Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiye ku xigeenka UCID Cabdinaasir Buuni Guddoomiye ku xigeenka garabka dhalinyarada xisbiga Waddani ee Somaliland,Maxamed Sidiiq Dhamme oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xubin ka tirsan xisbiga kale ee UCID ku eedeeyay argagixisanimo. Mas’uulkan u hadlay xisbiga Waddani ayaa sheegay, in falal argagixisanimo loo haysto,guddoomiye ku xigeenka xisbiga kale ee mucaaradka ah(UCID) Cabdinaasir Muxumed Xassan Buuni,islamarkaana uu xisbiga kaga dhuumanayo hay’adaha amniga Somaliland. “Buuni oo runtii siyaasadda ku cusub ee xisbiga UCID iyo dunida kale iyo xataa axsaabta reer Somaliland in uu ahaa eedaysane lagu soo eedeeyay argagixiso,waana siyaasiga keliyah ee ku jira axsaabta qaranka ee ku eedaysan kiis argagixiso ah,isagoo xisbiga intuu ku jira ay tahay in uu ka dhigto dhufays uu kaga badbaado hay’adaha amniga” ayuu yiri Dhamme. Dhinaca kale, mas’uul u hadlay xisbiga UCID ayaa si adag u beeniyay, eedaymaha la xiriira argagixisada ee loo jeediyay,guddoomiye ku xigeenkooda,Cabdinaasir Muxumed Xassan(Buuni). Mas’uulkan ayaa sidoo kale xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu taageero siiyo sarkaal ka goostay militariga Somaliland oo jabhad ka as’aay gobolka Sanaag. PUNTLAND POST CCC The post Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID oo lagu eedeeyay argagixisanimo appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee jooga Somalia ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay weerarada ay ka geystaan Gudaha iyo Gobolada dalka. Al-Shabaab ayaa weerarada si siman uga geysta magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka kuwaa oo isugu jira kuwo toosa iyo kuwo ku dhufoo ka dhaqaaq ah. Baaritaano la sameeyay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in mudadii u dhaxeysay October 2017 ilaa April 2018 ay Al-Shabaab geysatay weeraradii ugu xooga badnaa oo ka dhaca Somalia. Mudadaasi oo ay u dhexeyso lix bilood ayaa lagu sheegay in Shabaabka ay geysteen weerarada ugu badan oo ay ku dhamaaden muwaadiniin badan. Waxaa baaritaanka lagu sheegay in 75% weerarada Al-shabaab ee 418-ka ah ay ka dhaceen Koofurta Somalia, halka 30% ay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha Muqdisho. Weerarada ayaa 4% waxa ay ka dhaceen dalka Kenya, taas oo sanadihii la soo dhaafay noqotay meel dagaal, waxa ayna kor usii qaaday weerarada ay geystaan Shabaabka. Baaritaanka waxaa lagu xaqiijiyay in maleeshiyada Al-Shabaab ay 40% weerarada u ageesatay sida Qaraxyo culus, Hubka laga dhacay dowlada ee nooca Militeriga, Miinooyinka lagu aaso wadooyinka iyo Madax jabin. Weerarada tooska ah oo ay qaadan maleeshiyaadka ayaa waxaa lagu qiyaasa 24%, halka weerarada is qarxinta ah ay ka badanyihiin 3% maadaama ay u dhacaan qaabab kala duwan. Waxaa lagu ogaaday in maleeshiyaadka Al-Shabaab 54% weerarada dhaca ay ku beegsadeen ciidanka dowladda Somalia iyo Ciidamo beeleedyada taabasan dowladda, 28% waxaa ay weeraradaas ku beegsadeen Ciidamada AMISOM. Warbixintan oo laga soo ururiyay warbixinta billaha ah ee ay Al-shabaab ka sameyso dagaalkeeda waxaa lagu falanqeynayaa 418ka weerar ee ay sheegatay, 167 weerar oo u dhigma 40% guud ahaan weerarrada ayaa loo xaqiijiyay si madaxbanaan,taas oo ka dhigan in 60% warbixintan aan la xaqiijin,Al-shahaab badanaa ma sii daayaan sawirrada,caddeymaha iyo wixii la mid ah marka laga reebo weerarro gaar ah. Al-Shabaabka ayaa sheegay inay u qorsheysan yihiin weerarada ay qaadayaan bil waliba, hase yeeshee muddo Lix bilood ay Al-shabaab ku geysteen 418 weerar. Weerarada ay geesteen ayaa waxaa lagu daray xitaa kuwa ka dhacay deegaanada maamul Goboleedyada iyo kuwa lagu qaado ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia. Sidoo kale, 125 ka mid ah 418-ka weerar waxaa ay ka dhaceen gudaha Muqdisho iyo hareeraheeda, meesha labaad ee ugu badan waa Degmada Afgooye,waxaa ka dhacay 28 weerar, waxaa xiga Boosaaso oo ay ka dhaceen 22 weerar, Baraawe waxaa ka dhacay 19 weerar, Qoryooley waxaa ka dhacay 17 weerar, iyo Beledweyne oo ay ka dhaceen 16 weerar,weerarro kale oo aan tiradooda la sheegin waxaa ay ka dhaceen Marka, Mahadaay, Kismaayo, Hoosingoow, iyo Baydhaba,waxaa intaas dheer weerarrada ka dhacay Sohdinta Kenya iyo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada Al-Shabaab ayan dagaalkeeda u eegin sharciyo diini, waxaana xusid mudan uu yahay mid lagu xoojiyo jiritaanka magacooda argagixiso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Waxaa si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika. Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika. Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood. Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale. Badi hindisayaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale. Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada. Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho. Sanduuqan $60 bilyan ah waxa uu ka kooban yahay $15 bilyan oo dayn bilaa dulsaar ah, $15 bilyan kale oo deeq ah, $20 bilyan oo dayn ah, iyo 5 bilyan oo lagu taageerayo badeecadaha laga soo dhoofiyo Afrika. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinging, wadahadalladii ay yeesheen ka hor intaanu dhicin shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxa ay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka. Soomaaliya waxa ay dadaal ku bixinayaaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faa’iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah. Source: goobjoog.com
  4. Some foreign shop owners in Mamelodi have started packing up and leaving the township, saying they feared for their lives. Source: Hiiraan Online
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa turxan bixiyay shirka la filaayo in maanta uu ka furmaayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. C/weli Gaas waxa uu sheegay in shirka uu yahay mid muhiim ah, isla markaana uu aad uga duwan yahay shirarkii hore uga qabsoomi jiray Kismaajo. Waxa uu tilmaamay in ahmiyada shirka ay qeyb ka tahay in lagu soo bandhigo dal-daloolada dowlada waxa uun farta ku goday inay sii kordheyso khaladaadka dowlada. “Waxaa nagu sii kordhaaya khaladaadka dowlada waxaanu xaq u leenahay inaanu saxno khaladaadka jira maadaama ay dowladu garan weydo” Gaas waxa uu sheegay in DFS ay ku eedeynayaan laba arrin oo kala ah faragalin toosa oo ay ku heyso arrimaha doorashooyinka iyo inay isku ifineyso musharaxiinta qaar, waxa uuna cadeeyay in wixii dhiba ka imaada ay dusha saran doonto. Waxa uu farta ku goday in dhibaatooyinka ay ku kaceyso dowlada ay dhexli doonto natiijadeeda, waxa uuna ka digay faragalin iyo in leysku muujiyo musharaxiin hadda heshiis ah. Sidoo kale, Gaas ayaa dowlada Somalia uga digay inay wakhti ku lumiso arrimaha maamulada maadaama ay yihiin kuwo dhisan waxa uuna taa bedelkeeda soo jeediyay in wakhti la galiyo dhinacyada kale ee shaqooyinka u baahan. Haddalka Gaas ayaa imaanaya xili dowlada Somalia lagu eedeeyay inay wadato musharaxiin gaara oo u tartamaaya doorashooyinka Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shirka madaxda dowlad goboleedyada. Isniintii shalay ayeey ahayd in shirkan uu furmo balse cillado farsamo awgeed ayaa la xaqiijiyey in shirkan u baaqday. Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana shirkan looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka. Ammaanka guud ee Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo shalayna madaxda dowlad goboleedyada uu la kulmay Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Kooxo abaabulan ayaa asbuucyadii u danbeeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka bilaabay inay boobaan dhulka danta guud ee magaalada Garowe, waxayna kooxahan oo hubaysan si isdaba jooga ugu habsanayaan dhul ay leedahay Dawlada hoose ee magaalada Garowe iyo weliba dhul loogu tala galay danaha guud sida wadooyin iyo arimo kale oo muhiima. Dhulka ay kooxahani ku habsadeen waxaa kamida dhul weyn oo ay Dawlada hoose ee Garowe ku leedahay xaafadda Israac, dhul loogu talagalay in laga sameeyo