Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,124
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdixakiin Camey ayaa ka gaabsanaya in ay shacabka maamulkooda uga run sheegaan xaaladda collaada ee Tukaraq. Dagaal bilowday bishii Janaayo kaddib markii uu mmaulka Somaliland qabsaday Tukaraq ayaa ilaa iyo hadda la isku horfadhiyaa jiiidda hore ee deeganadaas. Tiraba afar jeer ayuu aagaas dagaal aan natiijo dhalin ku dhexmaray labada maamul ee ku hardamaya gacan ku haynta gobolka Sool. Hase ahaatee, iyada oo markii horeba loo arkayey in Gaas iyo Camey ku doonayeen in ay xukunka ku dheereystaan ayaa waxa ay hadda Caasimada Online heshay xog sheegeysa in Puntland iyo Somaliland saxiixeen heshiis lagu soo afjarayo collaada Tukaraq. Muxuu yahay heshiiska? Saraakiil sare oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, gaar ahaan xafiiska Injineer Camey, oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha maamulkaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Puntland iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis dhigaya in la joojiyo dagaalka. Heshiiska waxaa gar wadeyn ka ah beesha Caalamka iyo waliba urur gobolleedka IGAD. Qodobka ugu weyn ee lagu heshiiyey waa in qolaba halka ay iminka ku sugan tahay ay joogto halkaasna lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya labada mamul. Sidoo kale, waxa ay Puntland dalbatay sida laga soo xiganayo xafiiska hoggaamiye ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey in muddo la siiyo kala qaadista ciidamada is horfadhiya si aysan shacabka uga horimaan. Sidoo kale, waxa ay Gaas iyo Camey ka baqayaan falcelinta uga imaan karta musharixiinta, shacabka Sool iyo waliba guud ahaan Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobw u joogay Soomaaliya ee hadda xilkaas baneenaya, Michael Keating ayaa wariyaha BBC-da Marry Harper uga warramay arrintii aadka uga yaabisay intii uu Soomaaliya ka shaqeenayey. Keating oo bedelay Nicolas Kay oo u warramaya Marry Happer waxa uu yiri: “Waxa aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ah in Soomaalida aad dood kulul la gali karto hadana waxyar kaddib ay noqonayaan kuwo ilaaway wixii idin dhexmaray oo halkii ay saaxiibtinimadiina ka sii soconeysaa.” Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida yihiin kuwa aan aqoon wax niyadda lagu sii qaado, oo durba ay iska noqonayaan dad caadi ah. Keating oo uu toddobaadkii hore uga ekaa xilkii ergeynimo ee uu Qaramada Midoobe ugu qaabilanaa Soomaaliya ayaa wareysigiisa lagu sii daayey barnaamijka Focus On Africa ee xalay ka baxay BBC World Service. Dhinaca kale, Keating waxaa sagootin wanaagsan u sameeyey qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya sida ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre halka uu sidoo kale si qadarin leh u sharfay doorkiisii diblomaasiyadeed ergeyga Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Nicholas Madeira. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  3. Halkan ka aqri qeybihii hore. Maalgashiga Imaaraad ee Barbara markii hore waxa uu u muuqday in ujeedkiisa ugu wayni uu yahay in ay Abu Dabey cagta la hesho meel ay ku qabsan karto badeecadaha iyo adeegyada uu ubaahan yahay Suuqa Itoobiya si ka duwan Jabuuti, wana hadaf taabtay hanka istiraatiijiga ah ee fog ee Itoobiya oo walwal ka qabtay ku ku tiirsanaanta ganacsigeeda Jabuuti oo kaliya, sidoo kale waxaa soo muuqday in tallaabooyinkan Imaaraadku ay aad ugu habboon yihiin sidii ugu ciqaabi lahayd Jabuuti khilaafkii ka dhashay Xaruntii Kunteenarrada ee Dooraale iyo eryiddii ciidamadii Imaaraadka 2015-kii. Yeelkeede, faa’iidooyinka heshiisku intaa kaliya kuma koobnaanin, ee Imaaraad iyo Itoobiya waxa ay si isula fahmeen sidii loola dhaqmi lahaa Eratariya, iyada oo ay taageertay Adis Ababa dadaalada Imaaraadku ay saldhig badeedka kaga dhisanayso Barbara si loo yareeyo muhiimadda uu leeyahay saldhigga Casab, kahor inta aysan Itoobiya caddaynin aragtideeda ku aaddan joogitaanka Imaaraadka ee Eratariya, gaar ahaan markii xiriirka Adis Ababa iyo Abu Dabey uu hormaray, iyada oo Itoobiya ay is tustay in buuxinta Imaaraadka ee saldhigyada Eratariya uu ugu yaraan ka hortagi karo in Eratariya ay halkaa ka kirayso Masar oo ay Itoobiya u aragto halis istaraatiji ah. Abiy Axmed markii uu talada qabtay bishii Maarso, xiriirka labada dal waxa uu galay weji cusub,gaar ahaan ajandaha dib u heshiisiineed ee uu la yimid Raysulwasaaraha cusubi, oo ay ugu wayn tahay in uu meesha ka saaro cadaawadda taariikhiga ahaa ee waddankiisa loo hayo oo ay ugu horayso Eratariya. 15-kii juun, 10 maalmood kaddib markii uu ku dhawaaqay Abiy Axmed in Itoobiya ay fulinayso heshiiskii Aljeeriya ee la sixiixay 2002-dii ayna aqoonsanayso in Eratariya ay leedahay tuulada Baadame, ayuu booqday Adis Ababa dhaxal sugaha Abu Dubey Maxamed Bin Saayd si uu ula kulmo Abiy, halkaas oo labada dal ay kaga dhawaaqeen in Imaaraadku ay dhigi doonto $1,000,000,000 bangiga dhexe ee Itoobiya si loo dajiyo loona kordhiya kaydka lacagaha adag ee dalkaasi, intaana waxaa sii dheerayd in ay siisay $2,000,000,000 oo kaalma ah oo lagu taageerayo dhaqaalaha Itoobiya. Wax yar kaddib safarkii Maxamed Bin Saayd ee Itoobiya ayaa waxaa Adis Ababa u safray wafdi Eratariyaan ah si ay wada hadallo ula soo yeeshaan, wafdigaas oo qaatay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Imaaraadka ee Fly Emirates, maalmo yar kaddib ayuu booqday madaxwaynaha Eratariya Asiyaas Afawarqe Abu Dabey halkaas oo uu kula kulmay Maxamed Bin Saayd maalgashiyo waaweyn oo xagga beeraha iyo kaabayaasha Eratariya ah, ugu dambaynna lagu soo afmeeray safarradaas u kala dab qaadidda ah in 9 Luulyo ay hab isku siiyaan Abiy Axmed iyo Asiyaas Afawarqe magaalada Asmara, sheegaanna in ay gaareen heshiis nabadeed oo taariikhi ah, gar wadeenna ay ka tahay dowladda Imaaraadku. Bishii Abriil ayuu Yamamoto soo gabagabeeyay booqosho uu ku tagay Eratariya, waxa ayna ahayd booqashadii ugu horaysay ee masuul Maraykan ihi uu ku tago Asmara muddo sanado ah, isaga oo halkaa ka sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay dhexdhexaadiso Itoobiya iyo Eratariya. Iyada oo ay jirto kaalinta wayn ee ay ka gaysatay Abu Dabey heshiisiinta Itoobiya iyo Eratariya, haddana waxaa xusid mudan in jadwalka hawsha heshiisiinta, ama haddii si kale loo dhigo qorshaha dhaqan celinta Eratariya uu ahaa qorshe Maraykan, halka ay Abu Dabey ka wadday Afrika socdaallo musaalaxo, sidoo kale waxaa ka socday xafiisyada wasaaradda arrimaha dibadda ee Washington dadaallo kale oo kuwaas garab socday, oo ay ka soo qayb galeen wasiirka arrimaha dibadda ee Eratariya Cismaan Saalax iyo Yamaani Gabriyeet, la taliyaha madaxwaynaha Eratariya, iyo sidoo kale raysulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn. Wadahadaladaas oo uu gar wadeen ka ahaa madixii arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee xilligaas Donald Yamamoto. Dhawr usbuuc kahor wada hadalladii Washington siiba bishii Abriil ayay ahayd markii uu Yamamoto soo gabagabeeyay booqashadiisii uu ku tagay Eratariya, taas oo ahay booqashadii ugu horreeysey ee uu masuul Maraykan ah uu ku tago Asmara muddo dheer, weliba mid ka hadlaya dhexdhexaadin, taas oo ahayd wax aan horay looga baranin Maraykanka marka ay timaaddo u dhowaanshihiisa Asmara oo uu mar walba u arki jiray in ay tahay mid kamid caasimadaha Afrika ee ”sharci” ka bood ka ah colkana la ah Maraykanka. Taariikhiyan, Maraykanku badanaa col ayuu la ahaa Eratariya, laga soo billaabo markii Ingiriiska iyo Maraykan ku ay soo jeediyeen in mustacmaraddii hore ee Talyaaniga lagu daro Itoobiya bilawgii kontomaadkii, iyada oo aysan Eratariyiintu rabin, mar dambana xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa waxa ay taageertay Washington xaliifkeedii xayla Salaase oo ahaa boqorkii Itoobiya dagaalkiisii uu kaga soo horjeeday dagaal yahannadii Eratariyiinta ahaa. Xitaa todobaatamaadkii iyo sideetamaadkii markii uu Itoobiya oo uu xukumayo Mingiste Xayle Maryam oo isbahaysi la ahaa Midowgii Soofiyeeti, Maraykanku col ayuu la ahaa Eratariyiinta, inkastoo xilligii maamulkii Clinton uu dhacay waxoogaa uu furfurmay xiriirka labada dal kaddib bilowgii sagaashamaadkii oo ay siisay kaalmo lacageed iyo mid millatari, haddana furfurnaantaasi meesha way ka baxday dhawr sano kaddib markii uu dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eratariya 1998-kii markaas oo Washington ay joojisay in ay hub ka iibiso Eratariya. Intii lagu jiray xukunkii maamulkii George W. Bush-kii yaraa Eratariya waxa ay ahayd mid kamid ah faylasha ay sida cad isugu khilaafsanaayeen diblomaasiyiinta iyo askarta sar sare ee Washington, diblomaasiyiintu waxa ay u arkayeen Asmara in meel waxba ku kallifaynin si ay ugu dhagto qiyam uu Maraykanku sheegto ee xuquuqul insaanka iyo dimoqraadiyadda, ka sii horna siyaasiintu sida badan waxa ay siiyeen Itoobiya miisaan wayn oo cad iyaga oo fiirinaya maslaxadda Itoobiya, dariska xajmiga wayn ee ee boqolka malyan ah, halka masuuliyiin waawayn ee Bentagon-ku ay udoonayeen ilaa iyo waqti hore in si dhow loola dhaqmo Eratariya ilaa iyo xilligii wasiirkii arrimaha dibadda ee hore Donald Rumsfeld kaas oo ka hadlay sanadkii 2002-dii, dadaalada Eratariya ee la dagaalanka argagixisada iyo faa’iidooyinka uu Maraykanku ka helayo haddii lala dhaqmo. La soco qaybta 5-aad… Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur
  4. Hore ayaa loo yidhi, dhacdooyinka ayaa taariikhda sameeya, dhacdooynkana dadkaa sameeya, oo Eebe u siiyey maskax mugweyn oo awood u leh samayntooda iyo hoggaamintooda ba. Sidaas darteed, dhacdooyinka waa la hoggaamiyaa ama ayagaa ku hoggaamiya. Haddaba, dhacdooynka dunida ka socda ayaa abuuray isbeddello qoto dheeridooda iyo baaxadooda ku beddelaya qaababkii fekerka syaasadda iyo dhaqaalaha ee hore kuwo cusub oo saameeyana keenay Geeskan Africa. Haddii loo fiirsado waxaa la arki kara in Isbeddelladan gobol ka socdaa ay xidhiidh toosa la leeyhiin isbeddelka baaxada weyn ee qotada dheer oo labaatankii sannadood ee ugu danbeeyey dunida ka socdey. Halka markii hore Maryankanka iyo xulafadiisu keligood dunida ku amar ku taaglay jireen ayaa laga soo bilaabo 1998kii, waxaa soo muuqanayey ifafaalaha soo bixitaanka Shiinaha iyo Ruushka (China and Russia), kuwaas oo horumarkoodu gaadhay heer aan qarayn karin iftiinka ka soo shaacaya oo si ballaadhan oo degdeg ah dunida ugu fidaya. Maxaa yeelay waxay noqdeen xoogag caalami ah, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo militeri ahaan ba. Ibeddelkaasi waxuu keenay inuu aduunka ka abuurmo Xaalada Cusub oo Caalami ah (New World Order) kaas uu hormood ka yahay ururka Iskaashiga caalamigi ah ee loo yaqaan BRICS, oo ay ku bahoobeen dalalka, Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa, oo metala 3.1 billion oo qof oo dunida ku nool ama boqolkiiba afartan iyo kow Aadamaha (41 % dadka dunida ku nool). Dawladihii dalalka Adduunka Saddexaad oo markii hore aan haysan xoog kale oo ay ku dano-darsadaan, amase hadday doonaan ku doorsadaan Maraykayn iyo xulafadiisa ayaa hadda helay dawlado kale oo ay si siman oo caddaalad iyo isqaderin leh wax u wada qabsan karan kuwaas oo noqatay xaqiiqo jirta oo ka mid adduunka Cusub (new world order). Halkaas oo ay hubka iyo daqaale ahaanba kula wadaagi karaan si ku dhisan iskaashi xushmad leh. Waxaana si gaara arrinka isbeddelka miisaanka quwadaha caalmka si weyn ugu badhaadhay dawladaha dunida saddexaad ee dhaqaalaha fiican soo yeeshay sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carbata iyo Qadar oo kale. Kuwaas oo noqday quwado-goboleed aan la yaraysan karin (Regional Powers) oo dhaqaale ahaana istaawiyey, oo isbeddelka quwadaha caalamka u arkay in ay ka dhex kaluumaysan karan. Dawlado goboleedyada kor ku xusani waxay hadda si toosa iyo si dadbanba xidhiidh iskaashi oo hirgalay la samaysteen Russia iyo China, oo Maraykan indhihiisa oo shan ah hadda hub iibsi iyo iskaashi dhaqaale ba ula yeeshay labada dal. Dawlada-goboleeyadaasu (Regional Powers) waxay dhaqaale ahaan soo gaadheen heerkii ay Ingiriiska iyo Faransiisku gaadheen rubicii u dameeyey ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, waqtigaas oo uu dhacay arrinkii ahaa kala qaybsashada aduunka oo dhan, oo loo kala qaybsaday sida loo kala xoog weyn yahay (Territorial Division of the whole World) markaasna dhamman dalalka dunida saddexaad noqdeen Mustacmarado ay ay reer galbeedku gumaystaan. Maanta dawlado-goboleedyani (Regional Powers) waxay koritaan ahaan raacayaan wadada horumarka ee loo yaqaan bilawga isbiirsiga lacagta ama maalka (Primary Accumulation of Capital) kaas oo ah mid ka mid ah qawaaniinta koritaanka hantida iyo dawladda. Mitaal ahaan Turkiga qiyaasta dhaqaalihiiu ama GDP giisu waxuu gaadhay $909 bilion Dollar, halka Saudi Arabia uu gaadhay $646 billion Dollar, halka Imaaradka Carabta uu gaadhay $348 billion Dollar. Dhaqaalahaas xad-dhaafka ah ayaa keenay damaca ah ku luga fidsiga xaggan Geeska Africa, oo fursado dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo dhammaystiraya istiratigiyadda militari oo looga baahday marin-biyoodkan Geeska Africa, oo lagama maarmaan ka dhigtay istiratijiyad ahaan in si degeg ah loo halqafo. Waa taas sababta inoo keentay Turkiga, UAE, Sacuudiga iyo Qadar in ay soo qaadaan tallabooyin aad u dhiirran oo ay ku doonayaa inay dhib iyo dheefba inala qaybsadaan. Maxa yeelay maanta Adduunka ma jiro mabda’ii la odhan jirey Madax-bannaani dawleed ee waxaa jira mabd’a kale oo la yidhaahdo Isku-tiirsanaan (Inter-dependency). Isbeddelka Itoobiya iyo saamayntiisa dhammaan gobolka. ‘’Itoobiya ma aha tii hore mana aha mid taagan tii hore’’….la soco qeybta xigta, insha allah W/Q Aadan Muuse Jibriil adamjibril@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay sii kordhineyso talaabooyinka lagu doonayo nabadeynta dalka iyo Hormarinta qeybaha kale ee dalka. Dowladu waxa ay sheegtay in ilaa iyo xad ay isbedelo dhan waliba ah ka hirgalisay dalka, halka inta harsan ay ku sameyn doonto muddo kooban. Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia oo arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in guud ahaan dowladu ay ka faa’iideysaneyso wakhtiga u harsan, waxa uuna tilmaamay in isbedelada socda uu gaari doono min caasimada ilaa gobolada. Waxa uu tilmaamay inay jiraan dhinacyo aad uga soo horjeedo isbedelada iyo hormarada ay tiigsaneyso dowlada, hase yeeshee aysan u hakin doonin. “Dowladu wey ka go’an tahay in heer gabagabo ay gaarsiiso howlaheeda, waxaa noo harsan howlo badan waxana soo qabanay howlo kasii badan, wey jiraan dad arka wanaaga dowlada iyo kuwo aanba arag horumarada ay gaareyso dowlada” Kheyre waxa uu sheegay in dadka shacabka ah laga doonaayo inaysan dhag jalaq usiin dhagar uu sheegay in qeybaha kasoo horjeeda siyaasada dowlada ay wadan. Waxa uu sheegay in mucaaradka xitaa ay isku dayayaan in khaladaadka dowlada ka dhaca ay qaab khaldan u dhigan, iyagoo ka faa’iideysanaaya shacabka. Sidoo kale, waxa uu arrin aad u fool-xun ku sheegay in qof muwaadin ah loo adeegsado dhibaateynta dalkiisa, waxa uuna ku celcelshay in howshooda aysan u hakan doonin hadalo khalan oo laga baahiyo dowlada. Haddalkani ayuu Kheyre ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid shaqaalaha dowlada oo uu ku dhiiri galinaayay inay u halgaman dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Waa kuma Faarax Cali Shire? Faarax Cali-shire Jaamac (Afbalaraar) waxa uu ku dhashey deegaan hoos yimaada degmada Eyl ee gobolka Nugaal sanadku markuu ahaa 1957 (61 jir), waxabarashadiisa hoose dhexe waxa uu ku qaatey gobolka Nugaal, kadib waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho. Faarax Cali-shire Jaamac waxa uu ku soo barbaarey guri siyaasadeed, waxaa soo koriyey adeerkiis caan ahaa oo ka soo shaqeeyey dowladihii hore ee Soomaaliya waa Maxamuud Jaamac Afbalaar oo ahaa nin si weyn looga yaqaaney Soomaaliya, kana mid ahaa asaasayaashii Puntland, Afbalaar waxa uu kamid ahaa odoyaashii Maanifesto ee la xirey sanadkii 1990, sidoo kale wuxuu kamid ahaan jiray Goosankii Afsoomaaliga. Xogta ayaa sheegaysa in Faarax Cali-shire isaga oo yar ka mid noqdey ciidankii Soomaaliya, sanadkii 1978 ayuu kamid noqdey dhalinyaradii loo xiray Inqilaabkii Col. Cirro hoggaaminayey (Xabsigii Abril) waxaana uu muddo u xirnaa Dowladii xiligaas jirtey oo xabsiyada u taxaabtey dhalinyaro iyo saraakiil badan oo looga shakisanaa Inqilaabka. Siyaasi Faarax waxa uu mar ka soo shaqeeyey Wasaaradii Qorsheynta ee Soomaaliya, sanadihii sideetamaadkii 1980s. Faarax Cali-shire Jaamac waxa uu kamid noqdey ardeydii mac’hadkii Maamulka iyo Xisaabaadka ee SIDAM, halkaas oo ku bartey aqoonta xisaabaadka. Burburkii Dowladdi Soomaaliya waxa uu kamid noqdey dadkii ka qaxay Soomaaliya, waxaana uu muddo ku noolaa dalka New Zealand. Mudadii uu New Zealand ku noolaa waxa uu halkaas ka galay Jaamacad waxaana uu ka qaatey shahaadada kowaad, kadib waxa uu u wareegay dalka Australia. Shahaadada heerka labaad ayuu ka qaatey jamacad ku taala Australia, waxaana uu ku shaqeeyey Xisaabiye. Bilowgii siyaasaddiisa Faarax Cali-shire ma ahayn nin lagu yaqaaney arrimaha siyaasadda, mana fogeyn xiligii uu siyaasadda cagaha soo geliyey, sanadkii 2009 ayey ahayd fursadii u horeysey ee shaqada siyaasaddu soo marto, waxaa Wasiirka Maaliyadda ee Puntland u magacaabey Cabdiraxmaan Faroole oo ay kuwada noolaan jireen dalka Australia. Siyaasi Faarax Cali Jaamac waxa lagu qiimeyn karo siyaasadiisa waa muddadii shantii sano ahayd ee uu ahaa Wasiirka Maaliyadda Puntland, ma jirin taariikh kale oo siyaasadeed oo uga horeysey. Wuxuuna Farax kamid ahaa Wasiiradii xubnaha ka noqday xisbigii uu dhistay Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole ee doonayey inay awooda dalka la wareegaan, inkastoo qorshihii xukumadaasi ee nidaamka axsaabta siyaasada uu kusoo dhamaaday fashil uu dhiig ku daatay. Markii uu ahaa wasiirka Maaliyada Janaayo 29 sanadkii 2009 ayuu xilka kala wareegay Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo xilkaas hayey muddo afar sano ah. Waxyaabaha lagu wareejiyey Faarax Cali-shire waxaa kamid ahaa deyn/qaan is biirsatey oo soo jiitamaayey ilaa sanadkii 2003 sida Gaagaab sheegay, taas oo ahayd dhawr milyan oo dollar. Faarax Cali-shire ayaa munaasabadii uu xilka kula wareegaayey diidey inuu aqbalo ama uu lawareego deyntaas, wuxuu si cad u sheegay in aan lagu lahayn, isaga iyo dowladda midna, loona soo doonan karin deyntaas, dadka ay ka maqan tahayna ay tahay lacag ay ku maalgashadeen dowladooda iyo dalkooda! Khudbadii uu jeediey maalintii uu xilka la wareegay https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/afbalaar2009.mp3 Nasiib darro sanadkii 2014 bishii Febaraayo, Faarax Cali Shire waxa uu wasiirkii xilka kala wareegaayey ee Shire Xaaji Faarax ku wareejiyey deyn lamid ah tii uu diidey xiligii uu isagu xilka la wareegay oo uu sheegay in “Red off” la saaro deyntaas gabowdey oo kale. Waxaa si weyn loogu amaanaa in dhaqaalaha yar ama Miisaaniyadda ay Wasaaraddu isku daydey in ay ku filnaato. Intii u dhexeysay 2009-2012 shaqaaluhu si wanaagsan ayey u helayeen mushaharkooda iyo gunnooyinka, sanadkii u danbeeyey ee 2013 waxaa ku yimid isbedel waxaana u xilka wareejiyey iyada oo shaqaaluhu lee yihiin muddo 9-11 bilood ah mushaharkoodi, si kastaba waxyaabaha ugu waaweyn ee Faarax Cali-shire lagu amaani jirey ayaa ah joogteynta bixinta mushaharaadka iyo gunnooyinka, marka laga reebo sanadkii u danbeeyey ee maamulkii Cabdiraxmaan Faroole. Wuxuu dhaqan gelinaya talooyinkii wasiirkii ka horeeyey waxa uu yareeyey lacagta loo yaqaan FADLAN ee dadka shacabka ah loo qori jirey. Dadka arrintan naqdiya waxay sheegaan in aan lacagta fadlantu si rasmi ah u joogsan, ee dadka qaadanaayey ay ahaayeen kuwo yar oo ku jira xayndaabka Dowladdii Cabdiraxmaan Faroole. Waxyaabaha kale ee lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa hirgelinta lacagta cashuurta in lagu qaado $ dollarka Maraykanka, kadib markii sicirka dollarku uu noqdey mid aan fadhiyin oo u dhexeeyey hoos u dhac aad u weyn iyo sare u kac aad u sareeya, taas oo keentey in iibka alaabaha iyo sicirkuba guud ahaan Puntland isu bedalaan lacagta Dollarka oo aan ahayn lacagta dalka. Dhaliilaha markii uu wasiirka ahaa. Dhismayaasha Xarumaha wasaaradda: Maxamed Cali Yusuf Gaagaab oo ahaa wasiirkii ka horeeyey, waxa uu dhisey dhismaha weyn ee hadda wasaaradda Maaliyaddu ku shaqeyso ee dekadda Boosaaso gudaheeda, Wasiirkii kale ee ka danbeeyey waa Cabdillaahi Sheekh Axmed waxa uu dhisey dhismaha weyn ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ka deggan tahay magaalada Garoowe dhaqaalaha ku baxay labadaas xarumood ee waaweyn waxaa bixisay Wasaaradda, laakiin Faarax Cali-shire uma suurtagelin xiligiisi in uu wasaaradda u dhiso dhismo ay ku shaqeyn karto oo u qalma ka wasaarad ahaan. Siyaasi Faarax Cali Shire wuxuu sheegay in ay dhiseen Madaxtooyada Garoowe oo ah dhisme aad u weyn, inkasta oo lacagtii lagu dhisey inteeda badan oo deyn ah ku wareejiyey Xukuumadda Cabdiweli Gaas sida uu isaguba sheegay. Awoodiisa shaqo: Waxaa jira in dadka Soomaalidu qofkasta oo siyaasi ah wax ku xamato, taas oo ay dhici karto in aysan jirin ama tahay mid dhab ah, waxyaabaha ugu waaweyn ee xiligisi lagu eedeyn jirey ayaa ah in aanu u madax-banaaneyn shaqadiisa oo go’aamada ay la wadaageen gacan yarayaasha Madaxweyne Faroole iyo wiilka curadkiisa ah, Faarax Cali-shire oo la weydiiyey su’aashaas sanadkii 2015 waxa uu ku tilmaamey mid aan waxba ka jirin, cid faro-gelin siyaasadeed ku haysay aysan jirin ee uu ku shaqeyn jirey xeerka Miisaaniyadda ee baarlamaanku ansixiyey. Musuqmaasuqa: Inta badan siyaasiyiinta Puntland markii ay xilka ka degaan waxaa lagu arkaa in ay leeyihiin guryo waaweyn, gawaari qurxoon iyo weliba kuwo gaashaaman, Puntland kama jirto nidaam siyaasiga lagu diiwaan geliyo hantidiisa ka hor inta aanu xilka qaban uu lee yahay taas oo ah raad la raaci karo haddii baaritaan loo baahdo. Xalinta colaadaha beelaha: Wasiirka Maaliyada ee Puntland waxaa lagu tilmaamaa Wasiirka kowaad ama Raysalwasaare waxa uu kamid yahay wasiirada ugu awooda badan, maamulkii Puntland ee Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole waxay ka gaabisey in ay wax ka qabato colaadaha dhex mara beelaha, si toos ah ayaana Madaxweynuhu u sheegi jirey in aysan shaqadooda ahayn beelaha is dilaya. Siyaasi Faarax Cali-shire waxaa lagu dhaliilaa in aanu gacan ka geysan wax ka qabashada coladii 2009-2011 ee gobolka Bari ka dhacdey, taas oo ay ku nafwaayeen dad badan, waxaa dad badan ku dodaan in ay ahayd siyaasi Faarax Cali in uu uga hor yimaado maamulkii uu ka tirsanaa siyaasada xalinta colaadaha beelaha ay ka qaateen, maadaama ay isaga si toos ah u taabaneysey arrintan isaga oo ahaa Wasiirka ugu awooda badan ee gobolka bari ka soo jeeda colaaduna ay ka taagneyd ardaagiisi. Shakhsiyadda iyo qof ahaanta Faarax Dadka yaqaana Faarax Cali Jaamac waxay sheegeen in uu yahay qunyar socod, dabeecad wanaagsan oo ceeb yar iskaana ilaaliya dhaadhac shakhsiyadeed. Musharaxnimada Xafiiska Madaxweynaha Puntland 2019 Faarax Cali-shire Jaamac waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo markii u horeysey doorashada Madaxweynaha Puntland 2019. Siyaasi Faarax Cali-shire kamid maaha siyaasiyiinta sanadkan hankooda u leexiyey in ay Puntland ka hirgeliyaan wixii laga bartey doorasho dadban 2016 ee ahayd in Xildhibaano la soo saaro, inkasta oo la dhihi karo nidaamkaasi waaba ka horeeyey 2016 oo waxay Puntland ka hirgashey 2013, markii beelaha qaarkood sheegeen in maamulkii markaas jirey ay ka bobeen Xildhibaanadii ay soo dirsadeen oo ka ansixiyeen guddigii xalinta khilafaadka kuwo iyaga u codeynaya. Fursadda uu lee yahay siyaasi Faarax Cali-shire Jaamac in u noqdo Madaxweynaha Puntland ayaa la ogaan karaa dhamaadka sanadkan 2018, waxaase dad badan ku dodayaan in ay yar tahay marka la eego ololihiisa doorashada. Isha: HM
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID,Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somalia ay uga saameyn badan yihiin isbedelada ka jira Gobolka. Feysal Cali, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay uga horeeyan dhanka calaaqaadka, sidaa aawgeedna ay uga saameyn badan yihiin dhinacyada xiriirka iyo hormarada Gobolka. Waxa uu Feysal Cali, sheegay in isbedelada socda ay saameyn weyn ku yeelan doonaan Somaliland, balse waxa uu arrin nasiib daro ah ku sheegay in maamulka Muuse Biixi uu sabab u noqdo in Somaliland ay iminka ka harto isbedelada socda. “Waxaa xaqiiqo ah in is bedeladani saamayn inagu yeelanayaan, sidaas oo ay tahay waxaa haboon inaynu doorkeena ka ciyaarno is bedelada xawliga ah ee ka socda Wadamada Geeska Afrika, oo aynaan ka gaabinin” “Adduunku waa ogyahay in Somalia aan uga horeyno dhanka isbedelada Gobolka, waayo Somaliland waxa ay waligeeda saaxiib la aheyd adduunka, halka Somalia ay ku dhawaad sadax sano ku jirto saaxaada” “Si taa lamid ah ayan Somalia uga horeynaa dhanka saameynta waxaa nasiib daro ah in Muuse Biixi uu naga reebo isbedelada ka socda Geeska Africa” Waxa uu sheegay in Somaliland ay kaalinteeda ku heli karto keliya inay is muujiso qaranimadeeda iyo jiritaankeeda, taasi oo uu cadeeyay in hormar ay u sababi karto Somaliland xili waliba. Isagoo ka hadlaayay sida ay uga siyaasad duwan yihiin Somalia ayuu yiri “Wadan kasta, Dal kasta, Qaarad kasta iyo Cid kastaba waxaanu leenahay Somaliland Somaliya ka mid maaha, ee waanu kala madax banaanahay, siday Eriterea iyo Ethiopia ay u kala go’een ayaanu Somaliya iyo Somaliland u kala go’een” “Si aan isbedelada uga faa’iideysano waxaanu adduunka u sheegeynaa in laba dal aynu kala nahay, ee marnaba ha isku kaaya khaldina, mar baanu isku biirnay, aanu raadinaynay shanti Somaliyeed, balse markii ay suurtagal noqon weyday, ee waliba cadaadis iyo dhib badan na soo gaadhay ayaanu dib ula soo laabanay xoriyadaydii, ee waxaanu Somaliya leenahay aynu ahaano laba Dal oo jaara, sida Itoobiya iyo Eriterea”. Sidoo kale, Feysal Cali ayaa Madaxda Geeska Africa ugu baaqay in isbedelada socda ay ka qeybgaliyan Somaliland si buu yiri ay usoo bandhigan Kheyraadkooda dhan waliba ah. Haddalka Feysal Cali ayaa u muuqda mid ay Somaliland ku muujineyso baqdin ku aadan inay ka dhex muuqan weydo isbedelada ka socda Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Cabdi Maxamuud Cumar oo ciidamo xiraya hareera ka socdaan, xiligii loo waday xabsiga Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in la jir dilay, halka dowlada federaalkana ay beenisay warkaas. Sadiiqa Cabdi Ismaaciil Xaaska Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegtay in ay aragtay askar garaacaysa oo jaranjar ka soo tuuray, kadib markii ay ka soo saareen qolkii uu ku xirnaa. Sidoo kale hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar Diib Mahad Colow ayaa sheegtay in ay arkeysay xiligii ugu dambeysay askar meel wasakh ah ku jiidaysa, isagoo miyir beelsan, hadana aysan war ka hayn in uu dhintay in kale. Eedeymahaasi markii ay soo baxeen waxaa ka jawaabtay dowlada federaalka Itoobiya, Taliyaha Booliska federaalka Jeneraal Zeyinu ayaa BBC-da u sheegay in eedeyntaasi been tahay. Jeneraal Zeyinu Taliyaha ciidanka Booliska federaalka Itoobiya ayaa sheegay inkastoo Cabdi Maxamuud Cumar lagu eedeeyay dambiyo culus in ay hadana ula dhaqmayaan si wanaagsan. Bishii hore ee Agoosto ayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo afar qof oo kale oo mid dumar tahay la keenay maxkamada, waxayna ogolaatay in 14 berri xabsiga lagu hayo inta la dhamaystirayo cadaymaha dacwada lagu soo oogay. Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto eedo la xiriira ku tagrifal awoodeed, isir iyo diin takoor iyo kicin qalalaase. Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran. PUNTLAND POST The post Cabdi Maxamuud Cumar oo la sheegay in la jir dilay iyo Itoobiya oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.
  9. Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo caawa ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan oo aad u xooganaa ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaden magaalada xilli guud ahaan ammaanka magaalada ay gacanta ku hayeen Ciidamada Xoogga. Ciidamada dowlada ayaa iska difaacay maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in laga furtay hub iyo gaadiid ay uga dhex carareen gudaha magaalada. Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga ee ku sugan magaalada Marko ayaa sheegay in Al-Shabaab ay caawa dagaalka uga dileen 11 Maleeshiyo, halka ay gacanta uga dhigeen Hub isugu jira qoryo, rasaas iyo gaadiid dagaal oo qoryo ay ku xiran yihiin. Sarkaalkan ma uusan sheegin dhankooda wax khasaare ah oo soo gaaray, balse wuxuu tilmaamay in hada xaaladdu tahay mid degan. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada looga dilay dagaalka Afar Askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa goobaha la weeraray. Dhinaca kale, Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhammaadkii bishii August ee sanadkan waxa ay u weerareen magaalada Marko, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  10. Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan Ballaaran isugu yimid odayaasha, waxgaradka, aqoonyahanada, dhalinyarada, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, haweenka iyo qeybaha bulshada beesha Daguuro Max’ed oo ka mid ah beelaha beelweynta Murusade. Kulankan ayaa la sheegay iney ujeedadiisu aheyd sidii beeshu ula jaanqaadi laheyd xaaladaha dalka ka jira, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin u doodista xuquuqda ka maqan beesha iyo cabasho ka dhan ah Xildhibaanadda Baarlamanka ku metesha beesha ee Naciima Maxamed Gacal. “Shirkani waa mid lagu taageerayo dowlada federaalka, laguna soo gudbinayo cabashada beesa si codkoodu u gaaro madaxda sare ee dowlada, maadaama ay beeshu weysay Xildhibaan si cadaalad ah ugu metela kursiga” ayaa lagu yiri bayaan laga soo saaray gebagebadii shirkaas. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay iney maqan yihiin dhamaan xuquuqdii ay beeshu ku laheyd dowlada sida:- 1-Saraakiishii lagu laayey agagaarka madaxtooyada Somalia oo aysan weli cidina ka hadlin xuquuqdoodii. 2-Beesha oo illaa hadda aysan jirin wax xil ah oo ay ku leedahay dowlada dhexe, iyadoo weysay dhamaan xilalkiii ay horey uga heysay. 3-Ma jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya dowlada iyo beesha taasoo meesha ka saartay xuquudqii ay ku beeshu ku laheyd dowlada iyo tii ay dowladu ku laheyd beesha. 4-Beeshu waxay ka cabaneysaa Xildhibaanada beesha Naciimo Maxamed Gacal oo ku fashilantay kaalintii ay ku meteleysay beesha, iyadoo ku guuldareysatay qodobada soo socda:- a) Iney cadaalad iyo sinaan u sameyso beesha ay metesho. b) Iney noqoto buundadii xiriirineysay dowlada dhexe iyo beesha, iyadoo taa bedelkeed kursiga kul ilaashato danaheeda gaarka ah. c) Iney soo gaarsiiso wax kasta oo ay magaca beesha uga soo qaado dowlada dhexe sida Waxbarashada, Caafimaadka, xilalka iwm. d) Waxay ku caan baxday iney danaheeda gaarka ah ka hormariso danta guud ee loo igmaday. e) Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal waxay beesha ay ka dhalatay ka dooratay hal shaqsi oo ay ku heshiiyeen danaheeda gaarka ah. f) Waxaa horey u jiray shirar badan oo ay beeshu ku casuuntay Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal weyna ku gacan seyrtay. Gebagebadii bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in beesha oo tixraaceysa hadalkii madaxda dowlada ee ahaa in bulshadu soo gudbiso cabashadeeda ay ku wargelinayaan in la musuqmaasuqay xuquuqdii beesha, aysana xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal metelin beesha Daguuro Maxamed.
  11. As a youngster Somali-born Liban Abdi dreamed of playing for Norway but now hopes things improve in the country of his birth so he can play for them. Source: Hiiraan Online
  12. Facebook has used artificial intelligence to improve its machine translation models, allowing the social media giant to recognize and translate 24 new languages. Source: Hiiraan Online
  13. Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaas oo kulankooda uga hadlay inay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cali Gacal Casir. Xildhibaanada shiray oo tiro ahaan lagu sheegay 89 ayaa waxa ay mooshinka ay ka wadaan guddoomiye Cali Gacal Casir waxa ay u gudbiyeen ku xigeenkiisa koowaad Xareed Cali Xareed,waxana lagu soo waramayaa in uu aqbalay. Sidoo kale waxaa la sheegay in mooshinka laga keenay Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug laga doodi doonaa,isla markaana la horgeyn doonaa Baarlamaanka Maalinta berrito ah sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo goordhaw la hadlay saxaafadda ayaa kahor yimid Mooshin ay ka gudbiyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug. Waxa uu sheegay in aan Xildhibaano aheyn Dadka ka gudbiyay Mooshinka, Maadaama aan aqoonsaneen kamid ahaanshiyaha Xildhibaanada iyo Habkii ay kusoo galeen sida uu hadalka u dhigya. Cali Gacal ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay waday Waanwaan gabo-gabo mareysay oo lagu xalinayay Labada garab ay u qaybsameen Madaxda Galmudug, hayeshee waxa uu tilmaamay in ay burburiyeen dad uu ku sheegay in aan sharci ku imaan. Gudoomiye Gacal ayaa sheegay in aan Sharci aheyn in isaga oo Dalka ku sugan Kulanka Baarlamaanka uu shir gudoomiyo ku xigeenkiisa, waxa uuna ku tilmaamay foodo iyo dhibaato loo horseedayo Dadka Galmudug sida uu hadalka u dhigay. Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in tallaabadaan lagu bur-burinayo Heshiisyadii Jabuuti iyo Muqdisho lagu gaaray ee looga hadlayay Sameynta Maamul ka hana qaada Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu caawa ka socdo qeybo kamid ah magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka oo leysu adeegsanaayo hubka culus ayaa waxa uu u dhexeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaden degmada Marko. Dadka deegaanka oo xiriir kala duwan aan la sameynay ayaaa soo sheegaya in xiligan ay dagaalamayaan ciidanka dowladda iyo Shabaabka weerarka qaaday. Waxa ay sheegen dadku inay arkeen maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo ka dhex dagaalamaya gudaha xaafadaha magaalada. Hubka culus iyo Qaraxyo bam gacmeed ayaa laga dhex maqlayaa gudaha degmada, waxaana socda difaac dagaal oo ay muujinayaan ciidamada dowlada. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka wali socda waxaase lasoo sheegayaa in xaafadaha qaar ay ku dhacayaan xabado wiifto ah maadaama xabadu aanay joogsan oo rasaas ay dhaceyso. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  15. Jowhar (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo uu watay Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda maamulka Hir-Shabeelle iyo ciidamo kale ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Ceel-Macaan ee Gobobka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa ka danbeeyay kadib markii Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cusmaan Xaadaale uu isku dayay in lacago baada uu ka qaato God carada laga qodo oo ku yaala deeganka. Ciidamada la dagaalamayay kuwa uu watay Wasiiru dowlaha ayaa diiday in lacago baada laga qaado Godka, waxaana lasoo sheegayaa in sidaa uu ku bilowday dagaalka. Inta la xaqiijiyay 4 qof oo kamid ahaa Xoogsatada kaawada ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacmay 7 kale oo kamid ahaa dadka kaawada sida wararku ay sheegayan. Dhaawacyada ayaa la dhigay Isbitaalka Keysaney ee Duleedka magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, halka Meydadka durbadiiba ay goobta ka qaaten eheladooda. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Hir-Shabelle ayaan wali ka hadal dagaalka iyo dhiiga ku daatay weerarka uu Wasiiru dowlaha ku qaaday deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  16. MOGADISHU (Caasimada Online) – The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the United Nations Mine Action Service (UNMAS) have pledged to strengthen their collaboration to effectively counter the threat posed by Improvised Explosive Devices (IEDs) to the country’s stability. The pledge was made on Tuesday at a meeting between the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia Ambassador Francisco Madeira and the new Head of UNMAS Somalia, Qurat-ul-Ain Sadozai. Ambassador Madeira and Ms. Sadozai also promised to work closely with the Federal Government of Somalia (FGS) to tackle the use of Vehicle-Borne Improvised Explosive Devices (VBIED), which has become Al-Shabaab’s weapons of choice in the capital, Mogadishu, and other parts of the country. The two officials noted that tackling the threat posed by IEDs was crucial to the implementation of the transition plan which will transfer responsibilities from AMISOM to the Somali government from 2018 to 2021. “I look forward to us working together to tackle and eliminate the threat posed by IEDs. We are happy to join forces with UNMAS,” SRCC Madeira observed. On her part, Ms. Sadozai reiterated UNMAS’ continued support to AMISOM and briefed the SRCC on initiatives being undertaken to counter the use of IEDs. “There is need for us to work together to develop a more comprehensive approach to defeat the threat,” Ms. Sadozai who assumed office in July, this year, stated. UNMAS is a section of the Department of Peacekeeping Operations, formed in 1997, to serve as the United Nations focal point for mine action. It seeks to rid the world of the threat of landmines and unexploded ordnances. PRESS RELEASE
  17. Somalia ended last week with the news from Kismayu of the Interim Regional Administrations decision to severe ties with the Federal Government of Somalia until its grievances are assuaged. Whereas anyone adult in their right mind who has some little understanding of Somalia’s situation would see this in terms of the bigger picture of the strenous, murky, turns-and-twists of state building process, one Mukhtar Ainanshe went berserk to heartily celebrate the sad news with his blog post by ranting “FGS has collapsed today.” He insensitively used imageries of death without any care that it’s a terrifying tool and weapon used by terrorissts to cripple the aspirations of a whole nation (the Nation of Somalia). Inside the arena of his own warped, fickle mind Ainanshe sponsored a tournament where he competed President Farmajo and Fahad Yasin against President Ahmed Madoobe and he crowned the latter the winner. Without referencing any evidence to back his claims and to the pigue of most people, I guess, he asserted “president Ahmed Madoobe of Jubbaland came out as a skilled politician with a sense of unparalleled Somali patriotism, putting his country and his people first.” Bill Ainanshe refuses to underatand there’s nothing really skillful or patriotic about claiming your president is putting his people and country last. Am not sure President Ahmed Madoobe himself would want to be singled out or would appreciate the fact that Ainanshe has singled him out for unscientific praise against their own President. As is common with most Somali politicians and Ainanshe offered no solutions. The personality attacks that he writes portrays volumes about who Ainanshe really is. Overcome by his quixotic ways Ainanshe could ill-afford to commiserate the political plight of Somalia leaving him take the all too easy route of excoriating FGS for it’s failures without offering any solutions. Ainashe’s vitriolic meltdown portrays two things: 1). He’s someone possesed of subjectivity to the extent of throwing the baby (Somalia) with the birth water and, 2) He’s a bitter man, whatever the source of his bitterness. Maybe because his shady deals and peddling around bogus projects have come to naught with advent of Farmajoism on Feb.8, 17. Bill Ainanshe’s inability to see through the situation clearly caused him to forget that his celebrating the plight of Somalia could have the potential to leave him a marked man in terms of how Somalia’s future leaders would perceive of him. I don’t think he would get a respite from Ahmed Madoobe himself if he ever becomes the FGS president. Who wants to be associated with a negative person full of destructive negative energy. It’s a natural human disposition to want to shun persons with such flawed personalities. If Ainanshe, at his age, can couldn’t figure out that the worth of person lies with his ability to offer solutions to a problem (s) he surely has exposed himself to ridicule because he’s anything but clever. That Ainanshe is not clever is clear in Eldridge Cleaver’s (I am sure Bill would be helpless to distinguish the adjective “clever” from the proper noun “Cleaver” which he’ll definitely also pronounce the same) famed quote, “there is no more neutrality in the world. You either have to be part of the solution, or you’re going to be part of the problem.” Asuming Ainanshe is right when he labels Fahad Yasin “Qatar’s intelligence operative showering millions of dollars” to key conference participants, what has Ainanshe ever offered to his country for his being variegated inttelligence operative much of his adult life? Ablolutely nothing. For Ainanshe is known to have been auctioning his soul in exchange for cheap hand-to-mouth hand outs in the name of consultancy, as he clearly exibits on profile of his blog (mukhtarainanshe.org) for Ethiopia, Djibouti, counterterrorism, United Nations, UNSOM, United States, Kenya, PM, in Somalia as compared to only Qatar in the case of Fahad Yasin. Ainanshe has it! Ainanshe sounded even unreasonably meldramtic and sillier with his parachuted wishful conclusion calling on the people to “select a new president and constitute a new federal government.” If this is not senselessly sadistic enough what is? If Bill Ainanshe couldn’t have the decency to accord respect to the person of Farmajo, why is that that he couldn’t respect the position of the that he holds? It’s because decency is foreign to him. Little does Ainanshe contemolate how all his hypocritic vile against others leaves him as a cunt griping about the speck in other people’s eyes while being oblivious to the log in his eyes. Such are the signs of narcissists! Is projection a phsychlogical coping mechaniam or a common trait inherent in most Somalis as they seem to have the proclivity to accuse of others of what/who they themeselves are. As the Somali saying aptly puts “tuugu intaanan tuug lagu odhan ayuu tuug kugu yidhaahdaa” had the likes of Bill Ainanshe in mind. War Bill Ainanshow qof adigu ka jaajuus-xume badan lamaba abuurin ama wuu yaryahay ee dadka faraha indhaha ha ka gelinin. Muckracker Bill Ainanshe. That’s who he really is. He can never change. You can never do better, Bill. His ranting and mumbling is akin to the simile of one who celebrates the news of his patents’ marriage hitting the rocks. By: Mohamed Jama Ali
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerarada loo adeegsado gaadiidka ee lagu qaado xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Maamulka ayaa sheegay in laba todobaad gudahood weeraro loo adeegsaday Gaadiid noocyada raaxada ah lagu qaaday xarumaha degmooyinka sida Howlwadaag iyo Hodan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay sababaha loo weerarayo Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee loo weeraraayo xarumahaasi ay tahay in la diidan yahay dedejinta howlaha Maamulka,isla markaana la diidan yahay horumarka, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in cadawga kaliya ee waqtigaan uu yahay Al-Shabaab loogana baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay siwadajir ah uga soo wada horjeestaan. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Runtii maalmahaan waxaa la beegsanayey Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababtuna waxa ay tahay waxan bilaawnay howlaha dedejinta Maamulka,waxana ku lug leh Al-Shabaab oo diidan horumarka ayuu yiri duqa Muqdisho. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qarax waliba oo loo geysto xarumaha maamulka aysan ku joojin doonin shaqooyinka ay hayaan. Geesta kale, Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in inta badan iminka aad loo adkeeyay amniga Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababo la xiriiro dhinaca Amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Puntland ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta heshiiskii madaxda maamul goboleedyada, wada heshiisiinta shacabka Sool iyo qodobbo ku saabsan Somaliland, Al Shabaab iyo Daacish. Xukuumadda Puntland oo ka mid ah maamul goboleedyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u dhaqan galineyso heshiiskii ka soo baxay shirkii ay madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo. Golaha wasiirrada oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shaqaalaha xukuumadda Puntland ka mamnuucay iney ka qeyb galaan shirarka ka dhaca magaalada Muqdisho. Afhayeenka madaxtooyada Puntland ahna wasiirka xiriirka goleyaasha, Cabdullaahi Quraan ayaa sheegay in goluhu uu taageero buuxda u muujiyey go’aannadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo. “Shirkii Kismaayo oo uu horayba uga qeyb galay madaxweynaha ayey Puntland si buuxda u taageertay, waxaa kale oo laga hadlay sidii loo wajihi lahaa cadawga faraha badan ee ay Puntland leedahay, sida Al-Shabaab, Daacish iyo Somaliland.” Ayuu yiri Quraan Jecel oo la hadlay BBC-da. Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa dhawaan warmurtiyeed ay ka soo saareen Kismaayo ku sheegay iney hakiyeen xiriirkii xukuumadda dhexe, taasoo qeyb ka ah khilaafaad u dhexeeya labada dhinac ee in dhawaaleba soo jiitamayay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  20. DP World said on Tuesday it would continue to pursue all legal means in its dispute with the government of Djibouti which seized a port terminal operated by the company earlier this year. Source: Hiiraan Online
  21. Warar laga helayo ehelada madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegaya in ay la kulmeen “ayadoo Cabdi lagu jirdilayo xabsiga uu ku xiran yahay”. Xaaska, iyo hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa labaduba ka hadlay “inay arkeen” jirdilkaasi. Eedeynta qoyska Xaaska Cabdi Maxamuud Cumar, Sadiiqa Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegtay in iyagoo cuno u geeyey ay arkeen askar garaacaysa Cabdi Maxamuud, kana soo tuurtay jaranjarada dhimsaha halkii uu ku xirnaa. “Qolkii uu deganaa ayaan ku aragnay labaatan nin oo bustayaashii uu ku jiifay intay u dhibeen ku yiri ka kac meesha, markaan weydiinay halka ay u wadaana waxay noo sheegeen inay qolka u baddalayaan. Ka dibna waxay ka tureen jaranjaradii guriga. Wey dileen burar ayayna la dhaceen” ayey tiri Sadiiqa. Diib Mahad Colow oo ah Cabdi Maxamuud hooyadiis ayaa mar ay BBC u warramaysay tiri “way jiideen, wuuna miyir belay, meel wasaq ah ayayna ku tureen, warna kama hayo inuu dhintay iyo in kale, waanan isaga soo tagnay”. Jawaabta Booliska Itoobiya Dawladda Itoobiya ayaa ku gacan sayray eedeyntaas. Taliyaha Booliska federaalka ee Itoobiya, Jeneraal Zeyinu Jemal wuxuu BBC u sheegay “inay been tahay. Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayey ula dhaqmayaan ayuu yiri”. Isagoo ka hadlayey in isbitaal loo ogolaaday iyo in kale ayuu yiri Jeneraal Zeyinu Jemal “Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey. Maxkamadda Cabdi Maxamuud Cumar Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran. Ehelka Cabdi ayaa sheegay in loo diiday inay qaataan damaanad uu banaanka ku joogo inta dacwaddu ay socoto. Maxkamaddii hore ee la saaray ayaa ogolaatay in 14 maalmood xabsiga lagu hayo inta la dhamaystirayo caddaymo ay dacwad oogayaashu maxkamadda hor keeni doonaan. Maxaa loo haystaa? Taliyaha Booliska itoobiya, Zeyinu Jemal, ayaa hore u sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo haysto rabshadihii magaaladda Jigjiga ka dhacay afartii bishii Agoosto, rabshadahaas oo dad badan ay ku dhinteen laguna gubay dhismaha kaniisad magaalada ku taalla iyo hanti kaleba. Rabshadahaas ka sokow, dacwad oogayaashu waxay diyaarinayaan eedeymo kale oo dheeraad ah. Yaa la xiran Cabdi Maxamuud Cumar? Shan xubnood oo maamulkii hore ka tirsanaa maamulka dawlad-deegaanka ayaa la xiran Cabdi Maxamuud Cumar, Mid ka mid ah xubnahaasina waa Raxmo Maxamuud Haybe oo muddo dheer ahayd Wasiirka Haweenka. Dhamaan xubnahan ayaa loo haystaa sida horay loo sheegay kicinta dhalinyaro Jigjiga joogta oo gaystay “dhibaato, dil iyo khasaare kaleba leh”. Baraha Bulshada Baraha Bulshada ayaa waxaa ka socda olole xoogan oo iska soo horjeeda. Dadka qaar ayaa aaminsan in Cabdi Maxamuud Cumar uu mudan yahay in dacwadahan lagu qaado, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin inay qalad tahay in Cabdi Maxamuud Cumar sidan loola dhaqmo. Ra’yi kala duwanaanshaha dadweynaha ayaana keenay in si weyn loogu doodo baraha bulshada, walow maamulka Dowlad-deegaanka uusan weli ka hadlin dawcada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale ee la xiran. Eedihii hore Cabdi Maxamuud Cumar oo Dowlad-deegaanka madaxweyne ka ahaa mudo tobon sano kudhow ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyey xadgudubyo xagga xuquuqul insaanka ah. Warbixintii u dambaysay ee hay’adaha xuquuqul insaanka ay soo saareenna waxaa lagu sheegay in jeelka weyn ee Jeel Ogaadeen loo yaqaano laga gaystay dhib badan oo maxaabiista ku dhacay. Ka dib waxaa xaaladda faragelin ku sameeyey mileteriga dowlada dhexe, waxaana la beddelay inta badan maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar la soo shaqeeyey. Dowlad Deegaanka waxaa hadda sii haye Madaxweyne ka ah Mustafa Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) oo ka mid ahaa ragga sida weyn uga soo horjeeday xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar. Dowlad Deegaanka Maxaa muhiim ka dhigay? Deegaanka Soomaalida ayaa muddooyinkan dambe waxaa laga helay shidaal, gaar ahaan deegaanka gobollada Shabeelle iyo Qorraxeey, shidaalkaasina waxuu deegaanka ka dhigay in loo hanqal taago. Inkastoo aan weli heshiis cad laga gaarin sida khayraadkaasi loo wadaagayo hadana isbeddellada xagga maamulka ee guud ahaan Itoobiya ka dhacay ayaa keenay in deegaanka uu muhiimad gaar ah yeesho. Waxaa sidoo kale heshiis nabadeed uu u socdaa ururka ONLF oo muddo dheer deegaanka dagaal ka waday iyo dowladda Itoobiya. Balse waxaa wax walba la kala ogaan doonaa muddada sannadka iyo barka ah ee doorashada guud ee dalkaasi ka dhiman. Isha: BBC Somali
