-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/07/VID-20250727-WA0000.mp4 Qaran News
-
Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah an cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada . Golaha Baarlamaanka Puntland oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in ay fadhigii maanta ku meel-mariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada, oo ay soo gudbisay wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland. Fadhiga oo ay soo xaadireen 34 mudane, waxaa ogolaaday ansixinta Xeerkan 32 mudane, waxaana ka aamusay 2 xildhibaan, islamarkaana ma jirin cid diiday, sida uu shaaciyay Baarlamaanka Puntland oo warkan soo saaray. “Xildhibaanada golaha wakiillada dowladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada ee Puntland, waxaa oggol ugu codeeyay 32 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 2 mudane” ayaa lagu yiri warka Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta meel mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee (NISA) oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku qabatay hawlgal qorsheysan oo ay xalay ka fulisay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hay’adda NISA waxay Warsaxaafadeedka ku sheegtay in ay hawlgalkaasi ku soo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Afgooye, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaad uu ka tirsanaa waaxda waxa ay ugu yeeraan amniyaadka. Sida ku cad Warsaxaafadeedka NISA, Qabashada Horjoogahan Al-shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. “Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka NISA. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo degmada Afgooye ku qabtay horjooge iyo xubin kale oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Calleenta matcha ayaa adduunka aad u qabsatay. Shaaha cagaarka ah ee Japanese-ka ah waxaa laga heli karaa meel kasta oo lagu iibiyo kafeyga iyo shaaha. Waallida matcha-ga caalamiga ah waxaa buunbuuniyay warbaahinta bulshada (social media), iyada oo dadka caanka ah ay soo wadaagaan talooyinka wax soo saarka, faallooyinka iyo cuntooyinka. Hashtag-ka “Matcha Tok” waxa uu soo jiitay tobanaan milyan oo aragtiyo ah. Caannimada Matcha ee sii kordheysa ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dalxiiska Japan ee ka dib xanuunkuu Covid, iyadoo lacagta daciifka ah ee waddanku ay ka dhigtay meel soo jiidasho leh iyo sidoo kale kor u qaadista baahida badeecadaha Japan. Inta lagu jiray buunbuuninta, baahida loo qabo budadan ayaa kor u kacaysa. Haweeneyda soo dejisa shaaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka Lauren Purvis ayaa BBC-da u sheegtay in macaamiisheeda ay arkayaan waxa bishii dhan in la isticmaalo loogu talogalay oo maalmo gudahood lagu dhammeystay. Makhaayadaha qaar ayaa xitaa waydiisanaya kiilo maalintii. Waxay aad ugu baahan yihiin inay sii wadaan,” ayay tiri Ms Purvis, oo maamusha Mizuba Tea Co. Faa’iidooyinka caafimaad ee matcha Matcha wuxuu qani ku yahay antioxidants – maaddooyinka kaa caawiya inay jirkaaga ka ilaaliyaan dhaawaca unugyada waxayna hoos u dhigaan khatarta cudurrada daba dheeraada. Daraasad ay daabaceen saynisyahanno ka socda Jaamacadda Konkuk ee magaalada Seoul ayaa lagu sheegay in matcha ay ku jirto ilaa 10 jeer in ka badan antioxidants marka loo eego shaaha cagaaran ee caadiga ah. Shaaha cagaaran iyo matcha ayaa aad isugu dhow, shaaha cagaaran waxa uu kordhiyaa dhimista miisaanka sababtuna waa heerka sare ee antioxidants. Daraasaduhu waxay muujinayaan shaaha cagaaran inuu kaa caawiyo kordhinta dheef-shiid kiimikaadkaaga iyo gubashada baruurta, taasoo ay gacan ka geysato heerarka sare ee kafeynta ku jirta. Qaadashada caadiga ah ee matcha latte (hal qaaddo oo ah budada matcha) ayaa ka kooban qiyaastii 38-176mg oo kafeyn ah. Tani waa kafeyn ka yar koob kafeega caadiga ah. Si kastaba ha ahaatee, Galati ayaa sheegaysa in matcha loo maleynayo in ay leedahay ‘saamayn xasiloon’ oo ka badan qaxwada sababtoo ah waxa ku jira L-theanine. “Aashitada amino-ga ee matcha waxaa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay habdhiska dareenka, ka caawinta dhimista walbahaarka, fududaynta walwalka iyo yaraynta hurdo la’aanta,” ayay tiri. Daraasadaha qaarkood waxay ku xireen qaar ka mid ah waxyaabaha ay ka kooban tahay matcha – oo ay ku jiraan antioxidants iyo qaybaha kale sida chlorophyll, kafeyn iyo L-theanine – oo leh horumarinta shaqada maskaxda. Kafeyn waxaa lagu yaqaannaa inuu ka shaqeeyo habdhiska dhexe ee neerfayaasha, kordhinta dheef-shiid kiimikaadka maskaxda oo dhan, iyo sidoo kale kor u qaadista feejignaanta iyo xusuustaada. Cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Shizuoka ee Japan waxay soo jeedinaysaa in matcha laga yaabo inay leedahay faa’iidooyinka garashada. Daraasadda, oo lagu daabacay Maktabadda Qaranka ee Daawada, waxay ku lug lahayd 12 kaqeybgalayaasha waayeelka ah – laba rag ah iyo toban dumar ah – kuwaas oo cunayay labo garaam oo budada shaaha cagaaran ah maalin kasta muddo laba bilood ah. Natiijooyinku waxay muujiyeen calaamadaha shaqada maskaxda oo soo hagaagtay. Si la mid ah dhammaanba waxyaabaha kale ee kafeynta laga helo, waxaa fiican in matcha si dhexdhexaad ah loo isticmaalo. Matcha waxaa ku jira kafeyn ka badan shaaha cagaaran iyadoo qaadashada kafeyn badan ay saameyn taban kugu yeelan karto sida isku buuq, hurdo la.aan iyo wadno-garaac badan. Kafeyn wuxuu kordhiyaa soo jeedkaaga, kaas oo loo arki karo faa’iido. Si kastaba, qaadashada xaddi badan ayaa sababi karta in jirku sii daayo adrenaline oo ah hoormoon si ku meel gaar ah u kordhiya tamarta balse sidoo kale horseedi kara inaad dareento isku buuq. Xaddiga ugu badan ee kafeynta lagula taliyo dadka qaan-gaarka ah waa 400mg, taas oo micnaheedu yahay inaadan cabin wax ka badan hal amaba labo koob oo matcha ah maalintii. Kuwa xasaasiyadda ku qaba kafeynta, matcha ayaa laga yaabaa inay u fiican tahay maaddaama ay ku jirto kafeyn ka yar kafeyga, iyadoo sidoo kale L-theanine-ta ku jirta ay gacan ka geysato yareynta in jirku nuugo kafeynta. Fiiro ku aaddan tayada Iyadoo matcha ay sanadihii dambe caan noqotay, in ka badan match-ada ka baxda Japan ayaa dunida loo dhoofiyaa. Wararka qaar ayaa xitaa saadaaliyay in dalabka kordhay uu horseedi karo gabaabsiga matcha ee labadaba gudaha Japan iyo adduunka. Iyagoo ka jawaabayay dalabka sii kordhaya ee matcha, shirkadaha shaaha ee Japan ee kala ah Ippodo Tea iyo Marukyu Koyamaen ayaa ku dhawaaqay markii ugu horreysay inay xaddidayaan iibka matcha. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Beeraha Japan, dalkaas ayaa soo saaray 4,176 oo tan oo matcha ah sanadkii 2023 – taas oo saddex jeer ka badan intii ay dhoofisay sanadkii 2010. Balse matcha ayaa noqoneysa mid dunida caan ka ah, sidoo kalena waxaa badanaya noocyadeeda kala duwan dhanka tayada. Qaarkood waxaa lagu daray sokor iyo dhadhan amaba wax lagu macaaneeyo, taas oo hoos u dhigeysa faa’iidadeeda caafimaad. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu dhawaan socdaal ku aado magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Madaxweyne Deni, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa ku wajahan Badhan, halkaasi oo la filayo in uu shirar kula yeesho salaadiinti dhaqanka gobolka Sanaag iyo bulshada degmadaaasi. Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya, iyadoo magaalada Laascaanood uu ka socdo Shirka dhammaystirka maamul u samaynta SSC-khaatumo, kaasi oo Villa Somalia abaabushay, si ay hal maamul ugu samayso labada gobol ee Sool iyo Sanaag. Isimada dhaqanka gobolka Sanaag oo uu hoggaaminayo suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan ayaa horay u diiday Shirka Laascaanood, oo ay ku tilmaameen mid aysan cidna ku metelin, inkastoo ay jiraan dad ka soo jeeda Sanaag oo qeyb ka ah Shirka ka socda Laascaanood. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Faransiiska ayaa bisha Sebtembar si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad ay leeyihiin Falastiin, sida uu sheegay madaxweyne Emmanuel Macron, taas oo ka dhigaysa waddankii ugu horreeyay ee G7 ee aqoonsaday. Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Macron ku sheegay in ku dhawaaqista rasmiga ah lagu sheegi doono fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York. “Baahida degdega ah ee maanta waa in dagaalka Gaza la soo afjaro oo dadka rayidka ah la badbaadiyo, nabad waa suurtagal, waxaan u baahanahay xabbad joojin degdeg ah, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, iyo gargaar bini’aadannimo oo ballaaran oo la gaarsiiyo dadka Gaza,” ayuu qoray. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Macron, halka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in tallaabadan “ay abaal-marinayso argagax” ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ka dhacay Israa’iil. Qaran News
-
France will officially recognise a Palestinian state in September, President Emmanuel Macron has said, which will make it the first G7 nation to do so. In a post on X, Macron said the formal announcement would be made at a session of the UN General Assembly in New York. “The urgent need today is for the war in Gaza to end and for the civilian population to be rescued. Peace is possible. We need an immediate ceasefire, the release of all hostages, and massive humanitarian aid to the people of Gaza,” he wrote. Palestinian officials welcomed Macron’s decision, while Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu said the move “rewards terror” following Hamas’s 7 October 2023 attack in Israel. Reuters Palestinian Authority President Mahmoud Abbas (left) and French President Emmanuel Macron during talks in Paris in July 2022Reuters Palestinian Authority President Mahmoud Abbas (left) and French President Emmanuel Macron during talks in Paris in July 2022 France will officially recognise a Palestinian state in September, President Emmanuel Macron has said, which will make it the first G7 nation to do so. In a post on X, Macron said the formal announcement would be made at a session of the UN General Assembly in New York. “The urgent need today is for the war in Gaza to end and for the civilian population to be rescued. Peace is possible. We need an immediate ceasefire, the release of all hostages, and massive humanitarian aid to the people of Gaza,” he wrote. Palestinian officials welcomed Macron’s decision, while Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu said the move “rewards terror” following Hamas’s 7 October 2023 attack in Israel. The US “strongly rejects” Macron’s announcement, Secretary of State Marco Rubio said, calling the decision “reckless”. The G7 is a group of major industrialised nations, which alongside France includes the US, the UK, Italy, Germany, Canada and Japan. In his Thursday post on X, Macron wrote: “True to its historic commitment to a just and lasting peace in the Middle East, I have decided that France will recognise the State of Palestine. “We must also guarantee the demilitarisation of Hamas, and secure and rebuild Gaza. “Finally, we must build the State of Palestine, ensure its viability, and ensure that by accepting its demilitarisation and fully recognising Israel, it contributes to the security of all in the Middle East. There is no alternative.” Macron also attached a letter to Palestinian Authority President Mahmoud Abbas confirming his decision. Responding to Macron’s announcement, Abbas’ deputy Hussein al-Sheikh said, “This position reflects France’s commitment to international law and its support for the Palestinian people’s rights to self-determination and the establishment of our independent state”, according to the AFP news agency. Meanwhile, Netanyahu wrote in a post on X: “We strongly condemn President Macron’s decision to recognise a Palestinian state next to Tel Aviv in the wake of the 7 October massacre. “A Palestinian state in these conditions would be a launch pad to annihilate Israel – not to live in peace beside it. Let’s be clear: the Palestinians do not seek a state alongside Israel; they seek a state instead of Israel,” Netanyahu added. Hamas said France’s decision was a “positive step in the right direction” and urged all countries