Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Roma (Caasimada Online) – Danjiraha Talyaniga u qaabilsan wadamada Geeska Africa Luciano Pezzotti, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay siyaabo kala duwan ugu sheegen in mar waliba ay adeegsato siyaasad ku dhisan deganaan iyo is-maqal. Danjire Luciano Pezzotti, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ku wargeliyeen inuu iska ilaaliyo dabeecadihii Maxamed Siyaad Barre ee kalitalisnimo. Danjire Luciano Pezzotti, oo shalay hadal ka jeediyay shir balaadhan oo ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo lagaga hadlayay xaaladaha gobalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu ku soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada. Waxa uu yiri, “Waxaanu Farmaajo u sheegnay in Soomaaliyadii Siyaad Barre ee uu ninka keliyi xukumayay ay dhammaatay.” Ayuu yidhi danjire Luciano Pezzotti, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu ka codsanay inuu xal u raadiyo khilaafka hadda ee u dhexeeya dawladda Muqdisho iyo dawlad goboleedyada.” Danjiruhu waxa kale oo uu ka hadlay isbedelada siyaasadeed ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu soo hadal qaaday heshiiska taariikhiga ah ee dhex marya Itoobiya iyo Ereteriya iyo weliba isfahamka bilowga ah ee Djibouti iyo Ereteriya. Caasimada Online Xafiiska Rooma Caasimada@live.com
  2. Mudo aad u dheer waxaa ay madaxda maamuladu ku doodayeen iney Dowlada dhexe ee Soomaliya caqabad ku tahay shaqadooda iyo horusocodkooda. Dowlada dhexe marna kama jawaabin eedaas. Shacabka ayaa ku kala qeybsamay tabashada madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya. Qaar shacabka ka mid ah ayaa u arkayay madaxda maamuladu iney ujeedooyin gaar ah lee yihiin, halka bulshada qaar ay qabto in tabashadooda la dhageysto, lana xaliyo. Aqalka Sare ayaa u istaagay inuu arrinta xaliyo. Villa Soomaaliya waa qoor dhiibatay iyadoo u muuqata iney fahamsan tahay ujeedada dhabta ah ee madaxda maamulada. Natiijadii kasoo baxday shirkii Garoowe ayaa toos u fasirtay damaca madaxda maamulada iyo halka ay ka shidaal qaadanayaan. Ujeedooyinkii Imaarat-ka oo aan waxba lagu darin ayaa kasoo baxay shirkaas. Dhismaha xisbiga NPP (National Progressive Party) ayaa toos uga turjumaaya in madaxda maamuladu ay doonayaan iney fara galiyaan awooda Dowladda dhexe ee Soomaaliya. Dhismihii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada waxaa loo arkayay mid ay madaxda maamuladu ku doonayaan iney kula xisaabtamaan Dowlada dhexe, laakiin xisbiga Garoowe looga dhawaaqay wuxuu fasiraya in murankoodu aaney aheyn mid ku kooban deeganadooda. Cali Aadan oo siyaasada ka bartay jaamacada Oxford ayaa aaminsan in madaxda maamuladu ay toosh isku ifiyeen markii ay xisbi siyaasi ah sameysteen si ay uga qeyb galaan doorashada soo socota ee 2021. “Hada waxey cadeyeen inuu iyaga damac kaga jiro Villa Soomaaliya, laakiin waxey markii hore ku doodayeen Villa Soomaaliya ayaa duulan nagu ah , hada cida duulaanka wada shacabku waa arkaan ayuu yiri Cali. Wuxuu qabaa Cali Aadan in hogaamiyaha xisbigaan cusub uusan noqon doonin Cabdiwali Gaas balse uu jiro qof ay wadato Dowlada Imaarat-ka oo iyadu gadaal ka taagan hindisahaan. Arrintan ayaa shacabka u iftiimisay oo daaha ka rogtay ujeedooyinka madaxda maamulada, waxaana ay hada Villa Soomaaliya dib u hanan doontaa xoogaa dad ah oo markii hore aaminsana in madaxda maamuladu ay diidan yihiin in la fara galiyo maamuladooda. Dadka siyaasada ka faalooda waxaa ay aaminsan yihiin in dhismaha xisbigaan cusub ee NPP uu yahay dhaawac siyaasadeedkii ugu weynaa ee soo gaara madaxda maamulada. W/Q: Mohamed Osman Nairobi-Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Holland Lillian