-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Kadib Wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Amniga Soomaaliya ee Muqtaar Roobow looga mamnuucay inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa hogaamiyahan hore u ahaa Shabaabka wuxuu u muuqda inuu dhegaha ka fureystay warka dowladda, uuna sii wato ololihiisa. Roobow ayaa shalay magaalada Baydhaba kulan kula qaatay qaar ka mid ah waxgaradka iyo dayaasha dhaqanka magaalada Baydhaba, iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Dhinaca kale Roobow ayaa xildhibaanada Koonfur Galbeed shalay diray farriin ku saabsan ololahiisa doorashada iyo inuu qaban doono xaflad weyn oo si rasmi ah uu ugu shaacinayo musharaxnimadiisa maanta. Si kastaba lama oga tallabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya hadii Muqtaar Roobow uu kusii adkeysto inuu u tartami doono madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaama sidoo kale wax jawaab ah weli laga hayn madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan lagau saleeyey heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta la saaray ee falalka argagixiso. Caasimada Online Xafiiskii Baydhaba Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dalka Qatar inay dalka ka dhoofsadaan nooc ka mid ah duur-joogta, sida ku cad qoraal ay heshay warbaahinta. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qatar loo fasaxay inay Soomaaliya ka dhoofsadaan 14 noole duurjoog ah, gaar ahaan sagaarada, oo ah xoole hilibkiisu aad u dhadhan macaan yahay. Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay 14 Sagaaro, kuwaasoo la sheegay in la baaray caafimadkooda. Amiirada dalalka Khaliijka ayaa si weyn caan ugu ah ugaarsiga, waxaana hadiyad lagu siiyaa Duurjoog kala duwan, sida ka dhacay Somaliland iyo dalal badan oo Afrikaan, laakiin waa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu fasaxo mudooyinkan danbe. Ma cadda, haddii arrintan tahay mid hal mar-dhacday iyo inay jiraan kiisas kale oo la mid ah oo Qatar loogu fasaxay dhoofsiga duurjoogta Soomaaliya, kuwaas oo aan laga warqabin.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay bah-dilaad culus ku sameeyey boqorka dalka Sacuudiga, laba maalin ku kadib markii uu sharafta ka qaaday ee uu yiri “Mareykanka la’aantiisa xukunka ma aadan haysateen xitaa laba toddobaad”. Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah. “Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku iri ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yiri Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in kadib wada-hadalkiisa boqor Salman, ay boqortooyada Sacuudiga ogolaatay inay lacagta kodhiso. Ayada oo ka jawaabeysa bah-dilaadda joogtada ah ee uu Trump ku hayo, ayaa Iran waxay qaaday tallaabo aan caadi ahayn oo ay gacan ugu fidineyso Sacuudiga “Madaxweyne Trump wuxuu si joogto ah u bah-dilayaa reer Sacuud, isaga oo leh, la’aanta taageeradiisa laba tododbaad xukunka ma joogi karaan. Tani waa abaal-marinta dhallanteedka ah in qof amnigiisa uu sugi karo qof kale” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waxa uu intaas ku daray “waxaan mar kale gacan u fidineynaa deriskeena, aan dhisno gobol xooggan, oon joojinno isla-weynida”. President Trump repeatedly humiliates the Saudis by saying they can’t last 2 weeks without his support. This is the recompense for the delusion that one’s security can be outsourced. We again extend our hand to our neighbors: let’s build a “strong region”, and stop this conceit. pic.twitter.com/pKEreBBbNN — Javad Zarif (@JZarif) October 4, 2018 Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qafaashay Hub u socday ciidamo ka tirsan Booliska oo Saldhig ku leh deegaanka Lafooy oo ku dhow Mandheera. Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa saarna Gaari qafilnaa oo ay wehlinayeen ciidamo Kenya ah xili ay kusii jeeden Saldhiga, isla markaana ka baxeen Xero ciidan oo aan ka fogeyn Lafooy. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa jabadka uga soo baxay gariga iyo ciidamada la socday waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka dhacay Hubka ay hoostagan Horjoogaha Al-Shabaabka Kenya Sheekh Axmed Iimaan Cali. Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay u badnaayen Rasaas noocyo kala duwan ka kooban waxa ayan sidoo kale maleeshiyaadka qoryaha horay uga sii furteen ciidamadii ilaalinaayay Hubka oo qaarkood ay sii ka xeysteen. Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayaan macluumaad muujinaaya in Hubkaasi la geeyay goob ay ku dhuuntaan Al-Shabaabka oo aan ka fogeyn deegaanka Lafooy. Waxa ay sheegen Saraakiisha inay ku howlan yihiin soo badbaadinta Hubka iyo Gaariga, iyagoo intaa raaciyay in ciidamo tababar gaara heysta ay u direen halka lagu hayo Hubka. Dowlada Kenya ayaa dhibaatooyin badan kala kulmeysa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weeraro toosa ka geysta gudaha iyo gobolada Kenya kuwaa oo qaarkood ay ku naf waayan Saraakiil ka tirsan Kenya. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaabka ka amar qaata Horjooge Axmed Iman ayaa dhowr jeer ciidamada Kenya ka furtay Hub, Gaadiid, halka ay nolosha ku kaxeysteen Askar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sen. Susan Collins (R-Maine) and Sen. Joe Manchin III (D-W.Va.) said Friday that they will vote to confirm Judge Brett M. Kavanaugh, likely ensuring that President Trump’s nominee will ascend to the Supreme Court after a bitter partisan fight that has included allegations of decades-old sexual misconduct. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Caawa aqbalay Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isla caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiyaha maamulka oo ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka. Waxa uu Gudoomiye Cismaan sheegay in Xildhibaanada Mooshinka gudbin karta isla markaana uu Dastuurka qabo ay tahay 33, balse iminka ay ku saxiixan yihiin 57-Xildhibaan. Waxa uu sheegay in uu aqbalay ka gudoon ahaan Mooshinkaas, maalmaha soo socdane la guda geli doono, si dhinac loogu rido Mooshinka. Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Hogaamiye Waare ayaa ku eedeeyay inuu cuuryaamiyay hormarka Deegaanada Hir-Shabeelle sida ay hadalka u dhigeen. Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare kama hadlin Mooshin, waxaana Muddooyinkaan socday Guux siyaasadeed la xiriira Mooshinkaan.
-
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Mooshinka oo taariikh ahaan xildhibaannada ay gudbiyeen 15-08-2018 ayaa iminka laga qabtay. Afhayeenka baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka guddoomay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Waare. Mooshinkani kalsooni kala noqoshada ee laga gudbiyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa loo cuskanayaa eedeymo dhowr ah sida in madaxweynuhu uu ku kacay ku tagrifal awoodeed, musuq hanti qaran, xil gudasho la’aan iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojisay inuu xilka Madaxtinimo ee maamul Goboleedka Koofur Galbeed isu soo sharraxo, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur), markii uu Shalay ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweyne-nimo ee K/G Soomaaliya. Roobow Abuu Mansuur ayaa August 13, 2017 isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalana waqtigaas ka hor ayey Dowladda Mayrekanka ka saartay Liisk Argagixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Roobow dalbaday cafis isla markaasna uu aqbalay inuu Dowladda isku soo dhiibo, sidoo kalana waxay dowladda ballan qaaday Amaankiisa oo ay u wakiilatay Maamulka Koonfur Galbeed. Haddaba Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah maxay tahay Sababta kaliya loo ugaarsanayo Roobow looguna diidan yahay inuu isku soo sharaxo Maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay jiraan xubno ka tirsanaa Shabaab haddana ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xubnaha Shabaab horey uga tirsanaa iyo midowgii Maxkamadaha ee haddana kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah: Shiikh Shariif: Inkastoo Markii Shabaab soo baxayeen uusan ururkaas ka tirsaneyn haddana wuxuu ahaa sanadkii 2004-2006 Hoggaamiyihii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka hirgalay Muqdisho iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna mar galay Liiska Agrgixisada iyadoo markii damabana laga saaray Liiskaas sidaasna uu ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya . Shiikh Shariif ma jirin cid ka hor istaagtay inuu u tartamo xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya maadaama uu maxkamadihii ka tirsanaa kana mid ahaa dadka uu Mareykanka doon doonayey iyadoo weliba uu madaxweyne noqday xilli ay Shabaab xoog ku lahaayeen Muqdisho iyo Bartamaha Soomaaliya. Axmed Madoobe: Axmed Maxamed Islaam waxaa uu ku soo caan baxay Xiligii Maxaakiimta Islaamiga 2005/2006-dii, Madoobe waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolada Jubbooyinka, waxaa sidoo kale la shaqeyn jiray Afhayeenka maxkamadaha Jubbooyinka sheekh Ibraahin Shukri iyo Sheekh Ismaaciil Caraale. Markii Maxakiimtii laga saaray Kismaayo, Waxaa uu saldhig ka dhigtay Xadka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo halkaas la joogay garab hubeysan oo lagu magacaabi jiray Raas Kambooni, Axmed waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Raas Kambooni, kooxdan ayaa qeyb ka ahaa ururka Xibsul Islaam. Axmed Madoobe, waxaa uu dagaal kula jiray xilligaas dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Xitaa Mareykanka, mid ka mid ah dagaalladaas ayuu ku dhaawacmay kadibna waxaa lagu daweeyay dalka Itoobiya. Axmed Madoobe waxaa uu sidoo kale la dagaallay Al-shabaab, Sheekh Xasan Turki oo ay xulufo soke ahaayeen waxaa uu taageeray Al-shabaab balse Madoobe ciidamadiisa ayuu kala baxay Kismaayo, isagoo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la galay Al-shabaab. Intii uu socday dagaal-ka Madoobe iyo Al-shabaab, waxba isuma reeban labada dhinac, Al-shabaab waxaa ay ku eedeysay Madoobe in uu Itoobiya garab ka helo, Xisbigii uu ka tirsanaa Madoobe ee Xisbul Islaam waxay ku biireen Al-shabaab, Axmed waxaa uu xulafo la noqday Ahlu-sunna iyo dowladda Soomaaliya. Muddo markii uu socday dagaalka Madoobe iyo Al-shabaab, waxaa dagaalka soo gashay Kenya iyo Gen. Gaandi oo bishii April 2011 isaga iyo ciidamo uu hogaaminaayo oo garab weyn ka helay Militariga Kenya ay Kismaayo ka qabsadeen Al-Shabaab, kadib dagaal muddo dheer qaatay oo laga soo waday Badda iyo Barriga, Gandi ayaa horkacayey maamul loogu magac daray AZANIA, oo ka talinayey Jubbooyinka 2011-dii ilaa 2013-kii. Axmed Modoobe, waxaa uu meesha ka saaray AZANIA isagoo dhisay Jubbaland, Maamulka hadda loo yaqaano Jubaland waxaa la dhisay 15-may 2013, kadib 500 oo ergo ah isugu yimaadeen magaalo madaxda Jubada Hoose ee Kismaayo, iyagoo u doortay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland. Madoobe waxaa uu aqoonsi ka helay dowladda Federaalka ee Soomaaliy, Bishii Augusto 2013-ka Dowladda iyo Maamulka Jubaland ee Madoobe ayaa heshiis ku gaaray magaalada Adis Ababa, Waxaa labada wafdi kala hogaaminayey Madoobe oo Jubaland ah iyo Faarax Sheekh C/qadir oo wakiil ka ahaa Dowladda Xasan Sheekh. Haddaba Axmed Madoobe looma diidin inuu Qabto Maamulka Maamul Goboleed kamid ah Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah inay Dowladda Maanta is hor istaag ku sameyso Roobow Abuu Mansuur oo la filayo inuu seddexdaas Gobol ka sifeeyo Al-Shabaab. Zakariye Ismaaciil xirsi: Zakariye wuxuu Horey usoo noqday Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab kuwaas oo nolosha dhaafiyey Kumamaan qof oo Soomaali, markii uu Al-Shabaab kasoo goystay waxaa lagu daray Nabad Sugidda iyadoo ugu dambeyn loo magacaabay Taliyaha qeybta Sirdoonka Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA. Hay’addaan oo ah meesha laga ilaaliyo Dalka Soomaaliya ayaa lagu aaminay Zakariye oo soo noqday Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab, sidoo caqli gal ku tahay in Roobow loo dhiibo Maamulka Koonfur iyadoo weliba la ogyahay inay isaga iyo AL-SHabaab kala go’eyn oo uusan marnaba ku laaban karin. Jen. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Koofi Wuxuu ka tirsanaa Ururadii Al-Shabaab iyo Xisbula Islaam, welina ma dhicin inuu dadka soo hor istaago isla markaasna uu ka dalbado cafis, saas oo ay tahay waxaa lagu aaminay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ah Meesha laga koontaroolo dadka dalka ka baxayo iyo kuwa soo galayo, mana jirin cid ka hor imaaday in xilkaas loo magacaabo maadaama uu sheegay inuu kasoo goystay Al-Shabaab. Gabagabo: Waxaan ugu dambeyn anigoo ah qoraalka Warbixintaa Dowladda Soomaaliya kula dardaarmi lahaa inay Roobow u ogolaato musharaxnimadiisa Koonfur Galbeed, maadaama aan anig ahaan u arko inuu yahay nin u qalmo xilkaas isla markaasna dadka Koonfur Galbeed u horseedi karo Nabad iyo in dhulalka maamulkaas laga sifeeyo Ururka Al-Shabaab oo ah caqabadda koowaad ee hortaagan Dowlanimada Soomaaliya. Roobow ayaa leh xirfad ciidan, mid maamul iyo inuu karti uu dadka Koonfur Galbeed uga dhaadhacsiin karo inay deegaanadooda ka horeeyaan Ururka Al-Shabaab ee Nolosha iyo horumarka u diidan. W/qoray: Ibraahim Cali Yarow Ibrahimyarow114@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Gudoonka Golaha shacabka maamulka Hir-Shabelle ayaa goordhow oo caawa ah aqbalay mooshin laga soo gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir Shabelle Sheikh Cismaan Barre ayaa aqbalay caawa in mooshinkaasi cod loo qaado. In ka badan 50 Xildhibaan oo katirsan baarlamaanka maamulka Hir Shabelle ayaa soo gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Hir Shabelle ahna gudoomiye ku xigeenka Kutlada maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoonka Hir Shabelle oo Aqbalay Mooshinka Madaxweynaha Maamulkaasi appeared first on Puntland Post.
-
Waa arin ku cusub maqalka dhagaha Dadka Soomaaliyeed in dad shacab ah ay dilaan sarkaal sare oo katirsan Al-Shabaab. Arintaan ayaa maanta waxa ay ka dhacday Duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya. Dad shacab ah oo u badan dhalinyaro ayaa dilay Axmed Nageey oo kamid ahaa saraakiisha Al-Shabaab ee maamusha Gobolka Sh/Hoose. Waxaa ismaandhaaf uu soo kala dhexgalay sarkaalkaasi iyo dhalinyarada kadib markii uu isku dayay in uu joojiyo Turub ay ciyaarayeen dhalinyaradaasi. Sarkaal dhintay ee Al-Shabaab ayaa kadib dhowr xabo Bastoolad ah ku riday dhalinyaradii. Dhalinyaradii ayaa falkaasi ka carooday iyaga oo xoog kaga qaatay Bastooladii uu watay kadibna isagii ku dilay. Dhalinyaradii falkaasi geeystay ayaa isaga soo cararay waxaana goobtaasi gaaray ciidamo katirsan Al-Shabaab oo qaatay maydka sarkaalka la dilay. Dadkii ayaa iminka waxaa soo wajahay cabsi ay ka qabaan weerar ay soo qaadaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dad Shacab ah oo Toogtay Sarkaal sare oo katirsan Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaray gobolka Gal-Gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in caruur ay u geeriyoodeen miino ay ku ciyaarayeen. Falkaasi naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Bali-cad oo oo in ka badan 10- km dhinaca Waqooyi kaga beegan deegaanka Dhabbad ee Gobolkaasi Galgaduud. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 2 caruur ah xili ay gar gaaraaceen Miinadaasi oo kamid aheyd haraadiga waxyaabo qarxa oo ka haray dagaaladii soo maray Gobolkaasi. Caruurtaan geeriyooday ayaa waxa ay yihiin labo wiil oo walaalo ah oo isku xigay da’doodana lagu sheegay 15 iyo 14-Jir. Dhowr jeer Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxaa ka dhacay dhibaatooyin ceenkaan oo kale kadib markii caruur da’yar ay gar garaacaan Miino kadibna ay ku qaraxdo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Caruur ku Geeriyootay Miino ay ku Ciyaarayeen Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Maxkamada Kenya ayaa amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Haweeneyda lagu magacaabo Hania Sagar oo uu ka dhintay Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Sheekh Aboud Rogo Maxamed. Qaaddiga Maxkamadda sare ee magaalada Mombasa Dalka Kenya Dora Chepkwony ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay danbiyo ku waayen Xaaska uu ka dhintay Horjoogaha oo sanadii 2012-kii ay dileen Ciidamada Kenya. Qaadiga ayaa sheegay in xariga Hania Sagar uu ahaa mid ku saleysnaa argagixisonimo, hase yeeshee xogaha lagu qabtay oo ahaa mid qabyo ah, sidaana ay ku muteysatay in Xabsiga laga sii daayo. Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Kenya Haweeneyda Hania Sagar ayaa Bishii February ee Sanadkan 2018-ka racfaan ka qaadatay Maxkamadda sare ee Mombasa, iyadoo sheegtay in xukun 10-sano ah uu si cadaalad darro ah ugu dhacay. Waxa ay intaa raaciyeen qoraalkooda in Hania Sagar ka hor inta aan la xukumin lagu oogay in Haween saddex ah oo weeraray Saldhig Booliis Magaalada Mombasa 2016-kii. Sidoo kale, Hania Sagar ayaa sheegtay in danbigeeda uusan aheyn mid argagixisonimo, hase yeeshee ay aheyd Hooyo lagu cadaadinaayay inay qirato danbiyo aysan laheyn. Si kastaba ha ahaatee, Xabsiyada Kenya ayaa waxaa labadii sano ee ugu danbeysay buux dhaafinaayay Haween loo heysto kiisas argagixiso. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Maamulka magaalada Buuloburde ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in cabsi amni ay ka jirto magaaladaasi. Todobaadkani waxaa qaraxyo kale duwan ay ka dhaceen degmadaasi, kuwaas oo la soo sheegayo inuu ka dhashay khasaare, islamarkaana masuuliyadda ay sheegatay Xarakada Alshabaab. Guddoomiye xigeenka degmadaasi Liibaan Cabdi oo la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in wax qalqal amni oo ka jira magaalada uusan jirin. Waxaa uu dafiray qaraxyo ka dhacay degmada Buuloburde oo ah caasimadda labaad ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo lala eegtay mid kamid ah ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti. Guddoomiye xigeenka Buuloburde ayaa ka dhawaajiyay in dhowaan ay ay furi doonaan wadada isku xirta magaalooyinka Buuloburde iyo Baladweyne. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GUD-XIGEENKA-BUULOBURDE-05-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ENG. ayaa ku dhawaaqay shir beeleed ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ENG. Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlayay magaalada Hargaysa ayaa quus ka muujiyay doorashooyinka golaha degaanka iyo wakiillada oo dhowaan ka qabsoomaya Somaliland. Faysal ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay xukuumadda Muuse Biixi madaxweynaha ka yahay ay ugu diyaargaroobeyso doorashooyinkaasi. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Somaliland ay dib ugu laabanayso wixii ay ka soo gudubtay, islamarkaana maanta halka ay marayso aynaan jirin meel ka xun. Wuxuu sidoo kale carrabka ku dhuftay in shir beeleed ay ku dhawaaqi doonaan isagoo ku goodiyay Muuse in uusan kursiga madaxtinimo ku sii fadhinaynin. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-FAYSAL-WARAABE-05-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Masuuliyiinta deegaanka Gerileey ee Gobolka Gedo oo Codsadey Gurmad Daawo. Ilaa lix qof ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunno kala duwan ugu geeriyooday deegaanka geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo, una dhow Xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli xarumo caafimaad oo shaqeeya aanay ka jirin deegaankaasi. Hilowle Maxamed oo ah Guddoomiye Ku xigeenka deegaanka Gerileey oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay dadka deegaanka xilligan in ay wajahayaan Cuduro soo ridanaya,kuwaasi oo qaarkood ay u dhinteen ,halka kuwa kalena ay u jiifaan,waxuuna ka Codsadey hay,adaha Samafalka iyo Waxgaradka Gobolka in ay gurmad bini,aadinimo ay la soo gaaraan dadka deegaanka. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Geriley-dad-Cuduro-ugu-geeriyoodey-maalmahiii-ugu-dambeeyey.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shir ballaaran oo looga hadlayay Horumarinta iyo Amniga Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa galabta ka qabsoomay Magaalada Garowe. Shirkaan waxaa goob joog ahaa Wasiirada, Caafimaadka, Kua xigeenka Arimaha gudaha, Warfaafinta, Maamulka degmada Garowe, kan golka Nugaal, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Nabadoono Aqoonyahano iyo Waxgarad kale. Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ayaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay waxaa intii uu socday diiradda lagu saaray horumarinta magaalada iyo amniga oo la xoojiyo. dhinaca kale shirka waxaa lagu soo bandhigay Sanduuq cusub oo horumarineed oo Caasimaddu yeelanayso ,kaasoo dhammaan ka soo qaybgalayaashu ay soo dhaweeyeen, isla markaana ah mid la doonayo in dadweynuhu ka qayb qaataan oo dhaqaalo ku ridaan,si uu qayb uga noqdo horumarka la hiigsanayo. Guddoomiyaha gobolka Nugal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo khudbad ka jeedinayay shir wadatashi ah oo looga hadlayay Horumarka iyo Amniga Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay in shirkaan u jeedkiisu yahay Amniga guud ee gobolka Nugaal, gaar ahaana Caasimadda. “Waa midda ugu horaysee inaan wax iska waydiino sidaan amniga gobolka gacan bir ah ugu qaban lahayn, gaar ahaan caasimadda, oo caasumaddu u noqon lahayd magaalo leh, magaamkii caasimadeed, magaalo nabdoon, oo lagu soo hirto, oo Soomali iyo ajnabi ay soo booqdaan, ku noolaadaan, ka shaqaystaan, maal gashadaan, oo noqoto meel mudan in lagu noolaado, la maalgaashado, loo dalxiis tago oo lagu nasto” ayuu yiri Gu’jir. “Waa midda labaad sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka gobolka siiba kan caasimadda dhinac kasta. (sida Ilbaxnimada, bilicda iyo wixii lamid ah.Waa midda Sadexaade sidaynu u wada shaqayn lahayn dhammaanteen, isu kaashan lahayn, waayo haddaan wada jirno, iskaashano oo aan wada tashano wax badan ayaan qabsan karnaa” ayuu raaciyay guddoomiyuhu Gudddoomiyaha ayaa ugu danbayn sheegay inay ka go’antahay in 30-ka maalmood ee socda shaqo lagu diirsado ay qabtaan gobolka Nugaal, isla markaana dadweynaha gobolka ugu baahanyihiin inay garab siiyaan. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan amniga iyo bilicda oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online): Warar lagu kalsoonaan karo oo goor dhaw naga soo gaaray magaalada Natroobi ayaa sheegaya in Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ay Madaxweynayaashooda haatan ku suganyihiin Kenya ay go’aamiyeen sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare. Golaha Iskaashiga ayaa hawshan u xilsaaray inuu geed fadhi u noqdo Cabdi Cali Raage oo ah xoghayaha Golaha, waxaana gadaal ka riixaya Ganacsato reer Hirshabelle ah iyo xubno ka tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo kasoo jeeda gobolka si loo wiiqo taageerada uu Waare u fidiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirarka Nayroobi ka socda oo dhawr waji ah ayaa saameyn taban ku leh geeddi socodka siyaasadda maamulka Hirshabelle. Sidoo kale, waxaa lagu dhammeeyay in Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo rabay inuu galo tartanka Puntland uu ka tanaasulo. Masuuliyiin ka socda dalka Imaaraadka ayaa iyagana soo gaaray Kenya si ay ugala xaajoodaan Dowlad Goboleeyada sidii loo badbaadin lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, loona dhawri lahaa midnimada Golaha Iskaahshiga. Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo warsaxaafadeedkiisii u dambeeyay aan marnaba kusoo hadal qaadin xaaladda ka taagan Hirshabelle ayaa difaacay mawqifka Madaxweyne Xaaf ee ku aaddan khilaafka ka jira Galmudug. Lama oga in ka gaabsigaas uu salka ku hayay abaabulka qorsheysan ee ay hadda ku ridayaan Madaxweyne Waare oo ka xarig furtay. Dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Nairobi, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Galabta Gaaray halkaas oo ay kaga sii horeeyeen Madaxweynaha Puntland, Koonfur Galbed iyo Jubbaland. Wixii faahfaahin ah halkan kala soco. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ethiopia's ruling coalition has chosen the country's prime minister to lead the party until its next congress, a vote of confidence in the new leader's sweeping political and economic reforms. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degmada Afgooye, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Sagaalaadka lagu dilay sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Dilka sarkaalkan ayaa yimid kadib markii uu ku amray inay joojiyaan dhalinyaro Turub cayaareysay, kuwaasi oo ku sugnaa xaafada Sagaalaadka ee degmada Afgooye, wuxuuna bastoolad uu watay ka riday dhawr xabadood, intaasi kadib ayaa dadka shacabka ahaa xoog kaga qaateen sarkaalkan bastoolada, isla goobta ayayna ku toogteen. Sarkaalka Shabaab laga dilay ayaa ahaa guddoomiyihii tuulada Gaalawar oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Nageey. Dadka shacabka ahaa ee dilka geystay ayaa goobta durba isaga cararay marka ay dilka geysteen, iyada oo halkaasi ay gaareen xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo qaatay meydka ninka la dilay. Waxaa la soo warinayaa in dadka degaanka ay dareemayaan cabsi ku aadan in Shabaab ay dhibaateeyaan, maadaama ay dileen sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, dadka qaar ayaa la sheegay inay gudaha u soo galeen degmada Afgooye cabsi darteed. Maamulka degmada Afgooye weli kama hadlin dhacdadaas oo aheyd midii ugu horeysay ee ka dhacda deegaanka Sagaaladka ee duleedka degmada Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Somalia Janeraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan ganacsato dhibaatooyin ku heysa dareeska ciidamada. Indha-Qarshe, waxa uu sheegay in Ganacsatada ay yihiin sababta koowaad ee dhibaatooyinka ciidamada xoogga, waxa uuna cadeeyay in sifo sharci daro ah ay ku iibiyaan dareeska ciidamada. Waxa uu sheegay inay arrintaasi jirto,isla markaana ay ogyihiin,Nabadsugida,Wasaaradda Ganacsiga iyo cid walba si sharcidaro ahna lagu soo geliyo dalka. “Adeer xisaabtan ayaa bilaaban doona cidna ugama aamusi doono darees ciidan oo si fudud looga ganacsado” Indha-Qarshe, ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin darees u gaara ah oo Calanka uu dhinac kaga dhegan yahay balse ay ka hortegi doonaan dadka ka Ganacsanaya dharka ciidanka. “Ganacsatada dhibaato ayey nagu heysaa waxaanu sameyneynaa dabagal cidii aan ku helnaa falkaasi waxa uu mari doonaa sharciga” Sidoo kale, Indha-Qarshe, ayaa wacad ku maray in Ganacsadihii lagu helaa ka ganacsiga dareeska ciidamada Xoogga uu ku hanta weyn doono, isagoo xili hore kasii digay in laga waantoobo. Haddalka Indha-Qarshe, ayaa kusoo beegmaya xili Al-Shabaabka qudhooda ay xiriiro hoose la leeyihiin Taliyayaasha iyo Saraakiisha, halka ay ciidamo hubeysan ay ku dhex leeyihiin Talisyada ciidamada taa oo sahleysa in si sahlan ay ku helaan dareeska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo go’aankii go’aankii ay wasaaradda amniga Soomaaliya ku diiday in Mukhtaar Roobow uu isku sharxo madaxweynaha Koonfur Galbeed. Hoos ka aqriso qoraalkiisa. WASAARADDA AMNIGA & ARRIMAHA DOORASHOOYINKA Waxaan aqriyey nuqul war saxaafadeed lagu sheegay in ay soo saartay wasaaradda Amniga Gudaha DFS sumaddiisu ahayd WAG/XW/542/18 taariikh 04 Oktoobar 18, kaasoo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka dawlad goboleedka Koofur Galbeed iyo Musharax ka mid ah kuwa u tartamaya xilka madaxweynaha. Dadka i yaqaana waa og-yihiin mawaaqiftayda la xiriirta kooxaha argagixisada ah iyo hogaankooda ruux soo maray, uma doodayo mid ka mid ah oo marinkii uu lahaa sifo sharci ah lagu marsiiyey, balse waxaa si gaar ah ii soo jiitay hadalka iska hor-imaanaya ee wasaaradda Amniga ka soo baxey shalay. Wasaaraddu waxey hal mar xustey kalimadda dastuurka, heshiiska hey’ado caalami ah lala galay 2 jeer, Cafis madaxweynuhu fidiyey iyo cunaqabateyn dhaqaale, xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah iyo xayiraadda Boliska caalamka. Qodobka 1-aad: Mukhtaar Roobow, waxaan ognahay inuu uu deggan yahay xarunta NISA oo ah hey’addii amniga dalka u xilsaarnayd, wuxuu si xor ah ugu dhaqdhaqaaqaa dalka gudihiisa, wax maxkamad ah oo la saaray ama danbi lagu soo oogey asaga & kuwa kale ee ka tirsanaan jiray hogaanka kooxaha aragagixisada ee isa soo dhiibay ma jirin, waxaana warqadda wasaaradda lagu xusey in madaxweynaha cafiskii uu fidiyey lagu cafiyey. Qodobka 2-aad: Wasaaraddu waxey sheegtay in hey’ado caalami ay heshiisyo la gashay shuruudana ay ku xirnaayeen in dhammaan laga wada qaado cunaqabatayntii dhinacyada kala duwan ka saarnayd Roobow, heshiisyadaas tixraacoodana musharaxnimadiisii wasaaradda amnigu uga joojisey, laakin waxaa la isweydiinayaa maxaa heshiisyadaas horey wasaaraddu ugu sheegi weyday oo ay ugu soo aadisay maalintii ninkaasi uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa, xaqse ma u leedahay wasaaraddu in ay cid doorasho ka joojiso, goormaa shaqada wasaaradda amniga lagu daray arrimaha kala saaridda musharixiinta. Heshiisyada hey’adaha caalamiga ah wıasaaraddu ay la gashayna lama keenin Barlamaanka dawladda federaalka, waxeyna u muuqdaan kuwo meel mugdi ah lagu galay oo quwado ajnabi ah ay meerinayaan, aaway hadaladii madaxdu maalmo dhoweyd ay ku eedaynayeen dawladgoboleedyada ayagooku celcelinayey dhinac 3-aad oo ajnabi ah nama soo galo. Qodobka 3-aad: kalimadda dastuurka meesha un baa lagu qurxiyey ee ma jirin qodob ay cuskadeen laakin bilkacsi qodobka 22-aad ee dfastuurka dalka ayaa xusaya “ka qeybgalka siyaasadda oo xaq u siinaya muwaadin kasta in la dooran karo asna uu wax dooran karo”, musharixiinta u tartamaysa kursi dawlad goboleed sharciga u yaalla ama u ogolaanaya ama ka reebaya xagee ka jiraa? Isku soo duub, marka qof muwaadin ah tartan doorasho laga reebayo waa in loo Maraa wado sharci ah iyo hey’adaha ku shaqada leh, sida maxkamadaha dalka ama Guddiga doorashooyinka ee u xilsaaran shaqadaas, haddii wasaaradda amnigu ay cid gaar ah arrin ku heysato waa in sida hey’ad caadi ah oo kale ay u dacwootaa, laakin in kaalintii maxkamadaha dalka iyo guddiyada doorashooyinka ay qaadato wasaaradda amnigu ma ahan wax sharci ahaan la aqbali karo, waana arrin asaasi ah oo u baahan in hey’adaha iyo wasaaradahu ay si wanaagsan u fahmaan.. Sides awgeed, warqadda wasaaradda amnigu ay ka soo saartay arrinta musharaxa u tartamaya Doorashada Maamul goboleedka Koofur Galbeed uma arko in ay tahay mid sharciga waafaqasan, dariiqa kaliya oo u furan wasaaradda waxey tahay in ay Mukhtaar dacwad ku oogaan, go’aankana u daayaan hey’adaha garsoorka. Dhanka kale, haddii hogaamiyaashii kooxaha argagixisada la doonayo in hawlahaan oo kale aysan ka qeyb qaadan waa in xukuumaddu soo gudbiso hindise sharciyeed, barlamaanka federaalka ahna uu waafaqaa.. wixii intaas ka soo hara waa kalaamu Layl iyo sharciga kaymaha.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Sudanese President Omar al-Bashir has been invited to pay a state-visit to Somali capital Mogadishu. Sudan’s FM secretary, Yasser Khadar held talks with acting Somali envoy to Sudan, Omar Osman Mohamed in Khartoum. Khadar received an invitation letter to Sudanese president from his Somalia’s counterpart Mohamed Abdulahi Farmajo. The letter asked Sudanese President Omar al-Bashir to visit Somali capital Mogadishu. The acting envoy Mohamed thanks Sudan for providing assistance to Somalia such as education, security, economic and anti-terrorism. The talks between Somali and Sudan officials confirmed and reported by Sudan News Agency (SUNA). It is unclear if Sudanese President Omar al-Bashir accepted the invitation from Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtara Roobow Cali Abu Mansuur oo shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynah maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta wada-hadallo xasaasi ah ku leh magaalada Baydhaba, saacado kadib markii dowladda ay ka hor-timid musharaxnimadiisa. Roobow ayaa la kulmaya siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhaba, oo uu kala hadlayo musharaxnimadiisa iyo sida ay taageero u siin lahaayeen. Roobow ayaa sidoo kale la filayaa inuu kala hadlo go’aanka dowladda iyo sida ay u arkaan. Dhinaca kale, xog ana helnay ayaa sheegeysa in wada-hadallo ay u socdaan dowladda federaalka iyo Roobow, oo aad ula yaabay go’aankii ay soo saartay wasaaradda amniga, waxaana la filayaa inuu war soo saaro kadib wada-hadalka dowladda oo uu ku raadinayo sharraxaad dheeri ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan lagau saleeyey heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta la saaray ee falalka argagixiso. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–The 8th President of Somalia from 16 September 2012 until 16 February 2017, the leadership Union for Peace and Development, Hassan Sheikh Mohamud has flown to London. Hassan Sheikh Mohamud departed from Somali capital, after receiving an official invitation from the University of Oxford based in London, where he will be speaking on. Mr. Mohamud says he will be in London for two weeks. He will also hold talks with Somali community in London in support of campaigning his party to wine 2020 election in Somalia. Caasimada Online learned that Mohamud’s trip is also part of his party campaign, and will address hundreds of Somalis in London with a vibrant audience. In London, Hassan Sheikh Mohamud will meet with diplomats from foreign countries to support his party and discuss on challenges faced by Somalia. The Union for Peace and Development (UPD) is a political party formed and led by Hassan Sheikh Mohamud. He says the founding of UPD was informed and motivated by the overarching need to provide leadership geared to building a stable and progressive Somalia where every citizen, young and old can live and make a living. “It is our understanding that the evolving dynamics in the management of state affairs require competent, professional and loyal leaders who are committed to giving their most and best to nation building”, he said. Hassan Sheikh Mohamud was the 8th President of Somalia from 16 September 2012 until 16 February 2017. Mohamud was born in central Hiran province, he grew up in a middle-class neighborhood of Mogadishu and completed his diploma in technology from the Somali National University. Then after earning a master’s degree in technical education from Bhopal University (presently known as Barkatullah University) in India, he returned to Somalia and worked with various NGOs and UN bureaus during the civil war. Mohamud remained in Somalia throughout the 21-year civil war unlike many other Somali intellectuals, serving as an educational campaigner and a peace activist. Meanwhile, he won respect for his work in civil society and education, and was one of the founders of Mogadishu’s Simad University, where he became a lecturer and served as its dean for 10 years. After resigning from his post as the dean, he founded the independent Peace and Development Party (PDP) and entered politics, but the party’s was changed to Union Peace and Development (UPD) In 2012, in the first Presidential election in over 40 years, this former academic and university head was elected as the 8th President of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–A group of Non-Governmental Organisations (NGOs) have strongly condemned increased airstrikes targeting schools in Somalia and rampant recruitment of children by armed groups, warning that the alarming trend is a grave violation against children. NGOs are deeply concerned about the safety and well-being of thousands of children living in areas that have become hot spots for forced recruitments and renewed airstrikes. Schools and hospitals should not be a target. Somali children must be protected at all costs. They need to be in schools or learning centres, preparing for their future and not live in fear of being used by armed groups. Through the Somalia NGO Consortium, the organisations call on the Somali government authorities and its international counterparts to take immediate measures to prevent and end these violations against children by providing safe spaces in communities, schools and other learning centres to allow children continue with education. This follows reports where children have been targeted, with the most recent incident of an airstrike in Saakow village in the Middle Jubba region targeting a school and hospital where at least three children were killed. In addition, on Sunday, 16th September 2018, armed groups reportedly recruited at least 300 boys aged between nine to 16 years. Reports from reliable sources also indicated that communities were asked to identify at least 2,500 more children within 30 days. According to a UN report released this year, 2017 saw the recruitment and use of boys and girls in conflict double from the previous year, with non-state armed groups using detention, violence and threats to force family members and teachers to hand over children. Over 2,000 children (2,087 boys and 40 girls) were recruited as child soldier, an average of 160 children per month. Reports of persistent targeting of children in Somalia reflect an urgent need for action to protect them. The recruitment and use of children as soldiers is one among the six grave violations committed against children in situations of armed conflict. Last years’ severe drought has created exceptionally difficult conditions for the people of Somalia. It also has put children at an increased risk due to displacement, lack of access to food, water, health and other basic needs. It is our collective responsibility to ensure all children are safe and that they enjoy life to their full potential. PRESS RELEASE