Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulan ayaa maanta dhex maray siyaasi Farxaan Adan Haybe iyo gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane Xirsi ali Xaaji Xasan kulankaasi oo ka dhacaybguriga suldaan Maxamed Bare Warsame ilaa hada lama oga waxii rasmiga ahaa ee lagaga wada hadlay. Wixii war ah ee ka soo kordha la soco dhawaan https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/07/VID-20250716-WA0003.mp4 Qaran News
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/07/VID-20250716-WA0001.mp4 Qaran News
  3. Xaaladda Magaalada Dhahar ayaa maanta markale dagaalo ka bilaabmeen isla markaana waxa wali diriraaya Ciidamadii maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka degaanka ee shalay ku dagaalamay magaalada Dhahar ciidamada deegaanka ayaa isku sheegay Maakhir State kuwaasi oo ay ka danbeeyaan maamulka Xasan Sheekh oo damacsan in uu baabiiyo ama wiiqo awooda maamulka Puntland Hadaba ciidamo badan oo ka socda Puntland, ayaa soo gaadhay magaalada Dhahar, kuwaas oo xoojinaaya Ciidamadii hore u joogay magaalada, sida oo kale Masuuliyiin kala duwan ayaa gaadhay magaalada Dhahar, waxaana ay shirar ay la qaadanayaan Odayaasha iyo Wax-garadka degaanka. Masuuliyiin kala duwan oo u hadlay Maamulka Puntland ayaa masuuliyada dagaalkaasi ku eedeyay Xukuumadda Soomaaliya , halka ay Xukuumada Federaalkuna Madaxweynaha Puntland ku eedeysay masuuliyada dagaalka Magaalada Dhahar. Se waxa cad in colaada ka bilaabmatay bariga gobolka Sanaag uu ka danbeeyo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ku fashilmay in uu mahaalada Muqdisho u sameeyo maamul amni oo midaysan isla markaasina ayna gacantiisa ku jirin dhamaan gobolada iyo degmooyinka koonfurta Somalia. Dhanka kalana bariga Sanaag iyo sidoo kale bariga Sool marnbaba ma noqon karaan maamul goboleed hoos yimaada Somalia iyada oo la eegaayo habka loo yeelan karo maamul goboleed ee ku salusan dastuurka Soamlia taasi oo hada fidno hor lehniyo colaado sokeeye loo soo raraayo bariga Sanaag iyo sidoo kale bariga Sool. Dawlada Somaliland ayaa ciudamadeeda heegankii ugu cuslaa halisay iyada oo loo diyaar garoobay hadii wax rabshado ahi ay ka yimaadaan degmooyinkaasi ay colaadu ka aloosantahay sidii loogu jawaabi lahaa. Ciidamada Somaliland ayaa dib u habayn xoogan lagu sameeyay xaga tirada iyo tayadaba oo kor loo qaaday isla markaasina awood buuxda u leh in ay difaacaan dalka iyo dadkaba Qaran News
  4. Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu yiri”Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.” Warsaxaafadeedka ayaa ka soo xigtay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan, G/Sare Jaamac Maxamuud Gabayre in kooxahan abaabulan ay isku dayayeen in ay carqalad ku abuuraan amniga iyo xasilloonida gobolka, hase yeeshee ciidanka booliska iyo kuwa amniga ayaa si geesinimo leh uga hortageen “Ciidanka Booliska Puntland waxay mar kale shacabka reer Dhahar ugu baaqayaan in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan cid kasta oo laga shakiyo falal amni-darro ah. Ciidanka Booliska Puntland waxay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada, sharciga, iyo dowladnimada Puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Booliska. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay si buuxda u xakamaysay Xiisaddii ka dhacday degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan bayaan uu kaga hadlay dhismaha biyo-xidheenka Itoobiya ee GERD uu dhaliyay muran baahay, isaga oo ka sheegay kulan uu kula qaatay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte aqalka cad ee Maraykanka. Trump ayaa ku sheegay in biyo-xidheenka uu yahay mid goynaya qulqulka biyaha Wabiga Nile ee Masar, waxaana uu cabiray doonitaankiisa “xallinta dhibaatooyinkan sida ugu dhakhsaha badan”. “Anaga iyo Itoobiya waxaan nahay saaxiib, laakiin waxa ay dhiseen biyo-xireen ka hortagay biyaha inay gaaraan