-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Garoowe ka soconaya shir deg deg ah oo ay leeyihiin Madaxweynaha Maamulka puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo xubnaha ka tirsan Golaha wasiirada ee Maamulkaasi. Warar qaar ayaa sheegaya in kulan looga hadlayo shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo iyo khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe Waxa jira warar sheegaya in Golaha Wasiirrada Puntland ay ku kala aragti duwanyihiin War-Murtiyeedka shirkii Kismaayo. Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa isugu yeeray Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu ka dhaadhicinayaa mowqifka Puntland ka qaadatay dowladda Federaalka ah. Waxaa sidoo kale jira in Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Camey ka biya diiday natiijada Shirkii Kismaayo,waxaana uu sheegay in Puntland aysan raalli ka ahayn waxa ka soo baxay Kismaayo. Kulanka Golaha Wasiirrada oo ay ka qeybgelayaan Madaxwenaha iyo ku xigeenkiisa kala aragtida ah ayaa isha lagu hayaa war-murtiyeedka ay ka soo saarayaan shirka marka uu dhamaado kaddib. Sidoo kale Waxaa kulan lagu falanqeynayaa xaaladda gobolka Sool iyo qodobo kale. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – The top United Nations official for Somalia has encouraged the country’s authorities to proceed quickly with the ratification of a treaty safe-guarding and promoting the rights of people with disabilities. Currently, Somalia has no national or legal policy framework regarding people with disabilities, however, the federal government recently announced that it would sign the International Convention on the Rights of Persons with Disabilities. “Somalia has agreed to sign the Convention, so the next step is to get the legislation passed and part of my purpose is to recognize that step and to encourage the government of Somalia to pass the law,” said the Secretary-General’s Special Representative to Somalia, Michael Keating. The UN official made the comments in the capital, Mogadishu, on Sunday, while visiting the Al Noor School for the Blind, one of the few education institutions established for persons with disabilities in Somalia. The Convention is an international treaty that articulates the rights of persons with disabilities. Specifically, countries that become parties to it agree to promote, protect and ensure the full and equal enjoyment of all human rights and fundamental freedoms by all persons with disabilities, and to promote respect for their inherent dignity. Despite a lack of precise information on the number of people with disabilities in Somalia, experts estimate that the number is higher than the global average estimate of 15 per cent as a result of the country’s long period of conflict, poverty and lack of access to health care. Started 13 years ago, the Al Noor School for the Blind currently offers intermediate and secondary education to more than 140 students from the capital and around the country. Subjects taught at the institution include mathematics, languages (English, Arabic and Somali), Islamic studies, computer and social studies. Provisions for schools needed Mr. Keating, who also heads the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), mingled with the students during his visit, and noted the importance of the government making provision for funding such schools, as well as the need to create job opportunities for them. He highlighted that Somalis with disabilities form a crucial part of society, and that there is need for their inclusion in the political, social and economic affairs of the country. “I was talking to another colleague who was working here and they said the priority should be to make sure that political parties include in their rules support for people living with disabilities,” Mr. Keating said. “Similarly, it would be great if we had MPs, both at the federal level and around the country, so that they can represent those, whether they’re blind or have other forms of disability, who have basic needs and deserve support and want to be full members of Somali society, so that they [the MPs] can act on their behalf.” The school’s deputy director, Ibrahim Abdullahi Mohamed, who showed the UN envoy around the campus, expressed appreciation for the support shown for the school’s efforts, noting that it faced numerous challenges and needed aid. “The school lacks equipment like the braille, which is expensive and not available in the local market,” he said, adding that staff also required training to stay up-to-date with the latest technological developments for aiding blind people. The UN Special Representative shared the school administrator’s view. “I am full of admiration for the work that the teachers and the school are doing, but clearly much more support is needed, and these very enterprising students need help and the school needs help,” the UN Special Representative said. “It’s great that this is happening but we need to do much, much more.” “[It’s] tough,” he added, “because there isn’t a lot of money around, but I hope that if the government makes this a priority then the international community will also be supportive.”
