-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday kulankii u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo hoggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia kaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa waxgarad laga soo kala xulay dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin Soomaalida kuwaa oo waxbadan is weydaarsaden Ra’isul wasaaraha. Waxaa madasha kulanka ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee DDSI oo maalin un ka hor la doortay, iyadoo si wada jira looga wada hadlay sidii xal dhameystiran looga gaari lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia. Ra’isul wasaare Abiy ayaa dhinacyada uu la kulmay ka dalbaday inay u hogaansamaan awaamiirta dowlada iyo kan maamulka, waxa uuna ugu baaqay inay la imaadan qorshooyin ka duwan kan iminka laga soo gudbay. Waxa uu Abiy Axmed u sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in si wanaagsan ay ula shaqeyso maamulka, hase yeeshee dhanka dadka deegaanka laga doonaayo inay muujiyaan jilicsanaan. Abiy Axmed waxa uu Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ka dalbaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo. Sidoo kale, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa dhankooda Ra’isul wasaare Abiy ka dalbaday in mar walba ay helaan cadaalad iyo sinaanta maamulka. Waxa ay sidoo kale ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu waayay naf iyo maalba. Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo dhinacyada kulanka qeybta ka ahaa ayaa isla fahmay in si wada jira leysaga kaashto Nabada, Hormarka iyo u hogaansamida amarada maamulka iyo dowlada. HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal iyo sawirro laga soo qaaday weerarkii bishii August ee sanadkii hore ka dhacay deegaanka Bariire kaa oo ka dhashay khasaaro kala duwan. Muuqaalka iyo sawirada weerarka ayaa waxaa baahiyay Mu’asasada Alktaa’ib, garabka warbaahineed ee Al-Shabaab waxaana ka muuqda gaadiid kala nooca oo maleeshiyada ay ku qabsatay weerarka. Filimka ay baahisay maleeshiyada ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa qaabkii uu ku bilowday weerarka, sida maleeshiyada ay ku galeen gudaha xerada ciidamada iyo sida uu dagaalka uga dhex dhacay xarunta. Muuqaalkan oo la daawan karo in ka badan 30 daqiiqo ayaa waxaa lagu arkayaa qiic iyo olol ka baxaaya xerada wallow ay ciidamada xiligaa iska caawiyeen maleeshiyaadka duulaanka qaaday.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay la’ dahay midabka saxda ah ee uu leeyahay calanka Somalia. Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay hadda ku howlan tahay baadi goobka midabka calanka Somalia, waxa uuna xaqiijiyay inay adag tahay helida midabka saxda ah. Maareeye, waxa uu sheegay in meel waliba oo ay joogan Soomaalida laga isticmaalo calamo ay midabkooda kala duwan yihiin, waxa uuna tilmaamay in dhibka ugu badan ay ku qabaan shirarka caalamiga ah oo lagu arko calamo kala nooc ah. “Waxaa hadda la raadinayaa midabka saxda ah ee calanka Somalia, waxaan ku wareersanahay calamo kala duwan midabkood oo aan uga qeybgalno shirarka iyo munaasabadaha kale, waa inaanu helnaa midabka xaqiiqda ah” Xarumaha dowlada qaarkood ayuu sheegay xitaa in lagu arkaayo calamo kala midab ah, waxa uuna taa ku sheegay dhibaato xal u baahan, maadaama uu adduunka ku wareersan yahay midabka saxda ah ee calanka Somalia. Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay iminka wado qorsho ah in la helo midabka saxda ah ee Calanka,isla markaana ay jiraan shirkado tartan u galaya in ay soo helaan,dhawaana tartankaas ay Wasaaradu qaban doonto. Docda kale, Wasiir Maareeye ayaa madaxda dowlada ugu baaqay in qudhooda ay qeyb ka noqdan dhinacyada xulaaya midabka saxda ah ee Calanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jalalaqsi (PP) ─ Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Somalia, ayaa ku geeriyooday Qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada Jabuuti, waxaana qaraxan ku dhaawacmay laba askari oo kale oo ka tisranaa ciidamadii Jabuuti ee qaraxa lagu weeraray. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan, loona soo qabqabatay dhawr qofood oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weerarkan khasaaraha sababay. Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, ayaan waxaan sidoo kale ka hadlin ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka tirsan iyo sidoo kale maamulka cushb ee degmada Jalalaqsi. Jalalaqsi oo ka tisran gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hawl-gala ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, iyadoo tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo xaaladda gobolka Hiiraan uu u muuqday xilliyadii dambe mid soo hagaagaya. Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo muran aan la xallin weli uu soo dhex-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ka dhashay hadallo uu madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea oo uu dhawaan booqday. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah AMISOM oo lagu dilay Qarax ka dhacay… appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Soomaali-galbeed waxa uu saameyn ku leeyahay Siyaasada, Dhaqaalaha, Amniga, Dhaqanka, magaca, sumcada iyo Dawladnimada Soomaaliya iyo qof kasta oo Soomaali ah halka uu dunida ka joogo. Cumriga dawlad-deegaanka Soomaali-galbeed waxa uu jiraa 25 sano oo Tegree xukumaysay dalka Ethiopia, waxaana isbedelay mudadaas 12 Madaxweyne oo qaarkood joogay 4 bill kaliya, mana jirin mid dhameystay xilligiisa markii laga reebo Cabdi Maxamuud oo dhameystay 9 sano. sababtuna waxa ay aheyd Tegree oo raadinaysay qof ay is famaan oo u fuliya qorshihii ay ka rabtay Soomaaliya. 17 sano kadib markii ay ku daashay kana siib, kana saar ayey ka heshay Cabdi Maxamuud sumadihii ay raadinaysay, waxa ayna siisay kalsooni buuxda, dhaqaale iyo maleyshiya farabadan oo uu ugu fuliyo ujeedooyinkeeda. Hadaba casharada iyo fariimaha uu dirayo Qaraxa siyaasada iyo isbedelka 360 Digree wareegay mar kaliya ee ku kooban Gobalka Soomaalida maxaa sababay; 1-Dulmigii,Tacadiyadii iyo Caburintii dadka Gobalka oo xadkii dhaaftay kadibna dhalisay Qarax aan loo dul-qaadan karin, lana aamini karin mar danbe xubnihii ku jiray maamulkii Cabdi Ilay. 2-Haraadigii Tegree oo weli raba in uu ku adeegto maamulkii hore ee Jigjiga, colaadna dhex-dhigo Soomaali iyo Oromo. 3-Soomaalidii Gobalka oo Qabiil-Qabiil iyo Degaan-Deegaan loo kala qeybiyey, fitnana la dhex-dhigay, halka ay Qowmiyadaha kale mid mid yihiin. 4-Madaxweyne-yaashii soo maray Gobalka oo u badnaa hal beel markii laga reebo laba, hadana Tacadiyadii ugu badnaa ay ku dhaceen beeshaas oo isku qaadatay eedii difaaca nidaamka iyo dulmigii ugu xumaa ee ku dhaca shucuubta Geeska Afrika. 5-Halgankii ONLF oo ku soo dhamaaday mira la’aan kadib markii ay hana waayeen maamulka Gobalka ayna lumiyeen kalsoonidii dadka Gobalka. 6-Kooxaha iyo Axzaabta kale ee Gobalka oo aan abaabulnayn, diyaarna u aheen in ay buuxiyaan kaalintii maamulkii rajiimka. 7-Dawladda Federaalka oo isbedelka ay ka rabto Gobalada ku tijaabinaysa Gobalka Soomaalida, haddii ay ku guulaysatana si fudud ugu gudubto kuwa kale. Sababahaas ayaa keenay dood iyo is jiid-jiid kadib in Madaxweynaha Gobalka loo doorto Mudane Musdhafa Cagjar oo aan ka tirsanayn Xisbiyada Gobalka iyo ONLF, uuna noqday qof aan loo hayn eedo hore, laguna midoobi karo, dejina kara kacdoonka iyo guuxa Gobalka, isla maanta ayuuna bilaabay laba qodob oo saldhig u ah, Astaamaha Somaalinimada, midnimada iyo kalsoonida Somaalida Gobalka iyo rajada Soomaalida kale sida: 1-Bedelida magacyadii “Soomaalida Ethiopia” “Gobalka Ogadenia” “Kilinka 5 aad” iwm, loona bedelay “Dawlad-deegaanka Soomaaliya” “Soomaali-galbeed” “Qowmiyadda Soomaaliyeed” Iwm. 2-Calankii oo lagu soo celiyey kii ay Tegree-gu bedeshay oo lahaa astaanta Calanka iyo Xidigta 5-ta Somaaliyeed. Inkasta oo aad loo soo dhaweeyay doorashada M. Musdhafe hadana waxaa horyaal; 1-Fursado badan oo uu ku guulaysan karo sida:-dadka oo ka daalay dulmi iyo caburin una ooman nabad iyo xorriyad, kooxihii dulmiga iyo caburinta oo fashilmay, isbedelada Gobalka iyo dadka Somaaliyeed oo rabta xasiloonida Soomaali-galbeed iwm. 2-Caqado fashili kara haddii aan laga hor-tigin sida;- kooxihii dulmiga iyo caburinta oo ku jira xididada dawlada fedaraalka welina jooga Gobalada kale, Soomaali yar oo weli rabta; gobalaysi, qabiilaysi, xukun marooqsi, eex iyo qof jaclaysi iwm. Waxaa laga bartay doorashada M. Musdhafe:- 1-In uusan dulmi daa’im noqon-karin awood iyo magac kasta oo uu yeesho. 