-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dabeecadda aadanaha ayaa ah in uu hal wado ku yimaado aduunkan oo ah dhalashada, Hal wado oo kaliyana ayuu Aduunkan uga tagaa taas oo ah Dhimasha.Isbadalada yimaado maalin walba waxey natusineysaa sida ay u cadahay qorshaha iyo hiigsiga miisaaska leh ee wax lagu hogaaminayo, taas oo macnaheedu tahay in aan fal walba oo dhacaya uu yahay mid si qorsheysan ku socda lagana daawan karo diiwaanka guud ,oo ay dheehan karaan dadka aqliga u saaxiibka ah. Horaantii 2017 waxaa ay aheyd markii uu guga Roobka badan uu ka da’ay magaalada muqdishu, dadka oo dhanna ay u riyaaqeen, saxan saxadaas iyo Dabeyshaas qabow waxey laabyo badan oo dadka soomaaliyeed ah dareensiisay, raxmad balaaran oo qaarkood ka ilmeysiisay, kuna dhawaaqeen *AR FARMAAJO II GEEYA*. Soomaali badan oo dibadaha ku nool, waxey daawanayeen Taleefishinada oo habeenkaas ahaa kuwo live ah, qaarkood waxaa ka qubanayey ilmo qaarna gacmaha ayey kor u taagayeen, ayagoo leh, Soomaali maanta ayey hagaagtay. Maxamed Cabdullahi Maxamed (FARMAAJO) Waxa uu si geesinomo leh ku doortay qofkii u qalmay in uu la shaqeeyo, dad badan oo soomaaliyeed ayaa falaqeyn ka dib , cadeeyey in uu madaxweynuhu Doortay qofkii ku haboonaa booskaas, hadaba maxaa dhacay? Xasan Cali Khayre, ayaa shaashadda ka soo muuqday, dadka badankiisu ma ay aqoon,waxa uu yahay, khibradiisu iyo kartida uu u leeyahay xilkan culus ee loo dhiibay, in kasta oo dadka qaarkood ay hayso caadifadda qabiika ay durba la soo kala boodeen, waa xun yahay iyo waa fiican yahay, hadana dadka indheer garatada ah ama aqliga u saaxiibka ah waxey isticmaalaan Halbeeg iyo cabir lagu qadariyo shaqsi walba oo hogaamiye ah,taas oo ah labo arimood: AMAANO, IYO ARAGTI FOG OO CILMIYEYSAN. Sida uu noo Sheegay Nabi Yuusuf (csw) markii loo magacaabay Rasisulwasaaraha oo uu yiri (INII XAFIIDUN CALIIM). Boqolkii maalmood ee ugu horeeyey Khayre wuxuu na tusay in uu yahay Hogaamiye, hal adag, hirgalin og,hoos u eega hadba marxalada la marayo, har iyo habeen u soo jeeda hir galinta, mashruuca ,aanan ku dhisneyn Naas nuujinta. wuxuu doortay Garbihii uu ku duuli lahaa, golihiisa wasiirada, gacantiisa midigna wuxuu ka dhigtay ninka aanan ka dhicin ee Mr.Bayle, oo ah shaqsi shaqdiisa yaqaan, hal abuur leh,Amaanadana dhowra. Waxaa bilowday NABAD IYO NOLOL SPRING,waxaa la dajiyey qorshe sal balaaran leh, waxaa bilowday in shaqaalihii rayadka ahaa la siiyo quutul daruurigii mar hore ka go’ay, ciidamadii bahalooway in la qarameeyo loona diyaariyo , hoy iyo hunguri ku filan, oo ay kaga maarmaan shaxaadkii iyo isbaarooyinkii, ,waxaa la dajiyey Nidaam la jaanqaadi karo dhamaan caalamka aan ku noolnahay, khaas ahaan Dowladaha dariska ku waas oo Soomaali gaarsiiyey meel aysan abid gaarin oo Gunnimo ah, sababteeduna ay lahaayeen Dad halyeeyo ah balse hunguriga iyo hogaanku uu ka saacid caleeyey. Dabeyshan Raxmadda leh ee xowliga ku socota waxey dad badan dareesiiyay,in la joogu xiligii uu daadan lahaa darbiyadii ay dhiseen injineerada aan laheyn khibrad hogaamineed,ahaana kuwo gacmo ku rimis ah,Darbigii u weynaana ayaa soo daatay 7.11.2018 sidii dhismihii *Ubaxa Kacaanka ee WARDHIIGLEY*. Hadaba Akhriste ma la is oran karaa Dabeyshan socota waxey shabahdaa tii ARAB SPRING, oo la tagtay Rag badan oo waayo ku dalxiisi jiray Paris, Miami, iyo waliba Jaziirada JAVA. Anigu ma dhaleeceynayo dhamaan madaxdii soo martay wadanka qof aanan wax soo qaban ma jiro. -Cabdiqaasim, Soomaaliya oo dunidu ka quusatay ayuu calankeenii UN ku soo celiyey. -Cabdulaahi Yusuf Villa Somaliya Ayuu dowladnimadii keenay, waa talaabo kale. -Sheekh Shariif sheekh axamed in Somaliya lasyku doorto ayuu keenay. -Xasan sheekh maxamuud Maamuladii gobolada ayuu dhisay dowladnimdana meel buu gaarsiiyey. -Maxamed Canbdullahi Farmaajo Dabeyshiisu caadi ma aha.Waa NABAD IYO NOLOL SPRING. Waxa u dhiman iyo wax qabadkooda soo socda,..TIME WILL TELL. W/Q: Eng. Bashir Hassan Farah bashkaxaji@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton ayaa la wareegay dhisme laba qol ah oo meherado ahaa oo ku yaalay wajhada xafiiska Waxbarashada Gobolka Galbeedka Maroodi Jeex. Dhismayaashan oo uu hore Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashadda Md. Cabdilaahi Ibrahin Habane u siiyay Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan. Dhismaha labadan qol oo dhismay xiligii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, bal xidhaa ayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton horjoogsaday in la furo toddabaadkii hore. Wasiirka ayaa soo saaray qoraal uu ku tixraacayo qoraalkii hore loogu oggoladay meheradahan Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan, isaga oo ogaysiiyay hay’adaha amniga, Wasaarada Hawlaha Guud iyo Madaxweynaha Somaliland. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan ayaa isna qoraal uu kaga jawaabay qoraalka Wasiirka, ayaa sheegay in uu hore ugu dhistay dhismayaashan oggolaansho Wasiir, maantana uu oggolaaday in uu aqbalo go’aanka joojinta ah ee Wasiir Faratoon, waxaana uu ugu mahadnaqay Wasiirkii hore ugu oggolaaday, kadib codsi uu u soo qortay. Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Md. \Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in uu dhismayaashaa maalgaliyay Ganacsade Wasaaradda Waxbarashada dhiirrigalin ka mudan oo horana afar fasal si mutaddawacnimo ah ugu dhisay Dugsiga sare ee haatan xidhmay ee Suldaan Maxamed, sidaas darteed ay muhiim tahay in Dawladdu meel saarto hantidii meesha ka gashay ganacsadaha. Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi. Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa ragii run iyo beenba ugu soo ololeeyay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii ay xukuumadani dhalatay waxa muuqday inay dhawr jeer ismaandhaafeen, iyada oo xukuumadu miisaaniyada ka saartay, isla markaana xidhay gebi ahaanba dugsigii Suldaan Maxamed oo uu Cabdilaahi gacanta ku hayay, mar kalana xabsiga u taxaabtay afhayeenka, kadib markii loo qabsaday hantidii madaxweynuhu balanqaaday xiligii doorashada ee deyrka dugsiga Suldaan Maxamed. Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dabdamis.golaaday in uu aqbalo go’aanka joojinta ah ee Wasiir Faratoon, waxaana uu ugu mahadnaqay Wasiirkii hore ugu oggolaaday, kadib codsi uu u soo qortay. Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Md. \Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in uu dhismayaashaa maalgaliyay Ganacsade Wasaaradda Waxbarashada dhiirrigalin ka mudan oo horana afar fasal si mutaddawacnimo ah ugu dhisay Dugsiga sare ee haatan xidhmay ee Suldaan Maxamed, sidaas darteed ay muhiim tahay in Dawladdu meel saarto hantidii meesha ka gashay ganacsadaha. Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi. Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa ragii run iyo beenba ugu soo ololeeyay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii ay xukuumadani dhalatay waxa muuqday inay dhawr jeer ismaandhaafeen, iyada oo xukuumadu miisaaniyada ka saartay, isla markaana xidhay gebi ahaanba dugsigii Suldaan Maxamed oo uu Cabdilaahi gacanta ku hayay, mar kalana xabsiga u taxaabtay afhayeenka, kadib markii loo qabsaday hantidii madaxweynuhu balanqaaday xiligii doorashada ee deyrka dugsiga Suldaan Maxamed. Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dabdamis. Qaran News
-
Shir ay Dowlada Emaraatku soo qaban qaabisay oo looga hadlayo Dhaqaalaha Geeska Afrika ayaa ka furmaaya oo lagu qabnayaa magaalada Bahr-dar ee Caasimada Kililka Axmaarada ee Ethiopia, shirkaas ayaa waxaa lagu casumay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana Shirka wada yeelanay Wadamada Itoobiya iyo Eritrea sida ay Puntlandi u Xaqiijiyeen Dublamaasiyiin ku sugan Adis Ababa. Shirka waxaa lagu xoojinayaa Heshiiskii Ganacsi ee ay horey u wada galeen Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo lagusoo bandhigi doono heshiis ku saabsanaa Dekadaha Musawac iyo Casmara oo Shirkada DP world ee Dalka Emeraatka laga leeyahay ay maal galinayso iyo qaabka ay Itoobiya u isticmaaoi doonto Dekadahaas iyadoo Itoobiya ay noqonayso Macaamiisha ugu weyn ee Dekadahaan wax kala soo degi doona. Tani waa mid dhabar jab weyn iyo bahdilba ku ah Xukuumada Jabuuti oo hada u muuqata mid mar hore la go’doomiyey dhinac dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeedba, Shirkaan wuxuu kaloo olole siyaasadeed u yahay go’aanka hada horyaal Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in cuna qabataynta hubka looga qaado Dalka Eritrea. Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu wadaa inuu shirka ka qayb galo oo uu aqbalo casumaada uga timid Raysal wasaaraha Itoobiya, hadiise Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb galo Shirkaan waxay dhabar jab weyn ku tahay Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Sida Puntlandi xogta ku hayo Madaxweyne Farmaajo beri oo Jamco ah ayuu u duulayaa ka qaybgalka Shirkaan. Puntlandi.com Adis ababa Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineeynaa barnaamijka Qubanaha. Halkaan hoose ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubnaha-081118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shaballe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxwrynihii hore ee Koonfur Halbeed Shariif Xassan Sheikh Aaden ayaa maanta si diiran oo aan waligiis loosoo dhameyn loogu sagootiyey Magaalada Baydhabo isagoo kusii jeeday Nairobi. Madaxweyne Shariif ayaa shalay wuxuu ku dhawaaqay inuu iscasilay oo uu isla markaasna ka tsnaasulay Doorashada inuu u tartamo. Hoos ka daawo Madaxweyne Shariif sida loo sagootiyey Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda qaranka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada hadallo labo dhinacle ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadalladaas ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah. Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada. Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya. The post D/Turkiya oo ka qayb qaadaneysa Dib-u-dhiska Ciidamada Badda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
For quite awhile, this author has decided to remain silent and let the political discourse in Somaliland take its course. However, after almost a year of the Muse Bihi Abdi presidency, it is time to give a reasoned opinion on this current administration. To be perfectly frank, out of the two credible candidates in the last presidential elections, Muse Bihi of Kulmiye and Abdirahman Mohamed “Cirro” of Waddani, my preference was for the former. Not because, of community affiliation, but because of leadership ability. There are high hopes for this President and his administration. Irrespective of whether as some claim, that Muse Bihi has filled his administration with members of his community or has enriched his own community, etc, etc. These claims have been made of every single previous Somaliland president and will continue to be made, as long as we in Somaliland keep focusing on this irrelevant issue. The main reason for the hopes conferred on Muse Bihi were of the need for a strong, patriotic and honest leadership. Yes, President Muse can be strident, he can be stubborn, and immovable, but, Somaliland needs a leader like that at this moment in time. Somaliland will always need a leader who will not negotiate the sovereignty of the nation away. If those who dream of another union with the south expect Muse Bihi to accede to their wishes, they are wasting their time. Somalilanders will never again consider another union based on the foolish and ill considered “midnimo soomaali”. I have always stated if international de-jure recognition takes a millennia, as long as Somaliland recognizes itself and commits to determining its own future, everything else, is irrelevant. No order from Mogadishu will ever be the letter of law in Somaliland. That is a fact. The usual political noise in Somaliland will always be heard during the Presidency of Muse Bihi, but, we must to keep moving forward. We have to hold parliamentary elections in 2019 and reform the House of Elders “Guurti”. We have to maintain our defensive abilities. We need open dialogue within all communities in Somaliland. We need to form stronger ties with our neighbors and the international community. We need to build our infrastructure, create jobs and hopes for our youth. Above all, we need to be united and forward thinking in Somaliland. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay geerida Xilldhibaan Cabdiwali Maxamed Ibraahim, kaasi oo lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu xiray oo galabnimada Khamiista ka dhacay Muqdisho. War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedkan Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa tacsi loogu diray qoyska uu Xilldhibaanku ka baxay, waxaana ALLE looga baryay inuu naxariistiisa siiyo. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxa lagu dilay Xilldhibaan Cabdiwali, kaasi oo imaanaya xili laamaha amniga ee dowladda ay ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad-gelyada caasimadda. The post Waare oo tacsi udiray ehelada Xilldhibaanka ku dhintay Qaraxa ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii amniga ee wasiirada amniga Dowlad-goboleedyada dalka uga soo socday magaalada Kismaayo ayaa lasoo gaba-gabeeyey galabta waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ilaa 5 qodob. Shirka oo socday muddo labo cisho ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay waxaa kamid ahaa in Dowlad-goboleedyadu iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah, in hay’adaha sirdoonka ee Dowlad-goboleedyada ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah, in la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo ay leeyihiin Dowlad-goboleedyada kaas oo shirka lagu go’aamiyey tiradiisa, qaabka ay u howlgelayaan iyo goobaha ay ka howlgelayaan. Sidoo kale qodobada shirka kasoo baxay waxaa kamid ahaa sameynta qorshe amni oo saldhig u ah la dagaalanka cadowga umadda Soomaaliyeed. Baaq ku aadan taageerada dagaalanka kooxaha argagixisada oo loo diray shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa qayb ka ahaa qodobada kasoo baxay shirka. Ujeedada shirka ay isugu yimaadeen wasiirada amniga ee Dowlad-goboleedyada ayaa la xiriirta go’aanadii shirka Garoowe, oo ay ka mid ahayd in mamaul goboleedyada ay yeeshaan ciidamo isku dhaf ah.
-
A lawmaker from Hirshabelle regional assembly has been killed in a car bomb explosion that occurred in Mogadishu on Thursday, security sources confirm. The car bomb was fitted under the car of the late MP identified as Abdiweli Mohamed Ibrahim occurred at London gate restaurant at Hamarweyne district in Mogadishu. Reports indicate that two other people including a person who was on board of the car with the late MP and a worker of the restaurant sustained injuries during the blast. No group has claimed the responsibility of the attack but Al-shabab is often blamed of behind such attacks targeted with lawmakers, security forces and government officials. The post Somali regional MP killed in bomb under his car in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-081118-web.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu berri oo jimco ah booqdo dalka Itoobiya isaga oo halkaas wadahadal ku leh ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk. Mas’uuliyiinta 3da ah ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan dardargginta heshiisyadi horay loo galay. Dhinaca kale warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in Adis Ababa dhisan-doonto ciidamo badda ah oo saldhig ka sameysta badweynta Hindiya iyo badda cas. General Berhanu Jula waxaa laga soo xigtay inuu dhahay waa in aan saameyn ku yeellano badda, isaga oo intaas raaciyey in dalal meel fog ka yimaadaan arrintaas darteed. Jula waxaa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey inay yihiin 100 milyan isla markaana aaney macquul aheyn inay sii ahaadaan bad la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirkii golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa warbixin looga dhegaystay guddiga u kuur-gelaya nabadeynta beelo ku dagaallamay degaanno kamid ah Puntland,gaar ahaanna tuulada Dhummay ee koonfurta gobolka Sool. Guddigaan oo uu todobaadkii hore magacaabay madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa loo xil-saaray xoojinta ergooyinka ay dowladda Puntland dirtay degaannada ay beeluhu ku dagaallameen ee koonfurta gobolka Sool,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland. Ergooyin badan oo ka kala yimid degaannada Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ku sugan Koonfurta gobolka Sool,kuwaasoo ku hawllan xallinta colaadda halkaasi ku dhex martay beelaha,waxaana haatan meel fiican maraysa hawshaasi,sida ay sheegeen guddiga Puntland u xil-saartay. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu ay si buuxda uga qeyb-qaadanayaan deminta colaaddaasi u dhexaysa beelaha walaala ee reer Puntland. Dhinaca kale shirka golaha xukuumadda Puntland ayaa looga ahdlay qodobo kale oo ay kamid yihiin; joojinta degaameynta sharci-darrada ah iyo siyaasadda hab-raacyada maamulka shaqaalaha rayidka ah. Halkaan ka akhriso dhammaan qodoba PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Puntland oo warbixin ka dhegaystay guddiga nabadeynta Dhummay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Saax-dheeg)Ciidamadda Booliska Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, deeqahan oo isugu jiray, Bustayaasha dhaxanta, Gogol, Rashiin iyo cuntooyin kale. Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer oo xadka ku yaalla. Caawimadan ayaa waxa bixiyay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Geesta kale wuxuu Madaxweyne Mustafe Cagjar soo diray Ciidamo suga ammaanka oo ku sugan degaanka ay ku dagalameen Beelihii walaalaha aha ee Baharsame iyo Qayaad. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Source
-
(SLT-Hargeysa)-Taliye ku xigeenka ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig millatari oo ciidamada badda ah kana dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya ayuu sheegay Janankan in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo ku wa badda ah kuna hubeysan qalab casri ah General Berhanu ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika, sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda. “Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah gudaha dalalka Somalia,Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yidhi General Berhanu. General Berhanu ayaa intaa ku daray in ay si aad ah u daneynayaan Badda Cas maadaama ay wax ka kala soo degaan kana dhoofsadaan. “Waxaan kala tashaneynaa wadamada kale dhismaha iyo awooda uu ciidanku yeelanayo,wadamada kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waxay siiyaan saldhigyo ciidamada badda ah dalal kale, sidaa darted waa go’aan istiraatiiji ah in ay Itoobiya ay sameysato ciidamo xoog leh oo kuwa badda ah.”ayuu yidhi Jananka. Warkan ka soo yeedhay taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaa ku daray in ayna ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaadhayo aysan lahayn ciidamo bad balse wadamo kale oo meel fog ka imanayo ay gobolka ku yeeshaan saldhigyo ciidan. Tan iyo sannadkii 1991dii oo ay Eritrea ka go’oday wadanka Itoobiya ma jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ah ciidamada Badda. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeryootay, mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii Qarax gaari uu galabnimada maanta oo Khamiis ah uu ka dhacay nawaaxiga Maqaayada London, ee degmada Xamar-wayne ee Muqdisho. Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari uu lahaa Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka HirShabelle, kaasi oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Ibrahim Xilldhibaan Cabdiwali iyo Darawalkiisa ayaa la hubiyay ay ku dhinteen weerarkaan, xili ruuxa kale ee dhaawacmay uu yahay Shacab, kaasi oo ka akdhawaa meesha ay wax ka dhaceen oo ahayd mid mashquul ah. Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda Qaraxan, oo qayb ka h falalka lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu soo hagaagayey mudooyinkii ugu dambeeyay. The post Xilldhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton ayaa la wareegay dhisme laba qol ah oo meherado ahaa oo ku yaalay wajhada xafiiska Waxbarashada Gobolka Galbeedka Maroodi Jeex. Dhismayaashan oo uu hore Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashadda Md. Cabdilaahi Ibrahin Habane u siiyay Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan. Dhismaha labadan qol oo dhismay xiligii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, bal xidhaa ayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton horjoogsaday in la furo toddabaadkii hore. Wasiirka ayaa soo saaray qoraal uu ku tixraacayo qoraalkii hore loogu oggoladay meheradahan Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan, isaga oo ogaysiiyay hay’adaha amniga, Wasaarada Hawlaha Guud iyo Madaxweynaha Somaliland. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan ayaa isna qoraal uu kaga jawaabay qoraalka Wasiirka, ayaa sheegay in uu hore ugu dhistay dhismayaashan oggolaansho Wasiir, maantana uu oggolaaday in uu aqbalo go’aanka joojinta ah ee Wasiir Faratoon, waxaana uu ugu mahadnaqay Wasiirkii hore ugu oggolaaday, kadib codsi uu u soo qortay. Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Md. \Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in uu dhismayaashaa maalgaliyay Ganacsade Wasaaradda Waxbarashada dhiirrigalin ka mudan oo horana afar fasal si mutaddawacnimo ah ugu dhisay Dugsiga sare ee haatan xidhmay ee Suldaan Maxamed, sidaas darteed ay muhiim tahay in Dawladdu meel saarto hantidii meesha ka gashay ganacsadaha. Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi. Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa ragii run iyo beenba ugu soo ololeeyay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii ay xukuumadani dhalatay waxa muuqday inay dhawr jeer ismaandhaafeen, iyada oo xukuumadu miisaaniyada ka saartay, isla markaana xidhay gebi ahaanba dugsigii Suldaan Maxamed oo uu Cabdilaahi gacanta ku hayay, mar kalana xabsiga u taxaabtay afhayeenka, kadib markii loo qabsaday hantidii madaxweynuhu balanqaaday xiligii doorashada ee deyrka dugsiga Suldaan Maxamed. Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dabdamis. Source
-
Xildhibaan ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka Hir Shabelle ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa waxaa uu ka dhacay agaarka beerta nabadda ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Xildhibaan Cabdiwali maxamed Maxamuud oo kamid ahaa baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaana qaraxaasi sidoo kale ku dhintay darawalkii gaariga waday. waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay labo kamid ahaa dadkii la socday xildhibaanka. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post. -
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Deegaanka Soomaalida ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool. Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer. Caawimadan ayaa waxa bixiyay oo dadkii colaada ku barakacay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Source
-
Madaxweynihii Iscasilay ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh aaden ayaa Diyaarad khaasa waxay u qaadey Naiorbi. Wax tafaasiil ah kama uusan bixin Safarkiisa iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed. Warar maanta Puntlandi heleen balse aan wali rasmi ahayn ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu Muqdisho kusoo laaban doono halkaasoo uu diyaar ugu yahay Kursi ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in Nin ay aad isigu dhowyihiin uu booska xildhibaanimada u baneyn doono sidaasna uu Shariif Xasan uga mid noqon doono Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya. Puntlandi.com Kismaayo Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayada London Gate oo u dhow hotel-ka Muna oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolkan Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in baabuurka uu watay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim Kabxanley oo ka tirsan baarlamanka HirShabelle, kaasi oo la sheegay inuu qaraxa ku dhintay. Dad gobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online waxay u sheegeen in gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu xiray, islamarkaana markii uu marayay afaafka hore ee maqaayada London gate Uu qarxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Abuurkar Cabdi Geele ayaa sheegay in maal mahan magaalada Laas-caanood ay ku soo qul qulayeen xubno ka tirsanaa mamaulka Jeegaanta oo uu hogaaminayay Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Hargaisa Maxamed Kaahin. Waxa uu shegay Gudoomiyaha in wafdigan ay Laas-caano u yimaadeen sidii ay ucarqaladeen lahaayeen Nabada laga dhex wado beelihii dhawaan ku deegaanka Dhumey ,oo ay markii horeba ay ka dambeeyeen. Waxa uu sheegay in Nabadeenta dadkii ku dagaalamay deegaanka Dhumey ay utaalo xalinteeda Isimada dhaqanka ee Puntland iyo dowladda . Halkan ka dhegayso. Gudoomiyaha Sool Puntland Source