-
MOGADISHU (Caasimada Online) -Turkey has strongly condemned deadly suicide attack at local government office in Somali capital Mogadishu, leaving 10 people dead. The blast targeted Mogadishu’s Hodan district headquarters in the capital, according to police officer, Mohamed Hussein. “We have learnt with great sorrow the terrorist attack perpatrated in Mogadishu, resulting in numerous deaths and the injury of many others”, said in a statement by Turkey’s Foreign Ministry. “We strongly condemn this treacherous attack that aims to undermine the stability of Somalia”. The statement added that Turkey wished God’s mercy upon those who lost their lives, and a speedy recovery to the wounded and convey its condolences to the government and the people of Somalia. The Al Qaeda linked Al Shabaab claimed the responsibility for the blast through its website. Al Shabaab – which is fighting to topple the government and establish its own rule based on its interpretation of Islamic law – said it was behind the attack. Last week, six people were killed and 18 others, including six children injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government office in Somali capital Mogadishu. The group has been waging insurgency for more than 10 years in Somalia. The Islamist militant group has frequently carry out attacks in the capital and other areas since the army, backed by African peacekeepers, pushed it out of the capital in 2011. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Dabley hubeysan ayaa goordhow shaqaale dowladeed ku dishay xaafadda KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Marxuum Cumar Xasan Ganey waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in raggii dilayna ay baxsadeen. Faah-faahinta kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhristateen warbixinadeenii hore, Taliyaha Nabadusgidda Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu eedeeyey inuu musuq maasuq xooggan ku sameenayo tartanka loogu jiro booska Xildhibaano ee uu isaga baneeyey. Taliyaha ayaa lagu eedeeyey inuu booskaas la rabo nin la dhashay oo lagu magacaabo Sayid Cali Cismaan isagoo arrintaas u marayo guddiga doorashooyinka iyo Suldaanka Beesha Galadi gaar ahaan lafta Habadhaale. Cabdullaahi Cumar Xalwo oo ahaa musharax booskaas dartiisa uga imaaday dalka Debadiisa ayaa laga hor istaagay inuu isku soo sharaxo booskaas. Muuqaal lagu faafiyey baraha Bulshada ayuu Cabdullaahi ku sheegay inuu debadda uga imaaday si uu ugu tartamo booskaas xilli uu aad u yaraa waqtiga loo qabtay dadka isi soo sharaxi karo. Cabdullaahi ayaa sheegay inuu si deg deg ah u maray Waraaqda dambi baarista oo aheyd mid kamid ah shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta kadibna wuxuu tilmaamay inuu si toos ah u tagay xarunta guddigga doorashooyinka madax banaan oo lagu diiwaangelinayey musharixiinta u tartameyso booska uu baneeyey taliyaha nabadsugidda Xuseen. Wuxuu sheegay inuu lacagta diiwaangelinta oo aheyd 5000 oo Dollar uu ku waday gacanta balse loo sheegay inay tahay inuu kusoo shubo Bankiga haddii uu irridda ka baxana aan laga qaban doonin waraaqaha. Cabdullaahi ayaa tilmaamay inuu ugu dambeyn qaatay go’aan ah inuu lacagta kusoo shubo Bankiga balse nasiib darri loo sheegay markuu xafiiska tagay in waqtiga daawangelinta ay ku ekeyd Hal saac ka hor waqtigaasna ay aheyd Tuban Saac oo galabnimo m Cabdullaahi ayaa kiiskaas ku eedeeyey inuu ka dambeeyo Taliyaha Nabadsugidda Qaranka oo garab ka helayo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin. Sidoo kale wuxuu sheegay in Suldaanka Beeshiisa uu soo qortay dad aan aheyn odayaashii loogu talagalay inay coddeeyaan arrintaasna ay tahay musuq maasuq xooggan. Arrinta yaabka leh ee uu sheegay ayaa aheyd in Saldaanka Beesha iyo Taliyaha Nabadsugidda inay wada dhasheyn isla markaasna uu isaga markii horaba ka shaqeeyey inuu booskaas qabto. Ugu dambeyntii Cabdullaahi ayaa sheegay inuu hadda dib ugu laabtay halkii uu ka imaaday isla markaasna uu Taliyaha Nabadsugidda ka hor istaagay inuu booskaas isku soo sharaxo. Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka sheekadadan yaabka leh: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
11/9/2001-dii: Maalintaas 19 Dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline dulimaad-ka 11-aad ayaa dhex gashay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkii 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaas. Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington. Halkaas waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay. Dhacdooyin muhiim ah ka hor 11/09/2001: Inta aanay dhicin dhacdadan 11/9/2011, waxaa jira dhowr taariikh oo xiriir toos ah la leh arrinkan. Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa awoodda dunida isku qabsaday, Mudadada dagaal-kii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed. 1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa. 1996-dii: Waa markii Binu Ladin tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikirk-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii. 26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen Kabul, Kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika. 7 August 1998: weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam Dunida Maxaa Ka Dhacay Kadib September 11, 2001-dii? 20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaas ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”. 7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September. Dhankan iyo Soomaaliya: Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in hogaamiye kooxeedkii sameeyaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo qaar islaamiyiinta ka tirsan loo gacan galiyay dowladda Mareykanaka. 18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group ragan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan aragigixisada. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen. February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Al-shabaab liis-ka kooxaha argagixsada. 1-da May 2008-dii Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah Dhuuso-Mareeb ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow. 10 Febraayo 2012: Al-shaab oo ku biiray Al-qaacida sida uu sheegay Ayman El-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Al-qaacida. 6-dii June 2012, Mareykanka oo lacag dul dhigay ciddii soo sheega xogta Hogaamiya Al-shabaab Axmed Godane, Mareykanka ayaa madaxiisa dul digay ilaa $7-million (5.35-million-euro). 1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada. 28 March 2014: Obama Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo. Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada. 1 September 2014: Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyhii Al-shabaab Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.) Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, iyada oo maalin walba sii xoogeysanayo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Islaamiyiinta. Dagaalka loogu yeero ladagaalanka argigixisada waxaa uu ka socdaa Soomaaliya, Mareykanka waxaa ay saldhig ku leeyihiin Balli-doogle, Shabeellada hoose, waxaa ay sanadkii geysteen ilaa 35 duqeyn halka sanad ay 20 gaarayaan.
