Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,163
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Militeriga Maraykanka ayaa sabtida maanta shaaciyey in xubno ka tirsan mintidiinta Al-shabaab ay ku dileen duqeyn cusub oo diyaaradahooda drone-ka ay ka fuliyeen Soomaaliya. Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta habeenkii jimcaha lagu qaaday degaan ka tirsan Shabeellaha Hoose oo qiyaastii 32km Waqooyi kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Mudisho. Hawlgalkaan ugu dambeeyey ayaa lala kaashaday dowladda Soomaaliya,sida bayaanka lagu xusay. Duqeynta jimcihii xalay,ayaa ahayd tii 23 aad ee militariga Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya tan iyo bilowgii sannadkaan,waxaana duqeymahaasi lagu beegsaday Al-shabaab iyo Daacish,iyadoo maamulka madaxweyne Trump uu sannadkaan ballaarriyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ugu yaraan 81 xubnood oo ka tirsan al-shabaab lagu dilay hawlgal ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. “waxaa labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana loo adeegsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay khasaare xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo”,ayuu yiri Yariisow. PUNTLAND POST The post In ka badan 80 xubnood oo Al-shabaab laga dilay appeared first on Puntland Post.
  2. The self-proclaimed state of Somaliland, which broke away from neighbouring Somalia more than a quarter century ago, will vote for a new president on Monday. The self-proclaimed state of Somaliland will vote for a new president on Monday, hoping to continue a series of democratic transitions of power that sets it apart from its troubled neighbour Somalia. The northern territory, which is more tribally homogenous and stable than the rest of Somalia, broke away in 1991 and has been striving to attain international recognition ever since. Three candidates are running for the state’s top office, seasoned politicians Muse Bihi of the ruling Kulmiye party and opposition candidates Abdirahman Iro and Faysal Ali Warabe, who was defeated in previous elections in 2010. Elections are meant to be held every five years, however the poll was delayed for two years due to drought and other technical issues. Incumbent Ahmed Mohamud Silaanyo is not seeking re-election. Campaigning wrapped up on Friday after weeks of rallies around the region for Somaliland’s third democratic election. The vote is set to be the most sophisticated yet with some 700,000 voters registered using biometric eye scanners which will identify them before they cast their ballots. “The sophisticated equipment which was used to register voters reads the eye of the individual and it’s the first time such equipment is used in elections,” said Yonis Ali Nur, spokesman for the national electoral commission. He said social media will be suspended during the counting of votes amid concerns of interference from outside the borders of the semi-autonomous state and speculation over results. “It is very difficult to control social media and the overall media but we have requested the communication companies to temporarily suspend the social media platforms,” said Nur. The ban will go into effect after polls close at 6:00 pm (1500 GMT). Human Rights Watch bemoaned the move to curb social media in a statement Friday, saying that if Somaliland authorities were concerned about fake news and social unrest they should “disseminate accurate information and discourage violence”. Somaliland writer and activist Barkhad Dahir, said the election was crucial to proving the state’s democratic credentials. “It is not only the election itself and the leader but the process and the fairness, the international community is looking at us and if we are smart enough, we will vote smoothly to show we are a democracy,” he told AFP. Somaliland, a former British protectorate, won independence in 1960 but days later joined with Somalia. In 1991, after years of bitter war with the government in Mogadishu, it declared independence from the rest of the country. While anarchic southern Somalia has been riven by years of fighting between multiple militia forces and Islamist violence, Somaliland has enjoyed relative peace. The one-person-one-vote democratic election process in Somaliland stands in stark contrast to that in Somalia, which elected a president earlier this year in a limited electoral process that saw handpicked clan elders choosing delegates who were allowed to vote. AFP
  3. HARGEISA–Justice & Welfare party (UCID) chairman, Hon. Faisal Ali Warabe has escaped an assassination attempt last night. Hon. Faisal was attending a function that his justice and welfare party held at Admas Inn hotel in Hargeisa. As reports confirm that an identified assailant got in the hall through the window where the function was taking place and he was subdued by attendees and security forces. The assailant was determined to assassinate the chairman and told that he was sent from Mogadishu, the capital of war torn Somalia. He admitted that he was sent from Somalia along with woman to assassinate SL opposition leader.The man has further confessed that their mission was to take the life of Somaliland’s UCID chairman. Police launched an immediate investigation on the incident. Somaliland is prone to terrorist attacks once the country is holding its third democratic presidential elections on 13th Nov. 2017. The country tightened its security so as the polls will be held in a peaceful manner where voters will cast peacefully to elect their leader.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka. Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoos iyo Jubbooyinka ayna jiraan Khasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi. “Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Mudane Yariisow ayaa ayaa sidoo kale sheegay in Weerarradaasi ciidammada geesiyaasha ah ay qaadeen in lagu burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey. Howlgalladan waxaa si taxadar leh u fuliyey ciidammada Soomaaliya oo si nabad ah ugu soo laabtay xarumihii ay ka tageen. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ayaa markale uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida, isagoo ku ooriyay inay sii labo jibaaraan.
