Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si rasmi ah uga bilaabatay dhageysiga khudbadaha Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan Koonfur Galbeed ayaa maanta ka hor hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka maamukaasi. Saddexda Musharrax ee khudbadaha jeediyay ayaa ka hadlay taariikhdooda iyo sidoo kale mid kasto waxa uu qabanayo, haddii loo doorto xilkaasi. Doorashada K/ Galbeed oo ay haatan hortaagan yihiin caqabado badan ayaa la filayaa in ay dhacdyo 19 bishan December ee 2018-ka, si loo doorto Madaxweyne cusub. The post Dhageysiga Khudbadaha Musharraxiinta Oo ka bilaabatay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshe la doonayey inuu maanta Mukhtaar Roobow ku dhowaaqo inuu ka haray doorashada Koonfur Galbeed ayaa fashilmay kadib markii la isku fahmi waayey qaabka uu Roobow arrintaas ku shaacinayo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Qorshahan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ee dowladda ku jira, kuwaasi oo doonayey in Roobow uu helo xoriyaddiisa, taas beddelkeedna uu ka haro doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale qorshaha qeyb ka ahaa in Roobow uu shaaciyo inuu cambaareynayo falalka xagjirnimada islamarkaana si buuxda u marayo, una dhamaysanayo nidaamka dowladda ay u dejisay xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshuhu ahaa in saddexda dhinac ee arrintan ay quseyo mid walba uu helo waxa uu doonayo, sidaasna sheekada Roobow lagu soo afjaro. 1 – Dowladda waxay heli lahayd in Roobow uu ka haro doorashada, sidaasna ay Koonfur Galbeed u gaysato Lafta-Gareen, maadaama Roobow halis xooggan geliyey. 2 – Roobow waxa uu heli lahaa xoriyaddiisa, waxaana laga saari lahaa xabsiga, oo la qorsheeyey inuu ku jiro, haddii uusan sameyn sida ay rabto dowladda. 3 – Siyaasiinya Koonfur Galbeed waxay iska dejin lahaayeen cadaadiska xooggan ee ka haysta dhanka shacabkooda ee ah in Roobow la daayo, lana dejiyo rabshadaha Baydhaba. Ayada oo heshiiska sidaas yahay, islamarkaana warbaahinta looga wacay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Roobow, ayaa qorshaha waxaa sida aan xogta ku helnay daqiiqadihii ugu dambeeyey ka baxay dowladda Soomaaliya. Xubnaha ku dhow wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay ka cabsatay in marka Roobow uu warbaahinta hor-tago uu is-beddelo oo uu sheego wax ka duwan waxa lagu heshiiyey. Ilaa hadda ma cadda sida arrintan loo wajihi doona, waxaana dowladda haysata laba daran mid dooro. Haddii Roobow la yiraahdo muuqaal duub oo arrintan ka hadal, waxay u ekaaneysaa in la qasbay, haddii shir jaraa’id uu qabtana waxay ka cabsaneysaa in Roobow ka faa’iideysto warbaahinta oo uu sheego arrimo dhaawac xooggan gaarsiin kara dowladda. Weli qorshaha waa taagan yahay balse waxaan la hayn habkii loo fulin lahaa. Warbaahintii maanta loo yeeray, oo markii horeba aan loo sheegin sababta, ayaa waxaa lagu maaweelyiyey xiritaanka xabsiga Godka Jilicow oo ahaa qorshaha hore u dagsanaa, balse lasoo hormariyey si loogu dabaalo fashilka ku yimid arrinta Roobow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta albaabada isugu dhufatay Xabsigii ku yaallay Godka Jilacoow ee magaalad muqdisho. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo uu wehliyo Wasiirka Cadaaladda XFS oo halkaas shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in xaruntaas loo baddalay Akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka loogu siiyo shaqaalaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. ‘Waxay Wasaaradda amniga garatay in meeshan xabsiga laga badalo loona badalo meel ama goob ay ku bartaan ciidamada Nabad-sugidda la dhaqanka bulshada ama xaquuqul insaanka waxaana Alla Mahadii ah in maanta ay suurta gashay, Magaca Cusub ee halkan loo bixiyay waa Xarunta Jilocoow” ayuu yir Wasiirka Amniga XFS “Qofkii hadda kadib la xiro waxaa laga raadin karaa saldhigyada Booliiska iyo Xabsiga dhexe, sidoo kale Nabad-sugidda waxay xaq u leeyihiin qofkay soo qabtaan 48 ku heystaan baarista Xisbiga waxii kabadana sharciga u maraan.” ayuu raaciyay Wasiirk Amniga XFS Tallaabadan waxay qeyb ka tahay isbadallo isdabajoog ah oo ay Wasaaraddu ku sameynayso laamaha amniga, loogana jawaabayo cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xabsigan. The post DFS Oo