-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maalin kaliya waxaa gobolka Sool lagu qubay dhiiggooda dad kor u dhaafaya 100 taas oo argagax ku ridday dhammaan umadda Soomaaliyeed. Inta badan bulshada ku dhaqan deegaankaas iyo Soomaali dhammaanteen waxa ay la’yihiin meel ay u saaraan masiibada ku habsatay dadkaas Soomaaliyeed ee mar walba ku le’da qaababka kala duwan. XASUUQA SOMALILAND Bulshada Soomaaliyeed eek u nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma helin maamul ka fekera danahooda iyaga oo dhexda u galay Puntland oo ay iyagu wax ka dhisteen iyo Somaliland oo ay isku diideen gooni isutaagga. Qadiyadda ay ka soo horjeesteen ah in aan Soomaaliya la kala goyn waxa ay ku muteysteen dil iyo dhac ay isugu dartay maamulka Somaliland iyada oo la xasuusto in shacabka rayyidka ah ee Buuhoodle beebe lagu jiirsiiyey booqlal iyaga oo ah. Ilaa iyo hadda, Somaliland kama deyn bulshada Soomaaliyeed ee gobolladaas iyga oo ujeedada ugu weyn ee ay kula dagaalamayaan tahay maxaad ku ugu hanqal taageysaan midnimada Soomaaliya. Waxa ay ku dhex dhintaan dagaalada Puntland iyo Somaliland Labada maamul ee dhinacyada ka xiga bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Cay nee midnimada jecel waxa ay kala kulmeen dhibaato isugu jira dilal, dhaawac iyo waliba barakac baahsan. Xisaab ma leh inta jeer ee ay ku dul dagaalameen labadaas maamul, dagaaladaas waxa ay ku rebeen umadda halkaas dadka cawaaqib xumo oo ay ugu dambeysaa boqolaalka kun eek u barakacay dagaaladdii Tukaraq. Kaalinta ay ku leedaahay dowladda dhexe dhibaatada haysata bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay kaalin weyn ku leedahay mushaakilaadka noocyada badan ee haysata bulshada midnimo jaceylka maalin walba loogu laayo. Dowladdii Shiekh Shariif Shiekh Axmed, waxa ay ku dhiiratay in ay aqoosato maamulkii Khaatumo ee ay dhisteen bulshada deegaanadaas, hase ahaatee, waxaa is hortaagay Gaas oo xilligaas ahaa Raisul Wasaarihiisa isaga oo ka eegayey danaha maamulka Puntland ee uu ka soo jeedo. Dowladdii Xassan Shikeh wey uga sii dartay iyada oo xubnihii ay golaha shacabka ku lahaayeen u diiday in ay si xor ah oo madax bannaan u soo doortay, waxaa lagu soo doortay Garowe, ogow, waxaa hadda ka maqan xubin Aqalka Sare ah oo ay xaq u lahaayeen taas oo ku dhex luntay sad bursiga Somaliland iyo Puntland. Dowladda ay Madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre? Xukumadda hadda jirta wali ma qaadin tallaabo u muuqata mid shacabkaas looga dulqaadayo masiibada ku habsatay, hase ahaatee, uma muuqdaan kuwo u dhaami doona kuwii ka horreeyey. Hadaba, Maxaa la gudboon dowladda Federal-ka ah? Dowladda Federal-ka ah waxaa uu waajib ka saaran yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ka midka yihiin gobolladaas dhibaatadu dariska la ahaa sanadaha badan. Haddii ay ka go’an tahay in ay ka badbaadiso shacabkaas marna lagu dul dagaalamayo,mar iyagii la isku dirayo,marna si bareer ah loo gumaadayo, waxaa la gudboon in ay raadiso xalka ugu habboon ee lagu samatabixin karo dadkaas sida; in ay aqoonsato maamulka ay dhistaan, xuquuqda ay leeyihiin goboladdaas ee deeqahaa ay si toos ah dadka iyaga metala ugu dhiibto iyo in ay u madax banneyso soo xulashada xubnahooda dowladda iyo waliba ugu dambeyn, haddii Somaliland iyo Puntland ku sii wadaan dhibaatada ay ku hayyaan in ay u dirto ciidamo ka xorreeya haddii ay ahaan lahaayeen Soomaali ama AMISOM. Intaa haddii laga waayo, Federal-ka waxa uu qeyb ka sii ahaan doonaa dhibaatada raggaadisay bulshadaas Soomaalinimada jecel. Caasimada Online Xafiiska Laascaanood Caasimada@live.com
-
LAS ANOD (HOL) - More than 50 people were killed and over 80 others were hurt after two clan militias clashed in northern Somalia, residents and officials said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Aamin has a fleet of 16 ambulances but can now only afford to operate 10 on a regular basis in Mogadishu, which suffers regular bomb attacks. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guriga Qunsulka Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa la sheegay in laga helay qeybo kamid ah jirka Saxafiga la dilay ee Jamal Kashoggi. Telefeshinka SKY News ee xaruntiisa dhexe ku taala dalka Britain oo xiganaya illo uusan magacaabin ayaa sheegay in darjiin ku dhexyaala guriga Qunsulka Sacuudiga laga helay qeybo kamida jirka Saxafiga oo la jarjaray iyo Madixiisa oo la burburiyay. Baarayaasha Turkishka ayaa waxa ay maalmahani baaritaan ka dhex wadeen Guriga Qunsulka oo 500 talaabo u jira dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga, halkaasi oo bishan 2-da lagu dilay Saxafiga Jamal Kashoggi. Warkan ayaa soo baxay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan uu maanta faahfaahin ka bixiyay dilka Jamal Kashoggi, waxa uuna walaac ka muujiyay inaanu wali la helin Meydka Saxafiga. Erdogan waxa uu Saraakiisha Sacuudiga ka codsaday inay sheegan halka ay ku aaseen Meydka Saxafiga Jamal Kashoggi. Warbaahinta Turkiga waxa ay sheegen in Hanti uu leeyahay Jamal Kashoggi laga dhex helay gaari ay leedahay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Dhinaca kale, Afhayeenka Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegay in wax laga walaaco ay tahay in qeybo kamida jirka Saxafigaas la helo, halka qeybna aan laheyn. Haddalka Afhayeenka ayaa ahaa “Goobta laga helay jirka saxafigaasi waa mid kamida su’aalaha aan dooneyno inaan helno jawaabtooda, iyadoo aan jawaab buuxda ka sugeyno baarayaashaTurkiga”, ayuu yiri afhayeenka. Xigasho: SKY News IYO hurriyetdailynews
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin C/casiis iyo Dhaxal-suge Amiir Maxamed Bin Salmaan waxay maanta si rasmi ah ula kulmeen laba wiil uu dhalay Jamaal Khashoggi. Warbaahinta Sacuudiga ayaa soo bandhigay Muuqaalka Qaabilaadaasi, wuxuuna Boqor Salmaan u tacsideeyey Qoyska Jamaal Khashoggi. Boqorka ayaa shalay Khadka telka ugu tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay Suxufi Jamaal Khashoggi, isagoo maantana ku qaabilay qasriga Sacuudiga. Boqorka ayaa labada wiil ee uu dhalay Jamaal Khashoggi uga tacsiyeeyay qaabka uu u dhacay falka, waxa uuna ugu laab qaboojiyay in dowlada ay sii wadi doonto baaritaanka dilka aabahood. Sidoo kale, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula xiriiray Qoyska Saxafigii Sacuudiyaanka ahaa ee la dilay ee Jamaal Khashoggi. Erdogan waxa uu Qoyska Jamaal Khashoggi uga tacsiyeeyey dilkaasi oo ay xubno ka tirsan ku dileen gudaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada Istanbul. Erdogan ayaa qoyska Jamaal u sheegay inay heli doonaan warbixino xaqiiq ah oo ku saleysan dilka aabahood iyo shaqsiyaadka ka danbeeyay dilkiisa. Dhinaca kale, Erdogan waxa uu qoyska u balanqaaday inay ka garab istaagi doonaan dhan waliba, isla markaana falka dilka uu yahay mid ay geesatay Sacuudiga.
-
New York (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times waxa uu ka soo xigtay xubno ku dhow Madaxweynaha Turkiga inay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga ku fashilantay hindise ay Madaxweyne Erdogan u soo bandhigeen, si aan loo shaacinin natiijada baaritaanka dilkii Saxafigii Sacuudiga ee Jamaal Khashoggi oo bishan October 2-dii lagu dilay magaallada Istanbul. Wargeyska waxa uu qoray in Amiir Khaalid Faysal oo ah La- taliyaha Boqorka Sacuudiga oo dhawaan booqasho ku tegay Istanbul, iska markaana uu Madaxweyne Erdogan Kala hadlay baaritaanka dilkii Saxafiga Jamaal Khashoggi. Wargeyska waxa uu qoray inay Ilo-wareedyo u sheegeen inuu Amiir Khaalid u sheegay Erdogan qorshe ay Sacuudiga Ku beddelanayaan hakinta Kiiska Saxafigii la dilay. Qoddobadda ay Sacuudiga soo bandhigeen ayaa Kala ahaa:- 1-Inay taageero Maaliyadeed siinayaan Turkiga. 2-Inay Sacuudiga kordhinayaan Maalgashiga Turkiga iyo 3-Inay Sacuudiga cunaqabataynta ka qaadi doonaan Dowladda Qatar oo Isbahaysiga dhow la leh Turkiga. Xubnaha ku dhow Madaxweyne Erdogan waxay u sheegeen Wargeyska The NYT inuu Madaxweynuhu Ku gacan-sayray Hindisihii uu Amiir Khaalid Faysal u soo bandhigay. Wuxuuna Erdogan ku tilmaamay Hindisahaasi Laaluush Siyaasadeed. W/Q: Ustaad Nuuradiin Abuukar
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland Focus Group, oo ay ku mideysan yihiin musharaxiinta madaxweynaha Puntland, ayaa warsaxafeed ka soo saaray doorashada Puntland iyagoo Madaxwayne Gaas uga digay in dastuurka la furo oo xiligan kala guurka ah wax laga beddelo, isla markaana dalka khalkhal la galiyo . Annaga oo ka duuleyna, isla markaasna xoojineyna go’aankii Baarlamaanka (Golaha Wakiiladda) Puntland uu go’aamiyey 14kii Agoosto, 2018, kaas oo ah in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu ay dhacdo 8da Janaayo 2019ka, iyadoo loo marayo qaabkii hore, maadaama ay suurta geli weydey in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah 2019ka, waxaan soo jeedineynaa; 1 – Maadaama wakhtiga aan joogno doorashada Puntland ay ka hartay laba bilood, muddo-xileedkii xukuumadduna dhamaaday, si looga gudbo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee maanta taagan waxaa muhiim ah in wadajir iyo taxadar looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, abni iyo dhaqaale ee hada jira. Sida oo kale, Xukuumadda talada haysa waxaa saaran masuuliyad dastuuri ah, waxaana loo bahan