wabiga Nile” Trump ayaa u sheegay wariyayaasha, isaga oo soo hadal qaadaya colaado caalami ah oo dhibaatooyinkeeda ay tahay inuu wax ka qabto. Waxa uu sheegay Nile ay Il muhiim ah u tahay nolosha iyo dakhliga isaga oo yidhi “Waa nolosha Masar”. Trump ayaa intaasi ku daray, “Waxaan u malaynayaa in Maraykanka ay maalgaliyeen biyo-xireenka. Ma ogi sababta arrintan aan loo xallin kahor dhismaha. Laakiin waa ay wanaagsan tahay in aynu haysano Nile oo biyo buuxaan”. Saacado uun ka dib hadalkan, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa soo dhoweeyay hadalada Trump, isaga oo qeexay mahad celintiisa, waxa uu ku tilmaamay “Dhab ahaanta maamulka Maraykanka ee xallinta colaadaha, ” isaga oo hoosta ka xarriiqaya “Masar ay aaminsan tahay awoodda Trump ee xallinta arrintaasi. Sisi ayaa intaa ku daray in Masar ay taageersan tahay aragtida Trumo ee aasaaska nabdda iyo xasiloonida ee goobaha ay colaaduhu ka jiraan, haddii ay tahay Afrika, Ukraine ama dhulka Falastiin. Hadalada Trump ayaa yimid todobaadyo ka hor furitaanka rasmiga ah ee biyo-xidheenka ee qorshaysan September ta nagu soo aadan. Kormeerayaasha ayaa sheegay tani ay beddeshay diiradda mid kamid ah arrimaha isku cakiran ee xiriirka dalalka uu maro wabiga Nile. Waxaa horay u guuldaraystay dhammaan wareegyada saddex geesoodka ee gaaritaanka xalka la doonayo. Biyo-xidheenku ma aha nolol ama dhimasho Isaga oo ka hadlaya bayaanka Trump, Cabbaas Sharaky, oo ah barafasoor maalgelinta biyaha iyo Jiyoolojiga ee Jaamacada Qaahir, ayaa sheegay, “Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya GERD uusan ahayn dhibaatada ugu weyn ee Masar hadda”. Wareysi ay la yeelatay BBC Arabic, Sharaki ayaa intaa ku daray: “Biyo-xireenka Itoobiya(GRED) uu dhab ahaantii la dhibtooday waxyeelada soo gaartay intii lagu guda jiray nidaamkii buuxinta ee sannadihii aynu soo dhaafnay, laakiin hadda ay arrimuhu soo hagaagayaan, ka dib markii la dhamaystiray nidaamka buuxinta”. Sharaky oo sii wada hadalka ayaa yiri, “Masar waxa ay awoodday inay ka soo kabato dhibaatooyinkii ay wajahday muddada sannooyinka ah ee ay socotay buuxinta biyo-xireenka, iyada oo la sii marayo mashaariicda biyaha ee ku kacay lacagaha aadka u faraha badan, waxase ay ka hortageen waxyeelo soo gaartay muwaadiniinta Masar intii lagu guda jiray sannooyinkaasi adkaa. Hadda, biyo-xireenka waa mid si buuxda loo buuxiyay, biyuhuna waxa ay gaarayaan Masar iyada oo qaybteeda oo dhamaystiran ay helayso bilowga sannadka. Iyada oo ay jirto soo dhoweynta Sisi ee bayaanka Trump, Sharaki ayaa sheegay Sisi “uu albaabka u furayo soo faragalin Maraykan ah, iyada oo siinaysa door lagu gaaro heshiis biyo-xireenka GERD. Dhiniciisa, falanqeeyaha siyaasada Itoobiya Cabdishukuur Cabdisamad ayaa ku sheegay wareysi BBC Arabic inuu rumaysan yahay bayaanka Trump “boos uu ka soo galo ma laha”. Cabdisamad ayaa intaa ku daray: “Biyo-xireenka Itoobiya uu hadda taagan yahay buuxintiisii lixaad mana uusan ku sababin wax dhibaato ah Masar, sida ay garowsan yihiin walaalahaya Masar. Biyo-xireenka sare (biyo-xireenka Koonfurta Masar) ayaa ka kooban biyo xooggan oo ka badan intii la filayay”. Cabdi shakuur waxa uu kaloo ku daray inuu sidoo kale aaminsan yahay Trump uu doonayo heshiis uu la yeesho Masar oo u dhow wixii dhacay 2020, markii lagu magacaabay “Heshiiskii qaraniga. “Maanta, waxa uu aaminsan yahay xaalada lala xiriirin karo xaalka Qaza. Falanqeeyaha arrimaha siyaasada Itoobiya ayaa sheegay dalkiisa “in aysan khusayn bayaanka, aysana jirin wax ay tahay inuu ka tanaasulo. Waxaan aaminsanahay heshiiskii is-afgaradka ee la saxiixay 2015 ee u dhaxeeyay Itoobiya, Suudaan iyo Masar xaddeeyay khariidad wadahadalka biyo-xireenka. Cabdisamad ayaa aaminsan xiriirka saddexda dal ee Masar, Itoobiya iyo Suudaan loo sii mari doono heshiiskii Entebbe, oo nidamainaya xiriirka dalalka uu maro wabiga Nile. Heshiiskan, oo Masar iyo Suudaan aysan