Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2018 oo ay soo agaasimeeen maamulka ciyaaraha. Waxaa tartanka ka qeyb galay ilaa lix degmo oo kala ah Gaalkacyo, Balanbale, Dhuusmareeb Caabudwaaq, Cadaado iyo Hobyo, waxaana fiinaalka iskugu soo haray degmooyinka kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale. Bishii hore, 26-keedii ayuu tartanka si rasmi uga furmay garoonka Cabdullahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo waxaana ciyaartii kowaad lagu daah furay degmooyinka final-ka taagan ee kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale waxayna ciyaartaasi ay ku dhamaatay barbaro. Shalay gelinkii danbe waxaa magaalada magaalada Gaalkacyo gaaray guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed si uu usoo xero ciyaaraha degmooyinka Galmudug, isagoo horay ugu ammaanay maamulka isboortiga degaanka kuna taliyay in la joogteeyo tartamadan oo kale si Galmudug ay ula jaanqaado gobolada ee dalka oo ku hormaray isboortiga. Duqa Gaalkacyo Xirsi Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii guddoomiye Abshir Axmed soo dhoweeyey, wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare ee baarlamaanka 10aad Senator Abshir Maxamed oo gaaray Gaalkacyo. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Diyaarad ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano laga celshay Garoonka Jomo Kenyatta ee dalka Kenya. Wasiirada la socday diyaaradan ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa Wasiirka Amniga Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Wasiiro kale oo doonaayay inay ka dagaan International Airport ee magaalada Nayrobi. Sida ay baahisay Idacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho Diyaarada siday Wasiirka Amniga iyo Wasiirada kale ayaa xalay dib ugu soo noqotay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiir Ducaale iyo Wasiirada kale ayaa howlo shaqo ugu socday dalka Kenya, hase yeeshee waxaa laga mamnuucay diyaaradii ay la socdeen inay ka degto Garoonka. Diyaaradan la soo celiyay ayaa waxaa lahaa shirkadda diyaaradaha ee Ocean Airlines, waxaana la ogeyn ujeedka ka danbeysay in loo diido ka dagisteeda Kenya. Sidoo kale, waxaa wali arrintaan ka wadahadal Hay’adda duulimaadyada Somalia iyo Kenya waxaana la qiyaasayaa in sababta ay tahay diyaaradda oo xilli habeen gashay hawada magaalada Nayrobi Dhinaca kale, Madaxda dowlada Somalia ayaa inta badan Kenya kala kulmo dhibaatooyin dhanka duulimaadyada ah, iyadoo ciladaasi ay noqotay mid joogta ah, wallow aan la ogeyn waxa soo dadajiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Kismaayo (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Magaalada Kismaayo maalintii labaad ka socda shir Madaxda Dowlad Goboleedyada oo intiisa badan looga doodaayo tabashooyinka laga qabo dowlada Somalia. Shirkan galay maalintiisa labaad ayaa ka danbeeyay kadib markii uu casuumay Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Hoggaamiyayaasha maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin iyo qaarkood oo culeysaad siyaasadeed kala kulmay dowladda. Hoggaamiyayaasha uu shirka u socdo ayaa dhamamantood wajiga Koowaad ee shirka jeediyay khudbado cagsi ku ah DFS ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Shirkan ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa dhawr arrimood oo ku qotoma xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dib u dhiska ciidanka iyo qeybsiga qeyraadka. Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dhinacyada uu shirka u dhexeeyo ayaa inoo xaqiijiyay in xalay hoyga martida ee Kismaayo ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen Madaxda dowlad goboleedyada iyo Wakiilka QM oo weli ku sugan Kismaayo. Madaxda maamulka iyo Wakiilka QM ayaa shirkooda gaar gaarka ahaa uga wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirka dowladda iyo dowlad goboleedyada. Waxaa sidoo kale isla xalay magaalada Kismaayo kulamo ku yeeshay Wasiirada dowlad goboleedyada ka kala socda ee isku howsha ah, waxayna ka arrinsadeen guddiyo midow ah oo Wasiirada ay sameysanayaan, si ay u xoojiyaan wada shaqyenta dhexdooda ah. Maalinta Seddexaad ee shirka oo ku began maalinta beri ah ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in Hoggaamiyaha Puntland Cabdi weli Gaas uu wareejiyo xilka Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, bacdamaa ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin. Si kastaba ha ahaatee, Kulankan oo berri la soo gaba gabeyn doono sida uu qorshaha yahay, Madaxdan lama oga waxyaabaha dhabta ah ee shirkoodan ay ka soo saari doonaan, laakiin sida looga bartay waxay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeyn doonaan waxyaabaha ay isku fahmeen. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  4. Waxaa guud ahaan dhamaatay waqtigii xil heeynta xog-hayah gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobaya ayaa soo magacaabay shaqsigii badali Lahaa Mr Keating. Nicholas Haysom oo 66-sano jir ah una dhashay dalka Koonfur Afrika Ayaa badali doono Micheal Keating . Nicholas Haysom ayaa ahaa ErgeygiiQaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay u soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan. Sarkaalkan cusub oo ah Qareen ayaa ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta, iyada oo la sheegay inuu ku soo fashilmay arrimaha Suudaanta Koofureed oo xilligan colaada iyo xaalado bani’aadanimo ka jiraan. Sarkaalkaasi ayaa lagu wadaa in uu dhowaan soo gaaro Muqdisho si uu badalo Micheal Keating Keating oo xafiiska Qm ee Soomaaliya la wareegay January 2016-kii ayaa horay u badalay Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Nicholas Haysom oo badalaya Micheal Keating appeared first on Puntland Post.
