Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddigii loo xil saaray Baaritaanka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo maanta Baarlamaanka ka hor jeediyay Natiijada Baaritaankooda, ayaa qalad ku tilmaamay in muwaadinkaasi loo gacan geliyo dowladda Itoobiya. Guddiga ayaa sheegay Shuruucda dalka u taalo inaysan meel uga qorneyn in muwaadin Somaliyed lagu wareejiyo dowlad kale, waxaana ay sheegeen inuusan jirin sharci arintaasi qeexaya oo dalka u yaallo. Gudoomiyaha Guddigaasi Cali Xoosh oo Warbixinta jeedinaayay, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliya ay ku qaldaneyd tallaabada ay ku dhiibtay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo Itoobiya loo gacan galiyay. Waxa ay sheegeen in Taliska Nabad Suggida Somaliya uu maareeyay Kiiska Qalbi Dhagax, iyadoo uusan la wadaagin madaxda ugu sareysa dalka. Guddiga ayaa si dadban u sheegay in Taliyaha NISA oo xilligaasi ahaa C/laahi Sanbaloolshe uu kaligiis maareeyay arinta Qalbi Dhagax, iyadoo uusan wada tashi xoogan kala wadaagin Xukuumadda Somaliya. Warbixinta Guddiga ayaa waxa ay ku sheegeen kaliya inay qalad tahay dhiibista muwaadinkaasi Somaliyed, balse warbixintooda kuma aysan sheegin inay muhiim tahay in dib dalka loogu soo celiyo muwaadinka Somaliyed ee Qalbi Dhagax. Xubnaha Golaha Shacabka Somaliyed ayaa markii ay dhageysteen Warbixintaasi kadib ku kala tagay kulankooda. Kaalintee ayay nabad sugiddu ku lahayd dhiibista Qalbi Dhagax? (Akhriso Guddiga loo xil saaray oo waxyaabo badan soo saaray
  2. Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxay si wada jir ah warbaahinta ugu sheegeen in is afgarad ka gaadheen khilaaf horey usoo kala dhex galay. Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in waraaqaha xisbiga Waddani ay heleen ay lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland isla markaana aanay ahayn kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay. Dhinaca kale, Musharrax Cirro ayaa sheegay in wada-shaqayntii kala dhaxaysay Guddida doorashada ay bilaabeen isla markaana waraaqaha ay heleen ay ahaayeen kuwo ay leeyihiin guddida doorashada Somaliland. Ugu dambeyntii, Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa horay u sheegay in ay hakiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay guddida doorashooyinka Somaliland kaddib markii ay soo bandhigeen waraaqo ay ku sheegeen kuwo been abuur ah oo ay tilmaameen in lagu codeeyay doorashada. Goobjoog News Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Barlamaanka ee loo xilsaaray in ay soo baaraan kiiskii Cabdikariim Qalbi Dhagax ayaa warbixin ka kooban 10 bog waxa ay horgeynayaa Golaha Shacabka sida ku cad nuqul ay heshay Caasimadda Online. Xog ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinaya in warbixinta Guddiga ay si cad u soo bandhigeyso kaalinta ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ay ku lahayd dhiibista Qalbi Dhagax, halka aan wax la tashi ah lagala yeelan hay’adaha garsoorka dalka. Nuqulka ay Caasimadda heshay ayaa waxaa lagu sheegay in Taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka Mudane Cabdullaahi Sambalooshe inuu siiyay madaxda qaranka xog marin habaabin ah oo uu ku doonayay inuu is dhaafiyo Qalbi Dhagax oo ay 23kii August ay hay’adda kasoo qabatay magaalada Galkacyo. Warbixinta Guddiga ayaa waxa ay intaas ku dareysaa in maadaama ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u kabasho in Dowladda Federaalka ay mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, sidaas daraadeedna aan gabbaad la siin karin urur hubeysan ama shakhsiyaad khatar ku ah amniga dalka iyo guud ahana xasilloonida gobolka. Warbixinta ayaa lagu yiri “Siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka waxa ay ku saleysantahay wada noolaansho dadweynaha Gobolka Geeska Afrika iyo Dunida kale guud ahaan iyo gaar ahaan ilaalinta Siyaasadda daris wanaagga. Mabaa’iidaas oo aan sinnaba u ogolaanayn in marnaba la aqoonsado ama gabbaad la siiyo urur hubeysan oo liddi ku ah jiritaanka qarannimada ama ammaanka, xasillinooda iyo nabadgalyada dalka ama wadamada dariska ah.” Hase yeeshee, Guddiga waxa ay caddeeyeen in qaraarkii xukuumadda ee ku aaddanaa in Jabhadda ONLF ay tahay urur argagixiso ah uu yahay go’aan aan sax ahayn, maaadaama ururkan uusan ku jirin kiiska argagixisada caalamiga ah. Guddiga waxa ay soojeediyeen in Xukuumaddu ay dabagal ku sameyso heshiisyadii horey loo galay maadaama heshiiska lagu saleeyay dhiibista Qalbi dhagax uusan ahayn mid maray habraacii sharcidejinta, Barlamaankana aan la horkeenin. Go’aamada ay soo saareen guddiga ayaa waxaa ugu muhiimsan in hay’adaha amniga, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda ay ka fogaadaan in ay bixiyaan xogo aan sugneyn oo aan si fiican looga soo baaraandegin. Sidoo kale, waxa ay Golaha Shacabka ugu yeereen in laga fogaado arrin kasta oo keeni kara xasillooni darro siyaasadeed ama abuuri kara khalkhal amni. Ugu dambeyntii, Xukuumadda uu Hoogaamiyo Ra;iilsul Wasaare Khayre ayaa waxa uu Guddigi usoo jeediyay in ay taxadar dheeraad ah ka muujiso go’aan ka qaadashada arrimaha xasaasiga ah. Halkaan hoose ka akhriso Labada Bog ee ku saabsanaa kaalinta ay Nabadsugidda ku laheyd dhiibista Qalbi Dhagax, waxaana daqiiqado kadib idiin soo gudbin doonaa dhammaan warbixintii lasoo saaray.