aargo ama Barxad oo ku yaal agagaarka shirkadda korontada ee Nec iyo weliba dhul kale oo loo qorsheeyey arimaha bulshada. Mar xaladan oo kusoo beegantay xili magaalada loo doortay duq cusub ayaa la sheegayaa in kooxaha dhul boobka wada ay ku hubaysan qoryo, qaarkoodna waxaa la tilmaamayaa inay kamid yihiin Ciidamada Dawlada. Sida loo xaqiijiyey Warbaahinta PUNTLAND POST duqa cusub ee Garowe Axmed Barre Muuse ayaa dadaal ugu jira sidii kooxahan looga xakamayn lahaa dhul boobka ay ka bilaabeen caasimada, wuxuuna duqu kulamo la qaatay isimada iyo odayaasha magaalada isagoo kala hadlay sidii arimahan wax looga qaban lahaa. Lama oga cidda soo abaabushay dhalinyaradan boobaysa dhulka Danta guud, waxayse qaar kamida dadka ay arimahan kala sheekaysatay PUNTLAND POST tuhmaayaan inay ku lug leeyihiin masuuliyiin katirsan laamaha Dawlada wallow aysan jirin cid si dhaba u xaqiijin karta. PUNTLAND POST The post Kooxo abaabulan oo boob ku haya dhulka danta guud ee magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.
  8. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda siyaasadda arrimaha gobolka Afrikan ayaa wax ka weydiinay shirka magaalada Beijing uga furmay dalka Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Shirkani oo la magac baxay madasha iskaashiga Shiinaha Afrika ayaa ujeedku yahay sidii dalkaasi uu qaaradda uga sameyn lahaa maalgashi iyo mashaariicyo badan. Aqoonyahan Maxamed Caalim ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in Shiinuhu uu cunaha qabto dhaqaalaha Afrika. Shirkani oo ay ka qeyb galayaan 53 dal hoggaamiyeyaashooda oo Afrika ayaa lagaga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa kobaca dhaqaale ee dowladaha Afrikaanka ah oo ay Soomaaliya ku jirto. Caalim ayaa tusaale u soo qaatay in Shiinaha dalal uu horay u maalgaliyay ay dhacday in shaqaale dalkiisa u dhashay uu keensado taasoo meesha ka saaraysa in dadkii muwaadiniinta ahaa ay fursad u heli waayaan dhaqaalaha iyo kheyraadkooda. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/caalim.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Former Ethiopian minister Junedin Sado returned home on Monday after close to a decade in exile due to disagreements with the Ethiopian government. Source: Hiiraan Online
  10. Guddoomiyihii hore ee dowladda federaalka magaalada Marko oo sheegay in Koonfur Galbeed ay magaaladaasi u soo wakiilatay ayaa eedeyn u jeediyay maamulkaasi. Maxamed Cismaan Yariisoow oo soo noqday guddoomiyaha magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay ka baxday garabkiisa. Wuxuu sheegay in muddo Saddex sano ah uu ku sugnaa magaaladaasi isagoo la dagaallamayay Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay islamarkaana looga baxay ballan madaxda maamulkaasi ay uga soo qaadeen magaalada Baydhabo mar uu gaaray. “Koonfur Galbeed kama hayo, dhaqaale iyo taageero ciidan, iyaga ayaana ii soo wakiishay magaalada Marko” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee dowladda Soomaaliya ee magaalada Marko. HALKAN KA DHAGAYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUD-YARIISOOW-03-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. More than 294 000 acutely malnourished children are among some 1,5 million people facing a serious food security crisis in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia's terrorist group Al Shabab executed 418 attacks of different types in the last six months, a local publication reported. Source: Hiiraan Online
  13. Jalaluddin Haqqani, head of the Haqqani network insurgent group, has passed away, according to the Afghan Taliban. He led one of the most potent military factions operating in Afghanistan. Source: Hiiraan Online