saxiixin ayaa loo yaqaanaa qorshaha wadaaga dalalka uu maro wabiga Nile. Waxaa la soo gabagabeeyay 2010 iyada oo sannadkii aynu soo dhaafnay la xoojiyay. Lixda dal ee saxiixay qorshaha sharciga ee xallinta muranada iyo colaadaha ka dhex dhaca dalalka u wabigu maro, u kala qaybinta dakhliga biyaha iyo samaysashada mashaariicda biyaha iyada oo aanu horay u sii jirin heshiis, ayaysan aqbalin Masar iyo Suudaan. Lix dal ayaa saxiixay heshiiska Entebbe oo kala ah Itoobiya, Rwanda, Tanzania, Uganda, Buruundi iyo Koonfurta Suudaan, halka Masar, Suudaan, Congo, Eritrea iyo Kenya aysan saxiixin heshiiskaasi. Doorka la sii ballaadhiyay ee Trump Ka qayb galka Trump ee arrinta GERD ma aha mid cusub. Bishii Oktoobar 2020, intii lagu guda jiray muddo xileedkiisii koowaad, ayuu kaga hadlay Masar laga yaabo in lagu khasbo “qarxinta biyo-xireenka” intii lagu guda jiray wicitaan taleefonka oo uu la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Suudaan Abdalla Hamdok. Wakhtigaasi, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uma jawaabin si toos ah, laakiin waxa uu ku yiri bayaan: “Itoobiya uma foorarsanayso weerar noocuu doono ha ahaado. Itoobiyaanku weligood jilbaha uma dhigin cadowgooda, laakiin waxa ay xushmeeyeen saaxiibadooda. Taasi ma samaynayno Maanta ama mustaqbalkaba”. Waxa uu intaa ku daray khataraha la xiriira arrintan ay yihiin “kuwo marin habaabin ah, miro dhal ahayn iyo inay yihiin xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah. Sanadkii 2020, maamulka Trump ayaa go’aansaday inuu jaro $100 milyan oo doolar oo gargaarka Maraykanka ee Itoobiya, ka hor inta madaxweyne Joe Biden uusan dib u soo celinta ka dib markii uu xafiiska la wareegay. Sanadkii 2019, intii lagu guda jiray muddo xileedkii koowaad ee Trump, Maraykanka ayaa marti galiyya dhowr wareeg oo wadahadalada u dhaxeeyay Masar, Suudaan iyo Itoobiya, iyada oo ay ka qayb galayaan Bangiga Aduunka. Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladan ayaa sidoo kale guul daraystay, ka dib eedeymaha Itoobiya ee ah Washington ay u janjeersatay Masar. Source
  6. Puntland ayaa cambaareysay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhahar ee Sanaag, iyadoo dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeysay inay maalmihi u dambeeyay gobollada Puntland ka waday “hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”. “Waxaan kaloo, sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda Xassan Sheekh in ay galabta maleeshiyaad hubaysan oo ay soo abaabushay ay degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed, taas oo keentay dhimasho nafeed iyo Dhaawac”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. “Falkaan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha Calmiskaad iyo Calmadow wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda. Waxay ugu dambeyntii tacsi u dirtay dadkii ku dhintay dhacdadii shalay galab ka dhacday degmada Dhahar, iyadoo caafimaad u rajeysay kuwa ku dhaawacmay. Qaran News
  7. Waftiga sare ee ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale ayaa safar shaqo ku tegay degmada Lughaya ee Gobolka Awdal, iyaga oo ujeedkoodu yahay inay gurmad iyo taakulo gaadhsiiyaan bulshada ay saamaysay abaartu ee ku dhaqan gobolkaas. Waftigan waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre; Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil; Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed Yasiin Maxamed Faarax; iyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Maxamed Jaamac Xoday. Ujeeddada socdaalkani waa u kuurgelidda xaaladda nololeed ee dadka ay abaartu saamaysay iyo gaadhsiinta gurmadka degdega ah ee ay dawladda u fidinayso si wax looga qabto baahiyaha taagan. Waftigu waxa ay sidoo kale la kulmayaan bulshada deegaanka si ay u dhagaystaan cabashooyinkooda ugana wada hadlaan xalka waara ee looga gudbi karo duruufaha adag ee ay wajahaan. Suldaan Abdikarim Qaran News