  4. Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay la tacaaleysaa hirgelinta barnaamijka NFD, kaas oo hirgelintiisa ay ku xiran tahay barnaamijyo badan sida wax ka qabashada faqriga iyo in laga cafiyo deymaha caalamiga. Soomaaliya waxaa lagu leeyahay lacag dhan $5 billion, bixinta lacagtaas waxaa ay ku xiran tahay in deymo kale iyo dhaqaale ay hesho dowladda, si deyntaas loo mago, maanta qof kasta oo Soomaaliya ah oo nool waa in uu bixiyaa $361. Deymaha dibadda ee Soomaaliya lagu leeyahay waxaa ay gaarayaan $5 billion, waxaana deymahaasi ku leh dalal qani ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Fransiiska iyo Talyaaniga, waxaa kale oo deynta ku leh hey’ado iyo xukuumado dariska ah oo uu ka mid yahay sanduuqa Carabta. Soomaaliya waxaa sidoo kale $325 million oo deyn ah ku leh hey’adda lacagta adduunka ee International Monetary Fund, halkan ayey mushkiladda ka jirtaa, waayo dalalka aan bixin deynta IMF-ta kama heli karaa dhaqaale ama deyn hey’adaha iyo dalalka kale. Haddii IMF-ta deynteeda xal loo helo Soomaaliya waxaa ay qeyb ka noqon kartaa barnaamijka World Bank ee International Development Association (IDA) oo bixiya $75 billion oo dalalka ay waqti dheer u heli karaan iska bixinta deyta iyada oo dul-saarka uu yar yahay. Deynta hadda Soomaaliya lagu leeyahay, inteeda badan waaa deyn waqti hore ah, 90% deynta waxaa ay Soomaaliya gashay 1980-yadii iyo wixii ka horeeyay, 2/3 dadka Soomaaliya hadda jooga maba dhalan. Deymahaasi waxaa soo qaadatay dowladdii siyaad Barre, waana markii ay isku dhaceen Soomaaliya iyo midowga Soviet , in ka badan kala-u-bar $973 million lacagta uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya waa hub, waxaana lagu booriyay IMF-ta in ay hubiso hirgelinta Soomaaliya ee barnaamijka SAP. Waxaa jiray 1990-yadii la hirgeliyay barnaamij lagu magacaabao (HIPC), waa hindise loogu talo-galay dalal 36 ah oo IMF-ta u sameysay barnaamij-kaas isla xisaabtan-ka ah, si loo gaaro waddo ah in dib looga qaado xayiraadda deyn-siinta, dalalkii 36da ahaa, waxaa hadda qaati laga taagan yahay Soomaaliya, Eritrea iyo Sudan, 33-da kale liiska waa laga saaray, waxaa ayna la tacaamulaan hey’adaha lacagta iyo dalalka kale. Goobjoog News Source
  5. 5 dhakhtar oo Soomaali ah ayaa jimcihii shalay ka qalin-jebiyey dugsi caafimaad oo uu maamulo NGO laga leeyahay dalka Turkiga,kaasoo ku yaalla magaalada Muqdisho. Dhakhaatiirta ayaa shahaadooyinkooda ka helay barnaamij ay qaban-qaabisay Doctors Worldwide Turkey (DWWT) xaflad ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Safa Simsek oo ka tirsan NGO-ga ayaa yiri”Marka laga soo tago sagaal dhakhtar oo sannadkii hore ka qalinjabiyey barnaamijkan, oo aan bilownay sannadkii 2013, shan dhakhtar oo dheeraad ah ayaa ka qalinjabiyey sannadkan, oo ay ku jiraan saddex dhakhtar oo guud iyo laba dhakhtar oo dawooyinka qaabilsan”. Simsek waxa kale oo uu tilmaamay in Maxammed Cismaan, oo ah 12-sano jir Soomaali ah,islamarkaana indha belay lix sano ka hor ay dhakhaatiir Turki ah indhaha ugu fiiqeen qalliin lacag la’aan ah. “Ilaa iy hadda waxaan indhaha u fiiqnay saddex kun oo Soomaali ah”,ayuu raaciyey. PUNTLAND POST The post Turkiga oo indhaha u fiiqay saddex kun oo Soomaali ah. appeared first on Puntland Post.
  6. Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka ka furmay Shirka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayo arinta Qalbi Dhagax. Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay warbixino ka dhageysanayaan Guddiga loo xil saaray baaritaanka dhiibistii Qalbi Dhagax. Shirkaan ayaa waxaa xaadir ah 156 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya . PUNTLAND POST ayaa heshay Ajandaha shirkaan goordhow furmay looga hadlayo. Xubnaha Baaritaanka Qalbi Dhagax ayaa Baarlamaanka ka hor aqrin doono baaritaankooda iyo wixii ay ku soo ogaadeen. Xukuumada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay cadaadis ku saareeysay in Baarlamaanku aanu ka hadlin Arinta Qalbi Dhagax oo Dowlada lagu eedeeyay in ay u dhiibtay Sirdoonka Itoobiya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka ee looga hadlayay Arintii Qalbi Dhagax oo furmay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Website-ka Alleastafrica ayaa soo daabacay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan is casilaadii maryan Qaasim iyo Arrimo kale oo la xiriiro la dagaalanka Musuq Maasuq. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa idiin soo turjuntay warbixintaas oo markii hore ku qorneyd Luuqadda Ingiiriska, waxayna u dhaceysay sida hoos ka muuqato: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa is casilay laba toddobaad ka dib markii ay xukuumadda bilowday olole cusub oo la dagaallamaya musuqmaasuqa kaas oo inta badan lala beegsanayo saraakiisha sare oo ay ka mid yihiin wasiirada lagu tuhunsan yahay in ay galeen dembiyo dhaqaale iyada ay arrintaas qeyb ka tahay la dagaalanka Musuq maasuqa ka jiray Dowladda Soomaaliya. Sanado badan, beesha Caalamka oo Malaayiin Dollar siineysay dowladihii soo maray Soomaaliya ayaa ka cabanayey inay jiraan wax is dabamarin iyo musuq maasuq baahsan oo ka dhex jiro hey’adaha dowladda, waana arrinta ay hadda Dowladda Soomaaliya ballan qaaday inay wax badan ka qaban doonto Masuq maasuqii hareeyey dowladihii hore ee dalka soo maray. Maryan Qasim Ahmed oo aheyd Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa is casishay Asbuucaan iyadoo sheegtay inay ka cabaneyso is barbar yaac ka dhex jiro dowladda dhexdeeda. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa ku doodayo in casilaadada Maryan Qaasim ay timaaday todobaad ka dib markii hay’adda musuqmaasuqa waddanku ay ka dalbatay in ay soo gudbiso diiwaankeeda maaliyadeed ee bil kasta ka dib su’aalo ku saabsanaa hannaanka shaqada ee wasaaradda iyo maareynta miisaaniyadda. Mid ka mid ah Xubnaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuq dowladda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriiro inaan loo oggolaan inuu ka hadlo baaritaanka musuqmaasuqa ee ka dhanka ah mas’uuliyiin sar sare oo ay ku jiraan Wasiiro ayaa sheegay inay Maryan Qaasim ku guul dareystay inay soo gudbiso xogta Maaliyadeed ee Wasaaradda, iyadoo ay usii dheer tahay sida uu sheegay inay jiraan tobaneeyo ka mid ah reerkeeda oo ay ka shaqaaleysiisay Wasaaradda. Sarkaalkaas ka tirsan Guddiga ka hor tagga Musuq Maasuqa ayaa sii raaciyey inay Wasiiradda is casishay ay ka niyad jabtay inaan lagu wareejin 4 Malyan oo Dollar oo Soomaalida ku nool dunida ugu soo deeqeen dadkii ay ku dhacday Musiibadii Soobe, iyadoo ay dowladda arrintaas u xilsaartay Culumo iyadoo laga fogaanayo inay dhacaan wax isdaba marin (Musuq Maasuq). Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu arrintaas ka hadlo mar ay la xiriirtay Alleastafrica Maalintii Jimcada aheyd. Iyadoo ay dadka Soomaaliyeed is waydiinayaan sababta keentay inay is casisho Wasiir Maryan ayaa waxaa arrintaas Su’aal laga waydiiyey mid kamid ah Culumada Soomaaliyeed ee saameynta leh oo aheyd haddii ay Wasiir Maryan isku casishay deeqdii ay Culimada Soomaaliyeed ku wareejiyeen Guddiga loo xil saaray uruurinta Deeqaha iyo haddii kale? “Haddii ay isku casishay lacagtii loogu talagalay dhibbanayaasha saboolka ah darteed, waxay aheyd in mar hore shaqada laga ceyriyo” ayuu Yiri Sheikh Mohamed Abdi oo loo yaqaan Umul oo ah wadaad fadhigiisu yahay dalka Nairobi oo hoggaaminayey wadaado Muqdisho geeyey deeq loo aruuriyey dadkii ay dhibaatada kasoo agartay Musiibadii ka dhacday Isgoyska Soobe. Inkasta xukuumadda hadda jirta ay muujisay go’aankeeda ku aadan la dagaallanka Musuq Maasuqa oo ay sheegtay inuu Khatar weyn ku yahay Xasilloonida dalka ayaan jirin ilaa hadda Mas’uul si rasmi ah loo eedeeyey ama xilkiisa looga qaaday Musuq maasuq uu kacay iyo boob Hanti dadweyne. Dhanka kale, tallaabooyinka cusub ee la-dagaallanka musuq-maasuq ayaa qeyb ka ah dib u habeeynta bulshada iyo dhaqaalaha dowladda cusub, iyadoo la sameenayo kormeero dheeri ah oo lagu baarayo Musuq maasuqa ayaa waxaa shaqaalaha dowladda la amray inay Guddiga la dagaalanka Musuq Maasuq usoo gudbiyaan haddii ay arkaan Musuq Maasuq ka jiro meelaha ay ka shaqeeyaan. Soomaaliya waxaa badanaa loo arkaa mid ka mid ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka sida ay sheegeen ilaaliyayaasha caalamiga ah. Xigasho: Alleastafrica Somali minister resigns amid new tough anti corruption measures Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Ra’iisul wasaarihii is-casilay ee dalka Lebanon Saad al-Hariri iyo Xaaskiisa ayaa maanta gaaray magaalada Paris ee caasimadda France,waxaana la filayaa in uu halkaas kula kulmo madaxweyne Emmanuel Macron. Ma jirin mas’uul ka tirsan xukuumadda France oo garoonka ku soo dhoweeyey Al-Hariri sidoo kale gawaarida lagu qaaday kama muuqan calamada labada dal,inkastoo safiirka Lebanon ee magaalada Paris uu garoonka ka soo dhoweeyey. Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa horay u sheegay in uu Al-Hariri u Paris ku imaan doono magaca ra’iisul wasaaraha Lebanon,balse aanu noqon doonin magangelyo-doon siyaasadeed,sida uu hadalka u dhigay. Al-Hariri ayaa ka hor intaanu ka duulin Saudi Arabia,wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in lagu xiray magaalada Riyadh,waxaana tegi taankiisa Paris ku soo aadayaa laba todobaad kadib markii uu is-casilay,isagoo ku sugan caasimadda Saudi Arabia ee Riyadh. Xilligaas wuxuu eedayn kulul ujeediyey ururka Hezbollah iyo dowladda Iran oo uu sheegay in ay af-duub ku haystaan dalkiisa. PUNTLAND POST The post Al-Hariri oo Paris gaaray balse aan lagu soo dhoweyn. appeared first on Puntland Post.
