Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,072
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times ayaa qoray in dowlada Sacuudiga ay u muuqaneyso in dilka Khashoggi ay dusha u saari doonto inuu ka dambeeyey S/gaas Axmed Al-assiri oo ah la-taliyaha gaarka ah ee dhaxalsugaha Bin Salmaan. Wargeysku waxa uu hoosta ka xariiqay in dilka Khashoggi uu yahay mid iska cad balse boqortooyada Sacuudiga ay dooneyso inay ka fiirsato sida ay u wajaheyso shaacinta dilka Jamaal Khashoggi oo dunidu ka gilgilatay. Waxa uu qoray The New York Times in S/gaas Axmed Al-assiri uu markiisii hore ahaan jiray Afhayeenkii Isbahaysiga Milliteri Sacuudiga ee duulaanka ku qaaday dalka Yemen sannadkii 2015-kii. Waxa uu intaa raaciyay in S/gaas Axmed Al-assiri uu dhaxalsuge Bin Salmaan ka heystay amar ah in nolosha lagu qabto ama la dilo suxufi Jamaal Khashoggi. Marka laga soo tago qoraalka maanta ee kusoo baxay Wargeyska The New York Times, Warbaahinta Turkiga waxay soo bandhigtay 15 ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo ka dambeeyey dilkaas. Sidoo kale, Sarkaal lagu magacaabo Mahir C/casiis Mutreb oo ka mid ah Ilaalada Khaaska ee Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa isagana ka mid ahaa xubnaha Sacuudiga ee ku lugta lahaa dilkaasi. Wargeyska the NYT waxa kale oo uu qoray in Jared Kushner oo ah Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe inuu ka biyo diidsan in Dhaxal-sugaha Sacuudiga dhabarka loo saaro mas’uuliyada dilkaasi. Ergaygan Jared Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Madaxweyne Trump ayaa saaxiib dhow la ah Dhaxal sugaha Sacuudiga Bin Salmaan, taa oo sabab u ah inuu difaaco Bin Salmaan. Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga oo qudheeda qirsan dilka Jamaal, ayaa hadana dooneysa in marka hore ay qaboojiso arrinta dilka, kadibna ay si xeeladeysan u shaaciso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Ayaa gaaray goordhow oo maanta Jimco ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Gen Indhaqarshe ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada magaalada Kismaayo waxaana soo dhoweeyntiisa ka qeeyb qaatay masuuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada cdowlada ee ku sugan Kismaayo, Taliye Indha qarshe ayaa lagu wadaa in uu gaaray furumaha hore ee dagaalka ciidamada ay ku leeyihiin deeganada maamulka Jubbaland. Gaarista taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo beegmeeyso xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samater Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  3. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo shir gudoomiyey kulanka golihiisa xukuumadda ayaa warbixin ka dhageystay guddiga difaaca ee Puntland oo qaabilsanaa arrimaha ka socda gobalka Sool oo ay isku hayaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, ayna is horfadhiyeen 10-kii bilood ee la soo dhaafay. Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in madaxweyne Gaas uu ku amray taliyeyaasha iyo laamaha ammaanka in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, taas oo ku soo aadeysa xili ay dhaqaaqyo ciidan ka socdaan gobalka Sool. Wararka la helayo ayaa waxa ay shegayaan in madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu qorsheynayo weerar lagu qaado ciidamada Somaliland ee ku sugan degaanada gobolka Sool. Maalmaha ka haray doorashada Madaxtinimada Puntland ayay doonaysaa madaxtooyadu in ay dib u soo celiso gobalka Sool, waxaana ay rumeysan yihiin madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey in ay taageero dheeraad ah ku helayaan. Falanqeeyayaasha siyaasadda Puntland ayaa rumeysan in isku dayada dagaal iyo ciidan ee hadda socda ay dhabaha u xaari karaan in hanaanka doorashooyinka ay wax iska bedelaan, gaar ahaan ugu yaraan gaabis ku yimaado. Loolan adag ayey hadda kala kulmayaan bulshada iyo musharaxiinta madaxda xilka haysaa, waxayna aad xooga u saarayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen xubnaha baarlamaanka ee imaanaya. Madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeynayaa in uu kufashilmay mudadii uu hayey xilka Madaxweyne-nimada, gaar ahaana dhinacyada dibu dhiska ciidamada, Shaqaalaha, Dhaqaalaha oo gaaray meeshii ugu xumeyd oo aysan xaquuqda shaqaaluhu helin ka badan Hal sanno iyo luminta maqaamka siyaasadeed ee mandiqadu ku lahayd dowladda Faderaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. MOGADISHU (Caasimada Online)—At least three people have been killed and another one injured in airstrike carried out near the coastal town, some 500km south of Somali capital Mogadishu. The strike against Al-Qaeda linked Al-Shabaab group was conducted in Bulo-Haji area near the town, killing at least 3 children, a witness, who asked to be anonymous, said. He says a victim was taken into hospital. It is unclear, who carried out the airstrike in south of Somalia, but US military often carries out drone strike against Al-Shabaab in south and central Somalia. The latest airstrike was carried out last week near Harardhere town, killing 60 militants, according to the U.S. Africa Command. The strike becomes such U.S. deadliest strike since one on Nov. 21, 2017, killed about 100 Al-Shabab fighters. The U.S. military has carried out at least 27 airstrikes, including drone strikes, this year against the al Qaeda-linked al-Shabaab that killed 160 Islamist fighters in Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. The group is fighting to overthrow the internationally backed government of Somalia, but has also carried out attacks in neighboring Kenya. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (Caasimada Online)—Kenyan soldiers serving under African Union peacekeeping force have allegedly shot and killed at least 3 children from same family near its border along Somalia. Four other children also injured in the dreadful shooting after Kenyan soldiers stormed into their house in Birmiil, a small rural village near Geriley town, some 8km away from Kenya-Somali border, relatives told Caasimada Online. The horrific brutality came after a roadside bomb explosion ripped through an armored Kenyan personnel carrier in Birmil area, causing untold casualties. Thursday’s shooting was described as ‘horrific one’ and a revenge for bomb attack on Kenyan military vehicle near the border along Somalia, according to relatives. Two elderly people were among those who were shot and injured by Kenyan army forces. Neither Kenyan military nor Somali officials have commented on the incident, which was the latest in series of atrocities committing by the Kenyan forces under African Union peacekeeping force in Somalia. Kenya sent its troops into Somalia late 2011, in a bid to stop kidnappings against aid workers on its soil by the Somalia-based al Qaeda-linked Al-Shabab Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hanaanka ay dowlada Somalia u hageyso Siyaasada arrimaha dibadda iyo fal celinta ay kala kulanto khilaafyada u dhexeeya wadamada carabta. Farmaajo, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay garankarto wixii u wanaagsan Umadda Soomaaliyeed maadaama ay iyadu tahay cida mas’uulka ka ah . Waxa uu sheegay in madaxda dalka ay mas’uuliyad gaara ka saran tahay siyaasad toosinta waxa uuna meesha ka saray in go’aan waliba oo ay qaatan uu yahay mid si degdeg ah lagu gaaray, waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay in wadatashiyo kala duwan ay ka sameeyan. Waxa uu sheegay in dowlada Somalia hadafkeeda cad uu yahay in dal waliba ay ku yeelato saameyn iyo Siyaasad cad, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in wadamada kalaba ay doonayan dano gaara oo uga xiran Somalia. Madaxweyne Farmaajo, isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in dowladiisa ay Khilaafka wadamada Khaliijka kala kulantay culeys Siyaasadeed. Waxa uu Farmaajo sheegay iyadoo ay jiran culeysyo ay kala kulmayaan dhanka go’aanada Khaliijka hadana in mar waliba ay raadiyaan xal wanaagsan oo ay ku nabad galeyso Somalia. Sidoo kale, Wasaaradda arrimaha Dibadda ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la timaado qorsho cad oo taageero looga raadinayo wadamada Caalamka. Farmaajo waxa uu ku baaqay in dowlada Somalia looga danbeeyo waxyaabaha ku xeeran arrimaha dibadda maadaama talaabo waliba oo ay qaado ay u eegeyso dhanka wanaaga. Dhinaca kale, arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweyne Farmaajo uu mowqifkaani ka sheegay shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, waxa ayna imaaneysaa xili ay DFS mowqif dhex dhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somalia iyo saameynta ay ku yeesheen khilaafka dalalka Khaliijka. Farmaajo ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga doonayo siyaasad toosan oo dhinaca arrimaha dibada ah, isla markaana ay muhiim tahay in dal walba dowladddu ka yeelato siyaasad cad. Sidoo kale, Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in Khilaafka Khaliijka uu culeys siyaasadeed kala kulantay Dowladda Federaalka Somalia, isagoo ku baaqay in la xadido arrimaha siyaasadeed ee saameynta ku yeelan kara dalkeenna. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayuu ugu baaqay inay la timaado qorsho cad oo taageero looga raadinayo dalalka Caalamka, balse kama uusan hadlin qoraallada deg-degga ah ee lasoo saaro markii uu jiro khilaaf u dhexeeya dalalka caalamka iyo kuwa carabta. Walaaca uu muujiyay madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmo yar uu ka hor ay wasaaradda arrimaha dibadda soo saartay qoraal ay ku taageerayso Sucuudiga, kaddib markii uu muran ka dhashay dilkii loo geystay wariyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamal Kashoggi, taasoo si weyn loogu cambaareeyay dowladda Soomaaliya. Ugu dabmeyn, Dowladda Somalia ayaa Mowqif dhex dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka soo dhex-galay, laakiin siyaasiyiin badan ayaa aaminsan inay dowladda la safatay dowladda Qatar oo xiriir wanaagsan la leh Madaxda Dowladda Federaalka Somalia. DHAGEYSO: Hadalka Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan Arrintaan; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/DHAGEYSO_Farmaajo_Siyaasad_Culus.mp3 PUNTLAND POST The post FARMAAJO oo Qiray in Culeys Siyaasadeed ay kala Kulmeen Go’aannadooda Deg-degga ah appeared first on Puntland Post.
