-
Content Count
212,054 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadan (Caasimada Online) – Dad gaaraya ilaa 400 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo intii uu bilowday sannadkii 2015-ka, sidaasi waxaa yiri qunsulkii hore ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo toddobaadkan kasoo laabtay dalka Yemen. Xuseen Xaaji Axmed oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed ayaa idaacadda VOA u sheegay in dadkaasi badankooda ay ku dhinteend duqaymaha cirka ah. Dadka dhintay waxa ku jira in ka badan 40 qaxooti Soomaali ah oo bishii Maarso ee sannadkii hore ay diyaarado helikobtarro ah ku duqeeyeen iyaga oo doonayey inay doon ka raacaan magaalada Xudeyda. Duqeymaha ka socda dalka Yemen ayaa waxaa fuliya xulufada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta, ee iyagana taageerada ka hela dalka Iran. Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dadkan badankood ay ku dhinteen dalka Yemen ayaga oo ka cararaya dhibaatada dalkaas ka taagan ee duqeymaha ay ugu weyn yihiin. Dadka dhintay ka sokow, waxaa jira dad dhibaato badan ay haysato, sida qaar ka go’ay lugaha, qaar gacmaha belay, iyo qaar qaba dhaawacyo kale oo halis ah. Haaruun Macruuf oo VOA ka tirsan ayuu Xuseen Xaaji uga warramay macluumaadka ku saabsan dhimashada Soomaalida. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Yemen.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali nolol iyo geeri lagu la’ yahay Suxufiga weyn ee reer Sacuudi Jamal Khashoggi oo bilowga asbuucii hore la arkaayay isagoo galaaya Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga. Jamal Khashoggi, ayaa waxaa arrintiisa walaac ka muujiyay dowladaha reer galbeed iyo kuwa carabta oo iyagu xadgudub u arka falka ay dowlada Sacuudiga kula kacday Jamal Khashoggi. Dowlada Sacuudiga ayaa arrinta Jamal Khashoggi ku weyneysa kalsooni badan oo kala dhexeysay dowladaha reer galbeedka iyo kuwa carabta, waxaana xusid mudan in warbaahinta reer galbeedka ay qaadacday ka qeybgalka shir ka dhacay Riyaad. Shrikadaha warbaahinta ayaa dib uga baxaya ka qeybgalka shir ku saabsan maalgashiga oo lagu waday in uu ka dhaco magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga. Shirkadahan warbaahinta ayaa dib uga laabashadooda ku saleeyay walaac ay ka muujiyeen weriye u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay Jamal Khashoggi. Shirkadahan warbaahineed oo ay ka mid yihiin wargeysyada The New York Times, iyo the Economist, ayaa la sheegayaa in ay go’aansadeen in aysan ka qeyb galin kulankaasi oo lagu wado in ay ka soo qeybgalaan ganacsatada dunida ugu caasnan. Sacuudiga ayaa la kulmaaya cadaadis aad u xoogan waxa uuna Madaxweynaha dalka Mareykanka ku goodinayaa in Sacuudiga uu cunaqabateyn ku muteysan doono arrinta Jamal Khashoggi. Sidoo kale, Saraakiisha Sucuudiga waxa ay go’aansadeen in aysan ka hadlin arrinta weriyahan, waxaase dhammaantood ay beeninayeen suurtagalnimada in la qafaashay kaddibna la dilay. Si kastaba ha ahaatee,talaabada ay ku dhaqantay dowlada Sacuudiga ayaa walaac gaara ku abuurtay Suxufiyiin kale oo iminka ku sugan gudaha Sacuudiga kuwaa oo laga mamnuucay inay ka baxaan dalk. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Banadir ayaa shaaca ka qaaday in dib loo furay qaar kamid ah Garoomadii Kubada cagta oo ay xireen xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab. Garoomada la xiray ee la sheegay in dib loo furay ayaa waxaa hanjabaado u jeediyay Al-Shabaab kadib markii ay ku xireen bixinta dhaqaale. Qaar kamid ah milkiilayaasha Garoomada ayaa horay u bixiyay dhaqaalaha ay ku xujeeyen Al-Shabaab, halka kuwa soo haray uu dib u furay maamulka Gobolka Banaadir. Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banadir uu sugi doono amniga Garoomada Kubada cagta ee la furay. Waxa uu Tuulax tilmaamay in Garoomada dib loo furay ay ku yaalan Degmada Yaaqshiid oo intooda badan xirnaa. Sidoo kale, ciidanka amaanka ayuu kula dardaarmay inay sugaan amniga Guud ahaan Degmadda iyo Garoomadda ay dhalinyaraddu ku ciyaaraan. Si kastaba ha ahaatee, amarka Al-Shabaab ayaa ka dhaqan gala dhamaan Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ka taliso dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa maanta oo Jimca ah dhageysanaysa dacwadda baadari mareykanka u dhashay oo muddo laba sano ah u xiran dowladda Turkiga, arrintaa oo khal-khal gelisay xiriirka Turkiga iyo Mareykanka. Baadarigan oo lagu magacaabo Andrew Brunson ayaa xariggiisa waxaa ka dhashay muran sababay in labadani dal uu midba midka kale ku soo rogo cuna qabatayn iyo in lacagta dalka Turkiga ee Liiraha ay qiimo dhacdo. Waxaa jira warar hadda soo baxaya oo sheegaya in labada dowladood ay haatan ku heshiiyeen in maxkamaddu ay maanta laasho dacwadda ka dhanka ah baadarigani. Bishii October 2016, ayaa Andrew Brunson oo ah baadari kiristaan ah oo ku noolaa Turkiga 23 sano xabsiga la dhigay, taasi oo qeyb ka ahayd olole balaaran oo dowladdu qaaday kaddib inqilaabki fashilmay ee dalkaasi ka dhacay. Eedeymaha loo heysto ayaa waxaa ka mid ah inuu taagerayay argagixso, hogaankii ka dambeeyay inqilaabki dhicisoobay iyo maleeshiyada kurdishka, eedeymahaasi oo isaga iyo dowladiisuba ay ku gacan seeyreen. Iyadoo Turkiga lagu eedeeyay in wadaadka ay ku heysato si xoog ah ayaa madaxweyne Donald Trump uu dhawaan furka tuurtay, waxayna Washington cunaqabateyno kusoo rogtay labo wasiir oo Turki ah, isla markaana kordhisay canshuuraha la saaro alaabta Turkiga. Xukuumadda Ankara ayaa si dabacsan uga falcelisay arrintaan waxaana si geyru caadi ah hoos ugu dhacay xiriirka labada wadan iyo lacagta liiraha ee Turkiga. Maalin ka hor dhageysiga dacwada baadarigan ayaa warbaahinta Mareykanka waxay qoraysaa in Mareykanka iyo Turkiga ay si hoose ugu heshiiyeen in lasii deynayo Brunson, iyadoo ay suuragal tahay in lagu xukumo mudadii uu xabisga ku qaatay, Madaxweyne Erdogan ayaa ku adkeysanaya inuusan amri doonin in lasii daayo baadarigan maadaama hanaanka cadaalada Turkiga uu yahay mid madaxbanaan, inkastoo Turkiga uu meel dhexe uga jiro caalamka wadamadda hanaankooda cadaalada uu madaxbanaan yahay. Haddi lasii daayo Mr Brunson maanta, waxaa caadi kusoo noqon karo xiriirka Turkiga iyo Mareykanka. Balse haddii ay taasi dhici weyso cunaqabateyno badan ayaa la filayaa iyo in ay sii xumaato xiisada ka dhex aloosan labada madaxweyne ee aan la saadaalin Karin go’aanadooda. XIGASHO BBC SOMALI The post Baadari mareykanka u dhashay oo Mudo u xirnaa Afganbi ka dhacay Turkiga oo maanta Maxkamda la soo taagayo appeared first on Puntland Post.
-
Puntland caadiyan waa maamul ku caan baxay laba wajiilenimada iyo daneysiga siyaasadeed. Walow ay tahay Maamulkii ugu horreeyey ee laga dhiso Koonfurta Soomaaliya, waxaa jirtay xilli ay dhibaato iyo arbush ku haysay dowladdihii KMG ahaa sida tii Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xassan iyo Shiekh Shariif Shiekh Axmed. Hadda oo ay soo bexeen Maamulo kale, ma muuqataa mid ay hoos u dhacday saameynteedii siyaasadeed waxa ayna majaraha u qabatay saddex ka mid ah shanta Maamul ee Koonfurta Soomaaliya ka hana qaaday. Marka laga reebo HirShabeelle, oo dhawaan fahantay ujeedka siyaasadeed ee loo unkay golaha Iskaashatada Maamulada iyo danaha hoose ee Maamulka Puntland, inta kale waxa ay u muuqdaan kuwo ka dhoohan oo ka indha la’a laba wajiilenimada siyaasadeed ee Garoowe. Maxaa ugu dambeeyey oo taas caddeyn u ah? Waxaa shalay Garoowe lagu soo gunaanaday shir u socday guddiga Dastuurka dowladda Federaal-ka iyo guddiyahada kale ee heer maamul! Ogow shirku waxa uu ka dhacay Garoowe!? Waa yaabe, miyeysan Maamuladdii wada shaqeynta dowladda Federaal-ka hakin oo miyeysan Puntland hormuud arrintaas ka ahayn! Ku darso, dhawaan waxaa xubin Baarlamaan lagu doortay Garoowe oo uu ku soo baxay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan! Puntland waa ay diiday shirarkii kale, iyo in wasiirada dowladda tagaan ama ay shir u qabtaan Garoowe. Sababta ay shirka dastuurka u ogolaatay ayaa ah, in dastuurkan markii hore ee la sameynayeyba ay ayada afduubatay oo danteeda lagu salleeyey, haddana ma dooneyso inay seegto go’aanada la xiriira. Puntland waxay mar walba sameyneysa wixii ay danteeda ka aragto, waa yaabe, miyeysan Maamulada ka quusan laba wajiilenimada Puntland! Mise waligood wey dhoohnaan doonaan! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta nabadgelyada waddooyinka ayaa todobaadkan soo gubiyey warbixin la xiriirtay shilalkii dhacay 6-dii ee ugu horeysay sanadkan 2018-ka. Shilalka ayaa guud ahaan waxaa ay gaareen 664 oo isugu jiray gaadiidka noocyadiisa kala duwan, oo ay ku jiraan gaari gacan iyo gaari dameer Shilalka oo Faah-faahsan: Bisha Janaayo waxaa dhacday 132 shil, 9 qof ayaa dhimatay, 32 dhaawac fudud, 67 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 141 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 4 qof, Xoogga hal qof, usluubta waxba, NISA 4 qof, AMISOM hal qof, Bajaaj 80 qof, Baaskil waxba, Mooto 15 qof, Gaari Dameer hal qof iyo gaari gacan oo waxbo ah. Febraayo: waxaa dhacday 118 shil, 6 qof ayaa dhimatay, 52 dhaawac fudud, 59 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 214 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 2 qof, Xoogga hal qof, usluubta waxba, NISA hal qof, AMISOM waxba, Bajaaj 92 qof, Baaskil waxba, Mooto 10 qof, Gaari Dameer waxbo iyo gaari gacan hal qof ah. Maarso: waxaa dhacday 94 shil, 7 qof ayaa dhimatay, 19 dhaawac fudud, 51 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 174 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 5 qof, Xoogga waxba, usluubta waxba, NISA 2 qof, AMISOM 2, Bajaaj 61 qof, Baaskil hal qof, Mooto 5 qof, Gaari Dameer hal qof iyo gaari gacan waxbo. April: waxaa dhacday 124 shil, 10 qof ayaa dhimatay, 54 dhaawac fudud, 46 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 218 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 2 qof, Xoogga 2 qof , usluubta waxba, NISA 4 qof, AMISOM 2, Bajaaj 79 qof, Baaskil waxbo, Mooto 13 qof, Gaari Dameer 2 qof iyo gaari gacan waxbo. May waxaa dhacday 115 shil, 2 qof ayaa dhimatay, 29 dhaawac fudud, 47 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 216 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 3 qof, Xoogga 2 qof , usluubta hal qof, NISA hal qof, AMISOM 2 qof , Bajaaj 80 qof, Baaskil waxbo, Mooto 11 qof, Gaari Dameer waxbo iyo gaari gacan waxbo. June waxaa dhacday 81 shil, 3 qof ayaa dhimatay, 33 dhaawac fudud, 33 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 152 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 9 qof, Xoogga 3 qof , usluubta waxbo, NISA waxbo, AMISOM hal qof , Bajaaj 56 qof, Baaskil waxbo, Mooto 8 qof, Gaari Dameer hal qof iyo gaari gacan oo hal qof ah. Guud ahaan: Guud ahaan shilalka dhacay waa 664, waxaa dhintay 37 qof, dhaawac culus 222 qof, dhaawac fudud 303, khasaare gaadiid waxaa uu gaaray 1,115, booliiska waxaa ay waxyeello u geysteen 25 qof, xoogga dalka 9 qof, Asluubta hal qof, NISA 12 qof, AMISOM 8 qof, Mooto Bajaaj 448 qof, Baskil hal qof, Mooto 62 qof, gaari dameer 5 qof iyo gaari gacan 2 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeekii hore ee Baarlamanka Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa uga digay dowladda Kenya in madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya ay halis ku yihiin amniga Kenya, ayna tahay in la baaro inta aysan soo gelin. Faarax Macallin oo qoraal soo dhigay Twitter-kiisa aadka loogu xidhan yahay, ayaa tusaale usoo qaatay in mas’uuliyiinta xilka ka haya dowladda Kenya aysan dalka ka bxiin, iyaga oo aan fasax ka haysan xafiiska Madaxweynaha. Isaga oo taas ka duulaya, Faarax waxa uu sheegay in amniga Kenya ay u wanaagsan tahay in sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya ee soo galayo la’iska hubyo (Waxa uu ula jeedaa Madaxda Maamul Gobolleedyada). Sidan ayuu u dhigay qoraalkiisa -“Mas’uuliyiinta dowladda Kenya dalka kama safri karaan iyaga oo aan ogolaansho xafiiska Madaxweynaha ka haysan. Waa tallaabo amni oo noo wanaagsan in aan dhammaan madaxda Soomaaliya ee soo aadaya Kenya siinno ogolaasho. Madaxda Goboladda ee Soomaaliya waxa ay Nairobi ka hagardaaminayaan Muqdisho.” Waxa uu Faarax Macallin sheegay in madax goboleedyada Soomaaliya, oo uu ugu yeeray agoonta TPLF iyo Imaaraadka ay toddobaad Nairobi ku lahaayeen shir ka dhan ah danta Soomaaliya, islamarkaana Uhurru uu ka war-hayey. Waxa uu sheegay inaysan ku kulmi karin Addis-Ababa, islamarkaana maalmahooda uu kooban yahay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
