Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya halkaas oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii taariikhiga ahaa ay ku kala saxiixdeen Asmara. Waxyaabihii inta badan kulanka kaddib la hadlayay waxaa kamid ah arrinta ku saleysan suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka. Waxaa sidoo kale soo baxay sawirrada madaxweyneyaasha Soomaaliya , Eritrea, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aad isugu dhaw oo wadahadlaya. Haddaba su’aasha laisweydin kara, ayaa ah, shacabkan dalalkan ma yihiin kuwo sidaasi isugu dhawaan karaan marka ay timaato midnimada iyo shaqaynta nabadda? Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebinayeen ardeyda jaamacadda ku taalla magaalada Bahr Dar ayaa sheegay inuu rajenayo mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne. “Waxaan rajeynaya saddexdan madaxyweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh oo aanan saddex mdxaweyne lahayn ” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Suuragalnimada mideynta saddexdan dal Feysal Rooble oo ah aqoonyahan soomaaliyeed oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in arrinta midnimada Itoobiya iyo Soomaaliya in badan lagu haminayeen isla markaasna aysan ahayn markii ugu horreysay ee arrimahaasi lasoo hadal qaado. “Wakhtigii Mengistu Hailemariam iyo Siyaad Barre waa tii Yemen laisugu geeyay, Fidel Castro arrintaasi ka duqeeyay sidii Soomaaliya iyo Itoobiya dal looga wada dhigi lahaa…Laakin wax hadda waaqici ah ma hayno” ayuu yiri Feysal Rooble. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ma aysan carabaabin arrinta ku aadan mideynta dalalkan balse waxay ka hadleen sidii looga shaqayn lahaa horumarka iyo xiriirka diblumaasiyeed ee saddexda dal. In dalalka Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan hal madaxweyne waa arrin aanan suuragali Karin, iyadoo Eritrea uu ka taliyo madaxweyne muddo badan dalkaasi ka arriminayay, Itoobiya waxaa ka taagan khilaafaad u dhexeeya bulshooyinka halkaasi wada dego halka Soomaaliya aysan nabad ka jirin, ayuu ka dhawaajiyay Feysal Rooble. REUTERS Maxaa kusoo beegay xilligan hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya? Ma aheyn markii ugu horreysay uu hadalkan ka dhawaajiyo Abiy Axmed, markii uu soo booqday dalka Soomaaliya wuxuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay midoobi doonaan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay aqoonyahan Feysal Rooble. “Madaxweyne Farmaajo kama uusan hadlin labadan dal oo la mideynayo…waxaan kala gareynin in laab la kac Abiy Axmed xaggiisa ka tahay iyo in kale, waxaana hadda soo caddaaneysaa inuu yar caadif yahay isagoo wanaaga jecel sida ay u muuqato inuu ka hadlo waxyaabo aanan weli lasoo bislayn” ayuu yiri Feysal. Sida uu qabo, Feysal mideynta ma ahaan mid hadda jirto oo la hubo balse waa arrin lagu rajo weyn yahay. Hoggaamiyeyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan kulan saddex geesood ah kusoo gabagabeeyay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya waxayna ka wada hadleen sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen heshiiskii bilooyin ka hor ay ku kala saxiixdeen Eritrea. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle, ayaa shaaciyay waxyaabaha sababta u ah amni darada magaalada Muqdisho iyo sababaha keenay in wali aan laga guuleysan Al-Shabaab. Salaad Cali Jeele oo ugu horeyn la weydiiyay waxyaabaha hortaagan in laga guuleysto Al-Shabaab ayaa sheegay inay ugu horeyso inaan lala dagaalamin Al Shabaab, islamarkaana haddii lala dagaalamo lasoo gabogabeynayo Al-Shabaab. Afar Arin ayuu sheegay inay muhiim u tahay la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana tan koowaad uu ku tilmaamay in shacabka deegaanada ay maamulaan loo kaashado dagaalka ka dhanka ah Al SHabaab. Tan labaad ayuu ku sheegay inay tahay in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya si dhab ah ula dagaalamaan Al Shabaab, islamarkaana aysan ku sugnaanin magaalooyinka qaar ee dalka. Tan Seddexaad ayuu ku sheegay in ciidamada xooga