  8. Dowladda Puntland ayaa xaqiijisay wararka ku saabsan in heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo Al-shabaab, si aysan magaalada Muqdisho u qabsan kooxdaasi. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh uu heshiis la galay kooxda Al-shabaab, kaddib markii uu ku fashilmay dagaalkii argagixisada, islamarkaana ciidan ahaan loo jebiyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo degaanno badan laga qabsaday. “Xassan Shiikh maadama uu ku fashilmay dagaalkii Alshabaab ee koonfurta dalka ka dibna uu la heshiiyey Alshabaab, wuxuu go’aansadey in uu ka hortago dagaalka Puntland ku qaadeyso Shabaabka ku jira Buurta Calmadoow ee Gobalka Sanaag, balse kuma uu guulaysandoono dagaalkuu ku soo qaadey deegaanada nabadda ah ee Puntland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab. Xogta ku saabsan in heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo Al-shabaab, waxa horay u sheegay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Puntland, waxaana soo xigtay qaar kamid ah warbaahinta Caalamiga ah, balse labada dhinac ee DFS iyo AS midna ma beenin. PUNTLAND POST The post Puntland oo xaqiijisay in heshiis qarsoodi ah dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo mileeshiyaadka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  9. Dowladda Puntland oo war Rasmi ah ka soo saartay dagaalkii galabta ka dhacay degmada Dhahar ayaa si adag u cambaareysay dowladds Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeysay in ay maalmahan colaad ka hurinayso degaannada Puntland ee nabdoon. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo warkan soo saaray ayaa yiri”Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan.” “Waxaan kaloo sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiya hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed keentay dhimasho nafeed. Falkan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee #Daacish iyo #AS ee buuraha #CALMIDKAAD iyo #CALMADOW wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo.” “Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda una soo jeensato wax dumin keli ah. Shalay RAASKAMBOONI maanta DHAHAR” ayuu sii raaciyay Wasiir Juxaa. Hadalka Wasiir Juxaa ayaa imaanaya xilli uu galabta degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Puntland iyo mileeshiyaad hubaysan oo daacad u ah Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Maxamuud Axmed Geesood, kuwaasi oo dhawaan laga qoray degaankaasi. Halkaan ka akhriso Qoraalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo Villa Somali ku eedeysay dagaalkii galabta ka dhacay degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
  10. Ciidamada Maamulka Puntland iyo maleeshiyaad hubaysan oo taageersan shirka Laascaanood ka socda, ayaa la sheegay inuu dagaal ku dhexmaray magaalaada Dhahar, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn Khasaaraha uu sababay dagaalkaasi. Masuuliyiinta Puntland ee Magaalada Dhahar ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Puntland ay si buuxda ula Wareegeen Magaaladaas. Waxaana Masuuliyiinta u hadlay Puntland ay ku eedeyeen dagaalkaasi Xukuumada Soomaaliya Qaran News
  11. Guddoomiyaha Dhahar Guddoomiyaha degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, Bashiir Maxamed Ciise oo ka hadlay dagaal galabta ka dhacay degmadaasi ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka danbaysay dhibkaasi. Guddoomiye Bashiir Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii galabta ayaa sheegay in uu dhexmaray ciidamada dowladda Puntland iyo mileshiyaad hubaysan oo Villa Somalia ka qoratay Dhahar, kuwaasi oo maanta sameeyay dhaq dhaqaaqyo liddi ku ah amniga degaanka. “Dowladda Federaalka oo khalkhal gelin amni ka waday Gobolka Haylaan, iyada oo kaashanaysa maamul ku sheegga Khaatumo ayaa maanta ciidan ay qorteen waxay sameeyeen jidgooyooyin, waana ka banaynay, xaaladdu