Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    194,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Tallaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso Beesha Caalamka waxaa looga hortagi karaa Musuq maasuqa, iyadoo ay horey u jireen dhibaatooyin kale tani waxay noqoneysaa tallaabo cusub oo wax looga qabanayo dadka awoodda dowladda u isticmaalayo sida aan sharci aheyn gaar ahaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda. Askari ka tirsan Ciidamadda dowladda oo hubinayo aqoonsiga mid kamid ah Darawalada Baabuurta MuqdishoSanado badan way hirgeli weysay in wax laga qabto dhaqanka Musuq Maasuqa ku saleysan ee ka dhex jiro Saraakiisha Ciidamada dowladda tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladda Dhexe ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 markaas oo uu dalka Soomaaliya galay dagaalo sokeeyo oo socday muddo 20 sano ah. Musuq Maasuqa iyo Laaluushka wuxuu Soomaaliya ka noqday wax caadi ah gaar ahaan qeybta saraakiisha Amniga qaabilsan, taas waxay sababtay inay Bulshada aqbalaan Musuq maasuqa joogtada ah ee dusha ka saaran waxaana sabab u ah Sharci darada wadanka ka jirto iyo inuusan jirin nidaam sax ah oo lagula dagaalamo Musuq maasuqa. Dowladda hadda ka jirto Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siisay sidii looga hortagi lahaa Masuq- Maasuqaas iyadoo aan la iska indha tireyn dagaalka lagula jiro Ururka Xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya culeys ku hayo isla markaasna mar kasta ka mashaquulinayo in si dhab ah looga hortago Musuq- maasuqa. Ilaa hadda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa bilooyin badan ku celcelinayey in wax laga qabto Musuq Maasuqa ka jiro gudaha Saraakiishada iyo Ciidamada Dowladda kuwaas oo laaluush ka qaato Koontaroolada ay ka joogaan Magaalada Muqdisho midaas oo saameyn ku yeelaneyso Amniga Muqdisho. ” Askari kasta oo lasoo qabto isagoo Laaluush ku qaadanayo Kantaroolada Magaalada wuxuu wajihi doonaa Sharci adag iyo in lasoo saaro Maxkamad Militari” Digniintaan ayuu Thaabit ka jeediyey shirkii looga hadlayey Amniga Caasimadda ee dhacay Asbuucii hore. Duqa Muqdisho Thabit AbdiMar kasta oo ay Saraakiisha dowladda iyo madaxda dalka ay ka shiraan Amniga Caasimadda Muqdisho waxay Saraakiisha soo jeediyaan in wax laga qabto masuq maasuqa ka dhex jiro heerarka kala duwan ee Ciidamada midaas oo caqabad weyn ku ah wax ka qabashada xaaladaha Amni ee ka jiro Caasimadda Muqdisho. Kasloonidii ay Shacabka Muqdisho ku qabaneyn dowladda waxaa dhaawac weyn u geystay qaraxiii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Caasimadda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu Qaraxaas dhacay waxaa si weyn loo xoojiyey amniga Magaalada iyadoo Kontaroolada lasoo dhigay Ciidamo cusub si baaritaan guud loogu sameeyo gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha taasoo ah isku day lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xasiloonidii Magaalada Muqdisho. Waxaa Muuqato in qaabkaan cusub ee loo sugayo Amniga Muqdisho laga gaaray guulo waaweyn inkastoo ay weli wax kasta biliow yihiin. Waxaa Qaraxii Soobe laga joogaa Asbuucyo iyadoo aysan Magaalada ka dhicin wax Qarax ah inkastoo weerar lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 , waana sababta uu Duqa Muqdisho u dhahayo wax badan ayaa laga qabtay Amniga Muqdisho. Sidoo kale qaabka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa ka dhex jiro Hey’adaha Amniga iyo dabagalka lagu hayo saraakiisha Laaluushka qaato wuxuu u muuqdaa nidaam hadda bilow ah . Laakiin dagaalka cusub ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ee nidaamka amniga iyo saraakiisha laaluushka qaato ayaa u muuqda in si habboon loo diyaariyay. Qorshayaasha lagu doonayo in lagu ugaarsado ayaa ah in lala socdo dhaq dhaqaaqooda iyadoo qalab lagu xirayo taleefannada gacanta si ay u ururiyaan caddayn ku saabsan ku lug lahaanshahooda kiisaska laaluushka. ” Ahmiyadeena koowaad waa la dagaalanka Musuq maasuq, waxaana hadda diyaarsan qorsho dhameystiran oo looga hortagayo” ayuu yiri Thabit Cabdi. Tallaabada koowaad oo dowladda qaadeyso ayaa ah in lasoo qabqabto Ciidamada taagan Jidadka Muqdisho ee laaluushka ka qaato Bajaajyada Magaalada ka shaqeysto midaas oo ah habka ugu fudud ee wax looga qaban karo. Dadka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa si weyn usoo dhaweyn doono nidaamkaan cusub ee lagula dagaalamayo Musuq Maasuqa maadaama inta badan