  9. Sida ay Goobjoog News u sheegay qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka waxaa maanta la filayaa guddigii golahu u saaray in ay soo baaraan go’aankii xukuumadda federaalka ah ku dhiibtay Cabdikariim Qalbi Dhagax ay warbixin buuxda hor-keenaan baarlamaanka. Mar aan weydiinay waa maxay Jawaabta laga filan karo, waxaa ay Xildhibaannada sheegeen in la doonayo in baaritaanka guddiga ku soo gabgabeeyaan natiijada labo arrin oo kala ah: Heshiisyada la sheegay in lala galay dalka Itoobiya iyo sida uu ku dhacay dhiibista Xukuumadda Cabdikariim Qalbi Dhagax. Arrinta Heshiisyada Itoobiya: Guddigan xaqiiqo-raadinta ah ee golaha shacabka waxaa lagu sugayaa in qoraalkooda ku muujiyaan in ay jireen heshiisyadaasi la sheegay in ay dhex-mareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo in kale iyo haddii ay jireen ama haddii aaney jirinba labadooda maxaa ka dhalanaya? Arrinta Qalbi-dhagax: Guddiga waxaa la sugayaa in ay golaha shacabka hor-keenaan sida ay u dhacday dhiibista Cabdikariim Qalbi Dhagax oo faah-faahsan, waxaa kaloo laga rabaa in ay qoraalkooda ku muujiyaan gebagabada in Qalbi-dhagax uu ahaa sida xukuumadda federaalka ah sheegtay ama in uu ahaa muwaadin si gar-darro ah lagu dhiibay, oo ay tahay in la soo celiyo. Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa 13-kii September, 2017-kii, guddi 15 xubnood ka kooban u xil-saaray in ay soo baaraan go’aanka xukuumadda ku dhiibtay Qalb-dhagax, waxaana la faray hey’adaha kala duwan ee dowladda in guddiga la shaqeeyaan. Warbixin: Xaaska Qalbi-dhagax, Gabadhiisa, Xildhibaanno Iyo Aqoon-yahan Villa Somalia Ku Cadaadinaya Ka Hadlidda Mas’uuliyadda Xariggiisa Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii kordhayaan shirarka ay dowlada Somalia uga qeybgaleyso dalka dibadiisa, ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad uu shir uga qeybgalay magaalada Washington. Shirka ayaa dhex maray Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu ka diyaariyay kulanka uu ka qeyb galay, waxa uu ku soo qoray Bloggiisa gaarka ah oo had iyo jeer ku soo qoro safarada iyo kulamada uu ka qeyb galo. AFRIKA IYO USA AYAA MAANTA KA SHIRAY ISKAASHI Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga. Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka. Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn. Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib. Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada. Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda. Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar. Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda. Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada. Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa. Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa qirtay in Somalia ay ka joogan ciidamo farabadan oo dhanka amaanka kala shaqeeya dowlada Federaalka ah ee Somlia. Mareykanku waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay garab u yihiin dowlada Somalia iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Somalia. Wasaaradda Gaashandhigga Maraykanka, ayaa daaha ka rogtay inay jiraan ciidamo kor u dhaafaya 500 askari oo Mareykan ah kuwaa oo ku sugan gudaha Somalia. Warbaahinta Fox News ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay kordheen muddooyinkii ugu danbeeyay, halka markii hore ay ahaayen kuwo tirro yar oo aan kasoo bixi jirin goobaha ay ka howlgalaan. Waxay noqonaysa mid kor u qaada tirada ciidamada Mareykanka ee Somalia tan iyo horraantii 2014, markaa oo qiyaastii labaataneeyo askari ay halkaa yimaadeen markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1993. Saraakiisha ka howlgasha Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan 28-weeraro cirka oo Maraykanku ay ka fuliyeen gudaha dalka sanadkan. Weerarada oo intooda badan ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo sida ay sheegayaan lala bartilmaameedsanayo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee al-Shabaab. Geesta kale, ciidamada Maraykanka waxa ay sidoo kale sameeyen weerarkii ugu horeeyay ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya bilowgii bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Julius Nyerere, the first president of Tanzania, once asked his country’s creditors a blunt question: “Must we starve our children to pay our debts?” That was in 1986, before the public campaigns and initiatives that removed much of Africa’s crushing and unpayable debt burden. But Nyerere’s question still hangs like a dark cloud over Somalia. Over the last year, an unprecedented humanitarian effort has pulled Somalia back from the brink of famine. As the worst drought in living memory destroyed harvests and decimated livestock, almost $1 billion was mobilized in emergency aid for nutrition, health, and clean water provision. That aid saved many lives and prevented a slow-motion replay of the 2011 drought, when delayed international action resulted in nearly 260,000 deaths. Yet, even after these recent efforts, Somalia’s fate hangs in the balance. Early warning systems are pointing to a prospective famine in 2018. Poor and erratic rains have left 2.5 million people facing an ongoing food crisis; some 400,000 children live with acute malnutrition; food prices are rising; and dry wells have left communities dependent on expensive trucked water. Humanitarian aid remains essential. Almost half of Somalia’s 14 million people need support, according to UN agencies. But humanitarian aid, which is often volatile and overwhelmingly short-term, will not break the deadly cycles of drought, hunger, and poverty. If Somalia is to develop its health and education systems, economic infrastructure, and the social protection programs needed to build a more resilient future, it needs predictable, long-term development finance. Debt represents a barrier to that finance. Somalia’s external debt is running at $5 billion. Creditors range from rich countries like the United States, France, and Italy, to regional governments and financial institutions, including the Arab Monetary Fund. But Somalia’s debt also includes $325 million in arrears owed to the International Monetary Fund. And there’s the rub: countries in arrears to the IMF are ineligible to receive long-term financing from other sources, including the World Bank’s $75 billion concessional International Development Association (IDA) facility. Much of the country’s current debt dates to the Cold War, when the world’s superpower rivalry played out in the Horn of Africa. Over 90% of Somalia’s debt burden is accounted for by arrears on credit advanced in the early 1980s, well before two-thirds of today’s Somali population was born. Most of the lending then was directed to President Siad Barre as a reward for his abandonment of the Soviet Union and embrace of the West. Military