. Dhawaanahan wuxuu ahaa taliyaha hogaanka dambi baarista CID, laakin afartameeyo sano ayuu ku dhex jiray hoggaannada iyo qaybaha booliska Soomaaliya ee caasimadda iyo gobollada, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay. Waa ninka ugu saamaynta badan xubnaha uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, waana shakhsi la aaminsan yahay inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha. Fahad wuxuu markiisii hore ahaa suxufi u soo shaqeeyey warbaahinno ay Al Jazeera ka mid tahay, wuxuuse siyaasadda si muuqata u soo galay xilligii madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka hayey. Markii ugu horraysay ee xil loo magacaabo, Xasan Sheekh ayaa u magacaabay jago wasaaradeed, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu qaato. Wuxuu noqday agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya, bishii Maajo 2017. Wuxuu beddelay Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo hadda ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay. Aamina Siciid Cali: Waa aqoonyahanad dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu jirtay siyaasadda Soomaaliya. Waxay xubin ka ahayd baarlamaankii jiray xilligii dawladdii Sheekh Shariif ee 2009. Waxay waxbarashada ka gaartay ilaa shahaadada darajada labaad (Masters) ee cilmiga sayniska. Inta aysan noqon agaasimaha guud ee madaxtooyada waxay soo ahayd ku xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada.
  11. Somalia on Thursday named a new military supreme commander, a deputy head of intelligence services and ahead of presidential security as part of a revamp of security forces to better tackle the Islamist militant threat. Source: Hiiraan Online
  12. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)—The President of Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has issued a decree on Thursaday, naming Dahir Adan Elmi as a new country’s army chief, amid a wave of attacks by Al-Shabaab. Fahad Yasin, a political insider and right-hand-man to President Farmajo was appointed as a new deputy director for the National Intelligence and Security Agency (NISA), according to a presidential decree. President Farmajo also named two women as the new chief of staff for the presidential Palace and the deputy Police Commissioner, setting a historic precedent. Thursday’s reshuffle is said to be the latest move in President Farmajo’s war against Al Qaeda-linked Al-Shabaab group, battling the weak-westerns backed government of Somalia. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  13. Benselvenia (Caasimadda Online) – Fadeexad hor leh ayaa kusoo baxday hoggaamiyaasha ugu sarreysa Kaniisadaha Nasaarada wadanka Mareykanka kadib markii ay geysteen Kufsi wadareed ka dhan ah carruur. Kadib baritaanno socday muddo ku dhow 20 bilooda ayaa lagu ogaaday in carruur ka badan 1000 lagu kufsaday kaniisadaha Kaatoolliga gobolka Benselvenia ee dhaca Bariga dalka Maraykanka. Warbixin uu faafiyay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayuu ku xaqiijiyay in Baadariyada gobolka ay geysteen Fal dambiyeed iyagoo gacan ka helaya garsoorka gobolka Benselvenia. “Wuxuu ahaa fal dambiyeed lagu fara xumeeyay in ka badan 1000 carruur ah, Baadariyada kaniisadaha ah ayaa foolxumada geysanayay iyagoo maamulayaasha Benselvenia ka helayay ilaalo dhank sharciga ah” ayaa lagu yiri warbixinta. Carruurta lafara xumeeyay ayey warbixintu sheegaysaa in loo caga jugleeyay ayna ku qasbanaadeen in aysan kashifin fal dambiyeedkan, baadariyaasha Kaniisadaha Kaatoolliga ee fadeexaddu kusoo baxday ayaa diiday in ay warbaahinta lahadlaan waxayna ku hanjabeen in ay qabsan