-
Qaahira (Caasimadda Online) – Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Talaado ah Qaahira ku yeelanaya kulankooda 150-aad ayaa lagu wadaa in ay kaga hadlaan Xaaladda Soomaaliya. Waxa ay sigaar ah Diiradda ugu saarayaan kulankooda sidii Kaalmo iyo Garab loo siin lahaa Soomaaliya, gaar ahaan Dhinacyada Dib udhista Dalka, Ciidamada, Qabyo tirka Dastuurka iyo Dhaqaalaha. Qodobadda ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doono Shirka waxaa ka mid ah Siyaasadda,Ammaanka ,Sal dhigidda Dastuurka, Nidaamka Xisbiyada Siyaasadda, Kobaca Dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta Ciidamada Soomaalida. Waxaa sidoo kale lagu waddaa in qaar ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta ay ku dhawaaqaan in ay Cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu waddaa in uu Shirkaasi ka qeyb galo, islamarkaana uu ka jeedo Khudbadiisa. kulankaan oo ah mid aan horay loosii shaacin ayay isugu tagi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta. Xubnaha Shirka lagu marti qaaday waxaa kamid ah Bankiga iyo Sanduuqa Lacagta ee Jaamacadda Carabta si deg deg loogu fuliyo Ballanqaadyada kasoo baxa Fadhiga. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Kulan oo ka mida xisbiyada dalka ka jira ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si khaldan magaciisa loogu adeegsado war-saxaafadeedyada ay soo saaraan xisbiyo iyo kutlad mucaarad ah. Qoraalka Xisbiga Kulan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xisbiga Cismaan Xasan Cilmi ayaa lagu sheegay in xisbiga uu mowqif dhexdhexaad aamisan yahay, isla markaana aanu la qabin kooxaha iyo xisbiyada soo saaray war-saxaafadeedka ay ku taageereen shirkii Kismaay. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
11/9/2001-dii: Maalintaas 19 Dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline dulimaad-ka 11-aad ayaa dhex gashay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkii 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaas. Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington. Halkaas waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay. Dhacdooyin muhiim ah ka hor 11/09/2001: Inta aanay dhicin dhacdadan 11/9/2011, waxaa jira dhowr taariikh oo xiriir toos ah la leh arrinkan. Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa awoodda dunida isku qabsaday, Mudadada dagaal-kii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed. 1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa. 1996-dii: Waa markii Binu Ladin tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikirk-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii. 26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen Kabul, Kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika. 7 August 1998: weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam Dunida Maxaa Ka Dhacay Kadib September 11, 2001-dii? 20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaas ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”. 7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September. Dhankan iyo Soomaaliya: Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in hogaamiye kooxeedkii sameeyaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo qaar islaamiyiinta ka tirsan loo gacan galiyay dowladda Mareykanaka. 18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group ragan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan aragigixisada. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen. February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Al-shabaab liis-ka kooxaha argagixsada. 1-da May 2008-dii Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah Dhuuso-Mareeb ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow. 10 Febraayo 2012: Al-shaab oo ku biiray Al-qaacida sida uu sheegay Ayman El-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Al-qaacida. 6-dii June 2012, Mareykanka oo lacag dul dhigay ciddii soo sheega xogta Hogaamiya Al-shabaab Axmed Godane, Mareykanka ayaa madaxiisa dul digay ilaa $7-million (5.35-million-euro). 1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada. 28 March 2014: Obama Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo. Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada. 1 September 2014: Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyhii Al-shabaab Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.) Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, iyada oo maalin walba sii xoogeysanayo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Islaamiyiinta. Dagaalka loogu yeero ladagaalanka argigixisada waxaa uu ka socdaa Soomaaliya, Mareykanka waxaa ay saldhig ku leeyihiin Balli-doogle, Shabeellada hoose, waxaa ay sanadkii geysteen ilaa 35 duqeyn halka sanad ay 20 gaarayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo madaxtooyada maamulka kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay shirka Golaha Iskaashiga uu yahay mid ka duwan kuwii hore. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ka laabteen go’aano ay horay u gaareen, balse iminka ay adkaan doonto dib uga laabashada go’aanka. Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay si ku tallo gal ah uga meermeereyso xaqiiqda, hase yeeshee waxa uu cadeeyay in iyaguna ay ka meermeeri doonaan wixii jira. Wuxuu sheegay Hogaamiyaha inay dhici karto isku soo dhawaanshi, balse ay ku imaankarto waddo xalaal ah oo aan laga weecan doonin. Waxa uu carab ***** in isku soo dhawaanshaha ay ku imaankarto keliya dowlada Somalia oo qirato khaladaadka ay ku heyso maamulada, sida uu hadalka u dhigay mar uu la kulmay qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka. “Maamuladu waxa ay gaaren go’aan aan dib loogu noqon doonin, isku soo dhawaanshaha dowlada iyo maamulada waxa uu imaan karaa keliya marka ay dowlada dhexe qirato dhibta ay nagu heyso hadii aynu nahay maamulada” Waxa uu sheegay inuusan garankarin si ay kula shaqeeyan dowlad aan la dhaqmeynin maamulada hoosta, sida uu yiri waxa uuna untaa ku daray in madaxda dalka laga doonaayo inay wanaajiyaan siyaasada ay ku dhaqmayaan. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa arin adag ku sheegay in maamulada ay muujiyaan tanaasul, waxa uuna carab ***** in dhibta ugu horeysa oo ay kala kulmayaan dowlada ay tahay faragalin dhanka doorashada ah. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal go’aanada adag ee kasoo baxay shirka Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada ee kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid xidig oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku turxan bixiyay heerka uu wali gaarsiisan yahay musuqa ka jira dalka. Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in musuqa uu wali yahay mid ka dhex jira xarumaha dowlada, isla markaana dowlada Somalia gaar ahaan Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka laga doonaayo inay dhexda u xirtaan xaqiiqda isla markaana baaritaankooda ku beegsadan dadka waaweyn, sida uu ku cadeeyay qoraalka. Xildhibaan Xidig waxa uu qoraalkiisa Facebook ku sheegay in dowlada Somalia ay baaritaanka ku heyso dadka masaakiinta ah ee xaday waxa yar balse aysan arag kuwa boorsada isugu dhiiba goobaha mugdiga ah. Waxa uu tilmaamay in Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka laga doonaayo in baaritaankooda la dagaalanka musuqa ay ku bartilmaansadan mas’uuliyiinta waaweyn. HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka iyo Kuwa heer Dowlad Goboled iyagoo gudanaya waajibaadka ay u xilsaaran yihin waxaa looga baahan yahay inay sameyan baadhitaan degdeg ah, Xidhaana dhamaan xisaabaha socda ee qeyb ka noqda tuhunka abuuran: Sidoo kale waa inay Shaqo joojina ku sameyan shakhsi kasta oo ay lugta la gasho Masuuliyad kasta oo uu hayo her federaal iyo. Mid Dowlad Goboleed taasi waxay fududeyneysaa in la sameyo baadhitaan la,aamini karo: Hanti dhowrka iyo xeer ilaalinta waxaa looga baahan yahay inay Qabtaan Atoorayasha xisaabaha waaweyn ay ku Maqan yihin, maaha masakinta Digaaga xaday kaliya in sharciga lagu fuliyo: Waxaa cad inay jirto dhaqaale Qaran oo la lunsaday waxaana cadeyn u ah in laysku injury waxa la kala qaatay waana in laga daba tagaa meelaha la dhigtay xisabaha maqan iyadoo lala kaashanaayo Booliska Adunka ee (Interpol): Kiiskan ma noqon doono mid si fudud looga gudbo, Bulshada soomaaliyeed siiba dhalinyarada waxan ugu baaqayaa inay doorka kaga Aadan ka qaataan, Dhaqaalaha boorsada leysugu dhiibay xili mugdi ah ee aan la marinin Account iyo bank transfer toona waxay shaqo u abuuri kartay boqolaal dhalinyaro ah , Waxay dhisi kartay Isbitaalo, iskuulo sidoo kale waxaa Mushar loo sin lahaa Ciidamada Amniga ee Gobolada oo madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyadu sheegeen inaysan mudo dheer mushaar qaadanin: Xaqii ayaa feedhaha ka dilaacay:
