Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa bilaabay dadaallo xoogan oo lagu xalinayo khilaafka siysaasadeed ee soo kala dhexgalay madaxda Qaranka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka. Kulamadan ayaa diirada lagu saaray, sidii xal dhab ah looga gaari lahaa khilaafkaasi. Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee ku soo korortay dalka. Xaaladda cakiran ee Golah Shacabka ayaa ka dhalatay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golahaasi ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo. The post Aqalka Sare Oo bilaabay kulamo lagu xalinayo khilaafka G/Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhan Warsame ayaa bixiyey shatiyo kalluumeysiga Soomaaliya. Shatiyada oo la siiyey iskaashatada COFA ee dalka Shiinaha waa ilaa 31 (Shati), waxaa ay noqonayaan kuwii ugu horreeyey oo si daahfuran dalka looga bixiyo muddo 30 sano ka badan. Hal milyan oo Dollar-ka Marekanka ah ayaa lagu bixiyey 31-da shati ee ay Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda saxiixday. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraad-ka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa ugu baaqay ganacsata dibedda ee daneyneysa kalluunka Soomaaliya in ay habraac daah-furan u soo maraan isaga oo u ballan qaaday in la siin doono shatiyada balse ka digay in ay si aan sharci ahayn uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya. “Waa Ilaahay galladdiis in aan maanta isugu nimid in aan si daah-furan aan xatooyo ahayn aan ku bixineyno ruqsadaha Kalluumeysiga ee Badweynta Soomaaliya. Qof walba oo soo dalbada Laysanka Tuna-nada waxa uu marayaa Borosees, waxa uu soo dalbanaya Laysanka, marka uu soo dalbado waxaa la baari doonaa Markabkiisa iyo waxa uu ka kalluumeysanayo .” Wasiirka waxa uu hadalkiisa raaciyey: “Qolyaha nagu soo duulayow, badaha yaga ku soo duulay ee sida sharci daradda ah uga kalluumeysata, si sharciyada Ayaan Laysanka idiin siin doonaaye duullaanka iyo tuuganimada naga daaya.” Waxaa isna meesha ka hadlay wasiirka shaqada iyo shaqaaaha Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in shaqo abuur badan ay bulshada Soomaaliyeed ka heli doonto Shatiyada ay Wasaaradda Kalluumeysiga daahfurtay bixintiisa. Sidoo kale waxaa isna hadlay Safiirka China Qin Jian oo ay dalkiisa maamusho iskaashatooyinka ay Wasaaradda Kalluumeysiga sisay Shatiyada waxa uuna sheegay in dhowaan Madaxweynaha China Xi Pin Soomaaliya u imaan doono si loo xooiyo iskaashiga dhaqaale ee labada si gaar ahna la’isugu xiro labada Wasaarood ee Kalluumeysiga Soomaaliya iyo China. Ra’iusl Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar oo ugu dambeyn hadal ka jeediyey goobta oo ay xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sheegay in Soomaaliya bilowday ka faa’ideysiga kheyraadka dalkeeda ku jira ayna mudan tahay in looga faa’ideysto aduunka daneenaya in ay naga iibsadaan. Mahdi Guuleed waxa uu dhinaca kale ka booray bulshada Soomaaliyeed in laga hortago dhallinyrada shaqo la’aanta la tahriibeysa iyo in laga hortago kalluumeysiga shari daradda ah ee dalkeena laga sameeyo. Nooca Kalluunka La Bixiyey? Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda waxa ay Iskaashatada Cofa u saxiixday in ay la bixi karto kalluunka Tuna oo kaliya. Iyada oo laga shidaal qaadanayo in dalka hadda awood buuxda u lahayn ilaalita Badda iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maraakiibta loo fasaxo in ay ka kalluumeystaan waxa ay ogolaatay in lala boxo kalluunka Tuna oo ah mid guur guura sanadkiina laba mar soo mara Soomaaliya. Wasaaradda waxa ay maraakiibta ku dari doontaa shaqaale kor joogteeya nooca kalluunka ay la baxayaan iskaashada fasaxa la siiyey, sidoo kale waxa ay mari doonaan dalka Seychelles si loogu baaro. Dhawaan ururka Fisher I Africa oo Badaha Africa ka ilaaliya Kalluumeysiga sharci daradda ah ayaa Soomaaliya siin doona laba doon oo lagula socdo dhaq dhaqaaqa ka socda Badaha dalka. Yaa Soomaaliya ka caawiyey bixita Shatiyada? Soomaaliya waxaa dhinaca farsamada ka taageera oo dhaqaale ku bixiyey Dowladda Talyaaniga iyo Bangiga Aduunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa iyo gaari la doonayay in lagu xiro. Wasiirka amniga Koofur Galbeed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen bambaanooyin iyo gaarigii waday oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Koofur Galbeed. Gaariga ayaa la sheegay inuu ka yimid baadiyaha magaalada Baydhabo, iyada oo la doonayay in lagu weerarao goobaha dadweynaha ku badan yihiin, sida uu sheegay wasiirka amniga Koofur Galbeed. Xasan Maxamed Xuseen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegay wadayaasha gaariga & bambooyinka in gacanta lagu haayo, islamarkaana uu aad ugu mahadcelinaayo sarkaalka qabtay shaqadaasi, maadaama qaraxyadaasi la qorsheynaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Baydhabo. Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo qaban qaabada doorashada koofur Galbeed waxaana wasiirka amniga uu sheegay inay adkeynayaan amaanka magaalada inta doorashada ay ka dhaceyso. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  4. Hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa la filayaa in maanta ay soo gaaran magaalada Muqdisho xilli madaxweyne Farmaajo mooshin looga keenay heshiisyada uu la galay Abiy Axmed iyo Isias Afawarki. ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijyey in ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki. Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar . Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal: 1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan. 2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018 Waxaa la is-weydiinayaa maxaa kulanka ku soo aadiyey xilligan? ma dhici kartaa iney yimaadaan? ma dhambaal loo dirayaa mooshinka mise qorshaha ayaa sidan ahaa? Falanqeyn arrintan la xiriirta kala soco, Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-121218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, oo bishan 6-deedii ay ka hor timid wasiirka xuquuqul insaanka Deeqo Yaasiin, kana hor akhrisay sharciga hey’adda naafada ayaa kulan gaar ah arrintaas kala galat golaha naafada. Kulankaan oo ay wada qaateen Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee Golaha Aqalka Sare iyo golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid la isaga xog wareysanayay aragtida ay ka qabaan dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo hadda horyaala golaha Aqalka Sare. Guddoomiyaha Golaha naafada Qaranka Soomaaliyeed Sayid Cali Cabdullahi Salaad ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid looga talo galinayey dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo ku saleysan baahiyaha Dadka Naafada ah ee Baahiyaha Gaarka ah qaba. Xoghayaha Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee Golaha Aqalka Sare Senator Cismaan Axmed Macoow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shircigaan ay fududeyn doonaan ansixintiisa, maadaama Faa’iido badan ay ugu jirto golaha naafada Qaranka. Sharciga wasiirrada ayaa ansixiyey July 18, halka golaha shacabka ay soo ansixyeen 17 bisha Novembber 2018 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo xildhibaanada baarlamanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ay ku adkeysanayaan sii socoshada mooshinka ayaa xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa laga bilaabay barnaamijyo lagu taageerayo madaxweynaha. Maalintii shalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulan laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo taageero loogu muujinayay madaxweynaha Soomaaliya, balse qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee la doonayay inay arimahaasi difaacaan ayaa diiday inay hadlaan. Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa odayaal dhaqameed iyo xubnaha taageersan xukuumadda ka joojiyay inay la hadlaan warbaahinta qaar ee magaalada Muqdisho oo mucaarad ku ah xukuumadda. Taa badalkeeda waxaa odayaasha lagu amrayay inay la hadlaan xarumaha warbaahineed ee dhaqaalaha laga siiyo xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, iyadoo ay kasoo muuqdeen Idaacadaha iyo Tv-yada Qaar. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in siyaasiyiin badan xitaa lagu qasbay inay warbaahinta la hadlaan iyaga oo taageero u muujinaya madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga abaabulaa xafiiska ra’iisul wasaaraha. Nabadoono ka qeyb galay kulan shalay ka dhacay Hotel SYL ayaa sheegay inaysan la hadli karin warbaahinta qaar, balse waxay xaqiijiyeen in abaabulka barnaamijka uu ka yimid dhanka xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee shalay shaaciyay inuu dhexdhexaad ka yahay mooshinka uuna wado dadaaladii lagu dhameyn lahaa ayaa bixi xog dheeri ah oo mooshinka la xiriirta. Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa sheegay in mooshinka uu dhaliyay xiisad cusub oo ka dhex beerantay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo sababtay in is qabtaan xildhibaano saaxiibo ahaa. Wuxuu sheegay in mooshinkaan uu sababay in xildhibaano saaxiibo dhow ahaa isu caroodaan oo xitaa hadda xaalkooda uu gaaray inay salaanta iska qaadi waayaan. Sababta arintaasi ka dambeysa ayuu sheegay inay tahay in xildhibaanka carooday laga been abuuray saxiixiisa, isaga oo uga carooday xildhibaanka gudbiyay inuu isaga saxiixay mooshinka. “Mooshinkaan wuxuu keenay in xildhibaano saaxiibo ahaa salaanta iska qaadi waayaan, maxaa yeelay xildhibaanka laga been abuurtay ayaa ku xanaaqay xildhibaanka saxiixiisa mid u eg sameeyay, waxayna keentay been abuurkaasi inay isku dhacaan, hadda salaanta xitaa iskama qaadaan”ayuu yiri xildhibaan Jeesow. Xildhibaan Jeesow ayaa ka gaabsaday inuu magacyadooda sheego xildhibaanada, balse waxaa muuqata xiisadda u dhaxeysa xildhibaanada ee ka dhalatay mooshinka cusub, waxaana ay warbaahinta isku mariyaan xildhibaanada hadal adag. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
  9. SADDEX TALLAABO EE XIGI KARA MOOSHINKA BURAY EE KA YAALAY MADAXWEYNE FARMAAJO Sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee baarlamanka, waxaa buray ama meesha ka baxay Mooshinkii 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. War-saxaafadeed-ka oo uu ku saxiixan yahay xogyaha Baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu sheegay in 14 xildhibaan oo saxiixooda laga been abuurtay ay ka bexeen Moshinka taas oo ku soo koobtay tiradii 92 ahayd 78 aan Kooramka Dastuur ahaan buuxineyn. Hadaba su’aalaha la’is weydiinayo ayaa ah, maxaa xigi doona hadalka Buux haddii uu dhab noqdo oo uu mooshinka sidaas ku burbro. 1 – In uu is-casilo Gudoomiye Mursal Caadiyan siyaasadda waxaa xeer u ah in marka la dagaalamo qolo laga adkaado taas oo horseedda in kooxda guuldarreysata ay is casisho. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa sidii ay ku bexeen hoggaamiyeyaal badan oo uu ugu dambeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain David Cameroon oo xilka banneeyey markii looga adkaaday codbixintii ka bixista UK oo uu isaga ka soo horjeeday. Maadama Gudoomiye Mursal sida muuqata looga adkaaday Mooshinkii uu qabtay, dalka khalkhalka siyaasadeed ku galiyey waxa dhici karta in uu is casilo. Sababta ugu weyn ee keeneysaa in uu hoggaamiyaha is casilo waxaa weeye in wajigii quruxda badnaa ee lagu wada shaqeeyey meesha ka bexeyso iyo siyaasadiisii uu noqoneysa mid aan gadmeyn ama macno yeelan doonin. 2 – Mooshin in laga keeno Mursal Waxaa dhici karta in Mooshin laga keeno Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaddib buritaankii ku yimid, sida la sheegayo, kii uu isaga ka qabtay Madaxweyne Farmaajo. Caadiyan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ma aamini doonaan Mursal mar dambe waxaana meesha ku jirta in ay kala dhinteen labadiisa ku xigeen. Maadama ay halkaas hawsho mareyso, waxaa imaan karta ama uu xaalka ku dambeyn karaa in Mursal uu maro wadaddii Gudoomiyhii isaga ka horreeyey ee Jawaari maray. 3 – Dowladda Dhexe oo go’aan ka duwan kii hore ka qaadatay doorashada Koonfur Galbeed Sida cad, xiisaddan taagan waxyaabaha dhaliyey waxaa qeyb ka ah xiisadda doorashada Koonfur Galbeed oo ay dowladda dooneyso in ay saameyso. Iyada oo ay taas jirto, hadana dowladda markii hore qaab dagan ayey u mareysay arrintaas taas oo keentay in ay ku daba dheeraato, hase ahaatee, si ay uga gaashaamato in buuq kale ku furo iyada oo lagu jiro qaban qaabanada doorashada, waxa ay si toos ah oo aan gambasho lahayn u faragalin doontaa doorashada si ay u keento musharaxa ay dooneyso in uu bedelo Shariif Xassan Shikeh Aadan. Tallaabadan dowladda waxa ay ka caawin doontaa in ay meel isaga xirto kiiskaas Koonfur Galbeed oo ay gacanna ku dagaalanto mucaaradka Muqdisho la jooga, gacanna maamulada kale. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa shalay galab degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose ku toogtay saddex ruux oo midkood ahaa oday-dhaqameed,sida ay sheegtay warbaahinta taageerta Al-shabaab. Qaaddiga maxkamadda Al-shabaab ee fulisay dilka toogashada ah ayaa ku dhawaaqay in labada nin ee kala ah; Mahad Cabdullaahi Abukar iyo Maxamud Faarax Aadan ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya,sidaasna loo toogtay. Sidoo kale Qaaddiga ayaa sheegay in Maxamed Tifow Xaydar oo ah qofka saddexaad ee dilka lagu fuliyay uu ahaa oday-dhaqameed wax ka soo xulay xildhibaannada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Maxkamadda Al-shabaab waxay sheegtay in raggan lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen malayshiyaadka dirira ee Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dad ku laayay Shabeellaha hoose appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Mooshinka laga gudbiyey madaxweyne Soomaaliya ma ahan mid cusub, oo intiisa badan waxaa la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaasi oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey. Inta badan qodobada mooshinka loo cuskaday sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr ah oo cusub, oo xaaladda taagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay. Mar walba mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa mid qoran, balse waxaa loo la’aa taageero, ayada oo xildhibaanada mooshinka ay ahaayeen qiyaastii 40 illaa 50 xildhibaan, oo intaas ay muddo dhaafi waayeen. Si kastaba, laba xaalad oo si-biirsaday ayaa looga faa’iidyestay mooshinka, looguna helay inay saxiixaan 92 xildhibaan. Markii ay sare u kacday xiisadda ka dhex oogan dowladda iyo maamul goboleedyada waxaa kordhay tirada xildhibaanada mooshinka, hase yeeshee weli ma aysan gaari karin 92-ka xildhibaan ee loo baahan yahay si uu mooshinka sharci u noqdo. Ugu dambeyn xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa horseeday in ugu dambeyn taageeradii loo baahnaa loo helo mooshinka, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Xildhibaanada Koonfur Galbeed laga soo doorto ama kuwa Digil iyo Mirifle ayaa ah xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamanka, sababtoo ah waa kuwo isku duuban oo inta badan codkooda midaysan yahay, taasi oo ka dhigeysa awood. Xildhibaanadan ayaa si aad ah u dhaliilsan sida dowaldda u wajaheyso xaaladda Koonfur Galbeed iyo diidmadeeda ah in Roobow uu ka qeybgalo doorashada, waxaana arrintaas ka faa’iideystay xildhibaanadii hore mooshinka uu uga fashilmay ee Imaaraadka Carabta ku xiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Lataliyaha dhinaca Siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jelle ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya. Isaga oo la hadlayay Warbaahinta ayuu sheegay in mooshinka lagu soo beegay waqti aan habooneyn islamarkaana uu ku yimid si kedis ah, isagoo ujeedada laga leeyahay ku sheegay in lagu dhabarjebinayo ama lugaha looga qabanayo horumarada ay sameyneyso dowladda, sida uu hadalka u dhigay. Isbadalada Geeska Africa ayuu sheegay in looga soo horjeedo oo dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay, waxaana uu sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta qaarkood aysan dooneyn isbadalada geeska Africa. “Mooshinkaanu Waxaa looga soo horjeedaa isbadalka Soomaaliya ay geeska Africa ka sameysay, markii dadkii Soomaalida dhibateeadii ku faraxsanaan jiray mooshin ay gadaal ka riixayaan ayaa arintaan ay xoogeysatay, dadka mooshinka wadana waxay ka dhigayaan gorgortan siyaasadeed” Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa hadalkiisa ku daray in Mooshinka ay qeyb ka yihiin ururada Hubeysan ee ka horjeeda dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Laamaha amaanka lagu hor istaagayo. “Waxaa la mashquulinaayaa Hay’adaha Amniga, hadduu mooshin yimaada Hayadaha Amniga ayuu toos u saameynayaa, Mooshinkaan waa mid loogu shaqeynayo Argagixisada, waxayna arintaan dhibaato ku tahay horumarkii jiray, Mooshinkaan wuxuu gacan siinayaa argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya, oo xitaa maalgalin ayay ku leeyihiin”`ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheega in mooshinkaan uu yahay mid lagu muujinayo awooda baarlamaanka iyo heerka uu gaaray khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareyso dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Xildhibaanno dhowr darsin ah ayaa Axaddi Mooshin xil ka qaadis ka keenay madaxweynaha dalka. Qodabada loo loo cuskaday mooshinka waxay ahaayeen kuwo cabsi, walwal iyo mugti uu galay mustaqbalka dalka lagu muujiyay. Waxay sheegeen inay go’aanka u qaateen inay badbaadiyaan madaxbannaanida Soomaaliya oo khatar ugu jirto in Itoobiya lagu daro. Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah ragga indhaha u ah kuwa mooshinka keenay ayaa yiri “gaari fariin la’aan ayaa shacabki la saaray marka inta uusan la gaddoomin inaan badbaadinno waaye”. khiddada mooshinka lagu dhisay, idaacadda laga sheegay dadkana loo akhriyo waxaa mid caan ah adduunka oo dhanna ka jirta. Waa kaarto ay isticmaalaan xagjiriinta iyo dadka siyaasadda dibad joogta ah inta badanna waxay sahashaa inay hantaan hoggaanka dalka iyagoon dhib badan u marin. Waa farsamada Taraam kursiga saartay. Afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa “politics of fear and anger”. Waxay ku dhisantahay in dadka laga cabsiiyo, loo muujiyo in dhulka kharar ugu jiro inuu gacanta ka baxo, shisheeyo kusoo duulay, dhaqanki iyo habnololeedkoodi la baddalayo badbaadaduna ay ku jirto in baddalo dadki talin jiray (elites). Hasa ahaatee waxaad mooddaa arrintaan inaysan hadda ka gadmayn dadka Soomaaliyeed. Falcelinti ka timid mooshinka maahayn dhiig kacay, qiiro iyo taaggeero loo moojiyay mooshinka ee wuxuu noqday isgarabtaag iyo rabitaan la tusay madaxweynaha mooshinka laga keenay. Inta bannaanka usoo baxday ka sakow, baraha bulshada iyo dadka ka qayb galay doodaha lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda way ku yarayd cid beer jileec tustay mooshinka. Sababtu maxay tahay? Dhowr arrimood ayaa sabab u ah baa isleeyahay. Kow, cabsida lasoo bandhigay meesha kama muuqato. Ittobiyada la sheegay inay dalka la wareegayso waxaad moodda inuu xaalkeedu lidka u socdo. Labaatanki sano ee lasoo dhaafay waa marki ay Itoobiya ugu faro-galinta yarayd arrimaha Soomaaliya si toos ah iyo si dadban ba. Wax caddayn ah oo la taaban karo oo muujinayo inay Itoobiya farogalin ku hayso iyo inay qorshaynayso inay Soomaaliya la wareegto ma jiraan. Labo, dadka isteerinka u hayo mooshinka maahan kuwo lagu bartay waddaniyad iyo cadow nacayb. Tusaale, Mahad Salaad wuxuu ka mid ahaa raggii Jigjiga ka dhaanteeyay, ONLF argagixso ku tilmaamay, madaxtooyada oo ay Amxaaro dagantahayna maamumuli jiray. Inuu ninka madxatooyada ka saaray saafaraddi Itoobiya kana dhigay meel gooni u ah madaxda Soomaaliya ku tilmaamo caamil Itoobiya in fahmo way adagtahay! Saddex ma muuqdo waji cusub oo dadka laga iibiyo. Labada xisbi ee hadda ugu qaylada badan mucaaradka waxaa madax ka ah rag horay loo soo tijaabiyay. MD Xasan Sheekh afar sano ayuu joogay Villa Soomaaliya. Waxtarkiisa waa la bartay waxa uu keeni karana cidna daah kama saarra. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa loo aqoonsanyahay masuul siyaasadda ku haftay. Sidaas darteed dadka waxaa u cad haddii Farmaajo maanta la tuuro inaysan jirin cid hadda xilka u taagan oo lagu baddalo taasoo keeni karto dalku inuu galo marxalad u eg tii sagaashamaadki. Taasi kama dhigna inaysan jirin cid Farmaajo ka fiican laakiin waxay tilmaamayaa dadka hadda bannaanka usoo baxay ee raba kurisga. Afar, dadku wuuu daalay. Soddon sano ka badan ayaa maalin walba huuhaa dhiiggooda lagu kicinayay si fududna colaad loogu abuurayay. Waxay soo gaareen hadda heer ay eektaan danahooda gaarka ah ruux walbana uu ka fakero saamaynta gaargka ah ee uu ku yeelan karo mooshinku. Arrintaas waxaa tusaale u ah qoraalka ay soo saartay rugta ganacsiga taasoo ay ku xustay in mooshinku saamayn ba’an ku yeelan doono howlaha ganacsiga iyo maalgashiga sidaas darteed ay codsadeen in laga laabto. Ugu danbayn, waxaa habboon in mucaaradku la yimaado siyaasad aanan cabsi galin iyo caraabin ahayn. Inay cashar ka bartaan khaladaadka hadda dowladdu ku jirto siyaasaddooda mustaqbalkana ku dhisaan dhaqaale, horumarin iyo hagaajin xaaladda nolosha shacabku ku jirto. Itoobiya na qaadanayso marbaa lagu soo caano maalay laakiin hadda waxay soo xirantay. Waxaa kaloo habboon inay sugtaan labada sano ee dhimmaan taasoo ah muddo yar oo aan ka badnayn inta la diyaagaroobayo iyo isbaridda dadka. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waa gudoomiyaha Golah Shacabka, laakiin tan iyo markii uu qabtay mooshin laga keenay madaxweyne Farmaajo wuxuu u muuqda nin hal dhinac ah. Mursal ayaa isku wareejiyay xildhibaanada mcaaradka kuwaas oo lagu qiyaaso ilaa 100 mudane, halka inta kale ay yihiin xildhibaano taabacsan madaxweyne Farmaajo. Dood badan ayaa ka timmid inuusan Mursal qaabilin awoodii Baarlamanka tan iyo markii uu mooshinku soo baxay. Labo jeer oo uu kaamirada kasoo muuqday waxaa dhinac fadhiyay xubnaha mucaaradka. Markii ay halkaas taagan tahay, waxaa kusoo baxeysa su’aal ah ‘Mursal yuu gudoomiye u yahay, sideese kusii hogaamin karaa Golaha shacabka?. Mudane ka tirsan Baarlamanka ayaa sheegay inuusan waligiis arag gudoomiye Baarlamaan oo dhaqankaan leh. Hadii uusan badalin dhaqankaan cusub ee uu halka dhinac isugu dhiibay, waxaa uu Mursal u muuqda nin lumin kara hogaamintiisa golaha sida ay qabaan xubno badan oo ka tirsan golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Mubaarak (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shakay fagaare ku yaala deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose ku toogtay saddex nin, oo mid ka mida uu nin oday ahaa. Maxkamadda Ururka Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa raggaasi oo labada kalena ay askar ahaayeen ku xukuntay xukun dil ah, iyadoo shalay galabna xukunkaasi lagu fuliyay. Fagaaraha uu xukunka ka dhacay ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal ka mid ah dadka deegaanka, oo Shabaabku ay ugu yeereen in ay halkaasi isugu soo baxaan. Qaadi u hadlay Maxkamadda Al Shabaab ayaa sheegay Maxamuud Faarax Aadan oo 28 jir ahaa iyo Mahad C/laahi Abuukar oo 29 jir ahaa, in ay ahaayeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya, halka Maxamed Tifow Xeydar oo 59 jir ahaana uu ka tirsanaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Xukunkan toogashada ayaa waxaa fuliyay maleeshiyada Xisbada, oo iyagu Ururka Al Shabaab u qaabilsan fulinta xukunada ay maxkamadahoodu ridaan. Shabaabku ma soo bandhigan cadaymo iyo qiraal ku aadan dadka ay xukunada dilka ahi ku fulinayaan, marka laga soo taggo oraahda ay qiilka ka dhigtaan, ee ah (Isagaa qirtay). Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
  16. Kooxaha Inter Milano iyo Napoli ayaa caawa loo awoodsheegtey ka dib markii ay labaduba ka hareen kooxaysigii Horyaalka kooxaha Yurub taabadalkeeda waxaa dhibco badis kusoo [...] Source
  17. Wasiirka Kaluumaysiga Federaalka Soomaaliya Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa Shirkado laga leeyahay Shiinaha ku wareejiyey Shatiga Kaluumaysiga Biyaha Soomaaliya. Shiinaha ayaa bixiyey Aduun gaaraya 10 milyan [...] Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-111218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay dalka dib ugu soo celisay tirro muwaadiniin Soomaliyeed oo wadanka Tanzania ee qaarada Afrika ku ahaa maxbuus dhowr sano. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa muwaadiniintaan kusoo dhaweeyay wadankooda gaar ahaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay kasoo dageen. Xubno ka tirsan ehelkooda oo dibadda garoonka ku sugayay ayaa markii ay la kulmeen waxay uga mahad-celiyeen dowladda dadaalka ay ugashay soo daynta Ubadkooda oo ay mudo kala maqnayeen. The post XFS oo dalka kusoo celisay Muwaadiniin maxbuus ku ahaa Tanzania appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si aad ah u soo dhaweeyay waxbixinta ay soo saartay hay’adda lacagta aduunka(IMF), taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii horumarka. Farmaajo ayaa sheegay in si run ah ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay horay u sii socoto, isagoo soo dhaweeyay warbixinta IMF ee la xiriirta barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3). Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in tani ay calaamad u tahay go’aanada iyo dadaalada mira dhalka ah ee Soomaaliya ay ku talaabsatay mudadii koobneyd. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka sii shaqeyn doonto dadaalka ay ugu jirto hagaajinta hanaanka maaliyeed ee dalka si bulshada loo gaarsiiyo guulo horumarineed. Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo lagu daabacay boggeeda rasmiga ah, ayay ku sheegtay Soomaaliya iyo hay’adda ay si wada jir ah u gaaareen heshiis looga gudbayo dib u eegistii koowaad ee wajiga saddexaad ee kooxda la socodka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, islamarkaana waxay bogaadisay dowlada Soomaaliya oo ku guuleystay kobaca dhaqaale iyo hanaanka maamul wanaaga iyo islaxisaabtanka. The post Madaxwayne Farmaajo oo soo dhaweeyay warbixintii IMF appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-111218-OKK.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. (SLT-Muqdisho) Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dalkaasi Soomaliya ayaa u guntaday sidii uu isugu soo dhawayn laha Madaxweyne Farmaajo Iyo Guddoomiyaha golaha shacabka oo khilaaf xoogani u dhaxeeyo. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa hada kulan waxaa uu la qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ee maalmo ka hor Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Senator-ada aqalka sare ayaa qeyb ka ah kulanka hada socda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlaya Xaalada adag ee xiligan uu wajahay Dalkaasi Soomaliya taas oo u dhaxaysa Madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaaliya. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa saacadihii dhowaa aad u werinayey in hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ay berri iman doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Sida wararkan lagu sheegay safarka Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ayaa daba socda kulankii magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya ay ku yeesheen madaxda Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea. Si kasaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inaysan waxba ka jirin in Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ay berri imanayaan Muqdisho. “Waxaan kuu xaqiijin karaa 100% in warkaas uu been yahay. Ma jiro shir saddex geesood ah oo dhacaya berri ama toddobaadkan gudihiis” ayuu yiri mas’uul la hadlay Caasimada Online. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, iyo Afwerki iyo Abiy ayaa horey ugu kulmay magaalooyinka Asmara 5 – 6 September 2018, iyo magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018, waxayna galeen heshiisyo ku saabsan is-dhexgal dhaqaale oo dhex mara Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa berri u safraya magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareeydo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Safarka Kheyre ayaa ah mid madaxeed rasmi ah oo dowladda dalkaas ay u fidisay ra’iisul wasaaraha. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in booqashadan uu Kheyre kala hadli madaxda dalkaas arrimo badan oo ay ugu weyn tahay mashaariic hore ay Doxa u ballan-qaaday inay ka fulineyso Soomaaliya. Ma jiraan faah-faahinno intan dheer oo laga helayo safarka Kheyre, oo la sheegay inuu yahay mid muddo ka hor la qorsheeyey inuu dhaco, waxaana maanta Muqdisho ka baxay wafto hurdhac u ah booqashadan. Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee xiriirka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com