-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Ereteriya Isaias Afwerki, ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta ku kulmaya magaalada Asmara ee xarunta Ereteriya. Hoggaamiyeyaasha ayaa ka soo laabtay kulanka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ku soo dhammaaday magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ajandaha kulanka saddex geesoodka ah ee hoggaamiyeyaasha Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya laakiin, waxa ay warbaahinta Itoobiya iyo Ereteriya ku macneeyeen mid kor loogu qaadayo xidhiidhka dhaqaalaha iyo ammaanka dalalkan. Arrinta ka dhex muuqata kulankan ayaa ah in dalalka Ereteriya iyo Itoobiya qaadayaan tallaabooyin waaweyn oo ay ku horumarinayaan xidhiidhkooda dhawaan hagaagay ee dhanka diblamaasiyadda iyo iskaashiga laakiin, lama oga waxa Soomaaliya uga dan ah kulanka maanta oo ubucdiisu tahay sidii Itoobiya u isticmaali lahayd dekedaha Ereteriya, islamarkaana u furan lahayd safaaraddeeda Asmara kadib 20 sanno oo labada dal kala qoqobnaayeen. Ra’isal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Ereteriya waxay shalay kormeereen dekeddaha Ereteriya iyo jidka isku xidha dekedda Asmara iyo xuduudka Itoobiya oo ilaa 71Km ah. Waxa uu kulankoodu yimid kadib markii uu markii u horaysay dekedda ku soo xidhay markabka Mekelle ee Itoobiya oo alaab u sida Ereteriya. Ra’isal wasaare Abiy waxa uu sheegay in dekedda Casa bee Ereteriya todobaadada soo socda bilaabayso hawlgal kadib dib u hayb yar oo lagu samaynayo. Waxa uu tilmaamay in bilawga shaqada ee dekeddu muujinayo sida uu u hirgalay heshiiska labada dal gaadheen bilihii la soo dhaafay ee dhanka nabadda iyo iskaashiga ah. Madaxa xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in dekedda Ereteriya degdeg shaqada u bilaabayso, islamarkaana Itoobiya isticmaali doonto dekedda. Saamaynta Dekeddu ku leedahay Jabuuti iyo Somaliland Dawladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay isku dhaceen Ereteriya waxay si buuxda u isticmaalaysay dekedaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Markii sanadkii hore dawladda Itoobiya saami 19% ah laga siiyay dekedda Berbera waxa muuqatay in dekedda Jabuuti wajahayso tartan waxaana taas xigtay Itoobiya oo dekedaha Suudaan iyo Kenya heshiisyo la gaadhay hase ahaatee waxa arrimahaasi u kala raray heshiiska lama filaanka ahaa ee Ereteriya iyo Itoobiya taas oo loo arko in dekedaha Ereteriya oo ay hore ugu xidhnayd Itoobiya mar kale maroorsan doonanto isticmaalkeeda dekedaha, taasna ay saamayn doonto dekedaha Jabuuti iyo Somaliland ee ku xisaabtamayay suuqa Itoobiya oo aan bad lahayn. Tifaftiraha Africa ee BBC-da Mary Harper waxay sheegtay in aanay Itoobiya ku sii tiirsanaan doonin dekedaha Jabuuti “Markabka ganacsi ee Mekelle oo Itoobiya leedahay ayaa ku xidhay dekedda Masawa ee Ereteriya 20 sanno kadib. Waddanka aan badda lahayn ee Itoobiya intaas ka badan kuma sii tiirsanaan doono dekedaha Jabuuti,” sidaas ayay ku sheegtay boggeeda Twitter-ka oo ay ku faafisay sawirro muujinaya Masawa oo ah meel qadiim ah. Dadka siyaasadda odorosa ayaa u arka in aanay Somaliland iyo Jabuuti la jaanqaadin isbedellada ka socda Geeska Afrika, siiba isku xidhnaanta dalalka Itoobiya, Ereteriya iyo Somalia. Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha Geeska ayaa aamminsan in aanay Itoobiya marnaba lumin doonin xidhiidkeeda Somaliland oo Istiraatijiyad ku qotoma laakiin, ilaa hadda ma muuqato qawl ama ficil ka soo baxay nidaamka cusub ee Itoobiya oo ku aaddan xidhiidhka Addis iyo Hargeysa. Arrinta xusidda mudan ayaa ah in dawladda Jabuuti hore uga qarracantay Soomaaliya oo xidhiidh fiican la yeelatay Ereteriya oo Jabuuti ay dhul ku muransan yihiin. Inkasta oo Farmaajo bookhday Jabuuti haddana ma muuqdo wax isbedel ah oo ku yimid arrimaha Jabuuti diidanayd ee ah in aanay Soomaaliya la safan Ereteriya ee ay Jabuuti barbar istaagto. Waxa kale oo jira aragtiyo ku saabsan in Imaaraadku wado isku xidhka Ereteriya iyo Itoobiya, halka labadan dal laftoodu duufsadeen Soomaaliya iyada oo ujeedka Imaaraadku yahay gadoominta Jabuuti oo ay isku fahmi waayeen saamiga DP World. Isbedellada kolba jirjir dhigaya ee Geeska ayaan la saadaalin Karin saamaynta ay ku yeelan karaan Jabuuti oo sidoo kale loolanka Shiinaha iyo reer Galbeedku hadheeyay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qaybta 2-aad, halkan ka aqri qeybtii 1-aad Waxaan ka cudur daaranayaa in layga raali noqdo haddii ay dhacdo inaan hilmaam darteed soo qaadin qodobbo dhici karto inay muhiim yihiin, maaddaama aan ka hadlayno taariikh 44 sano soo jiitamaysay, hase yeeshee waxaan isku taxluujinayaa inaan intii karaankeyga ah ka wada hadlo. Dabcan, akhristayaasha boggan waxaan si xushmad leh uga codsanayaa inay ii soo sheegaan, haddii ay qabaan su’aalo ama iftiimin la xiriirta qodobbada aan ka hadlayo. Waa garaadxumo inaad dadka wax u sheegto oo keliya ee waa inaad adiguna dhegaysataa, waayo fikradaha oo lays dhaafsado waa saliim. Haddaba, waxaan jeclahay waajibna tahay inaan marka hore ku bilaabo aasaaska Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS). Ma rabo inaan ku dheeraado, waxaanse ku dadaalayaa inaan si kooban uga warbixiyo. Ciidanku waxaa la aasaasay 8dii Jannayo 1970, kaddib markii la mideeyey laba hay’ad xuuraameed oo kala haa Sirdoonkii Mileteriga (Military Intelligence) iyo Sirdoonkii Ciidanka Boliiska (Special Branch). Muhimadda ay leedahay hay’addan waxaa daliil u ah in dhowr bilood kaddib curashadii Kacaankii 21kii Oktoobar 1969 ay madaxdu garwaaqsatay inay dhidibbada u taagaan Ciidanka Nabad Sugidda. Waxaa Taliye looga dhigay Col. Axmed Suleymaan Cabdulle (Dafle) oo ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka, ku xigeenna waxaa looga dhigay Allaha u naariistee Majoraxamed Jibriil Muuse oo xilligaa madax u ahaa Sirdoonka Boliiska. Waxaa xarun looga dhigay xaruntii hore ee Special Branch oo ku tiillay Baar Fiat agagaarkiisa iyo Collegio Nuova Somalia. Waxaa xusid mudan in xilligaa xarunta ay ka dhisnaayeen dhowr xafiisyo oo hore bakhaarro ahaa iyo xafiisyo kale oo baraakooyin ah. Xarunta dhexdeeda waxaa kaloo xafiisyo ku lahaa Hoggaanka Dembi Baarista ee Boliiska (CID) iyo guryahooda, Hoggaanka Socdaalka, Rugta Caafimaadka iyo hoyga Taliyaha Nabad Sugidda iyo Taliye xigeenka. Dhowr sano kaddib, waxaa xarunta laga raray xafiisyadii CID iyo guryahooda, Hoggaanka Socdaalka iyo hoygii Taliyaha iyo Ku-xigeenkiisa, waxaana ku soo haray oo keliya xafiisyada Taliska Nabad Sugidda Soomaaliyeed. Muddo kooban