The AU Special representative for Somalia and the head of AMISOM, Ambassador Francisco Caetano Madeira, on Wednesday toured Jazeera II Camp in Mogadishu, to assess the progress made in the relocation and resettlement of military and police contingents, who vacated the Mogadishu International Stadium last August. Source: Hiiraan Online
-
Hadalkaas waxaa igu dhahay laba fasal oo ka mida fasalada laba jaamacad. Waan ka fikiray ilaa aan ku sig tay in aan beddelo habka barasho ee aan ku socday, kaas oo ahaa mid ku dhisan hab-barasho buuggayd (Textbook-based Approach), laakiin la socday bawarboonti (Powerpoint). Yacni nuxurka utubka wuxuu ardayga ka helayaa bawarboontiga laakiin wixii faahfaahin ah wuxuu ugu tegayaa buugga. Sidaas darteed, waa in uu akhriyaa, iskuna haleeyaa buugga. Yuusan isku koobin islaadhyada (Slides). Faa’iidada ugu weyn ee aan ka dhex arkay habkaas waa in ardayga lagu dhiirriggeliyo abuurista dhaqan akhris (reading culture). Isbuucii afaraad aniga oo ka soo baxay fasal ka mida fasaladii ka cabanaayay habka aan wax u waday ayaa waxaan ku dul kufay maqaal uu qoray Paul Ralph. Maqaalkiisa waxaan ku dhex arkay hadalkan: “Macallinka wanaagsan ee ardayda u bandhiga casharo maanxujays ah [ee ardayga ku qasba in uu wax badan akhriyo] waxaa lagu dhaliilaa habka uu wax u wado.” Tani waxay igu beertay kalsooni, balse ma hilmaamin cabashadii ardayda. Ugu yaraan waxaan ku dadaalay in aan meel dhexe isugu imaano, aniga oo aan ka oggolaan codsiga ah macallin naga dhaaf buugga, keli nuxurka (Main points) noogu soo koob bawarboonti, weyddimaha imtixaankana halkaas inooga keen. Yacni akhris ma jiro. Isla isbuucaa gudahiisa waxaan kaloo akhriyay maqaal uu qoray Prof. Bent Meier Sørensen. Wuxuu ku andacooday in jaamacadaha laga mamnooco bawarboontiga (Powerpoint) ay macallimiinta casharada ku siiyaan ardayda. Wuxuu yiri “Bawarboontiga wuxuu ardayga ka dhigaa maangaab.” Sax, taasi waan ku raacsannahay laakiin waxaan ku diiday in guud-ahaan bawarboontiga meesha laga saaro. Maqaalka, waxaan la wadaagay fasalka UNI117-Writing in Political Science. Si fiican oo qurux badan ayay uga faalloodayn, intooda badan waxay isku raacayn in bawarboontiga muhiim yahay, laakiin loo baahan yahay in uu la socdo buug (Textbook). Ka warran haddii macallinka iyo ardayda, labaduba ay isku haleeyaan islaadh un balse uusan jirin buug tixraac u ah maaddada, sow kama dhigayso ardayga maankucaajisle? Wuxuu kaloo qoraaga maqaalka tilmaamay in jaamacadaha laftirkooda ay qayb ka yihiin dhibka, wuxuu yiri “Jaamacadaha waxay ardayda ku qiimeeyaan qanacsanaantiisa laakiin xoogga ma saaraan waxa uu baranayo.” EESHA TABAN EE BAWARBOONTIGA Ardayga oo aan akhrin buuggaagta laakiin isku haleeya keli qodobada ku qoran islaadhyada. Wuxuu hoos u dhigaa xis-naqdineedka (Critical thinking), lafogurid-tabeedka (analytical skill) iyo fahamka ardayga. Wuxuu ardayga ka dhigaa maankucaajisle isku haysta in uu wax bartay, Wuxuu dilaa hadafka waxbarashada ardayga, waayo ardaygu wuxuu iska dhaadhiciyaa in hadafku yahay keli ku baas imtixaanka. Inta kor ku xusan iyo in ka badan waxay caqabad ku yihiin horumarinta dhaqan akhris, xis-naqdineedka ardayga, fahan qotodheer, iyo tayada waxbarasho. WQ: Hassan Mudane Lafoguri Arrimaha Afrika Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa wuxuu sheegay xil ka xyuubintii lagu sameeyay inay aheyd mid baal marsan sharciga ciidamada qalabka sida iyo dastuurka KMG ee dalka u yaalla. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 8-dii September 2018 ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soo jeedin ka timid Agaasimaha NISA, waxaana lagu eedeeyay in uusan u qalmin ka mid ahaanshaha NISA, laguna amini karin shaqo qaran oo xasaasi ah. Cabdalla Cabdalla oo ku sugan Dubai ayaa wuxuu sheegay darajo iyo hanti inay tahay wax shaqsiga uu leeyahay, hadii ay noqoto in xilka laga qaadana keliya ay sameyn karto maxkamad dambi ku hesha, marka uu xukunka dhacana lagu cadeeyo darajadii iyo hantidii uu lahaa in lagala wareegay. Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay ilaa hadda inaanu arkin cid dambi ku soo oogtay, taasi bedelkeedana isaga uu maxkamada tagay, islamarkaana uu dacwad gudbiyay, balse aan waxba laga qaban. Cabdalla Cabdalla ayaa wuxuu sheegay in Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa Fahad Yaasiin aysan u qalmin inay ka shaqeeyaan amniga qaranka, maadaama uu tilmaamay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab, waqti dheerna la shaqeynayeen Ururka Al Shabaab oo dagaal adag kula jira dowladda federaalka. “Ilaa hadda wax eed ii soo jeediyay ma arkin, ninka maxkamadda tagay oo warqada soo qortay oo Taliyaha NISA iyo kuxigeenkiisa ku eedeeyay inay qarankan u qalmin amnigiisa inay ka shaqeeyaan, oo Al Shabaab ay xiriir la leeyihiin, waqti dheerna ay la shaqeynayeen Xuseen iyo Fahad aniga ayuu ahaa, iyada oo galka maxkamadda uu iiga furan yahay, meeshii ay aheyd in maxkamadda ay yimaadaan ayaa madaxweynaha in xafiiskiisa la tagay la soo qoray warqada xilka la iiga xayuubiyay”. ayuu yiri Cabdalla Cabdalla. Dhinaca kale Taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu soo hadal qaaday ciidanka NISA ee loo wareejiyay booliska, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi lagu deg degay, islamarkaana ujeedada ay tahay sidii loo burburin lahaa ciidanka NISA. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Michelle Obama launches Global Girls Alliance for education
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
WASHINGTON (AP) — Michelle Obama has launched a program to help empower girls worldwide through education. Source: Hiiraan Online -
Hargeysa (Caasimada Online) – Tan iyo markii toddobaadkan ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu amar ku bixiyey in Dhismaha Qasriga Madaxtooyada Somaliland iyo labada aqal Baarlaman ee dalka loo kala raro cidhifyada Galbeed, Koonfur iyo Bari ee Caasimadda Hargeysa waxa soo baxaya fal-celin bulshada ka imanaysa iyo dareenno hoose oo ay dadku aad uga xun yihiin marka laga eego dhinacyo kala duwan oo dooddoodu la xidhiidho. Goobaha Bulshadu isugu timaad iyo sidoo kale baraha xidhiidhka Bulshada ee Internet-ka waxa laga dheehan karaa sida shacabku intooda badani fal-celino diidmo iyo dhaliil ah uga muujiyeen arrintaasi xukuumadda talada haysaa ku dhaqaaqayso. In badan oo doodaha ahi waxa ay go’aankan ku tilmaameen mid nasiib darro ah oo aan wakhtigiisii ku soo beegmin, iyaga oo ku dhaliilaya sii kobcinta qabyaaladda iyo in xarumihii ugu waaweynaa ee qaranka bulshada loogu tuso in deegaamo loogu kala asteeyo xarumaha dhismayaasha laga binaynayo si qolo walba loogu qanciyo waana mid nasiib darro weyn lagu tilmaamay wakhti shacabka Somaliland ku kala qaybsameen doorashadii ugu dambaysay ee dalka ka qabsoontay iyo waliba qabyaaladda oo cirka maraysa lana filayay in xukuumaddu taasi awoodda saarto sidii ku dhaqanka qabyaaladda foosha xun loola tacaali lahaa ee umadda loo midayn lahaa. Arrinta labaad ee doodda shacabku salka ku haysaa waa wakhtiga Madaxweynuhu go’aankan qaatay oo aan looba fadhiyin maadaama ay badka u yaallaan baahiyo asaasi ah oo ay ahayd in uu wax ka qabto soona kala horumariyo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada Waxbarashada dawliga ah oo meeshii ugu liidatay taalla, Adeegga Caafimaadka oo maqan bulshuna baahi weyn u qabto iyo waliba adeegyada kale ee ay ka mid yihiin Biyaha, Jidadka iyo kobcinta dhaqaale ee dalka. Waana ta keentay in shacabku dhaliilaan go’aankaasi lagu dhisayo dhismayaashaasi oo kharashka ku baxaya ay uga mudnayd in wax lagaga qabto goobo hooyada ummul arooraysa wax loogu qabto iyo ilmaha waxbarashada ka dhacaya ee dugsiyadii dawladdu ku dul xidhmeen. 