dalka loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab tan ugu dambeysana ay tahay in dhaqaalo xoogan loo adeegsado dagaalka, sidaasina looga guuleysan karo Al-Shabaab. Arinta Cajiibka ah ee uu ka dhawaajiyay Salaad Cali Jeelle ayaa aheyd in Al-SHabaab ay xubno ku leeyihiin baarlamaanka, “Ergada Xildhibaanada soo dooranayo qaar ayaa Al Shabaab ay dilaan, qaarna lama dilo, kuwa la dilayo waxay diideen xubnaha Al Shabaab la doonayaan baarlamaanka, kuwa ay dhaafayaana waxay doorteen xubnaha ay rabaan Al-Shabaab, taas macnaheedu waa in Xubno ay baarlamaanka ku leeyihiin”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. “Waxay wax ugu yeelanayaan Argagixisada Qabiilkaada ayaa ku jiro, waxaa jiro ergo yar oo ka baqa Al Shabaab, wey soo wacayaan waxay leeyihiin haddaad hebel doorataan adigaa is dilay, waana taasi tan sababeysa in la dilo ergada”ayuu yiri hadalkiisa raaciyay Salaad Cali Jeelle. Arinta kale ee uu sheegay Salaad ayaa ah in baarlamaanka ay inta badan ka weecdaan sharciga Argagixisada iyo sharciyada kale ee amniga, taasina ay cadeyn kale tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Soomaalidaa oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad marka loo yaabo in la qabsado waa: 1. Marka wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn. 2. Marka dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo u adeegaya danaha cadowga san-dareerto awgeed. 3. Marka madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur. 4. Marka ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Soomaaliya iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada iyo horumarka si aan looga hadlin, looga doodin, loogana hortegin halis qaran oo soo fool leh. Taasu waxay keentaa sii kala fogaansho iyo iska-horimaad aan la mahadin. 5. Marka Somalinimo-xumada, wadaninimo-xumada iyo damiir la’aantu ay gayaysiiso in cadowga jiritaanka Somaliyeed lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado. 6. Marka iyada oo awelba Itoobiya si xun u gumaysato dhul iyo dad Somaliyeed ay khatar ku noqoto inta xorta ah lagana gilgilanwaayo. 7. Sida lala wada socdo waxay Dawladda Imaaraadka Carabta ku maalgelinaysaa 3 bilyan oo doolar dalka Itoobiya si ay Itoobiya ugu fududayso qabsashada Soomaaliya. Arrintan waxay Imaaradku kaga aargudanayaan markii dhawaan laga caydhiyay Soomaaliya. Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Soomaalidaa muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, maantase waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Soomaalidaa oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Soomaalidaana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. sannadahan ugu dambeeya waxay Ooramadu si weyn ugu soo qulqulaysaa dhulka Soomaalidaa xorta ah waxaynu si cad u sheegtaan in iyagu leeyihiin dhulka Somaliyeed oo dhan bed iyo berriba. Waxaa hadda dagaal ba’an lagu hayaa Somall Galbeed si dhulkooda looga barakiciyo dabadeedna loogu soo duulo dhulka Somaliyeed ee xorta. Soomaalidau waa inay si wadajir ah fadhiga uga kacdaa kuna khasabtaa Ooramada inay ku ekaadaan degaankooda. Waxaa kale oo muhiim in Ooramada laga saaro si dhakhso Soomaaliya iyo Somalilandba. Qawaaniintii caalamka maanta way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay). Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo. Markii uu Aby Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Soomaaliya siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed. Aby Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Soomaalidau leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Soomaaliya iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. “Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya waxay yeelandoonaan hal madaxweyne.” Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Soomaaliya ay meesha ka baxayaan. Soomaalidau (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha. Soomaalidau waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Soomaaliya siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Gabyaagii Faarax Nuur (Eebbe ha u naxariiste) waxaa uu isna yidhi: “Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya. Haddii Soomaalidau rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada maanta halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano. Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Soomaaliya dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay. Dhul la’aan waa jiritaan la’aan. Riyo Cadaaweed 500 Sano Jirta Ma Rumowdo. Riyo Cadaaweed 500 Sano Jirta Ma Rumowdo ee waa in laga hortagaa si loo fashiliyo. “Dhurwaa Adhiga Eebbaa Leh, Eebbiyo Ustaadkaa Leh.” W/Q: Ibrahim Hassan Gagale
  4. Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Jabhado beeleed Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed dalka waxaa ka hanaqaaday ciidan beeleed ku can baxay anshax-xumo iyo dhibaateyda dadka shacabka. Ciidaan beeleedyada ayaa waxay inta badan ka amar qaadaan hogaamiye-beeleedyada siyaasadeed iyo dhaqan eek a jira deegaanka ay ku nool yihiin. Iyadoo laga wada dheregsan yahay taariikhda iyo dhibaatooyinka ay dowladnimad u geysteen ciidan beeleedku, waxaan ku soo koobayaa qodobadan: Sarkaal Beeleed: sida ciidan lagu yiqaano sarkaal waxaa noqda qof leh aqoon, khibrad iyo karti ciidan. Laakiin hadda waxaa soo baxay saraakiil sita darajooyin waaweyn aan lagu qaadan aqoon iyo waayo-aragnimo ciidan ee lagu helay wax loo yiqaano ‘Iska Xiro’ oo macnaheedu yahay darajo la iska qaato iyadoon la soo marin wax leyli ama tababar sakaalnimo. Waxaa soo baxay Janano ama sareeyaal guuto/guud oo iyagoon aan weligood soo marin tababar ciidan oo asaasi ah, tababar sarkaalnimo ama aan soo bixin kuliyad dagaal loo magacaabayo xil ciidan. Arrintaan ayaa waxay sababtay in ciidanku noqdo mid aan waxtar ahayn tayadiisuna ay aad u liidato. Kala –qeybsanaan: maadaama ciidaankii noqday mid deegaan iyo bee lama beelo ku kooban waxaan sii xoogeysatay kala qeybsanaanta iyo daciifnimada ay qabaan ciidan beeleedyadu. Arrintaan ayaa waxay keentay habacsanaan dhinaca amniga dalka ah. Ilaalinta ay jiraan ciidan beeleed hubeysan oo ku sugan deegan iyo degmooyin dalka ma mid, nabad iyo dowladnimo cago xoog leh ku taagan lama arkaayo. Nidaam xumo iyo Jaahwareer: iyadoo ciidan kii aanu inta badan isku dhafneyn islama markaana lagu soo kala tababaray dalka shisheeye oo kala ujeedo ah, waxaan adkaatay in la helo ciidan nidaamsan oo leh hogaan kulansaday waay aragnimo, karti iyo aqoon. Ciidankii wuxuu noqday mid isku dhexyaacsan oo aan lahayn qab dhismeed shaqeynaayo iyo nidaam hufan oo lagu hogaamiyo. Waxaan soo baxay ciidan uu noqdo mid akhlaaqdiisa iyo edebtiisa ciidan uu aad u liido oo ku can baxay dagaal dhexdiisa ah iyo cunitaanka muqaadaradka. Shacabka soomaaliyeed intiisa badan waxay in badan ciidan u arkey kuwo aaney naftooda iyo maalkooda ku aami karin. Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta: ciidan beeleedyada ayaa waxaa markasta lagu eedeeyaa inay geystaan falal lidi ku ah xuquuqda asaasiga ee shacabka ay ahayd inay ilaaliyaan naftooda, maalkooda iyo sharafkooda. Waxay la sheegaa inay ku kacaan falal isugu jira dhac, kufsi iyo dil loo geysta dadka aan hubeysneen iyo maatada aan is difaaci karin. Dhacdooyinkaan ayaa waxay wasaqeeyaan sharafta iyo kartida ciidan iyo weliba dowladnimada Soomaaliya. Hay’addaha u dooda xuquuqda dadka jilicsan ayaa waxay markasta warbixinta ay qoraan ku sheegaan in ay ciidanka dowladdu geysto tacadiyo iyo goboodfal lagula kaco dadka shacabka, gaar ahaan dadku nolol xeryaha ama goobaha ay ku nool yihiin kuwa ay colaadaha iyo abaaruhu barakiciyeen…la soco qeybta xigta oo ku saabsan Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa u gafay gabdhaha ka soo jeeda gobolada Waqooyiga Soomaaliya. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey xaflad lagu soo bandhiyey buug laga qoray Allaha unaxariistee wariye Axmed Xassan Cawke ayaa uga hadlay arrimo badan, oo ay ka mid ahaayeen siyaasadda arrimaha dibedda ee laga soo ooday maamulka Somaliland. Sidoo kale isaga oo ka hadlayey in reer Somaliland ay aad uga dambeeyaan Soomaalida Koonfurta haddii ay ahaan lahayd dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo tacliinta, ayaa sheegay in gabdhaha quruxda badan ee Somaliland JAARIYADNIMO/BOOYAASNIMO ugu shaqo tegi doonaan Koonfurta Soomaaliya. “Walaahay gabdhahan quruxda badan in ay jaariyadnimo ugu shaqo tegi doonaan Koonfurta” Hadlakaas ka soo yeeray Faysal Cali Waraabe oo gefka ku ahaa hablaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayey sacab iyo qosol ku soo dhaweeyeen dadkii xafladda joogay. Hase ahaatee, waxaa la maqli karay gunuunuc iyo hadallo hoose oo qasay hadal jeedintii Faysal, balse aysan caddeyn in ay falcelin carro ahayd iyo tagaeeridda aragtidiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa shaaca ka qaaday awaamiir ay ka soo saartay Somaliland caweyska, fanka iyo xafladaha. Wasiirka oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay “waxaan halkan isugu kiin yeeray, in aan fariin u diro, dhammaan Hotelada waaweyn ee dalka, waxaan fariin u dirayaa taliyeyaasha ciidanka, Barasaabada gobollada oo dhan, inay tixgeliyaan qoraalka aan u soo qoray, oo aan ku amreyno Hoteello, waxaan u sheegeynaa Hoteeleyda in waqtiga la caweynayo ama xafladaha la qabanayo, aaney ka dambeynin 11.50 habeennimo”. Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye wuxuu intaas ku daray in caweysyada ay mamnuuc ka tahay khamro, xashiishad, shiishad iyo wixii kale ee la mid ah. Ugu dambeyntii, waxaa la faray ciidamada booliiska inay howshaad qabtaan, wixii caawa ka dambeeya. Tilaabo middaas la mid ah, Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku amray makhaayadaha iyo hoteellada ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho in aysan shaqeynin wixii ka dambeeya Saqda dhexe ee habeenkii, ayagoo arrintaas u sababeeyay “falal anshax xumo ah oo halkaas ka dhaca waqtiyada dambe ee habeenkii”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Waxa in mudo ahba isi soo taraayay dhalinyaro dhib xoogan ku haya caasimada Hargeisa, kuwaasi oo suuqyada iyo xaafadaha magaalada dadka ku baadha, siiba aad u ilaashada dumarka oo ay ka furtaan wixii ay dahab gashanyihiin Isla markaana ka qaada mobilada iyo boorsooyinka ay sitaan. Hadaba waxa habaynkii xalay ahayd ay dhalinyaro abaabulani ay boob xoogan u gaysteen meherado ku yaala galbeedka caasimada gaar ahaan Xaafada Jigjigayar. Dhanka kale xukumadda ayaa mamnuucday goobaha habaynkii lagu caweeyo, iyada oo laga duulaayo sidii amniga habaynkii loo sugi lahaa waxana ay xukumaddu sheegtay in 11:50 habaynimo wax meherado ah oo lagu caweeyaa ayna furnaan karin. Qaran News
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Ethiopia ayaa maanta ku dhawaaqay in xubno sar sare oo ka tirsan laamaha amaanka ay amreen weerar ka dhan ah ra’iisul wasaaraha dalkaasi, isaga oo sheegay inay xabsiga dhigeen saraakiishaasi islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono. xeer ilaaliyaha Ethiopia Berhano Tsegaye, ayaa sheegay in cadeymo la helay ay muujinayaan in “Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka” ay ku wargeliyeen xubno ku qabiil ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed kana soo jeeda Oromada inay qorsheeyeen inay weeraraan Ra’iisul wasaaraha Bishii June ee sanadkaan. Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in lasoo saaray amar lagu xirayo 36 sarkaal oo ka mid ah laamaha amaanka oo lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen maxaabiis, iyadoo inka badan 30 oo ka tirsan Meletariga la sheegay in lagu hayo dambi ah maamul xumo. Bishii June Bam gacmeed oo la tuuray ayaa labo ruux ku dilay magaalada Addis Ababa, wax yar kadib markii Abiy Axmed uu ka tagay goob uu khudbad ka jeedinayay, waxaana la sheegay in shan ruux bishii September loo xiray. “Cadeymaha aan soo ururinayay waxay muujinayaan in saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka, ay jiheynayeen Oromada inay weerarka fuliyaan, maxaa yeelay waxay ka damacsanaayeen in Ra’iisul wasaaraha oo Oromo ah Oromo ayaa dishay”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Ethiopia. Xeer ilaaliyaha ma uusan shaacin magacyada saraakiisha, sidoo kale si cad looma xaqiijin tirada dadka loo xiray kiiskaan, laakiin wuxuu sheegay in dad kale oo arintan ku lug leh inay isaga carareen Ethiopia, halka kuwo kalana ay is qarinayaan. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-121118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Koox hubeeysana ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waabari waxa ay ku dileen mid kamid masuuliyiinta degmadaasi. Dableeyda ayaa dishay Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xakiin Xashara oo gudoomiye waaxeed xili uu ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeeyn hooygiisa. Intaasi ka dib qaar kamid ah shacabkii arkayay markii falkaasi dilka ah ay geeysanayeen ayaa qabtay mid kamid ah ragii dilkaasi geeystay iyaga oo ku wareejiyay ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya. Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo goordhow la hadlay Warqabadka Puntland Post ee Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay dhacdadaasi u dhacday. Muqdisho kuma cusba dilalka loo geeysto dadka la shaqeeya dowlada Soomaaliya hayeeshee arinta cusub ayaa waxa ay tahay in dad shacab ah ay qabtaan dad dilal ka geeystay Muqdisho. Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Afhayeenka waxaa wareeystay Wariye Cowke oo Puntland Post katirsan. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareeysi-Afeeyeenka-G-Banaadir-By-Cowke-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shacab qabtay mid kamid ah koox dishay masuul magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Muqdisho) Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay dab saakay ka kacay qeyb ka mid ah Terminalka weyn ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dabka ayaa saacado hakiyay howlihii duulimaadka garoonka, iyadoo dabka oo sababay cilad koronto uu ka kacay maqaayadda qeybta Duulimaadyada Caalamiga ee Terminalka Garoonka. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay dabkaas, marka laga reebo inuu dabku baabi’iyay qeybta Maqaayadda. “Maanta subaxii saacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka Muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka cirka iyo duulista Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar. Sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqaddii Garoonka ay socoto, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelan Shaqadii duulimaadyadda ee Garoonka Aadan Cadde. “Garoonka waxuu u shaqaynayaa si caadi ah Duulimaadyaduna si habsami leh ayey u socdaan” ayuu yidhi Wasiir Omaar. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa saaka muddo kooban howlihii duulimaad hakad galeen, kaddib markii dab ka kacay qeybta kushiinka maqaayadda garoonka. Source
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirada Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, iyo Duulista Hawada, Maxamed Salaad Oomaar ayaa Isniinta maanta ah waxay hortageen xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya. Bayle ayaa mudanayaasha Aqalka Hoose wuxuu fahfaahin uu ka siiyay ku noqashada Miisaaniyadda dowlada ee 2018, taasi oo ay dood adag ay ka yeesheen, kahor inta aan fadhi kale loo balamin oo Arbacada ah. Intaasi kadib, Oomaar ayaa sharci-dejiyaasha uga warbixiyay xeerka Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada, kaasi oo loo mariyay akhrinta koowaad, kahor inta aysan ugudbin heerarka kale. Waa fadhigii 24aad oo ka tirsan Kal-fadhigii afaraad kulankaan ay isugu yimaadeen Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay xaadirtay 148 mudane, xili ay tiro kalena maqneed. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad.mp3 The post Wasiiro ka tirsan XF Soomaaliya oo hortegay Gollaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Jilib (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay khaarajiyeen xubin ka tirsanaa ururka kuwo kalena ay qabqabteen. Warar aanu ka helnay ilo degaanka ah ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay doonayeen inay xiraan xubno lagu tuhunsan yahay inay ururka kasoo horjeedaan. Warar kale ayaa sheegay in xubnahaas looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish. Al-Shabaab ayaa la sheegay inya ku weerartay masaajid ku yaalla magaalada Jilib hase yeeshee mid ka mid ah maleeshiyada ajaanibta ee la joogta Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu diiday inuu is dhiibo, bambo uu lasoo baxay kadibna ay toogteen maleeshiyada Al-Shabaab. Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri, waxaana la sheegay inuu u dhashay dalka Masar. Wararka aanu ka helnay deegaanka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in la xiray ilaa 100 qof oo iskugu jira xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo ganacsato iyo xubno kale oo lagu tuhmay inay doonayeen inay ku biiraan Daacish. Xubnaha la xiray ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Macallin Daauud oo la sheegay inuu horey u ahaan jiray madaxa dacwada ee Gobolka Gedo. Waxaa kaloo ka mid ah mid ka mid ah weriyayaasha u shaqeeya ururka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ilaa shalay xubno kale ka qabqabteen Saakow, Buula Fuulaay iyo Kuunya Barrow. Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka tirsan ay ka go’een Al-Shabaab sannadkii 2015-ka, waxaana ururka Al-Shabaab ay dileen xubnaha lagu tuhunsanaa inay ka tirsan Daacish. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  14. Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland Maama Khadra Warsame Jaamac ayaa telfoonka kula hadalnay oo aan weydiiyay dadaallo muddooyinkii dambe ay ka haween ahaan wadeen, oo ku aaddan helista kuraasta matalaadda. Haweenka Puntland ayaa suxul duub ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen kuraas ka mid ah gollaha wakiillada oo iminka ay soconayso soo xulista xildhibaannada cusub. Guddoomiye Khadra Jaamac ayaa sheegtay in ay meel fiican u marayso howsha ay ku doonayaan in ay uga mid noqdaan tiro haween ah baarlamaanka cusub ee soo socda ee shanta sano waqtigiisu tahay. Waxay sheegtay in isimada iyo nabadoonnada soo xulaya xildhibaannada ay la kulmeen oo ay arrinta ah in qoondadooda ay helaan ay kala hadleen. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/GUD-HAWEENKA-PUNTLAND-12-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Gollaha wasiirada Hirshabeelle ayaa meelmariyay shalay kulankoodii magaalada Jowhar ay ku yeesheen sharciyo kamid ah ganacsiga sida shatiyada oo kale kuwaasoo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga ee dowlad goboleedkaasi. Intii dalka burburka uu ku jiray adeegyo badan oo dowli ah muhiimna u ah nolosha shacabka ayaa maqnaa walina in badan oo kamid ah maqan. Haddaba si aynu sharciyada la meel mariyay wax badan kaga ogaanno waxaa Goobjoog News ay la xiriirtay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Yaxye Ismaaciil Maxamed oo aan wax ka weydiinnay bal inuu sharraxaad inaga siiyo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WASIIRKA-GANACSIGA-HIRSHABEELLE-12-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Baydhabo (Sh.M.Network) – Ku simaha Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta oo Isniin ah shir gudoomiyay kulanka Gollaha Wasiirada maamulkaan. Shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa diiradda lagu saarey arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedkan, amniga iyo sidoo kale amar la dul-dhigay xubno ka tirsan xukuumada maamul goboleedkan. Maye ayaa faray dhamaan Wasiiradda inay kusoo gudbiyaan Hantida ay hayaan qaab qoraal ahaan si aysan udhicin ku tagri fal awoodeed, maadaama xaalad kala guur ah uu dowlad goboleedkan dhexda uga jiro. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay murashaxiin dhowr ah utaagan yihiin waxaa loo mudeeyay inay qabsoonto 17-ka bishaan November 2018, xili caasimad goboleedka Bay ee Baydhabo laga dareemayo qaban-qaabo wayn. The post Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo kulan yeeshay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Guddoomiyaha degmada Balanbal Xuseen Liibaan ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid wanaagsan. Waxaa uu sheegay in tirada dhimashada dagaal beeleedka ay marayso afar qof halka lix kalena ay dhaawacmeen. Warar soo baxayay ayaa sheegayay in dhimashada ay ka badan tahay toban ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamayay. Malleeshiyaadka ayaa waxaa kala dhex galay odayaal labada beel iyo maamulka degmada. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/GUDDOOMIYAHA-BALANBAL-12-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxwaynaha Puntland ayaa Odayaasha soo Xulaya Xildhibaanada ka codsaday in qoonadada haweenka inay siiyaan Xildhibaannada soo socda. Dhanka kale wasiirka haweenka ayaa iyan ka hadashay qoondada haweenka ee aqalka wakiillada Puntland 2019-ka. Warbixinta hoos ka dhagayso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warbixinta-Qoonadada-Haweenka-kaga-hadlay-Gaas-by-Cawil-Cali-jamac-12-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyey arrin cajiib ah kadib markii ayaga oo isku duuban ka adkaadaan nin hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ninkan ayaa ka mid ahaa laba nin oo Bistoolado ku hubeysnaa kuwaas oo maanta degmada ka geystay dil qorsheysnaa. Ninka kooxdaani ay dileen ayaa magaciisa lagu soo koobay in uu ahaa Deeq waxa uuna ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Waaberi ee lagu dhex dilay. Mid kamid ah kooxda dilka geystay ayaa waxaa kadib gacanta ku dhigay dadka deegaanka oo arkayay markii ay rasaasta ku furayeen sarkaalka geeriyooday, waxa ayna ku wareejiyeen Ciidamada amaanka Degmadaasi. Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa tagay saldhigga booliska degmada Waaberi, waxayna shacabka uga mahadceliyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxayna wadaan baaritaano ay ku baadigoobayaan ninka kale ee baxsaday iyagoo su’aallo weydiinaya ninka ay haayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil ay dabley hubeysan ka geysteen xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka degmadda, kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Deeq. Goobjoogayaal ayaa idaacadda Shabelle u sheegay in mid kamid ah ragii falka fuliyay ay qabteen dad Rayid ahaa, oo Saldhiga degmada geeyay. Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Xilldhibaan Cabdiqaadir Carabow, oo Saldhiga tegay ayaa shacabka ku bogaadiyay talaabada ay qaadeen. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada ayaa tilmaamay in Hay’adda amniga ay ku raad-jooga ruuxa kale ee falkaan ku lug-lahaa. Mudooyinkii dambe amaanka Muqdisho ayaa faraha kasii baxayay, inkasta oo hay’addaha nabad-gelyadda ay wadaan howlgalo amaanka lagu sugayo. The post Shacab qabtay Rag dil ka geystay degmada Waaberi appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-121118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex maalmood ka hor taleefonka kula hadlay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal, xoojinta xiriirka amni iyo mid dhaqaale iyo isbeddelada ka socda Geeska Afrika. Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay Kenyatta kala hadlay sidii Kenya ay qeyb uga noqon lahayd dadaallada saddex geesoodka ah ee ay wadaan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Madaxda saddexdan waddan oo toddobaadkii tegay ku kulmay magaalada Gondar ee dalka Ethiopia ayaa ka shaqeynaya heshiis is-dhexgal dhaqaale looga abuurayo Geeska Afrika, kaasi oo Farmaajo uu doonayo in Kenya iyo Jabuuti ay sidoo kale qeyb ka noqdaan. Kulankii ugu horreeyey ee saddexda hogaamiye ayaa la qabtay bishii September si loo dejiyo naqshadda heshiiska, oo weli aan faahfaahin laga hayn. Kenya ayaa qeyb ka ah ururka Bulsahada Bariga Afrika ee EAC, oo ay ku jiraan dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi iyo South Sudan, waxaana ay wajahaysaa cadaadis ku saabsan inaysan ururkan kale ka miq noqon, kaais oo loo arko inuu halis ku noqon karo midkan cusub. Caasimada Online Xafiiska Jedaah Caasimada@live.com