Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa guulo ka sheegatay howlgal ciidamadooda ay ka sameeyeen Keynta Booni oo Al Shabaabka ka dagaalamaya dalka Kenya ay ku dhuumaaleystaan. Hay’addaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in weerar ciidamadooda ka fuliyeen halkaasi ay ku dileen afar kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab, islamarkaana ay ku qabsadeen lix qori oo AK-47 ah. Saraakiisha waxay sheegeen in howlgalkaasi ay ka fuliyeen gobolada Gaarisa iyo Laamu, waxaana ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan shaqsiyaad ka baxsaday gacanta ciidamada, sida saraakiisha ay sheegeen. Agaasimaha howlgalka Keynta Booni oo Weerarka ay ka fuliyeen ciidamada dowladda Kenya Joseph Kanyiri, ayaa sidoo kale sheegay in ay rasaas badan ka furteen Al-shabaabkii la dagaalamay ciidamadooda. Wuxuu sheegay in howlgalka uu billowday markii Ciidamada AL-shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan anteeno Isgaarsiineed oo ay leedahay Sharikadda Safaricom kaddibna Ciidamada ay ku baxeen sidaasna dagaalka ku dhexmaray. Dilka afarta qof ee ka tirsan AL-shabaab ayuu sheegay in ay ku soo aadday saddex bilood kaddib markii toban ka mid ah Al-shabaab lagu dilay degaanka Taksile ee ka tirsan Lamu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Koongo-[Puntland Post]-Saddex qof oo mid kamid yahay askari ayaa ku geeryooday dalka Koongo kadib markii askari kale uu toogtay dadkaasi oo joogay goob aas ka dhacaayey , sida ay sheegeen ciidamada Booliska ee dalkaasi . Askarigan ayaa sida oo kale dhaawacay ilaa toban qof, kuwaas oo kamid ahaa dadka Aaskaasi kasoo qayb galay magaaladda Jikaaba ee gobolka Kasaay ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Ilaa hadda lama oga sababta keentay in askarigani rasaaseeyo dadkan aaska ka qayb gelaayey , iyada oo gobolka Kasaay ay qul qulatooyin ka socdeen laga soo bilaabo 2016 ilaa 2017-kii , iyada oo ay isku dhacyo ka dhacay ka dhacay gobolkaasi ay ku dhinteen saraakiil , saraakiil ciidamada amaanka ka tirsan iyo dad ay ku jiraan khubaro ajaanib ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post dalka Koongo Oo Askar Iyo Shacab Lagu Laayey appeared first on Puntland Post.
  3. Berbera-[Puntland Post]-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ayaa saaka Booqdey bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo awaamiir faray maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay. Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan..” Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. hoos ka daawo Muuqaalka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Muuse Biixi Oo Amar Faray Masuulyiinta Dekada Berbera Iyo Shirkada Dp World appeared first on Puntland Post.
  4. USA: Soomaali Sakaaro qalan oo dhiig ka daayo loo saaray Kawarka gawaadhidooda Aabe iyo cunug 14 jir ah oo uu dhalay ayay booliska gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka wax ka weydiinayaan sagaaro qalan oo dhiigeysa taas oo ay dul saareen labo ka mid ah gawaari parking gareysneyd kuwaas oo ay lahaayeen dad soomaali ah. Labadan eedeysane ee is-dhalay ayaa gaarogooda kasoo dajiyay labada sagaaro, waxaana ay dulsaareen labo gaari oo sida la rumeysan yahay bar-tilmaameed u ahaa, walow ay sheegeen in ay iska dul-saareen islamarkaana eysan ogeyn cida iskalaheyd. Waxa ay ku andocoodeen in ay doonayeen in ay “iska fogeeyaan” sagaarooyinkaasi, sidaasna ay u dul saareen gawaarida dushooda. Booliska ayaanan rumeysan sheegashada labada eedeysane, waxaana ay aaminsan yihiin in arrintan ay xiriir la leedahay “fal cunsurinimo”. Baarista ay wadaan booliska ayaa wali socota, waxaana ay dulmarayaan video muujinaya qaabka ay u fuliyeen fal-dambiyeedka. Qaran News