  8. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeeyen degaanka Buula Xaajo oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararku waxa ay sheegayaan in Diyaaradaha ay dhawr gantaal la heleen goob ay ku sugnaayen dad shacab ah oo uu ka daarnaa Dab. Duqeynta ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dadkaasi, kuwaa oo la sheegay in lagu khaldan Al-Shabaab. Waxaa la sheegay in duqeyntan ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex wiil oo dhalinyaro ah, halka mid kale uu ku dhaawacmay duqeyntan dhaawiciisa gaari Dameer loogu qaaday magaalada Kismaayo. Sidoo kale, Goobta ay diyaaradahan duqeynta la heleen ayaa waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn xubno ka tirsan Al Shabaab, keliya dad shacab ah lagu waxyeeleeyay. Dhinaca kale, waxan jirin ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda duqeyntan, hase yeeshee maalmihii la soo dhaafay diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan gobolada Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa furitaanka kalfadhiga 4aad ee October 15-keedii waxaa uu ka jeediyey khudbad dheer, isaga oo ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Nidaamka Federaleynta, Kaalinta Aqalka Sare ee Hirgalinta Nidamka Federalka, Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka, Shuruucda hor tabinta u leh Qaranka, Xoojinta korjoogteynta dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyada iyo arrimo kale. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa Khudbadda Guddoomiye Xaashi Oo Dhameystiran: Halkan uma soo istaagin in aan hadlo hadal badan, lakiin waxaan doonayaa inaan ka hadlo qodobadan soo socda: (1). Nidaamka Federaleynta: Waa nidaam ku cusub dalka iyo gayiga Soomaliyeed, una baahan in laga baaraan dego nuuca la qaadanayo iyo sida ugu haboon ee loo hirgelin karo iyada oo aan la dhaawicin jiritanka qaranimada, haatan waxaa la joogaa meel; laga anbaqaadi karo, waxaa dhisan dowlad dhexe iyo dowlad gobaleedyo balse waxaa loo baahanyahay in dastuurka KMG ah loo dhaqan galiyo si dhaba ah ayada oo laga lagu ixtiraamayo hey’ad walbo oo hey’adaha dastuuriga ah shaqada loo igmaday si dadaalada dib u dhis dowladnimo looga wada qeyb qaato, loogana fogaado jahwareer isbarbar yaac iyo shaqooyin laysku qabsado, taana waxaan ku gaari karnaa anaga oo ku dhaqanna hirglinta inay kala madaxbanaanaadaan sedexda awoodood ee dalka fulinta, garsoorka iyo sharci dejinta ee ku cad dastuurka KMG ah qodabkiisa 55aad ilaa 114aad ee dastuurka iyo sidoo kale wada shaqeenta iyo iskaashiga labada hey’ad dowladeed ee ku cad qodabka48aad ilaa 54aad ee dastuurka KMG ah. (2). Kaalinta Aqalka Sare ee Hirgalinta Nidamka Federalka: Dalkani waxaa uu dhowaan bilaabay tijaabo cusub oo aan horay loogu dhaqmi jirin kaasoo ah nidaamka federaalka ah, waxaan qabnaa inaan siyaasad cad ka yeelanno hirgalinta nidaamka fedeleynta dalka iyo dhameystirka dastuurka qabyada ee dalka u yaala, kaasi oo kala xadaynaya awoodaha ka jira dalka si loo helo wada shaqeen dhaba oo federalka iyo dowlada dhexdeeda ah maadaama aqalka sare loo igmaday matalaada dowlad gobaleedyada iyo federaleynta dalka aqalkuna si dhab ah uu uga war hayo nidaamka Federaleynta dalka ka socota, waxaa looga fadhiyaa dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyadu inay ku ixtiramaan aqalka sare kaalintiisa dastuuriga ee ku qeexan qodabka 61aad farqadihiisa koowaad iyo labaad iyo 71 ee dastuurka KMG ah. waxaan u aragnaa in aqalka sare uu udub dhexaad u yahay nidaamka federaleynta iyo dhammaan arrimaha u baahan wada xaajoodka ka dhalan kara hirgelinta nidaamka dalka oo dhan lagu gaarsiinayo federaalka. Kalfadhigan cusub, waxaan ku howl gali-doonaa anagoo kaashanayna golaha shacabka shuruuc hagaysa nidaamka federalka iyo iyadoo wada hadal laga furidoono qodabada ugu waweyn ee federaleynta dalka isla markaana looga faa’idaysanayo waxyaabihii aan ka baranay dhaqangalintii koowaad iyo faa’idada ay dhaxleen wadamadi ayagu ku dhaqmay nidaamka federaalka. (3). Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka: Dastuurka federaalka ee loo dhan yahay waa aasaaska dowladnimo ee dalkeenna Soomaaliya, markaad eegto wadamada qaatay, kuna dhaqmay nidaamka federaalka, waxaa ahmiyada koowaad la siiyey kala qeexidda awoodaha dowladeed ee dalka ka jira, qeybisga kheyraadka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa, loona hirgalin lahaa nidaamka fadaraalka ee la qaatay, waxaa lagama maarmaan ah in arrimahaas laga yeesho wada xaajood dhab ah, si looga miro-dhaliyo eegista kala hufidda dastuurka haatan socda. Sidoo kale dastuurku waxa uu tilmaamayaa arrimo faraban oo madmadow uu ku jiro iyo kuwo iska hor imaanaya, waxaana u baahanahay in si cad loo kala qeexo, loona saxo dastuurka fadaraalka, waa inuu ahaadaa mid si cad uga muuqato dhammaan waxa aasaasiga u ah dhisidda dowladnimada iyo hirgelinta arrimaha federaaka ee haatan dalku cagaha saaray. Hadaba waxaan u aragnaa inaan afar arrimood looga maarmi karin nidaamka federaalka ah ee uu dalku qaatay: (B). In la de-dejiyo dib u eegista dastuurka, laguna soo gabagabeeyo xiligii ay labada guddi soo jeediyeen dastuurka oo kala ah (1). gudiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka (2). gudiga madaxabanaan ee la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee ku hoolan dib e eegista dastuurka. Waxaa qasab ah in lagu ixtiraamo guddiyadaas howlaha ay gacanta ku hayaan loona madax banneeyo howlaha loo igmaday, wasaaradda dastuurkana ay wadashaqeyn dhow la yeelato guddiyadaas ku howlan arrimaha dastuurka, xukuumaduna ay u fududeyso waxyaabaha ay waajibaadkooda ku fushan lahayeen. (T). In si degdeg ah loo dhiso golaha adeegga garsoorka oo aasaas u ah helitaanka garsoor hufan oo madaxbanaan una hogaansama sharciga oo kaliya (J). Dhisidda adeegga garsoorka oo soo xulaya xubnaha garsoor hufan waxay shardi u yihiin aasaaska maxkamada dastuurigaa oo ayadu awood uleh inay fasiraadda qodobada dastuurka ku qoran go’aan ka gaaris iyo murannada iyo khilaafyada u dhaxeeya dowlada iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo murannada ka dhasha shuruucda dastuurka ku qoran. (X). In shuruucda fadaraaleynta dalka laga wada shaqeeyo sidii loo dhameystiri lahaa ayadoo ay hurmuud ka noqonayaan xukuumada federaalka ah iyo baarlamaanka labadiisa aqal. (4). Shuruucda hor tabinta u leh Qaranka: Dalkeennu wuxuu u baahanyahay shuruuc fara badan oo kala haga howlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda hadda xilka heysa iyo kuwa ka danbeyn-doona. Waxaan ognahay muddo xileedka barlamaanku Federaalka labadiisa aqal ay tahay mid kooban sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in xukuumaddu ka faa’iidaysato muddadaas kooban , ayna si isdaba jooga ah u soo gudbiso dhammaan shuruucda hortabinta u leh qaranka ayadoo si isu dheelitiran u hor dhigaysa laba aqal ee baarlamaanka fadaraalka ee Soomaliya Aqalka sare asagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah wuxuu balan qaadayaa inuu si degdeg ah shuruucda horyaala uu uga howl galidoono iyadoo la siinayo mudnaanta ay kala leeyihiin, laguna dhameystirayo muddo kooban oo waafaqsan habraaca meel marinta shruucda dalka. (5). Qorshaha kalfadhiga 4aad ee aqalka sare Golaha aqalka sare waxa uu hiigsanayaa kalfadhiga 4aad inuu ka howl-galo arrimahaan soo socda (1). Curinta shuruuc aasaasiya, oo aan looga maarmin karin hirgalinta nidaamka federalka. (2). Fulinta gogal wada xaajood oo looga arin sanaayo arrimaha dastuurigaa iyo wada shaqeynta laba heer dowlad, xalna loogu raadinayo khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhaxeeya labada heer dowladeed. (3). Xoojinta matalaada xubinimada maamul gobaleedyada iyadoo markasta laga duulayo danta qaranka si waafaqsan qodabka 61aad tirsigiisu yahay 1 ilaa 3 ee dastuurka KMG ah. (4). Dhameystirka habraaca meelmarinta hindisiyo sharciyeedyada kheyraadka biyaha iyo hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ah labo sharci oo ay gacanta ku hayaan guddiyada ku shaqada leh (5). Xoojinta korjoogteynta dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyada si loo suurta geliyo hirgalinta arimaha federaleynta. (6). Dardargelinta howlaha korjoogteynta xukuumadda dhexe iyadoo iyadoo diiradda la saarayo wasaaradaha iyo xafiisyada ugu muhiimsan. (7). Ka shaqeynta sidii loo heli lahaa wada shaqeyn dhab ah oo dhexmarta baarlamaanka federaalka iyo xukuumadda dhexe iyo aragti midaysan laga yeelanayo shuruucda hortabinta u leh qaranka. (8). Guddoonka labada aqal ee federaalka ah ayaa isku raacay inay wada kulmaan labada gudi joogto, lana diyaariyo xeerhoosaad wada jir ah uu yeesho baarlamanka federaalka ah labadiisa aqal Gunaanad, golaha aqalka sare ee fadaraalka ee Soomaliya, wuxuuu diyaar u yahay inuu kaalin mugleh ka qaato, ka miro dhalinta wada xaajoodyada la filayo inuu u dhaxeeyo labada heer maamul ee dowlad, isla markana waaxa uu u heelan yahay inuu meel mariyo shuruucda hortabinta uleh qaranka Ugu dambeyntii, waxaan guud ahaan shacabka Soomaliyeed meel waba uu joogo ugu baaqayaa midnimo iyo in khilaaf kasta oo jiro wada hadal lagu xaliyo, isu tanaasulaan is faham iyo walaltinimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Riyadh, Saudi Arabia (CNN)With every claim from Turkey detailing more lurid details in the alleged murder of Jamal Khashoggi, Saudi Arabia's media bends further forward -- risking a face plant in its efforts to kowtow to a different reality Source: Hiiraan Online
  11. KABUL, Afghanistan (AP) — A high-level meeting on security plans for Afghanistan’s parliamentary elections had just concluded when an elite Afghan guard turned his gun on the departing delegation Thursday, killing the powerful Kandahar police chief but missing the top U.S. commander in the country, Gen. Scott Miller. Source: Hiiraan Online
  12. Ancient Egypt’s female feline goddess had two sides. As Bastet, she could nurture and protect; as Sakhmet she had a propensity to brutally attack and maim without control. But in both forms, she had one raison d’être: to protect and nurture the patriarchy. Source: Hiiraan Online
  13. The head of Israel’s leading human rights group strongly criticized Prime Minister Benjamin Netanyahu’s government during a contentious UN Security Council meeting on Thursday for what he called its “supremacy and oppression” of the Palestinians. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay qaabka ay ku maareeyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre haddii uu soo dhex galo khilaaf la xiriira dhanka shaqada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ammaan u jeediyey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre xilli uu kala qeybgalay shirka toddobaad laha ah ee Golaha Wasiirada oo uu tilmaamayey shaqada hufan ee uu qatay 18-kii bilood ee Xukumaddu jirtay. Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya sida ay ula xalliyaan khilaafkooda waxa uu yiri “Mar kii ay timaado arrin culus oon isku qabsano labadeena waan u talo badsanaa, ka dib waxaan raadina khubaro kuwaas oo keena xalka ugu wanaagsan, ma jirto dan shaqsi oo dhexdeena ee waxaan ka shaqeeyna danta Guud. Waxaana awooda saarna mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan, ummada Soomaliyeed waxay heystaan ra’iisul wasaare wanaagsan iyo gole wasiiro oo iyana wanaagsan.” Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo mar walba wax walba oo wanaaga u aaneeya Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha Wasiirada ka hor sheegay in ay fuliyeen ka Xukumad ahaan, hadana wadaan ka shaqeynteeda barnaamijkiisii siyaasadda ee uu ku galay doorashadii 2017. Arrintan ayaa ah mid damaqday dareenka shacabka Soomaaliyeed oo aan hore u arag hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed oo wada shaqeeya kuwaas oo isu hibeeya guulaha ay gaaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Ghanaian players and coaches traveling to work across the African continent has become fairly common these days. Source: Hiiraan Online
  16. Kenya Airways is planning direct flights to Somalia’s capital Mogadishu; days after regional rival Ethiopian Airline said it will resume flights to the destination from November 2. Source: Hiiraan Online
  17. Riyadh (Caasimada Online) – Shirkadaha iyo hay’adaha ugu weyn ee dunida ayaa qaadacaya shir maal-gashi oo 23-ka illaa 25-ka October lagu qaban doono dalka Saudi Arabia, sababo la xiriira xaaladda suxufiga la lay’ayah ee Jamal Khashoggi. Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF Christine Lagarde oo lagu waday inay ka qeyb-gasho shirka, ayaa baajisay safarkeeda, sida uu sheegay afhayeenka IMF, oo aan bixin wax sharraxaad ah. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin uu sidoo kale go’aansaday inuusan ka qeyb galin shirka Hindisaha Maal-Gashiga Mustaqbalka ee Riyadh iyo in kale. Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda Sanduuq Maal-galinta Guud ee Sacuudiga ayaa waxaa qorshuhu yahay in lagu muujiyo isbeddelada dhaqaale ee uu wado dhaxal-suge Maxamed Bin Salman. Si kastaba, shirkan ayaa jahwareer uu asiibay kadib markii la waayey suxufiga sacuudiga ee Jamal Khashoggi, oo ahaa nin dhaliila boqortooyada, kaasi oo aan la arag tan iyo labadii October markaasi oo uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Website-ka shirka oo markii hore ay ka muuqdeen liiska dadka ka hadli doona shirka, ayaa hadda laga saaray liiskaas, xilli ay sii kordhayaan dadka shirka qaadacaya. Shirkadaha iyo madax ilaa hadda shirka qaadacay ayaa kala ah: Siyaasadda — Xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin — Wasiirka dhaqaalaha France, Bruno Le Maire — Xoghayaha ganacsiga Britain, Liam Fox — Wasiirka maaliyadda Holland, Wopke Hoekstra Maaliyadda — Madaxa Bankiga HSBC, John Flint — Madaxa shirkadda Credit Suisse, Tidjane Thiam — Madaxa MasterCard, Ajay Banga — Madaxa shirkadda BNP, Jean Lemierre — Madaxa shirkadda Societe Generale, Frederic Oudea — Madaxa Bankiga JPMorgan Chase, Jamie Dimon — Madaxa shirkadda BlackRock, Larry Fink — Madaxa shirkadda Blackstone, Stephen Schwarzman — Madaxa Bankiga Standard Chartered, Bill Winters — Madaxa suuqa saamiyadda London Stock Exchange, David Schwimmer Ganacsiga iyo teknoolajiyadda — Guddoomiyaha shirkadda baabuurta Ford, Bill Ford — Madaxa shirkadda taxi-yada Uber, Dara Khosrowshahi — Bilyineerka British-ka ee Richard Branson — Madaxa shirkadda Thrive, Ariana Huffington — Madaxa Google Cloud, Diane Greene Warbaahinta — Madaxa shirkadda Viacom, Bob Bakish
  18. ISTANBUL — The rulers of Saudi Arabia are considering blaming a top intelligence official close to Crown Prince Mohammed bin Salman for the killing of Jamal Khashoggi, three people with knowledge of the Saudi plans said Thursday. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad u dhaliilay shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee uu shalay ka qeyb-galay madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay dhowr qodob oo uu shirka ku dhaliilayo. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook. Waxaa haboonayd babdhigii dhoolatuska ahaa ee ay maanta Madaxweynaha iyo RW soo badhigeen in Baarlamaanka laga horjeediyo ama warbaahinta madaxa banaan lagu casuumo si ay su’aalo uga waydiiyaan waxa ka run ah. Waxaan la yaabay xasilooni siyaasaded ee laga hadlayo, laakiin la soo hadal qaadaynin xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada iyo in aysanba xisaabtaba ku jirin wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaan la yaabay siyaasada Geeska Afrika oo laga hadlayo, balse aan la soo hadalqaadin gees gelinta lagu hayo dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxaa lagu celceliyey cid khalad loo cafaniyo ma lahan, welina lagama cudur daaran gaboodfalkii taariikhiiga ahaa ee Mudane Qalbidhagax lagu gacan geliyey, lagamana xisaabtamin weerarka 17 December hoygayga hogaamiyaha Xisbiga Wadajir lagu qaaday, shan askari lagu dilay, kabahana lagu aasay. Amnigii waa hagagaagay ciidankii dhismihisii meel fiican ayuu marayaa baa la yiri, waxaanse wada ogsoon yahay in sanadkii la soon dhaafay dadkii ugu badnaa Alshabaab naga dileen, weeraradii ugu badnaana geysteen, Madaxweynaha uu dhulka mari waayey oo uu Marka diyaarad ku tegay, taangi AMISOM na ku dhexjiray, RW uu sidoo kale Jowhar diyaarad ku tegey, oo jidka Balcad mari waayey, sedexdii bil ee kasta taliyayaasha ciidanka la bedelo, shacabkii wadooyinka laga xirayo, ganacsatadii canshuur dheeri ah iyo amni xumo ka cabanayaan. Markaan arkay riyaawada maanta lagala baqay in lagu hordhigo Golaha Shacabka ama warbaahinta madaxa banaan waxaan soo xasuustay Allaha u naxariistee oraahdiii uu waxa caynkaan ah ka oran jiray Prof Saciid Samatar ee ahayd “Shimbarayahow Heesa”
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay ka qeyb-galay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada ayaa xukuumadda Soomaaliya u soo-jeediyey inay hindise sharciyeedka doorashooyinka ansixiyaan todobaadka soo socda uuna u gudbo baarlamaanka federaalka ah, una daba-galaan, si doorasho uga dhacdo Soomaaliya 2020-ka. Madaxweyne Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaan ka hadalnay inclusive politics oo ah siyaasadda loo dhanyahay, waxaan idiinka codsanayaa usbuuca soo socda in aad ansixisaan sharciga doorashooyinka, si annaga ay nooga dhammaato xukuumad ahaan, oo sanadkan dhammaandkiisa ay baarlamaanki u ansixiyaan si uusan waqti nooga lumin, in aan ku daba galno golaha shacabka, oo si doorasho loo qabto 2020-ka ay ansixiyaan sharcigaas”. Dhinaca kale, axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa arrintan ka hor-yimid. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale ayaa yiri “Hadda ayaan warbaahinta ka arkay, madaxweynuhu inuu yiri sharciga doorashooyinka ha la keeno simitaanka soo socda, innagu waxaan xiriir leenahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ilaa hadda xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda oo aan la xiriireynay beryahan oo dhan waxaa uu naga balanqaaday inuu u keenni-doono wadatashi, sharuucda golaha wasiirrada iyo baarlamaanka lama geeyo iyada oo aan lageyn wadatashi…aragti ayaan ka leenahay, input badan ayaan rabnaa in aan gelino, waayo waa sharcigii hagayey xisbiyaga raba inay u tartanto doorashada qaranka, marka howl inaga na quseyso waaye”. Mr. Kamaal ayaa dhinaca kale ka hadlay saameynta sharciga “Qodobka 2aad, heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo waxaa la isku raacay in la qaato “matalaada isku dheelitiran liiska xiran”, laakin ma lagu heshiin Satate constituency ama single constituency, arrintaas heshiis lagama gaarin, haddii la dhaho Satate constituency sharci si ayuu u qormaayaa, haddii la dhaho single constituency si kale ayuu u qormaa, sharciga marka la qoranaya, dowladda go’aan ay gaartay oo aysan aragti kale gelin, waa sharci baxsad ah, waxaan u sheegeynaa dowladduu inay soo celiso, wadatashi gesliso, innagana ay nagala hadasho”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda xiriirka ee ka tirsan ururka OIC ayaa la werinayaa in kulan heer wasiirro ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho 27 October 2018, kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo golaha ammaanka loogu baaqi-doono inay cunaqabateynta hubka gebi ahaanba ka qaadaan Soomaaliya. Haddaba, War-murtiyeedka waxuu u qornaa: Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa looga baaqi-doonaa inay ixtiraamaan midnimada, xasiloonida iyo bad-qabka dhulka Soomaaliyeed halka beesha caalamka laga rabo inay aragti mideysan oo siyaasadeed ka qaataan arrimaha Soomaaliya. Waxaa lagu soo dhowyn-doonaa heshiisyada taariikhiga ah ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada gaar ahaan kuwa ku saabsan nooca iyo qaabka doorashada 2020-ka, qeybiga kheyraadka ee lagu gaaray magaalada Baydhabo June 2018, kuwaas oo qeyb ka ah horumarka nidaamka siyaasadeed ee federalism iyo hab maamul oo joogta ah. Waxaa ammaani-doonaa horumarka laga gaaray dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda ah, amniga iyo xasiloonida, kobaca dhaqaalaha iyo matalaadda la siiyey haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Kulanka waxaa lagu bogaadin-doonaa dowladda federaalka ah, ciidamada xoogga dalka, ciidamada AMISOM ee military iyo booliisba horumarka ay gaareen amniga iyo xasiloonida. Kooxdan waxaa ay golaha ammaanka ugu baaqi-doonaan in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya. Kooxda waxaa cambaareynayaan Al-shabaab iyo in waxyeellada ay wadaan ay ka hor imaaneyso dhambaalka Islaamka ee ka tarjumaya nabadda, dhex-dhexaadnimada iyo xormeynta qiimaha nolosha. Kooxdan waxaa ay soo dhoweyn-doonnaan natiijada kulankii Brussels 16-17 July 2018 kaas oo ka dhashay shirkii London iyo qaar kale oo Muqdisho ka dhacay, shirka oo ay ka qeyb galeen ururka Iskaashiga Islaamka waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay inay kaalin ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa horumar. Kulanka waxaa dalalka xubnaha ka aha ururka iskaashiga Islaamka(OIC) iyo hey’adaha lacagta loogu baaqi-doonaa inay kordhiyaan taageerada banii’aadnimo ee la siinayo NGO’ska iyo goobaha tabaaleysan. Kulanka waxaa lagu soo dhweyn-doonaa in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta. Kulanka waxaa loogu hambalyeyn-doonnaa dalalka xubnaha ka ah OIC ee safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana sidoo kale loogu baaqayaa dalalka kale ee aan weli safaarad ku laheyn inay soo dedejiyaan sidii ay safaarad uga furan lahaayeen magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii, kulanka waxaa uu ugu baaqi-doonnaa dowladaha xubnaha ka ah ururka, hey’daha maaliyadda, ururrada NGO’ska ee dalalka Islaamka iyo kaalmo degdeg ah gaarsiiyaan qaxootiga iyo barakacayaasha, oo ay ku jiraan dalalka qaxootiga marti-geliya iyo xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. • Magacaaga Sheeg Xaakimka ama qaadiga ayaa Sadam Xuseen alla ha u raxmadee magaciisa weydiiyay. Kadib wuxuu Saadam Xuseen ku jawaabay “Dastuurka Ciraaq waan xushmeynayaa lakin dastuur uu Bush wax kudaray ma ahan midka aan xushmeeynayo. “Magaceeyga waa macruuf, mana kuu sheegayo. Mase Bush ayaa su’ashan kuu soo dhiibay Yaa xaakim” “Islaamka waa dowlad guureeysa. Adiga xaakim waxaad halkaan ku fadhisaa fikrad Mareykan. Waa is ognahay dhamaanteen” • Xaakimka Oo Salaad U Diiday Sadam “Labo wajeer waxaan kuu sheegay in waqtiga salaada casar la joogo lakin waad iska indho tirtay, sabab?” “Ka cabsan maayo qofna xitaa adiga iyo wixii lamidka ah. Waxaan kaliya ka cabsanayaa waa Alle swt”. • Mar uu xaakimka hadalka ku celiyay Sadam Xuseen ayuu sidaan ugu jawaabay. “Xaakim, aniga maahi arday wax ka dhigta iskuulkaaga. Igu xushmeey inaan ahay madaxweynahaaga” “Waxaan kutasay dhaawacyada mareykanka ii geysteen. Wali waad aamini weysan tahay sababtoo ah Bushka xun ayaa kugu yiri kalmad walbo oo Sadam uu sheego yaan la rumeysan” • Kalmado Ay Wali Xasuustaan Shacabka Ciraaq “Dadka marqaatiyaasha ah waxey ka dhex hadlayaan qol aan daaqado lahayn. Micnaha aan ula jeedo waad fahmi kartaa” “Daanyeerada markeey ku qoslayaan geedaha korkeeda Libaaxa wax ‘Care’ ah ma siiyo” • Habaarkii Uu Bush Iyo Peres “Naclatullah Bush iyo Peres-ka isra’il. Waan ogahay in maxkamadaan ay kor joogto ka yihiin lakin maalin waxaa dhaceeysa aad ka shalaayi doontaan” “Kitaabkaas gacanta iigu jira ayaan aaminsanahay. Waligeeyna aaminsanaa, wax