-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A Chinese man has been deported after a video emerged of him making racist comments, Kenya's immigration department says. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee warfaafinta Khaatuma Axmed Maxamed Xasan(Gacma Yare) oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku dhintay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Siyaasi Axmed Gacma Yare wuxuu sheegay in nasiib darro ay tahay in iyadoo weli maanka lagu hayo dagaalladii horay u dhacay ee khasaaraha badan dhaliyay in haddana dagaal kale uu yimid. Wuxuu sheegay in beelaha walaalaha ah eek u dagaallamaya duleedka magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood uu jeedinayo in dirirta ay joojiyaan. Dhanka kale, siyaasiga ayaa ugu baaqay dhinacyada Puntland iyo Somaliland in arrimaha siyaasadda iyo gacmaha ay ka daayaan degaanka iyo beelaha dirirsan dhexdooda, oo nabadda uun loogu yeero lagana qeyb qaato. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-GACMA-YARE-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Deganaansho ayaa saakay laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay deegaanka Dhumay oo ay ku dagaallameen Beello wada deggan halkaasi. Wariyaha Goobjoog ee gobolkaasi Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in saakay xaaladdu tahay mid caadi ah, balse ay jirto xiisad u dhaxeeysa beelihii dagaallamay. Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintey dagaalladii ugu dambeeyey ee shalay ka dhacay deegaanka Dhumay, waxaana dhanka kale socda dedaallo lagu doonayo in xiisaddan lagu qaboojiyo. Dagaalladan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo beelahan horey uga dhaxeysay, iyadoo ay jireen dedaallo horey dhinacyadan heshiis loogu dhex dhigay. Somaliland ayaa qorsheyneysa in ciidan badan ay kala dhex dhigto maleeshiyaadka dagaallamaya, si aanu khasaaraha usii badan. Dhanka kale, dagaalkan ayaa waxaa jira guryo badan oo ku gubtay, iyadoo dhanka kale dadweyne badan ay barakaceen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ku baaqday in la helo amni waara oo ka dhasha wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo ay ku bateen weerarada Al-shabaab ka fuliyaan. Waxa ay sheegtay in Labo Sano u dhammaatay maamulkooda, waxaana ay si gaar ah ugu baaqday shacabka Hirshabelle iyo maamulka in si wadajir ah u furaan wadadaasi. “Labo saac ayaan u socon jirnay magaalada Muqdisho, waxaana hadda sugnaa diyaarad oo cirka ayaan marnaa, waxaan ku dhiirogelinayaa, xildhibaannada, ciidamada, golaha wasiirada, ganacsatada iyo shacabka inaan furno jidka Balcad” ayeey tiri Canab. Sidoo kale, Canab ayaa sheegtay in wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay amni ka dhigi karaan ciidamada Hirshabelle oo taageero ka helaya shacabkooda. Marar badan ayaa dagaalyahannada Al-shabaab waxa ay weeraro ka fuliyeen wadadan, waxaana jirta mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo wadadaasi lagu diley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaarado dagaal oo aan weli la sheegin dalka laga leeyahay ayaa xalay waxa ay duqeyn xooggan ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahan ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxaana la sheegayaa in ay jirto waxyeello soo gaartay xubno ka mid ah Al-shabaab. Duqeynta sidan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ka fuliya diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The police in Ethiopia said on Friday that the engineer who had been in charge of an enormous dam being built in the northwest of the country had taken his own life. The body of the engineer, Semegnew Bekele, was found slumped behind the wheel of his car in the capital, Addis Ababa, in July. Source: Hiiraan Online
-
Belgium shocked by TV weather woman's encounter with racism
