-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay fariin toos ah u gudbiyay mas’uuliyiinta Iran, isagoo ku booriyay inay si dhab ah u qaataan dalabka Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan wadaxaajood nukliyeer ah, si looga hortago khatarta dagaal ay Israa’iil ku qaado Iran. Iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in gobolka sii xasillooni darnaado, Boqorka Sacuudiga, Salman bin Cabdulcasiis, oo 89 jir ah, ayaa u diray wiilkiisa, Amiir Khalid bin Salman, Tehran si uu fariintaasi uga gaarsiiyo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei. Kulankaasi gaarka ah oo dhacay 17-kii April kuna qabsoomay xarunta madaxtooyada Iran, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, Taliyaha guud ee ciidamada Maxamed Baqeri, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraaqchi, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay Reuters. Inkastoo warbaahinta ay tabiyeen booqashada Amiirka 37 jirka ah, haddana fariinta gaarka ah ee uu sitay wali lama shaacin ilaa hadda. Amiir Khalid, oo ahaa safiirkii Sacuudiga ee Washington intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay ee Trump, ayaa uga digay mas’uuliyiinta Iran in Madaxweyne Trump uusan dulqaad badan u lahayn wadahadallo waqti dheer qaata, sida ay xaqiijiyeen afar ilo xog ogaal ah. Trump ayaa si lama filaan ah toddobaadyo ka hor ugu dhawaaqay in ay socdaan wadahadallo toos ah oo lala leeyahay Tehran, kuwaasoo lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran, beddelkeedna laga yareeyo cunaqabateynta. Wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id uu la qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo Washington u tegay si uu u helo taageero weerar milatari oo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iran. Intii uu kulanku socday, Amiir Khalid wuxuu u sheegay madaxda Iran in kooxda Trump ay doonayso in si dhakhso leh loo gaaro heshiis, isla markaana fursadda diblomaasiyadeed aysan furnaan doonin muddo dheer, sida ay sheegeen afarta ilo wareed. Wuxuu uga digay Tehran in heshiis lala gaaro Mareykanka uu ka roonaan doono khatar weerar Israa’iil haddii wadahadalladu burburaan, sida ay sheegeen laba ilo wareed oo reer Khaliij ah. Labaduba waxay intaas ku dareen, iyadoo ay la socdaan diblomaasi reer Galbeed ah, in Amiirka Sacuudiga uu sheegay in gobolka—oo durba la daalaa dhacaya dagaalladii Gaza iyo Lubnaan—uusan u adkeysan karin xiisad kale oo sii kororta. Dowladda Iran kama aysan jawaabin codsi faallo oo ay Reuters u dirtay ka hor daabacaadda warbixintan. Hase yeeshee, kadib, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa si adag u beeniyay warbixinta, sida lagu sheegay war kasoo baxay wakaaladda Fars ee Iran. Sidoo kale, Sacuudiga kama aysan falcelin codsigaasi. Booqashada uu Amiir Khalid ku tagay Tehran—oo ah walaalka ka yar dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman—ayaa ahayd tii ugu horreysay ee xubno sare oo reer boqor ah oo ka socda Riyadh ay booqdaan Iran muddo ku dhow labaatan sano. Labada dal ayaa muddo dheer ahaa kuwo colaad siyaasadeed u dhexeeyso, marar badanna waxay taageereen dhinacyo iska soo horjeeda oo ku loolamaya dagaallo wakiilnimo ku dhisan, ilaa heshiis ay Shiinuhu dhexdhexaadiyeen sanadkii 2023 uu hoos u dhigay xiisaddii taagnayd, dibna u soo celiyay xiriir diblomaasiyadeed. Saddex sano ee la soo dhaafay, saameynta gobolka ee Iran ayaa hoos u dhacday kaddib markii Israa’iil ay si xooggan u garaacday koxaha Xamaas ee Gaza iyo Xisbullah ee Lubnaan, halka xulufadooda ugu dhow ee Suuriya—diktatoor Bashaar Al-Asad—la riddo. Cunaqabateyntii reer Galbeedka ayaa sidoo kale si daran u saameysay dhaqaalaha saliidda ku tiirsan ee Iran. Mohanad Hage Ali, khabiir ku takhasusay arrimaha Iran kana tirsan xarunta fikirka Carnegie Middle East Center ee Beirut, ayaa sheegay in daciifnimada Tehran ay siisay Sacuudiga fursad uu ku muujiyo saameyn diblomaasiyadeed si looga hortago dagaal goboleed oo hor leh. “Waa hubaal in Sacuudiyaanku ay ka fogaadaan dagaal, sababtoo ah dagaal lala galo Iran wuxuu si toos ah u halis gelinayaa himilooyinkooda dhaqaale iyo yoolkooda mustaqbalka,” ayuu u sheegay Reuters. Iran: Ma aqbalayno shuruudo aan la hubin Reuters ma aysan xaqiijin karin saameynta ay fariinta amiirku ku yeelatay hoggaanka Iran, balse afarta ilo wareed ayaa sheegay in Madaxweyne Pezeshkian uu muujiyay rabitaanka Tehran ee heshiis, si cunaqabataynta looga qaado, dhaqaalahoodana loo kobciyo. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Iran waxay muujiyeen cabsi ku saabsan hab-dhaqanka “aan la saadaalin karin” ee maamulka Trump—oo hal mar oggolaanaya kobcin xadidan oo uraniyam ah, halka mar kalena uu dalbanayo in gebi ahaanba la joojiyo barnaamijkaasi. Trump ayaa sidoo kale hanjabay in uu adeegsan doono awood milatari haddii dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xakameynayo hamiga nukliyeerka Iran ay guul dareystaan. Mid ka mid ah ilaha Iran ayaa sheegay in Pezeshkian uu caddeeyay in Tehran ay dooneyso heshiis, balse aysan aqbali doonin in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda kobcinta uraniyamka si keliya maxaa yeelay Trump uu doonayo heshiis degdeg ah. Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa maray shan wareeg, balse weli waxaa jira caqabado dhowr ah—kuwaasoo ay ugu culus tahay arrinta uraniyamka. Reuters ayaa Arbacadii ku warrantay in Iran ay diyaar u tahay inay si ku-meelgaar ah u hakiso kobcinta uraniyamka haddii Mareykanka uu sii daayo lacagaha xayiran isla markaana uu si siyaasadeed u aqoonsado xaqa Iran u leedahay inay u isticmaasho uraniyamka ujeeddooyin nabadeed. Warbixintaasi waxaa beeniyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, sida ay qortay wakaaladda Fars. Aqalka Cad kama uusan jawaabin su’aalihii Reuters ee ku saabsanaa in Mareykanku horey u ogaa digniinta Sacuudigu u diray Tehran. Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay: “Madaxweyne Trump si cad ayuu u hadlay: heshiis samee ama la kulan cawaaqib halis ah. Dhammaan duniduna arrintaas si dhab ah ayay u qaadanayaan—sida ay ahaydba.” Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu Netanyahu uga digay toddobaadkii hore inuu qaado tallaabo kasta oo carqaladeyn karta wadahadallada, isagoo xusay in labada dhinac ee Mareykanka iyo Iran ay “aad isugu dhow yihiin xalka”. Dowladda Israa’iil kama aysan jawaabin codsi faallo oo la xiriira arrintan. Dhibaato hor leh oo laga digayo Booqashadii afar-maalmood ahayd ee uu Trump ku tagay gobolka bishan ayaa Sacuudiga ku xardhay inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee isbaheysiga dowladaha Sunniyiinta ee Bariga Dhexe, iyadoo laga buuxiyay booskii ay baneeyeen xulafadii Iran ee burburay. Intii lagu guda jiray safarkiisa, Amiir Maxamed Bin Salman ayaa dhexdhexaadiyay is-afgarad dhex maray Trump iyo hoggaamiyaha cusub ee Sunniyiinta Suuriya, Axmed al-Sharaa. Saameynta gobolka ee Tehran ayaa sii daciiftay kaddib guuldarrooyin milatari oo gaaray xulafadeeda ku jira isbaheysiga Shiicada ee loo yaqaan Axis of Resistance, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xamaas, Xisbullah, Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaadka Ciraaq. Kulankaasi, Amiir Khalid wuxuu Iran ku dhiirrigeliyay in ay dib u eegto siyaasaddeeda gobolka, isagoo xusay in isbeddel noocaas ah si weyn loogu soo dhawayn doono, gaar ahaan Riyadh, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah. Inkasta oo uusan si toos ah u eedeynin Iran, Amiir Khalid wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in weerarro la mid ah kuwii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 2019 lagu qaaday xarumaha shidaalka Aramco ay soo noqdaan—kuwaas oo Sacuudiga uu ku eedeeyay Iran iyo xulafadeeda Xuutiyiinta, inkastoo Tehran ay diiday eedeyntaasi. Mas’uuliyiinta Iran waxay sheegeen in Tehran ay saameyn ku leedahay Xuutiyiinta balse aysan si toos ah u maamulin ficilladooda. Sanado badan oo colaad ah oo u dhaxeeyay Iran oo Shiico ah iyo Sacuudiga oo Sunni ah ayaa kacsanaan geliyay Khaliijka, waxayna kicisay dagaallo ka dhacay Yemen ilaa Suuriya. Heshiiskii dejinta xiisadda ee 2023, oo uu door weyn ku lahaa dhaxal-sugaha Sacuudiga, ayaa lagu saleeyay yoolkiisa dhaqaale iyo baahida xasillooni siyaasadeed. Si kastaba, diblomaasiyiin iyo khubaro goboleed ayaa sheegaya in Sacuudiga iyo waddamada kale ee gobolka aysan weli u arkin Iran inay tahay lammaane lagu kalsoonaan karo marka la eego nabadda, waxayna ka cabsadeen in ficillada Tehran ay halis ku yihiin qorsheyaashooda horumarineed. Ugu dambeyn, Amiir Khalid wuxuu Iran uga digay in iyadu ama xulafadeedu ay qaadaan tallaabooyin keeni kara caro kaga timaada Washington, isagoo si cad u sheegay in jawaabta Trump ay noqon doonto mid aad uga adag tii madaxda isaga ka horreysay sida Joe Biden ama Barack Obama. Dhankiisa, wuxuu Tehran u ballanqaaday in Riyadh aysan oggolaan doonin in dhulkeeda ama hawadeeda laga adeegsado weerar kasta oo Mareykanka ama Israa’iil ay ku qaadaan Iran, sida ay sheegeen ilaha la hadlay Reuters.