  5. Qorshe Cusub oo Abiy Ahmed Jabuuti La damacsan yahay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa wadda qorshe cusub oo uu doonayo in dalalka Jabuuti iyo Suudaan uu kaga mid dhigo isbadalka geeska Africa ka socdo oo Ethiopia ay hormuudka u tahay. Kulamadaasi ayaa waxaa wasiirada arrimaha dibadda ee Ethiopia iyo Jabuuti ay saxaafadda u sheegeen in Jabuuti ay la dhacsan tahay sida ay hadda wax u socdaan, waxaana horey su’aal looga keenay ka maqnaanshahooda isbaheysiga gobolka. Arrinta koowaad ee keentay inay ka maqnaadaan Shirarkii ugu dambeeyay ee seddex geesoodka ahaa ayaa waxay tahay in Jabuuti iyo Suudaan aysan isku wanaagsaneyn dalalka Imaaraatka iyo Sacuudiga oo la aamisan yahay inay door ku leeyihiin isbadalka Geeska. Siyaasadda uu doonayo Abiy Axmed ayaa ah in labada dal ee Sudan iyo Jabuuti lagu soo daro isbadalka geeska Africa ka socdo ee Ethiopia garwadeenka ka tahay, waxaana labada dowladood ay isku dhaceen dalka Imaaraatka Bishii June ee sanadkaan. Jabuuti oo ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa su’aalo badan laga keenay sababtii ay uga maqneyd kulankii Baxar Daar ku dhex maray Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sidoo kale qubarrada siyaasadda geeska la socda ayaa su’aal geliyay sababta aysan shirkan iyo isbahaysiga cusub ugu jirin Suudan. Haddii Abiy Axmed uu ku guuleysto in labada masuul ay kamid noqdaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho waxay noqon doontaa guul ay gaareen dalalka Bariga Africa, waxaana ay fariin u noqon doontaa wadamada Reer Galbeedka, Carabta iyo Shiinaha oo dano isdiidan ka leh dalalkaan isbaheysiga sameysanaya. Waxaa soo dhawaan doonto in xal laga gaaro khilaafka Jabuuti iyo Imaaraatka oo isku qabtay maalgashiga dekada Dooraale ee dalka Jabuuti. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Batroolka Jamaal Mursal ayaa shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn awood iyo Sharuucdii caalamiga ee shirkadaha Shidaalka baaritaan uga sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya. Wuxuu Jamaal Mursal dhaliilay hanaanka Shaqaalaha wasaaradda ay ku shaqeeyaan isaga oo sheegay inaysan laheyn tababar iyo aqoon ay gorgortan ku galaan islamarkaana ku galaan saxiixyada caalamiga iyaga oo ilaalinaya maslaxadda dalka. “Soomaaliya, ma lahan awood iyo shuruucdii ay shirkadaha caalamiga ahi shidaal uga qodan lahaayeen dhulkeeda, heshiis baratan ama laysan bixin ah oo Febraayo sanadka dambe la galaa, waxaa uu keenni karaa dhaawac masaalixda dalka, isla markaana ay cararaan maal-geshedayaasha” ayuu yiri xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Batroolka. Xoghayaha ayaa soo jeediyay inay wanaagsan tahay in si wanaagsan looga hadlo sharciga batroolka iyo macdanta lana turxaan bixiyo oo aan lagu dagdagin ansixinta sharcigaasi iyada oo aan dhinacyo badan laga eegin. “Iyada oo aaney jirin sharciga Canshuuraha, waa adagtahay inay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka (IOCs), ay heshiis dheer la galaan Soomaaliya” waxaa yiri Mursal. Waxyaabaha uu jeediyey Jamaal Mursal waxaa ka mid ah “ In dhammaan sharciyadii hore dib loogu noqdo, loona qabto khubaro aqoon leh oo Soomaali iyo Ajaanib ah, in la sameeyo hey’adda Somali Petroleum Authority(SPA), oo welina hey’addan (SPA) la waafajiyo sharciga canshuurka iyo midka Batroolka iyo Macdanta. Wuxuu soo jeediyay in la dhiso golaha maamulka Kheyraadka dalka, taasi oo wax badan oo wanaagsan ka shaqeyn doonto. “7bada Febraayo, waxaan London ku qaban-doonnaa xaflad laysanka lagu siinayo shirkadaha caalamiga ah, waxaana la bixin-doonaa 206 Baloog”, isaga oo intaasi raaciyey in inta xilligaas wixii ka horeeya ay diyaarin-doonaan wixii sharci ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  7. London oo lagu arkay taallo lagu muunaynayo Sadaam Xuseen Sadaam Xuseen Dadka degan xaafad ku taal London ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in xaafadooda laga taago qoraal xusuus ah oo lagu xusayo madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen. Qoraalkaas xuska ah oo ku xardhan bir naxaas ah ayaa laga taagay mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee xaafadda Winstead ee duleedka London. Waana “qoraal lagu muujinayo kalgacal loo qabo Sadaam Xuseen” kaas oo lagu muujiyey taariikhdii uu dhashay ee 1937 iyo taariikhdii la dilay ee 2006. Qoraalkaa xuska ah ee halkaa laga taagay ee lagu muunaynayo keligii taliyihii hore ee Ciraaq waxa uu ka cadhaysiiyey dad badan oo ka mid ah kuwa xaafadaa degan. Wargeyska The Independent ayaa soo xigtay haweenay 38 jir ah oo halkaa ku nool in ay tidhi “run ahaantii aad baan u argagaxay. Hooyaday oo na soo booqatay baan la socday markaas uun baan isha ku dhuftay qoraalkaas, run ahaantii aad baan u dhibsaday, waxaanan isku dayey bal inaan hubsado in waxaan arkayaa dhab yahay iyo in kale”. Waxaanay hadalka ku dartay “waxaan is idhi malaha maaha waxaad mooday laakiin waxa aan aad uga cadhooday waa markaan hubsaday inuu yahay xaqiiq. Waxaan aaminsanahay in noloshii qof waxaas oo dhibaato ah baday dadka kalgacal loo muujiyaa in ay tahay arin fool xun. Hadii se ay maadaysi tahay xataa maaha wax lagu qosli karo”. Wargeyska The Sun ayaa isaguna af-hayeen u hadlay degmada Redbridge ka soo xigatay in uu yidhi “cidna ruqsad umaanu siinin in ay qoraalkaa taagaan, imikana waaba la fujiyey”. Sadaam Xuseen oo Ciraaq xukumayey in ka badan 30 sanadood waxa xukunka laga tuuray markii Maraykanku ku duulay dalkaas sanadkii 2003. Waxaana la dilay 2006 ka dib markii maamulka Ciraaq ku helay in uu geystay “dambiyo aadamaha laga galay”. Ilaa haatan lama oga in qoraalkaa goobta laga taagay ahaa mid loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo iyo in ay ahayd mid uu si badheedha u taagay qof ka mid ah dadkii jeclaa madaxweynihii hore ee Ciraaq. Qaran News
  8. Somaliland: Any Postponement of Parliamentary & Local Elections Is Unacceptable The Somaliland National Elections Commission (NEC) has no justification whatsoever in postponing the upcoming parliamentary and local elections scheduled for March 2019. These elections has already been postponed and the current parliament which has sat for more a decade has no mandate to keep sitting. There is no reason to postpone these elections. The NEC has had more than one year since the last presidential elections to get ready. They have been given funds and technical resources. Unless, the members of the NEC wish to continue to earn their salary and continue to try and enrich themselves, then they have no other reason for any postponement. There is no drought to be used as an excuse. The issues in Sool can and will be resolved. So, what other reason is there for any postponement? If the NEC postpones the forthcoming elections, then they should be disbanded and a new commission elected. Somalilanders are sick and tired of delays and attempts to stifle the democratic process. One would imagine, a commission already stained with a failure to conduct a presidential contest that was free for ambiguity and accusations of malfeasance cannot afford to bring more doubts upon itself. There are countless talented Somalilanders willing and able to do the work of the a new commission. No more delays. Hold elections and may be best platform prevail. Qaran News
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo tuhun badan dhalisay kaddib markii ay sameysatay ciidamo boolis ah oo ilaaliya xeebeheeda. Kenya hore uma lahayn boolis badeed, hase ahaatee waxa ay hadda tallabadaas u qaaday sidii ay fursad ugu heli lahayd ciidamadeena badda ee Militariga ah si ay uga difaacaan weeraro iyo qatar badda ka soo wajahda mustaqbalka. Rashiid Cabdi ayaa ku qoray boggiisa Twitter-ka sidan “Kenya tallaabo muhiim ah ayey u qaaday in ay xududeheeda biyaha ilaaliso kaddib markii ay sameysatay ilaalo cusub oo badda ah. Meelaha ay diiradda saareyso waxaa ka mid ah kalluumeysiga sharci daradda ah iyo wasakhda badda lagu soo shubo. “Tani waxa ay u fasaxeysaa ciidamadda Badda ee Kenya in ay diiradda saaraan ammaanka iyo cabsi mustaqlka Militari ahaan ku soo wajahda, sidaas waxaa ii sheegay ilo wareed.” Tallaabadan Kenya qaaday ayaa imaaneysa iyada oo ay jirto muran dhinac badda ah oo dalkeena Soomaaliya kala dhaxeeya. Kiiskaan waxa uu yaal maxkmadda cadaaladda ee aduunka walina go’aan kama dambeys ah lagama gaarin. Kiiska badda ee muran dhaliyey waxaa hore u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa xukumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa wadda qorshe cusub oo uu doonayo in dalalka Jabuuti iyo Suudaan uu kaga mid dhigo isbadalka geeska Africa ka socdo oo Ethiopia ay hormuudka u tahay. Kulamadaasi ayaa waxaa wasiirada arrimaha dibadda ee Ethiopia iyo Jabuuti ay saxaafadda u sheegeen in Jabuuti ay la dhacsan tahay sida ay hadda wax u socdaan, waxaana horey su’aal looga keenay ka maqnaanshahooda isbaheysiga gobolka. Arrinta koowaad ee keentay inay ka maqnaadaan Shirarkii ugu dambeeyay ee seddex geesoodka ahaa ayaa waxay tahay in Jabuuti iyo Suudaan aysan isku wanaagsaneyn dalalka Imaaraatka iyo Sacuudiga oo la aamisan yahay inay door ku leeyihiin isbadalka Geeska. Siyaasadda uu doonayo Abiy Axmed ayaa ah in labada dal ee Sudan iyo Jabuuti lagu soo daro isbadalka geeska Africa ka socdo ee Ethiopia garwadeenka ka tahay, waxaana labada dowladood ay isku dhaceen dalka Imaaraatka Bishii June ee sanadkaan. Jabuuti oo ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa su’aalo badan laga keenay sababtii ay uga maqneyd kulankii Baxar Daar ku dhex maray Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sidoo kale qubarrada siyaasadda geeska la socda ayaa su’aal geliyay sababta aysan shirkan iyo isbahaysiga cusub ugu jirin Suudan. Haddii Abiy Axmed uu ku guuleysto in labada masuul ay kamid noqdaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho waxay noqon doontaa guul ay gaareen dalalka Bariga Africa, waxaana ay fariin u noqon doontaa wadamada Reer Galbeedka, Carabta iyo Shiinaha oo dano isdiidan ka leh dalalkaan isbaheysiga sameysanaya. Waxaa soo dhawaan doonto in xal laga gaaro khilaafka Jabuuti iyo Imaaraatka oo isku qabtay maalgashiga dekada Dooraale ee dalka Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan Jabhadda oo saldhigooda ahaa dalka Eritrea inay dib ugu laaban doonaan dalka Ethiopia. Afhayeenka Ururka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge, ayaa shaaciyay in todobaadkaan ciidamadan oo saldhig ku lahaa dalka Eritrea inay dib ugu laaban doonaan Ethiopia, kadib heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda. Wuxuu Afhayeenka sheegay in ciidamadaasi ay ku laaban doonaan magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaalida, iyaga oo halkaasi fariisin ka sameysan doono, sida qorshaha uu yahay. Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in colaadii dhawaan ka dhacday magaalada Mooyaale inay kala hadleen dowladda Ethiopia iyo maamulka Oromada ee ka arimiya magaalada. Isfahamka Dowladdaha Eritrea iyo Ethiopia, iyo heshiisyadii ONLF iyo Ethiopia ayaa fududeeyay inay ONLF laga saaro liixka ururada Argagixisada, waxaana arintaasi ka shaqeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr Abiy Axmed. Ciidamo badan oo ONLF ka tirsan ayaa wali ku jira deegaanada miyiga fog ee dhulka Soomaalida, waxaana iyagana la filayaa inay heshiisyada qeyb ka noqdaan oo dadkooda ay la noolaadaan. Hoos ka dhageyso Hirmooge https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/ONLF.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku weerarayo ganacsatada Soomaaliyeed. Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa ahaa mid is barbardhig ah oo uu ku sameeyey ganacsadaha weyn ee Mareykanka, Michael Bloomberg kaas oo deeq lacageed siiyey Jaamacaddii uu dhigan jiray isaga oo sabool ah. Hoos Ka Aqri Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Ganacsadaha Reer Maraykan Michael Bloomberg ayaa saakay deeq lacageed oo $1.8b ( Hal Bilyan iyo Sideen Boqol oo kun oo doolar) ugu deeqay Jaamacadii uu ardayga ka ahaan jiray ee Johns Hopkins. Bloomberg wuxuu sababta uu intaa oo lacag ah u bixiyey ku sheegay maqaal uu ku daabacay Wargaysa the New York Times. Wuxuu yiri ma doonayo in dhalinta dakhligoodu hooseeyo ay dhaqaale la’aan waxbarashada uga haraan. Wuxuu sheegay in Aabihii uu dakhligiisa hooseeyey uu awoodi waayey in uu Jaamacada ka bixiyo, laakiin fursad loo siiyey in uu dayn ku dhigto, kana shaqeeyo hoyga ardayda. Wuxuu kaloo sheegay in deeqdii ugu horaysay ee uu Jaamacada siiyo uu bixiyey sanad ka dib qalin jebentiisii, taasoo dhanayd $5 (shan doolar). Waxaan is waydiiyey maxay Ganacsata Soomaaliyeed u ogol yihiin in ay danta guud ku bixiyaan, gaar ahaan kobcinta cilmiga iyo aqoonta? Mise in ay dadka ka macaashaan oo aysan dib wax ugu celin ayey doonayaan. Waxaan ka warqabaa in Jaamacadaha dalka ugu waawayn qaarkood ay ku tiirsan yihiin deeq dad ajnabi ah laga soo ururiyey.” Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku xusay in ganacsata tahay kuwo macaash uun raadiya balse aan ka fekerin danaha dadweynaha. Taas, waxaa mar loo fasiran karaa in uu meel uga wada dhacay ganacsatada oo la’ogyahay in qaar ka mid ah in ay door weyn ka qaataan caawinta iyo wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed. Hase ahaatee, waxaa dhinaca kale qoraalka siyaasiga loo fasiri karaa mid waano dadban ah oo uu ugu hogo tusaaleenayo tallaabada ganacsadaha Michael Bloomberg ee dareemay in ay jiraan arday ku sugan xaaladdiisii oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir ayaa marar badan dalbaday in lagu wareejiyo xaqiijinta amanka magaalada Muqdisho, iyadoo markii dambe la sheegay in amaanka la hoos geeyay maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaa kordhay dilalka Al-Shabaab ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyadoo aysan jirin wali guddoomiye degmo oo wax laga weydiiyay dilka degmadiisa ka dhacday, waxaana jira mashaariic gobolka Banaadir uu ku bixiyo xaqiijinta amaanka. Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Yariisow waxay ku doodeen in dilalka qorsheysan kaliya aysan ka dhicin magaalada Muqdisho oo caalamka oo dhan ay ka dhacdo, taasina aysan aheyn mid niyad jibin doonta. Waxaa muuqata is dhigasho badan oo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir ah, tan iyo markii la sheegay in guddoomiyaasha degmooyinka lagala xisaabtami doono amaanka magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ku mashquulsan ka qeyb galka xaflado ka dhacaya dalka dibadiisa iyo qancinta xildhibanada iyo madaxda shaqaalaha u keensada, isaga oo aan si dhab ah ula xisaabtamin guddoomiyaasha gobolka. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuusan laheyn awood buuxda, taasina ay keeneyso inuu ka aamuso falalka qaar ee ka dhaca magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. INAA LILAAHU WA INAA ILEYHI RAAJICIIN GEERIDU WAA XAQ Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Isniin 19.11.2019 ku geeriyootay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Marxuumad Hilaalo Cabdi Adan – Dareefe. Geeridaa naxdinta leh ee ku timid marxuumada awgeed,waxaa halkan tacsi ka diraya. Aabe Cabdulaahi Xaashi Lugey Hooyo Aamino Cali Guure iyo dhamaan Qoyska reer Cabdullaahi Xaashi, sidoo kale Aabe Xuseen Sheekh Maxamed-Bashiir iyo dhamaan Qoyska reer Xuseen Daaniye waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Cabdi Adan Dareefe,Awlaadi marxuumada ee ilma Aden Cabdalle,Ehelkii iyo Asxaabtii ay marxuumadu ka baxday in Ilaahay Samir iyo Iimaan ku siiyo. Marxuumadana waxay Allaah uga baryayaan inuu Rabi naxariis iyo Dembi dhaaf siiyo. Source
  15. Isma Hurtooy Isu Hambee: Cabdiraxmaan Cadami Somaliland waxay dib mar kale u hantiday madax bannaanidii iyo xorriyaddii ay lumisay 1960, waxay se ugu kacday qiime aad u sareeya iyo nabarro saamayn ku yeelan doona noloshooda sanado badan, sidaas oo ay tahay Somaliland wali lagama hadhin. Xukumadda Soomaaliya, Ururo iyo dawlado la xulufo ah dhammaantood waxay ku foogan yihiin sidii loo mijo xaabin lahaa JSL iyaga oo adeegsanaya xeelado iyo midabo badan. Madaxda Soomaaliya halkii ay ku mashquuli lahaayeen dhismaha nidaam dawladeed oo shaqaynaya iyo sidii ay uga xoroobi lahaayeen ciidamada shisheeyaha ah ee dusha ka haysta wuxu wakhtigu kaga lumay la dagaallanka Somaliland, maalmahan waxay xoogga saareen kala qaybinta bulshada reer Somaliland waxay ku soo abaabuleen colaado la soo dhex mariyay Puntland waxay dhinac wadaan olole diblamaasiyadeed oo ka dhan ah danaha Somaliland iyo in laga faquuqo beesha caalamka laakiin, waa wax aan dhici Karin in Somaliland lagu muquuniyo midnimo iyo fikradda Soomaali weyn oo bari hore dhimatay oo ah riyo laga soo toosay dibna loo arki doonin. Si kastaba ha ahaatee Somaliland oo boqolaal sanadood la soo dhisayay waxa lagu dumiyay maalmo yar gudahood si dib loogu dhisana waxay qaadan doonta wakhti aad u dheer iyo hawl adag oo u baahan in loo dhibar adaygo, sidaa daraadeed marba marka ka dambeeya waxa sii yaraanaya samirka, waxa hoos u dhaca ‘momentum-ka bulshadu wax ku wadday, waxa bata in hawsha la isku hiifo iyo in dhalliisha