Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,768
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa baaritaan ay dhawaan shaaciyeen Taliyayaasha ciidamada AMISOM, kaa oo ka socda Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Baaritaanka oo ku ekaa 13 Bishan ayaa weli u muuqda mid aan dhamaan, waxaana weli la arkayaa ciidamo ka tirsan AMISOM oo baaritaan ka dhex wada xarunta Xalane. Baaritaanka weli socda ayaa u badan Hoteelada iyo Kunteerada ku dhex jira gudaha xarunta, waxaana lasoo sheegayaa in gacanta lagu dhigay gaadiid aan cadeyn cida ilaa iyo hadda leh. Taliyayaasha AMISOM iyo kuwa reer galbeedka ee ka howlgala Xalane ayaa gaadiidkaasi shaki galiyay, inkastoo xogo aan helnay ay muujineyso in gaadiidka ay ka tageen Hay’ado ka baxay dalka. Sidoo kale, baqdinta ka taagan Xarunta Xalane ayaa sabab u noqotay in Saraakiil farabadan oo ajaaniib ah ay isaga baxaan dalka, kuwaa oo si KMG ah uga sii howlgalaaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Saraakiisha ilaa iyo hadda isaga baxay magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inay u badan yihiin Britain iyo Mareykanka. Geesta kale, Taliska Ciidamada AMISOM oo ay ka dhamaatay mudadii ay u qabteen baaritaanka socda ayaa lagu wadaa inay ku darsan doonaan maalmo dheeri ah, walow ay iminkuba gabagabo tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna waljameeca Sheekh Shaakir, oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka biya diiday qodobo uu usoo bandhigay Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf. Sheekh Shaakir oo wadahadal kula jira Hogaamiye Xaaf, ayaa diiday inuu tanaasul ka sameeyo jiritaanka maamulka Ahlusuna, waxa uuna tilmaamay in qodobkaasi uu yahay mid muqadas ah. Sheekh Shaakir oo loosoo bandhigay qodobo ay kamid yihiin: 1-In Ahlusunna ay aqbalaan ku biirida maamulka Galmudug. 2-Inay ka tanaasulan shuruudaha adag sida bixinta dhaqaalaha ku baxay Amaanka iyo Dhismaha maamulka. 3-Inay aqbalaan xilalka uu ugu tallo galay maamulka Galmudug, ayaa diiday, waxa uuna sheegay inaysan ahmiyad u arag dhammaan qodobada ay la imaaday Galmudug, balse waxa uu si cad u diiday qodobka koowaad ee isku biirida ah. Sheekh Shaakir waxa uu Xaaf ku xujeeyay aqbalaada qodobada ay tiigsaneyso Ahlusunna ka hor inta aan la qaadan kuwa uu soo bandhigay. Mid kamid ah mas’uuliyiinta wehlineysa Shaakir ayaa xaqiijiyay in Ahlusuna aysan ku degdegi doonin qodobada qaar, balse ujeedkooda uu noqon doono in meel dhax ah ay isugu imaadan. Sidoo kale, isku soo dhawaanshiyaha labada dhinac waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Xubno ka tirsan IGAD oo iyagu loo xilsaaray heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna. Wadahadalka labada dhinac ayaa sii socon doona maalmaha nagu soo aadan, waxaana lagu wadaa inay ku biiri doonaan xubno kale oo ka kala socda dowladaha daneeya arrimaha Somalia. Dhinaca kale, kulanka xiga oo ay yeelan doonaan Xaaf iyo Shaakir ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho Bishaan dhamaadkeeda sida ay noo sheegen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Su’aalihii shalay (17/11/2017) Sheekh Maxamed Cabdi Umal lagu waydiiyay masaajidkiisa ayaa waxaa ka mid ahaa maxay culimadu ooga qayb qaadan la’dahay hannaanka nabad soo celinta Soomaaliya. Sheekhu wuxuu ku jawaabay “miyaad culimo u doorateen inay in maamuulaan”? intaas wuxuu kusii daray “marki lagu yiri Soomaalidi soo doorta dad idin matalo ma jirin hal beel oo wadaad soo dooratay”. su’aal ayuu dadkii kusoo celiyoo waxaa uuna yiri “mise waxaad rabteen inaan kursiga xoog ku qabsanno oo aan dagal oogayaasha ku biirno?” Suaasha dadka iyo jawaabta Sheekhu waxaa ka muuqdo ugu yaraan aqoon darro, haddaysanba dafir ahayn, ku saabsan doorka culimadu ku lahaayeen siyaasadda soomalida iyo maantana ku lee yihiin. Inta aanan galin sidaan ugu arko, aan caddeeyo inaan anigu ku tirsanahay wadaaddada. Tuulada yar ee an daganahay Soomaalida dagan waxay iigu yeeraan sheekha, tufta iyo nikaaxa haddii la iiga maarmi waayana waa laiigu yeeraa sidaa darteed ugu yaraan deegaankiis u faqiih ayaan ahay. Inagoo inta aan eedayn doono ku jiro waxa qoraalkan igu qasbay ayaa ah in had iyo jeer aan ka cararno khaladaadkeenna iskuna dayno inaan ceeb ka saliim iska dhigno, halki aan dib isu eegi lahayn wixii naga khaldamayna aan dib ugu sixi lahayn. Waddaadu inay qabtaan talada dalka halgan dheer oo 40 sano ka badan socday ayay usoo galeen. mid hoose sida maamul goboleed iyo sare sida kurisga dalka ugu sarreeyo ladabada waa qabteen. Sidoo kale, iyadoo dad kale kursiga Filla Soomaaliya ku fadhido, jagooyin wasiirnimo iyo ka fiican sida gacan yaraha madaxweynaha waa noqdeen. Nasiibdarro mid ay ku fiican yihiin lama arag. Sanad ka dib burburki dalka culimadu waxay si buuxdo ula wareegeen maamulka gobalka Bari, dhaqaalo iyo maamul labada oo waa looga haray laakiin mamul xumo iyaga ka timid iyo siyaasad la’aan ayaa dumisay. Jabkii Boosaaso ma baabi’in dadaalkoodi ee waxay u hiil rogteen Gedo oo ay si buuxdo ula wareegaan maamulka gobalka Gedo intiisa badan. khaladaadki Boosaaso waxba kama aysan baran oo isla siyaasaddi iyo hab maamulki ayay la yimaadeen burburkoodina soo dadajisay. Marka kale, Cabdiqasim oo xagga wadaadnimo iyo lidkeeda, wadaadnimo u dhow ayaa qabsaday, isna ma guulaysan. hasa ahaatee guushii ugu waynayd waxay gaareen 2006di markaas oo dal iyo dibadba laga jeclaaday. Nasiib darro lama calfan oo cimri dagdag ayaa ku dhacay. Markaan waxaan ugu cudur daaraynaa in gaalo islaam neceb ku soo duushay, inkastoo dad badan qabaan in siyaasad xumo ay halaagtay. Laakiin jabkaas kuma aysan lumin oo madexwaynahoodi oo shaatiga soo badashay ayaa sadex gu’ ka dib Filla Soomaaliya lagu soo dhaweey. Shariif ayaa watay koox culimo ah oo ay saaxiibo ahaayeen. wadaado qaarkood tafsiirka iyo saaxiixaynka akhrin jireen ayaa buuxiyay inta badan golaha wasiiradda. Hab maamulkoodi waxaa uu noqday ka dar oo dibi dhal. iyagiina waa sumcad