27 sannadood oo Somaliland jirtay wali shacabka Somaliland waxa ay u dhimanayaan cudurro iyo caafimaad darro wakhti cisbitaallada dawladdu noqdeen kuwo aan haba yaaratee daawo iyo adeeg toona u fidin Karin shacabka Somaliland oo 90% ah dad danyar. Halka biyo la’aanta ay tusaale inoogu filan tahay caasimadda Hargeysa iyo sida loogu harraadan yahay. Si kastaba ha ahaatee illaa imika laga oga sababta ku kalliftay Madaxweynaha in uu qaato go’aankan gurracan ee aan ka turjumayn wax ka qabashadii uu ku ballan qaaday in uu wax kaga qaban doono baahiyaha asaasiga ah ee dalka yaalla, waxaana la is waydiinayaa sababta ay muhiim ugu nooqtay arrintani iyada oo dalku ku jiro xaaladdaasi qallafsan ee dhinacyada nolosha bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa sheegay in degmada Balcad iyo tuulooyinka hoostaga aysan xilligaan laheyn Goobihii adeegada Bulshada sida Isbitaal iyo Xarumo kale. Waxa uu sheegay in markii Haweenka ama dadka kale ay qabtaan xanuuno daran loola soo cararo dhanka Muqdisho, hadana xilliyada habeenkii ay dhibaato ku qabaan, oo aysan geli karin. “Runtii caawa hadii haweeney uu xanuun ku soo boodo malaha meel la geeyo, markaad la soo aado Muqdisho, soo gelitaanka ayaaba dhibaato ah, waayo xaduudka ay inaga xirteen, inaan laba dal kala nahay oo kale” ayuu yiri Guddoomiye Qaasim. Waxa uu ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya inay u oo gurmadaan dadka ku nool degmada Balcad iyo deegaanada kale oo hoostaga, isla markaana ay ka wareejiyaan Ciidamada mararka qaar xilliyada habeenkii wadada xiraan. Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiye Qaasim https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Guddoomiye-Qaasim.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maalmo ayaa ka harsan sanad-guuradii koowaad ee qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo dunida oo ay fusliso koox argagxiso ah, kaasi oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho. Qaraxaan oo loo adeegsadey Gaari xamuul ah ayaa dad ugu badan ee uu dilay waxay ahaayeen Shacab, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 500 qof, halka dhaawac uu 1,000 ka badan yahay. Guddiga Gurmadka Qaran ee is-miidaamintii Zoobe ayaa sheegay in marka laga soo tago dhimashada iyo geerida ay jiraan dad kale oo nolal iyo geeri lagu yahay, kuwaasi oo lagu tilmaamay in ka badan 200 oo ruux. Guddigaan oo loo aas-aasey inay Gurmad gaarsiiyaan weerarkii Zoobe, iyo midkii ka dhacay Naasa-hablood ayaa sheegay in wadarta guud ee caruurta ku agoon-tawday ay tahay 2360 Ubad ah. 1,398 kamid ah caruurta wuxuu Guddigu sheegay inay qaan-gaareen, halka 962 kamid ah aysan qaan-gaarin, ayna ubaahan yihiin daryeel ay ka helaan dowladda, taasi oo uu Guddigu siku dayey. Gudoomiyaha Guddiga Cabdullaahi Maxamed Shir-wac, ayaa tibaaxay inay isku dayeen sidii ay ugu heli lahaayeen caruurtaasi cid kafaala qaadda xilli madaxda dowladda ay arrinkaasi balan-qaadeen. Hase yeeshee, Shir-wac ayaa cod dheer ku sheegay in aanu waxba kasoo naaso cadaadin arrinkaasi, isaga oo ku nuux-nuux saday inay gaabis dhinaca dowladda ka yimid ay caruurta wali ku la’yihiin kafaalaqaad. Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa daboolka ka qaaday in Khilaafka dalalka Khaliijka oo maamulka Farmaajo lagu eedeeyey inuu la safatey Qadar uu qayb ka yahay sababaha ay kafaalo qaadka u waayeen caruurta. “Aniga ahaan waxay ila tahay in caruurta ay ku waayeen cid kafaalo qaada gaabis dhinaca dowladda ah iyo khilaafka Khaliijka, maadaama dhamaan hay’addahii noo yimid ay halkaasi ka socdeen,” ayuu raaciyay. Khilaafka Khaliijka oo u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku dhinac ah iyo Qadar oo xayiraado lagu soo rogay ayaa sidoo kale saameeyay siyaasadda dalka, xili maamuladda qaar ee dalka ay la safteen xulufada go’doomisay Dooxa. Dowlad goboleedyadda ayaa ku eedeeyay madaxdda Villa Soomaaliya inay la safatey Dooxa, iyadda oo baal-martay mowqifkeedii dhex-dhaxaadnimadda, xiisadda khaliijka, iyadoo u janjeertsatay dhanka Qadar. Isha: Garowe Online
-