-
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ku qabtay eedaysane loo haysto in uu ka tirsan yahay firxadkii mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish. Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo hawlgal ka sameeyay Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay eedaysanaha loo haysto in uu yahay firxadkii Daacish oo baxsad ah kaasi oo aan weli magaciisa la shaacin islamarkaana baaritaan lagu hayo. Ilo wareedyo amni oo ka tirsan ciidamada ayaa sheegaya in eedaysanahan uu magaalada soo galay saacado yar ka hor inta aan la qaban balse weli waxa socda baaritaan ku saabsan kiiska loo haysto si loo xaqiijiyo macluumaad intaasi ka badan. Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa dhawaanahan hawlgallo joogta ah ka sameeya magaalada kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxaha Ciyaal-weerada loo yaqaan iyo sidoo kale firxadkii Daacish ee inta rayid isu ekaysiiyaan soo galaya magaalada kaddib markii ay ku jabeen goobihii dagaalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo xalay Boosaaso ku qabtay eedaysane loo haysto in uu ka tirsan yahay firxadkii Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hadashay siyaasiyiinta mucaaradka ee hubka iyo gaadiidka dagaalka ku dhex wata magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, taasi oo ay digniin culus ka soo saartay. Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta Garoowe kula hadlay ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay joojiyaan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee gelbinaya oo aysan khalkhal gelin ammaanka Magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland. “Siyaasiyiintu hayska daayeen tiknikada ay magaalooyinka la soo gelayaan, nin siyaasi ah oo dalkiisii ku soo laabtay oo doonaya 20 Tikniko ah in lagu soo dhaweeyo xikmada kujirta garan maayo, nidaamka dowliga ah shaqada ha loo daayo” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir. Garoowe waxaa dhawaan gaadiid dagaal lagu soo dhaweeyey Guuleed Saalax Barre oo ahaa musharixii wareegga ugu dambeeya ee doorashadii 2024 ay isla gaareen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo digniin adag u dirtay siyaasiyiinta hubaysan ee ku sugan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa la la’yahay ka dib markii ay ku soo duntay meel dhagax laga qodo oo ku taal Indonesia, Samatabbixiyeyaasha ayaana waxay horeba uga soo saareen dad dhaawac ah oo burburka ku hoos jira. Sidoo kale Samatabbixiyeyaasha ayaa raadinaya dhibanayaal waxyeello ka soo gaartay dhacdadan ka dib markii dhagxaan dabiici ah ay ku soo duntay degmada Cirebon ee gobolka Java ee galbeedka Indonesia. Ugu yaraan 10 qof ayaa inta la xaqiijiyay ku dhimatay dhacdadan, iyadoo hay’adda musiibooyinka ee dalkaasi ay sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu baadigoobayo dad la la’yahay oo ku hoos aasay burburka. Dalka Indonesia ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca musiibooyin soo noq noqda sida foolkaano, dhul go’ iyo fatahaado saameyn ku yeesha qaar kamida gobollada dalkaas. Source: goobjoog.com
-
Tahriibku waa arrin sii kordheysa oo saameyn weyn ku leh dhalinyarada Soomaaliyeed. Kumannaan dhalinyaro ah ayaa sanad walba halis gelinaya noloshooda iyagoo doonaya nolol wanaagsan, nolol ka fog colaadda, shaqo la’aanta, iyo fursad la’aanta ka jirta gudaha dalka. Dhacdadii u dambeeysay waxay ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii doon ay saarnaayeen dhalinyarro Soomaaliyeed ay degtay, taasoo keentay geerida in ka badan 20 qof. Dhalinyaradaasi waxay u socdeen Jaziiradda Palma ee dalka Spain iyagoo rajaynayay nolol ka wanaagsan tan ay ka tageen. Waxaa la sheegay in doontu la kulantay xaalad adag, iyadoo la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo kaliisha qorxda. Waa dhacdo murugo leh oo muujinaysa halista sii kordhaysa ee tahriibka. Safarka Aljeria iyo Spain ee dhanka Badda aya hadda ah halista ugu wayn ee ay wajahayaan dhalinyarada nolosha u raadsanaya Qaaradda Yurub. Maxaa Dhalinyarada ku Riixa Tahriibka? Dhibaatooyinka dhaqaale, amni darro, iyo rajada ah in la gaaro nolol wanaagsan oo Yurub ama Waqooyiga Ameerika ka jirta ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee dhalinyaradu u tahriibaan. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradaasi waxay u arkaan safarka badda mid ay ka suurogal tahay in uu horseedo nolol cusub, inkasta oo ay ogyihiin halista ay wajahayaan. Doomo badan oo ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa ku degta badda Mediterranean-ka, halkaas oo boqolaal qof ay ku naf waayaan. Geeridu maaha halista kaliya; qaar ayaa la kulma jirdilka ma gefayaasha Libya, xabsi sharci darro ah, iyo xadgudubyo bini’aadanimo xilliga ay marayaan dalalka qaar. Maxaa Looga Gudbi Karaa? Si loo yareeyo tahriibka, waxaa muhiim ah in: – Fursado shaqo: waa muhiim in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo oo ah caqabada ugu wayn ee keentay in dhalinyaro badan ay isaga quustaan inay dalka joogaan. – Dhalinyarada laga wacyi-geliyo halista tahriibka. – Dowladdu ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah si loo xakameeyo tahriibka sharci darrada ah. Tahriibku waa dhibaato qaran, mana ahan keliya arrin ku saabsan socdaalka, balse waa astaan muujinaysa baahida loo qabo isbeddel dhab ah. Ilaalinta nolosha dhalinyarada waa masuuliyad wadareed u baahan ka qaybgal bulsho, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu xukumay madaxaa ha ku furto, ka dib markii lagu helay in ay iibisey inanteeda oo lix sano jir ah. Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay labo qof oo gacan ka siiyey fal dambiyeedka. Xukunka Racquel “Kelly” Smith, nin ay wada socdeen oo lagu magacaabo Jacquen Appollis iyo saaxiibkood Steveno van Rhyn ayaa yimid muddo hal sano ah ka dib markii la waayey Joshlin Smith oo markii dad ugu war dambeysey ku sugneyd gurigooda oo ku yaal meel u dhow magaalada Cape Town. Inkastoo la qaaday hawgal ballaaran oo gabadha maqan lagu baadi-goobayey, haddana illaa hadda lama hayo meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Dacwad-oogeyaasha Koonfur Afrika ayaa shegay in inanta laga iibiyey dad wax addoonsada wallow aan caddeyn buuxda la soo bandhigin intii dacwaddu socotey. Waxaa la rumeysan yahay in Racquel Smith oo ah qof balwd dilootay ay u baahneyd lacag, taasina ay ku riixdey in ay gabadheeda iibsato Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Joshlin ayeydeed Xukunka saddexdan qof ayaa daba socdey siddeed todobaad oo ay saarnaayeen maxkamad soo jiidatay indhaha dadweynaha Koonfur Afrika, tiiyoo marqaatiyaal iyo dacwad oogeyaal badan ay halkaas ku soo bandhigeen eedo lala fajacay. Garsoore Nathan Erasmus ayaa mar uu ku dhawaaqayey xukunka wuxuu sheegay in aysan jirin “wax farqi ah oo u dhexeeya dambiga loo haysto saddexda qof,” sidaas darteedna u uku xukumay xabsi daa’im. “Eedda la xiriirta iibgeynta qof bini’aam ah, waxaa la idin ku xukumay inta aad nooshihiin oo xabsi ah, eedda la xiriirta afduubkana, waxaad ku muteysateen toban sano oo xarig,” ayuu garsooruhu cod dheer ku yiri; go’aankaas oo dadweynahihii maxkamadda dhegeysanayey ay sacab xooggan ku soo dhaweeyeen. Garsoore Erasmus ayey ku qaadatay wax ka badan hal saac in uu ku dhawaaqo xukunka, maadaama uu si miisaaman u guudmarayey dhammaan arrimihii xusidda mudnaa ee kiiska ku gedaamnaa muddadii dawaddu soo jiitameysey. Garsooruhu wuxuu canbaareeyey saddexda qof ee dambiga lagu qaaday, gaar haan waalidka gabadha oo uu sheegay in aysan wax qoomamo ah ka muujin ficilladooda. “Ma hayo wax qiil ama laab duleec ah oo ay ku muteysan karaan wax ka yar muddada aan ku xukamay,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta fooshaxun ee dhaqankoodu ku yeesheen beesha Middelpos, halkaas oo gabadhu ku nooleyd oo sida uu sheegay falkani uu “dhaawacay”. Racquel “Kelly” Smith oo 35 sano jir iyo dadkii falkan ku gacan siiyey midna ma muujin wax qashuuc iyo jixinjix ah haba yaraatee ma muujin intii xukunkooda oo ka dhacay deegaanka Saldanha lagu dhawaaqayey. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Kelly Smith oo diidey in uu marqaat ka furo maxkamadda Boolisku waxay sheegeen in baadi-goobka gabadha yar uu sii socon doono, xitaa haddii raadkeedu ka gudbo soohdimaha Koonfur Afrika Garsoore Nathan Erasmus ayaa mar uu ku dhawaaqayey xukunka wuxuu sheegay in aysan jirin “wax farqi ah oo u dhexeeya dambiga loo haysto saddexda qof,” sidaas darteedna u uku xukumay xabsi daa’im. “Eedda la xiriirta iibgeynta qof bini’aam ah, waxaa la idin ku xukumay inta aad nooshihiin oo xabsi ah, eedda la xiriirta afduubkana, waxaad ku muteysateen toban sano oo xarig,” ayuu garsooruhu cod dheer ku yiri; go’aankaas oo dadweynahihii maxkamadda dhegeysanayey ay sacab xooggan ku soo dhaweeyeen. Garsoore Erasmus ayey ku qaadatay wax ka badan hal saac in uu ku dhawaaqo xukunka, maadaama uu si miisaaman u guudmarayey dhammaan arrimihii xusidda mudnaa ee kiiska ku gedaamnaa muddadii dawaddu soo jiitameysey. Garsooruhu wuxuu canbaareeyey saddexda qof ee dambiga lagu qaaday, gaar haan waalidka gabadha oo uu sheegay in aysan wax qoomamo ah ka muujin ficilladooda. “Ma hayo wax qiil ama laab duleec ah oo ay ku muteysan karaan wax ka yar muddada aan ku xukamay,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta fooshaxun ee dhaqankoodu ku yeesheen beesha Middelpos, halkaas oo gabadhu ku nooleyd oo sida uu sheegay falkani uu “dhaawacay”. Racquel “Kelly” Smith oo 35 sano jir iyo dadkii falkan ku gacan siiyey midna ma muujin wax qashuuc iyo jixinjix ah haba yaraatee ma muujin intii xukunkooda oo ka dhacay deegaanka Saldanha lagu dhawaaqayey. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Kelly Smith oo diidey in uu marqaat ka furo maxkamadda Boolisku waxay sheegeen in baadi-goobka gabadha yar uu sii socon doono, xitaa haddii raadkeedu ka gudbo soohdimaha Koonfur Afrika. “Ma nasan doonno inta aan ka dabatageyno heleyno Joshlin ama aan ka ogaaneyno waxa ku dhacay. Waan sii wadi doonnaa raadinteeda habeen iyo maalin,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Western Cape Thembisile Patekile oo saxaafadda la hadlay. Hay’adda Dambi-oogeyaasha Qaranka ee loo yaqaan (NPA) ayaa soo dhaweysey xukunkan, waxayna bogaadiyeen hawsha ay qabteen kooxdii ku jirtey kiiska ee xaqiijiyey Joshlin la iibiyey, dabadeedna loo geeyey ciddiii gadatay, si loo “addoonsado”. Waxaa xusid mudan in magaca dadka la sheegay in ay gabadha yar gateen la mashaacin intii lagu gudajirey dhegeysiga dacwadda. BBC-da waxay NPA weydiisey faahfaahin dheeri ah oo la cxiriirta kiiska, balse wax jawaab ah kama helin. Qiirada dadweynaha ka soo qaybgalay fadhiga maxkamadda ayaa ahaa mid aad u kacsan, waxaana la arkayey bulshada deegaanka falkani ka dhacay oo aad ugu careysan saddexda qof ee xukunku ku dhacay Bbcsomali Qaran News
-
Kenya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan xuduud dheer, dano dhaqaale, amni iyo xiriir taariikhi ah oo ay gundhig u tahay tixgelinta midnimada iyo madax-bannaanida labada dal, ganacsiga, iyo iskaashiga siyaasadda heer gobol iyo midda caalamiga ahba. Inkastoo curfiga ee xiriirka laban dal ee deris ahi uu mabaadii’ lama dhaafaan ah ku dhisanyahay, haddana mararka qaar Kenya waxay qaataa tillaabooyin xadgudub bareer ah ku ah dowladnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, ayadoo faragelinta toos ah ku samaysa arrimaha gudaha JFS. Tusaalaha muuqda ee arrintani waa sida ay Kenya ula dhaqato dowlad federaalka iyo Soomaaliland , kuwaas oo dowladda Kenya ay xariir toos ah la yeedahay mararka qaarna ay diyaarado gaar ah u soo dirto si ay daneheeda ugala xaajooto. Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Kenya waxay u bareertay inay tillaabooyin toos u wiiqaya deris wanaagga iyo jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya, ayadoo isku dayday inay badda Soomaaliya xoog ku qaato, sidoo kalena ciidamadeeda Jubbooyinka iyo Gedo ka howlgala u adeegsatay dano siyaasadeed oo xadgudub ku ah JFS. Soomaaliya waqtigaas waxay ku dadaalaysay in ay siyaasad daris wanaag kula dhaqanto dalalka soohdinta la leh, balse waxay si weyn uga dhidisay damaca Kenya ee bad-doonka iyo dhul ballaarsiga ah, ayadoo kiiskii badda maxkamadda caalamiga ah geysay, sidoo kalena guddi qeymayn ah u saartay darbi ay Xukuumadda Uhuru Kenyatta ka dhisaysay xad-beenaadka. Dowladdii madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddii Uhuru Kenyatta waxay si weyn ugu dagaalamayeeen deegaannada Jubbaland, ayadoo madaxda Kenya ay xilligaas dhawr oggolaansho la’aan ku yimaadeen Kismaayo iyo Dhoobley, islamarkaana ay si bareer ah u jabiyeen go’aamo ay soo saartay XFS. Isla muddo xilleedkaas Kenya waxay xoojisay xariirka Soomaaliland, ayadoo Uhuru Kenyatta oo qasriga madaxtooyada dalkaas si heer sare ah ugu qaabilay muuse Biixi, sidoo kalena oggolaansho siiyay furitaanka Xafiis Dublamaasiyadeed oo Soomaaliland ku yeelato Nairobi. Soomaaliland oo faragelinta Kenya ka jawaabaysa ayaa xilligaas qaaday tillaabooyin ay kamid yihiin joojinta qaadka, iyo xariirka dalkaas oo hoos loo dhigay, islamarkaana ku dhawaaday kala goosasho dublumaasiyadeed oo dhammaystiran. Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ruto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la doortay sanadkii 2022-kii ayadoo xariirka laba dal go’anyahay, sidoo kalena Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya ka yimaada, balse madaxweynuhu wuxuu fasaxay qaadkii, sidoo kalena wuxuu xariir wanaagsan iyo saaxiibtinimo u muujiyay Madaxweyne William Ruto oo isla xilligaas la doortay. Xariirka laba dal ayaa rajo weyn laga qabay inuu noqdo mid deris wanaag iyo ixtiraam ku dhisan, balse Xukuumadda Ruto waxay sanadihii la soo dhaafay qaatay tillaabooyin cad cad oo xadgudub toos ah ku Soomaaliya, waxayna xoojisay faragelinteeda Jubbaland, ayadoo sidoo kale Soomaaliya ka reebtay dalalka ay dadkooda visa la’aanta ku tagi karaan dhulkeeda. Sidoo kale Kenya waxay dhowaan war saxaafadeedyo is diiddan ka soo saartay safarka Madaxweynaha Soomaaliland, ayadoo xilli sheegtay inay aqoonsatahay midnimada Soomaaliya, xilli kale sheegtay inay joojisay xafladdii jarig jarka xaafiiska Soomaaliland, madaxweyne cirrana dhaqmayso sida hoggaamiye maamul goboleed. Inkastoo war-saxaafadeedyo arrintaas ku saabsan ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, haddana dowladda dalkaasi waxay oggolaansho buuxa oo xaafiis siyaasadeed ah siisay Soomaaliland, madaxweyne Ruto si meeqaam sare ah ayuu u qaabilay Cirro,xafladdii xarig jarka xaafiisku si heer sare ah ayay u dhacday, sidoo kalena madaxda Soomaaliland waxaa lagu casuumay xarunta Baarlamaanka Kenya. Si kastaba ha ahaatee Kenya waxay sheegtaa inay taageersan tahay midnimada Soomaaliya iyo inaysan faragelin ku hayn arrimaheeda gudaha, balse marnaba kama waantowdo ku dhiirashada tillaabooyinka dhaawacaya madax-bannaanida JFS. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Spain ayaa si adag u cambaareysay go’aanka maamulka Israa’iil ku ansixisay dhismaha 22 deegaan oo cusub oo laga hirgelinayo Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo tallaabadan ku tilmaamtay mid si cad ugu xadgudbeysa sharciga caalamiga ah, isla markaana carqaladeynaysa dadaallada nabadeed ee gobolka. Bayaan rasmiga ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Spain ayaa si qeexan u muujiyay mowqifka cad ee Madrid ka taagan tahay arrinta Falastiin, iyagoo sheegay dhismaha deegaannada cusub ee sharci darrada ah ay si toos ah u wiiqayaan suurtagalnimada xal waara oo ku saleysan labo dowladood, ayna khatar weyn ku tahay xasilloonida iyo nabadda gobolka.” Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in siyaasadda deegaamaynta ee Israa’iil ay si buuxda uga hor imanayso qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, kaasoo mamnuucaya in dowlad qabsatay dhul ay u rarato dadkeeda si ay ugu degaan dhulkaasi. Spain ayaa ku baaqday in Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso qorshayaasheeda ku aaddan balaarinta deegaamada sharci darrada ah, ayna dib ugu laabato wada-xaajood dhab ah oo la taaban karo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador Daahir Maxamuud Geelle oo ku biiray mucaaradka dowladda ayaa caawa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay sababta uu isaga casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta iyo ku biiritaantiisa Mucaaradka. “Aniga sideydaba xilka aan dowladda ka hayo hadii aana si madax-banaan u guda karin, aragteydeydana aysan tix-gelin laheyn waan iska wareejiyaa shaqada,” ayuu yiri Daahir Geelle. Wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo madaxda dowladda uu soo bilowday bishii October 2024, xiligaas oo Madaxweynaha uu ugu tegay Dhuusamareeb oo uu deganaa, kadibna uu kala taliyey qodobo markaas miiska u saaraa dowladda. “Waxaa qodobadaas kamid ahaa in la joojiyo qorshaha lagu baabi’inayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo madaxweyne ku xigeen lagu bedeli rabay, waxaan xiligaas madaxeynaha kala soo hadlay in aysan munaasab ahayn in Soomaaliya ay qaadato nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Geelle. Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in markii uu gudaha joogay oo dowladda uu ku dhex jiray uu madaxda la wasaagi jiray taladiisa, halka markii uu banaanka joogana uu lamid yahay muwaadiniinta kale ee markii ay doonaan warbaahinta u mariya talooyinkooda. Sidoo kale, Daahir Geelle ayaa la weydiiyey waxa ay ka ogyihiin wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ‘mucaaradka ku dhex-darsaday dad u soo uruuriya xogta iyo go’aanadooda ka dhanka ah’ xukunkiisa. “Anagu waan isku kalsoonahay, waxaasna ma ogin, jaajuus iyo lugooyo waxaa loo dirsadaa cadowga, marka waxaas uma baahna Madaxweynuhu, anaga aragtideena banaanka ayey taalaa wax noo qarsoona ma jiraan, war-saxaafadeed aan ku cadeyneyno waxa aan diidanahay ayaan soo saari doonaa,” ayuu yiri Daahir Geele. Daahir Geelle ayaa sheegay inay diidan yihiin wax ka bedelka aan la isla ogeyn ee dastuurka iyo doorashooyinka in loo dhigo hanaan lagu wada qanacsan yahay. Ugu dambeyntii wuxuu cadeeyey in Farmaajo aan loo diidin madasha, balse isagu uu iskiis uga haray, “Farmaajo waa madaxweyne hore, hadana raba in dib loo doorto, dadka qaar waa la saxnaa, qaarna waa la qaldanaa, marka ma jirto cid wax u diiday waa muwaadin waa imaanayaa dalkiisa waana tartamayaa,” ayuu yiri.
-
Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa geerida naxdinta leh ee ku timid aqoonyahan Cabdilqaadir Kaahin Faras oo ku geeriyooday Magaalada Burco maanta oo ay bishu tahay 30.5.25 dhamaan qoyskii iyo ehelkii iyo ummadda reer s. Lanba inuu Samir iyo iimaan ka siiyo xisaabtana u fududeeyo ilaahay haw naxariisto aamiin yaa allaah. Cabdi Bacaw Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa hogaaminayey odayaasha caawa la kulmay Muungaab. Nabadoonada, Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka hoygiisa kusoo booqday Duqa Cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay in markale loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Odayaasha ayaa kala hadlay guddoomiyaha shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horeyso in Muqdisho loo sameeyo Gole Deegaan oo soo doorta Guddoomiyaha. Ugu dambeyntii, odayaasha ayaa ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo masuuliyadda loo igmaday, iyagoo ka balan-qaaday inay la shaqeynayaan. Guddoomiye Muungaab ayaa markii labaad loo soo magacaabay gobolka Banaadir, wuxuuna ku soo aaday xilli aad loogu baahan yahay in wax laga bedelo hab-maamulka gobolka Banaadir. Muungaab ayaa bedelay Guddoomiye Maxamed Amiir oo noqday guddoomiyihii ugu muddo xileedka yaraa oo xafiiska joogay lix bilood kaliya.
