Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kal walba amin taan oo kale, odayaasha dhaqanka ee beelaha reer Puntland waxay soo saaraan lixdan iyo lix xildhibaan. Kuwaas oo la waydiisto inay ka soo dhex xulaan koox musharaxiina ninkii haggaamin lahaa Puntland shanta sano ee soo socota. In kasta oo labaatankii sano oo u dambaysay musharax walba oo guulaystaayi looga fadhiyey in nidaamka wax qaybsiga beelaha uu dadka meel uun ugaga dal-doorsho, haddana mid walba oo ka midihi dhamaadka xukunkiisa ayaa shacabku ka helayey fariinmo isku mida oo ku saabsan inaan xilligaan laga gudbi karin nidaamka beelaha. Sidaas daraadeed dib loogu noqon doono sanadkaana. Eedda ayaa inta badan dusha looga tuuro bulshada caalamka oo lagu eedeeyo in ay ka gaabiyeen door koodii. Tani maahan wax iska dhaca, ee waa mid ku talagal loo sameeyo. Maxaa yeeley waa qaabka ugu fudud ee ay aaminsan yihiin inay dib ugu soo noqon karaan. Iyaga oo haddana og in kuwii ka horeeyay aanay shaxdaani u shaqayn. DOORASHO DHALAN ROGAN In kasta oo doorashadii 2014kii ay ahayd doorashadii ugu horaysay ee si cad oo aan caad saarnayn cododka loogu kala gadanayey, haddana waxaad moodaa in taasi ay noqonayso wax aan mudnayn in la sheego. Kolka loo eego sida ay iminka wax u scdaan. Waa markii ugu horaysay, ee miisaanka doorashada Puntland aan saldhig looga dhigin qiyam iyo qaddiyad toona. Laakiin taas baddal keeda lacag lagu qotomiyey. Sidoo kalena waa markii ugu horaysay, ee hanti shisheeye ama sokeeye, ay dhici karto in lagu kala gato codka xildhibaanka. Dhanka kalana waa markii ugu horaysay, ee sicir barar xad-dhaaf ihi uu ku dhaco kursiga xildhibaanka codkiisa beecinaya. Siday doontaba ha ahaatee. Amaba qaabkii la doonaba wax ha loo baxshee, waxaa jira go’aan qaadasho cod-bixineed oo ay soomaalidu ku dhaqmaysey lixdankii sano ee la soo dhaafay. Taas oo ah ka xiisa dhaca ay ka xiiso dhacdo madaxda kolkaas xilka u haysa. Sabab aan illaa iminka, ogaalkey cidina aanay daraasad ku samayn. SOOMAALIDU LABA GOOR QOF MA DOORATO. Si la mida madaxwayne walba oo soomaaliya oo difaacanaya kursigiisa, ayaa madaxwayne Gaasna uu ku mashquulsan yahay xagsashada xilka uu hayo, isaga oo u maraya xirfad walba iyo xeelad walba. Taageera yaasha madaxwaynuhu waxa ay kuu sheegayaan inuu madaxwaynuhu haysto xajmi lacaga oo uu xildhibaano ku filan ku gadan karo iyo inuu ku guulaystey in badan oo saaxiibadiisa inuu ku soo daro golaha cusub. Sidoo kale waxay kuu sheegayaan jiritaanka balan qaadyo uu ka haysto beelo goboladooda ay mashaariic waa wayni ka socoto. Laakiin caqabadda ugu wayn ee madaxwayne Gaas hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga soomaaliyeed horay uga dhicin. Aynna adagtahay inuu isagu iminka bilaabo. Waa yaabe! soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor ma dooran. Laga soo bilaabo 1956 oo ahayd markii ugu horaysey ee soomaalidu hoggaan siyaasadeed doorato (daakhiliyadii Cabdullaahi Ciise) illaa imminka hoggaanka soomaalidu waxa uu ahaa one term president. Ma jiro qof ay labo goor doorteen. Cabdulaahi Ciisi, Adan Cabdulle, Cabdirashiid, Cabdiqaasim, Cabdullahi Yusuf (oo laba goora puntland iyo fadaraal) Shariif Ahmed, Hassan Shekh, Cigaal, Rayaale, Cadde Muse, Faroole, Siilaanyo iyo Shariif Hassan. Intuba waxay ahaayeen haggaamo hal term ah. Raggaan waxaa ka mid ahaa kuwo ay soomaalidu qaddarin wayn u haysay, sida Adan Cabdulle. Kuwo lacag badan u isticmaalay xagsashada kursiga, sida Hassan Shekh iyo Shariif Ahmed. Iyo kuwo geed-adayg u dhashay, sida Cabdullaahi Yusuf. Dhammaan tood waxaa reebay dhaqan-soomaali aanay cidina si fudud uga tillaabsan karin. Oo ah inaysan soomaalidu ninna labo goor dooran. Marka laga reebo Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad iyo Cadde Muse, hal wax oo aan ka baranay doorashooyinkii hore, ayaa ah. In madaxwaynaha kursiga difaacanayaa uu kaalinta koobaad ka galo cod bixinta wareegga hore iyo kan xiga. Laakiin hadba musharraxa isaga ku xigaayi uu noqdo madaxwaynaha la doorto. Kolka uu ka faa’iidaysto dhaqan-soomaaligii ka xiisa dhaca ee aynu horay u soo sheegnay. XARGO GEEL MA WADA XAJAAN In badan oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxwayna nimada Puntland ayaan orodku dhab ka ahayn. Kuwa badan oo kalana laguma aamini karo masiirka ummadda. Arigtidayda waxaa jira dhawr musharax oo ay dhici karto inay fursad ka helaan xarig- jiid kaan, haddii la helo xuldhibaano wuxuun xeerinaya. Waxaana ugu horeeya labadii wasiir ee hore ee wasaaradda waxbarashada oo runtii labaduba ah rag horay loo tijaabiyey. Shaqadii ay ka soo qabteen wasaaraddii ay isaga dambeeyaan na uu shacabku mahadiyey. Waxaa kale oo ay si mug leh labaduba u fahansan yihiin waxa ay Puntland u jirto, sharciyadda ay ku dhisantahay iyo cidda ay wax kala dhaxeeyaan. Wasiirkii hore ee maaliyadda, Farax Cali Shire ayaa isna leh saddex sano oo record wanaagsana, kuna saabsan maamulka maaliyadeeda. Gaar ahaan bixinta mushaaraadka. In kasta oo siyaasadda maaliyaddu ahayd qayb ka mida aragtidii madaxwaynihii xilligaas talada hayey, haddana qaabkii uu wasiirku u maamulay muddadaas magac ayay u tahay. Waxaa isna jira nin dhalin yaraa oo gadaal uga soo biiray baratanka, dad badanina ay la dhaceen. Waa Asad Cismaan Diyaano. Asad waxa uu ka yimid hay’adda ugu wax qabadka iyo disciplinka fiican ciidammada Puntlan. Dhismaha hay’addaaas na qayb wayn ayuu ka qaatay sida la iisheegay. Laakiin, marka laga tago yaraanta da’ diisa, Asad ma lahan waayo aragnimo siyaasadeed oo lagu maamulo dal noocan oo kalaa. Waxaase laga yaabaa waaya aragnimadiisa amni inay fursad siiso. Arin kale oo muhiima oo aan ka baranay labadii doorasho-fadaraal ee ugu dambaysey ayaa ah, in goolka koobaad ee xildhibaanka soomaaliyeed uu yahay dhaqaalo urursi. Kan labaadna uu yahay xulista ninka wanaagsan. Haddaba haddii raggaan, amase cid kale oo amaano, akhlaaq iyo waaya-ragnimo wax loogu dhiiban karo lihi, midkood ku guulaysto kaalinta labaad, xildhibaanka reer Puntland abaal wayn ayuu u galay dadka reer Puntland. Maxaa yeelay ku guulaysiga kaalinta labaad waxay soo dadajinayaa shaqaynta dhaqan-soomaaligii aan kor ku soo xusnay. GUNNAANAD Waxa ugu horreeye ee kuu soo baxaya marka aad doorashadaan barbar dhigto labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasarad yartahay. Marka laga reebo khilaafkii madaxda sare, oo ahaa arin uguba. Cabsida laga qabo in amaanku faraha ka baxo, ama ay doorashadu xasilooni daro siyaasadeed keento ayaa aad u yar. Arintaan fasiraado fara badan ayaa laga bixin karaa, laakiin aniga waxa ay iila muuqataa inay tahay jawi ka dhashay dhaqan-siyaasadeedka hoggaanka iminka jira. kaas oo aan ahayn nooca loo yaqaaan machiavellian oo ah madaxda wax maquunisa damaacigana ah. Si kastaba ha ahaatee, siddeeda January Puntland waxa ay yeelan doontaa hoggaan cusub. Su’aasha muhiimkaase waxaa weeye, soomaalidu ma dhaqan koodii hore ayay ku sii dhaganaan doonaan oo Gaas one term president ayuu noqon doonaa? Mise mooggaan lacagta madaxwaynaha wax difaacanaya ayaa taariikh cusub oo aysan horay u qorin dhigi doonta? Ogow, kolka aan ku leeyahay lacag, maahan wax ku kooban madaxwaynaha kolkaas xilka haya kaligiis. Musharaxiinta kaalinta labaadi laftigoodu meesha lacag ayay ku yimaadaan. Waxaase u hiilliya dhaqan-soomaaligii aynu soo xusnay ee labo goor wax ma dooradka ahaa. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. (SLT-Hargaysa)Shacbiga Somaliland waxa marba marka ka danbeeya ku sii fidaaya baahida iyo sabool nimada, iyadoo ay hadda xaaladu gaadhay meel aanay xitaa gaadhin wakhtiyo Dadlku ka liitay, waxa abuurmay dabqado ummaduna isma ogoa iyadoo hal magaalo iyo hal waddan Lagu wada noolyahay. Gabadhan yari waxay xiligan oo dhaxan darani dhacayso hoos kududaa Biriishka Caasimadda Hargaysa. Madaxdii masuuliyada qaaday ma oga haday ogyihiina dan kama laha, markay wayday cid daryeesha ayay baahidu halkaas dhigtay. Muuqalkani waa dareen aanu xamili karin damiirka nooli, cawradaa gabbalku cidlada ugu dhacay ummad ahaan waynu ku halaag mudan-karra. Masuuliyadda hoggaamiyihii lahaa dermo diirran ayuu dhaalacyaynayaa, Eebboow tus xaqa. Dhaxantaa dhacays waa u hoy la’aan, hu’ la’aan iyo hunguri la’aan. Source
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa lagu doortay doorashadii Somaliland ka dhacday 13 Nov 2017, waxaana uu xilka madaxweyne la wareegay 13 Dec 2017 oo maanta laga joogo hal sano oo buuro ah. Mudo xileedka madaxweynuhu waa 5 sano x 12 bilood oo u dhiganta 60 bilood ama 1825 maalmood, hada waxa uu xilka hayaa 1 sano oo buuro ah. Waxa aan isleeyahay ama ay tahayba wax kow la yidhi in ay bariba dhamaanayso oo durba waxa u hadhsan 4 sano oo kaliya wax la taaban karo oo qabsoomeyna ma arko oo iima muuqdaan. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aan wax sidaa u weyni isbadelayn marka aad aragto sida uu wakhtigu u ordayo iyo hawlaha socda ama waxyaabaha ay dawladu gacanta ku hayso wakhtiga la joogo. Hadiiba maanta la isku qiyaaso barnaamijkii siyaasadeed ee ay dadka u soo bandhigeen ee Laguba doortay iyo wakhtiga ka tagay mala odhan karaa wax baa u qabsoomay ilaa hadda ilama aha aniga in wax uga qabsoomeen laakiin waa suuragal in ay wadaan ilaa hadda sidii wax uuni uga qabsoomi lahaayeen. Ujeedadaydu waxa ay tahay hadii 10 qodob oo aan u arkey in ay muhiim inoo yihiin oo kaliya uu ku guuleysto mudadaa 5 sano ah wax weyn baaba u qabsoomay. 1- Doorashooyinka Somaliland oo uu ka dhigo qaar leh xili go’an oo ay dhacaan ( mandate ) la iskuna ururiyo wakhtigooda oo intii israaci kartaba mar lawada qabto si aynu uga badbaadno mudo kordhino dambe iyo murano wakhti doorasheed dambe. 2- Ka shaqeysiinta shuruucda dalka intii sameysan intii kalena uu dabada ka riixo sidii loo sameyn lahaa, shuruucda waxii wax ka badel iyo kaabid u baahana lagu sameeyo iyada oo laga dheeraanayo in dana siyaasiya looga faaiideysto, waayo shuruucdu waa waxa kala haga umada ee loo maro horumar sees adag leh, dhaqan galintooda iyo dabaqaadoodana la isku adkeeyo 100% in la hirgaliyo. 3- ku soo celinta gacanta dawlada waxyaabihii ay maamuulaysay iyo dardar galintooda, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, Nalka adeegyadii kale ee ay dawladu qaban jirtey ee ay la wareegeen ganacsato iyo dad private ahi iyada oo aan dawladu awood iyo aqoon midna u waayin, waxa ayaan daro inagu ah in dalkeenu gacanta u galo inta lacagta haysata oo aynu dabaqado kala sareeya noqono, waa in ay dawladu awoodaa in ay iyadu maamusho ganacsatada oo xataa hadii ay ku soo adkadaan ay dalka keeni kartaa shidaal raashin dawooyin iyo waxkasta oo dadku u baahan yihiin oo weliba tayadooda la hubiyey. 4- Dhiirigalinta maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba shuruucdii fududeynaysayna la sameeyo waayo waxa aynu haysanaa dal dihin oo ku yaal bugcad istrategic ah oo loo wada baahan yahay, inaguna aynu uga faaiideyno da’yarteena shaqo abuurkaa halkaa ka sameysma oo ay shaqooyin ka helaan. 5- In madaxweynuhu mudada uu joogo inaga hagaajiyo tirada iyo tayada hay’adaha dawlada oo weliba sharciyad adag na loo wada sameeyo sida ay isku qaadan karaana aad looga fikiro, si aynu uga raysano xukumad marna la fidiyo marna la koobo, madaxweyne kasta oo yimaadaana uu intaas uun soo buuxiyo marka uu kursiga fadhiisto. 6- In uu ku dedaalo daryeelka iyo tayeynta shaqaalaha iyo ciidamada oo la sii horumariyo manfac iyo maamuusna la gaadhsiiyo meesha ugu sareysa si haybadii shaqada qaranku usoo noqoto, shaqo la qabtona ta dawladu ugu qiimo badato. 7- in uu xooga saaro ka shaqeysiinta Baanka dhexe ee Somaliland iyo wasaarada ganacsiga dalka, Si uu baanku ula wareego awooda maamul ee sarifka iyo lacagta oo uu isagu maamulo dhaqdhaqaaqa suuqa, hadii lagu guuleysto waxa laga soo kaban karaa qiimo dhaca shilinka Somaliland oo maanta 6 noodh oo ka mid ahi qiimo beeleen, waxaana xal loo heli doonaa in dalkeenu noqdo mid ay badeecadihiisa ganacsi fadhiyaan sida dalalka aduunka, muhiimada ugu weynina waa in dalkeenu noqdo mid lacagteena oo kaliya wax lagu kala iibsado lacagaha kale oo dhan uu qofku sarifto marka uu rabo in uu isticmaalo, sarifleyaal ruqsad ka heysta baanka dhexe iyo baanka laftiisa ayuun baa sarifi lahaa lacagaha qalaad. Furista iyo casriyeynta noocyada baananka dawladu leedahay si wax loo dhigto oo loo aamino, dawladuna culeys ku saarto Hay’adaha iyo kuwa qaadhaanada Ina siiyaa in ay isticmaalaan oo lacagaha ku soo shubtaan baanka Somaliland. 8- In la daadejiyo maamulka iyo adeegyada dawlada oo ay qofwalba halkiisa ku gaadhaan si uu inooga yaraado waxan loo yaqaan magaalo ku soo ururka ( Urbanisation ) oo inaga wiiqaya ama baabiinaya waxyaabihii ay nolosheenu ku tiirsaneyd sida Xoolihii iyo Beerihii oo kale. 9- in uu qorshe cad oo 5 sanadood le ah loo sameeyo siyaasadeena Arimaha dibeda iyo ictiraaf raadinta ee heehaabaysa oo aynu yeelato yool iyo hiigsiga mudadaa aynu sameysanay la rabo in la gaadho oo dhaqaaleheegana loo qorsheeyo, si madaxda dambe ee timaadaa ay u helaan meel ay wax ka sii amba qaadaan, waa lagu kala duwanaan karaa dariiqyada loo marayo aqoonsiga laakiin qorshaha guud ee qaranku waa mid oo waa in dalku helo aqoonsi caalamiya. 10- In uu madaxweynuhu xooga saaro sidii uu awood ugu yeeli lahaa hay’adaha ilaalinta hantida umada iyo waxii xidhiidh la leh xisaabtanka iyo maamul wanaaga si ay u soo noqoto is aaminka dawlada iyo dadku ama ay usii xoogeysataba. Waxaana aan weliba kula talin lahaa madaxweynaha in uu 6bilood ba mar xukuumadiisa iyo qorsheyaasheeda xisaabiyo oo uu Shanta sano 10 kulan xisaabtan iyo isku daba joog shaqo qaran ayey noqonayaane sameysto si uu hore ugu socdo dalku, marwalbana isku qiyaaso halka uu taagan yahay. Taladii aan qoray bishii May ee sanadkan dhamaanaya ayey ahayd, hadii uu intaas oo kaliya ku mitido wax weyn baa inoo qabsoomay. Aragtidii iyo Ra’yigii Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