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa jawaab culus ka bixiyey eedeymihii ay u soo jeediyeen madaxda Maamul Goboleedyada ee dhowaan ku shiray magaalada Kismaayo iyo xildhibannada qaarkood. War-saxaafadeed ka so baxay Hanti dhowrka Guud ayaa lagu faahfaahiyey shaqada iyo madax bannaanida hantidhowrka, iyadoo loogu cudurdaaray tuhunkii ay geliyeen madax bannaanida Hanti dhowrka Qaranka, sida lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu ku casuumayo cid kasta oo mas’uul ah oo raba inuu warbixin dheeraad ah ka helo Xafiiska Hanti dhowrka, isla markaana albaabadiisa u furan yihiin. Hadalka Hanti dhowrka uu ka jawaabayo ayaa ah midkii ay maamul Goboleedyada ku sheegeyn in la siyaasadeeyay hey’adihii madaxa banaanaa sida Garsoorka, Hanti dhowrka Guud iyo Amniga. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa hakiyey mashruuc ku saabsan horumairnta dadka reer guuraaga ah oo uu ka waday Soomaaliya kadib markii ay soo baxday in mashruucaas si xun loo maamulay. Dawladda Soomaaliya waxay isku dayday inay wax ka qabato walaaca bankiga islaamka, iyadoo xabsiga u taxaabtay sarkaalkii maamulayey mashruucaas, oo illaa iyo hadda xabsiga ku jira, islamarkaana sugaya in la maxkamadeeyo. Mashruucan, oo hoos imanayey wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa laga fulinayey gobollada Mudug, Gedo iyo Baki, waxaana uu ku kacayey lacag dhan shan milyan oo dollar, oo sida la sheegay shan boqol oo kun oo dollar oo ka mid ah la xaday. Kiiskan ayaa la sheegay inuu yahay kiiska ugu weyn musuq-maasuqa ee kiisaska ay dadka u xirtay dowladda Soomaaliya, waxaana tallaabada ay qaaday dowladda ay qeyb ka tahay isku day la doonayo in mashruuca dib loo billaabo. Waxaayaba yaabka leh ee dhacay ayaa waxaa ka mid ah lacag caddaan ah oo mashruuc loogu talo-galay oo lagala baxay bankiga dhexe, rasiit la’aan, alaabo lasoo gaday oo lagu qoray lacag ka badan lacagta laga soo bixiyey iyo arrimo kale. Haddaba sidee ayey wax u dhaceen oo loo maamulay mashruucan? Waa mowduuca Barnaamijka Galka Baarista idaacadda VOA, waxaana soo jeedinaya oo arrintan baaritaan ku sameeyey Haaruun Macruuf. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/ce9153a8-3a06-4cba-949d-4fc19eba7596_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa si buuxda u taageeray go,aankii ay madaxda Maamul Goboleedyada xiriirka ugu jaraan dowladda Federaalka Soomaaliya Kadib war murtiyeed kasoo baxay shirkii Kismaayo. Golaha wasiirada Puntland oo dood badan arrintaan ka yeeshay ayaa ugu dambeyn isku raacay in la taageero go,aankii Maamul Goboleedyada. Qaar ka tirsan golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa diidan wixii Kismaayo kasoo baxay. Go,aankaas ayaa Golaha wasiirada Puntland ku tilmaameyn inuu ahaa mid dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed. Haddaba halkaan hoose ka akhriso
  25. Sida qorshuhu yahay Puntland 8-da Janaayo 2019 waxaa ka dhacaysa doorasho madaxtinimo oo Wakiilo ay soo xuleen odayaasha dhaqanku ku dooranayaan Madaxweyne iyo ku xigeen, ballantu waxay ahayd shan sano kahor in doorashada 2019 ku dhacdo nidaamka xisbiyada ee qof iyo cod, balse ballantii oo aan la fulin ayaa sababtay in ay qaabkaas ku dhici weydo. Musharixiinta u tartamaya doorashada Puntland 2019 ayaa u muuqda kuwo diyaargarow xoogan u soo galay musharaxnimdooda, isla markaana wata maalgalin xoogan, mid walba wuuxu la yimi qorshe uu ku maarayn karo ololahiisa doorashada, waxaana dalka iyo dibadaba wali ka socda munaasabadaha ay musharixiinta ku shaacinayaan damacooda siyaasdeed ee 2019, sidii caadada ahayd in ka badan saddex meelood labo meelood waa qurba-joog ka timi dalka dibadiisa. Musharixiinta waxaa weheliya siyaasiyiin badan oo uu damac kaga jiro haddii musharaxa ay taageerayaan ku guuleysto Puntland 2019 ka heli doonaan mansab siyaasdeed, halka qaarka ay doonayaan in ay saladooda u soo qaataan hantida Puntland ee iska baylahan. Mid kamid ah walaacyada ugu weyn ee laga qabo doorashada Puntland 2019 ayaa ah musuqmaasuqa, wax isdaba marin ayaa ka dhici karta xulista Baarlamaanka, musharaxiinta qaar ayaa faragalin ku haya beelaha, waxayna wadaan qorshe ay ku xulanayaan xubnaha Baarlamaanka, halka qaarna ay rabaan in ay lacago farabadan ku badashaan cododka, sidoo kale waxaa jira shaki ah in doorashadu dib uga dhaci karto xiligii la qorsheeyay ee 8-da Janaayo , waayo waxaa jirta arrin saameyn ku leh oo ah mushkilada Tukaraq oo aan wali xal loo helin. Doorashada 2019 waa mid ka duwan doorashooyinkii hore ee Puntland, saansaanta jirta marka dhinac kasta laga eego waxaa si cad u muuqata in aysan fursanayn faragin ka madax banaan Puntland. Yaa ku loolamaya doorashada Puntland 2019? Siyaaasada Puntland oo halka khadka ka xariiqo ay ahaan jirtay arrimaha qabiilka ayaa doorakan taas ka duwan, waxaana doorashada 2019 daaha dabadiisa kaga loolami doona xisbiyo siyaasadeed, dowladda federaalka, dalal shisheeye, ururo diimeedyo, ganacsato iyo kooxa kale oo dano gaara leh. Federaalka iyo faragalinta Puntlansd Mashruuca musuqmaasuqa ee lagu maal-gaalinayo Puntland 2019 waxaa ka qayb qaadanaysa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyada oo ay sii kordhayaan dadka ay u xirto eedeymaha musuqmaasuqa, doorashooyin dhowr ah ayaa ka dhici doono maamul goboleedyada Soomaaliya 2018 iyo 2019, dowladda federaalka waxay u baahan tahay in ay sii waddo taageeridda iyo lacag siinta dadka ay is leedahay taageero ayay kuu yihiin, taariikhda haddii dib la eego xubnaha ay dawladdu taageerto haddii ay guuleystaan uma badna in ay raacaan siyaasadeeda, iyadoo saas tahay waxay hadana taageero siinaysaa dhowr musharax oo maamul walba ah, si ay u ciqaabto madaxda maamul goboleedyada ee diiday in ay ka dambeeyaan. Ilaa labo musharax oo Puntland ah ayaa federaalka taageero ka heli kara, kuwaas oo kala ah Asad Cismaan Diyaano iyo Faarax Cali Shire, Asad waa Agaasimaha ciidamada PSF Puntland waa nin dhalinyaro ah, sidoo kale Farax Cali Shire waa Wasiirkii maaliyadda xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu saaxiib dhow la yahay Xildhibaano federaalka ah oo galaangalka hoose ku leh Villa Somalia oo uu kamid yahay Cali Yusuf Cali Xoosh, labada musharax waa labo shakhsi oo fuhan taas ayaana moodaa inay ku saleysan tahay xulashada federaalka. Madaxweyne ku xigeen Puntland Cabdixakiim Camey ayaa ah ninka kaliya oo faderaalka baariga u ah oo Puntland xil ka haya taagero ayuu ka heli karaa hadii ay ku jirto damac dambe oo ah Madaxweyne ku xigeen, sidoo kale federaalka ayaa Puntland ka sameystay kooxo dhalinyaro ah oo Internet-ka wax ku qora kuwaas oo taageera siyaasadeeda, waxay dhaleeceeyaan madaxda Puntland marka uu yimaado khilaafyada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, ciidamada Internet-ku maalinba maalinta ka dambeysa waa sii kordhayaan, Puntland ayaa mararka qaar u geysata xarig iyo shaqo ka ceyrin. Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya Iyadoo doorashada Soomaaliya 2020 ay ku saleysnaan doonto gobalo, waxay xisbiyada siyaasaddu rabaan in ay saameyn ku yeeshaan is bedelada ka dhacaya dowlad goboleedyada, sidaas darteed waxay doorashooyinka daahadabadiis u gali doonaan musharaxiinta ay taageerada ka heli karaan. Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonaa xisbi siyaasadeed aad u baabulan oo uu hogaanka u qaban doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xisbigaas waxaa ku midoobi doona dhowr xisbi oo uu kamid yahay Damu-jadiid, doorashada Puntland 2019 waxaa hubaal ah in uu ku yeesho saameyn, waxaana jira isku xirnaasho ka dhaxeysa qaar kamid ah musharaxiinta iyo Xasan Shiikh Maxamuud. Siciid Cabdulaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cadcad Puntland ayaa taageero ka heli kara xisbigaas sida ay u badan tahay, Deni iyo Xasan waa saaxiibo soo wada shaqeeyay, sidoo kale waxay xulufo wada ahaayeen doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Xisbiga RAJO: Faragalinta doorashada Puntland 2019 waxaa si bareer ah oo aan gabasho la hayn u cadeystay xisbiga RAJO, Dr. Cabdicasiis Takar oo kamid ah xubnaha xisbigaas oo maalmo ka hor la hadlayay qaar ka mid ah taageeyaasha xisbigaas ee Puntland waxa uu qeexay cida ku loolami doonta doorashada Puntland 2019, waxa uu sheegay in qabiil iyo afraad aysan midna ku tartamayn, balse ay u dhaxeyso labo koox oo kala ah koox ay ku jiraan kuwa horey kartidooda loo tijaabiyay oo xumaan iyo musuqmaasuq lagu yaqaan oo ah kooxdii sharka iyo koox ay hormuud u tahay RAJO oo badbaadin doonta Puntland. Dr. Cabdicasiis Takar waxa uu sheegay in kooxda sharku ay faafiyeen been ah in lacag ay bixin doonaan, ilaa iyo hadana ay kaga adkaadeen magacyada yar ee Xildhibaanada la soo xulay, wuxuu si laab lakac ah u xusay in RAJO hadii ay guuleysato ay xabsiga Garowe dhigi doonto musharaxiinta ay ku cadaato in ay ka qeyb qaateen musuqmaasuq. Ganacsatada: Doorashada Puntland 2019 waxaa ka mid ah dhinacyada saameynta ku yeelan kara ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa wax kala soo dega dekadda Boosaaso oo sanadihii ugu dambeeyay aan xiriir fiican iyo wada shaqeyn ka dhaxeyn dowladda. Ganacsatadu iyagoo dhowraya danta ganacsigooda waxay taageero siin karaan qaar kamid ah musharaxiin, ninka kaliya ee ay luuqadiisa akhriyi karaan ayaa ah Deni oo xiriir fiican ay leeyihiin. Dalalka Shisheeye: Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaa saameynayay hardanka Shisheeye, kuwii 2012 iyo 2017 waxaa faragalintoodii ku guuleystay dal yaraha Qadar, Imaaraadka ayaa kamid ahaa dalalkii looga awood roonaaday, taas waa tan keentay in dowladda federaalku dhexdhexaadkii ay sheegtay in ay ka qaadatay khilaafkii Khaliijka uu run noqon waayo oo ay u janjeersatay dhanka Qadar, taasi waxay sii sababtay in Imaaraadku yareeyo taageeradii uu siin jiray dowladda ee dhanka Koonfurta. Imaaraadka iyo Puntland waxay leeyihiin xirii soo jireen ah, sidaas darteed Dubai iyada oo difaacanaysa danaheeda gacanka waxay faragalin ku sameyn doontaa doorashada 2019, bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii wafdi Imaaraadka ah ay Qardho iyo Badhan kula kulmeen qaar kamid ah Issimada Puntland, xogo hoose waxay sheegayaan in ay mid ahaayeen arrimihii ay kawada hadleen doorashada 2019, ma cada cidda uu garab siin karo, Qadar faragalinta Puntland 2019 waxay uga dambeyn doontaa dowladda federaalka Soomaaliya oo ay dhanka dhaqaalaha ka taageeri doonto is loogu guuleysto in uu soo baxo qof la siyaasad ah Nabad iyo Nolal. Qorshada Cabdiwali Gaas 2019 Deegaanada Puntland waxaa ka socda hadal hayntii ugu badnayd oo ah Madaxweynaha Puntland Cadiwali Gaas ma tartami doonaa doorashada soo socota ee 2019 mase maya?, Madaxweyne Gaas oo xil-hayntiisa ay uga dhiman tahay wax aan ka badnayn boqol maalmood ayaa wali cadeyn in uu tartami doono doorka dambe iyo in kale, balse xog hoose oo ay heshay PUNTLAND POST ayaa sheegaysa in uusan Dr. Gaas qabin damac dambe oo ah hogaaminta Puntland. Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas waxa uu xasuusan yahay waayo aragnimadii uu u soo joogay khasaarooyinka laga dhaxlo Madaxweyne mar labaad isu soo taaga xilkii ka dhamaaday isagoo aan shaqadiisii lagu qanacsanayn, wuxuu goobjoog ka ahaa doorshooyinkii ay ku guuldareysteen Shariif Xasan 2012, Cadbiraxamaan Faroole 2014 iyo Xasan sheikh Maxmuud 2017, labo kamid doorashooyinkaas tartanka ayuu ku jiray, sidaas darted wuxuu fahan san yahay in aan Puntland mar dambe Madaxweyne loogu dooranayn wax walba oo dhaca. Sida muuqada arrinta ahmiyada kowaad u leh Dr. Gaas ayaa ah doorashada Soomaaliya 2020, oo sida la rumeysan yahay uu u hanqal taagayo kursiga Villa Somalia, si taasi ugu suurto gasho Cabdiwali Gaas wuxuu maagan yahay labo shorshe. Midda kowaad ayaa ah inta xilka uga hartay in uu gacanta ku dhigo gobolka Sool oo muddo dheer ay ka talinaysay Somaliland, taas oo hadii ay u suurto gasho uu teegeero badan kaga heli karo gobolada SSC ,uuna fuliyay ballantiisii ahayd “Laascaano Faataxo laguma qabsan”, taasi waxay iman kartaa iyadoo dagaal ka dhex qarxo ciidmada isku hor-fadhiya Tukaraq. Midda labaad ayaa ah in uusan u taratmin doorashada Puntland 2019, balse uu dhabarka ka soo riixo musharaxa uu ka dhex arko dantiisa, uuna fuliyo ballantiisii ahayd “Shan sano waa igu filan tahay” taas waxa uu ku heli karaa sumcad weyn wuxuu noqon karaa Madaxweynihii ugu horeeyay Puntland oo doorasho qabta isaga oo aan tartamayn. Musharaxa uu ku taageeri karo doorashada Puntland 2019 ayaa xog hoose sheegaysaa in uu yahay Eng. Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) oo ay si isu xiran yihiin, Eng. Jabiye waa nin saaxadda siyaasadda ku cusub oo ah ganacsade qurba-jooga ma ahan nin wax badan laga yaqaano gaar ahaan Warbaahinta. Xasuustii Dr. Gaas 2014-2018 Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa hogaanka Puntland loo dhiibay 8-dii Jaanyo 2014 mudadii uu xilka hayay wuxuu hogaamiye ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo. iyadoo uusan fulin wax badan oo kamid ah ballamihiisii dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana la orankaraa waxa uu ahaa “Hillaacii lagu hungoobay”. Dr. Cabdiwali Gaas mudadii u xilka hayay waxaa Puntland soo wajahay duruufo adag oo aan inta badan waxba laga qaban, iyadoo siyaasada Dr. Gaas lagu bartay ay ahayd in uu dhegaha ka fureysto arrimaha qalafsan ee ka hor-yimaada maamulkiisa, isagoo aaminsan oraahda dhaheysa “Wax walba iyagaa isa saxa“. Dr. Cabdiwali Gaas waxaa arrimaha uu ku fashilmay ugu waaweyn in uu fulin waayay ballantiisii ahayd in uu 2019 Puntland gaar siin doono doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale fashilkiisa waxaa laga xusi karaa mashruucii dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo ay ku ka ceysay lacag dhan 30 milyan oo doolar, oo fashilmay kadib markii la musuqmaasuqay, sida ay sheegtay dowladii maal-galinaysay. Madaxweyne Cabdiwali Gaas intii uu joogay Puntland wuxuu ka sameeyay xaalufin ba’an oo dhaqaale uruursi ah, waxaa la aamin san yahahy in dhaqaalle farabadan oo uu doorshada Soomaaliya 2020 ku gali karo ka meelaysatay mudadii uu xilka hayay. Cumar Cabdirishiid hankiisu ma yahay Puntland? Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa siyaasi caan ah, hadana waa dhal madaxeed oo waxaa dhalay AUN Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ahaana Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dalka. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa ninkii labaad oo labo jeer nodo Ra’iisul wasaare Soomaaliya, doorashadii 2017 waxa uu u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana u ahaa musharaxii saddexaad oo ugu codadka badnaa, hadana waa Senator ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sida aan xog ku helnay Cumar Cabdirashiid qorshada uguma jirto in uu isu soo taago doorashada Puntland 2019, balse waxaa dhici karta in uu uga qeyb galo si dadban oo ah in uu garab siiyo mid kamid ah musharaxiinta, sidoo kale waxaa dhici karta in uu banaanka ka is taago oo uusan wax faragalin ah ku sameyn Puntland. CC Sharmake,Faroole,Gaas iyo Juurile oo shir xasaasiya ku yeeshay Garowe,12 December 2016. CCC Sharmarke ayaa ah siyaasiyiinta ka quuldareynaysa doorshada Soomaaliya 2020, wuxuuna hankiisu yahay Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare, sidoo kale waxaa jirta kala fogaansho siyaasadeed oo u dhaxeysa isaga, Cabdadiwali Gaas iyo Cabdiraxamaan Faroole, taas oo soo bilaamatay doorashada Soomaaliya 2017 oo ay ku kala aragti duwanaayeen. Doorka dadweynaha iyo doorashada Dadweynaha Puntland waxaa labaatan sano kadib wali ku albaaban odayaal dhaqameedyo ku matala masiirkooda siyaasadeed iyo siyaasi ratigiisa ku kacsada, taas waxay kala mid yihiin gobolada kale ee Soomaaliya marka laga reebo Somaliland. Xulista Xildhibaanada Puntland wax go’aana kuma laha dadweynuhu, waxaa u madax banaan odayaasha dhaqanka oo mararka qaar xeeriya danahooda gaarka ah ama dano siyaasi ama kooxi leedahay, dadweynuhu mar kale ayay daawadayaal ka noqdaan go’aanka uu ku yimaado Madaxweynuhu oo mararka qaar iib ah, waxayna ugu dambeyn dhibane u noqdaan go’aanka iibka. Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa 2013-kii markii ugu horeysaty isku dayday in ay Puntland ka hirgaliso nidaamka xisbiyada badan, balse qeyb kamid ah dadweynaha oo ay adeegsadeen siyaasiyiin dano lahaa ayaa ka hor-yimi arintaas, intii ka dambeysay ma jirin cid isku day-day nidaamka xisbiyada. Si kastaba ha ahaatee dadka reer Puntland waxay iminka rajo ka qabaan in doorashada 2019 ay keeni doonto is bedel dhaama midka hadda , balse waxay moogyihiin in marka hore in la helo Xildhibaano, Madaxweyne iyo xukuumad shaqeeya. PUNTLAND POST GAROWE The post Faallo:- Doorashada Puntland 2019 waa daaha dabadiisa! appeared first on Puntland Post.