-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in gobolka Bakool ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab iyo sidoo kale qaar ka mid ah ilaaladiisa. Ciidamada Booliiska gaarka ah ee K/galbeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Lafooleoo qiyaastii 30-KM u jirta degmada Waajid ee gobolka Bakool. Mas’uuliyiinta degmada Waajid ayaa sheegay in sarkaalka la diley lagu magacaabi jiray Macalin Deerow, sidoo kalena lala diley Saddex ka mid ah ilaaladiisa, kana qaateen hubkii ay wateen. Caddow C/raxmaan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Waajid ayaa sheegay in howlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab ay weli ka socdaan gobolka Bakool. Dhanka kale, Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin howlgalkaan la sheegay in sarkaalkan looga diley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin u hadlay sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho lagu dilay ku-xigeenka ISIS Ee Waqooyiga Soomaaliya. Mas’uuliyiintan oo magacooda qariyey ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in meydka Mahad Macalim laga helay xeebta todobaadkii hore kadib waxyar markii la afduubey isaga oo booqasho ku yimid caasimadda. “Hoggaamiyaha kooxda ayaa jirran, ku-xigeennadiisa ayaa isku heysta ninkii badali lahaa, ninkan qaraabadiisa waxaa ay eedeynayaan ku-xigeennada” ayey intaas ku dareen mas’uuliyiinta. February, Mareykanka ayaa cunaqabateeyey Macalim, iyaga oo sheegay inuu yahay argigixiso caalami ah, waxaa kale oo ay sheegeen inuu fududeyn jiray hub kooxda ugu yimaada dhanka Yemen. Warar kale ayaa sheegaya in Macalim uu ahaa ninka qaabilsan howlgallada, iyada oo la tuhmayo inay dileen Al-shabaab. Cabdiqaadir Muumin, oo ah nin da’a ah oo heysta dhalasha Ingiriiska ayaa aasaasay kooxda, waxaana tiro ahaan lagu sheegaa toboneeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxda Maamul Goboleedyada waxay wadaagaan hal cudur oo aad iyo aad khatar u ah kaasoo lagu soo koobi Karo kursi jeceyl, waana cudur runtii halis ku ah deganaanta dalka. Waxaa ka muuqata inay diyaar u yihiin in dalka oo dhan lagu kala guuro mar haddii iyaga laga qaado xilalka ay hayaan. Adduunyada waxay ugu neceb yihiin inay maqlaan erayga DOORASHO oo xasaasiyo xun ku haaya kulligood. Waxaa la soo gaaray xilli gobollada oo dhan ay doorasho u madlan yihiin, qaarkood waa laga xayuubiyay magaci Madaxweyne waxaana la doortay maamul kale oo beddelaaya Xaaf. Haddaba, marki arrinti halkaas mareyso ayuu billaabay maamule Xaaf inuu handado dowladda dhexe asagoo dhahaaya Xamar aan deb ku qabaheynaa!!! Waa nin aan Cadaado tegi Karin. Tanoo kale waxay ku soo socotaa Shariif Xasan oo meelo badan looga soo duulay si uu ku badbaadana ay tahay mucjiso u baahan inuu la soo baxo caqli iyo tabo ka duwan kuwi uu hore u adeegsan jiray. Axmad Madoobe waxaa ka soo bixi doona mar dhaw maqaalki ahaa dhambaalka. Waxaa mudan in la isweydiiyo maxaa nimankaan meesha ku dhejiyay oo aysan marna oggoleyn in taladu ay meerta naqato oo qofka mar la tijaabiyo, mase waxay isu heystaan inaan la heli karin dad iyaga ka baddela booska…mase waxay isu heystaan inay yihiin AABIHII UMMADDA oo cidna aysan la baratami karin…sidi Jaalle Siyaad!!! Waxaa jirtay in bilawgii kacaanka la sameeyay mahrajaanki ugu horreeyay ee ay dhigeen dugsiyadi Xamar uu wasiirkii waxbarashada Cabdirazaaq Max/uud Abubakar uu soo saaray kalimadda Aabihii Umadda..lakin Jalle Siyaad waa gartay waxa loola jeedo, waana kuqoslay asagoo dhahaaya waa beentiis….Marki dam,be Jaalle Siyaad wuxuu gaaray in qofki aqoonsan waayay inuu yahay aabihii umadda loo