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Media outlets and politicians in Belgium expressed shock and dismay Friday after two high-profile reports of racism rocked the kingdom this week, raising troubling questions about white attitudes a few weeks before local elections. Source: Hiiraan Online -
Jilib (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah, oo ay heshay Caasimada Online, duqeyn xooggan oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loola beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab, oo ku lug lahaa qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya. Xogta ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegeysa in sarkaalkaasi la aaminsan yahay inuu si gaar ah kaalin xooggan ugu lahaa weerarkii ugu cuslaa tariikhda Soomaaliya ee 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur xamuul ah ayaa waxaa ku dhintay 587 qof, waxaana ku dhaawacmay 316 qof oo kale. Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo midkii shanaad ee taariikhda dunida. Sarkaalka weerarka xalay beegsaday ayaa waxaa sidoo kale la socday saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab. Inkasta oo weerarka lala beegsaday xubnahan, haddana weli ma cadda geeridooda. Sidoo kale, ma cadda cidda fulisay weerarka, hase yeeshee waxaa loo badinayaa diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Ma jirto cid illaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saartay weerarkan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya ayada iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, oo shir ka dhan ah dowladda ku leh Kismaayo. Samatar ayaa sheegay in dowladda ay faro-gelin ba’an ku hayso maamul goboleedyada, ayaguna ay ku jiraan iska caabin, taasina ay sabab u tahay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, ee meesha xun gaaray. “Dowladduu waxay isku dayaysaa in dhammaan gobollada ay madax uga dhigto xubno ayada ku xiran oo hoos taga, oo waxay doonaysaa inay beddesho madaxda hadda xilalka haya” ayuu yiri. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu isaga uu si gaar ah u ogyahay qorshe ka dhan ah qaar ka mid ah madaxda maamullada, oo dowladda federaalka ay waddo. “Waxaan si gaar ah u ogahay in dowladda ay ka shaqeyneyso qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, oo ay doorashooyin kusoo socdaan, waxaana dowladda ay damacsan tahay inay ku beddesho xubno ayada hoos-taga” ayuu yiri Samatar. Dhinaca kale, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inay habooneyd in madaxweyne Farmaajo nuu tago Kismaayo, intii uu ka tagi lahaa Asmara, uuna la hadlo madaxda maamul goboleedyada, oo uu isku keeno shacabka iyo dadka kala careysan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho lagu doonayo in lagu mideeyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka jira Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho kuwooda ugu miisaanka culus. Qorshahaani ayaa waxaa horboodaya Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Talaabada lagu doonaayo in lagu mideeyo Xisbiyada ayaa waxa lasoo sheegayaa in wali uu ka taagan yahay Isfahan la’aan aan ka jirta dhanka Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir. C/raxmaan Cabdi Shakuur, oo laga sugayo Jawaab ogolaansho ama mid diidmo ayaan wali qaadan wax go’aan ah, xili Xisbiyada kale ay yihiin kuwo u go’ay talo soo jeedinta Xasan Sheekh. C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa ka meermeeraya diidmada iyo ogolaanshiyaha mideynta Xisbiyada, hase yeeshee waxaa soo baxaya in Isfahan la’aanta jirta ay tahay mid salka ku heysa shaqsiga noqon lahaa Guddoomiyaha Xisbiga lagu dhawaaqi lahaa. Siyaasiyiin ka tirsan garabyada mucaaradka ayaa inoo xaqiijiyay in sababta ugu weyn ay tahay in C/raxmaan Cabdi Shakuur uu doonayo in laga dhigo Guddoomiyaha, halka Xasan Sheekh uu isna ka doonaayo inuu noqdo madaxa ugu sareeya ee Xisbiga lagu midoobi doono. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in arrintani dhameystirkeeda ay ku guda jiraan Xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo qudhooda kasoo dhexmuuqan doona xisbiga. Geesta kale, waxaa jira Isfahan yari ka taagan sida loo kala qaadan lahaa kuraasta ugu waaweyn ee xisbiga la filaayo in lagu dhawaaqo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Onkien) – Ciidamada Nabadsugidda Somalia ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen xaafad ka tirsan Muqdisho waxa ay ku soo qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, oo qorsheynayey weerar culus oo ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho. War kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen koox Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorsheysan oo ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, sida ay hadalka u dhigeen. “7-da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka. Nabadsugidda Somalia ma aysan shaacin degmada iyo xaafadda uu si gaar ah uga dhacay howlgalka lagu qabtay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee qorsheynayay dilalka iyo weerarada. Hay’adda Nabadsugidda ayaa muddooyinkaan dambe Muqdisho ka waday howlgallo qorsheysan,iyaga oo shaacinayey in ay ku soo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa eedo uu u jeediyay ku muteystay shaqo joojin iyo xabsi. Mudane Cumar Shariif Jeeg, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho. Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojin todobaadkani lagu sameeyay guddoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loogu dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow, iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay guddoomiyaha. “Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ahay, waxaa lagu leeyahay Corruption iyo musuqmaasuq ayaa laga hortagayaa, dowladdii ayaa u horseedeysa corruption iyo musuqmaasuq” ayuu yiri guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyay. Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa intaas ku daray: “Meeshaan la burburinayo waa degmada Xamarweyne, guddoomiyaheeda ayaan ahay waxaan ka warqabo malahan wax la i ogaysiiyay malahan waa boob, tuugnimo iyo dhac waxa loo socdo, waxaan u sheegayaa guddoomiyihii degmada ayaan ahay Kama a warqabo, aaway dowladdii iyo nadaamkii la sheegayay wax ka jira malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Shariif Jeeg. Masuuliyiin dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Raysal wasaare Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa’uud, oo arrimo la xiriira musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay. Tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha horraantii 2017, Xasan Cali ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay. Haddaba, mareegta Goobjoog News ayaa idiin la wadaagaysa hadalka guddoomiyihii Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg kaasoo shaqo joojin lagu sameeyay. HOOS KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-GUD-XAMARWEYNE-07-09-2018.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gudaha bishani isbedel lagu sameyn doono Gudoomiyayasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Isbedelka ayaa waxaa si wada jira iminka uga arinsanaaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir Cabdiraxman Yariisow. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu u gudbiyay liiska Gudoomiyayaasha iyo kuwa cusub ee imaan doona, iyadoo qorshaha uu yahay mid uu kasoo talo bixin doono Wasiir Sabriye. Degmooyinka ugu horeeya ee isbedelka uu saameyn doono ayaa waxaa kamid ah Waabari, Kaaran, Dharkeenley,Wardhiigley, Xamar weyne iyo Howlwadaag, waxaana suuragal ah in ku-xigeeno hadda shaqeeya loo bedelo Gudoomiyayaal buuxa. Gudoomiyayaasha ku bixi doona isku shandheynta ayaa waxaa qaarkood loo heystaa kiisas la xiriira musuq-maasuq dhanka ku tagrifalka canshuuraha ah. Sidoo kale, isbedelka kusoo fool leh Gudoomiyayaasha ayaa dhici doona kadib jawaab celin laga sugaayo Wasiirka arrimaha Gudaha Sabriye oo isagu kaalin weyn ku leh isbedelada Gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyayaashan ayaa waxaa magacaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Taabit Cabdi, oo si kadis ah ku waayay xilkiisa. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhowrkii beri ee u dambeeyey waxay dadku is weydiinayeen su’aasha aan hordhaca uga dhignay mowduuceenna ee ah sababta guriga madaxweynihii ugu horreeyey Soomaliya uu u noqday meel ay xushmeeyaan oo aysan ku xadgudbin dhinacyadii dagaallada sokeeye ee dalka ku lugta lahaa, dagaallamayaashii qabaa’illada, qabqablayaashii dagaalka, Al shabaab, kooxaha burcadda qowlaysatada ah, iyo xataa dawladdii laga baqi jiray ee kacaanka. Su’aasha waxaa keenay markii ciidan si gaar ah u tababaran oo Soomaali ah ay habeennimo gudaha u galeen beerta Aadan Cadde, dabadeedna, Sida uu BBC u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo uu dhalay madaxweynihii hore, ay gurigii uu ku noolaa xoog ku jabiyeen, ayagoo ka qaatay alaab dhex taallay, dadna ka kaxaystay. Dhowr arrimood oo dhamaantood waaqici ah ayey isugu soo biyo shubanayaan sababaha haddii la rogrogo. 1- Shuruucda caalamiga, iyo kuwa Soomaaliyaba waxay xurmo iyo xasaanad ka duwan tan bulshada siiyaan madaxweyne kasta oo dalka soo maray. Naftiisa iyo hantidiisa laguma xadgudbi karo. Weliba wuxuu qaranku u damaanad qaadayaa madaxweyne kasta oo xukunka ku wareejiya si nabdoon, dhibna aan gaysan, in kharashka noloshiisa, halka uu ku noolaanayo, amnigiisa, gaadiidkiisa, caafimaadkiisa, safarradiisa IWM uu qaranku damaanad qaadayo inta uu nool yahay, haddii uu geeriyoodana si heer qaran ah loo aasayo. 2- Aadan Cadde wuxuu madaxweyneyaasha kale kaga duwanaa isagoo ahaa madaxweynihii 1aad ee ay yeelato Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay. Wuxuu kaloo ahaa, Soomaaliya kaliya ma ahee, nin Afrikada madow tusaale u dhigay oo xukunka si dimoqaraaddi ah u wareejiyey, xilli afgembiyada iyo kali talisnimada ay Afrika ku soo badanayeen. Waxaa taas barbar socday isagoo ka mid ahaa raggii u soo halgamay gobannimada Soomaaliya. 3- Wuxuu ku noolaa dalkiisa intii ka harsanayd noloshiisa, gaar ahaan guriga iyo beerta la weeraray. Madax aad u yar oo fara ku tiris ah mooyee inta badan madaxda Afrikaanka waxay xilligii Aadan Cadde ahaan jireen kuwo la afgambiyo oo la dilo, ama carara, ama haddiiba cod looga qaado xukunka aan dalkooda ku noolaan ee dibadaha musaafuris ku jooga, halkaasna ku dhinta. 4- Dadka aadka u yaqaannay Aadan Cadde kuma aysan sheegin xatooyo iyo musuqmaasuq, carruurtiisana ma ahayn kuwo uu ku soo koriyey nolol la mid ah tan ay ku soo koreen carruur badan oo ay dhaleen dad madax ah. Qodobbadaas iyo qaar kale oo ay dhici karto in aan halkan lagu xusin oo u badan sumcad uu bulshada ku dhex lahaa ayaa ugu weyn in la xurmeeyo Aadan Cadde, ehelkiisa iyo hantidiisaba. Qoyskiisa waxay BBC u sheegeen in guriga uu beerta ka degganaa, gaar ahaan qolkiisa jiifka iyo xafiiskiisa, ay iska xirnaayeen tan iyo markii uu geeriyooday 11 sano ka hor, oo in la nadiifiyo mooyee aysan gadaashiis cidina ku noolayn. Inkastoo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si degdeg ah raalli gelin u siiyey qoyska madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, haddana dad badan waxay dareensan yihiin in ay arrintaas aysan ahayn gef loo gaystay reer Aadan Cadde oo kaliya ee ay tahay gef laga galay Soomaalida oo dhan. Waxaa iyadana muhiim in talaabo laga qaado ciidankii falkaas gaystay haddii uu ahaa fal aan ku talagal ahayn, lagana feejignaado in mar dambe uu soo laabto. Isha: BBC
