Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dr Bashiir Maxamed Xuseen 11 December 2018 Dr Bashiir Maxamed Xuseen oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland, ayaa Garoowe kaga dhawaaqay inuu u tartamayo, doorashada madaxweynaha Puntland ee la qorsheeyay 8-da January 2019 oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Mudane Bashiir ayaa xalay murashaxnimadiisa ka shaaciyay, munaasabad si maqaam sare ah loo agaasimay oo ay ka qeyb galeen; siyaasiyiin,aqoonyahanno,isimo,haween iyo dhalinyaro isaga kala yimid xaafadaha ay ka koobantahay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe. “Waxaa sharaf ii ah, in aan caawo mar kale hortiina soo istaago, anigoo si rasmi ah u caddeynaya, in aan doonayo in aan u tartamo,xilka ugu sarreeya Puntland ee ah jagada madaxweynaha dowladda Puntland” ayuu yidhi Dr Bashiir oo shaacinayay murashaxnimadiisa. Murashaxa ayaa khudbad dheer oo uu munaasabadda ka jeediyay, wuxuu si faahfaahsan ugu soo bandhigay qorshihiisa waxqabadka,haddii la doorto madaxweynaha Puntland,waxaana uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo fiican,taasi oo wax ka qabata arrimaha amniga,dhaqaalaha,ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah,arrimaha bulshada iyo la’agaallanka musuq maasuqa &eexda ragaadisay hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland. Wuxuu si gaar ah u ballan qaaday, in uu musuq maasuqa u aqoonsan doono musiibo qaran,islamarkaana uu dagaal adag la geli doono,haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha Puntland”waxaan maalinta koowaadba musiibo qaran u qoonsan doonaa musuq maasuqa,sababtoo ah musuq maasuqu waa isha ugu weyn ee ay ka soo burqadaan xanuunnada bulshada ku dhaca oo dhan” ayuu murashax Bashiir. Dhinaca kale, Af-hayeenka guud ee isimada Puntland,Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo munaasabadda hadal ka jeediyay, ayaa ammaanay qorshaha hiigsiga murashaxu soo bandhigay ee ku jihaysan waxqabadkiisa haddii la doorto,wuxuuna Garaadku ku boorriyay in uu ballanqaadkaasi ka dhabeeyo, haddii Alle ku guuleeyo xilka madaxweynaha Puntland. Dhammaan dadkii munaasabadda ka hadlay, ayaa si midaysan u soo dhoweeyay khudbadda murashaxa ee maaxanaysay waxqabadka qodobaysan oo uu ballan qaaday haddii la doorto. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Murashax cusub oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxweynaha appeared first on Puntland Post.
  2. Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheikh Mursal ayaa isaga guuray xarunta uu ka degen yahay Villa Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu kusoo xayiraad ku saabsan [...] Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online)- Guddoomiyaha Barlaamanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa soo saaray waraaq xasaasi ah oo uu kaga hadlay mooshinka laga soo gudbiyey Madaxweyne Farmaajo. Gudoomiye Mursal ayaa si rasmi ah u sheegay inuusan Jabin mooshinkii laga gudbiyey Madaxweynaha. Wuxuu xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyey inuu dastuur ahaan sax yahay mooshinka isla markaasna dhawaan laga doodi doono si codka kalsoonoda loogu qaado. Waraaqda Guddoomiye Mursal ayaa kusoo aadeyso xilli Shalay uu xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu sheegay inuu mooshinkii jabay kadin markii laga been abuurtay saxiixa illaa 14 xildhibaan. Xiisadda ka dhalatay mooshinka Farmaajo ayaa cirka isku sii shareertay waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Mursal ka guuray Xarunta Madaxtooyada isla markaasna uu dagay Hotel u dhow garoonla Diyaaradaha Aadan cadde. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray guddoomiye Mursal
  4. Garowe (Puntlandi) Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland oo dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Gaas, ayaa sheegay inay meel fiican marayso qabashada codsiga dadka [...] Source
  5. Maxkamada Oslo ayaa mar kale go´aamisay in mudada xabsiga loo dheereeyo haweenay Soomaali ah oo ku eedeysan fal argagaxisnimo, kahor inta aan bisha Janaury la [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka guuray xafiiskiisa xarunta Villa Uganda oo ku dhexyaala Villa Soomaaliya, halkaasi oo maalmahaan uu ku sugnaa. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu u guuray mid kamid ah Hoteelada ku dhow garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Hotel ku dhow Xarunta hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP. Wasiirkii hore ee amniga ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa kusoo qoray Barta uu ku leeyahay Twitter-ka in guddoomiyaha baarlamaanka uu ka guurey Villa Hargeysa. Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ku adkaatay xildhibaanada ay ugu tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waana tan keen karta inuu ka guuro xafiiskaasi si uu fursad ugu helo la kulanka xildhibaanada mooshinka Gudbiyay. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Maxamed Mursal ayaa degay Hoteel Shabeel ee degmada Wadajir, waa Hoteel ku yaalla agargaarka Aiportiga Muqdisho. Guddoomiye Mursal ayaa horay u deganaa Villa Uganda oo ku taalo gudaha madaxtooyada Villa Somalia, laakin waxaa muuqato inuu ka soo guuray. Maxamed Mursal, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa saarnaa cadaadis badan tan iyo markii uu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne Farmaajo 9-kii bishan. Lama oga, in guddoomiyaha uu sii deganaa-doono Shabeel iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. PRESS RELEASE Africa is an extremely important market for South Africa Minister Davies was speaking at the launch of the South African pavilion in Cairo, Egypt during the Inaugural of Intra-Africa Trade Fair (IATF) PRETORIA, South Africa, December 12, 2018/ — The Minister of Trade and Industry, Dr Rob Davies says South African business people should consider the continent as an extremely important market, especially for trade in value added products. Minister Davies was speaking at the launch of the South African pavilion in Cairo, Egypt during the Inaugural of Intra-Africa Trade Fair (IATF). Minister says the IATF provides a platform for sharing trade, investment and market information and enabling buyers and sellers, investors and countries to meet, discuss and conclude business deals. IATF is an excellent opportunity to position South