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa ka hadashay toogasho lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in la baadi-goobayay in muddo ah. Sarkaalkan ayey dowlada Somalia sheegtay in maleeshiyada Al-Shabaab uu u qaabilsanaa degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Sarkaalkan ayaa la tilmaamay inuu ka danbeeyay weeraro dhowr ah oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo ay ku nafwaayen shacab badan. Afhayeenka Taliska ciidamada Booliska Somalia Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Abuukar Xasan Cadde. Sarkaalkan lagu magacaabo Abuukar Xasan Cadde, ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada dowlada ka fuliyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee Gobolka Banaadir. Waxaa uu sheegay in Abuukar uu ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana uu la shaqeynayay rag horay qaar loo dilay kuwana loo xiray. Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Abuukar Xasan Cadde, Ciise Tarabuun oo xiran iyo Jacfar Kuukay oo horay loo dilay ay wada shaqeynayeen kana tirsanaayeen amniyaadka Al-Shabaab. Geesta kale, Al-Shabaab ayaan ka hadal dilka loo geystay Sarkaalkan la sheegay in miisaan weyn uu ku dhex lahaa Kooxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
By resolution 289 (IV) of 21 November 1949 of the General Assembly of the United Nations it was provided that Somalia should become independent sovereign State after a ten-year trusteeship under Italian administration. The Trusteeship Agreement provided no clear indications as to whether the Administering Authority was expected to prepare .... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa aad loo adkeeyay guud ahaan amniga Xarumaha degmooyinka Gobolka Banadir kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday degmooyinka qaar. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa todobaadkan iyo midkii ka horeeyay weeraro ismiidaamin ah ku qaday xarumaha degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag. Qaar kamid ah xarumaha Degmooyinka ayaa saacadihii ugu danbeeyay la sheegay in la dhigay dhagaxaan iyo biro waa weyn, halka qaarna la jaray wadooyinka gala. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarumaha geeyay ciidamo dheeri ah kuwaa oo ku jira feejignaan dhanka ammaanka ah. Sidoo kale, waxaa yaraaday dadka shacabka ahaa ee adeegga u doonan jiray xarumaha degmooyinka iyaga oo ka cabsi qaba weeraro ka dhaca xarumaha. Weerarkii labaad oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu todobaad gudihiisa shalay ka dhacay xarunta degmada Hodan, halka weerarkii hore uu ka dhacay degmada Howlwadaag. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraradooda ugu badan ka geysta goobaha ay ku kulmaan dadka shacabka ah, waxa ayna taasi mugdi galisay ujeedada dagaal ee Kooxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The United States is "gravely concerned" by reports of excessive force used by Uganda's security forces against lawmakers and journalists in the northwestern town of Arua, a State Department official said on Monday after the country's opposition called on Washington to suspend military support to Kampala. Source: Hiiraan Online
-
The large number of young people in the Northeast need opportunities to be self-reliant instead of looking for scarce white collar jobs, the Aga Khan Foundation has said. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa wada raadinta rag hubeysan oo la sheegay in deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen ku dhowaan Shan nin oo ka shaqeynayey shidista dhuxusha. C/fitaax Axmed Aadan, taliyaha saldhigga Booliiska ee Buula-gaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo ballaaran. Wuxuu sheegay in ragga falkaasi ka dambeeyey ay uga shakisan yihiin iney ka tirsan yihiin Al-shabaab balse ay dib ka baari doonaan. Lama oga cidda ka dambeysay raggan ka shaqeynayey dhuxusha iyo sidoo kale sababta loo diley. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Taliyaha-Booliska-ee-degaanka-bula-gaduud-ee-mamulka-jubaland-Cabdifataax-Axmed-Aadan-Oo-Ka-Warramaya-Niman-dhuxulay-ah-oo-la-dilay-qaarkoodna-la-afduubaty-goobjoog-fm.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirka Kismaayo yihiin kuwo aanay shaqo ku lahayn shacabka ku dhaqan deegaannada ay maamulaan madaxdii go’aanka soo saartay. Waxa uu sheegay in ay arrintan ay u arkaan iney tahay mid lagu doonayo in dalka lagu hagardaamiyo, islamarkaana dano kale laga leeyahay. Guddoomiye Casir ayaa sidoo kale sheegay in xilligan aan loo baahneyn Khilaaf loona baahan yahay midnimo. “Madaxda Soomaaliyeed ee qaranka waxaan u cadeneynaa go’aamada shirkii Kismaayo aanay matali karin mabaadii’da iyo masiirka shacabka Soomaaliyeed, waxa kasoo baxay shirkaasi waa aragti daciif ah” ayuu yiri guddoomiye Casir. Waxaa soo ifbaxay khilaaf u muuqda inuu ka dhashay go’aankii ay madaxda dowlad goboleedyada ku gaareen magaalada Kismaayo kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