Jamaal Khaashuqji wax uu ka dhashay qoys caan ah oo reer Madiina ah asalkooduna shan qarni ka hor ka soo jeedo Turkiga. Wasiirro, imaamyo iyo maalqabeenba waa ay lahaan jireen (walaalkii Cadnaan Khaashuqji wax uu ka mid yahay dadka Sacuudiga u gu hodansan). Ilaa horraantii 1980-nadii wax uu ka mid ah suxufiyiinta Sacuudiga u gu caansan, wax uuna tifatire ka soo noqday wargeysyo badan oo caan ah sida Cukaad, ash-Sharq al-Awsad, al-Madiina iyo al-Waddan, tan dambe oo afka boqortooyada ku hadasha. Wax uu ka soo shaqeeyay dalal badan oo qalalaase ka dhacay sida Afgaanistaan, Aljeeriya iyo Soodaan. Wax uu xidhiidh aad u dhow la yeeshay Usaama bin Laadin oo uu waraysiyo ka qaaday. Wax uu balaayo ku qabay faallaynta siyaasadda debedda. Waqtigan xaadirka ah intii aan la waayin wax uu maqaal joogto ah ku qori jiray wargeyska Maraykanka ah ee Washington Post. Dhanka kale wax uu ahaa nin qoomi ah oo Carabnimada iyo Sacuudinnimada mintid ku ah. Wax uu aad u ga soo horjeeday, si joogto ahna u ga hadli jiray, shisheeyaha badan ee dalkiisa ka shaqaysta. Wax uu rumaysnaa sida keliya ee dhaqaalaha Sacuudiga la gu hagaajin karaa in ay tahay xoogsatada shisheeyaha ah in dalka la ga dareeriyo, dadka dhaladka ahna la hawlgeliyo, arrintaana wax uu sannadkii 2014 ka qoray buug uu ciwaan u ga dhigay “Suuqa Shaqada ee la gumaysto”. Ninkani muddadii dheerayd ee uu suxufiga ahaa ayuu kasbaday kalsoonida reer Aal Sacuud oo xidhiidh aad u dhow la yeeshay, iyaga oo ka faa’iidaysanaya waaya’aragnimadiisa badan, wax uuna lataliye u noqday madaxa hay’adda sirdoonka. Qasriyada boqortooyada ayuu dhex galay oo dhan walba u dhex qaaday. Wax uu ahaan jiray nin si weyn u la dhacsan una raacsan boqortooyada, aadna u ga difaaca weerarrada dimuqraadiyadda iyo furfurnaanta, ilaa la sheegay in uu ka boqortooyo jeclaa reer boqor qudhooda. Ha yeeshee, kacdoonkii Guga Carbeed ayaa fikirkiisa wax ka beddelay, wax uuna bilaabay in uu ka hadlo in dalkiisa loo ga baahan yahay furfuridda awoodda boqortooyada iyo dimuqraadiyayn qunyar qunyar ah. Isbeddellada uu bilaabay Maxamed ibn Salmaan wuu soo dhoweeyay, wax ay se ku ka la tageen hal masalo oo muhiim ah. Isagu wax uu doonayay in dabaqadda aqoonta leh ee dadka Sacuudiga oo dhan isbeddelka loo adeegsado oo talada iyo awoodda qayb la ga siiyo, halka ibn Salmaan doonayo in uu adeegsado dad aad u kooban isaga uun daacad u ah. Dabadeed wax uu ibn Salmaan ku tilmaamay macangag kelitaliye ah oo la dabeecad ah Buutiin ka Ruushka. Wax uu si kulul oo aan Sacuudiga loo ga baran u dhaliilay daba orodka Donald Trump, wax uuna ceeb ku tilmaamay sidii waallida ahayd ee ninkaa loo gu soo dhoweeyay Sacuudiga. Waxaana la is ku raacsan yahay maqaalladaa dambe ee Washington Post in ay yihiin kuwa uu eeday ee u soo jiiday halaagga uu ku maqan yahay. Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Yuusuf-Hawd
-
Guddoomiye Axmad Xaaf waa ninka da’ ahaan ugu weyn goddomiyeyaasha gobollada oo jecel in lagu magaacaabo Madaxweynayaal. Inta aanan u geli Axmad Xaaf waxaan rabaa inaan sheego in Madaxweyne aan la dhihi Karin qof ay soo doorteen dad aan tira ahaan dhammeyn kun qof ee gobollada ku kala nool. Waxaan ku tali lahaa in doorashada madaxda gobollada laga dhigo mid ay dadweynaha soo doortaan si loo kala garto qofka la rabo iyo kan aan la rabin, waayoo ma jiro nin laaluush wada gaarsiin kara dadweyne gobol ku nool, halkaas ayaana lagu kala bixi lahaa..laaluush quutayaashana ay ku sabri lahaayeen. Intaasi waa iga ra’ayi…la qaatana bannanan la diidana sidoo kale. Axmad Xaaf waxaad soo martay taariikh dheer oo ka soo billaabata burburki 1990 ilaa maanta. Waxaad fashay wa fashay laakin wixi hanti aad aruursatay oo badanaaba ka timid garoomadi nambar 50 iyo kuwi kale uma maley maayo inaad wax badan ka heyso waayoo waxay ahaayen hanti aan baraka lahayn. BARAKOY MAXAA TAHAY? Waa sheeko dheer waxaanse ka soo qaadaneynaa inyar oo kooban si akhristayaasha aysan uga caajisin. Nin sheeikh ahaa ayaa aabihiis weydiiyay ”maandhow maxaan kuugu duceeyaa”? Woxow ku jawaabay ”aabe iigu ducey inuu Ilaahey ii barakeeyo wuxuu iigu deeqo”. Ninkaan culumada ah habeen kasta woxow ku jiraa tahajud..asagoo sidaa ku jira ayuu habeen indhihiisu is-galeen markaasuu ku riyooday iyadoo la leeyahay meel heblo tag ee xogaa lacag ah ka soo qaado. Markaasuu weydiiyay ”lacagtu ma tahay mid barekeysan” markaas la yiri maya. Wuxuu yiri ma rabo..riyadi ayuu xaaska u sheegay, markaasey tiri ”baraka ma rabnee waxaan cunaan rabnaa ee baraka dambe ha ii sheegin” Habeenki xigay ayuu arkay riyo kale oo dhewheysa meeshaa tag ee ka soo qaato laba dirham. Markasuu weydiiyay baraka ma leedahay, waxaa la yiri waa mid barakeysan.Carruurti hooyadood ayuu u sheegay markaasey tiri”orod oo wax lam