credits figured prominently: over half of the $973 million in US debt is owed to the Department of Defense. Somalia got state-of-the-art weaponry, liberally financed by loans. The IMF was nudged into guaranteeing repayment through a structural adjustment program. Repaying the debt today would cost every Somali man, woman, and child $361. None of this would matter if Somalia had qualified for debt reduction. The Heavily Indebted Poor Countries Initiative (HIPC), created in response to the great debt relief campaigns of the 1990s, has written off around $77 billion in debt for 36 countries. Somalia is one of just three countries that have yet to qualify. The reason: the arrears owed to the IMF. (Eritrea and Sudan have also not qualified, for similar reasons). The IMF view is that Somalia, like earlier HIPC beneficiaries, should establish a track record of economic reform. This will delay a full debt write-off for up to three years, exclude Somalia from long-term development finance, and reinforce its dependence on emergency aid. Other creditors have endorsed this approach through silent consent. Somalia deserves better. President Mohamed Abdullahi Mohamed’s government has demonstrated a commitment to economic reform, improved accountability, and transparency. For two years, it has adhered to an IMF program, achieving targets for improving public finance and the banking sector. More needs to be done, especially in terms of domestic resource mobilization. But this is the first Somali government to provide the international community with a window of opportunity to support recovery. We must capitalize on it. Waiting three more years as Somalia ticks the IMF’s internal accounting boxes would be a triumph of bureaucratic complacency over human needs. Without international support, Somalia’s government lacks the resources needed to break the deadly cycle of drought, hunger, and poverty. Somalia’s children need investment in health, nutrition, and schools now, not at some point in the indefinite future. Investing in irrigation and water management would boost productivity. With drought-related livestock and crop losses estimated at around $1.5 billion, government-supported cash payment programs would help aid recovery, strengthen resilience, and build trust. The benefits of these investments would extend to security. Providing the hope that comes with education, health care, and the prospect of a job is a far more effective weapon than a drone to combat an insurgency that feeds on despair, poverty, joblessness, and the absence of basic services. There is an alternative to IMF-sponsored inertia on debt relief. The World Bank and major creditors could convene a creditor summit to agree to terms for a prompt debt write-off. More immediately, the World Bank could seek its shareholders’ approval for a special mechanism – a “pre-arrears clearance grant” – that would enable Somalia to receive IDA financing. There is a precedent for this: In 2005, the US championed World Bank financing for Liberia, which at the time had significant IMF debt after emerging from civil war. The technicalities can be discussed and the complexities resolved. But we should not lose sight of what is at stake. It is indefensible for the IMF and other creditors to obstruct Somalia’s access to financing because of arrears on a debt incurred three decades ago as much through reckless lending as through irresponsible borrowing. Somalia’s children played no part in creating that debt. They should not have to pay for it with their futures. Source: – Project Syndicate
  13. The United Nations and African Union envoys in Somalia have kicked off security assessment visits across the Horn of Africa nation ahead of the troops exit next year. The UN and African Union missions in Somalia said Friday the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia Francisco Caetano Madeira and the Special Representative of the UN Secretary-General Michael Keating joined a delegation to Barawe, a strategic port city situated in the Lower Shabelle region on Thursday. The delegation, led by Prime Minister Hassan Ali Khaire, who met with elders and members of the public, discussed the possibility of handing over the security of Barawe, currently under the protection of AMISOM troops, to the Somali security forces. “The visit took place as deliberations on the drawdown of AU troops from key towns in south central Somalia continue, between the government, the Somali security forces and AMISOM,” the AU mission said in a statement issued in Mogadishu. The pan-African troops are expected to relinquish the security of the key towns, to the Somali forces, through a conditions-based transition plan, to allow them to take the lead responsibility as part of the planed exit. “For AMISOM to be able to be more effective in this area, there is need for convergence of vision and support by the partners and the Somalis themselves, so that together we can degrade and destroy Al-Shabaab,” Madeira said. During the visit, Keating said the Somali security forces must be strengthened to enable the country take charge of its own security responsibilities. “This (visit) is consistent with the National Security Architecture, with the National Defence Strategy as well as with the conditions-based transition plan whereby over a number of years, Somalis assume a lead role,” Keating said. AMISOM announced on Nov. 7 that some 1,000 soldiers will be withdrawn from Somalia by Dec. 31 this year in line with the African Union and UN Security Council resolutions. It said as part of the military drawdown, the pan African body will deploy an additional 500 police officers who will strengthen training and mentoring for Somali police. AMISOM said it will reduce its troops by 1,000 by December, followed by further cuts next year, an exercise expected to end by 2020 as part of its exit strategy. Source: Xinhuanet