  14. Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Talaado waxaa ka furmi doono shirka Madaxda maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya. Shirkaan oo shalay qorshuhu ahaa in uu ka furmo Magaalada Kismaayo ayaa dib u dhacay kadib markii madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka soo dib dhacay shirkaasi shalay galinkii dambana uu gaaray Kismaayo . Waxaa Kismaayo xaadir ku ah dhamaan madaxda maamul Goboleedyada Dalka Sida Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare , Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe. Shirkaasi ayaa waxaa shir gudoomin doono Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada ahna madaxweynaha Puntland Dr Cabduweli Maxamed Cali Gaas. Shirkaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa qeybsiga kheyraadka dalka, dib u dhiska ciidanka, xaalada dalka, iyo xiriirka dowladda iyo dowlad goboleedyada. Shirkaasi waxaa ka qeeybgalay ergeyga Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Micheal Keating oo isaga shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland. Shirkaasi waxaan ka qeeybgaleeynin madaxda ka socoto Dowlada dhexe ee Soomaaliya waxaana taasi ay u muuqataa in uu jiro qilaaf baahsan oo u dhaxeeyo dowlada dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo maanta ka furmaya Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  15. As more than 40 African heads of state arrived at the China-Africa Cooperation summit Monday, one figure stood out: $60 billion. That's how much additional funding Chinese President Xi Jinping promised the continent as the two-day summit got underway. Source: Hiiraan Online
  16. The carcasses of 87 elephants have been discovered near a Botswana protected sanctuary, killed and stripped for their tusks. Source: Hiiraan Online
  17. Not unlike Marquis de Sade, a psychiatrist has insisted that along with Donald Trump's narcissistic temperament, there is also a dangerous element of sadism involved in the president's actions. Source: Hiiraan Online
  18. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah ay ka dhacdo doorashada kursi kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kursigaan waxaa iska casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo 19-kii Bishii hore ee Agusto sheegay in uu ka tanaasulay kamid noqoshada Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa diyaar ku ah Xubnihii dooran Lahaa xubintaasi kamid noqon doonto Baarlamaanka Soomaaliya oo doorashadeeda ay ka dhaceeyso Dhuusamareeb. Waxaa Sidoo kale Dhuusamareeb Shalay galinkii dambe gaaray C/laahi Gaafow Maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee NISA ahaana Taliyihii hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo isagu doonayo in uu ku guuleeysto xilka uu baneeyay walaalkiis. Waxaa sidoo kale Magaalada ku sugan gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yareey oo goobjoog ka noqoneeyso qaabka ay doorashadaasi u dhaceeyso. Dhowaan sidoo kale Kismaayo iyo Baydhabo waxaa ka dhici doono doorashooyinka kuraas ka dhiman Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Doorashada kursi ka banaan Baarlamaanka Soomaaliya oo Dhuusamareeb ka dhaceeyso appeared first on Puntland Post.
  19. Waxaa si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika. Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika. Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood. Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale. Badi hindisayaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale. Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada. Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho. Sanduuqan $60 bilyan ah waxa uu ka kooban yahay $15 bilyan oo dayn bilaa dulsaar ah, $15 bilyan kale oo deeq ah, $20 bilyan oo dayn ah, iyo 5 bilyan oo lagu taageerayo badeecadaha laga soo dhoofiyo Afrika. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinging, wadahadalladii ay yeesheen ka hor intaanu dhicin shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxa ay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka. Soomaaliya waxa ay dadaal ku bixinayaaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faa’iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka faa’idaysanaysa Sanduuqa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Qaaradda Afrika appeared first on Puntland Post.
