Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Rights agency Haki Africa wants the national government to speed up completion of the Lamu-Somalia border wall. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) - Officials close the Airport Authority in Mogadishu have told Hiiraan Online that Aviation Industry Corporation of China (AVIC) has reached a deal with the Somali government to construct an international airport in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  3. Jeddah (HOL) - Two Somali Nationals were killed in a stampede during the Holy Pilgrimage in Mina city near Mecca on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Somalia waxaa lagu eedeeyaa iney ahmiyad badan siiso baraha bulshada isla markaana lacago bandanna ay ku bixiso. Waxaa arrintaan sii xoojiyay Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) oo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yalla wadanka Ethiopia, isagoo wareysi siinayay barnaamijka (Gal Baarista ee VOA-da) wuxuu sheegay in dhawr jeer laga codsaday inuu dowladda ka caawiyo in la istaajiyo kacdoonkii ka socday baraha bulshada mudadii uu xirnaa. Wuxuu sheegay in loo soo jeediyay inuu hadlo si loo joojiyo xaaladii taagneed xilligaas. “Waxaa ii yimid xubno ka tirsan sirdoonka Ethiopia iyo qaar ka mid raggii gacanta igu hayay, waxey ii sheegeen in dowladda Soomaaliya uu culeys saaran yahay kaas oo dhanka baraha bulshada ah kuna saabsanaa arrinteyda, waxey i yiraahdeen “Fadlan hadal oo waxaad tiraahdaa waxaan ahay Ethiopian oo anigaa halkaan immid dowladda Ethiopia-na wadahadal kula jira, xor ayaan ahay si dowladda uu uga istaago kacdoonka ka socda baraha bulshada, balse waan diiday” ayuu yiri Qalbi Dhagax. “Mar walba waxaan aaminsanaa inaan ahay Soomaali, soomaaliduna ay isku mid ii tahay, mana rabin inaan ka laabto qaddiyadeyda, ragii markaas gacanta igu hayay wey ku kala qeybsameen codsigii ahaa in la joojiyo kacdoonkii ka socday barbaraha bulshada iyadoo aniga la i adeegsanayo, qaar ka mid ah ayaa diiday oo yiri lama qasbaayo hadii uusan raali ka aheyn, anigana raali kama aheyn” Hadalka Qalbi dhagax wuxuu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya ahmiyad u siineyso baraha bulshada taas oo niyadjab ku rideysa dad badan oo aaminsanaa iney dowladda waxqabadka guud xoogga saareyso. Dadka arrimaha Villa Somalia u dhuunduleela waxey talo ahaan soo jeedinayaan in Farmaajo iyo Kheyre laga doonayo iney la yimaadaan wax ka weyn baraha bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Jigjiga (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa ku dhawaaqay in dib loo bedelaayo calanka iyo magaca maamulka DDSI. Mustafe Cagjar, ayaa hadalkan u sheegay dad uu kula hadlayey magaalada Addis ababa waxa uuna ka hor cadeeyay in uu ka shaqayn doono sidii loo beddeli lahaa calanka dawlad-deegaanka. Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay in calanka uu doonaayo inuu yeesho maamulka uu yahay Calanka qaybta dambe ku leh midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh, waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, markii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar. Mustafe Cagjar, waxa uu intaa raaciyay inuu ka shaqaynayo sidii kalmadda Ethiopia looga reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, loogana dhigi lahaa dawlad Deegaanka Soomaalida. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Ethiopia”. Mustafe Cagjar, waxa uu sidoo kale sheegay in dib loo soo celin doono heesta calanka ee aheyd Soomaaliyey toosa. Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida. Docda kale, waxa uu ka digay in laga shaqeeyo amni darro ku imaada deegaanada maamulka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamulka iyo dhulkuba ay yihiin kuwo hadda degan. HOOS KA FIIRSO NOOCA CALANKA UU RABO MUSTAFE CAGJAR
  6. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar, ayaa maanta amar ku bixiyey in la bedelo magaca Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia. Mustaf Muxumed Cumar, ayaa sheegay in magaca maamulka lagu bedelo “Somali State”sidoo kalena la soo celiyo Calankii ay ku jirtay xidigta Shanta Gees ee horay loo isicmaali jiray,kaas oo ay ansixiyeen baarlamaankii ugu horeeyey deegaankaas. Mustaf Muxumed Cumar, oo ay dhinac fadhiyeen mas’uuliiin ka tirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayuu sheegay in uu fasaxay dadka dhaliilaya maamulkiisa ama dacaayadeynaya. Sidoo kale dadka degan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayuu uga digay in ay ku dhaqaaqaan laba qodob oo kale ah:- 1-In dadku ay isku-dilaan hab beeleed. 2-In dadku ay ku dhaqmaan waxyaabo aan ogoleyn Diinta Islaamka. Madaxweynaha cusub ee DDSI ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono arrimaha bulshada iyo sidoo kale sidii shacabka ay uga gudbi lahaayeen arrimaha qabaa’ilada. Arrintan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Shacabka degaankaasi, kuwaas oo aad ula dhacsan in guud ahaanba laga guuro muuqaaladii nidaamkii hore ee uu hogaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar. Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa shalay Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Ninkan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne. Gababadii Goobta uu hadalkaan ka sheegay dadkii ku sugnaa ayaa waxa ay halmar wada qaadeen Heesta’Soomaliyeey toosoo toosoo isku-tiirasadayee. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  7. Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu ansixiyay laba xeer kala ah; xeerka macdanta & shidaalka iyo xeerka sugidda amniga garoomada,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Xeerka macdanta iyo shidaalka oo ay soo diyaarisay hay’adda macdanta iyo shidaalka dowladda Puntland,ayaa qeexaya is-waafajinta maalgeshiga iyo shuruucda dalka,ilaalinta degaanka iyo ka faa’idaysiga khayraadka dihin ee ku duugan degaannada Puntland,sida ku cad war-saxaafadeedka. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xeerka sugidda amniga garoomada oo ay soo diyaarisay wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada dowladda Puntland uu dhiirri-gelinayo hagaajinta adeegyada garoomada diyaaradaha Puntland. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay xeerar cusub appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa ku tagay maanta Kormer Dekadda Muqdisho, isagoo u kuur-galay hab-sami u socodka howsha Dekadda. Khayre ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekadda, isagoo intii uu ku gudo-jiray booqashadiisa la kulmay maamulka Dekadda, Taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta Dekadda, wuxuuna ku boorriyay inay dar-dar-geliyaan shaqada, qayb weynna ka qaataan la dagaallanka Musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga Dowladda Federaalka. Dhanka kale, Dekadda Xamar oo ka mid ah ilaha ugu mumiisan ee Dowladdu ay ka hesho dhaqaalaha, ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin, iyadoo lagu guuleysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin. Sidoo kale, waxaa isbedel ballaaran lagu sameeay maamulka canshuuraha ee dekedda Muqdisho, kaddib markii lagu eedeeyay madaxii qaybtan musuq-maasuq iyo lunsi lacageed, iyadoo xabsiga la dhigay tiro mas’uuliyiin ah. Ugu dambyen, Dowladda Somalia ayaa dhawaanahan waxay dadaal weyn ugu jirtay sidii ay uga hortegi lahayd musuqmaasuq, waxaana xabsiga la dhigay toban sarkaal oo ka mid yahay madaxii canshuurta dekadda oo aan la sheegin cadadka hantida uu lunsaday. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Hawl-wadeenada Dekedda Xamar ku Boorriyay Arrin Muhiim ah appeared first on Puntland Post.
  9. How can a nation heal its myriad of wounded individuals? Somalia is a nation that suffered a lot, suffered in the times of colonialism, dictatorship, civil war, displacement, being refugees, and extremisms. Source: Hiiraan Online
  10. Somalia's first prosecution for female genital mutilation (FGM) following the death of a 10-year-old girl has run into problems because her parents will not help investigators locate the cutter, an activist said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  11. Jigjiga-[Puntland Post]-Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa amray in magaca Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu badalo “Somali State” iyo in la soo celiyo calankii hore ee ay ku jirtay xidigta Somaliweyn. Madaxweyne Mustaf waxaa uu fasaxay sidoo kale arrimaha dacaayadda iyo in maamulkiisa la dhaliilo “Dadka dacaayadda waa u fasaxan yihiin”. Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ka digay 2 arrin oo aan laga ogoleyn maamulkiisa iyo guud ahaan Itoobiya. 1. In qabaa’ilka la isku dhufto, oo ah reer hebel oo ka kac, waa la oran karaa reer hebel ayaa wax badsaday, reer heben ayaa yaa yaacaya, waxaa la oran karaa Mustafa ayaa meesha yimid oo reerkoodii ayaa yaacaya, waa la oran karaa waxaad dhib ma leh, laakin reer hebelow reer hebel ku duula, waa qalad. 2. Waxaa kale oo qalad ah, wixii diinta iyo akhlaaqda ay diideyso, sawiiro qaawan, aflagaaddo, cay noocaas ah, wixii intaas ka baxsan wax walbo waa laga hadli karaa”. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxwaynaha Cusub Ee DDSI oo sheegay In La Badalay Calanka Iyo Magaca Deegaanka appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho[Puntland Post]-Taliyihii Hore Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/weli Jaamac Gorod ayaa waxa uu maanta xilka ku wareejiyey Taliyaha Cusub Ee dhawaan uu soo magacaabaya Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Gen. Gorod oo muddo Sanad ah Xilka heynin ayaa waxa uu soo bandhigaya waxayabahii u soo qabsoomaya iyo kuwa hada dhimana isgoona Taliyaha Cusub ugu hanbalyeye xilka loo magaacabay. Hoos ka daawo xalfada xilwareejinta Cabdiqani Boos Puntland Post The post General Indha Qarshe Oo Maanta xilkii la wareegay appeared first on Puntland Post.