doonaan qareenno haddii maxkamad lageeyo kiiskan. Baadariyada ayaa dadka ay madaxda uyihiin u sheega in guurku xaaraan ka yahay taas bedelkeedna waxay geystaan kufsi iyo fara xumeyn ay kula kacayaan carruurta iyo dumarka ay wadaadada Kirishtaan ah isaga dhigaan. Wadanka Mareykanka wuxuu kamid yahay wadamada ugu fuxshiga badan dowladaha reergalbeedka waxaana maalin walba ka dhaca falal dambiyeedyo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  14. Malian President Ibrahim Boubacar Keita has been re-elected as president after beating opposition candidate, Soumaila Cisse, in a run-off vote. Source: Hiiraan Online
  15. Waxaa in muddo ah cirka isku shareeray xiisadda Turkiga iyo Mareykanka, marka aad si fiican u akhriso waxaad ogaan-doontaa in arrinta dhaqaale waa ka weyn tahay. Labada dal kalama maarman hadda iyo mar walba. Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso, 12 Arrin Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka Arrimmaha Khilaafka: Dagaalka Ciraaq: Labada Dhinac waxaa ay si hoose isugu arkeen faragelint mid walba uu ku sameeyay dalka Ciraaq. Suuriya: Dalka Turkiga waxaa uu Suuriya ka sameeyay dagaal ka dhan ah Daacish halka Mareykanka ay hub iyo taageero siiyey dagaalyahannada Kurdish-ka. Kooxda uu Mareykanka hubka siinayo waxaa ay Turkiga u taqaan argigixiso. Andrew Brunson: Waa wadaad Mareykan ah oo 23 sano ku sugnaa Izmir, Turkiga, ninkan waxaa la xiray October 2016 kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobey ee Turkiga iyada oo lagu eedeeyay Jaajuusnimo iyo inuu argigixiso taageerayey. Madaxweynaha Mareykanka Trump waxaa uu ninkan ku sheegay wadaad fiican, oo gardarro lagu xiray. Fethullah Gulen: Dhinaca kale, Ankara waxa ay marar badan codsatay in loosoo dhiibo wadaadka Fethullah Gulen oo ah nin dhibaato badan ka geystay gudaha Turkiga, caq-qal joogta ahna ku haayo xasiloonida dalka Turkiga iyo dowladda uu hoggamiyo Erdogan. Turkiga waxa ay doonayaan in labada nin la isku badasho, laakin Mareykanka aya diidan. Dhaqaalaha Turkiga: Xilliga la joogo ma xuma dhaqaalihiisa, oo sanadkii waxa uu sameeyaa kor u kac 3-4% ah, laakin Mareykanka waxaa uu ku hayaa cadaadis. Bangiga dhexe waxa uu diiday inuu fa’idada kor u qaado, taasina waxa ay leedahay sameynteeda. Hoos-u-dhaca Liraha: Waxaa hadda jira in dalalka Yurub ee deymaha siiya Turkiga ay wal-wal ka qabaan hoos u dhaca qiimaha Liraha, kaas oo gaaray 40% marka loo eegeo Dollarka Mareykanka. Baahida Mareykanka: Arrinta NATO: Turkiga kuma eka xulufo, laakin waa dalka 2aad ee ugu ciidamada badan 29-ka dal ee NATO. Xuduudda Ciraaq iyo Suuriya: Dagaalka uu Mareykanka ka wado dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxaa uu u baahanyahay in saanad uga timaada dhulka iyo cirka, cidda ka caawin karta waa Turkiga. Iran: Turkiga waxaa uu xad lala leeyahay Iran, oo Mareykanka ay cadaadis dhinac walbo ku hayaan, waa arrin xun in labadaasi dal ay u heshiiyaan. Black Sea: Turkiga waxaa uu jooga Black Sea halkaas oo Ruushka ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan, waxaan jirta baahi ah in la kala ilaaliyo labadan dal inay xulufo noqdaan. Qaxootiga: Turkiga waxa uu dunida ka haya 3.2 Milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, go’doominta Mareykanka uu ku haayo waa mid ka hor imaaneysa in dadkaasi la caawiyo. Xiriirka Isra’il: Turkiga waxaa uu ku jiraa dalal yar oo muslim ah oo xiriir wanaagsan la leh Isra’il, Mareykanka waa ku qasban yahay inuu arrintaas ka fakiro. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