ay dhibaato kala kulmaan askarta lacagaha Laaluushka uga qaato Waddooyinka Magaalada, inkastoo ay shaki ka muujinayaan inay dowladda ka hortagi karto Musuq Maasuqaaan maadaama ay iyada dhibaatada wado, waxayna dalbanayaan in la helo hey’ado madax banaan oo arrintaan wax ka qabto. ” Qorshahaan cusub wax badan ayaa nagu caawin doonaa, balse waxaa muhiim ah in weyn looga taxadaro arrintaan, iyadoo laga fogaanayo in sarkaal aan dambi laheyn dusha laga saaro maadaama uu jiro xilfaatan gudaha ah oo ka dhaxeeyo Saraakiisha Ciidamada” ayuu yiri Mohamud Abdullahi oo ah korneyl howlgab ah oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda. Si kastaba ha ahaatee, Nidaamka cusub ee musuq maasuqa looga hortgayo wuxuu dowladda iyo Beesha Caalamka ka caawinayaa in laga hortago Musuq maasuqa soo jireynka ahaa kaasoo dhibaato badan ku hayey dalka si loo dhameeyo dhaqanka ah in Saraakiisha ku takri falaan awoodda dowladeed. “Kalsoonida dadwaynuhu waa furaha, tani waxay noqon doontaa talaabo muhiim ah oo lagu doonayo in lagu soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta” ayuu yiri Mr. Thabit Abdi oo ka hadlayey nidaamka cusub ee looga hortagayo musuq maasuqa. Isha: alleastafrica.com Waxaa soo turjumay: Cabaas Cali Xasan (Cabaas Xaliye) Email: filimside@gmail.com The post Marka meel la iska dhigo Dagaalka Argagixisada, Muqdisho waxay leedahay cadow kale oo dagaal lagula jiro appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa jira xog leh kalsooni weyn oo sheegeysa in isku shaandheyn lagu sameynayo dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo heer gebogebo ah maraysa , sida ay xaqiijiyeen Ilo-xogeed kala duwan waxaa jiri doona isbdel fudud oo lagu sameynayo golaha xukuumadda, iyada oo ujeedku yahay si aysan ugu baahan ansxinta Baarlamaanka, sida uu ogolyahay xeer hoosaadku waa in uu bedeli karo ugu badnaan 25% Isku Shaandheyntan ayaa waxaa suuragal ah in lagu dhawaaqo iyada oo loo bandhigey ayna aqbaleen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdisho uga qeyb galay shirka Amniga Qaranka, iyaga oo kulamo kala gooni-gooni ah la qaatey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si gaar ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Xogta ku saabsan isku-shaandheynta ayaa waxa ay sheegaysaa in la bedeli doono Wasiiro ay ka mid yihiin:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dibuheshiinta Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Sidoo kale waxa la buuxinayaa xilalkii ay banneeyeen Wasiiradii is casiley iyo Wasiirkii xilka laga qaadey:- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortaga Musiibooyinka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Qorshaha Cusub waxa Kamid ah:- In la kordhiyo tirada Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada In la bedelo Wasiirada uu khilaafka dhinaca shaqada ah kala dhexeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre In Wasiirada ku guul-dareystay in ay taageero siyaasadeed ka helaan xildhibanaada Beeshooda ay ku bixi doonaan isku shaandheynta Golaha Wasiirada In shaxda cusub ay ka tarjunto is faham ay gaareen Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe Sep 2017; si gaar ah maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed) oo si weyn u suluugsan Xubnaha ku metela dowlada dhexe In Looga hortago Mooshin la filan karo xiliga ay fasaxa ka soo noqdaan xildhibaanada BFS bartamaha BishaFebruary 2018 Ma jiro doonaan xubno ka mid ah mucaaradka muuqda ee dowladda Ma jiri doonaan wax isbedel ah oo lagu samayn doono Wasiirada ka soo jeeda beelaha Hawiye marka laga reebo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Wasiiro Kuxigeenadda Waxaa jira isbedel kooban oo lagu samayn doono sida in la kordhiyo tirada Xildhibaanada iyo in la kala wareejiyo Wasiir Ku-xigeenada Khilaafka kala dhexeeyo Wasiirada ay la shaqeeyaan. Wasiirru dowlayaasha Cusub Sidoo kale Isbedelka Wasiiru-dowlayaasha waxaa qeyb ka noqon doona in lagu kordhiyo laba Wasiiru-Dowle oo la isku waafaqey in ay noqdaan sidan:- Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’ada iyo Deegaanka Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Golayaasha Xigasho: Ilo wareed Wargal ah oo kala duwan (Mustaqbal Radio) Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Akhriso Liiska Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada ay saameyn doonto Iskushaandheynta Xukuumadda Ra’isulwasaare Kheyre appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa qoray in isku day dil ay ka badbaaday Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Britain Mr Theresa May. Warbaahintu waxa ay sheegtay in isku daygaasi ay fashiliyeen xubno ka tirsan Sirdoonka dalka Britain oo iska ku hayay dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka maleegaayay dilka Theresa May. Sida ay qoreen warbaahinta The Independent iyo Sky News , dilka Theresa May, ayaa la doonaayay in loo adeegsado boorso laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la qorsheeyay in la dhigo xafiiskeeda Downing Street 10, waxaana qorshahaani fashiliyay Sirdoonka Britain. Qorshaha ayaa la sheegay inuu ahaa in Haweeneydaas Ra’isul wasaaraha ka ah Britain lagu Qarxiyo boorsada, hase yeeshee waxaa arrintaasi kala dhantaalay Sirdoonka. Qaraxa kadib ayaa sidoo kale la sheegay in qorshaha uu ahaa in Mr Theresa May lagu dilo Mindi iyadoo looga dhex faa’iideysanaayo buuqa iyo sawaxanka hareereyn lahaa goobta. Mindida ayaa aheyd mid la qorsheeyay in la adeegsado keliya haddii Theresa May ay ka badbaado Qaraxa, wallow aysan kooxdaasi ku guuleysan falka lagu khaarijin lahaa Ra’isul wasaaraha. Sidoo kale, Andrew Parker oo ah Madaxa sirdoonka MI5 ayaa dhankiisa ka sheegay in sanadkan keliya ay ka hor tageen ilaa 9 weerar oo lala damacsanaa xarumaha dowlada. Andrew Parker, waxa uu sidoo kale cadeeyay in shaqsiyaadka ugu danbeeyay ee weerarka loo qabtay ay ahaayen labo nin oo da’dooda ay u dhexeyso 20 iyo 21 jir. Geesta kale, Andrew Parker, ayaa sheegay inay suuragal tahay inay dhawaan isku day kale oo lagu doonaayo in lagu khaarijiyo Ra’isul wasaaraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah Britain oo si dirqi ah uga badbaaday qorsho la doonaayay in lagu khaarijiyo (Sidee ayay wax u dhaceen?) appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa dhawaan magaalada Jabuuti heshiis wada jira ku gaaray maamulka Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana soo baxaaya in heshiiskaasi ay qaadaceen garabkii hore Ahlusuna oo heshiis horey ula galay Maamulka Galmudug. Garabkii hore Ahlusuna ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn wixii kasoo baxay heshiiska labada dhinac ku dhexmaray magaalada Jabuuti. Ex Guddoomiyaha Golaha talada Maamulkii Ahlusunna Sheekh Cumar Sheekh Cabdulqaadir oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid baadil ah. Sheekh Cumar, waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay aad uga soo horjeedan heshiiskii ay gaareen Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Xaaf iyo Hogaamiyaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir. ‘’Waxba masoo kordhineyso in goob la wada fadhiisto oo la kala saxiixdo heshiis ee waxaa muhiim ah in heshiiskaasi uu shaqeeyo, sidaa darteeda anagu waan qaadacnay shirka’’ Sheekh Cumar, ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid aan xaq aheyn isla markaana lala baalmaray wixii sharci ah oo ka dhexeeyay maamulka Ahlusunna. Sidoo kale, Sheekh Cumar waxa uu maamulka Galmudug xasuusiyay inay gacanta ku hayaan amaba ka taliyaan qeybo kamid ah Gobalka Galgaduud, sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha ahaatee, go’aankan kasoo baxay garabkii hore Ahlusuna, ayaa caqabad cusub u abuuraya heshiiska ay kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusuna. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Caqabad cusub: Ahlusun oo ku kala jabtay heshiiskii dhawaan lala galay maamulka Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  5. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax Gaari. Qaraxa oo xoogiisa inta badan laga wada maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland. Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Sarkaal watay gaariga oo magaciisa lagu sheegay Cali Magafe, oo kamid ahaa Saraakiisha maamulka Puntland. Cali Magafe, ayaa Qaraxa la kulmay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo oo aan ka fogeyn halka uu ku Qarxay gaarigiisa. Sidoo kale, ciidamo Qaraxa kadib goobta gaaray ayaa dhaawaca Sarkaal Cali Magafe u qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo. Dhinaca kale, Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa waayadan kusii kordhaaya Qaraxyada iyo dilalka loo geysanaayo ciidamada maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Qarax aad u xoogan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo & Sarkaal caan ah oo lala eegtay appeared first on Caasimada Online.
  6. Gaalkacyo (Puntlandi) War degdeg ah oo nagasoo gaaraya Gaalkcyo yaa sheegaya in tliyihii saldhiga Cusub ee Suuqa Gaalkacyo dhinaca Madaxtooyada Puntland gordhawayd uu ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa. Allaha u naxariiste Taliyaha Dhintay oo lagu magacaabayCali Ibraahim Cali (Cali Magafe) ayaa la sheegay in uu kayimid hoygiisa, isagoo kusii jeeday goobtiisa shaqada. Goobta uu Qaraxa kadhacay waxaa soo gaaray Ciidamo katirsan Puntland oo howlgal ka sameyaay goobta uu qaraxa kadhacay,ilaa iyo haddana lama garanayo ama cid sheegatay masuuliyadda qaraxa Miino ee lagu Khaarajiyeey taliyihi Saldhiga qeybta Gaalkaacyo. SAWIRRADA GAARIGA LA QARXIYAY. Puntlandi.com
  7. Taliyii Saldhigga dhexe ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Qaraxa ayaa sarkaalka ku qabsaday bartamaha magaalada Gaalkacyo,gaar ahaanna dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyada,sida uu PUNTLAND POST u sheegay weriye ku sugan magaalada. Taliyaha oo dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas ayaa durbadiiba geeriyooda,waxaana gebi ahaanba burburay gaarigii uu saarnaa,inkastoo aan weli la sheegin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay qaraxa. Ma jirto cid sheegatay qaraxa,laakiin sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan,islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan xogta rasmiga ah. PUNTLAND POST The post Taliyihi Saldhigga Dhexe ee Waqooyiga Gaalkacyo oo qarax lagu dilay. appeared first on Puntland Post.
  8. Turkish President Recep Tayyip Erdogan has threatened to cut diplomatic ties with Israel over reports that the United States plans to recognise Jerusalem as the Israeli capital. Such a move would be a “red line” for Muslims, Erdogan said on Tuesday. Reports emerged on Friday that US President Donald Trump was considering recognising Jerusalem as Israel’s capital, a move that would be symbolised by relocating the US embassy from Tel Aviv to Jerusalem, upsetting decades of US policy. The plan has drawn criticism from a number of world leaders, who fear it would further escalate regional tensions. French President Emmanuel Macron told Trump by telephone that Jerusalem’s status must be decided in peace talks between Israelis and Palestinians. The Arab League was holding an emergency meeting on Tuesday to discuss developments on the status of Jerusalem, after a request by Palestinian officials. The diplomatic adviser of Palestinian President Mahmoud Abbas said the Palestinian leadership would cut contact with the US if it recognises Jerusalem as Israel’s capital. Jerusalem’s status is an extremely sensitive aspect of the Israeli-Palestinian conflict. Israel claims the city as its capital, following the occupation of East Jerusalem in the 1967 war with Syria, Egypt and Jordan, and considers Jerusalem to be a “united” city. Palestinians have long seen East Jerusalem as the capital of their future state. No country currently has its embassy in Jerusalem, and the international community, including the US, does not recognise Israel’s jurisdiction over and ownership of the city. President Donald Trump is also considering moving the US embassy in Israel to Jerusalem. White House spokesperson Hogan Gidley said an announcement would be made “in coming days” but that the president remained committed to the move: “It’s not a matter of if, it’s a matter of when,” he said. However, Trump was expected to continue delaying moving the embassy from Tel Aviv to Jerusalem, despite his campaign promise to do so. US Congress passed legislation in 1995 to move the embassy by 1999, but a provision in the law allowed the president to sign a waiver every six months, in the interests of national security. Every president since 1998 has done so, including Trump in June. The deadline for the current waiver will expire on Monday. Source Aljazeera The post Erdogan: Jerusalem status a red line for Muslims – Al Jazeera appeared first on Caasimada Online.
  9. The Somali government and the United Nations on Tuesday signed the UN Strategic Framework for Somalia (UNSF), mapping out the world body’s support to the country’s development priorities in the next four years. The UNSF articulates the collective strategy, commitments and actions of 23 UN agencies and the UN Assistance Mission in Somalia in support of the country’s development priorities, as outlined in the National Development Plan, and towards achieving the Sustainable Development Goals. “UNSF recognizes past efforts, cements the close partnership between Somalia and the United Nations, and reiterates our commitment to working together for the delivery of tangible results to the Somali people,” said Peter de Clercq, the UN Deputy Special Representative of the Secretary-General for Somalia. The UN said in a joint statement issued in Mogadishu that the Plan follows an extensive strategic assessment that gathered inputs, feedback, hopes and aspirations of a broad range of stakeholders, including Somali civil society, government counterparts and the public. The framework has adapted gender equality and women’s empowerment, human rights, and youth engagement and empowerment as cross-cutting issues, and is structured along five strategic priorities. Among the priorities include deepening federalism and state-building, supporting conflict resolution and reconciliation, and preparing for universal elections; and supporting institutions to improve peace, security, justice, the rule of law and safety of Somalis. The Plan is structured to strengthen accountability and support institutions that protect; strengthen resilience of Somali institutions, society and population; and support socio-economic opportunities for Somalis. The UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Michael Keating, said the framework sets out how the UN will support Somalia, including in key areas such as achieving universal elections, strengthening the rule of law and improving governance. “It will guide our collective efforts to improve the quality of life and opportunities for all Somalis,” Keating said. Enditem Source: Xinhua The post Somalia, UN sign 4-year development strategy appeared first on Caasimada Online.
  10. Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta iyo Dastuurka maamulka Galmudug, Cismaan Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud iney ka shaqeeyaan amniga iyo kala dambeynta. Wuxuu sheegay Cismaan in la yaab ay noqotay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay degmada Cadaado ay kusoo bateen falalka amni darrada ah oo uu sheegay in horey aan degmadaasi looga baran. Waxgaradka, Haweenka, culimada iyo dhallinyarada degmada Cadaado ayuu sheegay in waajibka ugu horreeyo ka saaran yahay amniga degmadaasi. “Wax qof kasta u muuqda ayaa jira, maalmihii ugu dambeeyay waxaa gacanta kusii baxaya dhaqankii Cadaado lagu yaqaanay ee amniga iyo kala dambeynta, waxaa dhacaya rasaas, gaadiid ayaa la kala dhacayaa, waxaan oo dhanna waxay dhibeysaa shacabka Cadaado” ayuu yiri Cismaan Dheere. Ugu dambeyn, wasiir hore Cismaan Maxamed Cali ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iney kasoo baxaan waajibaadka saaran ee ah sugista amniga iyo in si daacad ah ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug. Goobjoog News Source
  11. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay howlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada B/weyne. Ciidamadan ayaa lagu arkayey iyaga oo baaraya gaadiidka, sidoo kalena waxay galayeen guryaha si ay amniga u xaqiijiyaan. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaasi ayaa sheegay in ciidamada ay baadigoobayaan rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo la rumeysan yahay iney ku dhuumanayaan xaafado ka tirsan B/weyne waa sidey hadalka u dhigeenne. Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in Al-shabaab kasoo baxsaday duqeymaha ka socda qaar kamid ah gobollada dalka ay soo aadeen dhanka B/weyne iyo nawaaxigeeda. Goobjoog News Source
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyey taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Kadib heshiis horumarineed oo ay kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID kaasoo ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Dollar. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay taageeradooda aan shuruudu ku xirnayn. “Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaari doonto dalka oo dhan. “Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri R/Wasaare Khayre. —DHAMMAAD—- Source
  13. Madaxweynaha Mareykanka Dowland Trump ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magaalada Qudus u aqoonsado caasimadda Isra’il, tillaabadaas oo aanu sameyn madaxweyne hore tan iyo markii Yuhuudda xooga ku yimaadeen dhulka Falastiin 1948-dii. Wararka qaar ayaa sheegaya in Trump uu dib u dhigi-doono go’aanka 2aad oo ah in uu safaaradda dalkiisa u raro Qudus, lamana oga xilliga uu taasi ku dhaqaaq—doono, waxaana laga yabaa in bilooyin ama sanado qaadato. Mr. Trump waxaa uu shalay la hadlay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, Boqoradda Sacuudiga Salmaan iyo Urdun Cabdalla iyo madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas, waxaa kale uu la hadlay ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu. Dunida Muslim-ka ayaa ugu horjeeda in magaalada barakeysan ee Qudus laga dhigo caasimadda Isra’il ama in loo raro safaaradda Mareykanka. Madaxweynaha Turkiga iyo madax kale oo dunida muslimka ka tirsan ayaa ku han-jabay in tillaabooyin qaadi-doonaan haddii Trump sidaasi sameeyo. Goobjoog News Source
  14. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay leeyihiin kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo Hal ajende looga hadli doono kulankaan. Waxaa xildhibaannada loo qeybin doonaa, lagana hor akhrin doonaa qorshe howleedka guddiyada golaha shacabka. 15-ka guddi ee golaha shacabka ayaa mid walbao wuxuu soo dhameystiray qorshe howleedkiisa, waxaana maanta si dhammeystiran loo akhrin doonaa guddi walbo iyo qorshihiisa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta dalka Lubnaan ayaa baahisay in Ra’isul wasaaraha dalkaasi Sacad Xariiri uu si rasmi ah uga laabtay go’aankii is casilaadiisii ahaa. Sacad Xariiri, ayaa markii hore is casilaadaasi ku dhawaaqay xili uu ku sugnaa dalka Sacuudi Carabiya muddo laga joogo bil. Warbaahinta oo xiganeysa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Lubnaan ayaa sheegtay in Sacad Xariiri uu mar kale hortagay Golaha isla markaana uu iclaamiyay inuu ka laabtay is casilaadiisa. Xubintan ayaa laga soo xigtay in Golaha qudhooda ay aad uga mahad celiyeen go’aanka uu Sacad Xariiri uga laabtay is casilaada kediska ahaa. Sacad Xariiri, waxa uu Golaha ka dalbaday in laga fogaado wax waliba oo keenikara khilaaf, carqalad iyo siyaasad aan maslaxad ugu jirin Lubnaan. Sidoo kale, Sacad Xariiri waxa uu cod dheer ku sheegay in go’aankiisa is casilaada ay qeyb ka aheyd dowlada Sacuudiga waxa uuna soo jeediyay in Lubnaan laga fogeeyo siyaasada la xiriirta arrimaha Carabta oo aan loo arag maslaxad. Waxa uu Sacad Xariiri, sheegay in go’aankiisa uu yahay mid dhabar jabin doona wadamo carbeed oo dhowr ah, kuwaa oo uu sheegay inaysan ka raali noqon doonin go’aankiisa cusub. Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Ra’isul wasaare Sacad Xariri bil bil ka hor si lama filaan ah isaga casilay xilka Rai’sul wasaaraha mar uu ku sugnaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga isagoo xiligaas Ururka Xisbullaah ku eedeeyay in uu halis gelinayo naftiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sacad Xariiri oo qaatay go’aan cusub oo dhabar Jab ku ah dowlado dhowr ah (Maxaa soo kordhay) appeared first on Caasimada Online.
  16. Axmed Cali Cabdalla Saalax oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Yeman ayaa sheegay in aabihiis lagu dilay guriga isaga oo hub wato kooxdiisana ay la socdeen. Axmed waxaa uu sheegay inay been abuur tahay warka ka soobaxay wasaaradda gudaha ee raacsan kooxda Xuutiyiinta kaasi oo ahaa in Cali Cabdalla la dilay isaga oo isii cararayo gobolka uu ku dhashay ee waqooyiga magaalada Sancaa. Waiilka uu dhalay Cali Cabdalla Saalax ayaa ballan qaaday in laga hortagi doono cadowga dalka, isaga oo intaas ku daray in Xuutiyiinta yihiin cadowga dalka iyo bani’aadanimada, oo isku dayaya in ay gumeystaan dalka Yemen. Hadalka Axmed Saalax ayaa ku soo beegmaya xilli galabnimadii Axadda aheyd ay aabihiis ku dileen kooxda Xuutiyiinta ah magaalada Sanca, waxayna ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen inay dileen isaga oo u sii baxsanaayo magaalada Sanjaa ee uu ku dhashay, balse wiilka uu dhalay ayaa qaadacay warka ka soobaxay wasaaradda arrimaha gudaha ee raacsan Kowthiyiinta waxaa uuna sheegay in aabihiis guriga lagu dilay. Goobjoog News Source
  17. Since too many people are afraid to speak about the President-elect’s recent op-ed, because they desperately want a position in the upcoming Kulmiye administration – it’s now time to step up and share my two cents on this contentious issue. Last week, President-elect Musa Bihi Abdi authored an op-ed that was published in the Financial Times, an English-language international daily newspaper with an average daily readership of 2.2 million people worldwide. In his piece, Musa highlighted several key issues his administration intends to focus on such as: national security, the economy, healthcare, education and foreign affairs. He also said his administration will ‘seize the opportunity’ to root out corruption that he argues ‘remains all to present in Somaliland’ and more controversially, he claims that it’s one of the areas where President Silanyo’s government has ‘fallen short’ in within the past seven years. We all know that corruption exists in Somaliland – just like it does in every other country – but what exactly is Musa implying? Is Musa insinuating that President Silanyo has been turning a blind eye to corruption for the past seven years? Is Musa beginning to distance himself from his longtime mentor and colleague – and his own party? Pledging to root out corruption, while simultaneously claiming that the outgoing Kulmiye administration failed to tackle corruption, is a contradictory statement. Wasn’t Musa elected on the Kulmiye party ticket? Or was he running as the presidential candidate of another party? What is even more worrying, is the fact that Musa never criticized Silanyo’s government on the campaign trail. On numerous occasions during the campaign, Musa promised to ‘carry on’ President Silanyo’s and Kulmiye’s legacy if he is elected. It is also very concerning to see these claims coming from Musa – just two weeks after winning the election. Jamal Ali Hussein’s open letter to Musa, that was published a few days before this op-ed, was also highly critical of Silanyo’s government and his fiscal record. Both of these critical essays are now leading many people to believe that the President-elect and his administration might also backtrack on many other campaign promises. However – there is still time to put an end to all this confusion. If Musa didn’t properly read this essay before approving it, and wasn’t aware of these claims, now is the time to step up and clear the air, and reassure the hundreds of thousands of citizens that voted and campaigned for him because of Kulmiye’s achievements under President Silanyo. Robleh Mohamud Aidid Lafcanbe Hargeisa, Somaliland robleh.m@gmail.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah toddobaadkan ugu baxaya dalka Masar, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Onlie. Framaajo ayaa ka qeyb galaya shir ku saabsan maalgashiga iyo ganacsiga, oo uu magaalada xeebta ah ee Shara El Sheikh ku marti-gelinayo madaxweye Cabdifatax Al Sissi ee dalka Masar. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya lagua casuumay madaxda dalalka Ivory Coast, Rwanda, Guinea iyo Comoros. Waxaa sidoo kale imanaya wafuud heer hoose oo ka socda dalal kale oo Afrikan ah. “Dhiiri-gelinta Maalgashiga Africa iyo kobcinta wadajirka ah ee Dhaqaalaha” ayaa ah hal ku dhigga shirka, sida laga soo xigtay xubno ku dhow shirka. Ka sokow shirkan ayaa Farmaajo wuxuu kulan gaar ah la qaadan doonaa madaxweynaha Masar Al-Sissi, oo ay ka wada hadli doonaan xiisadda dalalka Carabta, oo Masar ay ka mid tahay isbaheysiga Sacuudiga. Sissi ayaa horey isugu soo dhoweeyey dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, wuxuuna hadda ka shaqeynayaa inay isku soo dhawaadaan Soomaaliya iyo Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Xog: Farmaajo oo safar deg deg ah ugu baxaya Masar iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
  19. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku sii siqeysa inay abuurto isbaheysi Afrikan ah oo dhinacooda soo mara, xilli ay aad uga soo horjeedo biyo-xireenka webiga Nile ee ay Ethiopia dhiseyso. Wargeyska Al-Shorouk ee dalka Masar ayaa sheegay in isbaheysigan ay shaqdiisa noqon doonto inuu la socdo dhibaatada Masar uga iman karta biyo-xireenka Ethiopia. “Shaqada dhismaha biyo xireenka ma joogsan doonto hal daqiiqo xitaa, tani waa mowqifka dalkeena, waana xuquuq aas aasi ah oo Ethiopia ay u leedahay inay isticmaasho biyaheeda, si ay uga soo saarto tamar koronto” ayuu yiri wasiirka dhulka Ethiopia. Khuburada biyaha ee Masar ayaa sheegay in biyo-xireenka Ethiopia ee Nile uu qasbi doono in Masar ay lumiso 55.5 bilyan oo kubik meter biyo ah. Hase yeeshee Ethiopia ayaa ku adkeysaneysa in biyo xireenka laga dhalinayo korontada uusan dhibaato ku ahayn Masar. Dhinaca kale madaxweynaha golaha biyaha carabta, Mahmoud Abi Zeid ayaa sheegay in Ethiopia ay dhiseyso mashruuca biyo xireenka ayada oo aan la tashan dalalka deriska la ah sida Sudan iyo Masar, taasi oo aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah. Mashruucan ayaa dhismihiisa waxaa la billaabay 2011, waxaana laga dhisayaa meel 15 KM u jirta xuduudda Sudan, waxaana uu ku kacayaa 4.2 bilyan oo dollar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Masar oo dhisaysa isbaheysi ka dhan ah Ethiopia xiili ay xiisadda kasii dareyso appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in mar waliba lagu qanco talaabooyinka ay qaadeyso dowlada Somalia ee u taagan dadaalka nabadeynta Somalia. Waxa uu Madaxweyne Farmaajo sheegay dowladiisa ay muddo gaaban ku qaday talaabo lid ku ah kooxaha nabadiidka, waxa uuna bidhaamiyay inay yareeyen khasaarihii shacabka kasoo gaari jiray falalka amni darro oo ay geystaan al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in dowladiisa ay inta badan ka dhabeysay ballanqaadkii amni oo ay sameysay waxa uuna tusaale usoo qaaday inay nusqaan ku sameeyen weerarada al-Shabaab iyo in magaalada Muqdisho ay noqotay mid lagu soo hirto markii laga soot ago falal yaryar oo dhaca xili ay ciidamadu ku raad joogan. Waxa uu Farmaajo sheegay inay jiraan dad dhiirigalinaaya nabadiidka balse ay muhiim tahay in mar waliba ay dadku noqdaan kuwo arka wanaaga ay sameyneyso dowlada Somalia isla markaana la kala qaado danta guud iyo mida gaarka ah. ‘’Dowladu kama gaabin wax kabedelka amniga ee waxa ay sameysay guulo la taabankaro cidii wanaaga jecel wey aragtaa horumarka aan ka gaarnay Nabadda markii aan kasoo tagno falal kadis ah oo ka dhaca magaalada xili lagu dabajiro’’ Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagan sida ay nabad uga dhalin lahaayen dalkooda isla markaana ay uga shaqeyn lahaayen Horumarkiisa, maadaama ay iminka kasoo gudbeen dhibaatooyinkii ugu badnaa. Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho muddo laba cisho ah ay ka socdeen shirar looga hadlaayay Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo jawaab culus u diray mucaaradka kana dalbaday inay arkaan… appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa daboolka ka qaaday in Madaxda Qaarada Madow ee Africa laga doonaayo inay ka mirro dhaliyaan axdigii ahaa in Africa la gaarsiin doono awood ku filan. Hailemariam, oo ka hadlaayay shirka dhaqaalaha Afrika ee 2017 oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in ballanqaadka shirkii hore uu ahaa in si mideysan Afrika loo gaarsiin doono awood isku filan oo dhan dhaqaale ah. Waxa uu Hailemariam tilmaamay in Africa ay awood walba u leedahay inay go’aamiso mustaqbalkeeda waa haddii ay qaab beddelaad ah ku sameyso dhaqaalaheeda si ay uga faa’idaystaan muwaadiniinteeda. Waxa uu tilmaamay in ahmiyada ugu weyn ee xiligaan ay tahay in la hirgaliyo qaab beddelaad ah oo lagu sameeyo wax soo saarka ilaha dhaqaale oo uu sheegay inuu leeyahay dal walba oo ku yaalla Africa, sida uu haddalka u dhigay. ‘’Inaan ka dhabeyno ballanqaadkii hore waxaa ka harsan isbedel aan ku sameyno qaabka aan u sameyno dhaqaalaha si ay fursad baaxad leh u helaan muwaadiniinteena dhaqaale raadiska ah’’ Sidoo kale, waxa uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia Madaxda Africa ugu baaqay inay hirgaliyaan Hal arrin oo uu ku sheegay isbedel dhaqaale iyo mid wax soo saar ah. Waxaa la rajeynayaa muddada uu socdo shirka in la isku weydaarsado fikradaha ku saabsan horumarka laga sameeyey dhanka isbedelka dhaqaalaha ee dowladaha Afrikaanka ah. Docda kale, shirka dhaqaalaha Afrika ee 2017 ee hadda socda ayaa soconaya muddo saddex maalin oo laga soo bilaabo maalintii Isniinti ilaa Arbacada Diseembar 6 deeda oo maanta ku beegan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hailemariam oo hal arrin usoo jeediyay madaxda Africa iyo awood uu rabo in… appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Booliska dowlada ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro argagixiso ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Saraakiishan ayaa xaqiijiyay in amaanka magaalada Muqdisho uusan weli ku taagneyn caga wanaagsan isla markaana ay jiraan xogo muujinaaya in magaalada ay ku jiraan gaadiid sida Qaraxyo tan culus. Gaadiidkan ayaa laga cabsi qabaa in magaalada Muqdisho ay ka geystaan falal amni darro xili dhawaan ay magaalada Muqdisho marti galisay Qaraxii ugu cuslaa oo maalin madow u diiwaan galisay dadka ku nool magaalada Muqdisho. Gaadiidka la sheegay inay ku dhex jiraan magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in looga shakisan yahay Degmooyinka Dharkiinley, Waaberi, Wadajir, Hodan iyo Dayniile oo inta badan gabaad u ah maleeshiyaadka dhuumaaleysiga ku jooga magaalada Muqdisho. Gaadiidkan ayaa noocyadooda lagu kala sheegay Noah, Caasi, Dheyno iyo Gaari sida Booyad shidaala, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka. Ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ayaa ku jira heegan buuxa waxaana xusid mudan in Seddexdii habeen ee ugu danbeysay magaalada Muqdisho laga howlgaliyay Eeyo u tababaran ka hortaga Qaraxyada. Ma cadda sida uu xaalka noqon doono inkastoo ciidamada amaanka ay juhdi galinayaan ka hortaga wax waliba oo caqabad ku ah amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay qaraxyo culus ka fuliso Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  23. Hey’adda (USAID) oo wakiil ka ah Mareykanka ayaa heshiis horumarineed oo taariikhi ah la saxiixatay Soomaaliya, Heshiiska oo (DOAG) loogu magac-daray waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed iyo Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle. Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku-xigeenka USAID Afrika Julie Koenen iyo safiirka Mareykanka Martin Dale. Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan, ujeedka waa in barnaamijkan lagu xoojiyo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda. Waxyaabaha dowladda federaalka laga taageerayo waxaa ka mid ah dowlad wanaagga, maamulka, waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah. “Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yiri Julie Koenen. “ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’antahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yiri Martin Dale isaga oo intaasi raaciyay ” Heshiiskan waxaa ay ka dhigan tahay iskaashi ballaaran oo dhex-mara Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan ballan-qaadeynaa in aan taageerno himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen horumar”. Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya. 2011-kii, USAID waxaa ay in ka badan $1.3 billion ku qarash-gareeysay arrimaha banii’aadnimada iyo $328 million o arrimaha horumarka ah. The post 30 sano kadib: Mareykanka iyo Somalia oo kala saxiixday heshiis $300 milyan ah appeared first on Caasimada Online.