-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI ayaa sheegaya in maanta oo Khamiis ah maxkamad la soo taagayo madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Cumar ayaa maanta kasoo hormuuqan doona Maxkamada oo ay uga furan tahay dacwad. Cabdi Cumar ayaa waxaa dacwada kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka dalka Ethiopia dacwadahaasi oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xiriira barakicinta dad shacab ah. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan. Sidoo kale, qaar kamid ah qoyska Cabdi Maxamuud ayaa sheegay inay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadeynta maanta la filayo inay ku dhacdo Cabdi Cumar. Lama oga natiijada kasoo bixi doonta Maxkamadeynta Cabdi Cumar, waxaana xusid mudan in maxbuuska caafimaad ahaan uu iminka wanaagsan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin oo kamid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in eedeymihii uu madaxweyne Waare u jeediyay dowladda dhexe ay dhammaantoodba yihiin kuwa xaqiiqadooda la hayo. Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay tabasho ka qabeen xukuumadda Muqdisho, islamarkaana halkii ay ka doonayeen in tabashada ay ka xalliyaan loogu beddalay culeysyo siyaasadeed in ay la saaro. Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa qiray in ay jirto eedda uu Madaxweyne Waare u jeediyay xukuumadda gaar ahaan NISA oo ku aadan in ay lacago geeyaan magaalooyin ay kamid yihiin Baladweyne iyo Jowhar kuwaasoo lagu dhibaateeyo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-CABDIRASHIID-CABDIXAKIIN-WARSAME-12-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland DR Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo daah furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada Puntland kaddib kulan ballaaran oo la isugu yimid magaalada Garoowe. Madaxweyne Gaas ayaa ka sheekeeyay taariikhda dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dimuqraadiyad dhab ah ay ka jirtay Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 1960-kii illaa 1969-kii. Wuxuu soo hadal qaaday dadaallo xukuumaddiisa ay u gashay in Puntland adeegyo horumarineed laga hirgaliyo balse ay tabarta u diiday isagoo xusay in hay’adihii adduunka arrintaa dhaqaale looga waayay. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay in doorasho cod iyo qof ah haddii aysan Puntland ka qabsoomin 2019-ka ay ka qabsoomi doonto 2024-ka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo markii madaxweyne Gaas uu ku jiray ololaha doorashada xilka uu maanta hayo dabayaaqadii sanadkii 2013-kii uu sheegay in haddii Puntland 2019-ka aynaan doorasho cod iyo qof ah ka dhicin ay la macno tahay in Cabdiwali Gaas fashilmay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The former UN secretary-general Kofi Annan died at the age of 80. Source: Hiiraan Online
-
The European Parliament is set to vote on Thursday on a resolution that condemns Israel for the pending evaluation of the illegally built West Bank Bedouin herding village of Khan al-Ahmar, and warning that it set a dangerous precedent for another 46 such communities in Area C. Source: Hiiraan Online
-
The family of Fatuma Diriye from Somalia has been split apart following the recent shift in U.S. refugee policy introduced ... Source: Hiiraan Online
-
UN Secretary-General Antonio Guterres has appointed Nicholas Haysom of South Africa as his special representative for Somalia and head of the UN peacekeeping mission in the country, Guterres' press office said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Yaab! Mise amakaag!, baraha bulshada illaa iyo hadda waa laga yaaban yahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo dagaal aan kala joogsi lahayn ku haya madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay facebook soo dhigay qoraalkii ugu macno daradda badnaa oo ilaa iyo hadda lala yaaban yahay waxa uu ula jeeday. Qoraalkan ayaa daba socday safarkii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo shalay ku tagay Addis Ababa oo ay shir ku lahaayeen madaxda urur gobolleedka IGAD. Markii uu Madaxweyne Farmaajo gaaray madaarka Addis Ababa waxaa qaabilay oo soo dhaweeyey madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar iyo wasiirka warfaafiinta Itoobiya Axmed Shide, taas oo ahayd tallaabo muujiyey sida loo qadarinayo madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhaweeyeen Soomaali,. Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taas ka raadiyey dhaliil, haba ka raadiyee ma xumee, Meesha uu la galay ayaa aad u yaab badneyn, oo wuxuu yiri:- Ma jirtaa qof fasirraad ka bixin kara macnaha uu yeelan karo qoraalkaas kore? Hase yeeshee jawaabihii ay dadka ka bixiyeen ayaa muujiyey heerka xun ee ay la gaartay ina Cabdishakuur, xitaa dad isaga taageersanaan jiray ayaa yiri “Intaas ayay nooga dhan tahay” Qof lagu magacaabo Cumar Guuleed, ayaa ku yiri “Tilaabo kasta oo Farmaajo iyo Khayre qaadaan hadaad si xun umada ugu fasirto, ogoow dadku kaama caqli liitaan, adigana xikmada hadalkaada ayaa ka lumaysa …Waxaan murugo iyo qalbijab aheena kuuma kordhineeyso? Cabdi Weli ayaa isna yiri “Saad isu laheyd dowladda Farmaajo wax ka sheeg ayaad ku dabaaalowdey, warna iskuma heysid ee isdaba qabo waad waalataye acuudu billah” Qof isna la baxay Wiilka Darbijiifta ayaa yiri “Odaygii waa wareeray, wallaahi cudur Farmaajo la dhaho aya ku dhacy oo an daawo lahayn” Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa dhowaanahan mid tallaabo walba oo uu qaado madaxweyne Farmaajo wax ka soo qora! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa cirka isku sii shariiray khilaafka ka dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe kaasoo ku saabsan Awoodaha Dastuuriga iyo sida loo fasirayo. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhawaan Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay inay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Dhexe maadaama ay ku eedeeyeen inay fulin weysay dhawr heshiis oo la wada galay. Sidoo kalana waxay ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso maamul Goboleedyada isla markaasna ay dowladda dhexe wado mooshino iyo olole ka dhan ah madaxda hadda talada u heyso Maamul Goboleedyada. Waxaa jirto hal arrin oo khasab ka dhageyso inay Dowladda Dhexe si deg deg ah ula heshiiso Madaxda Maamul Goboleedyada taasoo ah Shir ka dhacayo Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan u duulayo dalka Mareykanka si uu uga qeybgalo Shirka Qaramada Midoobay uga furmayo halkaas. Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeedin doono khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya guud ahaan waxaan qasab ah inuu halkaas tago isagoo heshiis la ah Maamul Goboleedyada. Dowladda Dhexe ayaa ku dadaaleyso sidii loo xalin lahaa Khilaafkaas ka hor inta la gaarin waqtiga shirkaas oo furmayo 18 Bishaan September, wuxuuna shirka socon doonaa 1-da Bisha October. Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku xisaabtamayo muhiimadda uu shirkaas u leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadiyey go’aankooda ah inay xiriirka u jareyn maadaama ay dowladda kala kulmeyn culeys badan oo dhanka kuraastooda ku aadan. Khudbadda Madaxweynaha ayaa noqon doonto mid aan sidaas usii xiiso badneyn haddii uu tago isagoo aan heshiis la aheyn Maamul Goboleedyada oo gacanta ku hayo inta badan Dalka marka laga soo tago meelaha ay Al-Shabaab gacanta ku heyso. Aqalka Sare ayaa Maanta ku dhawaaqay guddi dhex dhexaadin ah oo ka shaqeyn doono sidii khilaafkaas loo xalin lahaa waxayna safaro ku tagi doonaan dhammaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya. W/Q: Maxamuud Cabdi Calasow Balcad, Shabellaha Dhexe Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muranka siyasadeedka iyo kala qaybsanaanta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada waa khatar hakad galin karta dadaalka Soomaaliya ku doonayso in daynta laga cafiyo, sidaas waxa ka digay Bankiga Adduunka. Bankiga aduunka ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la tabco wax u nugul inay dumaan, islamarkaana halista ku gadaaman dib udhiska dalka ay tahay mid aad u saraysa, iyadoo dhaqaaluhu ahaa mid aad u liitay sanaddii 2017 Qoraalka ayaa lagu yiri “Gaabis ku yimaada dib udhiska dalka wuxuu sababi karaa xiriirka Soomaaliya iyo hay’addaha maaliyadda bixiya oo wiiqma ama sidiisii hore kulaabta, waxaana ka dhalan karta in ay dawladdu waydo maalgalin qaran iyo caawinaad balaaran” Warbixintaan waxay kusoo beegmaysa xilli dhexda looga jiro khilaaf siyaasadeed joogta ah oo u dhexeeya dawlaada iyo maamul goboleedyada oo iyagu ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Dawladda dhexe, iyagoo so bandhigay liis cabashooyin ah oo ay ka mid tahay faragalin iyo awood ka xayuubin Dhanka kale waxay mugdi galinaysa in madaxda goboladu ka qaybgalayaan shirka amniga qaranaka ee Muqdisha ka furmaya 17-ka September, shirkaas oo madaxwaynuhu iclaamiyay isla maalintii madaxda goboladu xiriirka ka lanoqdeen dawladda dhexe Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramida Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya Michael Keating ayaa dhawaan wareysi uu siiyey BBC News, gaar ahaan tifaftireheeda Africa Mary Harper uga warramay halka mar ee uu suuqa Soomaalida dhexgalay waxna ka soo iibsaday. Harper oo la yeelatay wareysi xiiso lahaa ayaa weydiisay su’aalo muhiim ahaa sida is bedelka siyaasadda dalka, amniga, dhaqaalaha iyo kuwa kale, oo dhammaantood tabanaya Soomaaliya Hase ahaatee, su’aasha ka wada qoslisay wariyeyaashii waday barnaamjika BBC Focus On Africa ayaa ahayd – “Maxaa iibsatay? Su’aashan waxa ay ku timi mar uu Keating u sheegay Mary Harper in uu suuqa Gaalkacyo ku lugeeyey oo uu markii ugu horreeysay ganacsata caadiga ah ee Soomaalida wax ka iibsado Keating ayaa ku jawaabay “Caano Ari!” Wixii intaa ka dambeeyey waxaa halmar Istuudiyaha BBC Focus On Africa laga maqli karay qosolka warihii barnaamijka oo leh “Maxaad caano Geel anna iigu soo iibin weyday ama adiga u soo iibsaday weysay!” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegaya in lagu guuleystay kala dhantaalida madaxda Jabhada Dib u xoreynta Somaliland ee dhawaan ka goostay maamulka. Jabhadan oo ay ku mideysan yihiin Saraakiil ka tirsanaa ciidamada maamulka ayaa iminka kala jabay, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay dib ugu soo goosten maamulka. Abaanduulihii Sldhiga Seddexaad ee ciidanka G/Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad iyo ciidamo uu wato ayaa kasoo goostay Jabhada kuwaa oo isku soo dhiiwaya maamulka. G/Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad iyo ciidan uu watay ayaa horay ugu biiray Jabhada uu Hogaaminayo Korneel Caare waxaana uu hadda ku sugan yahay deegaan dhanka Bari kaga began Ceergaabo una jirta ku dhawaad 40KM. Sarkaalkan lagu magacaabo Gamaal Maxamed Baaxad, ayaa Jabhada kala soo goostay ku dhawaad Seddex gaari nooca dagaalka iyo ciidamo ku dhow Sodon. Sarkaalkan oo shuruudo kusoo goostay ayaa lagu wadaa in isaga iyo ciidamadiisa la geeyo magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Somaliland. Jabhadani lagu bilaabay kala dhantaalida ayaa la sheegay in halis weyn ay ku aheyd xasiloonida deegaanada maamulka Somaliland. Sidoo kale, Korneel Caare oo aasaase ka ah Jabhada ayaa wali heysta gaadiid dagaal iyo ciidamo farabadan kuwaa oo qudhooda laga cabsi qabo in dib ay ugu soo goostan maamulka. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa xooga saareysa sidii lagu burburin lahaa Jabhada oo u muuqaneysa mid saameyn weyn leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Islamabad (Caasimada Online) – Iran iyo Sucuudiga waxa ay u xusul duubayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen dowladda cusub ee Pakistaan taas oo uu hoggaaminayo Imran Khan. Labadaba dano ayey ka leeyihiin, yeelkeede, Sucuudiga waxaa wiiqay dagaalka Yaman oo aan la jecleyn Pakistan. Pakistan waxa ay ku taal meel muhiim u wada ah Riyaad iyo Tehraan. Pakistaan waa wadanka labaad ee ugu Muslinka badan aduunka wana wadanka qura ee Muslinka ah ee haysta hubka Nukliyeerka. In ka badan 1.5m oo Pakistaniyiin ah ayaa ku nool Boqortooyada. Dhinaca kale, Pakistan iyo Iran waxa ay wadagaan xuduud 900km ah gaar ahaan dhinaca Balchuistan. Dadka Pakistan waxaa ku jira qowmiyadda Shiite ee laga tirada badan yahay, 30% ayey ka yihiin dadka dalkaas. Loolanka Sucuudiga iyo Iran ugu jiraan dunida Muslinka, Pakistan aad ayey muhiim ugu tahay. Raisul Wasaaraha Pakistan waxa uu sheegay in Pakistan dooneyso “Door wanaagsan” in ay ka ciyaarto siyaasadda u dhexeysa Sacuudi Careebiya iyo Iran. Waxa uu telefoonka kula hadlay hoggaamiyeyaasha labada dal tan iyo markii la doortay waxa uuna rejeynayaa in uu labadoodaba booqdo bilowga waqtigiisa xilka. Saaxiibo dhaw ayey ahaayeen Pakistan iyo Sucuudiga, balse waxa uu xiriirkooda xumaaday wixii ka dambeeyey dagalka Yaman. Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah Maxamed bin Salmaan waxa ay doonayeen in Pakistan ku soo biirto dadaalada lagula dagalamayo Xuutiyiinta. Boqortooyadu waxa ay dooneysay in ciidanka Pakistan ku soo biiraan dagaalka. Shaqsiga qura ee sida muuqata uga soo horjeeda xiriirka boqortooyada ee ku jira xisbiga cadaaladda waa Shireen Mazari, waxa ay ka soo qallin jabiyey dugsiga dhaqaalaha ee London iyo Jaamacadda Columbia, hadda waa wasiirka arrimaha bini’aadannimada ee xukumadda Khan. Mazari waxa ay hormuud u ahayd dhalleeceynta Sacuudiga loogu jeedinayo dagaalka Yaman waxa ayna sheegtay in dowladdii hore aysan daacad ahayn maadama ay tababareyaal u dirtay dagaalka. Sidoo kale waxa ay u ol’oleeysaa sidii loo furi lahaa dhuumaha shidaalka Pakistan iyo Iran iyo sidii Iran looga kaashan lahaa joojinta dagaalka Yaman. Wasiirka arrimaha dibada ee Iran Mohammad Javid Zarif ku soo wajahan dhawaan Islamabad sida xoghayaha arrimaha dibadda ee USA, Mike Pompeo. Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi oo ah khabiir ayaa ku tilmaamay callaamad wanaagsan imaanshaha wasiirka arrimaha dibedda ee Iran. Sucuudiga iyo Iran waxa ay xiriiro qotodheer la leeyihiin maleeshiyaadka Sunniga iyo Shiicadda, ku was oo xaaladda gudaha Pakistan qarxin kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in inta badan amniga maamulka ay si buuxda ula wareegi doonaan ciidamada Ethiopia. Wararku waxa ay sheegayaan in Ethiopian-kii horay u joogay Baydhabo la kordhiyay isla markaana si hordhac ah loogu wareejiyay amniga qaar kamid ah xarumaha maamulka. Ciidamadan oo lagu dhex fasaxay magaalada ayaa si hordhac ah ula wareegay amniga Garoonka, Madaxtooyad, Xarumaha ay ka socdaan Ololaha Doorashada iyo Koontaroolada muhiimka ah ee maamulka. Ciidamadan ayaa sugida amniga ka qeybqaadan doona inta lagu guda jiro doorashada maamulka oo ay ka harsan tahay maalmo qura. Ujeedka ugu weyn ee ciidamadan loo geeyay xarumaha qaar ayaa ah cabsi laga qabo in qalalaaso ay ka dhacdo xarunta lagu qabanaayo doorashada iyo in weeraro ay magaalada ka geystaan Al-Shabaab inta lagu guda jiro doorashada. Ciidamadan shisheeye oo aad u taageersan Hogaamiyaha uu wakhtiga ka dhamaaday ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa waxaa ka garab shaqeyn doona ciidamo kale oo ka tirsan Booliska. Shariif Xasan ayaa laga cabsi qabaa in ciidamadaasi uu u adeegsado Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dib usoo laabashadiisa. Sidoo kale, ciidamada ayaa laga cabsi qabaa in tacadiyo ay u geestan musharaxiinta saacado ka hor inta aysan dhicin doorashada maamulka. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal ciidamada shisheeye ee is garabtaagaya Hogaamiyaha doonaya in mar kale uu soo laabto Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Qeybtii 6-aad Halkan ka aqriso qeybihii hore Inta aan u gudbin taxanaha qaraalladayda la xiriira cinwaanka kor ku xusan, waxaan garowasaday inaad ka jawaabo su’aal uu e-mail iigu soo weydiiyey qof, kaddib markii uu boggaan Caasimada ka akhristay qoraalladayda. Su’aashu waxay ku saabsanayd sababta qoraalladayda ay ku cabbiran yihiin ciidanka sirdoodka Soomaaliyeed oo keliya?. Sidaan hore ugu sheegay qoraalladii ugu horreeyey, anigu waxaan ka mid ahaa shakhsiyaadkii nasiibka u helay inuu dhidibbada u aasaan korna u soo qaadaan waxtarka iyo tayada ciidankaas sharafta mutaystay kana mid ahaa ilaa burburkii dawladdii dhexe 1991kii. Waxaan aaminsanahay inaan xaq u leeyahay isla markaana waajib igu tahay inaan hay’addaas ka warramo, intii aan afka la geli lahaa hay’ad ama arrimo kale. Sidaad la socotaan, soomaalidu waxay ku soo koobnaatay wariye siyaasiah, heesaa, siyaasi aan sal lahayn, xirfadahaasoo runtii xushmad iga wada mudan yihiin. Qof haddii uu faraha la galo inuu ka faalloodo arrimo uusan wax ka ogayn wuxuu ku dhacayaa siriq wax u dhimaayso dadka xirfadahaas aqoonta u leh si hufanna u guta hawlahooda. Sidaa awgeed, waxaan door biday inaan faraha la gelin arrimo aan awood iyo aqoon u lahayn inaan ka hadlo, haddii kale kuwaas warxumo tashiilka ah ee aan kor ku soo sheegay ayaa la jaal noqonayaa. NSS-tu, kuma mutaysan kalsoonida shacabka iyo inay yeelato saddex taliye oo weliba kan saddexaad loo magcaabay, Allaha u naxariistee Gen. Aadan Jaamac Cirday, dhowr bilood burburkii ka hor, ee waxay ahayd hay’ad hoy siisay ciidan isku duuban, qabiil ka caagan, meel sare ka gaaray heerka xirfadaha ay u baahnayd, kana baxsan in shacabku ka dhowrayo caddaalad, sinaan iyo inay gaashaan u noqdaan falalka cadowga qaranka. Sanooyinkii u dambeeyay, waxaan marqaati ka ahaa, intii maanta noolna oo ciidanka ka tirsanaa dafiri karin, in dhowr saraakiil iyo saraakiil ciidan oo fara ku tiris ah ay mutaysteen ciqaabooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayaan ruqso, beddel iyo hal darajo oo gadaal loorgu celiyey, kaddib makii ay ku caddaadeen dembiyo la xiriira anshax-xumo, ku takrifal awoodeed, amardiiddo, baraxayn kiisas dembiyeed, qiyaano qaran (la-xiriir shisheeye) iwm. Waxaad marqaati iga tihiin in maanta dembiyada qaranka laga tirtiray falalkaas noocaas oo dhan, dhacdayna in qaar badan oo aan halkan ku cayimi karin, lagu abaalmariyey darajooyin sare oo xasaasi ah. Falsafadda saliimka ah waxay qeexaysaa in markaad rabto inaad qiimayso marxaladda aad joogto waxaa habboon inaad dib u eegto marxaladdii aad soo dhaaftay, sidoo kale markaad doonayso inaad deristo mustaqbalka waxaa lama huraan ah inaad qiimeyso marxaladda aad markaa ku sugan tahay si aad ugu cabbirato mustaqbalka. Haddaba, haddaad dib ugu lafa gurtaan sooyaalka, ma ii sheegi kartiin siyaasi wax-qabadkiisa ku saleeyey habraaca aan kor ku xusay?. Waxaan soo aragnay haddana u jeednaa in qofkii xukun qabta, isagoon isku taxluujin maxaa la soo qabtay maxaase hadda la haystaa, wuxuu la