-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Askariggii la dhoodhoo-baayey, ee xariirta iyo wacanaw loogu yeedhaayey, isaggii baa is kashifay, oo wuxu yahay sheegay, banaanka isi soo dhigay, maah-maah Carbeed baa waxay tidhiaahdaa ” Ahrub al-sanah, wa amsik al-yoom”, oo micna-heedu yahay af- somaliga, ” sanad orod maalin baa lagu qabane. Horaa-se wax kasteu sheegtay soomaaliyi, iyaka oo tilmaamaaya, ruux wax aanu abid samayn, noqona karin isku yeel- yeelaya, murti ay ku sifayna-yaan shakhsini–madiisu, baa waxay tahay ” In kastoo la hagaajoo, hu’ magaalo la saaroo, ragga kiisa, hor-yaaliyo, halyey loogu dhawaaqo, hoori waa iska hoori, waa halkaad ku ogayd, abidkii ma hagaago, hadhka kuuma jiidee, hacoo haysku halayn”. Waa iska sidaase ummad yahay ” Muuse Waa Kaas” hadaba kuwii ugu yeedhi jirey mujaahidka, waxan leeyahay, hays barato tani, dhaaxay been iyo khiyaali, wax aan sal iyo raad lahayn, maaweelo iyo huu-haa aan meela loo soo marin, magacyo aanay lahayn, una qalmin la isugu yeedhaayey, si ummadda loo marin habaabiyo, jarna looga tuuro, Kolba humaag la soo hagoogay, lagu dawakhiyo muwaadi-niinta reer somaliland. Akhristaw aan shaaca ka qaado ceebta askariga’e, halkan hoose ka akhri. Ceebeey tacaal, shalay baa askariggii safarkii ugu horeeyey, intii kursiga uu boobay, uu u soo qalab qaatay in u goboladda qaar tago, isaga oo ka bilaabay Berbera, ha-yeeshee cajaa’ibka dhacay waxa weeye, wuxu aamini waayey naf-tiisii, iyo ciidan ku sheeggii ka koobnaa jeegaanta, ee weliba calaa- haakadda uu u soo xushay beel ahaan iyo gaashaan buur ahaanba. (1) Waxad ka arkay-seen tamuujad uu mu sito, koodhka uu gashan yahay hoos-tiisa, taas oo baqdin awgeed uu u soo qaatay, iyo isku kalsooni la’aan, aanu maradiisa aamin-sanayn, cid kale ha sii joogtee, baa xataa aanu ku qanacsa-nayn, in ay difaaci karaan haddii wax dhacaan. (2) Waxa kale oo uu soo xidhay, kiishaddii laga xidhan jirey xabadda, oo dhabar-kiisa laga arkaayey, hadaba ka sidaas ah, ee shimbiraha soo dul mara ka baqanaaya, wax kaloo dhan iska soo dhaafoo, bay ku sheegayaan mujaahid. Saw markaa maaha kii la yidhi oo belaayo aan jirin baa loo tebiyaaye, ka dib-na maradiisa baa u babataa, oo cir iyo dhulba way u sanqa-dhaan, wax walba-na cadaw buu u qaataa. Weel waliba waxa ku jira buu dhidi-daaye, qofna ma qarin karo waxa uu yahay. Muran isaga baa iska badane, wakhti aad u fara badan, bay noogu sheega-yeen askarigu waa geesi iyo mujaahid weeye, oo aanu lahayn, waar meela muu u soo marine, ha ceebay-nina magaca mujaahid, waayo lama hayo goor uu halgankii wax ka sameeyey, intii faqashtii lala dagaala-maayey, oo harshin buu laxoodda ka cuni jirey, marka rag is haleelo, lamana arag, mana aanu maqal meel uu ka dagaal galay, cid u soo joog-tayna ma jirto, kaas oo xabad qori ka riday. Waxan ku soo seeteeyey qoraalkan, kuwii durbaanka u garaaci jirayaw, waa kaas is qaawiyey askarigga laf-tiisii, isaga oo aan meel kale looga iman, ee qudhaan-jooy naa ku quuso, jeegaaneey wax ku qaado, waa kaas kacaa-fadhiis ku waashay ” Raggii ma adigaa ka hadhay, ee dhanaba xamili waayeye. N.B Dhagar Qabe, Dhulkaw Dhaqdha-qaaqa. Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
-
Shacab weynaha kunool Jamhuuriyada Somaliland 65% waa da’yar ,sidoo kale 95% waa danyar qaadaa ma dherge ah,iyada oo dalalka aduunka ugu saboolsan Somaliland ku jirto ayaa hadana Xukuumadu waxa ay u dhaqantaa ama ay u xeer dhigataa sidda wadamada horey u maray, waayo iyada oo xukuumadu ogsoon duruufaha ku gaddaaman shacabkeeda iyo baahida dalka ka jirta ayey talaabada ay qaado iyo xeerkey soo kordhisaa uu kuyey Ummada hagardaamo waxyeelo leh, maxaa yeelay halkii ay hoos u da’yi lahayd baahiyaha bulshada haysata falawgeedna qaban lahayd Siddii ay u dabaqi lahayd ama Siddii ay wax uga qaban lahayd ayey keentaa. sharci ama xeer kadar oo dibi dhal ah. Haddii aynu eegno baahiyaha jira ee ummada haysa iyo shuruucda ay dul dhigtay Waxa ka mid ah :- BIYAHA, sidda aynu ogsoonayn nolashu waa biyaha, Somaliland-na baahi Weyn ayaa ka jirta dhanka biyaha guud ahaan xukuumaduna wey ogtahay in ay wax ka qabatana ma doonayso in shacabku wax ka qabtaan oo ay baahida bihaha haysata u tafo xaytaana ma ogola, waayo si badheedh cad ah waatii xukuumadu tidhi CIDI IDIIMA MAQNA CEELNA MA QODAN KARTAAN!!. Oo ahayd cid biyaha dhulka ku hoos jira lasoo bixi kartaa ma jirto, se baliyo qota ama berkedo ama baco u DHIGTA roobka da’a. Taas oo ah meel kasta marka bali laga sameeyo GACAMO dhaadheer leh si deegaamo unabaad guuraan marka biyihii laga moosto ee kalyo looga samaysto ku horra xorfadaha la faadhfaadhay. Hubaal wixii la hubo baa la hantaa, se xal maaha cirka eega dhulkana nabaad guuriya. Iyana Waxa wax laga xumaado ah:- XAYIRAADA, xayiraadan la xayiray tagsiilayaashii layidhi magaalada ha dhaafina waar ma GAADHI-XIMAARBAA, waa wax lala yaabo ah in muwaadin dalkiisii dhexdiisii dad hawkala qaadin lagu yidhaahdo iyo magaalo kale ciddii doonaysa ha gaynin waa wax laga xumaado, in kooto gaadiid gaara loogu xidho maaha xaq iyo xeer toona, waa in loosinaadaa suuqa oo muwaadin walba si siman uu uga shaqaysan karaa dalkiisa shaqsi iyo shirkadba oo loo kala eexan. Waxa jira iyana in Da’yartii markii ay waxbarashadii dhamaysteen shaqo la’aantu ku habsatay halkii ay dawladu ugu arimin lahayd ee ay madhruucyo iskaa wax u qabso ah ama isboortis ugu mashquulin lahayd ay tidhi bandoo weeye cawayskii waa wax laga xumaado Aniga oo kasoo horjeeda Waxa diinta iyo Dhaqanka ku lidi ah hadii da’yarteenu ku kacdo hadana ruux dhalinyaro ah oo wax la’aani heyso oo seexanayaa oo soo toosaayaa oo wax qabanay waa dhibaato iyo tacab qasaar in dowladu qorshe keento weeye ay ku jihayso da’yarta. Se haddii Dawladii Danyartii cuna qabateyso oo Da’yartiina dayacdo Dulmi weeye dowlad maaha taasi. Wabilaahi tawfiiq Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimo dhowr ah oo quseeya gobolka. Sida ay shaacisay wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA Madaxweyne Geelle ayaa ku amaanay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed isbedallada uu ka sameeyay dalkiisa, tan iyo markii uu la wareegay xilka bishii April ee Sanadkani. Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti ayaa soo dhaweeyay arrimaha isdhexgalka ee la doonayo in uu dhexmaro dalalka Geeska Africa, waxaana uu ballan qaaday in dowladda Jabuuti ay qeyb ka noqon doonta qorshahaasi. Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa carabka ku dhuftay in Jabuuti ay muhiim u tahay marka ay timaado isbedalka Geeska Africa , islamarkaana ay kaashanayaan dhinacyada kala duwan ee lagu hormarinayo gobolka. Dalalka Geeska Africa ayaa qorshaynaya in ay wadaagaan isdhexgal bulsho iyo isku socodka xorta ah ee Ganacsiga , iyadoona dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay hormuud ka tahay isbedaladdaasi. The post Jabuuti Oo ka qeyb qaadaneysa isbedallada ka scoda dalalka Geeska Africa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland aya maanta xukun dil ah ku fulisay Alle ha u naxariistee C/risaaq Cumar C/llaahi oo ka tirsanaa Ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland kadib markii la sheegay inuu hore u dilay Nabadoon caan ka ahaa kismaayo. Marxuumka ayey maxkamadu sheegtay in 27kii bishii dhamaatay uu dilay Nabadoon Xasan Goolo oo markaas uu doonayay inuu dib ugu soo celiyo xerada 11 askari oo gadood sameysay. Askariga maanta la dilay ayaa ka mid ahaa 11 Askari oo gadooday kadib markii ay waayeen mushaarkoodii, waxaana markaasi ku soo baxay Marxuum Nabadoon Xasan Goolo oo markaas la sheegay in lagu toogtay meel banaanka ka ah xeradii Ciidamada, waxaana toogashadiisa la sheegay inuu ka dambeeyay C/risaaq Cumar C/llaahi oo isagana maanta xukunka lagu fuliyay. Ciidamadii kale ee sameeyay gadoodka ayaa sidoo kale lagu xukumay xukuno gaaraya min 15 sano, Jubaland ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin dilalka iyo wax ay ugu yeereyn fowdo..
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubaland. Xasan Sheekh oo ah Xildhibaan sharafeed ka tirsan Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UDP ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale. Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii Xisbigiisa uu xafiis uga furan lahaa magaalada Kismaayo iyo la kulanka qeybaha bulshada iyo madaxda Jubbaland. Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ahaa maamulladii dhismay intii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka hayay, inkastoo caqabad uu kala kulmay dhismaha maamulkaas oo khilaafaad ay hareeyeen bilowga dhismihiisa. Booqashada Xasan Sheekh uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo aaday, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo aan weli xal laga gaarin. The post Xasan Sheekh Oo loogu soo dhaweeyay Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa awaamiir ka soo saaray shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay M/ Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Shirkan oo ay ka qeyb galeen maamulka degmada, iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa waxaa diirada lagu saaray ammaanka Puntland, maadaama ay ku soo fool leeyihiin doorashooyin. Muxyadiin Axmed Muuse taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkaasi. Taliyaha ayaa sheegay in wixii ka dambeya 11:00 ka Habeenimo aysan socon karin Mootooyinka Bajaajka, Gawaarida Takaasida. Sidoo kalena aysan shaqeyn karin Maqaayadaha laga Cunteeyo iyo Dukaamada, wixii ka dambeeya 12:00 Habeenimo. Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi, si loo xaqiijiyo amniga ka hor doorashada la filayo in ay ka dhacdi magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. The post Puntland Oo Awaamiir ku soo rogtay Bajaajleyda Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray mashaariic waa-weyn oo laga fuliyey gudaha magaalada Berbera, xadhiggana ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey dekedda Berbera. Madaxweynuhu isaga oo ku gudo-jira safarkiisa shaqo oo maalintii labaad galay, waxa uu kormeer indho-indhayn ah ku tagay Jaamacadda Culuumta Badda ee dekedda Berbera, Keydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo xarunta shaybaadhka shidaalka, waxana uu halkaas kula kulmay, isla markaana warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee qaranka u qaabilsan xarumahaas, kuwaas oo madaxweynaha u sharraxay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha ilaa haatan hortaagan. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu kormeeray taagga weyn ee casriga ah ee ay xukuumaddu dhawaan soo iibisay, kaas oo wax badan ka taray fududaydinta soo xidhidda maraakiibta iyo la dagaallanka dabka ka kaca maraakiibta dekedda ku sugan, waxana uu madaxweynuhu qaddar kooban kusoo wareegay badda, isaga oo saaran taagga casriga ah ee xukuumaddu soo iibisay dhawaan. Goobaha kale ee uu madaxweynuhu maanta ku tegay kormeerkiisa shaqo waxa kamid ah Jaamacadda Culuumta Badda, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo ardayda jaamacadda oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha jaamacadda Culuumta Badda. Prof. Cabdiqani Maxamed Khayre, isaga oo hadallo dardaaran iyo rejo-gelin isugu jira u jeediyey jiilka cusub ee jaamacadda wax ka barta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mustaqbalka soddon sanno iyo Afartan sano ka bacdi Jaamacaddani waxa ay noqon doontaa ta la isku laayo, idinkuna waxa aad noqon doontaan dadka dalka u talinaya ee u madaxda ah ee mustaqbalkiisa jeexaya, qarankuna wuu idin la dedaalayaa.” Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo awaamiir faray maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay, “Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale kormeer shaqo ku tegay xarunta haamaha shidaalka qaranka, isaga oo halkaas warbixinno kala duwan kaga dhegaystay guddoomiyaha haamaha shidaalka, Mudane Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Embassy), isl amarkaana u guurgalay xaaladda haamaha shidaalka. Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeeray xarunta shaybaadhka shidaalka, isaga oo halkaasna warbixin kaga dhegaystay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, Mudane Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, kaas oo si mug leh u sharraxay muhiimadda uu shaybaadhkani u leeyahay guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo sida uu u suurogeliyey in shidaal tayadiisu liidataa uu dalka soo galo. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Kismaayo ( Sh. M. Netwotk )-Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari horay uga tirsanaa Ciidamada Daraawiishta maamulkaasi, kaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi. Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu 27-kii bishii October ee Sanadkan uu magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Xasan Goolo oo ka mid ahaa Waxgaradka deegaanada Jubbaland. Maxkamadda Ciidanka Jubbaland ayaa 6-dii bishan November ku ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Marxuum Nabadoon Xasan Goolo Askariga saaka la toogtay ayaa ka mid ahaa 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo dhawaan lagu riday xukuno kala duwan. The post Jubbaland Oo Toogatay Askari ka tirsanaa Ciidankeeda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madax ka tirsan maamulkiisa ayaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Xasan sheekh Maxamuud oo booqasho ku yimid Jubbaland. Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka Xasan sheekh ee Kismaayo oo uu sheegay intuu xilka hayay ay qabsoomeen waxyaabo fara badan oo qayb ka ah hanaanka Federaalka dalka oo ay ugu horeeyaan dhismaha dowlad goboleedyada. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax walba ay leeyahiin isbadalo kuwaas oo mudan in la wajaho oo wixii la qabto aan dib loogu noqon ee horay loosii wado, wuxuuna sheegay in uu Madaxweynihii hore kusoo dhaweynayo Jubbaland. Dhanka kale Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dhankiisa u mahad celiyay dadweynaha iyo madaxda Jubbaland ee ku soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo amaanay isku duubnida iyo wadajirka reer Jubbaland. Waxaa uu intaas ku daray in hanaanka Federaalka dalka oo ay Jubbaland qayb ka tahay uu maalinba meel soo joogay isla markaana uu diyaar u yahay in la hormariyo oo la dardar galiyo, maadaama loo arkay in uu yahay wado dib loogu soo celin karo is aaminaada iyo dhismaha dowladnimada dalka. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaas ku daray in reer Jubbaland ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta deegaanadooda iyo guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh Maxamuud oo ka degay Kismaayo, kana hadlay nidaamka Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya barqanimadii maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay. Qaraxyada oo laba ahaa ayaa la sheegay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi lagula bartilmaamedsaday inta u dhexeysa degmooyina Bardaale iyo Baydhabo ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen labo ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidamada Itoobiya. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan K/ Galbeed ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxyadaasi, mana cadda illaa iyo hhadda khasaaraha ka dhashay. Dhinaca kale Xarakad Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, sida ay ku baahiyeen baraha bulshada ee Internet-ka. Al Shabaab aya warkan ku sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaasiyeen Ciidamadaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamada Itoobiya ay horay u sii wateen qaraxyada kadib socdaalkooda. The post Ciidamo Itoobiyaan ah Oo qaraxyo lagula eegtay Baay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Danyartii iyo Da’yartii Dulmiga Dowladan yaa uga miciina Shacab weynaha kunool Jamhuuriyada Somaliland 65% waa da’yar ,sidoo kale 95% waa danyar qaadaa ma dherge ah,iyada oo dalalka aduunka ugu saboolsan Somaliland ku jirto ayaa hadana Xukuumadu waxa ay u dhaqantaa ama ay u xeer dhigataa sidda wadamada horey u maray, waayo iyada oo xukuumadu ogsoon duruufaha ku gaddaaman shacabkeeda iyo baahida dalka ka jirta ayey talaabada ay qaado iyo xeerkey soo kordhisaa uu kuyey Ummada hagardaamo waxyeelo leh, maxaa yeelay halkii ay hoos u da’yi lahayd baahiyaha bulshada haysata falawgeedna qaban lahayd Siddii ay u dabaqi lahayd ama Siddii ay wax uga qaban lahayd ayey keentaa sharci ama xeer kadar oo dibi dhal ah. Haddii aynu eegno baahiyaha jira ee ummada haysa iyo shuruucda ay dul dhigtay Waxa ka mid ah :- BIYAHA, sidda aynu ogsoonayn nolashu waa biyaha, Somaliland-na baahi Weyn ayaa ka jirta dhanka biyaha guud ahaan xukuumaduna wey ogtahay in ay wax ka qabatana ma doonayso in shacabku wax ka qabtaan oo ay baahida bihaha haysata u tafo xaytaana ma ogola, waayo si badheedh cad ah waatii xukuumadu tidhi CIDI IDIIMA MAQNA CEELNA MA QODAN KARTAAN!!. Oo ahayd cid biyaha dhulka ku hoos jira lasoo bixi kartaa ma jirto, se baliyo qota ama berkedo ama baco u DHIGTA roobka da’a. Taas oo ah meel kasta marka bali laga sameeyo GACAMO dhaadheer leh si deegaamo unabaad guuraan marka biyihii laga moosto ee kalyo looga samaysto ku horra xorfadaha la faadhfaadhay. Hubaal wixii la hubo baa la hantaa, se xal maaha cirka eega dhulkana nabaad guuriya. Iyana Waxa wax laga xumaado ah:- XAYIRAADA, xayiraadan la xayiray tagsiilayaashii layidhi magaalada ha dhaafina waar ma GAADHI-XIMAARBAA, waa wax lala yaabo ah in muwaadin dalkiisii dhexdiisii dad hawkala qaadin lagu yidhaahdo iyo magaalo kale ciddii doonaysa ha gaynin waa wax laga xumaado, in kooto gaadiid gaara loogu xidho maaha xaq iyo xeer toona, waa in loosinaadaa suuqa oo muwaadin walba si siman uu uga shaqaysan karaa dalkiisa shaqsi iyo shirkadba oo loo kala eexan. Waxa jira iyana in Da’yartii markii ay waxbarashadii dhamaysteen shaqo la’aantu ku habsatay halkii ay dawladu ugu arimin lahayd ee ay madhruucyo iskaa wax u qabso ah ama isboortis ugu mashquulin lahayd ay tidhi bandoo weeye cawayskii waa wax laga xumaado Aniga oo kasoo horjeeda Waxa diinta iyo Dhaqanka ku lidi ah hadii da’yarteenu ku kacdo hadana ruux dhalinyaro ah oo wax la’aani heyso oo seexanayaa oo soo toosaayaa oo wax qabanay waa dhibaato iyo tacab qasaar in dowladu qorshe keento weeye ay ku jihayso da’yarta. Se haddii Dawladii Danyartii cuna qabateyso oo Da’yartiina dayacdo Dulmi weeye dowlad maaha taasi. Wabilaahi tawfiiq Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-19112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Bari waa mid loo baahna in kastooy tahay inuu bariga fog gaadho Badhana shirka khamiista ee Golaha wasiirada ku qabto. W axay se bulshada ku dhaqan gobolka Daadmadheedh degmadiisa Oodweyne oo a an saaka ku suganahay suaalaha u badan ee ay is weydiinayaan ayaa ah 1.Mashaariic badan oo najaxday oo madaxweynuhu maqaska la dhax Qaado Kamay fulin xukuumadu gobolka hadii la ga tagi waayo waxa ugu tun weynaa mashruucii garaw beerista ee xukuumadu ka hirgelisay XAAXI, nasiib daro raxmadii Eebe ayaa see jisay mashruucaas waana Sagan cas wali, 2. Waxa kale oo doodu u badan tahay ma mashaariic cusub ayuu u dhagax dhigi gobolka. 3. I yadoo mudooyinka Danbe bulshada gobolka ku dhaqani saluug ka muujinayeen hogaaminta badhasaabka gobolka ee wakhti xaadirkan isla markaana uu madaxweynuhu hore ugala bakhaylay gobolka inuu badhasaab dhiig cusub geliya bulshada u soo magacaabo, sidoo kalane Khilaafka haayadaha maamul ee gobolku mudooyinkii danbe ahaa mid soo noq noqda, madaxweynaha safarkiisani ma noqon doona mid wax ka badala 4.waxa iyaduna hoosta ka xariiqeen bulshadu door ka qaabilada madaxweynaha ee reer Oodweyne ma noqon doontaa mid meeqaamkii la rabay noqota oo ay soo xaadiraan dadka bulshada wax u gunta waxna u gooya kuwaas oo u gudbin kara bulshada fariimaha u sido madaxweynuhu isla markaana wixii xaq bulshadani uu leedahay uga doona madaxweynaha sida adeega arimaha bulshada balse aanu xaalku noqon waxooga kharash macanaasa jeebka ii geli. WAXAYNU FILAABA WAA ARBACADA IYO NATIIJADA UU KU SOO DHAMAADO SAFARKA MADAXWEYNAHA EE OODWEYNE? mahadsanidin BY Cartan Maxamed Jaamac Qaran News
-
Shir Madaxeedkii ururka midowga Afrika ayaa shalay galab lagu soo gabagabeeyey xarunta dalka Itoobiya ee Adis-ababa. Mahdi Maxamed Guuleed, ra’siul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, safaaradda Adis iyo mas’uuliyiin kale ayaa Soomaaliya uga qeyb galay. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inta uu shirka socday diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada. “Waxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Gooboog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Burco)Waxay ahayd maalintii shalay markii uu Madaxwaynaha Somaliland usoo kicitimay gobolada bariga Somaliland iyadoo dad koobani ku soo dhaweeyeen Gobolka Saaxil Caasimadiisa Berbera Oo Ku Suganyahay maalintii labaad. Madaxwaynaha Ayaa Kusoo Wajahan Gobolka Togdheer Maalinta Beri Ah, ma muuqato udiyaar garaw balaadhan oo laga dareemayo gobolka Togdheer. Qaban qaabada iyo soo dhawaynta madaxwaynaha oo looga bartay badhasaabadii hore ayaa waxa uu Xamse Maxamed Cabdi u muuqdaa mid ku haftay, waxaana magaalada burco ka muuqata kala daadsanaan iyo inaanay shacabku dhaadsanayn imaanshaha madaxwaynaha. Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo gaadhay gobolka Togdheer isagoo xafiiska badhasaabka kulano kula qaatay madaxda dawlada, odayaasha ,iyo dhalinyarada si loo dardar galiyo soo dhawaynta Madaxwaynaha oo ah safarkiisii ugu horeeyey ee uu Muuse Biixi Ku Yimaado Gobolka Togdheer tan iyo intii la doortay. Arrintan ayaa laga saadalin kara niyad jabka ay shacabku ka mujiyeen gaar ahaan Rer Burco Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Geesta kale Badhasaabka Togdheer Xamse Cadaw Yuurura ayaa u muuqda isna mid ku haftay mawjadaha gobolka ka aloosan. SomalilandToday/Office/Burco Source
-
Prime Minister Abiy Ahmed met Djibouti President Ismaïl Omar Guelleh on the sidelines of the 11th African Union Extraordinary Summit in Addis Ababa. The two horn of Africa leaders discussed bilateral and regional issues. According to ENA report, the President of Djibouti praised Prime Minister Abiy Ahmed for the changes he brought both at the national level and regional level. He also welcomed regional integration of the Horn of Africa and vowed to be part of it. Following the discussions between Abiy Ahmed and Ismaïl Omar Guelleh, Ethiopian Minister of Foreign Affairs, Workneh Gebeyehu, told journalist that the two leaders discussed ways to strengthen bilateral ties and the integration of the region. Touching upon the still unresolved issues between Djibouti and Eritrea, the Ethiopian Prime Minister Abiy is said to have assured the Djibouti President that Ethiopia will continue to work for a smoother relations between the two countries. Djibouti Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf thanked the Ethiopian Prime Minister for “all he has done” to smooth relations with Eritrea. He added he believed “all other pending issues with Eritrea will be resolved with the help of Prime Minister Abiy.” Djibouti was absent in the recently concluded summit between the leaders of Ethiopia, Eritrea and Somalia in Amhara regional state of Ethiopia. Some commentators questioned the significance of Djibouti’s absence at the time, and that of another neighbor, Sudan. Over the last two decades, Ethiopia has relied on Djibouti for much of its import-export business, earning the small horn of African country millions of dollars in revenue every year and making it a key player in regional affairs. Since the peace agreement between Ethiopia and Eritrea, and the rapidly growing relations, however, it is unknown how much of that trade will remain with Djibouti. Perhaps in view of that competition, Djibouti has been diversifying its port business to include Free International port with the help of the China, which has also a military base in the country. On July 11, 2017, China officially opened a military base in Djibouti, the only base the country has outside its borders. The post Djibouti Vows to be Part of Regional Integration appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka Warfaafintu Alle Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaan. Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen. Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedo xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba. Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay. Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo.. Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
-
Former President of the Federal Republic of Somalia has on Monday started his tour to the regional administration headquarters. Hassan Sheikh Mohamud arrived in Kismayo, the interim capital of Jubbaland where he was received by state leader Ahmed Madobe and other top regional officials. Already some members of the federal assembly who share political spectrum with former President have reached the port city to organize his welcome party. A political analyst believes Hassan Sheikh Mohamud tour is linked to his political ambitions to lead the country again come 2020 Presidential elections. Sheikh Mohamud was crowned on August this year after his return into the country as the chair of a new political party named Union for Peace and Democracy that brings together main opposition political parties. The party is set to challenge President Abdullahi Farmajo government in upcoming Presidential elections in the country. The post Former Somali president arrives in Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD) Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweeyey madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha isbaheysiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud. Mudane Xasan Sheekh waxaa la socdo Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto. Sida uu ku warammayo weriyaha Goobjoog News ee Kismaayo, Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa hadda ku sugan guriga martida Kismaayo, oo ku yaallo koonfur galbeed ee magaalada. Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 2 maalin. Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guriceel (Caasimadda Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Dhagaxyaale oo 50 KM u jira Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay Saakay soo galeen, degaankaasi,islamarkaana ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug. Al-Shabaab ayaa Saacaddo kooban gacanta ku haayay degaankaasi, waxaana la sheegay in dib uga baxeen Markii ciidanka Galmudug ay soo qaadeen Weerar labo Geesood ah. Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay lama xaqiijin karo, maadaama uu wali soconaayo,laakiin wali waxaa socda Gurmadyo kala duwan oo soo kala gaaray Labadda dhinac. Ciidanka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay degaano hoos yimaada degmada Guriceel ka waday dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Guriceel Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo wafti la socda, ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland. Wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweynaha Jubaland, madaxweyne ku xigeenka, iyo dadweyne fara badan. Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Madoobe ayaa erayadii soo dhowayntiisa waxaa ka mid ahaa “ku Soo dhowow Mudane mirihii aad beertay iyo maamulkii aad dhistay, Sharaf ayey inoo tahay adigoo asaasihii (founder) maamulkaan ah inaad noo nasoo booqato annaguna aan ku soo dhoweyno” Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ee Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira. Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu dalka ka ahaa Xasan Sheekh. Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan. Xassan Sheekh iyo dhammaan xubnaha mucaardka ah waxa ay wal wal ka qabaan saameynta xoogeysaneysa ee ay Nabad iyo Nolol ku yeelaneyso maamulada taas oo caqabad ku ah hankooda siyaasadeed. Haddii madax maamul goboleedyada badankood la beddelo, oo ay yimaadaan kuwa raacsan dowladda, sida HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxay taas saameyn kartaa doorashada 2021, waayo waxaa xildhibaanada soo baxaya ay noqon karaan kuwa raacsan dowladda hadda. Haddii ay taas ay dhacdo, waxaad aad u yaraaneysa rajada uu Xasan Sheekh dib ugu soo laaban karo hogaanka dalka, waana taas sababta uu safaradan ugu bixinayo maamul goboleedyada, si uu uga hortago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen. Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedu xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba. Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay. Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo.. Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Source