-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
When she was a young girl, Edna Adan Ismail’s mother and grandmother circumcised her in a traditional ceremony while her father, a doctor, was away. Source: Hiiraan Online
-
DUBAI, United Arab Emirates (AP) — Saudi Arabia’s top diplomat said Saturday that the global outcry and media focus on the killing of a Saudi journalist earlier this month has become “hysterical” as he urged the public to wait for the results of an investigation before ascribing blame to the kingdom’s top leadership. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa jimcihii soo gaaray magaalada Mugdishu ee Caasimadda Soomaaliya diyaarad siday dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleed dhawrkii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayey koonfurta gobolka Sool, kaasoo ay ka dhasheen khasaare dad iyo duunyo ah. Diyaaraddan ayaa waxaa dirtay dawladda Soomaaliya, si ay halkaas u gaarsiiso gargaar caafimaad oo loo fidinayo dadkii isku beesha ah ee khasaaruhu ka soo gaaray dagaal soo noqnoqday, oo la rumaysan yahay inuu salka ku hayo qorshaha maamulka Somaliland ku adkaysanayaan gacan ku haynta iyo maamulka gobolka Sool, oo baryahan danbe u muuqday In dadka deegaanku u midoobayaan sidii maamulka Hargeysa looga saari lahaa gobolka. Hadaba tan iyo intii dagaal beeleedkani socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey baaqyo nabadeed oo ka imaanayey beelaha Soomaaliyeed dalka iyo dibadiisa. Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd meelaha laga soo saaray baaqyadan nabaddoonka ah ee loo jeedinayo dagaal beeleedkan oo geystay khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira iyo barakac. Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kaashanaya wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda deegaanka, gaar ahaan wasiirka kaluumaysiga iyo Wasiirka arrimaha dibadda ayaa arrintan si weyn isaga Xil saaray sidii dadkaas wixii dhaawacmay loogu gurman lahaa, isla markaana gacan loo siin lahaa dadka ku hawlan deminta colaaddan. Haddaba, Waxaa qorshihii hore ahaa in diyaaradda siday gargaarka caafimaadka ee loo waday dadka ku waxyeeloobay dagaalka ay ka degto magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Waxaa qorshahaasi ka hor yimid maamulka Soomaaliland oo gacanta ku haya magaaladaasi. Waxaa dadka Soomaaliyeed la yaab ku noqotay In maamulka Hargeysa hadda ka hor dawladda Soomaaliya gargaar dhaqaale oo ay gaarsiisay ay gudoomeen kadib khasaare uu dhaliyey raxmaadka roobka oo ka da’ay gobolka Awdal ee dhaca cidhifka waqooyi galbeed ee Soomaaliya, inay diidaan diyaarad siday daawo iyo gurmad caafimaad oo loo fidiyey ku dhowaad 100 qof oo ku dhaawacmay dagaal beeleedka ka dhacay koonfurta gobolka Sool. Diidmadaasi maamulka Hargeysa kadib waxaa misina la soo weeciyey in gargaarka laga dejiyo magaalada Garoowe oo ah meesha labaad oo ugu dhow. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sidaasi si le’eg soo saaray amar lagu joojinayo inaan diyaaraddaasi ka soo degin magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaas oo muddo cabaar ah ay ku xanibnaayeen garoonka Mugdisho diyaaraddii dawada siday iyo Xildhibaanadii ka soo jeeday deegaanka oo uu ka mid yahay Wasiirka kaluumaysiga Soomaaliya, ee la socday gargaarka, taas oo Cabdiweli ku macneeyey inaanu jirin xiriir wada shaqayneed oo ka dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo Puntland oo qayb ka ah golaha iskaashiga maamul goboleedada, halkaasna uu ka socday shirkii madax goboleedyada. Wasiirka duulista garoomada iyo duulista hawada ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si weyn ugu gacan sayray amarka Madaxweynaha Puntland uu ku joojinayey gargaarkaasi caafimaad ee u socda dadka dhibaataysan, iyadoo Wasiirku khadka telephoonka ugu sheegay Dr Gaas inaan la siyaasadaynin arrimo gurmad bina aadaminimo ah oo lagu badbaadinayo nolosha dad shicib ah oo dhiig baxaya, isla markaanna aan Puntland dirin wax gurmad ah oo arrintan ka horeeyey. Sidoo kale dawladda Puntland kama aaney hadal dhibkaas dhacday marka laga reebo shaqsiyaad si madax banaan u jeediyey baaqyo nabadeed. Aakhirkii Wasiirka ayaa waxaa telefoon ugu hanjabay madaxweyne Gaas oo sheegay hadduu ka hor yimaado amarkiisa diyaaradduna soo degto inuu xilka ka qaadi doono, halka taas bedelkeeda amar adag la siiyey agaasimaha guud ee Wasaaraddu inuu fuliyo amarka Madaxweynaha, is jiid-jiid iyo muran kadib Waxaa wasiirku ku adkaaday In diyaaraddu timaado, Madaxweynuhuna qaato wixii la gudboon. Halkaas oo lagu guulaystay in daawadii la