Africa to grow the export volumes especially into the rest of the continent and to promote the export of goods and services; as well as exposing South African buyers to what the rest of the continent has to offer in advancing South African imports. “When we look at trade with the continent from the South African point of view, there is an easy way of telling the big story. The story is that two-thirds of South Africa’s trade are with the world, whilst a third of the trade is with the African continent. Of the latter, two-thirds comprise trade in value added products,” said Davies. Davies added that even though total trade among African countries is still lower than those compared to other continents, he is still hopeful that platforms such IATF will pave the way to increase trade in Africa. “We believe that during the course of the Intra-African Trade Fair, South African exhibitors will find trading partners with the Egyptian business community and hopefully with other African countries too. And I am also glad to see in particular that so many of these companies are here under the banner of the Export Councils because I think we realise that through these councils, we are able to get our business people to export into other markets,” he said. Egypt is South Africa’s largest trading partner in North Africa. Total trade between the two countries stood at R4 billion in 2017. It is anticipated that the IATF will host at least 1,000 exhibitors from across Africa and beyond with more than 70,000 visitors, generating in excess of $70 billion in trade deals. Caption: Minister Rob Davies together with South Africa’s Ambassador to Egypt Mr Vusi Mavimbela at the IATF South Africa National Pavilion. Distributed by APO Group on behalf of The Department of Trade and Industry, South Africa. SOURCE The Department of Trade and Industry, South Africa Qaran News
  9. Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inuu jiro qorshaha safarta ay Muqdisho ku imaanayaan ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki si loo sii wado arrimaha iskaashiga dalalka geeska Afrika balse waxaa ay meesha ka saartay inuu kulankaasi maanta dhacayo. Cabdulqaadir Axmed- Kheyr Cabdi, wasiiru dowlaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ee JF Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in kulanka Muqdisho ee madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea uu sidiisa u jiro, laakin aanu maanta aheyn. “Shirkii Gondar ee gobolka Baxar-daar waxaa la isku afgartay in shirka xiga ka dhaco Muqdisho, shirka waa uu dhacaa, laakin maanta ma aha”, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay wasiir Cabdulqaadir Axmed Mar aan weydiinay, haddii aanu maanta ka dhaceyn shirkaasi, waa goorma?, waa uu ka gaabsaday wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, isaga oo intaasi raaciyey “Arrinta la rabo shirka Muqdisho ka hor waa in la qiimeeyo heshiisyadii hore, si looga ambaqaado”. Galabtii Talaadada, ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijyey in maanta oo arbaco ah ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki, si loo ambaqaado shirarkii iskaashiga. Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal: 1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan. 2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Magaalada Qadiimiga ah ee Bullo-xaar Bullo-xaar nabdoonaa Badeeduna qurxoonaa Bulshadeedu wacanaa Ninkii maalin bookhdaa Bilo kama go,aayee Runtii wuu u bogayaa. Maxamed Miyir (AHUN) Bullo-Xaar waa magaalo xeebeed ku taala waqooyiga Somaliland. waxa ay ka mid tahey Gobolka Saaxil, iyada oo u jirta magaalada Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil qiyaas ahaan 76 KM, halka ay u jirto caasimada Hargeysa 136 KM. Bullo-Xaar waa magaalo aasaasantay qarniyo ka hor iyadoo raadadkii kala duwanaa ee muujinayey ilbaxnimooyinkii iskaga danbeeyay ay kasii muuqdaan magaala xeebeedka Bullo-Xaar. Taariikhdii hore ee magaalada Bulaxaar Magaca Bullo-xaar oo lagu kala aragti duwan yahey halka uu ka yimi iyo sida uu ku baxay. Axmed Cali Gaydh oo kamid ahaa ardeydii wax ka baran jirtay dugsigii Bullo-xaar wuxu yidhi “magacu wuxu ugu baxay ceelkan biyaha dhanaan ee Bullo, Bullo-xaar waxa loogu bixiyey geelu markuu qalamawdka daaqo ee uu biyahaa dhanaan cabo ee uu ka soofo waxa uu samaystay wado “xaarka” layidhaa oo u baxda dhankaa salal. Markaa magacani wuxu ka sameysmay biyahaa qadhaadh ee Bullo-xaar.” Guddomiyaha Magaalada Bullo-xaar isagu wuxu yidhi “anuu sidaan ku maqlay waa Bullo oo ah biyaha adag, Xar na waa kalmad carabiya oo ka dhigan kuleyl markaa waa Bullo-xar”. Madaama bulsho ahaan qoraalku inagu yaraa waayadii hore ma jirto cid saxaysa taariikhda dhabta ah ee Bullo-Xaar aasaasantay. “waa taariikh hore oo ilaa wakhtigii cusmaaniyiinta ah, waa ilbaxnimo hore waxan ku qiyaasayaa in ay tahey ilaa iyo 1800 oo inbadan bay ka horeysay qeybsigii Afrika.” (Maxamed, 2017). “magaaladaasi waxay ka aasaasantay Berbera horaantii 1850 kii, dagaalo sokeeye oo ka dhacay Berbera dad kasoo guuray baa aasaasay Bullo-xaar, aadbay u camirantay oo Hindibaa timi, Carabaa timi sidaasay ku camirantay Bullo-xaar.” (Gaydh, 2017). “waxa ku taal Aasaar fara badan oo aad arkayso in cid inaga horeysay oo Somalida ka duwanayd oo ka ilbaxsanayd aasaastay, cidaasina waxay ahayd cidii u horeysay ee Bullo-xaar maamul ka noqota oo ahayd Turki, waayo waxa ku yaala jeelashii oo dunsan oo haddana qabcadahoodii yaalaan & meelihii dadka lagu daldali jiray. Dhismayaal qadiimiya oo wali imika hadaad tagto aad arkayso in ay dhisan yihiin. Asaartaasi waxay noqon karaan ilaa 1800.” (Ibraahim, 2017). Taariikhda magaalada Bullo-xaar sida aynu arkayno ma aha mid laysku raacsan yahey, lakiin waxa ka cad hadalada dadka la waraysanayo in ay ka horeysay wakhigii qeybsigi Afrika, oo ay iska danbeeyeen maamulo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: dawladii Cusmaaniyiinta, Masaari, Turki & Ingiriis. “ganacsatii waaweynayd ee ka ganacsan jirtay Magaalada Bulaxaar oo aan ka xasuusto X. Axmed Ildab & rag kale oo imika dhintay ayaa aasaasay magaalada Hargeysa.” (Maxamed, 2017) “Guryahan waxa lagu dhisi jiray dhagaxaan, Sonkor & Nuurad. Dhulka xeebta ah milixdaa cunta dhismayaasha waadiga arkaya wali way taagan yihiin.” (Maxamed, 2017). Madaama ay magaaladu ahayd magaalo ganacsiyeed waxa ku taalay dakad yar oo ay doonyuhu kusoo xidhan jireen oo loo jeexay gacan, gacankaaso oo ku aadanaa dooxa waaheen intiisa u galbeedaysa. Dakadaas oo laf dhabar u ahayd isku socodka ganacsi oo wax ka dhoofi jireen waxna ka soo dagi jireen. ”maalin walba waxa dhinac walba kasoo galayey ilaa 500 oo awr ayuu aabahay yidhi, waxay keeni jireen waxyaabaha ay ka midka yihiin Fooxa, Malmalka, Muqumada, Baalgoreyga, Subaga IWM, halka ay doonyuhuna keeni jireen Timirta, Dharka, Sonkorta & agabka dadku istimcaalo oo laysku badalan jirey. Odeyadu waxay yidhaahdeen waxay magaaladu si degdega ugu camirantay waxay suuq u ahayd dhulkan galbeedka oo aad dadku aad u camiran yahey ilaa Etoobiya ayey suuq u ahayd.” (Gaydh, 2017) Haddaba magaaladani sidii ay u camirnayd ayaa markaliya laga kala yaacay, maxaa sababay baa,bii magaalada Bullo-Xaar? Xilim ayey se ahayd goorti laga guuray magaaladani. “Dagaalkii koobaad 1aad ee aduunka 1914kii, bad xidhankii ayaa baabi,iyey, waxa u raacday abaar aad uxun xun baa ka dhacdey 1920-1922kii ayaa sababay. Markii danbana Hargeysa ayaa aasaasantay.” (Gaydh, 2017). “dagaalkii 2aad ee dunida ayaa bilaabmay xiligaa Bullo-xaar baaba’eedu kama horeyn 1939 ka bilaw waxa istaagay isu socodkii ganacsiga. Wadooyinkii baa go,ay markaa dadkii waa ka guureen.” (Ibraahim, 2017) Magaalada Bullo-xaar waxay wakhtiyadii dhexe caan ku noqotay wax barashada, iyada oo laga hirgaliyey 1964 kii iskuul ardeydu dagto (Boarding school) kaas oo kamid noqday dugsiyada noocan ah kuwii hir galay soona saaray ardey badan. Halkaas oo ay ardeydu aad ugu soo dhismi jirtay. “waan xasuusanahay caruurta waxa la siin jiray maalina hilib Riyaad maalina kalluun, ilma walbana waxa lasiin jiray koob caano ah. Cuntadaa dheeliga tiran leh waxay sababtay in maskaxdoodu aad bay u koraysaa, aasaaska ayey waxbarashadu ka dhisantaa, haddii aasaasku wanaagsanaado inta kalena way la wanaagsanaanaysaa” (Maxamed, 2017). Waxan ka mid ahaa ardeydii wax ka baratey Dugsiga (boarding) ka ahaa ee magaalada qadiimiga ah ee Bullo-xaar, waxa jiray afar fasal uunbuu ahaa iskuulku, waxaana u sareeyay fasalka afraad. Waxa kasoo baxay ardeyda ugu wanaagsan guud ahaan dalka dugsigan” (Ibraahim, 2017) . Sidoo kale Bullo-xaar waxay caan ku ahayd beertii Timirta oo uu aasaasay Ingiriisku 1948kii, beertaas oo ay tiradeedu gaadhay ilaa 10,000 oo geed oo markii danbe dalka dibadiisa loo dhoofin jiray. Beertaasi waxay baaba,day 1988-1991kii wakhtigii dagaaladu ka socdeen wadanka. Balse waxa ay maamulka Bullo-xaar iyagoo la kaashanaya wasaaradda Horumarinta beeruhu dib u bilaabeen beertii Timirta. Si uu mashruucaasi u hirgalo waxa uu deegaanku u baahanyahey in gacan laga siiyo si uu noqdo mashruuc balaadhan oo ku filnaada dalka lana dhoofiyo mustaqbalka. Masnooyinka Bullo-xaar Bullo-xaar waa magaalo xeebeed leh bad aad u nadiif ah oo kusoo baxaysa dalxiiska iyadoo ay u waheliyaan raadadka taariikhda faca weyn leh ee ay leedahay, waa magaalo dalxiiseed qurux badan dhan kastoo loo dhigaba. Sidoo kale badda Bullo-xaar waxa ay hodan ku tahey noocyada kala duwan ee Kalluunka oo meel dhaw laga soo jillaaban karo. Bullo-xaar waa meel beero laga beeri karo oo waxa mara dooxa weyn ee Waaheen, dooxaasi oo ay iskugu yimaadaan dooxyo badan, dabadeedna halkaa uu kaga darsamo badda. Halkuu dooxa waaheen bad waqooyi kaga daro Waadigu hakula tago walahaan kugu raran Axmed Cali Cigaal & Khadra Daahir dooxaasi oo biyihiisa looga faa,iideysan karo beero & meesha oo ah carro san ay si fudud waxyaabo badan uga bixi karaan biyaha badan ee badda iskaga darsamayana ay u baahan yihiin in la xidho si abaarahan soo noqnoqonaya looga hortago. Sidoo kale deegaankani wuxu caan ku yahey dhaqashada xoolaha kala duwan sida Geela & Adhiga oo ay jiraan meelo aan Adhiga & Geela midna meel fog loo daaqgeyanayn ee ay kambalka reerka baad & biyaba ka helayaan. Meelahaa waxa ka mida dooxaada Wiriir. aan ina xasuusiyo muuqaal qurux badan oo ay ina tusaysay hees uu sameeyay Xasan X.Cabdillahi (ganey) oo uu qaado Xasan Aden Samater. Dalsankii Wiriiroo Xili roobku di,I jirayeey Dambarsamuhu ku onkoday Darantuna ugbaad tahey Oo ramadku dayr dhalay… Waxa kale oo uu deegaankan & deegaano kale oo u dhaw ay caan ku yihiin geedka loo yaqaan Kullanka oo afka ingiriisidana lagu yidhaa (Argan), geedkaas oo siyaalo farabadan looga faa,iideysto. “Geedkan saddex noocbaynu uga faa,iideysanaa intaan ogahay. Mar waa la Dhuwamaa inta la dubo ayaa la cunaa, marna waa la qalajiyaa oo beerkiisa ayaa saliid laga sameeyaa, marna waa la kariyaa oo cunto ahaan ayaa loo isticmaalaa.” (Maxamed, Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar, 2016) Geedka Kullanka oo midhihiisa laga sameeyo saliid aad u qaaliya & shaambooyo, waxa caan ku ah wadanka Marooko oo aad uga faa,iideysta sheegtana in uu wadankooda oo kaliya ka baxo. Geedkani wax daryeela kuma haysto deegaanka uu kuyaal cidina ma beerto, waxa uu u baahanyahey in la tarmiyo oo beero waaweyn laga sameeyo wax soo saar & warshadayna laga bilaabo. Sidoo kale waxa deegaanka ka baxa geedka loo yaqaan Xudhuunka oo ah geed ay geelu daaqaan, geela daaqa geedka xudhuunka caanihiisa afkaa ka qaadi maysid. Dadka yaqaanaa waxay ku odhanayaan geel Xudhuun daaqay caanihiisa isoo lis. Iskusoo wada duuboo way yartahay in aduunka gabi ahaantiisba meel kaliya laga wada helo Beerihii, Xoolihii, Kalluunkii, Dooxyadii & waliba Quruxdaa dabiiciga ah ee bad & banaan ba leh. Waa nimcooyin badan oo is barkan isla jeerkaasna dihin. Duruufaha yaala magaalada Bullo-xaar Kollay duruufo fara badan waa ka jiraan goobtaa sidaan kusoo arkay ee aan ka wareystay dad xog ogaal ah oo deegaanka degan balse kuwa ugu sii waaweyn ee ay aad uga cabanayaan waxa ka mid ah Geedka Garanwaaga Magaaladan waxa aad u hadheeyay geedka “Garanwaaga” aynu u naqaano, afka ingiriisadana lagu yidhaa “Prosopis julifora” oo runtii aad ugu fiday wadanka gabi ahaanba, geedkan oo lagu sheego geedaha aan deegaanka u wanaaganayn isla jeerkaasna la dagaalama dhirta kale ee deegaankaa ka baxda. 