  16. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) — Heavy fighting broke out on Thursday between African Union peacekeeping forces and Al-Shabaab fighters in south of Somalia. The fighting flared up in Golweyn area, some 120km south of Mogadishu, after Al-Shabaab militants armed with RPGs and machine guns attacked on a supply convoy of African Union forces, a witness said. He says the ambush attack triggered a fierce fighting between Al-Shabaab militants and Ugandan peacekeeping soldiers. The convoy of Ugandan soldiers was ambushed while carrying military supplies. He said an African Union personnel carrier was destroyed in roadside bomb explosion during the skirmish. It remains unknown how many people were killed in the fighting. There was no immediate comment from AU peacekeeping mission over the latest surprise assault in Golweyn area, about 120km south of Somali capital Mogadishu. Last year, 18 AU troops were killed in a deadly Al-Shabaab ambush attack in Golweyn area, targeting a supply convoy of 24 vehicles, while heading to Ugandan forces’ camp near the town. However, Al-Shabaab, which once controlled much of Somalia, wants to topple the western-backed government in Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaaben in agabkooda ka gurtaan Stadium Muqdisho. Ciidamada ayaa lasoo sheegayaa in goordhow ay bilaaben inay burburiyaan qeybo kamid ah dhismooyinka ay ka dhex sameysteen gudaha Garoonka kubadda ee Stadium Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay arkayeen ciidamo aad u hubeysan oo alaabo culus ka raraaya Garoonka Stadium Muqdisho kuwaasi oo u ruqaansaday dhanka xalane. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo daabacay Amb, Francisco Madeira oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in ergayga uu aad usoo dhaweynaayo go’aanka ciidamada looga daadgureynaayo Garoonka Stadium Muqdisho. Amb, Francisco Madeira, waxa uu sheegay inuu aad u ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto Gacanta Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Garoonka degnaa inkabadan 10 sano oo saldhig u aheyd. Si kastaba ha ahatee, talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili uu dhawaan Ra’isul wasaaraha dalka amar ku bixiyay in si degdeg ah ciidamada AMISOM looga saaro Stadium Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka M/Gobolleedka Puntland ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho. Sida ay xogo hoose ku warramayaa Camey waxa uu magaalada ugu yimi oo ku og Raisul Wasaare Kheyre oo ay si gaar ah isugu soo arkeen Garowe markii uu booqday Puntland. Sida ay ilo xog ogaal ah ugu warrameen Caasimadda Online, madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey waxa uu qorsheynayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee Puntland. MUXUU SALKA KU HAYAA JOOGISTIISA MUQDISHO? Ilo Wareedyada u warramaya Caasimadda Online ayaa sheegay in Camey uu taageero ka raadinayo dowladda Federal-ka ay isaga oo ka dalbanaya in ay doorashada ku gacan siiyaan. Wali ma cadda in Camey taageero ka heli doono dowladda balse waxyaabaha ay isla soo qaadeen RW Xassan Cali Kheyre ayaa la sheegeyaa in ay qeyb ka tahay DHAQAALE XOOG LEH in la siiyo oo uu ku galo doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) — A delegation led by Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in Djibouti on Thursday to mend ties between Mogadishu and Djibouti. President Farmajo and his delegates were warmly welcomed by Djibouti officials at the airport. Mr. Farmajo is set to meet with his Djiboutian President, Osmail Omar Gelle. Both leaders will discuss further strengthening bilateral ties between two countries, according to Presidential Palace. “Somalia and Djibout share strong brotherly bonds”, a senior official at Presidential Palace said Last month, Djibouti has formally responded to a recent call by Somalia that United Nations Security Council (UNSC) sanctions on Eritrea be lifted. According to Djibouti it was ‘deeply shocked’ by that position. Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed on a three-day official visit to Asmara said the sanctions imposed since 2009 had to be lifted given the current political and diplomatic developments in the Horn of Africa region. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. Kismaayo(Caasimadda Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Jubbaland ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland uusan saameyn ku yeelan doonin howlahooda shaqo. Sii hayaha xerada 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneel Maxamed Buulle Ibraahim ayaa ciidanka xoogga dalka u taagan yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen cadowga, dalka oo dhanna u siman yahay. Korneel Buulle ayaa sheegay in sidoo kale ay ka madaxbannaan yihiin siyaasadda isdiiddan ee dowladda dhexe iyo Jubbaland, shaqadooduna ay tahay difaaca dalka iyo dadka. “Khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland ma saameeneyso shaqadeenna, annaga waxaan u joognaa inaan dalka iyo dadka ka difaacno cadowga, waxaan nahay ciidan qaran ma nihin kuwo gobol ama beel” ayuu yiri Buulle. Waxaa jira khilaaf soo kala dhexgalay maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Jubbaland ay sheegeyso in DFS ay farogelin ku hayso maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (caasmadda Online) – 07/08/2018 ayaa la soo gaba-gabeeyay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo loo heysto dilka Allah u naxariiste Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada Beladweyn 07/02/2018. Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo gaaray magaalada Muqdisho. 07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 27-aad ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle. Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah Garsooraha Maxkamadda ayaa Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) u furay inuu racfaan ka qaato xukunka Maxkaadda Darajada koowaad haddii uusan ku qanacsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. The African Union (AU) peacekeeping mission and Somali forces today began a military operation in the northern region of Lower Shabelle to expel the terrorists from al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sameeyay ‘dib u habeyn’ hay’adaha amniga dowladda, waxaana ka muuqda waxyaabo badan oo cusub. Doorka Haweenka Madaxweyne Farmaajo ayaa dumar u magacaabay xilal ay ragga inta badan qaban jireen, waxaana ka mid ah agaasimaha guud ee madaxtooyada oo loo magacaabay Dr Aamina Siciid Cali, waxay gabadhan horey u ahayad agaasime ku xigeenka. Waxaa sidoo kale taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya markii koowaad taariikhda loo magacaabay haweenay, waana Gaashaanle Sare Zakiya Xuseen Axmed oo horay u ahayd sarkaalad sare oo ka tirsan booliiska. Gabadhan oo qurbaha ka timid, halkaasna wax kusoo baratay ayaa soo shaaxbacday sanado ka hor, iyada oo sanadkii hore loo magacaabay agaasimaha waaxda amniga iyo dariseynta. Taliyeyaasha Ciidanka Inkasta oo aysan Soomaaliya lahayn maraakiib iyo gaadiidka badda oo ciidamada ah, haddane waxa uu madaxweynaha magacaabay taliyaha ciidamadda badda, xilkaas oo loo magacaabay Gaashaanle Sare Xasan Nuur Col-u-joog. Ma ahan nin wax badan laga yaqaano, gaar ahaan warbaahinta, haddane hawsha loo dhiibay waa mid aad u culus marka laga hadlayo hawsha u taala ee ah dib u asaasidda ciidamadii badda ee Soomaaliya. Badda Soomaaliya waxaa hadda jooga ciidamo tiro badan oo ka kala socda dalal kala duwan, waxayna sheegaan in ay badweynta ka illaalinayaan kooxaha burcad badeeda iyo dadka dambiyada geysta. Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo waxa uu magacaabay taliyaha xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhe Qarshe). Waxaa xusid muddan in taliyahan uu horey xilkan usoo qabtay. Waa wax iska caadi ah in taliyeyaasha dib loogu celiyo xil horey looga qaaday marka la eego taariikhda dhow ee magacaabista taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada. Dhalinyarada Markii koowaad waxa uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka u magacaabay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Odawaa Yuusuf Raage oo horey u ahaa Gaashaanle Dhexe, balse loo dalacsiiyay Sareeye Guuto. Inkasta oo warsaxaafadeedka madaxweynaha aanan lagu sheegin, waxaa xilkan horey u hayay oo laga qaaday Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood, kaas oo uu magacaabay Farmaajo markii la doortay kadib sanadkii hore. Lama oga halka loo bedelay Caanood. Dhalinyarada magacaabista soo galay waxaa kale oo ka mid ah Gaashaanle Sare Zakiya Xuseen Axmed oo loo magacaabay taliye xigeenka booliiska Soomaaliyeed sida aan kor kusoo sheegnay. Inkasta oo uu Odawaa iyo Zakiya yihiin labada qof ee ugu darajada sareeya ee dhalinyaro ah ee ciidanka xil ka qabta, haddane waxaa jira taliyeyaal badan oo dhalinyaro ah oo madax ka ah inta badan hoggaanada dhawr iyo tobonka ah ee ciidanka xoogga dalka uu u qaabaysanyahay. Xil ka qaadis Warqadda madaxweynaha kaliya ma ahayn magacaabis, ee sidoo kale waxaa ku jirtay labo xil ka qaadis. Inkasta oo ay horey suuqa ugu jirtay, haddane waxa waraaqda madaxweyne Farmaajo xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii hay’adda nabad suggida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Sareeye Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla. Cabdalle muddo dheer ayuu xilkan hayay, waxaana intii uu joogay xilka agaasimenimada isku badalay taliyeyaal dhawr ah, oo labo jeer oo ka mid ah uu ku xigeen u noqday Cabdullaahi Sanbaloolshe. Waxaa xilkan buuxiyay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya, kana mid ah shaqsiyaadka ugu saamaynta Soomaaliya. Waxaa kale oo uu madaxweynaha xilka ka qaaday Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ahaa taliye ku xigeenka NISA. Cabdiqaadir waxa uu horey u ahaan jiray xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Turkiga, xilka hadda laga qaadayna waa uu ku cusbaa. Lama sheegin sababta rasmiga ah ee taliyeyaashan xilalka looga qaaday. BBC SOMALIA
  24. Garoowe (Caasimadda Online) – Golaha wakiillada (Baarlamaanka) maamul goboleedka Puntland ayaa fadhi uu yeeshay 14kii Agoosto ku muddeeyey xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, ayagoo sheegay in doorashadaas ay dhici doonto 8/1/2019. Wuxuu kaloo goluhu iclaamiyey in la soo xulo xubnaha golaha wakiillada ee beddelaya midka hadda jira inta ka horraysa dhamaadka sannadkan. Doorashada dhici doonta ayaa lagu wadaa inay noqoto mid ay u codeeyaan xubnaha golaha wakiillada (Baarlamaanka). Haddaba, maadaama Puntland oo ku faanta inay tahay hooyadii federaalka, dhawaanna u dabaal degtay in ay 20 jirsatay, taasoo aad uga badan muddada ay jireen maamul goboleedyada kale, maxay u qaban wayday doorasho hal qof iyo hal cod ah? Siyaasiyiin aan daacad ahayn Siciid Faarax Maxamed (Siciid Sanweyne) oo ah nin u dhuun daloola arrimaha siyaasadda ee Puntland wuxuu qabaa in ay arrintaas ka dambeeyaan siyaasiyiinta Puntland. “Seddex sano ayaa loo qabtay in looga gudbo nidaamka qabaliga ah ee odayaashu ay soo xulayaan xildhibaannada. Arrintaas waa jiitantay, maadaama ay siyaasiyiintu jecel yihiin in ay xil hayaan, waxay doorbideen inay ku sii socdaan nidaamka marjaca ee odayaal dhaqameedka, maadaama si fudud looga dhamaysan karo magacaabista xildhibaannada” ayuu yiri Siciid. Wuxuu kaloo u arkaa in siyaasiyiintu ay ka fogaanayaan in isla xisaabtan uu yimaado. Siyaasiyiintana wuxu ku tilmaamay kuwo u faa’iidayn waayey shacabka. Qabiil Vs Nidaam Maamul Puntland markii la dhisay 1998 waxaa seeska loogu dhigay nidaam qabiil, kaasoo ilaa maanta sidii u jira, halkii looga gudbi lahaa nidaam maamul. Siciid Sanweyne wuxuu qabaa in Qabiilku uu yahay mid “lagu awr kacsado”. “Qabiilku sidiisaba waa lagu awr kacsadaa ee ma aha caqabad. Danta guud baa la isugu yimid in lagu raadsho”. Wuxuu intaa ku daray in siyaasigu markuu sallaanka siyaasadda ku fuulo qabiilka inuu dantiisa gaarka ah ka raacdo. Wuxuu ku tilmaamay “dhaqan xumo siyaasadeed oo ay leeyihiin siyaasiyiinta Soomaaliya” kuwaasoo ka baqaya in lala xisaabtamo muddada ay xafiiska hayaan. Puntland Vs Somaliland: Maxaa Somaliland looga dayan karaa? Somaliland tan iyo markii ay gooni isu taagga ku dhawaaqday waxaa ka dhacay dhowr doorasho oo hal qof iyo hal cod ah, kuwaasoo ay dadku ku doorteen madaxda hogaaminaysa, haddaba maxaa looga dayan karaa? Waa kan mar kale Siciid Sanweyne. “Waxaa looga dayan karaa qaabka ay doorashada u hagaan, inkastoo uusan qabiil meesha ka marnayn. Madaxweynaha waxaa soo doorta shacabka, waxayna xujo ku noqonaysaa dadka yiraahda Soomaalida wax ma dooran karto, tusaalena waxaa u ah Somaliland. Ayagoo qabaa’il ka kooban ayey haddana leeyihiin axsaab, doorashooyinna waa ka dhacaan” ayuu yiri. Bisayl siyaasadeed iyo mid shacab Siciid Sanweyne Wuxuu u arkaa in dadka reer Puntland ay tahay in xaqooda siyaasdeed u istaagaan, oo ay ka gudbaan wax uu ku tilmaamay “odayaal dhaqameed lagu albaabay”. Maxaase ka hortaagan inay sidaa yeelaan? “Waxaa ka hor taagan in fahamkii siyaasadeed iyo waxa ay qofka siyaasadda u tahay aysan shacabka Puntland ka dhaadhacsanayn. Shacabka Puntland waa rabaan is maamul iyo kala dambayn, laakin inuu noqdo mid shacabka ka yimaada oo cid gaar ah aysan ku danaysan weli bisaylkeeda ma jiro”ayuu leeyahay Siciid. Doorashada madaxtinimada ee Puntland waxay dad badan aamisan yihiin in ay noqon doonto mid la mid ah tii dhex martay Gaas iyo Faroole oo uu hal cod ku guulaystay C/weli Gaas, laakinse muddo ilaa iyo intee le’eg ayey socon kartaa in odayaashu ay soo xulaan xildhibaanno u codeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa? Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta xilkii ka qaaday agaasimihii Madaxtooyada Villa Somalia Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin ayaa xilkaan hayey ilaa Hal sano waxaana Maanta loo magacaabay Taliye xigeenka Hey’adda Nabadusgidda dalka oo uu muddo badan raadinayey. Xilka Agaasimaha Madaxtooyada ayaa waxaa loo magacaabay Aamina Siciid Cali oo aheyd agaasime ku xigeenkii madaxtooyada iyadoo lasoo dalacsiiyey markii ay waxqabad fiican soo bandhigtay. Haddaba magacaabistaan cusub ayaa ka dhigan in madaxtooyada Villa Somalia ay soo mareyn ilaa 4 agaasime tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in mid kamid ah agaasimayaashaas uu ahaa kumeel gaar halka seddexda kalana ay ahaayeen kuwa rasmi ah. Halkaan hoose ka akhriso magacyadooda: 1- Cali Fiqi Agaasime Kumeel gaar ah 2- Abuukar Baalle Agaasime 3- Fahad Yaasiin Agaasime 4- Aamina Siciid Cali Agaasime Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com