yahay in dalku xiligaan kala guurka ah uga gudbo caqabadaha jira deganaan iyo kalsooni lagu qabo nidaamka doorashada. Sidaas daraadeed Puntland Focus Group waxay dalbanaysaa: 2 – In Madaxweynaha iyo Musharixiinta kale ay ka galaan wadatashi loo dhan yahay arimaha khuseeya Gudiga Xallinta Khilaafaadka Barlamaanka, si loo helo xubno lagu kalsoon yahay oo bulshada dhexdeeda ku leh ixtiraam iyo xurmo gartoodana lagu qanci karo. 3 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dawladda Puntland ay rabto in ay furto Dastuurka Dawladda Puntland si dano gaar ah loogu samaysto. Waxaan si adag u soo jeedineynaa in aysan dhicin wakhtigan isku day lagu faragelinayo dastuurka Puntland oo ku yimi afti dadweyne, lana abuurin jaahwareer sharci iyo qalalaaso siyaasadeed oo khatar gelin kara jiritaanka Puntland. Waxaan si adag ugu digeynaa Dawladda Puntland, islamarkaasna ay ka waantowdo arintaas ay waddo. 4 – In doorashada Puntland ku dhacdo jawi degan oo aan shaki gelin karin natiijada iyo nidaamka doorashada midna. 5 – Musharixiinta u sharaxan Madaxweynanimadda Puntland waxaa ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay shacabka reer Puntland kula hadlaan goobkasta oo munaasib ah, si ay ugu sheegaan fikrikooda siyaasadeed. Waxaana cambaarayneynaa falkii lagula kacay Faarax Cali Shire oo loogu diidey in uun ka khudbadeeyo barxadda magaalada Qardho iyo in la jeex jeexo musharaxa xayeysiintiisa. Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxw Xubnaha Puntland Focus Group: Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale) Cali Xaaji Warsame Faarax Cali Shire Jeneral Cabdulahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) Jamiila Saciid Muuse Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Khalif Ciise Mudan Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne) Saciid Cabdullahi Deni Dr Maxamed Salaad Cali Qoryooley
-
Ankara (PP) ─ Madaxweynaha Dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan astaamo xoog leh oo muujinaya in dilka loo geystay suxufigii Sacuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid si heer sare ah loosoo qorsheeyay, loona fuliyay si aad u fool xun. Erdogan oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayay Baarlamaanka ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn sheegashada Sacuudiga ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka suxufigan. “Dilka Jamal Kashoggi, waxaa diyaariyay mas’uuliyiin sucuudiyaan ah oo ka tirsan xukuumadda, waxaana dilkiisa la qorsheeyay bishii hore ee September iyadoo la dilay horraantii bishii Oktoobar,” ayuu yiri Erdogan oo u muuqday in warbixin dhameystiran uu haystay. Hadalka Madaxweyaha Turkiga ayaa wuxuu meesha ka saarayaa hadalkii ay horay u sheegeen Sucuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggi uu ku geeriyooday dagaal Qunsulayaddooda Istanbuul ku dhex-maray isaga iyo xubno halkaas ku sugnaa. Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in 18-ka qof ee Sacuudiga ay sheegeen in dilka loo xiray lagu maxkamadeeyo Magaalada Istanbul oo dilka uu ka dhacay. Wuxuuna intaas ku daray inuusan wax shaki ah ka qabin daacadnimada boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis, isagoo aan bixin faahfaahin intaa ka badan. Dhanka kale, Erdogan ayaa sheegay inaan weli la aqoon halka uu meydka Jamal Khashoggi jiro, wuxuuna Xukuumadda Sacuudiga ka dalbaday in ay shaaca ka qaadaan qof Turkish ah oo la shaqeeya inuu maydka qaaday. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga ayaan khudbaddiisa ku magacaabin Maxamed Bin Salman oo qaar ka mid ah sharci-dajiyayaasha Mareykanka ay dilka ku eedeeyeen, iyagoo dalbaday in dilkan lagu sameeyo baaritaan aad u qoto-dheer. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo Warbixin ka siiyay Dunida Qaarijintii Wariye Jamal Khashoggi appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka heleen jawaabo ku aadan siddii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ay soo gudbiyeen madaxda dowlad goboleedyada Dalka. Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimahaasi, waxaana guddoonka Aqalka Sare uu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo jawaabtay farrimaha ku aadan wax ka qabashada tabashooyinka jira. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Aqalka sare u gudbiyey guddi uu u magacaabay ka shaqeynta xalinta tabashooyinka Dowlada Goboleedyada, kaasi oo la shaqeyn doona Golaha Aqalka Sare. Guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka kooban ilaa 4 xubnood ayaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS, iyaddoo ay sidoo kale xubno ay ka yihiin Wasiiradda Dastuurka, Maaliyadda iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya. Guddoomiyha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyey Jawaabta ay ka siiyeen siddii Xal loogu heli lahaa is afgaran waaga u dhaxeeya Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyadda. “Waxaan marka hore mahad u celineynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo nasoo siisay jawaabtii aan ka sugeynay oo nasiineysa fursad aan ku howlgalno, waxaan rabnaa in aan ka shaqeyno siddii dalkeenu u gaari lahaa Nabad, Wadashaqeyn iyo Midnimo” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Aqalka sare. Guddiga Ay Dowladda Magacawday Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya ugu jira maamulka Puntland ayaa baaq nabadeeed maanta ka soo saaray collaadda labada beel ee walaalaha ah ku dhexmareysa Koonfurta Gobolka Sool. Dagaal shalay subixii hore ilaa iyo saaka oo Salaaso ah ka socotay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa kalaafatay nolosha dadka 150 kor u dhaafaya oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xubnaha baaqa dirayey waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraad-ka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo wasiiro dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xildhibaanayo ay ka mid ahaayeen Da’uud Bisinle, Axmed Maxamed Axmed (Dubeys), Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale, Ikraan Yusuf Xirsi iyo Canab Xassan Cilmi. Dhammaan xubnaha baaqa nabadeed diray waxa ay wax lagu xumaado ku tilmaameen collaada dadka tiradaas le’eg ay ku geeriyoodeen waxa ayna dalbadeen in bilaa shuruud lagu joojiyo dagaalka. Ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in dagaalkaas shalay iyo saaka socday in ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 60 qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 100 kale. Dhinaca kale dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa iyaduna baaq nabadeed ka soo saartay dagaalkaas labada beelood ee ood wadaagta ah ku dhexmaraya Dhumay.
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay xildhibaannada xisbigiisa in dilka Jamal Khashoggi uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyey, isaga oo intaasi raaciyey in Turkiga ay hayaan caddeymo dhab ah oo muujinaya in Jamaal si xun loogu dhex dilay qunsuliyadda. Madaxweyne Tayyip Erdogan waxaa uu soo-jeediyey in lala xisaabtamo kor iyo hoos dadkii mas’uulka ka ahaa dilka Jamal Khashoggi. Dhinaca kale Erdogan waxaa uu dalbaday in 18-kii qof ee arrintaas ku lugta lahaa dhammaan lagu maxkamadeeyo Istanbul. “In eedda dusha laga saaro saraakiil ciidan iyo sirdoonka ma aha inay niyadooda ku dageyso innaga iyo beesha caalamka”, isaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay ololaha ay dad ugu jiraan waxyeeleyna Turkiga. Gudaha Sacuudig, Waxyar ka dib hadalka madaxweynaha Turkiga, boqor Salmaan waxaa uu la kulmay Sahal Axmed Khashoggi iyo Salaax Jamaal Khashoggi, waxaa kulanka joogay dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The only free ambulance service in Somalia’s capital is under threat of closure and is having to use fewer vehicles, its founder has told the BBC. Aamin has a fleet of 16 ambulances but can now only afford to operate 10 on a regular basis in Mogadishu, which suffers regular bomb attacks. “If the service stops it will be difficult to save victims’ lives,” founder Abdukadir Abdirahman said. There are no publicly funded health services in Somalia. The BBC’s Ahmed Adan in Mogadishu says whenever a bomb goes off, Aamin ambulances are seen speeding to the scene to transport the injured to hospital. Aamin, which means “faithful” in Somali, was started in 2006 and has become a vital part of the emergency services responding to attacks from al-Shabab Islamist militants, he says. ‘They stopped me bleeding to death’ It is run by about 30 volunteers, including telephone operators, ambulance drivers, nurses and medical students. Many of them put their own lives at risk by going into an area that is still under attack to get the injured people out. Every day, the Aamin helpline, which is open from 06:00 local time to midnight (03:00 GMT to 21:00 GMT), receives about 100 calls, with emergencies ranging from women going into labour to injuries from stray bullets. But it is the ambulance service’s work in the wake of bomb attacks that has become so crucial. When a truck bomb killed more than 580 people in Mogadishu a year ago, many of the injured were ferried to hospital in private cars without first-aid support. But Bile Adan Farah was lucky to have been collected by an Aamin ambulance, whose drivers are first-aid trained. “When the metal [from the blast] hit my head, I fell down and fainted,” he told the BBC. “I was bleeding when the ambulance arrived. They performed first aid until we reached the hospital. Honestly, they stopped me bleeding to death.” Aamin raises money through donations to go towards paying rent, bills, equipment and the upkeep of the vehicles. Currently it is surviving on $12,000 (£9,000) a month, but Mr Abdirahman says with an additional $13,000 each month it could offer a properly equipped 16-ambulance 24-hour service. He would also like salaried doctors to join the team. “We’re trying to save this service for as long as we can,” he said. “We go to people who know us and ask for help with petrol, tires, even $1 can help. “I’m a university lecturer and I often ask my students to donate money to help save a life. “When I get my salary, before I pay my bills, I always think of Aamin Ambulance.” Sources: BBC
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaas lagu khaariyey ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin. Dilka loo geystay Mahad ayaa wuxuu dhacay waqti laga joogo hal asbuuc sida ay BBC Soomaali u xaqiijiyeen ehelada ninka la dilay. Ehelada dadkaan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in meydka wiilkooda lasoo dhigay Xeebta Liido isla markaasna taleefoon loogu sheegay in wiilkooda la dilay isla markaasna uu yaalo Liido. Waxay sheegeyn in meydka wiilkooda oo aan la garan inuu isaga yahay laga qaaday halkaas kadibna la geeyey Isbitaal ku yaalo Muqdisho sidaasna lagu aasay. Sidoo kale dilka Mas’uulkaan ayaa waxaa xaqiijiyey sirdoonka Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan wareysiga ay BBC siiyeen eheladiisa Dilka Mahad ayaa waxaa ka dambeeyey mid kamid ah Saraakiisha Kooxdaan oo doonayey inuu booskiisa galo. Sarkaalkaan ayaa ciidamo ka daba diray Mahad markii uu maqlay inuu aaday Magaalada Muqdisho waxaana loo maleegay qorsho lasoo diyaariyey oo ugu dambeyn lagu khaarijiyey. Mahad Macallin iyo ninka lagu eedeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin. Mahad ayaa maalmihii dambe awood dheeri ah ku dhex yeeshay Kooxdaan waxaana la ogaaday inuu yahay ninka noqon doono hoggaamiyaha kooxdaan waana sababta keentay in loo diyaariyo dilkaan qorsheysan. Hoggaamiyaha Daacish ayaa la rumeysan yahay inuu muddooyinkii dambe xanuunsanaa isla markaasna waxaa si weyn loo hadal hayey inuu Mahad noqon doono ninka booskaas geli doono, waxayna taas keentay inay saraakiil ka tirsan Kooxdaan ku fakaraan dilkiisa oo lagu guuleystay inuu Muqdisho ka dhaco. Dawladda maraykanka ayaa horraantii sannadkan ku dartay Mahad Macallin liiska shakhsiyaadka ay xayiraadda ku soo rogtay. Kooxda Daacish ilaa hadda kama hadlin dilka loo geystay Sarkaalkaan muhiimka u ahaa, wuxuuna dilkaan keenay Khilaaf soo kala dhexgalo kooxdaan oo markii horaba aan awood sidaas u weyn u laheyn Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Indian woman from Heydarbad, who has been living in Somalia since 2013, was allegedly mistreated and tortured by her in-laws. Mohammedi Begum, an Indian woman got married to a Somali national, Sayeed Hassan Ibrahim in 2003 in Hyderabad, said her brother Mohammad Wahiuddin. He says his sister Begum and her husband Ibrahim used to stay with him in his home in Hyderabad for nearly 10 years, adding that the couple had been blessed with three sons and two daughters in India’s Hyderabad Wahiuddin said his sister and her husband travelled into Somalia in 2013 after her husband Ibrahim had told her that his parents in Somalia wanted to see their children. “My sister Mohammedi Begum and her husband along with her five children went to Somalia on April 1, 2013. My sister has been allegedly mistreated and tortured by her in-laws in Somalia”, he said. He said his sister Begum has been facing a lot of problems; including in- adequate food and torturing allegedly carried out by her in-laws since 2013 in Somalia. Mohammad Wahiuddin called on India’s External Affairs Minister Sushma Swaraj to take necessary and immediate action to rescue his sister and her children, who live in the war-ravaged nation In July 18, 2018, Indian ambassador to Somalia, Suchitra Durai arrived in Somali capital Mogadishu. Somali PM Hassan Ali Khaire has warmly received ambassador Durai at his office in Mogadishu, discussing on diplomatic missions and relations between Somalia and India. There was no immediate comment from India’s embassy in Mogadishu capital over alleged mistreatment of a woman from Heydarbad in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada Online
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Somalia Cabdi Cashuur Xasan ayaa si rasmi ah u furay maanta shirka Tiknolojiyadda Muqdisho oo looga hadli doono hal-abuurka Tiknolojiyada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Md. Maxamed Aadan (Koofi) oo xafladdii furitaanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Shirweynaha, iyagoo xusay sida teknolojiyadu saameynta ugu leedahay hawlaha ay qabtaan. Wasiirka, ayaa mar kale ku celiyay sida uu ugu faraxsan yahay wacyiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee dalka oo sare u sii kacayo, iyadoo tani ay tahay dhacdadii 4aad ee labo toddobaad gudahood uu ka qeyb galo oo u gaar ah arrimaha teknolojiyada. Wasiirka ayaa sheegay in 30kii sano ee uu burburka ka jiray dalkeena ay ahayd 30-kii sano ee horumarkii ugu ballaaran ee dhinaca teknolojiyada uu adduunka ka dhacay, taasina ay u dhiganto inaan 90 sano dib u dhacnay. Hase yeeshee, wuxuu wasiirka sheegay in rajo la dareemayo marka aad aragto dhallinyaradan oo kale iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan. Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaraddu waddo hawlo badan oo isbeddelo muuqda looga sameynayo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyadoo qaar ka mid ah hawlahaas lagu guuleystay, kuwa kalena ay socdaan sida dajinta xeer-nidaamiyeyaal lagu nidaaminayo suuqa, mideynta adeegyada dawladda ee eGovrenment, iyo dhiirri-gelinta hal-abuurka. Wasiirka oo ka hadlay in Wasaaraddu ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa suuq uu ka dhaco tartan xor ah oo nadiif ah, iyadoo la daryeelayo danaha shacabka. “Qaarkiin waxaa laga yaabaa inaad haysataan laba, saddex ama afar taleefoon maadaama shirkadaha aysan wada-hadlin karin [interconnection]…..waxaan idin ballanqaadeynaa, haddaan nahay Dawladda Federaalka, in xilligan oo kale sanadka dambe in 1 simcard iyo 1 talefoon uu dalka oo dhan ka wada shaqeyn doono,” isagoo taas ula jeeday inay isku furmi doonaan. Ugu damben, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Somalia, ayaa u mahadceliyay shirkadda iRise oo soo qabanqaabisay Shirweynahan iyo intii ku dhiirri-gelisay inay qabsoonto hawshan weyn. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan hal-abuurka Tiknolojiyadda oo Maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa kasoo horjeestay Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo ganacsatada looga dalbanayay in ay bixiyaan lacago loogu tala galay dhismaha Wadooyinka oo dhawaan la joojiyay. Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa dhawaan shaacisay in ay joojiyeen lacagihii ay ku bixin jireen dhismaha Wadooyinka Muqdisho, kadib markii ganacsatada kahor yimaadeen koox gaar ah oo damacsan in ay la wareegto maamulka lacagaha ay ganacsatada bixiso akoono gaar ahna u sameestay. Kulan maanta Dekadda Muqdisho ku yeesheen Ganacsatada gobolka Banaadir ayey uga soo horjeesteen qoraalka Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo sidoo kale in lacagihii ay bixin jireen ku shubaan akoono dad gaar ah sameesteen . Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in ganacsatada gobolka Banaadir aysan raali ka aheyn in lacagtooda ku bixiyaan sifo sharci daro ah sidoo kale maamulka gobolka Banaadirna ganacsatada u qasbo dad gaar ah. Waxa uu sheegay Xasan Mire sababaha ay u joojiyeen lacagihii ay bixin jireen in ay tahay kadib markii la bedelay akoonadii lacagaha lagu shubi jiray sidoo kale howsha gacanta loo galiyay dad aan aamin aheyn waxna aan ku darsan lacagaha ay ganacsatada ku bixin jirtay dhismaha Wadooyinka.. Xasan Mirre ayaa sheegay in nasiib daro tahay in Ganacsatadii gobolka Banaadir ee canshuurta bixiya loo qasbo dad gaar ah oo dano gaar ah leh sidoo kale wax canshuur ah aan siin dowlada. ”Ganacsatada gobolka Banaadir waa kuwa kaliya ee canshuurta siiya dowlada Dhaxe iyo Dowlada Hoose ee Xamar, Gudoomiyaha gobolka waxaan leeyahay ha u qasbina ganacsatada aad canshuurta ka qaadaan dad dano gaar ah leh kuna kalsooneyn ganacsatada , kooxda noola qasbayo waxa ay bil kasta Dekadda Muqdisho ka qaataan 67-kun oo Dollar mana naqaan meel ay ku bixiyaan lacagtaasi sharci darada lagu qaato ” Ayuu yiri Xasan Mirre Dhiif. Sidoo kale Abuubakar Xaaji Maxamuud oo kamid ah Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dowlada iyo maamulka gobolka Banaadir in aysan cadaalada katigin ganacsatada aysan u qasbin koox gaar ah. Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa si weyn uga soo horjeestay Qoraalk kasoo baxay Duqa Muqdisho iyo in koox gara ah la wareegto maamulka lacagihii ay Ganacsatada ku bixin jireen dhismaha Wdaooyinka magaalada Muqdisho .
-
Is the US fighting extremism in Somalia or fueling it? The terrorist group al-Shabab has struck Somalia again, this time with twin suicide attacks that targeted restaurants and coffee shops in the southern city of Baidoa. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has appointed ministerial level committee to work with the country’s Upper House to resolve internal political concerns by the regional state-members. In a statement by PM Khaire’s office said a new committee of four ministers would work with Somalia’s Upper House senate in resolving political standoff between the Central government and its members. Last month, the leaders of five Somali states [Puntland, Galmudug, Southwest, HirShabelle, and Jubbaland] announced to suspended relations with the central government, citing a lack of political and security progress in Somalia. The five leaders demanded third-party mediation in talks on the current political crisis, but the call was rejected by the government of Somalia. Somalia’s Ministry of Interior and Reconciliation Affairs said in a statement that the country’s President Farmajo’s doors are still open and ready to listen to their grievances by regional state members. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia’s regional state leaders have warned that the country could lapse into anarchy after their 4th forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] concluded in Garowe, capital of Puntalnd . The state leaders agreed to prevent any alleged obstacle attempts by central government, ahead of the presidential vote of Southwest in Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu. The spokesman of Council of Inter-State Cooperation [CIC] Abdullahi Sheikh Hassan accused of Villa Somalia of dispatching pro-candidates to Baidoa town, sponsoring their campaigns by using the “public funds” to win the regional presidential election of Southwest state. Hassan says a cargo plane carrying bulletproof vehicles and weapons for pro-candidates landed at airport in Baidoa town. “This is unfortunately as the Federal government to improve its influence and preparing political conflict in Southwest state election by using the “public funds”, he said. The remarks came after Somalia’s Minister of Energy and Water, Abdiaziz Hassan Mohamed, popularly known as [Lafta Gareen] with bulletproof vehicles and weapons landed at airport arrived in Baidoa, a town about 250km southwest of the capital of Mogadishu. There was no immediate comment from Somali authorities over the latest allegations. However, attention in recent days has turned to Baidoa, the interim capital of South West state, as high-level al-Shabab defector Mukhtar Robow and pro-government candidates also seek the regional presidency. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Soomaaliya waxaa la qorsheeyay in doorasho ka dhacdo dhammaadka sanadka 2020, taas oo nooceeda lagu sheegay nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran (proportional representation-closed list) ama PR. Habkan doorasho waxaa ku heshiiyay Golaha amniga Qaranka Soomaaliya oo ka kooban madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay 3-5 Juun 2018, wuxuuna ahaa heshiis aan xog badan laga siin shacabka. Muxuu yahay nidaamka PR ee qaadatay Soomaaliya 2020 Nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran (PR), waa nidaam xisbi ah oo la doorto Baarlamaan, waxaana wax lagu doortaan dalal badan oo dunida kamid ah oo qaarkood ay ka jiraan qalalaase iyo kuwo horey maray, balse kan ay hadda qaadatay Soomaaliya 2020 waa ka duwan yahay kuwaas, sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Waa nidaam ku salaysnaan doona nidaamkii hore qabiiliga ee afar iyo bar (4.5), waxaana beeluhu sidii hore u qeybsan doonaan 275 Xildhibaan oo ay ku tartami doonaan dhowr xisbi, waxaana xisbiga hela kuraasta ugu badan uu ku guuleysan doonaa doorashada, waxaana si toosa Madaxweyne u noqon doona qofkii ay xisbigaasi u wateen musharaxa Madaxweynaha. Iyadoo nidaamka la qaatay sidaas yahay, ayaa haddana waxaa ku jirta khiyaano ah in la rabo lagu saleeyo doorshado deegaan qof iyo cod ah, waxaana 275 kursi oo ay ku tartamayaan xisbiyo u codeyn doono meelaha nadaba ah tiro dad ah oo qiyaastii u dhexeysa 100 ilaa 1000 qof, halka meelaha aan amniga ahayn iyo Somaliland ay kursi kasta u codeyn doonaan tiro dad ah oo qiyaastii aan ka badnayn 50 ilaa 100 qof, waxayna doorashadan ay aad ugu ekeen doontaa doorashadao hore 2017 oo loogu magacdaray “doorasho dadban” oo ku salaysnayd nidaam beeleedka 4.5. Sidoo kale nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay 2020 ayaa Golaha aqalka sare ee Baarlaamka oo ah 54 kursi, uu ku saleysnaan doonaa 18-ka gobol ee Soomaaliya. Dowlad goboleedyada oo dafiray heshiiskii doorashada ee Baydhabo Golaha amniga Qaranka Soomaaliya ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ku heshiiyay doorshado noocaas ah in ay dalka ka dhacdo 2020 ayaa hadda waxaa jira khilaaf xoogan oo hadda u dhexeeya labada dhinac oo sameeyay heshiiskaas. Maalin ka hor Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shirka Garowe uga socda madaxda dowlad goboleedyada ka sheegay in heshiiski Baydhabo ee doorashooyinka uu ahaa mid mabda’a ee aysan ahayn mid heshiis laga gaarey, isagoo intaas raaciyay in cid gooni ah aysan go’aan ka gaari karin doorashada 2020. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa horey u dhaliilay shaqada ay wato Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya. Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khamiistii la soo dhaafay Golaha Wasiirada ka codsadey in khamiista dambe la meel mariyo xeerka doorashada, si loogu gudbiyo Baarlamaanka oo la dardargeliyo doorashada 2020 ee lagu heshiiyay shirkii Baydhabo. Shuruud ku xiran Doorashada 2020 Waxaa horey u jiray heshiisyo ay wada galeen Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la galay 2012 iyo 2016, waxayna qeexayeen in nidaam beeleedka 4.5 aan mar dambe lagu soo noqon. Heshiisyadii Garowe 1 iyo Garowe 2 ee 24 December, 2011 iyo 17 February, 2012 ayaa Puntland iyo dowladii dowladdii KMG ahayd ku kula saxiixdeen heshiis si cad u qeexayay in nadaamka 4.5 ku eg yahay doorashadii 2012, waxaana saxiixay madaxda dowladdii KMG ah, laba maamul goboleed oo markaas dalka ka jiray oo Puntland iyo Galmudug ahaa iyo Ahlu Sunna wal Jameeca, waxaana wax ka saxiixay Qaramada Midoobay. Heshiiskii Garowe 2, 17 February, 2012 Heshiiskaas waxaa lagu jebiyay shirkii Wadatashiga Qaran ee madaxdii dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ku yeesheen Muqdisho bishii Janaayo 2016, kaas oo lagu go’aamiyay qaabka ay u dhacayso doorshadii dadbanayd ee lagu saleeyay nidaamnka 4.5, waxaana go’aankaas xiligaas ka hortimid Puntland oo xasuusan heshiiskii 2012, wuxuuna Madaxweyne Gaas xiligaas sheegay in dowladdiisu aysan aqbali karin in mar kale lagu laabto nidaamka beeleedka 4.5. Go’aankii diidmada ee Puntland Janaayo 2016 ka qaatay nidaam beeleedka 4.5, waxaa si weyn ugu taageeray xiligaas siyaasiyiinta iyo shacabka, waxayna muddo diidanayd Puntland nidaamkaas, balse gorgortan dowladdii federaalka iyo beesha caalamku la gashay ayay ugu dambeyn Puntland ku qaadatay nidaam beeleedka 4.5. heshiiskii Garowe 3 April 2016 Heshiis ay dowladda Federaalka iyo Puntland ku kala saxiideen Garowe 3 April 2016 ayaa lagu heshiiyay afar qodob oo mid kamid ah uu qeexayay in nidaam beeleedka 4.5 aan mar dambe lagu dhaqmi doonin wixii ka dambeeya 2016, heshiiskaas waxaa hirgalintiisa damaanad qaad buuxa ka ahaa urur goboleedka IGAD, halka ay markhaati ka ahaayeen Qaramada Midoobay, ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya. Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo xiligaas Puntland u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in aanay saxiixin 4.5 balse ay saxiixeen inaa dalka dib loogu celin hannaanka 4.5 wixii ka dambeeya 2016-ka. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Codka-Madaxweynaha-ee-Heshiiska.mp3 Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii dowladda federaalka ee xiligaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhanka federaalka u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid faa’iido wayn u leh guud ahaan umada Soomaaliyeed, Xukuumadan mida xigtana ay imaanayaan Baarlamaan ku yimid rabitaanka shacabka, sidoo kale ayuu sheegay in Puntland ay tiir dhexaad u tahay umada Soomaaliyeed tanaasulka ay samaysana uu yahay gunaanadka nidaamka doorashada Soomaaliya in mar dambe lagu saleeyo 4.5. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/R.wasaare-Cumar-Cabdirashiid.mp3 Waa hab-dhaqan siyaasadeed oo lagu yaqaano madaxda Soomaalida in aysan fulin heshiisyadii horey loo galay, iyagoo ka fakara nidaam ay mar kale dib ugu soo noqdaan, waxaana hadda dadka siyaasada Soomaaliya ka faallooda sheegaan in madaxda dowladda federaalku wado qorshe ay ku hogaaminayso nidaamka doorasho ee 2020, si ay talada dalka mar labaad ugu soo noqdaan. Sdoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo kamid ah Golaha amniga Qaranka Soomaaliya ee shirkii Baydgabo ku heshiiyay nidaamka doorasho 2020 ee aan kor ku soo sheegnay, horey uga mid ahaa saxiixayaashii heshiisyadii Puntland iyo federaalka, ayaa la aqoon u jeedada uu uga hor iman waayay nidaamkan iyo waxa uu ku qaatay midna. Xagee ka yimid nidaam beeleedka 4.5 Nidaam beeleedka ku salaysan 4.5 waxay Soomaalidu qaadatay shrikii Carta 2000, waxaana la sheegaa in nidaamkaas uu yimid Madaxweynihii hore ee Itoobiya Meles Zenaw oo xiligaas Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuuti ka cosday in Soomaalida si siman wax loogu qeybiyo, isla markaana ay Jabuuti meel marisay. Meles Zenaw waxaa la sheegay in xiligaas uu beelaha Soomaaliya qaar kamid ah ka lahaa dano gaara, waxaana gobolada qaar joogay ciidamda Itoobiya oo gacan siinayay maleeshiyo beeleedyo. Laga soo billaabo Baarlamaankii lagu dhisay Carta 2000, lagu xijiyo kii lagu dhisay Kenya 2004 oo haddana lagu kabay mid kale shirkii Jabuuti 2009, kii lagu dhisay Muqdisho 2012 iyo kan hadda jira ee ee la dhisay 2016 dhamaantood waxay ku salaysan yihiin afar qabiil oo kuraasta u qeyb saday si siman iyo qabaa’il la isu geeyay oo la siiyay kala bar kuraasta afarta qabiil mid kasta oo kamid ahi uu qaatay. Nidaam beeleedka 4.5 waxaa ku dulman beelo badan oo Soomaaliyeed, halka beelo kalana ay ku wataan sad bursi dheeri ah, mana ahan mid caddaalad ku salaysan. PUNTLAND POST GAROWE The post Doorashada Soomaaliya 2020 iyo khiyaamada loo dhigayo Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq Nabadeed loogu diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dirirsan deegaanada Dhumay, Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda, Waxayna tacsi u dirayaan eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dirirta sokeeye. Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqayaan Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya. Waxaa ayaan darro ah in ay soo noqnoqoto aafadan ragaadisay nabadda iyo xasilooninada deegaanada Gobalka Sool. Dowladda Federaalku waxa ay ka qaadan doontaa doorka uga aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaanadaas, Sidoo kale Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaruhu waxa ay farayaan Hay’addaha gargaarka dowladda in ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannaddas. Dowladda Federaalku waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo ku baaqday in la Joojiyo Dagaalka Sool appeared first on Puntland Post.