la isku riixriixo, canaanta xooggeeda waxa dusha loo saara hadba kuwa talada haya. Runtii duruufaha dalka soo maray iyo kuwa haddaba jira qaarkood way ka awood badan yihiin dhammaantood xukumaddii dalka ka soo taliyay laakiin, shicibku wuxuu dareemaya in arrimaha qaarkood madaxdoodu hagratay oo wax badan oo la qaban karayay lahaa laga gaabiyay, sidaas awgeed bulshadu waxay u siman tahay wixii inaga baaqday ama dib u dhacay sababtoo ah dhammaanteen waxaynu wada saaran nahay dooni qudha. Saluugga iyo cabashada dadweynuhu ma aha wax la soo koobi karo hadddana dadka qaar kama rajo xuma mustaqbalka iyo in wax kastaba hagaagi doono barrito ka maalin, hase ahaatee waxa jira qaybo kale oo u nuglaaday ama xammili kari waayay dhibaatada nolosha ka haysata iyo markii ay hore u arki waayeen guulihii ay filayeen in si degdeg ah loo gaadhi doono oo ku xallila in ay sameeyaan dhibaato ka culus wixii ay ka cabanayeen, niyad xumida shicibka iyo in ay mustaqbalka ka werweraan waxa ku sii shida siyaasiyiin aan bislayn (immature or second class politicians) oo siyaasadda u yaqaana kala qaybinta bulshada. Akhrista bal dhugo sheekadan oo dadka qaar ku dhacaan marka caqligu ka lumo: Xayn jiir ah(Tiro) ayaa waxay ku noolaayeen aqal, ninkii aqalka lahaa markii uu habeenkii ka seexan kari waayay sanqadhii ama u adkaysan waayay dhibaatooyinkiisii kale ayuu gurigii dab qabad siiyay si uu jiirka u laayo, dabcan jiirkii wuu dhintay laakiin, gurigii sidii uu u dhammaa wuu gubtay iyo waliba wixii hoos yaallay (We must not burn down the house to kill the rats). Sheekadu waxay inagu baraarujinaysa haddii aad neceb tahay ama aanad ku qanacsanayn hoggaaminta madaxweynaha marka talada haya mucaaradadaadu yaanay kula gaadhin heer dhaawici kara Qarannimada iyo dawladnimadii aad ku soo tacabtay ee aad naftaada iyo maalkagaba u soo hurtay. Dalkan waxa lagu xoreeyay wada jir, Qarankan waxa lagu yabyabay oo lagu dhisay wada jir, waxa lagu difaaci kara wada jir, xooggeenu waa midnimadeena sina uma kala maarantan sidaas daraadeed waa in laga ilaaliya tafaraaruqa iyo wax kasta oo wiiqi kara wada jirka umadda. Isma Hurtooy isu hambee. W/Q Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  16. Wafti ka socda wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland oo maalmahan shirar aqoon kororsi ah oo ku saabsan kor u qaadista hannaanka qiimaynta iyo kormeerrada uga socdeen waddanka kenya ayaa socdaalkoodi soo gunaanadey. Waftiga ayaa magaaalda Mombasa ee waddanka Kenya uga qayb galay kulan loogu magacdaray toddobaadka Qiimaynta iyo Kormeerada ee waddamada Afrika, iyadoona shirka laysku weydaarsadey aqoon kororsi la xiriira hannaanada qiimaynta iyo kormeerrada ee ay ku shaqeeyaan waddamada Afrika. Waftiga ka socdey Wasaarada qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa xoogga saarayey sidii ay cilmi iyo aqoon dheeraad ah uga kororsan lahaayeen muddada uu socdo kulankaani maadaama ay shirarka kasoo qayb galay waddamo badan oo horumar iyo dawladnimo xoogli kajirto. Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa ku hawlan sidii ay shaqaaleheeda uga dhigi lahayd kuwo ay sarrayso tayada aqoontooda iyo waayo aragnimadooduba maadama oy wasaaraddu mas’uul ka tahay hannaanka jaangoynta qorsheyaasha guud ee Puntland. The post Wafti ka socda Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo Kenya Shir ugu soo xirmay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay maamulka Gobolka Banaadir, oo lagu la’yahay malaayiin dollar. Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda maamulka gobolka bilihii Janaayo ilaa Juun ee sanadkan, ayada lacag badan oo baxday aan la ogeyn halka ay aaday. Warbixinta ayaa xustay inaysan maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaamiye Yariisow aan laga hayn wax caddeymo ah oo muujinaya halka ay ku baxday malaayiin dollar oo dakhligii soo galay ka mid ah Waxaa kale oo cajiib ah in warbixinta ay xustay in ay jiraan ha’yado iyo shakhsiyaad ka baxsan dowlada hoose oo si joogta ah lacag uga qaata dowladda hoose, ayada oo aynan jirin wax heshiis qoran ama shaqo ah, oo ay u hayaan maamulka gobalka ama dowladda hoose. Hoos ka aqriso qoraalka baarlamanka.