1960 kii waxa lagu ogaaday geed ku yaalay saxaraha Arizona in xidadiisu ay hoos dhulka u gaadheen ilaa 53 Mtrs. Taasi oo ka dhigaysa geedkan geedaha ugu xididka fog, isla markaana uu meel fog oo dhulka hoostiisa ah ka doonan karo biyaha, taasina ay keenayso in uu geedaha kale ka adkaysi badnaado (Phillips, 1963). Sidoo kale geedkani waxa uu bixiyaa siidh maalaayiin noqonaya taasi oo xooluhu markay daaqaan ay gaynayaan meelo fogfog amaba dabayshu qaadayso oo uu aad ugu fidayo deegaankii isla wakhti yar gudihiina uu ku baxayo. Haddaba geedkan ayaa qariyey in badan oo kamid ah magaalada Bullo-xaar gaar ahaana dhismayaashi duuga ahaa ee taariikhda & tixraaca laga sameynayay kuwaas oo haddii aan waxba laga qaban dhawrka sanno ee soo socda gabi ahaanba uu qarin doono geedkaasi. Biyo Qadhaadh ama Adag Magaaladan nolosheeda waxa adkeeyay biyaheeda oo ah kuwo adag ama qadhaadh sidii aynu ku haynay magaca Bullo oo ah biyihii adkaa ama qadhaadhaa. Biyahaasi oo ay adagtahey in ay dadku u adeegsadaan cabitaan. Waa caqabadaha u waaweyn ee haysta magaaladan. Adeegyada aasaasiga ah Bullo-xaar way leedahay goob waxbarasho oo hoose/dhexe, xarunta dhalaanka & hooyada, saldhig balse uma dhamaystirna amaba ma gaadhsiisna heerkii loogu talo galey. Xanaanada Bullo-xaar waxa ay u shaqeysaa deegaano u jira ilaa 50 Km haddana malaha Umblance. Soo Jeedin Magaaladani waxa ay leedahay khayraad badan oo wadanka dhaqaalihiisa wax ka badelli kara haddii si cilmiyaysan looga hawlgalo, qorshe wax ku ool ahna loo dajiyo. Waxa aan soo jeedin lahaa in daraasad cilmiyeed laga sameeyo xaalada dhabta ah ee magaaladan isla markaana la maal galiyo lagana hirgaliyo mashaariic beereed waaweyn, madaama biyo xaddigoodu badanyahey ay keenaan dooxyada deegaanka mara, sidoo kalena laga faa,iideysto kalluunka badan ee badda ku yaal. Dalxiiska kor loo qaado oo la maalgaliyo. Mashaariicdaasi waxa ay saameyn ku yeelan karaan guud ahaanba dhaqaalaha wadanka, waxa laga yaaba in ay hoos u dhigaan shaqo la,aanta baahsan ee aynu ka cabano. Hibo Ciise Maxamed hibafaakhir@gmail.com References Gaydh, A. C. (2017). Arday wax ka baran jiray Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer) Ibraahim, C. (2017). Ardeydii wax ka baratey Dugsigii Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer) Maxamed, I. X. (2016, November). Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar. (C. Hereri, Interviewer) Maxamed, I. X. (2017). Guddoomiyaha Magaalada Bullo-xaar. (SLNTV, Interviewer) Phillips, W. S. (1963, April 01). Depth of Roots in Soil. Qaran News
  11. Wajiga Cusub ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Isbadalada Ka Socda Gobolka Maxaa Fursado ugu Jira Somaliland? Qore: Abdinasir Ibrahim Saacadaale 12/12/2018 Haatan ka hor, istiraatijiyadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraynkanka ee ku wajahan dunida inteeda kale, gaar ahaan dunida saddexaad waxa ay ahayd mid ay xuddun xoog u ahayd arrimaha ay ugu waaweynyihiin la dagaalanka argagixisada iyo fidinta dimuqraadiyaddu. kuwaas oo inta badan halbeeg u ahaa cidda (dawladaha) iyo waliba nooca macaamilka uu la yeelanayo.. Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata hadda in maamulka cusub ee Maraykanku u arko in ay arrimahaasii ahaayeen qalad laga galay kala hormarinta sida arrimuhu ugu kala muhiimsanyihiin mustaqbalooda isla markaana ay dabreen horumarka Maraynkan iyo waliba in ay keeneen in dalal tartan kula jiraa uga dheereeyaan meelo badan oo dunida ka mid ah oo ay ka mid tahay qaaraddan Afrika iyo waliba Aasiya. Taa waxa dheer in lagu hungoobay dimuqraadiyaddii la rabay in laga hirgaliyo dalal badan oo dunida saddexaad ah iyada oo ay caddaatay in aan dimuqradiyad macno lihi ka suuragalayn dalalka soo koraya ka hor inta aan aqoonta, dhaqaalaha iyo dakhliga dadyawgaas wax la taaban karaa iska bedalin. Halkeebuu ku dambeeyey Gu’gii carabtu (Arab Spring)? ayaa ah su aasha taagan. Iyada oo dhanka kalena la isla garawsaday in arrinta argagixisadu tahay mid ka dhalanaysa nooca nidaamyada maamul ee jira iyo heerarka liita ee nololeed ee dadka dalalkaa ku nool isla markaana ay tahay arrin aan si fudud looga faraxalan karin muddada dhaw. Dhanka kale, waxa isbedal muuqdaa dhawaanahanna ka dhacayay dhanka baahsanaanta awoodda (power distribution), oo waxa soo afjarmayay dunidii “qudbiga” kaliya lahayd. Taasi waxa ay keentay in Istiraatijiyadda cusub ee Maraykanku xisaabta ku darsanaysa dunida haatan jirta ee ka duwan tii hore oo ah duni ay ka jiraan tartamo xooggan oo dhinacyada dhaqaalaha iyo hubka ahi. Tijaabadii Ruushka ee dhawaan ee gantaalo shan goor in ka badan ka dheeraynaya xawaaraha codka, qabsashadii Ruushka ee Georgia, tii dhawaan ee qaybo ka mid ah Ukraine, xaaladda haatan ka aloosan Badda Madow, iyo sida firfircoon ee uu haatan Ruushku ugu lug yeeshay siyaasadda Bariga Dhexe. Marka lagu daro horumarka badan ee uu Shiinihu ka sameynayo dhinacyada dhaqaalaha iyo ciidanka iyo sida ay saamayntiisu ugu sii fidayso dunida inteeda kale iyo gaar ahaan qaaradaha Afrika. Arrimahan ayaa ah kuwa qasbay in dib u eegis lagu sameeyo istiraatijiyaddii siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraynkanka iyo hannaankii uu hore dunida soo koraysa ugula macaamilayay. Hadaba, istiraatijiyadda cusub ee Meraykanku waa mid aan sidaa ugu sii sidkanayn xuquuq aadane, argagixiso la dirir, kalitalisnimo-diid iyo ilaalinta deegaanka- oo ahaa istiraatijiyado ku salaysan nooc isla toosni iyo dhamaystirnaan ( self-righteousness) ah. Istiraatijiyadda cusubi waa mid ka duulaysa su’aasha ah danta Maraynkan halkay ku jirtaa? Dilkii Khashogi iyo sida uu uga jawaabay ayaa tusaale nool u ah baaxadda isbedelka dhacay isaga oo Trump muujiyay in su’aalaha anshax iyo kuwa xuquuqda aadane ee la xidhiidha dilkii wariye Khashugi ay ka muhiimsantahay xidhiidhka dhaqaale iyo ka amni ee ka dhexeeya maraynka iyo Sacuudi Carabiya. Sidoo kale, Isbadalkaa ku dhacay istiritaajiyaddii siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka waxa aad looga dareemi karaa mandaqaddan aynu ku nool nahay ee Bariga Afrika oo dhawaanahan isbadalo isdaba joogi ka dhacayeen, gaar ahaan waddamada Jabuuti iyo Itoobiya. Jabuuti Waxa la khadiday lana dhaqangaliyay qaabkii loo yareyn lahaa doorka Jabuuti, oo ah dal si wayn ugu gacan galay shiinaha muddooyinkan dambe, ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ee ay gobolka ku lahayd. Waxa la abuuray gaashaanbuur cusub iyada oo cunaqabatayntii iyo go’doomintii laga qaaday Eritrea lagana qayb galiyay siyaasaddii iyo dhaqaalihii gobolka. Waxaana sidan la yeelay iyada oo aan tixgalin badan la siin walaacyadii iyo muramadii dhanka xuduudaha ahaa ee kala dhexeeyey Jabuuti habayaraatee…. Intaa waxa dheer, in la ballan qaaday in dhuumo gaasta