-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
War ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay la socoto eedeymaha loo jeedinayo Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM , oo dad rayid ah ku dilay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegtay in ay waddo baaritaanno xoogan oo ay ku sameyneyso falkaas lagu eedeeyay Ciidamadooda. Waxaana ay intaas ku dareen in si dhow baaritaankaas ay kala shaqeynayaan dowladda Federaalka Soomaaliya. AMISOM ayaa ballan qaaday in wixii ka soo baxa baaritaanadaas ay la wadaagi doonto shacabka iyo dowladda Soomaaliya , waxayna tacsi u dirtay ehellada dadkii ku geeriyooday dhacdadaas. Maalin ka hor ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi oo marayay inta u dhexeysa Ex Control Balcad iyo SOS Qarax lagula eegtay iyaguna ay ku jawaabeen tacshiirad xoogan oo dad rayid ah gallaafatay. The post AMISOM oo sheegtay in ay baaritaan ku heyso Fal Ciidamadeeda ay dad shacab ah ku laayeen. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sida ay ku soo warramayaan dadka degan deegaanka Ceelasha Biyaha Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Goob Maqaaxi ah oo loogu Magac daray Galmudug ku dilay 2 qof. Waxaana falkaas kadib Ciidamo soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen rasaas ay iyaguna fureen ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof. Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Habeen ka hor waxaa lagu dilay 4 qof , halka Habeenkii ka sii horeeyay isla deegaankaas lagu dilay 6 qof. Falalkaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay salka ku hayaan aanooyin Qabiil. Tan iyo wixii ka dambeeyay Dil wadareed loogu geystay Nawaaxiga deegaanka Lafoole dad lagala soo dagay gaari ay la socdeen oo marayay Nawaaxiga Lafoole ayaa waxaa duleedka Muqdisho ku sii kordhayay falal dil bareer ah. The post Faah Faahinno laga helayo falal Dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session. Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baadhista Robert Mulleur oo ah ninka baadhaya xidhiidhka lagayaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka. Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta. Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Diyaarad siday 124 qof oo Dawladda Soomaaliya ay kasoo deysay Xabsiyadda dalka Liibiya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana Wajiyadooda ka muuqday dhibaatooyin ay kala kulmeen intii ay ku jireen xabsiyadda dalkaasi. Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah dhallinyaradda Mudada dheer ku xidhnaa Xabsiyadda Liibaya ee nasiibka uu yeeshey in Dawladda Soomaaliya ay Dalkooda dib ugu soo celiso ayaa ka hadlay Dareenkooda, iyaggoo soo dhaweeyey dadaalka Dawladda ay u gashay in laga soo saaro Xabsiyadaasi, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo. Cabdiwaasac Jaamac Maxamuud oo ka mid ah maxabiistii horey looga soo daayay gacanta Magafeyaasha Arxanka darran, haatanna ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadatay siddii Dhallinyaradda dalka dibadiisa ku dhibaateysan dalkooda loogu soo celin lahaa. Ergeyga gaarka ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida Dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhalinyaradaasi. Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ayaa sheegay in dhallinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan Horumarinta dalkooda. Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in boqolaal dhallinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Jaziiradda Siishelis iyo Liibiya. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka. Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda. Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga The post Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda. The post Madaxweynaha JFS iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka oo iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-081118.