beeleen rajadiina waa dileen. Xagga maamul goboleedyada Axmed Madoobe oo loo aqoon jiray Sheekh Axmed ayaa Jubbaland la wareegay. Dadku ma aysan arag wax is badal ah iyo ka roonaan kuwa aan wadaadada sheegan. xagga xoolo lunsiga iyo isdaba mariska marki maamuladda la joogo waxaad mooddaa wadaaddadu inay baac dheer yihiin dadka caadiga ah. Haddii aad tiraahdo kuwaasu waa wada Wahaabiyo, bal eeg suuyidi waxay keeneen. gobolada dhexe 10 sano ku dhawaad waxaa gacanta ku hayo wadaaddo la baxay Ahelu-sunna. gobalkaas ayaa dhinac walba dalka kaga haray. dhaqaale, amni iyo maamul mid laga doonayo ma jiro. ladaba garab waa isma dhaanto iyo dhasheed. Intaas oo dhan kasoo tag, dhammaan maamuladi ugu danbeeyay dalka waxa dhex yaacayo wadaaddo hore. tolkood iyaga ayay usoo doorteen inay ku matalaan golaha baarlamaanka. sidoo kale, xirfaddaha isbadamarinta ee ay dadka caadiga ah dheer yihiin ayaa u suura galisay inay xafiis walba shaqo ka helaan. kuwa hadda ku xeeran madexwaynaha waa culimo hore, dhammaan xafiisyada dowladana sidaas ayay ugu wada jiraan. Dhabta sheekada ayaa ah, in culimada fursaddoodi la siiyay laakiin ay ku fashilmeen inay isa saxaanna aysan diyaar u ahayn. Sidoo kale, kii kursi qabto isagoo wadaad ah waxaa uu isu badalaa wadaad hore oo cimaamaddi iyo dhammaan calaamadihi culimonimo ayuu xooraa (Sheekh Shaakir waa gooni oo isagu wali waa jamhad, marki uu kursi fiican helo ayaa la kala ogaan). Haddii la yiraahdo way is qarinayaan oo gaalo inay farfiiqdo ayay ka cabsi qabaan, may hoos howshooda ka wataan oo arko saamayntooda iyo wanaagga diinta? Intii Alle dhowray ayaa dhowrsan, culimaduna hadda inay canta u dhigto way ku habboon tahay. Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Hon. Abdikarim Iman Warsame, NEC’s Chairman has overseen presidential vote tallying cast at Marodi Jeh region. NEC and SL’s main opposition party *(Wadani) have agreed to resume the cooperation after the party has consented that vote tallying should commence. Somaliland’s main opposition expressed its concern over number of polling stations citing irregularity. The party said that their concerns have not been resolved and fell into deaf ears. The suspension of the cooperation between opposition party and Wadani incited unrest and claimed the loss of lives and the vandalizing private properties. The two saw eye to eye on issues after both sides held two rounds of talks. Once NEC concludes presidential election vote tallying that it would announce the final results.
  5. By M.A. Egge The President H.E. Ahmed Mohammed Mohamud Silanyo has sternly warned against hooliganism, violence and illegal demonstrations as the tallying of votes at the headquarters of the national Electoral Commission (NEC) is underway. The President who hailed all and sundry in the whole nation for participating in the elections in mature and patriotic manner also praised the personnel security in the country for their vigilance and patriotism. He described the patriotism shown by the security personnel in the parable of a tree being pelted that has into fruits fall to its assaulters hence hailed them for their servitude in an election exercise he observes as a triumph for the nation whereby the good image earned ought to be safe-guarded. The Head of State gave the warning following post-election incidences of skirmishes in the city Hargeisa and Burao in Togdeer after opposition party supporters ran amok crying foul before the final results have not only been announced but while the votes tallying was still going on. The President noted that the 13th November 2017 was a great day for the nation which woke up early in the morning hence went to the polls queuing to exercises their political rights. In a long passionate speech that he personally directed through public media to the nation addressing “the young, the old, males and females, the urbanites and those in the rural areas, to those within the country and abroad etc” the President profusely thanked the nation and noted the wonderful manner in which the exercise of the electioneering processes took place. He precisely pointed out the fact that the whole elections were positively held not only in the local press but also in those of international press houses. The President revealed that the elections took place in the whole of the country’s regions comprising of 21 electoral constituencies hence it is only in four area which were skipped following boundary issues. He described the exercise as a national triumph given the way it came to pass and how it has been reflected within and without. The President particularly pointed the fact that the election was effectively implemented without tangible foreign support whereby much of the bills were footed locally. The sternly warned against wayward personalities against inciting the members of the public into indulging in breach of public peace. Following slight incidences of violent demos on Thursday evening that were staged in some parts, shots had to be used to bring back sanity. The President noted 19 personnel security casualties and two deaths on part of civilians whose families he immediately condoled. He appealed to the presidential candidates, their supporters and the nation at large to exhibit restraint and preach the same to each other. He said that the good image the nation earned was too dear to let it get demeaned easily or dented anyhow. He described the patriotism shown by the security personnel in the parable of a tree being pelted that has into fruits fall to its assaulters hence hailed them for their servitude. Beckoning the security services to be even more diligent he asked them to persevere in their efforts of safeguarding peaceful stability and cohesion so as not to allow the hard earned nation’s good image to be dented; but in the same breath warned that culprits will face the full brunt of the law in case they were found erring.