  18. Germany has imposed European travel bans on 18 Saudi nationals believed to be connected to the killing of the Saudi journalist Jamal Khashoggi, the country’s foreign minister said on Monday. Heiko Maas told reporters in Brussels the ban was for the 26-nation Schengen zone and was issued in close coordination with France, which is part of the Schengen area, and the UK, which is not. “As before, there are more questions than answers in this case, with the crime itself and who is behind it,” Maas said. The 18 Saudis were “allegedly connected to this crime”, Maas added, but he gave no further information. In Berlin his office said it could not release the names due to German privacy protections. Khashoggi, a columnist for the Washington Post who had been critical of the Saudi royal family, disappeared after entering the Saudi consulate in Istanbul on 2 October. Riyadh had offered contradictory explanations for his disappearance, before saying Khashoggi was killed after “negotiations” to convince him to return to Saudi Arabia failed. In an address to an advisory body on Monday – his first public comment since Khashoggi’s murder – King Salman made no direct mention of the crisis, though he lauded the country’s judiciary and public prosecutors for carrying out their duty in the service of justice. US intelligence agencies have concluded that Salman’s son, the powerful Saudi crown prince, Mohammed bin Salman, ordered the killing, which has put the Trump administration – close allies of the Saudis – in a difficult situation. On Saturday, Trump said his administration would “be having a very full report [on Khashoggi’s death] over the next two days, probably Monday or Tuesday”. He said the report would include “who did it”. It was unclear whether the report would be made public. In an interview with Fox News broadcast on Sunday, Trump noted that Prince Mohammed had repeatedly denied being involved in the killing. “Will anybody really know?” Trump asked. “At the same time, we do have an ally, and I want to stick with an ally that in many ways has been very good.” Senator Roy Blunt of Missouri, a Republican member of the Senate intelligence committee, said that so far, there was no “smoking gun” linking the crown prince to the killing. Blunt, who has received a confidential intelligence briefing on the matter, told ABC it was “hard to imagine” that the crown prince did not know about the killing, but he said: “I don’t know that we absolutely know that yet.” He said that Congress would await the Trump administration’s report in the next two days and that the US would need to be clear about the ramifications of sanctions, given Saudi Arabia’s strategic role in the Middle East. The guardian Qaran News
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-Wararka-191118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muuse Biixi wuxuu madaxweyne yahay sannad, muddadaa uu dalka hoggaaminaayay horumar iyo waxqabad la xisaabsho oo kordhay ma jiraan. Waxa weli taagan xanaftii kala fogaanshihii doorashada laga dhaxlay oo aan laga soo noqon. Sannadkaasi wuxuu innagaga lumay macno la’aan waxaanu ka go’anyahay dalkeenna. Waxa weli taagan car iyo wir loo baahnaa in laga gudbo oo ay ahayd in laga kabto kol hore. Hoggaaminta Muuse mid cusub maaha, muuse waa muusaha aynu naqaannay oo soo dhalan maayo, adkaanta, talo qaadasho la’aanta iyo hoggaaminta liidataa waatiisi dabiciga ahayd. Ma aha nin ku habboon in uu hoggaamiyo dalkan yar ee faqiirka ah ee u baahan horumarka iyo kabashada dawladnimo. Sida uu wax u wadanaa waa dabciga jabhadnimada. Mucaaridka xanuujinkara waxana hagaajin kara ee Muuse la xisaabtami karaa waa mid Xisbi oo xooggan, mid qabiil ama qolo maaha. Markasta oo ay xooganaato diidmada reereed ee Muuse Biixi wuxuu helayaa fursad uu wax kusii walaaqo is kagana hor keeno ummadda. Markase mucaaridadda xisbiyada la awoodeeyo ee la abaabulaa waa marka uu runta xaqiiqsan doono Muuse Biixi. Dalka deegaankasta xilbaa ka saaran, waxa jira wax ka weyn doorashada oo dadkan mideeya ahna dal iyo deegaan aan guurahayn. Waxa lama huraan ah in loo guntado walaalaynta ummadda oo lasoo cesho Somaliland-nimadii dhuuxa lahayd ee jirtay sannado ka hor. Isnacaa jira sababtiisu waa hoggaamin xumada Kulmiye talada ku hagaayay sannadada. Muuse Biixi waa qabiili reernimada ku macaashayay sannado badan, madaxweyne ilbaxa oo duni iyo dumqraadiyad ku indho furtayna maaha waa nin weli aaminsan dhaqankii miyiga. Fursadda keliya ee uu haystaa waa taa reernimada ee maanta taagan, markasta oo reernimo lagaga horyimaadana waa marka ay ugu wacantahay Xisaabtu, marka ayse ku jiq tahay waa marka Xisbiyo mucaarid ka hor yimaadan! Source