gudahooda, ciidanku wuxuu ku dhaqaaqay horumar xawli lagu hirgeliyey oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Taliska (Midka hadda jira), Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Deegaanley, Xarunta Hoggaanka Socdaalka, Hoolka Shirarka iyo kuwo fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Dhanka xirfadaha, w9axaa la dhisay hoggaammo kooban oo tayo leh, waxaa la hirgeliyey ilooyin (sources) fara badan oo la xiriira hawlaha loo igmaday sida tagaasi, gaadiidka dadweynaha, baarar, maqaayado, guryo gaar ah (Safe Houses), xarumaha ciidanka ee gobollada iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay, wakiillo ka hawlgala xafiisyada kala duwan ee dawladda, xoojinta tababarrada kala duwan (gudaha dalka iyo dibeddiisaba) ee xubnaha ciidanka, ha ahaadeen kuwo cusub iyo kuwo hore uga tirsanaa ciidanka, xiriirka ha’adaha sirdoonka ee dawladaha shisheeye sida Talyaaniga, Maraykanka, Ruushka, Fransiisaka, Masar, Sacuudiga, Qatar, Cumaan, Kuwayt, Jarmalka iyo kuwo kaloo farabadan oo halkan lagu xusi karin. Waxaa xusid mudan ii xiriirka hay’adahan ku dhisnaa is-qaddarin ay ka maran tahay faragelin toos ama mid dadban. Haddaba, waxaa is weydiin leh: Muxuu dhaxlay ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed? Hoggaammadii ku dhisnaa hawlaha kala duwan ee ciidanku u xilsaarnaa, sida Hoggaanka Gobollaha, Arrimaha Dibedda, Baarista, Tababarrada, Ciidammada, Hawlgallada, Lid-Xuuraanka (Counter Intelligence) waxay maanta isu beddeleen, hoggaamo ay kala maamulaan dawlado shisheeye oo inta badan qaarkood aan xiriir naga dhexayn iyo kuwo kale oo aan iska ilaalineynay, maantana fursad u haystaan inay si toos ah ugu adeegtaan uguna fushadaan danahooda gaarka ah. Wakiillada sirdoonka shisheeye ee aan xiriirka lahayn, marka ay doonayaan inay la kulmaan madaxda ama ay soo booqdaan, waxay soo gudbin jireen codsi, haddana iyagii baa loo kala dhuumanayaa gacantana loo hoorsanayaa. Waa ayaandarro in ciidanku sidaa ku dambeeyo, iyadoo meel looga dhacay juhdigii loo soo galay laguna tirin jiray xilligaa inay ka mid ahaayeen sirdoonnada Afrika ugu firfircoon uguna horumarsan. La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Shir u dhexeeyo dalalka Soomaaliya, Eritareeya iyo Itoobiya ayaa ka furmay magaalada Casmara ee Eritareeya. Shirkaan waxaa ku kulmaya seddexda qof ee ugu sarreeyso dalalka ay matalayaan. Dhinaca Soomaalida waxaa durbadiiba bilowday dhaliil iyo cabsi laga qabo in dalkeennu ku dhaco halis qarsoon oo meelo fog laga soo maleegay. Haddaba aniga oo ka duulayo dareenka shacabka ila midka ah ayaan jeclaystay inaan qormo gaaban ku cabbiro sida aan u arko kulankaas iyo waxa laga filan karo. Marka hore aan qiro inaan ku jiro dadka aaminsan in Itoobiya ay tahay guumayste. Dal ku caan baxay guumaystenimo wuxuu la mid yahay ruux tuugnimo ku caanbaxay. Si walba oo uu wanaag muujiyo oogta waarina safka hore masaajidka aad ugu aragtid, mar walba oo aad aragto ruuxa aad qaadqaad ku taqaannay waxaad qabtaa tuhun ah inuu xatooyo maaggan yahay ishana waxaad la raaci dhinaca uu safka ka galo. Si la mid ah, wanaag walba oo uu guumayste muujiyo, marnaba tuhun ah inuu khiyaano iyo shirqool maleegayo meesha lagama saaro. Sidaas awgeed, maadaama aan Itoobiya guumayste u arko, way adagtahay inuu wanaag iiga muuqdo meel ay ku jirto. Adigoo taas cindiga ku hayo akhri qormadaan. Geeska Afrika waxaa ka socdo loollan xawaare dheereeyo ku socdo oo uu dhexeeyo quwadaha dunida ugu tunka weyn. Awal Shiine iyo Maraykan ayaan ogayn. Hadda waxaa kusoo biiray Ruushka. Seddexdaan dal dhexdooda waxaa ku jiro kuwo quwad dhexe ah oo kala taabacsan dalalkaas iskuna dayayo inay dillaalaan waddamada Geeska ee duullaanka lagu yahay. Duullaan lagu doonayo in lagu hanto maamulka iyo taageerada waddamada Bariga Afrika maahan mid cusub. Dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay ree Galbeedka iyo Soofiyeedki Bariga Afrika ayaa dhextaal u ahaa oo si adag loogu loollamay. Quwadaha is garbinayo way yaqaannaan meesha ay u socdaan iyo cidda ay u marayaan danahooda. Sidoo kale, waxay yaqannaan sida loola macaamilo dal walba oo Geeska ka mid ah iyo waxa laga fili karo. Soomaaliya waxaa haysato labo daran mid dooro. Kan hore waa inay iska indho tirto loollanka socdo kuna mashuquusho dhibaatooyinka gudaha ka haysto xal u heliddooda. Haddii taasi ay doorato waxay heli inay u madaxbannanaato siyaasaddeeda dibada go’aammada ay qaadanaysana ay noqdaan kuwa madaxdeeda kalia ka yimid. Hasa ahaatee, waxaa ka dhalan in dalkeeda la qaybsado iyadoo loo marayo maamul goboleeyda iyo siyaasiyiin aan cidna matalin laakiin aqoonsi been ah la siiyo. Sidoo kale, waxaa wiiqmi awoodda dowladda dhexe waxayna waayi qaddarinti ay ku lahayd caalamka iyo dowladaha danaynayo inay ku lug yeeshaan loollanka mandhiqadda. Horay ayaa loo yiri haddii aadan ku jirin kuwa miiska qadada fadhiyo waxad ku jirtaa cuntada la dalbanayo. Dhinaca kale, haddii ay ku biirto dadka miiska fadhiyo iskuna daydo, sida ay haddaba yeelayso inay ka mid noqoto dalalka xisaabta ku jiro ee qoondo doonka, waxaa imaan in faragalin badan lagu sameeyo jihada siyaasadda arrimaha dibadda u socoto; inay dhinac u badato mararka dalal is qabtanna aysan dhexdhexaad noqon; inay gasho heshiisyo huumaal badan ku jiro lagana yaabo inay noqdaan kuwa god ku rido mustaqbalka dalka. Hadii ay noqoto in labadaan mid la doorto kee habboon dhibse yar? Aniga aragtidayda, waxay masxaladdu ku jirtaa kan hore oo ah in aanan laga maqnaan miiska wadahallada iyo meelaha wax lagu qaybsanayo. Kow, qaybtu waa lama huraan waxaa duullaanka lagu yahay ee la qaybsanayana waa dalkaada. Joog ama ka maqnow, sidii horay u dhacdayda, dalalka shihseeye inay Soomaliya kala goostaan waa ka go’antahay. Haddii goobta dad ku matalaya joogaan gorgortanka ayaad kow ka tahay waxaadna yarayn waaxdi dillaalku qaadan lahaa iyo inay Carab ku iibiso sidii Saciid Barqash hadda ka horba noo iibsaday. Labo, haddii aad joogta meesha wax lagu qaybsanayo waxay u badan tahay wax markaad maqantahay lagu fakeri lahaa in aan lagu dhiirran sidaa darteed khatarta ayaa yaraan. Saddex, dowladda dhexe ayaa noqon albaabka dalka loo maro waxaana booska ka bixi baahidi loo qabi laha in lala macaamilo maamul goboleedyada. Afar, lagaba yaabo inuu kheyr yahay oo maalgashiga iyo arrimaha la sheegayo run noqdaan halkaas dalkeennu ku baahi baxo. Shirka seddex geesoodka iyo loollanka caalamiga maxaa ka dhaxeeyo? Ilaa hadda lama hayo faahfaahinta shirka iyo qodobadda ugu muhiimsan ee looga arrinsan