-
Content Count
202,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maalintii talaadada ahayd ee March 27, 2018, markii ay golaha Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) ee dalka Itoobiya ay ku dhawaaqeen Abiy Axmed Cali Cumar DHera inay u doorteen gudoomiyaha xizbiga iyo waliba inuu yahay ra’iisal wazaaraha dalka ayaa mar keliya magaallada Addis Ababa xiisadihii mudaaharaadka ee ka aloosnaa waxay isu bedeleen heeso, qoob-ka-cayaar, iyo jidadka laysugu hambalyeeyo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamanka dalkaas codkiisa siiyo si aan shaki ku jirin. Sida muuqata Abiy Axmed ayaa in la soo magacaabo waxaa sabab u ahaa bannaan baxyo muddo 3 sano dalka ka socday oo ay qoomiyadda Oromada ah kaga cabanaysay in si bareer ah looga faquuqay wax ku lahaanshaha talada dalka, banaan baxyadaas ayaa dowladda Itoobiya ku qasbay inay labo jeer ku xaalad degdeg inuu dalka ku jiro. Abiy ayaa ka soo baxay kulano adkaa oo socday muddo bil iyo labo toddobaad ah ka dib markuu si lama filaan ah isu cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee dalkaas Hailemariam Desalegn. Guusha Abiy ayaa timid ka dib markii uu tartanka ka haray Demeke Mekonnen oo isagu ka soo jeeday DHaqdhaqaaqa Wadaniga Diimuqraadiga ee Amxaarad, waxaa asguna uu noqday guddoomiye ku xigeenka, isla markaasna tanaazulka uu sameeyay ayaa lagu macnayn karaa inuu horseedayo inuu samaysmo is-bahaysi dhex mara labada qabiil ee ugu waaweeyn dalkaas ee Amxaarada iyo Oromada. Sida laga war qabo, Abiy ayaa ah ninkii ugu horeeyay ee Oromo ama Muslim ah ee taariikhda casriga hoggaamiya dalka Itoobiya, waxaana talada u dhiibay xizbiga EPRDF ee talada dalka ka qaaday nidaamkii Derge ahaa ee Mengistu Xaylemariam, xizbigan ayaa waxaa isugu tegay oo ku midoobay Oromada 34.4% tirada dadka Itoobiya, Amxaarrada 27%, Tigray 6.1%, iyo qabiilo ilaa 40 qabiil gaaraya oo laysku yiraahdo Qaarumaha Koonfurta, iyoWadaniyiinta Dadka ee Gobolka (The Southern Nations, Nationalities and People’s Region) oo uu ku jiro qabiilka Wolayta oo uu u dhashay ra’iisal wazaarihii hore Hailemariam Desalegn, waxaa isna sidaas oo kale qaarumaha konfurta ka soo jeeda Waziirka Gaashaan-DHigga dalkaas Siraj Fegesa. Abiy Axmed; waa Obamaha Itoobiya!!…. Marka ay timaado arrimaha iyo xaaladaha guud ee uu dalka Itoobiya ku suganyahay xagga siyaasadda ma jiraan wax weyn oo la filayo inuu bedelo Abiy Axmed siiba dhanka arrimaha dibadda, hasa yeeshee siyaasadda gudaha iyo inuu dejiyo xiisadaha dalka ka jiray oo ah sababta u weyn ee loo doortay ayaa laga sugayaa inuu si degdeg ah wax uga qabto, waxaana in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay indhaha ku hayaan waxa uu ka yeelo ama go’aanka uu ka qaato maxaabiis badan oo dhinaca siyaasadda ugu xiran dalkaas. Waxaa kaloo iyadana laga sugayaa wax ka qabashada xiisadda ka dhex aloosan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada, iyadoo waliba shacabka is-maamulka Soomaalida Itoobiya si weyn u soo dhoweeyeen doorashada Abiy Axmed una haysta inuu yahay nin sumcad wanaagsan leh oo kasban kara kalsoonida labada shacab. DHanka kale ra’iisal wazaaraha cusub in kasta oo loo doortay guddoomiyaha xizbigiisa EPRDF-ta isla markaasna uu yahay ra’iisal wazaaraha dalka hadana waxay dad badan rumaysanyihiin in arrimaha amniga iyo ciidammada ay adkaanayso inuu si buuxdo u maamulo. In kastoo uu Abiy leeyahay waayo aragnimo xagga ciidanka la xiriirta oo uu gaaray darajada Gaashaanle DHexe (Lieutenant colonel ) haddana si dhib yar oo uu u madax bannaanyahay uma hanan doono arrimaha amniga iyo ciidammada, waxaana laga sugayaa siduu wax uga bedeli lahaa siyaasadda 30 jirka ku dhow ee xukuumaddii Tigreega laga dhaxlay, waxaana intaas u dheer oo aysan dad badan rumaysnayn inuu wax badan ka qaban karo tabashada faraha badan ee Qoomiyadda Oromada ah ee uu ka soo jeedo isaga laf ahaantiisa, kuwaasoo tabanaya dulmi dhinac kasta ah oo sida mararka qaarkood la sheego la bilowday taariikhda dheer ee dalka iyo dowladnimmada Itoobiya, waana sababta ugu muhiimsanayd ee uu ku salaynaa kacdoonkii seddexda sano socday ee uu isku cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee Xaylemaryama Deseliin (Hailemariam Desalegn). Siyaasaddiisa Soomaaliya! Fursadda uu ku soo baxay Abiy Axmed ee uu ku noqday ra’iisal wazaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay fursad ku timid in laysku badbaadiyo oo keliya, waxaana muuqday oo xizbiga EPRDF-ta u muuqday inay arrimuhu ku sii siqiyaan dhanka halista, sidaas daraadeedna tallaabada keliya ee furana ay tahay in maanta Abiy Axmed la qaato, taasi waxay ku tusaysaa dirqiga ay fursadani ku suuro gashay iyo sida ay u yartahay inay mar labaad soo noqoto!….waxaana guud ahaan dabeecadda uu ku soo baxay ra’iisal wazaare Abiy Axmed ay shabbahdaa middii uu ku soo baxay madax-weynihii hore ee dalka Maraykanka Brack Obama ama uu ku soo bixi kar qofka African American-ka ah si madax-weyne uga noqdo dalka Maraykanka! Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu tilmaamay nin siyaasad qabow oo deggan ku hoggaamin doona siyaasadda dalka. Abiy Axmed, lagama filiyo inuu wax ka bedelo siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan waxyaabihii horay u soo socday ee xukuumaddii ka horeysay ay waday, sida heshiiska dekedda Berbera ee ay wada saxiixdeen shirkadda DP World ee Midowga Immaardaha Carabta!….Waxaana arrimaha Soomaaliya fahamka uu ka qabo mar kasta uu ku xirnaanayaa hadba sida ay ugu qeexaan dalalka ay markii horaba Itoobiya taladooda ku soo gashay Soomaaliya, waxaana sidaasoo kale qayb badan oo saamayn ah ku yeelanaya dalalka Gacanka Carabta, iyo dalalka kale ee dan wadaagta ay ku yihiin arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda Kenya. Qore: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Xulashada Abiy Axmed Waxay ahayd tallaabbada keliya ee u furnayd EPRDF-ta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraaal la xiriir xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka Jawaari, kaasi oo uu baaq ugu diray madaxda hay’adaha dowladda. Halkan hoose ka akhriso Baaqa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh:- Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya. Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka. Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda. Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin: 1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo. 2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida. Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa: 1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH. 2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn. Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo. Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN. Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex annaga oo ah ayaan ka amba baxnay Berbera. Peter* oo Swiss u dhashay iyo Patrick oo Belgium ah ayaan wada soconnaa. Qorshaheennu waa in aan caawa u hoyanno Burco. Shiikh ayaan sii mari doonnaa. Burco marka aan tagno waxaan xog wareysan doonnaa in waddada Oodweyne ay nabad tahay oo gaari lagu tegi karo. Haddii aan loo qaateen ka helno jawaab haa ah, waxaan damacsan nahay in aan Madaxa ICRC weydiisanno oggolaasho aan ku tagno Oodweyne. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee dhaulka aan ku safarno meel ka baxsan Gobolka Awdal. Waxaan baqdin weyn ka qabnay miinada lidka baabuurka ee waddada la geliyo. Cabsi iguma yareyn. Wuxuu ahaa safar aan aad u dheereyn laakiin welwel badan. Ilaaheey Burco wuxuu na nabad geeyay goor galab-gaab ah. Fiidkii war waxaa naga daba yimid ah in Qoyta oo galabta aan soo marnay lagu gubay baabuur militeri oo in yar naga dambeeyay oo isaguna jihada Burco u soo socday. Waxaan u fahamnay in aan galabta sigannay. Waxaase nooga baqdin badneyd soo laabadka sida aan waddadaas ku mari doonno. Burco Burco waxay ahayd magaalo aad u burbursan. Waddooyinkeeda toos toosan ee dhaadheer ee cidlada ah waxaa la iigu sheegay in ay miino dhex filiqsan tahay. Waxaa kale oo la ii sheegay in hub kale oo aan weli qarxin uu meelaha qaar yaallo ama ku aasan yahay. Sidaa darteed kuma dhex wareegi karin magaalada. Aniga oo aan laamiga ka leexan ayaan waddooyinka dhaadheer aan ka soo qooraansanayay baabuurkeyga dhexdiisa. Meelaha qaar waxaan taagnaa in door ah bal in aan dad uga jeedo xaafadaha dhexdooda. Waxaa jiray meelo aad u kooban oo haddana teel teel ah oo ciidan, hey’ad dowladeed ama makhaayad iyo laba ah oo dhammaantood si teel teel ah ku soo jeeda waddada laamiga ah. Halkaas ayaa ahayd meesha yar ee astaan nololeed aan ku arkay. Inta yare ee magaalada jooga waxay badankood degganaayeen waddada dhanka Caynaba ka timid haddii aad ku joogto oo aad hore u sii dhaafto waddada Shiikh ka timid xaafadda yare ee dhanka midig kaa qabaneysa ee Isgaarsiintii hore ee magaalada iyo hey’ado Dowladeed ay ku yaalleen. Marka aan fursad u helay in aan magaalada gudaha u galo waxay ahayd mar aan raashin ku qeybineynay meel magaalada ka mid ah oo aan sii marnay waddo hore loo sahmiyay in la mari karo. Sawir aanan illoobeyn oo indho xumo ah ayaan galabtaas kala kulmay goobta oo markii gabbalku sii dhacayo aan joojinnay howsha. Saboolnimada aan Rabbaani ahayn ee ay colaaddu dadkaas badday ayaa i damaqday. Xagga dadka magaalada jooga waxaad moodeysay in ay dhaanto Hargeysa. Beryahaas waxaa Radio Muqdisho laga sheegi jiray in dadkii ka qaxay Hargeysa iyo Burco ay billaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii. Ma ogi dadka aad u tirada yaraa ee aan arkay in ay ahaayeen dad ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee daanta kale ee soohdinta Ethiopia ku yaalla. Waxaad ka qiyaas qaadan karnaa dadka aan ku aragnay Burco in ay ahaayeen dad qiyaasteyda ka tiro yar dadka aan kula kulannay Tuulada yar ee Beer. Xogta waddada Odweyne ee aan helnay waxay ahayd in aan gawaaridu mari karin oo ay miineysan tahay. Xaaladda waxaa uga sii daray ciidan ka goostay Burco iyo ciidan laga daba-diray oo daryaanka hubka ay isla dhacayaan oo sii fogaanaya aan maqleynay habeenkii koowaad ee aan Burco nimid. Badiyaa ciidan qabiil isku bahaystay oo doonaya in ay ku biiraan Jabhadda USC ayaa beryahaa dhowr jeer ka goostay ciidanka Xoogga Dalka. Hargeysa guuto dhan oo Taangiya ah ayaa intoodii badnayd ka goosatay. Burco iyo meelo kalena ciidammo ayaa mid mid iyo koox kooxba uga goostay. Beer Subixii xigay waxaan aadnay tuulada Beer oo Burco Bari uga beegan laamigana aan ka fogeyn. Tuuladaas waxaa ku sugnaa dad badan oo qaarkood la yiri waxay ka soo laabteen xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee ku yaallay Ethiopia. Tuuladu dad ahaan aad ayay u cammirnayd. Qaadkeeda dad ka badan ayaa joogay. Qiyaasteyda dadka aan Burco ku aragnay waxaa ka badnaa dadka ku sugnaa Beer. Waxaa kale oo dadka Beer aan ugu tagnay aan ku arkay cabsi la’aan in ay nooga warramaan dagaalka ay tuuladu aragtay. Tuulada ayaa nala dhex marsiiyay oo nala tusay xabbad weyn oo nooc gantaal u eg ah oo aan weli qarxin oo meel bacaad ah dhex taalla. Waxay nooga warrameen oo kale xaaladda aadminnimada ee meesha ka jirta. Burco ayaan markii dambe ku laabannay. Fool-ka-fool Maalintii dambe waxaan billownay safar aan dib ugu laabanayno waddada Shiikh. Waxaan istaagnay Qoyta oo aan Shaah ka cabnay. Waa tuuladii lagu qarxiyay baabuurka ciidanka. Ka dibna raggii meesha fadhiyay markii aan is wareysannay waxaan si xushmad leh uga codsannay in tuulada dadka ku sugan ay isu soo baxaan si aan uga warranno socdaalkeenna. Dad badan ayaa markiiba isu soo baxay meel waddada dhinaceeda ah. Halkaas ayaan ugu warbixinnay hey’adda Laanqeyrta Cas howlha ay ka waddo degaanka. Waxaan u sheegnay in joogitaankeennu uu ku xiran yahay oggolaashada Dowladda ka sokow, in shacabku uu raalli ka yahay howsha aan ka wadno degaankooda. Waxaan u sheegnay haddii ay cabasho ama diidmo jirto in aan diyaar u nahay in ka dhegeysanno. Waxaan ka codsannay in ay na nabad geliyaan, howsheena ay gacan nagu siiyaan inta karaankooda ah. Ballanqaad ayaan helnay. Markii ay dadkii sii kala tegayaan ayaa nin ii yimid oo igu yiri ma kula faqi karaa? Haa ayaan ku iri. Garabka ayuu i qabtay oo dhinac iila baxay. Wuxuu yiri waxa aad ka hadleyso waan garanayaa. Gaarigii ciidanka halkaan lagu gubay ayaad ka hadleysaa. Waxaan kuu sheegayaa, ayuu yiri, in aynaan idinka duullaan idinku ahayn. Waan idin naqaan markii aad galab dhoweyd halkaan mareyseenna waan idin arkaynay. Gaariga la gubayna wax badan idinkama dambeyn. Ragga gaariga gubay waad soo ag marteen waxna idiinmay yeelin. Idinka oo aan baqdin naga qabin howshiinna wata. Hadal cad ayuu igula hadlay. Xataa umaan baahanayn in aan weydiiyo cidda uu metelo. Waan u mahadceliyay, kana dhaqaaqay. Halkaas ayaan safarkeennii ka sii wadannay. Ilaa aan Berbera u hoyannay isla maalintaas. W/Q. Yuusuf Garaad
-
It is becoming political calamity in the Somali national banter to witness once again the disruptive season of politics epitomized in the debate of disrupting impeachment to overthrow the heads of the state, which relentlessly edges the country into a crisis mode. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, March 30 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Friday that it has started the biometric registration of the Darwish militia in Jubbaland state, preceding their integration into the regional State's security forces. Source: Hiiraan Online
-
Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa daaha ka rogay musuqmaasuq ballaaran oo ka jira misaaniyadda Barlamaanka iyo hannaanka shaqaaleysiinta keddib markii dabagal iyo baaritaan lagu sameeyay sida loo maareeyay lacagtii loogu tala galay in lagu socodsiiyo hawlaha Barlamaanka. Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka oo Caasimadda Online ay la wadaageen qaar kamid ah baarayaashii hawshan loo igmaday ayaa warbiixntooda ku yiri “waxaa noo muuqday khaladaad muujinaya inaan la raacin sharciga maamulka iyo maaliyadda ee dalka ee lambarkiisu yahay 317. Inkastoo warbixinta ay muujineyso lacago uu Guddoomiye Jawaari iyo Xogyahihiisa ay ku takrifaleen oo la xiriirtay lacagaha lagu maareeyo hawlaha xafiiska, qarash loogu talagalay daryeel xildhibaannada, lacagaha guddiyada joogtada ah iyo hannaanka shaqaaleysiinta ee Golaha Shacabka ayaa haddana waxa ay kusoo koobeen waxyaabihii ay arkeen dhawkan qodob; 1. Waxaa si khaldan loo isticmaalay lacagaha hawl maalmeedka (Running cost) oo laga bixiyo gunno shaqaale aan ka diiwaangashanayn Guddiga shaqaalaha Rayidka ah sida ay noo caddeysay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda taasoo ka muuqata inaan loo raacin sharciga lambarkiisu yahay 317 ee 17/12/1962 qodobkiisa 6aad oo sheegaya inaan madax xige madax-xige kale lacagtiisa loo isticmaali karin. 2. Lacagaha daryeelka badankoodu wax dukuminti ah oo faahfaahinaya (supporting document) oo lagu qanci karo maleh sida warqadaha caddeynaya in xildhibaanku Baaris Caafimaad soo maray iyo xisaab celinta lacagaha ku baxay caafimaadkiisa. 3. Hay’adaha USAID, MAX PLAN iyo AWEPA wax heshiis ah lama galin Golaha Shacabka, haddana way wada shaqeeyaan, balse waxaa jira heshiis uu Golaha Shacabka la galay UNDP balse aan laga diiwanagelin Xafiiska Hantidhawrka Guud. 4. Waxaan aragnay in qofka Jeega ku qoran iyo qofka saxiixa in ay isku mid yihiin taasoo ka hor imaanaysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka. 5. Gaadiidka Golaha Shacabka oo aan ku diiwaan gashanayn magaca Golaha Shacabka. Warbixinta Hantidhawrka oo ka kooban 10 bog ayaa muujineysa in dhaqaale fara badan oo loogu tala galay Golaha Shacabka ah ay ku baxdo si khaldan waxaana lagu ogaaday in boqollaal kun oo Dollar la lunsaday taniyo 1dii Jannaayo 2016. Xubno ka tirsan guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in kharashaadka guddiyada ee sanadkii 2017 la bixiyay hal bi loo qura, inta kalena ay farqaha ku shubteen Guddoonka Golaha Shacabka. Waxaa jira guryo uu Guddoomiye Jawaari ka iibsaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydahaba kuwaasoo lagu dhisay dhaqaalihii Golaha Shacabka loogu tala galay. Bil walba waxaa si khaldan loo maamuulaa lacagaha daryeelka xildhibaannada oo ah $25,000 (shan iyo labaatan kun), sahayda safar ee xildhibaannada shaqooyinka dibadda u aadaa oo dhan $40, 000 (afartan kun) iyo deeqaha ay hay’adaha ku taageertaan tayeynta shaqaalaha Barlamaanka, waxaana jira 15 baabuur oo aan wali loo diiwaangelin Golaha shacabka balse ay shakhsiyaad ka tirsan Golaha dano gaar ah ku fushadaan. Warbixinta waxaa ku cad in shaqaalaha Golaha Shacabka oo ay tiradooda gaareyso 307 aysan lahayn gal iyo caddeymo muujinaya heerka aqoonta iyo qaabka lagu shaqaaleysiiyay. Shaqaalahaas intooda badan waxay isku jifo yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka, qaarkoodna waxaa laga been sheegay heerka aqoontooda. Daymaha lagu leeyahay Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in ay la egyihiin $730,383 (toddobo boqol iyo soddon kun, saddex boqol iyo sideetan iyo saddex) balse baaritaanka Xafiiska Hantidhawrka ayaa muujinaya in ay aad uga yartahay intaas. Baraayashaa ayaa warbixintooda ku caddeeyay in kharashaadka lagu leeyahay uu dhanyahay $369, 365 ( Saddex boqol lixdan iyo sagaal kun, saddex boqol lixdan iyo shan). Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo Xogyahaha Golaha Shacabka Cabdikariim Buux oo ay Caasimadda telefoonka kula xiriirtay ayey noo suurta geli weysay. Faahfaahinta baaritaanka oo dhameystiran la akhriso lifaaqo hoos
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda uu hoggaamiye Xasan Cali Kheyre. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif ayaa madaxda dalka ugu sareyso ka codsaday inay gacmaha isku qabsadaan sidii dalka loo badbaadin lahaa isla markaasna looga fogaan lahaa Khilaaf kasta oo horseedi karo inaan gacmaheennu ku burburino dowladnimada Soomaaliya. Shiikh Shariif ayaa ku baaqay in maanka laghu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib u dhisidda dowladnimada Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka Shiikh Shariif kasoo baxay “Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka “ayu si raaciyey Sheikh Shariif” Hadalkaan ayaa kusoo aadayo Xilli Berri la filayo inuu Muqdisho ka dhaco kulan weli lagu muransan yahay ajandaha looga hadli doono iyadoo Xildhibaanada qaar ay go’aansadeen in Guddoomiye Jawaari loo qaado codka Kalsoonida halka kuwa kalana ay ku tashanayaa in laga hadlo Xaaladaha kasoo kordhay magaalada Beled Xaawo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo soo saaray war saxaafadeed ayaa Caawa eedeyn dusha kaga tuuray Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye Jawaari ayaa xusay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gabay xilkii ka saarnaa Dastuurka. Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, maadaama ay xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Guddoomiye jawaari oo uu saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cawad.
-
The first Deputy Chairman of the House of the People, Mr. Abdiweli Ibrahim Mudey, last night spoke to the press again about the status of the motion against Speaker Mohamed Osman Jawari. Mudey stated that nothing has changed legally in terms of the process of the no-confidence motion against Speaker Jawari, and said it is expected to be brought before the house on Saturday. Deputy Muudey further said the motion against the Speaker was to be voted within 10 working days from the date the motion was tabled, and therefore the motion is set for 31 March 2018. The statement of Deputy Speaker of Parliament came after MPs supporting Speaker Jawari announced that the deadline of the motion had elapsed thus calling on the Speaker to resume his duties normally. In a Joint statement, Pro-Jawari lawmakers called on the Speaker to resume the work saying he was the legitimate leader of the House as the proposition failed to meet the deadline. Source: Hol
-
Somali Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari has praised Prime Minister, Hassan Ali Kheire for the first time since the political crisis between the Legislative and Executive arms erupted. During a press conference in Mogadishu following a meeting with the House Committee, Jawari said PM Kheire was determined leader who is committed to serving the nation. “The Prime Minister is a good person who knows the job, but these days he is being consulted by those attempting to engineer the downfall of the 8th Parliament,” said Jawari. Jawari denied that he was preparing no-confidence motion against Prime Minister Kheire. “We were not working on a motion against you (PM Kheire), you got scared out for nothing,” the Speaker said. Jawari also called on the government to remove the newly deployed forces from the parliament. When asked about the motion against him, Jawari said the proposition failed as the time set for it, has passed. The speaker’s sentiment comes on the heel of the statement by Pro-Jawari MP to stand with the embattled Speaker. Source: Hol
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo qoraal kooban kusoo daabacay Bogiisa Facebook, ayaa ka hadlay qoraalada ay is dhaafsadeen Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey. Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu sheegay in sharci ahaan Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari uu yahay mid jira, isla markaana uusan burburin, marka dib loo eego sharciga. C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in 18-kii bishan March uu Guddoomiye Jawaari aqbalay Mooshinka inuu xalaal yahay, balse ay nasiib darro tahay in xiligaan uu muran galiyo. Wasiir Xoosh, waxa uu tilmaamay in Jawaari iyo garabkiisa ay marmarsiyo ka dhiganayaan inuu dhamaaday Tobankii cisho ay u qabteen garabka Mooshinka kawaday, hase ahaatee ay ilooben in qodobka 9-aad ee xeer hoosaadka uu dhigayo in 10-ka cisho ay ka bilaabaneyso maalinta la horgeeyo Golaha. Nuqul kamid ah qoraalka Wasiir Xoosh ayaa ahaa “Taariikhda markey ku asteysaneed Maarso 18-keedii wuxuu Jawaari si rasmi ah u aqbalay inuu Mooshinka xalaal yahay, Hadda wuxuu ku doodaa in 10-kii bari ee doodaa mooshinka dhamaatay’’ ‘’Jawaari wuxuu iloobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4-aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golaha, maalintaas oo ah Sabtiga Maarso 31’’ Waxa uu intaa kusii daray Xoosh “Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka. Tan kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee Golahoon la horgeyn bannaanka Golaha loogama doodi karo arrintan” Xoosh waxa uu sheegay in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari laga doonaayo inuu muujiyo dulqaadkii uu ku aqbalay Mooshinka, waxa uuna sheegay in Xalaal uu yahay Mooshinka, marka loo laabto sharciga dalka. ‘’Jawaari yuusan ka weecan sharciga waxaan oran lahaa sharafta aad ku dhex leedahay bulshada yeysan maalin qura kaaga dhicin garwaaqso in Mooshinka kaayaala uu yahay mid xaq ah’’ Haddalka Wasiir Xoosh ayaa kusoo beegmaaya iyadoo shir uu Muqdisho ku qabtay Guddoomiye Jawaari uu ku sheegay inuu ku soo laabtay xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka, Sabtidana uu jiro kulanka Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (PP) ─ Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], ayaa maanta oo Jimco ah sheegay inay billaabeen diiwaan-gelinta ciidammo gaar ah oo qayb ka noqon doona kuwa amniga maamul-goboleedka Jubbaland, si ay qayb uga qaataan sugida amniga guud ee deegaannada maamulkaas. Xiriiriyaha ciidamada booliiska AMISOM ee ka hawlgalka degmada Kismaayo, Martin Abili ayaa sheegay in illaa 5,000 oo malleeshiyaad ah laga diiwaan-gelin doono gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe. “Tallaabadan waa qorshe lagu horumarinayo booliiska maamulka Jubbaland, taasoo qayb ka ah ilaalinta sharciga iyo amniga deegaannada maamulka,” ayuu Abili ku yiri bayaan ay AMISOM kasoo saartay Muqdisho. Sidoo kale, sarkaalkan wuxuu sheegay in qof walba oo ciidamadan ka mid noqonaya lagu diiwaan-geliyo si sharci ah, isla markaana laga qaadi doono sawir iyo sawir dhanka faraha ah. “Qorshahana wuxuu qayb weyn ka yahay dib u habeynta ciidamada amniga Somalia, sidoo kalena wuxuu fursad u yahay qorshaha dib loogu habeynayo hay’adaha ammaanka dalka,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay Martin Abili. Dhanka kale, Taliyaha ciidamada difaaca Jubbaland, Jen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid guul u ah gobolka, isagoo ku daray hadalkiisa. “Waxaan diyaar u nahay inaan ciidamadeenna oo dhan diiwaan-gelinno si ay amniga deegaannadeenna uga shaqeeyaan. Qorshahanna waa mid horumar u horseedaya gabi ahaan Somalia.” Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo AMISOM ay ka billowdo deegaannada Jubbooyinka, inkastoo ay horay mashaariic noocan oo kale ah ay horay uga fulisay deegaanno kala duwan. PUNTLAND POST The post AMISOM oo billowday diiwaan-gelinta ciidamo qayb ka noqon doona booliiska Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, March 29 (Xinhua) — The Somali government has kicked off a series of meeting aimed at developing an inclusive National Action Plan to prevent and counter violent extremism in the Horn of Africa country. A two-day conference to review the existing strategy ended in Mogadishu with calls for the involvement of key sectors, in the development of the new national action plan. “The only way we can combat extremism is to listen to different perspectives, particularly the religious leaders and address this problem from a Somali perspective,” Deputy Prime Minister Mahdi Mohamed Guled said in a statement issued by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday. Guled said countering violent extremism through military means should be the last resort. “There should be an active awareness campaign on ideology and to cut the source of funding and revenue to activities that support violent extremism,” he added. The new plan will factor in the views and needs of all stakeholders, including the Federal Member States, to enable the implementation of a comprehensive strategy that will tackle violent extremism in a more decisive manner. According to the government, religious leaders play a critical role in dialoguing, opinion shaping and controlling violent extremism in Somalia, thus the emphasis on their active participation in the review exercise, expected to culminate in the implementation of a national strategy on Prevention and Counter Violent Extremism (PCVE), as provided for in the country’s Comprehensive Approach to Security (CAS), Strand 4. The Comprehensive Approach to Security, which falls under the National Security Architecture, is part of a security pact agreed to by Somalia’s leaders in 2017 Mane Ahmed, AMISOM’s Gender Officer, said the conference provided an opportunity for the AU mission to support the PCVE Office and other stakeholders, in ensuring that the Plan adopts an inclusive approach, with clear indicators of monitoring local and federal initiatives. Incorporating a gender perspective in this important document will ensure the meaningful participation of women to the PCVE efforts, Ahmed added. Yahye Ali Ibrahim, PCVE Coordinator, reiterated the importance of using religious leaders in efforts to end violent extremism, because of their immense influence on society. “The biggest responsibility lies on the shoulders of the Somali religious leaders and they are instrumental in the fight against extremist ideologies,” Ibrahim added. He said the government plans to roll out an ambitious sensitization campaign, with emphasis on tolerance and dialogue among all Somalis, once the review of the national action plan is complete. “We want the Somali public to know their role; to prevent bloodshed of their fellow citizens, and we will achieve this with an agreed plan of action to deal with scourge as united and well informed communities,” Ahmed added. Source: – Xinhua
-
Robert De Niro’s Tribeca Film Festival will have more than a touch of Minnesota this year. Two projects shot largely in the state will be part of the event that runs from April 18-29 in New York City. “A Time for Ilhan,” by documentary filmmaker Norah Shapiro, chronicles Ilhan Omar’s successful bid to win election to the Minnesota House of Representatives, making her the first Somali-American, Muslim woman to hold state office in the United States. In addition, Rosemount native Naomi Ko will be shopping a pilot for a potential series. “Nice,” which was mostly shot in the Twin Cities, stars Ko as a young Korean-American woman who faces a crisis when she’s diagnosed with cancer. Ko, who appeared in the 2014 indie hit “Dear White People,” is hoping screenings at the festival will attract a streaming service or network that will green-light an entire season. The festival, now in its 17th year, will also feature new documentaries about Gilda Radner and the New York Times, as well as high-profile feature films, including the sci-fi romance “Zoe,” starring Ewan McGregor, last seen showing off his Midwest accent in “Fargo.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu kaga hadlay xaalada ammaan ee kulanka berri ay yeelanayaan xubnaha Golaha Shacabka. Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u kala qeybsan laba ayaa yeelanaya Sabtida kulan, iyada oo Jawaari iyo Muudey ay ku dhawaaqeen Ajendayaal kala duwan, oo kulanka looga hadlayo. Warqada oo la ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa loo kala diray Taliyeyaasha Booliska, Nabad Sugidda, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee Ciidanka Midowga Afrika AMISOM. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wax ciidan iyo hub aan lala soo geli karin agagaarka xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadaba. Warqada oo laba bog ka koobneyd waxaa kaloo lagu sheegay in ciidanka Booliska ay mas’uul ka yihiin ammaanka xarunta iyo agabka yaalla, waxaana berri laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu ka dhaco xarunta Baarlamaanka, marka loo eego sida hada ay wax u socdaan.
-
Gedo Governor Mohamed M. Mohamed from Somalia and Mandera Governor Ali Roba address the press on March 30, 2018. Both governors announced that the construction of a security fence along the border had been suspended to allow for talks. PHOTO FRIDAY MARCH 30 2018 By MANASE OTSIALO More by this Author The much publicised security fence on the Kenya-Somalia border has temporarily stopped to allow further negations between the two states. This was revealed on Friday by Mandera Governor Ali Roba and his Gedo counterpart Mohamed A. Mohamed from Somalia. BORDER WALL While on a meet-the-people tour in the border towns of Mandera and Bulahawa, they said the two countries have agreed to temporarily stop the project that would separate the two towns. According to the two, President Uhuru Kenyatta and Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo will soon meet to agree on a few “thorny issues” before the project proceeds. Mandera Governor Ali Roba and Gedo Governor Mohamed M. Mohamed from Somalia on March 30, 2018. Both governors announced that the construction of a security fence along the border had been suspended to allow for talks. Governor Roba said the decision was reached to quell the rising tension among people who live near the border. “There is a lot of negative propaganda particularly on the Somalia side with respect to border security programme but we are here to confirm that all that is false,” said Mr Roba. He said locals on the Somalia side of the border have been made to believe that the fence would lead to their eviction and the demolition of their houses. TALKS The Mandera governor said consultations have been ongoing for the past two-and-a-half years over the security programme initiated by the Kenyan government. The construction has been slow since its inception in 2015 because the local community has to be involved at every stage. “We are here as neighbouring governors to inform the public that the project has been halted so that a solution for the houses lying directly on the border can be found,” he said. This, he said, was agreed on during a meeting last week attended by North Eastern Regional Coordinator Mohamud Saleh in Mandera Town. “I can confirm the contractor has been asked to demobilise temporarily pending engagement by the two national governments to discuss a solution in an amicable way,” he said. Security officers stand guard at the Kenya-Somalia border on March 30, 2018. PHOTO | MANASE OTSIALO | NATION MEDIA GROUP AGREE Gedo Governor Mohamed said Presidents Kenyatta and Farmajo had already talked on the phone and agreed to meet soon. “Our message here is that the construction stops until the two national governments come together to agree on some issues on the table,” he said. According to Governor Mohamed, issues to be discussed include the reason for the project, its effects on daily activities and the fate of the homes that would be affected. Mr Mohamed wants the Kenyan government to consider the social interaction of the communities along the border before separating them with a wall. “The people living here have a long history of depending on one another and separating them needs negotiations to solve the problem,” he said. Sixty-four homes have been marked for demolition along the border to allow the completion of the project, which is supervised by the Kenya Defence Forces (KDF) engineering department. A section of the completed fencing along the Kenya-Somalia border in Mandera on March 3, 2018. PHOTO | MANASE OTSIALO | NATION MEDIA GROUP SECURITY Kenya announced it would build a security wall to prevent Al-Shabaab militants from getting into the country, following the deadly April 2, 2015 attack at Garissa University College that left 148 people dead. Most of those killed were students. The project was later changed to a wire fencing with a parallel trench. Eight kilometres have been completed. However, the residents on the Somalia side of the border opposed the project and demanded to be compensated for their houses that are in the no man’s land. They have been marked for demolition. They also asked the Kenyan Government to accept those who have Kenyan ID cards to settle in Mandera. Some demands that the Kenyan Government is reluctant to implement include allowing students from Somalia to learn freely in Mandera. Residents on both sides of the border have said the fence would disrupt business, social interactions and movement of livestock