  14. Nairobi (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku sugan Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horjooge u ah maamulka Ahlusunna. Xaaf iyo Shaakir, ayaa magaalada Nairobi u jooga wadahadal ay xal ugu raadinayaan Khilaafka ka dhexeeya ee caqabada ku ah isku imaanshiyaha labada dhinac. Wadahadalka oo wajigiisa koowaad uu hadda socdo ayaa waxaa garwadeen ka ah xubno ka tirsan IGAD oo u yeeray Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Ahlusunna. Wadahadal hadda socda ayaa waxaa lagu wadaa in xal looga gaaro 3 arrin oo kala ah: 1-In si wada jira looga wada shaqeeyo isku imaatinka Galmudug iyo Ahlusunna, iyadoo laga shaqeynaayo masiirka shacabka Galmudug. 2-In si wada jira loo turxan bixiyo khaladaadka caqabada ku ah wadahadalada labada dhinac, si ay u dhacdo isku soo dhawaansho. 3-In la kordhiyo kulamada, iyadoo aan sababo uu ku baaqdo shirka loo sameyn karin, si loo daweeyo boogta. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kulanka koowaad ee weli socda ay labada mas’uul ku kala kaceen, balse laga shaqeeyay isku soo laabashadooda, si loo sii ambaqaado wadahadalka socda. Qodobka ugu weyn ee wadahadalka ayaa ah sidii loo soo afjari lahaa Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidii Ahlusunna ay wax ugu yeelan laheyd baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee maamulka Galmudug. Dhinaca kale, IGAD ayaa wada qorshaha lagu Heshiisiinayo Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana la sheegay in kulanka xiga oo ay yeelan doonaan Xaaf iyo Shaakir uu ka dhici doono magaalada Muqdisho bishaan dhamaadkeeda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  15. Nairobi (Caasimada Online)-Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF ayaa sare u qaaday cadaadiska uu ku hayo Madaxweyne Robert Mugabe, ninka awoodda dalkaasi haystay ku dhowaad 40 sano. Hoogamiyayaasha xisbiga ayaa Mugabe ka dalbanaya in uu xilka iska casilo kadib markii maalintii arbacada ay ciidamada Militariga la waregeen awodda dalkaasi. Madaxwayne Robert Mugabe ayaa la sheegay in uu doonayo in uu sii ahaado hogaamiyaha ilaa xisbiga uu ka yeelanayo kulanka qaran bisha soo socota. Saraakiisha xisbiga ZANU-PF iyo militariga ayaa labadaba waxa ay taageereen dibad bax maanta la qorshaynayo in uu ka dhaco magaalada Harare. Dibad baxani la qorshaynayo ayaa waxa soo abaabulay dad rug cadaa ah oo ka soo qaybqaatay dagaalkii Zimbabwe. Madaxda militariga Zimbabwe ayaa waxa ay sheegeen in ay wadahadal kula jiraan mr Mugabe islamarkana ay shaacin doonaan natiijada ka soo baxda. Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro Madaxwayne Robert Mugabe ayaa shalay markii ugu horreysay tan arbacadii ka soo muuqda goob fagaara ah isaga oo ka qaybgalay xaflad qalinjabin ahayd. Madaxwayne Mugabi ayaa la sheegay in uu diidan yahay in uu xilka ka dago. Mugabi ayaa xukumayay Zimbabwe tan iyo sanaddii 1980. bbc Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  16. Tan iyo markii ay dhammaatay codbixinta doorashada Somaliland waxa si wayn looga dhur sugaayay natiijada codbixinta doorashada oo guddida doorashadu ay sheegeen in ku dhawaaqisteedu ay qaadan karto shan illaa lix maalmood wallow markii dambe ay guddida doorashadu sheegeen in aanay jirin wakhti sugan oo ay dadka u ballan-qaadayaan ku dhawaaqista natiijada doorashada. Wixii intaas ka dambeeyay waxa soo if baxay warar sheegaya in xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ay yihiin labada xisbi ee sida wayn iskuugu dhow doorashada inkasta oo guddida doorashadu ay shacabka uga digeen waxa ay ku sheegeen wararka been abuurka ah ee doorashada laga faafinayo. November 14, 2017: Guddoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi la xidh-xidhay halka kuwo kalena uu sheegay in jidh-dil lagu sameeyay isagoo intaasi ku daray in xeerkii lagu tuntay sida muraaqibiintoodii oo meelaha qaar laga saaray, handadaad loo gaystay wakiilada xisbigooda iyo goobaha qaar ee codaynta oo uu sheegay in ay galeen badhasaabyo ka tirsan xukuumadda. November 15, 2017: xisbiyada uga digtay in ay sameeyaan dabbaa-degyo ay ku sheeganayaan in ay guulaysteen. Afhayeenka guddidaasi Siciid Cali Muuse ayaa yidhi; waxa jira warar kale oo soo baxaaya oo aanu horay uga dignay xisbiyada imikana aanu uga sii digayno waxa weeye wararkaasi in la samaynayo dabbaal-degyo dabbaal-degyadaasi oo xisbi weliba uu leeyahay annagaa ku guulaysanay”. November 15, 2017: Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xassan Gaafaadhe oo uu weheliye xoghayaha xisbigaasi Xassan Siciid ayaa isagoo la hadlaayay taageerayaasha xisbigaasi yidhi; “Waxaynu garanaynaa guushu cidda ay raacday waxay se aynu sugaynaa in uu si xalaal ah oo kama dambeys ah uu ugu dhawaaqo kommishanka doorashooyinka qaranku”. November 15, 2017: Korjoogayaasha maxalliga ah ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in masuuliyiintii ka tirsan xisbiga Waddani laga saaray laba goobood oo ay ka socotay codbixinta doorashada Somaliland labadaas goobood oo ah magaalada Hargeysa. November 16, 2017: Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay weli socoto tirinta codadka doorashada isla markaana ay tirintoodu dhammaatay degmooyinka qaar. November 16, 2017: Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay joojiyeen wada-shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland kaddib markii ay ka jawaabi waayeen cabashooyin ay u gudbiyeen. Dr. Maxamed Yaasiin, Cismaan Afgaab iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ah xubnaha xisbiga Waddani u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay waraaqo ay ku sheegeen kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay doorashada iyagoona sheegay in deegaanada qaar lagu shubtay Doorashada. Waxay sheegeen masuuliyiinta xisbiga Waddani in shirkadda soo daabacday waraaqaha codaynta doorashada Somaliland oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ay soo daabacday isla waraaqahan kale ee ay ku sheegeen been abuurka. Wixii intaas ka dambeeyay waxa magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo ka dhacay rabshado ay dhigeen dad taageersan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kuwaasi oo sababay khasaare nafood oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Agaasimaha cisbitaalka magaalada Burco ayaa habeennimadii xalay ee 16 bishan November ayaa Goobjoog News u sheegay in cisbitaalka magaalada Burco lasoo gaadhsiiyay dhimashada hal ruux iyo dhaawacaa lix ruux oo kale oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan booliska oo iyagu doonayay in ay rabshadaha ka hor tagaan. Inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in dhimashadu ay ka badan tahay hal ruux. Isla (November 16, 2017) waxa magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isagoona sheegay in ay aqbali doonnaan doorasho xor oo xalaal ah hase ahaatee aanay aqbali doonnin cod xaaraan ah in ay cidina ku badiso – waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waxaan sheegayaa inaan aqbalayno doorasho xor oo xalaal ah hasa yeeshee aanan aqbali doonnin cod xaaraan ah inay cidina ku badiso” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale, isla habeenkaas waxa warbaahinta la hadlay taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, Taliyaha Ciidanka booliska Jeneraal Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidanka Millatariga Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Maxamed Cismaan Caalin (Xudhuun) iyagoona shacabka ugu baaqay in nabad-galyada la ilaaliyo isla markaana sheegay in ciddii nabad-galyada wax u dhinta ay gacan adag oo sharciga waafaqsan ay marin doonnaan. Ugu dambeyntii, xaaladda magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa wixiii intaas ka dambeeyay noqotay mid xasilloon oo sideedii hore kusoo noqotay, waxaana xusid mudan in guddida doorashooyinka Somaliland ay sheegeen in cid kasta oo cabasho qabta ay qaabili doonnaan. Khaalid Foodhaadhi, Goobjoog News, Hargeisa Source