  5. A committee has been formed to resolve the protracted border dispute between residents of Isiolo South and Lagdera in Garissa county. Source: Hiiraan Online
  6. U.S. President Donald Trump wanted to have Syrian President Bashar al-Assad assassinated last year but his defense secretary ignored the request, according to a new book that depicts top Trump aides sometimes disregarding presidential orders to limit what they saw as damaging and dangerous behavior. Source: Hiiraan Online
  7. Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa maalintii labaad ka socdo shirka madaxda maamul goboleedyada. Shirkaan oo shalay furmay ayaa waxaa ka qeeybgalaya dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ergeyga qaramada midoobay arimaha Soomaaliya. Madaxda maamul goboleedyada oo qudbado shalay ka jeediyay shirka Ayaa dhamaantood isku raacay in dowladu ay faragalin ku heeyso. Shirka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa xiriirka dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada arimaha qeeybsiga dhaqaalaha iyo ciidamada. Shirkaasi ayaa waxaa qorshuhu uu yahay in la soo gaba gabeeyay maalinta Jimcaha ah ee soo socoto. Shirkaasi ayaan waxaan ka qeeybgaleeynin dowlada Soomaaliya oo iyadu sheeda sare kala socoto Shirka iyo waxyaabaha laga yaabo in ay ka soo baxaan. Waxaa ku dhow dhamaadka xilalka madaxda maamul Goboleedyada dalka kuwaasi oo hadda ugu jiro dadaal badan sidii markale dib loo dooran lahaa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kismaayo : Shirkii Madaxda maamul Goboleedyada oo maalintii Labaad Galay appeared first on Puntland Post.
  8. At least 56 illegal migrants are being held in the Aegean province of Aydın and the southwestern province of Muğla. Source: Hiiraan Online
  9. A Garissa bank has towed away seven buses bought by the former county administration over debt. Source: Hiiraan Online
  10. Al-shabaab ayaa baahisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay Xarunta Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir maalintii axada aheyd. Sida laga baahiyay warbaahinta shabaab, waxaa eerarka fuliyay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq ama Layaali,kaasi oo ku dhashay deegaanka Daaru-Salaam ee hoostaga degmada Saakoow ee Gobolka Jubadda Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkaan uu ka dhashay Beesha Liisaan ee raxanweyn oo dagta gobolada baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Ninkaan ayaa dhawaan ku biiray Guutooyinka Al-shabaab ay u diyaariyeen qaraxyadda laga fuliyo Magaaladda muqdisho,wuxuuna horey ugu tirsanaaa shabaab-ka ku sugan Gobolka Mudug ee koonfurta dalka Soomaaliya. “waxaan qoyskayga iyo dhamaan asxaabtayda aaan ku wargaliyay in aan isku qarxin doono xarunta Degmadda, oo ay ku suganaayeen mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaiya’, ayuu yiri C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq. Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta Degmadda Howlwadaag ayaa waxaa ku dhintay 5ruux oo seddex kamid ah ay ahaayeen Ciidamo, iyo dhaawaca 12-ruux oo ay mas’uuliyiin ku jirto iyo caruur dhiganaysay dugsi qur’aan. PUNTLAND POST The post Al-Shabaab oo baahisay magaca iyo Qabiilka nin isku qarxiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mr. Nicholas “Fink” Haysom ayaa loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating, Dublamaasigan cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa u dhashay dalka Koofur Afrika. Danjire Michael Keating oo maamulayay xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo 22-kii Bishii November, 2015, Isagoo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska. Wakiilka cusub ee lagu bedelayo Michael Keating ayaa haatan wuxuu yahay Safiirka Qaramada midoobe ee Dalalka Sudan iyo Koofurta Sudan, iyadoo labadaas dalna Safiir looga dhigay Bishii March ee 2016, Wuxuuna xafiiska si rasmi ah u fariistay Jully. Diblomaasiyiin iyo ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Mr Keating uu bedeli doono Ergey cusub oo u dhashay dalka Koofur Afrika. Mr Haysom oo 66 sano jir caddaan Koofur Afrikaan ayaa ah Qareen waa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay y soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan. Waxaa la sheegaa inuu ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta. Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan inay ergaygeeda Soomaaliya uga wakiilka ah Danjire Michael Keating ay bedelayso, balse ilo wareedyo kale ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in xafiiska UNSOM ee Somalia loo magacaabi doono ergay cusub oo South Afrikaanka Cadaanka ah. Ergayga cusub ee lagu bedelayo Danjire Michael Keating ayaa wuxuu xilka la wareegi doonaa marka uu sannadkan dhamaadka ku dhowyahay, maadaama xilliga shaqo ee Danjire Kay ku eg-tahay Bisha December 2018-ka. Ugu dambeyn, Danjire Michael Keating ayaa tan iyo markii loo magacaabay inuu ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya noqdo, wuxuu xoogga saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka ee nagu soo wajahan, waloow aan la ogeyn sida doorashadaas aanu xaadirka ka eheyn noqon doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Mali's President Ibrahim Boubacar Keita has been sworn in to a new five-year term in the presence of former rebels and several other personalities although the opposition continues to dispute his election win. Source: Hiiraan Online
  13. Waxaa maalintaa Labaad u galay shirka madaxda dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa furitaankii shirkan waxay ka jeediyeen hadallo ay inta badan ku dhaliilayaan dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa ay sheegeen in dowladda ay gacan bidixeeneyso maamullada dalka ka jira, caalamkana ay si kale wax u fahamsiiso. Maanta ayaa waxay gudagalayaan inta ka hartay ajendaha shirkooda, waxaana ay si gaar ah uga hadli doonaan arrimaha ku aadan xiriirka maamulladan. Gabagabada shirkan ayaa waxay kasoo saari doonaan war-murtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Motorists in Wajir have peacefully demonstrated against the higher fuel prices and defiant businessmen's decisions to charge them even more. Source: Hiiraan Online
  15. Takeaways from the latest ICE effort to shut down bridges that connect Muslim-majority nations to the U.S. Southwest border Source: Hiiraan Online
  16. DUBAI (Reuters) - Qatar amended its residency laws on Tuesday to allow foreign workers to leave the country without exit permits from their employers, a provision which labor rights groups have long said should be abolished. Source: Hiiraan Online
  17. Executives at port and logistics group DP World will doubtless be poring over the latest report (downloadable here) from business intelligence group EXX Africa which is scathing in its comments regarding the behaviour of the Djibouti authorities following their seizure of the facilities and the eviction of the UAE company's staff from the country's Doraleh container terminal which DP had the contract to operate. Source: Hiiraan Online
  18. In Saudi Arabia, posting satire online that "mocks, provokes or disrupts public order, religious values and public morals" could cost you $800,000 and up to five years in jail, the Public Prosecution, a government agency, tweeted Monday. Source: Hiiraan Online
  19. Donald Trump will chair a UN security council meeting on Iran this month to spotlight its “violations of international law” during the annual gathering of world leaders in New York, according to the US ambassador, Nikki Haley. Source: Hiiraan Online
  20. Yemeni security officials say a boat carrying at least 150 African migrants has capsized off a southern province, killing at least 30 people including five women and children. Source: Hiiraan Online
  21. Immigrant-owned shops, belonging to people from Somalia, Bangladesh, China and Pakistan, have been closed since last week Monday after they were looted by residents protesting over poor services from the Lesedi Municipality, GroundUp reports. Source: Hiiraan Online