Albaabada isugu dhuftay Xabsigii Godka Jilacow appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-16122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo midka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cawad iyo Muudey ayaa Maanta booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal. Seddexda Mas’uul ayaa ka wada hadlayo Xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda ugu sareyso dalka iyo mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Kulanka oo ah mid alabaabada u xiran ayaa wuxuu ka socdaa Hotel Shabeel oo uu dhawaan dagay Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii uu cadaadis kala kulmay Xukuumadda Soomaliya. Labada dhinac ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Shirkaan ayaa la aaminsan yahay in lagu doonayo in lagu damiyo xasaradda ka dhalatay Mooshinkii dhawaan laga gudbiyey Madaxweyne Farmaajo. Muudey iyo Cawad ayaa doonayo inay Mursal ku qanciyaan inuu ka laabto Mooshinka Farmaajo isla markaasna uu la shaqeysto Kheyre iyo Farmaajo oo markii horaba ka dambeeyey inuu Guddoomiye noqdo markii meesha laga saaray Prof. Jawaari. Guddoomiye Mursal ayaa la saaray xayiraad, iyadoo loo diiday in Xildhibaanada u tagaan, kadib markii ciidamada ammaanka ay xireen wadada loo aado hogyiisa ee wadada Garoonka Aadan Cadde. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. A huge explosion was heard on Sunday noon in Mogadishu, the Somali capital amid tight security measures that have been in place in the past few months. Local Police are investigating a blast resulted from an explosive device planted under a car seat that detonated in downtown Mogadishu. No injuries were reported. No group has immediately claimed the responsibility for the attack which shattered a period of calm in Mogadishu, which is stabilizing after nearly 25 years of chaotic violence. The Somali government has deployed additional police personnel on the main roads to prevent Al Shabaab from carrying out more attacks in the city. The post Car bomb explosion reported in downtown Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Wafdi balaaran oo ka socda Qoomiyada Oramada oo ka kooban Isimada ugu waaweyn Qoomiyadaas ayaa waxay booqasho rasmi ah ku joogaan Hargeysa. Ujeedka Booqashada Wafdiga [...] Source
  8. The government will deploy at least one thousand additional police reservists along the Kenya-Somalia border in Wajir County as efforts to counter violent extremism intensify. Northeastern regional coordinator regional Mohammed Birik says the process of training the police reservists has been concluded and the officers are properly equipped. And in efforts to enhance cohesion among security agents and local communities, authorities in the area have launched sporting activities in the frontier counties of Garissa, Mandera, and Wajir as a way of building trust among the two groups. The Al-Shabaab militia has often taken advantage of the porous Kenya-Somalia border to gain entry into the country to launch terrorist attacks with often fatal consequences. The government has now vowed to enhance surveillance along the border and the frontier counties to ensure security for residents in those Counties. The National and County Government in partnership with development partners has come up with innovative ways of building trust between youth in the region and security agents. Youth drawn from the region will square it out in a football contest against security agents in a match that seeks to build bridges between the two groups. Area leaders saying such activities are among Government initiatives designed to deal with the adverse effects of radicalization. Additional police reservists will also be deployed along the Kenya Somalia border to complement security agencies. North eastern regional coordinator Mohammed Birik is at the same time urging parents to be more proactive in efforts aimed at containing radicalization. The post Kenya to deploy additional police along Kenya-Somalia border appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Wasaaradda amniga gudaha ayaa albaabada isugu dhufatay xabsiga godka Jilacoow, waxaana loo baddalay akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka loogu siiyo shaqaalaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka. Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in goobtaas fikirka xun laga aaminsanaa la xiray. Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri“Halkan aan fadhinno waa meeshii la dhihi jiray godka Jilacow, marka sidaad ula socotaan wasaaradda amniga gudaha iyo xukuumadda waxaa ay wadey isbadal, kaas oo ku saabsan dhanka nabad sugidda, ciidamada nabad sugidda dhow bil ka hor waxaan ka dhignay hubka, inta badan waxaan ku wareejinay booliiska Soomaaliyeed, sidoo kale halkan aan joogno oo horay loo dhihi jiray godka Jilacow waxaa ay ahaan jirtay xabsi lagu xiro dadka, marka cabasho nooga timid umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa ay wasaaradda amniga iyo xukuumadda garteen in meeshan xabsiga laga badalo, oo loo badalo goob ay ku bartaan ciidamada nabad sugidda, tababar ku qaataan, sidoo kale la baro, la dhaqanka bulshada ama xuquuqul insaanka, magaca cusub ee loo bixiyey waa xarunta Jilicow, halkan fikir cusub ayaa laga heystay oo ah in godka Jilacow dadka lagu dhibaateeyo, marka meesha waan ka saarnay, qofkii la xiro hadda kadib labo meel ayaa laga raadin karaa, waa saldhigyada booliiska iyo xabsiga dhexe, sidoo kale nabad sugidda waxaa ay xaq u leeyihiin in qofkii ay soo qabtaanin 48 saac ku heystaan barista xarunta xisbiga, wixii intaas kadibna soo xalaaleystaan ama sharciga u maraan, maanta laga bilaabo halkan waa xerada Akaademiyadda Jilacow”. Xariga xabsigan waxaa uu imaanayaa iyada oo hey’ado badan ay horay u sheegeen inuu ka mid yahay xabsiyo dadka caqaabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Ciidamada Itooboya oo ku hubeysan hub culus iyo Gaadiidka Dagaalka ayaa gacanta ku haya Amaanka hoolka ay Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku shirsan yihiin oo ay [...] Source
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay Gaari nuuca raaxada ah ayaa ka dhacay xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo xiray Gaarigaasi, islamarkaana uu qarxay, xilli uu marayay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo sidoo kale Qofka loogu soo xiray intaba. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo haatan baaritaano ka wada halkaasi. Radioshoshabelle.com kala soco wixii soo kordha:- The post Qarax Gaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Gaari uu goordhow ka dhacay magaalada. Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen, lama hayo faahfaahin intaasi dhaafsiisan. Dhawaqa qaraxa oo laga maqlay Taleex ayaa ka dhacay agagaarka Masjidka Ramadaan ee degmada Hodon. La soco waxii kusoo kordho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network)-Agaasimihii guud ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow xabsiga laga sii daayay, kaas oo loo heystay eedeymo la xariira Musuq-maasuq. Warar hoose oo ay heshay Shabelle ayaa ku warramaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii deysay mas’uulkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda sababaha soo dadajiyay si deynta Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka oo muddo u xirnaa lunsashada Xoolo dadweyne. DFS ayaa horay mas’uuliyiin badan ugu u soo xirtay eedeymo ka dhan ah Musuq, kuwaas oo qaarkood la soo taagay Maxkamad, kuwa kalena weli ay yihiin eedeysanayaal. The post Agaasimihii Wasaaradda Gargaarka Oo la sii daayay appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba albaabada iskuugu laabtay xabsiga Godka Jilacow oo ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Wasiirada Amniga iyo Cadaalada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Abuukaate Xuseen Xasan Xaaji oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Albaabada loo laabay Xabsiga Godka Jilacoow. Waxa ay sheegeen in sababaha loo xiray ay tahay kadib cabasho ka timid Shacbaka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha xaquuqul Insaanka,taas oo ku aadan in Xabsiga uu ahaa goob dadka lagu dhibaateyn jiray. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Xaaladdaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya. Xabsiga Jilicow ayaa loogu tala galay in lagu xiro Shaqsiyaadka kala duwan ee lagu eedeeyo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab. Sanadkii 2014 Al Shabaab ayaa weeraray saldhiga, waxaana marar badan lagu xisay xubno ka tirsanaa Al Shabaab.
