Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,728
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda goboleedka Jubbaland waxaa 4 maalmood ee la soo dhaafay shir ku lahaa madaxda laamaha garsoorka dalka oo isugu jira wasiirka caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad gobolleedyada, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, iyo Saraakiisha Booliska. Ujeedada shirka ayaa ahayd sidii ay laamaha garsoorka heerarkooda kala duwani u wada shaqayn lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen si loo helo adeeg cadaaladeed oo mideysan, loona gaaro yoolka fog ee laga leeyahay garsoorka dalka. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in shirku ahaa kii ugu horreeyay ee ay dhammaan dhinacyadu isugu yimaadaan, islamarkaana looga hadlay qodobo wax ku oo ah oo hormarinta adeegyada garsoorka ku saabsan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laamaha Caddaaladda dalku ay markii hore u kala qeybsanaayeen hay’ado iyo waaxyo aan aragti mideysan iyo qorshe wadajir ah midna lahayn, balse hadda lagu heshiiyay in laga dhigo gole isku xiran oo wada shaqeyn toos ah leh. Hannaanka garsoorka dalka oo kamida 3-da tiir ee ugu muhiimsan nadaamka dowladnimada ayaa hadda ku jira hab dib u soo kabasho ah, waxaana sii xoogaysanaya madax-bannaanidiisa iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan. Source: goobjoog.com
  2. Saldhigga ciidanka Mareykanka ee ku yaalla galbeedka Ciraaq ee Ain al-Asad weerar xooggan Weerarka ayaa lagu tilmaamay weerarkii u horreeyay tan iyo bishii April oo ay ku qaadaan kooxaha ay Iran taageerto oo u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegtay Reuters. Ma jiro khasaare la soo sheegay oo ka dhashay weerarka ka dhacay saldhigga oo ay sidoo kale ku suganyihiin ciidamo kale oo caalami ah oo ka tirsan isbahaysiga NATO. Weerarkan ayaa ku soo aaday saacado kaddib markii sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Bagheri Kani, uu ku dhawaaqay kooxaha ay Iran taageerto ee ku sugan bariga dhexe inay isku diyaariyeen weerarro. PUNTLAND POST The post Saldhiga Maraykanka ee galbeedka Ciraaq oo la weeraray appeared first on Puntland Post.
  3. Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Yucub ee Gobolka Doollo dowlad deegaanka Soomaalida, gaari ayaa kusii jeeday deegaannada maamulkaas xilli uu kasoo kicitimay magaalda Garowe. Gaariga oo ahaa Leylo Calaawi ayna leedahay Shirkada Safarada ee Al-Ixsaan ayaa ka soo baxay Garoowe ee caasimadda ayaa kusii jeeday magaalada Qabridahar. Sida uu xaqiijiyay maamulka Isbitaalka Doollo Tirada dadka ku dhintay shilka gaariga ayaa gaaraya Saddex Ruux halka ay ku dhaawacmeen Shan ruux. Dadkaas ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee Gobolka Doollo, Degmadiisa Wardheer. Dadka dhintey ayaa kala ah: Maxamed Shire Cismaan, 40 jir Faadumo Jaamac, 17 jir Caasha Cabdinuur Aadan, 40 jir Dhaawaca oo 5 ruux ah ayaa kala ah: Faadumo Siciid Maxamed, Abshiro Cabdinuur Fardawsa Xaashi Soofe Cabdinuur Cali Cabdullaahi5. Iyo darawalka oo ka soojeeda Itoobiya laguna maagacaabo Henok Debebe. Shilalka gawaarida ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida iyo Somaliland iyadoo ay ku dhinteen dad badan. Source: goobjoog.com
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kaas oo ay ku gaarsiiyeen jab xoogan. Ciidamada deegaanka ayaa beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa deegaanada Budbud iyo Ceel Cali Xasan, waxaana kadib xiga dagaal toos ah uu dhexeeya labada dhinac, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad. Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanka Ceel Jowle oo ah halka ay weerarka ku qaadeen. Sidoo kale waxa ay saraakiisha sheegeen inay soo bandhigi doonaan khasaaraha ay maleeshiyaadkii ku sugnaa halkaas u gaysteen. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ka dhacay dhinaca degmada Ceeldheer, kaas oo isna khasaare lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan halkaasi. Maalmihii u dambeeyay waxaa gobollada dhexe ka socda guluf dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi, kaas oo ay iska kaashanayaan Galmudug iyo dowladda dhexe. The post Ciidamada Macawiileyda oo jab culus gaarsiiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Gaza (Caasimada Online) – In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Isra’il Talaadadi shalay ilaa xalay saqdi dhexe ku beegsadanayeen koofurta iyo bartamaha Gaza. Meelaha ay ciidanka Isra’il gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Isra’il u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan. Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa Talaadadi shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi. Saraakiisha isbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof. Duqeymo kale oo Isniintii iyo Talaadadi ay Isra’il ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Zawaida ee bartamaha Gaza, ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay. Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah. Degmada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il dagaalka ka wadeen tan iyo May, ayaa la xaqiijiyay in 5 Falastiiniyiin ah lagu dilay kaddib duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolayeen. Isra’il ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas. Hase yeeshee, Xamas ayaa sheegtay, in duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka waddo Gaza ay uga gol-leedahay in ay ku fashiliso wadahadallada xabbad-joojinta ee ay garwadeenta ka yihiin Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta. The post ISRAEL oo in ka badan 60 QOF ku dishay GAZA appeared first on Caasimada Online.