gaarsiiyo dadkii u baahnaa, dhaawacyadii cuslaana loo soo duuliyo magaalada Mugdisho. Hase yaashee Waxaa loo diiday inay garoonka ka baxaan mas’uuliyiintii deegaanka ka soo jeeday ee isugu jira Xildhibaanadii laga soo doortay gobolada SSC iyo Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo wafdigaasi hogaaminayey, sidoo kale dhaawac kale oo yaalay magaalada Gaalkacayo oo ka mid ah beelahan dagaalamay ayaa halkaasi laga soo qaaday iyadoo intii Garoowe ka dhacday oo kale lagu sameeyey mas’uuliyiinta la socday diyaaradda. Markii la waayey meel dhaawaca diyaaradda la saaro ayaa Waxaa khasab noqotay In Xildhibaanadii reer SSC ku haraan garoonka magaalada Gaalkacayo, waxaanna loo diiday inay magaalada galaan, aakhirkii waxgaradka deegaanka Gaalkacayo ayaa dadaal ay sameeyeen loo ogolaaday inay caawa Xildhibaanadu ku haydaan magaalada Galkacayo. Haddaba, maxay ku kala duwan yihiin Dr Abdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Muuse Biixi, Haddii labada midna ogolaaday gargaarkii dawladda Soomaaliya ee Boorame kii Sool-na diido, halka Dr Gaas oo dadkan la hayb ahi ku kacay fal ka xun kii Muuse Biixi? Xili weliba uu ku jiro doorasho ay ka dhimman tahay 60 maalmood!! Sidoo kale labada hogaamiye midkoodna Xil iskama saarin ama ma muujin wax taalo ah oo xataa loogu gurmanayo dadkii dhaawacmay!! Halka Maamulka Somaliland isagu yahay cidda hurinaysa colaadda. Dhanka kale waxaa gebi ahaanba aan ka qaybgelin shirka madasha maamul goboleedada dalka uga socday magaalada Garoowe Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Ahmed Cali Xaashi iyo Dhammaan mas’uuliyiinta ku jira goleyaasha Wasiirada iyo Barlamaanka ee Puntland oo ka soo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Cayn. Taasoo muujinaysa sida loogu kala qaybsan yahay mawqifka Hogaanka Puntland uu ka qaatay dawladda Soomaaliya!! Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Halkan ka aqriso qeybtii hore ee qormadan. Dowladda Goboleedyada Shirkii Embagaati, Kenya, ee ay hogaamiye-kooxeedyadu hormuudka ka ahaayeen waxaa lagu ansixiyey nidaamka ismaamulka ee Federaalka loo yaqaan. Hannaankan maamul ayaa la qaatay iyadoo aysan jirin awood dowladeed oo hagta tubta iyo habraaca loo maraayo federaaleynta iyo nooca uu noqonaayo federaalka la qaatay. Dastuurka KMG ee hadda dowladdu ku shaqeyso qodobkiisaa 1aad iyo 3aad ayaa sheegaya in Soomaaliya ay tahay dal federal ah oo ku dhisan dimoqraadiyad, matalaadda dadka iyo mabaadi’da awood qeybsiga. Isla dastuur KMG qodobkiisa 49aad ayaa sheegaya in labo gobol iyo wixii ka badan ay isku biiri karaan si ay maamul goboleed u noqdaan, laakiin dastuurku ma caddeynayo wax shuruud ah oo laga rabo goboladda maamul goboleed noqon kara. Arrintaan ayaa keentay dhibaatooyin iyo khilaaf hareeyey nidaamka federaalka ah. Inkastoo dhibaato badan kadib ay sameysmeen shan maamul goboleed iyo Soomaliland oo dhinac u taagan, hadana waxaa hubaal ah in nidaamkaan federaalka uu dalka ku soo kordhiyey dhibaatooyin jilbaha u dhigay dowlanimada iyo nabadeynta soomaaliya. Inkastoo ay badan yihiin dhibaatooyinka uu keenay nidaamka federaalka ee Soomaaliya, waxay ila tahay inaan ku soo koobi karno: Madaxweyneyaal: nidaamka ismaamul goboleed/ deegaan dowladdeedku wuxuu keenay in ay soo ifbaxaan madaxweynayaal doonaya inay u dhaqmaan sidii in ay xukumaan dal madax-bannaan. Waxay la soo baxeen awoodo fara badan iyo inay isku dhereriyaan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha dalka. Waxayna u dhaqmaan si aan u wanaagsaneyn danta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ay colaadaha iyo faqrigu daashadeen. Kharash badnaan iyo Isbarbaryaac: ismaamul goboleedyadu waxay soo kordhiyeen wasiirro iyo baarlamaanno fara badan kuwaas oo sii badiyey baahida kharash ee uu dalku u haraadan yahay. Wasiirada wasaaradaha faraha badan ee maamul goboleedyada ayaa doonaya inay ugu yaraan qayb ka ahaadaan, go’aan kasta oo wasaaradaha dowladda dhexe ay qaadanayaan. Wasiirro ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa waxay inta badan ka qayb galaan shirar caalami ah ama ay garwadeen ka yihiin dad ajnabi ah, halkaas oo ay mararka qaar ka jeediyaan farriimo is khilaafsan oo sharaf dhac ku ah dadka iyo dowladnimada soomaaliyeed. Taasina waxay keentaa in Soomaaliya aduunku u arko dal dadkiisu aaney ka heshiin karin wixii iyaga ka dhex jira isla markaana hanan karin dowladnimadooda, sidaas darteedna ay gar tahay in loogu taliyo sidii ubad ababin u baahan. Awood la’aan dowladda dhexe: Dowlad goboleedyada iyo sida ay u doonayaan in wax kasta oo dowladda federaalku waddo