As the African Union Mission in Somalia (AMISOM) prepares to implement the planned phased withdrawal of more than 21,000 troops fighting militant groups, including al-Shabab and the Islamic State in Somalia, some experts are concerned that the country may not be prepared to take on the task in the face of growing political divisions and lack of military equipment and training. Source: Hiiraan Online
-
Washington will sanction and prosecute ICC judges who open an investigation into US war crimes in Afghanistan, said a top official. In November, the ICC chief prosecutor requested a probe into criminal action by the US. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Jariirada Caanka ah ee Al-Sharqi ayaa wareysi la yeelatay Falanqeeyaha Soomaaliyeed Cali Jabril Al- Kuti kaasoo ku takhasusay arrimaha Africa iyo Badaha. Cali ayaa banaanka soo dhigay sababta ay Imaaraadka Carabta u joogto dalka Soomaaliya isagoo caddeeyey inay ujeedka ugu weyn oo ay ka leedahay Geeska Africa uu yahay sidii ay u qalqal gelin laheyd danaha ay Qatar iyo Turkiga ka leeyihiin Somalia. Wuxuu Cali sheegay in Imaaraadka ay arrintaas u adeegsanayaan calooshood u shaqeystayaal ka tirsan Blackwater si ay u ilaaliyaan danaha Imaaraadka ee Soomaaliya. Cali ayaa wareysiga uu siiyey Al-Sharqi ku sheegay inay Imaaraadka Carabta hubeysay qaar ka tirsan qabaa’ilada Soomaaliya si ay u dumiyaan dowladda Dhexe. Cali ayaa sidoo kale tilmaamay in xiritaankii Isbitaalka Zayid ee Magaalada Muqdisho uu muujiyey xaqiiqda kaalinta ay Imaaraadka Carabta ka cayaareyso Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay aad ugu dhowdahay inay la safato Qatar marka loo fiiriyo dhibaatada ka taagan Khaliijka. Wuxuu intaas ku daray in Maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ka wado yahay mid been ah oo aan waxba ka jirin loogana gol leeyahay sidoo loo xayiri lahaa Mashaariicda ay Turkiga ka wado Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u sheegay inay Imaaraadka Taabatay horumarka ay Ingineerada Turkiga ka wadaan Dekadaha Soomaaliya gaar ahaan midda Muqdisho maadaama ay Imaaraadka aaminsan tahay in dakadaheeda ay hoos u dhac sameyn doonaan haddii kuwa Soomaaliya la hormariyo. Falanqeeye Cali ayaa tilmaamay inay Imaaraadka dooneyso kala qeybinta Soomaaliya iyadoo loo marayo maamul Goboleedyada sidoo kalana ay wado daciifinta dowladda Dhexe. Wuxuu ku dooday Imaaraadka inaysan dooneyn inay dhisto kaabayaasha dhaqaale ee Dowladda dhexe taas badalkeedana ay ka shaqeeneyso sidii la isaga horkeeni lahaa dowladda Shacabka Soomaaliyeed. Mar wax laga waydiiyey ujeedka ay Imaaraadka Carabta ka leedahay hubeynta Qabiilada Soomaaliya ayuu ku sheegay inay arrintaas kaga dayineyso gumeystayaashii hore oo fahansanaa in Soomaaliya meesha kaliya ee la isaga hor keeni karo ay tahay in Qabiilada la hubeeyo isla markaasna loo adeegsado duminta dowladda. Wuxuu Imaaraadka ku eedeeyey inay marmarsiiyo ka dhiganeyso inay ciidamadaas u tababareyso dowladda Soomaaliya taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu qaldayo Ra’yul Caamka. Ugu dambeyntii wuxuu xusay inay Imaarad Carabta ay ka shaqeeneyso sidii ay Soomaaliya uga go’i laheyd Maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sabtidii ayaa madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya waxay kulankii uga socday Kismaayo ka soo saareen war-murtiyeed ay xiriirka ugu jareen dawladda Soomaaliya. Isla markiiba waxaa arrintaas ganafka ku dhuftay madaxweyne ku xigeennada laba ka mid ah maamul-goboleedyadaas – Puntland iyo Galmudug. Maantana furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya waxaa hadallo ka jeediyey guddoomiyeyaasha baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxayna sheegeen inay la shaqaynayaan dawladda federaalka. Haddaba, qormadan waxaan ku eegeynaa cawaaqibka ka dhashay go’aanka ay madaxda maamul goboleedyadu kaga dhawaaqeen Kismaayo, iyo waxyaabaha uu dibadda soo dhigay. Dhaqanka maamul goboleedyada ee xiriir u jaridda dawladda Dhowr goor oo hore ayey siyaabo kala duwan isugu dheceen maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya. Mar walba oo ay si gooni gooni ah