Pullman, ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah ay u baajisay Safar ay ku gaari laheyd magaalada Riyadh. Wasiir Lillian Pullman, ayaa tilmaantay in baajinta socdaalkeeda Sacuudiga uu yahay mid u sabab ah danbiya uu Sacuudiga galayo. Socdaalka Sacuudiga ayey sheegtay inuu ku beegna bishan December ee soo socota, hase yeeshee aysan garankarin waxa sacuudiga ku khasbay falka lagu dilay Jamal Khashoggi iyo kuwa kale ee wadada kusoo jira. Lillian Pullman, ayaa tilmaantay in go’aanka ka baaqashada socdaalkeeda uu yahay mid ay la qabaan wadamo kale oo dhowr, sidaa aawgeedna ay la safan yihiin wadamada saaxiibada la’ah. Chennel-ka Aljazeera Mubashar ayaa sheegay in Wasiirka uu si rasmi ah u hakiyay booqashada Sacuudiga, taa oo la xiriirta xiisaha ay abuurtay Sacuudiga. Sidoo kale, Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Holland ayaa qoray in amarka hakinta socdaalka Wasiirka uu yahay mid ka yihid madaxda ugu sareysa ee dalkaas. Baajinta ayaa salka ku heysa go’aanka ay dowlada Sacuudiga wali uga meermeereyso xaqiiqda dilka suxufiga Jamal Khashoggi oo ilaa iyo hadda aan loo heyn xaqiiq dhab ah. Holland ayaa qaadatay go’aan ah inaanu xiriir danbe lasii yeelan doonin Sacuudiga, inta ay kala imaaneyso warbixin lagu qanci karo oo ku aadan Jamal Khashoggi. Sacuudiga ayaa dhex maquuraya culeysyo badan oo kaga imanaya dowladaha reer galbeedka, kadib markii ay qaab khaldan u dileen Jamal Khashoggi. Si kastaba ha ahaatee, boqorka Sacuudiga ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado dhaxal-sugaha dalkaasi Bin Salman oo ka danbeeyay dilka Jamal Khashoggi. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  4. Dowlad goboleedyada ayaa 25-kii bishaan October 2018 magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka soo saaray warmurtiyadeed ku laran qodobo xasaasi ah oo su’aalo kale duwan dibadda u soo saaraya. Shirka Garoowe waxaa ka horreeyay kii Kismaayo ay ku qabsadeen dowlad goboleedyada horraantii bishii September 2018-ka oo ay ku gaareen go’aanka ah in xukuumadda Muqdisho ay wada shaqeyntii ay la lahaayeen hakiyeen. Wasiir xigeenka biyaha iyo tamarta dowladda Galmudug Maxamed Nuur Diini oo ay Goobjoog News wax ka weydiisay waxa qasbay in go’aannadani ay gaaraan dowlad goboleedyada, wuxuu ku sifeeyay “masuuliyad darro” ka jirta dhanka Villa Somalia. Waxa uu tilmaamay in masuuliyad darradaasi ay keentay go’aamada dowlad goboleedyadu ku gaareen magaalada Garoowe, isagoo sheegay in shirka Dhuusamareeb lagaga hadlayo arrinta Soomaaliweyn. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WASIIR-GALMUDUG-26-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has made an unannounced trip to Oman, according to his office, in an apparent sign of warming ties between the two countries. Source: Hiiraan Online
  6. A 56-year-old man has been arrested in Florida in connection with a mail-bombing campaign aimed at critics of US President Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  7. Cabdi Faarax Juxa Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ah Musharax Madaxweyne Puntlamd 2019 oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa ka hadlay hadal hayn ah in Baarlamaanka Puntland qorsheynayo in uu furo dastuurka. Juxa ayaa sheegay in sharciga loo maro ka hadalka amuurtan weyn ee wax ka badelka dastuurka, laguna beego wakhti iyo wacyi ku haboon, isagoo Baarlamaanka Puntland uga digay in aysan horseedin khal-khal amni iyo sayaasadeed xiligan kala guurka ah. Sidoo kale Juxa ayaa hogaanka dhaqanka iyo siyaasadda Puntland ka cosday inay xil-weyn iska saaraan xasiloonidda dalka iyo wadajirka dadka, isagoo sheegay inay ka dhiidhiyaan hindisaha la sheegay in dastuurka lagu furi doono. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal hayn ah in Baarlamaanka iyo Xuluumaddu qorsheynayaan in dastuurka la furo, oo qaar kamid ah beelaha Puntland loo kor-dhiyo xubnaha ay ku leeyihiin Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Juxa oo Baarlamaanka Puntland uga digay in aysan horseedin khal-khal amni iyo siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  8. Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka hadlayay munaasabad loogu qabtay magaalada London ayaa eedeymo culus u soo jeediyay madaxda ugu sarreeysa dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho. Siyaasi Juxa oo ka hadlayay qaar kamid ah hab dhaqanka madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadda Muqdisho ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday weedha ah “Waa Markii Ugu Horreeysay”. Cabdi Faarax Juxa ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda ay la baxday Naaneeysta ah “Waa markii ugu horreeysay oo na la aqoonsado, waa markii ugu horreeysay oo roob da’o, waa markii ugu horreeysay oo meel cagaar leh la soo arko, , waa markii ugu horreeysay…. , waa markii ugu horreeysay…..”. Wuxuu intaas hadalkiisa raaciyay siyaasi Juxa “Waxaase ah runtii markii ugu horreeysay taariikhda, waxaa markii ugu horreeysay ah in nin Soomaaliya oo madax ah oo Villa Somalia jooga oo calanka Soomaaliya hoos fadhiya uu nin kale oo Soomaali ah oo walaalkiis ah u gacan geliyo cid kale qaddiyadda Qalbi Dhagax iyo boogteeda ayaa ah taariikh cusub, taas ayaa ah markii ugu horreeysay” Waxaa kaloo uu soo hadal qaaday arrinta sharciga Jinsiyadaha oo uu sheegay in markii ugu horreeysay ay tahay oo dowlad Soomaaliyeed ay su’aal geliso “Soomaalinimada”. Cabdi Faarax Juxa ayaa soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland, isagoo sidoo kale markii ugu dambeeysay ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna hadda kamid yahay siyaasiyiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Puntland 2019-ka. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WASIIR-HORE-JUXA-26-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay musharaxiinta gaadiidka aanu cabada Karin lasoo galay magaalada Baydhabo. Shariif oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maalmahaani uu la socdo dhaqanada musharaxiinta qaar waxa uuna tilmaamay inaanu muhiim aheyn in la qaato gaadiid aanu xabadu Karin. Shariif Xasan, waxa uu sheegay in gaadiidkasi ay yihiin kuwo qaran isla markaana ay muhiim tahay in la bidhaamiyo sababta loogu qeybiyay musharaxiin gaara, maadaama ay yihiin gaadiid Qaran. Shariif Xasan, waxa uu sheegay in taasi ay tahay qalad in qof aan weli la dooran in gaari ay dowladdu soo siiso,waxaana uu sheegay in ay la mid tahay in qofkaasi la doortay. “Waa arrin khalad ah in dowladu ay kala soocdo musharaxiinta gaadiidka lasiinayo musharaxiintasi waxa ay ka dhigan tahay in la doortay, maadaama aanu dhicin doorasho waxaa khalad ah in lasiiyo gaadiidka aanu xabada Karin” Shariif Xasan, waxa uu tilmaamay in bixinta gaadiidkaasi ay suuragal tahay inay abuurto kalsooni daro, waxa uuna dowlada Somalia ugu baaqay inaysan hantida ku bixin shaqsiyaad aan wali qaban xilka Koonfur Galbeed. Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya kadib markii dowlada Somalia ay magaalada Baydhabo ka dajisay labada diyaaradood oo kala wada Gaadiid aanu xabadda Karin iyo Ciidamo gaara, waxa ayna u soctay labada Musharax oo ay wadato dowlada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  10. A man in Florida has been arrested in connection with the suspected mail bombs sent to high profile figures, authorities said Friday morning. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU (Caasimada Online)—US military says it has carried out drone strike against Al-Qaeda linked Al-Shabaab in south of Somalia, killing at least two militants. The strike was carried out on Oct. 25 in support of the government of Somalia in Kunyo Barrow area, some 65km west of Mogadishu, according to US African Command. “We currently assess two (2) terrorists were killed in this airstrike,” the Command said. Kunyo Barrow in Lower Shabelle region is a stronghold of Al Qaeda linked Al-Shabaab. The United States has carried out more than 28 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. There was no immediate comment from Al Shabaab over the claims. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. But the Islamist group still holds sway in large parts of the countryside and launch regular gun and bomb attacks on government, military and civilian targets in Mogadishu. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel to fight against the Al-Qaeda inspired group in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Haweeney u dhalatay dalka South Sudan oo joog leh ayaa la sheegay inay shuruudaasi ku xirtay rag guur-doon ah oo loolan ugu jira hanashadeeda. Telefishinka Jubba ee South Sudan oo baahiyey Qisadan ayaa sheegay in haweeneydaasi oo lagu magacaabo Nyalong Ngonh Deng Jalang ay she egg at in ninka doonaya inuu iyada guursado ku xiray inuu bixiyo 500 oo Lo’ ah iyo 3 Gaari oo noocoodu yahay V8. Mid ka mid ah shan Nin oo guur-doon ah ayaa u dhow inuu hanto haweeneydaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Awerial oo ka tirsan Gobalka Lake State ee dalkaasi. Haweeneydaasi oo aan Muslim ahayn waxay soo jiidatay hamiga Guur-doonayaal badan, kuwaasi oo badankooda ku haray shuruudaas, maadaama aysan bixin karin Kharajka Meherkeeda. Haddaba, sidee kula tahay shuruudaasi haddii ay kuugu xiray gabar aad calmatay? Ma bixin lahayd mise Dantaa kuu run sheegin lahayd? WQ: Ustaad Nuradin
  13. Muqdisho-[Puntland Post]-Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta soo gaaray wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka,waxana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya. Wafdiga ayaa ka kala socday dalalka Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka. dalalkan ayaa ka qeybgali doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Magalada Muqdisho waxana aya ka kooban yihiin 14 dal oo ay soomaliya ku jirto. Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in uu ka furmo Berri Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka. CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST The post Wafti ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo Muqdisho Gaaray appeared first on Puntland Post.
  14. Iyadoo muranka la xiriira kiiska dilka wariyihii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga, Jamaal Khaashuqji, uu heerkii ugu sarreeyay marayo ayey ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF waxay sheegeen in 28 wariye oo kale ay ku xiran yihiin Sucuudiga. Suxufiyiintan ayaa lagu soo qabqabtay howlgal si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay, sida ay shaacisay RSF, oo sidoo kale soo daabacday sawirrada suxufiyiinta ugu caansan ee xabsiga ku jira. Sida ay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn qabaan, Wariye Jamaal Khaashuqji ayaa loo dilay sababo la xiriira inuu dhaleeceyn jiray xukuumadda Sucuudiga, waxaana isla sababtaas awgeed hadda Sacuudiga gudihiisa ugu xiran ugu yaraan 28 suxufi, oo isugu jira kuwa maqaallada ku qora wargeysyada iyo kuwa baraha xiriirka bulshada ku baahiya wararka, waxayna dhammaantood xukuumadda uga careysiiyeen qoraalladooda. Qaarkood waxaa xabsiga la dhigay intii ay xilka hayeen boqor Salmaan ama boqorkii uu dhaxlay ee Cabdalla. Waxaa ku jira wariyaha ka tirsan warbaahinta Citizen ee lagu magacaabo Raa’if Badawi, kaasoo sannadkii 2012-kii lagu riday xukun 10 sano oo xabsi ah iyo 1,000 jeedal, oo la sheegay inuu ku muteystay aflagaadeynta islaamka. Suxufiyiinta kale ayaa lagu soo xirxiray howlgalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda ee uu sannadkii 2017-kii billaabay dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo uu dhalay boqorka hadda xilka haya ee Salmaan Bin Cabdul Casiis. Waxaa sidoo kale ka mid ah saddex haween ah oo difaacayay xuquuqda dumarka. Dhammaan saddexdoodaba waxaa xabsiga loo diray iyagoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xukunka lagu riday. Inta badan suxufiyiinta hadda xiran ayaa sugaya in la maxkamadeeyo. Inkastoo aysan xurriyad heysan, waxay xaaladda ku sii xumaan kartaa marki la xukumo. Salmaan Al Cawdah, oo ah nin bixiya casharrada diiniga ah, internet-kana wax ku baahiya, waxaana bishii Siteembar lagu riday xukun dil ah. Wariye oo lagu magacaabo Fayez Bin Damakh, oo sidoo kale abwaan ahaa, waa la la’yahay meel la geeyay. Wax war ah lagama hayo tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, xilli uu damacsanaa inuu telefishin cusub kasoo furo waddanka Kuwait. Warbaahinta dalka Kuwait ayaa sheegtay in loo gacan galiyay dowladda Sucuudiga, ka dibna xabsi la dhigay. Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa soo daabacay sawirrada wariyeyaasha la xabisay, oo ay ku jiraan kuwa ugu caansam dalka Sucuudiga. RSF ayaa sheegtay in tirada suxufiyiinta ah ee xilligan xiran ay ka badan karaan 28 wariye, maadaama ay adag tahay in xukuumadda laga helo xogta ku saabsan dadka xabsiyada ku jira. Suxufiyiintii la xiray wixii ka horeeyay sannadkii 2017-kii AKHRISO -Raaif Badawi, oo wax ku baahiya internet-ka, ahna aasaasaha warbaahinta Saudi Liberal Network. -Calaa Brinji, oo ah wariye ka tirsanaa warbaahinnada kala ah Al-Sharq, El Bilad iyo Okaz. -Waliid Abu al Khair, oo ah aasaasaha hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha ee dalka Sucuudiga. -Naziir al Maajid, oo ah wariye qoraa ah oo la shaqeynayay warbaahinno kala duwan oo ay ku jirto Al Hayat et Al Sharq. -Faadhil al Manafes, oo ahaa wariye ka tirsan warbaahinta Citizen, isla markaana u doodi jiray xuquuqda aadanaha. Suxufiyiintii la xiray wixii ka dambeeyay sannadkii 2017-kii -Saalih al Shehi, oo ah wariye ka tirsan warbaahinta Al Wadan. -Eman al Nafjaan, oo ah haweeney u doodda xuquuqda dumarka, ahna aasaasaha warbaahinta dhinaca internet-ka ee haweenka Sucuudiga. -Nouf Cabdulcasiis al Jeraawi, oo ah haweeney wariye ah oo dhinaca internetkana wax ku baahisa, iyo waliba qof u dooda xuquuqda dadka kale. -Nassima al Sacda, oo ah wariye qori jirtay maqaallo ay ugu doodeysay xuquuqda haweenka. -Cali Al Cumaari, oo ah aasaasaha telefishinka 4Shabab TV. -Maalik al Axmad, oo ah tifaftiraha warbaahinno kala duwan, ahna aasaasaha warbaahinta Al Mohayed. -Maxamed Sacuud al Bishaar, oo ahaa wariye maqaallada u qora warbaahinno uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Twasul. -Jamiil Farsi oo ah ganacsade, isla markaana ah wariye maqaallada ku qori jiray warbaahin uu ka mid yahay wargeyska Sucuudiga kasoo baxa ee Okaz, waxayna dad fara badan kala socdeen bartiisa Twitter-ka. -Essam Al Zamiil, oo ah dhaqaaleyahan ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen. -Cabdalla Al Maaliki, oo ah macallin ahna wariye ka tirsanaa warbaahinta Citizen. -Salman al Cawdah, oo ah nin isbaddal doon ah oo wax ku baahin jiray dhinaca internet-ka, isla markaana lahaa dad fara badan oo kala socday bogiisa internet-ka. Xigasho BBC The post Akhriso:-Wariyeyaasha Sacuudiga u xiran kadib dilkii Khashoggi appeared first on Puntland Post.
  15. MOGADISHU (Caasimada Online)—The General Secretariat of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) will hold a ministerial meeting of the OIC contact group on 27 October 201 in Somali capital Mogadishu. The group included – Egypt, Djibouti, Iran, Kuwait, Gabon, Malaysia, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE, Pakistan, Azerbaijan, Brunei and Yemen Somalia will host the meeting on its soil for the first time in accordance with the resolutions of the 44th and 45th Islamic Conferences of Foreign Affairs Ministers, held in Abidjan in Ivory Coast and in Dhaka in Bangladesh respectively. The participants will focus on the ways and means to promote durable peace and institutional stability in Somalia. Somalia as a founding State of the OIC has always occupied a high place on the OIC agenda and the OIC continues to actively contribute at various levels for achieving peace and stability in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  16. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxwenaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta dalbaday Sacuudiga inay shaaca ka qaadaay halka uu yaallo meydka suxufiga Sacuudiga ee la dilay Jamal Khashoggi.Erdogan waxaa uu sidoo kale Sacuudiga ka dalbaday inay shaaciyaan qof reer Istanbul oo sida la tuhunsan yahay Sacuudiga kala shaqeeya in meydka Khashoggi la qariyo kadib markii lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sauudiga ee Istanbul. Madaxweynaha Turkiga oo baarlamanka kula hadlayey xubno ka tirsan xisbigiisa AK ayaa shaaca ka qaaday in Ankara ay hayso caddeymo dheeraad ah oo la xiriira dilka suxufiga, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in dacwad oogaha Sacuudiga uu axadda booqan doono Istanbul, si uu ula kulmo saraakiisha Turkiga, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka dilka Khashoggi. Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay khamiistii ku qiratay in dilka Khashoggi uu ahaa mid horey loo qoresheeyey, ayada oo lagu saleynayo caddeymo ay ka heleen Turkiga. Si kastaba, qoraalka ayaan lagu caddeyn cidda horey u qorsheysay dilka. Bayaanka ayaa lagu sheegay in dacwad oogaha uu weli wado baaritaanka dadka lagu tuhmayo dilka, si loogu soo afjaro hab cadaaladeed. Dowladda Sacuudiga ayaa shaqada ka ceyrisay shan mas’uul oo sare oo lala xiriiray dilka, islamarkaana xabsiga dhigtay 18 tuhmaneyaal. Dad uu ka mid yahay madaxwenaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu qaadi doono mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee dilka. Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa maanta sheegay inay rumeysan yihiin in boqortooyada Sacuudiga aysan ku lug lahayn dilka suxufiga. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  17. The African Union force in Somalia says it has killed a “chief finance controller” for the al-Qaeda-linked al-Shabaab extremist group. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxwaynaha Jubbaland oo ka hadlay gabagabada shirka Garoowe uga Dowlad goboleedyadda ayaa ka fal-celiyay Guddiga ay xukuumadda Soomaliya u saartay inuu Aqalka Sare kala shaqeeyo xalinta tabashooyinka maamulada. Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], hogaamiyaha waqtigu ka dhamaaday ayaa tilmaamay in talaabada ay qaaday xukuumaddu ay tahay mid lala soo daahday, isagoo ku sifeeyay “riyo aan waxba lagu maamuli karin”. Isagoo hadalkiisa sii wata, Axmed Madoobe ayaa fahfaahin ka bixiyey shuruudahooda ku aadan wada-hadal dhex mara maamullada iyo dowladda dhexe, wuxuuna daboolka ka qaaday inay doonayaan in cida dhex-dhaxaadineysa ay noqoto Soomaali. “Turjumaan baan u baahan nahay oo Soomaali ah. Aqalka sare baa is-xilqaamay, jawaabtii laga sugayey [xukuumadda] waxay noqotay inay soo magacowdo Guddi afar wasiir ah, taasina waxaan u aragnaa riyo aan dad lagu maamuli karin,” ayuu yiri Axmed. Dhinaca kale, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay deeq-bixiyaasha caalamka inay kala sixaabtamaan dowladda dhexe lacagaha ay siiyaan, taasi oo uu muujiyay inay rumeysan yihiin in aanu ku bixin meelo sax ah [Musuq-maasuq]. “Lacagaha waa in aysan noqon kuwa inaga nagula dhibaateeyo, waa inay noqdaan kuwa ku baxa meelaha saxda ah, taasina waa inay hubiyaan deeq-bixiyaasha,” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe oo luqad adag ku hadlayay. Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa difaacay shir-waynaha ka dhanka ah dowladda hadda jirta oo ay dowlad goboleedyaddu iclaamiyeen, kaasi oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug, 45 cisho kadib. Xigasho: Garowe Online