Itoobiya sida la marin doono marinada badda cas ee Eritrea. Iyada oo arrintan dambena saamayn la taaban karo oo taban ku yeelanayso dhaqaaalaha Jabuuti. Waxa sidoo kale muuqata in loo sameeyey Itoobiya laba marin badeed oo cusub oo ay wax kala soo degto oo ah Somaliland iyo Eritrea si loo yareeyo ku tiriirsanaantii Jabuuti….. Jabuuti waa dal dhaqaale ahaan aad uga faa’iiday is haysigii muddada soo taxnaa ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Eritrea iyada oo 95% waxyaalaha ay Itoobiya la soo degtaa soo mari jireen Jabuuti, waxase haatan muuqata in Jabuuti ay cadaw u noqdeen dalal awood badan oo aanay cadaawadooda mahadin doonin. Itoobiya Waxa isbadal lagu sameeyey maamulkii Itoobiya iyada oo laga dhisay maamul aad ugaga dhaw reer galbeedka kii ka horeeyey ee Shiinaha aad ugu xidhmay. Isbedelka ku yimi talada Itoobiya waxa uu qayb ka yahay dadaalo ay Washington ugu jirto in wax ka badal wayn lagu sameeyo Geeska Afrika iyada oo laga fogaynayo saamayntii dhaqaale ee Shiinaha oo uu suurogaliyay maamulkii uu Tigreegu hormuudka ka ahaa. Xidhiidhka dhaw ee uu danaynayo in uu Maraykanku la yeesho Itoobiya maaha mid ku eeg kaliya heer federal, waxaase muuqata in uu danaynayo in uu xidhiidhkaa hoos ugu soo daadejiyo heer gobol iyada oo uu xidhiidho la samaynayo maamulada qawmiyadaha kala duwan. Waxa taa marag u ah safarkii mar aan sidaa u sii dheereyn uu safiirka maraynkanka u fadhiya Addis Ababa ku yimi xarunta ismaamulka Soomalida Itoobiya oo ah gobol gaas dabiici ah oo badani ceegaagto iyo farriintii iyo ballamihii ay xambaarsanayd booqashadaasi. Si kastaba ha ahaatee, in isbadaladan xooggooda uu Maraykanku wado macnaheedu maaha in aanay Itoobiya iyana dhinacadeeda hoos wadan damacadeedii gaar ka ahaa iyo doonisteedii ahayd in ay iyana isku sii ballaadhiso manadaqadda dhul ahaan iyo siyaasad ahaanba. Dhanka kalena, waxa uu Maraynkanku xodxodosho iyo soo dhawayn kuwaa hore la mid ah ku wadaa dalalka Sudan iyo Kiiniya iyada oo lagu wado labadanina in ay qayb muhiim ah ka noqdaan xulufadan cusub ee siyaasad-dhaqaale ee laga unkayo Bariga Afrika. Hassan al Bashiir, madaxwaynaha Suudaan oo haatan ka hor ahaa kali taliye xasuuqyo ku eedaysan oo Maxkamadda Adduunka ee dambiyadu raadinayso ayaa haatan ku sugan Itoobiya isaga oo qayb ka ah madaxda bariga Afrika ee mid mid xayndaabka Washington loogu soo celinayo. Waxa Iyana mashaariic lacag aad u badani ku baxayso oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah uu Maraykanku ka hirgalinayaa dalka Kenya oo uu haatan ka hor Shiinuhu jidad tareen iyo wadooyin waaweynba hore uga dhisay. Fursadaha Horyaalla Somaliland Dabaylahan isbedel ee haatan dunida ka dhacayaa waa qaar dan badani ugu jirto Somaliland. 27kii sanno ee u danbaysay qadiyadda madaxbannaanida Somaliland waxa ay ahayd mid ay isku tuurtuurayeen reer galbeedka oo talada dunida ku kali ahaa iyo Qaaradda Afrika. Iyada oo marka horeba ay khalad ahayd in loo soo riixo qadiyada madaxbanaanida Somaliland Qaaradda Afrika laba sababboodba awgood. Waa ta koobaade madaxda Afrika halka looga talinayay waxa ay ahayd caasimadaha waaweyn ee reergalbeedka oo kamay madaxbannaanayn taladoodu cidihii hore u gumaysan jirtay. Arrinta labaad ayaa iyana ahayd in aanay dalalka Afrika intooda badani ahayn dalal xasilan. Dal walba waxa ku dhexnool umado si ama si kale aan ugu qanacsanayn sida ay wax u socdaan oo raadinaya fursado aayo ka tashi. Waana sababtaa ta keenaysay in aanu jirin dal Afrikaan ah oo ku dhiirada in uu noqdo ka koobaad ee ictiraafa Somaliland, isaga oo dalwaliba tiisu inay kala daadato ka baqayay. Haddaba, haddii aanu reergalbeedku arrinta dabada aad uga riixayn, Afrikana xaaladda ay ku jirtaa aanay saamaxayn in ay dhiirigaliso kala tagga Somaliland iyo Soomaliya, arrintu saw may ahayn uun in Somaliland la marin habaabiyo oo ay daasho? Haddaba marka la fiiriyo xaaladda haatan taagan, labada wax ee dhacay ayaa ah in taladii reergalbeedka dad dan ka hadlaya oo aan ka hadlayn afkaar waaweyn iyo falsado geedsare-waab ahi ay yimaadeen; iyo in aanay dunidii sidii hore kali ugu ahayn reer galbeedku ee cido la kala doortaa meeshii yimaadeen. Marka ay sidaa tahay, talada u weyn ee Somaliland hortaalaa waa in ay dib u eegis ku samayso qaabkii hore ee qadiyada loo iibgeyn jira iyo in dibu eegis lagu sameeyo cidda laga iibinayo. Somaliland wax ay u baahantahay in ay fahanto in qiimahadeedu ku qotomo labada arrimood ee ah halka ay ku taalo dhul ahaan iyo arrinta labaad oo ah khayraadkeeda dabiiciga ah. Waana labadaa labada ay tahay in suuq gaynta cusub lagu saleeyo iyada oo aan waliba la soo koobayn albaabada la garaacayo ee loo dhigayo in ay Somaliland wadahadal la galayso cid kasta oo ay danteeda ka dhex aragto Marka sidaa xaal yahay, meel wax laga sii bilaabi karo ayaa ah wajiga koobaad in xoogga la saaro London/Brussels iyo Washington oo la yareeyo kharashkii ku bixi jiray Afrika iyada oo labadaana loo marayo “Lobby groups” weliba gaar ahaan Washington. Washington waxa maanta ka taliya ganacsato, waxaana saameyn badan ku leh shirkadaha saliidda qoda iyo kuwa u ololeeya! Haddaba, Si dadaalka reergalbeedka la galinayaa isna midho dhal u noqdo, waxa ay tahay ay jiraan iyana dadaalo laga samaynayo caasimadaha Beijin iyo Moscow, waxaanay xoojin doontaa arrintan dambe gorgortanka kuwa hore. Marka la soo urusho, waxa Soomaliland hor yaala waxyaalo badan oo ay kala dooran karto iyo wax badan oo ay iibin karto, waxaase run ah in aan doodii hore ee ahayd doorashaan qabsannaa iyo argagixisaan la dagaalanaa aanay sii iibgalayn! Sidoo kale, waxa run ah inaanay laba arrimood midna Soomaliland ku gaadhayn ujeedadeeda: u baarri ahaanshihii reer galbeedka ee bilaa shuruudda ahaa, iyo ku dhex wareeggii Afrika. Mar labaad fursad weyn ayaa Somaliland hortaal, su aashu se waa ma ka faa’iidaysan doontaa oo ma akhrin kartaa dabaylaha isbadal ee dunida ka dhacaya xilligan? . Qore: Abdinasir Ibraahim Saacadaale: Bare Jaamacadeed iyo Cilmi baadhe ka tirsan Mac-hadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada ee “HIPPSOR” oo xaruntiisu tahay Hargiesa, Somaliland Email: abdinasir.ibrahim@hippsor.org/ info@hippsor.org, AMA saaco6@hotmail.com, Tel. 252-63-4017979 www.hippsor.org Qaran News