  15. Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Maamulkaasi uu goor dhoweyd ku dhawaaqay in musharaxa Mukhtaar Roobow Cali laga reebay liiska Musharixiinta. Guddiga oo ka hadlayey maalinta koowaad ee khudbad jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ayay shaaciyeen in Mukhtaar Roobow laga saaray liiska musharixiinta, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xirtay. Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa musharixiinta buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorshada, isagoo laba jeer la guddoonsiiyey Shahaado musharxnimo, wuxuuna bixiyey lacagta is-diiwaangelinta oo dhan 20,000 Doolar. Maanta ayaa lagu waday inuu qeyb ka noqdo musharixiinta khudbadda u jeedineysa Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed, iyadoo ay hadda tartanka ku soo hareen shan musharax. Dowladda Soomaaliya ayaa awood u adeegsaday Sheekh Roobow, wuxuuna hadda u xiran yahay ciidamada amniga dowladda, iyadoo la geeyay magaalada Muqdisho, waxayna arrintan shaqaaqo dad badan ku dhinteen ka dhalisay magaalada Baydhaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. The situation in Baidoa, capital of Bay region was calm this morning, after three days of deadly clashes between Police and supporters of the jailed candidate Mukhtar Robow. Additional security forces are seen on the streets of the city, to ensure security and prevent more violence as the presidential candidates are beginning their speeches at parliament. Relations with security officials say the situation has returned to normalcy and no protest was reported on Sunday. At least 13 people, including a regional lawmaker, have been killed and dozens wounded in the riots sparked by the arrest of Mukhtar Robow, a key presidential candidate in Southwest election due to be held on December 19. Robow was detained by Ethiopian troops and then transferred to Mogadishu prison amid condemnations on his arrest by MPs in Somali parliament and politicians from Southwest. The post Calm returns to Baidoa city following days of deadly riots appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Xeerkii Dhaqanka Diinta Islaamka Kasoo Hor-jeeday ee Kufsiga oo soo laba Kacleyey iyo Wasaaradda arrimaha Bulshada oo Dhaqaale doonaysa inay ku meelmariso Wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqo-gelinta, ayaa weli dabada ka riixaysa inuu dhaqan-galo, geed-dheer iyo mid gaaban-na ugu taagan Xeerkii dhaqanka Diinta Islaamka kasoo hor-jeeday ee Kufsiga, kasoo uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, dhaqan-galkiisa hakin ku sameeyey, kaddib markii qaybaha bulshada iyo Culimadu ka qayliyeen. Wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqo-gelinta, ayaa Maanta si toosa usoo toosisay Xeerka oo gabi-ahaanba si cad uga soo hor-jeeda Diinta Islaamka. Waxanay wasaaraddu tabobar Magaalada Hargeysa uga furtay Koox Suxufiiyiin ah, kuwasoo u janjeedha dhinaca Xukuumada, ujeedada kulankan ayaa ah mid lagaga dhaadhinaayo sidii ay bulshada diiday Xeerka Kufsiga ugu qancin lahayeen dhaqan-galkiisa. Iyadoo Tabobarkan lagu cabsiin doono Wariyaasha Casharo ah inay Culimada dalka Kala hor tagaan dood warbaahineed lidku ah shareecada Islaamka iyo Shuruuc ay dhigteen wadamada reer Galbeedku, oo lagu dhaqan iyo Diin Guurinaayo dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ah dal boqolkiiba, boqol Islaama. Sidoo kale waxa qaybka noqon doona garyaqaano. Xeerkan, ayaa waxa dabada ka riixaya Haayadda Shisheeye, kuwasoo isku sheego inay u doodaan Xuquuqda Haweenka aduunka, waxanay Hayadahaasi dhaqaale Malaayin Dolar ah, doonayaan inay ku meelmariyaan sidii uu dhaqangeli lahaa, isla markaana loo bedeli lahaa sharciyada Diinta islaamka ee xaga guurka iyo lamanaayasha oo si weyn loogu dhaqmo. Si kastaba ha ahaatee, Xeerkan ayaa dhowaan waxa ka oogmay, qaylo iyo sawaxan qaybaha Bulshada Somaliland garba siman ku diidanayeen, waxana si weyn uga soo hor jeestay Culimada Dalka oo ku tilmaamay mid fasaxaya Galmada Xaaranta ah, sidoo kalena waxay culimadu tooshka ku qabatay madmadow hadheeyey Xeerkan iyo been abuurad cad oo lagu sameeyey Diinteena suuban ee islaamka. Qaran News
  18. Sida uu ahaa jadwalka dooraahada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo saareen waxaa maanta magaalada Baydhabo ka socoto dhageeysiga musharixiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya. 3 Musharax oo kali ah oo u tartamaya madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa ku sugan hoolka ay ka socoto qudbad jeedinta musharixiinta Koonfur Galbeed. 1:Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) 2:Ibraahim Macalin Nuur 3 Xuseen Cismaan Xuseen Waxaa guud ahaan aan doorashada ka qeeybgaleeynin doorashadaasi Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Hadal jeedinta musharixiinta Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka socoto appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa goordhow la filayaa inuu warbaahinta kula hadlo magaalada Muqdisho, waxaana wariyaasha ay sugayaan Shirkiisa Jaraa’id. Xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ayaa loo diyaariyay inuu warbaahinta kula hadlo, waxaana wariyaasha geeyay halkaasi bahda warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono, balse waxaa loo badinayaa inuu ka hadlo soo xeritaankiisii iyo arrimaha doorashooyinka Koofur Galbeed. Wariyaasha ayaa gabi ahaanba loo diiday inay Live Facebook ka sameeyaan Shirka Jaraa’id ee Mukhtaar Roobow. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta la filayo in albaabada la iskuugu dhifto xabsiga GODKA JILACOW oo inta badan lagu xeri jiray shaqsiyaadka Al Shabaab looga shakiyo. La soco waxa kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in uu wali uu ku jiro go’doon,islamarkaana wali loo diidan yahay Xildhibaanada in ay soo booqdaan Gurigiisa. Ciidamada ammaanka ayaa weli u xiran jidka loo maro halka uu degan yahay Guddoomiyaha, waxaana wadada ka xiran tahay agagaarka KM4, gaar ahaan Barta Kontarool ee Ciidamada Amniga ku leeyihiin halka lagu magacaabo Hoolka Sahal. Wadadaas ayaa tan iyo jimcihii aheyd mid xiran oo aan wax gaadiid ah geli karin, sidoo kalena loo diiday Xildhibaanada inay ka gudbaan, waxaa wadada ku xiran gawaarida gaashaaman iyo biro. Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeynta, Maadaama uu sheegay in xukuumadda Caburin ku heyso. Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay baalmartay Sharciga iyo kala dambeynta. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ay saaran tahay xayiraada, isla markaana loo diidan yahay in Xildhibaanada u tagaan. Shalay ayay aheyd markii Guddoomiye Mursal uu ugu baaqay Xukuumadda inay xayiraada ka qaado hoygiisa, loona ogolaado Xildhibaanada inay soo booqan karaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo loo diiday in ay soo galaan xarunta Madaxtooyadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  21. Baydhabo (PP) ─ Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur galbeed oo goor-dhaw warbaahinta kula hadlay Baydhabo, ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uusan ka qayb-galayn doorashada dhici doonta 19-ka bishan taasoo lagu soo xulanayo madaxeynaha cusub ee maamulkaas. Xubno ka tirsan guddiga doorashada ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu dhameystiray dhammaan hab-raacii doorashada, balse ay ku dheggan tahay Dowladda Federaalka Somalia, isla markaana nin maqan aanu ka qayb-geli karin tartanka doorashada. Hadalka Guddiga Doorashada KG, ayaa imaanaya maalmo kaddib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ku sugnaa Baydhabo, iyada oo sheegtay inuu faraha laga galay arrimo ka baxsan heshiiska uu la galay Dowladda Somalia. Xukuumadda Somalia ayaa horay cadaadisyo ugu saartay Mukhtaar Roobow si uu uga haro doorashada, balse taas wuu ka dhego-adaygay, iyadoo Reer Koonfur-galbeed ay muujiyeen inay ku kalsoon yihiin Roobow ayna u dooran doonaan madaxweyne. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in musharraxiinta kale ee isugu soo haray doorashada ay maanta jeedin doonaan khudbadahooda, waxaana la sheegay in maanta la dhageysan doono khudbadaha dhawr musharrax. Musharraxiinta khudbadahooda maanta la dhageysan doono ayaa waxaa ka mid ah; Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Xuseen Cismaan Xuseen iyo Ibraahim Macallin Nuunow, halka xildhibaannada harayna khudbadahooda la dhageysan doono maalinta berri ah. Ugu dambeyn, Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u ogolaan doonto Mukhtaar Roobow inuu ka hadlo rajadiisa doorashada la filayo inay toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo. PUNTLAND POST The post Mukhtaar Rooboow oo la shaaciyay inuusan ka qayb-geli doonin Doorashada K/Galbeed appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Washington)Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney loollan adag galiyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. Tan iyo markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee Soomaaliya ka soo jeedda, isla markaana xijaabka xirata. Haweeneydan oo garab ka heleysa xisbigeeda ayaa u xusul duubeysa in meesha laga saaro sharci 180 sano jirsaday oo aqalka Koongareeska ka mamnuucaya in ay soo galaan dadka uu madaxa u daboolan yahay. Baadari lagu magacaabo E.W. Jackson oo ka mid ah dadka u hadla xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa isagoo ka jawaabaya isku dayga ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ku doonayaan in xijaabka lagu galo aqalka hoose waxa uu raadiyaha ka sheegay in dadka Muslimiinta ah ay doonayaan iney Koongareska ka dhigaan “Jamhuuriyad Islaami ah”. Hase ahaatee, gudaha Mareykanka oo kaliya ma aha meelaha uu ka imaanayo dagaalka lagula jiro Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabar muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, balse waxaa jira dagaal kale oo dibadda uga imaanaya. Weerarro la soo qaban qaabiyay ayaa looga soo qaaday dalalka kala ah Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa sare u sii qaadday shaki xooggan oo ay warbaahinta bariga dhexe ka muujinayeen siyaasiyiinta u doodda xuquuqda dadka ee ka howl gala Mareykanka. Hay’adaha Warbaahinta ee la dhacsan hannaanka maamulka dowladaha Khaliijka ayaa marar badan ku cel celiyay eedeymo ay u jeedinayeen Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, iyagoo sheegayay iney labadaas gabdhood ee hadda ka tirsan Koongareska si toos ah u taageeraan ururka Ikhwaanul muslimiin ee laga mamnuucay dalka Masar. Ururkaas ayaa sidoo kale cadow la ah Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Maalintii Axada ahayd ayuu Telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayeen iney la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin “dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah”. Tusaale kale oo arrintan la xiriira ayaa soo baxay, kaddib markii barnaamij dood wadaag ah lagu qabtay telefishinka ay leedahay dowladda Sacuudiga ee MBC, kaasoo looga dooday guusha haweenka xisbiga Dimuqrdaaddiga iyo sida ay xaaladda u adkaan karto marka ay xisbigaas la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Amr Adib ayaa dooddiisa ku marti qaaday siyaasiga rug caddaaga ah ee u dhashay Masar ee lagu magacaabo Moataz Fattah, kaasoo sheegay in guulihii uu madaxweyne Trump ka gaaray la dagaallanka kooxaha islaamiga ah ay wiiqi doonaan siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee la wareegay aqlabiyadda Koongareeska. Ilhaan oo dhawaan loo doortay xildhibaannimada Koongareeska, oo ay ku mataleyso xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka, ayaa ah gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya labiskeedana uu ka mid yahay khamaarka madaxa lagu daboosho, balse waxaa jira xeer u yaalla aqalka ay ku biirtay oo ku qasbaya iney iyadoo madaxeeda qaawan yahay gasho golaha. Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga. BBC-da ayey Ilhaan u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna ay garab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta ku leh. “Sidaan ognahay Waddankan sharciyadiisa waxay oggol yihiin in qof walba uu diintiisa xor u ahaado laguna xushmeeyo, Marka aniga waxaan ahay qof muslim ah oo xijaab xirato, sharcigaanna waa muhiim inuu ii oggolaado inaan xijaabkeyga xirto shaqadeydana guto, Marki la i doortay waxaan ogaannay inuu jiray sharci igu adkeynaya inaan khamaarkeyga wato, marka waxaa fursad la ii siiyay inaan aniga noqda qofka horseedaya sidii sharcigaas loo baddali lahaa” ayey tiri Ilhaan. Ivanka Trump oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka mid ah dad fara badan oo Ilhaan ku taageeray iney tallaabadaas u qaaddo sidii ay u xaqiijin lahayd in iyadoo xijaaban ay dhex fariisato aqalka Koongareeska. Hirgalinta sharcigan ayaa la filayaa in la guda galo isbuucyada soo socda, marka xildhibaannada loo dhaariyo xilalkooda, sida ay BBC-da u sheegtay Ilhaan. Xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay Ilhaan xubin ka tahay ayaa aqlabiyad ku leh aqalka wakiillada ee Koongareeska, waxaana lagu wadaa in ay si sahlan ku baddalaan sharcigaasi, Ilhaan ayaana aaminsan iney arrintan wax weyn uga dhigantahay gabdhaha kale ee muslimiinta ah. “Waxaan rajeynayaa in gabdhaha muslimiinta ee aniga kaddib la soo dooran doono ay heli doonaan fursad ay xijaabkooda kula tagaan shaqadooda, dagaal kalena aysan u galin iney arrintaas hir galiyaan. Tusaale ayaan u noqon doonaa gabdhaha yar yar ee iskuullada dhigta. Waxay ila tahay in gabdhahaas markii iyagoo xijaabka ku xiran iskuulka lagu foorjeeyo ay dhihi doonaan ‘xijaabkeyga waxba haka sheegin sababtoo ah gabar xijaaban ayaa fadhisa Koongareeska, marka waxaan u maleynayaa inaan waddo fiican u furi doono ayna heli doonaan dhiirri galin”. Source
  23. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tiradda ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya, kuwaasoo u diwaan-gashan Dowladda Federaalka ah. La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in ciidamada u diiwaan-gashan dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 9,000 oo askari. Cabdi Siciid, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya muddadii ay xilka haysay ay horumar wanaagsan ka sameysay dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana ay wali socdaan dadaallada lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya. Sidoo kale, La-taliyaha ayaa xusay in sagaalka kun ee Askari ay leeyihiin xisaabaadyo Bangi, isla markaana ay si joogto ah u qaataan mushaarkooda, taasoo uu sheegay inay wax weyn ka bedeli doonto shaqada ciidamada. Dhanka kale, Hadalka La-taliyaha ayaa yimid kaddib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay sannadkii lasoo dhaafay AMISOM ku amreen inay dhimaan ciidamada Soomaaliya, amnigana ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya. Ugu dambeyn, Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhwar jeer oo hore la sheegay inaysan jirin tiro sugan oo ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin, ayna jiraan askari laba ciidan mushaar ka qaata oo qaarkood la xiray. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay shaacisay tirada guud ee ciidamada Xoogga appeared first on Puntland Post.
  24. Guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo. Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin. Hadalka guddiga doorashada ayaa imaanaya kadib maalmo markii ay dowladda federaalka ah soo xirtay Mukhtaar, iyada oo sheegtay in uu faraha laga galay arrimo ka baxsan heshiiska. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu hadli-doono saacadaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu ku dhawaaqo ka hiristiisa doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com