  20. Kulanka todobaadlaha ah ee guddi hoosaadka amniga golaha wasiirrada oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka, dib-u-habaynta ciidanka iyo dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada. Kulanka ayaa lagu shaaciyay in lagu guulaystay qorshahii ay soo bandhigtay wasaaradda amniga gudaha ee ciidamda hubaysan ee NISA loogu wareejinayay taliska booliiska. Iyada oo la tixraacayo go’aankii ay gaareen golaha wasiirrada 26-kii Luulyo 2018 ee farayay in ciidamada Booliisku la wareegaan hoggaanka sugidda amniga ayaa waxaa dhammaan ciidamada nabad sugidda iyo hubkoodii –marka laga reebo ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya – lagu wareejiyay taliska booliska Soomaaliyeed. Kulanka maanta oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha ciidamada ayaa sidoo kale looga hadlay dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada, gaar ahaan nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta shakhsiga, si loo fududeeyo xuquuqdooda. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qorshaha sugidda amniga iyo dib-u-dhiska garoonka ciyaaraha Muqdisho, waxaana taliska booliiska Soomaaliyeed uu soo bandhigay qorshe faahfaahsan oo suura gelinaya in garoonka lagu ciyaaro, ammaankiisana la sugo. PUNTLAND POST The post Kulanka Guddiga Amniga oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Kulanka todobaadlaha ah ee guddi hoosaadka amniga golaha wasiirrada oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka, dib-u-habaynta ciidanka iyo dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada. Kulanka ayaa lagu shaaciyay in lagu guulaystay qorshahii ay soo bandhigtay wasaaradda amniga gudaha ee ciidamda hubaysan ee NISA loogu wareejinayay taliska booliiska. Iyada oo la tixraacayo go’aankii ay gaareen golaha wasiirrada 26-kii Luulyo 2018 ee farayay in ciidamada Booliisku la wareegaan hoggaanka sugidda amniga ayaa waxaa dhammaan ciidamada nabad sugidda iyo hubkoodii –marka laga reebo ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya – lagu wareejiyay taliska booliska Soomaaliyeed. Kulanka maanta oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha ciidamada ayaa sidoo kale looga hadlay dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada, gaar ahaan nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta shakhsiga, si loo fududeeyo xuquuqdooda. Klanka ayaa lagu falanqeeyay qorshaha sugidda amniga iyo dib-u-dhiska garoonka ciyaaraha Muqdisho, waxaana taliska booliiska Soomaaliyeed uu soo bandhigay qorshe faahfaahsan oo suura gelinaya in garoonka lagu ciyaaro, ammaankiisana la sugo. Source: goobjoog.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Wargeyska Caanka ah ee The Telegragh oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shalay daabacay warbixin uu xoogga ku saarayo sida ay Somaliland ugu hirdamayaan Quwadaha cusub ee soo baxaya kuwaas oo kala ah xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaamiyo iyo xulufada Qadar iyo Turkiga. Wargeysku waxa uu sheegay in loolanka awoodahan cusub dhexmaraya waxba ka duwanayn loolankii dagaalkii qabooba ee awoodihii Maraykanka iyo Ruushku kala hoggaaminayay ku dhex maray Geeska Afrika laakiin, halka ugu muhiimsan ee hadda lagu hirdamaya tahay dekedda Berbera ee Somaliland. Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland dheehanayso faa’iidada ugu jirta mashaariicda Imaaraadka ee dekedda Berbera iyo cilaaqaadka xulufada Sucuudiga laakiin, ay jiraan haliso ku lammaan, sidoo kalena Imaaraadku dano dhaqaale iyo faa’iido ka helayo dekedda Berbera oo la filayo in uu dhawaan ka dhigo marinka ugu muhiimsan ee gobolka isaga oo ballanqaad ka haysta suuqa dihin ee Itoobiya. “Imaanshihii DP World wuxuu noo horseeday faa’iidooyin badan. Waxay kalsooni gelinaysa maalgashadeyaasha kale ee shisheeye. Waxay Berbera ka dhigaysa xuddunta Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe waxaanay dhaqaalahayaga kor u qaadaysa 30%,” Sidaas ayuu yidhi maareeyaha dekedda Berbera Xasan Cabdillaahi. Xukumadda Somaliland ayaa aamminsan in ay si weyn uga war qabto halista ay leedahay in ay fagaare lagu loolamo noqoto qarnigii 21-aad laakiin, ay fahansan tahay in faa’iidada ay ka helaysa badan tahay “Heshiiskan waxaanu ka helayna Waddo, waxaanu ka helayna maalgashi dibadeed, waxaanu ka helayna shaqo maaddaama dalka 75 dadku aanay shaqo caadi ah hayn,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire. Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay in uu fahansan yahay in aanay bilaash ku helayn faa’iidooyinkan laakiin, ay daba socdaan dano laga leeyahay Somaliland “Waanu ognahay in aanan helayn qado bilaash ah, waxaa jira walaacyo ka dhan ah Qarannimada, waxa dhulkayaga loo isticmaali kara garoon lagala dagaallamo dad kale, taas oo na gelin karta halis ah aargoosi ( in naloo waxyeeleeyo aargoosi) laakiin, waxaanu rumaysan nahay in faa’iidadu ka weyn tahay qiimaha,”Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad. Dhinaca kale todobaadkii hore Mr Michael Rubin oo ka tirsan machad Mufikiriin ah oo Maraykanka ka dhisan horena uga mid ahaa waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa qoray qormo dheer oo uu ciwaankeedu ahaa in Maraykanku aqoonsado Somaliland inta aanu Ruushku aqoonsan. Qormadan wuxuu si weyn ugu dooday in Somaliland haysato dood ama kiis lagu aqoonsan karo iyada oo ujeedkiisu ahaa in Maraykanku ka sii hor dago Ruushka oo la hadal hayo in uu Somaliland ku soo maqan yahay. Warbixin taasi daba socota ayaa dorraad lagu daabacay Geopolitics Alert oo Maraykanka fadhigeedu yahay waxaana lagu darsay in Maraykanku dib u bilaabayo loolan ku aaddan in uu ku lug yeesho Geeska Africa waxaana si gaar ah loogu soo qaatay Somaliland iyo in Maraykanku qaadi karo tallaabada uu soo jeediyay Mr Mihael Rubin ee ah in Marayku citiraafo Somaliland. ” Xaqiiqdii waxa jirta xog baahsan oo ah in Ruushku qorsheeyay Saldhig uu doonayo in uu Somaliland ka dhisto, islamarkaana $250 Milyan oo dollar doonayo in uu ku maalgashado shidaalka Somaliland laakiin, wali Ruushku arrintaasi si furan ugama hadlin,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay qortay Randi Nord oo ah saxafiyadda aasaastay Geopolitics Alert kana faalloota arrimaha Bariga Dhexe ee Geeska Afrika. Waxa ay intaasi ku dartay in runtu tahay in Somaliland waddamo badani indhaha ku hayaan, kuwaas oo sababtu tahay Saldhigyada Militari iyo meesha muhiimka ah ee Somaliland ku taallo oo ku dhereran gacanka Cadmeed. Sida oo kale Somaliland ayaa sanadahan noqotay xudun caalami ah oo rajo sare laga qabo in laga helo shidaal ama tamar kuwaas oo ay sahankooda iyo soo saaristooda ku hawlan yihiin shirkado waaweyn oo caalami ah sida Genel Energy oo Ingiriiska iyo Turkiga fadhigeedu yahay iyo TGS–NOPEC Geophysical Company oo Norway laga leeyahay. Warbixintu waxay sheegtay in haddii Somaliland laga helo shidaal ay sii laba jibaarmayso danta ay dalalka shisheeye ka leeyihiin Somaliland. Warbixinta ayaa tilmaantay in caqabadaha ka hor iman kara Maraykanka haddii uu citiraafo Somaliland ay tahay in Soomaaliya xidhiidhkoodu xumaan doono halkaas oo uu ka wado la dagaallanka kooxaha Islaamiyiinta ah. Sidoo kale wakaaladda Reuters ayaa dhawaan warbixin ay ka qortay awoodda cusub ee Imaaraadku ku fidinayo dunida waxay ku soo dartay Somaliland oo ay ku tilmaantay in ay meelaha muhiimka ah ka mid tahay. Loolanka dalalka shisheeye ayaa imanaya xilli dadka siyaasadda odorosa u arkaan in Somaliland u nushahay xulufooyin ku hirdama maaddaama kala qaybsanaan siyaasi ah oo gudaha ah jirto, islamarkaana la kala jiidan karo qaybaha bulshada.