isugu dhacaanna waxaa soo yeeraysay in “maamul goboleed hebel uu xiriirka u jaray dawladda”. Go’aankan ugu dambeeyey ee ay Kismaayo kaga dhawaaqeen waa in ay cududdooda mideeyeen. Khilaaf ka dhex jira maamul goboleedyada gudahooda oo dibadda u soo baxay Xiisaddan waxay dibadda u soo bixisay khilaafaad bulshada ka qarsoonaa iyo kuwo la mooday in la xalliyey. Ma ahayn arrin aan la biciidsan karin inuu hadlo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isaga iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkiisa ay weli ku kacsan yihiin madaxweynahooda. Laakin waxaa arrintooda sii cusleeyey, oo mug iyo miisaan u sii yeelay, madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar Camey, oo isna ka hor yimid markii ugu horraysay go’aan uu garwadeen ka yahay madaxweynihiisa. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka iyo Soomaaliya wuxuu qabaa in go’aanka Kismaayo ka soo baxay uu dibadda soo dhigay “khilaaf naga qarsoonaa oo beesha caalamku ay isku haysay. Dhinaca kale, wuxuu dibadda soo dhigay khilaaf maamul goboleedyada qudhooda – iyagana dhex yaalla, qaarkoodna madaxweyneyaashooda iyo ku xigeennadooda dhex yaalla”. Dawladda ma laba wajiileynaysaa? Qoraal uu galinkii dambe ee isla Sabtidii soo saaray madaxweynaha Soomaliya ayuu madaxda maamullada ugu yeeray “shir wadatashi” oo ka dhacaya Muqdisho 17-18 Siteembar. Baaqaas waxaa loo arkay dhiig joojin iyo in uu u taagan yahay maslaxad raadin, si ay labada dhinac isugu soo dhowaadaan. Laba maalmood ka dib, Isniintii 10 Siteembar, waxaa kalfadhiga baarlamaanka wadashaqayn ay dawladda federaalka la yeelanayaan ka hor jeediyey labada guddoomiye baarlamaan ee Hirshabeelle iyo Galmudug. Waxaa kale oo wararku ay sheegayaan in saacadahaas garoonka dayaaradaha ee Muqdisho laga celiyey weriyeyaal doonayey in ay soo tabiyaan imaatinka madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle oo ka soo laabtay Kismaayo. “Go’aanka madaxweynaha ee ah in shir la isugu yimaado 17-18 Siteembar waa go’aan dhiig joojin ah sidii ku haboonaydna ah. Dhanka kale marka la fiiriyana waxa soo baxaya laba arrimood oo ah in dawladdu ay laba gacmaynayso – marna ay shir ugu yeertay madaxda, marna ay guddoomiyeyaasha baarlamannada casumayaan, ku xigeennadii qaarkoodna ay ka hadalsiiyeen” ayuu yiri Dr Bursaliid. Laakinse maamul goboleedyada qudhooda ayuu u arkaa in ay “ka badbadiyeen. Mar hadday shan maalmood fadhiyeen, oo war-murtriyeed ay soo saareen, inay intaas uga haraan ayey ahayd ee ma ahayn in nin walba uu si jeesjees ah u hadlo, ama shaqsiyaad la magacaabo” ayuu sii raaciyey. Nidaamka federaalka ah miyaa wax-saarka leh? Tan iyo intii ay Soomaaliya ka baxday ku-meel-gaarka, ee la qaatay nidaamka federaalka muddo 6 sano laga joogo, dad badan oo wax indha-indheeya waxay aad uga dardaar werinayeen in nidaamkaas uusan la jaan qaadi karin hanaanka dawliga ah ee Soomaaliya lagu dhaqi karo. Sababta waxaa lagu sheegay in nidaamkan loogu tala galay in uu isku hayo dad kala isir, diin, af iyo dhaqan ah. Laakinse dad kale ayaa qaba in marba haddii wax qaybsiga siyaasadda ee Soomaaliya lagu saleeyey 4.5, in la federaaleyn karo nidaamka dawliga ah, si uu federaalku damaanad ugu noqdo wax wada qaybsiga. Taasi waxay keentay in meelna loo socon waayo, shuruuc badan iyo qorsheyaal badan oo la meel marin lahaa ay hirgali waayaan ama gaabis noqdaan, awoodihii isku ekaadaan, xagal daac uu ku yimaado qabyo-qoraalka dastuurka. Dr Ibraahim farax Bursaliid wuxuuqabaa in “dawladdu waxay rabto ay iska samayso oo aan la tashi badan la gelinin maamullada”. Doorashooyinka Maamul-goboleedyada Dhan kale ayuu arrinta ka eegay Dr Bursaliid, wuxuuna leeyahay “waxay ku soo aadday xilli doorasho oo seddex maamul oo ka mid ah shanta maamul ee meesha ku shiray ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin, sidaa darteedna ay muhiim la noqotay in ay rux-ruxdaan xukuumadda iyo ciddii kale ee ay dhega-nuglaan kaga heli karaan”. Isla arrimaha doorashooyinka maamul goboleedyada ayuu ku sii dheeraaday Dr Bursaliid, wuxuuna iftiimiyey arrin ku saabsan kalsoonida ay madaxda maamulladu ku qabaan inay doorashooyinka ku guulaystaan. “Qodob kale ayaa ah in la is raad-raadsanayo, oo madaxda qaarkood rajadii ay ka lahaayeen dadka soo dooran lahaa ay yaraatay, sidaa darteedna ay doonayaan in inta uu jiro khilaafka ayaga iyo xukuumadda dhex yaalla ay si fowdo ah oo gacmo taag ah ay dib ugu soo noqdaan” ayuu sii raaciyey. Sidee looga gudbi karaa? Dr Bursaliid waxaa u muuqda in “maamullada intooda badan ama uu ka dhex jiro khilaaf gudahooda ah, ama uu ka yimid khilaaf ama baarlamaannadooda ama ku xigeennadooda ah”. Wuxuu saadaalinayaa in “madaxda maamullada ay suurtogal tahay in lagu khasbo, khilaafkaas gudahooda ka jira dartiis, inay xukuumadda la fariistaan, shirka 17-18 dhici doona ka horna la qaban doono shirar hoose oo arrinta lagu sii xallinayo”. Wuxuu kaloo saadaashiisa xalka uu ku imaan karo uu ku daray in “ergayga gaarka ah ee QM, ama kan wakhtigiisu dhamaaday, ama kan imaanaya, ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan isu soo dhoweynta, oo aan markan Soomaali kaligeed la isu deyn doonin”. Wuxuuse hoosta ka xarriiqay qodobka ugu habboon, uguna fudud ee ah “in madaxweynuhu uu u tafa-xayto inuu wakiil dirsado, ama uu isagu qof ahaan tuulo-tuulo u tago, si dadka la isugu soo celiyo”. Isha: BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uusan xiriirka u jarin DFS. Shariif Xasan waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la kala saaro “xiriir u jaris iyo hakin wada shaqeen”. Waxa uu sheegay inay ku dhawaaqen kaliya hakat ku imaaday wada shaqeynta uu maamulkiisa la lahaa dowlada Dhexe ee Somalia, balse aanu jarin xiriirka. “Dadku waxaa isaga khaldan xiriir la jaro iyo wada shaqeyn hakat gasha, anagu waxaan hakinay wada shaqeynta aan la laheyn dowlada ee ma aanan u jarin xiriirka” Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hoosta ka xariiqay keliya in dowladda dhexe ay la shaqeyn waayeen, taasina ay keentay in ay joojiyaan keliya wadashaqeyntii ay la lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay. Nuqulo coda oo ay baahisay Idaacada shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay in Shariif Xasan uu wax kama jiraan ka dhigay inay xiriirka u jareen Dowlada Somalia. Nuqulada ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan hakinay xiriirkii wada shaqeynta balse ma aanu sheegin in xiriirka aan u jarnay dowlada Dhexe” Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa tabanaaya faragalin waxa uuna muujinayaa in kalsooni daro ay ka heysato dhanka doorashada, maadaama uu walaac ka qabo in dowlada Somalia ay ku sameyn doonto faragalin. Dowlada Somalia ayaa lagu wadaa in dadaal xoogan ay ku bixiso sida ay kusoo celin laheyd maamul Goboleedyada oo iyagu is biday inay ka maarman dowlada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maamulka ka arrimaha Kismaayo ee uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Madoobe, balse aan anigu ugu yeero horjooge, sheekadiisu wey soo dhaaftay ‘Alam Tara”, oo hadda waxa uu marayaa meel aan talo iyo toosan midnaba wax loogu tari karin. Sida wasiirka qorsheynta maamulkaas ku eg dekedda iyo madaarka Kismaayo uu soo dhigay Twitter-kiisa, waxa uu Axmed Madoobe qaadacay ka soo qeybgalka shirka suluxa ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Baaqa madaxweynaha ayaa yimi kaddib markii madaxweyneyaasha maamullada ee aan u aqaan horjoogeyaasha shir maalmo ugu socdaya oo ay ku sheegeen in ay wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe joojiyeen. Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yey la shaqeynayaan markaa? Axmed Madoobe oo la ogyahay sida uu Kismaayo ku yimi iyo sooyaalkiisa ayaa fursad loo siiyey in uu dhiso maamulka Jubbaland oo ka kooban Gedo, Jubadda Dhexe iyo Jubbada Hoose, hase ahaatee, waxa uu muddo shan sano ku dhaw dhaafi la’yahay dekedda Kismaayo iyo madaarkeeda! Baaqayga dowladda Waxaan rabaa in aan ku booriyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in ficiladda gurracan ee Madoobe soo dhaafay heerkii loogu dulqaadan lahaa, oo haddii madaxda iyo shacabkaba ilaalinayen dadnta guud balse kooxdiisu ka doorbiday fowdo iyo kala dambeyn la’aan, in aan halkaas loo dhaafin! Dowladda sidoo kale waa in ay qaado tallaabooyin adag oo ay maamulka Jubbaland ee uu curyaamiyey ninka isula baxay madaxweynaha balse leh hab dhaqankii Barre Hiirale iyo Moorgan ka hor leexiyo bulshada jecel dowladnimada iyo in qarankii Soomaaliya dib cagahiisa isugu taago. Xaqiiqda ayaa ah in Axmed Madoobe, iskaba daa beelaha kale ee dega Jubaland, uusan haysna taageerada beesha uu ka dhashay, uuna mooday inuu Soomaaliya oo dhan maamulo, isaga ooh al xaafad ku siman. Haddii dowladda sharaftay oo ay gaarsiisay maqam uusan gaarin, isna uu ugu abaal-dhacay jees-jees, ma furna xal aan ahayn in meesha laga saaro. W/Q: Xuseen Yusuf (Xuseen Seylici) Minneapolis, Minnesota, USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid