Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,435
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland Saciid Cali Muuse ayaa sheegay in gollabada jidka ku soo jiraan, Jimcahana la soo gabagabeyn-doono. Saciid Cali Muus waxaa uu intaasi ku daray Sanaag, Sool iyo Saaxil ay soo socdaan halka Togdheer iyo Awdal la filayo in berri soo dhammaadaan, waxaa kale uu ka hadlay gobolka Maroodi-jeex in uu ka tiro iyo dhib badan yahay gobollada kale. Gobolka Maroodi-jeex waxaa uu ka hadlay in ay soo xaroodeen Balli-gubadle iyo Salaxley, waxaa dhiman Gabiley iyo Hageisa. Dhinaca kale, Korjoogayaasha caalamiga ah ayaa warbixin kale kasoo saaray doorashada Somaliland iyagona sheegay in doorashadu u dhacday si nabad-galyo ah oo wanaagsan isla markaana aanay arkin wax wax u dhimaya guud ahaanba nidaamka doorashada. Sidoo kale, waxay sheegeen korjoogayaasha caalmiga ah in ay jireen walaacyo ay kamid yihiin xannibaada baraha Bulshada Goobjoog News Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa lasoo warinayaa inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Mohamed Sheekh Osman ”Jawaari”. Mooshinka oo saacadihii ugu danbeeyay soo ifbaxay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gudbiyeen Xildhibaano dhan Lixdan kuwaa oo Mooshinka ku biiriyay ajandaha horyaal Golaha Shacabka. Xildhibaanadan ayaa Guddoomiyaha ku eedeeyay howl gudasho la’aan iyo inuu ku mashquulay dib u dhigyada howlaha horyaal baarlamaanka Somalia, isagoo doonaaya inuu fashiliyo kiisas dhowr ah oo horyaal baarlamaanka. Waxaa Jawaari sidoo kale lagu heystaa tirada Shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka oo iyagu gaaraya 380 qof oo mushaari ah, dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 40 qof. Maalmihii tagay kulamada Golaha Shacabka ayaa u baaqday muran ka jira Xildhibaanada gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mooshinka ka diyaariyay. Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka ayaa la sheegay inay wadaan Mooshin kale oo ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaa oo aan weli la dhameystirin is diiwaan galintiisa. Mooshinka diiwaan galintiisa ay socto ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gadaal ka riixaya qaar ka mid ah Guddoomiyaashii hore ee Guddiyada Joogtada ah oo intooda badan na siib u yeelan in ay xilalkoodii ku soo laabtaan. Mooshinka labaad ee diiwaan galintiisu socto ayaa salka ku haya ku tagri fal awoodeed oo lagu heysto Guddoomiye Jawaari, waxana lagu wadaa in la horkeeni doono Golaha Shacabka. Wax ay sidoo kale Jawaari ku eedeeyen in Safarada dibadda ay u raacan shaqsiyaad ku dhaw dhaw Xafiiskiisa oo kaliya, halka dadka kale laga reebo liisaska Safarada. Geesta kale, waxaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Mooshinada laga wado Guddoomiye Jawaari, kaa oo u muuqda inay gadaal ka riixayaan mas’uuliyiin dhowr ah oo kusoo fashilmay Siyaasada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaasi. Dagaalka oo ka bilowday bartamaha Xaawo Cabdi ayaa hadda lasoo sheegayaa in dhinacyada dagallamaya ay banaanka iskula baxeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay. Dagaalkan ayaa socda in ka badan 30 daqiiqo, waxaana ciidamada dowladda u tagey gurmad, iyadoo sidoo kale Labada dhinac isku adeegsanayaan rasaas xooggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  4. Ha’yadda GRT ayaa tababar ku saabsan tacdiyadda loo gaysto dadka magangalyo doonka ee ku nool deegaanada Puntland kusooo gabagabaysay magaalada garowe,waxaana loo qabtey tababarkaan dadka ay ka mid yihiin Yemeniyiinta iyo Ethopian-ka. Tababarka oo socday labo maalmood ayaa lagu bartey tacadiyadda ka dhanka dadka,waxaana ka faa,iidaystay dad gaaraya 30 qof oo ka mid ah dadka magangalyo doonka ah ee kasoo qaxay dalalka Ethiopia iyo Yemen. Hay,adda GRT oo ka shaqeysa arrimaha quseeya tacadiyadda loo geysto caruurta, haweenka iyo dadka magan-galyo doonka. Ma ahan markii ugu horeysay oo tababar noocaan oo kale ah ay qabato Hay,adda GRT, Iyadoona horey usoo qabatey tababaro bulshada qeybaheeda kala duwan muhiim u ah. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Hay,adda GRT oo tababar usoo xirtey qaxootiga Yemen iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxmed Sheekh Jawaari ayaa wajahaya laba mooshin oo is-bar-bar socota oo ay ka diyaariyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada mooshinnadan diyaaryay qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ii xaqiijiyay inay ugu yaraan 50 mudane ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah guddoomiye Jawaari, kaasoo lagu daray ajandaha baarlamaanka, sidoo kalena lagu hawlan yahay mooshin kale oo looga hor-jeedo Jawaari. Mooshinkii hore loo gudbiyay ee lagu soo daray ajandaha Baarlaaanka ayaa ku qotamay qaladaad ka jira dhismaha guddiyada baarlamaanka, murankaas oo soo bilaawday markii la dhisay guddiyada. Sidoo kale, Mooshinkan ayaa waxaa dabada ka riixaya guddoomiyaashii hore ee guddiyada joogtada ah ee baarlaanka qaarkood, kuwaasoo intooda badan aan nasiib u yeelan inay xilalkoodii kusoo laabtaan. Labadii casho ee lasoo dhaafay ayaa kulammada Baarlamaanka u baaqdeen muran ka dhex-jira xildhibaannada, gaar ahaan guddoomiyaha iyo xubnihii mooshinka ka diyaariyay. Dhinaca kale, Hoteello ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaarinta mooshin kale oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo noqonaya mooshinkii labaad oo ka dhan ah Prof. Jawaari. Xildhibaannada ku mashquulsan mooshinka labaad ayaa warbaainta qaar ka mid ah u xaqiijiyay inuu salka uu ku haayo ku takri-fal awoodeed oo ay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Qodobbada aadka loogu muransan yahay ayaa waxaa ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka tiradooda iyo lacago lagu sheegay Qaaraan oo bil walba laga jaro xildhibaanada. Iyadoo xildhibaannadu ay sheegeen in tirada shaqaalaha baarlamaanka ay gaarayso 380-qof oo mushaari ah dadka shaqeeyana ay ka yar yihiin 40-qof. Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in bil walba Mushaarkooda laga jaro $100 oo ah Qaaraan loo qorsheeyay xildhibaankii dhinta ama xanuun iyo dhib kale uu lasoo darso, taasoo ay sheegeen inaan la ogeyn halka ay ku baxdo, iyadoo aanay jirin xildhibaan wax loogu qabtay lacagaha. Dhanka kale, Safarrada dibadda ee Guddoomiye Jawaari ayuu muran xoogan ka taagan yahay, iyadoo xildhibaannadu ay ku eedeeyeen guddoomiyaha in shaqsiyaad ku dhaw-dhaw xafiiskiisa oo kaliya ay u raacaan safarrada uu ku aadayo dalka dibaddiisa. Ugu dambeyn, Lama oga halka uu ku dambeyn doono mooshinka laga wado Prof. Jawaari oo xilligaan iyo xilligii ka horreeyay ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa guddoomiye ay jecel yihiin gabi ahaan xildhibaannada baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno diyaarinaya Mooshino ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle uu ka baxay shirkii Khamiislaha ahaa ee ay golaha wasiirrada Somalia joogtada ugu yeeshaan Muqdisho. Tallaabadan uu qaaday Wasiir Bayle ayaa la sheegay inay ku timid, kaddib markii muran daqiiqado socday uu soo dhex-galay isaga iyo Ra’iisul wasaare Khayre, inkastoo aan la ogeyn wuxuu murankan salka ku hayo. “Wasiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa soo dhex-galay muran, taas ayaana keentay inuu shirka oo socda dibadda uga baxo, welina waxaa socda shirkii ay golaha wasiirradu lahaayeen oo doodo adag la isku dhaafsnayo,” ayay u sheegeen wasiirro ka tirsan xukuumadda qaar ka mid ah warbaahinta. Shirka oo billowday saakay 9:15 daqiiqo ayaa weli socda, iyadoo dhamaan xubnaha ka qayb-galaya ay is-dhaafsanayaan dodo kulul oo intooda badan salka ku haya hawlaha xukuumadda Soomaaliya. Xubnaha Golaha Wasiirrada xukuumadda ayaa horay ugu eedeeyay RW-ha inuu fara-gelin ku hayo hawlahooda shaqo, iyadoo wasiirrada Xukuumadda ay ka digeen fara-gelinnada lagu hayo shaqooyinkooda gaarka ah. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay ay xilkii iska-casishay Wasiirradii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maryan Qaasim Axmed oo sheegay inay salka ku hayso is-casilaadeeddan is-barbar-yaac ka jira dhex-jira shaqada Xukuumadda Federaalka Soomaaliay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Maaliyadda Somalia oo ka baxay shirkii Golaha Wasiirrada kaddib markii uu muran… appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia uu ka furmay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, kadib markii uu dib u dhac ku imaaday qorshihii ahaa in shirka lagu qabto magaalada Baydhabo. Shirka maanta oo inbadan ka duwan shirarkii hore ayaa waxaa la xaqiijiyay in Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia C/raxmaan Ducaalle Bayle uu isaga baxay shirka. Wasiir Beyle ayaa la sheegay in shirka uu ka baxay muran dheer oo ay wada galeen Ra’isul wasaare Kheyre kadib, waxaana lasoo sheegayaa in muranka uu ka dhashay lacag. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dood ka keenay hanaanka lagu bixiyay lacago farabadan oo aan ku jirin qasnada dowlada, isla markaana gaarin gacanta shaqaalaha dowlada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lacagahaasi ay yihiin kuwo laga qaaday Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, taa oo maalmahaani ay labada mas’uul isku hayeen. Sidoo kale, waxaa jira lacago la sheegay in lagu uruuriyay qaab gargaar oo ilaa iyo hadda aan la garaneynin halka ay martay, waana tan sababta u noqotay in Wasiir Maryan Qaasim ay iscasisho. Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyr iyo Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa ku dhawaad Sodon daqiiqa murmay waxaana intaa kadib gabi ahaan shirka banaanka uga soo baxay Wasiirka Maaliyada Mr Beyle. Khilaafka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Beyle ayaa bilowday muddo Afar bil ka hor, balse waxa uu u muuqdaa mid hadda soo xoogeystay. Warar dheeraad ah oo ku saabsan Shirka Golaha Wasiirada oo Saaka ilaa iyo Hadda socda ayaa sheegaya in Wasiir Beyle dib loogu celshay Shirka, waxaana weli socda dooda shirka. Arintaan ayaa ku soo beegmayso iyadoo maalintii Shalay ay is casilaad ku dhawaaqday Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maryan Qaasim Axmed waxa ayna iscasilaadeeda u cugsatay is bar bar yaaca ka jira shaqada Xukumadda. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in goordhow go’aan laga qaato muranka labada Mas’uul walow ay jiraan warar sheegaya in Wasiiro dhowr ah lagu helay Musuq-maasuq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. This presidential campaign may be the craziest, most divisive one in the history of the Republic of Somaliland. Don’t worry. I’m not going to get all political in this piece. Everyone is biased, and social media shapes and broadcasts these biases in profound ways. Every time there’s a revolution in Africa, from Egypt to South Africa, Nigeria to Ethiopia, Zimbabwe to Somalia’s Farmaajo campaign slogan ‘Nabad iyo Nolol’ (peace and life), whatever it is — social media plays a part. In short, social media is changing Africa. According to Mohamed Abdi Sheikh “Elig” Horn Cable TVs executive director, the news cycle has drastically changed in the past decade since the rise of the social network. As both Somaliland politicians and journalists often get much of their news from following key social media accounts where the news stories are also shared by readers/viewers, which has shifted the news cycle into a new paradigm. Presidential candidates realized that using social media platforms can reach as many news outlets as a press conference in a much more efficient manner. By posting their views on Facebook and Twitter, politicians are able to gain immediate insight into how the public responds and can even interact candidly with their followers directly, a fact that draws a lot of younger people to use social media to research the issues. In this manner, Hon. Abdirahman Mohamed Abdullahi “Cirro” the presidential candidate for Somaliland’s main opposition party (Waddani) will go live on Facebook, just less than forty-eight hours before polling day. Social media marketing campaigns can really stand out when done correctly, and an important piece of that puzzle is the hashtag. Hashtags allow accounts with large followings to create rallying points for their messages in a way that’s easy to track. Here are some of the leading hashtags during Somaliland Presidential Election Debate. Inspire Groups #SomalilandDebates that made more than 3 million