  19. The Turkish president, Recep Tayyip Erdoğan, has made fresh demands on Saudi Arabia to disclose the location of Jamal Khashoggi’s body and identify who ordered his killing, in a sign that Ankara is willing to keep up the pressure on the beleaguered kingdom. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (Caasimada Online)–UN inspectors are examining more than 2,500 AK-47 rifles and other guns seized by the crew of a U.S. destroyer off the coast of Yemen to determine whether the weapons originated in Iran or Somalia. U.S. authorities said they invited the UN inspectors on board on October 25 to determine whether the weapons provide proof that Iran is smuggling arms to allied Shi’ite Huthi rebels that are battling the Yemeni government in a four-year civil war. Iran has denied providing weapons to the Huthis. The United States — in debates at the United Nations — has repeatedly charged Iran with illegally smuggling weapons to the Huthis, in violation of UN resolutions against arming the Huthis. Yet U.S. forces patrolling the waters around Yemen have managed to seize only a handful of weapons caches like the one seized by the USS Jason Dunham in late August. “It’s one big traffic corridor,” Vice Admiral Scott Stearney, commander of the U.S. 5th Fleet, told reporters on board the vessel on October 25, speaking of the Gulf of Aden and other waterways around Yemen. Stearney declined to say if he thought Iran was responsible for the weapons seized by the Dunham’s crew, but he said the UN inspectors were experts on illicit weapons from Iran, Yemen, and Somalia. The U.S. destroyer’s crew while on patrol in the region in August noticed large bags being transferred from a dhow about 70 miles off the coast of Yemen into a smaller skiff. A dhow is a traditional ship that commonly sails the waters of the Persian Gulf region. The Navy ship intercepted the skiff and, after talking to the crew on board, determined they were smuggling weapons. The rifles, in bundles of four or five, were wrapped in plastic, then wrapped in styrofoam and hidden in green burlap bags, according to Navy Commander John Hamilton, commander of the Dunham. A small number of reporters on board the ship were allowed to see the assault rifles, which were heavily rusted after nearly two months at sea. The weapons had been unpacked and piled up, and were ready to be inspected by the UN team. Hamilton said the crew on the dhow told them they were carrying flour and wheat, but he said none of the foodstuffs were found on board. Navy Captain Adan Cruz, commodore of U.S. Naval Forces Central Command, said the weapons could have been shipped from Somalia rather than Iran. The UN inspectors, he said, will determine the guns’ origin and “see first-hand the weapons flowing into the region.” UN Ambassador Nikki Haley, in calling for a crackdown on Iran at the UN, has repeatedly accused Iran of supplying the Huthis. Last year, she displayed the remnants of missiles that the Huthi rebels fired at Saudi Arabia, which is backing the Yemeni government in the civil war, saying they provided “undeniable evidence” that Iran was illegally supplying weapons to its Yemeni allies. Sources: RFERL
  21. MOGADISHU (Caasimada Online) – African Union says its troops have killed head of Al-Shabab finance controller and 7 others in an attack in west of Somali capital Mogadishu. The AU force in a series of tweets said its forces had warded off an attack by Al Shabaab in Barire town, some some 60km west of Somali capital Mogadishu We have killed 8 militants, including “chief finance controller” for the al-Qaeda-linked al-Shabaab group in Lower Shabelle”, the mission said. There was no immediate comment from Al-Shabaab group over the claims made by African Union. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah war ay soo dhigtay Baraheeda Bulshada ku sheegtay in Muqdisho berri uu ka dhacayo Shirka Golaha Iskaashiga Islaamka. Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa Soomaaliya lagu qaban doonaa 30-sano kadib, waxaana qorshuhu yahay in ay ka qayb galaan Xubno ka socda Dalalka ururkaan ku jira. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kaliya in shirka uu Magaalada Muqdisho ka furmayo, iyaga oo xustay Magacyada Dalalka ka qaybgalaya. Ajendaha ama waxyaabaha looga hadlayo ma sheegin Dowladda Federalka, balse waxa ay tilmaamtay in ay dib kasoo gudbin doonto. Waxaana warar ay heleyso Mustaqbal Radio ay sheegayaan in looga hadli doono sidii Taageero loo siin lahaa Soomaaliya, Siyaasadda, Ammaanka iyo in Dowladda federaalka looga dambeeyo Siyaasadda gudaha. 27-ka Bisha Oktoobar oo Berri ah ayaa la filayaa in uu shirkaan ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaana warar Mustaqbal Radio ay heleyso ay sheegayaan in ay ka qayb geli doonaan Madax ka socota Ururkaan. Wufuud ka ka kala socota wadamada Islaamka oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta yimid Magaalada Muqdisho. Waxaa soo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Dowladda ay geysay Xubno katirsan oo ka qayb qaadanaya Soo dhoweynta Wufuudda Isdaba joogga ah. Soomaaliya ayaa Dalalka Ururkaan ku jira ku ah 15-Dal, waxayna taas ka dhigan tahay in Magaalada ay imaanayaan Madax iyo Mas’uuliyiin kala mataleysa 14-kaan Dal. 1- Azerbaijan 2- Brunei 3- Djibouti 4- Egypt 5- Gabon 6- Iran 7- Kuwait 8- Malaysia 9- Pakistan 10- Qatar 11- Saudi Arabia 12- Sudan 13- Turkey 14- UAE 15- Yemen
  23. Riyadh (Caasimda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Safar uu magaalada Riydh uga baxay curudka suxufiga silaca loo dilay Jamaal Khashoggi iyo qoyskiisa. Qoraal lagu daabacay bogga wakaalladda Wararka ee Reuters oo lagu soo xigtay ehelo ku dhow qoyska ayaa lagu sheegay in Saalax Jamaal Khashoggi oo ah curudka Saxafigii la dilay uu ka dhoofay Sacuudiga oo u ambabaxay Maraykanka. Qoysku waxa ay sheegen in Saalax Jamaal Khashoggi uu heysto dhalashada dalka Maraykanka, isla markaana uu muddo ahaa mid u xanibnaa Sacuudiga. Waxaa la tilmaamay in muddo ay saarneyd xayiraad dhanka Safarka ah oo markii danbe laga qaaday. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay sabab u aheyd in Saalax Jamaal Khashoggi uu si nabada uga dhoofo Sacuudiga isaga iyo carruurtiisa. Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu masuuliyiinta Sacuudiga u sheegay in uu doonayo in Saalax Khashoqji oo dhalasha labada dal haysta uu ku laaban karo Maraykanka isla markaasna “uu ku farxay” in loo ogolaaday in uu sidaa yeelay. Dhinaca kale, Telefishinka Aljazeera ayaa xaqiijiyey in Saalax Jamaal Khashoggi iyo Qoyskiisa ku sugnaa Sacuudiga u ambabaxeen Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Sacuudiga Kama hadlin safarka Qoyska Jamaal Khashoggi. Xigasho: Reuters
  24. Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley shirka Hay’adaha Socdaalka ee wadamada dhaca geeska Africa oo ka socda Magaalada Nairobi ee dalka kenya. Shirkaan oo looga hadlayo isku socodka iyo Xuduudaha ayaa waxaa ka soo qeybgaley Agaasinnada hay’adaha Socdaalka ee wadamada Tanzania, Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, waxaana shirka soo qabanqaabiyey Hay’adda Socdaalka Adduunka. Ujeedka shirkaan ayaa ah iskaashi joogto ah oo laga yeesho socdaalka iyo fududeynta isku’ socodka. Dalalka shirka ka qeybgaley ayaa ah wadamada inta badan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u socdaalaan sababo kala duwan, iyada oo ay jiraan dhibaatooyin ay ku qabaan socdaalka wadamada Geeska Africa. Wefdiga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee shirka ka qeybgalaya ayaa soo bandhigey cabashooyinka la xariira socdaalka ee ay qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo wadashaqeyn la’aanta hay’adaha ay khuseyso. Sidoo kale wefdiga Soomaaliya ayaa kulamo doceed gaar ah la yeeshey madaxda socdaalada ee shirka ka soo qeybgaley. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Hay’ada Socdaalka G afrika oo Nairobi ku shirsan appeared first on Puntland Post.
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Fannaanada lagu magacaabo Sinead O’connor ayaa shaacisay in wixii xiligan ka danbeeya ay tahay qof Muslim ah. Sinead O’connor, waxa ay sheegtay inay kusoo biirtay Diinta Islaamka, isla markaana ay la magac baxday Shuhadaa’ Davitt. Shuhadaa’ Davitt, qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxay ugu mahad celisay dhamaan Muslimiinta. Shuhadaa’ Davitt, waxa ay tilmaantay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto Mujtamaca Ummah (The Muslim Community). Diinta cusub oo ay qaadatay ayay sheegtay inay inay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay horay ula soctay balse ay mar un ku taameysay qaadashada diinta wanaagsan. Dhinaca kale, Shuhadaa’ Davitt waxa ay muslimiinta oo idil ay ka dalbatay in loogu duceeyo in alle uu ka cafiyo heesaha ay ku luqeyn jirtay inta ay heysatay gaalnimada. Xigasho: Telefishinka CNN