  6. The UAE is violating internationals sanctions on the sale of arms to war-torn countries by supplying Somalia weapons, a UN report has revealed. According to monitors, the continuous support of some foreign countries for terror in Somalia threatens peace and security due to the possible return of piracy off the Somali coast. The report said that it had enough proofs that a UAE ship could have been carrying illegal weapons and banned materials to Somali before it was intercepted and kidnapped. The report noted that EU drones recorded the Emirati ship changed its route, got closer to Somali beaches, two small boats approached it and exchanged shipments with it. In addition, the report explained that the UAE’s activities in the Somali city of Barbara, saying: “The plans to build an Emirati military base in Barbara are going on very quickly,” noting that the monitors asked the UAE reports whether building the base does not violate the arms embargo, but the UAE did not respond. The monitors said that building a foreign military base includes moving weapons to the region and this is a violation of the weapons embargo, stressing that any foreign contribution to the official Somali institution in the country must get their agreement. Middle East
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashadii 13-ka bishan ka dhacday maamulkaasi. Isagoo khudbad u jeediyay shacabka, ayuu Madaxweyne Siilaanyo qiray markii ugu horeysay in afar goobood oo kamid ah Somaliland aysan ka qabsoomin doorashada Madaxweyne. “Waxaan xaqiijinayaa in 4 goobaad oo qura dalka aan doorasho ka dhicin, arrimo la xiriira muran deegaamo jira darteed,” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo. Bariga gobolka Sanaag iyo qeybo katirsan Sool, oo kamid ah meelaha ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland ayaan laga codeynin, iyadoo ay ka dhaceen dibadbaxyo doorashada looga soo horjeeday. Dhanka kale, Siilaanyo ayaa bogaadiyay qaabkii ay u dhacday doorashada, oo uu sheegay inay magac iyo maamuus weyn ay Somaliland kaga heshay caalamka codbixinta sida ay u dhacday ee dimuqraadiga ah. Laakiin waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka qaar, sida Burco iyo Hargeysa oo 2 qof ay ku dhinteen, taasi oo ka dambaysay ku-shubasho lagu sameeyay doorashada. Siilaanyo ayaa xaqiijiyay in 19 Askari ay ku dhaawacmeen isku dhacyada dhexmaray ciidamada iyo taageeriyaasha Waddani, oo ka carooday codad lagu shubtay, iyadoo la adeegsaday warqado been ah. Waddani iyo Gudiga doorashada ayaa wadahadal kadib shaaciyay in la xalilayay cabashada muhsraxa Cabdiraxmaan Cirro, oo horey u shaaciyay in wadashaqeyntii Gudiga uu joojiyay, kadib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan cod-ku-shubashada. Saddex musharax oo kala ah Muuse Biixi, oo katirsan Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro, oo Waddani u tartamaya iyo Feysal Cali Waraabe, oo calanka u sida UCID ayaa u tartamay doorashada madaxtinimo ee Somaliland, taasi oo walii natiijadeeda lagu dhawaaqin. Madaxweynaha cusub ee soo baxaya ayaa bedeli doona Siilaanyo oo xilka soo hayaya tan iyo 2010-kii, ayaa labo sano dib u dhacday doorashada Somaliland, sababo la xiriira colaaddo iyo abaaro ka jiray mamaulkaasi. Halka hoose ka dhageyso codka Siilaayo http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/ZT82EmBfb2CA.128.mp3Isha: GO
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-General Maxamed Sicid Xirsi ”Moorgan”, ayaa sheegay inuu noolyahay, kadib markii la baahiyay inuu dhintay, sida ku cad muuqaal uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay. Moorgan, oo jooga dalka Oman ayaa sheegay in warbixinta ku aadan geeridiisa laga baahiyay Facebooga Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuusan ogeyn sababta rasmiga ah. Moorgan waxa uu sheegay inuu weli yahay mid nool, isla markaana uu dadkiisa u sheegayo inuu caafimaad qabo. Nuqul kamid ah haddalka muuqaalkiisa ayaa ahaa “Ehelo baa telefoon igu waalay waxaan idiin sheegayaa inaan noolahay, waxaana sugayaa wakhtigeyga” Moorgan, waxa uu sheegay inay dhacaan warar badan oo aan la xaqiijin isla markaana ay baahiyaan warbaahinta qaarkood, taa oo uu sheegay inay qalqal iyo dhibaato u abuureyso dadka ehelka ah. ”Micnaha kama baqaayo geeri, ee waxaa aad iisoo wacaaya dad ehel ah, waxaan cadeynayaa inaan weli noolahay” ayuu ku celshay. Geesta kale, Generaal Moorgan ayaa carab dhabay in qof waliba uu sugaayo wakhtigiisa, isla markaana uu diyaar u yahay wakhtiga uu leeyahay.