arko kacaan diid!!! Hadalki Cabdirasaaq waa hirgalay, waana la wada qaatay. Waxaan soo xasuustay filim aan waa hore galnay oo uu attore ka ahaa Jack Plance oo jilaayay dooraka L’uomo che vola oo ahaa ninka duula. Sheekadu waxay ahayd qarnigii 18aad markaasuu wuxuu sameystay baalal waaweyn oo lagu buubi karo..wuxuu dhigi jiray bandhigyo oo loo dawasho tago oo madaxda Yurub oo dhan ay imaan jireen..magaciisi aad ayuu can u naqday waxuuna kasbaday taageero iyo hanti fara badan. Waxaa la shaqeeya nin saaxibo yihiin oo qalabka oo dhan diyaariya asaguna uu aad u aaminsan yahay. Maalinti dambe wuxuu shaaciyay inuu dhigaayo bandhig lala yaabo asagoo kasoo duulaaya Minaarad ( torre) caan ah,(magaciisi waa illaabay, laga yaabe inuu ahaa Torre di Pisa) kaasoo boqorradi Yurub badankoodi ay yimaaden…saaxibkiis ayaa u sameeyay farsamo cusub oo aan loo jeedin xiriga celihaaya markuu soo boodo kana dhigaaya sidi qof duuleysa oo kale. Markii la isu yimid oo dadki oo dhan ay ku qaylinayaan VOLA, VOLA oo ah soo buub ayuu saaxibkiis ku soo jeestay marki saacadi la gaaray una diyaar garoobay kuna istaagay meshi uu ka boodi lahaa..markaasuu yiri “xirigaan iga fur aniga waa buubaa”, saaxibliis waa yaabay markaasuu yiri “ war ma buubi kartida naftaada ha halligin anigana ha I dhaafsiin xoogaaga aan meesha ka helo..dadkaanu waa ogyihiin inaadan duuli karin ee riwaayadaa ay iska rabaan inay ku madadaashaan”…waa ku adkeystay..wuxuuna yiri “dadku waa aaminsan yihiin inaan buubi karo ee adiga maxaad ii xasdee xiriga iga fur..saaxibkiis asagoo yaaban ayuu ka furay marakaasuu soo booday,nasiib darro sidi qare ow u burburay..markaasaa la yiri “ non ha volato” MA DUULIN”!! Maamuleyaashi gobollada waxay rumeysteen inay yihiin MADAXWEYNE waana waxa khatarta ka dhigaya jiritaanka MAAMUL GOBOLEEDYADA. Waxaan ku tali lahaa magaca ha laga beddelo hana loo bixiyo Maamule iyadoo laga reebaayo erayga DOWLAD OO MEEL XUN U JIIDAY AMA LA AADAY DADKAAN DEREJADA U OOMAN. Bal ha lagu tijaabiyo haddii ay ku sabraayaan magaca cusub ee maamule gobol. Aan ku soo xirno hal-ku-dheg madadaalo ah (joke) ee ku saabsan Jalle Siyaad. Wuxuu booqasho ku tegay isbitaalki lazaretti ahaana manicomio oo dadka waalan lagu xanaaneyn jiray. Markaasaa nin ka mida dadka meesha ku jira aa qosol lagu celi waayay, markaasaa la yiri maanta maxaa kaa qosliyay? Wuxuu ku jawaabay maalinti la I keenaayay waxaa I weday laba nin iyadoo la ii geliyay ( Camicia forte), ( oo ahaa shaar loo geliyo dadka caniifka oo gacanaha wax ku halleeya.) Wuxuu yiri ninki waalnaa “manta aa nin iga daran la keenay oo ay afar ninoo aad u hubeysan ay wadaan..markaasuu weliba qoslaa, manta aan khatar ku jirnaa, annagoo dhanow na dilaa” !!! Jaalle Siyaad bukaanki oo dhan aa loo soo safay markaasaa la yiri “Heesta Guulwade-na waa yaqaaniin..markaasaa la yiri ku dhufta Guulwade… Guulwadow Siyaad Aabihi garashada…Jaale Siyaad wuxuu arkay nin meel gees ah taagan oon heysta qaadeynin, markaasuu weydiiyay ” Ninkaan maxaa ku dhacay uu heesta u qaadi waayay”? Markaasaa la yiri “Ninkan waa reystay waana ladnaaday berri ow baxaa aa la yiri”!!! Jaalle Siyaad waa oggolaaday. Jaallaha waa ka hoos baxday inuu weydiiyo ”WAR HEESTA MA WAXAA QAADA DADKA WAALAN OO KALIYA!!! W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Ankara (Caasimada Online) – Sirdoonka Turkiga ayaa jidka u galay 14 wicitaan oo uu Al Qaxtaani ku sameeyay boqorka iyo wiilkiisa maalintii la dilay wariye Jamaal, 5 ka mid ah wicitaannadaas waxaa ay ku socdeen xafiiska Maxamed Bin Salmaan, waxaana ka mid ahaa in Qaxtaani sheegay in faraha Jamaal loo diray Boqortooyada si loo xaqiijiyo guusha in la dilay Jamaal. Sidoo kale, Sirdoonka Turkiga ayaa dhexda u galay Wicitaan dhinaca Skype-ka ah oo dhexmaray dhaxal suge salmaan iyo Sucuud Al-Qaxtaani oo ahaa Taliye ku xigeenka sirdoonka Sucuudiga loona heysto in uu yahay dilaaga Wariye Jamaal. Waxaa kale oo ay sirdoonka heleen muuqaal la duubay intii dilka socday,waxaana ka mid ah in jirka Jamaal laga dhigay 15 Cad ama Gabal laguna riday Boorsooyin. Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun” Isaga oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey baarlamanka, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn sheesgashada Sacuudiga ah ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka. Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay diyaarinta qorshaha dilka billaabeen dabayaaqadii bishii September ka hor inta aan Khashoggi la dilin labadii October. Hadalkiisa ayaa waxa uu burinayaa kan Sacuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggii uu ku geeriyooday dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Hyderabad (Caasimada Online) – Haweeney Hindi ah oo ka timid magaalada Hyderabad, taasi oo ku nooleyd Soomaaliya tan iyo sanaddii 2013, ayaa reerkeedu ay ka cabanayaan inay dhibaato kala kulmeyso qoyska ninkeeda. Mohammad Wahiuddin, oo la dhashay haweeneydan oo lagu magacaabo, Mohammedi Begum ayaa sheegay in dumaashiyaalkeed aysan siin wax cuno ah oo ku filan. “Walaashey Mohammedi Begum waxay ay sanaddii 2003 magaalada Hyderabad ku guursatay Soomaali lagu magacaabo Sayid Xasan Ibraahim, waxayna nala noolaayeen 10 sano” ayuu yiri Wahiuddin. Sida uu sheegay, waxaa tobankaas sano ilaah siiyey saddex wiil iyo laba gabdhood. “Sanadii 2013, walaashey ninkeeda ayaa u sheegay inuu doonayo inay Somalia aado, oo caruurta ay soo tusto qoyskiisa, waxayna baxday bishii April ee 2013. Sayid wuxuu kusii nagaaday Hyderabad, oo uu sanad ku noolaa, wuxuuna kadib u dhoofay Mareykanka. “Walaashey iyo caruurta ayaa tan iyo markaas ku xanibnaa Soomaaliya, waxayna wajahayaan dhibaatooyin badan. Waxaa jir dila dumaashiyaalkeed, mana helaan cunto ku filan” ayuu yiri Mohammad Wahiuddin. Mohammad Wahiuddin ayaa ugu baaqay wasiirka arrimaha dibedda India Shushma Swaraj iyo safaaradda India ee Soomaaliya inay arrinta faro-geliyaan oo ay soo bad-baadiyaan walaashiis, oo ayada iyo caruurta dib ugu soo celiyaan India. Caasimada Online Xafiiska Hyderabad Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo shidaalka xukuumada Sacuudiga Khalid Al-Falih oo ka hadlayay furitaanka shirka Maalgashiga mustaqbalka, ayaa sheegay inay ogsoon yihiin inay ku jiran maalmo adag, isla markaana ay ku dhex jiraan xiisada ka dhalatay dilka Suxufi Jamal Khashoggi. Wasiirka waxa uu carabka ku dhuftay in aan qiil loo heli Karin dilka Saxafiga Jamal Khashoggi, waxa uuna ku celcelshay in dilka uu abuuray khilaaf. Wasiir Khalid Al-Falih,waxa uu tilmaamay inay rajeynayan in xal ay u helaan waxyaabaha ka dhashay dilka Jamal Kashoggi oo uu sheegay inay leeyihiin miisaan. Sidoo kale, Wasiir Khalid Al-Falih waxa uu shirka ka cadeeyay in dowlada Sacuudiga ay weysay xubno badan oo la sugaayay inay ka qeybgalan shirka taa oo ugu wacan dilka Suxufiga. Khilaafka uu Wasiirka sheegay xoogiisa ayaa u dhexeeya Madaxtooyada Sacuudiga iyo Hay’adda Sirdoonka dalkaasi oo laheyd fulinta dilka Jamal Khashoggi. Hadalkiisa ayaa waxa uu kusoo beegmay iyadoo inta badan dalalka hormaray ay dilka Jamal Kashoggi ku eedeeyen dowlada Sacuudiga iyadoo qaadacay shirka ka socda caasimada Sacuudiga ee Riyadh. Xigasho. Daily Monitor
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland ahna murashax Madaxweyne ee maamulkaas, Cali Xaaji Warsame ayaa ku tilmamay musiibo aan hore loo arag dagaalka ka socda deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Dhumay oo Koonfur Galbeed uga began Gobolka Sool ayaa waxaa isniintii dagaal lagu riiqmay ku dhawaad 100 ruux isaga dilay beelaha Bahararsame iyo Qayaad oo ka wada tirsan Sool clan. Lama oga waxa rasmi ah ee dhaliyey dagaalkaas dhimashada iyo dhaawaca badan dhaliyey. Hase ahaatee, Cali Xaaji Warsame ayaa ku tilmaamay MASIIBO QARAN oo aan wali hore loo arag, halka uu sidoo kale wax aan la qaadan karin ku sheegay khasaaraha uu geystay dagaalkaas laga fursan karay. “Dagaalka Dhumay waa masiibo qaran oo aan hore heerkeeda oo kale oo arag. Dadka ay waxyeelada dagaalkan aan loo baahnayn ka soo gaadhay waa wax aan ka aqbali karin.” ‘Waa musiibo dagaal ehel oo aan joogsaneyn, xal laga gaareyn, xeer-beegti loo raadineyn. Kulligeen waa ku eedaysanahey.” Labada beelood ee ay collaadu u dhexeyso ayaa sanadihii dambe loo kala maaro waayey. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Waa kuma Gen. Moorgan Gen. Moorgan waxa uu ku dhashey degmada Qardho ee gobolka bari sanadkii 1949, waxbarashadiisa hoose waxa uu ku qaatey magaalada Boosaaso, kadib waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho. Sanadkii 1967 ayuu ka mid noqdey ciidankii Milteriga ee Soomaaliya, waxaa waxbarasho layli sarkaal loogu direy dalkii Midowga Soofiyeeyti muddo saddex sano ah, dalka waxa uu dib ugu soo noqdey kadib markii uu dhacay Inqilaabkii Milteriga oo dalku gacanta u galay ciidanka. Waxbarashadiisa sare ayuu Gen. Morgan ku qaatey dalka Maraykanka, waxaana uu shahaadada Master-ka ka qaatey The United States Army Command and General Staff College ee gobolka Kansas, halkaas oo ay uga baxdey naaneysta Morgan marka la eego Shaarbihiisa cajiibka ah waxaana loogu magac daray nin caan ka ahaa Maraykanka. Dalalka kale ee Morgan wax ku bartey waxaa kamid ah dalka Jamhuuriyadda carbeed ee Masar. Gen. Moorgan ayaa kamid ahaa ciidankii loo tababaray Sharpshooter, ama kooxda aan shiishka la gefin, waxaana la sheegaa in uu kamid ahaa Sharpshooter ugu khatarsanaa Soomaaliya. Waxa uu kamid noqdey taliyayaashii urarada ciidanka, goobaha uu caanka ku ahaa waxaa kamid ahaa qaybtii 21aad ee Gobolada Dhexe iyo Qaybtii 26aad ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. Dhamaadkii sanadihii sideetamaadkii waxa uu noqdey Wasiirkii gaashaandhigga ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu noqdey Wasiirkii Hawlaha Guud iyo guriyeynta ee Soomaaliya. Gen Moorgan waxaa sodog u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre, wuxuu qabey Canab maxamed Diyaad barre oo ay dhashey maamo Khadiijo, markii ay jamhaddii USC ka dagaalmeysey gudaha Muqdisho 1991, waxaa Morgan dagaaladaas uga dhintey mid kamid ah caruurtiisa oo ay ku dhacde rasaastii jamhadda USC. Xididnimada Gen. Morgan la wadaagey madaxweynihii xiligaas ayaa u fududeysey in uu xilal sare dalka ka qabto iyada oo saraakiisha lamidka ahaa ee isla beeshiisu badankood ku jireen xabsiyada ama ay dalka ka baxsadeen. Morgan iyo Somaliland Gen. Moorgan waxaa qiyaastii 1986 loo beddelay goboladii Waqooyiga ee Soomaaliya, si loo dejiyo xaalad kacsan oo uu bauurey taliyihi isaga ka horeeyey ee Gen. Gaani, Moorgan ayaa kula dhaqmey gacan debecsan marka loo barbardhigo taliyihii ka horeeyey taas oo ay ugu yeeran naaneystii ahayd “kani waa Mooge”, mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka qaybta 26aad ee gobolada Waqooyi ayaa Jamhadii SNM ay dagaal ay ku khasbanaayeen ku soo galeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Dadka deggan gobolada waqooyi gaar ahaan beelaha Isaaqu waxay sheegaan in xiligii Moorgan loo geystey xasuuq. Gen. Moorgan oo marar kala duwan la weydiiyey ayaa sheegay in uu ahaa taliye ciidan oo Dowlad ka tirsan, iyaguna ay ahaayeen jamhad hubeysan oo weerar ku soo qaadey Dowladdii markaas jirtey, aanu jirin xasuuq uu geystey. Burburkii Dowalddii Kacaanka 1991 Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxay ahayd magaaladii ay u soo qaxeen inta badan dadka beesha Daarood ee ku noolaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii Malayshiyaadkii jamhaddii USC ay dagaalkii u rogeen mid qabiil ah oo isir lagu beegsanayo ama la doonayo in lagu cirib tiro. Gen Moorgan iyo ciidamo badan oo u hoggaaminaayo waxay kamid ahaayeen dadkii Kismaayo u qaxay. Gen. Maxamed Siciid Xirsi ma yeelin si lamid ah madaxdii hore ee dalka ka talineysey ee qaarkood u baxsadeen dalal shisheeye gaar ahaan dalka Kenya iyo kuwo carbeed, waxaana uu isku dayey in uu hoggaamiyo Malayshiyaadkii beelaha Daarood kuwaas oo ku dagaalamayey magacyo jamhadeed. Gen. Moorgan xiligaas waxaa lagu eedeyn jirey in u ahaa dagaal ooge, laakiin marka la eego xaaladda dalka ka taagneyd oo ahayd jamhad qabiil u abaabulan oo weerar ku ah dad shacab ah, iyo dhul aysan deegaan ahaan ka soo jeedin, shaqadii Gen. Moorgan qabtey ee ahayd difaaca dadkaas waxaa in badan oo kale aaminsan yihiin in uu ahaa Halyeey difaacay sharafta iyo karaamadoodi, waxaana uu muddo ka talinaayey gobolka Jubada Hoose. Kismaayo waxaa markii danbe kala wareewgay isbahaysi ay samsyteen Jamahaddii USC/SNA iyo urur ka tirsanaa SNF oo uu hoggaaminaayey Barre Aadan Shire (Hiiraale) kuwaas oo la baxay isbahaysiga dooxada Jubba. Shirkii Eldoret/Impighati Sanadihii 2002-2004 waxa uu kamid ahaa ergooyinkii ka qaybgalay shirkii dib u heshisiinta ee lagu soo dhisey Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay dalka Kenya, Morgan kama mid noqon sida hoggaamiye kooxeedyadii kale kuwii galay baarlamaanka ee noqdey Xildhibaanada lama garanayo sababta ama Horseed uma suurta gelin in ay ogaado sababta looga reebay in uu kamid noqdo baarlamaankii lagu dhisay Kenya 2004, tan iyo markaasna siyaasadda banaanka ayuu ka joogay inkasta oo la taliye u ahaa qaar kamid ah Madaxweynayaashii dalka soo marey. Tartankiisi Aqalka Sare Sanadkii 2016 waxa uu u ordey in uu kamid noqdo Aqalka sare ee Soomaaliya oo markii u horeysey la sameeyey, waxaana Aqalka sare uu ka kooban yahay 54 Xildhibaan oo Dowlad goboleedyada metalaya. Waxaa labada musharax ee Bootaan Barre iyo Maxamed Siciid Xirsi kala saarayey Baarlamaanka Puntland, waxaana Bootaan Barre Samanter ku guuleystey 38 cod, halka Moorgan ka helay 27 cod oo keliya. Musharax Puntland 2019 Bishii Abril 2018 Gen. Maxamed Siciid Xirsi waxa uu ka soo degay magaalada Boosaaso, waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo xika Madaxweynaha Puntland. Gen Moorgan ayaa kadib booqasho ku marey ilaa magaalada Gaalkacyo, waxaana uu deeq lacageed oo ballanqaad ah u fidiyey, jaamacad aan weli la dhisin degmada Qardho, Garoonka Mire Awaare ee Garoowe, Jaamacada PSU ee Garoowe, sidaas oo kale ayuu ka sameeyey magaalada Gaalkacyo, taas oo loo arkey in ay qayb ka tahay ololihiisa doorashada. Marka la eego guuldaradii doorashadii Aqalka Sare 2016, iyada oo la aaminsan yahay inbadan oo kamid ah Xildhibaanada Puntland mar kale dib u soo noqonayaan ayaa la is weydiinayaa fursadda uu heli karo Gen. Moorgan haddii uu ka dhabeyo musharaxnimadiisa isla markaana ka qaybgalo tartanka, maadaama Xildhibaanadu ay Jeneraalka ka hor istaageen in uu Aqalka sare Puntland u metelo, iyada oo ay ku jiran Xildhibaano isaga lamid ah oo dagaaladii sagaashamaadkii ka soo qaybgalay. Dadka qaarkood ee arrimahan ka faalooda ayaa Horseed u sheegay in Moorgan musharaxnmadiisu ay daaran tahay in uu doonaayo in uu u soo wareego Puntland kana qaby-qaato siyaasadda Punltland, xitaa haddii uu ku guuldaraysto tartanka Madaxweynaha Puntland. Horseed Media Team
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maalin kaliya waxaa gobolka Sool lagu qubay dhiiggooda dad kor u dhaafaya 100 taas oo argagax ku ridday dhammaan umadda Soomaaliyeed. Inta badan bulshada ku dhaqan deegaankaas iyo Soomaali dhammaanteen waxa ay la’yihiin meel ay u saaraan masiibada ku habsatay dadkaas Soomaaliyeed ee mar walba ku le’da qaababka kala duwan. XASUUQA SOMALILAND Bulshada Soomaaliyeed eek u nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma helin maamul ka fekera danahooda iyaga oo dhexda u galay Puntland oo ay iyagu wax ka dhisteen iyo Somaliland oo ay isku diideen gooni isutaagga. Qadiyadda ay ka soo horjeesteen ah in aan Soomaaliya la kala goyn waxa ay ku muteysteen dil iyo dhac ay isugu dartay maamulka Somaliland iyada oo la xasuusto in shacabka rayyidka ah ee Buuhoodle beebe lagu jiirsiiyey booqlal iyaga oo ah. Ilaa iyo hadda, Somaliland kama deyn bulshada Soomaaliyeed ee gobolladaas iyga oo ujeedada ugu weyn ee ay kula dagaalamayaan tahay maxaad ku ugu hanqal taageysaan midnimada Soomaaliya. Waxa ay ku dhex dhintaan dagaalada Puntland iyo Somaliland Labada maamul ee dhinacyada ka xiga bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Cay nee midnimada jecel waxa ay kala kulmeen dhibaato isugu jira dilal, dhaawac iyo waliba barakac baahsan. Xisaab ma leh inta jeer ee ay ku dul dagaalameen labadaas maamul, dagaaladaas waxa ay ku rebeen umadda halkaas dadka cawaaqib xumo oo ay ugu dambeysaa boqolaalka kun eek u barakacay dagaaladdii Tukaraq. Kaalinta ay ku leedaahay dowladda dhexe dhibaatada haysata bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay kaalin weyn ku leedahay mushaakilaadka noocyada badan ee haysata bulshada midnimo jaceylka maalin walba loogu laayo. Dowladdii Shiekh Shariif Shiekh Axmed, waxa ay ku dhiiratay in ay aqoosato maamulkii Khaatumo ee ay dhisteen bulshada deegaanadaas, hase ahaatee, waxaa is hortaagay Gaas oo xilligaas ahaa Raisul Wasaarihiisa isaga oo ka eegayey danaha maamulka Puntland ee uu ka soo jeedo. Dowladdii Xassan Shikeh wey uga sii dartay iyada oo xubnihii ay golaha shacabka ku lahaayeen u diiday in ay si xor ah oo madax bannaan u soo doortay, waxaa lagu soo doortay Garowe, ogow, waxaa hadda ka maqan xubin Aqalka Sare ah oo ay xaq u lahaayeen taas oo ku dhex luntay sad bursiga Somaliland iyo Puntland. Dowladda ay Madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre? Xukumadda hadda jirta wali ma qaadin tallaabo u muuqata mid shacabkaas looga dulqaadayo masiibada ku habsatay, hase ahaatee, uma muuqdaan kuwo u dhaami doona kuwii ka horreeyey. Hadaba, Maxaa la gudboon dowladda Federal-ka ah? Dowladda Federal-ka ah waxaa uu waajib ka saaran yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ka midka yihiin gobolladaas dhibaatadu dariska la ahaa sanadaha badan. Haddii ay ka go’an tahay in ay ka badbaadiso shacabkaas marna lagu dul dagaalamayo,mar iyagii la isku dirayo,marna si bareer ah loo gumaadayo, waxaa la gudboon in ay raadiso xalka ugu habboon ee lagu samatabixin karo dadkaas sida; in ay aqoonsato maamulka ay dhistaan, xuquuqda ay leeyihiin goboladdaas ee deeqahaa ay si toos ah dadka iyaga metala ugu dhiibto iyo in ay u madax banneyso soo xulashada xubnahooda dowladda iyo waliba ugu dambeyn, haddii Somaliland iyo Puntland ku sii wadaan dhibaatada ay ku hayyaan in ay u dirto ciidamo ka xorreeya haddii ay ahaan lahaayeen Soomaali ama AMISOM. Intaa haddii laga waayo, Federal-ka waxa uu qeyb ka sii ahaan doonaa dhibaatada raggaadisay bulshadaas Soomaalinimada jecel. Caasimada Online Xafiiska Laascaanood Caasimada@live.com
-
LAS ANOD (HOL) - More than 50 people were killed and over 80 others were hurt after two clan militias clashed in northern Somalia, residents and officials said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Aamin has a fleet of 16 ambulances but can now only afford to operate 10 on a regular basis in Mogadishu, which suffers regular bomb attacks. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guriga Qunsulka Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa la sheegay in laga helay qeybo kamid ah jirka Saxafiga la dilay ee Jamal Kashoggi. Telefeshinka SKY News ee xaruntiisa dhexe ku taala dalka Britain oo xiganaya illo uusan magacaabin ayaa sheegay in darjiin ku dhexyaala guriga Qunsulka Sacuudiga laga helay qeybo kamida jirka Saxafiga oo la jarjaray iyo Madixiisa oo la burburiyay. Baarayaasha Turkishka ayaa waxa ay maalmahani baaritaan ka dhex wadeen Guriga Qunsulka oo 500 talaabo u jira dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga, halkaasi oo bishan 2-da lagu dilay Saxafiga Jamal Kashoggi. Warkan ayaa soo baxay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan uu maanta faahfaahin ka bixiyay dilka Jamal Kashoggi, waxa uuna walaac ka muujiyay inaanu wali la helin Meydka Saxafiga. Erdogan waxa uu Saraakiisha Sacuudiga ka codsaday inay sheegan halka ay ku aaseen Meydka Saxafiga Jamal Kashoggi. Warbaahinta Turkiga waxa ay sheegen in Hanti uu leeyahay Jamal Kashoggi laga dhex helay gaari ay leedahay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Dhinaca kale, Afhayeenka Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegay in wax laga walaaco ay tahay in qeybo kamida jirka Saxafigaas la helo, halka qeybna aan laheyn. Haddalka Afhayeenka ayaa ahaa “Goobta laga helay jirka saxafigaasi waa mid kamida su’aalaha aan dooneyno inaan helno jawaabtooda, iyadoo aan jawaab buuxda ka sugeyno baarayaashaTurkiga”, ayuu yiri afhayeenka. Xigasho: SKY News IYO hurriyetdailynews
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin C/casiis iyo Dhaxal-suge Amiir Maxamed Bin Salmaan waxay maanta si rasmi ah ula kulmeen laba wiil uu dhalay Jamaal Khashoggi. Warbaahinta Sacuudiga ayaa soo bandhigay Muuqaalka Qaabilaadaasi, wuxuuna Boqor Salmaan u tacsideeyey Qoyska Jamaal Khashoggi. Boqorka ayaa shalay Khadka telka ugu tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay Suxufi Jamaal Khashoggi, isagoo maantana ku qaabilay qasriga Sacuudiga. Boqorka ayaa labada wiil ee uu dhalay Jamaal Khashoggi uga tacsiyeeyay qaabka uu u dhacay falka, waxa uuna ugu laab qaboojiyay in dowlada ay sii wadi doonto baaritaanka dilka aabahood. Sidoo kale, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula xiriiray Qoyska Saxafigii Sacuudiyaanka ahaa ee la dilay ee Jamaal Khashoggi. Erdogan waxa uu Qoyska Jamaal Khashoggi uga tacsiyeeyey dilkaasi oo ay xubno ka tirsan ku dileen gudaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada Istanbul. Erdogan ayaa qoyska Jamaal u sheegay inay heli doonaan warbixino xaqiiq ah oo ku saleysan dilka aabahood iyo shaqsiyaadka ka danbeeyay dilkiisa. Dhinaca kale, Erdogan waxa uu qoyska u balanqaaday inay ka garab istaagi doonaan dhan waliba, isla markaana falka dilka uu yahay mid ay geesatay Sacuudiga.
-
New York (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times waxa uu ka soo xigtay xubno ku dhow Madaxweynaha Turkiga inay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga ku fashilantay hindise ay Madaxweyne Erdogan u soo bandhigeen, si aan loo shaacinin natiijada baaritaanka dilkii Saxafigii Sacuudiga ee Jamaal Khashoggi oo bishan October 2-dii lagu dilay magaallada Istanbul. Wargeyska waxa uu qoray in Amiir Khaalid Faysal oo ah La- taliyaha Boqorka Sacuudiga oo dhawaan booqasho ku tegay Istanbul, iska markaana uu Madaxweyne Erdogan Kala hadlay baaritaanka dilkii Saxafiga Jamaal Khashoggi. Wargeyska waxa uu qoray inay Ilo-wareedyo u sheegeen inuu Amiir Khaalid u sheegay Erdogan qorshe ay Sacuudiga Ku beddelanayaan hakinta Kiiska Saxafigii la dilay. Qoddobadda ay Sacuudiga soo bandhigeen ayaa Kala ahaa:- 1-Inay taageero Maaliyadeed siinayaan Turkiga. 2-Inay Sacuudiga kordhinayaan Maalgashiga Turkiga iyo 3-Inay Sacuudiga cunaqabataynta ka qaadi doonaan Dowladda Qatar oo Isbahaysiga dhow la leh Turkiga. Xubnaha ku dhow Madaxweyne Erdogan waxay u sheegeen Wargeyska The NYT inuu Madaxweynuhu Ku gacan-sayray Hindisihii uu Amiir Khaalid Faysal u soo bandhigay. Wuxuuna Erdogan ku tilmaamay Hindisahaasi Laaluush Siyaasadeed. W/Q: Ustaad Nuuradiin Abuukar
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland Focus Group, oo ay ku mideysan yihiin musharaxiinta madaxweynaha Puntland, ayaa warsaxafeed ka soo saaray doorashada Puntland iyagoo Madaxwayne Gaas uga digay in dastuurka la furo oo xiligan kala guurka ah wax laga beddelo, isla markaana dalka khalkhal la galiyo . Annaga oo ka duuleyna, isla markaasna xoojineyna go’aankii Baarlamaanka (Golaha Wakiiladda) Puntland uu go’aamiyey 14kii Agoosto, 2018, kaas oo ah in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu ay dhacdo 8da Janaayo 2019ka, iyadoo loo marayo qaabkii hore, maadaama ay suurta geli weydey in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah 2019ka, waxaan soo jeedineynaa; 1 – Maadaama wakhtiga aan joogno doorashada Puntland ay ka hartay laba bilood, muddo-xileedkii xukuumadduna dhamaaday, si looga gudbo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee maanta taagan waxaa muhiim ah in wadajir iyo taxadar looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, abni iyo dhaqaale ee hada jira. Sida oo kale, Xukuumadda talada haysa waxaa saaran masuuliyad dastuuri ah, waxaana loo bahan yahay in dalku xiligaan kala guurka ah uga gudbo caqabadaha jira deganaan iyo kalsooni lagu qabo nidaamka doorashada. Sidaas daraadeed Puntland Focus Group waxay dalbanaysaa: 2 – In Madaxweynaha iyo Musharixiinta kale ay ka galaan wadatashi loo dhan yahay arimaha khuseeya Gudiga Xallinta Khilaafaadka Barlamaanka, si loo helo xubno lagu kalsoon yahay oo bulshada dhexdeeda ku leh ixtiraam iyo xurmo gartoodana lagu qanci karo. 3 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dawladda Puntland ay rabto in ay furto Dastuurka Dawladda Puntland si dano gaar ah loogu samaysto. Waxaan si adag u soo jeedineynaa in aysan dhicin wakhtigan isku day lagu faragelinayo dastuurka Puntland oo ku yimi afti dadweyne, lana abuurin jaahwareer sharci iyo qalalaaso siyaasadeed oo khatar gelin kara jiritaanka Puntland. Waxaan si adag ugu digeynaa Dawladda Puntland, islamarkaasna ay ka waantowdo arintaas ay waddo. 4 – In doorashada Puntland ku dhacdo jawi degan oo aan shaki gelin karin natiijada iyo nidaamka doorashada midna. 5 – Musharixiinta u sharaxan Madaxweynanimadda Puntland waxaa ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay shacabka reer Puntland kula hadlaan goobkasta oo munaasib ah, si ay ugu sheegaan fikrikooda siyaasadeed. Waxaana cambaarayneynaa falkii lagula kacay Faarax Cali Shire oo loogu diidey in uun ka khudbadeeyo barxadda magaalada Qardho iyo in la jeex jeexo musharaxa xayeysiintiisa. Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxw Xubnaha Puntland Focus Group: Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale) Cali Xaaji Warsame Faarax Cali Shire Jeneral Cabdulahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) Jamiila Saciid Muuse Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Khalif Ciise Mudan Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne) Saciid Cabdullahi Deni Dr Maxamed Salaad Cali Qoryooley