waa caadi” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Dhahar, Bashiir Maxamed Ciise. Wuxuu sheegay in ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Booliska degmada Dhahar ay ku guulaysteen in ay kala ceyriyaan mileeshiyaadkii Villa Somalia abaabushay oo isbaarooyin dhigtay gudaha degmada, islamarkaana ciidanka dowladdu hadda furay jidadkii xirnaa, sida uu hadalka u dhigay Dhinaca kale, guddoomiye Bashiir kama hadlin khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi ilaa iyo haddana faahfaahin sugan lagama hayo, balse wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu jiro. PUNTLAND POST The post Dhahar: Dagaal galabta dhexmaray ciidamada Puntland iyo mileeshiyaad taabacsan dowladda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Xukuumadda Somaliland, ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo bini’aadantinimo oo lagu taageerayo isla-markaana gurmad loogu fidinayo qoysaska ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ee ku nool gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil, iyadoo in ka badan 4,200 oo qoys loo kala diray raashin gurmad ah oo dhammaystiran. Raashinkan oo ka kooban Bariis, Sonkor, Timir, Saliid iyo Baasto, ayaa loo qaybinayaa degmooyinka iyo deegaannada ay abaartu sida weyn u saameysay, deegaanadaas oo kala ah: Boomara, Baki, Lughaya iyo Saylac oo ka kala tirsan gobolada Awdal iyo Selel, sidoo kale waxa kaalmadan la gaadhsiiyay deegaannada Laasciidle, Laasa-Dacawo, Bullaxaar, Madheera iyo Xagal oo ka tirsan gobolka Saaxil. Maareeyaha Hay’adda u Diyaar-garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda, ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha gurmadka. Waxaanu sheegay in muddo kooban oo 11 cisho ah oo uu joogay xafiiska ay ku hawlanaayeen xog-ururin ku saabsan deegaanada ugu daran ee abaaruhu ku dhufteen oo u badan xeebaha iyo diyaarinta gurmad degdeg ah oo raashin lagu gaadhsiinayo deegaanno ka tirsan gobolada Saaxil, Awdal iyo Selel. Maareeye Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), waxa uu sheegay in deegaannada ugu daran ee ay sida weyn u saameeyeen abaaruhu ee gobolada Selel, Awdal iyo Saaxil ay u kala direen oo la gaadhsiiyay raashin dhan ama ku filan Afar kun iyo Laba boqol oo Qoys (4200). Raashinkaas oo ah mid dhammaystiran, kana kooban Sonkor, Bariis Timir Saliid iyo Baasto. Maareeye Cabdiraxmaan oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Xafiiska waxaan iminka joogay ilaa 11 cisho, waddankana abaar baa ka jirta, waliba dhanka xeebaha Selel, Awdal iyo Saaxil ba abaaro ba’an baa ka jira. Mudadaa kooba ee aan xafiiska joogay ba waxaan ka shaqaynaynay sidii taakulayn loo gaadhsiin lahaa qoysaska deegaanada abaartu ka jirto.” Maareeye Dixood oo ka hadlayay tirade raashinka ay sadexdaa gobol u kala direen inta qoys ee loogu talo galay iyo deegaanada la gaynayo, ayaa yidhi. “Maanta (shalay) waxaannu qorshaynay oo baxaya 1200 oo qoys raashinkoodii oo tegaya Lughaya, Shan boqol oo qoys raashinkoodii oo Boomara tegaya,Shan boqol oo qoys raashinkoodii oo Baki tegaya, Raashinkaasi wuu dhammaystiran yahay, wuxuu ka kooban yahay Bariis,Sonkor Baasto,Saliid iyo Timir. Waxaa kale oo noo qorshaynay in Saylac la geeyo kun qoys raashinkood, sidoo kale gobolka Saaxil waxaannu u qorshaynay in kun qoys raashinkood la geeyo oo la kala geynayo Laasciidle, Laasa-dacawo, Bullaxaar, Madheera iyo Xagal.” Maareeyaha Hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil waxaa uu sheegay in dalka hayntiisu kooban tahay dhaqaale ahaan haddana Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro in ay markasta heegan buuxa ugu jirto sidii dadka tabaalaysan ee abaartu ku dhufatay gurmad iyo taakulayn loo gaadhsiin lahaa. “Waan ognahay oo ahynteenu ma buurna dhaqaale ahaan haddana Xukuumadda maanta xilka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxay markasta heegan ugu jirtaa oo ay ku hawlan