Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Istanbul)Wararkii ugu danbeeyay kiiska dilka saxafiga Sacuudiga ee Jamal kashoqgi oo 2-dii Bishii Oktoobar lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul, dalka Turkiga ayaa sheegay in meydkiisa gebi ahaan la baabiiyey. ISTANBUL, TURKEY – (ARCHIVE) : A file photo dated May 6, 2018 shows Prominent Saudi journalist Jamal Khashoggi in Istanbul, Turkey. Saudi journalist Jamal Khashoggi died after a brawl inside the Saudi consulate in Istanbul, Saudi Arabia announced Saturday. (Photo by Omar Shagaleh/Anadolu Agency/Getty Images) Sida uu sheegay Masuul ka tirsan Xeer ilaalinta Turkiga Jirka Saxafiga oo la jarjaray laguna xiray boorsooyin ayaa la geeyay Guriga Qunsulka Sacuudiga ee Istanbuul Maxhamed Alcuteybi oo u dhow xarunta Qunsuliyadda Turkiga ee Istanbul, halkaas oo looga takhalusay. Warka ayaa sheegaya in jirka saxafiga loo adeegsaday si loo baabi’iyo maado kiimiko ah oo loo yaqaan (hydrofluoric acid- Flesh-Eating Acid), oo ah maado kiimiko halis ah oo jirka baabiin karta, waxaana baaritaan lagu sameeyay Guriga Qunsulka, Ceel ku yaalla Gurigaasi iyo bullaacadaha degaankaasi ay baarayasha Turkiga ku ogaadeen qaabka loo baabiyey jirka meydka Saxafiga oo muddo bil ka badan la la’aa. Sacuudiga ayaa kooxo baaritaan oo kala duwan u diray Turkiga, kuwaasoo lagu sheegay inay baaritaanka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi ka qeyb qaadanayaan iyagoo markii danbe la ogaaday in laba qof oo ka mida kooxda baarista Sacuudiga ay ahaayeen Khabiiro dhinaca Kiimikada ah oo halkaasi loogu diray inay baabi’iyaan meydka Saxafiga iyo jirkiisa qeybaga ka haray. Arrintan ayaa noqoneysa mid naxdin kale ku soo kordhisa kiiska dilka Jamal Kashoqgi oo hore dunida ay uga yaabtay sida naxariis darrada ah ee dilkiisu u dhacay, waxayna horseedi doontaa cadaadis hor leh oo ku yimaada dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman oo la sheegay inuu bixiyey amarka dilka Saxafiga Source
  2. (SLT-Addis-ababa) Waxa saacadihii ugu danbeyse xoogeystay war uu baahiyay mid ka mid ah warbaahinta dalka africa ka soo soo xiganaayo taliye ku xigeenka dalka Itoobiya waxaana oo walaac xoogan ka dhex dhaliyay soomaalida. Hadalka oo warbaahinta soo xiganeyso ayaa ahaa macquul gal ma ahan in Itoobiya oo boqol milyan ah in bad la,aan ahaato dalal kale heystaan dakado aad u farabadan waxaana ka dhashay tuhun xoogan wallow maalinimada beri dalka Itoobiya ku wajahanyahay madaxweynaha soomaaliya. Taliye ku xigeenka ciidanka Itoobiya wuxuu maanta sheegay in aysan jirin sabab Itoobiya oo qaran 100 Milyan ah uu bad la’aan u ahaato. Wuxuu kaloo sheegay in ay waajib tahay inay saameyn ku yeeshaan Bada Cas. Raysal-wasaare Abiy ayuu sheegay in ay ka go’an tahay inuu dhiso ciidan bad oo xoog leh oo ay Itoobiya yeelato. Hadalka Janaraalka ayaa ku soo beegmay xilli la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu booqonayo Itoobiya. Horay ayuu Farmaajo heshiis afar dekadood Itoobiya ku maalgashanayso ula saxiixday Abiy Ahmed. Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in waxa socda loo caddeeyo oo mugdiga laga saaro wax badan. Baarlamaankana waa in uu ogaadaa in waajibka ugu wayn ka saaran yahay Source
  3. Qaar kamid ah isimadii ku jiray nabadeynta Dhummay Ergo-dhaqameed ka badan 40 xubnood oo mudda15 maalmood ah ku hawllanaa nabadeynta beelo ku dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa qodoba horu’dhac ah ka soo saaray heshiisiinta beelahaasi. Ergada nabadeynta oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe Laascaanood,Buuhoodle,Gaalkacyo iyo dowladda degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa hoggaaaminaya;garaad Kulmiye garaad Maxamed garaad Dool garaad Wiil Waal,waxaana ay soo saareen qodobadan hoose: 1)In Xabadda la Joojjiyo si shuruud la’aan ah. 2)In labada beelood ay nabadda qaataaan 3)In gogosha xigta ee nabadeynta la dhigo magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia. 5)In labada beelood iska soo xulaan min 21 Xubnood oo ergo ah. 6)Iyo in ay ku soo diyaar-garooban