  22. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo visited Huawei's Beijing Executive Briefing Centre and met with Yi Xiang, SVP at Huawei. Source: Hiiraan Online
  23. Five primary schools in terror-prone Basuba Ward, Lamu East, have remained closed despite the beginning of the third term a week ago. Source: Hiiraan Online
  24. Islamism practically implies awakening the next generation of Muslims to embrace Islam and adhere to its fundamental principles. The contemporary Islamists revival is being advertised.... Source: Hiiraan Online
  25. Moscow (Caasimada Online) – Russia waxa ay ku biirtay liiska dalalka ay ka go’an tahay in ay cagta la helaan qeyb ka mid ah Badda Cas. Kulan ay la yeesheen hoggaamiyeyaasha Eritrea Jimcihii (31kii Agoosto). Wasiirka arrimaha dibedda Sergey Lavrov waxa uu ku dhawaaqay qorshe ay dekedda dalkaas ku yaal Bariga Africa uga sameysanayaan “Xarun Saad”. Moscow ma caddeyn meesha mana cayyimin waqtiga mashruuca laakiin waxa ay sheegeen in ay ujeedku yahay sare u qaadidda xiriirka ganacsi iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaale ee labada dal. Ku dhawaaqista arrintan waxa ay ka dhigan tahay dadaalada ay Russia ugu jirto cusbooneyisiinta xiriirka ay la leedahay dowladaha Africa iyo sare u qaadidda dhaqankeeda, siyaasadeeda iyo saameynteeda dhaqaale. Russia waxa ay qaadeysaa tallaabadan xilli Mareykanka uu hoggaamiyo Trump ay dib u gurasho wadaan halka ay China ku sii xidideysaneyso. Bishii Maarso, Lavrov waxa uu booqasho toddobaad ah ku gaaray Africa isaga oo tagay Angola, Namibia, Mozambique, Ethiopia iyo Zimbabwe. Intii uu booqashada ku guda jiray, waxa uu saxiixay heshiisyo lagu dhisayo aag dhaqaale, raadinta fursado lagu qiimeynayo macdanta oo ay ku jiraan Dhaymanka iyo Platinum-ka si sare loogu qaado iskaashiga farsamada militariga. Dalka Jamhuuridda Bartamaha Africa, Kremlin waxaay siin dootaa hub iyo talo dhinaca ammaanka dowladda dagaaladu hareeyeen. Sadex saxafi oo Russian ah, kuwaas oo doonayey in ay wax ka ogaadaan xiriirkan ayaa lagu dilay dhawaan meel 180km uga began caasimadda dalkaas ee Bangui. Russia sidoo kale waxa ay tartan Gabay ah ku qaban doontaa dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Africa iyada oo kuwa ku guuleysta ay dalxiis u aadi doonaan xero ku taalla gobolka Crimea ee ay Russia soo goosatay. Dookha ah in ay xarun ka sameysato Eritrea waa mid xisaab ku timi marka la eego dhulka istaraatijiyadda ah ee ay Geeska Africa uga taal. Dekedaha Casab iyo Massawa ayaa ubuc u dhaa is bedeladda awoodaha siyaasadeed ee gobolka. Sacuudi Careebiya iyo UAE, kuwaas oo qeyb ka ah gaashaan buurta dagaalka ka wada Yaman ayaa u adeegsaday Dekedda Casab ujeedooyin saad iyo goob ay maxaabiista ku soo xiraan. Kaddib todaneeyo sano oo ay dagaal kula jireen dalka aan Badda lahayn ee Itoobiya, heshiiskii dhawaan ayaa sidoo kale ka dhigan in ay Addis Ababa dooneyso adeegsiga iyo maalgashiga dekeddaha Eritrea. Ka waddan ahaan ka soo baxaya go’doomin, Asmara waxa ay rejeyneysaa in ay muhiimaddeeda istaraatijiyadeed u isticmaasho saameyn ay ku soo jiidato maalgashi caalami ah, sidaas waxaa yiri Omar S. Mohamed, cilmi baare ka tirsan machadka barashada ammaanka ee Addis Ababa ku yaal. Hoggaamiyeyaal waddamo ay ku jiraan Sacuudi Careebiya, Soomaaliya, Japan iyo Germany ayaa dhammaan booqday Casmara toddobaadyadii ugu dambeeyey, ayuu intaa ku daray Omar, “Waxa ay ka soo kabaneysaa waqtigii lumay”. Hase yeshee, imaanshaha Russia ee Eritrea waxa ay ka dhiganaan doontaa Geeska Africa oo lagu soo xoomay. Jibuuti Oo ah dalka saddexaad ee ugu yar wadamada ku yaal Qaaradda Africa [Aan Jariiradaha ahayn], waxa ay hooy u tahay saldhigyo ay leeyihiin dhawr waddan oo Yurub, Asiyaan iyo Mareykanka. Sidoo kale waxaa jira khilaaf soo koraya: Bishii Maajo, Pentagon-ka Mareykanka waxa ay China ku eedeeyeen in ay adeegsanayaan Leesarro ay ku carqaladeenayaan duuliyeyaasheeda diyaaradaha dagaalka ee dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com