geeri ah kama baqayo lakin Ciraaq waxaad gacanta u galiseen Yahuud iyo Kufaar” • Carab Iyo Gumeysi “Carab oo dhan waa gumeestayaal kor laga heysto. Arag Sacuudig, arag Imaaraadka, arag Kuweet iyo maanta ciraaq” “Waxaan ka xumahay anigoo arkaya in dalkeeyga lagu soo duulay in dadkeeyga ay gacmaha iga xirxireen” “I dhageysta shacabka islaamkoow. Marnaba ha ogolaanina in dalkiina ay soo faragaliyaan yahuud iyo reer Galbeed” “Kuwo daciif oo idinka mid ah ayey qalbiga ka xadayaan kadibna dalkiina ayey la wareegayaan. Waqtigii rasuulkana wey jirtay arintaas”. • Allahu Akbar Maxkamada markeey ku dhawaaqday in ugu dambeyn la daldalo madaxweynihii hore Ciraaq ayuu yiri Sadam isagoo aad u qiireeysan “Allahu akbar, allahu akbar, allahu akbar. Ciraaq wey jireeysaa, saddam geeri kama baqayo. Gaalo ayaad u shaqeeyseen oo dalkiina gacanta u galiseen” “Allahu akbar, alle i abuurtay ayaan dib ugu noqonayaa. Naclatullah mareykan iyo wixii taageersan, geeri waa xaq. Saddam waa baxay shacabka ciraaqoow” Kadib Isagoo salaad sunno ah tukaday kadibna kitaabka aayado ka aqristay ayaa la daldalay maalin Ciid ah. Waxaa Qoray: Idris Abdulkadir
  23. Tel Aviv (Caasimada Online) – Gabadh reer Falastiin oo tebiyaha ka aha mid ka mid ah taleefishinada Israel, Lucy Aharish ayaa lagu eedeeyey in ay dooneyso waxyeeleynta Israel kaddib markii ay guursatay lamaaneheeda ah jilaa isna Israeli ah Tsahi Halevi shalay. “Waxaan saxiixeynaa heshiis nabadeed,” waxaa sidaas ku kaftamay labada lamaane xilli ay fidinayeen casuumadda arooskooda, sida ay qortay majaladda Hayom. Xubin ka tirsan baarlamanka Israel ee Knesset, Oren Hazan ayaa ku baaqay in la joojiyo YUHUUDEYNTA isaga oo yiri: “Ku Eedeyn maayo Lucy Aharsih in ay shukaasato naf Yuhuudi ah iyada oo ka leh hadaf ay ku dhaawaceyso dalkeenna iyo in ay is hortaagto in ay dhashaan farac Yuhuud ah oo sii wada dhaxalka Yuhuudda, taas cagsigeed, haddii ay iyadu is bedeleyso waan soo dhaweyneynaa.” Guurkaas waxaa sidoo kale meesha ka saaray Arye Deri, oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha ee Israel. “Waa arrin iyaga u gaar ah. Laakiin, ka Yuhuudi ahaan, waa in aan kuu sheego in aan waxyaabaha ceynkaas ah ka soo horjeedo iyada oo ay sababtu tahay waajibka naga saaran ilaalinta dadka Yuhuudda ah,” ayuu Deri ku siiyey wareysi Raadiyaha ciidamada ee Israel. “Carruurtooda wey guri doonaan, dugsi ayey aadi doonaan oo mar dambena wey guursan doonaan, waxa ayna wajihi doonaan dhibaatooyin adag.” Halevi oo ah jilaa Yuhuudi ah balse aad ugu hadla luuqadda Carabiga, waxa uu hore u ahaa taliye qarsoon oo ka hawlgali jiray xuduudaha Falastiiniyiinta – door oo aad ugu soo caan baxay markii uu ka soo muuqday filimka taxanaha ah ee Netflix series “Fauda”. Aharish oo ah Falastiiniyad, waxa ay noqotay Muslimaddii ugu horreysay hadana ah Carabiyad oo tabiye ka noqota telefishinka afka Hebrew-ga ku hadla ee Israel. Waxa ay qabatay wareysiyo ay la yeesheen saxaafadda, iyo in ay haybsooc kala kulantay Israel iyo cadaadis kaga yimi qoyskeeda oo la xiriira guur ka baxsan diinta Islam-ka. Aharish waxa ay hoos u dhigtay eedeymaha la xiriira guurkeeda iyada oo sheegtay in ay jiraan waxyaabo kale oo nolosheeda uga muhiimsan oo ay tahay in ay la tacaasho. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka ay isugu yimaadeen Ururka Dhalinyarada Beesha Galmaax Yoonis ayaa shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay aaya ka talinta Beesha Galmaax Yoonis, Waxaana ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis Mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Hindi). Sido kale Shirka ayaa looga Dhawaaqay Gudi Kumeel Gaar ah Oo la shaqeeya Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis. Waxaana Gudigaas Oo Ka Kooban Afar Xubnood Ay Kala Yihiin 1) Liibaan Xuseen Yoonis 2) Maxamed Ahmed Cumar Qasaaye 3) Xasan Cumar Cusmaan Xasan Juungale 4) Nimco Cali Xasan. Gabagabadii Shirka Waxaa Ka Hadlay Qaar Ka Mid Ah Nabadoono Galmaax Yoonis Ah Iyada Oo Halkaas Ay Ka Jeediyen hadalo iskugu jiro Duco iyo Dardaaran. Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Hormarinta Beesha Galmaax Yoonis Mudane Cali Maxamed Xasan Cali Hindi Ayaa Sheegay In Loo Bahan Yahay In Dhalinyarada Beesha Ay Mujiyaan Isku Xirnaasho Isla Markaana Ay Ka Shaqeyaan Hormarka Dhalinyarada Beesha Galmaax Yoonis.
  25. MOGADISHU (HOL) – In the regular Somali cabinet meetings, competition for attention is not an commonplace encounter, but it was different on Thursday when a minister stole the limelight from the day’s agenda to Somaliland’s unemployment challenges and its unification talks with Somalia which he said should have been the main agenda instead. Source: Hiiraan Online