mudda saddex cisho ah. Wejiga labaad ee heshiisiinta beelaha ee loo ballamay magaalada Jigjiga ayaa lagu xallinayaa wixii dhib kala gaaray labada dhinac,iyadoo loo bandhigayo shareecada Islaamka,sida ay sheegeen ergada mabadyenta. PUNTLAND POST The post Colaaddii Dhummay oo heshiis horu-dhac ah laga gaaray appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa maanta oo Jimco ah wuxuu ka ambabaxay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, isaga oo kusii jeeda wadanka Itoobiya. Garoonka waxaa kasii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyadda oo uu u jiro Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed oo socdaalka Madaxwaynaha fahfaahin ka bixiyay. Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu ka qaybgalayo shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hogaamiyaasha dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. Shirkaan ayuu daboolka ka qaaday in diirada lagu saari doono horumarada laga sameeyay heshiiskii nabada oo ay wadamadaan saxiixdeen labo bilood kahor, kaasi oo is-dhexgalka dalalkaan lagu xoojinayo. Tan iyo markii la doortay 8-da bishii Febraayo ee sanadkii 2017, Madaxwayne Farmaajo ayaa dalal kala duwan ku bixiyey booqashooyin kala duwan, kuwaasi oo dhamaantooda ay kasoo baxeen arrimo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. The post Madaxwayne Farmaajo oo u dhoofay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-09112018-web-1.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in la helay xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dad tiro badan oo la rumeysan yahay in la aasay xiligii maamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Xabaal wadareedkaan ayaa waxaa ku aasnaa inka badan 200 oo ruux, kuwaasi oo la rumeysan yahay in la dilay xiligii dagaalka uu u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, waana arin sii cusleyn karta Kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud, ayaa kasoo muuqanaya maanta maxkamad ka duwan middii lasoo taagay Afar jeer, iyadoo lagu eedeeynayo kicin Shacab iyo isku dhacyada Jinsiyadda ku salaysan ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, isagoo si toos ah u adeegsanaya Ciidanka Liyuu Boliiska. Lama aqoonsan ilaa iyo hadda jinsiyaddaha meydadka laga helay deegaanada kala qeybiya Soomaalida iyo Oromada oo marar badan lagu dagaalamay, waxaana arintan ay kusoo aaday iyadoo la raadinayo cadeymaha kiisaska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa is casilay Bishii August ee Sanadkan, waxaana xabsiga loo taxaabay Todobaadyo ka dib, markii rabshado lagu eedeeyay taageerayaashiisa ay ka dhaceen Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Gobolka Soomaalida. Maanta ayaana la filayaa in marqaatiyaal la geeyo maxkamadda lasoo taagayo si loogu marqaati furo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Addis Ababa (Sh.M.Network) – Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la filayaa in maanta oo Jimco ah uu kasoo muuqdo maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ee caasimada wadankaan. Dhageysiga maxkamada oo darajo ahaan ka duwanaan doonto afartii jeer ee horey ayaa lagu wadaa inay kasoo qaybgalaan masuuliyiin sarre sida Xeer-ilaaliyaha guud ee Itoobiya, xubno ka socda wasaarada cadaalada iyo madax kale. Marqaatiyaal ayaa si lamid ah la rajaynayaa inay soo xaadiraan dhageysiga maanta, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay diidaan marag-furayaasha inay horyimaadaan maxkamada si ay u cadeeyaan. Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illay] oo xilka madaxwaynaha degaanka iska casilay bishii Agoosto ee sanadkaan kadib rabshado dhacay ayaa loo haystaan dacwado la xiriira inuu ku tuntay xuquuqda Aadanaha mudii uu xafiiska joogay. The post Cabdi Illay oo kasoo muuqanaya Maxkamad ku taala Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maanta oo jimaca ah tago Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya. Mr. Farmaajo waxuu halkaas kula kulmi-doonaa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk. Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor. Dhinaca kale, warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in Adis Ababa dhisan-doonto ciidamo badda ah oo saldhig ka sameysta badweynta Hindiya iyo badda cas. General Berhanu Jula waxaa laga soo xigtay inuu dhahay waa in aan saameyn ku yeellano badda, isaga oo intaas raaciyey in dalal meel fog ka yimaadaan arrintaas darteed. Jula waxaa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey inay yihiin 100 milyan isla markaana aaney macquul aheyn inay sii ahaadaan bad la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda qaranka. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadallada ay la yeesheen mas’uuliyiinka Soomaalida ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada. Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Cadaado (Sh.M.Network) – Hay’addaha nabad-gelyadda ee Galmudug ayaa baaritaan ku sameeyay Gaadiid tiradoodu ay gaareysay Lix, kuwaasi oo bishii hore lagu qabtay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulkan. Masuuliyiinta oo horey uga hadlay waxay sheegeen inay tuhmayaan in Gaadiidka ay saaran yihiin Hub, iyaga oo carabka ku dhuftay inay ubaahan yihiin baaritaano dheeraad ah si loo hubiyo waxa saaran, maadaama ay daboolnaayeen. Natiijada kasoo baxday baaritaanka lagu sameeyay Gawaaridaan ayaa waxay noqotay inay ku rarka saaran ay yihiin Gawaari iyo Silig, xili la xaqiijiyay in Hay’adda Qaramada Midoobay ay lahayd rarka saarnaa gadiidkani. Qaramada Midoobey ayaa si weyn u cambaareysay tilaabadda lagu xayiray gaadiidka u rarnaa, waxaana ay ku tilmaamtay tilaabo ka baxsan Sharciga, iyadda oo dowladda iyo maamulka ugu baaqday inay talaabo ka qaaday cidii ka dambeysay. The post Baaris lagu sameeyay Gaadiidkii lagu qabtay Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Nairobi (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka jooga wadankiisa gudaha Soomaaliya ay baaqi kusii ahaan doonan inta amniga dalka dib loogu soo celinayo. Kenyatta oo ka hadlayey Dugsi tababar ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay inay Qaramada Midoobay ay ka helaan lacago magdhow ah, kuwaasi oo la siinayo qoysaska wiilashooda ku baxay iyaga oo Soomaaliya ku sugan. Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in caqabado kala duwan oo dhanka maaliyadda ay soo foodsaari doonto ciidamada wadankiisa ee qaybta ka ah AMISOM, balse wuxuu ugu baaqay inaanu udhutin. Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka badan Afar kun waxay usoo dirtay Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab oo fara kulul ku hayso amniga wadankaan Geeska Afrika dhaca. Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa inay dalka isaga hayaamaan sanadka 2020-ka, markaasi masuuliyada nabad-gelyadda guud la filayo in lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed oo diyaar-garow adag ku jira. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Codka-1.mp3 The post MD Kenya oo war kasoo saarey ciidamada ka jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii shalay lagu dilay xildhibaankii Afaraad oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Xildhibaankaasi ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay oo katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu dilo magaalada Muqdisho, waana xildhibaankii Afaraad oo laga dilo baarlamaanka Hirshabeelle. Bishii Ramadaan labo xildhibaan ayaa Hirshabeelle looga dilay duleedka degmada Balcad, halka xildhibaan kale uu ku dhintay Qarax ka dhacay Shabeelaha Hoose. Darawalkii Gaariga xildhibaanka shalay la dilay ayay xireen laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo sheegay in su’aalo laga weydiinayo qaraxa lagu xiray gaariga xildhibaanka. Darawalka Gaariga ayaa ka maqnaa gaariga xilliga qaraxa uu dhacayay, waxaana taasi ay dhalisay shaki badan oo ku aadan inuu wax ka ogaa dadka qaraxa gaariga ugu xiray xildhibaanka. Wararka qaar waxa ay sheegayaan iney suura gal tahay in Wadaha gaariga Xildhibaanka geeriyooday waxyaabaha loo heysto ay qeyb ka tahay Dayac uu ku sameeyay gaariga, maadaama lagu xiro waxyaabaha Qarxa. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay inay socdaan baaritaano dheeri ah oo ku saabsan sida qaraxa uu u dhaca iyo cidda ka dambeysay dilka Xildhibaan C/Welli Sheikh Ibraahim. Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa kusugan badankood magaalada Muqdisho, maadaama ay galeen fasax labo bilood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Sool (Sh.M.Network) – Abuukar Cabdi Geelle, gudoomiyaha maamulka gobolka Sool ee Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Somaliland inay carqad ku tahay nabadii la dhex-dhigay labaddaan maamul. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in odayaal ka socda Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo lagu heshiisiinayo Beelo walaalo ay dhex-wadaan dhibaatooyin. Mr Geelle ayaa cod dheer ku qeexay in Odayaal dhaqameedyadda ay soo dirsadeen masuuliyiinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabaddeynta gobolka, oo colaado badan ay ka jirto. Somaliland iyo Puntland oo ah labo maamul oo deris ah waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah, taasi oo soo jirtay tobbankii sano ee lasoo dhaafay, xili midba uu kan kale ujeedinayay eedaymo ku saabsan inuu jabinayo nabadda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Codka.mp3 The post Puntland oo mar kale eedayn culus u jeedisay Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-09112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka, ku simaha madaxweynaha iyo xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay wali wado faragelinta doorashada Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in xor laga dhigo dadka doorashada ka qeyb galaya. Qaar kamid ah musharixiinta Koonfur Galbeed ayaa shalay dalbaday in dib loo dhigo doorashada, halka dowladda Soomaaliya ay dooneyso in waqti aan lagu darin doorashada Koonfur Galbeed, haddii lagu daranayana laga dhigo dhamaadka November. Urur goboleedka IGAD ayaa ku biiray kulamada looga hadlayo doorashada Koonfur Galbeed, waxaana ay dalbadeen in laga shaqeeyo doorasho xor ah oo xalaal ah. Xubnaha ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday Gudiga doorashadda in ay ka qabtaan doorasho Xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed. Wali ma cadda waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Koonfur Galbeed, balse waxaa la qorsheynayaa in waqtigeeda aan laga dib dhigin doorashada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  16. Itoobiya Oo Qorsheyneysa Inay Saldhig Ciidammada Badda Ah Ka Dhisato Badda Cas Iyo Badweynta Hindiya Taliye ku xigeenka ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig millatari oo ciidamada badda ah kana dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya ayuu sheegay Janankan in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo ku wa badda ah kuna hubeysan qalab casri ah General Berhanu ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika, sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda. “Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah gudaha dalalka Somalia,Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yidhi General Berhanu. General Berhanu ayaa intaa ku daray in ay si aad ah u daneynayaan Badda Cas maadaama ay wax ka kala soo degaan kana dhoofsadaan. “Waxaan kala tashaneynaa wadamada kale dhismaha iyo awooda uu ciidanku yeelanayo,wadamada kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waxay siiyaan saldhigyo ciidamada badda ah dalal kale, sidaa darted waa go’aan istiraatiiji ah in ay Itoobiya ay sameysato ciidamo xoog leh oo kuwa badda ah.”ayuu yidhi Jananka. Warkan ka soo yeedhay taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaa ku daray in ayna ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaadhayo aysan lahayn ciidamo bad balse wadamo kale oo meel fog ka imanayo ay gobolka ku yeeshaan saldhigyo ciidan. Tan iyo sannadkii 1991dii oo ay Eritrea ka go’oday wadanka Itoobiya ma jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ah ciidamada Badda. Qaran News