aaney socon haddii aaney iyagu talada iyo go’aan door hormuud ah ku lahayn ayaa noqotay caqabad weyn. Arrintaan ayaa keentay in dowladda dhexe noqoto mid taagdaran oo iyaga u dabran, oo xitaa aan go’aan ka gaari karin awoodihii dastuurku siiyey sida; amniga qaran (xuduudaha cirka, dhulka iyo badda), arrimaha dibadda, socdaalka, isgaarsiinta IMW. Arrintaan ayaa waxay niyad jab ku abuurtay shacabka soomaaliyeed ee doonaya inay helaan dowlad ka shaqeysa danahoodaa iyo ilaalinta sharaftooda. Khilaaf beeled Joogta ah: ismaamul goboleedyada ayaa dad badani u arkeen inaaney ka jirin cadaalad iyo awood qeybsi lagu wada qanacsan yahay. Maadaama ismaamul goboleedyadu ay sameysmeen xilli dalku kala qeyb-qeybsan yahay, isla markaana deegaan kasta beelaha wada dega uu ka dhex jiray loolan iyo khilaaf qaarkood dhiig badani ku daatay, ismaamul goboleedyadu weli waxay leeyihiin summado qabiil ama astaamo beeleed. Arrintaa ayaa abuuraysa khilaaf joogta ah iyo kalsooni darro ka dhex jirta beelaha. Nidaamkani wuxuu keenay in dhulka la kala sheegto ayna beeluhu ku dagaalamaan xuduud beenaadka maamul goboleedyada. Tusaale; waxaa loo soo qaadan karaa, khilaafkii dadka badan ku dhinteed ee Magaaladda Gaalkacyo, khilaafka gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer ee hardanka awoodda beelaha iyo maamul goboleedyada ku saleysan. Ciidan Beeleed: Maamul goboleedyadu waxay haystaan ciidan hal qabiil u badan oo aan tayo badneyn, waxayna soo bandhigaan shuruudo caqabad ku ah dhismaha ciidan qaran oo leh awood uu ku hanan karo ilaalinta amniga dalka iyo in laga maarmo ciidamo shisheeye. Arrinkan ayaa ragaad ku noqday soo celinta dowladnimada, nabadda iyo amniga dalka…la soco qeybta xigta oo ku saabsan Al-Shabaab, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay xogaha ku soo gaarrayaan xafiiska Caasimada Online ee magaalada Kismaayo, waxaa isa soo taraya khasaaraha uu geystay dagaalkii ay maleeshiyada Axmed Madoobe shalay ku lahaayeen dadka rayidka ah ee u badan beesha Cawlyahan. Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, halka ay maleeshiyada Axmed Madoobe ka xeysteen afar dhalliyaro oo kale. Waxaa wali cabsi badan iyo xiisad ay ka jirtaa xaafadda Dalcadda ee uu dagaalka ka dhacay iyo waliba xaafadaha Aargada, Farmaajo iyo agagaarka Calanley oo lagu arkayo maleeshiyada Axmed Madoobe oo qoryaha ku fiiqaya dhallinyarada magaalada. Hase yeeshee, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah muxuu salka ku hayaa weerarka ay maleeshiyada Axmed Madoobe geysteen iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta. Tan iyo markii uu Axmed Madoobe xoogga ku qasaday Kismaayo waxa uu bilaabay qorsheyaal uu ku ugaarsanayo qabaa’ilka daga magaalada ee isaga ka aragtida duwan. Markii hore waxaa ka badbaadi jiray qof walba oo ku abtirsada Ogaadeen oo uu ka soo jeedo, base waxa uu xasuuq ba’an u geystay beesha Mareexaan oo magaalada wax ka daga. Sidoo kale, waxa uu dhawr jeer weeraray beesha Harti, (Majeerteen, Sool clan iyo East Sanaag Clan) oo uu ku laalay xaafaadda Callanley, inta u dhexeysa Masaajidka Baajuuta iyo Somali Star. Beelaha Carwmale, Gaaljecel iyo Shiikhaal oo uu xataa duudsiiyey xaqooda siyaasadeed ayuu iyagana ka dhigay wax uu laa wayo iyo kuwo uu Xamar u soo musaafuriyo. Ogow, beelaha Gaaljecel, Shiikhaal yo Cawrmal waa kuwa ugu badan ee Kismaayo iyo nawaaxigeeda daga! Muxuu salka ku hayaa dagaalka ay maleeshiyadiisa ku qaadeen oo ay ku gumaadeen beesha Cawlyahan ee Ogaadeen? Ma ahayn dhaqan looga bartay maleeshiyaadka Madoobe in ay weeraraan beelaha Ogaadeen, walow ay in muddo ahba beesha Cawlyahan uga aragti duwaneed sida gurracan ee uu ula dhaqmo bulshada dagan magaalada. Ujeedka ugu weyn ee ay kuu sheegayaan bulshada ka soo jeeda Cawlyahan oo ay Caasimada Online la xiriirtay ayaa ka mid ah in Axmed Madoobe u baqay xukunkiisa, maadama ay doorashada maamulka aan dhaafsiisneyn Dekedda iyo Madaarka Kismaayo soo dhawdahay. Beesha Cawlyahan waxa uu u arkay caqabad ka horimaan karta rejada uu ka qabo in uu ku soo laabto ama uu ku sii dheereysto awoodda. Qaar ka mid ah xubnaha la soo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay in maaleeshiyaadka Madoobe aamineyn in ay ka adkaadeen beelaha kale oo ay hadda tahay xilligii lagu dari lahaa jifooyinka Ogaadeen ee aan aragtidiisa la dhacsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)— Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has called on his state-members for a conference in Mogadishu to end the political stability. President Farmajo reiterated his call for a consultative meeting with the country’s regional state-leaders in Mogadishu to resolve the current political differences, according to a statement seen by Caasimada Online. The consultative meeting will be discussed on the grievance of the state leaders, in a bid to resolve the current political crisis, the statement said. He called on the leaders to respect the interest of the people and to accept the demands of the Federal government to strengthen the latest efforts to ensure unity and cooperation. The political rift came after the regional leaders announced on 8th September to have suspended all relations with the central government, following a four-day conference in Kismayo town. The leaders accused the federal government of interfering with internal regional issues, failure to implement security architecture and not fulfilling political agreements. The country’s regional leaders also chose to boycott a National Security Council meeting scheduled for Sept. 17 and 18 in Somali capital Mogadishu after an invitation by the President Farmajo. However, UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) . – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in adduunka uu Somaliland kala tashto arrimaha Somalia. Feysal ayaa sheegay in Somalia ay wali ku dhex jirto khilaaf iyo is qabqabsi sidaa aawgeed uu adduunka arimahaasi si hoose uga tashto Somaliland. Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay dhanka Siyaasada iyo la dhaqanka bulshada adduunka uga horeyso Somalia inteeda kale taasina ay horseeday in wixii la xiriira amuuraha Somalia wax laga weydiiyo Somaliland, sida uu yiri mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa. “Anagu Somalia waanu ka horeynaa waayo marba haddii amuuraheedu adduunka nagala tashanayo maaha inaanu is garabtaagnaa” “Latashiyada noocan ah waxa ay noo horseedi karan inaanu helno aqoonsi heer caalami ah, shacabkayagu waxaanu u sheegayaa inay ogaadan isbedelada ay mareyso Somaliland”. Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in adduunka qudhiisa uu isku fiirsanayo Soomaalida, balse waxa uu taa bedelkeeda tibaaxay in wakhtigu yahay mid marba marka xigta is guraya. Haddalka Faysal Cali Waraabe, ayaa u muuqanaya mid aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda, waxa uuna haddalkiisa imaanaya xili ay Beesha Caalamku sheegtay in Somaliland ay u aqoonsan yihiin maamul ka tirsan Somalia inteeda kale. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waxaa lawada sugayay sharciga doorashooyinka 2020-ka ee JFS nooca uu noqon doono, DFS waxay soo gudbisay sharci doorasho kuna dhisan nidaamka 4.5 oo la dimoqraadiyeeyay, xisbiyadana tartanka doorashada 2020-ka uga qayb galayaan, habkaan doorasho ee DFS samaysay wuxuu ilaalinayaa isu-dheelitirnaanta mataaladda beelaha ee nidaamka 4.5, wuxuu qasab kadhigayaa in beel walba hesho matalaaddi ay ku lahayd BFS. Qodobadda udub dhaxaadka u ah sharcigan doorasho ayaa kamid ah, qodobka 12aad faqradiisa 1aad una qoran sidan (HANNAANKA DOORASHADU WUXUU NOQONAYAA MID TIXGELINAYA ISU-DHEELITIRNAANTA QAYBAHA BULSHADA SI WAAFAQSAN QODOBKA 64aad FAQRADIISA 3aad iyo 72aad XARAFKA (c) EE DASTUURKA) Qodobbadan lacuskaday ee Dastuurka JFS ah ayaa sheegaya isu-dheelitirnaanta matalaadda bulshada (beelaha) labada gole ee Baarlamaanka JFS, macnaheeduna tahay in beelaha ay ka helaan mataalad isu-dheelitiran habka 4.5 lagu saleeyay, sida haddaba ay kudhisanyihiin labada Gole ee Baarlamaanka JFS. Isla Qodobka 12aad faqraddiisa 2aad, iyo 3aad,ee sharciga doorashooyinka waxay tilmaamayaan in golaha shacabka uu ahaanayo 275 xubnood, iyo Aqalka Sare 54 oo Nambarkiisa ahaanayo isla markaana loo cuskaday qodobka 72aad ee Dastuurka JFS, waxaa halkan ku cad in tirada labada gole noqonayaan 275+54=329 Xubnood guud ahaantooda. Waxaan halkan dul istaagaynaa qodobka 12aad faqraddiisa 5aad islamarkaana ah qodobka ugu adag fahamkiisa, wuxuuna u qoran yahay sidan. (XISBIGII KU GUULEYSAN WAAYA DOORASHOOYINKA GOLAHA SHACABKA CODAD UDHIGMA BOQOLKIIBA TODOBA (7%) CODADKA GUUD EE DOORASHADA WUXUU KAHARAYAA KAMID NOQOSHADA GOLAHA SHACABKA). Dimoqraaddiyenta nidaamka 4.5 ee xisbiyeysan, oo macnaheedu yahay in liiska musharaxiinta xildhibaannada Baarlamaanka JFS 275-ka lagu saleeyo 4.5 ayagoo xisbi kasoo galaya tartanka doorashada, waxaa xisbiyada laga doonayaa in ay u tartamaan dhammaan 275-ta xildhibaan ee habka 4.5 ayagoo isku dhafaya musharaxxiinta beelaha, tusaale ahaan sida, 4 Musharax Mogadishu Clan ah, 4 Musharax Darod ah, 4 Musharax Digil/Mirifle ah, 4 Musharax Dir ah, 2 Musharax Beelaha laga tirada badan yahay ah una dhiganta 18 xildhibaan ama 7% codadka guud ee ansaxay. Tusaale, haddii dhammaan tirada guud ee dadka xisbiyada u codeeyay gaaraan 450,000 cod, waxaa laga rabaa xisbi kastaa inuu helo codad gaaraya 31,500 cod, si uu uhelo xildhibaannadi ku matali lahaa baarlamaanka JFS, Xisbigii heli waaya codad gaaraya 31,500 cod una dhiganta 7%, wuxuu kaharayaa kamid noqoshada Golaha Shacabka sida ku cad qodobka 12aad, faqraddiisa 5aad, ee sharciga doorashada.