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay leeyihiin rajooyin ku aadan helida aqoonsi rasmi ah. Wasiirku waxa uu sheegay in Somliland ay xiriiro kala duwan la sameysay wadamada reer galbeedka si ay uga helaan aqoonsi. Waxa uu tilmaamay inay heystaan ballanqaadyada dhowr dal oo miisaan ku dhex leh dalalka reer galbeedka kuwaasi oo qalinka ku duugay inay kala shaqeyn doonaan helida aqoonsi buuxa, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaa raaciyay in aqoonsi raadintooda xitaa ay gaarsiiyen dowlada Mareykanka, hase yeeshee ay qabaan rajo weyn oo muujin karta inay helayaan aqoonsi. Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay dadaal ku bixineyso sida ay ku hor istaagi laheyd aqoonsiga Somaliland, hase yeeshee waxa uu taa bedelkeeda ku sheegay inay ka miro dhalin doonaan rajadooda. “Dowlada Somalia waxa ay dadaal galineysaa sida ay meel waliba uga soo xiri laheyd Somaliland, balse anagu waxaanu nahay dal yaqaan dantiisa dhabar adeegna u yeelan doona raadinta aqoonsiga” Dowlada Somalia ayuu sheegay inaysan awood u laheyn is hortaaga aqoonsiga Somaliland balse ay wado dadaalkii ay isku hortaagi laheyd. Sidoo kale, Sacad Cali Shire, ayaa carab ***** inuusan garankarin faa’iidooyinka dowlada Somalia ugu jirta is hortaaga aqoonsiga Somaliland iyo inay ka daba shaqeyso danahooda, sida uu hadalka u dhigay. “Anagu wan garan la’nahay sababta ay dowlada Somalia ugu mashquulsan tahay danaheena gaarka ah” Haddalka Sacad Cali Shire, ayaa kusoo beegmaya xili uu maamulku dhawaan sheegay inay aqoonsan yihiin dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Israel ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay xaaladaha amniga ee dalal dhowra oo dhaca qaarado kala duwan. Israel ayaa sheegtay inay ka digeyso in muwaadiniinteeda ay socdaal ku gaaran wadamadaasi oo kaalmaha koowaad ay kaga jirto Somalia. Digniintan oo kasoo baxday Xafiiska guud ee Guddiga Amniga Qaranka Israel ayaa waxaa muwaadiniinta looga digay inay u safraan wadamada Somalia,Iran,Iraq,Syria,Lubnan,Masar iyo India. Dalalkani oo ay ku jirto Somalia ayey sheegtay inay ka dhacayan weeraro culus oo ay geysanayan Kooxaha argagixiso ee ku xiran Al-Qacida. Sarkaal ka tirsan Guddigaasi ayaa sheegay in dalalka ugu daran oo sida gaarka ah loogu bartilmaamsan karo muwaadiniinta Israel ay ka mid yihiin Somalia iyo Masar kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Kooxo xagjiriin ah, isla markaana xiriir dhow la leh Al-Qacida. Sidoo kale, Sarkaalka ayaa sheegay in Xagjiriinta ay si gaara u daneeyan muwaadiniinta Israel oo laga midab takooro inta badan dalalka Islaamka. Si kastaba ha ahaatee, baaqa Israel ayaa yimid xilli Yahuudu guda galeyso fasax ciideedyadooda sanadlaha ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaybta 3-aad, halkan ka aqri qeybtii 2-aad Intaan u gudbin qaybtii 3aad ee taxanaha qaraalkayga, waxaa ila habboonaatay inaan talo ku darsado khaladaad aan la dhuuxin lagana fiirsan ee Nabad Sugidda Somaaliyeed horey gashay sanooyinkii u dambeeyey kuwasoo ay ka mid ahaayeen kuwii loo aanaynayey inay u horseedeen hoos u dhaca hawlihii loo igmaday kaddibna, sida la wada xusuusan yahay, u horseeday burburka ciidanka. Haddaan si kooban uga faallodo, khaladaaskaas waxaa ugu darnaa markii ciidanka lagu soo biiriyey xubno aan haba yaraatee ku habboonayn inay shaqadaas qabtaan iyagoo lagu keenay codsi ama rabitaan shaqsiyadeed si loo raali geliyo, kuwaasoo qaarkood ku yimid hab qabiil. Tan kale, sanooyinkii u dambeeyey ciidanku wuxuu la baraarugay inuu isu beddelay hay’ad loo adeegsado in lagu raali geliyo ama lagu fuliyo dano siyaadeed, sida haatan uu isku beddelay ciidanka. Qodobbadaasi oo dhan waxaa ka sii daray markii jiritaanka hay’adda ciidanku ku xirnaado dawlad shisheeye. Burburkii ciidanka ee dhamaadkii 1991kii, inkastoo aan dalka ka dhoofay, haddana waxaan isku taxluujiyey kuna dadaalay inaanu go’in xiriirkii aan la lahaa ciidanka, hase yeeshee nasiib darro wuxuu noqday hal bacad lagu lisay, aakhirkiina ii soo baxday in hay’addu ku dambaysay mid laga weeciyay hawlahii lagu yiqiinnay hay’ad sirdoon. Haddaba, madaxda qaranka, waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa in xoogga saarto qodobbada hoos xusan, waa haddii ay ka go’an tahay in qaranka (dal iyo dad) la badbaadiyo, taasoo hubaal ah inay hanan doonto kalsoonida shacabka: In hay’adda lagu soo celiyo Dalladda Qaranka (Nation Umbrella). Waxyaalaha lagu garto qaran waxaa ka mid ah inuu leeyahay dhul, calan iyo astaan. Haddaad fiiriso astaanta Hay’adda Sirdoonka, waxaa kuu soo baxaysa in dawlad shesheeye leedahay, waayo waxaa ku qoran luqad shisheeye, aaway luqaddii Ummadda Somaaliyeed oo hirgelinta qaraalkeeda juhdi badan loo soo maray. Arrintani gaar uma aha NSS-ta ee waxay noqotay mid guud oo cudurdaar u noqoto maaligelin mashaariic shisheeye. Sida aad la socotaan, hirgelinta qoraalka luqadda soomaaliyee ka hor, magaca rasmiga ah ee ciidanka sirdoonka Soomaaliyeed wuxuu ahaa “National Security Service” oo marka la soo gaabiyo ahayd NSS. Waxaan xusuustaa dhibka aan kala kulannay inaan la beddelin laysna waafajiyo magacaas, markii dambena laysku raacay in loo beddelo Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS). In hoggaanka ciidanka ay noqdaan shakhsiyaad xirfad waayo aragnimo u leh hawlahaha sirdoonka ee aan loo magacaabin shakhsiyaad meeshii la doono laga keeno ama weligood shaqaale dawladeed soo noqon , qoortana loo geliyo mas’uuliyad ayan ka soo bixi karin kuna fashilmaan, waxaa taasi ka sii daran inay dhacday in dib loo magacaabay madax hore ugu fashilmay xilkaas. Waxaan ogsoonahay inay dalka gudihiisa iyo dibeddeba ku nool yihiin saraakiishii iyo ciidankii aasaasay hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed, xirfad iyo khibrad toona u baahnayn oo si toos ah shaqada u qaban karaan. Magacaabidda xilalka kala duwan ee hay’addu waa inay ku salaysnaataa mid loogu xushay xirfad iyo khibrad ee aan loo eegin habka foosha xun ee ku saleysan qabiilka. Ma jecli inaan tusaale ahaan u soo qaato, hase yeeshee si aan fikraddeyda si habboon ugu cabbiro, tan iyo aasaaskii NSS ilaa burburkii dawladdii dhexe, waxaa hay’addaas hoggaanka u soo qabtay 3 taliye iyadoo aan loo eegin reeraha ay ka soo jeedaan, walow ay meel ka soo wada jeedeen, cidna shaki ma gelin. Tan iyo waagaas immisa Taliye ayey yeelatay Hay’addu? Waa in laga gudbaa dhaqannada foosha xun ee la caadaystay ee ah in qabiil uu la soo shir tago: Annagu haddaan reer Laba Indhoodle nahay, waxaan doonaynaa in nala siiyo 2 wasiir, 3 Jeneral, 2 Safiir, Taliye ciidan iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxaan dhowr jeer maqlay ereyada ah “Haddaan reer Timo Jilic nahay, dawladda kalsoonidii waan kala noqonnay”. Sidaasi dawladnimo laguma noqdo, qaranna laguma hoggaamin karo. Dhisidda Qaran aad bay u adag tahay maalinna laguma hirgelin karo laakin burburinteeda aad ayey u sahlan tahay. Sidaa hore u sheegay, Hay’adda Sirdoonku waa wadnaha uu qaranku ku nool yahay, waxaana ogsoonahay in haddii wadnuhu martigeliyo dhiig aan saafi ahayn, waxaa hubaal ah inuusan raagayn. Soomaali waxay hore u tiri: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tegi jirin ayaa taga”. Waxaan xusuustaa in Hay’addu ay subax walba madaxda qaranka u gudbin jirtay warbixin maalmeed “Daily Report” oo ka tajumaysa xaaladda uu waddanku ku sugan yahay 24kii saac ee tagay marka laga eego dhan kasta. Tusaale ahaan, waxaa qodobbada warbixinta ka mid ahaa la socodka marxaladaha maciishadda iyo guuxa dadweynaha. Waxaan shaki ku jrin in maanta arrimahaasi yihiin kuwo dhalanteed ah (Utopia). Markaan sanooyin badan ugu kuurgalay musiibadaha kala duwan oo qaranka ku habsaday, waxaa ii soo baxday in qaranku (Dal iyo Dad) ku socdo god halis ah oo haddaan degdeg wax looga qaban ay adkaan doonto in dib looga soo noqdo. Waxaa hubaal ah in taariikhdu qori doonto qof kasta dhibka ama halaagga uu u horseedo