  17. Cadaado (Caasimada Online)-Lix maalin kadib maamulka degmada Cadaado iyo ciidamada deegaanka ayaa baaris ku bilaabay gaadiidkii lagu qabtay magaalada Cadaado Seddexdii bishaan. Gaadiidkaan ayaa sidaan horey u sheegnay wuxuu kusii jeeday magaalada Dhuusomareeb, waxaana uu u rarnaa Qaramada Midoobay, waxaana baaritaanka lagu bilaabay Shalay gelinkii dambe. Gaadiidka Qaarkood ayaa waxaa lagu arkay waxyaabaha looga shakiyay wax aanan aheyn oo ah Silig iyo waxyaabaha Carada lagu shubo oo difaac ahaan loo dhigo xarumaha ciidamada, dowladda iyo xarumaha Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobey ayaa si weyn u cambaareysay tilaabadda lagu xayiray gaadiidka u rarnaa, waxaana ay ku tilmaamtay tilaabo ka baxsan Sharciga. Maamulka degmada Cadaado ayaa horey gaadiidka uga shakiyay inay wadeen hub kusii jeeday magaalada Dhuusomareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Qaabkii Gudoomiyaha Maaxkamada sare Loogu Magacaabay Aadan Xaaji Cali+ Shaxdii Xirsi, Qorshihii Aamina Weris, M. Xashi, Ina Aw Siciid Iyo Dulmigii Jamaal Cali Xuseen?. W/Q Faysal keyse Cali Waxan jeclaystay inaan bulshada u iftiimiyo shaqsiyaad ku saaxiibay ujeedooyin ganacsi iyo qaar siyaasadeed oo todobadii sanno ee u Madaxweynaha ku magacownaa Axmed Siilaanyo dalka uga dhacay qab amar ku taaglayn ah, kuwasoo soo taxnaa muddo, balse maalinba heer taagnaa. Qormadan oo noqon doontaa mid taxane ah, waxaynu qabteedan koowaad kusoo qaadan-doonaa qaabkii uu salaanka Siyaasada kusoo galay Gudoomiyaha Maxkamada Aadan X. Cali Iyo cidii soo gelisay iyo weliba dannihii waqtiyadaas hore laga lahaa. Isbarashadii Wasiir Xirsi iyo Aadan Xaji Cali. Waxay isbarteen Xirsi iyo Aadan 20002-dii, iyagoo ku shuraakoobay Qorshe ganacsi, waxanay wada-furteen Iskuul ama Private School lagu magacaabo Sitco College, oo kasoo horjeeda Garoonka Kubadda Kolayga Hargeysa ee Tima-cadde loo yaqaan, marar badan waxa soo Kala dhexgalay khilaaf, hase-yeeshee way ka heshiiyeen, iyagoo sidii heshiis u ah, una wada lahaa Iskuulkaas, ayuu Xirsi Cali X Xasan galay Siyaasada. Salaanka Siyaaasadda Aadan-ka Gudoomiyaha Maxkamada Aadan X. Cali waxa uu siyaasadda soo geliyey sannaadkii 2012-kii Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi xaaji Cali, kaasoo Aadan u magacaabay la taliyaha Madaxweynaha Somaliland dhinaca sharciga, maadaama oo u Aadan waqti yar maalmahaas uu waxbarasho dhinaca sharciga ka dhamaystay Jaamacadda Hargeysa, waxanu Ex. Wasiir Xirsi booska la taliyaha uga qaaday Aadan Xaaji Cali Nin Jaamacada Al Azar kusoo bartay sharciga oo aanan hadda magaciisii xasuusnayn. Markii Wasiir Xirsi Cali X Xasan uu Aadan u magacaabay la taliyaha sharciga, ayuu Aadan jaanis u helay inuu barto Marwadii Madaxweynaha Aamina Weris, oo iyadduna awood badan ku lahayd hoggaaminta tallada dalka. Waxanay Marwadii dalku ogaatay inuu yahay Aadan X Cali, shaqsi aan iska shaandheynayn amar kastoo ay farto, isla markaana uu yahay gacan-yare firfircoon, sharci iyo sharci iyo sharci darro toona aan Kala eegeyn, balse danta Marwada oo hayb ahaana eeddo ugu toosnayn, waxay aragtay indhaha inuu uga riddayo dalka oo dhan rabitaanka Qoyska Madaxtooyadda. Sidaas daraadeed waxay Marwada xulufadii Maxamuud Xaashi kowga ka ahaa goaansadeen inay badheedh u duudsiyaan Musharaxii Ucid Jamaal Cali Xuseen, oo shacabka Somaliland ka haystay taageero badan, isla markaana ahaa mucaaridka keliya ee gol-daloolooyinkii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo usoo bandhigi jiray Turxaan la aan, waxanay xulufadaasi iibsadeen Gudoomiyihii Ucid Faysal Cali Waraabe, kuwasoo intaa ay Lacag soo siiyeen ku yidhahdeen adigu musharax mar sadexaad Ucid ka noqo, si uu noogu soo baxo Musharaxayaga Kulmiye Muuse Biixi, waxanay dejiyeen qorshihii Khilaafka. Faysal Cali Waraabe, waxa uu dhabar taabasho laddib warbaahinta lasoo istaagay weedhihii cilmiga iyo caqliga ka aradnaa ee abuuray Khilaafka Ucid, waxa hadaladiisaas daba socotay Faysal Cali Waraabe, magacaabistii Marwada Madaxweynihii hore u magacawday Aadan X Cali Gudoomiyaha Maxkamada sare oo isagga loo siiyey xilkaa inuu dulmiyo Jamaal Cali Xuseen, markay is qabsadaan Faysal iyo Jamaal, maadaama oo ay Maxkamada is tagayaan. Muddo wuxuu khilaafkaasi soo jiitamaba waxa uu garnaqa Kiiskii Ucid gacanta usoo galay Aadan X Cali oo ahaa shaqsigii Markiisi horeba mansabka ku helay ka takhalusinta Jamaal Cali Xuseen. Waxanu soo saaray go’aan daahir yaa shamis ah oo ka yaabiyey sharci yaqaanada Somaliland Iyo intaa cadaalada jecelba. Kaddib markii uu amray in la qabto Shir uu Guddida qaban-qaabinaysaa Faysal Cali Waraabihii laga cabanaayey ee dhinaca ahaa nusdambeed u yahay, waxanu sheegay inay ku daba gelayaan, haseyeeshee Gabi ahaanba hadana waa uu garab maray Faysal, maadaama oo u isku hallayn qabay, waxanay Xukuumadu siisay 100,000, oo Dolar, iyadoo ganacsadaha ku mamay hantida umadda ee sharwadeenka tilmaaman ah Maxamed Aw Siciid, isna ugu daray 20,000, Dolar Lacagtaas waxa Faysal loo siiyey inuu kagaga takhaluso Jamaal Cali Xuseen oo u shar indho sarcaada ku dhigto. Labadki garab way ku heshiin waayeen Shir wada jir u qabsooma, hase-ahaatee waxa qoloba goonideeda ay u qabsadeen Shir, waxana dhacay November 8-deedii, sanadkii 2016, cadaalad daraddii ugu weynayd weligeed, kaddib markii Garabkii Faysal Cali Waraabe Xukuumada Ciidamo RRU-da loo yaqaan ku ilaalisay si u qabsoomo, garabkii Jamaal Cali Xuseen Xukuumaddu amar ku siiso Huteelada inaanu shir ku qabsan Karin, iyadoo garabkii Faysal na Dad usoo ururisay, waxana ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye, oo waqti xaadirkana ah Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin. Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee laga dulmiyey dhamaan wax kastoo ay xaq u lahaayeena markii laga hor joogsaday Huteelkii ay kiraysteen ee Mansoor, waxay geed hoostii ku qabsadeen shirkoodii waxana Maalintaa dhacay laba Shir oo lid isku ah. Maxkamadii waxay xalaalaysa shirkii Faysal. W/Q Faysal keyse Cali Faysal39@gmail.com London UK Aragtida dadwynahu waxa ay ku koobantahay qoraha mana aha mid ka socota qarannews Qaran News
  19. Waxaa xoogeystay dadaallka ay dowladda dhexe ugu jirto sidii ay meesha uga saari lahayd magaca xun ee dowladnimada dalka caalamka looga yaqaan ee afka qalaad lagu yiraahdo ‘Failed State’. Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka bilowgii sagaashamaadkii, magacaas waxa uu ahaa mid lagu sumadeeyey qarankeena, hase ahaatee, waxaa hadda muuqata in uu meesha ka bixi doono. Waa maxay ‘Failed State’ Sida macnaha kore ka muuqata waa “Dal fashilmay”. – Goormaa la adeegsadaa, maxaa u ah astaamo? Dal fashilmay waxaa loo adeegsadaa dal aan lahayn awood dhexe oo iyadu haysata/maamusha awoodda xuduudaha dalkeeda. Soomaalida ma jecla in magacaas loo adeegsado oo qaar ayaa dood ka keena sax ahaanshaha arrinkaas, hase ahaatee, waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin. Tusaale, tan iyo markii dowladdii dhexe bur burtay, ma jirin maamul dalka oo dhan ama xataa saddex meelood meel ka arriminayey. Yeelkeede, waxaa iminka muuqda saan saan ama callaamado muujinaya mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan oo ah inay Soomaaliya ugu dambeyn yeelan doonto nidaam awood leh oo wada gaara dalka oo dhan. Fiiro gaar ah, qormadeydu ama fasiraasadda aan ka bixinayo awood dhexe ma aha mid liddi ku ah nidaamka Federaal-ka ee uu dalka qaatay, dabcan, Federal-ka waa maamul daa daajin balse aan ka maarmin awood dhexe sida Confederation-ka. Arbacadii waxaa xilka Madaxwenenimo ee Koonfur Galbeed iska casilay Shariif Xassan Shiekh Aadan oo sidoo kale ka tanaasulay musharaxnimadiisii uu ku doonayey in uu markale ku soo laabto. Dowladda dhexe door weyn ayey ku lahayd go’aanka Shariif Xassan, sida muuqata ma noqon doono kii ugu dambeeyey ee ay dowladda meesha ka saarto, ee waxaa xigi doona dhamaan Madaxda Maamulada ee siyaasaddii duugowday dhabbaheedii haya. Hadaba, maxaa laga dheefi doonaa haddii ay dhacdo in dhammaan Maamul Gobolleedyada ay noqdaan kuwo ku xiran ama hoos yimaada dowladda dhexe? Shantan qodob ee hoose ayaa ugu waa weyn faa’ideeda ay leedahay in Federal-ku noqdo mid laga hago Villa Somalia. 1 – Ammaanka dalka oo si deg deg ah wax looga qabto Haddii ay saanta isla helaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah waxaa soo deg degi doonta in laga guuleysto Al-Shabaab. Markii hore ma jirin siyaasad mideysan ama aragti isku mid ah oo laga lahaa xorreynta dalka, waxaa middaas caddeysay sida uu u fashilmay gudigii amniga qaranka (National Security Architecture) ee uu Madaxweyne Farmaajo dhisay. Guuldarrooyinka dhinaca amniga waxaa meesha ka saari doona siyaasad mideysan iyo talo si togan loo wada wadaago. 2 – Siyaasadda Dowladda dhexe oo hesha awoodeeda dastuuriga, maamuladana ku ekeedaan inta dastuurka u ogol yahay waxa ay dhabbaha u xaari doontaa siyaasad middeysan in dalku yeesho tan iyo bur burkii kaddib. Waxaa la xusuustaa sidii la’ isugu khilaafay go’aanadii Arrimaha Dibedda ee ay dowladda dheexe gaartay iyo saameyntii ay dalka ku yeelatay. Dowlad Gobolleedyada oo hoos yimaada Muqdisho waxa ay keeni doontaa in dowladda dhexe si buuxda awood ugu yeelato isu gaar yeelidda afarta awoodeed ee gaarka u ah sida; Siyaasadda Arrimaha dibedda, Ciidanka qaranka, siyaasadda lacagta iyo Socdaalka. 3 – Dhaqaalaha Waxyaabihii ugu waa weynaa ee curyaamiyey horeusocodka dowladnimada Soomaaliya waxaa ka mid ahaa dhaqaalo xumo oo ay keentay siyaasaddii lagu waji lahaa oo aan mideysneyn. Haddii ay dhacdo in Maamul Gobolleedyada noqdaan kuwo ka amar qaata dowladda dhexe oo aysan sidii hore noqon ‘Qori qori ku tag” waxaa fududaan doonta kobcinta dhaqaalaha dalka. Dowladda dhexe waxa ay awood u yeelan doontaa in ay mideyso siyaasadda dhaqaalaha dalka iyada oo mideyn doonta canshuuraha si uu u kordho dhakhliga dalka. Waxaa sidoo kale fududaan doonta in ay dowladda soo daabacdo lacago cusub, la dagaasho musuq maasuqa, kana hortagto sicir bararka maciishadda dalka ee dalka oo dhan. 4 – Somaliland Somaliland waxa ay muddo 30 sano ku dhaw ahayd “Budo gaar u tuman”, oo waxa ay dadaal badan u galayn sidii loo kala jari lahaa dalka. Hase ahaatee, iyada oo ay jiraan boogo badan, tabashooyin ay qabaan, hadana tan iyo intii ay bur burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma jirin nidaam awood buuxda leh oo la farriista, dhageysta tabashadooda, isku daya in uu soo celiyo midnimadii Soomaaliyeed. Qodobaddii ugu waa weynaa ee is hortaagayey waxaa ka mid ahaa kala qeybsanaanta Koonfurta Soomaaliya iyada oo ay caqabadda ugu weyn ahayd Puntland oo isu arkeysay in ay wadahadalada labada dhinac saami ku leedahay! Haddii ay dhacdo in Koonfurta Soomaaliya hesho siyaasad hal jiho u socota, dowladda dhexe fursad u hesho hirgalinta awoodaha uu dastuurka qabyo qoraalka ah siinayo, waxaa sahlanaan doonta in dib Somaliland loogu qanciyo in dib loo heli walaalnimadii iyo midnimadii Umadda Soomaaliyeed. 5 -Doorasho qof iyo cod Dhammaan afarta qodob ee kor ku xusan oo la helo, kuwaas oo ku wada xiran in dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada isku dan iyo siyaasad noqdaan, dowladda dhexe hirgaliso qalalaase la’aan siyaasadda ay xaqa u leedahay, maamul gobolleedadu aysan xadkooda ka gudbin, waxaa dalka ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shaki la’aan. Ugu dambeyn, wey badan yihiin faa’iidooyinka laga dhaxli doono haddii ay maamulada hoos yimaadaan dowladda dhexe balse shanta aan ku soo kooban waa kuwo ugu muhiimsan, waxaase jirta oo aan xusayaa in awood loo heli doono qabyo tirka dastuurka iyo afti loo qaado. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Jimco ah maxkamad kasoo muuqanayo madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmihii ugu dambeeyay maxkamadda la keenayay. Ilo Madax banaan iyo Kooxda difaaceysa Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xaqiijiyay in maanka maxkamad lasoo taagayo madaxweynaha, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah laga gaaro Kiiskiisa. Maxkamadda la geynayo Cabdi Maxamuud Cumar ayaa darajo ahaan ka duwan maxkamadihii la geeyay afartii jeer ee ugu dambeysay, waxaana la ogeyn go’aanka ay maanta ka qaadaneyso. Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn. Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”. Go’aanka kasoo baxa maxkamadda maanta la horgeynayo Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa loo gudbin doonaa maxkamadii afartii jeer ee lasoo dhaafay la geeyay madaxweynihii hore ee DDSI. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa u muuqda nin go’adoon ah siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan. Dhowaan waxaa Cadaado lagu dhisay madaxweyne kale, sidoo kale wuxuu awoodi waayay inuu Cadaado tago ama uu maro wuxuuna ku qasbanaaday inuu Nicolas Haysom kula kulmo Gaalkacyo. Gal-Mudug waxaa ka muuqda dhaqan maamul sii kala tagaya, waxaana Xaaf uu noqon karaa gacanta ay sababsan doonto Gal-Mudug. Villa Soomaaliya ayaa soo afjartay tixanihii siyaasadeed ee Shariif Xasan waxaana hada la is weydiinaya hogaamiye xige oo ay beegsan doonto. Cabdicasiis Maxamed Shidane oo ka mid ah dadka sida weyn wax uga qora arrimaha Soomaaliya ayaa saddex talo oo caafimaad qabta usoo jeediyay madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf. Saddexda tallo: 1- In uu Maamulka Galmudug mideeyo, oo uu isku keeno siyaasiyiinta kala fadhisa Cadaado iyo Dhuusamareeb, ka dibna uu Madaxtooyada Qaranka si toosa u la hishiiyo, sida uu gartay Madaxweyne Waarre oo beelihii iyo waxgaradkii shalay wax u dhiibtay wax ka maqlay, taladoodiina si toosa u wada qaatay. 2- In uu xilka iska casilo, isaga oo badbaaddinaya waxa yarkaa ee ka haray Maamulka Galmudug, sida uu horay u sameeyey Cabdikariin Xuseen Guuleed, haddana uu ka sameeyey Koonfur Galbeed, Madaxweyne Shariif. Waa karti iyo garasho qudheedu. 3- In uu buuq, kalaqaybsanaan, colaado sokeeye, argagixiso iyo go’doomin siyaasadeed uu ku dhammeysto inta yar aa ee uga dhiman xilkiisa, waana fekradda ugu liidata ee qofi sameeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlayay shirka wasiirada amniga maamul goboleedyada ugu soo dhammaaday magaalada Kismaayo ayaa jeediyay khudbad ay ka muuqatay isbadal dahsoon oo dhankiisa ah. Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dowladda goboleedyada aysan ku awood aheyn dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay yihiin dowlad goboleedyo ka hooseeyo, kuna yimid nidaamka Federaalka dalka. “Annagu ma nihin dowlado Soomaali la yiraahdo ee waxaan nahay dowlad goboleedyo nidaam federaal ah ku yimid, oo BUUG yar oo baluug ah lagu soo qoray, oo dan la mooday, ma ahan inaan kursiga dowladda heysano, ma ahan inaan nahay madaxweynayaal, ka sareeya dowladda ama la garab siman, ee waxaan nahay dad isla shaqeynaya”ayuu yiri Axmed Madoobe. Waxaa halkaasi ka muuqda in wax badan ay iska badaleen khudbadihii uu jeedin jiray madaxweyne Axmed Madoobe oo aad uga adkaa sida uu shalay u hadlay, waxaana muuqata in hadda ay dareemayaan xerxernaan laga soo xeray ilo badan oo dhaqaalo ay ka heli jireen. Axmed Madoobe, ayaa waayay labo madaxweye oo saaxiibo ay ku ahaayeen golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana hadda dhow inuu waayo Axmed Ducaale Geele xaaf, iyadoo kadib madasha ay ku noqon doonaan isaga iyo C/Welli Gaas. Wuxuu soo jeediyay in lagu dhaqmaa dastuurka iyo xeerarka lagu heshiiyay ay horseedi karto isfaham dhex mara dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa shaacisay ujeedada guud ee ay ka leedahay tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qalabaynta ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Kulamo u dhaxeeyay wasiirka gaashaandhiga dowladda Turkey iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo dhamaaday is afgarad, iyadoo kadib kulamo ay wada gaataan wasiirada gaashaandhiga labada dal, taliyaasha ciidamada labada iyo saraakiil kale oo wafdiga qeyb ka ahaa. Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada. Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya. Wasiirka gaashaandhiga dowladda Turkey ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay ka damacsan yihiin inay noqdaan sidii ay ahaayeen barisimaadkii, isagoo sheegay in ciidamada xooga dalka ay ka taageeri doonaan sidii u hanan lahaayeen amaanka dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com