impressions on Twitter and #SomalilandVotes which is trending right now in the Horn of Africa. All this data shows that the campaign is definitely catering to social media. UCID party leader, Faisal Ali Waraabe has the largest and most engaged social media following among the presidential candidates. Love him or hate him, you’ve heard of Faisal, and his social media exploits alone have earned him quite a bit of free attention from the mainstream media. He may say offensive things, but you can be assured Faisal means what Faisal says. There’s a lesson here. The more unbalanced, bombastic, and extreme you are, the more free press you’ll get. People love a good fight. People love to feel angry. If you want to learn more about how people feel toward Faisal’s ideals, all you have to do is search his name on Twitter and Facebook. And that brings up an important point. However, both Muse Bihi Abdi and Abdirahman Mohamed Abdullahi “Cirro” also have strong showings on other social networks like Facebook, Twitter and YouTube, where visual content trumps links and text. Although most political discussions online are taking place between regular users sharing news stories. It’s important to understand, however, these numbers don’t necessarily equate to registered voters who support a candidate, merely people whose attention they have. The cyclical nature of news and marketing means that the same stories will simultaneously appear in various social and traditional media platforms. Many find their way to WhatsApp but many more originate from there. Unlike the other forms of social media, the WhatsApp groups drop all the way down to single family groupings or rise up to political party collectives, with all the other subdivisions in between (clan, town, city, religious, women, etc.). Here ideas are shared, grievances discussed and plans are formulated. Whether by design or accident, the Somaliland political parties utilized such groups and embedded their own operatives, activists and supporters to promote the parties’ manifestos and future strategies. Whilst some may decry the clannish nature of such groups (and that’s indeed an argument worth exploring), we nevertheless cannot ignore social media’s ability to engage the electorate and allow them to feel a tangible connection to the process that goes beyond registration and voting. Here the “influencers” are influenced and, in turn, influence party policy. The journey to the 13th of November however started way before that date. Both the ruling party and the opposition parties understood early enough the need to involve the youth of Somaliland. Prior to the elections, the presidential and vice presidential candidates opened Twitter accounts and made their presence known on social media in which they engaged directly with young people. Social media usage is on the rise, and social networks are becoming an important part of every political strategy. A new force for political change is emerging across Africa: popular protest. Widespread urban uprisings by youth, the unemployed, trade unions, activists, writers, artists, and religious groups are challenging injustice and inequality. Lively discussions, posts and virtual town hall meetings were held almost on a regular basis on cyber space. People were able to air their opinions, and for once in the bistros of the country, young people became actively involved politically. Indeed, social media helped shape the opinion of a lot of youth in the elections and increased the political awareness and consciousness of the youth of Somaliland, be it by offering a platform for the candidates to interact directly with voters or offering a setting to hold virtual town hall meetings. The presidential elections have come and gone, winners and losers now know their fate. But the elections have definitely raised the bar for civic participation via social media for future elections in Somaliland. Samir Dualeh SAMIR.DUALEH@GMAIL.COM
  9. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhaxal-sugaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu casuumad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maalinta axadda ka dhoofo magaalada Muqdisho, isaga oo Isniinta si rasmi ah ula kulmi doono Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in casuumadda Imaaraadka Carabta ay astaan u tahay isku soo dhowaansho dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka. Kadib markii dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatay xiisadda dalalka Carabta, waxaa mugdi galay xiriirka dowladda iyo dalalka ka soo horjeeda dowladda Qatar, oo doonayey taageerada dowladda Soomaaliya. Arrintan ayaa sidoo kale waxaa dhaliilay siyaasiyin ku sugan gudaha dalka oo markii horeba mucaarad ku ahaa dowladda, una arkay fursad siyaasadeed oo ka faa’iideysan karaan. Si kastaba, mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa ku saleysnaa siyaasad ku dhisan ilaalinta madax banaanida Soomaaliya, iyo in dowladda Soomaaliya aysan abuuran cadaawadda dalal kale, xilli cadaadis siyaasadeed uu markii horeba ka haystay gudaha dalka iyo gobolka. Wixii markaa ka dambeeyey, madaxweyne Farmaajo ayaa hab diblomaasiyeed ugu guuleystay inuu dowladaha Masar iyo Sacuudiga ka dhaadhiciyo in danta Soomaaliya ay ku jirto in xilligan aysan dhinac ka raacin dalalka carbeed ah ee is-haya, waxaana taas caddeyn u ahaa markii Sacuudiga ay dowladda ugu deeqeen 50 milyan oo dollar, ayaga oo garowsaday in mowqifka ay qaadatay uu ahaa mid lagama maarmaan ah. Warar ku dhow Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in markooda ay garwosadeen in mowqifkii dowladda ay qaadatay uu danteeda ku jiray, ayna hadda diyaar u tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato, islamarkaana taageerto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Helidda Garsoor ku dhisan caddaalad loo wada siman yahay islamarkaana dhowra xaquuqda muwaadinka goob kasta iyo goor kasta oo la joogo ee ka yagleela Soomaaliya waa Baahida aasaasiga ah ee ugu weyn oo ay qabaan shacbiga soomaaliyeed ee looga fadhiyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, sidaa darteed Wadan aan lahayn hanaan hufan ee garsoor cadaaladeed ma gaari karo xasilooni, horumar iyo