  9. Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug. Ma rabo inaan kusii dheeraado qaabka uu Xildhibaan ku noqday iyo Hantidii Qaranka ee uu dad kale Xildhibaan uga dhigay, maadaama afartii sano ee uu kamid ahaa dadka talada u hayo Soomaaliya uu sameeyey wax kasta oo musuq maasuq lagu tilmaami karo. Aan usoo gudbo dulucda maqaalka yar ee aan rabo inaan ka qoro hadalkii uu Maanta ka sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka Hortooda ee u muuqday inuu ku difaacayo Qalbi Dhagax, waxaana maqaalkaan u kala qaadi doonaa laba qodob: 1) Ujeedka Hadalka iyo danaha ku qarsoon Cabdiraxmaan Odawa wuxuu kamid ahaa odayaashii iyo Mas’uuliyiintii dowladdii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ahaan ninkii sababta u noqday in meesha laga saaro Xasan Sheekh Maxamuud markii uu lacagtii Hantida qaranka kusoo saaray Xildhibaano badan oo hadda ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo ka shaqeeeyey in laga guuleysto Xisbiga Damul Dajadiid. Sidaas darteed hadalka uu maanta ka sheegay Xildhibaanada hortooda wuxuu ahaa hadal siyaasadeysan oo uu ku doonayey in lagu qaldo Shacabka Soomaaliyeed isagoo muujinayo inuu ku garab yahay Qalbi Dhagax, waxaana muuqato inay soo baxeyn Siyaasiyiin badan oo ku qaraabanayo Kiiskaan xilli ay dantooda ugu dambeyso tahay in la rido Xukuumadda Soomaaliya si ay u helaan xilal. 2) Maxaa Caddeynayo inuusan Odawaa ku garab aheyn Qalbi Dhagax? Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa horey liiska Guddigga Baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax ku daray Xildibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Cabdiraxmaan Odawaa ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuusan diyaar u aheyn inuu qeyb ka noqdo Guddigaas. Dad badan xilligaas ma fahamsaneyn sababta keentay inuu Odawaa diido ka qeyb noqoshada Guddigaas. Muran la’aan, Odawaa mar kasta wuxuu diyaar u ahaa inuu ka hor imaado Natiijada kasoo baxdo baaritaankaas, maadaama uusan eedeyn karin guddi uu isaga kamid ah yahay waxay siyaasadda jirta fartay inuusan aqbalin xilkaas si ay ugu fududaato inuu Berri ka hor imaado. Bal adiga is waydii, haddii uu Odawaa rabo inuu gargaar u fidiyo Qalbi Dhagax, maxaa u diiday inuu ka qeyb noqdo Guddigaas, isla markaasna uu soo ogaado xaqiiqda rasmiga ah ee jirto si uu Bulshada Soomaaliyeed ula wadaago ugana sheego sababta Qalbi Dhagax loo dhiibay iyo Cidda dhiibtay taasoo noqon laheyd arrin wanaagsan oo shacabka ku farxi lahaayeen laguna ogaan lahaa halka ay sheekada ka socoto. Waxaa jirtay fursad weyn oo soo martay Odawaa oo uu ku difaaci karay Qalbi Dhagax, waxayna aheyd maalintii lagu daray Guddigaas, balse inuu waqtigaas u hiiliyo Qalbi Dhagax waxaa kala weyneyd inuu Maanta Baarlamaanka hortiisa eedeyn ugu soo jeedo guddigii shaqadaas soo qabtay ee waqti badan ku bixiyey. Odawaa oo kamid ahaa Macalimintii Muqdisho lagu faani jiray waqti hore, ayaa maalin cad iska diiday inuu soo taabto xaqiiqda rasmiga ah ee Kiiska Qalbi Dhagax, waxaana wax kasta kala weynaatay inuu mar kale kasoo muuqdo Villa Somalia, Tollow Villa Somalia maxaa lagu arkay?!!. Anigu ma fahmin ee Akhriste adaa kuu daayey. Haddii ay Odawaa dhab ka tahay garab siinta Qalbi Dhagax, wuxuu sameyn karay inuu Guddigaas qeyb ka noqdo isla markaasna waxaa maanta la weyn lahaa in lagu murmo ama shaki la geliyo cidda ka dambeysay Dhiibitaanka Qalbi Dhagax iyo Sababta keentay, balse inuu shacabkiisa ku caawiyo inay ogaadaan arrintaas wuu awoodi waayey, Maya Dan Siyaasadeed ayaa u duuday Mayee Wax kaloo qarsoon ayaa jiro. Midda iigu yaabka badneyd ayaa aheyd markii aan codkiisa ka dhex maqlay isagoo dhahayo waxaan Alle hortiisa marqaati idinkaga dhigayaa inaan raali ka aheyn dhiibitaanka Qalbi Dhagax, waxaa si waydiin mudan markii uu sida qaldan u isticmaalayey Hantida Qaranka Alle marqaati kama aheyn miyaa?!! Midaas xisaabta Khiyaamo kuma jirto Miyaa? Cafis Miyaa? Ma ogi aniga!!!. Inkastoo aan aniga taageersaneyn in Qalbi Dhagax loo dhiibo dowladda Itoobiya, haddana waxa aan dhibsanayo oo laabta i huriyey ayaa ah in Kiiskaas lagu qaraabto oo lagu raadsado sumcad iyo Xilal iyadoo aan ujeedka rasmiga aheyn in wax loo qabto Muwaadinkaas. Ugu dambeyntii waxaa is waydiin mudan: Odawaa ma u hiiliyay Qalbi dhagax mise waa ka hiiliyay? W/D: Cabdirizaak Muuse Biixi Email: abdrizak1111@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. The rendition of Abdikarim Muse Qalbi-Dhagax, ONLF commander and former Somali military officer, to Ethiopian was illegal, a report by parliamentary committee said. The report endorsed by Somali parliament on Saturday has dismissed outlawing ONLF as a terrorist organization. The parliamentary commission formed mid September to probe the circumstances under which Qalbi Dhagah was extradited, blamed Somalia’s spy agency for providing misinformation about the victim. “Somali National Intelligence and Security Agency had provided the government leaders with wrong information and subsequently hid the case of Qalbi Dhagah from the justice department,” reads the report submitted to the House this morning. The 15 member committee probed and reviewed the previous so-called Security agreement between Somalia and Ethiopian in relation to this matter. “The government should mull over the previous deals and should keep away all matters that can lead insecurity,” the committee urged the government in its report which overwhelmingly got 152 votes out 161 of today’s session. Qalbi Dhagah was handed over to Ethiopia on 28th August this year following a raid by Somali force on his hotel in Galkayo, central Somalia. Days after the extradition, Somali cabinet had defended the rendition labeling as ONLF outlawed terrorist group. The government of Ethiopia confirmed the handing over, citing a security partnership treaty between Addis Ababa and Mogadishu. Source: HOL