  5. The National Electoral Commission ordered telecommunication companies to block social media from 13 November 2017 until election results are declared. Somaliland will hold a presidential election on Monday, 13 November. Facebook, Twitter, WhatsApp and other social media sites will be blocked. The Commission said the shutdown is necessary to avoid rumours and spread of fake news. Twenty-one days of campaigning ended yesterday. The voters will go to the polling stations on Monday. Human Rights Centre today submitted a petition to the Supreme Court to challenge the decision banning social media. “There is no legal basis for the Commission to shut down the social media. We are very concerned by this new development which will set a bad precedent,” says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre. “In a democratic country, you do not shut down social media on an election day. It is neither reasonable nor legal. This will limit freedom of expression, freedom of media and access to information. We call on the National Electoral Commission to withdraw its order and let the people exercise their fundamental freedom of expression,” he adds. “We see the decision of the Commission unconstitutional and ultra vires,” he adds. Legally, the Supreme Court has the power to decide the constitutionality of the decision.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal-haynta ugu weyn laga soo bilaabo Xarunta QM, AU-da iyo Taliska AMISOM waxay tahay Qorshaha lagu daad-gureynayo Ciiddanka AMISOM ee Somalia joogta 10-kii sanno ee la soo dhaafay. Daad-gureyntaasi ayaan lagu fasiri Karin Taatiko Milliteri oo lagu digo roganayo, maadaama Hawlgalkaasi noqday mid aan wada fulinin Istaratijiyadii loo dhidbay, laguna bixiyey Miisaaniyad Dhaqaale oo fooqul-caqli ah. Madaxa AU-da ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Madiero ayaana isbuucii hore ka shanqariyey in Ka-bixitaanka Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqadda bisha soo socota ee December. Ilaa 22,000 Askari ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, iyadoo Ciiddanka ugu badan ka socdaan dalka Uganda, waxaana ku soo xiga Jabuuti, Ethiopia, Kenya iyo Burundi, kuwaasi oo dagaal aan dhamaad lahayn kula jira Xarakadda Alshabaab. Haatan oo Hawlgalka AMISOM la sheegay inay dhimi doonaan Ciiddankooda ayaa waxaa isweydiin mudan Cidda lagu beddeli doono ? Marka laga Aragti qaato Hawlgalkii Milliteriga Maraykanka :The Unified Task Force (UNITAF) waxa uu ahaa Hawlgal loogu talagalay Rajo Soo-celinta Somalia, kaasi oo lagu taageerayey dadkii Soomaalida ee macluusha iyo dagaalladu wehelka u noqday. Ciiddanka UNITEF waxay Hawlgalkooda bilaabeen bishii December 9-dii ee sannadkii 1992-kii, waxaana Ciiddanka Maraykanka hoggaaminayey laga saaray Somalia, gaar ahaan magaalladda Muqdisho, bishii March 4-dii ee sannadkii 1993-dii, kadib, markii ay culays dagaal kala kulmeen Maleeshiyaddii Marxuum Jeneral Caydiid. Dagaalkaasi waxa uu galaaftay Kumanaan qof oo Soomaali ah iyo tiro ka mid ah Ciiddankii Maraykanka iyo kuwa dalalkii ku wehlinayey Hawlgalkaasi. Xusuusta Hawlgalkii UNITAF ee taageerayey Hawlgalkii UNSOM LABO ayaa lagu xusuustaa Iska horimaadkii UNITAF iyo Maleeshiyadda Marxuum Jeneral Caydiid ku dhex maray Xaafado ka tirsan Muqdisho iyo Diyaaradihii Black Hawk ee la soo riday, laguna dilay 18-Askar Maraykan ah.. Hawlgalkii UNITAF waxaa lagu beddelay Hawlgalkii QM ee UNSOM labada bishii March 1993-kii, waxaana Hawlgalkaasi la soo gebagebeeyey bishii March ee sannadkii 1995-kii. Haddaba,marka laga tusaala qaato Xilligii Kala Guurka ee Hawlgalladii UNITAF iyo UNSOM LABO waxaa la dareemi karaa inay AMISOM ku socoto Toobiyahaasi, isla markaana lagama maarmaan noqotay in la dejiyo Qorshaha Xilliyeysan ee Daad-gureyntooda, taasi oo laga dhawaajiyey inay bilaaban doonto dabayaaqadda bisha soo socota ee December ee sannadkan. Khubarada Milliteriga Caalamiga ayaa rumeysan in Hawlgalka AMISOM ku fashilmay Maalgelintii loo qoondeeyey si ay Alshabaab uga guuleystaan, balse ay ku hungoobeen Hawlgalkaasi 10-sanno kadib. Inkastoo aan Oraah Diplomaasiyadeed lagu shaacinin inuu Hawlgalkaii AMISOM fashilmay, haddana waxaa iska cad inay Beesha Caalamka ku tag-beeleen Hawlgalka AMISOM ee aan dhamaadka lahayn. Sidoo kale, Dowladaha ay Ciiddanka AMISOM ka socdaan ayaa bilaabay Shax kale, waxayna Dowladaha Uganda iyo Jabuuti sheegeen inay soo diri doonaan Kumanaan Askar ka madax-bannaan QM iyo AMISOM. Ciiddankaasi ayaan la ogeyn Istaraatijiyadda iyo Fasaxa Hawleed ee ay ku hawl-geli doonaan, waayo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa 2373, waxa uu dhigayey dhimista Ciiddanka AMISOM, balse laguma qeexin in lagu bedelo Ciiddamo kale oo ka madax bannaan AMISOM. Khubarada ayaa rumeysan inuu jiri karo Qorshe ay Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Afrika ee AFRICOM iyo Dalalka Geeska Afrika kula wareegi karaa Hawlgal kale marka AMISOM laga wada daad-gureeeyo Somalia. Si kastaba ha ahaatee,Hawlgalkaasi Cusub ee La-dagaalanka Alshabaab.ayaan la saadaalin karin maxsuulka ka soo bixi doona. Xigasho: DALSAN Caasimada Online Xafiiska Beydhabo Caasimada@live.com