  6. Djibouti, a crucial partner in a strategic but unstable region HR/VP Blog – A week ago, I travelled to Djibouti to meet the authorities of this country, a strategic partner at the heart of a region, the Horn of Africa, beset by multiple crises. I also visited the Aspides naval operation launched in February to protect maritime traffic in the Red Sea from attacks by the Houthis. A further step towards making the EU a global maritime security provider. © EEAS Accompanied by the Greek Defence Minister, I travelled first to Larissa, Greece, where the headquarters of operation Aspides is located. There we took stock of the situation with the officers leading the mission. It was launched in record time: its principle was approved at the end of December 2023 and it began operations last February. This is the fastest launch of all missions decided during my mandate. A major urgency We had indeed to deal with a major urgency. 22% of EU imports normally pass through the Red Sea and the Suez Canal. Following the war in Gaza, attacks by the Houthis in Yemen on these ships have led to a massive diversion of traffic towards the Cape of Good Hope. This diversion extends the journey from Asia to Europe by 10 to 14 days. This extra time increases the cost of transport but its effect is also multiplied by the fact that, for the same amount of goods transported, more ships are mobilised at the same time on the sea. As a result, available transport capacity, which is limited in the short term, is shrinking. It leads to a sharp rise in the cost of freight, simply due to the law of supply and demand. Since last October, the cost of transporting a container from China to Europe has almost doubled. This state of affairs not only boosts inflation in Europe, but also deprives an entire region of the essential resources derived from this transit. This is true for Djibouti but also for Egypt, where Suez Canal revenues fell by 57% in the first quarter of 2024. A strictly defensive operation Operation Aspides was launched to try to restore this transit. It has gathered large support from day one. Six EU Member States have deployed frigates in the region, and 15 EU Member States contribute with personnel in the headquarters. This operation has a strictly defensive mandate. Our vessels operate only in self-defence to protect targeted ships and we are not engaged in any operation on land. Since February, the operation Aspides has accompanied more than 170 ships and destroyed more than 19 drones or missiles launched by the Houthis. I then travelled to Djibouti, where the Aspides ships are based. On arrival, I visited the Greek frigate Psara, anchored in Djibouti, and the following day I flew by helicopter to the Italian ship Fasan, on a mission in the Red Sea. A few hours after my visit, the Psara, which had also left the port of Djibouti in the meantime, intercepted several drones launched by the Houthis. Unfortunately, this mission and other allied ships present in the area have not yet allowed to fully restore maritime traffic via the Red Sea. It remains around half what it was before 7 October 2023. An end to the war in Gaza remains an essential prerequisite for a genuine return to normality in the region. The EU is becoming a global maritime security provider Despite these limitations, Operation Aspides illustrates one of the areas in which European defence and security policy has made significant progress during this mandate: the ability to be a global maritime security provider to protect at sea EU’s interests but also the interests of our regional partners. Operation Irini, in the Mediterranean, launched in early 2020, implements the United Nations embargo on arms deliveries to Libya, even if other routes than the sea one are unfortunately also used for this purpose. Operation Atalanta, which has been in place since 2008, has done remarkable work in the fight against piracy off the coast of Somalia. We also have two Coordinated Maritime Presences, in which the navies of our Member States coordinate their actions closely, without being placed under a single command as is the case for the EU operations. We have implemented this concept both in the Gulf of Guinea and in the North West Indian Ocean, areas of major strategic interest for European supplies. Operation Aspides illustrates the growing EU’s ability to become a global maritime security provider to protect at sea EU’s interests but also the interests of our regional partners. This growing EU role in maritime security has also led us to conduct a number of joint exercises with several navies, such as India’s in the Indian Ocean. In March 2023, we also organised the first joint maritime exercise between the United States and the European Union. Most of the European Union’s imports and exports are transported by sea. It is therefore crucial for us to be able to protect these flows all over the world when their security may be threatened. Djibouti, a central EU partner in a strategic region But this trip was not just about the Aspides mission. It was principally a bilateral visit to the authorities of Djibouti, a central partner in a region, the Horn of Africa, which is currently marked by numerous crises. Djibouti, a country of just over a million inhabitants, is certainly not the largest in the region. It nevertheless plays a major role thanks to its strategic position. The country is home to American, French, Chinese, Japanese and Italian military bases. Djibouti is also the main home port for both the EU operations Atalanta and Aspides. Djibouti, a country of just over a million inhabitants, is not the largest in the region. However it plays a major role thanks to its strategic position. The country faces war-torn Yemen, just 28 kilometres across the Bab Al Mandab Strait