doono, hasa ahaatee ajandaha shirka ayaa lagu sheegay inuu yahay iskaashi xagga dhaqaalaha iyo amniga ah. Seddexda dal waxay u arkaan inuu isku xiran yahay horumarkooda iyo aminigooda waana sida dhabta ah ee ay tahay laakiin horay loo waayay cid fuliso haddana aysan muuqan wax muujinayo in daacad laga yahay. Haddii taasi dhab tahay, waxa loo gogol xaarayo ee la rabo in lasoo dhaweeyo waa quwado shisheeye oo hadda xagga dabe ku dhuumanayo kuwaas oo laga rabo taageero dhaqaale iyo maalgahsi xooggan. Eritareeya ayaa hadda ah madasha ugu muhiimsan ee dihin. Jabuuti waxaa horay u qaatay Shiine Soomaaliyana waa meel aan hadda laga dhisan karin saldhig ciidan iyo rugo ganacsi oo waaweyn. Si hadda Eritareeya u hesho waxa ay rabto waxay u baahantahay taageero ay ka hesho dalalka dariska ah iyo in la xaliyo arriamaha kala dhaxeeyo Jabuuti. Itoobiya ayaa iyadu dhinaceeda rabto inay noqoto malkada loo maro maalgashiga Eritareeya iyo kan Soomaaliya sidi horayba Shiine ugu maray midka Jabuuti. Soomaaliya iyadu waxay doonaysaa inay isu muujiso dal soo hagaagay oo hadda diyaar u ah maalgashi wixii la galiyana aysan lumin doonin taasoo ay adagtahay in lagu qanciyo maalgashadaayasha caalamiga ah. Si wax looga baddalo maalgashadayaasha guulowsan, Soomaaliya waxay u baahantahay taageerada waddamada dariska ah oo muujiyo inay ku faraxsan yihiin inay qayb ka noqdaan maalgashiga Soomaaliya. Sidoo kale, amniga Soomaaliya waxaa qayb weyn ka ah labada dal ee kale kuwaas taageero kala duwan siinayay kooxaha qaska ka wada dalka. Haddaba baahiyaha kale duwan ee dal walba gooni u hayso iyo rabitaanka ah gaaridda horumar ballaaran ayaa keenay inay isu yimaadaan dalal ay adag tahay in la fahmo ganacsiga iyo maalagshiga ay is waydaarsan karaan. Waxaa la tuhmayaa in waddamo ay ka mid yihiin Maryakanka iyo Imaaraatku ay sheedda kala socdaan shirka dibna ay ooga soo biiri doonaan wadahadalka.Haddii lagu guulayso sida wax loo dhigay waxaa la gaari amni waaro iyo horumar fiican. Waayo waddamada oo is waydaarsado hanti muuqato waxay keeni inaysan faragalin siyaasadeed isku samayn, mid walbana waxay qasaaro oogu Jiri dumidda midka kale. Hasa yeeshee, arriamahaan ma khatar yaro. Haddii ay dhacdo in heshiishyo waaweyn lala galo mid ka mid ah dalalka is hayo waxaa imaan in mid kale ka caroodo ka dibna uu qaado tallaabooyin wax u dhimi karo dowladda tabarta daran ee Soomaaliya. Hadda waxaa suuqa ku jirta in Ruushu doonayo inuu aqoonsado Soomaalilaan si uu booska ooga helo Bariga Afrika. Maraynka oo u guulaysto Casamara iyo Xamar waxaa laga yaabaa inay keento aqoonsi dag dag ah oo uu Ruushku siiyo Soomaalilaan halkaas u ka dhisto saldhig ciidan. Saddex dal oo Soomaaliyeed (Jabuuti, Soomaalilaan iyo Soomaaliya) oo isu muuqdo inay kala marti galiyaan saddexda dal ee ugu awoodda badan caalamka hardan adagna uu ka dhexeeyo maahan mid la dhayalsan karo. Si kastaba ha ahaatee, horumar aan khatar loo qaadan lama helo. Jarribka iyo tijaabooyinku waa illinka laga galo horumarka. Laakiin masiirka dalku ma noqon karo mid tijaabo galo. Tallaabo walba oo la qaadayo waxaa lagama maarmaan ah in la mariyo baaritaanno kala duwan hayadaha dowladduna eegaan oo si dhab ah u fiiriyaan. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in la mariyo golaha shacabka ka hor inta uusan dhaqan galin. Indho soo jeeda iyo qalbi ogsoon khiyaada iyo hagardaamooyinka Itoobiya waa in lagu galaa heshiis walba oo Itoobiya qayb ka tahay. Ugu danbayn maadaama aan si dhab ah loo ogayn qodobada lagu heshiin doono, aragti sugan lagama qaadan karo shirkaan gaarka ah. Sidaa awgeed, waxa ay qormadu cabbirayso waa ka qayb noqoshada loollanka jiro iyo inaan bannaan cidla ah lagus oo dhicin. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey n damaanad lagu sii daayay Laba xubnood oo ka mid ahaa Lix qof oo arrimo musuq maasuq loo xiray 18-kii bishii ina dhaaftay. Sii deynta xubnahan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii dadaalo dheer ay sameeyeen Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Somaliya. Labada qof ee maanta la sii daaayay ayaa waxa ay kala yihiin Nadar Maalin oo aheyd ku-xigeenka kastmka canshuuraha dekadda magaalada Muqdisho iyo nin kale oo lagu magacaabo Muuse Rooble. Weli waxaa xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran madaxa kastamka canshuuraha dekadda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow iyo Saddex xubnood oo kale, kuwaasi oo isku mar lala xiray xubnaha maanta la sii daayay. Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa waxa ay u xiran yihiin arrimo la xiriira musuq maasuq, dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saartay sidii dabagal loogu sameyn lahaa xubnaha musuq maasuqa ku kaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com .
-
Qeybtii 2-aad: Halkan ka aqri qeybtii 1-aad Musdanbeed “The Adal Sultanate stretching from Cape Guardafui to Hadiya was taken over by the expanding Ifat Kingdom with its capital at Zeila. As a new hub of a commercial empire, the Adalites prospered under the protection of the Ifat rulers”, prof. Raphael Njoku, 2013. Af-Soomaali ahaan: “Saldanadda Awdal oo fidsanayd min Raas Caseyr ilaa Hadiya, waxaa hogaaminteeda la wareegay boqortooyada Awfaat oo magaaalo madaxdeedu ahayd Saylac. Ka ahaan saldhigga boqortooyo-weyn oo ganacsi, dadka reer Awdal waxay ku badhaadheen sida xukuumadda Awfaat isaga xilsaartay ilaalinta amniga qarannimadooda”, buuni (bare Sare) Raphael Njoku. Bilowgii qarniga 16aad Oromo waxay ku tallaabsatay fiditaan iyo duullaan aan noociisa horay loogu arag Geeska Africa. Duullaankaas ma wada fahmi karno haddaynaan marka hore wax ka fahmin taariikhda dawladdii Awdal. Dawladdaas, oo magacyo kalana loo yiqiin, waxaa lagu asaasay Saylac ama Zaylac waqti ku dhow 850-kii. Abbaaraha 1200-kii waxay ahayd inbaradooriyad ku siman waqooyi gabeed (WG) ee Shawa ilaa Wabiga Omo oo ku dara Harada Baḋ ama Turkana. Isla waqtigaas ayay bilaabatay in xarunta dawladdu noqoto meelo ku yaal gudaha sida Awfaat, Dagal, Dakar iyo Harar. Labada hore waxay oollaayeen sanaagga dhulkoraadka Shawa. Dawladda Amxaara oo 1270-kii ka soo baxday gobolka Wallo, ayaa ku soo fidday waqooyiga Shawa. Xiisad ayaa oogantay. Awdal iyo Amxaara aaggaas ayey ku dagaallameen 1298. Muddadii 1328-1332 Awdal waxaa laga qabsaday dhulalka Shawa, Fatagaar, Dawaaro, Hadiya, iyo degmada Zila ee galbeedka Baali. Soohdinta cusubi waxay noqotay khad ku dhow jidka laamiga ah ee maanta koonfur iyo waqooyi uga baxa Addis Ababa. Kacdoon waddaniyadeed iyo dib