Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    194,678
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU, Somalia — The final death toll in October’s massive truck bombing in Somalia’s capital is 512 people, according to the committee tasked with looking into the country’s worst-ever attack. The final toll is a dramatic increase from previous estimates of more than 350 killed. The committee’s report, obtained by The Associated Press, says another 312 people were wounded in the Mogadishu bombing and 62 people remain missing. Only a few attacks since the ones on Sept. 11, 2001 have killed as many people, according to the Global Terrorism Database at the University of Maryland. Somalia’s government has blamed the al-Qaida-linked al-Shabab extremist group for the Oct. 14 attack, which struck a crowded street. Security officials said the bomb weighed between 600 kilograms and 800 kilograms (1,300 pounds and 1,700 pounds) as the extremist group’s bomb-making capabilities grow. The attack appalled Somalis, with some calling it their “9/11.” The hundreds of wounded overwhelmed Mogadishu’s hospitals, where many people defied traditional hesitations and rushed to donate blood. Bewildered family members picked through the rubble days afterward as hopes of finding survivors faded. Thousands of Somalis later marched through the capital in defiance against the extremist group, while the Somali-American president, Mohamed Abdullahi Mohamed, announced a new military offensive and asked regional neighbors for assistance. Al-Shabab, which was pushed from the capital years ago but controls large parts of rural southern and central Somalia, often attacks high-profile areas in Mogadishu. Somali intelligence officials have said the massive truck bomb was meant to target the heavily guarded airport, where several countries have embassies, but instead detonated in the crowded street after soldiers opened fire and flattened one of the truck’s tires. The Islamic extremist group, the deadliest in Africa, has been targeted this year by nearly 30 U.S. military drone strikes after the Trump administration approved expanded operations against it and declared the southern part of the Horn of Africa nation a zone of active hostilities. The U.S. now has more than 500 military personnel in Somalia. Source: AP The post Final death toll in Somalia attack is 512 appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay Axadda maanta ah inay weli la’dahay 5-milyan oo dollar oo ay doonayso in ay wax uga qabato caafimaadka Soomaaliya. War-saxaafadeed ay WHO kasoo saartay Muqdisho ayay ku sheegtay inay lacagtan gacan weyn ka geysanayso sidii ay u sii wadi lahayd ka shaqeynta caafimaadka Somalia iyo ka jawaabidda xaaladaha deg-degga ah. “Hay’addu waxay sii wadaysaa taageerada ay siiso wasaaradda caafimaadka Somalia, gaar ahaan dhinacyada la talinta iyo dhaqaale siinta, si wax looga qabto cudurrada faafa ee daashaday bulshada Soomaaliyeed,” ayaa sheegay Ghulam Popal oo ah madaxa hay’adda WHO ee Soomaaliya. Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay in iskaashiga WHO iyo Wasaaradda DF u qaablisan caafimaadka ay keentay in la ballaariyo tababarida iyo xirfadaha lagu xoojinayo maareynta barnaamijyada caafimaadka heer Qaran ee Dalka. Dhanka kale, Popal ayaa hadalladan ka sheegay furitaanka tababar Maanta laga furay Muqdisho, kaasoo soconaya laba maalmood oo ku saabsan sidii looga hor-tegi lahaa shuban-biyoodka iyo daacuunka oo dhibaato ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed. “Tababarkan waxaa xubnaha lasoo xulay lagu bari doonaa habka looga hor-tago cudurka daacuunka, tallaalkiisa, maareyntiisa iyo ka hortagga nafaqo-darrada ku dhacda carruurta,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta. Dadka la tababarayo ayaa la sheegay in siin doono tilmaamo ku hagaya sida dhaqsaha badan ee looga hortago shuban haddii uu deegaan ka dillaaco, isla markaana looga badbaadiyo bulshada, sida habka loo qaso milanka ORS-ta loo yaqaan ee nafaqada soo celisa marka uu qof shuban ku dhaco. Sida laga soo xigtay Hay’adda WHO tababarkan ayaa waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 800-qof oo isugu jira shaqaale caafimaad iyo dadka si iskood ah uga qayb-qaadanaya hawlaha caafimaadka deegaannadoda tan iyo bishii la soo dhaafay ee November. Ugu dambeyn, Intii u dhexeysay bilhii Jannaayo iyo November ee sannadkan 2017-ka, waxaa la diiwaan-geliyay 78,596 kiis oo cudurka daacuunka ah, iyadoo uu cudurkan dilay 1,159-qof, kuwaasoo ku noolaa 55 deegaan oo ka kala yaalla 18-ka Gobo lee Soomaaliya ay ka kooban tahay. PUNTLAND POST The post Hay’ada WHO oo dalbanaysa Malaayiin Dollar oo Wax looga qabto Caafimaadka Somalia appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaaddo illaa 7 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo horay isku diiwaan-geliyay, tiiyoo rasmi ka dhigtay in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam xisbiyo badan kadib 48 sano. Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa magacyada axsaabta shahaadada la siiyay, guddoomiyeyaashooda iyo xarunta. Halkan Ka Akhriso 1. Xisbiga Garsoor, Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. 2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho. 3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Waxaa guddoomiye ka ah Fowsiyo Xaaji Aaden, oo horay usoo noqotay ra’isul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda, xarunta xisbiga waa Muqdisho. 4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga, Waxaa guddoomiye ka ah Cali Maxamed Tima-jilic, Xarunta Muqdisho. 5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed , waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali, Xaruntiisa Garoowe 6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed , Waxaa guddoomiye ka ah Yaasin Maxamed Macalin (Yaasin Maaxi), xaruntiisa waa Sweden 7. Xisbiga Horumarinta; Suleymaan….lama yaqaano Axsaabtan shahaadada la siiyay waxaa ay horudhac u yihiin kuwoo badan oo sugaya in la siiyo shahaado iyo qaar kale oo aan weli diiwaan-gelin, waa tilaabo loogu dhawaanayo in Soomaaliya ka guurto qaabka qabaliga ah oo u guurto in dadka isku baheystaan qaab fikir iyo aragti ah iyo doorashada 2021-ka noqoto mid axsaab. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source
  4. Tobanaan dibad-baxayaal aha ayaa shalay buuxiyey bannaanka hore ee safaaradda Imaaraadka magaalada London,kuwaasoo ka caraysan faro-gelinta Imaaaraadka ee dalka yemen,go’doominta Qatar,iyo hirgelinta saldhigyada militari ee Imaaraadku ka samaysanayo Somaliland iyo Eritrea. Sidoo kale mudaharaadka ayaa lagu dalbanayey in dowladda Imaaraadka ay joojiso taageerada joogtada ah ee ay siiso madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi. Mudaharaadka ayaa waxaa soo agaasimay Is-bahaysiga”jooji dagaalka”,waxaana taageerayey ururka xuquuqda carabta ee the Arab Organisation for Human Rights, ururka muslimiinta dalka Britain ee Muslim Association of Britain iyo kuwa kale. Sawirro Xigasho https://www.middleeastmonitor.com PUNTLAND POST The post Sawirro: Muddaharaad looga horjeedo Saldhigga Imaaraadka carabta ee magaalada Berbera. appeared first on Puntland Post.
  5. Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khasaaro ka dhashay dagaal maanta ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe. Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa waxa uu u dhexeeyay sida aan horayba u sheegnay ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa dhinaca dowlada uga dhintay Saraakiil iyo ciidamo, halka maleeshiyaadka al-Shabaabna ay ku waayen Horjooge iyo maleeshiyaad hubeysnaa. Saraakiisha dhanka dowlada uga dhintay dagaalka ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed Raage oo qeyb ka hogaaminaayay dagaalka dhacay. Tirada guud ee al-Shabaab uga dhintay dagaalka ayaa la xaqiijiyay inay gaareyso Sagaal, halka dowlada ay dagaalka ku weysay Shan Askari oo uu ku jiro Sargaalka aan kor ku xusnay. Sidoo kale, waxaa dagaalka ciidamada dowlada looga gubay hal gaari, halka al-Shabaabna laga qabsaday laba Gaari nooca dagaalka ah oo ay ka carareen. Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Warar dheeraad ah oo laga helaayo khasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo ciidamada dowlada & Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. CabdiweliMaxamed Cali Gaas ayaa manta oo ay taariikhdu tahay 03 December 2017 kaqayb galay shirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kazoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamuud Guulleed Khadar. Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Masuuliyiin ka tirsangoleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Taliska Ciidamada Qalabka sida ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya. Shirka Amniga qaranka ayaa looga hadlay arrimo la xidhiidha Amaanka, waddashaqaynta hay’addaha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah DFS, cidhibtirka kooxaha argagixisada ah ee cadawgaSoomaaliyeed iyo qaabaynta guddifarsamo oo ka shaqeeya iskudhafka ciidamada qaranka. Sidoo kale Shirka Amniga Qaranka ee manta furmay ayaa waxaa looga hadlay isku dhafka ciidamada qaranka, ajandaha shirkaMadaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee 4 December 2017 ka furmidoona, kaas oo looga hadlayo arrimo khuseeya Amaanka. Ugu danbayn, shirka u dhexeeya Madaxda qaranka Soomaliya iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga arrisandoonaa arrimo la xidhiidha amniga Soomaaliya, isla markaana waxa ka qayb gelidoona madax ka socota beesha caalamka iyo Madaxda qaranka Soomaliyeed. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay ShirkaAmniga Qaranka oo Muqdisho Ka Furmay. appeared first on Puntland Post.
  7. Saraakiisha garoonka Ninoy Aquino ee dalka Philippine ayaa qabtay nin Soomaali ah oo iska dhigayey muwaadin Swedish ah,xilli uu isku dayey in uu safro dalka UK,sida uu sheegay xafiiska socdaalka maalintii jimcaha. Cabdinajax Maxamuud Aaden oo 23 sano jir ah,ayaa qarka u saarnaa in uu raaco duullimaadka ku socda magaalada London markii ay qabatay qaybta ilaalinta baasaboorada iyo fulinta sharciga ee ka tirsan xafiiska waaxda socdaalka. Aaden ayaa magaalada Manila yimid 25 bishii November ee sannadka isagoo isticmaalayey baasaboor Soomaali ah. Maalintii xigtay ayuu isku dayey in uu adeegsado baasaboor Swedish ah,wuxuuna u gudbiyey shaqaalaha shirkadda duulimaadyada dalka Philippine,laakiin si deg deg ah ayaa su’aalo loo weydiiyey kadib markii magaciisa iyo baasaboorkiisa Soomaaliga ah ay ka muuqdeen hannaanka xog-kaydinta ee shirkadda. Madaxa Laanta hawlgellada Marc Red Mariñas, ayaa sheegay in isticmaalka baasaboor been abuur ah“ay ka dhigantahay in gebi ahaanba dalka laga musaafuriyo”. Keliyah markii su’aalaha la weydiiyey ayuu Aaden boorsadiisa ka soo saaray baasaboor Soomaali ah. Aaden ayaa markii dambe la saaray duullimaadkii ugu horreeyey ee u baxay halkii uu asal ahaan ka yimid. xigasho/http://www.manilatimes.net PUNTLAND POST The post Dowladda Philippine oo musaafurisay muwaadin Soomaaliyeed. appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shahaadooyinkooda aqoonsiga diiwaangelinta maanta siiyay 8 xisbi siyaasadeed, iyadoo munaasabad arrintan ku aadan ay ka socoto mid kamid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa waxay soo buuxiyeen shuruudihii la hordhigay. Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. 48 sano kadib ayaa dalka waxaa laga hirgelinayaa nidaamka xisbiyada badan, oo la doonayo in sanadka 2020 ay doorashooyinka Soomaaliya nidaamkaasi u gudbaan. Hanaankan billowday ayaa waxuu bud-dhig u yahay geedi socodka doorasho hal qof iyo cod ah oo la filayo in dalka ay ka dhacdo 2020-ka, si looga gudbo 4.5, oo tan iyo burburkii awooda lagu qeybsanayay. Shuruudaha ugu waaweyn ee xisbiga laga doonayao ayaa kamid ah xaruntiisa dhexe ay noqoto magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay guud 18-ka gobol dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Xaaliimo Yarey ayaa sheegtay nidaamka xisbiyada badan oo laga hergeliyo dalka ay muhiim u tahay doorashada 2020, taasi oo caqabado badan oo horyaallaan. Xaliimo ayaa ugu baaqday Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda laga doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan siyaasadda dalka, halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka. Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ayaa kusoo beegmaysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Xildhibaanno iyo Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ay doonayaan inay sameystaan Xisbi Siyaasadeed. Madaxda kale ee ugu sareysa dowladda ayaa sidoo kale wado qorshooyin ku saabsan aas-aasida Xisbiyo Siyaasadeed, oo ay doorashada 2020-ka ku tartami doonaan. Halkaan hoose ka arag sawirada: The post Daawo Sawirrada: Xisbi siyaasadeedyadii ugu horeeyey Somalia oo maanta si rasmi loo diiwaan geliyey appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa daqiiqado ka hor magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta madaxtooyada Villa Somalia si rasmi ah uga furmay shirkii Golaha Amniga Qaranka, waxaana shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan ayaa waxaa xaadir ku ah 1) Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoonka ah 2) Ra’isulwasaaraha Soomaaliya 3) Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya 4) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho 5) Wasiirka Cadaaladda 6) Wasiirka Difaaca. 7) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiiinta 8) iyo Wasiirka Amniga Gudaha. Shirkaan oo socon doono muddo hal maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa Xaaladda amni ee dalka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee gumaadka ku hayo Shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa qodobada laga hadlayo kamid ah dhisitaanka Ciidamada Qaranka Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan qodobadii laga wada hadlay, waana idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay iyo madaxweyne Farmaajo oo.. appeared first on Caasimada Online.
  10. Shalay waxaa Muqdisho lagu qabtay dood ku saabsan dhageysiga dadweynaha ee miisaaniyadda 2018-ka, kulanka uu goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle, waxaa sidoo kale xog ururin sameynayey guddiga miisaaniyadda iyo maaliyadda ee golaha shacabka. Ugu horeyntii wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in miisaaniyadda cusub ee 2018-ka lagu jaan-joogay maxaa dowladda soo gala isaga oo intaa raaciyay in sanadkan 2018-ka uu kor u kac ku yimid dakhliga gudaha iyo arrimo kale, isla markaana ay kor u qaadeen miisaaniyadda sanadka soo socda. Wasiirka waxaa uu qabaa in meel fiican isla gaareen dowlada iyo hey’adaha lacaga iyaga oo laga doonayo arrimo ay ka mid yihiin Cabshuur ma qaadaan, haddii aan la qaadin, maxaa canshuurta loo qaadi-waayey? Lacagta lagu bixiyo mashariicda maku baxdaa meelihii loogu talo-galay? Qofka shaqeeyo mushaar mala siiyaa? Ma jiraan dad aan shaqeyn oo mushaar qaata, dadka aan shaqeynin mala xisaabtamaa? Ma heysaan tirada saxda ee dowladda u shaqeysa shaqaale rayid iyo ciidan. Inkasta uu wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle baxay markii uu khudbadda dhameeyay inta aan su’aalo la weydiin balse waxaa kulanka sii waday guddiga miisaaniyadda iyo maaliyadda ee golaha shacabka. Ururada Shaqaalaha: Illaa 10 qof oo u hadashay ururada shaqaalaha waxaa ay xoogga saareen cabasho ay ka qabaan isbaarada tirada badan oo goobaha yaallo, canshuuraha laga qaado, lacagta lagu soo rogay dadka dhoofaya. Mid ka mid ah ururka shaqaalaha waxaa uu u dooday xoogsatada dekadda iyo in aanay xuquuq ka helin canshuurta laga qaado dowladda. Ganacsatada: Ururada Ganacsatada oo iyagana ka mid ahaa dadkii miisaaniyadda ka hadlay aya sheegay in ay ku dhib qabaan canshuuraha looga qaado dekadda Xamar, iyaga oo sheegay in horay dekadda uga soo degi jireen 7000 oo Konteenar hadana ay ka soo dagaan illaa 3000, taasina ay ugu wacan tahay lacagta la canshuuro oo xad dhaaf ah. Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah. Mid ka mid ah ganacsatada aya wasaaradda maaliyadda weydiiyay inta dowladda aaney ka hadlin waajibaad, aaway xuquuqdii dadka, canshuurta umadda laga qaado mala helayaa statementigeeda, mala baari karaa? Boono rasmi ah mala jaraa, daah-fur ma leedahay, sidoo kale ma jiraa isla xisaabtan ku aadan ammaanka iyo sida badeecada aad canshuurta ka qaaday tagi karaan meelihii loogu talagalay. Goobjoog News Source
  11. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waa mid kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida weyn looga garanayo gayiga Soomaaliya. Tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhex milmay siyaasadda, waxaana isaga dhex darsoontay doorkiisii wadaadnimo iyo inuu yahay afhayeenka dowladda Soomaaliya. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dhawr jeer weerar afka ah ku qaaday Xildhibaano aan ku qanacsaneyn habka ay u shaqeyso dowladda Soomaaliya. Sheekha ayaa Xalay mar kale dagaal ku qaaday Xildhibaanada dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin laaluush qaatayaal ,gaar ahaan kuwa aan ku qanacsaneyn dowladda dhexe. Sheekh Baaruud ayaa sheegay in Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago. “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada. Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo. Waxay ila tahay insayn wax wanaagsan aheyn inuu Sheekha faraha la galo Siyaasadda isagoo aan wax xil ah ka heyn dowladda, waxaana Sheekha ugu baaqayaa inuu isaga baxo saaxadda Siyaasadda. Sheekh Nuur Baaruud ayaa u muuqdo inuu hadda yahay afhayeenka dowladda Soomaaliya, wuxuun si toos ah u aflagaadeeyaa Xildhibaanada Soomaaliya. Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa u furan inay dowladda Soomaaliya mucaaradaan ama ay taageeraan taasoo ku xiran hadba sida ay tahay siyaasadda iyo Xaaladda dalka, balse waxaa wax lala yaabo ah inuu Sheekh Nuur u gafo xildhibaanada. Mar hore ayuu sidan oo kale Sheekh Nuur soo jeediyay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Xukuumadda Kheyre loogu galo guryahooda islamarkaana la iska dhiciyo, arrintaas oo halis ah. Arrintaas waxaa ka carooday XIldhibaannada qaar,waxaana Golaha shacabka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas ah waxaana uu Xildhibaannada ka hor sheegay in hadalka Sheekh Baaruud uu iyaga gef ku yahay loona baahanyahay in haddii Xildhiabaannada wax gaaraan isaga wax laga weydiiyo. W/Q: Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Sheekh Nuur Baaruud goorma ayaa loo magacaabay afhayeenka dowladda? appeared first on Caasimada Online.
  12. Amineh Kakabaveh oo ah haweeney asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, kana tirsan xisbiga Vänsterpartiet ee dalka Sweden, ayaa sanadkan laga tuuray liiska musharaxiinta baarlamaanka xisbigaas ee baarlamaanka Sweden. Haweeneydan ayaa sanadkii 2014 kujirtay booska 4-aad ee musharaxiinta baarlamaanka xisbigaas ee magaalada Stocklom, balse sanadkan ayaan gabi ahaanba aan lagu soo darin liiska dadka u sharaxan kamid noqoshada baarlamaanka ee xisbigaas. Haweeneydan ayaa sanadkii 2016-ka barteeda Facebooga soo dhigtay muuqaal been abuur ah, kaas oo Soomaalida lagu tilmaamayo inay yihiin tuugo iyo dad haweenka kufsada. Muuqaalka oo ahaa mid ay sameeyeen kooxda xagjirka midigta fog ah ee Nordic Youth, balse waxay ku dhajiyeen calaamada TV-ga qaranka Sweden ee SVT. Xisbiga Vänsterpartiet ayaan qeexin sababta ay Haweeneydan uga tuureen liiska musharaxiinta, iyaga oo ka gaabsaday inay sharaxaad ka bixiyaan qaabka ay u qiimeeyaan qofka baarlamaaanka uga mid noqon kara iyo qofka kale. Haweeneydan ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay inay iska weydo liiska musharaxiinta baarlamaanka, waxeyna ku dartay in taas ay gaf ku tahay shaqadii ay soo qabatay. Puntlandi.com
  13. Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in Labada dhinac ay ku dhowaad saacad ku dagaallamayeen deegaanno ku dhow degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe. Dhinayacdii dagaallamay weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan, xaaladana haatan waa mid ka yara deggan sidii hore. Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale jidka ugu galay ciidamada dowladda, waxaana weeraro badan ay ka dhaceen inta u dhaxeya Jowhar iyo Balcad oo Sh/dhexe ka wada tirsan. Goobjoog News Source
  14. Madaxda maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna oo shir uga socday dalka Jabuuti ayaa maanta oo Axad ah waxay si horudhac ah u gaareen heshiis. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha Ahlu-sunna, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa si kooban ula hadlay saxaafadda waxaana ay sheegeen iney ku faraxsan yihiin is fahamkooda, wixii dhimanna ay gudaha dalka ku dhameysan doonaan. Sheekh Shaakir oo ugu horreyn hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti uga mahadcelinayo isku keenista Labada dhinac, wixii dhimanna ay dhammeystiran doonaan. Dhanka kale, madaxweyne Xaaf ayaa isna sheegay inuu rajeynayo in wixii dhiman ee wadahadalka ku dhammeysan doonaan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. “Waxaan ku faraxsanahay in arrintan oo dhowr iyo Tobad Sano taagneyd markii ugu horreysay aan heshiis wada gaarnay markii aan is hor fariisannay… waxaan u mahadcelineynaa reer Jabuuti, waxaan rajeeneynaa in heshiiskaan noqdo kii ugu dambeeyay, wixii naga dhiman ee inoo haray waxaan la aadeynaa dalkii, gaar ahaan waxaan ilaahay ka rajeyneynaa inaan Dhuusamareeb ku kaamilanno” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Madaxda maanta heshiiska ku gaaray dalka Jabuuti ayaa ka wada tagay gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb. Goobjoohg News Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhimashaddii ka dhalatay Weerarkii Gariga Xamuulka ah loo isticmaalay ee Muqdisho ka dhacay 14 kii October ayaa gaartay 512 Qof, sida ay Daabaceen Qaarka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah oo soo xiganaya Guddigii Baarayay Musuubadda. Tiradda Dhimashadda ayey Doladda Soomaaliya ku shegtay markii Hore 358 taasi oo ahayd Tiradii ugu badneeyd ee Mar qur ah ku dhimatay Hal weerar, Taariiqda Soomaliya. Majirto Cid si rasmi ah u sheegatay Weerarkii 14 kii October hase ahaatee Masuuliyiinta Dowladda ayaa ku eedeeyay in ay fuliyeen Xarakadda Al-shabaab oo Weerarro ismiidaamin ah ku qaada Xarumaha Dowladda iyo Goobaha ay Dadku k badanyihiin. VOA Africa ayaa Daabacday in Warbixinta Gudiga ay dowladdu Heli doonto Todobaadkaan, Hase ahaate ilaa iyo hadda Majiro War rasmi ah oo ay Warbaahinta siiyeen Guddiga loo Xilsaaray Baarista muusiibadii Soobe. Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay Weerarkii Soobe uga jawaabeeyso Guluf ay ku qaadeeyso Al-shabaab, inkastoo aysan Dowladdu wali si rasmi ah u bilabin Gulufkii ay Balanqqaaday, Hadana Taliska mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa Qaaday Duqaymo Adag oo uu la beegsaday Saldhigyo ay Al-shabaab ku leyihiin Koofurta Soomaaliya, Sidoo kale Mareeykanka aya Weerarkii Soobe ka dib wuxuu markii u horeeysay Duqaymo la beegsaday Daacishta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub oo kusoo korortay Qaraxii Soobe iyo tiro koobka dhimashada oo meel sare gaartay appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe 02 December 2017 si diiran loogu soo dhoweyey magaalada Muqodisho. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Ujeedka safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ahaa ka qayb galka shirka amniga heer qaran oo malinimada berito 03 December 2017 ka furmidoona magaalada Muqdisho ee caadimadda Soomaaliya, waxaana uu socondoonaa shirkaasi muddo labo maalmooda, sidoo kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka qayb gelidoona shir ay muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka kaas oo dhammaandoona isna 05 December 2017. Shirka Amniga qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisha ka furmidoona ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimaha kala ah Amniga, nabdgelyada dalka, xasilinta dalka iyo wanaajinta geedi socodka dawladnimadda Soomaaliya, waxaana kasoo qayb gelidoona dhammaan Madaxda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meel kastay joogaanba inay illaashadaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka ay ku naloonayaan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland Iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  17. Jabuuti (Caasimadda Online) – Dalka Jabuuti Goordhow waxaa heshiis horudhac ah ku gaaray maamulada Galmudug iyo Ahlusunna. Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta labada dhinac Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana lagu waddaa in si rasmi ah loo shaaciyo todobaadkaan Gudihiisa. Laba dhinac ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya kadibna waxaa lagu dhawaaqi doono Heshiiska. Labada dhinac ayaa wada hadal uga socday muddo 8 cisho ah dalka Jabuuti, waxaana wada hadaladan garwadeen ka ahaa Urur Goboleedka IGAD. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiskan. Waxaa saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Ahlusuna, Galmudug, dowladda Federaalka iyo IGAD. Ahlusuna iyo Galmudug ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay khilaafaad horay u ragaadiyay labada dhinac, waxaana haatan isku raaceen inay ku midoobaan maamul mid ah. The post Sawiro: Galmudug iyo Ahlusuna oo heshiis horudhac kala saxiixday appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii November ee 2017 uu dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Askar, Odayaal iyo dad shacab ah. Dilalka ugu badan ee bisha November 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar ka tirsan dowlada Federaalka. Dilalka noo diiwaan gashan ayaa gaaraya 11 dil, oo dhacay wakhtiyo kala gadisan sida xiliyada subixii. Dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka. Hadaba Dilalka dhacay ee noo diiwaan gashan ayaa dhacay xiliyada kala ah: 1-November 4, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Hodan, gaar ahaan xaafada Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sargaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabi jiray Maxamed Dheere. 2-November 9, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda ku dilay Agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka magaalada Muqdisho. 3-November 9, 2017, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa qof shacab ah ku dilay afafka hore Jagbuuntiga laga galo Garoonka Aadan Cadde ee ku dhow isgooyska lamber afar, waxa uuna shaqsigaasi watay gaari uu doonaayay inuu la’aado dhanka Garoonka. 4-November 12, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Jaciir kana tirsanaa Ergadii Maamulka Hirshabeelle ku soo doortay Xildhibaanada. 5-November 13, 2017, Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa agagaarka Xarunta degmada Kaaran ee gobolkaan Banaadir ku dilay Oday da’ ahaa xili uu kusii jeeday Salaad subax. 6-November 13, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Nageyle ee Degmada Kaaraan ku dilay Nin Magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Cadaawe (Maxamed Dheere). 7-November 22, 2017, Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa agagaarka Isgooyska Sayidka ku dilay Alle ha u naxariistii Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug. 8-November 23, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada DFS ayaa si bareer cad ah waxa uu degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ugu toogtay nin dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj. 9-November 26, 2017, Labo ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa lagu dilay Isgoyska Sanco ee Degmada Kaaraan, waxaana dilkaasi geystay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee xasilinta lagu Magacaabo. 10- November 30, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolada ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka ‘’NISA’’ xili uu ku sugnaa agagaarka wadada General Daa’uud, qaybteeda Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. 11- November 30, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA xili uu ku sugnaa xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi. Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha November ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa tirade dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii November ee 2017? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo kaa shanaysa Hay’adda ARC International ayaa biyo xireen cusub ka dhagax dhigtay Deegaanka Falaryaale oo katirsan Gobolka Sool, biyo xireenkan ayaa ah mid casri ah islamarkaasna la jaanqaadaya kawa laga dhiso dunida horumartay waxaana ay tani qayb ka tahay Siyaasada wasaarada Deegaanka Puntland ee ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo la dagaalanka Biyo-yarida. Biyo xireenkan laga dhagax dhigay Deegaanka Falaryaale ayaa ah kii ugu horeeyey oo laga samaynayo deegaankaas iyadoo bulshada deegaankaasu ay dhib wayn ku qabeen biyo Yarida, waxaana la rajaynayaa in biyo xireeenkan cusub uu qabto in kabadan 10 Milyan oo Litir oo biyo ah halkii waqti-roobaadba taas oo ka dhigaysa inay ka faa’iidaysan karaan Boqol Qoys. Eng, Cabdiweli Yussuf Aden oo ah Injineerka wasaarada Deegaanka oo ka hadlay biyo xireenka laga dhisayo deegaanka Falaryaale ayaa biyo Xireenka Falar-yaale ka koobnaan doono qaybo kaladuwan islamarkaasna loo qoodi doono Hoos loona balaarin doono dhinacyada iyadoo Bac lagu xiriri doono, Sidoo kale Injineerku wuxuu sheegey in Biyo Xireenadka lagu wareejin doono Silig si loo ilaaliyo nadaafada Biyaha iyo Haamo biyaha Kaydiya. Saalax Cabdirashiid Maxamed oo madax ka ah hay’adda ARC International qaybteeda Puntland ayaa sheegey in ay wasaarada Deegaanka iyo Hay’adiisu mudo ku mashquulsanaayeen sidii Biyo Xireen loogu samayn lahaa deegaanka Falaryaale isagoo sheegey in mashaariic kale ay ka fulin doonaan deegaanka. Gudoomiyaha gobolka Sool ee DPL iyo bulshada deegaanka Falar-yaale oo Iyana kaqaybgalay dhagax dhiga biyo xireenkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin shaqada laga qabanayo deegaankooda waxaana ay hay’adaha kale ee dawlada iyo kuwa caalamiga ahba u sheegeen in deegaanaada gobolka Sool lagu soo dhawaynayo islamarkaasna ay waxqabad kan lamid ah ka rajaynayaan. Puntandi.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Sida laga soo xigtay guddi baaritaanno dheeraad ah ku sameeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii Oktoobar 2017-ka lagu jiro ka dhacay isgoyska Zope ee Muqdisho ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay gaarayso 512-qof. Tirada dhimashada Qaraxaas ayaa horay loo sheegay inay ahayd 358-qof oo u badan ganacsato isgoyskaas ganacsiyo kala duwan ku haystay, laakiinse tira-koobkan cusub ayaa meesha ka saaraya tiradii hore. Weerarkan ayaanay jirin weli koox si rasmi ah u sheegatay inay mas’uul ka ahayd, balse waxaa lagu eedeeyay Kooxda Al-shabaab oo dagaallo joogto ah kula jirta dowladda Soomaaliya ee uu caalamku taageero. “Tirada guud ee shacabkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii Zope ee aanu diiwaan-gelinay ayaa waxay gaaraysaa 869-qof, dadkaas ayaa 512 qof oo ka mid ah ay ku geeriyoodeen, halka 295-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 70-qof ayaana weli lagu la’yahay,” ayay guddigan ku sheegeen war-bixin ay soo saareen Sabtidii shalay. Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo saaray inay baaritaanno dheeri ah ku sameeyaan weerarkii argagaxiso ee 14-kii Oktoobar ka dhacay isgoys aad u mashquul badan oo lagu magacaabo Zope, waxayna kusoo beegeen toddobaadkan shaacinta warbixintooda kama dambeysta ah. Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay in baaritaanno ay ku sameysay weerarkaas ay ku waxyeeloobeen; 689-qof, balse guddigaan ayaa meesha ka saaray shakiyo badan oo jiray, kaasoo ahaa in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay. Kooxda Al-shabaab oo qaraxan lagu eedeeyay, balse aan ka hadlin ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii dagaal kula jirtay Dowladda Somalia, iyadoo tan iyo xilligaas isku dayaysay inay xukunka ka tuurto, balse aan ku guuleysan. Ugu dambeyn, weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-5 ee Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladda millateriga ahayd 1991-kii. PUNTLAND POST The post Dadkii ku Geeriyooday Weerarkii Zoope oo tiradoodu ay gaartay in ka badan 500 oo Ruux appeared first on Puntland Post.
  21. Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shahaadooyinkooda aqoonsiga diiwaangelinta maanta siiyay 8 xisbi siyaasadeed, iyadoo munaasabad arrintan ku aadan ay ka socoto mid kamid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa waxay soo buuxiyeen shuruudihii la hordhigay. Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. 48 sano kadib ayaa dalka waxaa laga hirgelinayaa nidaamka xisbiyada badan, oo la doonayo in sanadka 2020 ay doorashooyinka Soomaaliya nidaamkaasi u gudbaan. Halkaan hoose ka arag sawirada: Source
  22. Baydhabo (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay Kormeer ku tagay Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Magaalada Baydhabo. Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ciidan. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni. Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed. Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Nuuradiin.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Roobow Abuu Mansuur oo hal arrin darteed u booqday saldhigyada Ciidamada ee Magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ka sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada. Sheekh Baaruud ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago. “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada. Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo. Mar hore ayuu sidan oo kale Sheekh Nuur soo jeediyay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Xukuumadda Kheyre loogu galo guryahooda islamarkaana la iska dhiciyo. Arrintaas waxaa ka carooday XIldhibaannada qaar,waxaana Golaha shacabka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas ah waxaana uu Xildhibaannada ka hor sheegay in hadalka Sheekh Baaruud uu iyaga gef ku yahay loona baahanyahay in haddii Xildhiabaannada wax gaaraan isaga wax laga weydiiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sh.Nuur Baaruud: “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto, laaluushna yaan la siin” appeared first on Caasimada Online.
  24. Balcad (Caasimadda Online) – Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Gaari Cabdi Bille ah oo ay Saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Wadada loo galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey oo u dhow tuulada Isgoys ee duleedka degmada Balcad. Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in gaariga Cabdi Bilaha ah oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Jowhar lagu dhuftay Qoraga loo yaqaano baasukaha isla markaana haatan uu gubanayo. Gaadiidka dagaal oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in lagu dhiftay baasuuke, waxaa la sheegayaa in gaariga uu ku gubanayo goobta lagu weeraray oo lagu magacaabo Haan-Sheekh. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu dhex maray ciidamada Milateriga iyo dagaalamayaasha Shabaab ee jidka galay. Weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lama oga waxaana haatan ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo Gurmad halkaasi ku tegay iyo Al-Shabaab oo Wadada u galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey oo u dhow tuulada Isgoys. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dagaalkaas ka dhashay,waxana hadda Gudaha degmada Balcad laga maqlayaa jugta Culus ee dagaalka la isku adeegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal ka socda duleedka Balcad kadib Ciidamo wadada loo galay appeared first on Caasimada Online.
  25. Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Hay’adaha amniga Dowladda Soomaliya ay isku soo dhibeen 54 dagaalyahan kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho. Islow oo hadal ka jeediyay kulan lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in ragga isa soo dhiibay ay ka Tirsanaayeen Ciidamadda Al-shabaab islamarkaana ay haatan ku jiraan gacanta Dowladda Soomaliya. “Kadib qaraxii Zoobe waxaa Dowladda Soomaliya isku soo dhiibay 54-dagaalyahan oo ka tirsanaa Ciidamadda Al-shabaab, sidoo kale Ciidamadda Dowladda Soomaliya waxa ay gacanta ku dhigeen 63-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Shabaab, Sidoo kale hay’adaha amniga ayaa gacanta ku dhigay nin iska soo dhigay gabar oo soo xirtay dharka haweenka, waxaan u mahadcelinayaa Ciidamadda amniga oo har iyo habeen usoo jeeda sugida amniga Magaaldda Muqdisho”, ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale. Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo lagu xaqiijinayay amniga Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya,kadib qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe. Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Wasiirka-amniga.mp3PUNTLAND POST The post Islow:-“63-Shabaab ahaa ayaa La Qabtay Kadib Qaraxii Isgoyka Zoobe” appeared first on Puntland Post.