-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoonno ka tirsan Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay duqeyn. Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya xuuraanka NISA, ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Dib-dheer, oo ka tirsan degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud. Taliska ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1. Axmed Macallin – Horjoogihii Al-Shabaab ee degmada Ceel-Buur. 2. Abuu Salmaan – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud. 3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Xiindheere. 4. Budul Faarax Geed – Horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceel-Qooxle. 5. Sakariye – Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab ee Galgaduud. Sidoo kale, nabadoonnada lagu beegsaday howlgalkan ee la dilay ayaa kala ah: 1. Mire Cagdheer, 2. Muuse Cumar, 3. Maxamed U Rur 4. Xaaji Bashiir Xubnahaan nabadoonnada ah ayaa ahaa horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka shaqeynayay marin-habaabinta bulshada deegaankaas, sida uu sheegay Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Howlgalkan ayaa daba socday weerarkii dhacay 13-kii Maarso 2025, markaas oo Macawiisleyda deegaanka ay si toos ah ula dagaallameen Al-Shabaab-kii ku sugnaa tuulada Bay-Caadle, sida uu xaqiijiyay talisku. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xoojisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo haatan furimaha hore ee dagaalka uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo halkaas ka hoggaaminaya dagaalka.
-
Mogadishu (HOL) – The Somali National Army (SNA), in collaboration with the National Intelligence and Security Agency (NISA), carried out a series of airstrikes in central Somalia that killed several senior Al-Shabaab militants and affiliated elders, the government confirmed on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay amar fulin ah oo lagu xirayo waaxda waxbarashada dalka. Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa ballan-qaadyadiisii ololaha doorashada iyo qorshe ay muddo dheer taageerayeen qaar ka mid ah muxaafidku. Trump ayaa hay’addan ku eedeeyay xilkasnimo la’aan iyo in ay gabeen waajibaadkoodii, isaga oo ballan-qaaday in uu dib ugu celin doono dhaqaalaha ay maamusho gobollo gaar ah. “Waxaan u xirayaa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagalka ah,” ayuu yiri, inkasta oo Aqalka Cad uu qiray in amarkan u baahan yahay go’aanka Congress-ka. Caqabadaha sharci Go’aankan ayaa durba wajahaya caqabado sharci ah, iyadoo dad badan oo ka soo horjeeda ay doonayaan in ay hor istaagaan xiritaanka hay’adda. Waxa kale oo la diidan yahay dhimista shaqaalaha waaxda, taas oo la shaaciyay toddobaadkii hore. Trump, oo carruur dhigata dugsiyada dalka ay hareera fadhiyaan xilli uu hadlayay Khamiistii, ayaa sheegay in Mareykanku uu bixiyo kharash aad u badan oo waxbarasho, marka loo eego waddamada kale, balse ay dhibcaha ardaydu aad u hooseeyaan. In kasta oo amarkan uu la kulmi karo caqabado sharci, haddana Xisbiga Jamhuuriga oo Senate-ka ku leh aqlabiyad 53-47, ayaa u baahan ugu yaraan 60 cod si ay u ansixiyaan xiritaanka waaxda waxbarashada.