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Sawirka boorka shirka iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya ee maanta ka furmaya Kismaayo ayaa muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka. Sawirkan ayaa aad uga duwan kii sanad ka hor, markaasi oo ay ka muuqdeen madaxda maamul goboleedyada oo safan, balse uu dushooda ku dheggan yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa dad badan sawirkaas ay u fasirteen in madaxdu isla qireen inay yihiin madax maamullo oo hoos yimada madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa markan muuqata in sheekada ay sidaas ka duwan tahay. Waxaa sawirka shirka sanadkan ee Kismaayo gabi ahaanba ka maqan madaxweyne Farmaajo, taasi oo dad badan u arkeen in khilaafka labada dhinac uu gaaray meel aad u xun. Waxaa si gaar ah isugu xun Jubaland oo shirka marti-gelineysa iyo dowladda dhexe. Haddaba hoos ka arag labada sawir ee bal isku barbar dhig.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliye ku-xigeenka NISA ee degmada Howlwadaag Axmed Kheyr Cadow oo u waramaayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ay baahiyeen inuu ahaa ninkii isku Qarxiyay Xarunta Degmada Howl-wadaag. Axmed Kheyr Cadow, oo ka qeybqaadanayay Barnaamijka Dhacdooyinka ee habeenkii ka baxa Idaacada Risaala ayaa sheegay in Bogga Radio Dalsan lagu daabacay Sawirkiisa oo lagu dul qoray inuu ahaa ninkii isku miidaamiyay Xarunta Degmada. Waxa uu Taliye ku-xigeenka Axmed Kheyr Cadow sheegay in dhammaan baraha bulshada uu ku baahay Sawirka iyo magaciisa oo dusha looga qoray inuu ahaa ninkii ka danbeeyay Qaraxa Xarunta Degmada, hase yeeshee uu aad uga xun yahay in lagu xadgudbo qof ka shaqeynaaya amniga, hadana lagu tilmaamayo in isla degmadiisa uu ka fuliyay ismiidaamin. “Aad ayaan uga xumahay in Idaacada dalsan ay iga baahiso inaan ahaa ruuxii isku Qarxiyay xarunta degmada, waxaan ka fiirsasho laheyn in anigoo ah Taliye ku-xigeenka degmada hadana aan geysto ismiidaamin” ayuu yiri Axmed Kheyr Cadow. Axmed Kheyr Cadow, ayaa sheegay inuu aad ula fajacay warbixinta ceynkaasi, waxa uuna cadeeyay in fal celintiisa ay noqoneyso dacwad uu Maxkamada ka geyn doono Idaacada baahisay arinkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in dacwada Idaacada uu u gudbin doono Maxkamada maadaama ay meel kaga dhaceen sharafkiisa, sida uu yiri. Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka NISA ee degmada Howl-wadaag Axmed Kheyr Cadow, ayaa sheegay inuu aad uga carooday in isagoo ku shaqo leh amniga degmada hadana lagu tilmaamo dhagar qabe isku miidaamiyay arday iyo dad shacab ah, waxa uuna ku celcelshay inuu gudbinaayo dacwad heer Maxkamadeed,sida uu warkiisa ku sheegay. Hoos ka dhageyso wareysiga Axmed Kheyr https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Taliye-ku-xigeenka-NISA-Howl-wadaag.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu waxa uu fursad walba uga faa’ideystaa in uu sheego in dalkiisa uu heer wanaagsan ka joogo hagaajinta xiriirka kala dhexeeya dalalka waa weyn ee Carabta, isaga oo si cad ula jeeda Sacuudi Carabiya. Ilo ku dhaw Netanyahu waxa ay sheegeen in dadka kor joogeeyeyaasha ay arkaan in uu xiriir laba geesood ah ka dhexeeyo Tel Aviv iyo Riyadh. Waxaa iyadana arintan qiime u yeeleysa in Riyadh aysan beenin xaqiijinta Israel ee xiriirka Sacuudi Careebiya kala dhexeeya ee caadiga noqday. Xiriirka ay Israel la leedahay ma muujinayo istaraatijiyad cad iyo hadaf waana sida ka muuqata aragti la’aanteeda xulashooyinkeeda siyaasadda arrimaha diadda. Tani