  17. Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland C/raxmaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada ammaanka looga baahan yahay iney shacabka u turaan oo aanay u adeegsan rasaasta nool. Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cirro inuu aad uga xun yahay dhibkii soo gaaray dadka shacabka ah ee muujinayey dareenkooda ah sida ay uga xun yihiin ku shubashada doorashada ee la sheegay inuu sameeyay xisbiga Kulmiye. Sidoo kale musharrax madaxweyne C/raxmaan Cirro ayaa tilmaamay in wadahadal u furmay iyaga iyo guddiga doorashada Somaliland, taasi oo ku aadan cabashada uu qabo xisbigooda. “Ciidamada ammaanka waxaan leeyahay u turra shacabkiina oo ka daaya rasaasta nool ee aad u adeegsateen, intii dhimatay Allaha u naxariisto, aad baan uga xunnahay wixii dhacay, waxaan taageerayaasha xisbiga Wadani u sheegeynaa in wadahadal aanu la furni guddiga doorashada oo aynu kala hadleyno tabashada aan qabno” ayuu yiri guddoomiye Cirro. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa laga sugayaa inuu shaaciyo natiijada doorashadii 13-kii bishan ka dhacday deegaannada Somaliland. Goobjoog News Source
  18. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay warbixin ka dhageystaan guddigii loo xilsaaray arrinta Qalbi Dhagax. Waxay guddigan ay golaha shacabka la wadaagi doonaan natiijada wixii ay soo heleen iyo sidoo kale qaabka ay ku suurtagasy in Itoobiya loogu wareejiyo Qalbi Dhagax. Guddiga golaha shacabka u saaray in ay soo baaraan go’aanka xukuumadda 6-da September ka qaateen Cabdikarim Qalbi Dhagax, Jabhadda ONLF iyo heshiisyada la sheegay in ay soo galeen xubno ka tirsan dowladda ayaa codsaday in la siiyo maalmo kooban si ay u soo gudbiyaan warbixintan dhameystiran. Xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ka tirsan guddiga oo ka hadlayey kulanka golaha shacabka 28-aad, kalfadhiga 2-aad ayaa sheegay in golaha ay siiyeen waqti, shaqo fiicanna soo qabteen isaga oo intaasi ku daray in uu soo dhammaaday qorista warbixinta, balse u dhiman wax yar oo ay codsanayaan maalmo kooban. Guddoonka golaha ayaa guddiga waxaa uu siiyay illaa sabtida oo maanta ku beegan, si looga dhageysto warbixinta oo dhameystiran. Dhowr mar ayey horay u baaqatay warbixinta guddiga laga sugayey, waana ballantii ugu dambeysay ee loo qabto si ay u soo gudbiyaan qoraal ay sugayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  19. Ra’iisulwasaarihii iscasilay ee Lebanon Sacad Xariri ayaa u duulay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska,sida uu sheegay telefishinka ay leeyihiin qoyskiisa. Xariri ayaa beeniyey warar sheegaya inuu ku xiranyahay Sacuudiga waxaa uuna ku tilmaamay warar been abuur ah oo la iska yiri. Bartiisa twitterka ayaa waxaa uu ku yirir “ Wararka sheegaya inaan ku xayiranahay Sacuudiga oo aan la ii ogaleyn inaan duulo waa been”. Sacad Xariri ayaa iska casilay xilka ra’iisulwasaarinmo 4 November isaga oo ku sababeeyay inuu u baqay naftiisa. Arabacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii madaxweynaha Faransiiska Macron uu u fididey Xariri iyo qoyskiisa marti qaad ah inay soo booqdaan Faransiiska,ka markii qadka telefoonka ay kuwada hadleen isaga iyo dhaxal sugaha Sacuudiga. Source
  20. Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga. Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka. Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn. Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib. Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada. Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda. Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar. Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda. Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada. Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa. Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya PUNTLAND POST The post Wasiir Yuusuf Garaad oo Mareykanka Kaga Qeyb Galay Shir Loogu Hadlaayay Iskaashiga appeared first on Puntland Post.
  21. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu beri u safro dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu casuumad ka helay dhaxal-sugaha dalkaas Sheekh Maxamed Bin Zayed. Safarka ayaa imanaya ayada oo uu liito xiriirka doowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo dalka Soomaaliya ku aas-aasay wakiilo ka shaqeeya duminta dowladda oo lacag badan qaata, olole xoogganna Muqdisho ka wada. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in socdaalka Farmaajo uu walaac ku abuuray wakiilada Imaaraadka, oo dareemaya in haddii heshiis uu dhex maro laba dowladood ay keeni doonto inay xiranto ishii dhaqaale ee bilihii ugu dambeeyey u furneyd. Xubnaha dhaqaalaha weyn doonaa waxaa ka mid ah Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Sheekhey, oo ah safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka, Axmed Macallin Fiqi, Abshir Bukhaari, hase yeeshee waxaa ugu weyn Cumar Cabdirashiid oo ah madaxa wakiilada Imaaraadka ee Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah ku xigeenkiisa iyo afhayeenka kooxdan u hadla. “Arrinta ugu weyn ee Cumar iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur walaacisay ayaa ah in socdaalkan uu ku noqday lama filaan, xitaa Imaaraadka kuma uusan war-gelin” Waxaa sidaas yiri qof ku dhow Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo codsaday inaa la magacaabin. Dhaqaalaha Imaaraadka siiyo kooxdan ayaa aad loo dareemayey malmihii dhowaa, ayada oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qoray 50 qof oo baraha bulshada ku weerara dowladda Soomaliya, islamarkaana uu hoteelada Muqdisho toddobaad kasta ku qabto kulan loogu magac daray Dood Furan, oo ujeedkiisu yahay in lagu beddelo maskaxda shacabka, qarash badanna uu ku baxo. Sidoo kalana wuxuu qabtay Kulamo loo qabanayey dhallinayarada Muqdisho, wuxuuna ujeedkaas ahaa in la iska hor keeno dhallinyarada iyo dowladda isla markaasna dhallinayarada la tuso muuqaal qaldan. “Kulanka Dood Furan waxaa ku baxa lacag kumanaan dollar ah asbuuc kasta, oo qaar la siiyo hotelka marti-gelinaya, qaar la siiyo ka qeyb galayaasha, qaarna la siiyo warbaahinta sii baahisa, way adkaan doontaa inuu sii socda haddii dhaqaalaha Imaaraadka istaago” ayuu yiri il-wareedka la hadlay Caasimada Online. Waxaa sidoo kale meesha ka bixi kara lacag malaayin dollar ah oo la rumeysan yahay in loogu talo-galay mooshin laga keeno madaxweynaha, taasi oo la qorsheeyey in lasoo bandhigo marka mucaarad badan dowladda loo abuuro, lana beddelo maskaxda shacabka. Ka sokow dhaqaalaha istaagaya ee kooxda Imaaraadka ku howlgasho, waxaa sidoo kale meesha ka bixi kara dhaqaalaha ayaga shaqsiyan ay u