of the world “to follow France’s lead”. Currently, the State of Palestine is recognised by more than 140 of the 193 member states of the UN. A few European Union countries, including Spain and Ireland, are among them. But Israel’s main supporter, the US, and its allies including the UK have not recognised a Palestinian state. In a statement on Thursday, UK Prime Minister Sir Keir Starmer said he will hold an “emergency call” with French and German leaders on Friday to discuss “what we can do urgently to stop the killing”. Statehood is an “inalienable right of the Palestinian people”, Sir Keir said, adding that a ceasefire would “put us on a path to the recognition of a Palestinian state and a two-state solution”. Sir Keir’s statement came as he faces growing pressure, including from his own MPs, for the UK to follow France’s lead. On Friday, a majority of MPs on the foreign affairs committee, which scrutinises UK foreign policy, called for the immediate recognition of the state of Palestine, adding it should make the move “while there is still a state to recognise”. “An inalienable right should not be made conditional,” a committee report said. Saudi Arabia’s foreign ministry praised France’s decision, saying it “reaffirms the international community’s consensus on the Palestinian people’s right to self-determination and the establishment of an independent state”. The Israeli military launched a campaign in Gaza in response to the attack on southern Israel, in which about 1,200 people were killed and 251 others were taken hostage. At least 59,106 people have been killed in Gaza since then, according to the territory’s health ministry. Much of Gaza has been reduced to rubble since then. Earlier on Thursday, the UN’s Palestinian refugee agency (Unrwa) said that one in five children in Gaza City was now malnourished and cases were increasing every day. More than 100 international aid organisations and human rights groups have also warned of mass starvation in the Gaza Strip – pressing for governments to take action. Israel, which controls the entry of all supplies into the Palestinian territory, has repeatedly said that there is no siege, blaming Hamas for any cases of malnutrition. Source BBC News Qaran News
-
Dowladda Maraykanka oo maanta bayaan kooban soo saartay ayaa xaqiijisay hawlgalkii ay wadajirka u fuliyeen ciidamada Puntland iyo kuwa Maraykanka ee lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish. Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayuu ku xaqiijiyay hawlgalkaasi wadajirka ah oo sida Puntland shaacisay lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac). Taliska AFRICOM oo warkan soo saaray ayaa sheegay in aysan sii dayn doonin Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan Hawlgalkii shalay, si loo xaqiijiyo ammaanka xogta hawlgallada, balse wuxu sheegay in ay sii wadayaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Daacish, si looga hortago in ay fuliyaan weerarro ka dhan ah danaha Maraykanka iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda. Warkan ka soo baxay Maraykanka ayaa imaanaya, maalin kaddib markii Puntland shaacisay in hawlgal wadajir ah, oo ay Mareykanka la kaashadeen ku qabteen Madaxii Maaliyadda Daacish, kaasi oo laga soo qabtay degaanka Laag ee degmada Xumbeys. PUNTLAND POST The post Puntland: Maraykanka oo xaqiijiyay Hawlgalkii lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Daacish Cabdiweli Walalac appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Cayn Korneyl Cabdiraxmaan Cabdillaahi Axmed (Afweyne) oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan in dowladda Puntland bixiso mushaarka iyo xuquuqda ciidamada fadhiya difaacyada hore ee SSC-khaatumo. Korneyl Afweyn oo wareysi dheer bixiyay ayaa u jawaabay wasiirka Warfaafinta SSC-khaatumo oo dhawaan dafiray wararka sheegaya in Puntland bixiso mushaarka qeyba kamid ah ciidamada fadhiya jiidda hore ee laga difaaco degaannada SSC-khaatumo, kuwaasi oo ay Puntland sheegtay in ay bil kasta ku bixiso $1.8 milyan oo mushaar iyo