waxa ay la micne tahay in midowga Sacuudiga iyo Israel ay ka turjumeyso baahida Riyad ay u qabto saaxiib leh miisaan iyo saameyn sida Telaabiib xilli ay Sacuudiga la kulantay guuldarrooyin is xiga oo gobolka ah. Sidoo kale waxa ay guuldarro kala kulantay iska caabinta Iran iyo yareynta baahidda saameynteeda iyo awooddeeda ee guud ahaan gobolka oo dhan. Shaki kuma jiro in Israel la midowga Sacuudiga ka faa’ideyso. Isku dayga Sacuudiga ee ay ku rabto danaha laba darafka ah iyo waxyaabaha kale waxa ay ka dhigan tahay in Israel noqotay qeyb ka mid a xalka. Qirashadan wali Israel kama aysan helin dal Carab ah tan iyo markii uu curtay dagaalka Falastiin. Sacuudiga waxa uu heshiiska ay Israel la galeen u arkaan in uu hakin doonno Iran iyaga filaya in ay Israel dagaal la gasho Iran haddii ay heerkaas gaadho. Hase yeshe, aragtideyda sidaas ma dhici doonto maadama danaha dagaalka ay Israel ka leedahay Iran wey caddahay oo kuma darsanayaan difaacidda Sacuudiga. Israel waxaa u yaal khad guduudan waxa ayna diyaar u tahay in ay cudud ciida adeegsato haddii ay Iran ku soo tallowdo khadka guduudan ee Israel. Tani waxa ay ka dhacday Suuriya todobadii sano ee u dambeeyey. Netanyahu: Hagaajinta xiriirka Carabta waxaa xiga nabad Waxaa taas u dheer in Israel ay aqbalaad muhiim ah ka hesho dal ku yaal bartamaha Carabta, xiriirka Israel waxa caawin doonaa sii dheereynta rejo la’aanta iyo jahwareerka qalbiyada Falastiiniyiinta, kuwaas oo ay Israel isku dayeyso in ay u diiddo xuquuqdooda iyada oo uga faa’iideysaneysa is fahanka ay la gaartay Sucuudiga. Israel waxa ay sidookale darseysaa xaaladda gobolka, iyada oo ay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta ay gaareen go’aanka ah in qadiyadda Falastiiniyiinta ay tahay ahmiyadda ugu hooseysa, dalalkaas waxa ugu horreeysa Sucuudiga, sidaas daradeed heshiiska Sucuudiga waxa ay keeni kartaa in Sucuudiga ay dhaqaale ugu adeegsato in ay Falastiiniyiinta ay si bilaash ah ugu tanaasulaan Israel. Muddo yar kahor, Taliyaha ciidamada xoogga Israel iyo Wasiirkii difaaca Moshe Ya’alon waxa ay qoreen maqaal muhiim ahaa oo lagu daabacay machadka barashada ammaanka ee Jaamacadda telaabiib waxa ay uga hadleen danaha Sucuudiga ka leeyahay heshiiska Israel. Aragtidiisa Sucuudi Careebiya ma laha xulasho laakiin qirashada taag darideeda ku saabsan iska caabinta Iran, sidaas daraadeed waxa ay go’aansatay in ay istaraatijiyad laba daraf ah la gasho Israel si loo handado Iran. Sida uu caqliga sheegayo, Sacuudiga waxa ay ka qeyb qaada kartaa heshiisiinta Israel iyo Falastiiniyiinta, laakiin ma sheegin sida ay ku dheceyso! Israel waxa ay diiday qorsheyaasha Carabta ee heshiisiinta Falastiin iyo Israel oo xalkiisu noqonayo dhisidda labada. Haddii si kale loo dhigo, Israel waxa ay raadineysaa saaxiib Cara ah oo ogolaanaya in meesha laga saaro qadiyadda Falastiiniyiinta si ay Israel ugu ogolaato is ballaarin iyo ilaalinta Yuhuuudda iyo dowladooda. Maxaa ka shisheeya xiriirka la hagaajiyey ee Israel Gunaanad, Marka laga fiiriyo guulaha iyo khasaaraha, Israel ayaa noqoneysa midda guusha ugu weyn hesha si kasta oo loo hagaajiyo xiriirka dal sida Sucuudi Carabiya u weyn una meeqaab sarreeya. Ma aaminsani in qorshaha Sucuudiga uu ku jiro ka faa’ideysiga heshiiska in ay uga faa’ideystaan ku qancinta Israel cadiqadda Falastiiniyiinta, oo ah arrin ay aad uga dharagsiin yihiin hoggaamiyeyaasha Israel iyo Sucuudiga. Maqaalkan waxaa lagu daabacay Mareegaha Al-Sharq 3-dii Agoosto, 2018. Waxaa Soomaali u bedelay Mohamed Muse Aden (Moh’ed Kaafi).