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan warbixinadeenii hore ku sheegnay Guddiga Baarlaamaniga ah ee Golaha shacabka ayaa maanta soo gudbiyay warbixin ku saabsan kiiska Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo waayadani laga sugaayay. Warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga ayaa taabaneysay dhinacyo badan waxaana kamid ahaa qodobo qeexaaya halka uu ku fooraro dhiibitaanka Qalbi Dhagax iyo sababta ka danbeysay. MEEQO QODOB OO MUHIIM AH AYEY KA KOOBNEYD WRBIXINTA GUDDIGA: Ka-baaraan-degidda qaraarka Golaha Wasiirada ee 6dii Sebtember ee ku saabsanaa arrinkan. Qodobada Dastuuriga ah, Heshiisyada Caalamiga ah iyo Shuruucda dalka u dagsan ee ku saabsan dhiibista Qalbi Dhagax. Kabaaraan-degidda iyo qiimaynta Qadiyadda. Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin Gudigu waxa ay soo bandhigeen in ay waraysiyo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta sida dhaw xiriirka ula lahaa kiiskan. MAS’UULIYIINTA WAREYSIGA AY LAYEESHEEN WAXAA KAMID AHAA : 1-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Taariikhda 21 October 2017. 2-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda 22kii October 2017. 3-Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taariikhda 22 October 2017 4-Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taariikhda 23 October 2017 5-Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Madaxa Hay’adda Dembi-baarista Ciidanka Booliska Taariikh 23 October 2017. KA BAARAANDEGIDDA IYO QIIMAYNTA QADIYADDA: Gudiga ayaa warbixintooda ku soo bandhigay in arrintaan ay xirii la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka maadaama Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u-soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya, dowladdana ay waajib ku tahay in ay mudnnaanta koowaad siiso Sugidda amniga qaranka iyada oo guddigu hoosta ka xariiqeen siyaasadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan nabad ku wada noolaanshaha wadamada Gobolka iyo guud ahaan caalamka. QALBI DHAGAX IYO KOOXDA ONLF Guddigu waxa ay bayaamiyeen in dhiibsita Qalbi Dhagax aan hab sharci ah loo marin, lagana tala gelin Hay’daha Garsoorka, iyadoo isla markaas ay maareeysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugiida Qaranka oo kaliya, laguna saleeyey go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo hay’addu ay siisay Madaxda Qaranka. Sidoo kale, Guddigu waxa ay sheegeen in Jabhadda ONLF loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale. GO’AANO IYO TOOSIN Guddiga Baarlamaaniga ah ee loo xilsaaray baaritaanka waxa ay Xukuumadda fareen in ay dib u raac ku samayso Heshiisyadii hore ee dalka galay iyo in taxadar dheeraad ah ay muujiso markasta oo ay maareeynayso hawlaha xasaasiga ah iyada oo ku salaynaysa xog sugan oo waafaqsan farriimaha Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Ugu dambayntii Guddigu waxa ay ugu baaqeen Golaha Shacabka in laga fogaado arrin kasta oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed ama abuuri karta khal khal amni, loona baahanyahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Galmudug regional state in Somalia’s central and moderate Islamist group Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ) leaders are expected to hold key talks in Kenya’s capital Nairobi on Saturday, sources confirmed. The president of Galmudug State, Ahmed Duaale Haaf and Ahlu Sunna leader, Sheikh Mohamed Shakir Ali have reached Nairobi on Friday ahead of the talks. The sides are expected to have face to face talks on possible power sharing and forming inclusive state government. Reliable sources privy to the talks said the talks being at the early stage the leaders will also be discussing the challenges blocked the previous talks. “ The sides will hold first phase of their talks in Nairobi to iron out all the obstacles that caused the previous talks to end without reaching tangible progress,” said a source close Somali embassy in Kenya. The second phase of the talks will take place late this month in Mogadishu, according to the source. The previous talks which brokered by Somali government collapsed following hard conditions imposed by Ahlu Sunna Wal Jama.
  13. Doctors Worldwide Turkey says it has performed 3,000 cataract surgeries in Horn of Africa country. MOGADISHU, Somalia–Five Somali doctors on Friday graduated from medical school under a special program organized by a Turkish NGO. The new MDs got their diplomas from the program organized by Doctors Worldwide Turkey (DWWT) at a ceremony in Mogadishu, the capital of the Horn of Africa country. Safa Simsek of the NGO told Anadolu Agency: “Apart from nine physicians who graduated last year from the program, which we started in 2013 in Somalia, five more doctors graduated this year, including three general practitioners and two internal medicine specialists.” Simsek also pointed to Muhammad Osman, a 12-year-old Somali who got cataracts six years ago, and was cured by Turkish doctors in a free operation. “To date we have performed 3,000 cataract surgeries in Somalia,” he added. Cataracts are an eye condition that results in cloudy vision. AA
  14. CAIRO—–Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi, for the second time in as many days, has delivered a stern warning to Ethiopia over a dam it is building after the two countries along with Sudan failed to approve a study on its potential effects. Ethiopia is finalizing construction of Africa’s largest hydroelectric dam on the Blue Nile. Egypt fears that will cut into its water supply. Cairo said last week that the three countries had failed to approve an initial study by a consultancy firm on the dam’s potential effects on Egypt and Sudan. Ethiopia has repeatedly reassured Egypt, but Cairo’s efforts to engage in closer coordination have made little headway. El-Sissi sought to reassure Egyptians in televised comments Saturday, but stressed that “water is a matter of life or death.” AP
  15. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe . Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda dalka China ay kawadaan Puntland, samaynta xidhiidh dhaw ay yeeshaan Puntland iyo dalka China iyo guud ahaan Soomaaliya, horumarka ay dawladda Puntland ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka China ee Soomaaliya ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalka China u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar, isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland. Dhinaca kale, Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland tahay dawladd horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysay horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee China inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl. Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xidhiidh dhaxalgal ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka China loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta Puntland iyo China, si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xidhiidhka labada dhinac. Dhinaca kale Danjiraha dalka China ayaa booqaday Wasaaraddaha Maaliyadda, Degaanka iyo Xafiiska Hay’addaha Macdanta iyo shidaalka dawladda Puntland, waxaana uu kulamo la qaatay masuuliyiinta wasaaraddahaasi iyo Xafiiska Hay’adda Macdanta iyo shidaalka dawladda Puntland oo uu kula kulmay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida, waxaana garoonka diyaaradaha Konaako ee magaalada Garoowe kusii sageetoyey danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo weftigiisaba saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntlad Iyo Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe. appeared first on Puntland Post.