2-In halgan kasta oo aan lagu dhisin aragti dheer iyo wada sax ah uu ku dhamaado mira la’aan. 3-In Xisbi ama koox kasta ee wayda kalsoonida dadka uu ka qiima badan yahay hal qof oo kalsooni haysta. 4-In qofkii ku adkeysta mabda’ iyo Mowqif hufan oo cad ugu danbeynta lasoo raadinayo kaligiisba ha noqdee. 5-In Gobalka Soomaali-galbeed uu xuddun iyo laf-dhabar u yahay Gobalada kale ee Soomaaliya, lana qeybsanayaan guul iyo guul-daro, col iyo nabad, dhib iyo dheef iwm. W/Q:- Dr. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in Maraykanku uu ku guul darraystay in uu adeegsado wadooqooyinka dublamaasiyadeed, markii uu soo bandhigayay walaaca uu ka qabo siyaasadda dhulka ee Pretoria, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Lindiwe ayaa dareenkeeda la wadaagtay dublamaasi sare oo Maraykan ah oo ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo ku saabsan muranka sii xoogaysanaya ee labada dal ka dhaxeeya oo salka ku haya qorshaha ay Koonfur Afrika ku doonayso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah dhulka ay leeyihiin beeralayda caddaanka ah iyaga oo aan wax magdhaw laga siinaynin. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasaddaasi ay Koonfur Afrika u weecinayso jid khaldan, fariin uu Twitterka soo dhigay Trump-na wuxuu ku sheegay “in beeralayda Koonfur Afrika dhul laga qaadanayo, tiro badanna laga laynayo” Sikastaba ha ahaatee wakaaladda arrimaha beeraha ee Koonfur Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo AgriSA ayaa sheegtay in dilalka ka dhaca beeraha uu gaaray meeshii u hoosaysay muddo 24 sano ah. ISHA BBC
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa si adag uga hadlay dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. Mustaf, waxa uu sheegay in dagaalka labada Qowmiyadood uu soo laalaabtay, hase yeeshee ay ka qaadan doonaan go’aan adag oo lagu hakin doono colaadaha sii baahaya. Mustaf, waxa uu sheegay in isagu qorshihiisu uu yahay dhowrista,dhaqanka diinta iyo waxkasta oo nabada ka soo horjeeda, waxa uuna cod dheer ku sheegay in gacan bira ay ku qaban doonaan cid kasta oo Soomaalida loona arko inuu hurinaayo colaada Oromada. Waxa uu Mustaf carab ***** inuu ka shaqeyn doono mideynta Soomaalida degan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyadoo la ixtiraamayo shacabka Oromada ee deriska la ah Soomaalida. Madaxweyne Mustaf, waxa uu sigaara u sheegay inaysan ogolaan doonin in marnaba la dagaalamo,balse dadka dhaliilaya maamulkiisa uu u ogolaanayo inay keenaan aragtiyo ka duwan siyaasadiisa. “Maaha inaanu noqono kuwo mar waliba usoo jeeda colaad iyo dhiig daadin anigu ma aqbali doono dagaal ooge, waxaan doonayaa in halkii laga dagaalami lahaa laga noqdo kuwo horseed u noqda nabadda, waxaanu aqbali doonaa in maamulkeyga la dhaliilo” Sidoo kale, dagaalka u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopi ayaa ah mid waqti badan soo socday,waxaana weli ku guuleysan in xal laga gaaro dagaalkaas madaxda soo martay deegaanada. Geesta kale, Dowlada Ethiopia ayaa dhankeeda kaalin weyn ka qaadan doonta xal u helida colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Xoghaye yaasha arimaha dibeda mareykanka iyo kenya ayaa la filayaa in kulan degdeg ah ay ka yeeshan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Kulanka Xoghaye yaasha ee looga hadlaayo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa gogol xaar u ah fadhiga ay yeelan doonaan isniita madaxweynaha mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kenya Uhuuro Kenyatta. Kulanka ay yeelanayaan Michael Pompeo iyo Monica Juma ayaa looga hadlayaa waxyaabaha ay labada madaxweyne diirada saari doonaan is araga kulankooda oo ka dhacaya dalka mareykanka. Madaxweynayaasha mareykanka iyo Kenya ayaa waxay isla soo qaadi doonaan xoojinta xiriirka fog ee labada dhinac u dhaxeeya arimaha ganacsiga iyo amaanka qaarada Africa, Soo afjarida dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Shabaab laga sifeeyo dalka Kenya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya in Al-Shabaabka ku sugan Kenya lasoo afjaro iyadoo lala gali doona dagaal cirka iyo dhulka ah. Dowlada Kenya oo ciidamo nabad ilaalineed ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaal waxay kula Jirtaa kooxda Al-Shabab oo sanadihii ugu danbeeyay weeraro ka geysaneysay gudaha dalkeeda,halka maamulka Trump uu xoojiyay weerarada dhanka cirka ee kooxdaas tan iyo markii uu xilka qabtay. Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegay in uu kenya ka taageerayo dagaalka lagula Jiro kooxaha Argagixisada gaar ahaan ururka shabab. Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa dhanka kale waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo diyaarada qaran ee kenya Airweys ay bilaabi doonto bisha October ee nasoo aadan dulimaad toos ah oo ay ku tageyso Nairobi iyo Newyork,kadib heshiis labada dowladood ay gaareen. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa maanta lagu wadaa inuu bilaabo la kulanka 1,000 qof oo Soomaalida kasoo jeeda dhulka Soomaalida. Abiye Axmed waxa uu si gaar ah ula kulmayaa hoggaanka siyaasadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo ay wehlin doonaan waxgarad iyo dhalinyaro lasoo xuli doono. Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dadka uu la kulmayo waxa ay iminkaba ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxaana laga soo uruuriyey deegaannada Soomaalidu degto ee Ethiopia. Dowlada Ethiopia ma aysan sheegin waxyaabaha uu kala hadlayo Abiy Axmed Soomaalida, balse waxaa la fahansan yahay inay la xiriirto xaalada iyo isbeddellada ka socda Dowlad deegaanka Soomaaliada Ethiopia. Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maalmo kahor ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi. Arrintan waxa ay imaaneysaa iyadoo Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ay maalin un kahor Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Thirty five Ethiopians have been returned to their country after completing their one month jail sentence at the Wajir prison, where they were being held after being found in Kenya illegally. Source: Hiiraan Online
-
Know anyone who decided to study teaching or art for the money? Didn't think so. TIME, using data from work done by the Georgetown University Center on Education and the Workforce, entitled "What's It Worth: The Economic Value of College Majors", report some of the lowest earning majors an undergrad can pursue. (For more, see: The Declining Value of a College Degree.) Source: Hiiraan Online
-
On August 14, Ilhan Omar, a five-foot-tall Somali immigrant who moved to the United States from a refugee camp when she was 12, became the second Muslim woman to win a major party primary in a federal election. Source: Hiiraan Online
-
One afternoon in 1993, as Carolyn Treadway looked out through her house window, she caught the sight of a woman in a traditional Islamic garment practicing parallel parking between mobile cones beside Faribault's Central Park. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis city leaders and residents came together Thursday to mark the opening of Samatar Crossing — a former freeway ramp converted into a crossing for pedestrians and bicycles and connecting downtown with the city’s Cedar-Riverside neighborhood. Source: Hiiraan Online
-
Australia appears set to get its sixth change of prime minister in 11 years on Friday in a ballot of government lawmakers which would continue an era of extraordinary political instability. Source: Hiiraan Online
-
In general, my intellectual curiosity has been the source of my political awakening that led me to focus upon the role of human fallacy in the business of governance. Provocative and compelling readings and Source: Hiiraan Online
-
Ipsos Synovate lead researcher Tom Wolf has responded to Kirinyaga Governor Anne Waiguru’s threats to sue the research firm following its recent survey which listed the former Cabinet Secretary for Devolution among the most corrupt political leaders in the country. Source: Hiiraan Online