cuno noogusoo iibi”. Asagoo suuqa u socdaa waxaa ka horyimid nin wata laba malaay oo beec ah, markasuu weydiiyay qiimaha, waxaa la yiri waa laba dirham. Malaygi ayuu qaaday uu guriga geeyay. Xaaski markey malaygi diyaarineysay ayaa waxaa uga soo baxay calooshiisi wax dahab u ag oo birqaaya, markaasoo yiri bal kan kalena fiiri calooshiisa, midki kalena waxaa laga helay isla dahabki oo kale…Markasuu soo qaaday labadi midkood uu ula yimid nin saaxiibkiis ah oo magaalada dukaan ku leh. Dukaanlihi markow arkay dheemanki ayuu u sheegay saaxibkiis ” waxaad sidataa waa luul aan qiimahiisa la qiyaasi karin, qofka kaliya ee iibsan karana waa Suldaanka ee ma u geyn kartaa”? Wadaadki wuxuu soo aaday Suldaanki si uu ula kulmo, waana ku adkaatay oo la yiri Suldaanka ma arki kartid. Wuxuu yiri waa sugaa..aakhirki waa la kulmay waana tusiyay dahabki uu watay. Suldaanki waa yaabay markasuu yiri ”Luulkaan waa laba xabo midkii labaad aaway ma heysaa..aniga waxaa iga dhiman labadaas oo kaliya oo waxaan haayaa 98 xabo ee midka kale ma keeni kartaa”? Markaasuu weydiiyay qiimihiisa, waxaa loogu jawaabay waxaad arki doontaa markaad kan labaad keento. Waa baxay kii labaad ow soo qaaday. Markaasaa la weday waxaa la geeyay qasri aad u weyn oo Suldaanku lahaa markaasaa la yiri adaa iskaleh ee orode xaaska soo wad, wixi kalena waxaad arki doontaan markaad timaadiin. Qyski ayuu soo weday oo keenay qasrigi markaasuu ku yiri islaanti “gurigaan annagaa iskaleh”..markaasey tiri maantaad waalatay, ewel waxaad ku waalatay BARAKO maantaad keentay qasrigi Suldaanka anaaga iskaleh”…Markaasaa waxaa soo muuqatay ilaa 7 neef oo geela oo ku raran lacag iyo dahab markaasaa la yiri “adinkaa iskaleh”.!!! markaasuu yiri “BARAKADI AABEHEEY IIGU DUCXEEYAY WAA TAN”!!! Ma laga yaabaa Guddoomiye Xaaf inuu dib isugu naqdo oo wixii ow aruursaday haddey wax ka dambeeyaan inuu calfado uu ku sabro kuna nolaado inta yar ee uga harsan cimrigiisa waayoo inti uu soo noolaa in la mid ah uma harsana, waa marki caqli la adeegsado, iyadoon habaar loola jeedin. Waxaan kugula talin lahaa dadka dhallinyarada ah oo adduunyadu u cusub tahay hortooda ka wareega adiga iyo wixi kula mid ah..meel fadhiista ee Ilaahey tuuga oo u towba keena lacalla laydinka aqbalo, jago kuu dhiman ood qaba lahayd ma jirto mar haddaad madaxweyne sheegatay haba laguugu heystee!!! Xadiithki saxiixa ahaa ee Nabi Muxammad (nabadgelyo &naxariis korkiisa ahaatee)uu yiri JAGO NIN SOO DOONTAY HA U DHIIBINA MA MUDNEE…Annagu jagooyinka ma doonano ee waa boobnaa!!! W/Q: Axmad Calasow
-
Xildhibaanno iyo ganacsato gaaray deegaanna hoos yimaada deg Aadan yabaal ayaa gaarsiiyay jabhadda macawiisleey agab isugu jiray raashiin iyo daawo. Lataliyaha sare ee dhanka saxaafadda Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle mudane Xasan Canduqaadir Mudey ayaa bartiisa ku daabacay mahadnaqa ay madaxda Hirshabelle udireen wafdigii isugu jiray xildhibaannada iyo ganacsatadii gaaray deegaannada gobolka shabellaha dhexe. Sidaan ayuuna u qornaa bayaanka :- “Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Ali Gudlaawe Hussein waxaan amaan iyo mahad ballaaran ujeedinaynaa Xildhibaan Caraboow oo ah xildhibaan kasoo jeeda Hirshabelle booqashadiisa iyo dhiirri galinta uu u muujiyay, shacabka isku xilqaamay in ay iska xoreeyaan cadawga argagixisada ah . Waa tallaabo aad u wanaagsan,waajibna ku’ah dhamaan xildhibaannada golaha shacabka in ay garab istaagaan shacabka ay wakiilka ka yihiin. Waxaaan dhamaan Xildhibaannada golaha shacabka ee kasoo jeeda deegaannada Hirshabelle waxaan ku boorrineeynaa in ay gaaraan deegaannada ay matalaan ,si loo gaaro horumarradii reer Hirshabelle ka sugayeen mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Waxaan sidoo kale mahadnaq taa lamida udiraynaa Xildhibaan Mohamed Abtidoon oo kamid ahaa wafdigii gaaray deegaannada Aadan’yabaal ee gobalka shabellaha dhexe. Mahadsanidiin ! Hassan Abdikadir Mudey
-
MOGADISHU (HOL) - Somali police, working in conjunction with the intelligence have broken up a counterfeit money ring based in the Somali capital, the country’s intelligence announced on Thursday. Source: Hiiraan Online