  21. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayay ficiladiisu la yaab bulshadu ka mujiyeen, wixii uu shalay ceebta u arkaayay ayuu maanta xalaal u arkaa. Bal Nala daawo hadaladiisi shalay iyo siduu maanta u dhaqmaayo. Source
  22. (SLT-Laascaanood)-Boqorka Beelaha Daarood Oo Gaadhay Deeganka Dhumay Ee Koonfurta Sool, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Faarax Macallin ayaa barta Twitter-ka si adag isaga difaacay eed in muddo ah loo haystay oo ahayd “Kismaayo Xamar laga xukumi maayo!” Hadalkaas Faarax Macallin suuqa u galay ayaa yimi xilligii ay dowladdii Xassan Shikeh Maxamuud dagaalka siyaasadeed kula jirtay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe oo isagu ugu dambeystii guuleystay. Lix sano kaddib, Faarax Macallin oo dowladdiisa ku eedeynaya qaladaad diblomaasiyadeed oo ay gobolka Geeska Africa ka gashay ayaa waxaa inta qoraalkiisa Twitter-ka ee arrintaas bulshada la wadaay si carro leh dhacdii “Kismaayo lagama Xukumi doono Xamar” ku karbaashay adeegsade Twitter oo uu akoonkiisa yahay Fouwzi A. Osman. Muxuu ahaa qoraalkii Twitter-ka ee uu eeday Faarax Macallin kahor inta uusan is difaacin? “Tobankii sano ee tegay waxaan ka baryayey dowladeyda in ay dhex dhexaad ka ahaato arrimaha u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo Somalia. Waxaan in badan adkeeyey in niyad wanaagga Eritrea laga abaal naqo. Muruge se, Kenya iyo Somalia waxaa loo adeegsaday in lagu cambaareeyo Eritrea iyo cunaqabateyno la saaro! Hadda ciyaar ka daba tag ah ayaan dheeleynaa! Adeegsade Twitter Fouwzi A. Osman oo Share gareyey qoraalka siyaasi Faarax Macallin muxuu ku sii dul qoray? Baro waxa aad ku wacdiso. Miyaadan la maqsuudsaneyn Farah Macalinow waxa aad sida ceebta ah u tiri “Kismaayo Xamar laga xukumi mayo” markii ay soo weerareen Raaskambooni oo taageerada ka heleysay dowladda aad jeceshay ee Kenya oo aad kor iyo hoosba faraxad ula bood boodeysay? Faarax Macallin Oo Jawaabay eeddaas ayaa yiri? “Taas dhabtii waa been cad. Soo qaado codkii saxda ahaa haddii aad runta dooneyso. Kuwiina aad runta xiiseeneyn orda oo abuura muuqaaladeena la jar jaray ee codadka la saaray ee qashinka ah. Ugu dambeyn Mar walba runta ayaa ka guuleysata beenta.” Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  24. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa shaacisay in maalinta berri ay shaqaalaha rayidka ahi shaqada fasax ka noqon doonaan xuska maalinta dhalashadda nebiga awgeed. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqo-galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxaanu u qornaa sidan:- “Dhammaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagu wargalinayaa in ay berri oo taariikhdu tahay 20-11-2018 oo ku beegan 12.Rabiicul awal 1440 ay tahay fasax qaran, taas oo ah dhalashada Nabiga Awgeed(NNKA) sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer NO31/2004 ee Somaliland. Sidaas awgeed, waxaaNnu shaqaalaha rayidka ah Ilaahay uga baryeynaa in sannadka sannadkiisa bash-bash, barwaaqo, caafimaad iyo horumar Ilaahay ku gaadhsiiy Source
  25. (SLT-Hargeysa)-Guddigii culimada ahaa ee nabadaynta Ceel-afweyn ayaa waxa ay goor dhawayd gaadheen magaalada Ceel-afweyn, sidoo kale ergooyinka beelaha ayaa iyaga la filayaan inay soo gaadhaan deegaanka. Guddiga nabadaynta Ceel-afweyn ayaa in muddo ah u xanibnaa dhaqaale la’aan sida uu sheegay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan ka qayb-qaatay Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Somaliland ku sugan tahay ayaa waxa uu yidhi “illaa maanta guddigii culimada waxa ay la bixi laadahay dhaqaale la’aan, balaayo afka laga dhawro, in ummad dhan nabad-galyadooda dadkii ka shaqaynayay ay dhaqaale la’aan u bixi waayaan waa ayaan-darro meesha taalla” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan. Guddigan ayaa galabta gaadhay degmada Ceel-afweyn ayaa la filayaa inay toos u bilaabaan hawlihii qabyada ahaa iyo inay dadkii u kala xaqaan Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan Source