  16. Waa maalin kale oo culeeskeeda wadata, siyaasadda wajiyadda badan ee Somalia hadda waxa kusoo biirtay waaxda is eedeynta , Gudigii loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax waxey farta ku fiiqeen taliyihii shaqada laga eryay ee Nabad Sugida C/laahi Maxamed Cali Sabaloolshe kaas oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Somalia. Sanbaloolshe ma joogin fadhigii Baarlamanka ee maanta laakiin hubanti fariintu waa gaartay, talaabadda xigta ee Baarlamanka lama sheegin laakiin waxaa laga yaabaa in loo baahdo in su’aalo la weydiiyay Mr Sanbaloolshe sidoo kale waxaa dhici karta inuu isagu hadlo Baarlamaanka ka hor . Su’aalaha ay tahay inuu ka jawaabo Sanbaloolshe waxaa ka mid ah. 1-Yaa lahaa amarkii ugu dambeeyay ee lagu dhiibay Qalbi Dhagax ? 2-Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu kiiskan wax ma ka ogaayeen ? 3-Waaxda garsoorka, wasiirka cadaaladda iyo laanta socdaalka doorkooda arintaan ka waran ? 4-Ma jirtaa in la jirdilay Qalbi Dhagax dhiibista ka hor ? 5- Ethopia ma Xamar ayey ka wadatay mise waa loo geeyay ? 6-Ma jirtaa dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku xeeran arintaan inta aad ogtahay ? 7-Maxaad ka aaminsan tahay ONLF ? 8- Adis Abbaba ma aaday tan iyo markii la qaatay Qalbi Dhagax ? 9- Hadii aad adigu go’aanka kaligaa gaartay ma’aaminsan tahay inaad qiyaano qaran gashay hadiise madaxda sare kugu amartay wax cadeyn ah ma heysataa oo aad isku difaacdo ? 10- Waxaad aheyd taliyihii NISA , inta aad arintaan ka ogtahay maxaa daliil looga dhigay in qof muwaadin ah dal kale loo dhiibo ? Jawaabaha Sanbaloolshe waxaa ay noqon karaan labo midkood, mid uu isagu dambiga ku qaato ama inuu qarxiyo waxyaabo qarsoon oo arintu ay dad badan lugta la gasho taas oo hadii ay dhacdo xaaladda sii adkeyn karta. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanu aamisaneyn in madaxda dowladda Federaalka ah aysan ka war hayn markii C/kariin Qalbi Dhagax loo dhiibayey dowladda Itoobiya. Odawaa oo sidoo kale mid isbaheysiga isbaheysiga mucaaradka xukuumadda iyo kooxda Damu-Jadiid, waxa uu tilmaamay in dhiibistii Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah una baahan in la saxo. Mar uu xildhibaan Odowaa soo hadal qaaday arrinta ONLF ayuu soo jeediyey in haddii aan wax loo tari karin ururkaasi ay haboon tahay inuu ka nabad galo dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale xildhibaanka ayaa soo jeediyey in la ciqaabo cid walbo oo ka dambeysay dhiibista Qalbi Dhagax. “Mudane guddoomiye sida ku cad warbixnta guddiga arrinta Qalbi Dhagax lifaaqyada sida ku cad wasaaradda amniga ma ogeyn, wasiirka cadaaladda waa ka diiday, hay’adda socdaalka ma ogeyn, hay’adda diyaaradaha ma ogeyn, cid la ogeyd madaxda sare ma jirin, waxaan rabaa in aan mas’uuliyadda laga gamban, waxaan rabaa inaan halkaan kasoo jeediyo ugu yaraan in dhiibista Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah in la saxana loo baahan yahay, ONLF haddii aan wax u tari karin iney naga nabad gasho, iyada iyo Itoobiya haddii aan heshiisiin karno waa shaqo weyn oo la qabtay… waxaan aad iyo aad ula yaabannahay qof walbo oo baarlamaanka fadhiya ama shacabka Soomaaliyeed meesha uu rabo ha joogee ee madaxda ku difaaca dhiibista Qalbi Dhagax, ninkii walaalkaa loo xiirow adna berri soo qoyso waaye.. waxaan rabaa guddoomiye inaan ilaahay hortiisa ku marqaati furo inaan raali ka ahayn dhiibista qalbi dhagax, ogoleyn, dambi ay tahay, ayna tahay in la ciqaabo ciddii geystay, ma aaminsani iney hay’adda nabad sugidda tahay, ma aaminsani ineysan madax ogeyn, haddii aysan ogeyn waa musiibo, haddii ay ogaayeenna waa musiibo ka weyn” Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Waxaa magaalada Garowe lagu qabtey kulanka 1aad barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is arag oo uu hindisay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Keynaan Cabdi Jaamac, Wuxuuna sheegay inay tahay sababta loo asaasay barnaamijkan sidii isbedel loogu samayn lahaa bulshada, Iyadoo diiradda la saarayo dhalinyarada, loona marayo casharro iyo kulan cilmiyeedyo ku dhisan Aqoon, si loo helo bulsho u dhisan maskax ahaan kana madax bannaan waxyaabaha dalkeena ragaadshay ee aqoon yarida iyo qabyaaladdu ugu horayso, iyadoo kor loo qaadayo hab-fikirka aqooneed ee bulshada. Kulanka 1aad ee barnaamijkan oo lagu falanqaynayay “Doorka dhalinyarada iyo Hoggaaminta” waxaa soo jeedinayay Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub), waxaana lagu qabtay Jaamacada PSU ee magaalada Garowe, waxaana kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada dawlada Puntland Dr, Maxamed Cali Faarax, Suldaan/Shiikh Cabdiqani Qorane, Agaasimaha daladda dhalinyarada Puntland Subeyr Cumar Cali, Ardayda Jaamacaddaha maagalada Garowe iyo qaar kamida qaybaha kala duwan ee bulshada. Keynaan Cabdi Jaamac wuxuu sheegay in barnaamijkan la joogteyn doono, islamarkaana labadii biloodba hal mar la qaban doono. Daawo Sawiradda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe oo lagu qabtey barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is-arag. appeared first on Puntland Post.