  7. Waxaan daawaday muuqaal uu soo duubay hogaamiye diimeedka dagaalama Shiikh Xasan Daahir Aweys kaas oo hadda xabsi guri ku ah Muqdisho, qodobadda muuqaalkiisa qofba si ayuu u fasiray laakiin anigu waxaan kusoo koobay 7-daan waxyaabood wixii laga baran karay hadalkii Ina Daahir Aweys. 1-Baaq iyo digniin ka socday Farmaajo Xasan wuxuu ku cel celiyay inuu u duceynaayo Farmaajo iyo shacabka, wuxuu si aan gambasho laheyn u sheegay in loo baahan yahay inuu hogaankiisa ka dhigo mid Islaami ah, wuxuu qiray inuusan dagaalku dhamaan doonin ilaa laga helo Dowladd Islaami ah ayna dalka u dambeyn doonaan kuwa dagaalka wado ee raadinaaya Xukunka Islaamiga ah. Wuxuu ku yiri “labadda nin ee ka adkaatay bal dib u eeg waa ilmo Shiikh waa Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed, laakiin markii ay xukunka qabteen ayey diintii ka cabsadeen iney wax ku maamulaan kadibna Alle ayaa garabkooda ka baxay, adna is jir yuusan Alle ka garabkaaga ka bixin. 2-Waqtiga uu hadlay Xasan Daahir Hadalka Xasan Daahir wuxuu soo baxay iyadoo beeshiisa lagu eedeynaayo iney isku hor goysay inuu shaqeeyo taliska madaxweyne Farmaajo, wuxuu duray dadka Farmaajo ku hareereysan oo laga yaabo inuu ula jeedo Ra”iisul wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa, wuxuu yiri” dadkii wanaagsanaa ee wax kuu qaban karay banaanka ayey joogaan ee doono, kuwa hadda kula jooga adiga umbey wax ka rabaan ee waxba kuma tari karaan” qodobkaan wuxuu u muuqday inuu Xasan codkiisa ku biiranayo dadka qaba in isbadal lagu sameeyo xukuumada jirta. 3-Inuu Somaliland sii fogeynaayo Xasan wuxuu amaanay qaabka uu Farmaajo uga hadlay arinta Somaliland ,laakiin wuxuu kaloo muujiyay in Somaliland aad loo dulmiyay, wuxuu hadalkiisu u muuqday mid dhahaya hala dhageysto Somaliland oo sidey rabto haloo sameeyo madaama qalad laga galay, hadii sidaas loo qaato waxa ay Somaliland rabto waxaa ugu weyn waa iney noqoto dal madaxbanaan. 4-Mowqifkiisa oo aan is badalin Mr Aweys wuxuu sheegay inuusan u xirneen dambi gaar ah balse uu u xiran yahay qadiyadiisa ah in dalka lagu maamulo sharciga Islaamka, wuxuu sheegay inuu 1968dii bilaabay inuu raadiyo in dalka diinta Islaamka lagu xakumo wuxuuna yiri “Waxaan is bar bar dhigay inaan xor ahaado oo aan mowqifkeygii ka tanaasulo iyo inaan xirnaado oo go’aankeyga ku taagnaado, waxaan qaatay inaan mowqifkeyga ku taagnaado oo ah raadinta Dowlad Islaami ah. 5-Dagaalka Al Shabaab oo uu xalaal ka dhigay Xasan Daahir wuxuu sheegay in isaga, Al Shabaab, Ahlu Sunnada goboladda dhexe iyo dhamaan culumadda Soomaaliyeed ay isku mowqif ka yihiin raadinta Dowladd Islaami ah oo ka dhalata Somalia, wuxuu madaxweyne Farmaajo ku qilaafay hadalkii ahaa “Al Shabaab Dowladd ma rabaan lamana yaqaano waxa ay u dagalamayaan” Ina Aweys wuxuu sheegay in Al Shabaab ay rabaan Dowladd laakiin ay rabaan Dowladd islaami ah, wuxuu fududeeyay dagaalkooda isagoo sheegay in hadii mar hub la qaato uu qalad dhici karo laakiin dagaalkoodu uu yahay iney xukunka la wareegaan, wuxuu ku baaqay in lala hadlo oo sida ay rabaan laga dhageysto madaama uu qabo inuu dagaalkoodu hadaf lee yahay. 6-Ciidanka Dowladda oo uu maskaxda ka badalay Xasan wuxuu diray fariin toos ugu dhaceysa ciidanka Dowladda Somalia taas oo aheyd iney hubiyaan waxa ay u dagalamayaan, wuxuu sheegay inaan aaqiro waxba looga heli doonin dhul loo dagaalamo, wuxuu tusaale usoo qaatay hadal dhex maray 1977dii isaga iyo Jen.Maxamed Cali Samatar oo ahaa taliyihii xooga dalka, Xasan wuxuu yiri Cali Samatar waxaan ku iri “Ilaahey qoomiyadaha kalama jecla, ma jiro ilaahey xabashi neceb oo Soomaali jecel, qofka naftiisa iyo maalkiisa waxa uga muhiimsan maleh, maxaa abaal gud ah oo aaqiro u jira qofkii dhul u dhinta, Ilaahey wuxuu abaal marin u balan qaaday kuwa dhinta iyagoo ilaahey dartii u dagaalamaya” Hadalkaas wuxuu Xasan sheegay iney ciidankii ku raaceen lagana horyimid qorshihii uu watay Cali Samatar. Qodobkaan wuxuu kusoo aaday xili ciidamadda Dowladda Somalia loo diyaariyay iney dagaalo qaadaan balse tani waxey shaki galin kartaa mowduuca dagaalkooda, ma aqaano ujeedada uu Mr Aweys kala ahaa arintaan. 7-Farmaajo iyo Xasan Dahir oo isku dhowaa 2011kii. Xasan wuxuu yiri wax badan kaama aqaano Farmaajoow laakiin mar ayaan teleefoonka ka wada hadalnay 2011kii markii aad xilka ka dagtay, xiligaas Xasan wuxuu ahaa wadaad dagaalama oo duurka ku jiro, tuhun ayaa meeshaas ka dhalan kara, waxaa u baahan in la ogaado waxa ay wadaagi kareen labadda nin madaama uu Farmaajo xilka ka tagay Xasana uu dagaal kula jiray Dowladdii xiligaas jirtay. Gunaanad Qudbadda Xasan Daahir oo 40 daqiiqo soconeysay ayaa soo baxday xili dalku uu ku jiro xaalad xasaasi ah waxaana laga yaabaa in laga mudnaa in hogaamiye nuucaan ah loo ogolaado inuu hadlo waqtigaan oo kale waxaa kaloo macquul noqon kartay in hadalkiisa tafaftir Dowladeed lasoo marsiiyo madaama uu Dowladda maxbuus u yahay. Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  8. Benaadir Blood Service iyo Maamulka gobolka Benaadir ayaa Maanta daahfuray qorsho lagu abuurayo adeega Dhiigga ee Gobolka si bukaanada lagu daawenayo isbitaalka loogu helo xilli walba dhiig. Howlaha adeega Dhiigga ee Gobolka banaadir ayaa ujeedku yahay sidii loo heli lahaa adeeg Dhiig bixinta hadii ay timaado baaahi, waxaa howlahaa wada dhalinyaro ka baratay culuumta caafimadka jaamacaddaha dalka ayagoo gaashanaya maamulka Gobolka Banaadir. Dhalinyarada bilaabay howlgalka dadka lagu ogaanayo nooca uu yahay dhiigooda ayaa ka bilawday Magaalada Muqdisho, waxaana sahlanaanaysa qofkasta in la ogaado dhiigiisa markii ay timaado baahi waxaana loogu diiwaan gelinayaaa lambaradooda si markaasi loola xiriiro. Gudoomiyaha adeega dhiiga ee Banaadir Ahmed Abdulkadir Mohamed ayaa sheegay waqtiga la aas aasay ururka Banaadir Blood Service horaantii sanadkan. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu yeelan doona Gobolka Benaadir xarun degma walba isbitaal walba keyd adeeg dhiig ah. Agaasimaha caafimada ee Gobolka Banaadr Dr. Abdullahi Hassan Mohamed ayaa daahfuray howlaha adeega dhiiga ee banadir Blood Service, wuxuu sheegay in uu Bankigii dhiiga uu Meesha ka baxday waqtigii dowladii dhexe la waaayay, kadib waxaa la sameeyay isku dayo badan in dib loo soo nooleya bankiga dhiiga wayna suurta geli weyday, wuxuu aad usoo dhaweeyay dhalinyarada baratay culuumta caafimadka oo ay sameeyeen adeega dhiiga ee Gobolka Benaadir wuxuuna sheegay in uu garab buuxda siin doonaan mamulka gobolka benadir.
  9. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa si rasmi ah u shaacisay in qoxooti Somaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 108,498 ay dib ugu laabteen dalkooda tan iyo markii uu billowday qorshaha dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed, bishii December ee sanadkii 2014-kii. Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in 73,943 qoxooti ah ay ka laabteen Kenya, haka 33,921 ay ka laabten Yemen, halka 626 qoxooti ah oo kalena ay kasoo laabteen dhawr waddan oo kale. Dalka Jabuuti ayay hay’addu sheegtay inay kasoo laabteen 589, 34 kalena ay kasoo laabteeen Eretria, laba ay ka yimaadeen dalka Tuuniisiya iyo qof ka yimid dalka Bakistaan. “Xaalado isugu jira kuwo amni iyo kuwo bani’aadamnimo ayaa dib u dhacyo ku keenay dhawr jeer dib u soo laabashada qoxootiga ka imaanaya dalal ku yaalla gobolka iyo caalamka intiisa kale,” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR. Soomaaliya ayaa waxaa ka cararay ku dhawaad laba milyan oo ruux oo ay lasoo darseen dhibaatooyin isugu jira kuwo bani’aadamnimo iyo dagaalladii ka socday dalka muddo ku dhaw soddon sano. Dhanka kale, 1.1 million oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka, kuwaasoo ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha soo laalaabtay iyo colaadda soo jiray sannadaha badan. Warbixinta ayaa lagu xusay in bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar oo keliya ay 1,104 qof oo qoxooti ah ay ku laabteen Somalia, kuwaasoo 775 ka mid ah ay kasoo laabteen Yemen, halka 329 kalena ay kasoo laabteen dalka Kenya. Iyadoo hay’addu ay sheegtay inay maal-gelin u sameysay qoysas ka mid ah qoxootiga iskood dib ugu soo laabtay dalkooda Somalia. Ugu dambeyn, Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay sii wadayso caawinta ay siiso qoxootiga ogolaaday in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, taasoo qayb ka ah xaqiijinta dib u soo laabashada qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka dariska ah iyo kuwo kale ee caalamka. PUNTLAND POST The post UNHCR oo Shaacisay Tirada Qoxootiga sida Iskood ah ugu soo laabtay Dalkooda Somalia appeared first on Puntland Post.