tahay sidii dadka abaartu ku dhufatay gurmad iyo taakulayn loo gaadhsiin lahaa taas oo illaa markii qaylo dhaanta abaartu soo yeedhay aannu ka wada shaqaynaynay.” ayuu yidhi Maareeye Dixood. Maareeye Dixood waxaa kale oo uu intaasi raaciyay in Hay’adda WFP ay raashin gaadshsiisay deegaannada Saylac iyo Lughaya, sidoo kale waxa uu baaq u diray hay’addaha caalamiga ah iyo tijaarta dalka, kuwaasi oo uu ugu baaqay in gacan ka geystaan gurmadka iyo taakulaynta dadka jilicsan ee ay abuuruhu saameyeen. Waxaa kale oo uu Maareeye Dixood sheegay in ay kulan deg deg ah ka yeelanayaan xaaladda abaarta wasaaradaha qorshaynta, dib u dejinta iyo hay’adaha caalamiga ah isla markaana iminka ay safar ku maqan yihiin oo ay qiimayn soo samaynayaan qaar ka mid ah Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin. Ugu Dambayn Maareeye Dixood waxaa uu culimada iyo guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay in la duceeyo oo RABBI la baryo ALLE ayaa abaarta inaga soo jebin karee isaga la baryo in uu abaarta inaga dul qaado. Qaran News
  13. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro held a high-level meeting Tuesday with leaders of the region’s three political parties to address growing external threats to Somaliland’s sovereignty, rising tensions in eastern Sool, and preparations for the 2026 elections. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — The United States and six Gulf nations have imposed coordinated sanctions on three individuals accused of financing and facilitating ISIS operations across Africa, including the longtime leader of the group’s Somali affiliate. Source: Hiiraan Online
  15. Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya laba ciidan oo kala taabacsan laba dhinac oo siyaasadeed oo iska soo horjeeda. Dagaalka ayaa ka bilowday xaafadda Sare ee magaalada Dhahar, gaar ahaan dhanka laga soo galo magaalada, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada deegaanka ee Maakhir. Ciidamadan ayaa la sheegay inay taageersan yihiin dhismaha maamulka Maakhir oo ku biiraya maamulka Khaatumo iyo shirka socda ee Laascaanood. Dhinaca kale, waxaa dagaalka lug ku leh ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaasoo lagu eedeeyay inay doonayeen inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee deegaankaasi ka socday. Rasaas culus iyo hubka waaweyn ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada, iyadoo ay cabsi iyo barakac saameeyeen dadkii deegaanka, gaar ahaan xaafadaha ku dhow goobta dagaalku ka socda. Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka sheegayaan in xaaladdu aad u kacsan tahay. Wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena dambe Source: goobjoog.com
  16. The ongoing tension between Puntland and SSC/Khatumo is one of the most tragic ironies of Somali politics. Here we have two regions inhabited largely by the same kin – people who shared blood, culture, religion, and a long history – yet find themselves locked in a bitter political and military standoff. Source: Hiiraan Online
  17. (ERGO) – Many displaced families in Baidoa are transforming their lives from aid dependency to a sustainable way of living through their own careful planning and determination. Source: Hiiraan Online
  18. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/07/VID-20250715-WA0003.mp4 Qaran News
  19. Garowe (HOL) — Puntland’s regional parliament on Tuesday voted to expel MP Abdirashid Yusuf Jibril for attending a federal government-backed conference in Las Anod that Puntland lawmakers say violated the region’s constitutional principles and territorial sovereignty. Source: Hiiraan Online
  20. President Abdirahman Irro Convenes Strategic Dialogue with National Political Party Leaders His Excellency Dr. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), President of the Republic of Somaliland, today convened a high-level consultative meeting at the Presidential Palace with the Chairpersons of the three National Political Parties: WADDANI, KAAH, and KULMIYE. This strategic engagement is part of the President’s ongoing efforts to deepen national consensus, safeguard political stability, and strengthen Somaliland’s democratic resilience during a period of critical national and regional significance. The meeting provided a frank and constructive platform to discuss the evolving political landscape, the imperative of preserving national unity, and the shared responsibility to confront external threats to Somaliland’s sovereignty and constitutional order. In his remarks, President Abdirahman Irro reaffirmed his government’s firm commitment to inclusive governance, principled dialogue, and institutional cooperation. He emphasized that the vitality of Somaliland’s democracy depends on sustained engagement among political stakeholders and collective stewardship of the national interest. The President further underscored the importance of regular, structured consultations between the executive branch and the official opposition parties—not as a matter of convenience, but as a cornerstone of the Republic of Somaliland’s democratic ethos and a guarantor of its long-term stability and credibility. The leaders of the three national parties commended the President’s leadership in fostering principled dialogue at this critical juncture. They affirmed their commitment to working collaboratively in safeguarding national cohesion, advancing electoral preparedness, and reinforcing the foundations of democratic governance. Moreover, the opposition parties expressed their willingness to support government initiatives aligned with the shared aspirations of peace, constitutional order, and sustainable national progress. The meeting condemned the continued and unlawful interference by the Federal Government of Somalia in the eastern parts of the Sool region—a blatant attempt to destabilize Somaliland and undermine its territorial integrity. These actions were characterized as provocative, irresponsible, and a direct challenge to the peace and order preserved by Somaliland through decades of self-governance. The Republic of Somaliland hereby reaffirms its sovereign right to defend its territory and institutions and calls on the international community to take a clear and principled stance against Somalia’s destabilizing conduct, which threatens not only Somaliland’s security but also the wider stability of the Horn of Africa. The meeting concluded with a renewed sense of unity and shared determination to protect Somaliland’s constitutional order, democratic progress, and sovereign dignity—through dialogue, responsible leadership, and unwavering commitment to the nation’s founding principles. Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) — Schools once operated by a Turkish cleric accused of plotting a failed coup are now thriving under new management in Somalia, where the Maarif Foundation is providing internationally accredited education to more than 1,200 students. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Minister of Health on Tuesday issued a nationwide alert over the rapid spread of hepatitis, calling for urgent action to expand testing, raise awareness, and increase access to vaccines. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — German authorities have deported eight Somali nationals convicted of serious criminal offences, citing public safety and legal obligations to remove individuals no longer eligible to remain in the country. Source: Hiiraan Online
  24. In a vibrant and historic first, Mogadishu recently hosted “Paint & Coffee Night,” an evening where nearly 1,000 art enthusiasts, from seasoned creators to budding amateurs, primarily Somali youth, gathered to celebrate art, community, and hope. Source: Hiiraan Online