at the entrance to the Red Sea. It neighbours Somalia, which has been plagued by internal conflict for decades. Tensions have recently been heightened in and around Somalia following the signature of a Memorandum of Understanding between Ethiopia and Somaliland, a vast region bordering the Indian Ocean to the north of the country. Djibouti is also a neighbour of Ethiopia, which has gone through a terrible civil war in Tigray last year and is now witnessing serious troubles in Amhara and Oromia regions. Last but not least, the country is not very far from Sudan and South Sudan, both plagued by bloody civil wars. Djibouti’s financial outlook is very bleak Djibouti’s economy depends essentially on its port, which accounts for 60% of its GDP. However, this activity has been badly affected by regional tensions and the fall in maritime traffic in the Red Sea: revenues generated by the port have fallen by around 60%. And the country’s financial outlook is very bleak. It has a large foreign debt representing 70% of its GDP, mainly with China. Djibouti risks becoming rapidly insolvent if maritime traffic does not recover quickly. It was against this difficult backdrop that I met the President of the Republic, Ismail Omar Guelleh, and the Minister of Foreign Affairs, Mahmoud Ali Youssouf. I wanted to thank them for welcoming the ships of the Aspides mission after those of Atalanta, to discuss the critical situation in the Horn of Africa and to assure them of the European Union’s full support at this difficult time for Djibouti and the region. Djibouti also currently chairs the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the regional organisation that brings together Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Uganda and Sudan (Sudan has recently suspended its participation to IGAD). I met its Executive Secretary, Workneh Gebeyehu, to discuss the enormous difficulties facing the region. The desalinisation plant, the flagship EU project in Djibouti Finally, I visited a seawater desalination plant, the flagship project of EU’s development cooperation in Djibouti. As throughout the region, access to fresh water is a crucial issue for a growing population at a time of intensifying drought. The first phase of this project resulted in providing drinking water to 30% of the Djiboutian population. Together with the European Investment Bank, we have just launched the second phase, which will allow to provide water to 70% of the Djibouti people by 2028. As I come to the end of my term of office, I was delighted to be able to make this trip, which I wanted to do for a long time. It illustrates both our determination to make the EU a global maritime security provider and our commitment to working alongside Africa and Africans to overcome the enormous challenges the continent faces. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tegey xerada tababbarka ciidanka xoogga ee Jeneral Dhagabadan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa halkaasi kula kulmay horin ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qadanaya tababar sare loogu qaadayo xirfadooda ciidan, isaggoo isha soo saaray qeybaha kala duwan ee xerada. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay dugsiga tababarka, kaasi oo uu gacan weyn ka geystay Midowga Yurub, oo ka taageeray Soomaaliya. “Qaar kamid ah ciidanka uu tabarka u socdo ayaa iiga warbixiyey casharrada ay qaadanayaan iyo sida ay waxgal ugu noqon doonaan u-diyaarsanaantooda hawlgalladooda iyo guud ahaan amniga iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri mudane Saalax oo warbaahinta dowladda la hadlay. Mudane Saalax ayaaa kula dardaarmay ciidanka uu tababarka u socdo in markii ay dhameystaan waxbarashada ay dalkooda ugu adeegaan daacadnimo, “waxaan idinkula dardaarmaya in aad ahaatan niman aaminsan inay wax wanaagsan qabanayaan, aadna Ilaahay ku xirnaatan.” Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday tababarka ciidanka, kuwaasi oo lagu tababarayo gudah dalka iyo dibadaba, si ay awood ugu yeeshaan hanashada amniga dalka, maadaama qorshuhu yahay inay dhowaan la soo gaba-gabeeyo hawl-galka ATMIS. Ciidamada ayaa bilihii u dambeeyay ciidanka ATMIS kala wareegay saldhigyo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen sanado badan, kuwaasi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Muxuu R/wasaare ku-xigeenka kusoo arkay xerada Jeneral Dhagabadan? + Video appeared first on Caasimada Online.
  8. Somaliland Government Deeply Concerned Over Arms Proliferation in Somalia Hargeisa, Somaliland – July 16th, 2024: The Government of the Republic of Somaliland expresses grave concern over the alarming escalation of arms proliferation in Somalia, as evidenced by recent events. In the past three months, Al Shabab has successfully seized substantial quantities of weaponry from government forces in central Somalia. Moreover, the recent incident in Aabud Waq, where civilians and clan militias captured a large cache of weapons and ammunition from the Mogadishu government, further highlights the critical security situation. These developments serve as a serious reminder of the Somaliland government’s and other frontline states’ longstanding concerns regarding the lifting of the arms embargo on Somalia. Despite our fervent warnings, the embargo was lifted in December 2023. The subsequent proliferation of these captured arms, now widely documented on social media, raises serious questions about the wisdom and timing of this decision. Given the Mogadishu government’s apparent inability to secure its arms stockpiles, and the potential catastrophic consequences of this situation, the Somaliland government calls upon the United Nations and the International Community to urgently re-evaluate their decision to lift the arms embargo. We urge the international community to take immediate steps to address this crisis and prevent further destabilization of the region. Qaran News
  9. Mogadishu (PP Comment) — In October 1969, Mohamed Haji Ibrahim Egal was the Prime Minister of Somalia. He delivered a speech at the United Nations in which he made a strong case for allowing the People’s Republic of China to be included in the United Nations decision-making process. This was before October 25, 1971, when the United Nations General Assembly passed Resolution 2758 to recognise the People’s Republic of China (PRC) as “the only legitimate representative of China to the United Nations.” The United Nations expelled the representatives of the Republic of China (ROC). Since that day, Taiwan has not had a seat at the United Nations. Mohamed Haji Ibrahim Egal, the Prime Minister of Somalia 1967-1969. In 1993, Egal was elected in Borama as the President of Somaliland Administration. His argument for regarding secession as a defensible political position was based on what he viewed as the impossibility of reconstituting the Somali State. It did not bother him that Eritrea had not sought statehood through unilateral secession from Ethiopia. “Who can we reunite with? Ali Mahdi and General Aideed caused the death of more than 300,000 people in Mogadishu,” Egal once told a reporter. As one of the Founding Fathers of the Somali Republic, Egal knew that disrespecting the international norms governing sovereignty does not earn any secessionist entity friends or allies. Egal would object to the idea that ties with Taiwan could turn a secession campaign into a sovereignty reality. It is not only the Somaliland Administration authorities who can be faulted for lacking a sense of history. The Federal Government of Somalia can equally be accused of not denouncing the ties the Somaliland Administration claims to have with Taiwan. Diplomatic leniency on the part of the Federal Government of Somalia might have led Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, to believe that Somalia is not taking its sovereignty seriously, to the point that he signed an illegal maritime Memorandum of Understanding with the President of the Somaliland Administration, Muse Bihi Abdi, in January 2024. The People’s Republic of China remembers that Somalia’s position on China’s right to have a seat at the United Nations remained the same before and after October 21, 1969, when the Somali Army staged a coup that came to be known as the Bloodless Revolution. © Puntland Post, 2024 The post M. H. I. Egal Would Object to Somaliland Administration Ties with Taiwan appeared first on Puntland Post.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland. Xeer ilaalinta ayaa Xildhibaanka u heysata eedaymo ay ku jirto in masuuliyiinta ka Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa xaqiijiyey inay soo gaartay warqadda xeer ilaalinta uga timid ee lagu dalbaday in xasaanadda laga xayuubiyo Xildhibaankaas, si loo maxkamadeeyo. Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay. Intii uu Jabuuti ku sugnaa xildhibaan Abiib wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyey sawir isaga iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaleh ay galeen, isagoo soo raaciyey qoraal u dhignaa “Waxaan Wasirka ka wada hadalnay halka ay marayso hawsha jid isku xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxuu ii sheegay inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidhiidhi doona.” Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa hadda xaqiijiyay in ay jirto dacwadda ay ka gudbisay Xeer ilaalinta Somaliland, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin bixiyo. Qaar ka mid ah Khuburada sharciga ayaa sheegaya in marka la eego eedda xildhibaanka loo jeediyay ee xeer-ilaalintu dalbatay in maamus ka xayuubin lagu sameeyo ay u baahantahay in qodobbada la faah-faahiyo isla markaana si dhab ah loo ogaado waxa ay salka ku hayaan. Maxamed Cabdi Afyare, oo ah sharci-yaqaan ayaa qaba in tusaale ahaan qodobbada lagu soo eedeyay, Xildhibaan Abiib sida inuu la kulmay xubno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay Jabuuti ay tahay in la ogaado waxa uu kala hadlay iyo faahfaahintooda, iyo in arrinta ciidamada Somaliland qudheeda la eego qaabka uu uga hadlay. “Arrimahaas kaligood kuma filna in xildhibaan lagu soo eedeyo si xasaanadda looga qaado, arrimahaasi waxay u baahanyihiin ciidanka qaranka sida uu uga hadlay, ma siyaasadda lagu maamulyay ayuu dhaliilay,taasna xildhibaanku xaqbuu u leeyahay inuu ka hadlo,” ayuu yiri sharciyaqaan Maxamed Cabdi Afyare oo BBC la hadlay. The post Xildhibaan Abiib oo laga gudbiyey dacwad culus iyo xeer ilaalinta oo dalbatay ‘xasaanad ka xayuubin’ appeared first on Caasimada Online.
  11. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaarey aagga Deegaannada Waniile iyo Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidanka iyo kooxda Alshabaab. Janaraal Dayax ayaa Ciidanka iyo Saraakiisha ku sugan aaggan ku ammaanay sida ay ugu dhabar adaygeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, wuxuuna ku dhiirigeliyay inay sii wadaan gulufka Ciidan ee halkaas ka socda. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo howlgallada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku wadaan ayaa kordhay todobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo ay ka socdaan Jubaland, koonfur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug. Source: goobjoog.com
