Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Xaqiijiyey inay Dileen in ka badan 20-dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo isku dayey inay Difaacaan Deegaanka Gandarshe oo ay weerareen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ugu danbeyntii maanta la wareegay gacan ku heyntiisa. Deegaanka Gandarshe oo saaran Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose oo sida la sheegay ahaa Deegaan Muhiim u ah Al-shabaab isla Markaana ay ka Abaabuli jiraan Weerarada ay geystaan Gobalka Shabeelaha Hoose. Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay puntlandpost ayaa Xaqiijiyey inay dileen kuwaad 30- ka tirsan Askarta Al-shabaab oo 20-ka mid ah meydadkooda ay wali yaalaan Deegaanka Gandarshe. Gudoomiyaha ayaa Sheegay inay sii wadi doonaan Dagaalka ilaa ay Al-shabaab ka saaraan Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose oo ka mid ah meelaha Al-shabaab ay ugu xoogan miyihiin Gobalada Koofurta Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post (Muqdisho) The post 20-Dagaalame Oo lagu dilay Dagaalkii Gandarshe iyo Qasaaraha oo Wali sii Kordhaya appeared first on Puntland Post.
  2. The CIA has a recording of a phonecall in which Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman gave instructions to “silence Jamal Khashoggi as soon as possible”, a Turkish news website has reported. Gina Haspel, CIA director, is said to have revealed the existence of a wiretapped call between Prince Mohammed and his brother Khaled bin Salman, who is Saudi’s ambassador to the US, to Turkish officials during a visit to Ankara last month, according to Hurriyet. “It is said that the crown prince gave an instruction to silence JamalKhashoggi as soon as possible and this instruction was captured during the CIA wiretapping,” Hurriyet columnist Abdulkadir Selvi wrote on Thursday. “The subsequent murder is the ultimate confirmation of this instruction.” The brothers are reportedly heard talking about the “discomfort” caused by the Washington Post columnist’s criticism of the kingdom’s administration. A Turkish official contacted by Reuters said he had no information about such a recording. Khashoggi, a prominent critic of Prince Mohammed, was killed on Oct. 2 inside the Saudi Consulate in Istanbul. Hatice Cengiz, Khashoggi’s fiancee, talks to Haberturk TV about the day he went missing Hatice Cengiz, Khashoggi’s fiancee, talks to Haberturk TV about the day he went missing CREDIT: AP If confirmed, the wiretap could call into question Washington’s official claim that they have found no evidence to support accusations the murder was ordered by the prince, Riyadh’s de-facto leader, himself. The leak comes days after President Donald Trump signalled his support for Prince Mohammed, in a statement which declared he would not further punish Saudi for the murder. In an extraordinary statement subtitled “America First!” Mr Trump said on Tuesday that “our intelligence agencies continue to assess all information, but it could very well be that the Crown Prince had knowledge of this tragic event — maybe he did and maybe he didn’t!” Speaking to reporters at his Florida resort on Thursday, President Trump doubled down, saying the CIA had not come to a conclusion over whether the order came from the top. “I hate the crime…I hate the coverup. I will tell you this: The crown prince hates it more than I do,” he said. The president has since faced calls from members of his own party to re-evaluate ties with the ultraconservative kingdom, but Mr Trump has said the benefits of a good relationship outweigh the possibility its own prince ordered the killing. President Donald Trump speaks to the media about Khashoggi’s murder President Donald Trump speaks to the media about Khashoggi’s murder CREDIT: GETTY The Turkish media has published a drip-drip of leaks of information since the news of the Khashoggi’s death in early October, designed to put pressure on both Riyadh and the US to respond. Riyadh initially remained silent about the 59-year-old columnist’s disappearance, before claiming that he left the consulate after a short meeting with officials. They then changed their story several times, later claiming that Khashoggi was killed by mistake in a “fistfight” gone wrong. They admitted earlier this month that he was killed and dismembered after attempts to persuade him to come home failed. Saudi today warned criticism of the prince was a “red line”. Foreign Minister Adel al-Jubeir told the BBC that calls for MBS, as he is nicknamed, to be held accountable for the killing, “would not be tolerated”, nor would discussion of “anything disparaging”. Federica Mogherini, the EU’s top diplomat, said on Thursday all those “really responsible” for the murder of journalist Khashoggi have to be held accountable. “Those responsible, really responsible for this terrible murder have to be accountable,” she told a news conference in Ankara. Source Telegraph Qaran News