  4. Nidaamka ay Somaliland ku dhaqantaa,Ma Dimuqoraadiyad-baa mise waa Boqortooyo?,iyadoo ay mudadii Golahan Baarlamaanku fadhiyeen Somaliya oo aysan Xasilooni ka jirin ay is-bedeleen Afar Gole Baarlamaan. Aad iyo aad ayey u kala duwan tahay,Somaliland waxay ku faanto oo ah, inay dimuqoraadiyadi ka jirto iyo hab dhaqanka rasmiga ah,ee Somaliland ku dhaqanto oo dibadda ka ah,dimuqoraadiyada.tusaale-na waxa kugu filan baarlamaanka Somaliland ee hadda fadhiya,ee la doortay 28/09/2005-tii.ayaa hadda waxa loo sameynayaa mudo kordhintii 5-aad caalamka oo dhan iyo dhulka ay dawladuhu ka jiraan,haddii aynu eegno,dawladaasi ha ahaato mid aqoonsi haysata amma ha ahaato mid aan la aqoonsaneyn e’ lama helayo oo ma dhici karto in la arko,gole baarlamaan oo markii uu mudo xileedkisii dhameystay shan jeer (5)mudo kordhin loo sameeyo,doorashooyinku waa xuquuq aasaasi ah,caalamka oo dhan-oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay,in la doorto ama uu cid kale doorto. Haddaba,masuuliyadda doorashadda waxa masuul ka ah,hadba Madaxweynaha xilka haya,marka la eego nidaamka (system)-ka ay ku dhaqmaan dalalka ay dimuqoraadiyadu ka jirto,wax kale iska daaye,xataa doorashooyinka marka wakhtigoodda la gaadho,ma joojiyaan ama hakiyaan hadii uu wadankaasi uu dagaal ku jiro,iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah,ee muwaadiniinta,tusaale ahaan 1964-kii waxa uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex-marayey dawladii boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Boqor Xayle Salaase iyo Jamhuuriyaddii Somaliya ee xilligaasi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cadde),Ra’iisal Wasaarahana uu ka ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke,isla xilligaasi ay labada dawladood ku dagaalamayeen,xadka Tog-wajaale waxay ku beegneyd xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadii baarlamaankii Somaliya ee 1964-kii waxana dhacday isla xilligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Jamhuuriyadii Somaliya ay waraysi ka qaadey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du,su’aalihii uu weriyuhu weydiiyey Ra’iisal Wasaarahana waxa ugu muhiimsaneynd. Waxaad tihiin dawlad curdin ah,waxaana dagaal ba’ani uu xadka Tog-wajaale idinku dhex-marayaa Boqortooyo guun ah,waxana taagan xilligii doorashadda baarlamaankiina Somaliya,markaa sidee ayeydun doorasho baarlamaan u qaban kartaan dagaalka baaxadaa leh,waxaanu Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu weriyihii siiyey Jawaab kooban oo ahayd,“Dagaalku naga joojin maayo doorashadda baarlamaanka,oo waa xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed,labbadda gacmood ee uu ilahay na siiyey midigta qoriga ayaanu ku ridaynaa oo waanu ku dagaalamaynaa annagoo dalkayaga difaacana,bidixdana waanu ku codeynanaa oo warqada codbixinta ayaanu ku ridayna sanduuqa cod-bixinta”. Akhriste waxa hore loo yidhi nin wuu dhintaa,eraygii –se ma dhinto, jawaabta uu C/rashiid Cali Sharma’arke bixiyey 1964-kii waxay ahayd tii u fududeysay ama u sahashay in uu doorashadii Madaxweyne-nimo kaga adkaado ama kaga guulaysto Madaxweynihii xilka hayey ee Allaha u naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde) 05/07/1967-kii,iyadoo uu qodobka kaliya ee ay xildhibaanadii baarlamaankii Somaliya ay ku doorteen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke uu ahaa in uu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda ay muwaadiniintu ay xaqqa u leeyihiin in ay wax dooran karaan lana dooran karo. Akhriste waxa laga yaaba inaad is-weydiiso waa kuwee afarta (4)gole baarlamaan ee Somaliya iska bedelay mudadii ay golahan baarlamaanka ee ay Somaliland fadhiyeen,taa jawaabteedu way fududahay,waxayna kala ahaayeen. 1: Baarlaamankii soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Shariif Xasan Sheek Adan,mudo xileedkiisuna uu ku eeka dabayaaqadii October 2008-dii. 2: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Aadan Madoobe. 3: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu gudoomiyaha u ahaa Maxamed Cusmaan (Jawaari) 4: Baarlamaanka Soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) ee hadda jooga,ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal. Haddaba,akhriste ogoow mudo kordhinta hadda loo wado baarlamaanka Somaliland oo ah mudo kordhintii shanaad(5-aad),in waxaasi oo mudo kordhin ahi ay dhaceen mudadii uu xisbiga KULMIYE taladda hayey,marka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka hadlayaan arrimaha doorashadda baarlamaanka-na waxay umadda u sheegaan hadal lagu macneyn karo run ha sheegin,been ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin. Qallinklii:C/risaaq Suudi Nuur Tel:063-4425243 Email:suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Source
  5. Waxqabadkii xukuumada sanadku udhamaaday ee laga baahiyey warbaahinta ayaa ahaa Geed Sare waab ku koobnaa dhinacyada Hurumarinta beeraha, la dagaalanka musuq maasuqa , wax soo saarka kheyraadka dalka, koboca Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeega bulshada ku waas oo qirey in waxqabad muhiima la gaadhay mudadaa kooban ee sanadka ah. Hadaba waxaa xaqiiqo ah in Xukuumadu MBA ay raacday dhabadii lagu yaqaanay Kulmiyihii hore waxaana ay wada burisay dhamaan balan qaadayadii buugeeda cagaaran ku qornaa. Waxaa weli ummadda u sii muuqda qaloocii iyo qarsoodigii dalka lagu boobay. waxaa sii muuqda hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada Somaalilaan.Waxaa muuqda cadaalad daradii, sadbursigii iyo ceebihii dhacay kuwaas loo hayo markhaatiyaal iyo maragyo. badan. 