imaanayaa fikrad isaga u gaar ah danooyin kala geddisanna dabada ku wata, waxaana laga dhaxlayaa “Jugjug meshaada joog”. Culimaada caafimaadka ee dunida waxay isku waafaqeen in madax-xanuunka (headache) iyo xumadda ama febbraha (fever) ayan ahayn cudur, hase yeeshee lagu tilmaamay digniinno ah (alarm) kana tarjumaya in wax qaldan yihiin. Tusaale ahaan, haddii ay soo wajahaan digniinahaas midkood, looma baahna inaad abbaarto dawo aad ku baabi’iso xanuunka ama ku dejiso xumadda, waayo waa dawayn astaameed (Symptomatic Treatment) waxna ka tarayn cudurka asalka ah ee ku hayo. Haddaba, waa laysku raacsan yahay in qaranku xanuun la tacaalayo oo sabab u noqday burburka uu ku jiro waxna toosi la’ yihiin, hase yeeshee waxaa ayaandarro ah in dawayntiisa loo kaashado oo keliya ka hortagga digniinahaoo keliya. Tusaale, labada cudur ee ugu daran ee qaranka la dagay waa amni-xumida (Insecurity) iyo qabyaaladda (Tribalism). Xalku ma wuxuu noqonayaa in markii qarax meel ka dhaco goobtaas la go’doomiya ama la xiraa mise waa in laysku taxluujiyo sidii looga hortagi lahaa cidda qaraxaa loo abaabushay? Sidoo kale, xal u-helidda qabyaaladdu ma waxaan ku xallinaa in qabiil kasta la raaligeliyaa iyadoo laga baxsan yahay in meel looga dhacayo caddaaladda iyo sinnaanta? Horumarka waxaa sal u ah Caddaaladda, ilaa inta aan iska indho tiraynana qarannimadu waa naga sii fogaanaysaa. La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabista Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, kaasi oo noqonaya wakiilka gaarka ah ee xoghayha guud u qaabilsan Soomaaliya. Danjire Michael Keating oo maamulayay xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo 22-kii Bishii November, 2015, Isagoo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo British ah, laga billaabi kowda bisha October. Mr. Haysom ayaa ah garyaqaan muddo ka shaqeynayey diblomaasiyadda caalamiga ah, isaga oo diiradda saaraya maamulka dimoqraadiyadda, dastuurka, isbeddelada doorashooyinka iyo hanaanka dib u heshiisiinta. Waxa uu hadda yahay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan iyo Koonfur Sudan, xilkaas oo uu hayey tan iyo sanaddii 2016. Ka hor xilkan, waxa uu ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Afghanistan iyo madaxda howlgalka QM ee caawinta Afghanistan (UNAMA), xilkaasi oo uu hayey 2014 illaa 2016, isaga oo xilkaasna si ku xigeen ah u hayey 2012 illaa 2014. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa shaaca ka qaaday in shirka Kismaayo ay kaalin weyn ku lahaayen wadamo shisheeye. Cosoble, waxa uu sheegay in qabashada shirka Kismaayo ay ka danbeeyen mas’uuliyiin shisheeye oo ku sugan Somalia, waxa uuna ayaan daro ku sheegay in dal dhismaaya laga daba shaqeeyo. Waxa uu Cosoble tilmaamay in shirkaasi lagu soo beegay xili inta badan maamulada ay ku howlan yihiin doorashooyin, hase yeeshee ay muhiim tahay in dowlada Somalia lagu garab istaago sida ay uga gudbi laheyd xiisada jirta. Waxa uu Cosoble, sheegay in waxa ay ka cabanayaan maamul Goboleedyada aysan aheyn wax jira ,isla markaana ay ahaayen keliya kuwo fulinaayay dano shisheeye. Waxa uu tilmaamay in qodobadii ka soo baxay shirkii magalada Kismaayo ay dhamaantoodu yihiin kuwo ay ka danbeyso ujeedooyin gaar ah,balse waxa uu ku sifeeyay in madaxda maamulada ay yihiin qaran dumisnimo sida uu hadalka u dhigay. Dowladaha ku lugta leh ayuu sheegay inay yihiin kuwo waligooda faragalin ku hayay Siyaasada Somalia, hase ahaatee ay mar un ku fashilmi doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inaysan ka dheeren xadka loogu tallo galay isagoo carab ***** in taariikhda ay ka qori doonto wax waliba oo ay geystaan. Haddalka Cosoble, ayaa kusoo beegmaya xili uu sii xoogeysanaayo khilaafka dowlada Dhexe kala dhexeeya maamulada, iyadoo laga muujinaayo walaac ku aadan in leysku fiirsado khilaafka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Islamic Development Bank has suspended a multimillion dollar project in Somalia due to accusations of corruption and mismanagement. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ay isugu gacan qaadeen gudaha madaxtooyada maamulkaas. Arrintan oo mananta ah midda ugu hadal haynta badan Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland, ayaa ku soo aadeysa xilli labada mas’uul ay aad ugu kala fogaadeen shikii Kismaayo oo ay dowlad gobolleedyadu wadashaqeyntii dowladda dhexe ugu hakiyen. Ilo ka ag dhaw xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la soo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku maan dhaafeen xafiiska madaxweynaha, xilli Gaas uu su’aalo ka weydiiyey ku xigeenkiisa lacago uu kala baxay Bankiga markii uu bishii hore aaday magaalada Muqdisho. Hase ahaatee, Camey oo ka jawaabaya lacagta lagu eedeeyey ee uu kala baxay Bankiga dhexe ee Puntland ayuu ugu jawaabay “Yaa ku xisaabiya adiga?”, Isla markiiba waxaa ka xumaaday hadalkii labadooda waxa ayna is dhaafsadeen hadallo kul kul oo keetay in Camey istaago gacanna la aado Gaas. Waxaa labada mas’uul soo kala dhex-galay dadkii goobta ku sugnaa, oo u badnaa shaqaalahooda. Lacagta badan ee uu Gaas ku eedeeyey in Camey kala baxay Bangiga dhexe ee Puntland waxa ay imaaneysaa xilli uu Camey muddo ku sugnaa Muqdisho, isaga oo markii uu ka soo laabtay shir jaaa’id oo uu Garowe ku qabtay ku sheegay in uu Caasimadda Soomaaliya u aaday arrimo caafimaad iyo dhul uu ku lahaa magaalada. Dhinaca kale, Camey waxa uu ka soo horjeestay mawqifka Gaas ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray, waxaana aad baraha bulshada ugu baahay sawir ay isku salaamayaan garoonka diyaaradaha ee Garowe, balse muujinaya heerka uu khilaafkoodu gaarsiisan yahay. Camey ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay dowladda federaalka, hase yeeshee Gaas Ayaan wax ka qabin karin, xilkana ka qaadi karin maadaama Camey si gooni ah loo soo doorto. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi si weyn u mucaaradsan Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku maamusho dalka ayaa tilmaamay inuu firkiisa la mid yahay midka uu Michael Keating oo ka sii dhamaanayo mudo xileedka Xafiiska Qaramada Midoobe ka aaminsan yahay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaaldihii ugu dnabeeyay ee dalka iyo waxyaabihii ka soo baxay Kulan Keating uu Kismaayo kula soo qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada intii ay sooctay SHirkii golaha iskaahsiga ee la soo xiray Todobadii bishan. Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu sidoo kale ku sheegay in Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Somaliya Michael Keating ay isla soo qaadeen shaqada laga filan karo Ninka cusub ee loo soo magacaabay Somaliya Nicholas Haysom oo ah Koofur Afrikaan cadaan ah. Hadda halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daah-furtay barnaanij lagu magacaabo”waxbar carruurta Soomaaliyeed” oo lagu caawinayo carruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ee aan awoodin in ay waxbarashada ka bixiyaan ubadkooda,gaar ahaanna dadka ay saamaysay abaartii dalka soo martay. Mashruucan oo ay ka faa’idaysanayaan in ka badan 11 kun oo arday danyar ah,ayaa waxaa maal-gelinaysa dowladda Qatar,waxaana fulintiisa leh hay’adda Mercy Corps,iyadoo mashruucu ka shaqeyn doono saddexda gobol ee kala ah;Mudug,Nugaal iyo Karkaar ee Puntland,sida ay sheegtay wasaaraddu. Maxamed Cabdi Xaaji oo ka tirsan hay’adda Mercy Corps ee mashruucan fulinaysa oo ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay barnaamijka,ayaa sheegay in mashruuca ay hoggaanka u hayso wasaaradda waxbarashada Puntland,halka hay’addiisuna ay si buuxda uga fulin doonto degaannada loo qorsheeyay,si looga faa’ideeyo ardayda ka soo jeeda qoysaska aan awoodin in ay lacagta iskuulka ka bixiyaan carruurtooda. Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland,Maxamed Cali Faarax(Farmayeeri) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay,ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku guulaysatay soo celinta hay’adda Mercy Corps oo in mudda ah ka maqneyd arrimaha taageeridda waxbarashada Puntland,isagopo hay’adda ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto horumarinta waxbarashada dalka. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan ballaaran uu qeyb ka yahay qorshe ay wasaaraddu ku doonayso in ay dib iskuulada ugu celiso in ka badan 30 kun oo arday ka soo jeeda qoysaskii abaartu samaysay ee awoodi waayey in ay carruurtooda waxbarashada ka bixiyaan. Ugu dambeyntii, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro. Abshir Yuusuf Ciise oo si rasmi ah mashruuca u daahfuray ayaa sheegay in mashruucan uu daboolayo baahida waxbarasho ee ardayda ka soo jeeda qoysaskii ay saamaysay abaartii”SIMA” iyo kuwa kale ee duruufaha dhaqaale u saamixi-waayeen in ay waxbarashadooda sii wataa. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in mushruucan uu door weyn ka qaadanayo baahinta waxbarashada as’aasiga ah ee degaannada Puntland,islamarkaana xilligii loo baahnaa ku soo aaday. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Mashruuca”waxbar carruurta Soomaaliyeed” oo Garoowe laga daah-furay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada dowladda Puntland. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn, 6 degmo iyo 54 degaan oo kamida degmooyinka iyo degaanada Puntland, aqoon yahano, hay’addaha Wasaaradda Dastuurka kala shaqaynayey mashruuca, masuuliyiin ka socda ururada siyaasadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta barnaaminka Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul wanaagga, isagoona uu xusay Madaxweynuhu in barnaamij kani waxbadan ay kaga baranayaan bulshada reer Puntland arrimaha Dimuquraadiyadda. “Dimuquraadiyaddu sideedaba sahal kuma timaado, wadammada hadda sheegta dimuquraadiyadda waad garan kartaan wakhtiga ay ku qaadatay in ay dimuquraadiyadda dhab ah dalkooda ka sameeyaan, wadammada ugu horeeya waa Maraykanka isna wuxuu dumarka inay codeeyaan u ogolaaday 1920, iyagoo weligood ay ka jirtey dowladdnimo, doorasho, iyo dimuquraadiyadda, hadaba dimuquraadiyadda laba siyaabood waa u muhiim midda koowaad waxa weeye, kow qofku xorma aha illaa inta uu isagu cidkiisa cid ku dooranayo, labo dimuquraadiyaddu Maxay tahay? waa inta tirada badan ra’yigooda in la raaco, halkaa kuma’eka dadka iyagu tirade yar ee codkooda wax ku waayey waa qayb in xuquuqdooda la difaaco oo aanay ku tuman inta tira badnida codka ku heshay” ayuu yiri Madaxweyna Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa si faahfaahsan u gorfeeyey qaybaha kala duwan ee adduunka loogu dhaqmo dimuquraaddiyadda, isagoona is barbar dhigay dimuquraadiyadda keliteliska iyo dimuquraadiyadda tala wadaagga ku dhisan, madaxweyanaha yaa hoosta ka xariiqay inaanay dimuquraadiyaddu keenin horumar deg deg ah. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirtey dimuquraadiyadd dhabba 1960 -1969 , Madaxweyanaha ayaa sheegay in haddii xiligaa Soomaaliya sidaa ku socon lahayd ay gaadhi lahayd horumar dhan walba ah, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dimuquraadiyadda. Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto ay tahay Puntland, Waxaana uu u sababeeyey Madaxweynuhu in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com