nabad waarta, cadaalad darrido ka jirta dalkeena waa sababta keentay burburka iyo is aamin la’aanta aafaysay Dhamaan adeegyadii Bulshada gaar ahaan caqabada garsoorka In badan oo ka tirsan Madaxda Dalka ayaa mar waliba ku soo celceliya in ay Xooga Saari doonaan Garsoorka Dalka hase yeeshee haatan arrintaas ma muuqato oo waxaa moodaa in masuuliyiintii ay hilmaameen wax ka qabashada Garsoorka dalka oo maraysa maanta meeshii ugu xumeyd, maxaa yeelay guud ahaan Dowladaha soo maray dalka oo ay ku jirto tan maanta, midna waxba kama qaban caddaalad darrada ka jirta garsoorka, taasina waxay ina dhaxalsiisay maanta in caddaalad darrada ka jirta garsoorka ay cirka isku shareerto kana sii darto. Aqalkii Sare iyo Golaha Shacabka ayaa moodaa in ay hareer mareen sidii dhiddibada loogu aasi lahaa Garsoor ay ummada Soomaaliyeed aamini karto, waxaa laga filanaayay Baarlamaanka ka kooban labada aqal in ay ugu horeynba wax ka qabtaan Garsoorka dalka, hase yeeshee taas badel keeda waxay ku mashquuleen Mooshin iyo isqabqabsi aan waxba soo kordhineyn. Waxaa hubaal ah marka la rabo in guri la dhiso ugu horeynba ay muhiim tahay in marka hore laga bilaabo Aas-Aaska, sidaas oo kale garsoorka waa aasaaska dib u yagleelida dowladnimo,haddii laga tago dhisidda garsoor hufan ee caddaaladeedna waa guri aan aasaas lahayn ama dawladnimo aan garsoor lahayn, sidaas darteed Baarlaamnka Soomaaliyeed ee wakiilka ka ah Shacabka waxaan u soo jeedinaynaa in ay sida ugu dhaqsida badan wax uga qabataan garsoorka iskana daayaan arrimaha kale ee ay ku muqshquulayaan oo aan ka tarjumayn danta shacabka, si loo helo dhameystirka tirar dowladnimo oo wax ku ool ah ee shacabka soomaaliyeed gaarsiisa dowlad caddaaladeed oo ku dhisan sharci. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen Nin Wadani ah oo Sumcad ku leh Bulshada Dhexdeedahase yeeshee maalmahaan dambe ku dhex milmey Siyaasiyiinta ku shaqeeya Qabiilka oo danaha guud ee Dalka ka hormariyey dantooda gaarka ah, waayo waxaa la sheegey in Dhowr jeer uu Raiisul Wasaaraha damcay in uu wax ka qabto Garsoorka hase yeeshee waxay dadka ay qabaan inuu hab qabyaaladeed ku isku hortaagey waxaa ku riixaya ay tahay Qabyaalad maadaama Bulshada Soomaaliyeed ka dheregsan tahay in garsoorkii dalka Boqalkiiba Shgaashan ay ka tirsan yihiin Hal Qabiil. Madaxweynaha oo ah iIlaaliyaha dastuurka horayna u ballanqadey inuu muddo saddex bilood guddahood ah wax uga qabanayo Garsoorka dalka, hase yeeshee uu isagiina dhabarka u jeediyey Garsoorkii dalka oo bulshada Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabtey, waxaa intaas dheer in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka fa’aaiideysanaaya dhammaadka saddexdaas bilood ee uu qabsaday Madaxweynaha waxna ka qaban garsoorka, muddadaas oo ku aadaneyd 04/09/2017, ayuu Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle markey taariikhdu ahayd 05/09/2017 u sheegay warbaahin inuu shaqada ka fadhiisiyay 18 garsoorayaal,(oo uu horey uga fadhiisiyay sanadkii 2016), arrintaasna uu sheegay iney ka dambeyso ballanqaadkii Madaxweynaha, hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed beentaas ma mudna, beentaas waxaa daliil cad u ah warqadda tixraaceedu yahay MS/137/2017 ee 15/08/2017, kana soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kuna socotay Madaxweynaha, oo ujeeddadeedu ahayd Soo Jeedin, uu uga dalbanaayay Madaxweynaha inuu xilka ka qaado mushaarkana laga joojiyo 18kaas garsoor oo uu dhammaadkii sanadkii 2016 uu shaqada ka fadhiisiyay. Shacabka Soomaaliyeed ma aha dad loo sheegi karo beentaa, waxaase dhammaantood la yaab ku noqotay inuusan waxna ka dhihin beentaas shacabkiisa loo sheegaayo laguna masabitay isla Madaxweynaha, aamusnaantaasna ay u qaateenba inuu isla Madaxweynuhu raali ka ahaa in shacabkiisa beentaas loo sheego si uu u daboolo ballanqaadkii saddexda bilood ee uu horay u sameeyay waxna uusan ka qaban ay halkaas ka daboosho, haddaba shacabka soomaaliyeed waa ka war hayaan iney xilligaas uu ballantaa qaaday Madaxweynaha in ay ka soo wareegtay muddo 7-da Bilood ah, oo ay ku mushquuleen Dagaalka Shabaabka, Amniga, Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada, Kulamo, Xaflado, Tababaro, Banaanbaxyo, islamarkaasna la xisaabtanka shacabkana waa mid soo jeeda ee aan been loo maleegi karin. Haddaba Dowlad kasta oo Dalka ka dhalata waxaa uu fashilka ugu weyn uga yimaadaa Dhinaca garsoorka oo aysan wax ka qaban, sidaa darteed Waxaan madaxweynaha ugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsidda badan wax looga qabto Garsoorka dalka islamrkaan isbedel weyn uu ku sameeyo guud ahaan garsoorka dalka si loo helo garsoor caadil ah oo ka haqabtira Shacabka Soomaaliyeed caddaalad darrada ka haysata garsoorka. Rasiiul Wasaaraha dalka oo ah Madaxa Fulinta Dowlada wuxuu ku mashquuley arrimo aan loo baahneyn waayo waxa ay shacabka weli isha ku hayaan bal in uu Xukuumadiisa isbedel ku sameyso garsoorka dalka, hadii aan dib ugu laabano hadalo uu hore u jeediyey Raiisul Wasaaraha oo ahaa in uu wax ka qabanayo Garsoorka dalka marka hadaladaas sow lama dhihi karo kuwo afka Baarkii ah oo u eeg Qowda Maqashii waxna ha u qaban , tan iyo markii la magacaabey waxuu kormeer ku sameysey Wasaaradaha iyo Hayadaha dowlada sidaa darteed waxaa isweydiin mudan muxuu u arki waayay ama u dareemi waayay Musuq iyo cadaaladaro tii ugun weyneyd ee ka jirta garsoorka, ileyn kormeerku ujeedadiisu waa inuu qiimeeyaa sida ay wax u jiraan, sidaa darteed Raiisul Wasaaraha waxaan u sheegeynaa kormeer waa halkiise, in Shacabka Soomaaliyeed ay si degdeg ah ugu ooman yihiin iney helaan garsoor Cadaaladeed oo hufan si loo badbaadiyo jiritaanka dowladnimo ee shacabka soomaaliyeed. Mudane Madaxweyne Waxaa Xaqiiqo ah in Garsoorka Dalka ay Maanta Maamulayaan ama u badan yihiin Hal qabiil oo sidey doonaan ka yeela waxaa arkeysaa dacwado Dhow jeer la Xukumey, Dad si xaqdaro ah Sannado lagu Xukumey iyo kuwa la iska toogtey oo aan la marin Baarintaan rasmi ah, sidaas darteed Mudane Madaxweyne Shacabka Soomaaliyeed waxay kuugu baaqayaan inaadan wax marmarsiyo ah kaaga bannaaneyn, oo aad uga qaban weysi Cadaaladarada baahsan ee ka jirta garsoorka Dalka mise waxaa rabtaa in aad Raacdo Dariiqii ay raaceen Madaxdii kaa horeysey kuwaa oo ku fashilmey in ay wax ka qabtaan garsoorka Dalka sidaa darteed haddii aadan Madaxweyne deg deg wax uga qaban waxa ka taagan Garsoorka waxaa hubaal ah Shacabkii shaley ku doortey ay kalsoonida kaala laabanayaan waayo Shacabka waxay u ooman yihiin garsoor hufan oo caadil ah. Shacabka Soomaaliyeed Waa Og Yihiin Muhimadda Garsoorka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Dhawaan meel Fagaaro ah ka hadlayey ayaa waxaa uu Madaxweyne kuu soo jeediyey in aad hakiso Xukunada ay qaadaan Garsoorayaasha dalka waayo dadka maanta ka shaqeeya waa dad aqoontooda aad u hooseeyo oo aan garaneyn habka baaritaanka kiisaska ama dambiyada Dalka ka dhaca sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee dalka in ay deg deg wax uga qabtaan Cadaalodarada ka jirta hayadaha Garsoorka dalka.sidoo kale Aqoonyahan Axmed Sh.Cali Buraale oo ah sharci yaqaan ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Garsoorka dalka waxaa uu yiri “Waa dumay Garsoorkii iyo dalkii oo dhan, waxa uu u baahan yahay in la soo dhiso oo la nooleeyo, waxaana lagu soo celin karaa garsoor Daacad ah iyo garsoore munaasab u ah aqoontii dadnimadii garsoornimo iyo hufnaantii oo xalaal miirad ah ayaa loo baahanyahay”. Waxaa uu Sii raaciyey Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha, iyo Labada Aqal ee baarlamaanka u soo jeedinaynaa in muhiimadda la siiyo hirgalinta nidaam cadaaladeed oo waafaqsan diinta Islaamka sida uu qeexayo Dastuurka kana dhaqan galo dalka oo idil si loo joojiyo Gabood falada iyo sidoo kale caddaalad darrida haraysay Ummadda Soomaaliyeed.. Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo dhawaan ka hadlayey Kulan looga hadlayey Amniga Dalka ayaa waxaa uu Madaxweynaha si cad ugu sheegey in wax ka qabashada xasilloonida Dalka ay ka horeyso in marka hore dadka ay helaan cadaalad taas ayuu sheegey in dadka Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin, sidaas darteed Madaxweyne Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa deeqa oo keliya waa iyadoo la helo Garsoor cadaalad ah, GUNAANAD Ugu dambeyn awoodaha Tiirarka Dowladda Soomaaliyeed, ma dhammeystirna, waxaana ka maqan tiirka aasaasiga u ah dowladnimada, taasoo ah Awoodda Seddexaad ee Garsoorka, waayo si dowladnimo loo helo waa iney wada taagnaadaan tiirarka seddexdaa woodood ee Dowladnimada, gaar ahaan Golayaasha sharci dejinta, Golaha Fulinta iyo Glaha Adeegga Garsoorka. Waxaa xusid mudan in 30kii Juun,2014, la ansixiyey Sharciga Dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka, oo Qod. 5aad, faqradda 3aad uu dhigayo in Xilalka iyo Awoodaha Golaha uu yahay in: “lnta laga dhamaystirayo jagooyinka qaabka Garsoorka ee heerka Dawladda Federaalka, Garsoorayaasha iyo howlwadeennadahada xilka Garsoorka haya waxay ahaanayaan siihayayaalka hawlaha iyo xilka Garsoorka”. Waxaa iyadoo sharcigu sidaa farayo la kala Diray Golaha Adeegga Garsoorka ee ay ahayd inuu sii jiro, sida ku cad Xeer Madaxweyne Lam. 08 ee 11/03/2015 Arrintaasi waxay keentay in si sharci darro lagu magcaabay, iyadoo loo cuskaday, soo jeedinta xubno aan dastuuri ahayn Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa sidoo kale sharcidarro lagu magacaabay Guddoomiye Maxkamad Sare markey taariikhdu ahayd 4tii Maajo 2016, iyadoo aan la dhisin Golihii Adeegga Federaalka, isla markaana ka soo horjeedda Qod. 5aad, faqradda 3aad sharciga Golaha Adeegga Federaalka, Iyagoo sharci darro ku magcaaban, xubinna ka ahayn, Gole Adeeg garsoor, ayey noqdeen sii-hayayaasha Guddoonka Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, siina magcaabeen Garsoorayaal iyo Xeer Ilaaliyayaal, kuwo kalena ka joojiyeen shaqada ama mushaarka, waxaana suuragal noqotay in Garsoor aan madaxbanneyn uu Dalka ka shaqeeyo. Haddaba ilaa iyo maanta oo ay ka soo wareegtay muddo dheer markii la kala diray Golaha Adeega Garsoorka ayaan la dhisin golahaas, sidaas waa lagama maarmaan in si degdeg ah lagu dhiso Golaha Adeega Garsoorka oo ah tiirka aasaasiga u ah Dowladnimada Halkaan ka Daawo sida Shacabka u soo dhaweeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Talaabooyinka la rabao in shacabka loo qabto waxaa nagu filan Heestii ahayd HALYEYGII LA DOORTOW FARMAAJO HALYEEYGII LA DOORTOOW FARMAAJO 2017 HD-0.mp4 Sh Cumar Xasan Gurey E-Mail gure114@gmail.com
  11. Madaxweyne Robert Gabriel Karigamombe Mugabe waxaa uu dhashay sanadkii 1924 waxaa uuna ka dhashay qoys sabool ah . Waxbarashadiisa Robert Gabriel Karigamombe Mugab,markii uu dhameystay waxbarashadiisa asaasiga ah waxaa uu ku biiray Jaamacadda Fort Hare ee ku taallo South Africa, waxaa uuna ka baxay sanadkii 1951. Mugabe intii uu dhiganaayay Jaamacadda Fort Hare waxaa uu kula kulmay jaamacadda oo ay wax isla barteen qaar ka mida hogaamiyaasha qaaradda Afrika oo ay ka midyihiin madaxweynihii ugu horreeyay dalka Zambia Kenneth Kaunda. Mugabe waxaa uu heystaa sideed shahaado oo Jaamacadeed oo is kugu jira Bachelor’s degree, Master’s Degree iyo Doctorate Degree. Takhasusaadka uu jeclaa oo uu bartay waxaa ka mida kuliyadaha uu bartay kulyadda macalinnimada iyo kulyadda dhaqaalaha, qaar ka mida shahaadooyinkiisa Jaamacadeed waxaa uu ka qaatay Jaamacado ku yaallo wadamada UK iyo South Afrika kuwaas oo ku baranayay habka loo yaqaano fogaan darsi waxbarashadeed Distance education. Mugabe ayaa waxaa uu ka helay Jaamacado dhowr ah oo caalamiya shahaadooyin Sharafeed Caalami ah. Noloshiisa Mugabe markii uu dhameystay waxbarashadiisa Jaamacadeed waxaa uu shaqo ahaan u bilaabay inuu noqdo Macalin, taasi oo aheyd noloshiisa shaqadii ugu horreysay oo uu qabto, muddo ka dib isaga oo macalinnimada ku shaqeynaya ayaa la xiray sababta xariiga ka dambeysay waxaa lagu sheegay inuu mucaarad ku bilaabay nidaamkii cunsuriga ahaa oo markaasi dalka ka talinaayey. Shaqooyinka uu Soo qabtay Rubert Mugabe waxaa uu soo noqday ra’iisulwasaare ka dib markii xisbiga Sanu uu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 1980 kuwaas oo ka dhacay Zimbabwe, ka dibna waxaa uu noqday madaxweynaha dalkaasi sanadkii 1987. Mugabe waxaa uu maamulayay Zimbabwe muddo dhan 30 sano, waxaa uuna Jiraa 93 sano sanadka 94-aad ayaa waxaa uga harsan muddo dhan 45 bari. W/Q: Jaamac Cali Shidane Source