  19. Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo maanta ka hadlay kulanka golaha shacabka ee arrinta Qalbi-dhagax ayaa soo jeediyay labo, mid an in la soo celiyo Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo midda ah in aan qof dambe la dhiibin. Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi ayaa sheegay in baarlamaanka laga rabo in ay warqad u qoraan Dowladda Ethiopia oo ay ku dalbanayaan sidii loo soo celin lahaa Cabdikiriin Qalbi Dhagax Waxaan rabaa guddoomiye arrintan siday aheyd baa loo abaaray oo ah labo qodob oo ugu muhiimsan oo ah wixii la sameeyay in ay sharci-darro ahaayeen, sidaa darteed waxaa muhiim ah, waxaa la yiraahdaa caano daatay, dabadooda ayaa la qabtaa, talooyinka la soo jeediyay In marka ugu horeysa baarlamaanka go’aanka lagu daro, in dowladda Itoobiya baarlamaanka warqad u diraan, lagu soo celinayo, Maadaama xaq-darro dhacda hala soo celiyo waa in la yiraahdaa ama ciddii bixisay oo xukuumadda aheyd tiraahdaa hala soo celiyo, haddii wax naga dhaxeeyaan, daris ayaanu nahay, Maadaama qalad dhacay, Hala soo celiyo. Cid dambe oo Soomaali ah ama muslim ah in aan la dhiibin, cidii dhiibtaana ay dambiile tahay, taasina waa in ay noqotaa go’aan baarlamaanka soo saaro Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey. Goobjoog News Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira xiriir fog oo dowlada Imaaraadka carabta kala dhexeeya mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Somalia iyo Siyaasiyiin madaxbanaan oo iyagu ku sifoobay dhaleeceynta talaabooyinka wanaagsan oo ay qaado dowlada Somalia. Mas’uuliyiinta u kala dhuunta Imaaraadka Carabta ayaa iyagu xilal ka waayay dowlada hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, halka Siyaasiyiinta madaxabanaan ay yihiin kuwo mar waliba u taagan la safashada ”Shisheeyaha”. Qaarkood ayaa fulinta howlaha Qaranka ka maciin biday inay dhexda u galaan horumarada uu ku talaabayo dalka, halka kuwa kale ay yihiin kuwa nasiib dhowr ah oo mar waliba ka hoos shaqeeya mas’uuliyiinta horay usoo qabtay xilalka ee ku xiran Madaxda ugu sareysa Imaaraadka. Dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu inta badan ka faa’iideysata wadaniyad xumida heysata Siyaasiyiinta qaar ayaa dhabarka u xiratay sida ay xuquuq joogta ah kusiin laheyd kuwa ka macaasha duruufaha ay ku shaqeyso dowlada Somalia. Haddaba dowlada Imaaraadka carabta waxa ay casuumaad u sameysay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo muddo dhowr jeer ah ka dhaga adeegay qaadashada awaamiir ay ku qasabtay Imaaraadka. Madxaweyne Farmaajo waxa uu wataa shuruudo uu ku daahfuri doono shirka ay wada gali doonaan Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta, taa oo ay kamid tahay: 1-In dowlada Somalia loo madaxbaneeyo arrimaheeda gaarka ah sida inay maamusho dhulkeeda, Siyaasiyiinteeda iyo inaan loo dhexeen iyada iyo Golayaasheeda. Qodobkan ee uu wato Farmaajo waxa ay meesha ka saari doontaa xiriirka fogaaday ee Imaaraadka kala dhexeeya shaqsiyaadka u tafaxeydanaaya in Qaranka laga hormariyo dano gaara, sida ku cad ficilada labadii asbuuc ee lasoo dhafay ka dhacay mas’uuliyiinta qaar. 2-In danaha Imaaraadka Carabta lasoo mariyo Dowlada Somalia, waxa uuna qodobkaani laali doonaa inuu sii jiro xiriir danbe uu u dhexeeya Maamul Goboleedyada iyo Imaaraadka. Socdaalka uu Madaxweyne Farmaajo ku gaari doono magaalada Abu Dabai, ayaa ifafaalo u ah isku soo dhawaansho iyo isfahan dhexmari doona labada dowladood, waxaana xusid mudan in dowlada Imaaraadka Carabta ay garwaaqsatay in Somalia loo madaxbaneeyo amuuraheeda gaarka ah oo iminka caqabada lagu yahay. Sidoo kale, Mas’uuliyiintii xilalka kasoo qabtay dowladihii hore iyo kuwa iyaga ku feelan oo mudooyinkaani xubno ka socday Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka kula shirsanaa magaalada Nairobi ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtan magaalada Muqdisho, kadib mugdi soo kala dhexgalay labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadalinayaa in is araga Madxaweyne Farmaajo iyo Dowlada Imaaraadka uu sabab u noqon doono burbur ku imaada xiriirka mas’uuliyiinta qaswadayaasha ah iyo dowlada Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanu aamisaneyn in madaxda dowladda Federaalka ah aysan ka war hayn markii C/kariin Qalbi Dhagax loo dhiibayey dowladda Itoobiya. Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in dhiibistii Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah una baahan in la saxo. Mar uu xildhibaan Odowaa soo hadal qaaday arrinta ONLF ayuu soo jeediyey in haddii aan wax loo tari karin ururkaasi ay haboon tahay inuu ka nabad galo dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale xildhibaanka ayaa soo jeediyey in la ciqaabo cid walbo oo ka dambeysay dhiibista Qalbi Dhagax. “Mudane guddoomiye sida ku cad warbixnta guddiga arrinta Qalbi Dhagax lifaaqyada sida ku cad wasaaradda amniga ma ogeyn, wasiirka cadaaladda waa ka diiday, hay’adda socdaalka ma ogeyn, hay’adda diyaaradaha ma ogeyn, cid la ogeyd madaxda sare ma jirin, waxaan rabaa in aan mas’uuliyadda laga gamban, waxaan rabaa inaan halkaan kasoo jeediyo ugu yaraan in dhiibista Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah in la saxana loo baahan yahay, ONLF haddii aan wax u tari karin iney naga nabad gasho, iyada iyo Itoobiya haddii aan heshiisiin karno waa shaqo weyn oo la qabtay… waxaan aad iyo aad ula yaabannahay qof walbo oo baarlamaanka fadhiya ama shacabka Soomaaliyeed meesha uu rabo ha joogee ee madaxda ku difaaca dhiibista Qalbi Dhagax, ninkii walaalkaa loo xiirow adna berri soo qoyso waaye.. waxaan rabaa guddoomiye inaan ilaahay hortiisa ku marqaati furo inaan raali ka ahayn dhiibista qalbi dhagax, ogoleyn, dambi ay tahay, ayna tahay in la ciqaabo ciddii geystay, ma aaminsani iney hay’adda nabad sugidda tahay, ma aaminsani ineysan madax ogeyn, haddii aysan ogeyn waa musiibo, haddii ay ogaayeenna waa musiibo ka weyn” Ugu dambeyn, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in isaga ka shaqsi ahaan waxa uu u tari karo Qalbi Dhagax ay tahay in reerkiisa u jaro gunnada Hal bil. “Waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego Qalbi Dhagax waxa ugu yar ee aan u tari karo waxay tahay Qoyskiisa bil guinnadeeda kamid ah ayaan ugu tabarrucay, idinkana waxaan idin ka codsanayaa inaad ugu tabarrucdaan” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey. Goobjoog News Source