(450,000 x 7% =31,500) Marka xisbiyadu ay soo helaan ugu yaraan 7% (threshold) codadka dadka ay dhiibteen una-dhiganta kuraas gaaraysa 18 Kursi, wuxuu xisbi walbaa oo shuruuddan ka gudbaa uu xaq u yeelanayaa in uu helo Xildhibaanno ku matala Baarlamaanka JFS, xisbigi helaa wax kayar 7% tirada codadka dadka ay dhiibteen Xaq uma yeelanayo inuu golaha ka mid noqdo, marka loo qeybiyo tirada kuraasta xildhibaannada ay ku guuleysteen, haddii musharaxa kamid ah liiska Xisbi ugu qoran uu helo kursi, musharaxa helay kursiga beeshiisa waxa ay heshay kursigi ay ku lahayd 275-ta xildhibaan ee baarlamaanka , Xisbiga ku xiga kama soo xuli karo musharax isla beesha heshay kursiga ah ee aan kor kuxusnay, waxaa laga doonayaa xisbiga inuu soo xulo musharax kayimid beelaha kale ee aan weli matalaadda kahelin baarlamaanka JFS ee kamid ah xisbigiisa. Musharax walba ee buuxiyaa xubinta ay beeshiisa ku laheyd baarlamaanka JFS, musharax kale ee isla beeshiisa kamid ah marnaba xaq uma yeelano inuu kamid noqdo baarlamaanka JFS. W/Q: Cabdiraxiim Axmed Dhagey C.a.dhagey@gmail.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Dowlada Iran ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sacuudiga ay wali ku howlan tahay fulinta dhagaro kale oo ka dhan ah xubno ka baxsaday dalkooda uu dibad joog ah. Iran ayaa sheegtay in dhagaraha ay iminka maleegeyso Sacuudiga ay ku fooraraan wadamada Sudan, Masar iyo Turkiga oo ay ku sugan yihiin mucaarad badan oo aad uga soo horjeeda maamulka talada haya. Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Maxamed Alavi oo ay xiganayeen wargeysyada ayaa hadalkan ka sheegay shir ka dhacay magaalada Dahran oo looga hadlaayay kaalinta Iran uga aadan khilaafyada dowladaha Islaamka. Wasiir Maxamed Alavi, waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga lagu fiirsanayo xalaaleysiga dhiiga dadka aan danbiilayaasha aheyn waxa uuna ka digay in dowladaha kor ku xusan ay dhaliilsadan dhagaraha ay la damacsan tahay Sacuudiga. Waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in qorshaha Sacuudiga uu yahay in nolosha ay ku qafaashan kuwa mucaaradka ku ah ee ku dhex nool wadamada aan kor ku xusnay, isagoo tilmaamay inay jiran dhaqaale xoogan oo la doonayo in lagu bixiyo hirgalinta qorshooyinkaasi halite leh. Maxamed Alavi, waxa uu tilmaamay in qorshaha Bin Salmaan uu yahay in mudada uga harsan xilka inuu masaxo mucaaradka miisaanka leh ee ku nool wadamada kale, si xilkaasi uu ula wareego iyadoo aanu jirin mucaarad muuqda. Sidoo kale, Maxamed Alavi, waxa uu cadeeyay in dowlada Mareykanka ay waxbadan kala soctay dilka Jamaal Kaashogji, balse waxa uu ka gaabsaday inuu usii guda galo tuhunka uu ka qabo Mareykanka. Haddalka Wasiirka ayaa imanaya xili dhawaan Madaxweynaha Iran Hassan Ruhani uu cod dheer ku sheegay in Sacuudiga uusan ku dhiirankarin dilka Jamaal Kaashogji waa haddii uusan garab ka heysan Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Oct. 27 (Xinhua) -- Armed men shot dead a radio journalist outside Mogadishu on Saturday evening, police and the journalist union confirmed Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray dowlad goboleedyada ku martiqaaday shir wadatashi ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada dowlad goboleedyada, uu mar kale ku celinayo baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan madxda dowlad goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan dowlad goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya ,si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda dowlad goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar. Waa markii labad oo Madaxweyne Farmaajo shir ugu yeero madaxda dowlad gobololeedyada oo khilaaf kala dhexeeyo, waxaana shirkan loogu magacdaray wadatashi, halka markii hore loogu yeeray shirka amniga qaranka. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maalmo kahor shir ay ku yeesheen Garowe ku sameystay xisbi siyaasadeed oo ay ugu magacdareen Horusood Qaran. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo markale dowlad goboleedyada ugu yeeray shir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar.