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo siweyn u mucaaradsan dowladda talada haysa ayaa bixiyay waxa ay ka dhigan tahay iscasilaadii shalay uu ku dhawaaqay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasiyigii Afaraad oo awood, dhaqaale iyo waqti lagu bixiyo si xilka uu kaga tago, maadaama uu si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya. Waxaa ka horeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble, Taabid Cabdi Maxamed iyo Maxamed Cusmaan Jawaari oo uu sheegay in dhamaantood awood dhaqaale iyo ku takri fal hantiyadeed xilka looga qaaday. “Shariif Xasan Sh Aadan waa siyaasiyigii afaraad oo iyadoo lagu takri falayo awooda, hantida iyo waqtiga qaranku leeyahay xilka laga tuuro. Cali Cosoble, Taabit Abdi, iyo Jawaari ayaa ka horeeyey. Caqliga oranaya hadii aad iga aragti duwan tahay xilkaan kaa tuurayaa, ama waan ku weerarayaa, amaba aflagaadaan kuu miisayaa ee dhaqanka u noqday kooxda talada haysa, ma aha oo keli ah in umadda uu ka khasaarinayo xoog, hanti iyo waqti ee wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii iyo is-aaminkii shacabka ee sanidihii tegey geedi socodka gaabiska ah lagu soo dhisay” “Waxaa shaki lahayn in kooxdani xili ay tabar beeleen ay ka qoomamayn doonaan fal kasta oo maanta guul ugu muuqda markii ay maciin bidaan ragii ay is lahaayeen siyaaasada ayaad ka bixiseen ama waayahoodii u shalaayaan. Waxaa kaloo iyana hubaal ah in xadigga saamaynta khasaaraha iyo dhaawaca ay geysanayaan uu la ekaan doonto hadba inta uu fal celiskeenu yahay. Haddaba waa waajib Diini, Wadani, akhlaaqi ah oo dhamaanteen ina saaran in aan wiilashan xuurtaysan gacmaha qabano” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Yaman)-Hogaamiyaha jabhadda Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa sheegay in uusan marnaba isu dhiibi doonin xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo. Khudbad uu ka jeediyay telefishin ayaa Cabdulmaalik Al-Xuuti waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisu in ay iska caabiyaan weerarka dawladda ee magalaada ay jabhaduhu gacanta ku hayaan ee Xudayda. Hogaamiyaha jabhaddani ayaa sheegay in ciidamadiisa laga tiro batay, balse aysan jirin sabab uu isu dhiibo. Waxa uu ku eedeeyay Mareykanka in uu hormuud ka yahay dagaalka lixda maalmood ah ee ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay hawada ka taageerayeen dagaalka ay ciidamada dowladda Yaman dhulka ka wadeen. Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa ugu baaqay labada dhinac ee colaaddu ay u dhaxeyso in ay dadka rayidka ah u ogolaadaan in ay isaga baxaan Xudeyda. Usbuucii la soo dhaafay ayaa Mareykanka waxa uu ku baaqay xabbad joojin balse dagaalka ayaa halkiisa ka sii socda. Bartamihii bishii Juun ee sanadkan ayuaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ku guul dareystay in uu isku raaco baaq ah in dalalka Sucuudi Carabiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ay joojiyaan weerarada ay ku qaadayaan dekadda Xudeyda ee dalka Yaman, si gacanta Xuutiyiinta looga saaro dekaddaasi. Balse kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay yeesheen golaha ammaanka ayaa markale ku celiyay baaqooda ahaa in dekadda la furo. Dekadda Xudeyda ayaa waxaa ka soo degga boqolkiiba toddobaatan allaabaha la keeno dalkaasi Yaman. Source
-
Mudane Hulusi Akar oo ah wasiirka gashaandhiga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA oo arbacadii yimid Muqdisho ayaa saacadihi tagay kulamo la lahaa madaxda dowladda federaalka ah. Dadka ay la kulmeen waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, iyada oo xalayna loo sameeyey casho sharaf soo dhoweyn ah. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Turkiga waa dalkii ugu horeeyey ee Soomaaliya u soo gurmada burburkii kadib, waa dal saldhig ku leh Muqdisho, waxaa halkaasi lagu tababaraa ciidamada Soomaaliya, waxaa intaas dheer maal-geshi ay ku sameysteen meelo badan oo Muqdisho ku yaalla. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ku haray golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay ka yashanayaan xubnaha muhiimka ah ee ay waayeen. Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo kusoo haray golahaan ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay taleefoonka ku wada hadleen, iyaga oo ka arinsanaya xaaladda kusoo korortay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Waxaa la filayaa inay soo saaraan war qoraal ah oo ay kaga hadlayaan iscasilaadii Shariif Xasan Sheikh Aadan oo timid kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya, iscasilaadii Afhayeenka golaha iyo weyntii ay waayeen Maxamed Cabdi Waare. Waxaanan la ogeyn halka xaalkooda ku dambeyn doono, maadaama ruuxii ay sida weyn isugu haleynayeen uu shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka musharaxnimada iyo madaxweynaha Koofur Galbeed. Lama oga inay kulan gaar ah yeelan doonaan madaxdaan iyo inay soo saari doonaan qoraal ay ku cadeynayaan mowqifkooda iscasilaadii madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saudi Arabia oo gashay xaalad halis ah iyo arrin laga cabsi qabo inay dhacod Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gashay weji halis ah, kadib markii la ogaaday in dilka suxufi Jamaal Khaashuqji ay fuliyeen ciidamo amni oo gaar ah, kuwaas oo bil ka hor ka tegay magaalada Riyadh, islamarkaana tegay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waxaa sidaas weriyey wargeyska New Yorker ee Mareykanka kasoo baxa. Wargeyska ayaa qoray in inkastoo wax badan ay iska cad yihiin, haddana weli ay jiraan faah-faahinno jawaab u baahan, sida halka la geeyey meydka Jamal Khaashuqji, iyo in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninkii amray dilka. Waxaa taas dheer, in qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Maxamed Al-Cutayba, oo wax badan ka ogaa arrintan uu Turkiga ka tegay laba toddobaad kadib kadib markii qunusliyaddiisa lagu dhex dilay Jamaal Khaashuqji. “Si is-daba jog ah ayay uga been sheegeen dilka Khaashuqji iyo ku lug lahaanshaha xubnaha sare ee boqortooyada ee kiiskan, sidaas darteed ma jirto sabab loo qaato in Sacuudiga aysan ka warhayn halka uu jiro meydka” ayaa lagu yiri faallada New Yorker. Su’aal kale oo wargeyska is-weydiiyey ayaa ahayd “Maxaa Maxamed Bin Salmaan uu ugu adkeysanayey ka aamusnaanta kiiska Khaashuqji” Wargeyska ayaa dhinaca kale maamulka madaxweyne Donald Trump ku eedeeyey inuu waxba ka qaban in la helo runta kiiska Khaashuqji, sababtuna ay tahay in uu yahay kan ka dambeeya Maxamed Bin Salman, oo muhiim u ah qorshaha Aqalka Cad ee Bariga Dhexe. Arrimahan oo idil, ayaa wargeyska uu leeyahay, waxay carro ka dhex abuureen gudaha boqortooyada, hase yeeshee waxaan weli jirin awood meesha looga saari karo Maxamed Bin Salmaan, oo cid kasta oo ka hor-timaada xabsi u diraya. Carrada haddii ay sidan ku socoto waxaa ka dhalan doontaa in boqortooyada kala jabto, waxaana muuqata in qoyska xukuma Sacuudiga uu galayo weji halis ah” ayuu lagu qoray wargeyska New Yorker. “Shaqaaqooyinka Sacuudiga ma lahan hab siyaasadeed oo looga baxo oo aan ahayn awood” waxaa sidaas yiri Bruise Reidel” oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha Bariga Dhexe. Dhinaca kale, Amiirka Sacuudiga ee dibad jooga ah, Khalid Bin Farhan Al Saud ayaa sheegay inuu jiro qorshe socda oo la doonayo in afgambi loogu sameeyo boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin Salmaan. “Waxaad dhowaan arki doontaa afgambi ka dhan ah boqorka iyo dhaxal-sugaha” ayuu yiri Khalid Bin Farhan Al Saud, oo ka hadlayey dilka Jamaal Khaashuqji, oo ahaa suxufi kasoo horjeeda boqortooiyada. Khalid Bin Farhan Al Saud, ayaa shaaca ka qaaday in Khaashquji uu qorsheynayey inuu qoro buugiisa xusuus qorka, kaasi oo sir badan shaaca ka qaadi lahaa, taasina ay tahay sababta loo dilay. Qaran News
-
7 Nov 2018 Kismaayo meydka askariga iyo gaadhiga maray Mid kamid gaadiidka dagaalka ciidanka Kenya ee kamid ah AMISOM ayaa shalay magaalada Kismaayo ku jiidhay askari ka tirsana ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland. Gaadhi si xawli ah ku socda oo ay leeyihiin ciidanka Kenya ayaa askariga ku jiidhay bar-kantarool oo ku taalla gudaha magaalada Kismaayo,waxaana halkaasi ku dhintay askarigii,sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga Jubaland. Sidoo kale sawir la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya meydka askariga oo hoos yaalla mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidanka Kenya ee ku hawlgala magaca AMISOM. Wararka qaar ayaa sheegaya in dareewalka gaadhi uu si kas ah u jiidhay askariga oo muran hore kala dhexeeyay,balse waxa warkaasi beeniyay saraakiisha ciidamada Jubaland oo dhacdada ku tilmaamay mid shil ah. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya oo askari ku jiidhay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay musharixiinta la magac baxay golaha isbadal doonka Koofur Galbeed ayaa waxay kusoo dhaweeyeen iscasilaadii uu sameeyay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Qoraalka ayaa waxay ku sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg ah loo soo dhameystiro xubnaha iska casilay xilka guddiga doorashada Koofur Galbeed, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in howlaha sidoodii u socdaan. Waxay golahan musharixiinta ah dalbadeen in dib loo dhigo waqtiga doorashada, laakiin ma aysan sheegin muddada ay wanaagsan tahay in doorashada Koofur Galbeed dib loo dhigo, qorshahaan waxaa damacsanaa Shariif Xasan Sheikh Aadan. Waxay codsi u direen beesha caalamka, iyaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor, waxaa sidoo kale ay dalbadeen musharixiinta in la sameeyo guddi madax banaan oo la dagaalamo Musuq maasuqa doorashada. Hoos ka akhriso Qoraalka ay soo saareen Musharixiinta Koonfur Galbeed Qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan is xogwareysi ah madaxtooyada kula yeeshay Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.Craxmaan. Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kulankooda wuxuu ku saabsanaa iska xogwareysiga xaaladda guud ee dalka iyo shaqooyinka horyaala baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda. Maxamed Mursal, ayaa doorweyn ku lahaa in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay yimaadaan magaalada Muqdisho, taasi oo culees ku noqotay Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ugu dambeyn shalay tanaasulaad sameeyay. Kadib Iscasilaada Shariif Xasan, waxaa jira walaac soo kordhay oo ah in Shariif Xasan lala damacsan yahay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo caqabad ku noqon doonto haddii ay dhacdo xukuumada iyo xafiiska madaxweynaha. Shariif Xasan, ayaanan la ogeyn ciyaarta cusub ee ciyaari doono, waxaase muddadii uu siyaasadda Soomaaliya ku jiray ahaa ruux heystay taageerada Ethiopia oo wax badan ka sameeyay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Xasan Cali ayaa ka hadlay mowqifka xukuumaddiisa ee khilaafka dowladaha Khaliijka. Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay gaartay go’aan la mid ah mowqifyo ay qaateen dowlado badan oo uu ka carrab ***** dowladaha dariska, Ingariiska iyo Faransiiska. “Waxaan ku soo beegannay iyadoo wadamada Khaliijka dhexdooda uu khilaaf ka jiro, waxaan isku daynay inaan gaarno go’aan dhexdhexaad ah oo ay gaareen dowladaha dariska ah oo ay kamid yihiin Itoobiya, Kenya, Uganda, Tanzania, Norwey, Ingariiska oo Faransiisku gaaray.” Ayuu sheegay RW Kheyre. “Waan naga la diiday annaga ama waa la aamini waayay in la aqbalo sababtoo ah waxay iyaduna salka ku heysay dhaqan horey oo la soo dhaafay, iyaduna waxay salka ku heysay musuqmaasuq, iyaduna waxay salka ku heysay qaab dhaqameed ah in dunida ay aaminsan tahay in go’aan walba oo aad gaarto lagaa beddali karo, sababtoo ah si uun baa laguu musuqmaasuqi karayaa” ayuu yiri Raysal Wasaare Cali Xasan. Mudane Xasan Cali ayaa intaas raaciyay in qorshahaasi uu ku saleysnaa in madaxda qaranka la kala qeybin karo. Hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda FS Xasan Cali ayaa imaanaya iyadoo wali khilaafkii Khaliijka uu sidiisa u taagan yahay, kaasoo saameyn ku yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Saameynta, uu yeeshay khilaafkaasi waxaa kamid ah kala qeybsanaan soo kala dhex gashay dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ee gobollada kuwaasoo illaa maanta khilaaf soo jiitamaya uu ka dhaxeeyo walina aan loo helin xal. HOOS KA DHAGEYSO CODKA KHEYRE https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Kheyre.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gashay weji halis ah, kadib markii la ogaaday in dilka suxufi Jamaal Khaashuqji ay fuliyeen ciidamo amni oo gaar ah, kuwaas oo bil ka hor ka tegay magaalada Riyadh, islamarkaana tegay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waxaa sidaas weriyey wargeyska New Yorker ee Mareykanka kasoo baxa. Wargeyska ayaa qoray in inkastoo wax badan ay iska cad yihiin, haddana weli ay jiraan faah-faahinno jawaab u baahan, sida halka la geeyey meydka Jamal Khaashuqji, iyo in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninkii amray dilka. Waxaa taas dheer, in qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Maxamed Al-Cutayba, oo wax badan ka ogaa arrintan uu Turkiga ka tegay laba toddobaad kadib kadib markii qunusliyaddiisa lagu dhex dilay Jamaal Khaashuqji. “Si is-daba jog ah ayay uga been sheegeen dilka Khaashuqji iyo ku lug lahaanshaha xubnaha sare ee boqortooyada ee kiiskan, sidaas darteed ma jirto sabab loo qaato in Sacuudiga aysan ka warhayn halka uu jiro meydka” ayaa lagu yiri faallada New Yorker. Su’aal kale oo wargeyska is-weydiiyey ayaa ahayd “Maxaa Maxamed Bin Salmaan uu ugu adkeysanayey ka aamusnaanta kiiska Khaashuqji” Wargeyska ayaa dhinaca kale maamulka madaxweyne Donald Trump ku eedeeyey inuu waxba ka qaban in la helo runta kiiska Khaashuqji, sababtuna ay tahay in uu yahay kan ka dambeeya Maxamed Bin Salman, oo muhiim u ah qorshaha Aqalka Cad ee Bariga Dhexe. Arrimahan oo idil, ayaa wargeyska uu leeyahay, waxay carro ka dhex abuureen gudaha boqortooyada, hase yeeshee waxaan weli jirin awood meesha looga saari karo Maxamed Bin Salmaan, oo cid kasta oo ka hor-timaada xabsi u diraya. Warbixintan oo Muuqaal ah daawo, ama qoraalka hoos kasii aqriso Carrada haddii ay sidan ku socoto waxaa ka dhalan doontaa in boqortooyada kala jabto, waxaana muuqata in qoyska xukuma Sacuudiga uu galayo weji halis ah” ayuu lagu qoray wargeyska New Yorker. “Shaqaaqooyinka Sacuudiga ma lahan hab siyaasadeed oo looga baxo oo aan ahayn awood” waxaa sidaas yiri Bruise Reidel” oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha Bariga Dhexe. Dhinaca kale, Amiirka Sacuudiga ee dibad jooga ah, Khalid Bin Farhan Al Saud ayaa sheegay inuu jiro qorshe socda oo la doonayo in afgambi loogu sameeyo boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin Salmaan. “Waxaad dhowaan arki doontaa afgambi ka dhan ah boqorka iyo dhaxal-sugaha” ayuu yiri Khalid Bin Farhan Al Saud, oo ka hadlayey dilka Jamaal Khaashuqji, oo ahaa suxufi kasoo horjeeda boqortooiyada. Khalid Bin Farhan Al Saud, ayaa shaaca ka qaaday in Khaashquji uu qorsheynayey inuu qoro buugiisa xusuus qorka, kaasi oo sir badan shaaca ka qaadi lahaa, taasina ay tahay sababta loo dilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sidii maalmahanba la hadal hayey waxaa si rasmi ah uga tanaasulay in uu dib isu sharraxo Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shikeh Aadan kaddib shir jaraa’id oo uu madaxtooyadiisa ku qabtay. Tallaabadan uu qaatay Shariif Xassan ayaa timid kaddib cadaadis ba’an oo uga yimi dhinaca dowladda Federaal-ka iyo murashixiinta loolanka kula jira. Hadaba maxay is-casilaadda Shariif Xasan uga dhigan tahay Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada? Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeyey dowladda dhexe ayaa shirkoodii ugu dambeeyey Shariif Xassan ugu doortay in uu noqdo gudoomiyahooda. Yeelkeede, hadda oo uu is casilay ayey su’aashu tahay ayaa ah “Gudoomiyaha” Golahaas? Go’aankaas waxa uu ku noqday Golaha Iskaashiga laba dhabar jar. 1 – Waxaa wiiqatan tahay awooddii Golaha Iskaashiga Maamulada, oo waxaa meesha ka baxay xubn muhiim u ahaa, xilli golaha uu markii horeba waayey madaxweynaha HirShabelle. In Shariif Xassan looga adkaaday loolankii siyaasadeed ee Baydhabo kama dhigna oo qura in isaga laga taqalusay, hase ahaatee, waxaa si weyn u kala daatay Golihii Iskaashiga ee uu madaxda ka ahaa. Waxay tani abuureysaa cabsi ku saabsan waxa kusoo socda xubnaha kale ee golaha. 2 – Waxaa go’doon siyaasadeed galay Axmed Madoobe Tallaabada uu qaaday Shariif Xassan waxa ay nabar iyo naxdin ku noqotay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo u muuqda mid cidla ku soo dhici doona. Dowladda waxa ay hore u kala dhantaashay Golaha Iskaashiga kaddib markii ay la heshiisay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cadi Waare. Sidoo kale waxa ay si weyn u wiiqday awooddii Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo laftiisa hadda u muuqda mid ugu dambeyn is casili doona maadama uu garabkiisa ka waayey, ku xigeenkiisa, gudoomiyihii baarlamanaka iyo waliba madaxidii Golaha Xukumadda. Dhinaca kale Puntland wax ay dhawaan yeelan doontaa Madaxweyne Cusub taas oo gebe’ahaanba go’doomin doonta Axmed Madoobe. W/Q: Mahad Cabdullaahi Diini Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa culeesyo dhanka maamul goboleedyada la kulantay waxii ka dambeeyay Golaha iskaashiga ay magaalada Kismaayo kaga dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya. Dhamaan madaxda maamul goboleedyada ayaa halkaasi ka jeediyay hadalo kul kulaa oo ay ku weerarayeen madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana khudbadaha ugu adag xiligaasi jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waare, Markii uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayuu jeediyay eedeymo kale oo adag, balse maalmo kadib markii lagu qanciyay dhaqaalo, lana joojiyay mooshin xildhibaanada ay ka wadeen wuxuu shaaciyay inuu la heshiiyay dowladda Soomaaliya, waxaana uu ku waayay garbihii uu ka heystay Maamulada dalka. Waxii intaasi ka dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay sida uu noqon doono xaalka Shariif Xasan Sheikh Aadan oo doorasho ay ku wajahneyd, balse ciyaar siyaasadeed uu markii dambe farsameeyay ayuu u helay fursad lagula gorgortami karo, taasi oo ugu dambeyn qasabtay inuu iska casilo xilka madaxweynaha Koofur Galbeed kana tanaasulo musharaxnimadiisa. Si walbaa oo ka dambeysa iscasilaada Shariif Xasan waa Guul kale oo ay gaareen madaxda dowladda oo u muuqda inay kala furfureen golaha iskaashiga maamul goboleedyada, markii dhankooda uu noqday siyaasigii ugu sareeyay. Maamulada ayaa dareemay culees adag, markii laga hor istaagay safaro badan oo gobolka ay ku tagi jireen, iyaga oo dowladaha ay u tagayaan kala hadli jiray arimaha siyaasadda Soomaaliya. Waxaa hadda ku xiga madaxweynaha Galmudug inuu aqbalo la heshiinta dowladda Soomaaliya, maadaama markii hore culees dhanka Cadaado uu heystay, waxaa ku biiray madaxa Xukuumadda oo ahaa ruuxa uu taageero ka sugayay, laakiin kasoo jeestay dhanka dowladda. Axmed Ducaale Xaaf, waxaa hadda uu u dhow yahay inuu noqdo madaxweynaha Seddexaad ee ugu dhow inuu la safto dhanka dowladda Soomaaliya, maadaama culeesyo ay heystaan. Cabdi Welli Gaas, ayaa noqon kara ruuxa afaraad maadaama isagana labo bil kadib doorasho ay ku fool leedahay, waxaana hadda la hadal hayaa shaqsiyaad gaadiidka aan xabadda karin kala dagay deegaanada Puntland, kuwaasi oo musharixiin ah. Axmed Madoobe, ayaa heysta taageerada dowladda Kenya, laakiin siyaasad ahaan Kenya waxay la safan tahay dowladda Soomaaliya, waxaa Axmed Madoobe uu heystaa fursad ah in maamulkiisa uusan ka talin meelo badan, taasi oo keeni karta in Kismaayo uu xooga saaro inaysan tagin siyaasiyiin aan la dhacsaneyn howlaha uu wado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan oo muddo 4 sano ah hogaaminaayey maamulkaas ayaa ku fashilmay hogaamintii maamulkaas maadaama uusan waxba ka qaban sababihii loo doortay oo ahayd in uu ka shaqeeyo danaha shacabka reer Koofur Galbeed iyo hadafkii dowladnimo. Shariif Xasan oo waqtiga ka dhammaaday ayaan waxba ka qaban arimaha ugu muhiimsanaa ee laga doonaayey maamulkiisa sida: 1. Arimaha Bulshada: Maamulka Shariif Xasan ayaan waxba ka qaban horumarinta waxbarashada deegaanadaas iyo sidoo kale xarumo caafimaad oo lagu daryeelo dadka xanuunada la daaweyn karo u dhimanaya. Waxaa deegaanadaasi ka jira goobo waxbarasho iyo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay oo aan dad badani fursad u heli karin. 2. Arimaha Amniga: maamulka lagu hungoobay ee Shariif Xasan wuxuu ku guul dareystay in uu wax ka qabto dhanka amniga deegaanadaas taasoo ay tusaale u tahay amni darada ka taagan deegaanada KG oo isagaba ku qasabtay inuu diyaarad u adeegsado safaradiisa uu ku tago meelo ka mid ah maamulkiisa. waxaa shacabka ku safra jidka u dhexeeya magaalada Baydhaba ilaa Mogdisho lagu dhibaateeyaa maalin kasta. 3. Dhanka Dhaqaalaha: markaad eegto deegaanada maamulkaas waxay aad ugu tiisan yihiin beeraha iyo xoolaha, maamulka Shariif Xasan wax dhiirageliya uma sameyn shacabka ku tiirsan xoolaha iyo beeraha. Wuxuu sugaa kabka ay Dowladda dhexe siiso iyo inuu u qaraab doonto dalal shisheeye, wixii dhaqaalaha uu ka helo dowladda dhexe iyo dowladaha shisheeye asaga soo ma dhaafaan. 4. Dhanka Siyaasadda: Shariif Xasan intuu raadinaayey dantiisa gaarka ah ayuu ku fashilmay dhanka siyaasadda, wuxuu waqti badan ku lumiyey ka hor imaanshaha siyaasadda dowladda dhexe si uu dantiisa gaarka ah u helo. Gefefkii uu galay Shariif Xasan Sh. Aadan 1. Bishii November 2014-kii wuxuu lacag la tagay magaalada Baydhabo si uu ugu indha sarcaado dadka duruufaha badan haysta ee deegaankaas uuna u noqdo Madaxweynaha KG. 2. Wuxuu xilligaan noqday Madaxweynaha KG isagoon ku imaan rabitaanka dadweynaha. 3. Wuxuu madax weyne noqday iyadoon Xillibaanadii Golaha Baarlamaanka la soo dhisin si uu u dadajiyo helidda kursigaas. 4. Shariif xasan waxaa 17kii November 2014 soo doortay ergo uu gatay oo gaaraaya 396 qof. 5. Shariif Xasan wuxuu baal maray dastuurka maamulka KG, wuxuuna golaha wasiirada ku soo daray wasiiro dowlayaal aan dastuurku ku jirin. 6. Shariif Xasan wuxuu noqday madaxweynaha kaliya aanan lahayn madaxweyne kuxigeen sidaana xilkiisa ku dhameystay. Tani ah ayaa ah qodob kaloo dastuuri ah oo uu baal maray si uu keligii taliye u ahaado. 7. Shariif Xasan wuxuu gacan adag ku qabtay xillibaanada maamulka KG oo u diiday inay si xor ah u soo bandhigaan ra’yigooda iyo khaladaadka Shariif Xasan, wuxuuna ugu hajabi jiray inuu hakinaayo koontada mishaaraadkooda si uu u cuno qabateeyo. 8. Wuxuu ilba uusan ku eegin dib u heshiisiinta Beelaha Koofur Galbeed oo khilaafaadka iyo Dagaaladu dhex maray. 9. Wuxuu dowladnimada ka dhigay mid ku kooban madaxtooyada, xilliga uu joogana joogta xilliga uu safrana horey u raacda. 10. Shariif xasan weligii kama shaqeyn dan guud ama mid bulsho, wuxuu kaliyoo ka shaqeeyaa dantiisa gaarka ah. Sidaa daraadeed Shariif Xasan waa shaqsi ku fashilmay hogaanka maamulka KG, waxaase wax lala yaaba ah inuu markale isa soo sharaxo shacabkana wey naceen ee Xillibaanada Koofur Galbeedoow doorta qof mudan xilka madaxweyne, ha dooranino qofaan shacabku rabin hana gadanina damiirkiina oo doorta qof u danqanaaya Bulshashada KG, ka tarjumaaya rabitaankooda kana shaqeynaayo dantooda. Isbaddal waa lama huraan, Mahadsanidiin W/Q: Mr. Cabdullaahi Sh. Nuur Maxamed, aqoonyahan Soomaaliyeed Mogadishu – Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga hadlayay amniga xeebaha Soomaaliya ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay waxay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka. Kulankaasi oo ku saabsanaa amaanka xeebaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday ka hortagida kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo kaluumeysida Sharci darada ee ka socdo xeebaha Soomaaliya. Inta uu socday ayaa waxaa Golaha amaanka ku meel mariyeen in Ciidamada Caalamiga ah ee jooga biyaha Soomaaliya ay muddo 12 bilood oo kale ah ka sii shaqeeyaan, taasi oo ka dhigan inay muddo sanad ah sii shaqeynayaan. Dhinaca kale Golaga Amaanka ayaa kulankay ku yeesheen New York waxaa ay Golaha shacabka Soomaaliya uga codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyaan Xeerka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya. Golaha ayaa sidoo kale codsaday in xeerarkaas ay muhiim tahay in lagu daro la xisaabtanka kuwa dambiyada,Burcadnimada Hubeysan iyo qalaalasaha ka wada biyaha Soomaaliya. Dhinaca kale Golaha amaanka ayaa bogaadiyay Dowladda Seychelles oo sameysay Maxkamad u gaara ah Burcad Badeedda,waxaa kale oo uu golaha ka codsaday Waddamada deriska ah iyo Hay’adaha ay u fududdahay in ay ka howlgalaan Soomaaliya in ay Maraakiib dagaal u diraan Biyaha Soomaaliya. Waxaana ujeedada ay tahay in lala dagaallamo Burcad Badeedda iyo Dambiyada ay geystaan dadka sharci darrada ku ganacsada sida Hubka sharci darrada kaga gudba biyaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
War-saxafadeed…. Xisbiyada UCID iyo WADDANI iyagoo oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, iyagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel doorasho oo ku yimaada Golayaasha Dawladda ee dhammaantod wakhtigii ka dhacay marka laga reebo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida Guurtida, Wakiilada iyo Golayaasha degaanada , iyagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, waxay ugu baqeen Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi inuu qabto Doorashooyinka looga fadhiyo, inuu qodax tiro duruufaha ku geedaaman ee Koomiishanku kowga ka yahay ee Saamiga kuraasta Goboladu laba ka tahay ee kala xadaynta Degmooyinku saddexda yihiin. Waxa yaab leh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo tallada Waddanka hayay muddo sannad kodhaw, soo jeedimihii Mucaaridka kumuu raacin rayi saddexaadna muu keenin, tallabo aan garnaqsi ahayna lamuu shir iman. Ummadda Somaliland waxa la gudboon inay doorkooda qaatan una diyaar garoobaan sidii ay Dalkooda uga dhici lahayd doorasho u qabsoonta si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana ay siiyaan Axsaabta Mucaaridka ah. Tabashada Axsaabta Mucaarid ah ee WADDANI Iyo UCID Ee Ku Aadan Koomiishanka & Xukuumadda Isku Milmay. Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmo Qaran kasta oo Dimuquraadi ahi wuxu ka koobanyahay Xisbiyo kala aragti duwan oo Mucaarid iyo Muxaafidba leh, Somaliland oo ay ka jiraan saddex Xisbi Qaran waxa lagu tartamayaa waxa weeye sida loogu kala wanaagsanyahay u adeegida shacbiga iyo barnaamijka Xisbi kasta soo bandhigo, ma jirto colaad intaas ka gun dheer oo Xisbiyada ka dhaxaysa, waxaase nasiib darro ah in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu colaad iyo dagaal dhaawac ku ah dimuquraadiyadda ku hayaan Axsaabta Mucaaridka ah iyo cid kasta oo ka rayi duwanaata, taas oo aan meelna ka soo galin tartankii Axsaabta ka dhaxeeyay iyo Dimuquraadiyadda, waxa kale oo nasiib darro ah inaynu 27-sanno kadib humaag galino sharciyada aynu dhiganay. 10-sanno muddo kudhaw waxaynu ku murmaynaa shuruuc ilaa 2008-kii waxaana taas sabab u ah marba Xukuumadda joogta oo aan diyaar u ahayn in la dhiso hay’adihii dhexda inoo noqon laha Sida Garsoorka oo aan madax banaanyn marka ma jirto meel laysula tagaa oo aan ka ahayn xeer jajab. Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida shuruucdu dhigayso halkii uu guddi u saari laha eedaha Koomiishanka Doorashooyinka ayuu isagii Garyaqaan u noqday shahaadooyin wada shaqada ahna gudoonsiiyay, waa odaygii Somaliland waa Madaxweynahii Qaranka misana taasi ficilada laga arkay kama muuqato. Maxaa la gudboon Axsaabta Mucaaridka ah. Xisbiyada Mucaaridku iyagoo eegaya oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland oo ummaddii ay hadheyeen abaaro riiqdheeraaday iyo sicir –barar danyartii saamayn xun ku yeeshay, iyagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, iyaga oo eegaya mustaqbalka da’yarta dalkan curdinka ah, iyaga oo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Afrika, waxa la gudboon inay mar kasta dulqaad wayeelnimo kaga falceliyaan talaabo kasta oo daan daansi iyo deelqaadba leh oo Axsaabta Mucaaridka kaga timaada Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE. Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib darro Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Dimuquradiyaddii iyo wada tashigii ay ku caano maaleen shacbigii Somaliland. Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen 45-daqiiqo oo Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi hadlaayay inuu ku bilaabay kuna dhammeeyay, garnaqsi, dib u noqosho doorasho dhammaatay, gocasho iyo isdifaacid dhammaantood ku guroraayay Eragyii Abwaan Dheeg ee aha “Nin Dulyari Ma Madaxbaa “. Ummadda reer Somaliland waxaynu marag ka wada nahay, in maanta Xaalada Dalkeena gaar ahaan Gobolada Bari ay marayso “Alamtarana soo dhaaf “. Dhahar iyo Sanaag Bari waxa ka doobyaysa Puntland oo waxqabad ku kasbatay degaanadi Waddan keena ka tirsanaa, Dhuumay iyo Koonfurta Sool coladii ka dhacday waxa inooga soo dheereeyay Dawladdaha Soomaliyeed ee jaarka oo deeqihii Gurmadka ka sokow Saaka ciidamo nabad ilaalin ah kala dhex dhigay, Tukaraq qadiyadeeda waad la socotaan markii horena Madaxweynuhu tallo Qaran kuma galin dacwayntii caalamkana waa laynooga dheereeyay.. Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan Xukuumadda oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah, wuxuu maanta ku daray Wasiirkii Warfaadintu isagoo ku shaqaynaaya siyaasadda Madaxweynaha inuu aasaaso qayb dabagssha war-baahinta Madaxa banaan ee lagu ladnaa, taas oo la macno ah wixii nidaamkii Millatariga aha ee Maxamed Siyaas Barre u yaqaanay “Faafreebka “.. Isgaadhsiintii in lays dhagaysto ayay Xukuumaddu wadaa oo kadib dadkuba Telefoonada ka aaminka baxaan. Dhammaan deel qaafyada cidda dabri lahayd waa Golayaasha sharci dajinta ee fadhiidka noqday, doorashooyin koodina uu Madaxweynuhu hortaagan yahay isagoo ka cabsi qaba In isla xisaabtan yimaado. . TALO SOO JEEDIN: Waxaan ku talinayaa gaar ahaan asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Mucaaridku iyaga oo ka duulaya mabda’a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, waa inay u dhabar adaygaan gardarooyinka ka imanaya Xukuumadda KULMIYE intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud, waana inay la yimadaan qorshe Mucaarid oo maangal ah si Dalka looga badbaadiyo in awoodu ku uruurto meel kaliya. Xisbiyada Mucaaridku waa inay u taag naadaan doorasho iyo nabad, kana soo horjeestaan fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka. Axsaabta Mucaaridka ahi , waa inay dhexdooda wada shaqayn fiican yeeshaan kana hawl galaan sidii loo heli lahaa Guddidii doorashooyinka Qaranka ee qaban laha doorashooyinka muddo dhaafay..” Muniir Axmed Cigaal Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ahaa halkii uu isku casilay madaxweyne hore Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna ka jeediyay hadal kooban markii maanta uu halkaas booqasho ku tagay wasiirka. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu maanta sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed” Mudane Sabriye ayaa tilmaamay inuu u mahadcelinayo una hambalyeeynayo madaxweynihii hore Shariif Xasan. “Walaalayaal annagu waxaa ku nimid, arrin u baahnayd inaan u imaanno oo aan wax ka fariisinno oo maamulka Koonfur Galbeed ka jirtay iyo arrimaha hadda uu madaxweyne Shariif ku hormaray” ayuu yiri wasiir Sabriye. Dhageysi hadalka Sabriye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-arimaha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar____-Qubanaha-Shabelle-07112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article