  12. Maamul goboleedka Galmudug ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan shaqaaqada ka dhalatay hubkii lagu qabtay shalay degmada Caabudwaaq. War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug ayey ku sheegtay inay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa hubkaasi laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo, ayay qoraalka ku sheegtay wasaaraddu. “Dowladda Galmudug waxey baaritaan ku haysay cidda ka danbaysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darrada ah ay ka danbeeyeen”. “Iyadoo ujeedku ahaa in loogu adeego danahada argagaxisada , la isagana horkeeno shacabka , laguna qalqal geliyo amniga iyo xasilloonada Galmudug,” ayay wasaaadda amniga gudaha ee Galmudug ku sheegtay qoraalkeeda. PUNTLAND POST The post Galmudug oo war ka soo saartay Hubkii lagu qabtay degmada Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.
  13. Washington (Caasimada Online) – Markii uu James David Vance, u soo galay hoolka shirarka ee xisbiga Jamhuuriga si uu u aqbalo magacaabista madaxweyne ku xigeenka xisbiga, waxaa uuna gacan qaaday Trump. Ergada Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga ayaa si rasmi ah u doortay Mr Vance, Isniintii ka dib markii Trump uu ku shaaciyay bartiisa bulshada in uu doortay ka dib “talo-gal dheer iyo fikir”, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan. Laakiin senetarka laga soo doorto Ohio, ayaa mar ka mid ahaa dadka aadka u dhaliila Trump isagoo saaxiibkisa cusub ee hadda horrey ugu yeeray “Hitler-ka Mareykanka”, balse markaas ka dib wuxuu noqday taageero aad u adag. Doorashadii xilliga dhexe ee 2022, wuxuu ku guuleystey kursi ka mid ah senate-ka Mareykanka isagoo taageeray Trump, markii ugu horreysay oo loo doorto xafiis dadweyne. Vance, ayaa ku dhaleeceyey Dimuqraadiyiinta inay ka been sheegeen qorsha caafimaadka isagoo madaxweyne Biden ku dhaliilay inuusan ku abaalmarin codbixiyaasha doorkaas. Mr Vance ayaa intaa ku daray in uu Trump ka sheegay waxyaabo xun balse ay muhiim tahay in la qirto in uu qaldanaa. Trump ayaa qoraal la soo dhigay bartiisa bulsho ee Truth ku sheegay. “Madaxweyne ku xigeenka J.D waxa uu sii wadi doonaa inuu u dagaalo dastuurkeena, wuxuuna garab istaagi doonaa ciidamadeena, wuxuuna sameyn doonaa wax walba oo uu ku caawin karo in aan mar kale midowno” tallaabadan ayaa timi laba maalmood ka dib markii Trump uu ka badbaaday isku daygii dil oo ka dhacay goob uu khubad ka jeedinayey oo ku taalla Pennsylvania. Markaas ka dib, Mr Vance ayaa bartiisa X ee hore loo oran jiray twitter ku soo qoray in xisbiga Dimuqraadiga ay “si toos ah u horseedeen isku daygii dilka ee madaxweyne Trump”. JD Vance, ayaa kaalin muuqata ku yeeshay ololaha weyn ee Trump ee halku dhigiisu yahay ‘Markale Amarika ka dhig mid weyn’ isagoo si weyn uga soo muuqday munaasabadaha ololaha Trump, wuxuuna u safray magaalada New York si uu uga qayb galo dacwaddihii khiyaanada ee oo haystay Trump. Mr Vance iyo Trump ayaa wajihi doona musharaxiinta Dimuqraadiga, Joe Biden iyo Kamala Harris, doorashada guud ee Maraykanaka ee dhacay shanta November ee sanadkan. Hadalo kooban oo uu siiyay saxafiyiinta isniintii, Mr Biden waxa uu dhaleeceeyay Vance, isagoo ku tilmaamay “Qof an dhab ahayn oo ka hadla arrimaha Trump”. Ololaha Biden ayaa shegay in sababta uu Trump ku xigeen uga dhigtay Vance ay tahay inuu samayn doono wax ku xigeenkiisi hore Mike Pence uu iska diiday taas oo ah in inuu dhabarka saarto qorshaha MAGA. Mr Vance waa maalqabeen wax ku bartay Yale, waana qoraa filimkii ugu iibinta badnaa ee xusuusta ahaa ee Hillbilly Elegy. Waa kuma JD Vance? James David Vance, waxaa ku dhashay magaalada Middletown, ee gobolka Ohio, dalka Maraykanka sanadkii 1984-tii. Waalidkii waxay asal ahan ka soo jeedaan Scotland. Isagoo arday ah oo dhigta dugsiga sare Vance, aabihis iyo hooyadiis ayaa kala tagay. Markaas ka dib hooyadiis ayaa magacisa dhexe ugu badashay David. Hooyadiis ayaa sanado badan ku dhibatooday isticmaalka daroogada iyo khamriga, taas oo keentay in isaga ay soo koriyeen awoowayaashii. Markii uu ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Middletown sanadkii 2003, Vance waxa uu iska diiwaan galiyay Ciidanka Badda ee Maraykanka. Intuu uu ku jiray ciidamada badda ee Marines-ka waxaa uu ku jiray ciidamo loo diray Ciraaq si uu uga qayb qaato dagaalkii Ciraaq. Vance, waxa uu ka dib galay Jaamacadda Ohio State University, halkaas oo uu ku qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda iyo falsafada 2009-kii .Wuxuu sanadkii 2013-kii sidoo kale shahaado sharciga ka qaatay Yale Law Schoolk. Ka dibna waxa uu u shaqeeyay shirkad sharci oo caalami ah. 2016 Vance wuxuu daabacay Hillbilly Elegy oo ahaa Xusuus-qorka uu kaga hadlay Qoyskiisa, dhibaatooyinkii uu so maray iyo waaya-aragnimadiisa ku soo koray Middletow. Isla sanadaas Vance, waxaa uu ku laabtay Ohio isagoo ka tagay California, wuxuuna halkaas ka asaasay Ururka Cusboonaysiinta Ohio, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ujeedadeedu tahay in ay caawiso carruurta danyarta ah oo ay wax ka qabato dhibaatooyinka sida qabatinka daroogada iyo kaniinada opioid ka.. Vance wuxuu kaloo bilaabay shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Cincinnati. JD Vance, waxaa uu isku dayey inuu u tartamo kursiga Senate ee Ohio sanadkii sanadkii 2018-kii bale uma qabsoomin. Bishii Luulyo 2021, Vance wuxuu si rasmi ah u galay tartanka kurisga Seante, waxay ahayd ololihiisii ugu horreeyay ee xafiiska dadweynaha. Bishi Maar 2022-kii ayuu ku guulaystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Jamhuuriga isagoo ka adkaaday magacyo caan ka ahaa siyaasadda gobolka, doorashadii guud ee dhacady Nofember, Vance wuxuu kaga adkaaday doorashadii dhacdy musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Tim Ryan isagoo helay 53% codadka halka Ryan uu helay 47%. Ninkan 39 sano jirka ah ayaa hadda mar kale sameeyey sare u kac siyaasaddeed oo xoog leh ka dib doorashada xisbigisa iyo magacabista Trump ee ah inuu ku xigeen u noqday Trump oo la galayo doorashada sanadkan ka dhacaysa Maraykanka. Isha: BBC The post Maxaan ka naqaanaa ninka Trump u noqonaya ku-xigeen ee horey u dhaliili jiray? appeared first on Caasimada Online.