  3. Waxaa la filayey in sannadka soo socda bisha seddeexin la qabto doorashooyinkii Barlamaanka iyo kuwii dawlada hoose. Lakiin, sida la isla dhexmarayo, waxaad modaa in uu Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland damacsanyihiin in dib loo dhigo. Arrintani ma aha mid qancinasa ummada Somaliland iyo asxaabta caalamkaba. Arrinta ka dhex muuqata sababaha dib u dhaci ku sameyn karta doorashooyinka waxaa ugu horeysa, saami qaybsiga kuraasta Barlamaanka. Dastuurka Somaliland wuxuu go’aamiyey in 82 kursi uu ka koobnaado Barlamaanku. Haddii ay noqoto in al kordhiyo kuraasta, ma aha arrin u taala Barlaamanka xilligan fadhiya. Adduunka lagama maqal Barlamaan fadhiyey in 13 sannadood! Waa arrin cajiib ah. Haddii uu Barlamaankani awoodi kari waayey in uu sameeyo saami qaybsi cusub, waa in la doorto xildhibaani cusub oo sameeya sharciyo cusub. Barlamaanka fadhiyey in ka badan 13 sannadood, ma aha mid dalka iyo dadka wax u kordhinaya, waa xilidhibaano mushahar uun guranaya, oo ka dhigtay shuqul. Waxaa loo baahanyahay in aan doorashoyinka dib loo dhigin. Waa in la doorto Barlamaan cusub iyo dowlada hoose oo cusub. Marka dooroshoyinka la qabto, waa in loo soo jeesto Aqalka Guurtida, oo isaguna ilaa iyo 20 sannadood fadhiyey. Sida la wada ogyahay Guurtida lama doorto, oo dastuurku wuxuu ugu talo galay in uu noqdo aqal ah, la taliye iyo aqbalaad, “Advice and consent”. Lakiinse, wakhtigan la joogo, Guurtidii, waxay noqotay meel la iska dhaxlo, waxay u baahantahay dib uu eegid iyo horumarin. Ma filayo in ay ummada Somaliland kasoo horjeedo in ay Guurtida noqoto aqal ka kooban bulshooyinka dalka oo dhan, lakiinse wuxuu u baahanyahay xilidhibaano cusub iyo xirfado cusub. Somaliland waa dal qaan gaadhiyey oo leh dad waxbartay oo khibrado cusub leh, waa la soo dhaafay wakhtigii lagu shaqeyn jiray siyaamo bulsho ama qabiil. Waddanku dastuur buu leeyahay, sharci buu leeyahay, la iskuma wadi karo arrin sharci iyo arrin qabiil. Markaa waa lama huraan in la qabto doorashooyinka Barlamaanka iyo dawlada hoose. Kadibna waan in laga shaqeeyo Golaha Guurtida. Dastuur waa sida buug had iyo jeer la qoraya, marna wax lagu darayo, marna wax laga bedelayo, lakiin ma shaqeyn karo haddii golayaashii maamulihaa dastuurka ay iyaguba fadhiisteen. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Duulista Hawada ayaa xooga saartay sidii markale muddo 23 sano kadib loo shaqo gelin lahaa diyaaradii Somali Airlines oo Soomaaliya ay laheyd. Qorshaha Socda ayaa u muuqda mid gabo gabo ku dhow, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay dib u bilowdaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee diyaaradaasi ay sameyn jirtay. Warbaahinta Qaranka ayaa laga baahiyay in todobaadyada soo socdo diyaaradaasi ay dib u bilaabi doonto duulimaadyo toos ah, waxaana dalka Turkey uu doorweyn ku leeyahay dib usoo nooleynta diyaaradda Somali Airlines. “WAR FARXAD LEH:- Todobaadyada soo socda waxaa si rasmi ah uga howlbilaabi doona garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho diyaaradihii ugu horeeyey ee 23sano kadib ku duula magaca Somali Airlines” “Waxaana howsha lagu bilaabi doonaa laba diyaaradood oo noocyadoodu kala yihiin:- SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438),,,,ALLOOW GUULLAHA NOO KORDHI” sidaasi ayaa lagu daabacay Barta Arrimaha bulshada ee Raadiyaha dowladda. Dib usoo nooleynta Diyaaradda Somali Airlines ayaa kamid ah dadaalada dowladda Soomaaliya ay gelisay waqtiga badan, waxaana horey loogo guuleystay dib usoo celinta maamulka hawada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-22112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Mucaaradnimadii Abtiyaashay Walaxaa Ka Dhiman .. Arrin dabiici ah weeye adduunka horumaray Afrika oo dimuquraadiyadu ku yartahay iyo Carab & Cajab in Hoggaamiyaha Mucaaridka amma Muxaafidku saamayn xoogan uu ku la haado degaanada uu ka soo jeedo. Maha qabyaalad waa arrin dabiic ah oo laysku raacsanyahay. Maqaalkan waxa iga keenay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ee Gobolka Oodweyne.. Horta siyaasiyiintii caanka aha, Saladiintii Gobolka Daad-madheedh Xildhibaanadii labada Gole kaga jiray mid qudha wajiyadoodi kamay soo muuqan socdaalka, madaxaeynaha lakiin waa la soo dhaweeyay waana gobonimo. Waxaanse tabayaa mid ka sii xeel dheer. Tusaalaha nool ee Xisbiyada xagga Mucaaradnimo iyo halganka kursi raadinta waxaynu soo qaadana Axmed Maxamed Siilaanyo, Waayo waa Mucaaridkii ugu muddada dheera intaynu nidaamka Axsaabta badan qaadanay. Degaanadii uu ka soo jeeday ee Bariga Saaxil, Sanaag, Bariga Burco iyo Caynaba wuxuu ku laha saamayn luxdan oo aan mar qudha liicin, deganadaas 8-sanno oo uu Daahir Rayaale Kaahin xilka hayay iyo 3-sanno oo Mucaaridadii Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ahayd 11-ka sanno dhinbiisha Mucaaridku kamay bakhtiyin.. Dawladda In kasta oo ay dibu-dhaca la qabeen Gobolada itaalka Xukumadeedna iska koobna hadana wixii ay xaq ugu la hayeen way ka helayeen sadku haba llite. Wasiirka Xukuumaddii Daahir Rayaale ka tirsanaa ee Degaankaas ka soo jeeday nufuud siyaasi ah kumuu lahayn, Cabdillaahi Dhoolayare ayaa ugu dadaal badnaa wixii kala qabsaday waa la ogaa… Saleeban Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida ee hadda oo aha siyaasi adag saamayna ku laha UDUB ka hor tageeradiisi Siilaanyo shirkii Gar’adag si kasta oo uu yeelay galan galkiisu wuu ku koobna xagga Deganadaas, Degma Qorilugud oo uu ku xoogana waxay la magac baxday wagaas Aaga Kurdida. Siyaasiga UDUB ah marfashyada Habar-love kumuu qayili kari jirin maqaaxina muxaadiro kamuu gali jirin. Idinka Abtiyaal kii caawa Muuse Biixi la soo shaxeeyay ayaa Shiraaqle iyo Kaah idinku xiijinaaya.. Cawil Mucjiso oo mijihii ubadkiisa cunay qaarna ku ammaahday cimrina aanu u laabnayn ayaa Oodweyne la marinayaa.. Kaas oo kale waa In dhawr jeer la dakhraa haddii mucaarid kulul la doonayo, waa been Somaliland inagoo ku dhegan oo aanay cidina inagu cabsiinayn ayaa in mucaaradnimada la alooso ay tahay .. Caare yaan laydinku cabsiin, Xukuumaddu ha soo qabto iyadaa xoogi Dalka hayse. Waxaan xasuusta 2003-kii markii KULMIYE dhacay koox uu Maayarkii hore ee Burco Muuse Madoobe oo Siilaanyo tolnikada ka sokow Abti dhaw u aha hoggaaminaayay alle hawnaxariisto ayaa Puntland u gashay oo lacag ka soo qaadatay waliba Cabdillaahi Yuusuf ayaa Madaxweyne ka Aha wakhtigaas. Dee Daahir Rayaale Xukuumaddiisi ayaa xabsiga ku gurtay intay soo qabatay.. Siilaanyo na laguma eedayn Habar-love na laguma eedayn markii danbe Wasiiru Dawlaha arrimaha Gudaha ayaabu ka dhigay Muuse Madoobe Madaxweyne Rayaale .Marka Carre Madaxweyne Muuse Biixi ayuu u yaala Inuu soo qabto iyo Inuu la heshiiyo hawl inoo taala maha waa Sarkaal goostay sidaa Muuse Madoobe Cabdillaahi Yuusuf ugu goostay waagaas.. Muxuu KULMIYE u xoogana marku Mucaaridka aha.? KULMIYE Xisbi xoogbadan ayuu aha Mucaaridkii waana Xisbiga qudha ee Mucaaridnimadii kaga fiicna Muxaafidnimada sabatu mid qudha ayay ahayd .. Dhaqaale ahan KULMIYE wuxuu aha Xisbi Dadka Degaanadaasi hawba kala bataane aanay marqudha shidaalka ka joojin, Guddoomiyaha Xisbigu Akoon xisabeed u gaara ayuu laha…. Si mucaaridku u xoog badnaado safka hore waxa soo mari jiray siyaasiyiinta Degaanada kale Oday Axmed Siilaanyo na budhku hor luxi jiray.. 11-ka sanno garan maayo Suldaan iyo siyaasi saamayn leh oo u dusay Daahir Rayaale, Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore Madaxtooyada ayaa xasuustayda aan hayaa markii Xisbigu dhacay 2003-kii Daahir Rayaale u galay isna nooli ayuu ka sii qaatay oo waakii Ingiriiska galay waxaanu Dalka ku soo noqday doorashadii 2010-kii Wax yar ka hor.. Xalku waxa weeye wli ma habaysnin abtiyaal ee bahasha inaga giijiya, guusha sidaan hore u sheegay aynu Xisbi ku raadino Iska ilaawa qolaaliga Xukuumadda Muuse Biixi iyo qaxwaheeda haddii kursiga hunguri inaga hayo, hadalka iyo hawraartana aynu Dadka kale u dhiibno inta Hargaysa iyo Gabilay ka guuxaysa ee maamul xumada iyo niyad jabku hayo aynu abaabulno. Waliba kaligeen wax dooni maynee doorka danbe waxaa inagu xigaaya Gobolada Darafyada oo Dastuurka ayaynu furaynaa.. Rer wax u doonimayno ee waxaynu u halgamaynaa helida Somaliland ka wacan ta maanta oo ay walaalo yihiin shacbigu dhammaantood aan la kala qoqobin.. Idinkuna hormuud u noqda halgankii la soo noqoshada Xoriyada Somaliland ba qub iyo nasiib ayaad ku yeelateen hoggaamintii ileen la kala hooda wacane waynagii 6-bilood Dalka ku qabanay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo sheegayay in Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayo in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada maamulkaas. Xubno ka tirsan Guddiga ayaa xaqiijiyay in Guddiga Caddaadis lagu saarayo in ay doorashada ka reebaan Musharaxiinta kala ah Xuseen Cismaan Xuseen talihii hore ee NISA, Aadan Saransoor iyo Sheekh Mukhtaar Roobow. Dhammaan xubnahan ayaa waxaa kasoo horjeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waana taas sababta ay doorashada mar walba dib ugu dhaceyso, sida ay ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, dowladda federaalka ayaa si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow iyo Xuseen Cusmaan, oo ay u aragto inay guul ka gaari karaan doorashada. Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’an inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan ada, oo looga adkaan karo. Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray. Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa ka digay in arrintan ay abuuri karta xiisad siyaasadeed oo hogaamisa dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed, ayada oo beesha Leesaan ee uu kasoo jeeda Roobow, islamarkaana ah beesha ku xooggan Baydhaba ay wacad ku martay inaysan dhici doonin doorasho uusan qeyb ka ahayn Roobow. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  8. Arrin dabiici ah weeye adduunka horumaray Afrika oo dimuquraadiyadu ku yartahay iyo Carab & Cajab in Hoggaamiyaha Mucaaridka amma Muxaafidku saamayn xoogan uu ku la haado degaanada uu ka soo jeedo. Maha qabyaalad waa arrin dabiic ah oo laysku raacsanyahay. Maqaalkan waxa iga keenay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ee Gobolka Oodweyne.. Horta siyaasiyiintii caanka aha, Saladiintii Gobolka Daad-madheedh Xildhibaanadii labada Gole kaga jiray mid qudha wajiyadoodi kamay soo muuqan socdaalka, madaxaeynaha lakiin waa la soo dhaweeyay waana gobonimo. Waxaanse tabayaa mid ka sii xeel dheer. Tusaalaha nool ee Xisbiyada xagga Mucaaradnimo iyo halganka kursi raadinta waxaynu soo qaadana Axmed Maxamed Siilaanyo, Waayo waa Mucaaridkii ugu muddada dheera intaynu nidaamka Axsaabta badan qaadanay. Degaanadii uu ka soo jeeday ee Bariga Saaxil, Sanaag, Bariga Burco iyo Caynaba wuxuu ku laha saamayn luxdan oo aan mar qudha liicin, deganadaas 8-sanno oo uu Daahir Rayaale Kaahin xilka hayay iyo 3-sanno oo Mucaaridadii Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ahayd 11-ka sanno dhinbiisha Mucaaridku kamay bakhtiyin.. Dawladda In kasta oo ay dibu-dhaca la qabeen Gobolada itaalka Xukumadeedna iska koobna hadana wixii ay xaq ugu la hayeen way ka helayeen sadku haba llite. Wasiirka Xukuumaddii Daahir Rayaale ka tirsanaa ee Degaankaas ka soo jeeday nufuud siyaasi ah kumuu lahayn, Cabdillaahi Dhoolayare ayaa ugu dadaal badnaa wixii kala qabsaday waa la ogaa… Saleeban Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida ee hadda oo aha siyaasi adag saamayna ku laha UDUB ka hor tageeradiisi Siilaanyo shirkii Gar’adag si kasta oo uu yeelay galan galkiisu wuu ku koobna xagga Deganadaas, Degma Qorilugud oo uu ku xoogana waxay la magac baxday wagaas Aaga Kurdida. Siyaasiga UDUB ah marfashyada Habar-love kumuu qayili kari jirin maqaaxina muxaadiro kamuu gali jirin. Idinka Abtiyaal kii caawa Muuse Biixi la soo shaxeeyay ayaa Shiraaqle iyo Kaah idinku xiijinaaya.. Cawil Mucjiso oo mijihii ubadkiisa cunay qaarna ku ammaahday cimrina aanu u laabnayn ayaa Oodweyne la marinayaa.. Kaas oo kale waa In dhawr jeer la dakhraa haddii mucaarid kulul la doonayo, waa been Somaliland inagoo ku dhegan oo aanay cidina inagu cabsiinayn ayaa in mucaaradnimada la alooso ay tahay .. Caare yaan laydinku cabsiin, Xukuumaddu ha soo qabto iyadaa xoogi Dalka hayse. Waxaan xasuusta 2003-kii markii KULMIYE dhacay koox uu Maayarkii hore ee Burco Muuse Madoobe oo Siilaanyo tolnikada ka sokow Abti dhaw u aha hoggaaminaayay alle hawnaxariisto ayaa Puntland u gashay oo lacag ka soo qaadatay waliba Cabdillaahi Yuusuf ayaa Madaxweyne ka Aha wakhtigaas. Dee Daahir Rayaale Xukuumaddiisi ayaa xabsiga ku gurtay intay soo qabatay.. Siilaanyo na laguma eedayn Habar-love na laguma eedayn markii danbe Wasiiru Dawlaha arrimaha Gudaha ayaabu ka dhigay Muuse Madoobe Madaxweyne Rayaale .Marka Carre Madaxweyne Muuse Biixi ayuu u yaala Inuu soo qabto iyo Inuu la heshiiyo hawl inoo taala maha waa Sarkaal goostay sidaa Muuse Madoobe Cabdillaahi Yuusuf ugu goostay waagaas.. Muxuu KULMIYE u xoogana marku Mucaaridka aha.? KULMIYE Xisbi xoogbadan ayuu aha Mucaaridkii waana Xisbiga qudha ee Mucaaridnimadii kaga fiicna Muxaafidnimada sabatu mid qudha ayay ahayd .. Dhaqaale ahan KULMIYE wuxuu aha Xisbi Dadka Degaanadaasi hawba kala bataane aanay marqudha shidaalka ka joojin, Guddoomiyaha Xisbigu Akoon xisabeed u gaara ayuu laha…. Si mucaaridku u xoog badnaado safka hore waxa soo mari jiray siyaasiyiinta Degaanada kale Oday Axmed Siilaanyo na budhku hor luxi jiray.. 11-ka sanno garan maayo Suldaan iyo siyaasi saamayn leh oo u dusay Daahir Rayaale, Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore Madaxtooyada ayaa xasuustayda aan hayaa markii Xisbigu dhacay 2003-kii Daahir Rayaale u galay isna nooli ayuu ka sii qaatay oo waakii Ingiriiska galay waxaanu Dalka ku soo noqday doorashadii 2010-kii Wax yar ka hor.. Xalku waxa weeye wli ma habaysnin abtiyaal ee bahasha inaga giijiya, guusha sidaan hore u sheegay aynu Xisbi ku raadino Iska ilaawa qolaaliga Xukuumadda Muuse Biixi iyo qaxwaheeda haddii kursiga hunguri inaga hayo, hadalka iyo hawraartana aynu Dadka kale u dhiibno inta Hargaysa iyo Gabilay ka guuxaysa ee maamul xumada iyo niyad jabku hayo aynu abaabulno. Waliba kaligeen wax dooni maynee doorka danbe waxaa inagu xigaaya Gobolada Darafyada oo Dastuurka ayaynu furaynaa.. Rer wax u doonimayno ee waxaynu u halgamaynaa helida Somaliland ka wacan ta maanta oo ay walaalo yihiin shacbigu dhammaantood aan la kala qoqobin.. Idinkuna hormuud u noqda halgankii la soo noqoshada Xoriyada Somaliland ba qub iyo nasiib ayaad ku yeelateen hoggaamintii ileen la kala hooda wacane waynagii 6-bilood Dalka ku qabanay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
  9. Waxaa maanta jabay go’aan uu horey u soo saaray maamulka gobolka Karkaar ee Puntland, kaas oo lagu mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aysan kala hadli karin musharaxiinta Puntland taageerayaashooda. Bishii Oktoober 4-dii 2018 Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Bare Caato ayaa war uu soo saaray ku sheegay in laga joojiyay musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamanakaba in ay taageerayaashooda kala hadlaan barxadda weyne ee magaalada Qardho. Guddoomiyaha gobolka Karkaar ee Puntland ayaa go’aankaas ku macneeyay in baraxdda magaalada Qardho ay ku dhow-dahay xarumo dowlo, oo sababo amni owgeed looga mamnuucay isu soo baxyadda. Maalin kahor intii aan go’aankaas la soo saarin waxaa barxadda Qardho laga hor-istaagay in uu taageerayaashiisa kala hadlo Faarax Cali Shire oo kamid ah musharaxiinta Puntland 2019, wuxuuna markii dambe dadkii isugu soo baxay kala hadlay goob kale, warar ayaa sheegay in hor-istaagaas ay ka dambeyay Madaxtooyadda Puntland. Musharax Faarax Cali Shire oo Hoteel hortiis kala hadlaya taageerayaashiisa Qardho Dhanka kale shacabka magaalada Qardho ayaa xiligaas go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka Karkaar ka soo hor jeensaday, waxayna sheegeen in Qardho ay lamid tahay magaalooyinka kale ee Puntland, aysana jirin sabab musharaxiinta looga mamnuuco barxadda. Ilaa iyo xiligaas la mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aan musharaxiintu kala hadli karin taageerayaashooda ma jirin musharax yimi Qardho iyo go’aan dambe oo lagu buriyay kii hore. Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Noofember 2018 ayaa Musharax Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye) si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho, wuxuuna taageerayaashiisa kala hadlay fagaaraha barxadda, oo horey looga mamnuucay isu soo baxyadda. Musharax Jabiye oo taageerayaashiisa kala hadlay barxadda Qardho Ilaa hadda lama yaqaan sababta uu u buray go’aankii hore ee maaamulka gobolka Karkaar ku mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aysan kala hadli karin musharaxiinta Puntland taageerayaashooda. PUNTLAND POST The post Maxaa loo jabiyay go’aankii maamulka Karkaar ee Barxadda Qardho? appeared first on Puntland Post.
  10. Waxaa maanta magaaladda Bosaaso ee xarunta gobalka Bari siweyn loogu soo dhaweeyey musharaxa madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb galay boqolaal qof oo kamid taageerayaashiisa magaalada Bosaaso iyo kuwa ka tegey gobalada kale ee Puntland. Musharax Saciid Deni oo kamida musharixiinta ugu cad-cad doorashada la saadilinaayo inay dhacdo sideeda janaayo ayaa si adag u weeraray xukuumada talada Puntland haysa ee uu hogaanka u hayo Dr Cabdiwali Cali Gaas, Musharax Saciid Deni oo taageerayaashiisa la hadlaayey markii uu soo gaaray magaaladda Bosaaso ayaa xukuumadda Dr Gaas ku tilmaamay mid ku fashilantay wixii loo igmaday. Deni ayaa ku eedeeyey xukuumadda talada haysa inay madaxa isku gelinayso qabaailka Puntland ee ku guda jira suu xulista xildhibaanada cusub, wuxuuna sheegay inay tani dabo socoto dhibaatooyin uu horay Madaxweyne Gaas uga soo sameeyey Muqdisho intii uu raisul wasaaraha ka ahaa Dawlada Federalka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri mar uu ka hadlaayey ” Waxyaabaha inaan ka digo waxaa ka mid ah arrimaha doorashada iyo guddiga khilaafaadka, waxaad ogtihiin in qabaa’ilkii Puntland madaxa la isku galiyay, waxaad ogtihiin in la abuuray in kursi kasta 10 qof la soo saaray. arrintaas idinku ma taqaaniin laakiin waa arrintii madaxweyne Gaas uu sameeyay 2012kii markii uu Ra’isul Wasaaraha ahaa. Ilaa iyo hadda khilaafkii ka dhacay dad baa lagu dilaa Muqdisho” ayuu yiri Musharax Deni. Musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhibaatooyinkan durba soo ifbaxeen kadib markii xalay magaaladda Bosaaso lagu dhaawacay mid kamida xubnaha doonaaya kamid noqoshada baarlamaanka cusub. Deni ayaa uga digey xukuumadda Madaxweyne Gaas inay faragelin ku samayso doorashada iyo xulista xubnaha baarlamaanka. Guud ahaan degaanadda Puntland waxaa siweyn looga dareemayaa ololaha doorashadda madaxtinimada Puntland oo lagu wado inay dhacdo 08-Janaayo 2019, waxaana gobaladda socdaalo ku maraaya musharixiinta u ordaaya kursigan. PUNTLAND POST The post Musharax Saciid Deni oo si adag u weeraray xukuumadda Madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya. Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta. “Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan” ayuu yiri wasiirka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo dhaweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Somalia appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadley wada hadalada maamulka Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrimo kale. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uusan joojin karin wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, balse uu iska cadiifad hadlay, isagoo ugu janjabay in hadii uusan dadka la tashan laga tashan doono. “Wadanka lagu wadimaayo caadifad ,haddaad dadka la tashan weydo waa lagaa tashanayaa Madaxweyne, wada hadaladuna go’aan qaran ayuu ahaaye mu ahayn mid qofeed, wuxuuna ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo ka hor magaalada Burco ka sheegay in uusan hor fariisanayn madaxda Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Feysal Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay laba Biriish oo waaweyn oo ay yeelan doonto magaalada Burco, kuwaas oo fududayn doona, wax weynna ka tari doona isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Burco. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaannada golaha deegaanka iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Togdheer, ayaa dhagax dhigay Biriishka Aagga Ceel-goonni iyo mid kale oo laga dhisi doono togga u dhexeeya degmooyinka Aadan Saleebaan iyo Sheekh Bashiir, waxana ay mashaariicdani kamid yihiin dedaallada ay xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso deegaannada kala duwan ee dalka, kuna daboosho baahiyaha ay bulshadu qabaan. Xubno kamid ah madaxda dhaqanka iyo maamulka gobolka Togdheer oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay taageeri doonaan dhammaystirka mashaariicda cusub ee uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, isla markaana ay xukuumadda ku taageeri doonaan sidii ay kaalinteeda uga soo bixi lahayd. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban ka jeediyey dhagax-dhigga mashaariicdan, ayaa hoosta ka xarriiqay in is kaashiga shacabka iyo xukuumaddu hiigsi u yihiin xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhagaxaas maanta aynnu dhigaynaa waxa uu kamid yahay laba qodob oo inoo mabda’ ah oo kala ah shaqo qaran oo qaranku u dhan yahay iyo taakulayn qaran oo ah wixii aynnu qabsanayno qaran ahaan inaynnu isugu tagno ah.” Madaxweynahaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa maalmahan dambe socdaal shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka, waxana uu madaxweynuhu deegaannada uu soo maray iyo kuwa uu ku sugan yahayba ka dhagax-dhigay mashaariic tiro badan, isaga oo kuwo hore ay xukuumaddu u dhammaystirtayna xadhigga ka jaray. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa si weyn ammaanay hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe. Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in uu abaal-marin qaali ah guddoonsiin doono guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Camey iyo Gaas oo is dhinac-fadhiya shirka Golaha wasiirada Dowladda Puntland ayaa war ka soo saartay safarka madaxweynaha Somaliland ee ku wajahan gobolada ay ku muransan yihiin labada dhinac,gaar ahaanna gobolka Sool oo ay ka jirto xiisad colaadeed. War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in safarka Muuse Biixi uu hadafkiisu yahay in dagaal laga rido gobolka Sool,islamarkaana la laayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. Dhinaca kale war-murtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa looga hadlay xeerarka ay diyaariyan wasaaradaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee laga ansixiyo Baarlamanka,waxaana Puntland sheegtay in xeerarkaasi aysan khusayn maadaama aan lagala tashan,sida qoraalka lagu xusay. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay safarka Muuse Biixi ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  16. Byadhabo ( Sh. M. Network )-Guddiga qaban qaabada doorashada Koonfur Galbeed ayaa goor dhow shaaciyay in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha maamulkaasi. Doorashada ayaa la filayay in ay dhacdo 28 bishan, hayeeshee guddiga ayaa iclaamiyay in 5 bisha soo socoto ee December la qaban doono doorashadaasi. Waa markii labaad oo ay dib u dhacayso doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u taagan yihiin Musharraxiin dhowr ah. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Doorashada maamulka K/ Galbeed Oo markale dib loo dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa weerar dhabagal ah la beegsasay ciidamo ka tirsan Millatariga dowladda kuwaasi oo xalay saqdii dhexe ku socdaalayay wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn. Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa dhexmaray dagaal culus oo socday saacad iyo wax ka badan, iyada oo dhinacydan ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen inta uu dagaalka socday inay maqleen qaraxyo xoogan oo lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka dowladda. Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay 12 askari oo uu ka mid ahaa sarkaalkii ciidankaasi hoggaaminayay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo lala helay Saddex gaari Cabdi Bile ah oo galbinayay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Bancroft. illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin taliska ciidamada Millatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Afgooye iyo Wanlaweyn. Caasimada Online Xafiiska Wanlweyn Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku helay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu warramayaa inuu ka ballaaran yahay inta illaa iyo hadda la shaaciyey, islamaarkaana uu socdo baaritaan dheeri ah. Guddiga Maaliyadda Baarlamanka ayaa toddobaadkan ku eedeeyey xukuumadda musuq-maasuq xooggan oo lagu sameeyey miisaaniyaddii xukuumadda ee 2018, oo maalaayiin dollar lagu lunsaday. Lacagta la la’yahay ayaa waxaa ugu badan 20 milyan oo ka mid ah 50-kii milyan ee Sacuudiga laga keenay. Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ee Yariisow ee waxaa isna ku maqan sideed milyan oo dollar. Si kastaba xisaabaadkaas ayaa qeyb ka ah kaliya kiis ballaaran, waxaan xaaladda lagu qeexay inay tahay “faanoole fari kama qodna” Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay in xubno ka mid ah guddiga maaliyadda ay u sheegeen in tani ay tahay billow oo kaliya, oo ay ka daran yihiin waxa soo socda. “Heerka xatooyada kheyraadka dadweyne iyo musuq-maasuqa waa ka qoto dheer yahay inta la shaaciyey. Waxay guddiga xaqiijinayaan caddeymo cusub oo ay ku taageeraan warbixintooda” ayuu yiri xildhibaanka, oo soo xiganaya xubnaha guddiga ee u warramay. Members of Parliamentary oversight committee on finance told me the level of corruption revealed by their report is just the tip of the iceberg, the level of theft of public resource& corruption is deeper than what is reported.They have corroborating evidence 2 support the report — Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) November 21, 2018 Kiiska musuq-maasuqa ayaa waxaa horey u beeniyey wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle, oo warbaahinta la hadlay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Xarardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay Warqado digniin ah ku daadiyeen Koonfurta Gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaarado ku socda Jawi hoose ay Warqadahaasi ay ku daadiyeen Tuulooyin hoosyimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Sida la sheegay waxaa Warqadahaasi ku qornaa digniin la xariirta in dadka Rayidka ah ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa diyaarado dagaal oo aan la garaneyn halka laga leeyahay ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. The post Diyaarado dagaal Oo warqado Digniin ah ku daadiyay Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Kismaayo-[Puntland Post]-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada. Ugu horayn waxaa golahu uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Nabadoon Dhaqane Qaasim Aamin oo lagu dilay Degmada Beledxaawo iyadoo Hay’adaha amaanka la faray in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan sida uu dilku u dhacay lana soo qabto kuwii ka danbeeyay. Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo bandhigtay shirar kala duwan oo ay ku qabatay Magaalada Kismaayo iyo kulamo ay la yeelatay masuuliyiin kasocday hay’ado kala duwan oo caalami ah. Wasaarada Caafimaadkuna waxaa ay soo bandhigtay in faafida xanuunka qaaxada uu dhibaato ku hayo meelaha qaar isla markana daawooyinka laga bixiyo xarumaha gaarka loo leeyahay aysan ahayn kuwo tayo ahaan wanaagsan iyadoo soo bandhigtay hanaan wax lagaga qabanayo dhibaatadaas. Wasaarada howlaha guudna waxay ka warbixisay hanaanka dhul bixinta oo si dardar leh ku socda iyadoo sharciyaynta dhulalka iyo soo afjarista muranada dhulku ay meel wanaagsan marayaan. DHAMAAD Cabdiqani Boos Puntland Post The post Jubbaland oo ka hadashay Nabadoon lagu dilay Degmada Baledxaawo appeared first on Puntland Post.
  21. Bosaso[Puntland Post]-Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan Xilka Madaxweyne-nimada Puntland Doorashada 2019 ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso, waxana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Siyaasiyiin,Ganacsato, Aqoonyahano, Isimadda Dhaqanka, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo Taageerayaasha Musharax Deni oo aan u kala harin soo dhaweyntiisa. Musharaxa ayaa ugu horeyn ka hadlay arrimaha Ammaanka ee magaalada Boosaaso iyo waxyaabaha ka taagan, wuxuuna ku eedeeyey Xukuumadda waqtigeedu dhamaaday in ay ku guuldareystay maareynta howlaha Ammaanka. Musharaxa ayaa sheegay in Xukuumadda hadda jirtaa ay gabi ahaanba ku fashilantay u shaqeynta Shacabka iyo ka shaqeynta in ay Amni ku seexdaan. “Amniga Airporka Bosaso in la sugo maaheyne, Amniga magaalada in la sugo ayay ahayd, In maanta la yiraahdo amnigii ayaa xumaaday maahan wax ay sugayeen Reer Puntland, magaalada Boosaaso wax ka dhacayana sax maahan, waxaan rabaa Amniga in laga wada qeyb qaato, Maamulkuna uu hormuud ugu noqdo Xiliyada doorashada iyo madaxda doorashada u socota kaliya maahane, Dadka Muwaadinka ah amnigooda in laga shaqeeyo weeye’’ ayuu yiri. Musharaxa wuxuu bogaadiyay shacabka reer Puntland dadaalkii ay ku bixiyeen Dowladnimada Soomaaliya, wuxuu ballan qaaday in uu Hormuud u noqon doono Puntland cusub taas oo aysan koox gaar ahi laheyn ee Shacabku wada leeyahay. “Xariirka ka dhaxeeya Dawladda Faderaalka iyo dawladda hadda jirtaa oo ayaamahan la leeyahay dib baa loo fiirinayaa waa riwaayad dadka loo dhigayo, Faderaalka Puntland ayaa dhistay cidna marti ugama ah, ilaalintiisa waajib ayaa ka saaran Madaxweynaha Puntland ee hadda jooga Raysalwasaare ayuu kasoo noqday Faderaalka dhibta jirtana wuu la socdaa’’ayuu yiri musharaxu. Mudane Siciid Deni wuxuu sheegay, in aan la aqbali karin in kaabayaasha dhaqaale ee magaaladii isha dhaqaalaha Puntland, ee Bosaso oo ay kamid yihiin Dekedda iyo waddooyinka, aan waxba lagu celin, wuxuuna ballan qaaday haddii la doorto in xukuumaddiisu ay canshuurta shacabka laga qaado dib ugu celin doonto magaalada Bosaso. “Waxaa wax lays weydiinayo ah xaggee ku baxay dhaqaalihii Puntland,hadii uusan ku bixin ciidamadii, Dibu heshiisiintii, Amnigii iyo maamulkii, waa su’aal lays weydiinayo, waxaan u baahnahay in la xisaabtamo, waxaa xaqiiqo ah in dakhligii soo xaroonayay in shirkado gaar ah jeebkooda ay galeen, waxaad ka war qabtaan in Dakhliga kasoo xarooda Dekeda Boosaaso ay 3% qaataan niman shirkado ah, wax sax ahna maahan, Waxaad og tihiin dhaqaalihii shirkaddii dekeda la wareegaysa soo gudbisay ee ahayd 20 Malyan in aan waxba laga siinin magaalada Boosaaso, dhaqaalihii meesha uu aaday waa lays kala xisaabtamayaa, dalkaan intuu aamusnaan karay wuu aamusnaaday, codka Shacabka ayaan rabnaa in uu kor u kaco, magaaladan waa magaaladii Soomaali oo dhan soo dhaweysay, waana meesha kaliya ee Qaxooti Ajnabi ah joogaan, Dhaqaalaha Puntland iyo Soomaaliyaba halkan ayuu ka bilowday, haddana waad arkaysaa in laga guurayo magaalada Boosaaso” ayuu yiri Musharax Siciid Cabdullaahi Deni. Musharraxu wuxuu ku dheeraaday Musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira Xukuumadda hadda talisa, wuxuu ballan qaaday in isla xisaabtan dhab ah uu iman doono. “Waxaad og tihiin in dalkaan dhaqaalihiisii in la lunsaday oo uu galay jeebabka dad gaar ah, waxaan ogahay in dhaqaalihii dadka laga qaaday uu camiray magaalooyin kale oo ka baxsan Soomaaliya oo lagu maalgaliyey saxna maahan” ayuu yiri. Musharax Siciid Deni ayaa Duullaan qaawan ku tilmaamay daan-daansiga ay Somaliland ka waddo Gobalka Sool, wuxuu sheegay inay tahay arrin Dastuuri ah oo aan wada xaajood laga geli karin, wuxuuna qiray in Dowladda hadda jirta ku guuldarreysatay Howl galinta Ciidamada Tukarraq ee isaga yimid daafaha Puntland.. “Waxaad markhaati ka tihiin markii Tukaraq la qabsaday hadda oo gardaradda duulaanka qaawan lagu soo qaaday, dadkii min Raascaseyr, Saaxo ilaa Towfiiq dadku iyagoo aan la xisaabtamin dawladooda ayay ciidamado iyo calaf iskugu geeyeen, dawladda hadda joogtaa waxay ku guuldareystay in ay howlgaliso ciidamadaas, Sharaftii Puntland soo celiso, xaduudihii Puntland ay sugto, arrintaas waa arrin Dastuuri ah, maahan arrin ku aadan rabitaanka qofka madaxda ah, Waa arrin la rabo in qof walba oo Puntland ah u istaago” ayuu yiri. Siciid Deni wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada iyo guddiyada khilaafaadka wuxuuna ka digay inaan qabaa’ilka iyo Isimada lagu mashquulin khilaaf sidoo kale aysan xukuumadda hadda jirta soo faragalin guddiyadaas. Ugu dambeyn Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ballan qaaday haddii la doorto in xukuumaddiisu la imaan doonto Dowladnimo hufan, dowladnimo loo dhan yahay oo aysan koox yar talada la wareegin, codka shacabkana ku shaqeysa. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharax Siciid Deni oo Bosaso lagu soo dhaweeyey, appeared first on Puntland Post.