1- Siyaasadda Arimaha debeda ee Somaliland waxay noqotay mid heehaabaysa oo aan laheyn istiraajiyad cad oo ay raacdo. Xukuumadu dalka ugamay faa’ideyn bogcada wacan ee Somalilaan aduunka ay kaga taalo iyo istiraajiyada ay leedahay Marsada Berbera oo dhacda marinka Aduunka ugu muhiimsan ee ganacsiga aduunka badankiisu uu maro, marinkaas oo uu maro shidaalka aduunka ugu badani ayaa loolan Siyaasadeed dawladaha waaweyni isku hirdiyayeen waayadan danbe. Siyaasadda Arimaha Debeda ee Somaliland waxay ku hafatay isbedeka cusub ee ka curtay dalka itoobiya.Taasna waxaa cadeyn u ah Dawlada imaaraatiga iyo itoobiya oo yeeshay sheerka ugu badan ee Dekeda Berbera 70%, iyaga oo marinka cadmeed iyo Dekeda Berbera ka leh dano cad cad oo ujeedooyin fog fog leh, halka Somalilaan ay aragtideedii iyo odoroskeediiba ku soo ururisay balan qaad mashaariic been noqday iyo xaqul qalin yar oo faro guudkood ah. Maanta Dekedii Berberi magac ahaan mooye manfac Somalilaan kuma qabto waxaana ay noqotay Aabaha sicir bararka inoo keena maadaama lacagta ka soo xaroota toos dalka looga saaro. waxaana xukuumadu ku fashilantaya in ay ummadda u sheegto waqtiga la bilaabi doono dhismaha dekeda cusub ee 2 sanadood la sugaayey. 2-Waxaa Xukuumadu ku fashilantay in ay Doorashada waqtigeeda ku qabato oo shacabka Somalilaan awoodoodii ay wax ku dooran lahaayeen loo soo celiyo. Waxaa fadeexad qaawan ah in maanta sadexda Gole ee Somalilaan ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. masuuliyadaana waxaa leh xukuumada talada haysa. 3- Waxay xukuumadu ku fashilantay siyaasadii waxabarashada ee dalka oo dhan ka soo bilow ta hoose ilaa ta sare oo aad u tayo beeshay, taa soo hada shahaadadaha Jamacadaha Somalilaan ay iska noqdeen waraaqo kalareysan oo aan aduunka laga ictiraafsaneyn. Xukuumadu ma sameyn axdi cad oo ku qotoma tayenta waxbarashada dalka oo dhan. 4- Waxaa Xukmuumadu ka gaabisay in waxsoo saarka Kaluunka kor u soo qaado maadaama Somalilaan leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850 km oo u dhiganta 75km2. Waxay Xukuumadu ka gaabisay in ay Sameyso siyaasad cad oo lagu soo saaro kheyraadka dabiiciga ah ee dalka dhex jiifa. 5- Maxay Xukuumadu ka gaabisay Sicir bararkii iyo qiimo dhacii shilinka Somaalilaan oo meel xun sii maraaya. Waxay aheyd in xukuumadu cabirto xawaaraha uu ku socdo sicir bararku kadina hakiso. Waxay aheyd in ay u sameyso Hayad u gaar ah sicir bararka inta Central Banku awoodiisa oo buuxda uu la soo noqonaayo. Waxay aheyd in xukuumadu dhinto cashuurta Raashinka iyo dhamaan cuntada la quuto halka ay kor u sii kicisay maadaama ilaa iyo hada lacagta doolarka ah ee dalka ka baxaysaa ay ka badan tahay lacagata doolarka ee dalka soo gelaysa sicir bararku waa ” ina daanweyne “xukuumaduna waa gudiyo badan aan waxba soo kordhineyn”. 6- Hirgelinta hanaanka Shaqo abuurka dhalinyarada. Dawladnimdu waa shaqo abuur- hadii qofka madaxda ahi uu waxba soo kordhin waayo oo shaqo abuuri waayo wuxuu la mid noqonayaa uun gafane isagu is naaxiya. Xukuumadu waxay abuurto iska daayoo – 3 -dii bilood ee ugu horeysay waxay shaqooyinkii ka caydhisay 230 shaqaale ah ku waas oo ka howlgeli jiray madaarka Hargeisa iyo Madaxtooyada. Alleylehe waxay buuxisay boosaskii banaanaaday markii la tiro koobay shaqaalaha JSL oo dhan oo noqday 14 kun oo shaqaale rasmi ah iyo 2476 shaqaale cagleyaal iyo kuwo dhintay isugu jira oo musharkooda loo qaadi jiray oo payrolka hore ugu jiray. shaqaalahan ayey xukuumadu gobolada dalka konton konton ugu qaybisay oo ay leedahay shaqaale cusub ayaanu qornay. Mashruuca shaqo qaran ee ay gobolada ka bilowday ayey isna ku bilaabaysaa 1500 arday oo keliya oo u dhiganta ardeyda ka qalin jibisa hal jaamacad badhkood halka ay dalka ka jiraan 32 Jaamacadood oo ay sanad kasta ka soo qalin jebiyaan in kabadan 10 kun oo arday. Waxaa ummaddu wada ogtahay in weli naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa ee ardeyda loo lisi lahaa ay weli sife bilaa sharci ah umaalaan jileyaashii qarsoonaa ee ku faai’day hantiddii qaranku wada lahaa. 7- La dagaalanka musuq maasuqa iyo maal urursiga . Waxaa shacabku is weydiinayaa weli horta musuq maasuqa xagee lagula dagaalamaa ? Yaase la dagaalama? Welise dawlada MBA cid mow soo xidhay ? si xukuumada loo aamino, waxay aheyd in ay ummadda u soo bandhigto shaqsiyaadkii leexsaday ee ku tagri falay $100 Million doolar ee lagu lunsaday mashruucii biyo balaadhinta ee Xubno weyne ee lagu hungoobay. Ilaa hada Xukuumada cusubi lamay iman Siyaasad Maaliyadeed oo lagu xakameeyo Musuq-maasuqa xadhkaha goostay taas oo la rabay in ay fulinteedu ka timaado dowlada dhexe ilaa dawladaha hoose. Shacabka reer Somalilaan waxay isha ku hayaan marka laga reebo lacagaha ay bixiyeen DPW iyo dawlada imaaraatigu bal sida ay u maareyso Xukuumadu lacagahan mudadii sanadka aheyd soo gaadhay sida: $25 Million dollar ingiriisku bixiyey, $ 10 million dollar dawlada Canada bixisay, $14 Million dollar Baanka Aduunku bixiyey, $ 22 Million Dawladu Germay biyo gelinta ku bixisay, $10 million dollar ee GIZ-( Germany ) ay bixisay iyo $3 Million dollar ee duufaanadii dalka ka dhacay lagu caawiyey iyo lacagha fadhiisinka ah ee weli ku jira Sanduuqa Horumarinta Somalilaan. 8 – Dib u soo celinta dhamaan Kaabeyaashii Dhaqaalaha ee dalka si looga rumeeyo korodhka iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka. Weli “Faanoole fari kama qodna ” Kaabeyaashii yaraa ee ay xukuumadu dhawaan soo celisay waxaa loo qaatay” qowda maqashii waxana how qaban” maadama ay ku dhiiran wayday xukuumadu in ay soo celiso dhamaan kaabeyaashii dhaqaalaha, waxaana ay ka gaabisay xukuumadu inay dib uhabeyn buuxda ku sameyso ama gacanta dawlada ku soo wada celiso dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo kaabeyaashii dhaqaalaha ee qaranka laga boobay. dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka wax ka tari lahaa xaga korodhka dhaqaalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada ayaan ilaa hada la garaneyn habkii loo bixiyey iyo xeerarkii lagu bixiyey,cashuur dawlada inta uga soo xaroota iyo inta u hadhay mudooyinka shirkadahaa kootada loogu xidhay qandaraasyadoodaa aan sharciga lagu jideyn. 7- Taabo gelinta Maamul- wanaaga iyo maareynta hawlaha qaranka. “Good Governance” Weli salka looma dhigin siyaasad cad oo laga sal gaadhaayo. Tisqaadkii maamul wanaaga iyo maareynta qaranka oo weli hagaas ah, maadaama aanu jirin hab ama nidaam dhameystiran oo ka kooban unugyo habaysan oo maareeya, cabira,odorosa, aloosa, xukuma,ilaaliya, oo xadeeya hawl-maalmeedka qaranka, habkaas oo dhex u noqon lahaa dhamaan hayadaha kala duwan wada shaqeyntooda oo ku saleysan isla xisaabtan, daahfurnaan,isxisaabin iyo xalibnaan joogto ah. Hadii aan la sameyn habkan casriga ah ee wada shaqeyneed iyo nidaam maamul oo maaliyadeed oo hufan waxaa adkaanaysa in ay wada shaqeeyaan oo isla jaan qaadaan Qorshe Howleedyadii Higsiga Qaranka National Development Plan 2- ( 2017-2021 ) iyo Mashaariicda Dawladaha Hoose ee maamul daadeginta GPLG ( Joint programme ) oo iyaguna marin habaabay oo hagaasay. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Gobanimo dadka mudan Galadana Allaa iska leh, Shacabow tiraa ka gedmane wax isu geygeyso !! Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
  6. (SLT-Hargaysa)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u dhaw in Bari oo Axad ah fadhi la iskugu keeno kadib ergo siyaasiyiin u badan oo mudooyinkii u dambeeyay dhex dhexaaadin ka waday. Kulankii ay ku kala aragti duwanaadeen ee ay isku afgaran waayeen Sii joogitaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ugu dambeeyay isku imaatin iyo Kulan ay iskugu yimaadaan, iyagoo Xisbiyadda Mucaaridku iyagu taagnaa, ama ku dhegsanaa laba Qodob oo kala ahaa in Xubnahan Komishanka ah ee hadda jooga lakala diro oo kuwo Cusub lasoo magacaabo iyo in laba Xubnood loogu kordhiyo Xisbiyadda Mucaaridka arintaasi oo uu ganafka ku dhuftay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye, taasi oo aakhirkiina keentay inay Xiitaa isku seegaan Saaxiibkii Faysal Cali Waraabe oo xidhiidh dhaw ay lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi oo ay imika ka hor arimo badan oo Siyaasadeed isku aragti ka ahaayeen ama isku waafaqsanaayeen, balse uu khilaafkaasi kala irdheeyay. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Ergooyin mudooyinkii u dambeeyay u kala dabqaaday Madaxtooyadda Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID oo isku soo jiidayay ay soo gababawday islamarkaana la filayo inay Maalinta Barito ah oo Axad ah ay kulan iskugu keenaan islamarkaana ay isasoo horfadhiisinayaan Madaxweyne Muuse Biixi, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Labdaasi Gudoomiye ee kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Majiro war rasmi ah ama warmurtiyeed arintani ka hadlaya oo kasoo baxay Dhinacyadan oo warkaasi Xaqiijinaya balse Siyaasiyiin u dhuun daloola arintaasi ayaa Wargeyska Foore u sheegay inay arintaasi u dhawdahay inay soo gabo gabawdo ama soo afmeeranto oo Maalinta bari ah la isku soo horfadhiisin doono, haddii aanay dhicin arimo kale oo baajiyaa ama dib udhigaa. Ergooyinka Hawshan dhex dhexaadinta ah wada ayaa sida lanoo xaqiijiyay waxa ay ubadan yihiin Masuuliyiin Madaxweyne ku xigeeno kasoo noqday Dalka Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac, Madaxweyne Ku xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii Xukuumaddii UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Sidoo kale Siyaasiyiin kale. Khilaafkan u dhexeeya Xisbiyadda Mucaaridka iyo Madaxtooyadda Somaliland ayaa loo aanaynayaa inay sabab u tahay dib udhaca doorashooyinka mar kale ku yimid waxaanay hadda u muuqataa inay ergooyinkani ku dhiirigalinayaan inay dhinacyada is-hayaa tanaasul siyaasadeed la yimaadaan si uu dalku ugu diyaar garoobo Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo ta Golaha Wakiiladda oo dhawr jeer dib ugu dhacday, lana wada mudeeyo wakhti ku haboon oo ay ku qabsoonto doorashadu. Lama garanayo halka ay sal dhigan doonto aragtiyihii Siyaasadeed ee hore la iskugu khilaafay iyo halka uu ka iman doono Tanaasulku, in Madaxtooyaddu tanaasusho oo Xubnaha Komishanka lakala diro ama laba xubnood lagu daro iyo in Mucaaridku tanaasulo oo sidaasi doorashada lagu kalo, oo ay wada mudeeyaan wakhti doorashadan ina sugaysaa ku qabsoonto. Source
  7. (SLT-Baydhabo)Xaalada magaalada Baydhabo ayaa gelinkii dambe ee maanta aheyd mid degan, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka socdeen dibad baxyo rabshado watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Sida wararku sheegayaan Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Milateriga Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamada Itoobiya ayaa awood u adeegsaday joojinta dibad baxyada maalintii 3aad socday, kaasoo looga soo horjeeday xarigga Mukhtaar Roobow. Wararka ayaa sheegaya in illaa labo boqol oo ruux oo u badan dhalinyaro ay xireen Ciidamada ammaanka, waxaana la sheegayaa in banaan baxyadii rabshadaha watay uu maanta ku dhintay wiil dhalinyaro ah, halka kuwa kale ku dhaawacmeen. Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, ciidankana kala shaqeeyaan amniga, isagoo xusay in aan loo baahneyn rabshado iyo fowdo abuura xasillooni daro amni. Maalinta berri lagu wado inay bilaabato dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana Guddiga doorashada uu ku adkeysanayaa in doorashada ay u dhici doonto waqtigii loogu tala galay. Source
  8. Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” is likely to survive an impeachment motion, but he is not sitting pretty as he approaches the end of two years in power. Besides uneasy relations with some leaders of regional states that suspended co-operation with the Central State in September, President Farmajo is accused of seeking to create a strong central government, contrary to the 2012 Provisional Constitution that provides for federalism. The central government has tried to influence the South West State presidential elections set for December 19. Mogadishu is opposed to the candidature of Mukhtar Robow, a former leader of Al Shabaab. Mr Robow was arrested on Thursday by Ethiopian forces in Baidoa, in South West state. The impeachment motion has divided the country, leading to pro-Farmajo demonstrations in Mogadishu on December 10, and anti-Farmajo demonstrations on Thursday and Friday in Baidoa, where it was reported that 11 people had been killed in clashes. So far 78 MPs have signed the motion, while at least 92 MPs out of the 275 members are required to ask the Speaker to consider the motion. Parliamentary Secretary Abdulkarim Buh said the motion could not be considered because 14 of the signatures were forgeries. Unclear rules President Farmajo could also benefit from lack of clear constitutional rules for impeachment. The sponsors of the impeachment motion say they were concerned about an announcement in June, during Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed’s visit to Mogadishu, that Addis Ababa was developing four ports in Somalia. Abdullahi Abdi Mohamed, the chairman of the Aratgi Wadaag Political Think Tank, said that some regional state leaders and an alliance of the opposition were behind the impeachment motion, but they would not succeed because the number of signatures required was too high. For the motion to pass, it requires two-thirds of both the Lower House and the Senate. According to Article 92 (2) of the Provisional Constitution, the motion should be submitted to the Constitutional Court that will then determine the validity of the reasons for impeachment. A similar impeachment motion against former president Hassan Sheikh Mohamud