  12. Kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo oo ka mid ah naadiyada ugu weyn dalka ayaa waxaa xilkeeda macalimino loo magacaabay Axmed Tahliil Cali oo horay u ahaa kabtanka naadiga sanadihii lasoo dhaafay. Waxaa soo maray ciyaaryahano badan L.L.P Jeenyo tan iyo aas aaskeedii 2012 xidigihii halkan kusoo caan baxay waxaa ka mid Maxamuud Mayman,Cabdi Casiis Catoosh,C/qaadi Daandii,Aadan Gabyow,Mustaf Nakuja,Daa’uud Tubaal,Feysal Xasan Xaashi iyo laacibiin kale oo aad u tira badan kuwaas oo iminka ku sugan dalka iyo dibada. Bartamahii bishii April 2017 waxa ay kooxda sheegtay in ay ka baxday ka qeybgalka horyaalka Somali Premier League,balse da’daalo ka imaaday madaxda iyo ciyaaryahanada iyo taageerayaasha ayay dib ugu soo laabtay tartamadda kubbadda cagta gudaha. 29-December 2017-wasaarada howlaha guud iyo guryeenta Dowlada Fedraalka ayaa dib usoo celisay kooxda Jeenyo waxaana wasiirkii hore ee wasaarada howlaha guud iyo goryeenta Saadaq Cabdullahi Cabdi uu sheegay hadii uu joogo xafiiska iyo hadii kalaba uu taageerayo magaca taariikhiga ee L.L.P Jeenyo intii joognay xafiiska waxa uu ku guulaystay mataaneeynta kooxaha Anataalaya oo ka dhisan Turkiga iyo L.L.P Jeenyo oo ka mid naadiyada ugu waaweyn kubbadda cagta dalkeena. Tan iyo kooxda markii uu ka tagay tababare Salaad Faarax Xasan dad badan ayaa sheegay in maqaamkii Jeenyo ay hoos u dhacday,balse kolkii ay soo baxday in Axmed Tahliil uu la wareegay xilkii macalinimo waxaa soo noqotay kalsoonida taageerayaasha iyagoo mustaqal wanaagsan u rajeeynaya layliyahooda cusub. Tahliil Inta Uu Ku Sugnaa L.L.P Jeenyo Maxaa U Qabsoomay Kooxda Gaheyr ayuu 2010-kii kula guuleestay horyaalka heerka labaad,iyagoo kolkaa ku qaaday guul daro la’aan ama (Am Beating). Maarso 2012 waxaa dib loo soo celiyay kooxda L.L.P Jeenyo ama Jeenyo United Axmed Tahliil waxa uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii lagu aas aasay wuxuuna la qaaday 2-koobka oo Jeneraal Daa’uud 2014 iyo 2016,Somali Super Cup 2014 iyo labo koob oo ah xusida 15-May. Inta Jeenyo u dheelayay ma uusan qaadan kaarka gaduun ama (Red Card) sidoo kalane waligiisa kooxdiisa ama xiriirka kubbadda cagta kalama uusan kulmin wax ciqaab ah ama ganaax taasina waxa ay cadaynaysaa da’daalkiisa horomarineyd ee xirfadiisa kubbadda cagta wuxuuna ka mid yahay haldooradii ugu wanaagsanaa ama ugu safashada badnaa L.L.P Jeenyo. Waajibaadka Xulka Qaranka Dalkiisa 2010 waxaa loo magacaabay ciyaaryahanada 17-jirada xulka qaranka ee Ocean Stars ee aaday dalalka Qatar iyo Masar isla sanadaa 2010 Axmed Tahliil waxaa loogu yeeray 20-jirada oo tartan ugu qeyb galay dalka Jabuti. 2012 kooxda kubbadda cagta Saxafi oo iminka ka dheesha horyalka heerka labaad ayuu u raacay wadanka Komoros oo lagu qabanayay koobka Jamaacada Carabta wuxuuna ka mid ahaa xidigihii caawinayay kooxda Saxafi FC. 2012–Axmed Tahliil Cali waxaa ka mid noqday xulka qaranka waaweyn ee ka qeyb galayay tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee marti geliyay wadanka Uganda wuxuuna lasoo shaqeeyay tababarayaal iyo ciyaaryahano kala .gedisan sanadihii kala duwanaa oo ka mid ahaa safka xulka,isagoo yeeshay saaxiibo badan. 2013-Tahliil waxaa loogu yeeray ka mid noqoshada xulka qaranka ee ka qeyb galay ciyaarihii Bariga iyo baratamaha Afrika ee ka dhacay dalka Kenya. 2014-2016-Wuxuu ka mid ahaa waajibaadka qarankiisa,balse tartamadii loo qorsheeyay in ay ka qeyb galaan ayaa u baaqday celado farsamo wixii intaa ka danbeesay Tahliil kama uusan kasoo muuqan,isagoo kaalin wacan ka qaatay dhiiri gelinta da’yarta soo koraysa ee dhinaca ciyaaraha. Ka Hor Xilka Macalinimo Horayn Ma Usoo Noqday 2014-Axmed Tahliil waxa Macalin u noqday kooxda Degmada Warta Nabadda ee ka qeyb gashay ciyaarihii kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir waxa uu soo saaray xirfadlayaal tiro badan oo ka mid yahay Feysal Xasan Xaashi. Tahliil waxa uu ka qeyb qaatay guulaha laacib Feysal Xasan Xaashi markii uu kasoo baxay degmada Warta Nabadda waxa uu ka dhaa dhicyay keenida L.L.P Jeenyo waxa uu halkaa ku noqday (Super-Star) fasal ciyaareedkii kowaad waxa kooxda guulaystay gool dhalinta horyaalka Somali Premier League wuxuuna ku qaaday 17-gool isla sanadkaas Feysal waxaa loogu wacay xulka qaranka 20-jirada sanadii 2016. Isla dhamaadka sanadii 2016 Xaashi waxa uu kooxda Jeenyo la hantay koobka Jeneraal Da’uud waxayna L.L.P kaga guulaystay Banaadir SC oo iminka loo bixiyay magaca dowlada hoose ee Muqdisho wixii intaa ka danbeesay Feysal Xasam waxaa diirada uu noqday naadiyada waaeyn ee kubbadda cagta gudaha ugu danbeyna hadafkiisa ahaa hanashada horyaalka kubbadda cagta ayuu la qaaday kooxda Dekedda fasal ciyaareedka 2017-2018.isagoo dhanka kale Booska 2aad ka galay gool dhalinta horyaalka Somali Premier League. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababare Axmed Tahliil Cali W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  13. More details are emerging from a heavy fighting took place in the past 24 hours in parts of Bakool region in southern Somalia. The battle which was intense has broken out between Al-Shabaab militants and Ethiopian forces serving with African Union mission in Somalia [AMISOM]. The fighting erupted when Al Shabaab fighters launched an ambush attack on a convoy of Ethiopian forces in the vicinity of Wajid district in the region. Al-Shabaab claimed victory over the attack, saying its fighters inflicted casualties on the Ethiopia troops but did not confirm the number of the fatalities. There is no word from Ethiopia and government officials about the fighting and the attack. The situation is calm this morning, however, the government and Ethiopian troops were reported to be making movements around the town of Wajid following the attack. The post Al-Shabaab ambushes Ethiopian military convoy in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in looga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda inay qeyb ka ahaayeen mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Arintaasi ayaa sababtay in xoghayaha Guud baarlamaanka uu soo saaro warqad uu ku cadeynayo inuu buray mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, kadib markii 14 xildhibaan laga jaray tirada xildhibaanada mooshinka horey u gudbisay. Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa dhankooda arintaasi ka jawaabay, waxayna sheegeen in aysan jirin xildhibaano laga been abuurtay, xildhibaan walbaana uu ka laaban karo mooshinka balse aan laga aqbaleyn inuu isaga been kale sheego. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay ay horey u saxiixeen mooshin ka horeeyay midka hadda laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana la hayay saxiixyadooda. Mooshinkaasi ayaa ahaa mid la diyaariyay sanad ka hor, xiligaasi oo aheyd markii la weerarayay gurriga Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, laakiin aanan sii socon, waxaana xiligaasi la helay saxiixyada qaar kamid ah xildhibaanada hadda shaaciyay in laga been abuurtay. Warqadaha xiligaasi mooshinka lagu saxiixay ayaa waxaa hayay shaqsiyaad kamid ah xildhibaanada hadda horboodaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, sida xogaha aan ku heleyno. Laakiin xildhibaanada mooshinka hadda wada ayaa sheegaya inaysan jirin cid lagu qasbay saxiixa mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, islamarkana saxiixyada aysan aheyn kuwii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. When UK sporting equipment company Harrod Sport read about the plight of the Somaliland team, it wanted to step up and assist… Wembley, Paris St Germain’s Parc des Princes, the Stade de France and Real Madrid’s Santiago Bernabéu stadium all have them. So do most Premier League clubs. And now, so will the Somaliland national stadium in Hargeysa. Somaliland What do they have, you might well ask? Well, all of these famous grounds and clubs have their goals and posts supplied by Harrod Sport – one of the UK’s top manufacturers of sporting equipment, who’ve been making top-quality kit since 1954. And when the company read about the plight of the Somaliland team on BBC Sport, they simply couldn’t stand by and do nothing. Kate Pasque, Harrod Sport’s sales and marketing executive, said, “We couldn’t not get involved with something we believed would help Somaliland and the future of football there.” Somaliland is a member of CONIFA and has long struggled for recognition as a team in its own right. The region is an independent state, but is not recognised as such by any other country; Somalia still declares Somaliland as an autonomous region. The BBC Sport article highlighted the difficulties faced by those assisting the football teams in the area; working in a region where poverty is rife and people get by on an average wage of $347 a year. Football is trying to change all of that, and news that the Somaliland national set-up is due to receive – free of charge – Harrod 3G Stadium Goals, along with a Harrod 3G Hanging Net Support system, a bottom-hinged net support and box net is incredibly exciting for those aiming to improve things for the local footballers. Ilyas Mohamed, founder and president of the Somaliland Football Association explains: “This donation means a lot to the development of football in Somaliland. Since the Somaliland Football Association was formed, we have sparked and spearheaded the modernisation of football in Somaliland. This donation will help us make hosting international matches in Somaliland a reality. The goals currently installed at the national stadium in Hargeysa or elsewhere in the country do not fit international requirements.” It’s a remarkably generous gesture from the company, who have recently set up The Ron Harrod Foundation. The foundation provides funding for sportspeople under 25 to help them continue to compete in their chosen sport, and while it’s currently only available to those based in Norfolk and Suffolk, the company aim to to expand over the years to assist multiple young athletes across the UK. And while The Ron Harrod Foundation might be focused on UK-based talent, worldwide causes such as the Somaliland team are also where the company can see its help having true on-the-ground effects. Kate Pasque explains. “The quote in the BBC Sport article, ‘We think every young person should have the opportunity to play football’ really rung true with us at Harrod Sport. We had no intention of stretching our funding pot further this year, especially halfway across the world! However, reading that one in 11 children in Somaliland do not survive to their fifth birthday made us all at the company want to help in any way we could to give hope to the children for their future and their future in football. Providing equipment to a pitch that children will strive to play on, and, in turn, inspiring hope, is everything The Ron Harrod Foundation represents. “At Harrod Sport, we are hopeful that with the addition of our Stadium Goals, we can contribute to the tireless work of everyone involved with the Somaliland national team and CONIFA and, in a small way, help Somaliland go on to represent themselves at an international level, bringing happiness to the country.” Ilyas Mohamed has no doubt this is the case. “The association is very grateful to The Ron Harrod Foundation. It’s a wonderful and generous donation. We are excited about the future and cannot wait to host Somaliland’s first international match on home soil. “With these goals we hope to continue inspiring a nation, a new generation to use football as a way to communicate and connect with the rest of the world.” Qaran News
  16. The Upper House of Somalia’s Federal parliament started significant efforts to resolve the dispute between the speaker of the Lower House chamber and the country’s president. Senate chairman, Abdi Hashi Abdullahi, has held various meetings with Mohamed Mursal, the speaker of the House of the People in and other government leaders in Mogadishu. The meetings focused on ways to achieve a real solution to ongoing political tension in the country after MPs tabled impeachment motion against President Farmajo this week. The Senate has been working in the past on the mediation between the central government and the Federal Member states who are in deadlock over national resource-sharing and foreign aid. Hundreds of people took to the streets in Mogadishu on Monday in protest against the move aimed to oust the president by the members of the Somali parliament. The post Senate speaker begins efforts to defuse current political turmoil appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Afgooye ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun Toogasho ah ku fuliyay illaa 3 Qof oo ay horay xukun ugu riday Maxkamad hoostagta Al Shabaab. Saddexda Qof ee la Toogtay ayaa 2 ka mid ah waxa ay ahaayeen Askar ka tirsanaa Ciidanka dowladda, halka midka kalena uu ahaa Oday Dhaqameed wax ka soo xulay BFS. Raggani ayaa lagu toogtay Fagaare ku yaalla deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose. Shaqsiyaadka la Toogtay ayaa kala ahaa:- 1-Maxamad Tifow Abuukar oo 59 jir ah, kana mid ahaa Ergadii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. 2- Maxamad Cabdullaahi Abuukar oo ah 29 jir, ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.. 3-Maxamad Faarax Aadan oo 28 jir ah, kana tirsanaa cCidamadad dowladda federaalka Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo saddex Qof ku toogtay gobolka Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawaladda iyo shaqaalaysiinta ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland. Shirkaan ah mid bishii mar la qabto isla markaana looga arrinsado shaqooyinka machruuca CIP ayaa waxaa looga hadlayey dejinta qorshe hawleedka sannadka 2019-ka ee hay’adaha ka faaiideysanaya mashruuca iyo baahiyaha shaqaale ee ay soo gudbiyeen hay’adaha dawladdu. Dhammaan masuuliyiihinta hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca oo goob joog ka ahaa ayaa dood dheer ka galay qorshe hawleedka 2019-ka iyo dhammaystirka baahiyaha shaqaale ee ay u baahan yihiin hay’adaha dawladdu. Sidoo kale waxa dib loo milicsaday shaqooyinkii lasoo iyadoona laysla qaatay in ilaa iyo hadda shaqooyinka soo qabsoomay ay badankooodu guul kusoo dhammaadeen iyagoo fuley waqtigii loogu talo galay. The post Shirkii Billaha ahaa ee guddiga Fulinta Mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya. Kulamada ka dhacay Villa Somalia ayaa xooga lagu saaray sidii loo xalin lahaa mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xalinta arintaan ku biiray siyaasiyiin xilal kala duwan horey dalka uga soo qabtay. Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee baarlamaanka ku jiro, waxaana loo xilsaaray qaarkood kala furfurida xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha. Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in xildhibaanada sida adag ugu taagan mooshinka ay gaarayaan ilaa 50 xildhibaan inta kalana ay yihiin kuwo aan la isku haleyn karin, sida xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen. Xildhibaanada sida adag mooshinka u riixaya ayaa sheegay in xildhibaanada sheegay in laga been abuuray magacyadooda ay ka baqeen caga jugleyn lagu sameeyay, balse aysan jirin cid ka been sheegtay. Xildhibaanada mucaaradka ayaa dhankooda kulamo kala duwan yeelanaya, waxaana ay ka tashanayaan sidii aan loo kala dhantaali laheyn, waxaana ay doonayaan in dood adag laga yeesho mooshinka. Kulamada kala duwan ee isdiidaya ayaa sii kordhin kara xiisadda ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaase wali socda kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwii mooshinka ka gudbiyey madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cid walbo oo aan shaqo qaban lala xisaabtami doono. Xildhibaanka oo ka qeybgalay barnaamijka baarlamaanka ee Goobjoog aya ka hadlay arrimo badan oo ku aadan mooshinkaan. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa ka hadlay arrimaha ku aadan shaqooyinka guddoomiye ku xigennada oo maalmihii ugu dambeeyey amarro soo saarayey iyadoo uu joogo guddoomiyahii golaha shacabka. Mudane Xasan ayaa sheegay in mooshinkan ay ku badbaadinayaan dalka, islamarkaana wax walbo sharciga ay ku xallin doonaan. Hoos ka daawo muuqaalka: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Ambassador C/salaan Xaaji ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ay keeneen xildhibaanno ka mid ah golah shacabka. Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay madaxweynaha inuu dejiyo xiisaddan siyaasadeed islamarkaana ka hadlo waxa jira. Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintan oo dhan ay ka bilaabatay kala dirista guddigii miisaaniyadda, taasi oo ahayd markii hore in laga fiirsado. Xalka waxa jira ayuu sheegay in looga baahan yahay oo kaliya madaxda xilalka haya iyo sidoo kale waxgaradka. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Munaasabadaan Taariikhiga ah oo hadafkeedu ahaa daahfurka bixinta Ruqsadaha kallumeysiga ee badweynta Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka dalka, Wasiirada Kaluumeysiga iyo shaqada iyo arrimaha bulshada, Safiirada dalalka China iyo Talyaaniga, iyo madax ka socotay Bangiga aduunka iyo FAO. Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay Ayaa sharaxay heshiiskaan iyo waxa uu ku saabsanyahay, wuxuuna dhinaca kale fariin u diray maraakiibta sida sharci darada ah uga kallumeysta badaha Soomaaliya. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in heshiisyadaan laga dhaxli doono shaqo abuur iyo dhaqaalaha dalka oo kobca . Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo daahfuray mashruuca ayaa sheegay in arrintaan ay cadeyn u tahay horumarka uu dalku ku tilaabsanayo, wuxuana intaa ku daray in daqliga mashruucaan kasoo xarooda lagu shubi doono bangiga dhexe ee dalka. Wasiirka kaluumeysiga ayaa ugu dambeyn warqado ruqsado ah u saxiixay shirkado ka socday dalka China, kuwaas oo soo buuxiyey dhammaan shuruudihii laga rabay, arrintaana waa guul kale oo taariikhi ah oo ay gaartay dawladda Soomaaliya maadaama heshiiskaan uu soo afjarayo marakiibta iyo doomihii sida sharci daradda ah uga kaluumeysan jiray baddaha Soomaaliya. The post XFS Oo biloowday bixinta ruqsadaha Kaluumeysi Ee Badda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Waajid ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee K/ Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Dagaalyahannada Al Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya. Waxaana dagaalkan uu yimid, kaidb markii Al Shabaab ay weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidankaasi oo ku socdaalayay agagaarka degmada Waajid ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, iyadoona labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa baahiyay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidamada Itoobiya, walow aysan xaqiijin inta uu la’egyahay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Itoobiya iyo saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, balse Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay duleedka degmada Waajid ee G/ Bakool. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay G/ Bakool appeared first on Shabelle. View the full article