isuhabeen kaddib, 1363-1517-kii Awdal waxay Amxaara ku haysay dagaal culus oo joogto ah oo ay ku dooneysay inay dhulkaas kusoo ceshato. Taasi aakhirkii waxay ku meel martay ololihii Imaam Ahmad ee 1527-1543 oo usaga naftigiisu ku soo baxay kacdoon waddaniyadeed oo socday 1517-1527dii. Hasayeeshee arrinta aan waligeed la inoo sheegini waxay tahay, in Oromo tahay cidda kaliya oo ka faa’iidday shaqadii weyneyd ee ay qabteen Soomaalidii Axmad hogaamiyay. Bartamihii qarniga 16aad, Xabashidu ma sii aheyn khatarta ugu weyn ee ku oogan Soomaalida ee waxay ahaayeen Oromada. Bilawgii Duullaanka Xogta taariikheed ee faahfaahsan ee Oromo waxaa bilaabay Bahrey oo ahaa baadari Amxaaro ah oo goobjoog u ahaa fiditaankooda. Sida ka muuqata qooraalkiisa si toos ah ayuu Oromada u wareysanayay. Wuxuu sheegay inay ka yimaadeen koonfurta Harada Abaaya, iyadoo meelihii ugu horreeyay ee ay baabi’iyeen uu degaanka haradu ka mid ahaa. Kaddib waxay soo weerareen Baali xilligii Imaam Axmad, ka hor iyo kadib 1530-kii. Marka danbe waxay ka soo tallaabeen ‘Wabi’ (Shabeelle). Waqti ku dhow 1550-kii waxay baabi’yeen Dawaaro iyo Fatagaar. Muddadan oo guud ahaan ku beegan 1522-54, mar kasta waxay dib ugu noqonoyeen, ayuu caddeeyay, saldhiggooda oo kuma nagaaneyn goobaha ay ku soo duuleen. Aagga buurta Walabo ee manbaca Ganaane ilaa Baali ayaa waqtigaas ku weynaa Oromo sida hiddahoodu sheegay. Awdaliyiintu 1530-kii ayay galeen galbeedka Baali ee Amxaaradu haysatay. Carabfaqiih, qoraha Futuuxal-Xabasha, ma soo qaadin Oromada iyo duulaankooda toonna, wuxuuse xusay dad gaalo ah oo uuna magac dhabin, oo ku sugnaa Amxaarada agtooda. Ciidanka Imaam Axmad wixii gaalo ah ma kala soocayn. Muddadii 1554-62, ayay bilaabeen inay ku nagaadaan dhulalka ay qabsadeen, waana waqtiga ay bilaabeen weerarka wax ku oolka ah iyo inay fuulaan fardaha iyo buquulaha. Bahrey wuxuu caddeeyay inay markaa ka hor dili jireen dadka iyo xoolaha oo dhan oo fardaha iyo baqluhu ku jiraan, marka laga reebo ariga iyo lo’da. Xilligii 1578-86 waxay barteen gaashaanka iyo warmaha birta ah. Warkiisii ugu horreeyay ee Awdal iyo Oromo, Bahrey wuxuu sheegay Oramadu inay Awdal jabiyeen dilkii Galawdiwos kaddib. Amiir Nuur oo ahaa aysinka Imaam Axmad, 1559-kii ayuu WG ee Hadiya ku jabiyay oo ku dilay Galawdiwos iyo Boortaqiiskii caawinayay. Goobta Awdaliyiinta lagaga adkaaday oo uu Bahrey ku magacaabay Hazalo, ayaduna kama fogeyn aaggaas, waayo wax war ah oo danbe kama sheegin xiriirka Awdal iyo Oromo, taasoo tuseysa in uuna waxba ka ogeyn ama daneyneyn waxa ka dhacaya bartamaha Awdal. Sidoo kale, Awdaliyiintu 1560-aadkii ayay markii ugu horreysay xuseen duullaanka Oromada ee Awdal. Taariikhyahanka Awdal, oo sida Bahrey ku beegnaa 1590-aadkii, si gaar ah uma xusin goobta Hazalo, laakin wuxuu si guud u sheegay dilkii Galawdiwos kadib Oromadu inay weerar ku hayeen dhulalka Awdal. Wuxuu si tiiraanyo leh uga hadlay jihooyinka oo dhan inay qabsanayeen. Gaar ahaan wuxuu caddeeyay inay qabsadeen oo kharribeen dhulalka Shawa, Gidaye, Hargaye, Dakar, Nogob, iyo Sim oo Galbeed ka xigaty Nogob. Wixii intaa ka soo haray oo Awdal ahina inay maciinsadeen dhufays ama khandaq. Taas macnaheedu waa inay markaa ka hor soo qabsadeen dhulalkii Baali iyo Dawaaro. Shawa, Gidaye, Hargaye waxay ahaayeen qabiilooyin Soomaaliyeed oo qadiim ah oo deganaa koonfur bari (KB) ee Shawa iyo Koonfurta Awfaat. Waxaa ka sii shisheeyey Wargax oo deganaa Waqooyiga Shawa, oo ayaku ku lumay duullaankii Amxaarada. Markii qabiilooyinkani gacan galeen gulufka ugu weyni wuxuu ku socday Xarle Koombe oo ahaa tiir dhexaadka difaaca Awdal. Intuuna dhiman 1567-dii Amiir Nuur wuxuu Harar Oromada kaga difaacay darbiga ay markaas kadib ku caanbaxday. Laakin dhammaadkii qarniga magaalooyinkii kale ee gudaha oo dhan waa baaba’een. Colaaddii guunka ahayd ee u dhaxaysay Muslimiinta iyo Nasaaradu waxay labadan dhinac ka qarisay khatarta Oromoda. Taas waxaa tusaya ayakoo ilaa 1575-tii weli ku sii dagaallamayay Hadiya, iyadoo Xarumahoodii Oromo hareeraysay. Sida muuqata Oromadu waxay waqtigaas gaadheen dhulhoosaadka Awdal iyo Cafar. Waxayba galbeedka fog ee Jabuuti ku dileen 1583-dii Amiir Muxammad Gaas, oo qaraabo la ahaa Imaam Axmad, iskuna dayayay inuu badbaadiyo Awdal. Ma aha oo kaliya inay ka adkaadeen labadii quwadood ee hidda ahaaneed. Waxay kaloo muddo ka yar qarni ku burburiyeen dad kasta oo gobolka degen oo ay wajaheen. Muddadii 1550-1630, waxay qabsadeen: min duleedka Kismaayo iyo Malindi ilaa koonfurta Tigrey; iyo min dhulhoosaadka Awdal ilaa xadka K Suudaan Kaliya bartamahii qarniga 19aad ayay joojiyeen gulufkaas. Maxaa Awdal u Jabisay Xabashi laakin iyada Oromo u Jabisay? Taariikhyahanka Oromo ee la yiraahdo Moxamed Cali Xasan, wuxuu ku macneeyay guulaha ballaaran ee Oromadu ka gaadheen Muslimiinta iyo Nasaarada iyadoo labadani ay loolankii dhexdooda ahaa naf iyo maalba isku marteen, gobollada dagaalku ka dhacayna dadkoodii barakaceen, marka 1543 Muslimiintu jabeenna qalalaase dheeraad ahi abuurmay, kadibna Oromadu si sahal ah u dul martay dhul xaaladahaasi u sahleen (sallaxeen). Laakin runtii tani kaliya waxay noqon kartaa qayb ka mid ah sababta. Waa dhab in barakac weyni ka dhacay Hadiya ka bacdi markii Amxaaradu ku soo laabteen jabka kadib. Hayeeshee, barakac weyni ma dhicin intii jihaadku socday, sababtoo ah: gobollada koonfur iyo galbeed ee dagaalku saameeyay dadkoodu wuxuu u badnaa Muslim kuwaasoo soo dhaweeyay ciidanka Awdal; dagaalkuna wuxuu ku wajahnaa ciidanka Xabashida. Sababta kowaad ee saldhigga u ah guusha Oromadu waxay ahayd dabeecadda dagaalkooda. Inkastoo ujeedada dagaalku ku koobneyd in la jabiyo cadowga kadibna la dhaco, haddana Q16-aad Oromo waxay noqotay ummad qaadatay dhaqan dagaal. Oromadu waxay lahaayeen nadaam xukun oo la yiraahdo ‘Gada’. Qabiilooyinku kuma midaysneyn boqor, waxayse ku midaysnaayeen dhaqankaas. Nadaamka Gada waxaa ugu muhimsanaa labo xeer: in qabiilku siddeedii sanaba uu mar isugu yimaado dabbaaldeg weyn, oo la yiraahdo butta; iyo in sidoo kale siddeedii sanaba mar la doorto madax cusub. Nashaadka butta waxaa ka mid ah soo bandhigidda suugaanta dagaalka, kaddibna la qaado dagaal weyn oo aan lahayn meel uu ku istaago iyo wax uu dhaafayo. Laga bilaabo ragga gaaray gadaha qondhala (16-24 sano) waa inay dagaal galaan. Markaas, Gada nuxurkiisu wuxuu ahaa in la qaado duullaan iyo in la doorto da’da cusub ee hogaaminaya dagaalka. Hawlgalka dagaalka Oromadu wuxuu ahaa mid hayaan ah oo shacab guurayaa uu qabsanayay jiho iyo cadaw aan xadidnayn. Laakin wuxuu aha mid abaabulan. Bermudes oo ka mid ahaa koox Boortaqiis ah oo aad u hubaysan oo ku sugnaa saldhigyada koonfureed ee Xabasha oo arkay ciidan Oromo ah oo weerar ahi wuxuu yiri: waxay ahaayeen “waxaan la tirin karin, laakin, uma dhaqaaqayn si aan habaysnayn sidii haawey, waxay u soo socdeen safaf, sidii horimo”. Dhaqanka dagaalkoodu laakin wuxuu ahaa mid xanbaarsan burbur iyo argagax. Dadka meelaha ay qabsadaan waa inay dhintaan ama Oromo noqdaan. Qorayaasha Boortaqiiska, kuwa Amxaara iyo kuwa Awdal waxay isku raaceen baqdin, argagax iyo carar asiibay dadyowga gobalka. Bermudes mar kale wuxu yiri: “Waxay ahayeen dad ba’an oo arxan daran, kuwaasoo dagaalka ku hayay dariskooda, inay burburiyaan oo ka cayriyaan dalkooda kaliya awgeed. Meelaha ay qabsadaan waxay dilaan ragga oo dhan, wiilasha ka jaraan qooraha, dilaan dumarka waaweyn, kuwa yaryarna u haystaan isticmaal iyo ku shaqaysi”. Bahrey ayaa ku raacsan oo sheegay: dadyowgii ay dhulkooda qabsadeen waxay ka dhigeen “addoon la yiraahdo gabra”. Sidoo kale, Awdalyiintu Oramada waxay u arkayeen cadaw aan isagoo kale horay loo arag. Inta badan qorayaasha Awdal markay soo qaadaan magaca ‘Gaalla’ waxay ku lifaaqayeen ‘Allaha hoojiyo – khaḋalahumullaah’. Waxayna ku tilmaameen ‘kooxdii fasaadka’. Taasoo macnaheedu yahay in aanay Muslim ahayn. Almeida oo ahaa Boortaqiis gaaray Xabasha 1624-tii si uu u darso, isaguna wuxuu sheegay in Oromadu Awdal iyo Xabasha labadaba masiibo ku ahaayeen, dhulkoodiina qabsadeen. Duullaanka iyo Qaabeyntii Bulshada Oromo ee Maanta Jirta Arrin caymo ah oo Oromadu aqbali karayeen waxay ahayd dadku gabi ahaan inay ka tagaan haybtooda oo Oromo noqdaan. Ayadoo la fulinayo nadaamka qaadashada ee moggaasa (tolayn), labada dhinac waa inay munaasabad rasmi ah ku dhawaaqaan oo ku heshiyaan inay midoobeen. Markaas laga bilaabo qabiilka la qaatay wuxuu noqonayaa ilma gossa (ilma tol). Waxaa lagu dhamaystiraa andhura oo ah xoolo gooyo loo fidiyo qabiilka la qaatay. Tolayntu uma dhacdo oo kaliya heer qabiil. Waxay kaloo u dhacdaa heer qofeed. Waalidku wuxuu qaadan karaa ilmo aanu dhalin, kaasoo si rasmi ah u noqonaya mid ka mid ah caruurtiisa (Oromo waxay dhaqan u lahaayeen inay tuuraan carruurta aanay rabin). Qaabkan asaga waxaa la yiraahdaa guddifaja. Sidaa darteed ayay si qorshaysan u qaateen dadyowgii ay qabsadeen oo dhan, taasoo abuurtay Oromada aan maanta naqaan. Xasan oo arrinta soo koobayaa wuxuu qoray: “At this point it must be stated clearly that there was no such thing as a “pure” Oromo tribe derived from a single founding father… the history of the Oromo people is not a collection of histories of individual tribes or group of tribes, but a story of fusion and interaction by which all tribes and groups had altered and been transformed constantly. This was made possible by a dynamic Oromo institution (the gada system), the process of adoption, continual migration, conquest, assimilation, and interaction with other groups.” Dadyowgaas Oromadu qaateen oo qoruhu uuna faahfaahin, waxaa ka mid ah, inta la ogyahay, Soomaali, Hadiya-Sidamo, Gurage-Silte, Omiyiin, Maaya, Gafaat, Agaw iyo Cafar. Qaybo waaweyn oo Oromo ka mid ah sida koonfurta, bartamaha iyo galbeedku si cad ayay u qeexaan dadka la qaatay ayakoo ugu yeera Gabaro ama Gabra, Dhalata, ama Yabata. Dhanka Soomaalida, Oromada maanta degen Booran, Guji, Baali, Dawaaro (Arsi), Koonfurta Shawa iyo Awfaat, iyo dhulkoraadka Harar lakabkooda hoose, waa Soomaali. Ilaa bartamihii qarniga 19-aad, dadkii taariikhiga ahaa ee Awdal wuxuu noqday Oromo marka laga reebo dhulka yar ee u dhexeeya Jigjiga iyo Baabile. Si kastabee, waa inaan ogaannaa in arrinta kale ee Awdal u loogtay Oromo ay ahayd iyadoo dawladdii toddobada qarni jirtay ay min 1569-kii guda gashay dagaal sokeeye oo xanuun badan oo aan ka soo kabasho lahayn kaasoo ka dhashay qalaldaad ay madaxda Awdal galayeen tan iyo 1518-kii. Ugu danbeyn, waxaa muuqata in qarnigii 18-aad Oromada laga soo saaray dhulhoosaadka Awdal iyo Cafar. Waana sababta looga helo goosanno Oromo ah oo soomaaliyoobay min Nogob ilaa Gabiley. Laakin haddana bartamaha qarniga 19-aad, Oromo weli waxay weerarayeen qaybta Jigjiga ee dooxada Marar. Dhanka koonfur, muddadii 1842-1915, Soomaalidu waxay guluf joogto ah kula soo noqdeen dhulka Jubba-Taana oo Oromadu ka qabsatay qarnigii 17-aad. Arrimahaas waxaa wax ka baddalay barnaamijkii isticmaarka. Laakiin tan iyo 1991-dii mar kale, hadba colaad ayaa ka huraysay soohdinta Soomaali iyo Oromo. Maxay taasi salka ku haydaa? La soco qaybta 3aad oo ah gabagabadii. W/Q: Saciid Shidaad X. Xuseen Email: saidshidad@gmail.com
-
Oslo (Caasimada Online) – Kooxaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa dowladda Norway ku cambaareeyey go’aankeeda ah in 1,600 Soomaali ah oo magan-galyo ahaan u joogay dalkeeda ay u soo tarxiileyso Muqdisho kadib markii ay sida ay sheegtay dalku uu nabad noqday. Norway waxaa ay leedahay Soomaaliya hadda waa nabad oo ma jirto baahi ay qaxootiga u sii joogaan dalkeeda, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin soo baxday. Kooxo badan oo u dooda xuquuqda qaxootiga oo ay ku jirto hey’adda Norwegian Organization for Asylum Seekers (NOAS) ayaa waxaa leeyihiin Soomaaliya weli nabad ma aha, macquulna ma aha in dowladda ay u mar-marsiyooto celinta qaxootigaasi, taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga. “Dowladda Soomaaliya ma sugi karto ammaanka dadkan, sidaasi waxaa yiri mid ka ah la-taliyeyaasha NOAS André Møkkelgjerd. Torkil Åmland oo ah wasiir ka tirsan Norway ayaa cambaareeyay kooxaha dowladda ku diiday inay soo rogto xeerar xaqagga qaxootiga ah, hadalkoodana uu u dhigmo mid sharciga lagu jabinayo. Caasimada Online Xafiiska Oslo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib shirkii saddex-geesoodka ahaa ee uu kaga qayb-galay Magaalada Asmara, kaasoo u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu tagay xarunta degmada Hawlwadaag oo ururka Al Shabaab ay qarax ku weerareen Axadii ina dhaaftay, halkaasi oo ay ku beegsadeen ciidan iyo shacab. Farmaajo ayaa yiri “Waxaan galabta markii aan dalka ku soo laabtay tagay masaajidkii, dugsigii iyo xaruntii degmada Hawlwadaag ee ay dadka birimageydada ah ku laayeen kooxda Al Shabaab, si aan xanuunka ula qeybsado ehelada dadkii ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii fulaynimada ahaa”. Madaxweynaha ayaa warbixin la xiriirta weerarkaasi ka dhageystay guddoomiyaha degmada Hawlwadaag Cabdikariin Cali Kaar, iyada oo murugada uu la qeybsaday ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi. “Burburka aan meesha ku soo arkay waa wax dhaqan Islaam iyo damiir bani aadamnimo intaba aysan aqbali karin, waxayna caddayn buuxda u tahay in Al Shabaab aysan diin Islaam iyo dhaqan Soomaaliyeed midna shaqo ku lahayn,” ayuu yiri Farmaajo. Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa mar kale yiri; “Waa inaan hal meel uga soo wada jeesannaa kooxdan dhiigyo cabka ah ee carruur iyo cirroole, masjid iyo madraso, xarun dadweyne iyo xafiis dowladeed, wax ay u aaba yeelayaan aysan jirin, waxaa la joogaa waqtigii aan ka ciribtiri lahayn guud ahaan dalka, shacabkana laga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xaruntii Degmada Hawl-wadaag ee la Qarxiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shirka Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada Somalia oo maalmahaani ka socday magaalada Kismaayo. Dowlada Somalia ayaa sheegtay in mar waliba ay soo dhaweyneyso shirka Seddexda maalin ka socday magaalada Kismaayo. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Somalia Daahir Maxamuud Geelee oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba diyaar u tahay inay soo dhaweyso mowqifyada kasoo baxa shirka. Wasiir Daahir Geelle, waxa uu sheegay in Madaxda halkaasi ku shireysa ay yihiin kuwa matalaya Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana shir ay qabsan karaan mowqifka dowlada Soomaaliyana uu yahay inay soo dhaweeyso. Waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in dowlada Somalia sidoo kale ay shirar kale oo waaweyn ay ka dambeyn doonaan kan ka dhacay Kismaayo, iyadoo laga duulaya danaha dalka iyo dadka. Sidoo kale, waxa uu Wasiirku sheegay in dowlada Somalia aysan diyaar u aheyn naqdinta shirarka maamulada iyo kuwa kale ee lagu hagaajinaayo dalka ama lagu saxaayo khaladaadka jira. Geesta kale, dhinacyada aadka uga soo horjeeda shirka ayaa qaba in shirka Golaha Iskaashiga uu caqabad weyn ku yahay dowladda Somalia maadaama inta badan Madaxda Shirkaas furitaankiisa ay aad u dhaliileen DFS. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyihii hore ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay horumarinta Magaalooyinka dalka. Shirka ayaa intii uu socday waxa uu Bangiga Adduunka ku soo bandhigay daraasad lagu sameynayo sidii loo horumarin lahaa magaalooyinka dalkeena, iyadoo ujeedku yahay horumarinta barnaamijyada dib u qaabeynta dhismaha adeegyada bulshada, iyo in la adkeeyo nidaam ay shacabka iyo maamulladoodu ku horumarinayaan magaalooyinkooda, gaar ahaan dhismaha waddooyinkan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay ahmiyadda uu dalka u leeyahay mashruucan, isagoo xusay in Bangiga Adduunka ay ka wada shaqeynayaan hirgelinta dhismaha waddooyinka, gaar ahaan jidadka loo yaqaan Community Road oo xiligan Caasimaddu aad ugu baahan tahay. “Wuxuu Bangiga Adduunku aad noogala shaqeeyaa mashaariic badan oo dhowaan ka hirgelin doonno Caasimadda, sida jidadka loo yaqaan Community Road oo bangigu gacan nagu siinayo, tani waxay ka tarjumeysaa baahida loo qabo in la xaqiijiyo u dhoweynta bulshada ee maamulka, sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo baahiyaha magaalooyinka dalka oo shirkan uu diiradda saarayay.” Wakiilka Bangida Adduunka u fadhiya Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa tilmaamay in waqti walba ay garab taagan yihiin barnaamjiyada lagu horumarinayo Soomaaliya. Isagpo uga mahadceliyey Duqa Muqdisho horumarka uu ka sameeyey Caasimadda mudadii uu joogay, gaar ahaan dhismaha kaabayaasha bulshada. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobadii bilood ee la soo dhaafay xoogga saaray horumarinta kaabayaasha bulshada, soo celinta bilicda, dhismaha waddooyinka iyo isku xirka bulshada, iyadoo lala kaashanayo shacabka Muqdisho. Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maamullada Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Qorshaynta, Howlaha Guud, Gobollada Bay, Jubbada Hoose iyo Khubaro ka socday Bangiga Adduunka. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Kulan looga Hadlayay Horumarinta Magaalooyinka Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan. Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada. Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. C/iraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka. Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka. Ugu dambayn, Golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan) ka dhagaystay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Toddobaadlaha ahaa ee ay yeesheen Golaha Wasiirrada DF? appeared first on Puntland Post.
-
Cudurka Ebola ayaa lagu dhawaaqay inuu ka dillaacay Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo oo ku taal bartamaha qaarada Afrika, waxaana la sheegay in markii ugu horaysay 1-dii August lagaga dhawaaqay gobalka Kivu oo ku yaalla waqooyiga Bari ee Dalkaasi. Xanuunkan ayaa la ogaaday inuu soo laba-kacleeyey 19-kii bishii July ee sanadkan markii haweeney ku nool wadanka Congo ay u geeriyootey qandhadda Ebola sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF, kadib geeridii haweenaydaas ayaa qaar kamida qoyskeedii lagu arkay isla qandhadan dhiig baxa wadata taas oo ah callaamadaha xanuunka Ebola. Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhaaruyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ka codsatay ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn inay sameeyaan dadaallo dheeraada oo lagu xakamaynaayo cudurkan halista oo u muuqda mid kusii fidaaya qaybo kamida Dalka. Laga soo bilaabo sadexdii bishan September ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF waxay daaweeyeen illaa 65-qof oo uu halleelay xanuunka Ebola kuwaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee lagu dabiibaayo dadka uu xanuunkaasi soo ridinaayo. 337-Shaqaalle ayey MSF hawlgelisay si ay uga shaqeeyaan xakamaynta iyo daaweynta xanuunkan dillaaga ah. Illaa 121-qof ayaa la xaqiijiyey inuu haleelay cudurka Ebola, waxaana u geeriyoodey 51-qof, 17-kamida shaqaalaha caafimaadka ayuu sidoo kale xanuunkani asiibay sida ay sheegtay wasaarada Caafimaadka ee Congo. Xanuunkan ayaa boqolaal qof ku diley sanadihii 2014-2015 bartmaha iyo galbeedka Qaaradda Afrika, aduunka ayaana si aada uga wallaacsan inuu mar kale kasoo laba-kacleeyo wadanka Congo oo horayna uga mid ahaa wadamadii uu saamaynta ku yeeshay. PUNTLAND POST The post Cudurka Ebola oo mar kale faro kulul ku haya Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo appeared first on Puntland Post.