  22. International observers of Somaliland’s presidential election on 13 November 2017 urge all parties to use legal channels to resolve post-election differences. With post-election disturbances reported in Somaliland while results are awaited, the International Election Observation Mission (EOM) is aware of complaints and grievances about the electoral process. We urge complainants to pursue those grievances through the appropriate customary and legal channels, where evidence can be assessed in full and judged on its merits. Says Dr Michael Walls, chief observer of the EOM: “Violent protest undermines the peace that Somaliland has built so painstakingly over the years, and does not serve the interests of Somalilanders or Somaliland as a whole. We are aware of complaints, and stress the urgency that those complaints be considered in full and within the context of the legal channels designed to provide a full and fair hearing. We urge all parties to call for restraint as those processes are pursued.” The EOM, which was invited by Somaliland’s National Electoral Commission (NEC), supports the NEC in its important work to calculate and announce preliminary results as soon and as accurately as possible. We reiterate the NEC’s call for all parties to exercise restraint and to use peaceful means to lodge complaints. Earlier in the week, the EOM issued statements reporting a largely peaceful and well-organised polling day in areas observed, but with some concerns about the process; points that were reiterated at press conferences. The EOM, which still has a small team of observers in Somaliland to report on the post-poll process, stands by those statements, and is concerned by unfolding events. We deeply regret the loss of life that has already been reported, and call on all Somalilanders to work to maintain the peace and to respect due process as results are finalised and complaints considered. Amongst other things, the EOM gathered detail on the legal channels offered in the event of disputes. Specifically, we note that there is capacity for the NEC itself to assess issues, and that following the declaration of preliminary results, there is a period of seven days in which formal complaints can be lodged through the Supreme Court, and that Somaliland custom also supports robust mediation and discussion. We therefore remain convinced that appropriate customary and formal avenues are available for the peaceful pursuit, consideration and adjudication of disputes. Somaliland has built an impressive record in exactly that area, and we are extremely disappointed to see the undermining of those mechanisms. This is a time for restraint from all parties, and we call on political leaders to urge supporters and colleagues to respect the foundations that have been built over the past 26 years. The EOM, funded by the British government, observed approximately 350 polling stations and tallying centres across Somaliland’s six regions on polling day and immediately after. The Mission will deliver its preliminary report to the National Electoral Commission by 20 November, and will release its final report in mid-2018. Notes to Editors 1. For further information or to arrange an interview with a member of the coordination team, please contact Conrad Heine (EOM media coordinator) on +44 (0)7870 642 852or ieosomalilandmedia@gmail.com. Photographs are also available. 2. Somaliland declared unilateral independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s government. It remains internationally unrecognised. 3. The mission is online at www.somalilandfocus.org.uk, @SomalilandFocus and facebook.com/ EOMSomaliland2017.
  23. Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xersi Yuusuf ayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarka guud ee magaaladaasi. Waxa uu tilmaamay mudane Yuusuf in muhiim ay tahay in laga gudbo caqabadaha taagan si loo helo maalgashi lagu sameysto magaalada Gaalkacyo, laguna soo dhiirado. Nabadda ayuu sheegay iney tahay arrinta Koowaad ee lagu noolaan karo, wuxuuna tilmaamay in guud ahaan reer Gaalkacyo ay mas’uuliyad ka saaran tahay ka shaqeynta amniga iyo horumarka magaalada. “Dadka deggan Gaalkacyo waxaan ugu baaqayaa iney nabadda adkeeyaan, ka shaqeeyaan horumarka si magaaladan ay u hesho dad kusoo dhiirada oo maalgashta” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo ee Galmudug. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayey magaalada Gaalkacyo isbedallo balllaaran oo ku aadan dhanka nabadda iyo horumarka. Goobjoog News Source
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddigii loo xil saaray baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax ayaa soo saaray warbixin dheer oo ku saabsan arrintaas. Warbixintaan oo ka koobneyd ilaa 10 Beej ayaa waxaa Caasimadda Online u suurta gashay inay hesho. Haddaba halkaan hoose ka akhriso”: