Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii Gawaari kala duwan ay ka afduubteen inta u dhexeysa degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee Koonfurtaa Soomaaliya. Gaadiidkan oo isugu jiray kuwa qaada Xaamuulka, kuwa Nuuca Raaxada iyo Cagaf Cagaf ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ay Afduubteen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkii la socday Gawaaridaasi ay Al Shabaab horay u kaxeysteen. Lama oga illaa iyo hadda u jeedada rasimiga ah ee Al Shabaab ay u qafaasheen Gaadiidkaasi iyo dadkii la socday intaba. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Al Shabaab warqado ay dadka deegaanku uga digayaan in ay la shaqeeyaan maamulka Beled-Xaawo ay kudaadiyeen degmadaasi. The post Al Shabaab Oo Gaadiid ka Afduubtay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Istanbul ee dalka Turkey kula kulmay madaxweyne Erdogan ayaa kala hadlay arimo dhowr ah. Waxyaabaha madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay Erdogan ayaa waxaa kamid ah fulinta balanqaadyo madaxweynaha Dalkaasi uu u balanqaaday Soomaalida labo sano kahor. Balanqaadkaasi ayaa ahaa in dowladda Turkey ay kumanaan guri ka dhiso doonto magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaasi oo loogu talo galay dadka danyarta ah, sida uu horey u balanqaaday. Madaxweynaha dalka ayaa kaga mahadceliyay Erdogan iyo shacabkiisa sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 2011 xiligaasi oo abaar xoogan ay dalka ka dhacday. Farmaajo, ayaa soo gabo gabeeyay safarkiisii uu ku tagay dalalka Talyaaniga iyo iyo Turkey isaga oo kala hadlay madaxda dalkaasi wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xalay u howday magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana uu magaalada Caasimada u ah Uganda kula kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Dalka Pakistan waxaa uu ka mid yahay dalalka uu kobcayo xiriirkooda ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya, ganacsigaas oo gaar ahaan sii xoogeystay 3badii sano ee la soo dhaafay. Fahimur Rehman, oo ah ku-xigeenka rugta ganacsiga ee Lahore ayaa sheegay in ganacsiga Pakistan iyo Soomaaliya uu kor u kacay min 2015-2017, kor u kaca wuxuu ku sheegay $31 million ilaa $50 million halka waxyaabaha ay Soomaaliya dalkaasi geyso lagu qiyaasay $7 million, isaga oo intaas raaciyey in rugtan ganacsiga ee Lahore ay mar walbo u doodeyso in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal. Rehman oo la kulmay mas’uul ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Pakistaan ayaa sheegay in Waxyaabaha ay Pakistaan u soo dhoofiso Soomaaliya ay ka mid yihiin bariiska, Sonkorta iyo daawada, waxaa ay sanadkii hore gaareen ilaa $43 Milyan. “Waxaan awoodnaa in ka jawaabno baahida ganacsi sida: alaabta guryaha, waxyaabaha korontada la xiriira, Mootooyinka, dharka iyo alaabaha kale” ayuu intaasi raaciyey Fahimur Rehman Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxaya Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Taliska NISA ayaa shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen la shaqeynta laamaha ammaanka. “Wada shaqayn dhaxmartay Ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino Al Shabaab ay u galiyeen dhulka, si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan,Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya Al Shabaab ”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay NISA Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada ammaanka ayaa sare u qaaday howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Ciidanka amniga Oo fashiliyay qarax lagu aasay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Bandiiradle iyo Saddex Xigle oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Shilka ayaa ka dhashay Gaari Ciidan oo ay la socdeen Askar ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Muddooyinkii dambe waxaa Mudug ku soo badanayay shilalka Gaari, iyadoona loo sababeeyo burburka Waddooyinka iyo Darawallada oo si xawli ah u kaxeeya Gaadiidka, xilliyada ay marayaan gudaha gobolkaasi. The post Shil geystay khasaaro Oo ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Waa guulaystayaasha tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2017 ee Jubaland bilihii lasoo dhaafay waxa ay tababaro kala duwan ku samaynayeen garoonka kubbadda cagta waamo ee magaalada Kismaayo waxa aratidooda kawada siman tahay in ay yihiin gobolka ugu badan ku guulaysta ciyaaraha gobolada dalka iyo in ay yihiin labo jeer in ay imaadeyn fiinalaha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo markii ugu horeesay la qabtay olalihii 2016 Cabdisamad Sheekh qaasin oo ka mid ahaa ciyartooydii Gobolka Jubada Hoose iyo kooxda Muqdisho todobaadkii lasoo dhaafay ka mid noqday xubin xiriirka kubbbadda cagta dalka ayaa sheegay waqtigoodii iyo xiligan I uu jiro fariq weyn oo xaga horomarka iyo goobaha lagu ciyaarayo tartamada C/qaadir Cabdullahi Maxmuud waa layliyaha kooxda Jubaland labadii sano laga soo gudbay kooxda u sahlay in ay soo gaarto heerka kama dambeysta ,inkastoo Sanadkii 2017 uu ahaa Tababare ku Xigeynka hadana waxaa aaminsanyahay in fasal ciyaareedkii Saddexaad ay xidigaha Jubaland gaari karaa fiinalaha Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta maamulka Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timijilic) ayaa fariin u diray ganacsada,isagoo sheegay in ay ka qeyb qaataan dhiiri gelinta iyo garb istaagid isboortiga Jubaland Qaar ka mid ciyaarahanada Jubland oo tababar adag ku qaadanayay bilihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ayaa inoo sheegay in hadafkooda ka yahay difaacashada ciyaaraha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo sanadkii sadexaad la rajeenayo qabsoomidiisa Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Jubaland ayaa sheegtay in garab taaganyihiin xirfadlayaasha matalaya maamulkooda,iyagoo tibaaxay in ay diyaar u yihiin doorkooda Axmed Maxamed Islaam oo ah madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa markii kooxda ay qaaday koobka Maamul Goboleedyada sanadkii hore sheegay in maamulkiisa uu garab taaganyahay kooxda ay la socondoonaan wax qabadka iyo horomaka Gobolka Jubada Hoose horay waxa ay qaadeyn 8-jeer oo koobka gobolada,halka kol ciyaareedkii ay soo dhaafay ay hanteyn koobkii ugu horeeyay Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir tiro ahaa markii la isku daro waxa ay iminka haystaan 9-koob waxayna sanadaha soo aadan rajaynaynaa in ay sii qaadan koobka lagu dhigo dalka Halakan Ka Daawo Warbixin Ku Saaban Diyaar Garowka Kooxda Jubaland W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Ankara ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-241118.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Diblomaasi sare oo Turki ah ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu codsaday la kulanka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inta uu socda shirka G 20 ee Buenos Aires. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa jimcihii u sheegay CNN-Turk television in Turkiga aanu wax dhib ah u arkin kulanka labada mas’uul, isaga oo intaasi raaciyey in Erdogan uu gaari-doono go’aanka. Shirkan G 8 oo 2 maalin socon-doona, waxaa lagu wadaa inuu dhaco Nov. 30, haddii ay kulmaan waxaa uu noqon-doonaa isaraggoodii ugu horeeyey kadib dilka Jamaal Khashoggi, kaas oo lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul October 2, 2018. C.I.A-da Mareykanka ayaa sheegtay in MBC uu ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi, taasi oo saameyn ku yeelatay sumcadda Bin Salmaan iyo isbadalkii uu raadin jiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ciidamo taageersan waxay weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday taliyaha amniga degmada Beledxaawo xilli uu marayay meel aan ka fogeyn degmada Beledxaawo. Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo ka dhacay agagaarka wabiga Mara degmada Beledxaawo, iyadoo dadkii dhaawacmay la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada. Taliyaha amniga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo C/Waaxid, ayaa kasoo laabtay Degmada Doolow isaga oo kusii jeeday Beledxaawo, waxaana xalay Al Shabaab la sheegay inay weerar kale ka geysteen duleedka degmada Beledxaawo. Wararka qaar oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas ay Al-Shabaab ku qabsadeen Gaari ciidan, inskatoo cid madax banaan aysan weli xaqiijin. Lama oga khasaaraha dagaalkii xalay ka dhacay degmada, Laakiin waxaa sii kordhay xiisadda iyo cabsida ka taagan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Arinta ayaa saameyn ku yeelan karta qorshe dowladda Kenya ay damacsaneyd oo aheyd in dib loo furo xuduuda u dhaxeysa Beledxaawo iyo Mandheera oo muddo badan cabsi amaan u xirneyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Tigreyga ee Itoobiya, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyey dowladda Federal-ka ah in ay xoogag shisheeye kala shaqeyneyso sidii loo wiiqi lahaa, loo hareereyn lahaa ama loo baqdin galin lahaa dadka iyo dowladda Tigrayga. Shir Jaraa’id oo aad u dheeraa oo uu warbaahinta u qabtay ayuu madaxweyne ku xigeenka Tigrayga ku muujiyey sida maamulka Federal-ka ee Addis Ababa ay si qorsheysan u doonayaan in ay Tuke cambaar leh uga dhigaan Tigrayga iyada oo la beegsanayo xubnaha ugu jira Militariga, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo kuwa ka shaqeeya laamaha ammaanka. Waxa uu intaa ku daray in uu jiro weerar qaawan oo loo maleegayo dadka Tigrayga ee aysan ahayn shaqsiyaad dambiileyaal ah. Dr. Debretsion waxa uu sheegay in dowladda Federal-ka ah in ay diyaarineyso dagaal aad u abaabulan iyo ol’ole baaxad leh oo ka dhan ah maamulka Tigrayga, si ay isu soo dhiibaan iyaga oo ugu gambanaya la dagaalan musuq. Dr Ahmed waxa uu la shaqeenayey kooxo argagixso ah oo intooda badan ka soo jeeda amxaarada si loo majaxaabiyo dastuurka Itoobiya. Tiro Tigray ah oo ka mid ah militariga, saraakiil ammaan, saraakil dowladda ah, ganacsato iyo haween ayaa toddobaadkii hore lagu xiray eedeymo been abuur ah iyada oo aann loo marin sharciga si weynna looga booday sharcida Itoobiya iyo kan caalamiga ah, sida uu sheegay Debretsion Gebremichael. Dr. Debretsion waxa uu sheegaya in haddii ay tallaabooyinkaas ahaan lahayaeen kuwo ku tacaluqa musuq maasuq uu noqon lahaa mid dalka oo dhan ku baahsan ee aan ku koobneyn hal qowmiyad iyo dadka Tigrayga ah. Madaxweyne ku xigeenka Tigrayga waxaa ka muuqatay caro ku aadan weerarkan ana kiisa oo kale hore loo arag ee ka dhanka ah Tigrayga toddobaadkan, kaligii ma aha dadka carreysan marka la eego dadka Tigrayga oo caadooda ay halkii ugu sarreysay gaadhay. Tigray badan ayaa dalbanaya in hub. Qoraallo badan oo Facebook iyo Twitter-ka la soo dhigay ayaa dowladda Tigrayga ka dalbanaya in la furo xaromo tababar Militari ah. Qaar ka mid ah kooxaha Tigrayga ayaa ka dalbanaya in dowladda ay ku dhawaaqdo qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya kaas oo maamulada iyo dadkeeda u ogolaanaya aayo ka talis iyo in ay gooni isu taaggaan. Kuwiii ka dambeeyey afgambigii fududaa ee bishii Maarso waxa ay ku fekereen sameynta dowlad maqaar saar ah laakiin natiijada waxa ay noqon doontaa abuuridda dowlado badan sida Yugoslavia. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – General Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada ka socda Itoobiya iyo rajada xidhiidh isfaham oo dhex mari kara Itoobiya iyo Soomaaliya. General Jaamac-yare, ayaa qoraal uu luuqada Ingiriisida ku qoray oo uu shalay baahiyay, wuxuu kaga hadlay isbedelada uu gudaha Itoobiya ka bilaabay Raysalwasaaraha Itoobiya Axmed. Qoraalka Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Geeska Afrika soo turjumay wuxuu u dhignaa sidan “Furfurida Abiy Axmed wadaa waxay casuumaysaa ama qasbaysaaba dareenka qofka ay khusayso arrintani, waa arrin aad iyo aad ugu qalanto in si xiiso badan loo eego, Itoobiya hadda waxay taagantahay isgoys, aad ugu eeg halkii uu istaagay Midowgio Soofiyeeti ee hore inyar ka hor burburkiisii, Hortaantii sagaashamaadkii. Gorbachev muu filayn mana uu jeclayn inuu kala firdhiyo nidaamkaas shabakada ahaa ee maamulkii Midowga Soofiyeeti, taas oo laga yaabo inuu ku tixgelinayay horumarkii dhaqan dhaqaale ee bulshadu ay samaynaysay muddo ka badan 70 sannadood, inkastoo uu gaabis ahaa. Laakiin waxa muuqata inuu qiimeyn hoose ku sameeyay inay tahay inaanu ilaabin in nidaamka shabakada ahi uu yahay ka keliya ee uu Midowga Soofiyeeti hayay. Gorbachev, wuxuu soo saaray qorshihiisii caanka noqday ee Prestroik and Glasnaut oo macnihiisu yahay dib u nidaaminta iyo furfurnaanta isagoo si han leh u rajaynayay inuu bedelo aragtidii dhaqan dhaqaale ee markaas ka jirtay midowgii soofiyeeti ee hore iyo in dhaqan gelinteedu ay noqonayso wax tar sii kordhay iyo inuu awoodi midowga soofiyeeti inuu dhaqaale ahaan u babac dhigo kuwa kuwa ka soo horjeeda; waa dadka reer galbeedka’e. Laakiin markii uu furfurmay nidaamkaas shabakada ah, waxa furmay sanduuq aan laga hortagi Karin lana joojin Karin kaas oo markiiba ku hoggaamiyay inuu furfurmo cimlaaqii awooda badnaa oo midwogii soofiyeeti ee hore ahaa. Haddaba hindisaha cusub ee hadda Abiy kuwado Itoobiya waxa uu warka oo kooban noqon doonaa laba midkood. Inuu ku hoggaamiyo xornimada Oromada iyo awood siintooda sharciyeed, ama waxay noqon kartaa xasilooni daro dalka ka dhacda, xataa haddii aanay la mid ahayn midwogii soofiyeeti ee hore, xasilooni darro noocaas ahina wuxuun bay hordhac u tahay burbur dhammaystiran oo dhaca. Oromadu waa bulshada ugu balaadhan qoomiyadaha itoobiya oo dhan, inkastoo ay ka yaryihiin aqlabiyada, qiyaastii waa 40%. Haddii uu hindsaha Abiy keeno dimuqraadiyad run ah oo ah inta badani inay dalka hoggaamoso, Oromadu waxay markasta noqon kartaa isbahaysi muhiim ah (Marka awood qaybsiga laga hadlayo) Haddii dhinaca kalena ay taasi kaahoristaagto dimuqraadiyad lagu dhaqami waayo, isbedelku wuxuu noqon doonaa rabshado iyo xasilooni darro. Marka la eego qadidyada Soomaalida, ku hoos jira xukunka Itoobiya, xaaladoodu wuxuun bay iska sii ahaanaysa sidii dad la gumaysanayo oo aanay muhiim u samaynayn isbedelada ka dhacaya Itoobiya. Soomaaliya iyo Itoobiya waa dalal jaar ah, waxaanay u baahanyihiin inay nabad ku wada noolaadaan, laakiin iskaashi kasta oo macno samaynaya oo labada dal dhex maraa waa riyo inta ay tuumbada kusoo jirta dhimanaysa ilaa inta ay Itoobiya gumaysanayso dhul aad u balaadhan oo Soomaaliyeed iyo dad, (Ogaden). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo soo guryo noqday Somaliland Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtey kana soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey safaro ugu maqnaa Waddamada Yurub gaar ahaan dalalka Ingiriiska Faransiiska iyo Finland. . Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa galabta ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xil Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde iyo Xoghaye ku xigeenka xisbigaasi Jamaal Jaamac Xaamud . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli uu safar Ugu baxay Gobolada Bari Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Qaran News
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Sida la filayo waxa ay dhawaan Koonfur Galbeed yeelan doontaa madaxweyne kaddib Shariif Xassan oo uu ka dhammaaday waqtigii kaddibna is casilay. Hase ahaatee kala qeybsanaan iyo walaac weyn ayaa ku hareereysan aayaha Koonfur Galbeed xili shacabka iyo qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiita ay aad u doonayaan Mukhtar Roobow. Saddex arrin ayaa loo sababeynadaa taageerada weyn ee uu Roobow haysto. 1 – Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo xilal qabtay 2 – Robow oo ku dhaartay in uu saddex qolo uu ka sifeyn doono Shabeellaha Hoose 3 – Dowladda oo taageereysa Lagta Gareen Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe Qodobkan waa mid ugu adag ee ay ku doodayaan reer Koonfur Galbeed iyaga oo aaminsan in haddii Sheekh Shariif noqday Madaxweynaha Somalia isaga oo urur diimeedyada ka tirsanaa, oo Axmed Madoobe oo Shabaab ahaa noqday Madaxweyne, maxaa u diidya Roobow isna? Doodan oo ah mid aad u daciidf ah ayaa riixeysa shacabka Koofur Galbeed, waayo, Sheekh Shariif waligii ma noqon Al-Shabaab oo waxa uu ahaa hoggaamiyihii maxkamadaha oo ay Shabaab sida qarsoodiga ah ugu dhex jireen. Dhinaca kale, Axmed Madoobe aragtida lama wadaagin Al-Shabaab, waxa uuna u muuqday mid dano siyaasadeed lahaa. Waxaa u dheer in uu Kismaayo ku qabsaday jabhad Kenya taageero ka haysatay oo Raaskambooni loo yaqaan xilli uu marar badan caddeeyey sida uu uga aragti duwaanaa aragtida (Ideology)-ga Al-Shabaab. Robow wali lagama hayo sida Xassan Daahir Aweys oo dowladda u xiran in uu si rasmi ah uga tanaasulay fikirkii kooxaha xagjirada ah. Robow iyo Shabeellaha Hoose Mukhtaar Robow markii uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa waxa uu khudbad ku sheegay in uu saddex qolo ka sifeyn doono Shabeellaha Hoose. Saddex qolo waxaa loo kalafasirtay in ay kala yihiin; Al Shabaab, Qabiilada iyo Tuugada. Roobow waxa uu saddexdan qolo ku sheegay in ay iyaga u xiran tahay wadooyinka xiriiriya gobolladaas iyo Muqdisho. Dowladda iyo Lafta Gareen Shacabka Koonfur Galbeed waxa ay si buuxda uga soo horjeedaan Lafta Gareen oo ay ku tuhunsan yihiin in uu garab ka helayo dowladda. Arrintan waxa ay u arkaan mid dowladda ikhtiyaarka uga qaadeyso shacabka Koonfur Galbeed oo iyagu doonaya Roobow oo aan wali si rasmi ah u xaqiijin maba’diisa Al-Shabaab. Dhinaca kale, Lafta Gareen waxa ay u arkaan in uusan ka soo jeedin Digil iyo Mirifle oo uu asal ahaan yahay Mareexaan! Laakiin sida cad, Lafta Gareen waa Hariin oo hooyadiis ayaa ah Mareexaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Dalab ka yimid dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay la timaado caymis (Insurance) dheeraad ah ayaa qasab ka dhigay in dib loo dhigo duulimaadkii la qorsheeyey in diyaaraddaas ay ka billowo Muqdisho 15-ka November. Duulimaadka ayaa hadda la qorsheeyey in la bilaabo shanta bisha December ee soo socota. Madaxa fulinta Kenya Airways Sebastian Mikosz, ayaa sheegay in duulimaadka tooska ah ee Nairobi-Muqdisho uusan billaaban doonin ilaa shirkadda ay ka buuxineyso dalabka Waaxda Socdaalka Soomaaliya ee la xiriira caymiska. Ma uusan shaacin waxa uu yahay caymiska dheeraadka ah ee dowladda Soomaaliya ay dalbatay iyo waxa uu kaga duwan yahay kuwa diyaaradaha kale ee ka howl-gala Muqdisho. “Dalabkan wuxuu la xiriira caymis ay qasab tahay in diyaaradda ay leedahay si ay Muqdisho ugu duusho. Sugitaanka waqtiga lagu ansixinayo arrintan ayaa qasab ka dhigay dib u dhaca” ayuu yiri Mr Mikosz. Dhammaan dadkii goostay duulimaadka Nairobi-Muqdisho ee Kenya Airways ayaa loo wareejiyo shirkado diyaaradeed oo kale. Tikitka duulimaadka Kenya Airways ee Muqdisho ayaa la qorsheeyey inuu noqdo 403 dollar, sii socod iyo soo socod, iyo 218 halkii socod. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa loo qaadaa dalka Qatar, iyadoo loo sheego inay halkaasi ka qabanayaan shaqo amaan oo ay dhaqaalo badan ku qaadanayaan. Dhalinyaradaasi ayaa laga kaxeeyay inta ugu badan deegaanada Somaliland, Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo Koofurta Soomaaliya, iyadoo looga faa’ideysanayo shaqo la’aanta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxaa jira dad uga wakiil ah Qatar kaxeynta dhalinyaradaasi oo ku sugan magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen qaar kamid ah dhalinyarada oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho. Dadkaasi ayaa dhalinyarada ka hor inta aan laga dhoofin Hargeysa waxay ka saxiixaan inay ku shaqeyn doonaan Seddex kun oo doolar iyaga oo qabanayo arrimo amaan oo kaliya, laakiin warqadda waxa ku qoran seddex kun oo lacagta Qatar ah oo u dhiganta 800 oo doolar, sida dhalinyarada ay sheegeen. Marka la geeyo dhalinyarada dalka Qatar ayaa waxaa la geeyaa xarun ciidan oo ku taala duleedka magaalada Doxa, waxaana halkaasi looga bilaabaa Tababar ciidan noocyadiisa kala duwan iyo tababar la xiriira hubka oo Taangi uu u weyn yahay, sida dhalinyarada ay sheegeen. Qaar kamid ah saraakiisha Tababarka bixinaya oo Yemeniin iyo Falastiin u badan ayaa dhalinyarada u sheegi jiray inay jihaad u tagi doonaan dalalka Yemen iyo Syria, waxaana dhalinyarada loo sheegay inay yihiin ciidanka Keydka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Somalida oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad waxaa loo yaabaa in la qabsado marka ay dhacaan arrimahan soo socda: 1. Marka wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn. 2. Marka dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo u adeegaya danaha cadowga san-dareerto awgeed. 3. Marka madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur, horena Somalidu waa u soo aragtay oo waa ku burburtay. 4. Marka ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Somalia iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada iyo horumarka si aan looga hadlin, looga doodin, loogana hortegin halis qaran oo soo fool leh. Taasu waxay keentaa sii kala fogaansho iyo iska-horimaad aan la mahadin. Waxaa kuwaas ka mid ah dadka maanta u ololaynaya midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya oo aan ahayn suurtogal. 5. Marka Somalinimo-xumada, wadaninimo-xumada iyo damiir la’aantu ay gayaysiiso in cadowga jiritaanka Somaliyeed lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado. MIDNIMO HUWAN DHAGAR QABSASHO Iyada oo awelba Itoobiya si xun u gumaysata dhul iyo dad Somaliyeed ayaa haddana ay maanta rabtaa inay midnimo been ah oo dhagar gumaysi huwan ku qabsato inta xorta ah Somalida oo aan weli si habboon looga gilgilan. Sida taariikhda Itoobiya ku cad, Boqoradii la kala odhan jiray Mililik iyo Xayla Salaase waxay dafirijireen dal la yidhaahdo Somalia waxayna ku andacoonjireen in dhulka iyo badda Somalia ay tahay qayb ka tirsan Itoobiya dadka Somaliduna yihiin dad xoolo dhaqato ah oo ka tirsan dadka Itoobiya. Midnimada laab-la-kaca ku salaysan Abiye Axmed waxaa ka weyn cadaawadda guunka ah ee Itoobiya u hayso Somalida si loo abuuro waxa lagu magacaabo “Itoobiyada Weyn ee Geeska Afrika.” Dawladda Itoobiya ee maanta jirta dawladda ka dambaysa maxay noqon? Miyaanay arrintu ahayn dambas huwan dhuxul dab ah oo aan taariikhda is-bedelin? Xididada dhiigga Itoobiya waxaa waraabsha nacaybka ay u hayaan Somalida iyo damaca ka haya dhulkooda iyo badooda. Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Somalida muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, maantase waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Somalia iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Somalida oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Somalidana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho. Sanadahan ugu dambeeya waxay Ooramadu si weyn ugu soo qulqulaysaa dhulka Somalida xorta ah waxaynu si cad u sheegtaan in iyagu leeyihiin dhulka Somaliyeed oo dhan bed iyo berriba. Waxaa hadda dagaal ba’an lagu hayaa Somall Galbeed si dhulkooda looga barakiciyo dabadeedna loogu soo duulo dhulka Somaliyeed ee xorta. Somalidu waa inay si wadajir ah fadhiga uga kacdaa kuna khasabtaa Ooramada inay ku ekaadaan degaankooda. Waxaa kale oo muhiim in Ooramada laga saaro si dhakhso Somalia iyo Somalilandba. Qawaaniintii caalamka maanta way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay). Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo. Markii uu Abiye Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Somalia siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed. Abiye Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Somalidu leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Somalia iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. Waxaa kale oo uu yidhi: “Somalia, Itoobiya iyo Eratariya waxay yeelandoonaan hal madaxweyne.” Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Somalia ay meesha ka baxayaan. Somalidu (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha. Somalidu waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Somalia siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Gabyaagii Faarax Nuur (Eebbe ha u naxariiste) waxaa uu isna yidhi: “Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya. Haddii Somalidu rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada maanta halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano. Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Somalia dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay si gacanta loogu dhigo shidaalka weyn ee ku jira dhulka Somalida. Waxay Sirdoonka Sacuudigu hore u sheegeen una soo jeediyeen in Itoobiya la wareegto Somalia mustaqbalka sida uu madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga, Anwar Al-Cishqi, ka sheegay goob fagaare ah. Markaas, Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho. Waa in si weyn looga hortagaa oo loo fashiliyaa shirqoolka halista ah ee huwan midnimo been ah. Marnaba maaha waxaa dhicikara midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya waayo taariikhda dheer ee cadaawadda ku dhisan ayaa diidaysa. Wadaninimo iyo wadajir ayaa looga adkaankaraa cadowkasta oo xoog leh. Dhul la’aan waa jiritaan la’aan. W/Q: Ibrahim Hassan Gagale Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Rajab Dayib Ordogaan appeared first on Puntland Post.
  20. Koox burcad Koonfur afrikaan ah ayaa ku dilay mawaadin Soomaaliyeed xaafadda Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town ee Dalkaan Koonfur afrika, Allaha u u Naxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hilaal Xirsi Jaamac . Allaha u naxariistee marxuumka ayaa Burcada Koonfur afrikaan ka ah Risaas Ku Fureen Waxayna Risaasta ka haleeshay Madaxda. Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo baaritaano sameeyay. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka loo geeysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsada iyada oo sii siyaadayaan dilalkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  21. Kampala (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu kula kulmayo maanta madaxweyne Yuweri Musaveni. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo laabtay safar hal maalin ahaa oo uu ku tagay magaalada Istanbul ee dalka Turkey, halkaasi oo uu shir kula yeeshay madaxweynaha dalka Turkey Mr Erdogan. Kulanka gaar ah ee ka dhacay Magaalad Istanbul waxa ay ugu wada hadleen sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Wararka aan ka heleyno kulanka maanta ee Kampala ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono dhigiisa Uganda, arimaha ciidanka, Amaanka dalka iyo qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu kala hadli doonaa isbadalka geeska Africa ka socdo oo dalalka Somaaliya, Ethiopia iyo Eritrea hormuudka ka yihiin, iyadoo qorshaha uu yahay in isbadalkaasi ka socdo gobolka la balaariyo. Dalalka Sudan iyo Jabuuti ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan isbadalka geeska Africa, iyaga qorshaha uu yahay inay ka qeyb galaan kulanka seddexaad oo ka dhacaya magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Uganda Caasimada@live.com
  22. Yuusuf Garaad Axmed Wasiirkii hore ee wasaarda arimaha dibada dalka Somaliya ayaa waxaa uu farta uu ku fiiqay dariiq uu sheegay in Somaliland ay si fudud Ictiraaf uga heli karto beesha Caalamka waxaana uu sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxaana uu ku bilaabay “ Soomaalida oo dhan, marka Djibouti laga reebo, waxaa ugu yaraan midkiiba mar gumeystay Ingiriiska*. Marka laga reebo Soomaalida Kenya oo 1963 xornimada la qaadatay Kenya inteeda kale, wuxuu ugu dambeeyay Somaliland oo uu ka baxay 26 Juun 1960. Gobolka Soomaalida Kenya, markii uu Ingiriisku ku daray Kenya, Soomaaliya waxay Ingiriiska u jartay xiriirka Diblomaasi oo safaaraddiisii waa laga saaray Muqdisho. Soomaali kaliya ma ahan ee Boqortooyada Ingiriiska xilligii gumeysiga waxaa lagu tilmaamay Boqortooyada aan calankeeda cadceeddu u dhicin. Waayo? Boqortooyada Ingiriiska marka waddankeeda ay qorraxdu u dhacdo oo calanka la dejiyo, waxaa calankeedu saarnaa oo uu ka babbanayay dal ay gumeysato oo dhaca cirif kale oo caalamka ah oo maalin jooga. Boqortooyadii ay awooddeedu caynkaa ahayd, haddana xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa si aan mugdi ku jirin uu shacabkeeda inta badani afti caadyaal ah ku go’aansaday in uu ka baxo Midowga Yurub. Ka bixitaanka Yurub oo uu go’aankeeda Shacabka Ingiriisku qaatay, Yurubna ay aqbalsan tahay, ayaa keliya sidii kala baxaasi u dhici lahaa waxaa laga furay wadahadal maaratoon noqday welina aan dhammaan oo u dhexeeya Yurub iyo Ingiriiska. Wadahadalkaas oo loo bixiyay Brexit weli ma dhammaan. Midowga Soomaaliya waa ka fac weyn yahay, kana qoto dheer yahay Midowga Yurub, waayo Yurub iyadu ma ahan dal qura oo leh hal hoggaamiye. Markaa, Somaliland haddii ay dooneyso in ay ka baxdo Midowga ay kula jirto Soomaaliya inteeda kale, waanan ogahay in ay dad aad u badan oo reer Somaliland ahi ay sidaa ku taamayaan, wadiiqada ugu habboon, ugu sharciyeysan, ugu nabadgelyada badan, uguna ilbaxsan waa in ay taa ku gaarto wadahadal ay la gasho dalka intiisa kale oo cidda qaanuun ahaan u matashaa ay tahay Dowladda Federaalka. Wadahadalkaas oo mabda’ ahaan socda, laga soo billaabo June 2012 markii uu ku curtay Chevening, oo ah hoyga nasashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, oo ku taal meel aan ka fogeyn London, oo aniga oo suxufi ah aan goobjoog u ahaa iyo dhowr jeer oo aniga oo ergay metalaya Soomaaliya ah aan uga qeyb qaatay Djibouti iyo Istanbul, waan ogahay in uu yahay gaabis diinku ka dheereeyo. Haddana Somaliland waxaa la gudboon in ay wadahadalkaa dardar hor leh geliso si uu natiijo u dhalo. Ogow natiijadu waxay noqon kartaa midow lagu qanacsan yahay ama kala go’ la isla qaatay. Wixii ay labada dhinac isla qaataan, ma jirto Dowlad ama Urur is-hor taagi kara. Sidoo kale ayaan u soo jeedinayaa Dowladda Soomaaliya in ay u aragto qaddiyadda Somaliland oo dhul ahaan iyo dad ahaanba aan la xaqiri karin in ay leedahay mudnaanta koowaad si uu dalku isu raaco ama iyada oo raalli la isaga yahay fagaare loogu kala faataxeysto. Hadalkeygu jawaab uma aha mowqifka uu qaatay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhowaan Burco hadal ka jeediyay, laakiin waa aragtideyda shakhsiga ah. Yusuf Garaad Axmed Qaran News
  23. Alsalamu Caleykum Madaxweyne, Si loo xuso sannadka kowaad ee xukuumadaada, waxan jeclaystay in aan bilaabo su’aalo furan oo akhristaaysha Qaran News ay kuu soo marinayaan boggan furan. Waxa laga codsanayaa akhristayaasha, M/weynaha suaalaha loo soo weydiiyo si asluub iyo ixtiraam leh. Bal aan anigu bilaabo, bisinka u qabto (Bimillaahi Raxmani Raxiim): Suaal 1: M/weyne, sannad ayaa laga joogaa doorashadii 2017, welina dadku sidii buu u qaybsan yahay, xanaftii doorashada awgeed. Xanafta ugu weyn ee dhacdayna waxay ahayd in aad fagaarayaal badan ka tidhi xisbiga Waddani waa Somali Weyn. Haddaba si xanaftaa looga bogasado, ma dhici kartaa in aad goob fagaare ah ka tidhaahdid xisbiga Waddani waa xisbi Somaliland ah (kol hadduu hantay 40% codkii shacabka)? Hadday sidaasi dhici weydo annaga tii aad noo sheegtay baa nagu qafilan, M/weyne. Su’aal 2: M/weyne, adiga oo bil talada dalka haya ayaad Tukaraq weerartay. Dad badan ayaa ku dhintay,qaar ku dhaawacmeen, qaarna ku barakaceen, xadkiina in aad soo xidho daayoo; Badhan ayuu Baarlamanka Puntlan ku shiray; iminkana nabad baad joogto ugu baaqdaa. Fadlan ma noo sheegi kartaa ujeedada runta ah ee aad dagaalkii Tukaraq u bilowday? Su’aal 3: M/weyne khudbaddii aad ka jeedisay Burco usbuucan aan ku jirno, waxaad ku sheegtay in aad ka baxday wadahaladii Xamar, isla markaana aanad ka qayb ahayn isbeddelka geeska ka socda. Kolkaa, fadlan, noo sheeg meesha kale, ee ka-door-roon, ee aad inoo soo sahamisay? Wa Bilahi Towfiq Maxamuud C/llahi Axmed London Qaran News