could not proceed due to unclear impeachment rules. President Farmajo is accused of signing security and economic agreements with Eritrea and Ethiopia without consulting parliament or the Cabinet; bypassing parliament and Cabinet in the appointment of judges and army commanders; interference with federal member states and elections in Puntland and South West State; and his decision to rendition to Ethiopia the former leader of the Ogaden National Liberation Front, Abdikarim Muse, without following extradition procedures. The sponsors of the motion have the difficult task of mustering 219 MPs out of the total 275 to vote to impeach the president. Speaker of parliament Mohamed Mursal Abdirahman — who hails from South West State — is seen as a supporter of the motion. Mr Abdirahman has been at loggerheads with President Farmajo over what he says is undue interference in the South West presidential elections by the centre. Still, President Farmajo has performed better than any president since the collapse of the Somalia state in 1991. He has initiated a war against corruption by demanding accountability from his ministers. In addition, civil servants are now being paid their salaries on time and he has significant goodwill among donors. However, he is yet to capture new territories from Al Shabaab despite launching the National Security Architecture supported by international donors. President Farmajo now finds himself in a political crisis as has been the trend with Somali presidents since 2000, because of high expectations of incoming governments. Source: The East African
  9. (SLT-London)Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May. “Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yiri Keating, Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa. “Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yiri “Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yiri Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October. Source
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-151218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Somaliland: Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Oo Qado U Soo Yaacay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maant qado sharaf u sameeyey xildhibaanada Golaha Wakiilada. Mudane Muuse Biixi oo marti qaadkan ku damacsanaa siduu ugu dhiiringelin lahaa golahan wakhtigii dhacay sideed sannadood ka hor, in ay soo diyaariyaan xeerka doorashooyinka. Isla markaa, wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi ku adkeeyey, in aanu goluhu ka badsan muddo dhowr bilood kordhiskan lala daba cararayo. Qadadan waxaa ka soo xaadiray 80 xildhibaan! 80! Goormaa ugu dambeysay in ay 80 xildhibaan ka soo xaadiraan Golaha Wakiilada? Labo xildhibaan ka xishooday marti qaadkan. Waxaan filaynaa inuu mid ahaa Xuseen Caydiid! Marka hore, hadii uu Madaxweynuhu, oo huwan karaamada ummada Somaliland ku casuumo, waa waajib in aad ka qayb geshid xafladaa. Hase yeeshe, waxaan filayaa in ay reer Somaliland oo dhan berri hore barteen waxay yihiin xildhibaanadan iska fadhiya golaha. Waa calooshood u shaqaystayaal. Dilaal iyo Super Mulaal miidhan, oo berri hore meel iska dhigay xilkii loo doortay, oo jeebka uun buuxsanaya. Waxay noqdeen siyaasiin la kiraysto sida taxiga, oo kii jeebka uu buuxiya uun afkiisa ku hadlaya. Waxaa maanta haboonayd, markay qadada dhameysteen, ee ay findhicilka la soo bexeen, inuu Madaxweynuhu ku yidhaahdo ” mudanayaal ma dharagteen..haa..waayahay..wakhtigan wixii ka dambeeye, waa la idin ruqseeyay” lakiin, nasiib daro, dastuurka Somaliland baa madaxweynaha awoodaa siin. Waana sax, oo maamulka Somaliland waa fulunta, sharciga iyo cadaalada. Waa in aynu sannad kale dhegaysano hadalkooda bilaa micna ah, dood aan ku saleysneyn xeer iyo khibrad. Golahii sharafta lahaa waxay ka dhigeen makhaayad. Qaran News
  12. Warar hoose oo aad ugu dhow Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa noo xaqiijiyey in dib loo dhigayo Doorashada Koonfur Galbeed. Dib [...] Source
  13. (SLT-Washington)waa ayaan daro in labada nin ee dhaxalsugayaasha ee wadamada imaradka iyo sacudi carabaya ay caayaan oo weliba ay ku sheegaan xildhibaanda maraykanka ah ilhaan cumar ineey tahay adoon una baahan tahay ushii lagu garaaci lahaa. dhaxalsugaya kawaanlaha ah ee sacuudiga wuxuu yiri aabeheed waa soomali hooyadeeda waa xutiyiinta yaman waxeeyna ku kortay yaman waana argagaxiso kuwaas caqligoodii waa kuwaas waxaa laga sugayaa ineey dal maamulaal waxeeyba ka careeysan yihiin xijaabka gabadha somaliyeed wodota waxaa la yaab leh aaway kuwii doowlad mucaaradi jiray oo xildhibaan ahaa kolba raga idin wota ee sacuudi iyo imaaraadka waa kuwaas caqligooda ee isla yaab dowladna la shaqeeya Source
  14. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee ku saabsan Xarigga Musharrax Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed (DGKG) Sheikh Mukhtar Roobow oo ciidammada Ethiopia ka soo xireen (afduubeen) Baydhabo, loona soo dhoofiyay Muqdisho, wuxuu caddeynaya in dalka Soomaaliya lagu xukumo War-saxaafadeed (wareegto) oo uusan jirin Dastuur iyo sharci ilaalinaya xuquuqda iyo xorriyadda muwaadinka Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Madaxweyne Farmaajo yahay qofka bixinaya amarka lagu ciqaabayo muwaadiniinta. War-saxaafadeedku wuxuu sheegaya in Wasaaradda Amniga amartay xarigga Sheikh Mukhtar Roobow, taaso ah gef weyn. Lama yaqaan mas’uulka bixiyay amarka. Qofkasta oo la socda xiriirka Dowladda Federaalka iyo Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu xog ogaal u yahay in eedaha warsaxafadeedka ku qoran ay been yihiin, kana soo horjeedaan xaqiiqada xog ogaalka loo yahay. Hoos ayaan ku sharraxi doona xiriirkaas. Xarigga Roobow waxaa ka dhashay bannaan baxyo, iska hor imaadyo, dhimasho, dhaawac, iyo qalalaase kale ee weli ka socda Magaalada Baydhabo. Ciidammada iyo Taangiyada Ethiopia iyo Ciidammadu Muqdishu laga diray ayaa cadaadis iyo cabburin ku haya Shacabka Baydhabo. Waxaa yaab ah in Ethiopia laga hirgelinayo Nidaamka Dimoqradiga ah iyo furfurnaanta, halka Soomaaliya laga hirgelinayo xukun fowdo ah oo ku tiirsan ama ka amar qaata Ethiopia. Warar soo baxaya waxay sheegayaan in amarka lagu xiray Sheikh Mukhtar Roobow ka soo baxay Dowladda Ethiopia oo khatar weyn u aragtay haddii uu Roobow ku guuleysto doorashada Madaweynaha DGKG. Sidaa darted, waxaa Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo la faray inuu is hortaago ka qayb galka Roobow doorashada Madaxweynaha DGKG, lana taagero Xildhibaan Cabdicasis Xassan Maxamed (Lafta Gareen). Sidaaso kale, Madaxweynihii hore ee DGKG Sharif Xassan Sheikh Aaden wuxuu isu casilay cadaadis uga yimid Dowladda Ethiopia oo noqotay Xaakimka Sare ee Soomaaliya. Muwaadin kasta ee Soomaaliyeed oo aaminsan Sarreynta/Talinta Sharciga kana soo horjeeda Sarreynata/Talinta Qofka waxaa waajib ku ah inuu difaaco Mudane Sheikh Mukhtar Roobow sababaha hoos ku qoran: Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga wuxuu caddeynaya in DF ay ku xadgudubtay Xuquuqda iyo Xuriyadda muwaadin Mukhtar Roobow (xitaa haddii uu yahay eedeysane) marka la fiiriyo qodobbada kala ah 15 (Xorriyadda iyo Nabadgelyada qofnimada), 33 (Go’aanno maamul oo cadaalad ah) , 34 (Xaqa Dacwada iyo Is difaaca) , 35 (Xuquuqda Eedeysanaha) ee Dastuurka KMG. Qodobbadaas ayaa ilaalinaya difaacayana xuquuqda iyo xorriyada Mukhtar Roobow iyo muwaadin kasta. Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu diido xadgudubka DFS. Haddii Shacabku ka aamuso xadgudubyada DF, waxa galaya halis nabadgelyada, xasillonida, iyo horumarka dalka Soomaaliyeed. Wax garadka Soomaaliyeed waa inuu wax ka arkaa daaha gadaashiisa oo aan lagu khaldin sheekooyin dhalanteed ah, afminsharnimo, iyo been.Horumarka dalka wuxuu ku jiraa runta, kumana jiro beenta iyo musuqmaasuq. Waa fadeexo wax garad ku doodaya in musuqmaasuqa DF la qariyo si adduunka wax noo siiyo, kaddibna la musuqmaasuqo. DGKG oo mas’uul ka ah Baydhabo marna ma sheegin, mana kama caban khatar uu Mukhtar Roobow ku hayo Nabadgelyada deegaanka iyo doorashada Madaxweynaha DGKG. Musharrax tartan doorasho ku jira ma maja xaabin karo DFS, kamana qayb geli karo mu’aamarad wax loogu dhimayo nidaamka dowliga ah. Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu ka mid ahaa Madaxda Ururka Maxaakiinta Islaamka, kaddibna wuxuu ku biiray Al Shabab oo uu ka soo goostay 2013. Dowladda Mareykanka ayaa 2012 madaxiisa saartay abaalmarin dhan 5 Milyan doolar si loo soo qabto ama loo soo sheego meesha uu joogo si loo khaarijiyo. Roobow wuxuu muddo 4 sano ku dhex noolaa deegaanka Koofur Galbeed, halkaaso ay ku difaacayeen ciidammo daacad u ah. Dhowr jeer ayaa Ciidammo ka tirsan Al Shabab soo weerareen, isla markaana ka badbaaday baadi goobkii Dowladda Mareykanka. 2017 ayaa Dowladda Mareykanka ka qaaday lacagtii abaal marinta aheyd, taaso albaabka u furtay in DGKG iyo DF soo dhoweeyaan Sheikh Roobow si heer sare ah, kana mid noqdo xubnihii ka soo goostay Al Shabab oo xilal xasaasi ah ka haya hay’adaha nabadsugidda iyo Garsoorka DF. Sida uu sheegay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee DF Cabdirashid Cabdullahi Maxamed, DF waxay siiyay ballanqaadyo badan Sheikh Mukhtar roobow oo noqon kara taagero iyo meeleyn si uu isaga difaaco Al Shabab oo ugaarsaneysa. Wuxuu haysta ciidammo daacad u ah oo muddo 4 sano ah ka difaacayay weerarrada Al Shabab iyo cadowyo kala duwan. Sidaa darted, Roobow wuxuu markasta u baahan yahay ilaalo ka difaacda ugaarsiga Al Shabab. Sheikh Mukhtar wuxuu marar badan ka hadlay Warbaahinta, wuxuuna cambaareyay Al Shabab, taaso macnaheedu yahay ka soo horjeedka Mab’da xag-jirnimada ah. DF waxay siiyay Roobow Baasabor uu ku tagay dalal badan, mana jirin dowlad xirtay ama xayirtay madaaama mab’da xag-jirnimada waa dambi caalami ah oo dowlad kasta laga sugayo inay wax ka qabato. Waa gef in muwaadin laga dalbato inuu taagero Dowladda Federaalka Soomaaliya, Waajibaadka muwaadinka waxay qeexan yihiin qodobka 42 ee Dastuurka KMG, kumana jirto taageradda DFS. Muwaadin kasta waxaa laga rabaa inuu dhowro, difaaco, daacad u ahaado sarreynta dastuurka iyo sharciga dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Sheikh Mukhtar Roobow waxay ka qayb galeen dhiig bixintii loogu deeqay qarixii weynaa ee ka dhacay Zobbe 14 Oktoober 2017. Warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa baahisay sawirrada dhiig bixinta Madaxweyne Farmjaao iyo Sheikh Mukhtar Roobow oo noqday hoggamiye qaran. Bishii Maajo 2018, Jaamacadda Qarammada Midoobay waxay baahisay daraasad ay qortay Dr. Vanda Felbaba-Brown, kuna saabsan siyaasadda dowladda federaalka ee la xiriirta cafiska xubnaha ka soo goostay Al Shabab, dib u heshiisinta, nabadgelyada, iyo xaqmarinta dhibannayaasha iyo ciqaabta dambiilayaasha Al Shabab. Dasaaraddu waxay muujineysa khaladaadka iyo xikmad la’aanta siyaasadda Dowladda Federaalka ee la xiriirta la dagaalanka iyo ka guuleysiga Al Shabab, baahida loo qabo dejinta siyasaad wanaagsan oo dhiirigelineysa in xubno badan ka soo goostaan Al Shabab, kuwo cusubna aysan ku biirin, isla markaana la daaweeyo dhibbanayaasha dhibaatada ka soo gaartay weerarrada Al Shabab. Xarigga Sheikh Mukhtar waa ku xadgudub dastuurka iyo Sharciga, waa gacan dhaaf lagu sameyay DGKG, iyo musuqmaasuqa doorashada Madaxweynaha DGKG. Beesha Caalamka waxay caddeysay welwelka ay ka qabto sharciyadda iyo hufnaanta doorashada Madaxweynaha DGKG. Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo waxaa la sugaya inuu ka digtoonaado marin habaabinta la taliyayaashisa, uuna tixgeliyo qayla dhaanta shacabka ee dibedda iyo gudaha ka soo yeereysa. Xalka waa wax ka qabashada deg degga ah ee mowjadaha siyaasadeed ee ka aloosan dalka oo dhan, dadweynahana loo ballan qaado in hadda kaddib aysan dhici doonin xadgudubyada dalka geliyay xasilloni darro iyo dib u dhac. W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (Caasimadda Online)-Xildhibaanada Golaha Badbaadada oo ah xildhibaanada Gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah u diray safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa ka dalbaday safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya inay cadeyso doorka ay ciidamadooda ku sugan magaalada Baydhabo ku leeyihiin soo qabashadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo shaqada ay ka hayaan magaalada. Warqadda oo Caasimadda Online ay heshay ayaa waxaa lagu cadeeyay inay AMISOM ay iska fogeysay inay door ku lahaayeen so qabashadii Mukhtaar Roobow, waxaana taasi ka dhashay shaki badan oo ah in ciidamada Ethiopia ee kusugan Baydhabo aysan qeyb ka aheyn AMISOM iyo Inkale. Arintaasi ayaana keentay in Xildhibaanada ay warqadan u diraan Safiirka Ethiopia ee Somalia, waxaana warqadda ay u qorneyd sidan:- Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxay buuq ka kiciyeen kulankaasi. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada diidan mooshinka ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ls iska tuuro haddii ay heshiin waayaan, maadaama sida uu sheegay ay qeyb ka yihiin khilaafka taagan. Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafka ka dhasha baarlamaanka uusan dhamaaneyn ilaa inta ay heshiis aheyn guddoonka baarlamaanka ay xilka sii hayaan, wuxuuna soo jeediyay in la iska tuuro seddexdooda. “Dowladdan Labo sano ayaa u dhiman, annaga labo sano ayaa inoo dhiman, Inaan Mooshin La’aan ku dhameysano ma igu raacsan tihiin “HAA”, Guddoomiyaheena haku soo laabto halkuu ka guurey, Khilaafka wuu batay guddoomiyaha iyo kuxigeenada haddii ay heshiin waayaan seddexdooda aan isla tuurno, Runta ma rabtaan, Mursal, Muudey, iyo Mahad, saddexdooda isku mid ayay noo yihiin”. “Buux iyo xitaa aan ku darno, haddii ay soo heshiin waayaan oo maalinta Isniinta ay noo furi waayaan baarlamaanka, aniga waxaan soo jeedinayaa inaan seddexdooda ridno oo guddoon cusub aan doorano, ninka noogu da’ weyna u dhiibano xilka”ayuu yiri Xildhibaan Dhaqtar. Kadib xildhibaanada kale ayaa bilaabay inay ku buuqaan ama ku oriyaan, waxaana meesha ka dhashay is fahamwaa sababay inuu iska wareejiyo cod baahiyaha uu ku hadlayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Ra’iisulwasaraahii Sri Link, Mahinda Rajapaksa,ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib mudo ay heesatay xaalado siyaasadeed ooaanan fadhinin taas oo sabab u noqotay in ay istaagaan shaqooyinkii dowlada SriLink. Ra’iisul wasaaraha ayaa is casilaadiisa uga hor dhawaaqay kooxo taageerayaashiisa ah iyo wariyaal kuwaas oo ku sugnaa qasriga uu ka daganyahay caasimada dalkaasi ee Colombo. Ra’iisul wasaarahan oo 73 jir ah ayaanan wax faahfaahin dheeraad ah aanan ka bixinin sababaha ka danbeeyay in uu is casilo . Dhibaatooyinka dalka Sri Link ayaa socday tan iyo bishii October waqtigaas oo uu madaxwaynaha dalka shaqada ka ceeriyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi asagoona ku badalay ra’iisul wasaaraha haatan xilka ka dagay oo asaga qudhiisa lagu soo eedeeyay musuq maasuq iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay madaxweynaha taageero ugu muujiyeen. Xildhibaanadan ayaa warar is khilaafsan ay kasoo baxeen tiradooda, waxaana horey u qornay inay ahaayeen 135 xildhibaan, hase yeeshee xiriir ay nala soo sameeyeen ayay ku sheegeen inay intaas ka badan yihiin oon ay gaarayaan 167 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa Caasimada Online soo gaariyey warqad ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo saxiixooda oo ay sheegeen inay caddeyn u tahay tiradooda rasmiga ah. Si kastaba, sida mar kasta dhacday, waxaa dhici doonta in xildhibaano badan ay sheegtaan in magacooda laga been abuurtay. Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre. Hoos ka aqriso liiska magacyada iyo saxiixda xildhibaanada
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay hoggaanka ciidamada Amisom, kaasi oo ay isaga fogeeyeen inay kaalin ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad, oo uu faceook soo dhigay:- Dharka iyo gaadiidka Midowga Afrika miyaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa mise?! Shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa docwo ka dhan ah Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Fransisco Madeira u gudbiyay Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Dacwadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ee katirsan kuwa AMISOM ee jooga magaalada Baydhabo ay maalintii Khamiista soo afduubeen Mukhtaar Roobow. Afduubkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Barlamaanka Koonfur Galbeed. Iyagoo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa saakay war saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Midawga Afrika waxay iskaga fogeeyeen in ay ku lug lahaayeen howl galkii lagu soo qabtay Mukhtaar Roobow iyo dhibkii ka dhashay. Hadaba waxaa iswaydiin mudan TAANGIYADAAN ay ku buufsanyihiin magaca Midowga Afrika iyo CIIDAMADAAN labbisan dharkooda ma’ahan miyaa kuwoodii mise dharka iyo gadiidka Midowga Afrika ayaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa?! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay kaga arrin-sadeen xaalada kacsan ee Baydhabo iyo dagaalka u dhaxaeeya qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida oo ka taagan Mooyaale. Kulanka gudiga ayaa markii uu soo idlaaday, waxaa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare, Cali Jaamac Maxamed, kaasi oo ku horumaray qalalaasaha ka taagan xarun goboleedka Bay. Xoghayaha ayaa wuxuu ugu baaqay waxgaradka, Aqoonyaanada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan inay qaboojiyaan xaaladda, islamarkaana wax kasta lagu dhameeyo iyadda oo la eegayo dadka dalka iyo dadka. Dhinaca kale, Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare ayaa carabka ku dhuftay dhibaatada ka dhalatay Dagaalka ka soo cusboonaaday Deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada Magaalada Mooyaale oo ay wada-degaan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada. Baaq nabadeed oo dhawaq culus wata ayuu ujeediyay dhinacyadda kala duwan, si gaar ah wuxuu ku tartarsiiyay masuuliyiinta inay ka shaqeeyaan sidii aanu dib-damnbe udaadan Dhiigga shacabka. Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya soo xirtay Murashax Mukhtaar Roobow waxaa ka taagan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed rabshado galaaftay nolasho badan. The post Aqalka sare oo baaq kasoo saarey xaalada Baydhabo iyo Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qatar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Dooxa loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo. Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa. The post SAWIRRO: RW Khayre oo la kulmay Amiirka Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-151218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kasoo horjeesteen mooshinka dhawaan laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ay golaha shacabka u gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kaas oo la sheega inuu burburay. Kulanka kaddib ayay xildhibaannadu, waxay soo saareen War-asxaafadeed ka kooban laba bog, iyagoo ku sheegay in mooshinkii Madaxweynaha laga keenay uu buray, isla markaana uu ahaa mid aan loo baahnayn. Sidoo kale, Xildhibaannada kulanka yeeshay oo gaarayay in ka badan 134 xildhibaan ayaa waxay eedeyn kulul u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyagoo ugu baaqay inuu furo kulamada baarlamaanka. Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa u muuqday kuwa difaacayay Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaanno kale ay mooshin ka gudbiyeen, iyagoo xusay inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya. AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaannada kulmay; PUNTLAND POST The post Xildhibaanno Qoraal ku Taageeray Farmaajo Baaqna u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.