  13. MOGADISHU (Caasimada Online) – Two people have been killed and sveral others injured in bomb explosion in Somali capital Mogadishu. The explosion went off on Thursday near Ministry of Defense headquarters in the capital, leaving 2 people dead. The attack was reporedly aimed at targeting a vehicle carrying country’s deputy minister of defense, Abdullahi Olad Roble, according to a witness. He says Roble sustianed minor injuries from roadside bomb explosion. There no immediate claim of responsibility for the explosin, but such attacks are often carried out by Al Shabaab. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  14. MOGADISHU (Caasimada Online) – A Somali police has fired shotgun pellets at dozens of mourners on board heading to graveyard in Somali capital Mogadishu. The mourners were carrying a man’s body to a graveyard, when a soldier sprayed bullets at mourners on board in the capital, a witness said. He says a man identified as Ahmed Nour Hassan was critically injured in the shooting and died in a hospital in Mogadishu. The victim was later taken into criminal investigation departiment for further investigation. “We are preparing for burial”, relatives said. The soldier, who carried out the dreadful killing, has escaped from the crime scene. Somali security soldiers arrived at the area and launched an operation to hunt down the soldier, who ran away. No arrest has been reported yet. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  15. Hay,adda Somali Relief Network Of North America oo uu madax ka yahay Dr Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) ayaa 60 neef oo ciidul Adxa ah ku qashay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, waxayna u qaybisay 300 oo qoys oo ah qatooxiga reer Yemeneed ee ku nool magaalada Qardho. Gudoomiyaha Degmada Qardho ayaa uga mahadceliyay maamulka Hay,adda Somali Relief Network Of North America deeqda ay maanta u qeybisay qaxootiga muslimiinta ee ku nool magaalada Qardho, wuxuuna sheegay hay,addu inay deeqdan si xiriir ah gudaha dalka uga wadey laga soo bilaabo sanadkii 2015-ka, ilaa 2018. Sidoo kale Hay,adda ayaa 50 neef oo Ciidul Adxa ku qashay Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal, Iyadoona u qeybisay qoysaska danyarta ee ku nool halkaas. Daawo Sawiradda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Hay,adda Somali Relief Network oo ka qeybisay Qardho iyo Dongoroyo deeq Ciidul Adxa appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka dhashay miino lagu aasay dhinaca laamiga, taa oo wadada loo sii dhigay gaari uu la socday Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumada Kheyre. Qaraxan oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa dhacay waxyar kadib markii uu halkaasi maray C/laahi Colaad Rooble oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xiliga Qaraxa ka yimid xarunta Wasaaradda oo maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Gen. Gorod iyo Taliyaha cusub Daahir Indha qarshe. Saraakiishu waxa ay sheegen in Qaraxaasi uu ka badbaaday Wasiir ku-xigeenka iyo istaafkii la socday. Waxa ay sheegen keliya inuu ku dhintay qof shacab ahaa oo xiliga Qaraxa wadada maraayay, iyagoo intaa raaciyay in Qaraxa uu ahaa mid goobta loo sii dhigay C/laahi Colaad Rooble iyo mas’uuliyiinta la soctay. Qaraxa kadib waxaa halkaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlda oo halkaa ka qaaday Meyda qofka shacabka ahaa, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay. Dhinaca kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili maalmahaani magaalada Muqdisho ay ka caaganeed Qaraxyo waxyeelo geysta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. MOGADISHU (Caasimada Online)- Somali military says its forces fought against Al Qaeda linked Al Shabaab fighters in Marka town, some 91km southwest of Mogadishu. The fighting erupted after Al Shabaab militants launched an ambush attack on army bases manned by government soldiers in the town. A Somali military officer, Hassan Mohamud Hussein says its forces repulsed the attack launched by Al Shabaab. He confirmed four militants had been killed during the fighting. Marka, a coastal town locates some 91km southwest of Somali capital Mogadishu is under control of country’s army forces, following joint military operation earlier this week. Somali military also claimed to have killed number of Al Shabaab fighters in fighting in wednesday in the town. The militant group has lost the coastal town of Marka to Somali army forces following joint military offensive earlier this week. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Somalia ayaa goordhow rasaas ooda uga qaaday gaadiid siday Meyd xili ay kusii jeeden goobta aaska. Askariga rasaasta ku furay gaariga ayaa ku sugnaa Bar-kontorool oo ku taalla agagaarka Warshaadda Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho. Rasaasta uu furay askariga ayaa ku dhacday mid kamid ah Darawalada la socday gaadiidka Meydka gaar ahaan Ambalasta oo rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare. Rasaasta iyo dilka ayaa ka danbeysay kadib markii ay murmeen dadkii la socday meydka iyo ciidankii halkaasi joogay. Dad la socday gaadiidka lagu waday meydka ayaa waxa ay sheegeen rasaasta uu furay askariga inuu ku dhaawacmay Axmed-nuur Xasan Xuseen oo markii dambe mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Kiiska lagu dilay Axmed-nuur ayaa waxaa lagu wargeliyay xarunta dambi baarista ee CID-da, wuxuuna ahaa nin xoogiisa ku shaqeysta, islamarkaana uu ahaa 30 sano jir, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan eheladiisa. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in askarigii ka dambeeyey dilkaas ay gacanta ku dhigeyn ciidamada,isaga oo doonayey in uu goobta ka baxsado. Inta badan ciidamada dowlada oo aan waxba ka aqoon xuquuqda shacabka ay ilaalinayaan ayaa rasaas ku dhufta marka uu dhexmaro muran.
  19. MOGADISHU (Caasimada Online) – Two people have been shot and killed by unknown gunmen in Somalia’s capital Mogadishu. The victims, whose names have been released as Farah and Saney were gunned down by men armed with pistols in Dharkenlei area in the capital, according to a witness. He says the victims were brothers, adding that one of them was a government soldier. It is unclear who carried out the assassination. No group has claimed the responsibility for the killing in the capital. But, such killing are often carried out by Al Qaeda linked Al-Shabaab and Islamic State groups. Mogadishu has been witnessed orchestrated assassinations and suicide bombings, which left dozens of people dead, as some those attacks were claimed by Al-Shabaab group based in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. Sixteen people found making charcoal to sell have been charged with illegally cutting trees, as the Somaliland authorities step up a campaign to protect the environment by stopping deforestation. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Koonfur Galbeed waxey wajaheysa maalmo doorasho ah, musharaxiin badan ayaa la filaya iney isu soo tagaan hogaanka maamulka dhulkiisa ay inta badan xooga ku joogan Al Shabaab. Waxaa jira gadood iyo ganuunac qabiilada ah kuwaas oo aaminsan in Shariif uusan beel ahaan u mudneyn kursiga sidoo kale waxaa jira beelaha qaar oo aaminsan inuu yahay kaligii taliye waxaana ay qabaan in xukunkiisa lasoo afjaro. Fargeeti, Jawaari iyo Maxamed Mursal ayaa laga yaabaa iney markaan isku dhinac maraan si ay xukunka uga tuuran Shariif, sidoo kale Dowlada dhexe ayaa la filayaa iney iyaduna ku biirto dagaalka lagu saarayo Shariif Xasan Shiikh Aadan. Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle waa ku kala qeybsan yihiin in la badalo Shariifka. Hadaba doodu waxey tahay ma u baahan tahay Koonfur Galbeed in Shariif Xasan la saaro, jawaabtu waa haa marka laga tusaale qaato qaabka dhismaha ee maamulkiisa, dhaqaalaha, amiga iyo meesha mustaqbalka loo rabo Koonfur Galbeed. Shabakadda caasimadda waxay wareysatay ilaa 10 muwaadin oo waxbaratay oo reer Koonfur Galbeed ah waxaana ay sheegeen in Shariif Xasan uu si xoogan dib ugu dhigay deeganada maamulka. Siyaasiyisiintu waxa ay iyaguna ku andacoonayan in Koonfur Galbeed uu yahay maamul aanan shaqeynin oo hal nin uu jeebka ku wato. Waxaa kaloo lagu eedeeyay inuusan maamulkiisu isku taxluujin inuu deeganada maqan kasoo celiyo gacanta Al Shabaab. Sidoo kale waxaan shaqeynin inta badan xurumaha Dowlada. Waxaa loo arkaa Koonfur Galbeed maamul hal qof jeebka ugu jira oo uu gor gortan siyaasadeed ku galo mar walba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Xujey Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Xajka, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, markii shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka. Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina. Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina. Fahad Abuu Daalib Agaasimaha waaxda adeegga dadweynaha ee Xajka ayaa sheegay in meydadka Xujeyda dhintay ay ku jiri doonaan Talaagad ilaa uu ka dhamaado Xajka. Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka acmaasha Xajka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Xujay Soomaali ah oo ku geeriyootay Xajka appeared first on Puntland Post.