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Dowlad Goboleedka Galmudug oo war ka soo saaray hubkii sida sharcirada ah dalka looga soo geliyey waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ku guda jira sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii falkaas ka dambeeyey, waxaana qoraalkaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee dowladda federaalka looga dalbaday in ay arrinkaas gacan ka gaystaan. Sidaan oo kale Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saartay arrinta hubka, waxaana loogu goodiyey maleeshiyaadkii hubka dhacay, iyadoo dowladda federaalka ay cadeysay inay ka go’antahay in hubkaas uu soo galo gacanta dowladda. Galmudug ayaa u muuqata inay ku mowqif tahay dowladda federaalka, waxaana la mideysan yahay in hubkaasi uu si sharci darro ah ku soo galay dalka, isla markaana lagu naaxinayo argagixisada iyo colaadaha qabaa’ilka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug: War-Murtiyeed Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahribiyey dhanka Toobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa iskudayey inay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darida uu hubkaasi abuuri karo. Dowladda Galmudug waxay baaritaan ku sameysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darada ah ay kadanbeeyeen, iyadoo u jeedku ahaa in loogu adeego danaha argagaxisada, la isagana horkeeno shacabka, laguna qalqalgeliyo amniga iyo xasiloonada Galmudug. Dawlada Galmudug waxay kugudajirtaa sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa dhagar qabayaashaas, waxayna kadalbaneysaa hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah inay arinkaas gacan ka gaysataan. Dowladda Galmudug waxay u tacsiyeyneysaa ehellada dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii shalay ee uu sababay hubka tahribka ahaa, waxeyna ugu baaqaysaa shacabka Galmudug inay nabada iyo xasiloonida ka wada shaqeeyaan, meelna uga soo wada jeestaan argagixisada iyo kuwa fur- sadaha karaadinaya dhiigga dadka walaalaha ah iyo qalqal gelinta amniga Galmudug. The post Galmudug oo sheegtay danta laga lahaa hubkii lagu dhacay Caabudwaaq, fariina u dirtay DF appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay qorshe isbeddel Qaranka oo mudnaanta siinaya wax-soo-saarka gudaha dalkeenna, isaga oo ugu baaqay beeralayda Soomaaliyeed in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha, si ay u soo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalkana ay ugu dhoofiyaan dunida. Dhibaatooyinka saameynta ku yeeshay wax-soo-saarka beeraleyda Soomaaliyeed, ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ugu waaweyn yihiin isbeddelka cimillada iyo argagixisada oo ragaadiyey dhulkii ku habboonaa tacabka, waxa uuna kula dardaarmay beeraleyda in wadajir loogu istaago sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta hortaagan horumar laga sameeyo wax soo saarka dalkeenna. Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa guddoomiyay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ay ka qalin jabiyeen 12,773 arday oo isugu jira caruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo helay koorsooyin waxbarasho oo gaar ah sanadka 2024. Dhalinyaradaan ayaa helay fursada iyadoo oo loo marayo barnaamijka waxbarashada gabdhaha qaan-qaarka ah ee AGES oo ay maalgaliyeen Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska. Dadka qalin jabiyay waxaa ku jira 11,176 haween da’ yar iyo gabdho qaan-gaar ah oo Soomaaliyeed waxay dhammaysteen koorso waxbarashada dadban oo 11-bilood ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xirfadaha akhris-qoraalka, xisaabta iyo hoggaaminta. Munaasabadan ayaa sidoo kale loogu dabbaal degay 1,597 arday oo ah kuwii ugu horeeyay ee soo dhameysta barnaamijka la dardar geliyay ee waxbarashada aasaasiga ah oo loo yaqaano Bar Ama Baro ee USAID kaas oo soo koobay sideed sano oo waxbarashada hoose ah lagan dhigay afar sano. Ardayda qalin jebisay waxaa ku jira gabdho iyo wiilal naafo ah oo u soo baxay inay noqdaan dad ku dayasho mudan iyo safiiro, u ololeeya diiwaangelinta dugsiyada iyo ka qaybqaadashada firfircoon ee bulshooyinkooda iyo asxaabtooda. Helitaanka waxbarashada ayaa weli caqabad weyn ku ah Soomaaliya gaar ahaan gabdhaha iyo haweenka da’da yar, iyadoo boqolkiiba 25 keliya gabdhaha dhigta dugsiga hoose ay dhigtaan dugsiyo rasmi ah. Caqabado kala duwan sida guurka degdega ah, mas’uuliyadda guriga iyo takoorka jinsiga ayaa sii kordhinaya caqabadaha helitaanka waxbarashada gabdhaha. lyadoo la aqoonsanayo arrintan xasaasiga ah, barnaamijka Waxbarashada Gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES), oo ay si wadajir ah u maal-galiyeen USAID iyo Dowladda Ingiriiska ayaa taageeray in ka badan 90,000 oo gabdho iyo haween da’ yar ah oo aan dugsiyada dhigan (da’dooduna tahay 15-25) si ay uga qaybqaataan waxbarashada iyo barnaamijyada xirfadaha nolosha tan iyo 2018ki. Mashruucyadan waxay bixiyaan xirfadaha akhriska iyo xisaabya aasaasiga ah, fursadaha hoggaaminta, iyo aqoonta maaliyadeed. AGES waxay hiigsanaysaa in ay awood siiso gabdhaha in ay ku noolaadaan nolol caafimaad oo waxtar leh, yaraynta suurtagalnimada guurka degdega ah iyo in ay awood u siiso in ay wax ku biiriyaan bulshadooda oo ay u dhistaan mustaqbal ifaya naftooda iyo qoysaskooda. Sidoo kale, barnaamijka Bar ama Baro (BAB) ee ay maalgalisay USAID ee 5-ta sano ah ayaa in ka badan 100,000 caruur iyo dhallinyaro ah oo aan dugsiyada dhigan ka diiwaan geliyay 32 degmo oo ka tirsan dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubaland iyo Banaadir. BAB oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Wasaaradaha Waxbarashada ee dowlad goboleedyada ayaa waxay dejisay siyaasadda dardargelinta waxbarashada aasaasiga ah, qaab dhismeedka manhajka waxbarashada, kaas oo soo koobaya siddeeda sano ee waxbarashada aasaasiga ah kana dhigay afar sano taasoo u sahlaysa carruurta da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 16 inay la qabsadaan oo ay ku biiraan nidaam dugsiyeedka rasmiga ah ama helaan shahaadada dugsiga hoose. In ka badan muddo shan sano ah, BAB waxay tababartay in ka badan 2,600 oo macalimiin iyo maamulayaal, waxay hawlgelisay isla markaana la shaqeysay 8,000 oo xubnood oo ka tirsan Guddiyada Waxbarashada Bulshada, waxay siisay biyo nadiif ah oo la cabbo 275 dugsi, waxayna qaybisay in ka badan 800,000 oo agab waxbarasho ah. Ra’ilsul Wasaare ku xigeenka oo ka hadlay xafladda ayaa yiri “Waxbarashadu waxay muhiim u tahay horumarka Soomaaliya iyo in dadkeenna loo suurtageliyo inay si buuxda uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada nolosha. Waxbarashadu waxay kobcisaa fikirka muhiimka ah waxayna awood siisaa shakhsiyaadka iyo bulshada. Waxbaridda gabdhaha iyo haweenka gaar ahaan waxay horseedaa kobac dhaqaale waxayna saameyn weyn ku leedahay daryeelka caafimaadka, nafaqeynta, guurka deg dega ah, iyo qorsheynta qoyska. Waxbarashadu waa udub dhexaadka horumarka Soomaaliya iyadoo kobcisa fikirka muhiimka ah isla markaana xoojisa haweenka si ay u horumariyaan dhaqaalaha. Hay’adda USAID iyo Dowladda UK way ku mahadsanyihiin iyagoo ka shaqeeyay in dhalinyaradan wax bartaan, helaan xirfado muhiim oo u horseeda mustaqbal ifaya sababtoo ah dhalinyaro wax baratay waxay ay si weyn uga qayb qaataan caafimaadka, nafaqada, iyo samaqabka bulshada.” Safiir ku-xigeenka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Sam Thomas ayaa yiri, “Annagoo isticmaaleyna Barnaamijka waxbarashada gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES) oo ay si wadajir ah u maalgelinayaan UK iyo USAID, waxaan ku faraxsannahay inaan awood siinnay 90,000 oo gabdho iyo haweenka da’da yar ee Soomaaliyeed oo helay xirfado iyo fursado mustaqbal oo ifaya. Guusha AGES waxay ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay waxbarasho loo dhan yahay iyo sinnaanta jinsiga, oo muhiim u ah horumarka waara ee Soomaaliya. Waxaa naga go’an inaan xoojinno iskaashiga aan la leenahay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka si aan u sii wadno horumarinta waxbarashada iyo awood siinta bulshooyinka la haybsooco ee Soomaaliya oo dhan.” “Dhamaystirka mashruuca waxbarashada gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES) iyo mashruuca Bar ama Baro (BAB) ayaa wuxuu tusinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan awood siinno gabdhaha, wiilasha iyo haweenka da’da yar ee la haybsooco iyadoo loo marayo waxbarashada,” ayay tiri Nuura Mustaf, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. “Annaga oo kaashanayna hay’adda USAID iyo dawladda UK, barnaamijka AGES waxa uu awood siiyey in ka badan 90,000 oo gabdho iyo haween da’yar ah oo la haybsooco, isaga oo siiyay xirfadaha lagama maarmaanka u ah akhris-qoraalka, xisaabta, iyo aqoonta dhaqaalaha,” ayay tiri Ummy Dubow, Madaxa CARE ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku faanay in guulaha ay gaartay Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay deyn-cafinta iyo qaadistii xayiraadda hubka ay ku timid shaqo adag iyo habeenno badan oo loo soo jeeday. Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday. Sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo. “Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo.” Mudane Xamza ayaa wasaaradda maaliyadda iyo khubaradda kale uga mahad-celiyey dadaalkooda ku aadan geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013–2023), taasi oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah. Ugu dambeyntiina wuxuu u jeediyey hay’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay. The post Sidee ayey ku timid guusha uu ku faanay R/W Xamza ee xaqiijisay DF? appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah askartii shalay kusoo dhaawacantay dagaal culus oo ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Waniille oo ka tirsan Gobalka Galgaduud. Dhaawacyada oo la dhigay isbitaalka Digfer ayaa waxaa maanta ku booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, isaga oo u kuur galayay xaaladdooda caafimaad. Taliyaha ciidanka Xoogga ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta la dhigay isbitaalka, wuxuuna u ballan qaaday inay war hayn doonto dowladdooda. Sidoo kale waxa uu dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, isaga dhinaca kale alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo askartii ku dhintay howlgalkaasi. “Waxaan maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka u laabay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan shacabka Magaalada Waniille ee Gobalka Galgaduud” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa shalay cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan” Dowladda Soomaaliya oo horay war uga soo saartay howlgalkan waxa ay sheegtay inay ku dishay in ka badan 50 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare. Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla Galmudug. The post Ciidamadii kusoo dhaawacmay dagaalkii Galgaduud oo la keenay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ka dhalatay hub sharci darro ah oo xadka Soomaaliya laga soo geliyay dhinaca Itoobiya ee ku beegan gobolka Gobolka Galgaduud, kaas oo ay la wareegeen maleeshiyaad deegaanka ah. Hubkan oo lagu keenay gawaari xamuul ah ayaa dagaal kadib waxa uu gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, taas oo halisteeda leh, maadaama halkaas ay ka jirto xiisad xoogan iyo dagaallo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga hadlay arrintan ayaa dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay inuu guddi u xilsaaro hubka la bililiqeystay, si loo ogaado cidda ka dambeysay falkan. “Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray warsame. Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu ku dhaliilay inay ka gabeen mas’uuliyadooda, wuxuuna su’aal ka keenay waxa xilligan kusoo beegay hubkan, maadaama la qaaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd dalka. Hoose ka akhriso:- Madaxda laanta fulinta ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab. Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh. Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib. Soomaaliya waa laga qaaday cunaqabatayntii hubka, mana jirin xiriir nagala dhexeeya Itoobiya, mana dhici karto sabab hub looga soo tahriibiyo. Halkii uu hub u gacan galo shacab, waxaa halis gala nabadda iyo xasiloonida. Waxaan uga baaqayaa Madaxweynaha in uu kala daayo dawladnimada iyo dhaqanka la isku milayo damaca siyaasada, danaysiga shakhsiga ah iyo macaashka dalaalnimada. Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay. The post BF oo loo gudbiyay dalab xasaasi ah oo la xiriira hubkii la bililiqeystay appeared first on Caasimada Online.
  20. 451118549_1002902061413033_7939020725657059330_n Qaran News
  21. Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay hub shalay Maleeshiyaad hubeysan ay ku dhaceen duleedka degmada Caabudwaaq, Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in hubkaasi sharci darada ah oo ciidanka Amniga ay gacanta ku dhigeen in kooxo hubeysan ay jidka u galeen. Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa siddaan u qornaa: Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud. Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas. Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaailka Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah. Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas. Ugu danbayn Dawladdu waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan. Source: goobjoog.com
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa war culus kasoo saartay hubkii shalay lagu qabtay deegaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay bililiqeysteen maleeshiyaad deegaanka ah, kadib markii laga soo gudbiyay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si adag uga hadlay hubkan ayaa sheegay inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida gobolka iyo Soomaaliya. Juxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu qeyb ka yahay natiijada ka dhalatay qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taas oo dhawaan uun lagu guuleystay, wuxuuna tilmaamay inay ahayd tallaabo lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad sharci ah, isaga oo sheegay in siyaasad ahaan aan heshiis lagu ahayn midda hadda jirta, sida uu ku dooday. “Waa khalad weyn in xayiraadda hubka laga qaado dal aan lahayn Dawlad sharci ahaan iyo siyaasad ahaan heshiis lagu yahay. Dal aan sugi karin xuduudiisa, kana wada talin dalkiisa; dadkiisuna heshiis ahayn,” ayuu yiri wasiirka arriaha gudaha maamulka Puntland. Dhankiisa wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo isna ka hadlay qaddiyadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay hurineyso dagaallo sokeeye oo ka dhaca Puntland iyo Galmudug, maadaama uu sheegay lasoo galiyay hub sharci darro ah. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ujeeddada laga leeyahay ay tahay si aan doorasho iyo isla xisaabtan looga hadlin muddo kororsina uu u helo madaxweyne Xasan Sheikh. “Hubka gacanta u galay bulshada Caabudwaaq wuxuu ka mid yahay hagardaamooyinka iyo dagaalada sokeeye ee dowladda Federaalku ka waddo Mudug iyo Galgaduud oo hubkaanu ku socdey si loo khalkhalgaliyo nabadda Puntland iyo Galmudug,” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda. Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo waqooyiga gobolka Galgaduud oo ah halka lagu dhacay hubkan tirada badan oo gaadiid xamuul ah lagu soo geliyay deegaanada Galmudug, balse u gacan u galay shacabka. Dowladda federaalka Soomaaliya oo qudheeda war kasoo saartay hubkan waxa ay sheegtay inay dalka soo geliyeen ganacsato, markii markii ay qabtee ciidamada qaranka waddada loo galay sidaasna lagu boobag hubkaasi. The post PUNTLAND oo si yaableh uga hadashay hubka lagu bililiqeystay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  23. Maamulaha qaranka England Gareth Southgate ayaa shaqada iska casilay labo maalin kaddib markii Spain ay ka adkaatay ciyaariyihii Yurub ee sanadkan. Xulkiisa ayaa looga badiyay 2-1 ciyaartii finalka Axadda ee Berlin. Waa guuldaradii labaad iyagoo jooga finalka ay la kulmaan. Sanadkii hore Talyaaniga ayaa rigoorooyin kaga adkaaday ciyaartii ka dhacday Wembley. Southgate waa 53 jir, sideedii sano ee uu xilka hayay waxay dheeleen 102 kulan. Heshiiskiisa ayaa ku ekaa dhammaad sanadkan. “Sharaf ayey ii aheyd in aan England u soo ciyaaro hadana aan maamule u noqdo” ayuu yiri Southgate oo intaas ku daray “wax weyn ayey ii aheyd, waxna ma reeban. Waxaa la joogaa waqtigii isbeddel imaan lahaa iyo qeyb cusub”. Madaxa xiriirka kubbadda cagta, Mark Bullingham, ayaa sheegay in ay socoto shaqada cidda beddeli laheyd Southgate. Southgate inta uu hayay xilka waxa uu England geeyay afar tartan oo caalami ah isagoo gaarsiiyay semi-finalkii koobka adduunka. Cadaadis ayaa la saaray iyadoo taageerayaal badan ay aaminsan yihiin in uusan wax badan ka qaban weeraryahanada kartida leh. Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku tuutay koobab caagag ah kaddib markii ay barbar dhac 0-0 ah la galeen Slovenia ciyaarihiin Euro. Amiirka Wales, William oo ah madaxa xiriirka kubadda cagta ayaa uga mahadceliyay Southgate in uu abuuray naadi isgarab taagan Qaran News