-
Jannaale (Caasimada Onlien) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saraakiil shisheeye oo wehliyay ayaa weerar ku qaaday subaxii hore ee arbacadii guri uu lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa guriga ka ka xeystay seddex wiil oo ka mid ahaa ehelka madaxweyne Aaden Cabdulle. Cismaan Caddow oo ah hooyada dhashay laba ka mid ah wiilasha la xirey iyo Sucaad Cabdullaahi Xaaji, oo wiilasha la xirey ay walaalo yihiin ayaa sheegay in ciidanka ay ahaayeen sided askari oo isugu jira Soomaaliya iyo caddaan. Waxay sheegeen in ciidanka ay diyaarad uga soo dageen meel u dhow beerta Aadan Cadde, oo guriga uu ku dhex-yaallo, kadibna ay guriga soo galeen, ayaga oo khasaare burbur u gaystay. Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa guriga kala baxay boorso xiran, oo la sheegay inuu lahaa allaha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde. Boorsada ayaa qoyska ay sheegeen inay iyaga xitaa aqoon waxa ku dhex jira. Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in la weydiiyey amiiro Al-Shabaab ah, oo ay sheegeen in ciidamada weerarka soo qaaday ay ku tuhmayeen guriga ay weerarka soo qaadeen. Saddexda wiil ee ciidamada ay wateen ayaan la ogeyn illaa iyo hadda meesha ay la aadeen ciidamada. Qoyska ayaa sheegay inay warar aysan hubin ku maqleyn in wiilasha lagu hayo Villa Somalia. Hoos ka dhageyso wareysi ay VOA la yeelatay qoyska. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Aadan-Cadde.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Masjidkii ku burburay Ismiidaamintii lagu qaaday Xarunta Degmada. Madaxweynaha oo galabta dalka dib ugu soo laabtay Safarkii Beijing ee Madasha Shiinaha iyo Afrika iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee Asmara, ayaa markiiba gaaray goobta la Qarxiyay. Madaxweynuhu waxa uu halkaa kula kulmay qaar kamid ahaa ehelada carruurtooda ku waayay Qaraxa iyo qoysas ku waxyeelooway Qaraxa ,isaga oo sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi. Madaxweynuhu waxa uu booqday sidoo kale dugsigii ku bur buray weerarkii lagu qaaday isla Xarunta Degmada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dadka goobta ku sugnaa kula dardaarmay inaan laga niyad jabin la dagaalanka dhaqanka Al-Shabaab. Farmaajo waxa uu sidoo kale sheegay in la dhisi doono Masjidka iyo Dugsiga Qur’aan ee ku burburay Qaraxa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyihii hore ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay horumarka la gaaray, wuxuuna xusay dhammaan bulshada Soomaaliyeed in looga baahan yahay inay taageeraan dowladnimada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
-
Iyadoo dagaal beeleedyo ka dhacay degaanka dhumay ee gobalka Sool ay ku dhinteen in ka badan 10 qof ayaa waxaa arintan baaq ka diray qaar kamida xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxayna beelahaas walaalaha ka codsadeen inay xabadda joojiyaan soona fariistaan miiska wada hadalka. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo nasiib darro ku timaamay dagaalka ka soconaaya koonfurta gobalka Sool ayaa dhanka kale ku eedeeyey maamulka Somaliland inay ku lug leedahay collaada ka alloosan gobalka Sool, wuxuuna xildhibaanku tilmaamay inay Somaliland isku hubayso ciidan beeleedyadda ku dagaalamaaya degaanadaas. Dhanka kale degaankii maanta lagu dagaalamay ayaa laga dareemayaa saasaan collaadeed, mana jirto cid isku taxalujisay illaa hada sidii loo dhex gala lahaa beelahaa walaalaha ee dhiigooda isku daadanaayo. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in dagaal beeleedka degaanka Dhumay ay ku lug leedahay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Foreign ministers from Ethiopia, Eritrea and Somalia arrived in Djibouti Thursday to initiate talks on the resolution of the border dispute between Asmara and the host nation. Source: Hiiraan Online
-
Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka qeyb ka ahaa shirkii saddex geesoodka ahaa ee ay Asmara ku yesheen madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa caawimaad weydiistay madaxweyne Farmaajo. Sida uu Caasimada Online u sheegay xubin ka mid ah wafdiga la socda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Dr Abiy Ahmed waxa uu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay gacan ka siiyaan fududeynta heshiis waara oo ay gaadhaan Itoobiya iyo ONLF. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu madaxweyne Farmaajo mar labaad kula kulmay madaxda ONLF magaalada Asmara, isaga oo sidoo kale ku casumay in in ay yimaadaan magaalada Muqdisho. Arintan waxa ay caddeyneysaa saameynta sii xoogeysaneysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso siyaasadda Geeska Africa. Waxaa xusid mudan, in Soomaaliya ay sidoo kale hormuud ka tahay dadaalada lagu dhex dhexaadinayo dowladaha Jabuuti iyo Eritrea oo uu dagaal ku dhexmaray xuduudda labadaas dal muran dhuleed awgiis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii labaad magaalada Asmara ee dalka Eritrea kula kulmay jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF, sida xubno ka mid ah waftiga madaxweynaha ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa Asmara ku jooga booqasho, si uu uga qeybgalo kulan saddex geesood ah oo ay lee yihiin Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. Hase ahaatee sida Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah wafdiga dowladd Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo waxa uu ONLF ku marti qaaday in ay yimaadaan magaalada Muqdisho. Casuumaddan ayaa ku timid kulan Asmara ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan. Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii ay isu soo dhawaadeen dowladda Soomaaliya iyo ONLF oo uu khilaaf ku saabsan u dhiisbistii Itoobiya ee Cabdikarrin Shikeh Muse Qalbi Dhagax u dhexeeyey. Socdaalkii kaan ka horreeyey ee uu Farmaajo ku tagey Asmara, ayay sidoo kale madaxda ONLF ku sheegeen inuu raali-gelin buuxda uga bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax, inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan xaqiijin taas. Dowladda Soomaaliya ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulantay dhiibistii Qalbi-Dhagax oo warbixin uu soo saaray baarlamanka Soomaaliya ay sheegtay in madaxda sare ee dalka aysan ka war-hayn, laguna eedeeyey taliyihii hore ee NISA, Cabdulllaahi Sanbaloolshe. Sanbaloolshe ayaa isna sheegay inuusan qaadin tallaabo aysan madaxdu ogeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa muuqata saameynta soo koreysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso mandiqadda Geeska Africa muddooyinkii ugu dambeeyey. Soomaaliya sida laga garaabi karo waxa ay saaxadda ka maqneyd muddo ku siman rubuc qarni kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe 1991-kii. Hase ahaatee, tan iyo markii uu Itoobiya ka dhacay is beddelka siyaasadeed, la wiiqay saameyntii jahbadda TPLF ee gundhigga u ahayd degenaansho la’aantii siyaasadeed ee waqtiga dheer regeedisay gobolka, waxa ay faraj kheyr qaba u noqotay deegaanka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay kow ka ahayd kuwa ay sida xun u saameysay siyaasadeed qaska ku dhisneyd ee Itoobiyadii TPLF. Hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay siyaasadda gudaha walow aysan le’ekeyn intii la rabay, waxaa sare u kacay meeqaamkeeda diblomaasiyadeed ee mandiqadda, waxaana wali u furan in ay fursadaas uga faa’ideysato shanta arrimood ee hoos ku xusan. 1 – Xasillinta siyaasadda gudaha Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon mar haddii laga reystay faragalintii TPLF, in ay awoodda isugu geyso sidii ay xasilloonida siyaasadda dalka ahmiyadda kowaad, labaad iyo saddexaad u siin lahayd. Tusaale, maadama lagu heshiiyey in dowladaha gobolka ay qadariyaan madax banaanidda kuwa kale, yeysan dhicin in hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada sidoodii hore ugu dhuuntaan Addis Ababa iyo kuwa kaleba. 2 – Ciribtirka Al Shabaab Waa in ay dowladda uu hadda xiriirkooda halkii ugu sarreeysay in uu joogo u muuqdo ay ka hesho wax ay uga bedelato – Waa in ay hadda Itoobiya daacad ka noqoto la dagaalanka Al-Shabaab si waqtiga ugu dhaqsiyaha badan looga sifeeyo dalka. Ethiopia waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo weliba ku sugan gobollo Shabaabku ku xooggan yihiin. 3 – Somaliland Dowladda Somaliya waa in qadarinta soohdinta iyo badax banaanida lagu heshiiyey aysan noqon mid ay iyadu oo kaliya tixgaliso, dalalka deriska ah siiba Itoobiya iyo Djibouti waa in ay ka fogaadaan in ay Somaliland ula macaamilaan sida dowlad ka madax banaan Soomaaliya. Dabcan, Somaliland in arinteeda sida ugu quruxda badan loo xaliyo waa himilada qof walba oo Soomaaliyeed, loogana fadhiyo in ay dar dar galiso dowladda Soomaaliya, sida ugu habboon ee loogu hoyan lahaa Hargeysa, looga raaligalin lahaa wixii militarigii u geystay ilaa lagu xaalmariyo wax walba oo ay ku qancaan. 