  10. Nairobi (Caasimadda Online) –Ururka Al-Shabaab ayaa u muuqdo inuu awood dheeri ah kusii yeelanayo gudaha dalka Kenya, kadib weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka mid ah dalkaas. Haddaba Wasaaradda amniga gudaha Dalka Kenya ayaa soo bandhigtay Magacyada labo Nin oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Xarakada AL-shabaab islamarkaana ay dowladda dooneyso in lasoo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan nolol iyo geeri. Axmed Siciid Cumar iyo Cali Zira ayaa lagu kala sheegay Magacyada labaas dhin, kuwaas oo ay dowladda Kenya ku sheegtay in ay dambiilayaalyihiin islamarkaana dowladdu ku daba jirto. Laba Malyan oo Lacagta Kenya ah ayaa loo ballan qaaday in la siin doono cid kasta oo keento macluumaad iyo xog ku saabsan labadaan Shaqsi ee sida weyn loo raadnayo. Wasaaradda amniga gudaha Kenya ayaa sawirrada iyo magacyada Raggan raacisay Taleefannada laga heli karo laamaha amniga,waxaana ay shacabka Kenya ka codsatay in ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha ku dabajira Raggan. Barta Twitterka ee Wasaaradda Amniga Kenya ayaa dadka Kenyaanka ah qaarkood ku dhaleeceynayeen dowladda in aysan wax ka qaban dhibaatadad Qabiilka Lua ku heysata dhinaca Uganda iyada oo dowladda ku dhaliilay in aysan arrintaas wax ka qaban. Sidoo kale dadka qaar ayaa dowladda ku dhaliilayay in Saraakiisha Wasaaradda amniga gudaha qaarkood ay yihiin dambiilayaal mas’uul ka ah dhimashada 100 Qof oo doorashadii lagu muransanaa ee bishoo la soo dhaafay ka dhacday Kenya la dilay. Dadka qaar ayaaba Bogga wasaaradda ku qorayay in xitaa haddii Raggan ay raadinayaan ay ku jiraan sariirtooda hoosteeda aysan la wadaageyn,maaddaama kuwa la raadinayo iyo kuwa raadinaya aysan waxba is dhaamin sida ay ku doodayaan. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso waqti ay dowladda Kenya cadaadis badan kala kulmeyso weerarada ay Al-Shabaab ka geesanayaan gudaha dalkaas. Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalamo dagaalyahano badan oo kasoo jeedo dalka Kenya, waxaana dhawr jeer shaashadaha laga daawaday Mintidiin ka tirsan Shabaab oo Kenyaan ah kuwaas oo farrin adag u dirayo dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Beydhabo Caasimada@live.com
  11. Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Dhudhub Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Dhudhub. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Degmada Dhudhub U Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen. appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdishp (Caasimadda Online) – Warbixinno xusub oo ay baahisay laanta dambi barista Mareykanka ee C.I.A ayaa lagu sheegay in hogaaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usmaama Bin Ladin uu jiheeyay AL-shabaab ka hor inta uusan ku dhiman Magaalada Abbottabad ee Dalka Pakistan. Xog la xiriirta weerarradii Al-Qaacidda ka geysatay Nairobi ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwii ugu qorshaha weynaa Caalamka oo dhan ee ay fulisay Al-Qaacidda,waxaana Warbixintan dambe ay ka xog badneynd Warbixintii hore ee ka koobneyd 470,oo Gal ama faayl. Warbixinta dambe ayaa lagu sheegay weerarrada iyo dadka ay dilaan al-shabaab in ay la wadaagi jireen Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda waxaana lagu ogaaday Dukumiintiyadii laga helay Gurigiisa oo ay ka mid ahaayeen warbixinnada iyo muuqaallada howlgallada Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya. Weerarradii 7dii August ee 1998-dii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa waxaa ku dhintay 213 Qof,waxaana weerarkaas qorshihiisa lahaa hoggaamiyihii hore ee AL-Qaacidda Usama Bin Ladin,sida ay sheegtay C.I.A-da Mareykanka. Sidoo kale weerarradii Darsalaam Tanzania ayaa iyana laga helay dukumiintiyada laga soo qaaday Gurigii uu Usama ka degganaa Pakistaan,waxaana ay muujineysaa in dhamaan howlgallada Al-Qaacidda ee Caalamka uu agaasime ka ahaa Usama. Dukumiintiyada la shaaciyay waxaa ka mid ah mid la xiriirta wiilashada Usama oo uu ugu horreeyo Xamza Bin laden oo hadda qaan gaar ah,lana filayo in uu beddelo Aabbahii,waxaa ka mid ah dukumiintiyada laga soo qaaday Guriga Usama xafladda Arooska Xamsa Bin laden iyo wiilka ka yar oo hadda ka mid ah saraakiisha sar sare ee AL-Qaacidda. Muuqaal loo maleynayo in la qabtay 2008ddii ayaa lagu arkayaaa Wiilka Bin laden,Xamza oo aqrinaya gabay dhiirro gelin ah,kaas oo aabbihii ku dhiirro gelinaya in uu ahaado hoggaamiyaha shabakadda Al-qaacidda,Ciidamo bandanna ilaalinayaan,waxaa kale oo si maldahan loo arkayaa Usama oo tababaraya ilmo yar yar una dhiibay Qori Boombale ah oo tooganaya walax ku jira biyaha dhexdooda. Dukumiintiyada ayaa waxaa ka mid ahaa naceybka uu Mareykanka u hayay Usama iyo xogta weerarkii 2001dii ee ay ku dhinteen kumanaanka Qof ee ka dhacay Mareykanka.
