-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI, Kenya—Countries in the Horn of Africa continue to face a growing threat from extremist Islamic groups, particularly the Somali militant group al-Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Attorneys head to court Thursday to argue over whether a criminal case should go forward against a former Minneapolis police officer who fatally shot an unarmed Australian woman who had called 911 to report a possible sexual assault in the alley behind her home. Source: Hiiraan Online
-
Russian Foreign Minister Sergey Lavrov and Somali Minister of Foreign Affairs Ahmed Isse Awad have discussed the prospects of building up political and trade and economic cooperation on the sidelines of the UN General Assembly session, the Russian Foreign Ministry said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Maalmahan waxa magaalada Jigjiga ee caasimadda gobolka Soomaalida ka aloosmay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa kala qaybsanaan bulsho oo gobolka ka jirta. Rabshadaha ka aloosmay Jigjiga waxa qarxiyay soo dhawayno loo samaynayay masuuliyiinta u saraysa ururka ONLF oo magaalada Jigjiga ku soo laabtay markii ay la heshiiyeen xukumadda cusub ee Dr Abiy Axmed. Axaddii magaalada Jigjiga waxa soo gaadhay afhayeenka ururka ONLF(Ururka Jabhadda Xoraynta Odaadeeniya) Mudane Cabdiqaadir Xasan Caddaani Hiirmooge waxaana soo dhawayntiisa ka dhashay rabshado u dhexeeya dad diidan iyo kuwo taageersan. Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Mustafe Cagjar waxa uu ku eedeeyay rabshadaha dhallinyaro loo yaqaanay Heego oo taageeri jirtay nidaamkii Cabdi Ilay. Hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ay rabshaduhu qabyaalad salka ku hayaan, islamarkaana dadka reer Jigjiga badhkood u arko Jabhadda ONLF mid beesha Ogaadeen u gaar ah oo aanay ahayn in Jigjiga lagu soo dhaweeyo. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ka digay arrinta ah in ONLF beel ahaan loogu diido Jigjiga “Ma in aynu is dillo oo la yidhaahdo ONLF Jigjiga ma soo gali karto waa reer Hebel ba ayaa horumar noqonaysa maanta, Iyana yidhaahdaan waa yahay ‘reer Qabri-bayax ma soo gaadhi karaan Dhagax Buur iyo araarso’ oo marka dadkii walaalaha ahaa la kala qobqobo maaha. Wixii afkaar siyaasadeed ah ee Khaldan tartan siyaasadeed ayaa lagu kala baxaya laakiin, wixii Soomaalinimo ah magaalo kasta oo gobolka ku taalla nin walba oo Soomaali ah wuu tagi kara ganacsi buu ka samaysan kara wuu ku noolaan kara,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha gobolku. Qoraal uu shalay galab boggiisa Facebook ku baahiyay madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayuu walaac kaga muujiyay kala qaybsanaanta bulshada ee gobolkiisa “Dadka ku talinayaa xumaan, ficiltan qabiil, qabyaalad iyo tollaa’ay waxay u badan yihiin dad qurbajoog ah oo aan ku gubanayn dabka ay shidayaan marka uu hulaaqo! Ma dhagaysanayno xagjiriinta qabiilka! Waxaan ognahay in ay jiraan dad maslaxo shaqsi ka dhex raadinaya isku dhufushada reeraha. Waxaan ognahay dad dambiyadii ay galeen raba inay kaadh qabiil kaga dhex siibtaan. Waxaan ognahay dad cadaalada iyo sinaanta u arka halis ku soo fool leh oo ka door bidaya qas iyo lab. Dadka activists ka ahna waxaa laga rabaa inay hubsadaan waxa jira inta ayna qiiro jabaan talooyin aan micno lahayn ku soo jeedin. Askargii wiilka xabbada ku dhuftay hala qabto intaadan odhan waxaa ka horeeysa ma la qabtay mise lama qaban inaad hubiso! Intaadan LIVE adigoo afka abur ka tuuraya soo fadhisan oo leh urur hebel baa la beegsanayaa dadka gudaha jooga warayso oo waydii yaa dhibka wada! Ugu dambeeyntii, abaabul qabiil cid samayn kartaa majirto maanta laga bilaabo!.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar. Madaxweyne Mustafe Cagjar shir jaraa’id oo uu arrintan kaga hadlay Isniintii wuxuu bulshada uga digay qabyaaladda iyo in dad hab beeleed isu abaabulay sharciga gacantooda ku fushadaan waxaanu si kulul u eedeeyay kooxda Heego “Iyadoo aan iska ilaalinayno inaan ku xad gudubno cidna, haddana ma ogolaan karno Heego inay calamo noo qaadato dalka qasaan. Cidi lagu arko iyadoo wadata calan ururo ayna horey uga tirsanaan jirin waxaa laga qaadayaa talaabo adag. Lama ogola abaabul aan wax fasax ah loo haysan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar. Wararka ayaa sheegaya in habeen hore magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagax Buur laga qabqabtay dad lala xidhiidhinayo rabshadaha Jigjiga ka dhacay. Waxa ay taasi ka dambeysya amar uu bixiyay madaxweynaha Gobolka oo uu laamaha ammaanka ku amray in Heego tallaabo laga qaado. Gobolka Soomaalida markii uu dhacay nidaamkii Cabdi Ilay oo cadaadis badan ku hayay waxa isugu yimid ururo kala duwan oo qaarkood taageerayeen maamulka hore qaarna ka soo horjeedeen. Taageerayaasha ONLF, ururada qurbaha u badna ee Dulmi Diid, Barbaarta iyo Heego oo hirdan adag soo dhexmaray haddana u muuqda kuwo aanay fikradahoodu isla jaanqaadin ayaa gobolka ka jira. Sida uu sheegay madaxweynaha gobolku waxa kale oo jira beelo kala tirsanaya dulmi uu ku hayay nidaamkii hore sida in meelo dadkii u badna la cadaadiyay ay hadda doonayaan in ay gacantooda iskaga tuuraan waxaanu sheegay in maamulkiisa loo daayo oo aan sharciga gacanta lagu qaadan. Caasimada Online Xafiiska Jig-jiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday in muddo kooban gudaheeda ay kaalin weyn uga qaadan doonto nabadeynta Somalia iyo in dib loo fadhiisiyo Siyaasada Somalia. Wasiirka Arimaha dibada Qadar Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-thani oo arrintan ku dhawaaqay ayaa sheegay in fulinteeda ay hirgalin doonaan ka hor inta dowlada hadda jirta aysan afar sano jirsan. Al-thani, waxa uu sheegay in Qadar ay Siyaasad fog ka leedahay Somalia, sidaa aawgeed ay ku khasban yihiin inay dadajiyan baahiyaha ay Somalia u qabto Amniga iyo Siyaasad fadhisa. Dadka Sooamaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin kuwo aad ugu nugul Nabadda iyo wada noolaanshaha, balse waxa uu carab ***** inay jiraan dhinacyo aan ku qanacsaneyn degnaanshaha Somalia. “Qadar si naba ugama gaabin doonto is garabtaaga Somalia waayo waxaa na dhiiri galineysa in Soomaalidu ay u nugul yihiin nabadda iyo wax wada qabsiga” Waxa uu Al-thani sheegay in Somalia ay saldhig u noqon doonto dowladaha carbeed isagoo sababta ku sheegay in muddo kooban ay ku jartay talaabo dheer taasina waxa uu ku micneeyay halka ay Somalia saldhigan doonto. “Rajada aan Somalia ka qabno waa mid fog waxaanu aad u rajeyneynaa in saldhig ay u noqoto wadamada muslimka ah, waayo adduunka waxa uu isha ku hayaa Somalia oo kasii boganeyso burburka” Al-thani oo qeyb ka ah Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda dowladaha qaniga ah uu kala hadli doono arrimaha Somalia isagoo ballanqaaday in ay xooga saari doonaan sidii looga qeybqaadan lahaa is garabtaaga dowlada Somalia. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar oo dano Siyaasadeed ku qabta Somalia ayaa dooneysa in dowladaha carbeed ee Khaliijka ay ka xigsato Somalia oo dhawaan kaga hiilisay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa si adag uga hadlay falalka amni darro oo ay geysanayaan Al-Shabaab. Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhex nool yihiin bulshada Soomaaliyeed taasina ay u fududeyneyso inay geystaan dilalka ugu badan. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan ka imaan banaanka magaalada Muqdisho, balse ay yihiin kuwo ku dhex nool shacabka magaalada Muqdisho, taasina ay sababtay inay kordhiso dilalka. Danjire Francisco Madeira, waxa uu tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay ay saa’id ahaayen dilalka waxa uuna Hay’adaha amaanka ku booriyay inay ka feejignaadan qalalaasaha amni ee Al-Shabaabka ka dhexwadan Somalia. Waxa uu Danjire Francisco Madeira, carab ***** in dhankooda ay diyaar u yihiin wado waliba oo lagu cuuryaamin karo Al-Shabaab waxa uuna talaabooyinkooda noocaa ah ku sifeeyay mid abaal leh. “Sida ay wax u dhacaan waxaa kaaga muuqanaya inay yihiin kuwo horay loo sii diyaariyay waa in si wada jir ah looga hortagaa Al-Shabaab” “Al-Shabaab waxa ay lafdhabar u yihiin burbur iyo dhibaatooyin nololeed, waxaa looga gaashamankaraa in leyska kaashto la dagaalankooda” Danjire Francisco Madeira oo booqday Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Somalia ayaa sidoo kale sheegay in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadan doonto dhismaha ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale, Madeira waxa uu ballanqaaday in amniga Somalia ay u gacan galin doonaan ciidamo dhanwaliba ka diyaarsan oo isaga filan Al-Shabaab. Haddalka Madeira ayaa kusoo beegmaya xili AMISOM ay qeyb weyn ka yihiin dhinacyada loo xil saaray soo saarista ciidamada la wareegi lahaa amniga Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yuusuf Garaad Cumar ayaa baaq u diray golaha shacabka Soomaaliya, isaga oo shaaca ka qaaday in laga marin habaabiyey hawlahoodii. Yuusuf waxa uu sheegay in xoogagga isku haya siyaasadda Soomaaliya ay keentay in xildhibaanada ku adkaato in ay aragtidooda dhibitaan. Ma uusan shaacin waxa ay yihiin xoogagaas, balse waxaa loo qaatay dowladda iyo mucaaradka. Qoraalka uu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri: “Xildhibaanka waxaa ku waajib ah in arrin kasta oo la horkeeno Baarlamaanka uu ra’yi ama haddii ay gaarto uu cod ka dhiibto. Ma ahan in Baarlamaanka la cuuryaamiyo si looga manaafacaadsado laba dhinac oo is diiddan.” Qoraalka Yusuf Garaad ayaa ku soo beegmaya xilli ay doodo iska soo horjeeda ay baarlamaanka ka jeedinayeen xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa taageersan dowladda. Sidoo kale waxa ay shacabka aad u dhaliileen dooddii uu amniga ka yeeshay baarlamaanka oo u muuqatay mid siyaasadeysan, taasi oo dowladda si aad ah loogu garaacay. Waxaa ay xildhibaanada qaar isu weearayeen si shaqsiyan ah halkii ay la imaan lahaayeen doodo caadimad qaba. Xildhibaanka waxaa ku waajib ah in arrin kasta oo la horkeeno Baarlamaanka uu ra’yi ama haddii ay gaarto uu cod ka dhiibto. Ma ahan in Baarlamaanka la cuuryaamiyo si looga manaafacaadsado laba dhinac oo is diiddan. #Somalia — Yusuf Garaad (@ygaraad) September 26, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya xogta laga helayo Saraakiisha Darawiishta oo sheegaya inuu jiro khilaaf xoogleh oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland Sareeyo Guuto Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere). Khilaafkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arrimo la xariira dhismaha ciidamada Darawiishta iyo xaalada dagaal ee ka jirta gobalka Sool, walow Mas’ uuliyiintan sare aysan weli banaanka soo dhigin xiriirka sii xumaanayey muddooyinkii danbe. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu muddooyinkii danbe baadi-goob ugu jiray Taliyihii uu ku bedali lahaa Siciid Dheere oo ah nin khibrad dheer ku leh ciidamada isla markaana muddo dheer soo hayey xilka Taliyaha Guud ee ciidamada Difaaca, Siciid Dheer ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Gaas ayaan ku guuleysan inuu ka dhabeeyo isbedaladii uu sheegay inuu ku sameyn doono ciidamada Darawiishta markii uu xilka qabtay. Ciidamada Darawiishta ayaa xiligan waxa ka muuqda dayac weyn oo uga yimid dhinaca Madaxtooyada Puntland oo ay hoos tagaan, ciidamada Darawiishta ayaa hada lagu tilmaamaa kuwa ugu liita dhinaca qaadashada Mushaharka, Qalabeynta iyo daryeelka guud marka lala barbar dhigo ciidamada kale ee Puntland sida kuwa Ciidanka Madaxtooyada, PSF, Marineska, Asluubta, iyo waliba Booliiska. Waxaan sidoo kale lagu guuleysan in la meel mariyo talooyin badan oo uu horey usoo jeediyey Taliye Siciid Dheere oo la sheegay inuu si weyn u saluugsan yahay taageerada uu ka helay xafiiska Madaxweynaha. Khubarada Militariga ayaa marar badan sheegay in qaab dhismeedka ciidamada Darawiishta ee hoos taga Madaxtooyada uu yahay mid u baahan wax ka bedal. Waxaa horey loo soo jeediyey in Puntland dhisato Wasaarada Difaac oo qaabilsan qorshaha ciidamada oo leh miisaaniyad cad oo lagu qalabeeyo ciidamada, halka Darawiishta la hoos geeyo Madaxtooyada oo leh ciidamo kale oo u gaar ah oo aan hoos imaan Taliska Daraawiishta. Madaxtooyada ayaa mar walba xooga saarta qalabeynta ciidanka Madaxtooyada halka Darawiishta uu weli heysto Dayac xoogan. Warar aan si madax banaan loo xaqiijin karin oo laga soo xiganayo Saraakiil ka tirsan Darawiishta ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas ka codsaday in Taliye Siciid Dheere inuu xilka iska-casilo xili ciidamada ay ku mashquulsan yihiin xiisada ka taagan Tukaraq. Wararkaasi ayaa intaas ku daraya in Taliye Siciid Dheere ka digay kana soo horjeestay in hawlgalada ciidamada lagu soo beego xiliga Doorashada Puntland taasi oo shaki abuuri-karta. Taliyaha Darawiishta ayaa la sheegay in dhankiisa uu si weyn u dhaliilsan yahay qaabkii loo maareeyey hawlgalka Tukaraq oo la sheegay inuu doonayey bilihii hore inuu qaado tilaabooyin milatari, hase-yeeshee qorshahaasi ay ka cago-jiiday Madaxtooyada. Arrintaani ayaa dhabar jab ku noqotay qorshihii kowaad oo ay saraakiisha militariga Puntland ka damacsanaayeen jiida Tukaraq. Taasi oo jirta ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha dhawaan codsaday in hawlgalo cusub la bilaabo xili ay soo dhawaatay Doorashada Puntland oo ay ka harsan tahay muddo sadex bilood ah. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriiro kala duwan la sameeyey Qaar kamid ah Saraakiishii hore ee militariga Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Puntland inay xilkaasi qabtaan, kuwaasi oo la sheegay inay intooda badan ka cudur-daarteen in xiligan ay qabtaan xilka uu hayo Siciid Dheere, dhinaca kale waxaa todobaadkan soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobalka Nugaal oo ay xiriir fiican leeyihiin Madaxweynaha la filayo in loo magacaabo hogaanka Darawiishta, balse warkaasi maaha mid ay weli xaqiijisay Madaxtooyada Puntland.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay in Djibouti iyo Ereteriya gaadheen isfaham guud oo lagu dejinayo xaaladii adkayd ee labada wadan u dhaxaysay mudada dheer. Madaxweyne Geele oo u waramay wargeyska Al Sharqal Aawsat ee dalka Sucuudiga, wuxuu sheegay inuu isfahamka labadan wadan ka shaqeeyay boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, oo uu sheegay inuu sidoo kale sabab u ahaa heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya. “Waanu soo dhawaynaynaa heshiiska oo bilow u noqonaya aasaaska isfaham iyo nabad waarta oo labada wadan ka dhex dhalata oo boggii colaadaha ee labada wadan bedela. Waanu taageersanahay waanan bogaadinaynaa bilowga uu sameeyay boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis.” ayuu yidhi, madaxweyne Geele, waxaanu intaas raaciyay. “Waxaanu sidoo kale qirsanahay in dedaalkan deeqsinimada leh ee Sucuudi Carabiya aanu ahayn oo keliya balanqaad uu ku caawinayo nabadda iyo degenaanshaha Geeska Afrika, ee laakiin uu sababay in nabad waarta laga dhex dhaliyo wadamada Itoobiya iyo Ereteriya oo si caalami ah faa’iido u leh, taas oo xaqiijinaysa in boqortoyada Sucuudigu ka mid tahay tiirarka nabadda, ammaanka iyo degenaanshaha gobalka iyo dunidaba.” Mar la weydiiyay mustaqbalka xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi “Xidhiidhka labada wadan wuu xumaa tobankii sanno ee u dambeeyay, laakiin hadda waxaanu galnay wanaajinta xidhiidhka oo ah wejiga koowaad, oo aanu uga mahadcelinayno Sucuudiga iyo dalalka kale ee gobalka.” Madaxweyne Geele, wuxuu sheegay in labada dal oo heshiis gaadhaa ay wax weyn ka tarayso degenaanshaha gobalka, waxaanu yidhi, “In wanaag lagu shaqeeyo iyo rabitaan dhab ahi si loo gaadho heshiis lagu dejiyo is af-garan waaga u dhexeeya labada dal, wuxuu jidka u xaadhi doonaa nabadgelyo balaadhan, degenaansho labada wadan iyo gobalkba ah.” Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Ucid, Eng Feysal Cali Waraabe oo magaalada Hargeysa ay ku kulmeen Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Somaliland ay u maamuustay si ku haboon. Feysal Waraabe, waxa uu sheegay in kulanka magaalada Hargeysa ku dhexmaray isaga iyo Qalbi-Dhagax uu ahaa mid ay kusoo koobeen dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa. Feysal Waraabe, waxa uu sheegay inuusan horay u arag qof ka mowqif adag Qalbi-Dhagax, waxa uuna tilmaamay inay ka go’an tahay sida Somalia leysugu soo celin la’aan. “Qalbi-Dhagax waxa uu aad uga dulqaad badan yahay Soomaalida kale waayo waxa uu u istaagay in Soomaalida ay wada nooladan iyadoo aan leys faquuqin ama lagu wada noolan kala fogaansho” “Inta aan wada hadleynay Qalbi-Dhagax waxa uu hadalkiisa u badnaa in laga heshiiyo khilaafyada ka dhex jira dowlada Somalia iyo Somaliland, dabcan anagu ma diidanin in lagu wada noolaado derisnimo” Feysal waxa uu tilmaamay in Qalbi-Dhagax, uu ka xaqiijiyay inuu u istaagayo sida Somalia leysugu soo dhaweyn lahaa isla markaana uu ka bilaabi doono Somalia iyo Somaliland. “Anagu waanu soo dhaweyneynaa in meesha laga saaro waxyaabaha khilaafka dhaliyay, adduunka waxa ay wada dhaqmaan iyagoo aan isku calool fiyooben hadana isma qabtaan, marka waan soo dhaweynayaa dadaalkiisa” Sidoo kale, Feysal Cali waxa uu arrin aad u fool xun ku sheegay talaabadii ay dowlada Somalia markii hore ku dhiibtay Qalbi-Dhagax, waxa