-
Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan oo xilal kale duwan horay uga soo qabtay Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay laba arrin oo kala ah shirkii gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee Garoowe lagu soo gebagebeeyay 25-kii bishaan iyo xaaladda guurka ee dowladda Puntland. Wuxuu sheegay in shirka Garoowe ku soo dhammaaday uu kaga muuqanayo daneysi ay madaxda maamullada hoosta ka wataan. Khilaafka haatan taagan iyo doorashooyinka ku soo wajahan qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ayuu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan in uu saameeyn ku yeelan karayo qabsoomidda doorashooyinkaasi. Dowladda dhexe ayuu kaga digay in ay faragelin ku sameeyso arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada isagoo u jeediyay in in ay u madaxbannaaneyso matalayaasha shacabka cidda ay soo doortaan. Dhanka kale, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa si qoto dheer kaga hadlay xaaladda Puntland oo uu ku nuuxnuuxsaday in la kala saaro siyaasadda iyo ciidamada Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaqan ku cusub Puntland uu yahay dhacdo maalin dhoweyd ay baahiyeen warbaahinta qaar oo ay ku sheegeen “Saraakiil ka tirsan ciidamada in ay Garoowe ka taageereen dowladda federaalka”. “Waxaan ka digayaa arrin waayadaan soo shaac baxaysay oo ahayd in la furo dastuurka oo rag odayaal ah ay doonayaan in baarlamaanka soo socda Puntland-ta cusub 2019-ka ay ku yeeshaan arrintaas waa wax aan maangal ahayn” buu yiri siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeeyn, shacabka iyo xukuumadda waqtiga uu ka sii idlaanayo ee Puntland ugu baaqay in xil iska saaraan sidii doorashada madaxtinimada 08-01-2019-ka ugu dhici lahayd qaab nabadeed, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhiilo keeni kara. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSIGA-MAXAMED-CABDIRAXMAAN-27-10-2018-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Muqdisho Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay shirkii maanta ku qabsoomay magaalo madaxda dalka ee Muqsdisho. Wuxuu ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen 11-dal oo 14-dal ka mid ah iskaashiga Islaamka ugu qaabilsan yihiin taakuleynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Wasiir Cawad ayaa afka ku ballaariyay in Shirka Khudbad loo bogay uu ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali waa sida uu sheegaye, kaasoo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho. “Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shirguddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar,oo uu goobjoog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad. Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo,sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga,siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada. Warar kale oo mareegta Goobjoog News ay heleyso ayaa meesha ka saaraya in in dowladda Qadar ay bixisay “gabi ahaanba” lacagaha suurageliyay in shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu ka qabsoomo Sabtida maanta ahayd caasimada dalka ee Muqdisho. Tallaabadani ayaa noqonaysa ifafaalo cusub oo qeyb ka ciyaari karaysa khilaafka Khaliijka ee ka dhex aloosan Qatar oo dhinac ah iyo xulufada Sacuudiga oo ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Kuwayt. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wasiir-Cawad-oo-kashifay-dalka-maalgeliyay-shirka-ka-dhacay-Muqdisho.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka shaaciyay halkaas in qorshaha shirka Kismaayo uu yahay dardargelinta howllagada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dowlad goboleedyada. Wuxuu sheegay in shirkaasi ay Kismaayo uga wada qeyb geli doonaan wasiirrada amniga dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland. Maamul Goboleedyada afarta ah Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa shirkii Garoowe waxay go’aan ku gaareen inay sameystaan Ciidan isku dhaf ah, islamarkaana ka wada shaqeeyaan amnigooda iyadoo laga maarmaro xukuumadda Muqdisho. Waxay sidoo kale ka baxeen qorshayaashii amniga ee uu qeybta ka ahaa maamulka uu hoggaamiyo Maxamed Farmaajo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Axmed-Madoobe-oo-fahfaahiyay-shir-Kismaayo-uga-furmaya-Wasiirada-amniga-maamulada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Fanaanka dhallinyarada ah ee lagu magacaabo Nimcaan Cabdiraxman Xassan Hilaac ayaa Bartiisa Facebook ku shaaciyey in la joojiyey Bandhig faneed uu magaalo madaxda gobolka Bari ee Boosaaso caawa 27 Oct,2017 ku qaban lahaa. Nimacaan oo muuqaal hal daqiiqo iyo shan ilbiriqsi ah ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegey in Duqa Boosaaso Cabdisalaam Bashiir oo ku martiqaadey markii hore uu joojiyey bandhig faneed uu ku qaban lahaa magaaladaasi. Sababta arrintani qasabtay ma uusan shaacin, isagoo raalligelin u diray dadweynihii kasoo qayb gali lahaa xafladaan. Ma aha markii ugu horreysay ee bandhig noocaan ah lagaga joojiyo fanaaniin bandhig ku qaban lagaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka kooban tahay iyadoo inta badan talabadaan ay ka timaado cadaadis culimadu saarto maamullada degmooyinka iyo guddoomiyeyaasha gobollada. Magaalada Garoowe oo ah caasimadda Puntland ayaa waxaa horey looga joojiyey bandhig faneed ay qaban laheyd Nasteexo Indho kaasoo muran badan dhaliyey kadib markii talaabo taas lamid ah ay qaadeen Somaliland. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Nimcaan-Muxuu-ka-yiri-bandhig-faneeed-inuu-qabto-loo-diidey-Fanka-Sugaanta-GO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan) ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan dhinaca Amniga. Wasiir Cabdirashiid Janan ayaa ku dhawaaqay amar ah in Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee Jubbaland aan marnaba la ogolaan doonin in lagu dhex qaato hubka sharci darada ah cidii lagu arkana tallaabo laga qaadi doono. Magaalada Kismaayo, amarkani lagaga mamnuucay in qoryaha iyo hubka kale ee sharci darrada ah ayaa ku soo aadaya iyadoo meeshii u sarreeysay uu gaaray khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Janan.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa shaaca kaga qaaday xil, aan markii hore loo shaacin, loogu soo dhiibay shirkii dowlad goboleedyada ee Garoowe, oo ah inuu mas’uul ka yahay aas-aaska ciidamada isbaheysiga ah ee ay dhisanayaan dowlad goboleedyada. Axmed Madoobe, ayaa ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan wasaaradaha amniga iyo taliyeyaasha ciidamada Dowlad Goboleedyada, si loo guda galo howshan loo soo wakiishay. Shirkaan ayuu sheegay in Jubaland ay marti-gelineyso, isla-markaana lagu qabanayo magaalada Kismaayo, inta badana looga hadli doono dib u dhiska ciidamada isku-dhafka ah ee dhawaan lagu go’aamiyay shirkii Golaha Iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada. Shirka Jaraa’id ee uu Kismaayo ku qabatay Axmed Madoobe ayuu sheegay in qorshaha shirkaas ka soo bixi doono uu yahay dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay gaaraan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad goboleedyada, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana ka qyeb geli doonin wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle oo heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Aaxmed-Madoobe.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
War qoraal ah oo laga soo saaray madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo nuqul kamid ah la soo gaar siiyay Goobjoog News baa lagu sheegay in madaxweynaha uu eryay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ruqseeyey 7sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishda Puntland kuwaaas oo dhawaan warbaahinta ka soo muuqday iyagoo dhaliilay hogaaminta madaxwayne Gaas isla markaana sheegay in ka soo horjeedaan Shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada Digreeta lagu ruqseeyey saraakiisha ayaa sidan u qornayn . Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25 October 2018 ka Rukhseeyey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland 7 Sarkaal oo katirsan Ciidanka Daraawiishta Ujeedo: Rukhso Saraakiil Laga bilaabo 25 October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanaka Puntland iyo anshaxa ciidannimo, kuwaas oo kala ah. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito) G/Sare Maxmed Cali Qase G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad) G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro) G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab) Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo) Fulin Wacan -DHAMMAAD- Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
KISMAYO (HOL) – Heavy fighting has broken out between security forces and clan militias in the southern Somali port city of Kismayo town, officials say in a new escalation of fighting late on on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho,waxaana shir guddoominayay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Dowladda Qadar Mr. Sultan Al-Muraikhi. Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan oo furay shirka ayaa soo dhoweeyay shirkan taariikhi ah. Waxaana saacadaha uu shirka diirada lagu saaray horumaradii ugu danbeeyay ay gaartay Soomaaliya,sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka,waxaana shirka laga soo saaray warmurtiyadeed ka kooban 20-Qodob. 1- Shirka waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka midnimada, xasilloonida,sharafta dhulka iyo daacadnimada dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale in la kordhiyo ballanqaadyada siyasaadeed ay sameynayaan Beesha caalamka. 2. Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay ku qanacsanaanta heshiisyada siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (FMS) ee ku saabsan qaabka doorashooyinka 2020 iyo wadaagida khayraadka,taasi oo lagu gaaray Baydhabo bishii Juun 2018. Heshiisyadani waxay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonaan isku-xirka qaab-dhismeedka Federaalka ee dawladda iyo abuurista qaab siyaasadeed oo joogto ah oo dalka loogu talagalay. 3- Shirku waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Soomaalida, xasilloonida, amniga, kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada, iyo matalaad siman oo loogu talagalay haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, tan iyo doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed. 4 – Waxa kale oo ay garwaaqsadeen dadaalka la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Gobolka Banaadir (BRA), Baarlamaanka, hay’adaha diinta, xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo muwaadiniin badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale bulshada rayidka ah. 5. Shirku wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay dedejiyaan bixinta taageerada maaliyadeed iyo mida lojistikada ee loo fidiyo Ciidamada amniga Soomaaliya,sidoo waxay dhinacyada shirka isku raaceen muhiimada tababarka ciidamada qaranka ee Soomaaliya si loo xoojiyo xaaladda ammaan ee dalka. 6-Shirku si adag ayuu u cambaareeyay falalka xag-jirnimada iyo dhammaan falalka argagixiso ay geystaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee ku aadan sii wadida inay weerarto dadka aan waxba galabsan, AMISOM iyo ciidamada amniga. Waxayna adkeeyeen Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC dadaalada ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan iney kaga hortagaan rabshadaha kooxaha argagaxisada kuna soo celiyaan nabada iyo waliba dib u heshiisiinta. 7- Shirku wuxuu soo dhaweeyay aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qadarisay kagana mahad celisay Dowladaha ka qayb qaatay gurmadka iyo daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October ee sanadkii 2017dii ka dhacay Muqdisho,waxay Dowladda Federaalka sheegtay iney ku qanacsan tahay taageeradii ay u fidiyeen dalalka Djibouti, Egypt, Qatar, Boqortooyada Sacuudiga, tSudan, Turkey iyo Imaaraadka Carabta (UAE). 8- Shirku wuxuu soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday shirkii Iskaashiga Soomaaliya Brussels 16-17 July 2018 sidii loo sii wadi lahaa horumarka laga gaaray tan iyo shirarkii London iyo Muqdisho ee lagu qabtay May iyo December 2017, kaas oo OIC ay ka qaybgaleen. Waxa ay ku baaqday in ay sii wadaan iskaashi caalami ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaalida si loo ogaado ujeedooyinka Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya. 9. Kulanku wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay horumaradii ugu danbeeyay ee Geeska Afrika. 10- Shirku waxa kale oo uu xusay mahad celin loo jeediyay shirka arrimaha Bani’aadamnimada oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen OIC iyo la-hawlgalayaasheeda 11-kii Abriil 2017 ee lagu qabtay Muqdisho si loo xoojiyo wada-hawlgalayaasha daneeya arrimaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hay’adaha maxaliga NGO-yada ah iyo kuwa caalamiga sida UN, FGS iyo deeq-bixiyeyaasha si kor loogu qaado wacyiga xaaladda abaarta iyo in ay wax ka qabato saameynta ay ku leedahay dadka ugu nugul. Dadaalka beesha caalamka iyo qurba-joogta Somalida ayaa ka caawiyay in ay ka hortagaan macluusha sannadka 2017. 11- Shirku waxa uu soo dhaweeyay dadaalka waqtigii ku habboon lagu helay ee uu bixiyay Turkiga, oo ah Guddoomiyaha Shirweynaha OIC, si uu u abaabulo Mashruucyada OIC una qiimeeyo xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta waddamada ay abaartu saameysey oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo helo xogta hore ee ku saabsan xaaladda bini’aadanimo si looga gudbo saameynta xun ee abaarta socota dhowrka sanadood iyadoo loo eegayo saadaasha cimilada. 12- Shirku wuxuu ka codsaday Dawladaha xubinta ka ah OIC iyo hay’adaha maaliyadeed inay sii kordhiyaan caawinaadooda ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadamnimada ee FGS iyo gobollada nugul, si loo dhiso Qaab-dhismeed Dib-u-habeyn iyo Dib-u-soo-kabasho (RRF), oo waafaqsan “Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya”. 13- Shirku wuxuu dib u eegay guud ahaan hawlaha OIC ee Soomaaliya soona dhaweeyay isbeddelka xafiiska OIC ee Kaalmaynta si uu gacan uga geysto horumarinta siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Soomaaliya. 14. Shirku wuxuu u hambalyeeyay Dawladaha Xubnaha ka ah ee dib u furay xarumahooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyaga oo raacaya natiijooyinki ka soo baxay shirarkii heer wasaaradeed ee Kooxda oo qabtay intii lagu jiray fadhigii 72aad ee UNGA ee magaalada New York,kaasi oo diirada lagu saaray in Dowladaha xubnaha ka ah Ururka OIC Dib u furaan xafiisyadooda dibloomaasiyadeed ee Muqdisho. 15- Sidoo kale, Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka OIC,Hay’adaha Maaliyadeed,NGO-yada Islaamka ayaa loogu baaqay iney sii wadaan taageeradooda Soomaaliya si loo joogteeyo gargaarka bini-adanimo loona yareeyo dhibaatada Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliya. 16. Kulanka ayaa lagu baaqay taageero dhaqaale oo toos ah loo siinayo Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo hay’adaheeda,waxaana lagu ammaanay dhaqaalaha miisaaniyada Dowladda lagu kabayo ee ay bixiyeen dalalka Sucuudiga iyo Turkiga iyo taageerada dhaqaale ee Masar oo ay ku dabooleyso adeegyada asaasiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin,si taa la mid ah OIC ayaa ku ammaantay Dowladda Qadar taageerada ay siiso Soomaaliya,waxayna wadamada kale ugu baaqeen iney sii wadaan kaalmeynta Soomaaliya. 17- Kulanku wuxuu soo dhaweeyay horumarka ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya fulinta barnaamijka saddexaad ee IMF. Shirku wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in lacagaha deynta laga cafiyo si loo yareeyo culeyska heysta shacabka Somaaliyeed. 18.- Shirku waxa uu soo dhaweeyay hindisaha Dawlada Kuwait ee martigelinta Shirka deeqbixiyeyaasha kor loogu qaadayo Waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Xoghaynta Guud in ay sii wadaan dadaalkooda ah in ay qabtaan Shirweynaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Siyaasadeed iyo Xagjirnimada bisha December. 19- Shirku wuxuu qadarin u muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Isse Cawad taageerada iyo ka qaybqaadashadooda intaba. Waxay sidoo kale, Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha iyo xukuumadda dadaalkooda ku aaddan in si guul ah u furmo una soo gaba-gaboobo shirkan iyo marti-gelinta diirran ee loo fidiyay wufuudaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Xoghaynta Guud. 20- Ugu danbeyntii,Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in kullanka xiga uu dhaco 2019.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxday xafiiska Hoggaamiyaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu ruqseeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo booliska Puntland. Saraakiisha la ruqseeyay oo dhan 7-xubnood ayuu Hoggaamiye Gaas ku eedeeyay in ay ku kaceen falal liddi ku ah anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland. Hoggaamiye Gaas digreetada uu ku ruqseeyay saraakiishan ayaa soo baxday 25 bishan oo ku taariikhaysnayd shalay hase ahaate maanta ay heleen qeybaha kala duwan ee warbaahinta. HOOS KA AKHRISO LIISKA SARAAKIISHA LA RUQSEEYAY 1-G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito) 2-G/Sare Maxmed Cali Qase 3-G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) 4-G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad) 5-G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro) 6-G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab) 7-Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo). Dhinaca kale, Saraakiishan oo ka kala tirsanaa ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska Puntland ayaa lagu ruqseeyay labo digreeto oo is xig xigay hadana dhamaantood waxa ay ka sinaayeen eedaha ah in ay ku kaceen falal ka baxsan anshaxa ciidanka iyo jiritaanka Puntland sida ka muuqata warqada digreetada madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh dowlada Sacuudiga ayaa ka hor imaaday in dowlada Turkiga ay ku wareejiso dadka lagu tuhmayo inay ku lug lahaayen dilka suxufi Jamaal Kaashogji. Wargeysyada oo xiganaya Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-Jubayr ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay ka hor imaaday dalabka Turkiga ee ku aadan in tuhmanayaasha lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbuul. Wasiir Caadil Al-Jubayr, wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga, isla markaana ay jiri doonin muwaadin lagu wareejin doono Turkiga. Wasiir Caadil Al Jubeyr ayaa la sheegay in hadalkan uu ka dhahay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka iyo qaar kamid ah kuwa carabta inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada. “Ma dhaceyso in muwaadin la tuhunsan yahay oo kiiskiisa ku jira gacanteena in loo gacan galiyo Turkiga, wey nagu adag tahay inaan ku wareejino maxaabiisteena ku socta baaritaanka, turkigu waa inuu nagu kalsoonaada” Sidoo kale, Wasiir Caadil Al-Jubayr ayaa ku adkeysanaya in Sacuudiga uusan ku tallo gal u dilin Suxufiga Jamaal ee ku dhex dhintay gudaha Qunsuliyada ee magaalada Istanbuul. Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Turkiga uu codsaday in loo soo gacan geliyo 18 qof oo u dhashay Sucuudiga oo looga shakinsan yahay inay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal Kaashogji. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com