qaataan, oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cumar Cabdirashiid ay yihiin labada qof ee ugu badan ee dhaqaalahaas helay. Lama oga waxa kasoo bixi doona safarka Farmaajo ee Imaaraadka, hase yeeshee xaqiiqda jirta ayaa ah in isku soo dhowaansho kasta oo halkaas ka dhacday ay caqabad ku tahay wakiiladii horey loogu xil saaray inay dowladda ridaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gargaarka Maryan Qaasim ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo u muuqday mid uu ku duray kaasi oo uu xalay ka jeediyey magaalada Nairobi. Sheekh Umal oo ka jawaabayey su’aal lasoo waydiiyey oo aheyd “Wasiirada is casishay soo suuragal maahan inay wadaadada wadada u galeyn oo xilkii ka boobeyn”, ayaa sheegay in haddiiba wasiiradda ay isku casishay lacag dad masaakiin loo waday darted, in markii horeba ay ahayd in la ceyriyo. Maryam Qaasin oo barteeda twitter-ka soo dhigtay jawaab ayaa soo qaadatay aayad ka mid ah suurat Al-Isra, oo ay Umul ugu sheegtay inuusa ka hadlin wax uusan ogeyn. Sheikh Umal waxaan ku leeyahay: “ولا تقف ما ليس لك به علم إن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنه مسئولا” “And do not pursue that of which you have no knowledge. Indeed, the hearing, the sight and the heart – about all those [one] will be questioned.” Surat Al-Isra. — Dr. Maryan Qasim (@DrMaryanQasim) November 17, 2017 Hadalkii Sheekh Umal hoos ka daawo. http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/video-1510940570.mp4
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Musharax Cabdiraxman Maxamad Cabdulahi ( Cirro) oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa warsaxafadeed uu ku qabtey Hoyga uu ka dagan yahay magaalada Hargeysa warfadiyeenada ugu sheegey in wadahadal ay la bilaabeen Guddiga Doorashada kaas oo lagu xalinayo cabashooyin ay u gudbiyeen. Cabdiraxman Cirro ayaa sheegey in shacabka iyo guud ahaan tageerayaasha Xisbiga amniga ilaaliyaan amniga isagoo shaaca ka qaadey in maanta wadahadal u bilowdey Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Wadani si loo xaliyo codsiga tabashadii ay u gudbiyeen. “Saan horey ugu baaqney shacbiga guud ahaan iyo taageerayaasha Xisbigaba waxaan ugu baaqeynaa iney amniga ilaaliyaan, waxaa kaloo u sheegeynaa in maanta wadahadal noo bilowdey Komishinka doorashooyinka Qaranka si loo xaliya codsiga iyo tabashada uu gubiyey xisbiga Wadani, wadahadlkii kowaad waan wada yeelaney maanta waan u gudbiney wixii dareen ah iyo tabashooyin ee xaaladaan lagaga bixi karayo oo ah qancin kuna saabsan wixii xisbiga uu dalbadey waxaana isugu imaaneynaa wadahadal labaad.” ayuu yiri Musharax Cirro oo la hadlay saxaafada. Cirro ayaa inta uu hadalkaan ku jirey markale ku celiyey in taageerayaasha xisbiga ka warsugaan inta la xalinayo tabashada ay qabaan. Hoos ka daawo warbixin arrintan ku saabsan
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u socdaalo magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka carabta, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaasi. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalkaasi ayaa ah mid la xiriira xal u helida isbarbar yaaca Siyaasada Somalia iyo in dowlada Imaaraadka Carabta ay faraha kala baxdo amuuraha Somalia. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa la hadal hayaa inuu ka duwan yahay kuwii hore, waxa ayna casuumaadu tahay mid lala soo maagay, si xal looga gaaro siyaasadaha ay Imaaraadka isaga horkeeneyso Soomaalida, gaar ahaan Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamulada. Casuumaada Madaxweynuhu uu ka helay Imaaraadka ayaa ah ilaa Seddex cisho, oo lagu raadin doono xalka Somalia, waxaana xusid mudan in dowlada Somalia ay maalmahaani ku howlaneed qorsho ay go’aan uga gaari laheyd Siyaasada kala dhexeysa Imaaraadka carabta oo xadka dhaafay. Waxyaabaha laga filankaro is araga Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka ayaa ah:- 1-In Somalia ay ka xurowdo Imaaraadka Carabta oo dhaqaale ku bixineysa qaska iyo amni darida ka jirta dalka. 2-In Dowlada Somalia ay u nuglaato amarada kaga imaanaya dowlada Imaaraadka, si ay xal ugu hesho amni darada ka jirta dalka iyo xiisada joogtada ah ee kala dhexeeya maamul Goboleedyada. 3-In leysku afgarto xaduud siyaasadeed muujineysa in labada dowladood aysan isaga gudbikarin si loo dhowro madaxbanaanida Somalia. 4-In Dowlada Imaaraadka carabta ay arrimaha Somalia uga danbeyso Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia, iyadoo wixii intaa ka hara aysan tallo ku yeelankarin siyaasada Somalia. Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ah inuu soo afjaro xiriir danbe oo dhexmara dowlada Imaaraadka carabta iyo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira Somalia. Dowlada Imaaraadka carabta ayaa dhaqaale xoogan ku iibsata Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyagu qas la dabataagan dowlada Somalia. Ma cadda sida uu heshiiska u dhici doono, balse waxaa jira saan-saan muujineysa inuu isfahan ka dhexeeyo Madaxda Qaranka iyo kuwa Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah Guddigii loo xil saaray kiiska Sarkaalka ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse ”Qalbi dhagax” ay warbixin dhameystiran horgeeyaan Golaha Shacabka. Guddiga kiiskan loo xil saaray ayaa Guddoonka Sare ee baarlamaanka Somalia ku wargaliyay in warbixinta ku saabsan baaritaanka ay soo gudbin doonaan maanta oo sabti ah. Guddiga ayaa sheegay in warbixinta ay gudbinayaan ay tahay mid ku saabsan asbaabaha kalifay in dowlada Ethiopia loo gacangaliyo Qalbi Dhagax iyo macluumaad hordhac ah oo muujinaaya xaqiiqda dhiibitaanka Sarkaalka ONLF. Wasiirkii amniga xukuumadii hore ee Somalia C/risaaq Cumar Maxamed oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga golaha Shacabka ee loo xilsaaray kiiska Qalbi Dhagax, ayaa sheegay inay u harsan tahay keliya qoritaanka warbixinta. C/risaaq Cumar, waxa uu sheegay in baaritaankooda uu hadda maraayo meel gabo gabo ah isla markaana ay soo bandhigayaan macluumaadka u hirgalay inta ay soctay baarista. ”Xildhibaanadu waxa ay maanta naga sugayaan inaan hordhigno natiijada baaritaanka kiiska Qalbi Dhagax oo dhameystiran balse waxaa nagu harsan qorista warbixinta oo wakhti u baahan” ayuu yiri C/risaaq Cumar. Waxa uu sheegay in golaha Shacabka ay horgeynayaan warbixin tifaftiran oo dhan walbo ay ka soo baareyn. Sidoo kale, guddigaan oo la magacaabay 18 bishii hore ee September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha Shacabka, kuwaa oo xooga saaray baaritaanka inkastoo ay jiraan caqabado ka hor imaaday inta uu socday baaritaanka. Geesta kale, waxaan la ogeyn in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku qanci doonaan natiijada baaritaanka kiiska Qalbi Dhagax iyo inkale, maadaama ay miisaan leeyihiin Xildhibaanada mucaaradka ee kasoo horjeeda dhibitaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com