  13. Hogaamiyihii hore ee kooxda Xisbul- Islaam Sh Xasan Daahir Aweeys ayaa soo diray fariin maqal ah oo uu kaga hadlayo xaaladaha dalka ka jira. Xasan Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka faaiideeysto taageerada uu heeysto oo ah bulshada Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in aanu dayicin taageerada Bulshada Soomaaliyeed sidii ku dhacday Cabdi qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalka Al-Shabaab isaga oo ugu baaqay in uu wada hadal lagalo Al-Shabaab. Dowlada Soomaaliya ayaa hadda wada dhaq dhaqaaqyo ay dagaal kugu qaadeeyso Al-Shabaab. Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha Pp Muqdisho. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Xasan-Daahir-Muqdisho.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xasan Daahir Aweeys oo Baaq u diray Madaxweyne Farmaajo kana hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  14. Beydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin Seddex asbuuc kabadan qaatay oo laga diyaariyay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mooshinka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa saxiixay tirro kabadan Boqol Xildhibaan oo dhammaantooda ka mideysan riditaanka Hogaamiye Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo musuq-maasuqa oo sida sharciga uga dhaqan galay xarumaha maamulka. Seddex shir oo saacadihii ugu danbeeyay magaalada Baydhabo ku dhexmaray Xildhibaanada Mooshinka wada iyo Xubno uu wakiishay Hogaamiyaha maamulka ayaa kusoo dhamaaday fashil, kadib markii leysku fahmi waayay wadada loo maraayo xal u helida Mooshinka. Xildhibaanada baarlamaanka maamulka ayaa Seddexda shir ee fashilmay ku adkeystay inay dhaqan galinayaan Mooshinka, waxa ayna ku qeyla dhaaminayeen in Shariif Xasan uu mari doono, halkii uu maray Hogaamiyihii hore ee maamulka HirShabelle Cosoble. Warar kaa kaduwan ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu isna wado kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayo Siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur galbeed, waxa uuna qorshuhu yahay in xal loo raadiyo Mooshinka ka hor inta aan loo fadhiisan. Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo kamid ah xildhibaanada kulanka yeesha ayaa wuxuu sheegay in ay ka tashan doonaan sidii Mooshinka loogu gudbin lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna iska fogeeyay in ay wadaan fara gelin. Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay 8-dii bishan ka hadlay Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada waxa uuna sheegay cidii rabta hogaanka Maamulka iney qabato in looga baahan yahay iney sugato waqtiga doorashada balse hada aysan wanaagsaneyn in mooshin iyo shirar Maamulka lagu duminayo la abaabulo. Caasimada Online Xafiiska Beydhabo Caasimada@live.com
  15. Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay. Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab oo ku hadlaysay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ka qeyb galka xafladda lagu daah furayo ololaha Nabadgelyada degmooyinka Gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen. “Dhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir. Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay. Guddoomiyaha ayaa xusay in gabar lix jir ah oo ku nool Puntland ay soo dhiibtay buskut oo ay ka soo iibisay lacag ay siisay hooyadeed, isagoo intaa ku daray inay jireen carruur kale toban jir ahaa kuwaasi oo gacan ka geystay gurmadka musiibadiii qaraxii 14-ka October. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga. “Dalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faa’iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo la’aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashato” ayuu yiri Wasiir Beyle. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadkii waxyeelada ka soo gaartay. Marwo Khadiijo ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto maalinta berito ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal, “Dalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladooda” ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha. “Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka. PUNTLAND POST The post Farmaajo:-“Dhalinyaradda Waa in ay Qalinka Dhigaan oo Dagaalka Shabaab Ka Qeyb Qaataan”, appeared first on Puntland Post.
  16. Dowlada Jabuuti ee ciidamadoodu ay qeybta ka yihiin ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ciidan dheeri ah ay u soo dirayaan soomaaliya. Sakariye Shiikh Ibraahim oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee lagu diyaarinayo ciidamo dhawaan uu dalkaasi ka codsaday in ay soomaaliya u soo diraan madax weyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Taliye Sakariye ayaa tilmaamay in ciidanka ay Jabuuti soo direyso u dhawaan tababar u soo idlaaday looguna talagalay in ay si gaara uga howlgalaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka galmudug gaar ahaan xarunta ku meel-gaarka ah ee uu hada ku shaqeeyo maamulka galmudug ee Cadaado. Ciidankaan ayaa la filayaa in ay dhawaan soo dirto dowlada jabuuti wexeyna qeyb ka noqon doonaan tirada ciidanka hiil-walaal ee hada ka howlgala bartamaha soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan. Dhawaan ayeey eheyd markii uu madax weynaha soomaaliya safar ku tagay wadamo dhowr ah oo uu kujiro dalka Jabuuti kuwaasi oo uu ka dalbaday in dowladiisa ay ka taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay iclaamisay. PUNTLAND POST The post Dowlada Djabouti oo Ciidamo u soo direeyso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah loo dhigay ciidamo Mareykan ah iyo Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya. Xoogag katirsan Xarakatu Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada huwanta ah oo kasoo amba baxay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan. Xiriiro aan la sameen ay dadka deegaanka ayaa u sheegay inuu weerarkan ahaa mid culus hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayna maqlayeen Jug culus oo ay u maleynayaan iney tahay Qaraxyo dhulka lagu aasay. Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay weerrar ku qaadeen Ciidamo Soomaali iyo kuwo Mareykan ah oo marayay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina ay ku gubeen gaadiid dagaal uuna jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada weerarka Daba galka ah la kulmay. Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa maal mahan ka waday inta u dhaxeysa Gobalada Shabeelada hoose iyo Gobalka shabeelada dhaxe Howlgal ka dhan Xarakada Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Faah Faahin: Al-Shabaab oo weeraray Ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Two Somali youths have been selected as winners of the #Blog4Dev competition launched earlier this year by the World Bank. Along with two runner-ups and over 100 submissions, the blog contestants addressed job creation for youth in Somalia. Abdishakur Ahmed and Awil Osman, the two winners of the competition, will travel to Washington D.C. to participate in the Spring Meetings of the World Bank and the International Monetary Fund in April 2018, along with other #Blog4Dev winners from across Africa. Abdishakur wrote about clean energy as a strong means for job creation, whereas Awil emphasized digital innovation and access to information. “Blog4Dev is a great opportunity to present homegrown solutions that affect my peers and I on a daily basis,” said Awil Osman, the co-founder of iRise, the only digital hub in Somalia. “The path for digital economic growth lies in collaboration, and I am grateful to the World Bank for providing that platform”. “Youth employment needs to be addressed holistically,” said Abdishakur Ahmed, founder of SomLite, a renewable energy company in Somaliland. “We should be able to tackle both youth unemployment and climate change reduce rural poverty, increase productivity and curb unsafe migration”. Many submissions placed great emphasis on clean energy, IT, innovation, education and improvements in the supply-chain as methods of boosting youth employment in Somalia. “There were hundreds of strong submissions from men and women across Somalia,” said Hugh Riddell, World Bank Country Representative for Somalia. “The competition is a testament to the drive and vast potential Somali youth have. The World Bank is happy to provide a platform to inspire more youth to get involved in job creation and economic growth.” The blog contest, which ran from June 15 to July 31, 2017, targeted Somalis aged between 18 and 28 years who live in the country. Participants were required to send 500-word original essays in either Somali or English on how to boost opportunities for youth in the country. The two runner-ups will receive a smartphone and an internet dongle. They are Mowliid Ahmed Hassan, a financial journalist, and Mohamed Maqadin, an educator. All four participants will have their winning blogs published and promoted on World Bank Group online platforms. Source: – World Bank
  19. Self-declared independent state of Somaliland has announced its decision to shut down social media networks on election day November 13, until the results are released. The National Electoral Commission (NEC) said on Friday that the move is to avoid the spread of fake news in the country. NEC declared Social media will be shutting down on the voting day, until the result comes out for fake news avoiding #somaliland. News link https://t.co/JtQJeAd0iR pic.twitter.com/o41CMADFDc — SLNEC (@NEC2017) 10 November 2017 The decision will also affect the flow of information to observers outside the country of the election touted to be the first incident-free polls to be held in the Horn of Africa. Somaliland’s decision follows those of Uganda, Congo, Chad, Gabon, Niger, and Gambia where internet connection was blocked during their elections last year. The blockade did not reduce controversies during those elections. Countries such as Ghana, Zambia, and recently Rwanda, Angola, Kenya and Liberia kept their internet active and were not threatened by fake news. Three candidates are vying to replace the Somaliland’s fourth president Ahmed Mohamed Silanyo who withdrew from running for a second seven-year term. The country will be the first in Africa to use the iris-recognition biometric voter registration system. Out of the about 4 million Somaliland population, 704, 089 registered voters are expected to elect the new president. There are 1,642 polling stations in the 21 constituencies across the six regions of the country. A team of 60 international election observers from 24 countries have been deployed to the country by the international election observation mission (EOM) funded by the British government. Somaliland has held successful presidential elections in 2003 and 2010 including a parliamentary election in 2005. They declared unilateral independence from Somalia on May 18, 1991. It has been under pressure to hold talks with Somalia which have so far been futile. Described as the most peaceful state in the Horn of Africa region, Somaliland can boast of an army, its own currency and legal system. The territory has been experiencing stability and economic prosperity. It has been influential in the fight against piracy and terrorism in the Horn of Africa. 26 years of diplomatic isolation has made it difficult for Somaliland to have access to loans from the World Bank and the International Monetary Fund. It is regarded as the autonomous region of Somalia and not a sovereign state. Source: AfricanNews
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalmahaani ay soo ifbaxayeen shaqsiyaad ku caanbaxay ka hor imaanshiyaha Siyaasada dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaanu jirin saameyn ay shaqsiyaadkaasi mucaaradka ah ku yeelan doonin Siyaasada iyo horumarada ay sameyneyso dowladiisa, bacdamaa ay shacbiga Soomaaliyeed ay yihiin kuwo garwaaqsaday Xasiloonida iyo ahmiyada ay leedahay Horumarka. Farmaajo waxaa uu sheegay in dadkaasi ay doonayaan in ay dib u dhigaan dowladnimada Soomaaliya, hase ahaatee aysan dhici doonin taa. Waxaa uu sheegay in xubnaha dowladda kasoo horjeedda ay doonayaan in tafaha ku dhaggaan dowladda, taasina aan la aqbali doonin maadaama ay Umadda Soomaaliyeed doonayaan inay hiigsadaan Horumar, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay dadka mucaaradka ku ah dowladda in xilliggii Xasan Sheekh Maxamuud ay soo waceen ayna ka codsadeen in uu noqdo Mucaarad, hase ahaatee uu si bareera u diiday isagoo fiirinaaya dhibta ay ku jirto Somalia. Waxa uu hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed. ”Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ”Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan” Sidoo kale, dadka Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan dowladda, islamarkaana ay ka qeyb qaataan xaaladda dagaal ee dalka ku jiro. Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kasoo horjeedda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Duqeymo diyaaradeed ayaa mar kale habeennimadii xalay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe. Diyaaradahan oo ah nooca qumaatiga u kaca ayaa duqeeyay deegaan aan ka fogeyn degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe. Deegaanka la duqeeyay ayaa la sheegay in 7KM uu u jiro degmada Balcad, waxaana halkaa isku uruursanaayay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Ilaa Afar gantaal ayaa la xaqiijiyay in diyaaradahaasi ay ku dhufteen laba goob oo ay ku sugnaayen Alshabaab. Degaanka ay duqeynto ka dhacay ayaa ka mid ah degaanada maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamaayeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa sidoo kale ka dhashay duqeynta oo aheyd mid xoogan isla markaana qalqal galisay dadka deegaanka. Sidoo kale, gaadiid dagaal ayaa la sheegay in lagu gubay duqeynta inkastoo aan la heyn tirada saxda ah ee gaadiidkaas. Dhinaca kale, waxaan jirin war weli kasoo baxay maleeshiyaadka Alshabaab ee lala beegsaday duqeynta ka dhacday Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Agagaarka degmada Balcad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inay isugu yimaadan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah. Kulanka Xildhibaanada ayaa Ajendihiisa maanta lagu sheegay cod u qaadista ansixinta Hindise Sharciyeedka Biyaha kaas oo maray dhammaan akhriskii loogu talagay. Sharcigan oo isbadal ku sameeyeen guddiga u qaabilsanaa golaha shacabka, waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray sida heerka tayada biyaha. Xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale. Dhinaca kale, Aqalka hoose waxaa kalfadhigan la keenay ku dhawaad 20 sharci, kuwaas oo sida la sheegay ay tahay in meel-mariyaan kalfadhigan iyo midka xiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in la hakin doono isticmaalka Social Media 13 ka Bishan wixii ka dambeeya. Guddida doorashooyinka maamulka ayaa waxay sheegeen in baraha bulshada ku wada xiriirto ee internet-ka laga xiri doono guud ahaanba deegaanada maamulka Somaliland laga bilaabo lixda fiidnimo ee 13 bisha November oo ah maalinta loo dareerayo doorashada Somaliland. Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka maamulka Somaliland, Saciid Cali Muuse, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhalankarto isticmaalka baraha bulshada. Waxa uu sheegay in Interneed-ka uu hawada ka maqnaan doono muddo afar illaa lix cisho oo xiriir ah, inta laga soo saaro natiijada doorashada. Saciid Cali Muuse, waxa uu intaa ku daray in shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka ay ka dalbadeen inay mudadaasi hakad geliyaan isticmaalka baraha bulshada oo keliya, adeega kale ee Internet-kuna uu sidiisii hore u sii shaqeeyo. Waxyaabaha la isku raacay ee la xiri doono ayaa waxaa ka mid ah : Facebook, Twitter, Snapchatka, flickr, instgram, whatsappka, Viberka, Linkedin, Tango, Google iyo Lemone. Go’aankan lagu hakinaayo isticmaalka baraha bulshada ayaa waxa ay saameyn ba’an ku yeelan doontaa dhammaan dadka sida aadka ah u isticmaala Interneed-ka. Sidoo kale, dadka isticmaala baraha ayaa durba qeyla dhaan ka keenay go’aankan waxaana is weydiin mudan, sida uu xaalku noqon doono. Dhinaca kale, waa markii ugu horraysay ee Somaliland hawada laga saari doono baraha bulshada tan iyo intii la bilaabay isticmaalka baraha Bulashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. HARGEISA, SOMALILAND — Somaliland’s three presidential candidates have concluded their campaigns ahead of Monday’s poll to elect the next leader of the breakaway region. Muse Bihi of the ruling Kulmiye party, Faisal Ali Waraabe of the For Justice and Development party (UCID) and Abdirahman Mohamed Abdillahi of the Wadani party held their final rallies this week in the capital, Hargeisa. A central issue, as always, is how to win international recognition for Somaliland. Somalia, which was once governed by Italy, wants Somaliland to be part of a single Somali state. But Somaliland, which used to be a British colony and broke away from the rest of Somalia in 1991, wants to be a separate country. All three candidates favor a fully independent Somaliland but have different visions of how to achieve it. “Previous talks were not fruitful and they were heading to the wrong direction,” Bihi told VOA. He proposes bringing in “proper and genuine mediators” to replace officials from Turkey and the United Arab Emirates. Waraabe wants the negotiations to come after what he terms as a genuine reconciliation among Somali tribes. “Somalis have never reconciled among themselves; therefore, we want to hold a bottom-up approach reconciliation meeting here,” he said. “Once they agree and come up with a shape of a government similar to that of 1960, when we united, we can talk and debate on the possibility of two parallel brotherly states, which I think is the interest for the future of our people.” Abdillahi of the Wadani party wants new rounds of talks with Somalia, but at a bigger venue and with international mediation. “Principally, we want to solve our differences with Somalia through peaceful negations, review the previous talks and challenges, and finally come up with new rounds of talks, with our final vision being getting a result that makes us two neighbor states,” he said. Social media ban Preparations for election day are under way. Public and private schools across Somaliland have been closed for eight days because most of them will serve as polling places. Also, Somaliland’s National Electoral Commission said social media networks would be shut down on Monday to avoid the spread of misinformation on the election results. “To avoid social media users who propagate hate speeches and fake news during the election or about the results, we have decided to ban the use of social media platforms for the betterment of Somaliland security,” said electoral commission spokesman Sa’id Ali Muse. Muse said 705,000 Somalilanders are eligible to cast ballots. History of elections A 176,000-square-kilometer, semidesert territory on the coast of the Gulf of Aden with an estimated 4 million people, Somaliland has a long history of peaceful elections and executive turnover, made possible by a blend of traditional and modern state institutions and a relative peace it has been enjoying since 1991. In contrast, Somalia has been racked by decades of protracted lawlessness, poor governance and deadly terror attacks. In 2010, Somaliland saw a peaceful transfer of power when then-President Dahir Rayale Kahin conceded defeat to Ahmed Mohamed Mohamoud, nicknamed Silanyo. He opted not to seek re-election in the current contest. Unlike the previous elections, this election has suffered several delays. It was scheduled at one time for last March, but drought coupled with political disagreement among the parties caused the vote to be rescheduled. Isma’il Mohamud and Bakhad Kariye contributed to this report from Hargeisa. VOA
  25. Dubai (Caasimada Online) – Dokumenti sir ah oo la helay ayaa shaaca ka qaaday qorshe halis ah oo Imaaraadka ay diyaariyeen oo ka dhan ah habka maaliyadda dalka Qatar, oo xiisad xooggan ay kala dhaxeyso. Dokumentiyadan ayaa waxaa laga helay email-ka safiirka Imaaraadka Carabta ee Mareykanka Yousef al-Otaiba. Website-ka sirta baara ee Mareykanka laga leeyahay ee the Intercept ayaa helay warqadahan, waxaana ku cad qorshe la diyaariyey oo lagu wiiqayo lacagta dalka Qadar. Waxaa sidoo kale qorshaha Imaaraadka ka mid ah in dalka Qadar deyn badan uu galo, kadib marka la qiimo tiro lacagta dalkaas iyo hantida dibadaha ka yaalla. Qorshahan ayaa waxaa loo xil saaray shirkadda Banque Havilland ee dalka Luxemburg oo uu leeyahay maal-galiyaha British ee David Rowland, kaasi oo diyaariyey barnaamijkan lagu wiiqayo Qatar. Hadafka fog ayaa ah in la burburyo dhaqaalaah Qatar, la yareeyo qiimaha lacagta dalkaas, la kordhiyo daymaha lagu leeyahay, kadibna la abuuro xasarad lacageed oo baabi’isa keydka dalkaas. Arrintan ayaa kadib la doonayaa in lagu qasbo dalka Qatar in marti-gelinta koobka adduunka ee 2022 lala qeybsado, ayada oo FIFA loo muujinayo in dhaqaalaha dalkaas uusan saamaxayn inay diyaariyaan dhammaan garoomada loo baahan yahay. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com