  12. Madaxweynaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Maxamed oo ku sugan mgaalada Washington, D.C. ayaa sheegay in ururka uusan aqbaleyn awood walba oo lagu maquuniyo Zimbabwe oo aan waafaqsaneyn dastuurka. Moussa Faki Maxamed oo sii hadlay ayaa sheegay inuu cambaareynaayo awood walba oo loo adeegsado xaaladda Zimbabwe taasi oo lagu doonayo in wax laga badalo awoodaha dalka waxaa uuna yiri “Waxaan Cambaareyneynaa awood walba oo lagu badalayo Nidaamka haka timaado dhanka ciidamada ama dhanka falaagada”. Dhanka kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya Zimbabwe inay xakameeyaan nafsadda, isaga oo tilmaamay in ay u diri doonaan Magaalada Harare ee caasimadda dalksaasi hay’ado iyo ururada Afrika si ay dhexdhexaadin uga sameeyaan halkaasi. Zimbabwe waxaa ka soo cusboonay maalmihii dambe qalaalo siyaasadeed, waxayna doonayaan ciidamada in ay la wareegaan dalka, balse waxaa ay sheegeen inaysan wadin wax afgambi ah balse ay beegsanayaan dad ay ku sheegeen inay yihiin dambiilayaal ku hareereesan madaxweyne Mugabe. Siyaasiyiinta reer Zimbabwe ayaa waxay sheegayaan in arrinta ay wadaan ciidamada ay u egtay mid afgambi,waxayna ciidamada la wareegeen qaar ka mida xarumaha dowladda oo uu ka mid yahay telefishinka qaranka dalkaasi iyo madaxtooyada. Ciidamada ayaa la kulmin wax iska caabin ah tan iyo markii ay la wareegayeen awoodaha dalka, xaaladda madaxweyne Mugabe ayaa ah mid hadda wanaagsan in kastoo uu yahay xabsi guri. Waxay ciidamadu ku doodayaan inay beegsanayaan dambiilayaal agjooga mugaabi,kuwaasi oo ay ku sheegeen iyaga dardood inay u burbureen kaabayaashii dhaqaale uu wadanka lahaa. Goobjoog News Source
  13. Guddiga Doorashooyinka Soomaali-land ayaa Shaaciyey Waqtiga ay ku Dhawaaqayaan Natiijada Codadkii ay Shacabka Soomaali-land ku soo Dooranayeen Hogaanka Maamulka ee sanadaha Soo Socda. Guddiga Doorashooyinka Soomaali-land ayaa Sheegay in ay Soo Afjareen Tirinta Coddadkii ay kala Heleen Xisbiyada Maamulka, balse ay dib u Dhigeen ku Dhawaaqida Natiijada, si ay u Xaliyaan Cabashooyin ka yimid Qaarka mid ah Xisbiyada Mucaaradka oo Sheegay in Xisbiga Talada haya ee Kulmiye uu Doorashada ku galay Dhamaan Awoodii Dowladda. Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse ayaa Sheegay inay Natiijada si Rasmi ah ay ugu Dhawaaqi Doonaan 17-Bishaan oo ah maalin Jimco ah ka horna ay Dabagal iyo Hubin ay ku Sameynayaan Suurto-galnimada in Musuq-maasuq uu dhacay. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Soomaliland oo ku Dhawaaqay Xiliga Lagu Dhawaaqayo Natiijada Doorashada appeared first on Puntland Post.
  14. Dhulgariirka naadirka ah ee ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed Arbacadii waa mid kii labaad ee ugu awoodda badnaa ee dalkaas soo mara abid, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay 5.4 ayaa galinkii dambe ku dhuftay magaalo xeebeedka Pohang ee ku taalla koonfurtaa-bari ee dalkaas, intaas ka dibna dhulka ayaa marar badan dhaqdhaqaaqay. Ugu yaraan 57 ayaa ku dhaawacan tahay in kabadan 1,500 oo ruuxna hoy la’aan ayay noqdeen. Tallaabo aan horray loo saadaalinina, wasaaradda waxbarashada ayaa dib u dhigtay imtixaankii qaran ee qorshaysnaa in ardayda laga qaado Khamiista. Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warrantay in ay tahay markii koobaad ee arrin dabiici ah ay baajiso imtixaankan qaran ee ardayda iyo waalidka ay ku qaadato in ay u diyaargaroobaan billooyinka. PUNTLAND POST The post Dhulgariir ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka jirto xiisad aad u weyn uu dhaxeyso Taliyaha sida kumeel gaarka ah u hayo Xilka Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Mukhtaar iyo Taliyaha ciidamada Booliska ee Qeybta Waliyow Cadde ee Magaalada Muqdisho Korneel Maxamed Daahir. Xiisadda u dhaxeyo labadaan Taliye ayaa ka bilaabatay qabashada dadkii loo soo bandhigay inay ka dambeeyeen Qaraxii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha Booliska Qeybta Waliyow Cadde Korneel Maxamed Daahir ayaa la sheegay inuu isaga soo qabtay inta badan raggaas, waxaana la sheegay in loo qabsaday kiis kale oo ahaa inuu sii daayey kana soo tagay ragg kale oo ku lug lahaa qaraxaas una dhashay Beeshiisa. Xiisadda ku saabsan kiiska soo qabashada dadkii ka dambeeyey qaraxii Soobe ayaa meel xun ka gaartay Korneel Maxamed Daahir iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Genera Mukhtaar, waxana la sheegay inuu Korneel Maxamed Daahir Boskoolad ula baxay Taliyaha Ciidamada Booliska. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Korneel Maxamed Daahir Dharbaaxo ku dhuftay Taliyaha Ciidamada Booliska inkastoo arrintaan aan si cad loo xaqiijin. Murankaas kadib, Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa ku amray Korneel Maxamed Daahir oo ah Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde oo ah Afar degmo ka tirsan Gobolka Banaadir inuu Xabsiga galo isla markaasna uu qaato amarka la siiyey. Taliye Maxamed Daahir ayaa arrintaas ka dhaga adeegay, waxaana la sheegay inuu diiday amarka Taliyaha. Taliyaha Ciidamada Booliska General Mukhtaar ayaa Xarunta CID u gudbiyey Waraaq lagu amrayo in si deg deg ah loo soo xiro Taliyahaan. Wararka ay heleyso Caaismadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Taliyaha iyo laba gaari oo kuwa dagaalka ah ay gudaha u galeen Xarunta Shiirkoole oo ay ku badan yihiin Beesha Saleebaan oo uu Taliyaha kasoo jeedo, wuxuuna sheegay inuu is difaaci doono haddii lasoo weeraro. Inta badan Taliyayaasha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay adagtahay in lasoo xiro Maxamed Daahir, maadaama uu heysto gawaari dagaal arrintaas ay ka dhallan karto dagaal dhaco, waxayna dalbadeen in arrintaan loo xil saaro Ciidamada AMISOM ee Muqdisho u joogo nabad ilaalinta iyo Nabad Dhallinta. Saacdadihii ugu dambeeyey waxaa cirka isku sii shareertay Xiisadaan, waxayna gaartay dhammaan qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Booliska iyo Taliyayaasha Ciidamada, waxaana la ogeyn tallaabada xigta ee la qaadi doono. Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allaah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qax ay sameynayaan xaasaska iyo carruurta Horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-shabaab. Wararku waxa ay tibaaxayaan in Horjoogayaasha ay lasoo daristay cabsi dhanka amaanka ah, kadib markii ay ehel u noqdeen duqeymo iyo weerar dhulka ah oo ay qaadayaan ciidamada dowlada. Horjoogayaasha intooda badan ayaa isaga baxay goobihii ay kula dhuumaaleysan jireen xaasaska iyo carruurta, waxaana lasoo sheegayaa inay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho. Gaadiidka ka imaada degmada Afgooye ee soo gala magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la socda xaasas iyo carruur u muuqda inay u dhaxaan Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab kuwaa oo amaan kasoo raadiyay magaalada Muqdisho, maadaama dowlada Federaalka ay duulaan ku tahay Gobolka Shabellaha Hoose. Sidoo kale, ciidamada dowlada ee ku diyaarsan qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa bilaabay in dadka deegaanka ay ku wargaliyaan inay ka fogaadan goobaha xarunta u ah Alshabaab. Ciidamo wata gaadiid iyo Makaroofano ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah Gobolka kuwaa oo ka digaaya in dadka shacabka ah ay waxyeelo kusoo ag gaarto Alshabaab. Dhinaca kale, duulaanka ay ku goodisay dowlada ee u muuqda inuu dib dhac ku imaaday ayaa sababi kara in maleeshiyada Alshabaab ay fursad u helaan inay u baxsadaan deegaano kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Baydhabo (Caasimadda Online) – Warbaahinta qaar ee Soomaalida ayaa faafiyey inay Golaha Wasiirada Maanta ku shirayaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xogta rasmi ah ee ku saabsan waxa ka jiro Arrintaas. Shirka Golaha Wasiirada ayaan ka dhici doonin magaalada Baydhabo, wuxuuna hadda Shirkii Khamiislaha ahaa Golaha Wasiirada uga socdaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shirkaan hadda socdo ayaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya iyo is casilaadii Wasiirkii gargaarka Dr. Maryan. Markuu shirkaas dhamaado ayaa waxaa la filayaai inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u dhoofo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in ammaanka si aad ah loo adkeeyay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb gelaya sanad-guuradii 3aad ee aas aaska Maamulka Koofur Galbeed, taasoo maalinta berri ka dhici doonta magaalada Baydhabo, Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa furi doona mashaariic laga hirgeli doono magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay ku shiraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waana shirkoodii Todobaadlaha ahaa. Arbacadii shalay waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo maantana magaaladaasi tagayaan Ra’iisul wasaare Kheyre iyo golahiisa wasiirada. Kulanka maanta ee golaha wasiirada ku yeelanayaan magaalada Baydhabo waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan ammaanka guud ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah. 13-kii July ee 2017-ka, golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku shiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  19. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed iney ku shaqo bilaabaan degmada Baraawe ee Shabellaha Hoose, maadaama ay tahay xaruntii maamulkaasi. Kheyre oo shalay tagey Baraawe ayaa sheegay in magaaladaasi ay tahay mid aad u muhiim ah, taariikh badanna ku leh dalka. Waxa uu sheegay sidoo kale Ra’iisul wasaaraha in la dhisi doono garoonka diyaaradaha ee Baraawe, mashaariic kalena ay ka fulin doonaan magaaladaasi. “Waxaan idiin kugu nimid inaan garoonka dhagax dhigno si loo bilaabo dhismaha, waxaan idiin kugu nimid in madaxweynaha dowlad goboleedkiina iyo madaxda dowlad goboleedka kulli inaan ku dhiiro gelinno iney usoo guuraan magaala madaxda Baraawe” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre. Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dagaallada ka dhan ah Al-shabaab, wuxuuna sheegay in shacabka ay diyaar u yihiin iney la dagaallamaan cadowgooda, dowladana ay garab ku siin doonto. “Waan ognahay inaad diyaar u tihiin inaad cadowga iska difaacdaan, laakiin ma idin ku deyneyno kaligiin, waan idiin garab istaageynaa waan idiinla difaaceynaa, ciidan idin ka tagaya malahan” Degmada Baraawe ayaa xarun u ah maamulka K/galbeed, hase ahaatee weli maamulkaasi kuma aanu shaqo bilaabin, iyadoo dib u dhiska degmadaasina ay socoto. Goobjoog News Source
  20. Wasaarada waxbarashada Soomaaliya Iyo Amiin Ambulance ayaa heshiis iskaashi ka gaaray arrimaha la xiriira tababarka ardeyda iyo gargaarka degdegga ah. Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan oo munaasbadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida Amiin Ambulance uga qeyb qaateen qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii October. Mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa codsaday in Amiin Ambulance ay tababar iyo wacy-gelin siiyo ardeyga Iskuullada iyo Jaamacadaha Dhinaca kale, Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman oo ahaa agaasimaha Amiin Ambulance oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wasaaradda kula heshiiyeen sidii ardeyda iskuullada iyo Jaamacadaha loogu tababari lahaa arrimaha la xiriira gargaarka degga ah arrintaas oo ku jira manhajka, loona siin lahaa Numberada Amiin Ambulance si haddii wax dhacaan u helaan gargaar degdeg ah. Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman in ardeyda ay qeyb ka yihiin kooxaha gacanta siiya shirkadda gargaarka degdegga ah, barnaamijkanna uu qeyb ka noqon-doono in xiriirka sii xoogeysto. Goobjoog News Source
  21. Kismaayo (Caasimadda Online) – labo Wariye oo ka tirsan Jubaland TV Xaruntiisa Magaalada Kismaayo ayaa shaqada looga eryey kadib markii ay Comment ka bixiyeen qoraal la soo geliyey Facebook. Labada Wariye ee shaqada laga eryey ayaa lagu kala Magacaabaa Sahro Bishaar Cabdiraxmaan iyo Foos Cali Cabdiraxmaan waxaana sida ku cad qoraalada hoose la arkayaa ni Lagu magacaabo Liban Cabdi oo Reer Kismaayo ah haatana ku sugan Dalka Malaysia oo u muuqda inuu Mucaarad ku yahay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe uu soo qoray In helay xog ah in qofkii Reer Kismaayo ah ee qoraaladiisa Comment, Share iyo Like Saara In NS ay soo xiri doonto. Qoraalkaasi kadib ayaa dad kala duwan oo ay ku jiraan Labada Wariye ay ka soo bixyeen Comment Laakiin Gabadha la yiraa Sahro Bishaar waxa ay tirtay Comment ay soo dhigtay lkn ilaa hadda Foos Cali weli ma tirin wixii ay qortay Foos Cali Comment ay ka bixisay kadib waxaa isna hal Dhibic soo dhigay Agaasimaha TV Jubaland taasoo loo fasiran karo inuu u digayo Foos Cali oo isagu madax u yahay. Qoraalkan Sababay in shaqada laga eryo Labada Wariye ayaa la soo Post gareeyey 29 Oct. 2017 Laakiin Agaasime Ku xigeenka Warbaahinta Jubaland Jaamac Axmed Cali Joofane ayaa 04 Nov 2017 soo saaray Warqad uu shaqada kaga joojiyey Labada Wariye ee ka hawl galayey Jubaland TV. . Arrintaan ayaa yaab ku noqotay dadweynaha iyo Wariyaasha deegaanada Maamulka Jubbaland, waxayna Agaasimaha Warbaahinta Jubbland iyo ku xigeenkiisa ku eedeeyeen inay ku takri falayaan awoodda dowladeed isla markaasna ay dano iyaga u gaar ah ku fushanayaan. Agaasimaha TV-ga Jubbalanad Yuusuf Xasan Caddaani ayaa horey uga hor imaaday amarada Wasiirada Warfaafinta Maamulkaas, wuxuuna sheegay inaysan Wasaaradda Warfaafinta shaqo ku laheyn maamulka Idaacadda iyo TV-ga Dowladda. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso in Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiro kale ay dacwad ka dhan ah Agaasimaha u gudbin rabaan Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe, waxayna qoreen waraaq xilka loogaa qaadayo kadib markii uu isticmaalay awood uusan sharciga u baneyn. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli muuqda raadadka uu reebay Qaraxii 14 Bishii hore ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayen ku dhawaad 400 ruux. Tirada dadka ku geeriyooday Qaraxa ayaa waxaa dheer tirro intaa ku dhow oo nolol iyo geeriba lagu la’ yahay kuwaa oo hilbahooda uu raacay qalfoofta gaariga Qarxay. Dhibaatooyinka ka dhashay Qaraxa kuma ekeen Geeri iyo Dhaawac, balse waxaa jiray tirro dada oo ku waashay jugta Qaraxa kuwaa oo iminka qaarkood ku xirxiran goobaha Qur’aan saarka, halka qaarna ay yihiin kuwo duruuf kula xiran guryahooda. Raage Axmed Ceynab waxa uu kamid ahaa dadka Qaraxa ku waayey Maskaxdiisa waxa uuna xiliga Qaraxa ahaa mid ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ee Isgooyska Zoobe. Xanuunka uu ka qaaday Qaraxa ee maskax la’aanta ah ayaa sabab u noqday inuu u gacan qaado reerkiisa, waxaana xusid mudan in aabihii dhalay uu yahay mid aan laheyn indho uu wax ku arko. Hoos ka daawo muuqaalka muujinaaya Nabarada Qarsoon ee Qaraxii Soobe
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kasoo baxday Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee AFRICOM, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen weeraro hor leh oo muujineysa in la beegsanaayo falaagada al-Shabaab. Waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen duqeyn hor leh oo lagu beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayen Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab kuwaa oo ku sugnaa Gobolka Shabellaha hoose oo Saldhig u ah argagixisada Somalia ee al-Shabaab. Saraakiisha Ciidamada cirka Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaan lagu dilay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ay ku jireen Khubaro dhanka dagaalka iyo Qaraxyada. Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa intaasi ku daray in 28 weerar cirka ah ay sanadkan 2017-ka fuliyeen gudaha Somalia taas oo ka dhigan in ay saddex jibbaareen weeraradii ay qaaden sanadkii hore ee 2016-ka. Duqeyntii ugu danbeysay oo ka dhacday meel 96km ka xiga caasimadda Muqdisho dhanka waqooyi galbeed, ayaa la xaqiijiyay in laga gaaray dantii laga lahaa, waxaana lagu dilay Saraakiil iyo maleeshiyaad Hubeysnaa oo ka tirsan al-Shabaab. Dhinaca kale, Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee AFRICOM, ayaa sheegay in lasii kordhin doono duqeymaha bilaha ka harsan sanadka aan ku jirno ee 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha Lebanon Michel Coun ayaa ku eedeeyay Sacaduudiga in ay xireen ra’iisulwasaare Sacad Xariiri kadib markii si kadis ah xilka iskaga casilay isaga oo ku sugan Riyaadh. Ra’iisulwasaaraha ayaa shaqada ka tagay 4 November isaga oo ku sheegay sababta in uu u baqay naftiisa. Iran iyo xisbullaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay inay ku ciyaarayaa amniga gobolka Carabeed. Dhanka kale Madaxweynaha Faranasiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay ra’iisulwasaaraha dalka Lebanon ee is casilay Sacad Xariiri isaga iyo qoyskiisa in ay soo booqdaan Faransiiska, balse madaxweynaha ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay inaysan siineynin magan gelyo siyaasadeed. Mas’uuliyiin u dhashay Faransiiska ayaa waxay sheegeen in u yeeridda Xiriri ay timid ka dib markii Emmanuel Macron uu qadka telefoonka uu kula xiriiray Xariiri iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan. Todobaadka wareysi uu bixiyay Xariiri waxaa uu sheegay in uu dib ugu noqon-doono dalka Lebnon isla markaana uu mar labaad isku hor casili-doono madaxweyne Michel Coun. Goobjoog News Source
  25. Qatar has lauded efforts of Ethiopia in maintaining peace in the Horn of Africa region. The applause from Emir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani was during a meeting with Ethiopian premier Hailemarian Desalegn. The state-affiliated FBC reports that the two leaders spoke on areas of strengthening security, investments and diplomatic ties. The Emir is said to have lauded Ethiopia as a strategic partner and one key to peace in the Horn of Africa region. Desalegn is in Doha on an official visit reciprocating a similar one earlier this year by the Emir to Addis Ababa. Another Ethiopian state outlet, ENA, reported about diplomatic agreements signed by both countries in the area of visa waivers. “Foreign Minister Dr. Workneh Gebeyehu and his Qatari counterpart Sheikh Mohammed bin Abdulrahman signed the agreement providing for waiver of visa requirements for holders of diplomatic and official passports. “Finance and Economic Cooperation Minister Dr. Abraham Tekeste and Qatari Economy and Trade Minister Ahmed Bin Jassim signed the protection of investment agreement,” ENA reported. On the issue of the Gulf crisis, Ethiopia reiterated its stance with the Kuwaiti move to resolve the dispute through dialogue. Unlike Djibouti and Eritrea who took sides in the crisis, Ethiopia and Somalia maintained a neutral stance and backed calls for dialogue. Source: – Africa News