-
Yesterday, Kenyan President William Ruto (right) informally received the President of the Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi. Nairobi (PP News Desk) — A day after the Kenyan Foreign Ministry issued a clarification regarding the Somaliland Administration’s Liaison Office in Nairobi, reaffirming its commitment to respecting the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, the Ministry’s official website has come under scrutiny for listing a non-existent embassy of the self-proclaimed “Republic of Somaliland.” “This contradictory position requires urgent rectification by the Kenyan government,” said a senior Somali diplomat. As a member of both the African Union and the East African Community, Kenya is obliged to respect the sovereignty and territorial integrity of fellow member states. The listing of the secessionist Somali administration’s liaison office as an embassy in Nairobi has raised serious questions about the competence of senior officials at the Foreign Ministry. Update:The Kenyan Foreign Ministry has rectified the error and removed the inaccurate designation of the Somaliland Administration Liaison Office as an “Embassy”. An investigation is reportedly under way into allegations that the website administrators may have been bribed. “No official at the Kenyan Foreign Ministry could have authorised the inclusion of the Somaliland Liaison Office in Nairobi as number 20 on the list, right next to the Embassy of the Federal Republic of Somalia,” commented a Kenyan journalist. Yesterday, Kenyan President William Ruto informally received the President of the Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi. Despite this meeting, Kenya officially considers the Somaliland Administration to be a Federal Member State of Somalia. The listing of the liaison office as an embassy on an official government platform remains both inaccurate and diplomatically problematic. © Puntland Post, 2025 The post Somalia Demands Correction After Kenya Lists Somaliland Administration Liaison Office as Embassy appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si maad ah uga fal-celiyay dib u dhaca ku yimid war-murtiyeedkii la fiyay in mucaaradka uu kasoo saaro shirka maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho. Inkasta oo markii hore warbaahinta ka howl-gasha caasimadda looga yeeray hoteel Jazeera oo ah goobta uu ku shirsanaa mucaaradka, haddana lama sii dayn war-murtiyeedka shirka, iyadoo mucaaradka uu sheegay in loo baahday la tashiyo dheeraad ah, illaa habeen dambena uu soo bixi doono bayaanka. Intaas kadib waxaa warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay muuqaalka Daahir Maxamuud Geelle oo telefishanada qaar u dhigeen war-murtiyeed kasoo baxay shirka, kaasi oo uusan ku jirin wax nuxur ah, marka laga imaado weerarka hoggaanka sare ee dalka iyo inuu baaqday war-murtiyeedkii la filayay. Fiqi oo daba socda arrinta dhacday iyo in uu hoos u degay saameyntii bayaanka mucaaradka ayaa kusoo hal qabsaday sheeko faneed, taas oo u dhigneyd sidan: Waxaa jirtay sheeko ah “in buur weyn ay bilowday inay ruxanto oo ay samayso dhawaaqyo culus iyo dildilaacyo xooggan sida in ay qarxi doonto oo kale. Dadkii aagga ka ag-dhowaa oo dhan ayaa isku soo baxay cabsi iyo welwel awgii iyagoo wadnaha farta ku haya oo sugaya waxa ka soo bixi doona buurtaas weyn. Qof walba wuxuu filayay in buurta dab xooggan ka soo bixi doono, ama balaayo kale oo naxdin leh, ama masiibo wayn ay banaanka iman doonto. Laakiin kadib ruxmid, gariir badan iyo cabsi dheer, wax walba waxa ay ku soo dhammaadeen iyadoo jiir yar oo keliya foolatay.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo “Jamhuuriyad” ugu yeertay Somaliland, oo caalamku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa soo saartay liiska rasmiga ah ee safaaradaha iyo deegaannada diblomaasiyadeed, waxaana liiskaas kasoo muuqatay Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda Somaliland”. Liiskan ayaa waxaa si siman uga soo wada muuqaanaya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda”. Dowladda Kenya ayaa sida muuqata u bareertay arrintaan, iyadoo maanta si weyn Madaxtooyadda ugu soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. William Ruto oo qaabilay Cirro ayaa waxay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka diyaaradaha. Sidoo kale waxay diirada saareen xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika . Si kastaba, Tallaabada ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa imanaysa xilli ay Xukuumaddu Nairobi u ogolaatay Somaliland inay xafiiskeeda Kenya loo dalacsiiyo heer diblomaasiyadeed oo la mid ah “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya,” taas oo ka sarreysa heerkii hore ee xafiiska, kaasoo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office). Dowladda Kenya ayaa markii hore diidday furitaanka xafiiska sabab la xiriirta darajada cusub ee loo beddelay, taasoo abuurtey dareen siyaasadeed, maadaama ay Nairobi sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Muqdisho, hase yeeshee ugu dambeyntii wey ogolaatay iyadoo uu shalay xarigga ka jaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Illaa hadda ma jirto wax fal-celin ah oo arrintaan ay ka sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dowladda Kenya ay kula kacday xad-gudubka. Waxaana isha lagu hayaa sida ay Muqdisho uga jawaabto arrintaan.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka Kenya (Speaker of the National Assembly), Mudane Moses Masika Wetangula. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo weli ku sugan dalka Kenya safar shaqo oo rasmi ah, ayaa kulan midho-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula. Kulankaasi waxa Madaxweynaha ku wehelinayey xubno sare oo ka tirsan wefdigiisa, xildhibaano labada dhinac ka socday, iyo mas’uuliyiinta sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Nairobi. Kulankan waxa uu ku dhisnaa is-ixtiraam iyo aragti-wadaag. Qodobada ugu muhiimsan ee lagaga wadahadlay waxa ka mid ahaa: 1. Iskaashiga Baarlamaanada labada dal: In la helo dariiqooyin lagu xoojin karo xidhiidhka sharci-dejinta ee Somaliland iyo Kenya, iyadoo loo marayo wadahadallo, booqashooyin rasmi ah, is-weydaarsi aqooneed, iyo iskaashi hay’adeed. 