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Mooshimka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa wax rasmi ah kasoo saaray xaaladda Meesha ay mareyso iyo sida laga yeelayo go’aanka ay xildhibaanada qaar ku sheegeen inuu buray Mooshinkii Jawaari laga keenay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Xildhibaanadaas: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Warsaxaafadeed 30 maarso 2018 Anagoo ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada taageeray Mooshinkaas oo wadar ahaan tiradoodu tahay 223 Xildhibaan, Waxaan halkan Shacabka Soomaaliyeed uga cadeynaynaa in Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay uu jebiyay qodobo badan oo ah Dastuurka, Xeer-hoosaadka iyo shuruucda dalka u yaala kuwaas oo kala ah: 1) Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Qodobka afaraad: Saraynta Dastuurka Soomaaliya, Faqradiisa 1-aad. 2) Guddoomiyuha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Dastuurka Qodobka 68-aad Xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Faqradiisa 1-aad. 3) Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Dastuurka Qodobka 65-aad, Faqradiisa 3aad ``Guddoomiyuhu inta uusan qaban xillka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana inuu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo xilkiisa“. Gudoomiyahu maanta waa uu ka baxay dhexdhexaad-nimadii oo koox yar oo Xildhibaano ah ayuu hormuud u noqday. 4) Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay waxa uu jebiyay Dastuurka Qodobka 111D, Guddiga Adeega Baarlamaanka, Qodobkan dastuuriga ah waa qodob aad u muhiim ah wuxuu ka hadlayaa in la dhiso Guddiga adeega Baarlamaanka. Guddigan waxa ay aheyd in la dhiso sanadkii 2012-ka kal fadhigii ugu horeeyey ee Baarlamaankii 9-aad sida ku cad Dastuurka Federaalka, kasoo 6 sanno kadib ilaa hadda uusan dhisneyn. Guddigan Hawshiisu waxay tahay sida Dastuurka Qodobka 111D, Faqradiisa 4-aad ku cad. Guddiga Howlaha baarlamaanku waa inuu mas’uul ka noqdaa: a) Adeegyada iyo fududeynta si loo hubiyo wanaaga iyo hawlgalka fiican ee Baarlamaanka Federaalka. b) Abuuris xafiisayadda taageeraya adeegga Baarlamaanka iyo magacaabidda iyo kor ka maamulka masuuliyiinta xafiisyada; c) Diyaarinta qiyaasta kharashaadyada Baarlamaanka ee sannadkiiba hal mar iyo u gudbintooda Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan iyo xakameynta miisaaniyadda howlaha maaliyadda. d) Inay sameeyaan hawlaha kale ee loo baahdo, kawaasoo lagu daryeelayo xubnaha shaqaalaha ee Baarlamaanka Federaalka kuna cad sharciga Federaalka ah. Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Xeer hoosaadka Golaha Shacabka Qodobkiisa 9-aad, Faqradiisa 4-aad oo dhigeysa “Mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa laga doodayaa loona codeynayaa (10) cisho oo maalin shaqo gudahood, laga bilaabo taariikhda Mooshinka la keenay Golaha“. Sidaas daraadeed Mooshinka sharciga ah ee laga keenay Guddoomiyaha waxaa Golaha la hor keenayaa maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 31 Maarso 2018. Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay waxa uu jebiyay Xeer hoosaadka Qodobka 9-aad, Faqradiisa 5-aad taasoo cadeynaysa Guddoomiyaha laga keenay Mooshinka xil ka qaadida waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada inta ay ka dhamaaneyso arinta la xariirta Mooshiinkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishuu (HOL) - Somali Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari has praised Prime Minister, Hassan Ali Kheire for the first time since the political crisis between the Legislative and Executive arms erupted. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The first Deputy Chairman of the House of the People, Mr. Abdiweli Ibrahim Mudey, last night spoke to the press again about the status of the motion against Speaker Mohamed Osman Jawari. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, March 30 (Xinhua) -- A cholera outbreak in four regions of Somalia has left at least nine people dead with 1,613 cases counted since December 2017, the UN health agency said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
A key witness in the trial involving three Kansas men accused of planning an attack on Somali immigrants testified Thursday that the group was actively recruiting people to help carry out the alleged plot. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow ciidamo farabadan lasoo tubay Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho kuwaa oo wata gaadiidka dagaal nooca loo yaqaan Cabdi-Bilaha. Ciidamadan oo aad u feejigan ayaa xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda. Isgooysyada lasoo tubay ciidamada ayaa waxaa kamid ah Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Geed jaceyl iyo Aadan Cadde, Shaqaalaha, Lamber Afar iyo qeybo kamid ah Degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Ciidamadan lasii geeyay Isgooysyada iyo dhammaan waddooyinka muhiimka ah ayaa Gaadiidka rayidka iyo kuwa aan dowlada laheyn u diidaya isticmaalka waddooyinka. Goobaha xiran waxaa qeyb ka ah wadooyinka jidcadyaasha ah oo qaarkood la dhigay ciidamo, halka qaarna lagu xiray dhagxaan waaweyn oo gaadiidka iyo Mootooyinka aanan u suuragelinayn inay ka soo gudbaan. Sidoo kale, ciidamada ayaa dadka gaadiidka wata u sheegaya in amarka wadooyinka ay ku xireen uu yimid kadib markii ay amar soo siiyeen saraakiishooda. Geesta kale, waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia codka Kalsoonida u qaadan Guddoomiye Jawaari, sida uu cadeeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - The International Committee of the Red Cross (ICRC) on Thursday evening mourned the loss of one of their staff in Mogadishu who was killed. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors