Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirka Jaraa’id ee billaha ah ee wasiirk Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu xafiiskiisa ugu qabtay warbaahinta, waxa uu ku sheegay inta badan Wajiga sadaxaad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya ku xernaa oo ah 18 qodob ay ka gudubtay Dowladda Soomaaliya, waxaana shuruudahaasi bud dhig u ah kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda. Sanadka cusub ee 2019 ayuu Wasiirku ku tilmaamay sanadkii caalamka uu go’aan ka qaadan lahaa cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto yabooh kale oo lacageed oo lagu abaalmarinayo sida ay ugu soo gudubtay sharuudaha deyn cafinta, waxaana uu soo jeediyey in wadajir loogu istaago sidii loogu guuleysan lahaa dadaalka Deyn cafinta. 40-Dal oo Afrikaan ah ayaa galay nidaamka deyn cafinta caalamiga oo ay hogaaminayaan Hay’adda lacagta iyo Bangiga Aduunka, waxaa ku haray 3 dal oo ay ku jirto Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda. The post Beyle Oo ka warbixiyay arrimaha Deyn Cafinta Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Waraabe) ayaa ka hadlay mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu taageerayo mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. “Hala taageero mooshinkaasi oo qof wanaagsan oo labada sano ee hadhsan waddanka gaadhsiiya hala soo saaro annaguna dibadda ka joogi mayno” ayu yiri Faysal Cali Waraabe. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faysal Cali Waraabe oo taageeray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  3. Taliyaha doorashada sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli maxamed Cali(Gaas) ayaa magacaabay taliyaha ciidanka sugaya amniga doorashada Puntland ee la qorsheeyay 8 Jennaayo 2019. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 10 bishan December 2018 ee ku beegan Axadda maanta ah ayaa taliyaha amniga doorashada lagu magacaabay sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye Faarax oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka badda(PMPF) ee dowladda Puntland. Taliyaha loo magacaabay amniga doorashada ayaa madaxweynuhu maalmo ka hor u dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas,waxaana lagu tilmaama nin dhex-dhexaad ah oo loo simanyahay,islamarkaana ay ku qanci karaan dhammaan murashixiinta ku loollamayaa doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha amniga doorashada appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in xabsi Guri uu yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Xildhibaanka ayaa shaaciyay in xubno ka tirsan Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa Mooshinka wada loo diiday in ay la kumaan guddoomiye Mursal. Waxaana uu tilmaamay in haatan la xadiday dhaq dhaqaaqii Afhayeenka Golaha Shacabka ee BFS, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/mahad-1.mp3 The post Xildhibaan ka tirsan BFS Oo sheegay in Xabsi Guri uu yahay guddoomiyaha G/Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Boqolaal dadweyne ah oo maanta isugu soo baxay waddooyinka M/ Muqdisho ayaa teegeero u muujiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Dadkan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka horyimid Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. Dibadbaxayaasha oo gacmaha ku sitay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Madaxweynaha ayaa ku qeylinayay Erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, Qaran dumis dooni meyno iyo kuwa kale. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin dowladda iyo waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya. Banaanbaxani ayaa ka dhashay, kadib markii shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Halkan hoose ka Daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Shacabka Muqdisho Oo taageero u muujiyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  6. “Waxaan Ka Mid Ahaa Siyaasiyiintii Wasiiraddana Xukuumadda Ka Ahaa Ee Diidanaa Jidkii Loo Marayay Musharaxnimaddii Madaxweyne Muuse Biixi” Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, kana mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii u horaysay si qoto dheer uga hadlay sababihii ay isaga iyo rag kale oo Wasiiro ka ahaa Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ay uga yaaceen ee ay iskaga casileen Wasiirnimadii iyo Xubinimadii Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in fikirkii ay qabeen wakhtigaasi oo ay u arkayeen in Muuse Biixi lagaga haboonaa Musharaxnimadda Madaxweynenimo Siilaanyo dabadii ay maanta dadku kala ogaadeen oo ay maanta taagan tahay in lakala saaro inay fikirkaasi ku saxsaanayeen iyo in kale, waxa kale oo uu ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu ku tuntay sharcigii, dawladdiisuna aanay sharci ku dhisnayn. Sidan ayuu ka sheegay Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Cabdirisaaq Good, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Aniga Goorta aan ka tagay Xisbiga Kulmiye iyo Sababaha aan uga tagay umaddu way ogayd oo Musharaxnimadii Muuse Biixi ayay ahayd iyo qaabkii loo marayay,Waxaan ka mid ahaa Siyaasiyiintii Wasiiraddana Xukuumadda ka ahaa ee diidanaa oo aan aqoonsannayn Musharaxnimadda Madaxweyne ee Muuse Biixi, ee aan u arkaynin markaa Musharaxii ugu haboonaa ee Xisbig Kulmiye kasoo bixi lahaa markaa, waanu ku kala qaybsanay arintaasi, Saaxaddii lagu tartami lahaana waxay ahayd mid loo diiday Saaxad Dimuqraadi ah oo lagu tartamo inay noqoto, oo saaxad Kelidii Awooddii Dawladda in loogu meel mariyo ay noqotay, oo ciddii Codka ukala tirin lahayd iyo ciddii soo hubin lahayd ee shirka Qaban qaabin lahayd dadka kasoo qayb galayay”. Waxa kale oo uu yidhi“Anagu taanu Xisbigaba kaga tagnay waxay ahayd “Muuse Maaha Musharaxii ugu Haboonaa” ee waa lagaga haboon yahay, Taariikhda ayaan cadayn doonta, ama Wakhtiga ayaaba cadayn doona, Maanta wuu Yahay Isagii, Umaddu iyada ayaa arki doonta oo inaanu ku saxsanayn in lagaga hagaagsanaa oo Musharax ka haboon Xisbiga oo dad badan oo Hunguri leh ayaa jiree laga baadho oo si Dimuqraadiyad ah loogu tartamo iyo in kelidii loo xidhada Murankii ka yimid ee dabadeedna keenayba inaanu ku kala tagno oo Xisbiga rag badani kaga baxo Inaanu sax ku ahayn oo taayadu hagaagsanayd umadda ayaaba taasi ka jawaabi doonta, anagu markaasi ayaan sii bixiyay Odoraskayga iyo sida aan u arkayo iyo in lagaga haboon yahay, Maantase Markhaatigu waxa uu uyaalaa Dadka”. Ugu dambayn waxa uu yidhi“Xukuumadda Muuse Biixi Sharci kuma dhisna ayaan odhan karaa, xeer ayaa Dhismaha Xukuumadda tilmaamay, looma raacina Caqligiisa ayuu raacay, oo intuu tii Golayaasha iyo Sharci dejinta halkaasi iska dhigay ayuu Caqligiisii ku socday, Waxyaalo bada oo qalaad ah oo dalkani ka dhacay oo lagu tartamayay oo ay ahayd in lasaxo ayaan illaa maanta saxnayn, Xeerarka in la raaco ayay umaddu u dhisantaa”. Qaran News
  7. Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka aragti dhiibtey mooshinka ay xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ka keeneen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Qaar ka mid ah shacabkan oo la hadlay Goobjoog waxay sheegeen in mooshinkaasi yahay mid wax dhisaya, islamarkaana madaxweynaha loo baahnaa in kol hore laga keeno. Sidoo kale, shacabkan ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu ka gaabiyey wax ka qabashada arrimo badan oo dalka ka jira, waa sida ay hadalka u dhigeenne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Aragtida-shacabka-cadaado-ee-mawshinka-farmaajo.mp4-alcadaala.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo goor dhow saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay aqoonsaneen guddiga miisaaniyadda ee golahaasi. Wuxuu sheegay in guddigaasi la kala direy, islamarkaana waxa kaliya ee hadda la qaban karo ay tahay in guddoonka golaha shacabka uu soo dhiso guddi cusub. Dhanka kale, Cawad ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee kala aragtida duwan aanay shirar siyaasadeed ku dhex qabsan karin xarumaha Villa Hargeysa iyo golaha shacabka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad-Cabdalla-Cawad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa amar ku siiyay xoghayaha baarlamaanka inuusan fulin karin hawl aysan ku heshiis xubnaha guddoonka baarlamaanka Somalia. Hadalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa imaanaya, kaddib markii mooshin ka dhan ah loo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo xubnihii soo gudbiyay uu ka qabtay xoghayaha baarlamaanka Somalia, Buux. Sidoo kale, Guddoomiye Cawad ayaa amar ku bixiyay in aan lagu shiri karin xarunta guddiyada baarlamaanka Somalia inta uu jiro khilaafka ka dhashay mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Go’aannada uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa qodobbadan; In Maamulka Golaha ee uu ugu sareeyo xogheyaha Golaha uu mas’uul ka yahay howl socod siinta Go’aamadii ka horeeyay khilaafka, isla markaana uusan fulin karin G’aamo Maamul iyo maaliyadeed oo aysan ka wada tashan Xafiiska Guddoonka ka wada tashan. In xildhibaanada kala aragtiyada duwan aysan kulamadooda siyaasadeed u isticmaali karin hoolka shirarka ee guddiyada Baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa. In xarunta golaha shacabka ay u dhaxeeyso dhammaan Xildhibaannada lagana ilaaliyo in koox aragti gaar ah wadato ay u adeegsato hannaan guddoonka Golaha isku waafaqsaneyn In Maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha loo maareeyo hannaan la isku waafaqsan yahay kana wada-tashadeen Guddoonka iyo Xafiiska Golaha. In aanan aqoonsanayn guddiga maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacbaka ee la kala diray 28-kii bishii lasoo dhaafay, anaga oo u soo jeedinayna Guddoomiyaha baarlamaanka inuu guddoonku ka heshiiyo dhismaha guddi uu waqtigiisu ku egyahay maareynta miisaaniyadda Sannadka 2019-ka iyo xisaab-xirka 2017-ka, iyadoo la deegsanaya xeer-hoosaadka 56-aad farqada lixaad. Ugu dambeyn, Go’aanandan ayaa u muuqda kuwo meesha ka saaraya awooda guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo u muuqda mid lasoo baxay siyaasad ka duwan middii horay looga filayay. DHAGEYSO: Shirka Jaraa’id ee uu maanta qabtay Mahad Cabadlla Cawad; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/DHAGEYS_CAWAD_AMARRO_CUSUB.mp3 PUNTLAND POST The post MAHAD CAWAD: Xildhibaanada Baarlamaanka kuma Shir karaan Xarunta Villa Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  10. Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-10122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Gudoomiye ku xigeenka labdaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arimo kala duwan ka hadlay. Cawad ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka aan la furi karin ilaa gudoonka Baaramaanka ay isku raacaan xiliga uu furmayo. Waxa uu sidoo kale sheegay in guddigii horay loo kala diray ee maaliyada uu gudoomiyaha Baarlamaanka faray in ay shaqadooda sii wataan go aankaasi uu yahay mid sharciga baalmarsan guddigaasina ay tahay sidii loo kala diray. Khilaaf ku aadan mooshin kalsooni kala noqosha ah ayaa khilaaf ka dhex abuurtay gudoonka golaha shacabka Soomaaliya Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mahad Cawad “Baarlamaanka lama furi karo ilaa gudoonka uu isku raaco in la furo” appeared first on Puntland Post.
  12. Hundreds of the residents of Somali capital have gathered in the major streets on Monday to show their support for the government of President Mohamed Abdullahi Farmajoand Prime Minister Hassan Ali Kheyre. Demonstrators who paralyzed traffic along Maka Al Mukarama and Sodonka road before making their way into Daljirka Dahsoon independent square were chanting slogans against the members of parliament. More than ninety members of Somali lower house of the people have signed a motion of no confidence against the president on Sunday. The legislators who submitted their document to the speaker of the house are accusing the president of the federal of Somalia of breaching the provincial constitution. In a press statement shared with the media, the members accused President Abdullahi Farmajo of illegally extraditing former Ogaden national liberation front leader to Ethiopia, demoting former deputy spy chief and his appointment concerning the chief justice. Meanwhile first and second deputy speakers of parliament have termed the motion against the president unconstitutional and contrary to the standing orders of the chamber. A section of members of parliament has also come out condemning the move by their fellow legislators. They accused those driving the motion agenda for forging their signatures into the list of members in support of confidence motion against the government. The post Mogadishu residents rally against impeachment motion against Farmajo appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa goor dhowayd magacaabay taliyaha amniga Doorshada 2019, sida ku cad degreeto lagusoo daabacay barta warbaahinta madaxtooyada. Halkaan hoose ka akhriso. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray habka uu u shaqeynayo baarlamaanka inta lagu jiro kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee hadda dalka ka jira. Go’aanka Mahad Cawad iyo Muudeey ayaa u muuqda mid lagu go’doomiyey laguna wiiqay awooddii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal cabdiraxmaan. Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay todobo kodob ka soo saareen habka shaqada ee shaqaalaha Baarlamaanka iyo Xarunta Villa Hargeysa ee ay ku shiraan Guddiyada joogtada ah. Mahad, waxaa uu sheegay in hoolka Villa Hargeysa aan lagu qaban karin kulamo siyaasadeed islamarkaana shaqaalaha looga baahanyahay kaliya in ay ku shaqeeyaan. In Guddigii Maaliyadda ee la kala diray ay sidoodii yihiin, islamarkaana aan la aqoonsaneyn, waxaana uu guddoomiye Mursal ugu baaqay in go’aankiisii soo celinta Guddiga uu aysan ahayn mid sharciga waafaqsan. Shaqaalaha Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan fulin karin go’aanno maaliyadeed oo uusan u dhameyn Guddoonka Golaha shacabka iyo qodobo kale. Wali waxaa magaalada Muqdisho ka jira xiisadda ka dhalatay Mooshinka qaar ka mid ah Golaha shacabka ay ka gudbiyeen Madaxeyne Farmaajo. Hoos ka daawo Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan xabsi guri ku yahay madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu inta ku daray [...] Source
  16. Madaxweyne Gaas ayaa maanta markii ugu horeysay boorarkiisa olalaha doorashada ka taagtay Garowe, taasoo dadka reer Puntland u xaqiijisay inuu mar kale u sharaxan yahay [...] Source
  17. Waa lagama maarmaan iyo wax aas-aas u ah marka ay ummadi hor mar hiigsanayso in ay haysato xornimo fikir, Aragti iyo aqooneed oo ay ku gaadhaan hiigsigooda. Waxa aan aaminsanahay hadii intaa iyo in badan oo kale dedaal la galiyo in aynu ka xoreyno dadkeena oo ay noqdaan qaar si xor ah u fikiri kara, halkaasi waxa ka bilaabmaya curinta afkaaraha horumarka. style=”direction: ltr; margin: 0px; padding: 0px; font-family: sans-serif; font-size: 11pt; color: black; text-align: justify;”> Waxa somalidu qarmiyadii tagay ku hawlanayd gumaysi la dirir iyo xoreyn dhul soomaaliyeed, marnaba lagama fekarin hab fikirka qofka somaliga ahi in uu ka muhiimsan yahay dhulka la raadinayo waayo qofka ayaa dhulka ku nool ee dhulku qofka kuma noola. Haddaba marka aan eegay aad ugu fiirsadey dhacdooyinka iyo siyaasadaha ku wajahan dadka somalida ah, ama Somaliland ha ahaado ama afartii kale ee soomaaliyeed e In qof somali ah oo aragti ahaan, siyaasi ahaan, dhaqan ahaan iyo aqoon ahaan xor ah la helaa way yaraanaysaa sababahan awgood; Somalida hada nooli waa dad u nugul in si dhibyar loo dhalan-rogi karo, waxaana ku hirdamaya oo isku haysta siyaasadaha reer galbeedka, Carabta, Wadamada jaararka, Turkiga iyo xulafadiisa. Waxyaabaha la inagu dhalan-rogi karo ama la inagu dhaqan-gadiyi karo waxa ugu weyn waxyaabaha aynu ugu baahida badan nahay oo ah aqoonta, inaga oo aanu seeska waxbarashadeenu ahayn mid ku dhisan wadaniyad iyo dal jacayl ayaa waxa aynu fursado waxbarasho ka helnaa wadamo siyaasado iyo dano fog inaga leh qarniyada soo socda. Waxa aan qarsooneyn mushkiladaha iyo dagaalada ka socda Geeska Afrika in ay u badan yihiin qaar la inoo soo raray oo dano shisheeye iyo dawlado shisheeye ama ururo dano kale leh dabada ku haya oo gudaheena la keenay, ilaa maantana aanay iska garan dadku. Waxa qoraalkan igu kalifay miyaanay habooneyn inta ay goori goor tahay in aynu ka fekarno mustaqbalka ubadkeenu xaguu ku dambeyn doono, dad ahaan qiime noocee ah ayeynu ka yeelan doonaa dunida aynu ku noolahay 100ka sano ee socda? Aduunkan ilaahay inagu abuurey dad saameyn noocee ah ku yeesha ayeynu noqon doonaa tolow? Gebo-gabada qoraalkayga miyaanay inoo eekayn in aynu maanta ka tashano nidaamkeena waxbarasho, dhaqan iyo nololeed ee aynu ku ababinayno ubadkeena ina badali doona. In aynu helno ama isku dayno aqoonta waxii ina anfacaya mooyaane waxii kale in aynu ku badaleno aqoon wax ka taraysa deegaanka aynu ku noolanahay oo inooga anfac roon tan aynu maanta barano. Iyo in aynu si soo jeeda u eegno dadkeenii dibadaha ku noolaa iyo ubadkooda intii ugu badneyd marxaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ay inagula soo noqon doonaan mustaqbalka dhow. Iyo waliba halka ay u dhimatay ama nuxurku yahay oo ah in la helo hogaan ama siyaasi ka xor ah hirdanada iyo siyaasadaha dunidan qalabaa-gediyaya ee awood iyo dhaqaale ku dagaalanka ah oo danaha dalalkeena iyo dadkeena kala soo dhex bixi kara laba-dhagax dhexdood isaga oo aan midna ku tiirsan. Isku soo wada ururiyoo siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee ku soo wajahan dawladaha Somaliland iyo Somalia waa qaar ujeedooyin fog leh oo u baahan in aad looga dhug yeesho saameyntooda dhaqan, nolol iyo siyaasadeed, halka aynu ka eegayno uun dhaqaale iyo maalgashi kaliya. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
  18. Saxaafadu waxa ay ahayd tiir ka mid ah tiirarka qaranimada oo waxa ay kaalin mug weyn ugu jirtay ilaalinta dalka iyo dadka danyarta ah, waxaana ay caan ku ahayd ka badbaadinta danyarta duruufaha adag iyo fashilinta shirqoolada siyaasiyiinta iyo waliba ka danaysiga ganacsatadu dalka iyo dadkaba ku hayso. ( Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara e ) Tuduca gabaygaasi waxa uu inoo sheegayaa in suugaanta oo ah qayb ka mid ah saxaafada ama isgaadhsiintu ay ahayd hub wakhtigaana ay ku jirtay halka maanta saxaafadu inoogu jirto. Saxaafadu waxa ay heli jirtay xogaha qarsoon iyo shirqoolada ay qaranka u dhigaan qawlaystayaasha siyaasiyiinta ah oo heshiisyo danaysi dawlado la gala si ay u iibsadaan khayraadka dalkooda. Saxaafadu sidoo kale waxa ay baadhaa ama dabagal ku samaysaa lunsiyada hantida qaranka ee dalka laga dhacay ee dibadaha dalka iyo gudaha dalkaba la dhigtay, waxaanay ceebaysaa tuugta iyo dadka xun ee umadda u dhuuntay. Saxaafadu waxa ay toosisaa meel kasta oo ay arkaan in qalooc qaranka kaga jiro waxaana ay hadh iyo habeen usoo jeedaan in ay qalinka ku saxaan ama ku tilmaamaan waxii qaran jab iyo qalooc ah qaranka lagu arko. Saxaafadu waxa ay codkooda sidaa maatida iyo danyarta iyo dadka aanu dhawaaqoodu meesha dheer gaadhayn oo ay u hadlaan waxaana lagu tilmaami jirey in ay tahay carooga saboolka. Halku dhigyada warbaahinta jaraaidada dusha kaga qornaan jirey waxa aan ka xasuustaa: Wallee qalin daraalaha Danbi qaranka laga galay Kama qariyo wadhatada. Waxa kale oo isna aan xasuustaa: Cadli dooja mooyee Wax kaloo rag deeqoo Dadka lagaga eed baxo Nin u dooney heli waa. Waa tuducyo gabayadii gaariye ka mid ahaa oo tilmaamaya kaalinta abwaanka oo ay saxaafaduna usoo qaadatay kaalinta suxufiga, sababta oo ah labadooda dhawaqooda ayaa dheer waxaana ay u hadlaan ama ka hadlaan dareenka dadweynaha. Suxufigu wuxuu ahaa shaqsi Magac raadis iyo ma hadho reeb ah oo ugu talogalay in uu kaalintiisa iyo dadkiisa u guto waajibaadka uu qaatey si daacadnimo ah isaga oo dadka ugu aduunyo yar hadana magaciisa iyo mihnadiisa aan malaayiin dollar siisanayn. Saxaafada maanta iyo suxufiga jooga 99% waxa ay yihiin qaar quudka uun raadsada oo qiimahiisa iyo qiimaha mihnada u xambaarsan yahay dadka ugu jirto aan waxba ka aqoon. Saxaafada maantu waxa ay noqotay qalab si qaldan quudka loogu raadsado( qabax) oo aan ka soo bixin kaalintii ay dadkeeda ugu jirtay. Saxaafada maantu waxa ay noqotay caroog qabiil iyo qawlayste siyaasiya afkiisa ku hadasha oo waxa ay ka weecatay dariiqii wanaagsanaa ee saxaafadii hore iyo suxufiyiintii hore soo jeexeen. Suxufigu waa ninka waxa uu umadda usoo bandhigayo uu tacab ka gallo ee raadiya xaqiiqda warkaa iyo cadaymihii waxkasta oo ay ku qaadanaysona wakhti iyo aduunba u hura, marka uu soo bandhigona umadu u kacdo oo aan xadhig cago juglayn iyo lacag midna aan waxba laga qaadi karin. Saxaafada somaliland waa ta samayn jirtay raadraaca taariikhda sooyaalkii halgankii dalkan loo soo galay oo saxaafada lafteeda ayaa qayb muhiim ah ka ahayd halgankii dib u xoreynta dalka. Saxaafadu waxa ay soo bandhigtaa aragtiyaha iyo afkaaraha iska wada hor imanaya ee siyaasiyiintu maalinba af gaara dadka kula hadlayaan, waxaana ay si tifaf tiran oo daacadnimo iyo xaglin ka dheer usoo bandhigtaa taariikhda qofka umaddu dooratay oo dhab ah. Waxa ay raadisaa saxaafadu cida dadka masuuliyadaha loogu dhiibayaa ma yihiin dadkii ku haboonaa, hore maxay usoo ahaan jireen taariikhdooda maxaa lagu xasuustaa i.w.m. Saxaafadu waxa la rabaa in ay u hadasho danyarta baaba’day ee dalka iyo nolosha dabaqadaha kala durugsan noqoneysa ee somaliland, sicir-bararka aafeeyey dalka iyo waxa sabab u ah. Qofka suxufiga ah ee leh dhaqankii suxufiga dadkiisa u adeegaya ma baqo kamana jaxanjaxo dhibaatada dhiig miiratada ganacsatadu ku hayso saxaafada iyo bulshadaba. Somaliland mushkiladaha haysta waxa ka mid ah ganacsato dantooda uun eeganaya oo aan dadkooda u tudhayn iyo dawlad daciif ah oo dilaaliin dhex yaacayso, doonayaa macaash oo dadkii dooratey aan ixtiraamin dalkiina dilaalay, cidkasta oo hadashana waala muquuniyaa iyada oo looga faaiidaysto awood iyo lacag duruufaha dadka oo iska adag awgood. Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkayga saxaafada madaxa banaani boodhka ha iska tunto oo kaalinteedii ha soo ceshato ay magac iyo milgoba ku lahayd haba iska gaajoodaane. Qalinka ha loo qaato in wax lagu toosiyo risiqa ilaahaybaa qorey oo qadi mayside, laakiin qalinkaaga ha u qaloocin dan shaqsi iyo in lagu dilaalo oo waxa aad qortaa quud kuu noqdo. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
  19. “Mineey fatuuro fiiq tiraah ninkii fadhaaya ma fayaabo.” – Shaki ma leh inaanu fadhi oolin haddii giraantii waxay soo wareegtaba ay ku timid kursigii madaxweynaha, oo caawa dooddu aysan ka taagnayn Baydhabo, Kismaayo, Garowe, Dh/mareeb ama Jawhar ee doodda Golaha Shacabka hortaal ay tahay xil ka qaadista madaxweynaha. – Dhaawaca maanta gaaray madaxweynaha wuxuu ahaa mid laga hortagi karay, mase dhicin, welise dabaqabasho iyo booga dhayid ayuu leeyahay, waase haddii lala yimaado aragti durugsan oo ku qotonta xilkasnimo, u danqasho danta guud iyo hanaanka dawladeed ee curdanka ah. – Wadahadal iyo wadaxaajood xeerinaya danaha guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo uu madaxweynaha la yeesho xoogaga siyaasadeed ee ka biyo diidsan siyaasadiisa, indheer-garadka iyo xoogaga bulsho, ayaa lama huraan ah, si loo hakiyo baahitaanka khilaafka oo sida tagtada dhaw aan ka baranay albaabada u fura farogelin shisheeye oo aanay cidina ka macaashin. – Dhaqan siyaasaseedka bulshadeena xilligii ka dambeeyay dagaalada sokeeye oo ku dhisan: qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa, ma ogolaanayo talada sare ku xusan, waxaana laga yaabaa in halkii wadaxaajood laga geli lahaa la abaabulo mooshin ku aadan xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka. Hadaba haddii sheekadu halkaa aaddo maxaa ka dhalan kara? 1- Kuraasta iyo xilalka ugu sareeya dalka oo ku salaysan 4.5 waxa uu noqonayaa Gudoomiyaha Baarlamaanku siyaasigii 4aad oo reer Baydhabo ah oo ay xukuumaddu dagaal la gasho muddo 8 bilood gudahood ah taasoo caqabad weyn ku noqon doonta hanaanka dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranimada dalka. 2- Baarlamaanka oo kala qaybsama kadibna xirma iyo xasarado siyaasadeed oo aan la maarayn karin oo ka dhasha. 3- Xukuumadda oo ka mashquusha in ay gudato waajibaadkeeda. 4 – Amaanka oo faraha ka baxa khilaafka hay’adaha dawladda u dhexeeya awgii. Guntii iyo gabogabadii:- – Madaxweyne Farmaajo horay ayaad danta guud u xeerisay oo aad uga tanaasushay xilkaagii sanadkii 2011, kumana aadan khaasarin oo si guud iyo si gaar ahba waad uga faa’iiday oo waa kaa aad maanta dalka hogaaminayso oo xilkii ugu sareeyay aad hayso. – Maanta arrinka ku horyaal ee kaaga baahan inaad xeeriso waa inaad furto albaabka wadahadalka iyo wadaxaajoodka adiga oo ka bilaabaya Gudoomiye Mursal kadibna ku baahinaya dhamaan siyaasiyiinta ka biyo diidsan hanaanka aad wax u wado. – Ku dedaal inaadan is lahaysiinin xildhibaanada maanta agtaada jooga oo aadan iska fogayn kuwa ku dhaliilsan, siyaasadu waa meerto ee dhamaan xildhibaanada dhagyso oo talo ka qaado. – Xildhibaanada safka hor fadhiya oo mooshinkaaga aqrinaya, sanad ka hor safkaaga ayay ahaayeen. Gudoomiye Mursalna waa ninkii aad aaminsanayd inaan dhankiisa dabayshu kaaga imanayn. – Dhamaan dhacdooyinkaa hal darsi ayaan ka baran karnaa oo ah “Soomaali walaaloow unbaa lagu wadi karaa” ee madaxweyne wadaxaajood ku dedaal. Waxaa qoray Dr. Maxamed Axmed Sh Cali (Doodishe), oo ahaa lataliyaha arrimaha siyaasadda ee Madaxeynihii hore Xasan Sheekh, isagoo talooyin siinaya madaxweyne Farmaajo oo haatan uu mooshin ka yaallo Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. As the world marked International Anti-Corruption Day, the Federal Government of Somalia announced today a series of steps to strengthen its commitment to combat corruption and reinforce transparency in order to build more accountable institutions. At a United Nations-backed event in the capital, Mogadishu, to mark the Day, and attended by senior government officials and international development partners, as well as representatives of youth and women’s groups, Somalia’s Federal Minister of Justice and Judiciary Affairs, Hassan Hussein Haji, expressed his government’s commitment to promoting accountability and tackling corruption frontally within its rank and file. The minister signed a so-called Project Initiation Plan (PIP) between his ministry and the UN Development Programme (UNDP), which aims at strengthening government institutions to fight corruption and promote accountability. “We are on our way to establish an Anti-Corruption Commission; they need a secretariat, they need training, they need help in all aspects. So, I think this Project Initiation Plan will lead us to develop this institution that will make it easier for us to sign and ratify the UN Convention Against Corruption,” Minister Hussein said. He added that this project would particularly enhance accountability in some of the country’s key institutions, such as the Auditor General’s Office, among others, and that it would be followed by more at the end of the PIP. Speaking on behalf of the United Nations at the gathering today, the UN Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia, Peter de Clercq, commended the Federal Government for its efforts to improve transparency, accountability and fight against corruption in public offices. The UN official also urged it to make progress with the UN Convention against Corruption, the world’s only legally-binding universal anti-corruption instrument, and which has so far 186 signatory countries. “We encourage all branches of Government and the Federal Member States to take measures to protect and expand the integrity and accountability of the management of public finances and resources, as well as to advance the legal and institutional frameworks against corruption, through robust enforcement and punitive measures,” Mr. de Clercq said. Following the signing ceremony, the UNDP Country Director for Somalia, George Conway, explained that the newly-signed PIP allows the Federal Government to tackle corruption in a comprehensive way. “The PIP builds on significant engagement we have had with the Government at federal and state-level for many years, to address issues of good governance, accountability, transparency, support to public financial management and the broader application of the rule of law,” Mr. Conway said after the signing ceremony. The Project Initiation Plan will be implemented over a six-month period, after which UNDP will roll out a full multi-year programme to support the government of Somalia in its anti-corruption efforts. Around the globe, 9 December is observed as International Anti-Corruption Day with the aim of raising awareness of corruption and of the role of the Convention in combating and preventing it. The post Somalia lays out next steps to tackle corruption appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Suria) xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay inay meesha ka saartay warbixin ay hore u qortay oo sheegeysay in gantaallada difaaca ee dalkaasi ay qabteen waxa ay ugu yeedheen bartilmaameedka cadawga oo ku wajahnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ku yaalla magaalada Dhimishiq. Warbaahinta wax sharraxaad ah kama aysan bixin sababta arrintaasi balse waxay sheegeen inaysan jirin wax dandaansi ah,xaaladdana ay caadi aheyd. Dhanka kale, ururka la socda xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegay in dhawaaqa qarax laga maqlayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Dhimishiq. Xukuumadda Moscow ayaa sare u qaaday gantaallada difaaca ee dalka Suuriya kaddib markii diyaarad xamuul oo uu Ruushka leeyahay aan si ula kac aheyn ay kusoo rideen ciidammada dowladda Suuriya bishii September halkaas oo ay ku dhinteen 15 qof oo saarnaa diyaaradda. Source
  22. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xabsi guri la galiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada loo diiday in ay galaan xarunta Villa Hargeysa iyo guryahooda ku yaala madaxtooyada. Waxa uu sheegay in xukuumada ay cadaadineeyso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka gudbiyay iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Majiro war rasmi ah oo arintaasi xaqiijinaya ama beeninaya oo ka soo baxay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin kalsooni kala noqosha ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan sheegay in xabsi guri laga dhigay gudoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Muqdisho)92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay gudbiyey mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mooshinka ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka, sidoo kalena heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Si kastaba radio lugo badan ayaa ogaatay in dhammaan eedeymahaas aysan ahayn waxa dhabta ah ee madaxweynaha lagu haysto islamarkaana ay tahay arrin ka baxsan kana weyn gacanta Soomaalida. Sida aan xogta ku heleyno, mooshinka ayaa waxaa ka dambeeya, abaabulkiisana leh, islamarkaana qarashka ku baxaya dhiibaya xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa maalmahan ka shaqeynayey mooshinka, waxaana jira xiriir laga dhex-waday guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Tuhunka weyn ayaa soo baxay sabtidii, markii guddoomiyaha baarlamanka uu Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Mohamed Khayaat. Sidoo kale la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan la kulmay xubno ka tirsan sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale jirta in mooshinka uu yahay mid aan cusbeyn, oo intiisa badan la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaas oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey. Inta badan qodobada mooshinka loo cuskadaya sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr oo cusub, oo xaaladda daagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay. Source
  24. The United States military said Sunday its special forces conducted an airstrike in Somalia on Saturday, killing four al-Shabab militants. The United States Africa Command (Africom) said the collective self-defense airstrike which was carried in cooperation with the Somali government targeted al-Shabab militants in the vicinity of Basra in southern Somalia. “The U.S. airstrike was conducted against militants after partner forces came under attack. We currently assess this airstrike killed four militants with no civilians involved,” Africom said in a statement. “Alongside our Somali and international partners, we are committed to preventing al-Shabaab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia,” said Africom. “The desired end state in East Africa is one in which terrorist organizations cannot destabilize Somalia and its neighboring states, nor threaten the interests of the U.S. and its international allies in the region,” according to Africom. The post U.S. army kills 4 al-Shabab militants in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article