-
A fire at an electrical substation in London has caused a power outage forcing Heathrow airport to shutter for a full day. At least 1,350 flights will be be impacted, according to flight tracking website FlightRadar 24 — not including flights that might be cancelled or delayed due to aircrafts being out of position. “To maintain the safety of our passengers and colleagues, we have no choice but to close Heathrow” for the full day, the airport said, adding that it expects “significant disruption over the coming days.” Passengers have been advised to not travel to the airport under any circumstances until it is reopened. Scores of flights have been diverted to other airports and several, including United Airlines flights from the US, have been cancelled according to the airline. Some flights arriving from the US to the airport were forced to turn around mid-air and return to their point of departure. Window Replacement | ExploreNest.com Qantas, British Airways and Virgin Atlantic have all recorded disruption to their flight services as aircraft carriers were forced to quickly shuffle their planes and crews around as a result of the incident. The power outage was sparked when a transformer within an electrical substation in west London caught fire. The London Fire Brigade said 10 fire engines and around 70 firefighters were called to the scene at 10.23 pm CET Thursday. The cause of the fire is yet to be determined. The fire has also caused significant disruption to the surrounding area with power outages impacting more than 16,300 homes. The fire brigade said it received nearly 200 calls related to the incident and deployed crews from Hayes, Heathrow, Hillingdon, Southhall and surrounding areas on the scene. Footage posted to social media showed huge flames and large plumes of smoke coming from the facility. National Grid UK issued a statement saying the fire had damaged equipment, adding it was working at speed to “restore power supplies as quickly as possible.” Heathrow has said the closure would last until midnight on Friday. MSN Qaran News
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxeexay amar fulin ah oo lagu albaabada loogu laabayo waaxda waxbarashada, isagoo fulinaya ballan-qaadkiisii ololaha doorashada iyo qorshe ay muddo dheer ku taamayeen qaar ka mid ah muxaafidku. Trump ayaa hay’addaasi ku eedeeyay xilkasnimo la’aan iyo in hawlahoodii gabeen. Madaxxweynaha Maraykanku waxa uu wacad ku maray in uu ku celin doono lacagta ay maamusho gobollo gaar ah. “Waxaan u xidhi doonaa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah,” ayuu yidhi Trump, inkasta oo Aqalka Cad uu qiray amarka lagu xidhi karo hay’addaasi uu u baahan go’aanka Golaha Congress-ka. Talaabadan ayaa durba caqabado dhanka sharciga ah kala kulmeysa dadka doonaya in ay hor istaag ku sameeyaan xidhitaanka hay’addaasi. Waxa kale oo ay ka soo horjeedaan dhimista guud ee hsaqaalaheeda oo lagu dhawaaqay todobaadkii hore. Isaga oo ay hareero tuban yihiin carruur ku fadhida miisaska dugsiyada Aqalka Cad, Khamiistii ayaa Trump wuxuu yidhi “Mareykanku lacag badan ayuu ku bixiyaa waxbarashada si ka badan waddanka kasta oo caalmka ku yaalla”, isaga oo raaciyay in dhibcaha ardaydu ay ku yihiin kuwo aad u hooseeya. Amarka fulinta ah ayay u badna tahay in uu la kulmo caqabado dhanka sharciga ah, si la mid ah ficillada dhinaca maamulka ee uu Trump ku hawllanaa muddooyinkii u dambeeyay. Laakiin xubnaha Xisbga Jamhuuriga ayaa la og yahay in ay haystaan aqlabiyadda 53-47 ee Golaha Senate-ka, waxaana meelmarinta xidhitaanka waaxdani uu u baahnaan doonaa 60 cod. Bbcsomali Qaran News
-
Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in ay saddex gantaal ku garaacday Tel Aviv – waana markii ugu horreysay ee kooxdaasi ay qaaddo weerar gantaal oo noocan ah tan iyo markii Israa’iil ay dib u bilowday duullaanka millitari ee Marinka Gaza. Israa’iil waxa ay sheegtay in ay qabatay mid ka mid ah gantaallada, kuwa kalena ay ku dhaceen dhul aanay cidna ku noolayn. Ugu yaraan 591 qof – oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo carruur ah – ayaa la dilay tan iyo markii ay Israa’iil dagaalka dib u bilowday maalintii Talaadada, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Ciidamada difaaca Israa’iil ee loo soo gaabiyo IDF ayaa sheegay in Khamiistii ay howlgal dhulka ah ka bilaabeen dhulka falastiiniyiinta. Waxaa jiray dib u dhac ku yimid dhaq-dhaqaaq millitari oo ballaadhan tan iyo bishii January, markaas oo ay bilaabatay xabbad-joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas Israa’iil ayaa sheegaysa in Xamaas ay weli gacanta ku hayso 59 la-hayste oo 24 ka mid ah la rumaysan yahay in ay dhinteen. Geesta kale, kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa gantaal ballistic ah ku riday Israa’iil Khamiistii, iyaga oo bartilmaameedkoodu ahaa garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv, sida uu sheegay afhayeenka millateriga ee kooxdan ay Iran taageerto. Bbcsomali Qaran News
-
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa sheegtay in howlgallo duqeyn ah oo laga fuliyay nawaaxiga deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu diley 82 xubnood oo isugu jiray hoggaamiyaal iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Alshabaab. Sidoo kale hay’addu waxay sheegtay in 19 kale lagu dhaawacay howlgalkaas, ka dib markii la beegsaday koox doonaysay inay abaabulaan falal amniga lid ku ah oo ay ka geysan lahaayeen deegaannadaas. Ciidanka xoogga dalka ayaa wada howlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayadoo duqeymo joogto ahi ay ka socdaan goballada shabeellooyinka iyo Hiiraan. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – At least 82 Al-Shabaab militants, including senior leaders, were killed and 19 others wounded in a series of airstrikes conducted in response to an early morning attack on Somali army bases in Lower Shabelle region on Thursday, according to the National Intelligence and Security Agency (NISA). Source: Hiiraan Online
-
President Wiliam Ruto has instituted changes within the ranks of Principal Secretaries and sanctioned postings to the nation’s foreign service. Source: Hiiraan Online
-
Arsenal's Mikel Merino scored a stoppage-time equaliser to earn Spain a draw against the Netherlands in their Nations League quarter-final first leg. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dalalka Carabta ay diideen qorshaha Donald Trump ee Gaza ayaa hadda Maraykanka iyo Israel waxay isha ku hayaan Geeska Afrika, gaar ahaan maamulka Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale, oo ah goob ay u arkaan inay suurtagal tahay in lagu dajiyo dadka reer Falastiin ee Gaza. Mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka iyo Israel ayaa xaqiijiyey in wadahadallo qarsoodi ah lala yeeshay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ah laba dhinac oo aad isu khilaafsan. Washington ayaa doonaysa inay khilaafkan ka faa’iideysato, si ay u hirgeliso qorshaheeda cusub. Somaliland oo muddo dheer ahayd gobol xasiloon oo ka tirsan Soomaaliya, balse mar walba dadaal ugu jirtay inay dunidu u aqoonsato dal madax-bannaan, ayaa sanadkii 2022 u soo bandhigtay Maraykanka inay siiso marin muhiim ah oo ay ciidamada Maraykanka adeegsan karaan, iyadoo beddelkeedana ku dalbatay tallaabooyin dhanka aqoonsiga madaxbannaanideeda. Qorshaha cusub ee Trump ayaa dhigaya in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza, halkaas oo uu Maraykanku maamulkiisa la wareegayo, kadibna loogu beddelo mashruuc weyn oo ganacsi oo lagu magacaabay ‘Middle East Riviera’. Hoggaanka Israel, gaar ahaan xubnaha ka tirsan kooxaha xagjirka ah, ayaa muddo dheer ka fikiri jiray in Falastiiniyiinta xoog looga raro dhulkooda. Waxayna hadda qorshaha Trump u arkaan waddo sahlan oo lagu gaaro yoolkooda. Xirmo lacag, diblomaasiyad iyo amni ah Israel iyo Maraykanku waxay diyaarinayaan xirmo lacageed, diblomaasiyadeed iyo amni, si ay Somaliland iyo wadamo kale ugu qanciyaan qorshahan. Si kastaba, taageerada Falastiin ayaa sii xoogaysatay kadib dagaalka Israel ay ku qaaday Gaza, gaar ahaan wadamada leh waayo-aragnimada gumaysiga sida kuwa Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in Somaliland aysan albaabka ka xireyn suurta-galnimada ah in ay qaabisho dadka reer Gaza, waxaa sidaas warbaahinta KAN ee Israel u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa qoraal uu u diray KAN ku yiri: “Waxaan diyaar u nahay wada-hadal kasta, balse ma dooneyno in aan ka hadalno arrimo aan weli laga wada hadlin. Dal kasta oo danaynaya in uu arrimo gaar ah nala gorfeeyo waa in uu marka hore la sameeyo xiriir rasmi ah oo uu xafiis diblomaasiyadeed ka furto Somaliland.” “Arrinta ugu muhiimsan ee noo taalla waa in nala aqoonsado kaddib markaan adduunka tusno in aan nahay dal nabadda jecel, dimoqraadiyaddana ku dhaqma, islamarkaana xor ahaa muddo 33 sano ah.” “Suurta-galnimada hirgelinta qorshahan waa mid shaki badan ku jiro,” ayuu yiri Moustafa Ahmad oo ah cilmi-baare Geeska Afrika jooga. Wuxuu sheegay in hoggaanka Somaliland laga yaabo inay u qiimeeyaan qorshahan si waaqici ah, balse taageerada shacabka u hayo Falastiin ayaa sii adkaynaysa inuu meel maro. “Xitaa saaxiibbada ugu dhow Maraykanka, sida Masar, Jordan, iyo Sucuudiga ayaa diiday qorshayaal noocan ah,” ayuu raaciyay Moustafa. Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara wadaxaajoodyada, iyadoo muddo dheer taageero u fidinaysay rabitaanka Somaliland ee aqoonsi caalami ah, islamarkaana xiriir fiican la leh Israel. Si kastaba, Imaaraadka ayaa taageeray qorshaha Masar ee dib-u-dhiska Gaza, kaas oo gabi ahaanba ka soo horjeeda qorshaha Trump ee ku saabsan rarista dadka Falastiin. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa beeniyay wararka sheegaya in wadahadallo rasmi ah socdaan, wuxuuna sheegay in dowladdiisu kaliya qiimeyn doonto haddii Maraykanku si rasmi ah usoo bandhigo qorshaha. Dhinaca Soomaaliya inteeda kale Dhinaca kale, Soomaaliya ayaa wajahaysa xiisad siyaasadeed oo gudaha ah. Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa khilaaf dastuuriga ah kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo jeediyay wax-ka-beddel dastuurka dalka, taas oo keentay in Puntland ay la noqoto aqoonsiga dowladda federaalka ah, iyada oo ku dhawaaqday madaxbannaani aan rasmi ahayn. Go’aanka Puntland wuxuu sii kordhiyay kala-qaybsanaanta Soomaaliya. Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa ka faa’iideystay fursaddan waxayna kordhiyeen weerarrada dhiigga badan leh, sida weerarkii dhawaan ka dhacay hotel ku yaalla Beledweyne. Amniga Soomaaliya ayaa sii xumaaday iyadoo Maraykanku uu hakiyay taageeradii uu siin jiray dowladda dhexe. Waxaa sii kordhaya baaqyada Madaxweyne Xasan Sheekh loogu baaqayo inuu xilka ka dego. Iyadoo Maraykanku uu leeyahay awood siyaasadeed oo muuqata, ayaa haddana dowladda Soomaaliya waxay caddeysay mowqifkeeda ah in aysan marna oggolaan doonin qorshe ku saabsan raritaanka dadka Falastiin. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaan xaqiijin ama beenin xiriirka Maraykanka iyo Israel, balse wuxuu caddeeyay mowqifka dowladda ee ah inaysan Soomaaliya marnaba oggolaan doonin in dhulkeeda loo isticmaalo raritaanka dad kale ama lagu wiiqo madax-bannaanida Falastiin. Muqdisho oo taageero xooggan u muujisay Falastiin ayaa taageertay go’aankii Jaamacadda Carabta ee lagu diiday qorshaha Trump. Sanadihii u dambeeyay Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Carabta iyo Turkiga. “Kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa mar walba isticmaalay arrinta Falastiin si ay u xoojiyaan mowqifkooda, iyagoo ka dhigaya arrin xiriir la leh midnimada Islaamka,” ayuu yiri cilmi-baare Moustafa Ahmad. Iyadoo qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay gacanta ugu jirto Al-Shabaab, taageerada shacabka Soomaaliyeed u hayo Falastiin-na ay aad u xoog badan tahay, dowladda Soomaaliya uma muuqato inay halis galin doonto xasilloonida yar ee ka hartay dalka.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in dalkiisu uusan dooneynin dagaal la xiriira helitaanka Badda Cas, xilli ay soo baxayaan walaacyo ku saabsan suurta-galnimada isku dhac militari oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea. “Itobiya ma lahan wax qorshe ah oo ay ula dagaallamayso Eritrea si ay u hesho marin badeed,” ayuu yiri Abiy Ahmed Khamiistii, sida lagu sheegay qoraal ay xafiiskiisu soo dhigay barta X (horey Twitter). Wuxuu intaas ku daray in helitaanka marin badeed uu yahay arrin istiraatiiji ah oo muhiim u ah Itoobiya, maadaama ay tahay dal aan bad lahayn, balse dowladdiisu ay door bidayso in arrintan lagu xalliyo wada-hadal iyo nabad. Walaaca laga qabo dagaal ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Eritrea ay ku dhawaaqday abaabul ciidan oo qaran, sida laga soo xigtay hay’ad xuquuqda aadanaha u doodda. Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed iyo saraakiil la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Itoobiya ay ciidamo u dirtay xadka ay la wadaagto Eritrea. Hindisaha uu Abiy ku doonayo in Itoobiya hesho marin badeed ayaa caro ka dhaliyay Eritrea, taasoo ku eedeysay Addis Ababa inay damacsan tahay la wareegidda dekedda Assab. Eritrea oo jawaabtay “Eritrea waxay aad ula yaaban tahay hamiga khaldan ee Itoobiya ee la xiriira raadinta marin badeed iyo saldhig ciidan – haddii ay ahaan lahayd wada-hadal ama xoog ciidan,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, Talaadadii, isaga oo soo xiganaya hadallo uu hore u jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkiisa. Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay cadaadis saarto Itoobiya si ay u ixtiraamto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee deriskeeda. Sidoo kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Eritrea ay isku diyaarinayso dagaal ka dhan ah Itoobiya, isagoo eedeymahaas ku sifeeyay “been abuur.” Haddii mar kale dagaal dhex maro labadan ciidan oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Afrika, waxa uu burburin doonaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee keenay in Abiy ku guuleysto billadda Nabadda ee Nobel 2019. Sidoo kale, waxa uu horseedi karaa masiibo bini’aadannimo oo hor leh, iyadoo gobolka uu durba la daalaa dhacayo cawaaqibka dagaalka Suudaan. Intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ee socday intii u dhaxaysay 2020-2022, ciidamada Eritrea ayaa xadka ka tallaabay si ay u garab istaagaan dowladda dhexe ee Itoobiya oo dagaal kula jirtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF). Hase yeeshee, heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Pretoria, Koonfur Afrika bishii Nofeembar 2022, ayaa abuuray xiisad cusub oo ka dhex dhalatay Itoobiya iyo Eritrea, maadaama Eritrea aysan qayb ka ahayn wada-hadalladii heshiiska. Xiisadda Tigray Tan iyo markaas, TPLF – oo gacanta ku haysa maamulka ku-meelgaarka ah ee Tigray, iyada oo ay oggolaatay dowladda federaalka Itoobiya – ayaa u kala jabay laba garab oo mid walba uu doonayo inuu xukumo gobolka. Maamulka Tigray ee hadda jira ayaa eedeyn u jeediyay garabka kale, iyagoo ku eedeeyay in ay la shaqeynayaan Eritrea. Dhanka kale, garabka mucaaradka ah ayaa dhaliilay hoggaanka maamulka Tigray ee hadda jooga, iyagoo ku eedeeyay in uusan difaacin danaha shacabka Tigray. Labada dhinacba way beeniyeen eedeymaha la isweydaarsaday. Abiy ayaa Khamiistii baarlamaanka Itoobiya u sheegay in muddada maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray la kordhiyay hal sano oo dheeraad ah, iyada oo la sameeyay wax-ka-bedel aan la faahfaahin. Wuxuu se ka gaabsaday inuu caddeeyo in wax-ka-bedelkaasi uu ku jiro in hoggaan cusub loo magacaabo maamulka, taasoo ah arrin ay si weyn u dalbanayeen garabka mucaaradka. “Si waafaqsan heshiiskii Pretoria, maamulka ku-meelgaarka ah wuxuu sii jiri doonaa illaa doorashada guud ee soo socota,” ayuu yiri Abiy, isagoo ula jeeday doorashada lagu wado in Itoobiya ka dhacdo 2026.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in howlgallo duqeyn ah oo ilaa lix gaaraya, oo ay ciidankeeda ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, lagu dilay 82 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, halka 19 kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta. Howlgalladan lagu naafeeyay argagixisada oo ilaa iyo xalay soo gaaray ayaa bilowday kadib markii Shabaab soo weerareen deegaankaas, halkaas oo ciidanka qaranka ay kula galeen mid kamid ah dagaaladii ugu qaraaraa. “Howlgalladan lagu naafeeyay argagixisada oo ilaa caawa soo gaaray ayaa yimid kaddib markii ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA heleen xogta koox Khawaarij ah oo isku dayay inay carqaladeeyaan amniga deegaanka Sabiid iyo Caanoole,” ayey tiri hay’addu. “Hay’adda NISA waxa ay markale dadka rayidka ah ku wargelineysaa inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.” Duqeymahan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda, oo ka socda gobollada Shabeellooyinka, waxaana gobolka Shabeellaha Dhexe ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kuur-galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgallada xoreynta dalka, isagoo halkaasi ka hagaya howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii ambaqaado guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay wali ku harsan yihiin argagixisada iyo dib-u-hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga, oo ay ka jirtay nolol adag iyo duruufo ba’an. Diyaaradaha ay dhawaan soo iibsatay dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya howlgallada dhanka saadka iyo taakuleynta ciidanka. Sidoo kale, odayaasha dhaqanka beelaha Mudullood ayaa ku biiray abaabulka dagaalka Khawaariijta, waxayna shalay ka baxeen magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray deegaanada ay ugu horeyso degmada Cadale, oo abaabulka ugu culus uu ka socdo. Inkastoo ciidan iyo saraakiil qaali ah ay dowladda Soomaaliya uga dhinteen dagaalkii qaraaraa ee Sabiib iyo Caanoole, hadana kooxda Al-Shabaab ayaa lagu laayey halkaas, waxayna ciidamadu si geesinimo leh uga difaaceen deegaanka. Dalka oo dhan waxaa ka socda faltan dagaal kii ugu cuslaa, duqeymaha iyo dagaalka tooska ah waa joogto, waxaana weli gacan sareysa dowladda, markii laga reebo gobolka Shabeellaha Dhexe oo Shabaab ay soo galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay 82 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab ku dishay ilaa lix duqeymood, oo ay ka fullisay nawaaxiga degaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Duqeymaha oo ilaa iyo xalay soo gaaray ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, ay heleen xogta koox ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay carqaladeeyaan amniga degaanka Sabiid iyo Caanoole, sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka soo baxay NISA, waxaana Hay’addu ku wargelisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxahaasi Al-shabaab. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgallo duqeyn ah oo ilaa lix gaaraya ka fuliyay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa halkaas ku dilay 82 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaadka Khawaariijta, halka 19 kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.” “Howlgalladan lagu naafeeyay argagixisada oo ilaa iyo caawa soo gaaray ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ay heleen xogta koox Khawaarij ah oo isku dayay in ay carqaladeeyaan amniga deegaanka Sabiid iyo Caanoole. Hay’adda NISA, waxa ay markale dadka rayidka ah ku wargalineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Hay’adda NISA. PUNTLAND POST The post Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay 82 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Donald Trump uu sare u qaadayo weerarrada militari ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta Yemen, khubaro ayaa ka digaya in iskaashi sii xoogeysanaya uu ka dhex abuurmay Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaeda. Bishii Juun 2024, hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa daaha ka qaaday wada-hadallo dhex maray Xuutiyiinta Yemen iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo muujineysa khatar sii kordheysa oo ku wajahan xasilloonida Geeska Afrika. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Febraayo 2025 ayaa xaqiijisay in wakiillo ka kala socda labada koox ay laba jeer ku kulmeen Soomaaliya bishii Luulyo iyo Sebteembar 2024, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Badda Cas. Khubaradu waxay sheegayaan in Ansar Allah (Xuutiyiinta) ay oggolaadeen in ay Al-Shabaab ku taageeraan hub iyo khibrad farsamo, si ay ugu beddeshaan in Al-Shabaab xoojiso howlgallada burcad-badeedka iyo madax-furashada ee Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya. Weerarada Mareykanka Weerarro cirka ah oo dhawaan Mareykanku la beegsaday Xuutiyiinta ayaa sii xoojiyay walaaca laga qabo xiriirkooda sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab. Khubaro ka tirsan Machadka Carnegie Endowment ayaa ka digaya in iskaashigan uu Xuutiyiinta iyo xulafadooda, gaar ahaan Iran, u furo fursado istiraatiiji ah, oo ay ka mid yihiin: Xoojinta iyo kala-duwanaanta silsiladaha sahayda Helitaanka hub casri ah Xoojinta taageerada gudaha Kobcinta fursadaha istiraatiijiga ah Khubaradu waxay sheegayaan in iskaashigan uu dib u qaabeyn karo ammaanka badda ee Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab, iyaga oo uga faa’iideysanaya xaaladda dagaal ee ka jirta gobolka. Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Falanqeeyayaal qaar ayaa aaminsan in iskaashigan uu Xuutiyiinta u oggolaan karo in ay sii xoojiyaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militari ee maraya Badda Cas. Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda International Crisis Group, ayaa u sheegay The Africa Report in Yemen ay inta badan tahay suuq hub oo muhiim u ah Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in wada-shaqeyntan ay ujeedadeedu noqon karto in la abuuro xiriir ganacsi oo toos ah, taasoo sahleysa in noocyo cusub oo hub ah loo gudbiyo Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in ay adag tahay in iskaashi ballaaran oo istiraatiiji ah uu dhex maro labada koox, maadaama ay kala haystaan aragtiyo siyaasadeed iyo jihooyin juqraafiyeed oo aad u kala fog. Falanqeeye amni, Liam Karr, ayaa tilmaamay in Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab aysan ahayn iskaashi dabiici ah, maadaama ay si weyn uga duwan yihiin dhinaca caqiidada iyo yoolalka militari. Sidaas darteed, wuxuu sheegay in xiriirkoodu inta badan ku kooban yahay shabakadaha ganacsiga hubka ee gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Karr wuxuu xusay in labada koox ay xiriir la leeyihiin xulafada Iran ee loo yaqaan “Tiirka Iska Caabbinta” (Axis of Resistance) iyo shabakadaha Al-Qaeda, taasoo u suurtagelin karta in ay iskaashi ku sameeyaan dano gaar ah oo ka dhan ah Mareykanka. Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho caqiido iyo juqraafi, khubaradu waxay isku raaceen in nacaybka ay u qabaan Mareykanka iyo Israel uu mideeyo Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab. Falanqeeye Sakhri Mohamed ayaa qoray: “Si loo fahmo xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, waa muhiim in la eego xiriirka guud ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Al-Qaeda, iyo doorka Iran ee hagaajinta wada-shaqeyntooda.” Mohamed wuxuu xusay in laanta Al-Qaeda ee Yemen, oo loo yaqaan Al-Qaacidada Gacanka Carbeed (AQAP), ay noqotay laanta ugu awoodda badan ee gobolka, taasoo sare u qaadaysa xiisaha iskaashi ku dhisan dano wadaag ah halkii ay ka ahaan lahayd xiriir caqiido ku saleysan. Wuxuu soo jeediyay labo aragti oo la xiriira doorka Iran: In Iran ay si toos ah u daneyneyso una xoojineyso xiriirka Al-Shabaab. In Iran ay si dadban u fududeyneyso wada-shaqeynta Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab. Xiriirka Iran Karr wuxuu xusay in Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ay si dadban isugu xiran yihiin iyada oo loo marayo shabakadaha ka ganacsada hubka ee gobolka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Al-Shabaab ay horay u haysatay hub yar-yar oo Iran ay u waday Xuutiyiinta, iyadoo sidoo kale la wadaagta xiriir laamaha hubka ee Gacanka Cadmeed. Warbixin ay diyaarisay hay’adda Global Initiative Against Transnational Organised Crime (GITOC) ayaa xaqiijisay in hubka Al-Shabaab qaarkood ay toos uga yimaadeen maraakiib Iran ay u waday Xuutiyiinta Yemen. Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaamtay in tani ay u badan tahay ganacsi faa’iido lagu raadinayo halkii ay ka ahaan lahayd taageero istiraatiiji ah oo toos ah oo ka imaaneysa Iran ama Xuutiyiinta. Xogaha sirdoonka ayaa tilmaamaya in Iran ay si dhaqaale iyo militari ah u taageerto Al-Shabaab, iyada oo u maraysa yoolal ay wadaagaan oo ka dhan ah reer Galbeedka. Tehran ayaa la sheegay in ay kooxda siisay walxaha qaraxyada (IEDs), moortarka iyo kiimikooyin loo adeegsado samaynta waxyaabaha qarxa. Mareykanka ma ka falcelin doonaa? Iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta wuxuu sare u qaadayaa walaaca la xiriira: Kororka burcad-badeednimada Khataraha ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militari Halista ka soo fool leh marinnada muhiimka ah sida Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab Sidoo kale, helitaanka hub casri ah iyo taageero farsamo oo Al-Shabaab ka helayso Xuutiyiinta, iyada oo ay gacan ka geysaneyso Iran, waxay si weyn u xoojinaysaa awoodda hawlgal ee kooxda. Dhammaan halistan isku darsamay—argagixisada, burcad-badeednimada, iyo dagaalka ay taageerto Iran—waxay Mareykanka cadaadis ku saareysaa inuu qaado tallaabo degdeg ah oo militari oo u uku fara-gelinayo Soomaaliya, iyo ka hortag ah si loo xasiliyo gobolka loona sugo amniga badda.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQOdAENn9gzaPDMAaoalivKKD5zmF18JFsnwaRQjwPHC92MNPySnWM9sWB86IGlkv_nQmeGRUe6R1C5R7Xrx3GL4.mp4 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mudullood ayaa ku biiray abaabulka dagaalka Khawaarijta, waxayna galabta ka baxeen magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray deegaano ay ugu horeyso degmada Cadale oo abaabulka ugu culus uu ka socdo. Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa hoggaminaya wafdiga odayaasha ah ee galabta garay degmada Cadale, sidoo kale xildhibaano iyo siyaasiyiin horay xilal kala duwan dalka uga soo qabtay ayaa qeyb ka ah wafdiga. Kadib muddo dheer oo dhaqanka Mudullood la is weydiinayey sababta ay uga qeyb qaada la’yihiin howlgalka, waxaa hadda bilowday abaabul ay hor kacayaan oo saldhigiisu yahay degmada Cadale, halkaas oo ciidamadii ugu badnaa ee dowladda la isugu geeyey. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wafdiga odayaasha Mudullood uga sii horeeyey degamada Cadale, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu degay oo halkaas uu ka hoggaami doono dagaalka Khawaarijta. Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo dhaweeyey degmada Cadale, halkaas waxaa ku sugan dhammaan saraakiisha muhiimka ah ee ciidamada qaranka. Abaabulka xooggan ee ka socda Cadale ayaa barbar socda howlgallo culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay ku bilaabeen Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo xeeladihii kooxdu ku beegsan jirtay ciidamada. Dowladda federaalka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka ayaa kordhiyey weerarrada gaadmada ah iyo duqeymaha loo geysanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo maanta mar kale deegaan hoos taga Ceelbuur lagu duqeeyey saraakiil Shabaab ah. Ciidamada Macawiisleyda degmada Al-Kowsar ayaa maanta jidka u galay oo dilay labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo watay Bacda looga dhuunto duqeymaha, Mooto iyo labo qori oo AK47 ah. Howlgal kale oo duqeyn ah oo maanta ka dhacay deegaanka Dabdheer oo u dhaxeeya degmada Ceelbuur iyo deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ayaa lagu laayay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa guri halkaasi ku yaalla. Xubno ka soo waramay deegaanka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay saraakiishii Al-Shabaab ee la beegsaday, inkastoo aan magacyada, tirada ragga la dilay iyo xogtooda rasmiga ah aan weli la baahin, hadana waxay wararka hordhaca ah sheegayaan in maanta halkaas kooxda looga dilay saraakiil sare oo muddo lagu raad-joogay. Deegaanada Sumadaale, Bursha Sheekh, Basra, Ceelbaraf, Galcad, Gal-haruur, Sabiib iyo deegaano kale oo kooxda Al-Shabaab lagu bartilmaameedsaday ayey xalay ilaa maanta garaacayeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Soomaaliya iyo caalamka. Hoos ka daawo wafdiga beelaha Mudullood
-
OON IYO BARWAAQAA KOLBA MIDI DANBEEYAA MA BIYIHII NA LIQAYBAAN HARRAAD UGA BAKHTIYAYNAA. intii aynu jirnay waxa innagu soo noqnoqonaysay abaar dad iyo duunyoba xaaqda, sida abaartii haarriya, dameeraqalad, oon dheer, baraha, xaaraama cune, dabadheer IWM. Abaar kasta waxa ku xigtay barwaaqo Wadata roobab dadka laaya oo ka taga xanuunno ay ka mid tahay kaneeco dilaa ahi sida gugii DUUMAALE, waa mushkilad joogto ah oo ay u danbaysay raxmaddaas dadka ku laysay hargaysa. Biyaha roobabku waxay ku shubmaan badda cas ayaamaha xigana dhaankaa la arooriyaa waa sababtuu CALI SUGULLE u lahaa ma biyihii na liaaybaan HARRAAD uga bakhtiyaynaa. Dadkii ku geeriyooday ilaahay haw naxariisto inta ku dhaawacantayna ilaahay ha shaafiyo waxa loo baahanyay carqaladdan inna dishootay sidaynu uga bixilayn. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News