xuquuq ah. Taliye Cabdiraxmaan Afweyne wuxu caddeeyay in Puntland bixiso mushaarka in ka badan 1,000 askari oo fadhiya difaaca Gobolka Cayn, kuwaasi oo ka kooban Daraawiish iyo Boolis, halka jiidda hore ee Gobolka Sool ay fadhiyaan ciidamo kala duwan oo mushaar iyo xuquuq ka qaata Puntland, sida uu warkiisa u dhigay. Ciidamada Puntland ka mushaar qaata ee fadhiya difaacyada Gobolka Sool ayuu sheegay in ay kala hoggaamiyaan Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor, Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Karaash, Korneyl Mubaarik Jiqda iyo Korneyl Bacayoos. PUNTLAND POST The post Korneyl Afweyne: Puntland waxay mushaar siisaa Inta badan ciidamada fadhiya difaaca SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac). Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay qabashada Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac). Dowladda Puntland waxay sheegtay in horjooge, Abdiweli Walalac lagu qabtay hawlgal qorshayaan oo ka dhacay degaanka Laag ee degmada Xumbeys, kaasi oo ay faliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Mareykanka oo taageero ka helaya Hawlgalka Calmiskaad. “Waxaa laqabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta Argagixisada Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.” “Hawlgalka Calmiskaad ayaa maraya meel gebogebo ah, waxaana socda ugaarsiga firxadka Argagixisada iyo Horjoogeyaashoodii ka cararay Calmiskaad” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Maraykanka oo maanta hawlgal wadajir ah ku qabtay horjooge sare oo ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan taageersaneyn qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hantido dekedda Assab ee dalka Eritrea, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kadib khadka taleefanka uu kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Qoraalka warbixinta ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay diiradda saareen is-afgarad ku saleysan “dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka,” iyadoo aan marna lagu xusin wax ku saabsan marin badeedka Cas ama sheegashooyin dhuleed oo Itoobiya leedahay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa intii ay wada hadleen adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu sidoo kale ammaanay isbeddellada dhaqaale ee Itoobiya oo fursado u abuurey ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka. Wararka isha lagu hayo oo kaladuwan ayaa muujinaya in Mareykanka uu dhiirrigelinayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, halkii uu ka taageeri lahaa ballaarinta dhuleed ama danaha xasaasiga ah ee marin badeedka Itoobiya. Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Maraykanka ay sheegtay inay ka shaqeynayso sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo Masar. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa muujiyay mahadcelin uu u jeediyay waxa uu ku tilmaamay dadaalka Trump ee ku aaddan in la gaaro heshiis caddaalad ah oo u dhexeeya Masar, Suudaan, iyo Itoobiya. Source
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s federal government has strongly condemned members of the British Parliament for supporting Somaliland’s bid for independence, warning that foreign interference in the country’s internal affairs threatens national sovereignty and risks destabilizing ongoing state-building efforts. Source: Hiiraan Online
-
A moment of opportunity: Supercharging the clean energy age
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Energy has shaped humanity’s path – from mastering fire, to harnessing steam, to splitting the atom. Today, we’re at the dawn of a new era. The sun is rising on a clean energy age. Source: Hiiraan Online -
Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro on Tuesday declared a national emergency and ordered the immediate launch of emergency relief operations after severe drought conditions threatened lives and livelihoods across several regions, particularly Awdal and Salal in the country’s west. Source: Hiiraan Online
-
Beled Hawo (HOL) — Heavy fighting erupted Tuesday in the southern border town of Beled Hawo after the Somali federal government deployed Abdirashid Janan, a controversial former Jubbaland security minister, as the new regional intelligence chief, triggering a fierce response from Jubbaland forces who later claimed full control of the town. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay iska hor imaadkii maanta ka dhacay degmada baladxaawo ee gobolka Gedo, ayadoo eedayn culus u jeedisay maamulka Jubbaland. Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in DFS ay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynayso waxa uu ku tilmaamay fal dambiyeedka uu geystay Axmed Maxamed Islaam oo ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. War saxaafadeedka wasaaradda amniga XFS ayaa lagu yiri “duhurnimadii maanta maleeshiyaad ka amar qaata Axmed Maxamed Islaam ayaa weerar bareer ah ku qaaday xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka. Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga. Tallaabadaan ayaa sidoo kale ahayd mid uu eedaysanuhu kusoo beegay xilli ay dadweynaha magaalada ku mashquulsanaayeen hawl-maalmeedkooda caadiga ah, taas oo muujinaysa mas’uuliyad-darro iyo in aanu wax dan ah ka lahayn badqabka dadweynaha. Waxaan u tacsiyaynaynaa muwaadiniinta waxyeelladu soo gaartay, waxaana ka go’an dowladda in cadaaladda la marsiiyo cid kasta oo ku lug yeelata gabood-fallada noocaan oo kale ah. Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono”. Source: goobjoog.com
-
Balad Xaawo, Gedo – Dagaal culus ayaa saaka ka qarxay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii uu halkaas gaaray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan ka dhexeeyay, gaar ahaan arrimaha maamulka gobolka Gedo. Goob-joogayaal ayaa sheegay in rasaas culus iyo hubka waaweyn la isku adeegsanayo gudaha magaalada, taasoo cabsi gelisay shacabka deegaanka. Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda xarumo muhiim ah oo ciidan iyo maamulka gobolka ah. Cabdirashiid Janan oo horey u ahaa wasiir amni oo Jubbaland ka tirsanaa, isla markaana muddo dheer khilaaf kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland, ayaa hadda kusoo biiray dowladda federaalka, taasoo sii hurisay xiisaddii hore uga jirtay gobolka Gedo. Safarkiisa maanta ee Balad Xaawo ayaa loo arkaa mid horseeday iskahorimaadka socda. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee dagaalka. Source: goobjoog.com
-
Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waa mid ka mid ah dhalinyarada dadaalka badan ee tacabka mugga leh geliyay horumarinta Caasimadda Hargeysa, tan iyo intii ay jirtay Dawladda Hoose ee uu hoggaaminayay Maayarka Cabdikariin Axmed Mooge. Mudane Qoorgaab wuxuu kasoo shaqeeyay shan degmo oo kamid ah degmooyinka Hargeysa: 26 Juun, Gacan Libaax, 31 May, Macalin Haaruun, iyo Axmed Dhagax, isagoo kasoo noqday guddoomiye degmooyin badan. Waxqabadkiisa ayaa si toos ah looga dareemay degmo kasta oo uu ka hawlgalay, taas oo ka tarjumaysa hufnaantiisa maamul, daacadnimadiisa iyo kartidiisa hoggaamineed. Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waxa uu dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taagan yahay doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ee sanadka 2026. Waa musharrax ay bulshada si weyn u garanayaan, loogana bartay waxqabad muuqda oo aan ku koobnayn hadal, balse sal u ah hawl maalmeedka nololeed ee degmooyinka. Intii uu xilka hayay Maayarka Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, Cabdiraxmaan Qoorgaab waxa uu ka mid ahaa garbaha uu ku duulay; wuxuuna door muuqda ku lahaa hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee Dawladda Hoose. Iskaashi dhow oo dhex maray labada masuul ayaa sabab u noqday horumar muuqda oo laga dheehan karo xaafadaha caasimadda. Cabdiraxmaan Aadan Qoorgaab waa musharrax ay shacabka reer Hargeysa kalsoonidooda ku aamini karaan, isla markaana u qalma hoggaaminta iyo masuuliyadda sare ee Caasimadda. Waa dhalinyaro karti iyo himilo leh, waana nooca dalka iyo bulshada u baahan tahay. Source