2. Kor u qaadista hannaanka dimuqraadiga ah: Labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay wadaagista khibradaha ku saabsan dhaqan-galka dimuqraadiyadda, horumarinta hannaanka doorashooyinka, iyo korjoogteynta shaqada baarlamaanada. 3. Xasilloonida Gobolka iyo Horumarka: In la adkeeyo doorka ay Goleyaasha Sharci-dejintu ku leeyihiin nabadda, amniga, iyo horumarka waara ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika. 4. Taageerada socdaalka dimuqraadiyadeed ee Somaliland: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu muujiyay farxaddiisa ku aaddan sida Kenya u fahansan tahay una garawsatay horumarka siyaasadeed iyo kan dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Somaliland. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula, ayaa dhankiisa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigiisa. Waxa uu si weyn u amaanay xasilloonida, nabadda, iyo dimuqraaddiyadda qaan-gaadhka ah ee ka hanaqaadday Somaliland. Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha u xaqiijiyey in Golaha Shacabka ee Kenya uu diyaar u yahay in uu yeesho wada-shaqayn buuxda oo dhex marta Goleyaasha Sharci-dejinta ee Somaliland. Sidoo kale, Guddoomiye Wetang’ula waxa uu caddeeyay in Golehiisu uu diyaar u yahay in uu hirgeliyo dhammaan tallaabooyinka iyo heshiisyada ay labada xukuumadood (Somaliland iyo Kenya) ku heshiiyaan. Ugu dambeyntii, labada dhinac waxay si wadajir ah u qireen muhiimadda ay leedahay in Baarlamaanadu noqdaan aalad dublomaasiyadeed oo xooggan si loo sii xoojiyo is-fahanka, loona dhiso buundooyin iskaashi oo waara oo u dhexeeya labada dal. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa xukuumadda Puntland in ay qaaddo tallaabooyin deg deg ah oo lagu wajahayo aafada Tahriibta oo dhawaanahan xargaga goosatay. “Xukuumadda Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu wajahayo aafada tahriibta, lana yimaadaan qorsheyaal xoojinaya kalsoonida dhallinyarada oo ay ugu horreyso in si caddaalad leh loo maamulo fursadaha shaqada, maalgashiga iyo mashaariicda horumarinta” ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax Barre. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray dhalinyaradii tahriibtay ee ku geeriday badda u dhexaysa Spain iyo Algeria”Murugada waxaan la qeybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay tacsidu u taallo ee ubadkoodu ay ku geeriyoodeen badda u dhaxaysa Aljeeriya iyo Spain.” “Tiirayanda tacsidan waxaa si gaar ah looga dareemayaa guri kasta oo Puntland ah, maadaama dhallinyarada badankood ay ka soo jeedeen deegaankan, taas oo muujinaysa dhibaatadu ay tahriibtu ku hayso Puntland” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax. PUNTLAND POST The post Guuleed Saalax oo baaq deg deg ah oo xakamaynta Tahriibta ku saabsan u diray Xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyay mowqifka siyaasadeed ee ay mucaaradka ku wajahayaan xaaladda haatan ka taagan dalka. Shariif ayaa sheegay in ay yihiin koox isbeddel doon ah oo aan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka dowladnimada. Wuxuu si cad u muujiyay in aanay ahayn mucaarad burbur doon ah, balse ay doonayaan isbeddel xalaal ah oo lagu gaari karo iyadoo la raacayo dastuurka dalka iyo sharciga u degsan. Shariifka ayaa sidoo kale ka hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in mucaaradku ay wadaan abaabul jabhado hubeysan oo lagu beegsanayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu marin habaabiyo aragtida dadweynaha. “Annagu xoog wax kuma beddeleyno, fikir ayaan rabnaa inaan wax ku bedelno,” ayuu yiri madaxweynihii hore. Wuxuu intaa ku daray in mucaaradku ay rabaan inay hoggaamiyaan bulsho ilbax ah oo ay horkacaan isbeddel la taaban karo oo nabadeed, iyagoo adeegsanaya dariiqa dimoqraadiyadda iyo xeerarka dalka u yaalla. Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliil xooggan u jeediyay habraaca doorashooyinka ee dowladda hadda jirta ay wado. Wuxuu tilmaamay in aan la joogin xilligii ku habboonaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay jiraan duruufo badan oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo weli taagan. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la fiiriyo waqtiga saxda ah ee lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah, iyo in laga fogaado tallaabooyin deg-deg ah oo keeni kara xasilooni darro. Shariif ayaa ugu dambeyntiina muujiyay in mucaaradku aysan ahayn caqabad hor taagan dowladnimada, balse ay yihiin dad raba in ay dhisaan nidaam caddaalad ku dhisan, isagoo ugu baaqay dowladda in ay dhegaysato dareenka mucaaradka oo lagu dhiso kalsooni siyaasadeed oo horay u socod keenta. Hadalka Shariifka ayaa kusoo beegmaya xilli habeen dambe la filayo in go’aanno muhiim ah ay kasoo baxaan shirka u socda xubnaha mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotel Jazeera. Si kastaba, shirka mucaaradka u socda ayaa la rumeysan yahay in uu saldhig u yahay mideynta mowqifyada mucaaradka iyo ka hadalka xaaladda siyaasadeed ee dalka.
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, gaar ahaan taageerada ay Talyaanigu siiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Waxaana sidoo kale laga wada hadlay kor u qaadidda tayada iyo tababarrada ciidanka, iyo qalabeyntooda si ay ugu diyaar garoobaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah. Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta muuqata ee ay ka qaadato dib-u-dhiska iyo tayeynta CXD, isagoo tilmaamay in taageeradaasi ay tahay mid laf-dhabar u ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xasilinayo dalka. Dhankiisa, General Luciano Portolano ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladdiisu uga go’an tahay sii wadidda xiriirka laba geesoodka ah iyo dardargelinta mashaariicda lagu horumarinayo awoodda difaac ee Soomaaliya, waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaalka dowladda Soomaaliyeed ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka. Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya taageera, ayadoo Xukuumadda Federaalka mashaariicda hormarinta, waxbarashada iyo arrimaha ammaanka. O Source: goobjoog.com