uuna carab ***** in dhiibitaankiisa uu ahaa mid albaabo kheyr qaba u furay. Dadka ku lug lahaa dhibaatooyinka uu soo maray Qalbi-Dhagax ayuu ugu baaqay inay ka dhaqaan Sarkaalka wallow uusan sheegin cid gaar ah. Si kastaba kulanka Feysal Cali Waraabe iyo Qalbi-Dhagax oo ahaa xog wareysi ayaa waxa uu kusoo dhamaaday in ahmiyada lasiiyo sida ay Soomaalidu ugu wada noolaan laheyd nabad iyo colaad la’aan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo wareysi dhinacyo kale duwan taabanaya siiyay Goobjoog News ayaa kaga warramay arrimo quseeya siyaasadda dalka. Marka ugu horreeysa waxaan wax ka weydiinnay bal inuu ka warbixiyo arrimaha maalmahani la isla dhexmarayo oo ku aaddan baaqashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee shirkii Qaramada Madoobe kaasoo madaxweynuhu uu ka baaqsanayo sanadkii labaad. Abuukaate Cabdiwaaxid ayaa qaba aragtida ah in madaxweyne Farmaajo inuu ka baaqdo shirkaasi ay Soomaaliya oo uu matalo ceeb ay ku tahay. Waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha la xiriira dhalashada Shisheeye oo madaxda dalka, wasiirro iyo xildhibaanno ay maanta heystaan. Garyaqaanka ayaa sheegay in ay muhiim ahaan lahayd, in madaxdu ay ka tanaasulaan dhalashooyinkaasi iyagoo qiimeyn iyo qaddarin gaar ah siinaya shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo Goobjoog News ay wax ka weydiisay khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhex taagan xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha afarta ah sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa daboolka ka qaaday in madaxda u sarreeysa Villa Somalia aynaan aaminsanayn nidaamka federalism-ka. Waxa uu ku eedeeyay Madaxtooyada in ay iyadu ay isku heysato golihii sharci dejinta ee aqalka hoose iyo xukuumaddiiba taasna ay meesha ka saarayso in uu dhaco isla xisaabtan dhab ah. Wasiirka koowaad ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayuu ku eedeeyay inuu noqday nin isku heyn waayay nidaamka federaalismka ee maamullada ay ku dhisan yihiin. Abuukaate Cabdiwaaxid, ayaa horay uga soo shaqeeyay wasaaradda beeraha iyo xeer ilaalinta dowladdii dhexe ee dalka soo martay, waxaana hadda uu ka shaqeeyaa xafiiska xeer ilaalinta gobolka Ohio ee dalka Maraykanka. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhammeystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GARYAQAAN-CABDIWAAXID-26-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hirshabeelle ayaa xilkii guddoomiyenimo ka xayuubisay guddoomiyihii maamulka degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Kaddib digreegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii degmada Warshiikh mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka). Isla wareegtada ka soo baxday wasiir daakhiliga Hirshabeelle Caadle ayaa lagu xusay in xilkaasi guddoomiyaha degmada Warshiikh loo magacaabay Cumar Maxamed Cumar. Magaalada Warshiikh ee Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah magaalooyinka dhaca xeebaha dalka oo haddii ay hesho dhisme fiican, kamid noqon karta goobaha loo dalxiiska tago. HOOS KA AKHRISO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Jubbaland ee Soomaaliya, Mudane Axmed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta kormeer ku gaaray degaanka Baar-sanguuni oo dhawr bilood ka hor ciidanka Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo AMISOM ay kala wareegeen Xarakada Alshabaab. Axmed Madoobe ayaa u kuurgalay howlgallada ay wadaan ciidanka Jubbaland ee aaggaasi ku sugan isagoo sidoo kale dhex lugeeyay xeryaha ciidanka ay ku leeyihiin degaanka. Ciidamada ayuu faray madaxweyne Axmed Islaam in ay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo guryo noqon lahaayeen dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay dagaalladaasi dhowaan halkaas ka dhacay, isgaoo intaas ku daray in Alshabaab ay ka saaraan guud ahaan gobollada Jubbooyinka. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu halkan u yimid si uu waqti ula qaato ciidamada, uuna arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag uu ka muuqdo. Deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Kismaayo ayaa qabsashadii ciidanka huwanta ah kaddib waxaa dhacayay weerarro ay Alshabaab ku qaadayeen degaanka. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid kamid ah Hotelka lacagta ugu badan lagu seexdo ee ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa la dajiyey Labadii Lamaane oo dartood loo dilay loona gubay Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Dowlo. Dowladda Soomaaliya ayaa dajisay lamaanahaan Hotel lagu seexdo habeenkii inta u dhaxeyso 100-150 Dollar. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Labadaan Lamaane ayaa loo dhigayaa aroos cusub oo ku celis ah waxayna todobada uga bixi doonaan Hotelkaas. Lama sheegin ciddda sida gaarka ah u bixineysa kharashkan, waxaase hore u balanqaaday madaxtooyada Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada. Labadaan Lamaane ayaa waxaa daraarood loo dilay nin Adeer u ahaa wiilka gabadha guusaday kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Dowlo waxaana dil naxariis darro ah u geystay qoyska Gabadha uu guursaday. Dadkii ka dambeeyey dilka ayaa waxay ku jiraan gacanta dowladda waxaana la rajeenayaa in dhawaan lasoo taago Maxkamad si looga abaalmariyo dambigii ay geysteen inkastoo ay socdaan olole lagu doonayo in arrintaas looga hortago. Labadaan Lamaane ayaa asbuucaan qabsaday Baraha Bulshada iyo dhammaan Saxaafadda, wuxuuna kiiskaan noqday midkii ugu naxdinta badnaa ee ku saabsan heybsooc Guur . Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Qalbi Dhagax iyo Guddoonka gollaha wakiillada Somaliland ayaa maanta ku kulmay magaalada Hargaysa. Cabdikariin Qalbidhagax oo maanta booqday xarunta baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa uu Somaliland ugu baaqay inay ka qayb-qaadato dib u heshiisiinta dadka soomaaliyeed. Qalbi Dhagax ayaa la kulmay golaha sharci dejinta ee Somaliland gaar ahaan gollaha wakiillada. Kulanka kaddib ayaa saxaafadda waxaa si wadajir ah ula hadlay guddoomiyaha gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-BAASHE-IYO-QALBI-DHAGAX-26-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo maanta ka hadlayay kulankoodii gollaha shacabka baarlamaanka federaalka kaasoo u baaqday kooram la’aan ayaa ka hadlay hab dhaqanka guddoonka gollahaasi. Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay qalad tahay iyadoo guddoomiyihii gollaha shacabka mudane Maxamed Mursal uu xaadir ku yahay madasha inuu xildhibaannada cannaanto guddoomiye xigeenkiisa koowaad. Xildhibaanka ka tirsan gollaha shacabka Shariif Cabdalla ayaa su’aal galiyay sababta arrintaas keentay, isagoo sheegay in guddoomiye xigeen uu xildhibaannada la hadli karo marka guddoomiyaha uu maqan yahay. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-XIL-SHARIIF-CABDALLA-26-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com