  23. Kooxda isku magacowday dowladda islaamiga ah ee Daacish ayaa shaacisay farriin cod ah oo ay sheegeen in laga soo duubay hogaamiyahooda Abu Bakar al-Baqdaadi. Farriintan oo ah tii ugu horreysay ee soo baxday tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii hore ayuu kula hadlayay taageerayaasha iyo xubnaha kooxdiisa ISIS. In kastoo uusan codku waqtiyeysneyn, haddana wuxuu u muuqday mid la xiriira dhacdooyin dhawaan dhacay, oo ay ka mid tahay xariga baadari Mareykan ah oo ku sugan Turkiga. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay codkiisa ayaa sheegtay in uu yiri “Mujaahidiintama guushooda ama guul darradooda kuma xirna magaalo la xaday kumana niyad jabayaan gantaallada cul culus iyo bambaanooyin casri ah oo loo adeegsado” . Kooxda Daacish ayaa lagala wareegay inta badan dhulalkii ballaarnaa ee ay ka maamuleysay waddamada Suuriya iyo Ciraaq. Sannadkii la soo dhaafay waxaa kooxdan lagu khasbay in ay ka baxaan magaalada Raqqa oo ahayd xaruntoodi ugu weyneyd ee dalka Suuriya iyo Magaalada Muusil oo ahayd halkii uu Baqdaadi uga dhawaaqay maamulka uu ku magacaabay khilaafada Islaamiga ah sannadkii 2014-kii. Baqdaadi oo madaxiisa la dul dhigay lacag dhan $25m (£19m) oo la siinayo ciddii ku sheegta nolol ama geeri ayaa dhowr jeer oo hore la soo tabiyay in la dilay ama uu dhaawacmay. Horraantii sannadkaan waxaa la sheegay in la dilay wiilkiisa oo ahaa “taliye dhinaca howl gallada kooxda ah” kaasoo sida ay warbaahinta Daacish sheegeen ku geeriyooday weerar ka dhacay gobolka Ximis ee dalka Suuriya. Dhinaca kale war bixin ay Qaramada Midoobay soo saartay billowgii bishaan ayaa lagu sheegay in tiro u dhaxeysa 20,000 ilaa 30,000 oo dagaalyahannada Daacish ah ay ku suganyihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Khaliifka Bishii Juunyo ee sannadkii 2014-kii ayey kooxda daacish markii ugu horreysay si buuxda u soo baxday awooddeeda ka dib markii ay la wareegtay magaalada Muusil waxaana isla markiiba uu af hayeen u hadlay kooxda ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay “maamulkii khilaafada Islaamka”. Maalmo yar ka dibna, al-Baqdaadi ayaa khudbadda jimcada ka jeediyay masaajidka Muusil halkaasoo uu si rasmi ah uga dhawaaqay in uu yahay “khaliifka islaamka”. ISHA BBC
  24. Ciidamada Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay wasiiro kamid ahaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar kuwaa oo laamaha amaanka ay sheegeen iney si dhuumaaleysi ahaa kusoo galeen Soomaaliland doonayayna iney kasii baxsadaan. Wasiirada xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar ee lagu qabtay hargeysa ayaa kala ah wasiirka caddaaladda Cabdi Jaamac iyo Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ibraahim Aadan Mahad oo dhanka xuduudka Wajaale kaga gudbay si qarsoodi ah, balse laamaha amaanka Soomaaliland ayaa sheegay in labada Masuul gacanta lagu dhigay iyaga oo doonayay iney gaaraan caasimada Soomaaliya. Laamaha amaanka Soomaaliland ayaa dhanka kale sheegay labada wasiir iney sheegteen iney yihiin ganacsato kasoo cararay kacdoonkii Magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed. Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii maamulka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar oo sanado xukumayay Maamulkaas, Islamarkaasina Ciidamo badan oo ka socdo Itoobiya ay la wareegeen Jig Jiga. Shalay ayaa Mustafe Cagjar ayaa Loo magacaabay Madaxweynaha Cusub ee DDSI. Mustaf ayaa la soo shaqeeyay Hay’addaha QM, gaar ahaan Hay’adda OCHA,wuxuuna kamid ahaa mucaaradka madaxweynihii Hore. PUNTLAND POST The post Wasiiro katirsanaa Maamulka DDSI oo lagu xiray Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  25. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog) oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi uga digay, in uu awood u isticmaalo soo af-jaridda jabhadda hubaysan ee ka as’aasantay gobolka Sanaag,taasoo uu hoggaamiyo Korneyl. Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo hore uga goostay militariga Somaliland. Xildhibaan xoog wuxuu xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyay, in ay shaqo ka dhigatay dig-dig iyo hanjabaad aan soconayn oo ay ku wajahayso,dadka mucaaradsan maamulka haatan ka jira Somaliland iyo sidoo kale dadka tabashooyinka qaba,halkii laga rabay in ay isu-soodhoweyn iyo xal-nabadeed wax ku raadiso,sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale xildhibaanka ayaa rajo xumo ka muujiyay xaaladda gobolka Sanaag ee ay ka as’aasantay jabhadda Caarre,isagoo sheegay in gobolku u muuqdo mid faraha ka sii baxaya, haddii aan xal laga raadin saraakiisha hoggoaaminaysa jabhadda,islamarkaana wax laga qaban tabashooyinka beelaha halkaas degaa ka qabaan maamulka Muuse Biixi. “Madaxweyne waxaan leeyahay wax walba oo ay dadku tabanayaan wax ka qabo, digdig iyo hanjabadi haddii ay wax ku soconayaan dawladdii Siyaad Barre ayaa ku socon lahayd, waxaad mooda in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu weyn dalka inuu faraha ka sii baxayo”,ayuu yiri xildhibaanku. Xildhibaan Xoog isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay” waxaan ku talin lahaa inuu Madaxweynuhu dadka nabada ehelka u ah ee Dawladda, sida Golaha Wasiiradda, Golaha Barlamaanka ee Guurti iyo Wakiilo leh iyo Axsaabta Qaranka,inuu la kaashado arintan tabashada dhinaca Ciidanku wey taagan tahay,sidoo kale waxaan leeyahay Madaxweyne, umadda adiga ayaa Madaxweyne u wada ah ee isku soo dhawee, oo ka tali wanaagooda iyo wada jirkooda” Dhinaca kale xildhibaanka ayaa ka hadlay,qabyaalad iyo eex uu sheegay in ay ka dhex jirto xukuumadda Muuse Biixi,taasoo uu ku tilmaamay sababta ugu weyn ee kala qeybisay ciidamada Somaliland,islamarkaana ay ka abuurantay jabhadda Korneyl Caarre ka as’aasay gobolka Sanaag ee la baxday Xoraynta Somaliland. “Qabyaalada oo si khaldan loo isticmaala, waa wax aad u xun, qabyaaladuna inay dadka kala fogayso mooye dadka iskuma soo dhawenayso, in Ciidanka Qabyaaladu gashana, waa wax aad fool xun. Korneeladan baxaya waxbay tabanayaan, Ciidamada oo loo baahan yahay inay mar walba isku duubnadan ma wanaagsana inay qabyaalada iyo gobolaysigu soo dhex galaan”ayuu yiri xildhibaan xoog. Jabhadda uu gobolka Sanaag ka as’aasay Korneyl.Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo ka kooban saraakiil ka goostay militariga Somaliland iyo malayshiyo-beeleed ku biiray ayaa maalmahan dambe dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadday qeybo kamid ah gobolka Sanaag,waxaana ay saraakiisha hoggaaminaya maalmo ka hor sheegeen in Puntland ay saldhigyo ciidan siisay. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo looga digay in uu awood u isticmaalo jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.