4 – Jabuuti Dowladda Soomaaliya waa in ay mar walba qadiyadda Jabuuti miiska saartaa oo ay ku dartaa ajandayeesha ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya isugu yimaadaan, dabcan, waxaa qasab ah in ay ku dadaasho sidii ay Asmara uga bixi lahayd dhulka ay ka haysato Jibuuti, una joojin lahayd colaadda, taas la’aanteed, Soomaaliya qeyb kama noqon karto kulamada looga hadlayo masiirka gobolka. 5 – Dhisidda ciidamada qalabka sida Walow ay iminkaba socoto, hadana, dowladda Soomaaliya waa in ay uga faa’ideysato culeyska ka dagay iyo heshiiska bilowga ah ee mandiqadda Geeska Afrka ka bilowday in ay ku soo celiso cududii dalka. Waa ina y xoogga saarto sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay ku dhisi lahayd ciidamo suga xuduudaha dalka oo dhan si heshiisyada aynu geleyso hadhow noogu noqon middi calool ku carartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa muuqata saameynta soo koreysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso mandiqadda Geeska Africa muddooyinkii ugu dambeeyey. Soomaaliya sida laga garaabi karo waxa ay saaxadda ka maqneyd muddo ku siman rubuc qarni kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe 1991-kii. Hase ahaatee, tan iyo markii uu Itoobiya ka dhacay is beddelka siyaasadeed, la wiiqay saameyntii jahbadda TPLF ee gundhigga u ahayd degenaansho la’aantii siyaasadeed ee waqtiga dheer regeedisay gobolka, waxa ay faraj kheyr qaba u noqotay deegaanka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay kow ka ahayd kuwa ay sida xun u saameysay siyaasadeed qaska ku dhisneyd ee Itoobiyadii TPLF. Hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay siyaasadda gudaha walow aysan le’ekeyn intii la rabay, waxaa sare u kacay meeqaamkeeda diblomaasiyadeed ee mandiqadda, waxaana wali u furan in ay fursadaas uga faa’ideysato shanta arrimood ee hoos ku xusan. 1 – Xasillinta siyaasadda gudaha Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon mar haddii laga reystay faragalintii TPLF, in ay awoodda isugu geyso sidii ay xasilloonida siyaasadda dalka ahmiyadda kowaad, labaad iyo saddexaad u siin lahayd. Tusaale, maadama lagu heshiiyey in dowladaha gobolka ay qadariyaan madax banaanidda kuwa kale, yeysan dhicin in hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada sidoodii hore ugu dhuuntaan Addis Ababa iyo kuwa kaleba. 2 – Ciribtirka Al Shabaab Waa in ay dowladda uu hadda xiriirkooda halkii ugu sarreeysay in uu joogo u muuqdo ay ka hesho wax ay uga bedelato – Waa in ay hadda Itoobiya daacad ka noqoto la dagaalanka Al-Shabaab si waqtiga ugu dhaqsiyaha badan looga sifeeyo dalka. Ethiopia waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo weliba ku sugan gobollo Shabaabku ku xooggan yihiin. 3 – Somaliland Dowladda Somaliya waa in qadarinta soohdinta iyo badax banaanida lagu heshiiyey aysan noqon mid ay iyadu oo kaliya tixgaliso, dalalka deriska ah siiba Itoobiya iyo Djibouti waa in ay ka fogaadaan in ay Somaliland ula macaamilaan sida dowlad ka madax banaan Soomaaliya. Dabcan, Somaliland in arinteeda sida ugu quruxda badan loo xaliyo waa himilada qof walba oo Soomaaliyeed, loogana fadhiyo in ay dar dar galiso dowladda Soomaaliya, sida ugu habboon ee loogu hoyan lahaa Hargeysa, looga raaligalin lahaa wixii militarigii u geystay ilaa lagu xaalmariyo wax walba oo ay ku qancaan. 4 – Jabuuti Dowladda Soomaaliya waa in ay mar walba qadiyadda Jabuuti miiska saartaa oo ay ku dartaa ajandayeesha ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya isugu yimaadaan, dabcan, waxaa qasab ah in ay ku dadaasho sidii ay Asmara uga bixi lahayd dhulka ay ka haysato Jibuuti, una joojin lahayd colaadda, taas la’aanteed, Soomaaliya qeyb kama noqon karto kulamada looga hadlayo masiirka gobolka. 5 – Dhisidda ciidamada qalabka sida Walow ay iminkaba socoto, hadana, dowladda Soomaaliya waa in ay uga faa’ideysato culeyska ka dagay iyo heshiiska bilowga ah ee mandiqadda Geeska Afrka ka bilowday in ay ku soo celiso cududii dalka. Waa ina y xoogga saarto sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay ku dhisi lahayd ciidamo suga xuduudaha dalka oo dhan si heshiisyada aynu geleyso hadhow noogu noqon middi calool ku carartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Markabkii ugu horeeyay ee ganacsi ee ay Itoobiya leedahay ayaa 20 sannadood markii u horaysay shalay si rasmi ah ugu xidhay dekedda Musawac ee dalka Ereteriya. Markabka caanka ah ee “The Mekelle” oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay ku xidhanayay Djibouti, ayaa shalay markii uu gaadhay dekeddaas waxa ka dul babanayay labada calan ee Itoobiya iyo Ereteriya, waxaana markabkaas dekedda ku qaabilay Madaxweynaha Ereteriya iyo Raysalwasaaraha Itoobiya oo sugayay. Wuxuu ka yimid Sucuudiga, waxaanu 11,000 Zinc gayn doonaa dalka Shiinaha sida ay warbaahintu baahisay. In Markabkaas caanka ah ee Itoobiya uu tago Ereteriya waxa ay muujinaysaa in ganacsigii Itoobiya ee u xidhnaa Djibouti uu hadda geedi u yahay dalka Ereteriya. Waa calaamad muujinaysa isbedelka ku yimid istaraajiyadii ganacsi ee gobalka Geeska Afrika. Waxa maanta uu magaalada Asmara uu shir uga furmayaa madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya, waxaana Asmara ku sugan Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxaana shirkan qaban qaabisay dawladda Ereteriya, waxase shirkan u furmaya dalalka gobalka Geeska Afrika ka maqan Madaxweynaha Djibuoti Ismaaciil Cumar Geele. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay shirkan iyo ujeedadiisa waxaanu yidhi “Shirkan waxa uu gogol xaadh u yahay sidii la’isugu xidhi lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeedsatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.” Shirarka noocan ahi waxay hore uga dhici jireen Djibouti oo qaban qaabin jirtay, waxaana ka maqnaan jirtay Ereteriya oo ku jirtay go’doon diblomaasiyadeed, laakiin maanta waxa shirkan qaban qaabisay Ereteriya waxaana ka maqan Djibouti. Tanina waa calaamad muujinaysa isbedel ku yimid diblomaasiyadii gobalka Geeska Afrika. Soomaaliya oo ay siyaasadeeda ku xidhnaan jirtay Djibouti, ayaa hadda u muuqatay inay u baydhay dhinaca ay u socoto dabaysha gobalka ka socota, oo ay dooneyso inay la jaan qaado isbedelada socda. Si kastaba ha ahaate, waxa ay diblomaasiyiintu dareensanyihiin inay socdaan isbedelo aan la filayn oo uu hormuud u yahay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanay ka sokow gobalka Geeska Afrika saamayn ku yeelan karaan bariga Afrika, waxaanay dadka siyaasadda iyo xidhiidhka caalamka falanqeeyaa aaminsanyihiin inay isbedeladan qayb ka yihiin quwado shisheeye oo doonaya inay adkeeyaan danahooda gobalka Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dalbatay ra’iisul wasaaraha Itoobiya in cafis u fidiyo wiilkeeda. Diib Mahad Colow ayaa sheegtay in wiilkeeda ku xanuunsan yahay xabsiga uu ku xiran yahay, iyada oo ku baaqday in kaalin laga qaato siideysmadiisa. Cabdi Iley ayaa is casilay 6 bishii Ogoosto kadib markii ay deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka dhaceen rabshado lagu dalbanayay in uu baneeyo xafiiska. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27 Agoosto xabsiga la dhigay kadib markii laga kaxeeyay gurigiisa. Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa Cabdi Iley ku eedeeyay in uu lahaa ciidamo gaar ah, isla markaana uu amri jiray falal dil, dhac, kufsi iyo barakicin qasab ah. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/hooyo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia is actively working to initiate a dialogue to resolve a border dispute between Eritrea and Djibouti. Foreign Ministers of Somalia, Ethiopia traveled to Djibouti to start a dialogue as they seek to resolve a border dispute ownership, the communications director in the office of the Somali president. The disputed land in question is the Dumeira mountain and Dumeira island which Djibouti claims is being illegally occupied by Eritrea. Somali President and leaders of Ethiopia and Eritrea who were meeting in the Eritrean capital of Asmara, had agreed to resolve the impasse in the interest of peace and development in the Horn of Africa region Both Somalia and Ethiopia have been actively working to achieve the normalization of relations between Djibouti and Eritrea. The Djibouti – Eritrea standoff is seen by most political and security analysts as the final rift needed to be solved to restore durable peace to the Horn of Africa region. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com