dalkiisa iyo daldkiisa intaba. Hay’adda Sirdoonku waxay u baahan tahay isbeddel xagjir ah (Radical Change) ee uma baahna isbeddel hoggaan oo keliya, xitaa haddii ay dantu kallifto in la qaato go’aan adag (Unpopular Decision), si loo saxo khaladaadka ka dhex jira. La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka soconaya dhanka galbeed ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal beeleed dib uga soo cusboonaadey gobolka Sool, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Dhumay. Dagaal beeleedkani oo u dhaxeysa malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay. Mareegto Goobjoog News ayaa loo xaqiijiyay in dagaalkani sokeeye ay ku dhinteen 18 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhawacmeen, kuwaasoo wararku ay tilmaamayaan in la dhigay Isbitaalka dhexe magaalo madaxda gobolka Sool ee Laasacaanood. Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan. Wararkii Ugu dambeeyay ee xaaladda sida ay tahay waxaa ka wareysannay wariyaha degaankaasi Faarax Dubbad wuxuuna u warramay Maxamed Cabdullaahi Maxamed. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/FAARAX-DUBBAD-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo dhinacyada dirirta u dhaxeysa ay dhex-degan yihiin ayaa lagu eedeeyay inaysan xil iska-saarin, islamarkaana muhiimad siinin xalinta colaadda dhiiga ku daadanaya. Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dowladda Puntland iyo siyaasiyiin ayaa baaq nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degaanka Dhumay ee duleedka magaalada Laascaanood. Waxay dalbadeen Xildhibaannada in dagaalkani la joojiyo oo waxgaradka gobolka Sool ay kacaan si khasaaraha loo hakiyo. Shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen ayay si gaar ah waxgaradka gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood uga codsadeen in arrintani qaboojinteeda ay u istaagaan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/BAAQA-BAARLAMAANKA-PUNTLAND-.mp3 Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/BAAQA-BAARLAMAANKA-PUNTLAND-.mp3 Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa eedo uu u jeediyay ku muteystay shaqo joojin iyo xabsi. Mudane Cumar Shariif Jeeg, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho. Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojin todobaadkani lagu sameeyay guddoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loogu dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow, iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay guddoomiyaha. “Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ahay, waxaa lagu leeyahay Corruption iyo musuqmaasuq ayaa laga hortagayaa, dowladdii ayaa u horseedeysa corruption iyo musuqmaasuq” ayuu yiri guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyay. Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa intaas ku daray: “Meeshaan la burburinayo waa degmada Xamarweyne, guddoomiyaheeda ayaan ahay waxaan ka warqabo malahan wax la i ogaysiiyay malahan waa boob, tuugnimo iyo dhac waxa loo socdo, waxaan u sheegayaa guddoomiyihii degmada ayaan ahay Kama a warqabo, aaway dowladdii iyo nadaamkii la sheegayay wax ka jira malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Shariif Jeeg. Masuuliyiin dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Raysal wasaare Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa’uud, oo arrimo la xiriira musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay. Tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha horraantii 2017, Xasan Cali ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay. Haddaba, mareegta Goobjoog News ayaa idiin la wadaagaysa hadalka guddoomiyihii Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg kaasoo shaqo joojin lagu sameeyay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-GUD-XAMARWEYNE-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com